wacyi-geliye u adeega da’yarta somaliland gudaha 2008.pdf · eeg bogga 2 ad waxaa isku soo...
Post on 21-Aug-2020
4 Views
Preview:
TRANSCRIPT
GudahaWacyi-geliye u Adeega Da’yarta
Cilmi baadhid ku saabsanSigaarka.............................................. 2
Xuska maalinta wax-qorista iyoakhriska adduunka...........................3
Ciyaaraha iyo gabdhaha...............4
Caruurta aan haysanin daryeelkaaas-aasiga ah...................................... 5
Jawaabaha DhakhtarKOOR......................................6
NasteexayntaHIV(Counselling).................7
Odhaahda Sawirka................8
VOL: 21 NO. 26 Somaliland September 2008
Eeg bogga 2aad
Waxaa isku soo duba-riday UrurkaHYDA waxaana dhaqaale ahaan ka
taageeray Hay’adda UNICEF
HIV kuma gudbo siyaabahan: Is gacan qaadka Qufaca ama hindhisada Meel wada seexashada Wax wada cunida Wada isticmaalka
suuliyada
Meel ku wadamaydhashada
Dhar wadaxidhashada
Wax wadadhigashada .
Ma aha in la moodo infayraskani ku gudboxidhiidhka caadiga eeqofka la nool HIVlagula sameeyo gurigaiyo shaqada.
Dhiirigalinta Ciyaaraha
Tartano loogumagac-daray
Koobka Ramadaantaayaa ka bilaabmaygaroomada gobolladadalka qaarkood, kaasoo sida caadada ahbamunaasibadda bishaRamadaan loogu
talay galay in aydhallinyartaciyaartoyda ahi kaqayb-galaan. Qaar ka mid ahgaroomadacaasimadda Hargeysaayay si rasmi ah ugabilaabmeen tartano
loogu talo galay bishabarakaysan eeRamadaanta, kuwaasoo ay ku tartamayaankooxaha kubaddacagta ee ka dhisanmagaalada heerka1aad, iyo heerka
2 Wargeyska KOOR September 2008
Dhiirigalinta CiyaarahaKa yimi bogga 1aad
Samiira Jamac
Xanuunka HIV/AIDS waa xanuun ay tahay in lagahortago. Markast oo xogta isaga ku saabsan aynu helnowaxaynu ka sii fogaanaynaa halista aynu u nahay inay uqaadno si sahlan. Marka aad ogaatid sida la isagugudbiyo, sida aan la iskugu gudbin iyo sida looga hortagowaxad hubaal ah inaad naftaada kalsooni ku qabtidmarka xaqaa‘iqa ka hortaga HIV/AIDS-ka laga hadlayo.Maxaa yeelay waxa iyaduna meesha ka maqnayncuqdadii iyo takoorka. Kuwaasi oo la isla waafaqay inhadii la fahmo ay suurto gal tahay inuu yaraado faafidaHIV/AIDS-ku. Taasi waa suurta gal markay xog inagufilan oo xanuunka ku saabsna aynu raad sano oo aynudhexdeena ka samayno wakhti aynu kaga wada hadalnomarka inagu asxaab ahaan is dhex joogno.
labaad-ba isugu jira, iyoweliba kooxo ka socda amaku ciyaaraya magacyadashirkadda dalka ee kadhisan magaaladaHargeysa.Hadaba garoonka 31-kaMay oo ka mid ahgaroomada Hargeysa, ayaaisna koobka Ramadaantuka bilaabmay 1diiSeptember oo ku beegnaydmaalin Isniin ah.Tartankan oo ayaa waxasoo qaban qaabiyey ururkadhallinyarada ee HYDA.Tartankan oo ay kaqaybgaleen 24 kooxood eeka dhisan magaaladaHargeysa. Waxaanaciyaartii furitaanka iskagahoryimi kooxaha FAA Coiyo Red Sea, taas oo aylabada kooxoodbarbardhac 1-1 ah iskadhaafi waayeen. Dhinaca kale, waxaagaroomada magaaladaBerbera si rasmi ah ugabilaabmay tartanka koobkaRamadaanta, kaas oo ay kaqayb-galayaan 10 kooxoodoo ka tirsan kooxaha
gobolka Saaxil ka dhisan. Kooxaha ka qayb galaytartanka waxa ay kalayihiin: Dawladda Hoose,Wakaaladda BiyayaBerbera, 571, STC, FAACO,Police, Ex-Saaxil,Beginning iyo Waners,waxaana ciyaartii uguhoreysay isaga horyimilabada kooxood ee D/Hoose ee Berbera iyokooxda magaca Bileyskaku ciyaaraysa ee Police,waxaanay ciyaartaasqaybteedii hore kudhammaatay barbardhacaan wax goolal ah layskudhallin, laakiin markiilaysugu soo noqday qaybtiidambe ee ciyaarta, ayuuciyaartoyga lambarka11aad u sitay kooxda D/Hoose, Cabdi Cali usaxeexay gool ay guushuku raacday kooxdiisa D/Hoose, waxayna ciyaartiiku soo geba-gebowday 1-0ay guushu ku raacdaykooxda D/Hoose, halka aykooxda Police kuguuldaraysatay in ay waxgoolal ah dhaliyaan
Cilmi baadhid kusaabsan Sigaarka
Sigaarka oo dila 2.5million qof Sanad
walba. Dad badan oosigaarka caba ayaandhakhso u ogaan ama udareemin dhibaatadacaafimaad ee Sigaarkuleeyahay, sababta oo ahwakhti dheer ayeyqaadataa in si dhab ah loodareemo Caafimaadxumida uu keeno Sigaarku.Waxaa kale oo muhiim ahoo xusid mudan dhibaatadauu u gaysan karo dadka lanool kuwa sigaarka caba.Waxaa hubaal ah oo laxaqiijiyay in qofka la noolqofka sigaarka ku caboguriga uu la mid yahay sidaisaga oo cabay oo kale.Muxuu ka sameysan yahaysigaarku? Sigaar wuxuu kakooban yahay seddexwaxyaalood oo kala ahNikotiin (Nicotine), Taar(Tar) iyo Karboonmonoagside(carbonmonoxide).1) Nikotiinka: waadaroogada aad looqabatimo sababta oo ah sidhakhso ah ayaawaxqabadkeeda loodareemaa, waxay kugaadhi kartaa maskaxdailbidhiqsiyomarka sigaarka la cabaayo.Dadka qaar way kuadagtahay in ay iskadaayaan Cabida sigaarka.2) Taarka: wuxuu kasameysan yahaykiimikooyin badan intoodabadan keena kansarka.3) Kaarboon Monoogside:waa hawada ka samaysantamarka la gubo sigaarka.Waxayna la mid tahayhawada ka soo badaxdaIgsooska GaadhigaKaarboon monoogsidkawaxay yaraysaa inta oxygenee uu qaado dhiigaagu iyointa uu jidhkaagu u baahanyahay.Khataarta ku jirta sigaarcabidu maxay tahay?
Sigaar wuxuu keenaa: 1-kansarka sambabada.2- wuxuu kordhigaakansarada ku dhaca afka,cunaha, mindhicirka,kaadi-haysta iyoilmagaleenka afkiisa iyodhinacyadiisa.3- inta ugu badan wuxuukeenaa Qufac-dherer iyoInfeseema.4- waxa kale oo uu sababacudurrada wadnaha iyodhiig-furunka maskaxda .5- wuxuu kordhiyaakhatarta dhiig-furunkamaskaxda ee qofkadurmarka ah eeisticmaasha kiniinkadhasha lagu kala fogeeyo.6- wuxuu kordhiyaa ookale kharta caafimad xumoee haweenka uurka lehwaxa kale oo uu kordhiyaain ay Hooyadu dhasho ilmomiisaankiisu uu yar yahay.Nasiib wanaag waxacilmibaadhid lagucadeeyey in marka uuqofku joojiyo sigaarka ay24 saac gudahood caadinoqonayaan wadna garacaiyo cadaadiska dhiigkaarbon monoogsidkiijidhka ku jiray iyo wadnoxanuunkuna hoos udhacayaan sanad gudihiis.in muddo ah marka aadsigaarka kamaqnaato.Khatarta dhiig-furunka maskaxda,kansarka sambabkawaxaad ula mid tahay sidiiqof aan weligiiba sigaarcabin.Cilmi baadhid la sameeyeyayee sheegaysa in 2.5million qof u dhintaansigaarka sanadkii, tiradanayaa waxa ay ka badaninta AIDS-ka u dhimata.Maraykan oo kaliyamaalintii waxa sigaar udhinta in ka badan 2000 ooqof.Ugu danbayn, waxaandadka sigaarka caba gaarahaan dhallinyarada kulatalin lahaa in ay iskadaayaan sigaarka oo ay kawaantoobaan.
September 2008 Wargeyska KOOR 3
Sidee ayaynu u ilaalin karnaa deegaankeena?
Xuska maalinta wax-qoristaiyo akhriska Adduunka
Sacad Axmed Cismaan
Maxaa kalahaystadhallinyaradaSomaliland iyoshaqo la’aanta? Xaflad balaadhan oo lagu
maamuusayey maalintacaalamiga ah ee waxqoristaiyo akhriska adduunka ooku beegan 8 August 2008,ayaa lagu qabtay xaruntagobolka Togdheer ee Burco.Xafladan oo lagu qabtaybeerta xoriyadda ee Burcooo ay ka qaybgaleendadweyne tiro badan, ayaawaxa ugu horeyn hadalkooban ka jeediyeyGudoomiye ku xigeenkagolaha degaanka BurcoAxmed Cabdi Faley,waxaanu sheegay inwaxbarashadu waajib kutahay qof weyn iyo qof yarbain uu wax dhigto, “ maantawaxaa nasiib wanaag ah inmeel kasta laga helayowaxbarasho ilaa heerjaamacadeed ah, sidaaawgeed waxaan kug u u b a a b i n a y a abulshadeenna in ay kudadaalaan waxbarashadaoo ogaadaan dhibaatada ayaqoon daradu leedahay,jahliguna waa cadawgabulshada” ayuu yidhiMr.Falay, waxaanu si gaarah ugu mahad celiyeyhay’adda soo qabanqaabisay ee TOGOYOVOiyo wasaaraddawaxbarashada iyo kuwamaalgalisay ee CARITASiyo SC/UK.Cabdi-Wali Aadan Geeljireoo ka mid ah saraakiishahay’adda CARITAS ayaasheegay in ay maanta tahaymaalinta far dhigaalka iyowax akhriska ee adduunka,isaga oo intaa raaciyey inhay’addooda iyowasaaradda waxbarashadaTogdheer ay gobolka kawadaan mashruuc kusaabsan la dagaalankawaxqoris la’aanta iyo waxakhris la’aanta islamarkaana 16 tuulo oogobolka ka tirsan ah kasocoto waxbarashadaas. oo
Waxa uu ugu danbayntii Mr.Cabdi-Wali u hambalyeeyinta ku hawlan ee kashaqaysa waxbarashad, islamarkaana halku dheggamaanta loogu talo galayyahay fardhigaalku waaxalka ugu wanaagsan eedawada qofka in uu waxqoro iyo in uu wax akhriyo.Mr. Cabdi Ducaale oo kamid ah saraakiishahay’adda SC/UK ooxafladaas ka hadlay ayaasheegay in maalintani tahaymaalin caalami ah oo lagaxuso dunida oo dhan,Somaliland-na iyada oo aanla aqoonsan ay kala qaybqaadanayso adduunkaintiisa kale, muhiimadaxuskana ay tahay sidiibulshada loog baraarujinlahaa la dagaalanka jahligaiyo aqoon daradda. Mr.Cabdi Ducaale waxa uuxusay in Somaliland 36% aywax bartaan, 64% aanaywaxbarasho helin, taasina aymuujinayso in aanay ubadbadani wali helin
waxbarashadii aas-aasigaahayd, sidaa awgeed fariintaSC/UK ee aanu maantagudbinaynaa waxay tahay‘dhamaan caruurteenawiilal iyo gabdho aan u dirnogoobaha waxbarashada.”Farxaan Jaamac Ismaaciil ooka tirsan ururkadhallinyarada TOGOYOVOayaa tilmaamay in aytuulooyinka degaankaTogdheer ka wadaanmashruuc waxbarasho oolagula dagaalamayo waxqoris la’aanta iyo akhrisla’aanta bulshada, iyada oodad badani si wanaagsanuga faa’iideysteenfursaddaa, waxaanu intaasku daray in fariintaTOGOYOVO ugu talogashay xuskani ay tahay‘Aqoontu waa furahahorumarka nolosheena,jahliguna waa cadawganolosheena.’Waxa iyaguna halka hahadlay masuuliyiin badanoo ka kala socda qaybahakala duwan ee bulshada.
Ilmaha yar ha laga illaliyodhaqamada xun-xun
Safiya Abdirisaq BILAD NGO.Ilmaha yari illaa inta uu qaan gaadhayo waxa haboon inlaga ilaaliyo waxii dhibaya sida hanjabaada, cayda iyohababka xun-xun ee loodhaqmo. Waayo waxaydhaxal siinayaan inuunoqdo marka uuwaynaado midmujtamaca khalad kafahma. Tusaale ahaan,marka ilmaha yar caylagu caayo“kalabyahoow yaaku kuidhi waxaa samee”iwm,waxa uu ilmahaas yari toos uguqaadanayaa inay tahay sida kaliya ee wax la iskuwaydiiyaa cay iyo aflagaado. Hadaba, mujtamaceena yariyo wayn waa inay masuuliyad iska saaraan ilmaha yarimarka uu yar yahay, waayo waxay uu khatar kunoqonayaa naftiisa iyo deegaanka ku meersan waxa kunool oo bani aadamku ugu mahiimsan yahay.
Khadar Cabdi
Tan iyo intii ayS o m a l i l a n d
xornimadeeda la soonoqotay sanadkii 1991kii ,waxaa jiray arday si is dabajoog ah uga soo qalinjabinaysay dugsiyada sare,jaamacadaha iyo goobahakale ee waxbarashada,kuwaas oo aan intoodabadani shaqo ka helin dalka.Hadaba shaqo la’aantaasbaahsani waxa aydhallinyaradii dhaxalsiisayin ay ku kacaan falal xun-xun sida cunista qaadka iyocabista sigaarka. Arintaberyahan danbe dalkeenaku soo korodhay ayaa ahtahriibta oo faro baasdhallinyarada ku haysa,taas oo dhallinyaradii ay halku dheg ka dhigteen ama kudhimo ama ku dhereg.Waxa kale oo iyguna jiradhallinyaro kale oowakhtigoodii kudhamaystay fadhigakuraasta makhaayadahalaga shaaheeyo, kuwaas oobadanka ku ciyaara dubnadiyo wixii la mid ah.Hadaba haddii aaddhallinyaradaas lasheekaysato waxa ay kuugujawaabayaan si rajo la’aanah iyaga oo kugu odhanaya,waar maxaa dalkii yaalaadiguba sawdigaa arkaya.Guntii iyo gabagabadii,dhallinyarooy waxaanidinku dhiiri galin lahaadhulkaagaa lagu dhiiradaa,lagu dhaataa, lagu dhargaa,lagu dhaafaa qayrkaa, lagudhawrsadaa nabad.
4 Wargeyska KOOR September 2008
Ku dadaala hormarinta waddankiina cidhibtirana tahriibkaJimcaale Xasan
Ummad kastaaba waxaay horseed ay u tahay
horumarka waddankoodamaanta caalamkan aadarkaysaanba amaba luguleeyahay hurumar buugaadhay runtii waxagaadhsiiyay waa dadkoodawaxana sharaftaa u soojiidayna waa dadkooda.Bal haynu yar eegnodalkeenan Somalilandmarka aad u fiirsatidamaba aad waraysatiddadka reer Somalilandwaxa aad ka ogaanaysaainayna diyaar u ahayn inaywaddankooda hormaringaadhsiiyaan waayo qofkiiwaxa uu ku odhanayaawaar tan Somaliland waaniskaga tahriibaynaa!!!runtii fikraddaa waxa aanu arka fikrad aad u qaldanamaba aan fiicnayn balaynu yar eegno dalka
Hindiya sida aad lawadasocotaanba dalka Hindiyawaxa uu ahaan jiraywaddan aad u sabool ahdadka hindida ahna waxaay ku noolaan jireen nololaad u adag oo ka daran taaad hada aad ka cararaysidlakiinse maanta waxa aadogtahay inay Hindiya aytahay wadandhaqaaleehuda aad usarreeyo shakina kuma jirocida horumarkaasigaadhsiisay inay yihiindadka hindiyanka ah amadadkooda.Hadaba saxiibadayda jecelinay tahriibaan waxa aanxasuusinayaa inuuwaddanku idinka idiinbaahanyahay waxaankaloo idiin xasuusinayaaqofku markuu tahriibayowaxa uu la kulmaa dhibaad u adag xataa mararkaay dhacdo biyo la’aaniwaxa ay ku kalliftaa inuu
qofku uu cabo kaadidiisataasina aynu odhan karnowaa dhib aad u daranloona baahanyahay in laiska dhaafo tahriibka loonasoowada jeedsado sidiiwaddanka wax looguqaban lahaa saxiibadayowma waxa aynu ka liidannaaHindiya? mise waxa aynunahay dad caajisiin ah oo
doonaya in uu fadhigu waxinoogu yimaado?maxaynuse aynumaskaxdeenna aynu ugashaqaysiin la’nahay?Ugu danbayntii, waxaa aanidiin leeyahay ku dadaalahorumarka waddankiina,cidhib tira tahriibka gabiahaantiiba.
Dhallinyaro tahriibaysa
Ciyaaraha iyo Gabdhaha
Anigu waan jecelahayinaan ciyaaro mar
walba, waayo waxaykamid tahay hababkamaskaxda iyo jidhkabalagu dhiso. Subaxdiiwaxaan ciyaaraa ciyaartajimicsiga. Taasi waxaynoqonaysaa in aan ahaatoqof morali dhisan. Waahubaal inay gabdho badaniay leeyahiin “mahaysanomeelo aanu ku ciyaarno,hadii aanu ciyaarahaciyaari lahayn”. Taasi waaloo baahan yahay inaymeesha ku jirto waayomarka la hayo baahidawaxay noqontaa midlaisku dayo in laga bixi karo.Hay`addaha dawladanawaxaanu leenahaygabdhaha yar-yar ee sookacayo haloo sameeyomeelo ay ku ciyaaraan oo
akhlaaqiyan asturan.Idinna gabdhoo iskudiyaariya inaad noqtaankuwo ku mashquulaciyaaraha halkii ay kagajeedi lahayeen waxyaaboakhlaaqad ahaan diinteenahaboonayn oo ay kamidyahiin filimada aanhaboonayn inl daawado,iyo balwadaha ay ka midyahiin waxyaabaha la ismariyo.
Muna Fu’aad
Sidee loo xakamayn karaada’yarta darbi jiifka ahBy : Xamse Maxamed C/lahiWaxa baryahan dambemagaalooyinka waaweynku soo badanaya caruurtadarbi jiifka ah, kuwaas oomarkasta dhibtooda wata.Haddaba, si taa loogahortago loona daryeelocaruurta ay diifta iyodiihaalku ka muuqdo eejiifa dariiqyada waaweynee dalka, waxa haboob in laururiyo oo goob kaliya laiskugu keeno, goobtaas ooay u dhamaystirantahaybaahiyahooga aas-aasigaah sida hoy, hu iyocuntadiiba . Taasi waxaycarruurtan ka caawinaysaainay noqdaan kuwo kunool nolol caafimaad qabta,waxbarasho iyo akhlaaqfiicanna leh. Balse , haddiiaynu caawin weynocarruurtan ,waxay saamaynweyn ku yeelan doonaancaruurteena aynu sidafiican u koriney.Hadaba waxa aan jeclaystain aan dadka u soobandhigo Dhibaatooyinka
ka dhalan kara haddiiaynaan ka warhaynincaruurta darbi jiifka ah eemagaalooyinka daadsan.
1. Ilmaha la toosinwaayo inta uuyaryahay lanajihayn waayo,wuxuu noqonayaamidmustaqbalkiisiigaba. Taasinawaxay hoos uridaysaa da’yartiiaqoonta lahayd eedalka u sookacayey, ilmahanoloshiisana wayu xuntahay
2. Waxa innagubadanayadhallinyaradabudhcadkanoqonaysa iyotuugta.
Gaba gabadhii waxaankula talin lahaa dhamaanbulshada in ay kawarhayaan xaaladacaruurta darbi jiifka ah eedalkeena ku tabaalaysan.
September 2008 Wargeyska KOOR 5
Caruurta aan haysanin daryeelka aasaasiga ahDhowrista xuquuqaha iyo
illaalinta caruurta aan lahaynwaalid daryeela ama u fidiyadaryeel ku filan, waa arin aad
isku soo taraysa dalkaSomaliland, halkaas oo
dhibaatadani ka taagan tahaysuuqyada iyo meelaha aadka u
daran ee magaalooyinkawaaweyn ee dalka . Ubadkan
suuqa laga helayo waa kuwo kamid ah kuwa waalidkoodu uwaayay daryeelkii assaasigaahaa. Waxa kaloo jira caruur ku nool hoygooda lakiin waalidkoodu hayn
waxii uu ku daryeeli lahaa ama ay ku masruufi lahayeen carruurtaasi. Kuwokalena waa kuwo ku nool guryo aan ahayn kii waalidkoodii dhalay. Halkaasi
oo dhib badani kasoo gaadho. Waxa jira gabdho, kuwaasi kamid ah oodhibaatadani taabatay. Marka laga hadlayo bulshadeena dhexdeeda, waxadhacda in gabdhahaas loo diro shaqooyin aaney awoodaynin hadana lagu
khasbo, waxa sidoo kale dhacda daandaansi xaga jinsiga ah (kufsi) oo ay kulakacaan inamada guriga ay la joogto, waxa kale oo iyadna dhacda in ay
gabadhu waxbarashad seegto. Caafimaadkeeda oo qoyskaasi ay la joogtaa xilbaiska saarin. Qaarkood waxay ku dhaqaaqan inay sharafta jidhkooda siistaan
lacag si ay baahiyahooda ku daboolaan kuwaasi oo laamiyada magaalooyinkawaaweyn aad ku arkayso iyagoo taagan. Inamada iyaguna sidaasi oo kale ayayiyaguna suuqyada ugu baxaan oo waxay bartaan balwada( qaadka, xabadta,
sigaarka iyo khamriga), dhaqamaadka xun sida kufsiyada, tuugada iwm.Iyadoo daryeelka dawladu ama xarumaha agoomaha uu yahay xalka ugu
danbeeya marka wax kale la waayo, ayaa hadana waxa yar ina xarumaha jiratiradooda iyo tayadooduba liitaan oo aan laga helaynba waxii looga baahnaaoo ah adeega asaasiga ah. Waxa hubaal ah ilmahaasi suuqa meeraysanaya inalaga qaado oo loo sameeyo meel lagu xanaaneeyo.in xarumaha agoomaha iyohay‘adahu ay noqdaan kuwo waxtarkoodu naxariis iyo dadaal la taaban karoyeeshan, iyadoo dadaaal aan kala go lahayn loo yeelanayo in la daba joogo
xaqa uu ilmuhu u leeyahay in labadiisa waalid ay daryeelaan, xubnahaqoyskiisa ama looga wareego bii‘ad qoys oo kale oon aan lahayn dhibatooyinkii
aynu soo sheegnay.Dhinaca dawlada waxa looga baahan yahay inays samayso xarumo ku filanubadkaasi aan helin daryeelka assaasiga ah, hubisana inay hay‘adii loogu
talagalay iyo meelihii u xilsaarnaa daryeelka iyo dhawrista carruurturacayaan nidaamkii iyo sida ay xeerarka dalka u dajisani yahiin.
Talo soo jeedinQaadashada qodobaadka ay inaga fartay diinteenu daryeelka umadka yaryar
ee aan helayn daruuriyaadkii assaasiga ahaa sida cunto, hooy, hu, daryeelcaafimaad, waxbarasho uu isku anfaco.
Qaadashada iyo fulinta ayaadka iyo sunada nabiga ee ka hadlay arintanidaryeelka ubadaka yaryar
Qaadashada xeerarka iyo siyaasadaha wafaqsan xeerarka caalamiga ah eexuquuqal aadamaha iyo daryeelka carruurta eek u baaqaya dhawrista
carruurtan aana lahayn cid xanaanaysa, ee islamarkaana kormeera amaillaliya dhawrista carruurta ku nool xarumaha agoomaha
Waxqabadka bulshada oo la korshiyo si loogu dhiirigaliyo qoysaska in ay uhogaansamaan xeerarka iyo mabaadi‘ida islaamka iyo kuwo dhaqanka eek ubaaqaya in daryeelka iyo dhowris looga helo qoysaska iyo bulshada. Kor u
qaadka fursada dhaqaaale iyo kuwo bulsho ee u ogolaalnaya walidka kelida ahin ay carruurtooda dhaqaale ku filan u helaan si ay u sugaan caafimaadkooda,
waxnbarashana ugu helaan.Dhismaha xarumo tayo leh oo agoomaha, , carruurta uu waalidkoodu u awoodi
waayay daryeelkii assaasiga ahaa.Qodabadaasi hadii laqaato waxa kalsooni lagu qabaa in laga hor tagi karo
dhibaato kasyoo ka dhalan karta carruurta oo loo waayo daryeelkii assaasigaahaa.waxayna kuli qodobadanai yaraynayaan baahida ilmaha geynaysa
xarumaha agomaha, guryo aan ahayn kii waalidkooda iyo darbiyadasuuqyada gayisiinkara dhibaatooyinka xanuunada uu kamid yahay HIV/
AIDS,balwado dhaqamo sida kufsi lagula kaco.
Xuseen Maxamed C/laahi
“Waxan daremaa
nasasho dhinacii
daalkii badnaa
hada waxaan ku
suganahahy goob
in aan dareemayo
daryeel iigu filan
marka loo eego
sidii hore”
Cabdishakuur, 13
jir, Hargeysa/
xarunta agoomaha
“Waxaan hada
aan ahayn ilmo
hela waxnbarasho
ku filan, cun iyo
hooy wanagsan
labasano ka hor
waxaan ahaa qof
suuqa ka
shaqaysa iyadoo
aan ahaa 6 jir”
Fadumo,13 jir,
Hargeysa
“Waxaan dhalay
inan aad u yarayd
oo markii daryeel
assaasi ah aan u
waaya aan geeyay
qoys qarabada
kamida sanad iyo
kabacdi la
kufsaday iyadoo
sagaal jira”
Hooyo
Canab, Burco
“Waxaan cabaa
sigaarka qaadkana
waan cunaa, waa
illahay mahadii
mar hadaan suuqa
la qabsaday
helayna asxaab
aan isla jaan
qaadno”
Jalo 13jir
Hargeysa
“Niyoow horta
illahay ayaa wax
walba qora
dhibataduna dad
oo dhan qofba si
ayay u haleeshaa
aniga waalidkaygu
waxa uu waayay
daryeelkii
assaasiga ahaa
waayo waa faqri
aad u liitay xiligii
iigu danbaysay,
waxaan gartay
inaa suuqa ka
shaqaysto, waxaan
had iyo goor aan
arkaa inamadaanu
rafiiqa nahay oo
ku kacaya falal
tuuga nimo ah,
wakhtiyada qaar
kuwo kale ayaad
arkaysaa
gaysanaya kufsi
oo dooxa qofkii
soomaraba ku
waxyelaynaya”
Cabdifatax
Hargeysa
Doctor
J
S
J
6 Wargeyska KOOR September 2008
Jawaabaha Dhakhtar KOOR
J
S S
J
S
Ayaad kala tashan kartaa indhiiggaaga laga baaro HIV iyo inkale?
U tag dhakhtarkaaga, ama tagcubitaalka ama bukaan socod-eegatada (kilinik). Goobahan waxaaad ka helaysaa tallada aad ubaahanyahay. Marka ay ogaadaanxaaladaada, iyaga ayaa kuu gudbindoona shaybaarka dhiiga lagu eego,haddii ay lagama maarmaannoqoto.
Muxuu difaaca jirku isagacelin waayey HIV sida uuisaga celiyo jeermisyada kale?
HIV ma aha sida jeermisyada kale.Jeermisyada kale waxa ay weeraraanunugyada jidhka qaybihiisa kaladuwan. HIV waxa uu toos uweeraraa unugyada habka difaacalaftooda. Waxa uu isku maraaunugyadaas, kadibna wuu dhexgala. Marka uu gudaha u galounuga waa uu ku dhex tarmaa.Muddo ka dib, waxa uu qarxiyaaunuggii waxaana dib ugu noqdaqulqulka dhiigga tiro badan oo HIVah. Kuwanina waxa ay sameeyaansidii oo kale si ay u sii bataan,wuxuuna noqdaa habkani joogtoillaa uu HIV barabixiyo dhamaanunugyada difaaca jidhka.
Sidee ayaad iskaga ilaalin kartaawixii khatar ku galinaya?
Iska ilaali xaaladaha kuu keeni kara inaad samayso galmo aanad iskahubsan, tan macnaheedu waxaaweeyi in aad iska ilaalisid cabiddakhamarada iyo isticmaalkamaandooriyayaasha.
Haddii aad gabadh tahay iska ilaali inaad nin u raacdid meelaha madaw eecidlada ah.
Ha la saaxiibin dadka aaminsan in aywanaagsantahay in aad yeelatidsaaxiibo badan oo aad iskugalmootaan.
Ka fogow dadka ama saaxiibada kuguriixa falal aad ogtahay in ay naftaadahalis u yihiin oo ay ku qaadsiinkaraan HIV.
Haddii HIV la iskugu gudbiyodhiigga, ma jirtaa halis ah infayraska laga qaadi karo dhiigaxoolaha ama taabashadahilibkooga?
Maya. Dadka oo kaliya ayuu ku dhacaafayraska HIV. Hilibka xoolaha iyodhiigooga toona dadka uma gudbin karoHIV. Waxa jira daanyeerada ku noolAfrika in qaarkood ay qabaan fayras ueeg HIV. Hasayeeshe, fayraskaasi waamid ku dhaca daayeerada oo kaliyamana aha kan dadka qaadsiiya AIDS.
September 2008 Wargeyska KOOR 7
Qaybtii 8aad
Nasteexaynta HIV (Counselling)M.Y. Culimo Aragtida Islaamka ee HIV iyo AIDS
Cadadkan maanta eenasteexaynta
waxaynu ku eegidoonaa aragtidaIslaamka ee HIV iyoAIDS.Nabi Maxamed(Nabadgalyo iyonaxariisi korkiisa haahaatee) waxa uuyidhi,”Mid idinka midahi janadda gali maayoilaa uu rumeeyo ,rumayna maysaan ilaaaad is jeclaataan “.Xadiis kale ayaa ah:Ilaahay wuu idiinnaxariisanayaa inta aadisku naxariisanaysaan.Wadamada dunida oo
dhan wuu saameeyayfayraska HIV.Wadamadaas waxaa kujira dalal fara badan ooIslaam ah . HIV waxa uuku dhici karaa qofkasta :Caruur iyo ciroole,muslim iyo gaal, rag iyodumarba .Macluumaad sax ah ooku saabsan HIV iyoAIDS oo aynu helnaawaxay inagacaawinaysaa inaynubulshadeena kabadbaadinoxanuunkaasi ,waxaynahoos u dhigaysaacabsida iyo takooridalagula kaco dadka la
nool HIV iyo AIDS.Macluumaadku waxakale oo uu meesha kasaarayaa fikradahakhaldan ee xanuunkalaga aaminsan yahayNolosha bili aadamkuqiimo wayn ayay kuleedahay Islaamkadhexdiisa , waanahadiyad uu Ilaahaybixiyo .Haddii qof uu asiiboxanuun waxaa la inoogabaahan yahay inaynu unaxariisano,xanaanayno oocaawino ee ma ahainaynu dhaleecayn iyoaflagaado kula kacno.
Waxaa jira dad badanoo Muslimiin ah oo uusaameeyay HIV iyoAIDS. Dadkaasi waawalaaleheen ,waxaanaay ka mid yihiinbulshada muslimka ah. Iskama indho tirikarno dadkaasi eewaxay u baahan yihiininaynu caawino.Qofkasta oo uu asiiboHIV iyo AIDS waa infiiro gaar ah loo yeeshooo la daryeelo ,lanatuso inaynu jecelnahay oo uuwalaakeen yahay si ayugu noolaadaan nololfiican.
Awr-ba Awrka horesocodkiisa ayuu leeyahayFaadumo Maxamed, Dugsiga Sare ee 26-Ka June
Hablaha
waxbarashada waa umahiim marka loo eegomujtamaceena.Raga maanta jooga waakuwo gabay waajibkiisaarnaa oo ah inuuisagu masuul kayahaydhaqaalaha qoysku kutiirsanyahay oo uu kugaadhi karo nololfiican. Sidoo kale waxawarwar laga qabaa inaydhallinyaradamaantuna sidaasi ookale noqdaan, waayowaxay u badan yahiinkuwo aan mustaqbalka
u sii hub urursankuwaasi oo kumashquulay balwadokuwaasi oo 90% halis uah inaymustaqbalkoodu mad-madow galo. Waxaanhablaha maanta aan usoo jeedin lahaa inaywaxbarashada kudedaalaan. Haddii aygabadhi wax baratowaxa ay kabadbaadaysaa noloshaqalafsan eehooyooyinka qaarimika ku nool yihiinkuwaas oo ragoogiidayaceen.
Saaxiibayaal inta aynu isla joognoaynu ka wada hadalno HIV iyo AIDSSamiira Jamac
Xanuunka HIV/AIDSwaa xanuun ay
tahay in laga hortago.Markast oo xogta isagaku saabsan aynu helnowaxaynu ka siifogaanaynaa halistaaynu u nahay inay uqaadno si sahlan.Marka aad ogaatid sidala isagu gudbiyo, sidaaan la iskugu gudbiniyo sida looga hortagowaxad hubaal ah inaadnaftaada kalsooni kuqabtid marka xaqaa‘iqaka hortaga HIV/AIDS-
Ku darso fikirkaaga Wacyi-geliyaha KOOR
ka laga hadlayo. Maxaayeelay waxa iyadunameesha ka maqnayncuqdadii iyo takoorka.Kuwaasi oo la islawaafaqay in hadii lafahmo ay suurto galtahay inuu yaraadofaafida HIV/AIDS-ku.Taasi waa suurta galmarkay xog inagu filanoo xanuunka kusaabsna aynu raad sanooo aynu dhexdeena kasamayno wakhti aynukaga wada hadalnomarka inagu asxaabahaan is dhex joogno.
“Wixii maqaalo, tallo iyo su’aalo ah ku soo hagaaji cinwaannadan:HYDATel: 252-2-517447, Mobile: 252-2- 4410433Email:hyda2020 @yahoo.comkoorym@yahoo.com
@yahoo.com
Website:www.hyda.orgkoorym@yahoo.com
8
www.hyda.org
Wargeyska KOOR September 2008
Odhaahda Sawirka
Xanuunkani adduunka ayuu ka jira laakiin wuxuu aadugu badan yahay Afrika siiba dalalka Sahara Afrikada kahooseeya, xalka keliya ee loo hayaa waa wecyi-galin
Waxa laga yaabaa in labada qof marka uguhorreysa bartaan qabiilkooda, laakiin maogaadaan xaaladooda caafimaad oo aadmuhiim ugu ah aayahooda dambe.
top related