telesom newsletter issue 16 mar 2013
Post on 08-Feb-2018
284 Views
Preview:
TRANSCRIPT
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
1/35
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
2/35
3
4
8
9
10
11
12
13
16
17
20
23
26
28
31
Weedha Tafatiraha..............................................
Xafladii Abaal-Marinta Shaqaalaha Telesom.....
Shirkadda Telesom Oo Casho Sharaf USamaysay Boodhka Cusub Ee Sonyo.................
Maal-Galintii Dhakhaatiirta Qaliimo Kala
Duwan Ka Fulisay Dhakhtarka Hargeysa...........
Telesom oo ka qaybgashay Shirar Caalami ah
Xarunta Telesom Ee Gabilay Oo Olole
Nadaafadeed Ka Fulisay Gabilay........................
Shirkadda Telesom Oo Adeegyo Cusub
Soo Bandhigtay Sanadka 2013...........................
Astaamaha Cudurka Macaanka Lagu Garto......
Baro Mid Kamida Shaqaalaha Telesom..............
Tababaro Kala Duwa Oo Xafiiska
Shaqada Iyo Shaqaalaha Qabtay.......................
Maxaad Ka Taqaanaa Adeega Dhambaal...........
Faaiidooyinka Caafimaad ee Timirta................
Xalaal Quute Qaybtii 2-aad.................................
Moobaylkii Ugu Layaabka Badnaa...................
Adeega ZAAD IVR Iyo Dadka
Araga Naafada Ka Ah..........................................
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
3/35
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
4/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
4
Hargeysa [Telesom Newsletter 28 Feb, 2013] Shirkadda Isgaadhiinta Telesom, ayaa abaal-marin guddoonsiisay shaqaalaha shirkadda ee sida
hawl-karnimada ah u soo shaqeeyey sannadkii2012. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ooka dhacday Huteel Ambaasador, ayaa loogu magac-daray; Munaasibada 10-aad ee Abaal-marintaShaqaalaha Shirkadda Telesom ee Sannadka 2012,waxana ka qayb-galay qaar ka mid ah GolahaWasiirrada, Golaha Baarlamaanka, Aqoon-yahanno,Culumoawdiin, Salaadiin, ganacsato, masuuliyiintasarsare & shaqaalaha Shirkadda Telesom iyomarti shara kale oo badan.
Dhan kale, waxa iyana xaflado la mid ah tancaasimadda Hargeysa ka socotay ay ka dhacayeen
d h a m m a a nlixda gobol eedalka, iyada oola adeegsanayoadeegga casrigaah ee Maqal iyoMuuqaal (VideoC o n e r e n c i n g
system) oosi toos ah ut e b i n a y a y
munaasibadahaasi. Magaalo madaxyadaGobolada ee sida tooska ah khadka ugu jiraywaxa ka mid ahaa: Hargeysa, Togdheer, Saaxil,Awdal iyo Laascaanood.
Agaasimaha Qaybta Maamulka Mudane FaaraxSugaal Guure oo ugu horreyn mahad-naq iyo
salaan u soo jeediyey dhammaan marti-sharaiikala duwanayd ee ka soo qayb galay xafladdaas,waxaanu sheegay in ujeedada xaflada inaytahay, xaflad sannadle ah oo lagu abaal-mariyoshaqaalaha Shirkadda Telesom, isaga ootilmaamay hanaanka shirkadu u shaqalaysiisoshaqaalaha cusub.
Faarax Sugaal Guure, waxa uu xusay in ShirkaddaTelesom ay ka mamnuuc tahay xigtaysi, nin jeclaysi,kooxaysi iyo Qabyaaladaysi, isaga oo caddeeyey inShirkadda ay ka shaqeeyaan shaqaale kala duwanoo nooc kasta oo bulshada ka mid ahi ay ka midyihiin, waxanu si gaar ah u tilmaamay in ay mudnaan
gaar ah siin doontosannadkan dadkanaaada ah.
G u d d o o m i y a h aS h i r k a d d aTelesom MudaneC a b d i k a r i i nMaxamed Iid oo isaguna ka hadlay munaasibaddaas,ayaa mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey martisharaii kala duwanayd ee ka soo qayb galay
xafladda Abaal-marinta shaqaalaha ShirkaddaTelesom, waxa uu hambalyo gaar ah u dirayshaqaale-weynaha Shirkadda Telesom ee ku kalasugan dhammaan gobollada dalka.
Shaqaaluhu waa la-dhabarta shirkadda, shaqaalahaayaa ah kuwa aaiidada usoo saara shirkadda,
Faarax SugaalAgaasimaha Maamulka
C.karim Maxamed IidGudoomiyaha Telesom
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
5/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
5
shaqaalaha ayaa ah kuwa magaca iyo sharaa u soohooyey shirkadda. Sidaa waxa yidhi GuddoomiyahaShirkadda Telesom.
Gudoomiye Cabdikariim Maxamed Iid wuxutilmamay in hadafa shiraddu yahay raali galintamacaamiisha, sidoo kalena ay Shirkadu sannadkastaay keento adeegyo cusub, taas oo ay ujeeddadu tahayin la dabboolo baahiya macaamiisha. GudoomiyeCabdikariim ayaa sheegay in Telesom Somaliland ayka mid noqotay 14-ka shirkadood ee adduunka ugu
horreeya adeegsiga Moobilkalacagaha loo isticmaalo.
Suldaan Cismaan Cali iyo AbwaanMaxamed Ibraahin Hadraawiayaa khadka tooska ah ee videoConerence ka soo galay xarunta
Shirkada Telesom ee magaaladaBurco, waxay hambalyo, salaaniyo guubaanin u soo jeediyeenummadda reer Somaliland, gaarahaana shaqaalaha ShirkadaTelesom, waxaanay Shirkaddaku amaaneen dhiiri-galintaay shaqaalaheeda u samaysosannadkasta.
Dhanka kale, waxa xafladaAbaal-marinta ee shaqaalahaTelesom ka hadlay masuuliyiin ayka mid ahaayeen: Gudoomiyaha
Baarlamaanka SomalilandMudane Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi(Cirro), WasiirkaQorshaynta QarankaSacad Cali Shire,Wasiirka Diinta iyoAwqaaa SheekhKhaliil CabdillaahiAxmed, Wasiirka
Ganacsiga CabdirisaaqKhalii Axmed,G u d d o o m i y a h a
Rugta GanacsigaM a x a m e dShugri, Culimo-
a w d i i n ,S a l a a d i i n ,bulshada rayidkaoo ay ka mida h a a y e e n ,Sheekh AadanM a x a m u u d
Xiiray (Aadan-Siiro), SuldaanAxmed DaahirMuuse, Ku-simaha
G u d d o o m i y a h aDalladda SONYOWacays, FaadumoSiciid iyoC a b d i l l a a h i
Baaruud ooku hadlaayey afa Saamilayda Shirkadda,waxay dhammaanm a s u u l i y i i n t ahambalyo, mahadnaq,
amaan iyo dhiirrigalinu soo jeediyeenShirkadda Telesom iyoShaqaalaheeda, iyagooku tilmaamay in ayhormuud u yihiinhorumarka dalka, isla
markaana kaalinmug leh ay ka
qaadato, dhinacyadacashuur bixinta,ka qayb-qaadashaarrimaha bulshada,soo kordhintaa d e e g g y a d d abulshada wax-tar wayn u leh,
shaqaalaysiinta bulshada iyo ka qayb qaadashadawax kasta oo bulshadu ku horumari karto.
Ugu dambayntii waxa abaal-marin o kala duwanla guddoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaaWaaxyaha kala duwan ee shirkadda Telesom iyo
C.risaaq Khalif Ahmed
Wasiirka Ganacsiga
Cabdilahi Baaruud
Saamilayda Telesom
Sh.Aadan Maxamud Xiirey
(Aadan Siiro)
C.raxmaan Cabdilahi (Cirro)Gudoomiyaha Baarlamanka
Faadumo Siciid
Ururada Rayiddka
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
6/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
6
xarumaha gobollada dalka ee ay shirkaddu ka hawl-gasho. Waxaa sidoo kale iyaguna abaal-marino ku
guulaystay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkada ooTababaro Aqoon-koradhsi ah siiyey shaqaalaha kaleee shirkadda.
Abaal-marintan oo ahayd Abaal-marintii 10-aad waxa si toos shahaadooyin loo gudoonsiiyeyshaqaalewaynaha Shirkada Telesom ee ku suganmagaalooyinka Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo,Laascaanood iyo dhammaan xarumaha shirkaddu kuleedahay gobolada dalka oo dhan.
Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo Abaal-marin Guddoonsiisay
Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda....
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
7/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
7
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
8/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
8
H
argeysa [Telesom Newsletter - 25 Jan, 2013]-
Shirkadda Isgaadhiinsta casriga ah ee Telesom,
ayaa casho-sharafeed heer sare ah ku soo
dhawaysay Maamulka cusub ee dhawaan loo doortay
Daladda kulmisa Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.
Munasibadan soo dhawaynta ah ee ay shirkadda Telesom
ku qaabishay hoggaanka cusub ee Daladda SONYO, ayaa
ka dhacday Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddana waxa
ka qayb galay dhammaan
Maamulka Sare ee
Daladda SONYO iyo
Agaasimaha Qaybta
Horumarinta Ganacsiga
Shirkadda Telesom
Md. Cabdisalaan
Ismaacil Nuur. Ugu
horreyn waxa halkaas
ka hadlay Maamule-ku-
xigeenka Waaxda Suuq-
gaynta iyo Xidhiidhka
Dadweynaha, Md. Maxamed Cabdi Axmed (Darbo)
waxaanu isbarey Maamulka cusub ee Daladda SONYO
iyo Masuuliyiinta
Waaxda Xidhiidhka
Dadweynaha iyoSuuq-gaynta ee
Shirkadda Telesom.
Waxa sidoo kale isna
halkaasi ka hadlay
Maamulaha Qaybta
Horumarinta Ganacsiga
ee Shirkadda Telesom
Md. Cabdisalaan
Ismaaciil Nuur, waxanu
u mahad-naqay dhammaan Dhallinyarada SONYO, gaar
ahaana Hoggaanka cusub, isaga oo xusay in kulankanaanu ahayn kulankii ugu horreeyey, balse ay mar walba
xidhiidh joogto ah la leeyihiin Daladda SONYO.
Md. Cabdisalaan Ismaacil
Nuur, ayaa ku tilmaamay
casho-sharaftan mid
ka mid ah xidhiidhka
Shirkadda Telesom la
leedahay macaamiisheeda
dibadda, isaga oo xusay
in Shirkadda Telesom
ay u hambalyeynaysoMaamulkan Sare ee Daladda
SONYO dooratay, isla
markaana ay Shirkaddu markasta dhallinyarada garab
taagan tahay.
G u d d o o m i y a h aD a l a d d a
D h a l l i n y a r a d a
SONYO Mubaarik
Ismaacil Taani, ayaa
Shirkadda Telesom
ugu mahad naqay
doorka ay ka gaysatay
I s g a a d h s i i n t a
Somaliland, taas
oo uu xusay in ay
1990-kii ay dadku
dhib badan ka mudanjireen isgaadhsiinta oo ay qofka ku qaadan jirtay in muddo
3 maalmood ah ugu safro waddamada jaarka ah, si uu
Telefoon kula hadlo
eheladiisa u raadsado.
Waxa kale oo
Gudoomiye Mubaarik
Ismaaciil Taani uu
Shirkadda Telesom
ku amaanay kaalinta
shaqaalaysiinta ee ay
shirkadda Telesom
ku shaqaalaysiisay
dhallinyaro badan, isagoo tilmaamay kaalinta ay shirkaddu
ka qaadato arrimaha danta guud.
Mubaarak Ismaacil Taani waxaa uu shirkadda Telesom
u soo jeediyey in ay door muuqata ka qaadato dhismaha
maktabadaha bulshada oo uu sheegay in mid keliya
uu ku yaalo magaalada Hargaysa oo dhan, kaasi oo
aad u yar, balse dhanka kale aanay ka jirtay wax
Public Libray ah dhamaan gobollada kale ee dalka.
U g ud a m b a y n t i i
c a s h o -
s h a r a f t a n
S h i r k a d a
Telesom u
s a m a y s a y
h o g a a n k a
cusub ee
D a l a d d a
Dhallinyarada
Somaliland ee SONYO ayaa ku soo gabo-gabeeyey jawi
farxadeed iyo isbarasho ican oo dhex martay dhalinyaradda.
Telesom oo Casho-sharaf Ku Soo Dhawaysay Hoggaanka
Cusub ee Daladda Ururadda Dhallinyaradda SONYO
Maxamed Abdi DarboMPR Deputy Manager
C.salaan Ismacil NuurAgaasimaha Ganacsiga
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
9/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
9
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
10/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
10
Addis-Ababa [Telesom Newsletter - 21 Apri,
2013] - Masuuliyiin ka socotay Shirkadda
Telesom ayaa ka qaybgalay shirar Caalami
ah oo lagu qabtay Dubai iyo Addis
Ababa. Shirarka Dubai lagu qabtay oo ku saabsanaa
isgaadhsiinta, internetka iyo qalabka baahinta waxa
ay qabsoomeen bishii March gudaheedii waxana
lagu soo bandhigayo teknoolajiyadaha casriga ah ee
maanta adduunku u isticmaalo awoodda internetkaiyo qalabka baahinta.
Shirka isna ka dhacay Addis Ababa, oo lagu qabtay
Hotel Sheraton 19-21kii March, 2013 waxa loogu
magac daray Shirka hal-abuurnimada teknoolajiyada
digitalka casriga ah ee Afrika Innovation Africa
Digal Summit. Waxana ka soo qaybgalay in ka
badan 500 oo ergey oo ka kala socday Wasaaradaha
Isgaadhsiinta iyo ICT-ga, shirkadaha isgaadhsiinta,
kuwa sameeya qalabka isgaadhsiinta, kuwa bixiya
adeegyada ICT iyo maaliyadda.
Shirka IAD waxa sannadkan hal-ku-dheg u ahaa
Dardargelinta & Horumarinta Istaraatiijiyadaha
Qaranka ee Internetka.
Ujeedada ugu weyn ee shirkadda Telesom ka
lahayd shirarkaasi caalamiga ah waxay ahayd
sidii ay macaamiisheeda uga faaiidayn lahayd
in teknoolajiyadda casriga ah ee adduunku ay
isticmaalayso haddii ay noqoto qalab iyo haddii ay
noqoto qaababka farsamo ee loo shaqeeyo.
Kasokow ka qaybgalka shirarkaasi, waxay
shirkaddu kulamo ganacsi iyo kuwa isbarasho kula
yeelatay shirkadaha ugu waaweyn ee hoggaamiya
teknoolajiyadda qalab iyo software ahaanba.
Masuuliyiintii shirkadda Telesom uga qaybgalay
shirarkaasi
waxa ka
mid ahaa:
Maareeyaha
Guud ee
Shirkadda,
M r .
Cabdikariim
M a x a m e d
Iid, Madaxa
Guud ee
Farsamada,
E n g .
Abdirashed Muuse Iimaan, oo labadooduba ka mid
ah Idaarada Maamulka Shirkadda.
Waxa kale oo shirarkaasi ka qaybgalay: Mr.
Maxamuud Cabdiraxmaan, oo ah Madaxa Waaxaha
Internetka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, Mr.
Cabdiwahaab Maax, oo ah Madaxa Waaxaha Saleska
iyo Zaadka iyo Mr. Cadnaan Daahir, oo maamule ka
ah waaxda Xidhiidhka Caalamiga ah.
Kasokow Shirkadda Telesom, waxa kale oo shirka
Addis Ababa ee Teknoolajiyadda ka qaybgalay
Agaasimaha Hayada ICT Qaranka Somaliland, Mr.
Cali iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Shirkadaha
Isgaadhsiinta Somaliland, Eng. Yuusuf Axmed
Yaasiin.
TELESOM OO KA QAYBGASHAY SHIRAR CAALAMI AH OO SANNADKAN
BILOWGIISII LAGU QABTAY DUBAI IYO ADDIS ABABA
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
11/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
11
Telesom Gabiley oo Olole Nadaafadeed oo Balaadhan
ka Fulisey Magaalada
Gabiley [Telesom Newsletter] Shirkadda
Isgaadhsiinta ee Telesom Qaybteeda
magaalada Gabiley, ayaa dhamaan shaqaalaha
iyo gaadiidka
shirkadaasi kaalin
laxaad leh ka qaateen
olole nadaafadeed
oo laga hirgaliyey
magaalada Gabiley,
iyagoo si weyn uga
dhex muuqdeen
goobaha shaqinka
laga gurayey.
Maamulaha Shirkadda Telesom ee Gabiley Sheekh
Maxamed Muumin Aadan oo hadalo dardaan ah
ujeediyey dadweynaha Gabiley, ayaa ugu baaqay
inay ka ilaaliyaan qashinka magaalada, isla markaana
u diyaar garoobaan horumarinta Gobolka Gabiley.
Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay diyaar u
tahay ka qayb qaadashada horumarka Gobolka, balse
waxaan baaq u dirayaa dadweynaha Gobolka oo aanleeyahay u diyaar garooba horumarinta Gobolka, isla
Sh.Maxamed Muumin Aadam
Maamulaha Telesom Gabiley
markaana waa in aan ku dedaalno in qashinka aad ka
fogeysaan gudaha magaalada, kuna ridaan goobahaloogu talogalay.
Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo ka mid ah
shirkadaha ugu waaweyn shirkaddaha Isgaadhsiinta
dalka ayaa waxay markastaba ka qayb qaadataa
arimaha horumarinta iyo ololayaasha nadaafada
dalka. Waxay shirkadda Telesom ku dadaashaa in
ay bilicda magaalada door muuqata ka qaadato.
Xarumaha shirkadda Telesom ee goboladda ayaa laga
fuliyaa hawlaha danta guud ee bulshada deegaanku
ay u baahan tahay.
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
12/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
12
Burco-[Telesom Newsletter - 01 March, 2013] -
Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa magaaladaBurco ee xaruntagobolka Togdheerku soo bandhigtayAdeegyo cusuboo ay Shirkaduu soo kordhisaymacaamiisheeda,kuwaasi oo lajaan-qaadidoonaT iknoo la j i yaddacasriga ah
A d e e g y a d d a noo ay Shirkaduugu talogashaymacaamiisheeduin ay kaga maar-maan baahiyobadan oo ay uqabeen ayaa munaasibad lagu daah-furaayay ooka dhacday xarunta Telesom ee magaalada Burcowaxa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo kakala socday Shirkadda Telesom, Ganacsataddagobolka Togdheer iyo marti-sharaf kale.
C a b d i s a l a a nIsmaaciil Nuuroo ka mid ahm a s u u l i y i i n t aShirkadda Telesomee waaxdah o r u m a r i n t ag a n a c s i g agoboladda oomunaasibadaasika hadlay ayaaka xog-waramaya d e e g y a d d a ncusub ee ay
shirkadoodu soo kordhisay iyo faaidadooda waxaanuyidhi. Waxaanu ku soo bandhigaynaa magaaladaBurco adeegyo cusub oo ka mid ah adeegyadiiShirkadda Telesom ugu talogashay macaamiisheedasanadkan cusub horaantiisa, markaa ugu horeyn,adeegyadda aanu maanta soo bandhigayno, adeegaugu horeeyaa waxa weeye, adeeg aanu magacahaan
u bixinay Kayd, adeegaasina waxa uu caan ku yahayoo aduunka looga yaqaanaa (Sim-Backup), ama inqofku Simikaadhkii uu isticmaalaayay lambaradii ugu
kaydsanaa Kaadhka, haduu ka lumo in uu ka helikaro, Sim-cardka cusub ee uu qaato ama System-ka
Shirkadda
M u d d a n eCabdisa laanIsmacil ayaasidoo kales h a r a x a a d okooban kabixiyey saddexadeeg oo kaleoo ay shirkaddaTelesom soo
b a n d h i g t a ys a n a d k a nc u s u b .
Adeegyaddaasi oo ay ka mid yihiin: 2. Adeegacodka fariimaha, oo ah adeeg u sahlaaya qof inuufariin cod ah u diri karo qof uu u baahdo. 3. Adeega(IVR) oo ah adeeg u shaqaynaya sida xoghayntaoo macmiilka u tilmaamaaya cidda uu si gaar
ah uga baahan yahay goobtaha ganacsatadda,waxbarashadda, Xafisyada dawlada iyo Hayadaha.4. Adeega Missed-Call-ka oo ah adeeg uu qof ka soomiss call garayn karo landline, mobile ama landlinekale.
Dhanka kale xaada waxaa ka hadlay masuuliyiin kalaoo ka tirsan shirkadda Telesom oo ay mid ahaayeenMaxamud X.Ibrahim, Cabdiraxman Adam Ismacil,Cali Mahdi Madax iyo masuuliyiin kale oo kala socdayShirkadaha Ganacsiga gobolka Togdheer ee kala ahWarshaddaIlays ee Saabuunta, Biyaha iyo Laydhka
waxaanay dhamaantood si yaabo kala duwan ugahadleen adeegyada cusub ee ay shirkadda Telesomsoo kordhisay iyo guud ahaanba sida ay shirkadduhorumarka dalka qayb wayn uga qaadato.
Ugu dambaytii shirkada Telesom ayaa halkaasi kashaaciyey in dhawaan shirkaddu ay furayaal cusubku kordhin doonto mobilada. Furayaashaasi ayaanoqon doona sidan. Gudaha waxaa lagu gali doonaa
063-XXXXXXX dibada waxaa lagaga soo gali
doonaa +252-63-XXXXXXX.
Midig: Maxamud X.Ibrhaim, C.salaan Ismacil & C.raxman Aar
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
13/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
13
Cudurka
macaanku waa
calaamado isku
tagey oo ah dhiiga
oo ay sonkortu ku
badato ama kaadida
oo ay sonkortu ku
badato waxaana loo
yaqanaa (diabetes
mellitus)taasi oo ay
keento dheecaanka uu soo daayo qanjidhka la yidhaa
ganacu(pancreas) dheecaankaas oo la yidhaa (Insulin)
oo yaraada ama shaqadiisa si ican u qaban waya.
Cudurkani waxa uu saameeyey 120 million oo qof
aduunka ku nool. Waxa la saadaalinayaa in sanadda2020 marka lagaadho inuu saamayn doono 220
million oo qof.
Qaybaha Cudurka Macaanka:
Cudurka macaan ka waxaa loo qaybiyaa saddex
qaybood oo kala ah:
1. Type 1 diabetes (insulin-dependent
diabetes mellitus)waa nooca insulinta la
siiyo qofka .
2. Type 2
diabetes
(non-
insulin-
dependent
diabetes
mellitus)
noocani
waa nooca
aan inta
badan la siininsulinta.
3. Gestational
diabetes
(diabetes
diagnosed in pregnancy) noocani waxa uu
dhacaa xiliga dumarku uurka leeyihiin, 4%
ayuu ku dhacaa dumarka uurka leh, waxaanu
keenaa dhimasho ama curyamid had iyo
jeerna marka ay dumarku umulaan uu ka
tagaa , 30-40% dumarka qaba kaadi macaanka xiliga uurka wuxuu u gudbaa type 2 ama
nooca labaad 10 sano gudahood
Nooca koowaad (TYPE 1) waxa uu ku badan yahay
dadka daadoodu ka yartahay 30 jir-ka. ee
miisaankooduna uu wayn yahay, Qoyskooda cid ka
mid ahina ay qabto.
Waxyaabaha Keena Guud ahaan Cudurka
Macaanka:
Nooca koowaad waxaa keena jidhka dufaaciisa oo
weerara unugyada soo daaya dheecaanka insulin-ta
(AUTOIMMUNE), badanaana lama yaqaan waxakeena (idiopathic).
Nooca labaadna waxaa keenaa waxa uu u badan
yahay HIDDO-RAAC ku yimaada unugyada soo
saara dheecaanka insulin-ta ama dheecaanka oo
shaqadoodu xumaato, Ganaca oo bukooda,Ganacoo
qalin lagu saaro ama Ganacoo Cancer ku dhaco.
Waxa kale oo keeni kara daawooyinka virus lagula
tacaalo.
Xanuunada uu keeni karo cudurka kaadi
macaanku:
1. Dhiigkarka
2. Kalyaha oo shaqda joojiya
3. Nerfaha oo xanuuna
4. Aragtida indhaha oo uu yareeyo
Dr. C.fataax Maxamud IbrahimGeneral Doctor
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
14/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
14
5. Wadnaha oo uu dhawaco
6. Xididada dhiiga uu yareeyo.
7. Faalig uu keeno
Calaamadaha Lagu Garto Macaanka Waxaa ka
Mida:-
1. Daal
2. Af-ka oo qalala
3. Kaadida oo badata
4. Haraad fara badan
5. Culayska jidha oo yaraada
6. Kaadida habeenkii oo badata
7. Araga oo xumaaada
8. Yalaalugo
9. Madax xanuunka
10. Mood-ka qofka oo is badala
11. Cuntadiisa oo badata
12. Faraha oo bilaa dareen noqda (nabarana ay
ku dhacaan)
Siyaabaha Lagu Ogaado Kaadi Macaanka
Kaadi macaanka waxa lagu ogaan karaa in uu
qofka macaan ka qabaa ka sheekeeyo calamaha
uu isku arkay (history) Iyo in qofka laga qaado
kaadida ama dhiiga.
Dhiiga qofka waxa laga qaadaa laba jeer oo kale ah
marka qofku aanu waxba cunin (Fasting plasma
glucose > 7.0 mmol/L (126 mg/dL) waa marka uu
dhiiga sonkorta ku jitaa ay ka badato 126mg/dl ama
qofka oo wax cunay uu dhiiga sonkorta ku jirtaa
ka batto 200mg/dl oo la yidhaa (Random plasma
glucose > 11.1 mmol/L (200 mg/dL)
Waxyaabaha Lagu Daaweeyo Macaanka
Cudurka macaanka waxaa lagu daaweyn karaasaddex xaaladood:
1. Cuntada oo la kaantaroolo iyo qofkoo jimicsi
joogto ah sameeya.
2. Kiniinka macaanka oo uu qaato.
3. Irbada macaanka uu qaato (insulin).
Qofka marka uu cudurka macaanku ku cusub
yahay 50% waxaa lagu kaantarooli karaa cuntada
iyo jimicsiga. Qofka macaanka qaba waa inuu iska
ilaaliyaa cuntada sonkorta leh,cuntada dufanku ku
badan yahay oo uu yareeyo, cuntooyinka milixdu
ku badan tahay oo uu yareeyo, cuntooyinka carbon
hydrate-ka leh oo uu yareeyo iyo cabida sigaarka uu
joojiyo.
Siyaabaha looga Hortagi Karo Macaanka
1. Qofka oo jimicsi badan sameeya
2. Miisaankiisa oo uu yareeyo
3. Cuntada sonkorta leh uu yareeyo
4. Cuntada dufanka leh oo uu yareeyo
5. Sigaarka oo uu cabistiisa joojiyo
6. Cuntada milixda leh oo uu yareeyo.
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
15/35
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
16/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
16
C a b d i r a x m a a n
Maxamed Cabdi
waxa uu ku dhashaydalkan Jamhuuriyada
Somaaaliland gaar
ahaan degmada
Duruqsi ee hoos
maada gobolka
Togdheer, sanadkii
1 9 8 2 - k i i .
C a b d i r a x m a a n
Maxamed Cabdi
waxa uu ku
dhamaystay dugsihoose ilaa dugsi sare magaalada Burco ee xarunta
gobolka Togdheer, sidoo kale waxa uu galay sanadkii
2008 kii jaamacada Burco (University of Burao)
Waxaanu dhamaystay sannadkii 2011, waxaanu
diyaariyey shahaadada Bachelors Degree in Business
A d m i n i s t r a t i o n .
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, wuxuu hadda Bare
sare (lecturer) ka yahay isla jaamacadii uu ka baxay
ee University of burco.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, barashada xirfadaha
kala duwan ee uu bartay waxaa ka mid ah:
1. Secretarial Cercate 2004
2. Visual data base cercate
3. Accounng cercate diploma
4. Computer applicaon cercate
5. Computer hardware/Soware cercate
6. Computer Network
Shaqada shirkada Telesom waxa uu Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdi markii ugu horeysay bilaabay
January 01, 2005 waxaanu ka soo qabtay shaqooyin
kala duwan qaybaha kala ah:
Ugu horayn wuxuu ku shaqeeyey Bill
Collector
Shan bilood ka dib waxaa laga dhigay Cashier.
Baro Mid ka mid Shaqaalaha Hal-doorka Telesom
Bilawgii 2006 wuxuu noqday Head Of GSM
Secon.
March 01st 2007 wuxuu noqday Head of
Billing Secon.
July 01st2010 waxaa loo dalacsiiyey oo uu
noqday ilaa hadana ku shaqeeyaa (Burco
Deputy Sales Manager).
Waxaa kaloo loo magacaabay dhamaadkii
sanadkii 2011 (Burco Sales Controller).
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi waxaa
uu qaatay mudadii uu shirkada u shaqaynaayeytababaro fara badan, kuwaasoo isugu jiray qaybo
kala duwan oo la xidhiidha masuuliyadihii kala
duwanaa ee uu hayey, waxaana ka mid ahaa.
Skills of Excellence training 2008
Comprehensive stascs training January
2009
An money laundry training 2012
Customer service training
Sales and markeng training
Abaal marinta uu kasbaday (cercate of
appreciaon):
1. Cercate of good performance, grade A
year 2007
2. Cercate of good performance, grade A
year 2008
3. Cercate of good performance, grade A
year 2009
4. Cercate of good performance, grade A
year 2011
5. Cercate of good performance, grade A
year 2012.
W/Q: Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha
C.raxmaan Maxamed Cabdi
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
17/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
17
Tabobaro Kala Duwan oo Loo Qabtay Shaqaalaha
Shirkadda Telesom
Hargeysa [Telesom Newsletter - Mar, 2013] -
Xaiska shaqada iyo shaqaalaha oo ah xaiska
shirkadda Telesom u qaabilsan arimahashaqaalaha, ayaa saddex bilood ee ugu horeeyey sanadkan
2013 waxaa uu ku
dadaalaayey sidii
loo horumarin lahaa
tayadda iyo aqoonta
shaqaalaha kala
duwan ee shirkadda
ee ka hawl-gala
dhamaan goboladda
dalka. Qormadeenan
waxaanu ku soo
qaadan doonaa qaar
ka mid ah tababaradii
la siiyey shaqaalaha
shirkadda Telesom.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Qaybaha R&D iyo ICTayaa
t a b a b a r
l o o g u
diray dalka
J a b u u t i.
Shaqaalahaasi ayaa lagu soo tababar barnaamijyo badan
oo la xidhiidha dhinaca culuumta kombuutarka. Kuwaas
oo wax wayn ku soo kordhiyey aqoonta shaqaalaha.
Waxaa bishii February Tababar ku saabsan Adeegyada
Telesom iyo Daryeelka Macaamiisha loo qabtay shaqaale ka
tirsan QaybtaIlaalada.Tababarkani waxa loogu talagalay
sidii shaqaalaha ilaalada ah ee ka hawl-gala Xarumaha Sales-
ka loo fahamsiin lahaa Qiimaha daryeelka macaamiishu
u leedahay shirkada iyo inay waliba fahmaan guud ahaan
a d e e g y a d a
T e l e s o mB i x i s o .
T a b a b a r k a n
waxaa ka
qayb galay 18
shaqaale.
Waxaa sidoo
kale tababar
ku sahabsan
m a a m u l k a
rrcoon la
siiyey 21 shaqaale ah oo ka tirsan Qaybaha ZAAD iyo
R&D. Ujeedada ugu wayn ee tababarkani waxay ahayd
in aqoonta shaqaalaha Qaybta ZAAD iyo R&D kor loo
qaado, si ay shaqadu u noqoto mid loo qabto habka ugu
fudud ugana waxtarka badan, iyadoo la adeegsanaayo
hanaan cusub oo loo maamulo mashaariicda.
Tababaradda
uu bixiyo
X a f i i s k a
Shaqadda iyo
Shaqaa l aha
kuma koobna
oo kaliya intan
aanu kor ku
soo xusnay
ee waxaa
sidoo kale jira
tababaro badan
oo qaar ka mid
ah shaqaalaha
khabiiradda ah
ee shirkaddu
ay bixiyaanoo ay siiyaan
s h a q a a l a h a
xarunta guud
iyo goboladaba ku sugan. Waxaa sidoo kale jira tababaro
gaar ah oo shaqaalaha xirfadaha gaarka leh la siiyo shaqada
dhexdeeda (On Job Training). Dadaaladan dheeraadka ah
ee lagu bixinaayo tababarka shaqaalaha waa kuwo si toos
ah uga muuqanaya hab-dhaqanka wanaagsan iyo kartida
shaqo ee shirkadda Telesom ay macaamiishu kala kulmaan
xarumaheeda.
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
18/35
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
19/35
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
20/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
20
Q
ormadan waxaynu ku eegaynaa mid ka
mida adeegyada ugu saamaynta badan ee ay
Telesom u soo bandhigto macaamiisheeda.Haddaba, si aynu si faahfaahsan ugu qaadaa dhigno
adeegani muxuu yahay? Yaa loogu talo galay inay
isticmaalaan? Muxuu kaga duwan yahay adeegyada
kale ee la mid ka ah sida SMS-ka mobile-ka laysaga
diro? Iyo suaalo kale oo la mida.
I. Muxuu yahay adeega DHAMBAAL?
Adeega DHAMBAAL MYSMS sida ka
muuqata magaca waa adeeg laysugu diro
farriimaha degdega ah, waxaa lagu isticmaala
Computer-ka, wuxu ku shaqeeya internet-
ka. Adeegani wuxu awood inoo siinaya
inaynu farriin qoraal ah u dirno dad tiro
badan kuwaasoo ilbidhiqsiyo gudahood ay
gaadhayso fariintaasi waxaanay ku dhacaysaa
mobile-ka qof walba. Waxa xusid mudan in
isla marka qofku daalacdo muraayada mobile-
kiisa uu arki karo magaca cidda soo dirtay
farriinta, tusaale ahaan haddii Ganacsade
soo dirtay magaca Ganacsadaha ayaa ka soo
baxaya isla markaana waxad aqoonsanaysaain fariintani ka timid Ganacsade.
II. Yaa loogu talo galay adeegan inay ka
faaiidaystaan?
Adeegan waxaa loogu talo galay Hayadaha
dawladda, kuwa maxalliga ah, Hayadaha
caalamiga ah, UN-ta iyo ganacsatada
dhamaantood waxay ka faaiidaysan karaan
isticmaalka adeegan iyagoo siyaabo kala
duwan oo baahiyahooda isgaadhsiineed ee
kala duwan uga faaiidaysanaya.
III. Sidee ayay Uga Faaiidaystaan
ganacsatadu?
Adeega DHAMBAAL ganacsatadu waxay
ka helaan faaiidooyinka badan oo horumar
ku soo kordhisay ganacsigooda. Labada
faaiido ee ugu wayn ee adeegan ay ka heleen
ganacsatadu ayaa kala ah:
i. Xayaysiis: Ganacsatadani waxaysoo uruursadaan liiska telephone-ada
macaamiishooda ka dibna waxay u kala
samaystaan kooxo iyagoo ku salaynaya
kala duwanaanshaha macaamiisha tusaale
ahaan koox waa dumarka oo kaliya. Koox
kale waa liiska dhalinyaradda, koox kale
waa dadka waaweyn. Ka dib taasi waxay
u sahlaysaa inay qolo kastaba baahidooda
soo wargaliyaan. Arrintaasi waxay u
keentay ganacsatadaa macaash aad u
badan oo ay u riyaaqeen.
ii. Dayn soo ururin: Adeegan waxaa uu
sahlay in ganacsatadu ku soo urursato
daymahooda kaga maqan macaamiisha
iyagoo isticmaalaya adeega Dhambaal/
MYSMS, waxaana qofka macmiilkooda
ah ay ku war galinayaa inuu soo
bixiyo daynt/biilkii bisha. Waxaanay
macaamiishu si fudud ugu soo diranayaan
ZAAD ganacsatadaha lacagtii lagu lahaa.
IV. Sidee Ayay Uga Faaiidaystaan Hayaduhu
Adeegan?
Hayadaha aan kor ku sheegnay ee ka midka
yihiin kuwa dawladda, caalamiga ah, UN-ta
iyo kuwa maxalliga ah intaba qaar badanoo
ka mida way isticmaalaan adeega. Hawlahauu u fudaydiyo waxa ka mida shirarka
degdega ah oo markii ba fariimaha MYSMS
laysugu sheego, tababarada oo wakhtigooda
iyo goobtay ka dhacayaan laysugu baahiyo
dhambaal/MYSMS service.
Waxa xusid mudan in hayadaha dawladu
uga faaiidaysan karaan dhinacyadda dakhli
ururinta cashuuraha oo dadka cashuuruhu
baaqiga ku yihiin loo diri karo fariimo xasuusin
ah in waajibaadkii cashuuraha lagu leeyahayoo ay soo bixiyaan. Waxa kale oo aad si fudud
ugu diri kartaa liis dheer oo nambaro telefoon
ah.
V. Dhambaal/MYSMS Muxuu Kaga Duwan
Yahay SMS-ka Caadiga ah?
Waxa jira adeegyo (features) uu la gaar
yahay adeegani waxa ka mida fariin diraha
oo magaciisu (sender ID) usoo baxayo cidda
hesha fariinta halka fariinta sms-ka caadigaah lambar kuu soo baxayo, qoraal ahaan way
ka fududahay oo keyboard-ka computer-ka
Maxaad ka Taqaanaa Adeegga DHAMBAAL/MYSMS?
W/Q: Muuse Maxamed Siciid
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
21/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
21
ayaad isticmaalaysaa halka SMS-ka aad ku
isticmaalayso keyboard-ka mobile-ka oo
wakhti badan laga yaabo qoraalkiisu inuu
kugu qaato.
VI. Maxaa layga baahanyahay si aan u helo
Dhambaal/MYSMS?
Adeegan looma furo shakhsi ama ashkhaas
aan sharciyad urur ama hayadeed aan haysan.
Waa in marka hore aad u taagan tahay urur
haysta sharciyad buuxda oo wakhtigeedu
aanu dhicin, sidoo kale waa inaad aqbashaa
shuruudaha ku cad warqada heshiiska.
Intaasi ka dib, waxaa laguu diwaan-galinayaa
adeegan waxaanad awoodi doontaa in aad udirto fariimahaaga dadka aad danaynayso.
Maxaad ka Taqaanaa Adeegga DHAMBAAL/MYSMS?
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
22/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
22
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
23/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
23
Faaiidooyinka Ca
T
imirtu waa
k h u d a a r
ama midho
barakaysan. Geedka ay
ka baxdo dherarkiisa
waxa lagu qiyaasaa
20 ilaa 25 meter oo
caleemo cagaaran mar
walba leh. Geedkan oo
in badan Quraanka
Kariimka ah iyo
Axaadiista nabigeena
Suuban (Naxariis iyo
Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee) ku soo arooraywaxa uu aad uga baxaa dalalka Waqooyiga Afrika
iyo Galbeedka Aasiya ee Saxaraha Carbeed.
Marka laga yimaado Mucjisooyinka iyo
faaiidooyinka kale ee ay Timirtu leedahay,
waxa aynu dhawr qodob ka soo qaadan doonaa
waxtarka caamaad ee ay dhakhaatiirta iyo
khubarada Nafaqadu
caddeeyeen. Timirtu
waxa ay qani ku tahay
walaxda antioxidants
taas oo ka ilaalisa
unugyada iyo xubnaha
jidhka fayrasyada
iyo bakteeriyooyinka
abuura noocyada xanuunada kala duwan, sida
Kansarka. Timirta waxa ku badan macdanta
birta (Iron), taas oo faaiido badan u leh jidhka.
Faaiidooyinka Timirta:
1. Waxay midabka cas u samaysa dhiiga
Hemoglobin.
2. Waxay gaadhsiisaa Oxygen-ta dhiigga
oo dhan.
3. Waxay kor-u-qaadaa habdhisyada difaaca
iyo dheef-shiidka, iyo ka hortaga-dhiig
laaanta. Waxa laga helaa macdanta
Potassium-ka taas oo jaan-gaysaa
dareerayaasha jidhka, habdhiska dareen-
wadayaasha iyo ka hortaga dhaawacyada
ku dhaca muruqyada jidhka.
4. Hooyooyinka Uurka leh oo ay uwanaagsan tahay, gaar ahaan dhalmada
oo ay fududayso haddii ay si joogto ah u
cuni jirtay wakhtigii uurka.
5. Waxa ay xadidaa heerka sonkorta jidhka,
(blood glucose level).
Xanuunada ay Timirtu Dawada ama Ka
Hortaga Ka Tahay
1. Wadno-xanuunka (heart diseases):
macdanta Potassium-ka ayaa waxtar
weyn u leh garaaca wadnaha iyo dhiiga,
kana ilaalisa xanuunada lidka ku ah
wadnaha. Muruqyada wadnaha iyo
dareen-wadayaasha wadnaha soo galaya
ayay timirtu sidoo kale waxtar weyn u
leedahay.
2. Calool-Istaagga (Constipation): Timirtu
waa dawo dabiici ah oo lagu dabiibo
Calool-istaagga. Haddii aad Timir
ku radiso caano oo aad dayso maalin
gudaheed, dabadeedna aad isticmaasho
saddex maalmood oo isku xiga, waxa
ay daawo ka tahay Calool-istaaga iyo
walxaha sunta ah ee caloosha ku jira.
3. Caatada (Slimming): Timirtu waxa ay aadugu wanaagsan tahay dadka caatada ah,
sababta oo ah waxa ay ka kooban tahay
Mustafe Adam
R&D Department
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
24/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
24
fimaad ee Timirtasonkor, dux iyo borotiin, kuwaas kor
u qaada cufnaanta iyo culayska qofka.
Sidaas daraadeed; dhakhaatiirtu waxa
ay ku taliyeen in aanay isticmaalkeeda
badsan dadka miisaankoodu badan yahay
(over weight).
4. Caamaadka Lafaha (bones): Timirtu
waxa ay ka mid tahay ilaha macdanta
Manganese, taas oo faaiido caamaad
u leh lafaha.
5. Hoos-u-dhaca Dareenka Jinsiga (Sexual
Weakness): Timirtu waxa ay hawl-kar ka
dhigtaa dareenka jinsiga ah. Haddii qofku
gaar ahaan ragga ka cabanaya hoos-u-
dhaca
dareenka
jinsiga,
waxa
habboon
in uuisticmaalo
isku darka
TIMIR+MALAB+CAANO, kadibna
aroor walba cuntaa ka hor ayuu cabayaa
muddo hal wiig ah, dabadeed waxa uu
dareemi doonaa isbedel waxtar leh oo ku
yimaada dareenkiisa jinsi iyo jacaylka uu
u qabo.
6. Dhagxaanta Kelyaha (Kidney stone):
Laba xabo oo Timir ah oo aad cunto
maalin walba waxa ay burburinaysaa
dhagxaanta Kelyaha iyo dhabar-
xanuunka.
7. Dhaawacyada iyo khalkhalka ku yimaada
midhicirada.
8. Wuxuu ka Joojinta Carruurta habeenkii
isku kaadida, haddii la siiyo laba xabo oo
Timir ah marka ay seexanayaan.
9. Timirta waxa kale oo lagu daweeyaa
Aragga iyo Tamarta oo diciifa, gaar
ahaan xiliyada Soonka.
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
25/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
25
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
26/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
26
Xalaal Quute - Qaybtii 2-aad
Q
aybtii hore
waxan ku
sheegnay in
dariiqyada kasabkaxalaasha ah lagu helo
ay ugu horayso gacanta
oo aad ka shaqaysatid,
waxaynu sheegnay
meelaha ay xaaraantu
kasoo geli karto,
markaa qormadeena
maanta waxan ku soo
qaadanaynaa dariiqa
ku xiga oo ah:
2. In aad kasabka ku heshid iib iyo baayac mushtari
Wuxu Nebigu (SCW) ku xigsiiyay gacanta oo laga
shaqaysto iyo Iib kasta oo lagu baari falo
Iibka iyo baayac mushtarka nebigu wuxu ka dhigay
kaalinta labaad ee ugu fican kasabka wadooyinkiisa
kala duwan, laakiin wuxu leeyahay shuruudo badan oo
ay ka mid yihiin:
a) Waa in qofka baayac mushtarka gelayaa uu aqoon
u leeyahay xalaasha iyo xaaraanta
b) Waa inuu garanayo muxuu iibku ku ansaxayaa iyo
maxaanu ku ansaxayn.
c) Waa inuu garanayaa Ribada iyo dariiqyada ay ku
timaado
Bal aan is dul taagno sadexdan qodob ee kor ku xusan
1. Waa in
qofka wax
i i b i n a y a a
g a r a n a y o
xalaasha iyox a r a a n t a ,
I l a a h a y
w a x n a
wuu inoo
xalaaleeyey
w a x n a
wuu inaga
xaaraamtimeeyey. Qofka wax iibiniyaa waa inuu
garanayo, tusaale qishka, khayaamada iibka, dhaarta iibka
dhexdiisa ah, Ribada, feliska, ka dul iibsiga, alaab aanad
weli gacanta ku dhigin iibinteeda, amaahinta faaiido
kaaga soo laabanayso, kuwaas iyo kuwo kaleba Ilaahay
wuu xaraameeyey, qofka wax iibinyaa waa inuu yaqaan
waxyaalahan aanu kor ku xusnay.
Muxuu Iibku Ku Ansaxayaa?
Iibku wuxu leeyahay shuruud & Arkaan uu ku ansaxo,
waxa la iibinyaana waxay leeyihiin shuruud ay ku ansaxaan
kuwaa oo aynu wax ka tilmaami doono si guud mar ah waa
in qofka wax iibinyaa garanyaa aqoona u leeyahay:
Arkaanta Iibka
Arkaanta (tiirarka) Iibku waa Sadex:
1. Iibiye & Iibsade
2. Siiqo (Iib ku dhawaaqid iyo ka aqbalid)
3. Bedeeco (Shayga la iibinayo).
Rukniga kowaad waa in la helo qof wax iibinaya
iyo mid iibsanaya, labadaas oo wada socdaa waa
tiirka kowaad ee iibka.
Shuruudaha Laga Rabo Labada Qof ee Wax Kala
Iibsanaya
a) Waa inay qaan gaadh yihiin ama gaadhsiisan
yihiin heer wax kala soocid wixii quman wixii
qaloocan (tamyiis)
b) Waa inay miyir qabaan ee aanay waalayn ama Qof
is dhiman ahayn
c) Waa inay tasaru karaan oo aanay ku jirin xaalad
xanibi karta tasarufkooda sida nin kacay, ama nin
musrif xoolo saydhiye ah.
d) Waa inay ikhtiyaarkooda ku meel marayaan
raalina ku kala yihiin, ee aanay xaalad khasab
iwm ku jirin
e) Waa inay iyagu leeyihiin waxa ay kala iibsanayaan,ama u haystaan oggolaansho sharci ah sida
wakaalad, ama idan.
Rukniga Labaad waa inay jirto qaab qofka wax
iibinaya ama kan iibsanayaa yidhaahdo waxan
ayaan iibinayaa, intaa ayaan siinayaa ka dib
iibsaduhu ku aqbalo qiimaha uu sheegay, wuuna
gorgortami karaa ka dib inay isla ogolaadaan
qiimahan islana meel dhigaan ayaa laga rabaa.
Shuruudaha Ayey Leedahay Siiqadu:
a) Waa inay is waafaqsan yihiin Soo jeedinta
qiimaha iyo ku aqbalistu, hadii ay is khilaafsan
Sh. Ibrahim Axmed Siciid
Qaybta Shareecada
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
27/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
27
yihiin oo mid yidhaahdo 10 toban ayaan
siinayaa, kan kalena yidhaahdo sagaal ayaan
ku qaatay, siiqadu ma ansixin ee waa inay
dhinacuun isu raacaan.
b) Waa in siiqadi isku waqti dhacdaa, ee aan la
laba waqti oo kala durugsan aanay dhicin
c) Waa in aan shuruud lagu xidhin, shuruudu
waxay noqon kartaa mid waqti sheegaysa ama
xaalada kale oo dhici doonta iibka ku xidhaysa,
markaa sidaa ku ansixi mayso, tusaale: wuxu
yidhi lacag baan sugayaaye markaan helo
ayaan lacagtaa ayan ku iibsanayaa.
Rukniga Sadexaad waa badeecada la kala
iibsanayo. Waa inay jirto badeecad meesha taal oo
la kala iibsanayaa.
Shuruuda Badeecada La Iibinaayo:
a) Inuu yahay wax yaala oo muuqda ama sifadiisa
la isla garanayo.
b) Inuu yahay waxa xalaal ah in la iibiyo ee aanu
ahayn waxa xaaraan ah sida khamriga iyo
doofaarka.
c) Waa in uu sugan yahay ee aanu ku jirin wax laga
jaahil noqon karo, tiro ahaan, sifo iyo sawrac
ahaan.
d) Waa inuu yahay wax la kala qaadan karo oo la
isku wareejin karo, wax aan xaasil weli noqon
lama iibin karo, wax maqan oo sida Awr buubay,
Kaluun badda ku jira, Haad cirka duulaya waxaa
lama kala iibsan karo ilaa gacanta ay soo galaan.
e) Wax qiime maal leh ama manfaco loo qasdiyi
karo leh, wax aan qiime maaliyadeed lahaynlama kala iibsan karo, wax aan manfaco loo
qasdiyi karo aan lahayna lama iibin karo. Waxa
jira waxyaalo manfaco leh, dhibaatona leh,
kuwaas oo kale waxa la eegayaa kee baa badan,
hadii manfacadiisu ka badato dhibtiisa waaxalaal, haddii dhibtiisu manfacdiisa ka badato
waa xaaraan.
f) Waa in
qiimaha lagu kala
iibsadey sugan yahay
ee aan jahli soo geli
karin
Intaa aan kor ku
xusnay haddii mid
kali ahi meesha lagawaayo iibku wuxu ku
dhacayaa mid naaqis
ah oo aan ansixin, haddii iibku ansixi waayo, shayga la
kala iibsadey iyo qiimaha la kala qaatay midna ansax
noqon maayo, haddii ay ku sii socoto sidaa oo aan iibkaas
la joojin, wuxu noqonayaa in xoolihii iyo maalkii dariiq
aan xalaal ahayn lagu kala qaatay, ilaahayna wuu diidey
oo wuxu yidhi; Kuwii Iimaanka lahaayoow dhexdiina
xoolahiina baadil ha ku kala cunina suurada Baqara
Aayada 30 aad.
Qofku inta aanu Cibaadada dhex gelin waxa laga rabaainuu barto waxay ku ansaxayso, waxay ku burayso, waxay
ku nuqsaamayso.
Sidaa si la mid ah ayaa laga doonayaa qofka Muslinka ah in
aanu macaamilka iska dhex gelin ilaa inta uu ka baranayo
Muxuu ku ansaxyaa? Muxuu ku xaaraamoobayaa? Muxuu
ku Burayaa?
Iimaamu Shaaci ayaa yidhi; Qofka Aakhiro doonaya
waxa laga rabaa cilmi,
Qofka aduunka doonayana
waxa laga rabaa cilmi
Haddii Qofku u badheedho
inuu dadka la macaamilo,
gaar ahaan inuu baayac
mushtar galo isagoo aan
baran axkaamtiisa wuu
ku dambaabayaa, waxana
suurta gal ah inuu ku dhaco wax Ilaahay iyo rasuulkiisuba
diideen Amiirkii Muslimiinta Cumar Bin khadaab suuqa
wuu ka kicin jirey qofka aan garanayn Ribada, waayo
wuxu ogaa in qofkaasi aanu kala saari Karin xalaasha iyo
xaaraanta, markaa qofka iibka gelayaa waa inuu cilmi iyoaqoon u leeyahay axkaamta iibka, haddii kale qardo ayuu
xoogsanayaa aakhiradiisana wuu ku khamaarayaa.
Xalaal Quute - Qaybtii 2-aad
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
28/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
28
Maxamed C.Khalif
R&D Department
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
29/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
29
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
30/35
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
31/35
Eeg Bogga 31
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
31
Mawliid Maxamed Odowaa
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
32/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
32
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
33/35
elesom NewsLetter
www.telesom.net
Issue 16-aad Jan-march 2013
33
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
34/35
www.telesom.net
Telesom NewsLetter Issue 16-aad Jan-march 2013
34
-
7/22/2019 Telesom NewsLetter Issue 16 Mar 2013
35/35
top related