Download - Jees Ururay Final
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
1/119
01. Sow ibtilo maaha02.Alif iyo ba'03.Allow sahal amuurah04.Koris wacan05.Dugaag daris maleeyahay06.Ummadaha maxaa haga07.Rajaa nolal ah08.Aammiin innoo dhaha09.Kuwii aan cilmiga baray10.hogaan toosan11.humaag culimo12.dhabba toosan13.caqli dhaba allow nasii14.yaa ceebta naga dhaqi15.caruurteenna sharafta lehs16.Doodeey maxaa tahay17.Gurmadka jaamicadda moqdisho18.Danba way iciidsii19.Dadku kala ayaan roons20.Sedeed madax ku noqon kari21.Qorba joog dhammaantiin22.Waqtigiisa dhumiya23.Dhimashada ha diidina24.Qallooceenna yaa dhalay25.Fanku wuxuu cabirayaa26.Kalinimaa kadeed leh27.Tallaabada koobaad28.Hanka wayn29.Jacaylba wanaa dhala31.noqo Raad wax tari kara32. Usahami adoon rarin33.Dadku maxay codsanayaan34.walidoow ma ogtahay albaabkaas35.Dadku maxay codsanayaan36.
37.
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
2/119
JEES URURAY:Dr Ali Sheikh
01 Sow ibtilo maahahordhac
Toban sano markay dhammaatay ayuu ahaa baaqii qiimahabadnaa ee ka yimid Madaxwaynaha Ummadda Djibouti IsmaaciilCumar Geelle , shirkii Carta ayaa ka dhashay, waxay noqotay arrin
loo bogay oo abuurtay rajo aad u wayn.Dhawr bilood ka dib waxaa isu kay qaban waayay shaqadii lasugaayay iyo hab dhaqankii ka yimid maamulkii lagu soo doortayGoobtii Carta, Fajiciso iyo yaab ayay igu keentay, waxayna ilanoqotay ayaan darro waynan badan iyo ibtili, saasu ku yimidgabaygan.
Arrin guud kuwii lagu ogaa beledka aan joogna
Ka ilaasha eex iyo ajeyn kuwi ogaan yeelay,Oo cadow ka oodiyo la yiri aqalka noo fiiqa,Ee ummadda dayrka u noqdoo talada oogaayay,Inay udubadeedii dunshaan sow ibtilo maaha?
Ammaanada kuwii qaadayee lagu ammaanaystay,Abbaan iyo ugaas iyo horfiiq odayna noo doortay,
Agaasimida hawlaha dalkiyo inay adeegaanba,
Amnixumada taalana ahayd inay daweeyaanba,Inay iinka sabab uba noqdaan sow ibtilo maaha?
Aqoon sare kuwii lagu tuhmiyo garasho loo aayo,Anshi diin albaabada cilmiyo aayad iyo saaynis,
Ideel kuwa itaalkii kasmada sidi uraad leefay,Ummadduna is-tiri way la' iman aawil lagu raysto,
Abaar kulul kuwii soo arkeen agan biyood dhaansan,
Oo inay oonbax geeyaan ahayd ceelka ummaddooda,Iyo keenid aaraa xal huban dunidan aafowday,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
3/119
Hadday aragti aan tayo lahayn iyo awood toona,Isma-dhaanto aagaan arradan ebber naclaynaysa,
In waxbaratay ay wada noqdeen sow ibtilo maaha?
Albaabka tarbiyada
Ilmo baahan awlaad wax cunin ubad qadoo baahanAfbilawna aan helin aroor oo aan habeen quudan,
Ilmay gaaja haysoo darxumo alaladoo yuusay,Oo eeday marad aan cidnaba daawo la agjoogin,
Oo aabbihii dhalay qayili soo ibtilo maaha,
Agloolkiyo ilaalada ilmaha iyo agjoogooda,Haddaan hooyo iyo aabbo noqon ul iyo diirkeeda,
Oo uba agaasimin tarbiyo hab isku aadaaddan,Agabbarid asaas raac hadday orod midaynaynin,Ilma-korinta tooduba markaa ma ambaqaadayso,
Inay labo akeekama noqdaa sow ibtilo maaha?
Erey lagula qawlaba haddaan iinta laga dhowrin,Anshi iyo haddaan eddeb la barin iyo asluub toosan,
Oon lagu anqarin diin Illaah alab falaadkooda,Oon ubadka loo hagarbaxayn way anbanayaane,Aroor saxan asiiliga abbaar ubad hadduu waayo,
Anbabbaxa inii laga qasaa sow ibtilo maaha?
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
4/119
Addimaha waxay oofiyaan uur wixii jira e,Afka iyo qalbiga oon israac hawl u wada oogin,Afka-sheeg ahaysiin la socod ficil asaaggii ah,
Uma aha astaan lagu daydaa ubad dhegaystaaye,Addin aan afkii yiri aqbalin sow ibtilo maaha?
Sida Eebbii uumay faray uunka dunidoo dhan,Ikhlaas waa inuu yahay waxaan ku andacoonaaye,
Ilmo korin asluubaynta iyo agabbar siintooda,Tarbiyadaan ikhlaas lagu salayn waa ajarid weyne,
Afka laga ma baafiya waxaan lala imaanayne,Awaajiyid atoor laga ahayn u andaqaadkeeda,
Wanaag aabbihii faray akidid sow ibtilo maaha?
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
5/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
6/119
Dowrkooda baabi'in,Danbi male caruurtuye
Dawlad xumada taalliyoDadkii dhalay ayaa gabay
munaasabaa ayuu ku dhasay gabaygani.
ALIF BA'
Ubadkeenu waa ubax dhashoo wada ifaayaayee, Ilwaad weeye laabta u bogtiyo hibo Illaahey e,Allaa nagu risaaqoo idlaad uunka wada siiye,
Waa ammaano culus oo la rabo inaan adkaynaaye,Innaguna masuul baan ka nahay ababintoodiiye,
Edeb iyo aqoon wada jiraa ubadka noolay ne, Iyo ilaalo joogtoo marnaba laga il-duufayne,
Indha beelyey duulkii cilmiga lagaba oodaaye, Agankii awoodana ma leho kaan isguul galine,
Aqoon buu ku gaaraan dadkaba aayatiin qumane,
Feker wada abaabulan hadd ii ubadka loo qeexo,Oo karaanka koodiyo aqliyo dhimir itaalkooga,
Iyo awood waxay lee yihiin laba ogeysiiya,Aglool-siina loo furo dugsiya laga iftiin-siiyo ,
Oo loo adeegsado si wacan agab tacliinoo dhan, Sidaasay ilmaha aan dhalnaa ku aflaxaayaane,
Kuna gaari ummaddeena libin isku-filnaan weyne,
Alif iyo ba'diisiyo ta'doon aano lagu taagin,Aqoon kororsi daaima haddaan ubadka loo sheegin, Oon oogta waaberi dhammaan agabka loo qaadan,
Oon lagu anqarin maalintuu uurka soo baxayo,Arrimaha islaamkeenu faray dooda lagu aadin,Oon lagu agaasimin cilmiga Eebbeheen fidiyay,
Oon ababintiisaba la barin talo asluubaysan,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
7/119
Anshax sugan haddii aan la barin iyo akhlaaqtoosan,Anbashiyo anguugyiyo habaw iyo afduub mooye,
Miyuu ubadba naga dheefayaa dhaxalgal aayood leh?
Iskuuladu waxay bari haddaan aragti loo yeelan,Manhajkana afayn iyo habayn iinnta laga dhowrin,
Oon bare aqoon iyo karti leh baridda uu oogin,-Wax asluubta toodiyo la hubin aabbonimadooda-Haddaan laga ilaalinin ilmaha bare akhlaaq waayey ,
Ilmahaan dhalaynaa ma helo aayatiin qumane,Abidkii-ma-kore buu ahaan mana idlaadaane,
Anfac libin waxaa beeri kara waalid uur nugule,Hadduu ubadka hooyiyo adoo aad u wacan yeesha,
Abab toosan aabayn san bay ku aflaaxaane ,Anshax-xumada oo idil haddaan aqalka loo diidin,
Danbiyadana aan laga abhinin iiqa iyo ceebta,Aflaggaada iyo caay haddaan eray xun loo diidin,
Oon aqalka nabad looga dhigin iyo ardaagiisa,Haddaan ubax jacayl iyo wanaag laguba uur-beerin,
Oo aan turaal lagu anqarin aayar iyo aammin ,Ma arkayno nolol aan ahayn aafo iyo hooge,
Arrin xumada qaarkeed kadaran guri abaareede,Ummaddiis ma hago ruux hadduu aragti waayaaye,
Aqoon liidu duulkay heshaa ma anbaqaadaane,
Iftiin maleh awood maleh ma aha aammin gurigiiye,Arxan maleh anfaca loo xishiyo ilo barwaaqeede,Ilxumada jahligu uu na baday waynnu aragnaaye,
Adyad iyo xumaantii ka timid waan ogsoon nahaye,Arligeenni waa kaa dumoon alaladeynaaye,
Asqawyoo dadkeenii wakaa ooman oo qadaye,Arkaantii jahliga oon la dumin ma istareexaane,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
8/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
9/119
Ilaahii nebi Aadam,
Asoon aabbo la sheegtiyo,Uurka hooyo adeegsan,
Onkoo ciid ka abuuroow!Ku arsaaqay itaal iyo
Aqoon aan cidna haysan
Egguu wehel uba baahdayAhaysiiyay Xawaa oo,Ka abuuray jirkiisow!
Awood buuxda u siiyay,Inuu uunkani joogoo,
Milyaaraad ka abuurmo,Adigaan ku baryaaye,
Wax kastaabo awoodee,Eebbow yaa IllaahowIgu toosi aqoonaan,
Abshirtaadiyo khayrkiyoAqbalkaaga ku gaaro!!!
Ilaahii alkumaad iyo,Abuurkayga ka yeelay,
Uurka hooyo dhexdiisa,Aqal aan ku nastaa iyo,
Garoon aan ku ordaa iyo,Agan aan ku dabaashiyo,
Oksijiin aan dhammaan iyo,Arsaaq aan is-dhimaynin,
Awoodiis igu siiyoow!Igu aadi wanaagooAbshirtaada isiiyeey
Allahii i abuuroo,Lafahayga adkeeyoo,
Ku dadoo ku dahaaray,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
10/119
Hilib aan la arkayn iyo,Harag ooga daboolay,Ka ahaysi jirkaygoow,
Igu aadi wanaagooAbshirtaadasiiyee
Ilaahii i abuuree,Aragayga wanaajiyee!
Maskax aad u shaqaysiyoAlbaab aan la marayn iyo
Aqli ood uga yeelowKu ilaalshay sirtaydow
Adigaan ku baryaayoon,Albaabkaaga is-taagee,
Igu aadi wanaagooAbshirtaadasiiyee
Addeec aad aqbashaa iyo,Gefefkood iga mayrta!!
Arrimahayga dhammaannaMid uruusan ka yeeloo,Irrid khayre leh ku toosi!!
Waxa aafo dhacaysana,Afaafkayga ka moos oo,
Adduun noolol wanaagsan,Urshi khayr leh i siiyoo,
Aakhirana raxmadaadiyo,Arxan iyo sad jannaad baan,Allow kaa sugayaaye,Eebbow ii naxariiso!
Subxaankii i abuuroow,Ha i seejin wanaagga!
Arimahayga dhammaanna,
Istiqaamo ka yeelooIrrid khayrka ku toosiye!
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
11/119
04 Koris wacan :Waxan socday jid ku yaalla Magaalada moqdisho, si' lama filaan ah
waxaa iiga soo horbaxay tiro caruur ah oo ciyaaraysa maalindugsiyadu ay furanyihiin oo asaagoodu wax barashada ku hawllan
yihiin, waxaan is waydiiyay maxay noqon doonaan ilmahanimustaqbalka?
Ubadkeena sharafta leh,Haddii lagu agaasimo,
Aqoon iyo wax garashiyo,Anshax iyo asluub sax ah;
Ebyoon oo dhammaystiran,Markaasay awood heli,Oo ay kobac idlaan oo:
Iyagoo itaal lihi:U adeegi beledkoo,Aabbo iyo hooyana,
Abaal marin sarraysiyo,Ixsaankooda joogtayn,U halgami dalkooda e,
Ilmihii hannaankaa,Adag lagu barbaarshaa:
Aflax bay ahaadaan,Abidkood ma hoogaan,Sharta kuma arooraan,
Ilmihii iftiin iyoAqoon lagu barbaarshaa:
Albaabada wanaaguu,Illaahay u wada furi,
Ijaabadiyo khayr bay,Ku abbaari noloshoo,Aqbal Eebbe bay heli,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
12/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
13/119
Sanadkii 2010 dhexdiisii ayaa aniga iyo macallimiin JaamicaddaMoqdisho ka soo safray Boosaaso meeshaas oon ka soo gudannay
shaqo Jaamicadda ku saabsanayd,jidka dhiniciisa ayaa waxaaistaagay wiil war intuu qaatay ul dheer ayuu na soo shiishay sidii
nin dagaal ku jira oo dad laynaaya.!Waan gabaday baaabuurkii ayaan isku dhextuuray, war ka gabada
rasaasta ayaan ku iri Macallimiintii!, markii la yaabay aan u jawaabay saaxiibaday oon ku iri:
Waa gu' iyo labaintuu gabankani
Gaari meel uuWax gumaadeeka'gabada hooy!
(Dugaag daris ma leeyahay) munaasabadaa ay ku timid, ee ku soo dhawaada.
Dadnimadu wuxuu rabocunagani wuxuu arkay ayuu samaynayaa ee ha layaabina,
gabaygan (Dugaag
waxay tahay,Dareen iyo xilqaadnimo,Kuu diidi xumaha oo,
Danta guud u geyllami,La dagaali dulankoo,Daawayn dhibaatada,
Dadka qaar sameeyaan,
Dadnimadu waxay tahayDareen iyo xilqaadnimoSidii roob da'aayooWebiyaal durduri ooDadku ay ku noolaalAad daa'im noqotaaAdigoon ka daalayn
Dadnimadu waxay tahayDareen iyo xilqaadnimo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
14/119
Inta dunida joogtaaSida dalaga noo baxaCimilada dalkeenniyo
Duur joogta oo idilay kaa dareemaan
Mid danayn inaa tahayDantoodana ku hawlloon
Darsigani wuxuu yahayMid diinteennu sheegtoo
Daliilkeeda lagu qiray
Ha yeeshee dadkeenniiDuruuftuu ku noolyahayDabciguu la soo baxaywaxay dmisay dawrkiiDadka lagu aqoojiray
In badan waxay ka doorteenDugaagnimo xil aan mudan
Dal fog baan ka imidooDubkoodaa i hoday ooDad waxaan u hawstaan
La soo dagay anoon garanDoorsoonka yimid eeDugaageenni badiyee
Dadkii bahallo loo rogay
Dugaagaan aqoon jirayIsagaa wax dili jiray
Difaacana midayn jirayIsna wuu is dayn jiray
Dugaagaan la noolahay,Wuxuu doorshay dhaqankii,
Bahallada wax dilijiray'Dagaalkooda waxa dhala
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
15/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
16/119
Kolba qaar dayaayuu,Dabin uu mar hore dhigay,
Dadka uu ku layn jiray,Dulmi waa musiibee,
Yay luqunto dalaq tiri,Waxba kama danbaynoo,
Baahi buu dareemo ,Mowd baa ku soo dagay,Hareeraha markuu dayay,
Dadkiisii ma uu arag:,
Dugaagi la noolaa,Dariskooda doorbiday,
Durba waxay ogaadeen,Duruuftiisu siday tahay,
Dagaal baa dhix maray oo,Anaa diiran hilibkiis,Isku dilay anaa cuni,
Dooduu dhagaystoo,Wuxuu yiri dogaagow,
Anigaa is-dilayoo,
adkaygiina madhiyoo,Dugaagnimo ka doortoo,
Daris beena qaatoo,Cidla dayr ka ootoo,
Naftaydii ku daayacay,Dabinadii aan taagaa,
Mid ka mid ah idilayaa,Idinkuna dugaagyahow,Ha isku dilina hilibkee,
Dhib yaraan ku daaqoo,Damankiina buuxsada,
Dadkii aan ahaan jiray,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
17/119
Dugaagnimada ka hor baa,Fariimahan u dirayaa!
Danbigayga waan qiran,Inta iga danbaysaay,
Ha ku dayan waxaan falay!Gacalkana ha daayicin,Dariiqaygu waa halis,Ninkii dilay walaalkii,
Isna kama danbeeyoo,Darxumuu u dhiman oo,
Wuu daba galaayaa,
Duunyadna dhammaanteed,Midna dheefsan maayoo,Dugaag baa dhaxlaayoo ,Ku diglayn barwaaqada,Iyo maadhkan soo di'i,Dadkii aan halaageen,
Aakhiro u dirayow,Dugaag daris ma leeyahay,
Duruus badan markaan maray,Dib u eegay waxa dhacay,
Dadkaygii dhammaantood,Dalkaygii kuwii gubay,Dadkaygii kuwii cunay,
Duunyadoodii kala diray,Dalagoodi wada gubay,
Iyagii is wada dilay,Kuwaasaan dugsanayaa,
Dayr kula jiraayoo,Dadnimana ka sugayaa,
Daaimoow Ilaahoow, Dulmigooda naga qabo!!!
Dugaagnimada baabi'i
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
18/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
19/119
Abidkiis ma tabargalo,Ummaddana wax uma taro,
Intaa kuma ekaadee,Mar hadduu aqoon qabin,
Aalaa waxaa dhicin,Qofka inuu ahaadaa,
Inkaar-qabe abaabula:Asaayiyo xumaan iyo,
Arrin aayatiinkii,Adyad iyo dhib reebtee!War hooy taa ogaaw oo,U adeeg waxbarashada,
Aqoon laga ma maarmoo,Waa asaaska noloshiyo,Albaabkeeda sharaftiyo,
Illinkii karaamee,Dadow taa ogaadoo,Isugeeya tamartoo,
U adeega ummaddoo,Aqallada waxbarashada,
Dugsiyiyo iskuulaad,Alkumoo aduudoo,
Orodkii waxbarashada,Abid habo ka daalina!
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
20/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
21/119
Iimaanka diidoo,Afxumeeyay Nabigana,U adeegsa maansada,In dacwada islaameed,Ay gaarta uun badan,
Afarrey ma reebbana,Waa dhaqan asiil oo,
Haddii loo adeegsado,Illaahey siduu rabo,Ajir laga helaayoo,
Ummaddana anficiyoo,Ilmahana wax tariyoo,Afkaartoo u korartiyo,Afki hooya ubad bari!
Ilkacase walaalow,Adaa igu abuurayoo,Iga keenay alifkane,Inta diidan oo idilAfarreydan gaarsii
Adigoon halmaamaynIslaamkeennu inuu qiray
Oo loo adeegsadayHawlaha idaylkood
Ibnu aadam loo diray
Afarrey ma reebbana!Ummaddeenna gaarsii,
Asal sharaf leh inay tahay
Afarrey ma reebbana,Ku aadaan intaad kari,
Mar hadday anshaxa korin
Afarrey ma reebbana!!Ayay baa ku heestoo,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
22/119
Ubadkay ku korisaa,Ilmeheenna oo idil,
Jacayl ugu abuurtaa,Afarrey ma reebbana,
07 Rajaa nolal ah:
waxay ku timid tixdani seeko dhex martay aqoon yahansoomaaliyeed kuwaas qaar ka mid ah ay ka muuqatayquus iyo
rajo li'i
Rajadu waa iftiin iyo, Ilays u leh ahmiyad weyn,Adduunyada in joogtoo,Aadmigu ka koow yahay,
Nimankii agaasimay,Xoriyada irmaankooy,
Ummaddeennu maashaa,Dhalinyaray ahaayeen,
Fekeroo is-aaminay,Raja adag lahaadoo,
Orday oo dhaqaaqoo,Waajibkooda oogoo,Aloosoo agaasimay,
Talis ummadda toodiyo,U adeega shacabkiyo,
Ebyoon dowlad kaamil ah!
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
23/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
24/119
Aamiin innoo dhaha!
09. Kuwii aan cilmiga baray!
Tixdan waa dhaliyay shiikooyin na dhex maray aniga iyobarfasoor Abdi ismaaciil samatar 2008 oo ku saabsan dalkasoomaalia iyo dad laaanta haysata, maxaa yeelay dadkii waxu bartay badankoodu xilba iskama saaraan dalka iyo dadka,waxaa aad ii dhaqaajiyay maalin u barfasoorku aniganabadgaliyadayda uu ila soo qaaday, taasoo xusuus igureebtay, anoo tabaaya kumanaanka wax bartay een dibba usoo noqonin, oo nolashoodu ku dhammaan meel aanmunaasab u ahayn.
Cabdi Samatarow!Codka iyo dareenkaad,
Cabsidiyo halistaan,Cali ahaan ku suganahay,Cabbirtood ku sheegtay
Ciidduba maqlaysoo,Cod in ay ka dhiibtoo,Kuu caddaysa xaajada,
Codsatayoon u daayaye,Cabdi Samatarow maqal:
Ciiddii waxay tiri:
Cabdiyoow markaan dayay, Kuwii aan cilmiga baray,Candhadeyda nuugoo,Naaska caanahii jaqay,Canshuurtii dalkeeniyo,
Ceeshkiisa quutoo,Cabbayoo ku tabargalay:
Waa calaf la'aan ee,Cawadaan u baahdoo,
Caymin iyo kalkaal rabay,Caqli may la iman oo,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
25/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
26/119
Cashar kale u daadago:
Siday ciiddu sheegtooy,Carrabkeeda marisiyo,
Cabdiyoow kolkaan dayay,Carligeena baay oo,
Cawaantidu ka talisoo,Cilmigii ka guuroo,
Caqli haga ka suuloo,Cidna nabad ku haysanin,
Markaasaan cajabayoo,Cirku ila wareegoo,
Caqligaygii aan tabay,
Waxkastoo cilmigu faray,Ama uu caqligu yiri,
Ama dunida caanku ah,Culimo iyo caamaba,
Dhammaan waxaan cilcelina , Inuu noo cuntami Karin,Markaasaan cajabayoo
Cirku ila wareegooCaqligaygii aan tabay,
Cashiradan xumaadoo,Ceebahoodu muuqdaan,
Ayaa ciil i badayoo,Cidlanimo ayaan tabay,Waa cuddud la'aantaas,
Cidna talo ku siinayn,
Casiisoow Ilaahoow,Cidna maysan weli garan,Cashiradii la soo maray,
Culayskay lahaayeen,Ceebihii ay reebeen,Cuduraday talaaleen,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
27/119
Cidna maysan weli garan,
Caabooni iyo taloCudud la isugeeyoo
Cilmi toosan lagu wadoYaa ceebta naga dhaqi
Hogaan aan caburinhanti cunid dan guudoon
Hawshana cidlaynaynHalgal nimo ku caan baxay
Yaa ceebta naga dhaqi
10. Hoggaan caafimaad qaba:Tixdan wuxay ka timid su'aal wiil soomaaliyeed oo ka mid ah qorba
joogta: Wuxuuna yiri: Sidee loo heli karaa hoggaan toosan?
Hoggaan caafimaad qaba,Cidna kuuma haysee,Caqligaaga kaashoo,
Cilmi suganna kaydsoo,Carruuraha ha daayicin!Si bal ciribdanbeedkii,
Cimlaaq talo yaqaan iyo,Hoggaan caaqil loo helo!
Carruuraha ha daayicin!Waa cudud koreysoo,
Haddii laba carbiya oo,Loo caloolnuglaado,
Cilmi sugan la bara oo,Ceeb iyo xumaan iyo
Ciil laga ilaaliya,Hoggaan caafimaad qaba,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
28/119
Casar laga helaayee,Carruuraha ha daayicin!
11. Hummaag culimowaxay ku caan bexeen culimada soomaaliyeed u adeega waxbarasha,Ka hortaga dagaallada, heshiisiinta beelaha islaaya, iyoaxkaamta kulinteeda, waxaa ka reebanaa ka qayb galka dagaalladadhexmara reeraha ay ka soo jeedaan.
Nasiib xumo ayaa innagu sintay in la arkay rag badan oo labbisandharkii lagu yaqaannay culimada, oo waxna ka yaqaanna diinka,Fakooduna uu yahay dagaal joogta ah oo keenay dhimasho iyoburbur aan horay loo arkin loona maqal.Way isukay qabanwaysay, sidaas ayay iigu soo dhacday
maansadan( Hummaag culimo) ku soo dhawaadaakhyaaree
Cabdiyoow markaan dayay,Hummaag culimo duulloo
Caashaqay adduunyoo,Naxariis ka caagoo
Cabsi Eebbe qabinooCid walbana dhibaatayn
Arkay duni cakiranoo
Madax ciida loo darayCaguhuna kor aadeen
Yaa caawimaad iyoCaqli kale aan dayday
Cabdiyoow markaan dayay,Hummaag culimo duullooCalmashaday siyaasaan'
Cashirkeed la baran wali'
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
29/119
Cilmi khalad u fidiyoo,Beentu caadadood tahay
Boolida cantuugoo,Xaaraanta cuniyoo,
La coloobay diintana,Yaa caawimaad iyo
Caqli kale aan dayday
Cabdiyoow markaan dayay,Hummaag culimo duullooCiidan wada samaystoo,
Cid waliba cidii kale,Casarkii ku duushoo,Cishihii markay tahay,Cunid uun la soo dilay
Ku camiran wardiga oo,Hilibkooda ku cashayn,
Yaa caawimaad iyoCaqli kale aan dayday
Cabdiyoow markaan dayay,Hummaag culimo duullooCaqli meel fog kaga yimid,
cashirkii islaamkeeKu caanbaxay bishaarada,marna aan ku camal falinCadaalana aan fulinaynXikmadaha cilmu dhalayCid kale aan ka yeelayn
Yaa caawimaad iyoCaqli kale aan dayday
Culimo iyo caamabaCarruur iyo dadwaynaba
Codkoodii la maqlayoCaqli may la iman wali
Ceeb iyo dhibaatuu
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
30/119
Ku caan baxay falkoodiiWax kastoo cajaaibaIyagaa ku caan baxay
Oo abuuray cudurataCarligeenii saaqdee
Cidna ay ka nabad galin
Waa calaf la'aanteeCadaaladay celceliyaanCidna maysan weli arag.Calankeedi lama surinCaalamkii yaraystoo
Cidla yay durduriyeenCulimada runta ah iyoKhubarada cilmiga ee
Garashada ku caanbaxayCodkoodii ma meel marinCidba maysan wali maqal
Diinkii ku caan baxaySinnaan caalamkeennee
Ku cabbiri xuquuqdiisIsagoon cabsoonaynCaddaaladu ay hagi
Yaa meenta ceeb looDadku ay ka cararaan
Diinkii ku caan baxaycilmi aan xuduud qabinDiimuhuna celin karin
Ceebaha ma tiriyeeCulimadii maxaa helayCaqligoodii dhumiyoo
Cadawgii u aadeen
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
31/119
Carligana usiiyeenIsagoon cishuhu galinCidna wali iswaydiin
12 . Caqli dhab ah ILAAHOW!
Gabaygani wuxuu ka dhashay Booqasho aan ku tagay Xeryahaqaxootiga ee ku yaalla Dagmada Dadaab anoo la socda dhallin
yaro ka tirsan Jaamicadda moqdisho oo curmad ugu yimiddadkooda tabaaloobay oo kumanaan ka mid ah abaaruhu
xasuuqeen 2011 markay ku habsatay gobalada koonfureed eesoomaalia abaartii qallafsanayd .
Taasoo ka dhalatay colaadaha ka oogan iyo hogaan xumo joogtonoqotay iyo burburka taagan, markaan arkay boqolaal kun oo il
geeriyaad leh oo daadsan kudaha dalkeenna iyo dibadiisaba ayayigu soo dhacday afaraydan (Caqli dhab ah Illaahow! ) ee ku soodhawaada.
Caqli dhab ah ILAAHOW na sii, caadil baa tahaye,Carligaan ku nool nahay ka yeel, cimilo khayrnoo le,
Iyo goob cibaadiyo samaan, la isku wada caawin,Oo ceebahaa sharafta dilay, aan ka wada caagno,
Colaaduhu wixii ay dunsheen, ciilna nagu reebay,Amaan cudud u waayniyo dadnim, la isku wada caawin ,
Oo calanka iyo dowladii, la isku ceebeeyayAllow caafi boogaha ciyoow caadil baa tahaye,
Awoodaha cilmiga ee runta ah, caaqibiyo aayo,Ciyaar kuma timaadee dadaal, culus ayaa keena
Carruurtu ha ku toosaan jidkaa, ceebta laga madhay ,Allow nabadi soo celi tagiyo calanki noo yaallay,
Cilmigii quraankiyo wuxuu nebi carfoon sheegay,Cashirada sharcigu noo dhigaa,calaf wanaag keeniCirrooliyo dadkoo idil ha mara, hilinka caabboone,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
32/119
Caasinimo dhibteed aragnay iyo, mahadho ceebeedeALLOW nabadi soo celi tagtiyo, calanki noo yaallay
Cadli madax leh Eebbow na sii iyo cuddoonaane,Oo calanka muuquu lahaa maalin soo celiya,Dilka iyo colaadaha Allow, cudurka daaweeya
Cadaalada hadhkeedana Allow nagu cashaysiiye,Cafis iyo walaalnimo Allow caadi loo hela e,
Caqli dhab ah Ilaahow na sii caadil baa tahaye!
13. Dhabba toosan:
Dhagax iyo labay kala yihiin, dheeman dahabkiiye,Dhabta iyo labay kala yihiin, male madhaafaane,
Dhunkaashiyo labay kala yihiin, Dhayda xooluhuye,
Dhukaan iyo labay kala yihiin, geel dhammaysterane,Dhabbe iyo labay kala yihiin, kayn dhir qarisaayeeDhagar iyo labay kala yihiin,nabad la dhowraayee
Kala dheer cilmiga kii dhunbaday, iyo dhegnuugaale, Dhulka oo cagaar lagu xardhoo, dhaanto tumanaaya,Ha isdhihin abaar kay dhibtaad, meel la soo dhigiyeye,
Dhaqan khalad ah hawl lagu sarjaray,Waa mid dhicisow eeDhanka guusha inay soo martaa,waa mid aan dhicineeDhalashadu waxay ka askuntaa,guur markuu dhaca,ee
Dhoodhoof la'aan ruux ku galay,meel dhib iyo hawd leCagta meesha uu dhigi ogayn, waxay dhib keenaysoOongaran dhankuu socod u rabo, sow mid dhumay maaha
Dhalintaa wax baranaysa ee, dhididka saydhatsa
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
33/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
34/119
Markuu aaga galiyuuWaardiye adkeeyaaALLA barina raacshaa
Ilmahaan dhalaynaaWuxuu noqon ilays iyoXoog aan idlaanaynHaddii lagu agaasimoAqoon iyo wax garashiyoEdab dhaxal gal oo sugan
Markaasay awood heliU adeegta noloshooAabo iyo hooyiyoInta baahan oo idilAxsaantooda joogtayn
afkaar bay la iman kariArligeenna wax u tariMarna aan aqbali karinUmadeennu say tahayAbidkood ma hoogaanSharta kuma arooraan
Haddii ababintoodabaWanaag lagu anqariyooIstiqaamo lagu wadoAlbaabada wanaaga ahEEBBAA u furayooIjaabadiyo khayrkiyoAqbqlkiisa yuu siin
Akhlaaq iyo wanaagiyoAnshax iyo asluub badanYay heli awoodeedAayadaha QuraankiyoAxaadiista NABIGAA
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
35/119
Aragtidooda wada hagi
Asaxaabtii nabigiyoAwliyada jidkoodayIftiinkooda ka helaanU danbbaysta racaanEEBBAA hanuunshooAlbaabada wanaaganaAbidkood ma seegaan
Ummadyahay dhamaantiinIndhihiina wada furaAwooddiinna oo idilUbadkiinna saarooTarbiyada adkeeyooU halgama caruurtoUbixiinnu yuu dhadhinOon oonku wada dilinAbuurkiinnu yuu biinUmaduna la baabin ----------------------------
15. Yaa ceebta naga dhaqi?Dhammaan doodaha aan maqlaynno waxay u bateen in la iseedeeyo oo ruuxa hadlaayaa u isbari yeeloo dadka kalana eeddusha ka saaro taasoo keentay masuuliyo la'aan guud.Tixdani jawigaas ayay ku dhalatay oo waxay cabiri hogaanxumada aan dhex jiifno maanta.Casrigaan ku noolnahayIyo caalamkaa waynCududiisu xoog tahayCaqligoodu tabar galayIyo caawa saannahayYaa ciil ibadayooCillad iyo dhib igu rida
Xubnahaygu Cudur male
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
36/119
Cabsi gaar ah maan tabinHadana ciil ma seexdoodhib culaysa yaa jiraCaafimaadka halis ku ahCarligeenna gubi kara
Cuqaal iyo wax garad iyoCulimiyo in sharaf badanAyaan caawa tabayoonCudud iyo awood bidayHa ku caawiyeen idhi
Suaal aan celceliyaan Cid walbaba u dirayaaAan ka caafimaadooCulayskeedu iga dagoIgu caawi saaxiib!!
Culaadiyo dhibteediyoDiin lagu ciyaariyoCaqligoo lagarab maro Cidhibtoodi aragnayeCid walbaba la kaashooIisheeg cilladan baas!
Caruur iyo ciroolabaDullibay cabeenooCumrigooda dumiyoonCidna wali ka daawayn
Calankeenni duugowCidna ceebta kama biin Cudur daarna uma fidin
Abaaraha dadkii cunayCuduradan isdaba yaalCidna may ka nabad galin
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
37/119
Culimada wacdiga fidinDiintana ku caan baxayHanuun Cidina kama helin
Aqoonyahanka caanbaxyCilmigooda farabadanDalka ceebta kama bixinCidna kama Aflixin wali
Odayadii caqliga iyoCimrigoodu gaamurayCisi sharaf lahaan jirayCalankoodu lulan jirayCeebay dabaasheenCidna uma talshaanooWax ka cayntay yaa yareCaqli toosan laga waa
Dhallin cududa xoogiyoWacyi caafimaad qabaCiil kaga baxaayanaCarligeena kuma badanCiilna kaama daawayn
Ceebahan burqanayeeCarligeenna dhaawacayCimiladu ka nabad galinBaahi iyo colaad iyooCiilkiyo dhibtaan qaboCadowgaygu igu diganCid walbay danteed tahayHilibkayga cuni kariCowradayda daawaniQosalkana celcelin abid
Waxba yaana ciil iyo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
38/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
39/119
Dayax gacmeedka lagu helay
Diintoo la raacaaDariiqii tashiga iyoDanbi dhaafka lagu helay
Dadaal dhaxalgal oo run ahDadkoo idil ka qayb galoDanta guud ka talin karaDarxumada ka bin kara Daawana u noqon karaDood baa albaab u ah
Dulmiyada isbuurteeDalkeennii burburiyeeU horseeday daayacaiyo mahadho daaim ahDariiq lagu badalikarodood baa albaab u ah
Madax diida taladoodadka aan tashi ba galinMaslaxana daryeelayndadwaynaha xaqiis gudinInaan duminno dhaqankaasDhaawacay dalkeennidood baa albaab u ah
Inaan diidno kali talisInnagoon dagaal hurinDadka xaabo uga dhiginU danayn wixii harayKu dadaali nabadiyoDistoorkoo la raacoo
Daadihiya howlahadood baa albaab u ah
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
40/119
Dad xun baa hogaanshooDawgii ka leexshooDuudsiyay dadkii horeDadaalkay sameeyeenIyo dowlad nimadiiLagu dhisay dareen mida
Dadaal waxay ku bixiyeenInaan doodu sii soconHadalkuna danbi ba yahaynDilkeesuna diyaar yahayDariiqaa qalloocdaanDulligiis jaqaynaa
Midkaa dabinka qooleenCidna diiday oran baaXornimadeenni duugooUba diiday nolasheeInna baday darxumadaaCidna aan dafiri karin
da'yartiinna joogtaaydariiqaa ha qaadinaKhayaanaa ku duuganeDoontaa ha raacinaDuul falan ayaa wadaMarna aan dantaa rabin
Dalka aniga yaaleheWaxaan dooni oo idilHa iga diidin saaxiibWaxaan diido oo idilGacmo diirran igu siiAnigaa dantaa garanDigtatoor ayaa yiri!Dadaalkiisa wayn iyoHalayaabin damiciis
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
41/119
Dad buu soo addoonsadayNolashoodi daayacayKumanaan ayuu dilayDaarahoodi buu dhacayWaxba lagama diidineDariiqii fircoon iyoFaal baa daliil u ahDulmi uusan wali galinDunidaba ma soo marin
Duulkuu la noolyahayDareenkoodi wuu liqayDadku intay gadoodeenLa isku daray awoodahaKaa diidnay kama maqalDunidaba dhammaanteenwuxuu moodi daanyeerUadeegi danihiisMarna aan ka daalayn!
Da'yartiinna joogtaayDadaaloo is dhaarsadaDoodaha dhexdiina ahyaa daawo noqon karaDadkiinana wax bari karadalkiinana xorayn karaDulligana ka'baabi'n karaKuwa duminna qaban karaDadka wada xorayn karaDadnimada u celin kara
17. GURMADKA JAAMICADA MUQDISHOwaxaan hubaa in ruux walbaa uu quudin karo mid ka mid ahdadkan dhimanaaya oo markuu ugu yaryahay uu dadka kale waxka soo uruurin karo hadduusan jeebka wax ku haynin. Ama uu soo ducayn karo.
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
42/119
mahad ayaan idiin jeedinayaa dareenkeenna wanaagsan.Arintu se way ka wayntahay dareen qudha!
Daaimow gargaar siiDadkaygaa dulloobeeCidna aan danaynaynDarxumiyo dhibaatadaDaleedaha la jiifooHilibkood dugaag cuniIyagoo dareen qabaNaftu aysan wali daynGurmad dowlad kama heloDanqashiyo xanuunkeedDad waynaa awood badanIyaguna dadaal iyoDeeq may la iman waliTani waa duruuf adagDadku halis ku wada jiroDeeqdaa ALLOW keenDaawo taas ayaa noqonDabcin maanta waxa yaal
Halkani waa dugsigii maxamuud mire ee ku yaalay moqdisho. Aad u fiiri sida ay noqdeen ardaydii dugsigu, iyo tabaalaha kamuuqda, dadkan tuuran meeshanay waa arday cusub oo mantalaqoray saacado kadibna way ka qalin jabindoonaan,halayaabinwaxa isu keenay gaajo ka soo qixisay guryahoodii,waxay aad ugufaraxsanyihiin inay helaan raashin ay ku noolaadaan dhowrtodobaad.Ardayda jaamicada moqdisho oo gargaarkan qayb ka ahaa waxaysheegeen inaysan marna filayn baabaa bulshada soomaaliyeedinuu heerkaa gaaray
18. Danba way iciidsiin
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
43/119
Sanadkii 2011 waxay ciida soon fur ku soo hagaagtay abaarihiioo wali ku rafanaaya dadkeenni, waxaan soo xusuustay in ay jiraanboqolaal kun oo ruux oon maanta heli karin dhar ay xirtaan amacunto ay ku cunaan guryahoodii, maxaayeelay waxay daadsanyihiin jidadka, iyo darbiyada guryaha dadka kale, iyaga ayaancabiraayay dareenkooda xanuunka leh, Facebooka ayaana in kamid ah galiyay.tixdiina waa tan.
Dadka baahan wuxu yiriDareen ciidu ima solinDamaashanka kuma jiroAnigoon diyaar noqonDantuba way i ciidsiin?Dulmiyadan isdabayaalDulli aan dhamaanaynOo DABINNO nagu ridayAyaa dilay dareenkiiDubku uu lahaan jirayMaskaxduna la daashooLa dakaamay xoogiiDamaashadka ciidahaMa danaynin sabanadanDurbaankeedi uma tuminDirays quruxsan maan xiranDadwaynow ma ciidbaa?
Inay ciidu deeq tahayDaaim nagu mannaystoooo soonka dabadiiDadku farax la iman kariDadku wuu ogsoonyahayHayeeshee dalkeenniiDuruufaa ku yimidowNolasheenni dumiyooDadkeennii inbadan baaDarxumiyo rafaad culus
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
44/119
Dariiqyaha la jiifooAan danaynin ciidabaDareenkeedu maqanyahayDantiibow run sheegtooMadeeqsiiyo hadalkeeDadka wuxuu ku leeyahayDAMAASHAADKAN XOOGA LEHDURBAANKIYO SAWAXANKIYOWAXA UUN ISDABA DIDIDADKU WADA QOSLAAYAANMADEEQDAAN SUGAAYOODADKAYGII SIDAANBAA?MISE WAA DAN KALE OODARAYNKAA DHAAWICI?OO DILI RAJADA IYODEEQDIINNI OO IDIL
19. Dadku kala ayaan roon.
Toban sano ayaan u qabtay in ay socon karaan dagaaladasokeeye iyo burburka dowladii soomaaliya maalintii rugtamadaxtooyada ay bililiqaysatay USC.
Ha yeeshee 15 sano ka dib ayaa waxaa ka dhacay magaaladamoqdisho iyo meelo badan oo ka mid ah dalkeena hooyodagaallo is daba jooga oon kala go' lahayn, markaas ayaan iswaydiiyay meeshay wax u socdaan!( DADKU KALA AYAAN
ROON)dareenkaas ayay ku dhalatay 2006 Marxaladdaas oodib loo abuuray waji cusub oo dagaal, kaasoo mar labaadkeensaday fara gali shisheeye, qax iyo burbur hor leh.
Dadku kala ayaan roonDib haddaan u eegnabaDiiradu waxay qabanDilka iyo dhibaatadu
Dadka way mideeyaanDuruufaha la soo maray
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
45/119
Dulligay abuureenDarsi bay u wada tahayDibna loo halmaamayn
Daris aadan rari karinDantaadiyo dantiisunaDaarahan dhexdoodiyoDa'im meeshan ay tahayDagaal iyo dhib aan harinDulmi iyo qas joogta ahDaawo meysan wali noqonDadku kuma heshiin karo
Dariiq kale ma goobnaaDadaal wacan ma dhiibnaaOo daacad laga yahayDaw runa ma qaadnaDibna looga noqon karinDilka mayska daynaaDanteennaa sidaa ahee
Dadku kala ayaan roonDib haddaan u eegnabaDiiradu waxay qabanDunidaa tartami iyoDalalkaa is wada cunayDumin iyo qax soo marayDadku waxay samaysteenDadaal wayn ku bixiyeenDab intay ku huriyeenDulmareen wixii jirayDuul waliba duulyooDadkii ugu dhawaa iyoDariskiisi buu cunayUU dumiyay noloshood
Dantuu waa balaayee
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
46/119
Dood bay bilaabeenDibna wayska waan sheenDadaal bay sameeyeenDadku waxay garaysteenDagaal inusan khayr dhalinDibna loo heshiin karoDaar nabada laga galoDadkoo idil iskaashadoDulmi xariga loo jaroNolashana dib loo saxo
Dadkaygow macaanowDacar malab katimidowIsagoon dan kala haynDiin saxa ka leexdowIsagoo xanuun diliDiida caafimaadkooLa dagaalo daawadaDadnimadu siday tahayDulli kii ka doortooDanta guud xumeeyow
Dagaal aan istaagayDulucdiisa la aqoonDariskii ku huriyowKii dumiyay ceelkiiDadku wada cabaayeenIsagiina oon dilayDantiisiyo wanaagabaaDarxumada ka doortowDareen laawe dhumayowDulmi xero ka yeeshowDariiq toosan oo falanDalku aamin uu yahayHalis dili ka doortow
maxaa dilay dareenkii
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
47/119
Dadku uu lahan jirayDariiq toosan lagu nacay?Maxaa gubay dadnimadiiDalka lagu aqoon jiray?Maxaa diiday marinkiiDadku wada jeclaysteenDuniduna ay haa tiri
Diintuna ay qeexdooDaliilkeedu marag yahayOon dood aqbali karinDa'im baa ilaalshooLama doorin karo abidDariiq toosan weeyoolagu doorransiiyeeDarbiyo aadan marikarinHa kudiirin madaxeeDib u dhuux sidaa tahay
Kala dooro laba aanDadku wali masaynooMidi waa darxumo keenKula aadday meel daranKaa dumiyay khayrkiiDadku kula jeclaayeenDadaal toosan lagu helo
Dariiq kalana waa kayDadku guul ku gaareenDulli kaga baxeenooNabad ay ku daaqeenDalkoodana xasiliyeenDulmigana ay diideenDariskoodu nabad galayDunidana aqoonsaday
Inta dunida joogee
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
48/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
49/119
Dalku inuu hagaagooDib loo saxo wixii dumayDadkoo meel u jeediyodadaal wada jiraa qabanOo doorta madax aanDalka been ku maamulinEexdana ka daahiranDanta guudna u halgamaOo diinta raacoonDistoorkana khilaafayn
Dareenkii wax barashadaCalankeeda daadihinOo garan darxumadiyoDulligiyo dhibaatadaDalka saaqday maalmahanInuu yahay JAHLIGA dagayDayrkii guryaha iyoDugsiyada dhexdoodoDhaqan beena laga wadoDhaawici tarbiyadooMarna dhaxal gal noqonaynMadax dhaba samayn karin------------------------------------------------------------------------------------
20. SIDEED MADAX KU NOQON KARI? (A)
Tartanka madaxnimada soomaaliya ayaa maalmahan aad u sookululaanaaya, si isdabajoog ah ayay u soo baxaayaan magacyaalcusub oo ku soo biiri tartankaas.Waxaa igu soo dhacay inaan u dirofariimo gaagaaban oo tilmaamaaya daraynkayga ku abaaranmasuuliyadaa culus.
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
50/119
Inaad doonto madaxnimoDanbi maaha aad galiHaddaad daacad tahay ooDadka aad ku dhihi kariWixii dumay dhammaan baanDib ka soo dhisaynaa
Adigooy dhab kaa tahayDalka inaad ku daadihinDariiqii amaanadaDurdurkii cadaalooDadku ay ku oon bixiDareen nabada ay heli
Oo ku daaban xoogiiDarbiyada xumaantiyoDulmiyada iswada korayNoo diiday nolal wacanDalkeeniyo dadkeeniiDagdag aad wax uga qaban
Danta guudna aad hagiOo daryeeli ubadkaaDarxumadu haleesheelaga dilay dareenkiiDadnimadu u baahneydLoo diray xumaan aancidna daawadeed helin
Dadku waxay sugaayaanMadax dowladnimo garanDaafici dalkoodooDariiqay ku maamuliCilmi darajo wayn iyo
Daacadnimadu ay hagiDadkuna qayb ka wada yahay
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
51/119
Dunidana heshiis la ah
Darxumadaan ku noolnahayDadka wada halmaansiinOo ku hagi distoor aanDana gaara laga rabinDadkoo idil u simanyahayCaddaaladana deeqsiinDiintana khilaafayn-------------------------------------------------------------------21. Qurba joog xageed taha?!
Maansadan waxaan tiriyay anoo jooga magaalada London aAbriil2011.Waxaan dhagaystay dood furan oo ka dhacaysay makhaayaddhexdeeda, waxaa hadalka isujiibinaayay dhalinyaro aad wax ubaratay oo dada afartameeyada maraysa, waxay isaga markhaatikacayeen dhibaatada ku haysata dalkan ingiriiska, markaan siiwaydiiyay maxaad qaban rabtaan mustaqbalka, iyo inaynoqonaayaan iyo inkale? Jawaabtoodu waxay ahayd inay si ku meelgaar ah ugu noolaan doonaan dalkan.
Markaan waydiiyay maxaa keenay fikradan ku meel gaarka, maad si joogta ah u dagtaan, maxaase diidi arintaas jawaabtu ma cadayn. Waxaan ka xanuunsaday inay ku noolaan kariwaayeen dhulkay kudhasheen dhibaato daraadeen, kii uhiiliyana ay ka qaxayaaniyagoon hubin meeshuu ku danbayn doono! Diyaarna u ahayn inayu halgamaan kana saaraan dhibaatadan haysata.Sidan ayay ku timid, ku soo dhawaada waatane.
Ma qax da'im aad tahay? (A) Dadkaygii dhibaatadudhulka ay ka saarteeDhammaan caalamkoo idilu dhoofoo qaxooti ahWali aan sal dhigan baaIgu dhaliyay sadaradan
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
52/119
Kusalaysan dhaawacaIyo dhimasho culusooDhanna looga bixin wali
Kuwa dunida dhaafiyoInta dhimatay hadal maledhawaaqaygu wuxuu yahaydhanbaal aan ku leeyahayqurba jog dhammaantiinDhab u eega nolashiyoDhacdooyinkii la soo marayIyo waxay dhib gaysteenIyo dhab u qixiinniiDhibtuu darisku curiyoonDhallaan iyo haween bixinDhulka aad ka baqateenDharag kaama qixinooDhib ayaad ka cararteeWixii dhacay bal ii sheeg!Yaa darinta kuu dhigay?
Cidna kaama seexaneha saluugin sooryada!
Dhab u eega nolasheeYaa dhagaystay cabashadaIyo waxaad dhib sheegtooDhamaantiis ba la aqbalayDhalashana aad mudateen
Dhab u eega nolasheeQorba joog dhamaantiinDhulka aad ku nooshahaydhankuu dunida kaga yaalGurigaad ku dhaqantahayhandasada dhamaystiranInjaneero dhuuxeen
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
53/119
markii ay dhisaayeendhanwalbaba ka eegeenOo loo dhamaystiraydhammaan waxaad u baahnaydmaxaa dhaliyay howshaa?
dhab u eega nolasheeIntaa kuma dhammaanineemiisaan dhaqaaliyoMaal dhumuc leh lagu darayCaafimaadna dheeryahayiyo dhalasho buuxdoonhoos kuu dhigaynoodhibtii aad ka timid iyodhaqan looma ooyaanlaangaab xun kaa dhiginnasabkana aan dhaawicinDhinacna kuu xaqirikarinDhalintana dagaal galinDhimashiyo halaag badaDhanna looga bixi karinQaanuunku suu dhigidhamaan waxaad u baahnaydDhaqso aad ku heli kari
Dhab u eega nolasheemaxaa dhaliyay qaabkaasdhammaan waxaad xaq leedahaydhanka howshu taalliyoDhabbihiisa aad garanDhaqso aad dacwoon kariDhib haddaad dareentana
MA DANAYN SIYAASADA?Dhab u eega nolasheeWaxaa dheer intaas waliDhinacyada siyaasada
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
54/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
55/119
oon dhowrdal kala dagingeeddi aan dhamaan iyokolba dhinac u guurayn
dhanwalbaba ha seeginegogashaada meel dhigoaqalkaad dhisaysanadhidibada u aasoodhakhso yuusan kaa duminoon maabku kaa dhumin
Go'an dhiiran qaadooKa dhabee inaad tahayBuur dheerar badanooDhaqso aan la dumin karidhabta nolasha hagi karadhallaankiisa korin karadhib kastoo timaadanadhaqankiisa hayn karooon diinta dhaawiciniyo sharafta dhaqameeddhulka madax ka noqon karacidna maya aan dhihikarinQalad loola dhaqan karinHadaad dhowrto xeerkiyoSharciyadu siday dhigi
cadaalana ku dhaqi karaOo dhaqanka eexdeeDhaawici midnimadiyoDhaqaaliyo kalsoonidaCadaaladu siday dhigiKudhaqmoo ilaalshooDhanna aan ka mari karin
Dhaar culus ku mara oonCidna dhaafinkarin taas
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
56/119
Intay nolashu dhaqantahayWaqtiguna dhammaan waliDhulkana aan ku noolnahay
22. Waqtigiisa dhumiyowWaxaa halhays innoo ah oon isku salaannaa markaan kulanno(SUBAX AMA GALAB WANAAGSAN).
Haddaba suashu waxay tahay:wanaaga waqtiga wanaagiisa maxaalagu cabirayaa? oo sidee loo qiyaasi kara?Iskama wanaagsanee waxay sidaa ku noqon kartaa in lagafaaiidaysto oysan meel cidla ah ku dhumin.Tixdani waxay qayb ka ahayd doodo aan la galay dhalin yarosoomaaliyeed oon saaxiibo ku nahay FACEBOOK-ga.taariikhdu waxay ahayd 29-3-2011
waqtigiisa dhumiyaanolashiisa dhumiyeeMaogtahay dhabaha xumiDhanwalbood u qaadabaInuu dhimasho kugu ridi?
kuwa dhumiyay xoogeeGaajada u dhiman iyoDadka dhumucda wayneeDhalaankoodi ciil tirayDhanwalbood ka eegtabaWaqtigoo la dhowriyoohowl bay isku dhaafeenHorukaca dhammaantiisDadku ay isku dhaafeenDhib yaraan ma ku imaanDhidid baa u daatooDhiig baana loo qubayMaal dhumuc leh yaa galayCilmi dhaqan abuuraa
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
57/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
58/119
29-3-2011 Facebook ayaan dood kala qayb galay kooxdhallin yara ah, qaar ka mid ah dadkaa ayaa waxaa kamuuqday niyo jab iyo himmo gaabni aad moodid in la
isugu sheekeeyo dhaqanna ay noqotay.
Dhallin aan himaba qabinkhayr kuma dhaqaaqaanDhanka fiican nolashanaDhab ahaanti maarkaan
Mugdigay dhex jiifaanDhabna aan u arag nuuryaa dhumin dadnimadoCaqligooda dhaawici
Dhaqan xumada nolashoKu salaysan dhiilliyoFadhi aan dhamaanaynWaxaan jirin dhamaan iyoDhalanteedka lagu korinKhayrkeedu dhalanaynDhibtu joogto ay tahayyaa dhumin dadnimadoCaqligooda dhaawici
Dhllin yaro waxaad tahayDhumucdii dalkeenneeDhanka fiican wada maraDhaqan toosan wada helaBaashaal dhibtiisiyoHa ku dhicin god shaydaanDhaawaca dalkiiniyoDhimashada dadkiinabaHa ku dhowranina saaasAjashiinna oon dhicinWaqtiguna dhamaan wali
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
59/119
Dhimashada ha yeelina--------------------------------------
24. QALLOOCEENNA YAA DHALAYmunaasabo gaar ah uma xusuusto tixdan, waxayse cabiri xaaladdaguud een ku sugannahay iyo tabar xumada inna haraysay oon lagagaraabayn,walina aan si sax ah looga wada tashanin.Maxaa dhalay dhibaatadandhashu ay ku sugan tahaydhaqan xumada qayb ka ah
Dhabarkooda jabisooDib u dhigi korriinshahaDhammaan ubadka oo idilDhanwalbood ka eegtabaDhibaataa hortaallooIsxilqaanka dhaawacay?
Maxaa dhalay dhibaatadan
Dhalinteenna xooga lehDhib yaraan la jiifaanOY ka dhowri howlahaDadkaloo dhaqaaqooXilka dhabarka saartooDhididkood ay quutaanKa dhargaan waxay siinDhib la'aanna noolaan?
Maxaa dhalay dhibaatadanOday dhaqamadeenniidhulku uu ku noolaadhowri jiray wanaagooDhirta nabada beerooMarkii uu dhib wayn jiroKu dhaqaaqijiray howl
Dhanka fiican loo wadoInay maanta dhiilliyo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
60/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
61/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
62/119
Fahmigoo qalloocdoo,Fiqhi mid aanan garanayn,Fatwo diinta bixin baaFasaadkani ka yimid ooFankoo idil dhaleecayn
Farsamo maanso wadatooFarax iyo wanaag iyoFidin waxaan xumaan wadanFidnana aan horseedaynFalanqee middaasooFar waawayn adoo qoriFasir waxay dhib leedahay!
Fanku wuxuu cabbirayaaHaddaan laga fogaan diinFikirkii bulsha iyoWuxuu fili dad waynuhuKu farxaan inuu jiroFasaad iyo dhib aan wadin
Fanku wuxuu cabirayaaWanaagoo la fidiyiyo
fikir la isu geeyoofalanqayn ku yimidoonfudayd lagu tirtiri karin
Fanku wuxuu cabirayaaWacwigoo la fidiyiyoFarsamiyo war qiima lehFudayd loo gudbinayoondalka furuq u keenaynfidno iyo wax daran hurinMaaweelo fidiyooKu farxaayo maqalkuna
fanku wuxuu cabirayaa
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
63/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
64/119
Dadku kula fahmaayaan
---------------------------------
26. Kalinimaa kadeed leh.quruxda jiritaanku waa qaybo la uruurshay oo loo dhisay qaab kaduwan sidii hore, quwada binow aadmiga waa qaro u yeelaawoodo la isku qasbey oo qaanuun wada hogaansho, waa meeshadunida qaan gaartay iyo kuwa qayrkood ka haray ay ku kalatagayn.
Waad joogi kartaa adoon ka mid ahayn urur, waxaad se ahaan midaan wax wayn ku soo kordhinin geedi socodkeenna, tartankaadduunkana aan higsanaynin,( KALINIMAA KADEED LEH) meeshaaayay ka hadli.
Kalinimo ma fiicneeYaad kaashanaysaaMarkaan eegno kownkiyoKumayaal ILAAHAYKu abuuray daafahaKaymaha dhexdoodiyoBadda kooxo ugunoolBuuraha korkoodanaKa dhisaaya daarahaIyo kaydka gurigiisWaxay saa ku gaareenIskaalmaysi goodooIskuduubni dhalisiyooKali kali xabaalooMidna gaar u socon Karin Kownkeeni aragtooKalinmo ma fiicneeYaad kaashanaysaaOo kula halgami karaYaa kula shaqayn kara
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
65/119
Ood kalsooni siin kariKeebaad ku aaminiOo kaydka kuu haynKaacelin dhibaatadaMaatidana kula korinOod kaashanaysaaFikirkaaga kula dhisiKalinimada kaa bixin------------------------------------
27. Tallaabada koobaad. Dooxa a ayaan joogay waxaan aqriyay sheekooyin qiima badan ooku saabsan horumarka aduunka, midwaliba si dhibyar ayay kubilaabatay , waxayna keentay isbadal wayn.Markaasan tiriyay tixdanmaansada.
Hal talaabo hor uqaadAad hadafka dhalisideHa aqbalin hagaasnimoAad horumar gaartideHa ka harin dantaadanaMar unbaad haleeliye
Howl aan dhib loo marinHoos laguma seexdee U adkayso holac iyoHanfigiyo dabaylahaHarraad iyo dhibtiisiyoHaydaarta aad mariHabka nolasha ee wacanTaasaa hagaysooHilinkeeda kugu ridi
Hima sare dad aan qabinHoray uma socdaanooFowdaa horsed u ahHannaan madax ma yeeshaan
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
66/119
Habka dunida kala hagaMa habayn karaayaanGuulla sooma hooyaanHoogbay ku noolaan
Iska hubi waxaad qabanIyo maabka kala hagaYaa kula habayn karaYaa kula halgami karaHabka toosan kula wadiHaadaame kuu qodinKula toosin howlahaHaaneedka kula sugiiyo hadafka aad dhalin -------------------------------
28. Hanka wayn.28.
Aad ayaan ugu farxay hadalka aad ku soo qortay bogga.Rajo waa albaabka nolasha oo idil, la'anteedu waa geeri, hor usocooo ha naqon kuwa hanka yari deeqo, hagaaskana ku raali ah.Ma xusuusto ruuxan aan ka jawaabay qoraalkiisa waan raadindoona.
Ruuxaan hanwayn qabinMa hodmaayo abidkiiHoray uma dhaqaaqeeHagaasnimo ayaa sugiHogaan xumadu waa cudurIYO hoog aan laga kicinDadkan dunida kala hagiHogaan baa u soo baxayHaydaaro culus iyoHarraad iyo dhib soo marayU halgamay maslaxa guudHabeen raaxo aan helinWaa howl innoo taal
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
67/119
Himo xumo ma tuurnaa?Hareeraha MA QABANAA?MA HAGNAA dalkeeniyo ?Dadkeenaa hagaaska ah?Inaan haa niraahdaaHowl culus ayay dhaliIsga hubi waxaad dhihiAan bilowno howshooHaaneedka qabannoDhinicii haboon iyoDhabta hoose siday tahayDhaqso hilinka nagu ridiHimmadeenna kur u dhigiOon hoos innoo dhigin
29. jacayl baa wanaag dhala.
Inaan ku soo biirno dunidan waxaa sababay Aabbo iyo Hooy Is jacaylkooda, guurkooda iyo arooskooda, kaasay ka dhasheen ubaddhadig iyo labood leh,Markaad eegto waxa fiican eed qabatay amahadda aad hayso waxaa keena in badan oo ka mid ah jacaylkaaga,
jacaylku wuxuu keenaa xamaas labanlaaba wax qabadkaaga iyoadkaysi iyo dulqaad badan .
tixdani waxay ka dhalatay muxaadaro aan ka jeediyay magaaladagotanbak oo ah magaalada labaad ee SWEDEN2008 waxay kusaabsanayd ababinta caruurta maxaa sal u ah.waxaan joogay in ka badan 100 qooys in ka bada, waxaanwaydiiyay su'aal: misa ayaa ku tiraahda ninkeeda WAAN KUJECLAHAY meel ay maqlaayaan caruurtu boqolkii sadex kali ah 3%ayaa tiri HAA!!!
Jacaylbaa wanaag dhalaisagaa wadiiqiyokuu furi wada saxanWixii aad jeclaatana
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
68/119
Kama daashid waligaaWadadiisa yaad haynShaqadiisa waad wadi
waxwalboo dhibaata ahama murug wadnaha gooynama hurin wad iyo hoogoo wada musiiba ahWaanada qalbiga iyoSabirkaa waxaa qarinu habay wadada saxanxal wanaagsan kugu hagioo waara oon dhiman
Waalidkii jacayl guryWadnihiisa uu dagoWax kastoo mashaqo iyoWalaac ihi markuu dhacoMaankiis ma waayeeWuxuu milicsadaa waaMasuuliyada wayn eeWaajibkeed la saareeMarna aan wareer iyoWaallida aqbali karinMiyir wuxuu u raadshaWaxkastoo xal keenooWanaag sharaf leh soo celin
Caruurtuna wanaagayKu arkaan dad waawaynYay ku waano qaataanNolashooda sii wadiooy ku waari doonaanWixii ay arkeen iyoWadiiqihii la soo marayMarka hore ayaa hagiWax markay bartaan bay
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
69/119
Wanaag badan ku soo dariDadku aay wadaagaanWalaalayn dhammaantoodWaddankuna ku nabad gali
30. NOQO RAAD WAXTARIKARA .Uganda ayaan ku tagnay martiqaad ka yimid jaamicadda KIUhuteelkii aan daganayn ayaan ku ku marti qaadnay 40 arday oo
isugu jira rag iyo dumar dhammaanna qalin jabiyay jaamicaddamoqdisho kana waday master Uganda,Taariikhdu waxay November14\ 2011.Munaasabadan ayaa igu abuurtay dareen shaqo oo macnihiisuyahay in laga shaqeeyo wax aan kula dhimanin ee ku waaraadduunka, nacfigiisuna gaaro jiilasha soo socda Raad wanaagsan sii reebKa runsheeg waxaad qabanHana simin run iyo beenRabbibaa cadeeyooRasuulkiisu qeexooRaadkoodu kala dheer
Waxay reebi halis badanRafaad iyo dhib joogta ahHadaad raacdo beenahaa
Rug nagaadi bay noqonIyo raaxo daaimaaRaynrayn macaaniyooRiduhuna u dheeryahayHadaan raacno taakale
Raad wanaagsan soo reebKa runsheeg waxaad qabanBulshadana u roonowRaaligali dadkeedanaRaad wanaagsan soo reebKa runsheeg waxaad qaban
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
70/119
Haddii aan rag iyo dumarRabitaan ku duugnaynIn lataago raas dhab ahTiirkiisa ridi KarinRugta guriga duminkarinRoobkiyo dabayluhu
Guri aan ku raagnooLagu reeyo ma imaan?Waxkastoon run loo qabanRasmi looga wada talinLa rogrogin siduu noqonRiyo beena ka agdayaOon ruuxna wax u tarin-------------------------------- 31. U sahami adoon rarin.
waxay tixdani ku timid hadal uu yiri nin ka mid ahaa jabhaddiiUSC kuna noolaa magaalada Moqdisho oo la yaabay sida aydadka u dilaan haddana madax ugu noqdaan, heeganna u
yihiin daafacooda markay u baahdaan, oo daraadood udhimanayaan gar iyo gardaraba.Wuxuu ahaa hadalkiisu( dadkayagu wanaagsanaa waan dillawayna na doortaan)Markaan maqlay hadalka ninkaa waxaan cabiray si toos ahmacnaha uu leeyahay warkiisu 15 beed ee hore waxayhordhac u yihiin tixdan:( u sahami adoon rarin)
waxaan ahay nin doorooDanbi wayn sameeyoodadku wada qadariyaan
Waxaan ahay dilaa wayn
oo dumiya qarankiyoDalku wuxu ku taagnaa
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
71/119
Waxkastoon daneeyanaDadku wuu isiiyaaIyagoon ka doodayn
Dalka aniga yaa looKaan rabo markaan diloWay i daba galaayaan
Haddaan doolar qaybshanaDareenkooda yaan helayMarkaasay i doortaan
32. U sahami adoon rarinHadal aan wax qabad wadanHantaaq kaama saarooHanti runa makeenooHoos kuguma deeqooHab siyaaso wacan iyo
Nabad sooma hooyeeHaaneedku yuu luminIska hubi hankaagiyoHimmadaadu meesheyHaab haabanaysooHigsanayso iney tagiGoob hoos qabow iyoHowd wada barwaaqa ah
Dadku wada heshiis yahay
Adoo hoos u wada dayayHabka nolasha oo idilHadayaanka qaadkiyoHaasaawe beenoonHal abuurba curin karinKu habaysan rabitaan
Hubiyoo rogrogay oonHurdo dheer ka soo kicin
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
72/119
Male beena ku hodaynHor u soco markaasuuHilinkaagu falanyahay
Hor u soco adoo hubaInuu maab ku hagayooSahankuna hubaal yahaySahayduna diyaar tahaySabirkuna u yahay dhidibOon halmaamin dawgiiDadku khayrka ka heleenIyagoo halgamayooManhajkooda haystooKu hanuunsan DiintiyoHabka nolasha kala wadaMarna lagu hongoobayn
Hor u soco adoo hubaInaad guusha hanan kariUmadana horseed u ahAan ka daalin howlahaDalka lagu hormarin karoLagu hagi dadkiisooHorseed nabad u noqon karaHaka tagin hubsiinadaHabka guushu wuxuu imanMarkaad hubiso hadafkiyoHowl qabad siduu yahayAdigoo hab dhaqan looHimilada dadkaagiyoMeeshay higsanayaanHormuud aad u noqon kariOod hagar la'aan fulinHowlaha dad waynuhuHadaf uu ka yeeshooHimmadooda soo celinAdoo huba waxaad qaban
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
73/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
74/119
Ka habaabin meeshayDadku wada higsanayeenDantoodana ka haki kariU horseedin meel daranDuco iyo wanaag hela
Halgan wayn adoon galinIska hubi inaad tahayMid aan guusha hanan ooU horseeda meel baasDadku wada habaaraan-----------------------------------33. DADKU MAXAY CODSANAYAAN?
Adduunka waxaa ka socda is badal aad u wayn oo ku saabsanqaabka siyaasadeed oo lagu hogaamiyo shucuubta, heerar kaladuwan ayay ka soo tallowday, waxay ka soo gudubtaydhibaatooyin badan, waxaa la gaaray qoraallo caddaynaya waxa ka dhaxeeya xukaamta iyo shucuubta oo qeexda waajibaatka iyoxuquuqda uu dhinac walba leeyahay, taas ayaa keentay in lalaxisaabtamo madaxda ku timid codka shacabka. Hadaba shacabka soomaaliyeed madax ma leeyahay?ma soodoortaa dadkuu rabo? ma xisaabi karaa nin xoog ku yimid ?
waxaa igu soo riday gabaygan markaan arkay sida loo arkomadaxnimada ee dhibta yar, waxaan is waydiiyay haddi Aad taladawax ku yeelanlahayd ayaad dooranlahayd? maxaad ka codsanlahayd inay sameeyaan darajo kastaba ha ahaatee? maxay tahaytilmaamaha uu yeelan lahaa ruuxa loo dooran mansab? maxaaseloogu diidi lahaa jago siyaasadeed in uu qabto?Tixdan(DADKU MAXAY CODSANAYAAN?)waxay ku dhalataymunaasaba doorashooyinka qaabka xun ee la joogteeyaydareenkay igu beertay.ku soo dhaw akhyaareey.
Dadku waxay codsanayaanDalka inayna maamulin
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
75/119
Darajiyo xil loo dirinDagaal ooge baas iyoDuulkii wax soo dilayDanbiyada culculus galayKu danaystay maalkiiDadku ay lahaayeenDarxumiyo halaag badayDalkeenniyo dadkeenniiOo dumiyay qarankiyowax kastoo dadku lahaa
Dadku waxay codsanayaanDalka inayna maamulinDarajiyo xil loo dirinDamiir laawayaashaasDalka aan u soo dhimanDadka aan wax soo tarinDaydayi wax boob iyoDulmi xoolo lagu heloDurba ay ku taajiri
Dadku waxay codsanayaanDalka inayna maamulinDarajiyo xil loo dirinKuwa aan daryeelaynInta tabarta daran eeDuqaydiyo caruurba lehDumarkana xaqood marinU dadaalin kooxahaDarajaday mutaan iyoXaqoodii la duudsiyayDulmi looga dhigay saadDhib yaraanna lagu dilo
Dadku waxay codsanayaanDalka inayna maamulinDarajiyo xil loo dirin
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
76/119
Kuwaa dumiyay qooskeeDaayacay caruurtiyoDumarkay isqaateenDanahooda qaban jirayIlmahana u daadihinDib u eeg su'ashaeeNinkii dumiyay qoyskiiDadka uu ka doorbidayDanta qaran ma hayn kari?Dadku siday ku aamini?
Dadku waxay codsanayaanKii dooni madaxnimoU durdurin siyaasadaMid danayn inuu yahayDadkoo nabad ku seexdiyo Dareen caafimaad qaba
Wixii dumay dhammaantiisDib ka soo dhisaayooDanta guud kobcinayooDanahooda wada qabanDulmigana ka dheeraan
Dowladiyo dadwaynuhuDareenkii wadaninimoEe dumay ay beeraansidii ul iyo diirkeedDadku ay ahaadaanDulmi waan dhadhaminneeCadaalada ay doortaan
Dadku waxay codsanayaanMadax daacadnimo iyoDareen run ah xanbaartooDadka been u sheegayn
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
77/119
Dareenkooda dhaawiciOon duminin diintiiDadku wada rumaysnaa
Dadku waxay codsanayaanMadax dowladnimo run ahDariiqeeda qaadooDalkeenaa rafaadsaniDarka nabada qabatimoDagaalkana horjoogsada Isagoon dulmi aqbalinXuquuqdiisa daaficiIntaan dariska nahay iyoDowladaha aduunyadaDanwadaag la noqon kara
Nabadaa dalkiisiyoDhaqaalahana door badayDanta guudna ku adkaanWax kastoo dulmi ahooDadku uu macaansadayDalimiinta xooga lehDadkoodii ku taajirayKii dumiyay noqon kara
Dadku wuxuu ku leeyahayKii dooni madaxowDabinada laguu dhigayEen dowladnimo rabinDagdag howgu dhimanoKa dadaal intaad kariDariiqaa midkii maradadku way jeclaadaanShaqaday la daadihinIyagoon dan kale wadanOon darajo kaa rabin--------------------------------------------
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
78/119
34. Waalidoow ma oktahay albaabkaas?Bisha november 2008 ayaan muxaadaroyin ka jeediyaymagaalada Bergan oo Norway ku taalla, waxay kusaabsanaayeen xiriirka ka dhexeeya labada isqabta, amalabadooda iyo Ilmahooda, waxaa ka soo baxay doodihii nadhexmaray burburka dhexyaalla ragga iyo dumarka,dhibaatada ka timid dhaqamada cusub.
waxaan iswaydiiyay caruur qaabxumadan arkaaya, maqlaaya,ku nool qooysas aan xasiloonayn siday ku toosi, Ilmo aanarkayn aabbo iyo hooyo isu kaalmayn, isu qosli, la ciyaaridhallaanka siday wax u jeclaan?
Tixdan (Waalidoow ma oktahay albaabkaas?) munaasabaaayay ku imaaday ee ku soo dhawaada.
Inta aan ogsoonnahayQayb ka ah adduunyadaILAAH baa u doortooAadmigaa hogaan u ah
Qooys lagu agaasimayAroos iyo mashxarad baaAsal nolasha u ahooUdub dhaxaadka laga dhigayQooysna lagu adkeeyaa
Adigaa waxaad tahaySirta furi albaabadaIlayskiyo nalkiisiyoOgsijiinka lagu dagiUu ubadku quudani
Aasaaska koobaadnolasheenna oo idilIridaheeda furi karaMa ogtahay inaad tahay
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
79/119
Haddiikalena ebar tahay
Waxaad dooni abidkaWaa Ubad hagaagooToosnaan ku ababeeMeesheed u mari kariAdoon jabin albaabada
Aasaaska koobaadAdduunyada dhammaanteedistareexa lagu noqonAakhiro jannada iyoWanaag aan idlaaneynUu eebbe kugu siinMa ogtahay albaabkiis?
Arintaas ideylkeedWaxay ka unkamaysaaIrridaha jacaylkiyois afgaradka Hooyiyooaabbaha dhexyaallooAsluub sharaf leh lagu dhaqoOon hoosna loo odhan
Arintoodu wacantahayAkhlaaqdii IslaamkiyoKu saleysan IIMAANUbadkooda oo idilSinaan iyo cadaaliyoEex li'i ku koriyooAflxunna daba ool
Caruurtuna ogsoontahayAma aay arkaayaanAstaamaha jacaylkiyofarax aan idlaan iyo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
80/119
In is aamin uu jiroOraah lagu caddeeyooAdimaduna ay qiriUurkuna nadiif yahay
Aqalkoodu nabad yahayAabo iyo hooyanaSidii ul iyo deerkeedArintoodu wada tahayUbad lala ciyaariyoIxtiraamku waynyahay
Ilmuhu kaa maqlaayaanAbboowiyo AbbaayiyoWalaalkiyo walaashiyoHuunno aan jecleeyowAma hadallo kale oonHalkan aan la tixi karin
Isjeclaanta dumarkiyoRaggu waa wax daa'imaNafta yaa danayseeHa u diidin waligaaDar ALLANA u qabo taasSiday diintu amarteeNABIGUNA uu daa'imay
Inaan aqalku kaa dumin!!!Oon abuurku kaa bi'in !!!Ha illoobin furahaasMar kastana adeegsooMeel adagna ku ogoowWaa albaabka guushee
Haddi kale inkaar iyo Eed aan dhammaan iyo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
81/119
Aqalkoo mugdi ah iyo Murug aafo dhalisiyooIlmadood qubtaan iyoAayo xumo ku waar bayNolashiinnu ku idlaan
----------------------------------- 35. Dadka Maxaa Midayn Kara?.
1. Inta dunida joogtee2. Dhammaantood is diidani3. In badani is dilayaan4. Diimana ku kala jira5. Daafaha adduunyada6. Inba meel ka dagantahay7. Dareen Kali ah yaa jira8. Dadkaa idil mideeyoon9. Cidina diiday odhan karin10. AMA dood ka gali karin
11. Dareenkaa mideeyaa12. Da yar iyo duqay maleh13. Diin iyo wax kale maleh14. Duul maal qabeen iyo15. Miskiin gaajo Dili maleh16. Milyaarada dad waynaha17. Waxaa sima dareen culus18. Dadku wada aqbalayaan19. Ooy dooni waligood20. Iyagoon ka daalayn21. Xiisahoodu damihayn22. Intay dunida joogaan
23. Haddii aad dadaashoo24. Dib u eegto nolashana25. Diiraddaadu waxay qaban26. Dareenkii midnimadee
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
82/119
27. Dadku wada jeclaayeen28. Qaarkeen inuu dumin29. Oo loogu dowgali
30. Waan soo dabcinayaa31. Waxba yaana kugu dilin32. Dood aan dhammaanayn33. Dalab iyo qalloc galay34. Dariiqii caqliga marin
35. Haddii uu dareen jiro36. Inta dunida joogtiyoo37. Dadka wada masayn kara38. Oon la isku diidayn39. waa daawo yaab loo40. Lagu diirsan karayoo41. Damaashaad xarago mudan42. Loo wada dabaal dago43. Dadkuna ay midoobaan44. Wixi dumin dantoodana45. Dagaal ay ku qaadaan
46. Hadday doodu taa tahay47. Dareen midana jiri karo48. Dantoo idilna saa tahay49. Haddana duul inkaar qaba50. Dhib yaraan ku dumiyaan51. Daayici wixii guud52. Dantoodana ku waayaan53. Wax is diidan waa maxay?
54. Kuu daayay hadalkee55. I deeqsii warkaagoo56. Ila doon sirtiisoo 57. Daahiisa kur u qaad58. Waxaa dadan aan baarno59. Xalkiisana aan doonnee?
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
83/119
-------------------------------------
36. XORNIMADU MA BEECBAA?Nolashu waa goob wax barasho oo Joogta ah , waxay na siisaaduruus aan marna istaagin, taasoo u baahan inaan nahay arday udiyaar ah aqoon korarsi ay hogaamin maskax furan oo soo jeeddaamarka siinaysa xubnaheena oo idil, taas oo ka digtoon in meelkale cidi ka hagto, si aynaan u waayin xornimadii ay inagudhalaeen Hooyooyinkeen. Kuwa ilaaliyay dadnimadooda,
xoriyadooda, danahooda ayuuQoraanku wuxuu ku tilmaamay inay yihiin ( ) kuwa wax
arka ama( ) kuwa caqliga leh ee xanbaarsan fikir waxtara.ILAAH BAA ku yiri Quraankiisa { }{ }Tixdan soo socota waxaan tiriyay mar aan arkay dad badan oo
iibinaaya xornimadii ILAAHAY ugu deeqay oo dhaafsanaaya waxriqiis ah, iyo kuwo ka tanaasulaaya waxay rumaysnaayeen ama aysheegan jireen oo raacaaya safaro meel uu u socdo aysanwarsanaynin, ee qaylada ayay ku lug dareen, middaas oo kahorjeeda qiimaha insaanku leeyahay oo loogu tala galay in uuqaato go'aankiisa, maxaa yeelay adduun iyo aakhiro labadabawuxuu masuul ka yahay tallaaba kasta uu qaato!!!Inaad go'amadada adigu qaadato iyo in laguu qaato waa waxa u
dhexeeya xornimada iyo addoonimada.
XORNIMADU MA BEECBAA?!!!
QAYBTA KOOBAAD1. Dunidaan ku noolnahay,2. Duruus baan ka barannaa,3. Baruhuna diyaar yahay,
4. Dadaalkiisu badan yahay,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
84/119
5. Marna uusan diidayn,6. Daadihinta jiilkiyo,7. Dadka uu la noolyahay,
8. Midka aan danaynayn,9. Cashiradan diyaarka ah,10. Oo diiday inu yahay,11. Ruux darajo mudan oo,12. Xornimada daneeyoo,13. U halgama difaaceed,14. Dariiq toosan aan marin,15. Yaan hadalka deeqsiin,16. Dooduna u socotaa,17. Oon daawo oga dhigi,18. Haddii uu danayn oo,19. Qalbiguna diyaar yahay,
20. Anoo soo dabcinayoon,21. Kugu daalin hadal badan,22. Ka fogaanin dulucdiyo,23. Danta tuducdan laga rabo,24. Dareenkayga yaa qaba,25. Haddaad dooni safar dheer,26. U diyaarsantahay socod,
27. Doon aadan garanayn,28. Inta ay diyaar tahay,29. Dadka wada wuxuu yahay,30. Dalka ay u socotiyo,31. Dagaankiisu siduu yahay,32. Dakaday ku soo xiran,33. Duruufteedu siday tahay,34. Lama koro dusheedee,35. Dagdag yaysan kula tagin,36. Adigoon diyaar noqon,37. Ama aan dadaal bixin,38. Daawiyo wanaag dhala,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
85/119
Qaybta labaad
39. Duruuftaad ku nooshahay,40. Dib u eeg siday tahay,41. Oo hubi dariiqaad ,42. Ku daadihin naftaadiyo,43. Danahaaga oo idil,
44. Hadii aad ku daashoon,45. Dadaalkaagu midho dhalin,46. Dad yaqaanna waydii47. Ducaysoo Ilaah bari,48. Ha ka daalin waligaa,
49. Dib u EEG waxaad qaban,50. Adiigoon dusheed korin,51. Dalaq dhihin bad wayn aan,52. Xornimadaada daayicin,53. Oon daadku kula tagin,54. Dib u noqodna aan karin,
55. Waxaad dooni oo idil,56. Dareenkaaga siiyoo,57. Ku daadihi caqliga iyo,58. Waxay diintu amartoo,59. Dariiq nabada kugu ridi,60. Dantaadana ku gaadhsiin,61. Danbigana ka nabad gali,62. Ama daarta aakhiro,63. Rabbi darajo kugu siin,
64. Dadka ha iska raacine,65. Daadihi naftaadoo,66. Waxay mudato deeqsii,67. Dirqi howshu maahee,68. Go'aan daacad yeeloo69. Dadnimadaadu yay lumin,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
86/119
70. Ha is dilin adoo huba,71. Inaad raalli galin duul,72. Danahooda aad fulin,73. Sunna ay ku daaqsiin,74. Adoo raadin dano uu,75. Danbigoodu kula socon,76. Ilaa daarta aakhiro,77. Dareenkaaga dhaawici,78. Intaad duni ku nooshahay,
Qaybta sadexaad79. Dib u dhowr naftaadoo,80. Allaa darajo siiyee,81. Ha u doorin xumo iyo,82. Dagaan aan milga lahayn,83. Danbarkiisu dacar yahay,84. Daaquna dhunkaal yahay,85. Duunyadu ku baabi'i,86. Dadku baahi la idlaan,87. U danbaynna kula tagi,88. Meel aan dugaal iyo,89. Dareen nabada laga helin,
90. Ku dadaal xornimaduu,91. Rabbi kuugu deeqoo,92. Darajiyo xil wada jira,93. Duubkeed laguu xiray,94. Dibna aad xisaab mudan,95. Difaacana ku tahay kali,96. Dooduna run ay tahay,97. Dadkuna beenta dhihi karin,98. Dowlad iyo qaraabiyo,99. Dad ku jecel dhammaantood,100. Difaac kuugu iman karin,
101. xornimada daneeyow,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
87/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
88/119
134. Markii dunida laga tagay135. Dadku wada masoobeen136. Maalkii durdurayiyo137. Dahabkiina laga yimid138. Dad badan ay khasaareen139. Dood baa dhex timid oo140. Diinteenna lagu qiray
Qaybta shanaad141. Duulkii la raacee142. Dulmigoodu fuli jiray143. Iyo daalimiintii144. dulmigooda fulinjiray145. Danahooda fulin jiray146. Iyo duulalkii kale147. Ee doomahood koray148. Dariiqana la sii maray149. Markii daartaa aakhiro150. Dadku ay yimaadeen151. Daba dhilif ayaa yidhi152. Danbiyaasha aan galay153. Dulligaan dad soo baday154. Waa adi daraadaa155. Wuxuun iigu deeqo156. Dadaalkaaga aan helo
157. Kii la raacay diidmiyo158. Dafir iyo xanaaq iyo159. Doodiisi waxay tidhi160. adigaa Dan moodoo161. Addoonimada doortoo162. Diintaadi iibsaday163. Xorriyiyo dareenkeed164. Addoonimo ku doorsaday165. Dariiq toosan garab maray166. Iyadoon dirqi ahayn
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
89/119
167. Ma Anaa ku idhi diid168. Dadnimadu waxay tahay169. Xaqa dawga loo maro170. Dullinimo adaa rabay171. Dabagalay nin kula mida172. Adoo diidi toosnaan173. Xaqii daahirka ahaa174. Adaa duunyo dhaafsaday175. Dariiqii Ilaahay176. Oo diiday amarkii177. Dadka toosan fuliyeen
178. Dulligaad ka sheekayn179. Iyo naarta daa'ima180. Udulqaado saaxiib181. Dirqi iguma raacine182. Ku Dan gaadh ayaa tiri183. Dowrkaan lahaan jiray184. Duniduu ku soo hadhay185. Darajadeennu waa mido186. Cadaab aan dabcayn iyo187. Dabka waan u simannahay188. Waxba kaama deeqoo189. Dadku way masoobeen190. Doodaada iga dhaaf
------------------------------------------------------------------------------------ Dulmiga bulshada iyo dareenka caruurta [A ( waa gabay dheer dheer oo u baahan in aad loo dul istaago.
Docda kale haddaan dayo, Suaal baa daruurane, Dad-yahow jawaab keen,Dulmanaha dhibkaa qabo,Miyuu ahayn dorraad kii,Darajada u gaarkiyo,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
90/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
91/119
Daataan sujuudoo,Deebta foolka saaraan?Kii diiday amarkuna,Miyaan laba dulleynoo,Naar aan damayn iyo,Dardar carro Ilaah iyo,Ciqaab daa'in loo qorin?
Intaan darajo mudanahay,Dadyahow ka maahdaye,Diintii Ilaah iyo,Quraankaa daliil u ah,Digniin iyo bishaaraba,Alle soo dejaa sharax,Daaha uga qaadoo,Dersi dahan Rasuulkaa,Dad xaqaan ku leeyiyo ,Daryeel waxaan ka mudanahay,Deel- qaaf laaan faray,
Dadow dayac-tirkaygii,Male looma deyn iyo,Door-bidaal xul gala ee,Daainkii i uumaa, Darsin idinka siiyaye,Diintabo ku sheegaye ,Xaqa yaan la daayicin!
Sidii roob daruur jeer,Dusha sare ka keeneen,Saacada daaayoo, Dalacaadda buuriyo,Dildilada bannaan iyo,Dooxiyo arloo idil,Intuu debin mir deeqsii,Daad biya xareed dahan,Dul-muraafsha ciidoo,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
92/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
93/119
Dadow waa midkaasee,Ku dureeraara oo mara!
Waxaa dooni libin iyo,Dayar kuu hagaagiyo, Danbi dhaaf Ilaah iyo,Diin iyo wanaag iyo,Dal dhismaa hadday tahay,Dariiq taasi loo maro,Dadow wuu ka duwan yahay,Kaan daaimeynee, Darsa oo ogaadoo,Dabuubtaan u fiirsada!
Dacwadaan lisaayiyo,Dooda taan dulsaar sido,Waxay iin dul-marayaan,Dulan laba jideystoo,Sidii caado doorbidan,Dadka badan u raaceen,Taasoo markaan dayey,Dadnimada carruurtiyo,Dili noolashoodoo,Dareenkooda diirtoo,Hanka uba darnaatoo,Sareen kala dagaashoo,Dullinima ciyaalkii,Inta badan ku daaweyn ,
Fariin daahday weeyee,Dacwadaan dadow maqal,Dulqaad iyo jacayl iyo,Dariiq-koris habboonoo,Dayar lagu rabeyn karo, Habka doorran seegnaye,Danab qaylo-dhaankiyo,Dulucdaan idiin sido,
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
94/119
Dadow iga dhegeystoo,Dib u eega noloshooDoodaan tixgeliyoo,Ila daadaheeyoo,Fahan deeqa kaashada!
Qaybta labaadUurka hooyo iyo ilmahaAnoon dunida wali imanHooyaan dareenkiyoDamqashadada ka garan jirayMarkay maqasho doodahaDaalinaaya madax iyoHadal aan ladeeqsiinDowkheeda gali karinMiidaanna loo dayin
Dadka lama maseeyeeQaarbaa dil ugu dareAdeegsaday wax daran iyoDagaal noocya badan iyoMadfac Daa'im dhacayoyoNaxdin aan marnaba daynCabsi iyo dareen dhalaDilay kuman caruura ahDunideena wali iman
Qaybta satexaadAnigu laaji baan ahay Dayma xumo lajoogtaynDadku dhaqan ka'yeesheenIyo daris dhammaantiisIxtiraamba kugu da'yinAkhlaaqdoo la dumin iyoXumaantoo la daaficiDulmi sharaf u wada yahayAyaa dili naftaydoo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
95/119
Dunidaydi hori yaanDib ka soo xusuustaaDaymada celceliyaa
Oon dib u jaleecaaDayrkii caloosheenDarbiyadiisa fanan jirayIlihii dabaashiyooGaroonkaa durdurinjirayDarmihii xariirteenMarkaan doono fidinjirayCidina daa i dhihi Karin
Markaan dibadda imid oonDugsigii ka soobaxayAyaan daal dareemoRaaxaba is daynnooDowladaan lahaa iyoDalkaygii inuu dumayIsticmaarna soo dagay
Oon dayr addoonimoIYo dabin la'iidhigayDalaq siiyay luquntayDadka aan la soo dagayMarna ima daneeyaanQosol la ima deeqsiinFarax igama doonaan
Dhabta kuma dakayn waliDushoodana maaan koro Ciyaartaan daneeyaaDadkuna wayla yaabaanSidii qudhun dilaacayigu tuuri meel daranOon cidi danaynayn
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
96/119
Cunto laima deeqsiin Daawana warkeed daaDarxumadaas waxaan marayAnoo hadalka daydayiDarfaha maamo siidaynOO dunidu ila tahayDocda guriga aabiyooDayrkiisa uu qur ah
Qybta afraadCabashada maxaa dhalay?Mar hadduu dulmigi fidayDacwadayda waan fidinDadka idilna waan siinInta dibada joogtiyoInta gudaha daadsaniDuniduna dhammaanteedDoodayda way heli
Dacwadaydu waataneeDareenkaaga in isii !!!Maxaa la ii dilaayaa Oo laii dulminayaa ama la ii dulaysani Dadnimadayda loo tiriMadilaa dhashaan ahay?
Dunidaba haddaan imiddanbi maogi aan galay Darajadan xumaantiyoDabin cadowgu igu riday
Doodayda culus iyoDacwaday kahorbaan Waxaan ahay ku deeqsiinDaqiiqado masiin kari? Danta guud mauhalgami?
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
97/119
Qaybta shanaadTilmaamaha wax daawayn.Dareenkaygu waa ubaxDulli aan aqbalikarinDaryeel buuxa kaa sugiIyo bayad daahirooDaayac laga ilaalshooDanbina aan kadhici Kari nDarxumo aan imaan Karin
Durdurada jacaylkiyooDulmi aan aqbali karinXareedaha daruuruhuDalka ay ku wada di'iDadku wada cabbaayaanDadaalkeennu nabad dhali
Hawaduna nadiif tahayDadku ay iskaalmaynDulmiyada dhamaan jiraJacayl baa u daawa ahDadkuna wada nabdaayaanCidina khayrka diiday.
ogow ubax inaan ahayHadaad ii dadaashaanMarkaasan dad noqon iyoUbax wada dillaacoonDahabkana kasara marii Dadku wada jeclaadaanOo buuxin dowqiyoRabitaan dadwaynaha
Duniduna dhammaanteedAy kudiirsan doontaaDaaraha arooskIYODukaamaha tijaarada
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
98/119
Darbigooda lagu tixiOo loo dabaaldagiiDadkuna wada farxaayaanqaybta lixaadBulshooy adaa ii baahanDadku waxay filaayaanMarkii ay dareemaanMaskaxdooda daashiyoXobnahoo daciifiyoNoloshooda duuga ahDib inay ka soo dhalan
Daa'imkaana taa karaOo dooran suu raboAan la dabar go'aynooDunidana camirayaaDurriyaduna daad noqonSidii ubax dareen bixinOo dooda kula garan
Inkastoo dayari iyoXoog daahsan aan qaboDantii laii abuuraan Darajadeedi haystaaDamiirkayga yaa noolIgu haga dan hooda lehXaqa dama maraynooMaamkana ideeqsiinDuruustana ka qaataa
Hadaad dan iga leedahayOod dooni nolal sareHayga diidin erayadanDoodayda soo lalinMaqalkana I deeqsiiKu duloobi maysidooDarajooyin baad kori
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
99/119
Anigaa dantaadiyooMustaqbalkaaga daaficiOo dabooli baahidaHaddii aan daryeel iyoDuruuf toosan aan helo
Darbiyad ka sara maroBuuraha dushood koro
Qaybta todobaadBaahida tarbiyadaUbaxaan dadaal helinDaryeel saa'id lagu bixinCaqli daacad u ah iyoDuunyadana loo hurinBiyahoo durdur ah iyoCilmi aan la deeqsiinDagdag buu u liicaa
Haddaan laga difaacaynXayawaan wax daaqiyoXasharaad wax dila iyowax dubkiisa dhiba iyoDhaawac xididka gaariyooDabaylaha wax qaadiyoWaxkastoo tilaayabaDurba waa qarsoomaa
Daayaca buu u dhimanooDanba wow qalalayaaIntaas oo daryeelooDucaduna u dheertahayYaY dooni ubaxyaduDadkuna kaga maqsuudaanDa'yarteennu waa saas
Haddii kale ma daaimo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
100/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
101/119
Oon doogsan waligii
Waxaad Daar dhisaysiyoDamacaagi waynaaWaxaa jira wax daranooRaaxadana kaa duminOo doodo badan qabaa Iyo ciil dillaacoonWali daawo loo heyn.
Cabasha caruuraha
caruuraha dalkeennaanFariimahan u dirayaaDamqashada xanuunkiyoDulmiga roob sidii di'iDuudsiga xuquuqdaaDacwadayda qayb ka ah
Dulli iyo darxumo aayDadku wada arkaayaanOon cidina diidaynOon ka daaya lalahaynUgu siidar mooyee
Anna diiday dhihi karinDifaac adagna gali karinDantaa ii run sheegtooDabar adagna igu xiriDagdag looma furi karoSaban baa u daawa ah
Tanaa dhalin didmada iyoDanqashiyo cabsida badanIlmadaa sidii roobUda'aysa waligeedUdurduri sidii wabi
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
102/119
Daad badan ku soo daray
Duufaan sidiisiiDalka wada masaysooBadihii dilaaceenYaan doodan furiyoonCeebtiinna daabiciIntarneet ku sii diriOon dillaacin boogahaDuniduba ha'yaabtee
Daymada qalloocdeeIs huruufku dabayaalDhaqan aan danayn iyonaxariisba lagu dayinIlmo duulki dhalay iyoBulshaduba daryaylayn
goobaha dagaalkayCaruuraha u dirayaanBoqollaal la soo diliAma dhaawac daran byDarbiyada lajiifaanDadku wada agmarayaanIyagoon dareen iyoQalbi didaba aan qabin
Inta mowdku dilayeeKa holeeshay dunidiyoKuwa diiftu cuni'eeDareenkoodi uu lumayMidna uma danqanayaanDibna uma xusuustaanDalka iyo dadkaa tagay
Mahadhada danbiga ee
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
103/119
Inta dunida joogtaaDawakh ay ka qaadeenyaan la diiday anigooKolba daah cuskanayaaDakharadii igaariyo
Dacartiyo suntaan liqayYaa kicin dareenkiyoSu'aalahan isdabayaalDibna aan u soo celinDahaadhkii asturayiyoWax kastoo dabooliyo
Daahana ka wada goynDadku inay maqlaan bayDantayduba u socotaaBal inay dariiqiiDanbiyada ka leexdaanXaaraantay dabaashaan
OO dumisay nolashabaDadku khayr ku doorsadoDantaas yaan rabaayooDacwadana u soo furayDooduna ku socotaaDanta guudna u khidmaynIlmahana ku daafici*********************
Qaybta sideedaadDilka iyo dulmigamaxaan ku mutay?Duruuftaan ku noolnahayDulmiyadan sidii roobMaansheeyay dunidoo
Ubadkiinni daayacay
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
104/119
Mowjaduhu dafaayaanDaadkoodu nala tagiDugsi nabada loo haynBulshaduna ku daawaniYaa doodan dhaliyeeDareenkayga iLa maqalQaladkan yaa leh dadow?Muddo badan markaan dayayDadku suu u noolyahayIyo dhaqan duqooboonNolasha aan danaynaynDalka aan hormarin karinDadkana aan habayn karin
Shaki baygu doolooDib markaan u milicsadayWaxaan halis dulmarijirayIgu dayran abid keedNaftaydaan dagaaloonDacwada qayb ka soo galinXalkana aan ku daydayi
Danbi wayn inaan galayAma daallin aan ahayAmaan dunida halis galindareenkiinnu waa kaahFalkaad daa'im fulisaanDaliilkaygu waa kaa
Yaa doodan iga guridacwadayda iga qaban?Garta yaa dariiq iyomarinaayo dawgeedOo qaban dulmiga koray?Cadaalada ku daydayiIyadaa na deeqiyeOo qaban dulmiga koray?
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
105/119
Haddii kale dad waynowHa'iidiidin cabashadaIyadaa i deeqdooDulmiga aan la jiifiyooXanuunkayga daawaynWaxaan dano tabaayana
Sabir baan ku daydayi
Maxaa la ii dilaayaa? Ama la'ii dulminayaaoo la'ii dulaysani?Dadnimadayda loo tiriDanbi ma'ogi aan galayDunidaba hadaan imid
Ma dilaa dhashaan ahayOo cuni dad koo idilAma laaya duunyadaMa ayax soo dagaan ahay
Dalkoo wada barwaaqa ahDagaankuna cagaar yahay
beerihii ku dagayoowixi dalag baxyiyooDoogii dhameeyooHadana diirtay kaymahaDukum daakum siiyoodibba loogu noqonayn
Mise cadaw dadkii iyoDalkii dumiyay baan ahay
Danbigii ibliis galayMarkuu diiday AMARKIIMa dariiqi baan marayAmaan darajo deeraha
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
106/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
107/119
La dulaysanaayaaYay daawadiis tahayJirraduna ku daysaa
Danbi dhaafna lagu siinNimco aan duqnimo iyodiifteedu kula soconGeeri kaa dafayn abidIYO darajo aakhiroDadku aysan fili karin
dareenkaygu wuxuu yahayDanqashada jirkaygiyoXanuunkaa idaashadayCaqligagay dib u ridayIyo waxaan dadnimo qabayDulmi guud inay tahay
dilkuu aabe igu fulinHooyana ku daawanidurdur wabi sidiisiiDabbaal lagaga bixi Karinhaddaan la iga dayn KarinOo la iiga sii dari
Anna diiday dhihi KarinTabar lii daraadeeddantu waa balaayeeMaxaa daawo ii noqon?Haddaan dooda kuu foro
Qaybta sagaalaad
Go'aankaygu:Waa laba dariiqoodkala dooranaysaan Go'aan baan diyaarsho
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
108/119
Dacwadaydi socotiyoDoodahaan afjarayaaDagdag kuma salaynineNafta yaa ku daashooSaban doora yaan sugay
Idin dooransiiyayeeDagdag weeye xaaja'eeDib yaan talada loo dhiginWaa laba dariiqoodKala doorbidaysaanIyadoon dirqi ahayn
Midka aan danaynooMarna aana diidaynIddaawayn wuxuu yahayHaddii dooda laga talinDadku ay maqlaayaanXaqana aan la duudsiyin
Oon helo dantaydiyoDantiinuba siday tahayOon dareemo nabad iyoDowrkayga oo run ahTaasaa ku dagayaaBoogahayga dib u dhayi
Xanuunkuna i daynoonDadnimadayda soo celinIga mayri dulankiyoDareen xumadii aan qabayDalkuna ku tagayaaOon dareemi raaxada
Daawadaydu waxay tahayDoogsiga bulshada iyoDalkoo wada barwaaqa ah
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
109/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
110/119
Udardaami uur jiif
Iyo Duulka soo kiciDantaad ila jeclaydeenNacaad igu durayseenYaa doorshay noloshooDadka idilba waa nacayDariiqaad imariseen
Dabcigaad abuurteenDib miyaan ka sixi kari?Amaan doorin karayaa?Ma ku daalinaayee
Dadkii hore ayaa yiriHADDAAD DOONI TALO SUGANOON KAA DUQOOBAYNDIBNA LAGA HALMAAMAYNDUCA QABE ILMAHA YAAMASGAXDIISA LAGU DURIDURBA WUU XIFDINAYAAISAGAAN KU DAALAYNAMA AAN KU DIIDAYNDARSIGANA HALMAAMAYN
Anoo socodka baranoSanadii labaad fananWali naaska sii daynYaan ku daalay dhaqankiinWax kastoo darxumo dhaliIga tuuri dawyahaDareenkeeda waan helay
Dadku waxay qasaayeenyaan mooday daawiyiDariiq EEBEHEEN farayOon doodba kali karin
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
111/119
Waxaan dib u xusuustaaDadka hadaladoodii
Kala da'yin run iyo beenKala duwin xalaal iyoDariiqii xaraantaba
Marna aan danaynaynCaruuraha dantoodiyoWixii dib u dhisaayabaAma aan ka daynaynWixii dumin akhlaaqdooDareenkooda dhaawici
Haddii uu dareemabaInaad duri wuxuu shubiAmaad diido ereyada
Dil unbaad sugaysaaCiqaab daranna waad mariDadku wuu ogsoonyahayDuruuftaan ku noolnahayDariiqeedu waa sidanWax daaweeya lama helin
Haddaan la'iga dayn saaDanta wow hogaansamiDifaac adag ayaan galiDariiqaad imariseenDarsigaad isiiseenDadka anigu waan bari
Dareen xoog haddaan heloOon doob dilaacsadoMuruquna darbiga yahaydariiqiinna yaan mariWax unbaan dilaayaaDalkana waan gubaayaa
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
112/119
Daw aarsi yaa furanOon daacad ka ahaanDibna loo khilaafaynDuniduna i kaalmaynIyagoo dantood fulinAniguna diyaar ahay
Dalka waxaan u rarayaaDagaal aan dhamaanayDadku wada qaxaayaanDabku gubi guryaha iyoWixii daar la jeexoonDibna loo askumi karin
Dardaarankaad isiiseenInaan dilo caruurahaDariskeenna oo idilIdinana daawanaysaanDadku iga baqaanooDulqaadkuna uu ceeb yahay
Markaan daanka jabiyoonDhiigoodi daadshaanDareenkiinna fiirshiyoDabnihiinna oo ileIska celi dayuuskooDibna yaana loo arag
Hadareemo kii dhalayIyo hooyo diirxumiDadka inaad in dheertahayDilkuna sharafta uu yahayDariiqaad imariseenDulucdiisu toosnaynDadaalkii aad dhiibteenAyaan daacad u ahaan
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
113/119
Oonan diiday dhihi karin
Mana dooran iniguyeeMarkaan dunida imid baaLa igu duray sun baas ooSanbabada u gudubtooSina looga daawayn
Dareen dunida wada gubaDadku nabadda waayaanDabku meel walbaba huroOo duunyo baabiin Dariiqaygu waa kaasDucadiina aan helo
Darsigaad isiiseenDulmigii uu keensadaydulligaad imariseenOO daaim ila soconIga reebay dunidabaDadka waan baraayaa
Duulkii ILAAH rogiXaqaa laga daboolaaWadkii dililahaabayDocda guriga ku hayaanDeeqbadanna siiyaanIyo darajo aan gudhin
Markaasay duloobaanDarxumana u baabii Ooy nolasha dabamariDaliilkeedu wuxuu yahayDaayaca ilmaha iyoDareenlii Dadwayniyo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
114/119
Danbiga qooyska laga galiUu dumarku kow yahayUmadaan dadaal bixinOon ubadka daadihinDadaal wayn isu gaynDanba way u baabii
*********************Dugsiyadan QURAANKA AHCaruurahaan u dirataanDugsiyada quraanka ahNaxariis dulqaad liyoDiin laba jeclaysiinDarsiyada quraankanaSun baa loogu durayooArdaydu way ka didayaanDareen nacab ayaa galaAan daawo loo haynDilkaa sababta dhalisiyoBal dhagaysta sheegadaCaruurahan dugsiga tagayDanbiyada barii ka ahDubkooduna adkaan waliHa ladilo ayaa yriIyagoon danbiba galin?Macalin doob dilaacsadayXoogiisu dihinyahayMuruq yadu darbigan la'egoo xanaaq ku sii darayDhaqankiisu waa sidanIndhahoo la duubooDarsin ulu la soo guroOo ku dayo middii adagOo duubka haragiyo
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
115/119
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
116/119
Sina uma midaysnooSubax daa'im oo idilSi horleh u taallaa
Oon soo noq noqonaynSabankaan ku noolnahaySacadaha dhexdiisa ahWaa seef wax gaysooNaxariis aan laga suginSaacaddii dhamaatana
Aan sixid aqbali karin
Wax kastoon samaynanaMalag suuban yaa qoriSahwi iyi halmaan qabin
Mar haday sidaa tahay Aan sabir ogaannoon Shaqo sax ah ku foofnooKa shaqaynno samahiyoWaxaan sina qalloc qabinDulmi lagu salaynooUmaduna u simantahaySurin foolxun aan marinKu salaysan diintiyoSiduu EEBEHEEN farayOo samaha nagu hagiiCidwaliba sadkoodiiSahal ay ku heli kariIyadoon saluug qabin.
1. HOGAAN DHAB IHI WAA KEE?
2. Hogaan la carbiyaa kuma yimaad *howlyar oo fudude3. Hadal kali ah oon ficil lahayn *laguma soo hooyo4. Waa shaqo habeen iyo dharaar *mudan inaan hayno5. Waxaa lagu haga nolasha guud *iyo hanaankeedaa
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
117/119
6. Duulkaan habdhaqan loo samayn *ma hormaraayaanee7. Habka nolasha way dabamaraan *hoor uma guuraanee
i. *****8. Hogaan saxa dhismihi waa inaan *howl isugu gaynin9. Hantideednna uu hagi cilmigu *iyo waxaan haynno10. iyo xoog waxaan heli karnaba *hagar laaan dhiibnoo 11. Habka guushu saasuu ku iman *iyo hanaan buuxaa12. Iyo madax hogaan wacan ahoo *haysa taladeenaa
i. ***13. Madax baahi looqabo laarag *baylah iyo daayac 14. Hogaankii wadaniyoo la hobo *iyo halyay dhaartay15. Habkuu noqon siduu howl uqaban *iyo wuxuu haaban16. Waa howl la dhaxashiiyay uu *horay u sooqaatay17. Howd kama imaaninee dhabtii *hooyo ka agdhowraa
18. Ilmihii hogaan laga rabiyoo *haynta qarankeena19. Hanaan baarinimo oon isdhimin *haysta oo sharafleh20. U hogaansan diintiyo xaqiyoo *danaha khayrkoo dhan21. Habka guriga ee fiican baay *gu hana qaadaanee22. Hayjad kuma lumaan maalin qudhaa *mana habaabaanee
i.
***23. Hooyiyoo hadaan aabo qaban *howsha laga dooni24. Bulshaduna hab qiima leh ku dhaqin *jiilka hana qaad25. Iskuulada habkoodana la hubin *iyo hanaankooda26. Hilinkuu ISLAAMKEENNU falay *lagu habayn waayo27. Habka toosan oo nolasha haga *iyo hanaan suuban28. Helimayno maab nagu hagoon *horay u sii raacno29. Habeen kama baxayniyoo mugdiga *haysta qarankeena
i. *****
30. Inkastoo hogaan xumo darteed *diinta ka habownay31. Inkastoo hogaan xumo darteed *hilinku uu leexday32. Inkastoo hogaan xumo darteed *qarankii hiil waayay33. Inkastoo hogaan xumo darteed *qoyskii kala haaday34. Qaaradaha aduunyada ku yaal * lagu qoxoon faafnay35. Uu dumay hanaankii dhismahuu *iyo waxaan haynay36. Habka looga bixi waa mid jira *waana la hubaayee
i. *****37. Hab qaloocday waxa toosinkara *ama habayndoona38. Dhalintii hanuun iyo aqoon * lagu hagoo toosan.
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
118/119
39. Iyo howlkarnimo aan dhammaan * haysatoo sharafleh
40. Hagar maleh haday waajib fulin * manahalmaamaane.
41. Hordo kuma mashquulaan markay * howl isdabataallo.42. Hadhka kuma ordain saacaduu *unku kala hadoo43. Habeen kuma dhafraan waxaan ILAAH * haysan idankiisa44. Hannaan xumada suuqeenna taal * een la kala haadin45. Habka dhaqanka ee lumay marnaba *kuma hadsaamaanee
i. *****46. Hanaan xumada faaftay dagaal *daaim ku hayaanee47. Habka nolasha ee toosan bay *sii higsanayaayee48. Himadoodu waa meel saroo * samada heehaabi.49. Hannaan bira ayay noqonayaan * howl markay wacato.50. Hadaf mida ayay leeyihiin *Iyo hanaan toosan.51. Howlguud ayay wada dhisaan *mana hongoobaane.52. Habka dowlad lagu toosiyana *way higsanayaane
i. ***** 53. Himma sare dadkii aan lahayn *horay maaadaane54. Habka nolasha kuma biiriyaan *howl lacurinaayo55. Hagaas kama baxaan maalin qura *mana hodmaayaane
56. Kama daalo hoorsiga gacmaha *duul aan howlqabanin57. Hasha ruuxa aan dhaqikarayn *doogna ku hagaajin
58. Haaneedka aan toosin karin *caano helimaayoo59. Haddaan ciidan loo hagarbaxeen * libin ma hooyeenee60. Habka nolasha yay kala hagaan *Kala habeeyaane61. Hogaan dhabihi saasuu ku dhalan*Waana lahubaayee
62. Himadoodu waa meel saroo* samada heehaabi63. Hannaan bira ayay noqonayaan*Howl markay wacato
64. Habacsanida suuqeenna taal *kuma hadaaqaane65. Hordo kuma mashquulaan* markay howl isdabataallo66. Hogaan toosan saasay ku noqon*Waana lahubaayee
67. Hadafkoo midoobay ku imaan *Howsha qarankeennu68. Danta guud inaan wada hagnoon*Daacad u ahaanno69. Dariiqeennu waa kaa haddii*Dooda la higaadsho
-
8/13/2019 Jees Ururay Final
119/119
70. Hayeeshee midkii dooni khayr* DAAIMKAA hagiyee71. Duco waalid baa lagu helaa* Darajo waawayne
72. Waa howl ILAAHAY na faray * habeen iyo maalin
73. Hordo kuma yimaadee dadaal * yuu higsanayaayee74. Hogaan wacan si loo helo midnimo* hilikeed aan raacno75. Ku habayno diinteeno waa * howl dhamaystirane
- -------------------------------