1
XEERKA CIQAABTA
2
ARAAR
Waxaa sharaf wayn ii ah in aan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo
ilaa haddana lagu dhaqmo, isagoo ka mid ah xeerarka Dalka.
Dhinaca kale, xeer ciqaabeed, waa xeerka jideeya falkasta oo Dembi
noqon kara iyo waxa lagu ciqaabayo qofka fal sharcigu Dembi u
aqoonsan yahay uu ku caddaado, taasoo ay waajib tahay in
muwaadinka ama qofkasta oo lagu dabaqayo xeerkan uu ku
baraarugsanaado, ogaado, aqoona u lahaado, isla markaana si fudud
u heli karo, una fahmi karo xeerka ciqaabta si uu uga digtoonaado
in uu ku dhaco fal Dembiyeed quusanunku ciqaab u dejiyay, balse
waxaa nasiib daro wayn ah in muddadii xeerkan ka dhaqangalay
Somalia kuna dhaqmaysay in aan marnaba dadka lagu dhaqayay aan
afkooda hooyo loogu soo bandhigin ee xeerkani ku qoraa afaf
shisheeye oo aanay dadka intiisa badani fahmayn aqoona u lahayn,
xataa hawl wadeenada Cadaalada iyo sharci fulinta ee ay ahayd in
ay dabaqaan intooda badan ku adkaanayso fahamkiisa iyo in ay si
haboon u dabaqaan, taasoo aad ka arki karto in iyadoo xeerka
ciqaabtu ka kooban yahay 565 qodob oo Dembiyada ku xusana yihiin.
Haddaba, markaan arkay dhibaatooyinka badan ee maalin walba lagala
kulmo dabaqaada xeerkan oo ay sababaha ugu wayn ka mid tahay
turjumaad la’aantiisa waxaan goostay in aan hawshan baaxada leh u
badheedho, waxaan ku dedaalay in aan inta aan kari karo ku tarjumo
luqad quununeed oo la fahmayo iyadoo aan ka duulayo macnaha
qodobka in uusan lumin ama is bedel ku iman, iyadoo ay yar tahay
eray bixinta quununeed ee afka Soomaaliga, taas oo aan caqabado
badan kala kulmay xagga eray bixinta quununka ee afka soomaaliga
oo aan eray bixin quununeed oo suggan oo laysku raacsan yahay loo
samayn.
Quununku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ay daruuriga tahay in
bulshada loogu bandhigo afkooda, oo ay waajib tahay in qofkastaa
fahmo, si uu u garan karo, waajibkiisa iyo xaqiisa; waxaan odhan
karaa ceeb iyo weji gabax ayay ku tahay aqoonyahanka guud ahaan
3
iyo gaar ahaan aqoonyahanka quununka in muddo afartan sanno ka
badan lagu dabaqayay ama lagu xukumayay bulshadeena quunun aysan
aqoon oo aan marna afkooda loogu bandhigin
Inkastoo, garyaqaano badan loo bandhigay oo ay dib u sixid iyo dib
u eegis ku sameeyeen, haddana lama dhihi karo ceebo ama khaladaad
waa ka fayaw yahay, waxaase u furan aqoonyahan kasta oo qaanuuneed
ama qofkasta oo kale oo ay u muuqato dhaliilo ama ceebo ay
tarjumaadani leedahay ama wax aan sax ahayn in uu talooyinkiisa ku
biiriyo, iyadoo qoraalkani yahay daabacaadii ugu hoaraysay oo ay
khasab tahay in marar kale dib loogu noqdo, wixii ka soo baxa iyo
talo kasta oo la qaadan karona lagu biiriyo
Waxaan kaloo filayaa in tarjumaadani wax wayn ka tari doonto
iftiiminta, fahamka iyo dabaqaada Xeerkan ciqaabta oo si wayn u
saameeya cadaalada iyo garsoor xaqsoor ku dhisan, iyadoo haddiiba
ay tarjumaadan ka soo baxaan wax ka hor imanay ama aan la socon
Karin xeerka ciqaabta ee ku qoran afka Talyaaniga, loo noqonayo
kan asalka ah ee laga tarjumay oo ah ka ku qoran afka Talyaaniga,
iyadoo dhammaan kuwa ku qoran afafka Ingiriisiga iyo Carabiga ay
tarjumaad yihiin.
Ugu danbayn waxaan u mahad naqayaa garyaaqanadii ka qayb qaatay
dib u eegistiisa iyo dib u sixidiisa, waxaan kaloo u mahad naqayaa
cid kasta oo kale oo wax igu biirisay ama gacan ka gaysatay soo
saarista buuggan Xeerka Ciqaabta Guud ee Soomaaliga ah.
HORDHAC
4
Xeerkan cusub ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, ee lagu ansixiyay Xeer baarlamaan Lr.5, ee 16kii Diisember 1962, wuxuuna dhaqangalay 3dii Abriil 1964, waa maxsuulkii deraasad taxadir leh. Garsoorka Maxakamadaha Soomaalidu, waxay diyaariyeen qoraal gacmeedkii ugu horeeyay ee dib u habaynta xeerka ciqaabta, sanadkii 1957, kaasoo ku salaysnaa xeerkii dhaqan galka ka ahaa koonfurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray oo lagu sameeyay fududayn badan oo la xiriira dhaqanka Soomaalida iyo caadooyinka gudaha, isla markaana la siiyay nidaam cusub oo saamaynaysa Dembiga iyo ciqaabtaba. Laakiin curintaas lama sii dabagelin, iyadoo ay ka hor yimaadeen carqalado badan oo u badan arrimo siyaasadeed. Waxay ahayd uun wax yar ka dib madaxbaanidii Soomaaliya iyo is raacii laba qaybood Koonfurtii Talyaanigu gumaysan jiray iyo Maxmiyadii Ingiriiska ee Woqooyiga, ee Dastuurka ku midoobay, in isku dayadii iyo midayntii tamar lagu dhaqaajiyo hawlihii sharci dejineed, waa la dedejiyay intii u dhexaysay dhamaadkii 1961 iyo bilawgii 1962, dedejintaas oo uusan hadafkeeda keliya ahayn in si buuxda loo dhaqan geliyo ma’baadiida dastuurka, balse ay ku jirtay in la mideeyo labadii nidaam qaanuuneed ee lagaga kala dhaqmayay Woqooyiga iyo Koonfurta oo si ku meel gaara loogu daayay ku sii shaqaynta labadooda nidaam qaanuuneed sida uu jideeyay “Axdigii midawga” ee 31 jenaayo 1961, iyadoo dhaqan galkoodu ku xadidnaa dhulalka ay khuseeyeen. Si taas salka ku haysa waxaa la ansixiyay Xeer lr. 5, 30kii Jenaayo 1962, kaas oo loogu igmaday Xukuumada xeerka ciqaabta, xeerka habka ciqaabta iyo xeerka nidaamka garsoorka; iyadoo xeerka la raacayo waxaa la saaray guddi gaara oo aqoonyahano sharci oo soo diyaariya, iyadoo ay ansixinayeen guddi xeer dejineed oo uu Gudoominayay Wasiirka Cadaalada, kana kooban xubno baarlamaan iyo khabiiro, kuna jiraan dhammaan xubnihii guddiga gaarka ahaa ee garyaaqanada, kuwaas oo go’aankooda ay dawladu ku khasbanayd. Guddiga garyaqaanada ah waxaa lagu sharfay in uu gudoomiyo “Renato Angeloti”, oo ahaa Barre Jaamacadeed oo khabiir ku ah quusanunka ciqaabta, buuggaag badana ka qoray, waxayna diyaariyeen qoraal Talyaani
5
iyo Ingiriisi ah oo ah Buuga I “Dembiyada guud ahaan”, Buugga II “Dembiyada gaar ahaan” iyo Buugga III “Gefafka ama Khilaafaadka gaar ahaan”. Xeerkani wuxuu ahaa mid salka ku haya Dastuurkii waqtigaa ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka; sidaas ayuuna xeerkii cusbaa ee Ciqaabtu ku dhaqan galay; kaas oo markii ugu horaysay ku soo baxay afka Talyaaniga, balse waqtiyo danbe loo tarjumay afafka Ingiriisiga iyo Carabiga, laakiin marna layskuma hawlin in afka hooyo loo tarjumo.
6
XEERKA CIQAABTA
BUUGGA I
DEMBIYAD GUUD AHAAN
QAYBTA I
XEERKA CIQAABTA
Qodobka 1
Dembi iyo ciqaab waa in ay sharcigu si cad u dhigaa
Qofna laguma ciqaabi karo fal aan sharcigu si cad Dembi uga dhigin, lagumana ciqaabi karo
ciqaab aan si cad sharcigu u dhigin.
Qodobka 2
Wakhtiga uu dhaqan gelayo xeer ciqaabtu
1- Qofna laguma ciqaabi karo fal uusan sharciga dhaqan galka ahaa Dembi u aqoonsanayn
waqtigii falkaa la galay.
2- Qofna laguma ciqaabi karo fal sharciga danbe ee dhaqan galka noqday uusan Dembi u
aqoonsanayn, haddii horteed lagu caddeeyay, ama lagu xukumay, fulinta iyo
natiijooyinka ciqaabeed ee xukunkaa iyo ciqaabta waa la tirtirayaa.
3- Haddii sharcigu dhaqan galka ahaa wakhtigii Dembigaa la galay iyo sharcigan dambe is
khilaafsan yihiin, labada kan u danta ah eedaysanaha ayaa la dabaqayaa, haddii xukunka
iyo ciqaabtu aanay kama danbays noqon.
4- Xaaladaha gaarka ah ama xeerarka ku meel gaadhka ah, tilmaamaha labada farqadood ee
hore lama dabaqayo.
7
Qodobka 3
Dadka lagu dabaqyo Xeer Ciqaabta
1. Haddii aan sharciga Qaranku ama kan Caalamiga ahi si ka duwan u sheegin xeerka
ciqaabta waxaa lagu dabaqayaa dhammaan muwaadiniinta iyo ajnebiga ku sugan dhulka
qaranka.
2. Xeerka ciqaabta waxaa kaloo lagu dhaqayaa muwaadiniinta iyo ajinebiga dalka dibediisa
ku sugan, waqti xadidan oo sharcigan ama xeerka Caalamiga ah ku dejiyay.
Qodobka 4
Muwaadinka Soomaaliyeed - Gayiga qaranka
1. Ujeedooyinka Xeerka Ciqaabta muwaadinka Soomaaliyeed waxa ka mid ah dadka ka
soo jeeda isirka ama jinsiyada doorasha ee goobo ka mid ah Dalka qaranka iyo dadka dal
laawayaasha ah ee degan Dalka qaranka.
2. Ujeedada xeerkan ciqaabta, Dalka qaranka waxaa ka mid ah carrada Jamhuuriyada iyo
goob kasta oo hoos timaadda awooda xukunka Qaranka. Maraabiibta qaranka,
dayuuradaha waxa loo aqoonsanayaa goobo ka mid ah Dalka qaranka meel kasta oo ay
joogaan, marka laga reebo kuwa xeerka Caalamiga ahi uu hoos geeyay sharci dibadeed.
Qodobka 5
Aqoon darada Xeerka Ciqaabta Qofna cudur daar kama dhigan karo aqoon darada xeerka ciqaabta.
Qodobka 6
Dembiyada lagu galo Dalka Qaranka
1. Qofkasta oo fal Dembiyeed ku gala dhulka Qaranka gudihiisa waxa lagu ciqaabayaa si
waafaqsan xeerkan ciqaabta.
2. Waxa loo qaadanayaa in fal Dembiyeedka lagu galay Dalka Qaranka gudihiisa marka
falka ama fal la’aanta Dembiga dhisayaa dhamaantiis ama qaybtiisu ay ka dhacdo ama
natiijada falka ama fal la’aanta Dembigu ay halkaa ka dhacdo.
8
Qodobka 7
Dembiyada lagu galo dibada ee la ciqaabayo ka reebis la‟aan
Qof kasta oo ku gala Dembiyadan soo socda dal dibadeed waxa lagu ciqaabayaa si waafaqsan
Xeerkan ciqaabta:
a) Dembiyada lidka ku ah Shakhsigada Qaranka.
b) Dembiyada been abuurka calaamada qaranka ama isticmaalka calaamada qaranka oo
been abuura.
c) Dembiyada been abuurista lacagta qaranka ee sida sharciga ah loogu macaamilo dhulka
qaranka dhexdiisa.
d) Dembiyada ay galaan saraakiisha guud, iyagoo haya xilka qaranka oo ku takri falaya
awooda ama ku xadgudbaya xilkooda.
e) Dembi kasta oo kale oo xeerka ciqaabta ama Axdiyo Caalami ahi ka dhigay in lagu
dhaqo xeerka.
Qodobka 8
Dembiyada lagu galo dibeda ee xaalado gaara lagu ciqaabayo
1. Qof kasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka 7aad, ku gala dhul dibadeed
Dembi ku lid ah qaranka ama lid ku ah muwaadin qaran, waxaa lagu ciqaabayaa xeerkan
ciqaabta marka ay jirto:
(a) In falka ama fal la’aanta uu Dembi u aqoonsan yahay xataa sharciga dalka lagu
galay.
(b) Dhibanuhu cabashadiisa gudbiyay, haddii uusan Dembiga qaranka oo kaliya uusan
ku
dhibanayn.
(c) Dembi falaha laga helay Dalka qaranka markii cabashada uu gudbinayay dhibanuhu
ama markii dacwada ciqaabta la dhaqaajinayay.
2. Qofkasta marka laga reebo xaaldaha ku xusan qodobka 7aad, ku gala Dembi aan siyaasi
ahaan dhul dibadeed, isagoo ku xadgudbaya dal shisheeye ama ajinebi, waxaa lagu
ciqaabayaa xeerkan ciqaabta marka:
(a) Falka ama fal la’aan Dembi looga aqoonsan yahay sharciga dalkaa Dembiga lagu
galay.
(b) Dhibanuhu cabasho sameeyay.
(c) Dembi falaha laga helay Dalka qaranka markii cabashada uu gudbinayay dhibanuhu
(d) Mastaafurinta aan la bixin ama aanay ogolaan Xukuumada dawlada Dembiga lagu
galay ama uu Dembi faluhu ka mid ka yahay.
(e) Dhaqaajinta dacwada ciqaabta ah uu amray Wasiirka cadaaladu.
3. Ujeedada xeerkan Dembi siyaasadeed waxa looga jeedaa Dembi kasta oo leh ujeedo
siyaasadeed qayb ahaan ama dhammaantiis.
9
Qodobka 9
Xaaladaha aan la socod siin Karin dacwad ciqaabeed
Marka laga reebo xaaladaha ku qeexan Qodobka 7, dacwad ciqaab ah oo Dembi dibeda lagu
galay laguma socodsiin karo qof isla Dembigaa dibeda lagaga waayay si kama danbays ah ama
dibeda lagaga xukumay oo dhamaystay ciqaabtii xukunkaa ku qeexnayd.
Qodobka 10
Aqoonsiga xukun Dembi ciqaabeed oo dibadeed
1. Xukun ciqaabeed oo dibadeed lagu dhawaaqay Dembi la galay waxaa la
aqoonsan karaa:
(a) In ay ku dhisan tahay Dembi falaha oo caadayste ah ama ay ku dhisan
tahay natiijo kale oo xukun ciqaabeed ama loogu dhawaaqay in Dembi
faluhu yahay la qabsade ama shaqo ka dhigte Dembi.
(b) Marka xukunku ku saabsan yahay ciqaabaha kaabayaasha ah marka loo
eego xeerkan ciqaabta.
(c) Marka sida waafaqsan xeerka ciqaabta qofka la xukumay ama la sii
daayay uu masuul ka noqonayo tallaabooyin ammaan, haddii qofkaasi
uu ku sugan yahay Dalka qaranka.
(d) Halka xukunka dibadeed uu amray soo celin ama magdhaw khasaare
ama halka laga qadimay dacwad Dalka qaranka ujeedo ah helitaanka
soo celin ama magdhaw khasaare ama ujeedo kasta oo kale oo dabeecad
madani leh.
2. Xukunka dibadeed ee la aqoonsanayo waa in uu ka soo baxaa maamul garsoor oo
qaran shisheeye oo heshiis isu mastaafurin dhaqan gal ka yahay.
3. Haddii heshiiskaasi uusan dhaqan gal ahayn, xukunka shisheeye weli waa la
aqoonsan karaa haddii Wasiirka Garsoorku codsado. Codsigaasi lama huraan
maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad.
Qodobka 11
Mastaafurin
1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha iyo dariiqada sharcigu dhigayo ama looga
baahan yahay Axdiyada Caalamiga ah.
2. Gacan u gelin lama bixin karo haddii falku auusan Dembi ka ahayn xeerkan ciqaabta.
10
3. Qofna laguma kelifi karo mastaafurin ama gacan ka gelin sabab Dembiyo siyaasadeed.
Qodobka 12
Xisaabinta iyo dhicista muddada
1. Marka xeerka ciqaabtu uu samaynayo raadayn ku xidhan dhicitaanka waqtiga, waxaa
lagu xisaabinayaa tuse taariikheedka caadiga ah.
2. Maalinta bilawga laguma darayo xisaabinta waqtiga.
Qodobka 13
Arrimaha lagu maamulayo in ka badan hal Xeer ciqaabeed ama in ka badan hal qodob qaanuuneed
Marka arrinta lagu maamulayo hal xeer ciqaabeed in ka badan ama in ka badan hal qodob
qaanuuneed oo isla xeerkaas ah, xeerka gaarka ah ama qodob gaarka ah ayaa mudnaanta ka
yeelanaya xeerka guud ama qodobka guud, haddaan si ka duwan loo sheegin.
Qodobka 14
Xeer ciqaabeedka gaarka ah Qodobada xeerkan waxa lagu dabaqayaa arrimaha hoos yimaada xeerarka kale ee ciqaabta
haddii kan dambe uusan wax taas ka duwan sheegin.
11
QAYBTA 2AAD
DEMBIYADA
CUTUB I
DEMBIYADA LA GALO IYO DEMBIYADA LA ISKU DAYO
Qodobka 15
Dembiyada: Kala saarista Dembi iyo gefaf Guud ahaan xadgudubyada Dembi waxaa loo qaybiyaa Dembi iyo gef oo ku xidhan
noocyada kala geddisan ee dabeecada ciqaabeed ee uu u qeexayo xeerkan.
Qodobka 16
Dembiyada la galo
Haddii uusan xeerkan ciqaabtu si ka duwan u sheegayn Dembi waxaa loo aqoonsanayaa in la
galay marka falka ama fal la’aanta ka timi dhinaca Dembi falaha ay ka timaado natiijo wax
yeelo ama khatar ah oo ku xusan xeerkan.
Qodobka 17
Dembiyada la isku dayo Waxa loo aqoonsan karaa, in Dembi la isku deyay, marka falka ama fal la’aanta ka timi
dhinaca Dembi falaha ay iyadoo u dhiganta in natiijadu ka timaado aanay dhamaystirmin
ama aanay sababin natiijada.
Qodobka 18
Ka hortaga iyo falka ka toobad keenista ama ka hawl galka toobad keenista
1. Marka Dembi faluhu uu si ikhtiyaar ah uga hortago falka laguma ciqaabayo falkii
intuusan ka hotaga samayn, haddii aan falkaasi kelidii dhisayn Dembi ciqaabeed.
12
2. Haddii Dembi faluhu markuu dhamaystiro falkiisa uu si ikhtiyaar ah uga hortago
natiijada, wuxuu masuul ka noqonayaa ciqaabta isku dayga Dembigaas oo hoos loo
dhigay sadex dalool hal ilaa kala badh.
Qodobka 19
Isku day falid Dembi aan suuragal ahayn
1. Isku day laguma ciqaabi karo marka ay jirto ku haboon la’aan ama jiritaan la’aan shayga
ah oo ay natiijadu aanay ahayn mid suuragal ah.
2. Marka falku ka kooban yahay tiirar Dembi kale dhisaya ciqaabta ku qeexan Dembiga la
galay ayaa la dabaqayaa.
3. Xaaladaha lagu xusay farqadda koowaad, Garsooruhu wuxuu amri karaa in eedaysanaha
la sii daayay, oo uu hoos yimaado tallaabooyin ammaan.
CUTUB II
TIIRARKA DEMBI DHISA
Qormada I: Tiirarka maadiga ah ee Dembiga
Qodobka 20
Falka iyo natiijada iyo sababta xiriirisa
1. Qofna lagu ciqaabimaayo fal ama fal la’aan uu sharcigu Dembi u arko, haddii natiijada
waxyeelada leh ama khatarta ah ee jiritaanka Dembigu ku xidhan yahay aanay ahayn
natiijada falkiisa ama fal la’aantiisa.
2. Marka uu jiro waajibaad sharci oo in laga hortago natiijada ah, ka hortagis la’aantu
waxay la mid tahay sababteeda.
Qodobka 21
Kulanka sababaha
1. Mar wada dhicitaanka sababo hore u jiray ama mar wada dhacay ama dusha ka yimi,
xataa haddii ay ka madaxbanaan yihiin falka ama fal la’aanta Dembi falaha, ma
reebayaan isku xidhnaanta falka fal la’aanta iyo natiijada.
13
2. Sababaha dusha ka yimi waxay reebayaan oo keliya sababta isku xidhnaanta markay
sababahaasi keligood ku filan yihiin in ay xaqiijiyaan natiijada. Si kasta ha ahaatee
haddii falka ama fal la’aanta hore ee la sameeyay ay iyaga laftoodu dhisayaan Dembiga,
ciqaabta Dembigaa u dhigan ayaa la dabaqayaa.
3. Faqrada hore waxaa la dabaqayaa oo kale halka sababaha hore u jiray ama kuwa kulmay
ama kuwa dusha ka yimi ay ka kooban yihiin falal sharci daro ah oo qof kale.
Qodobka 22
Dembiyada lagu ciqaab muto jiritaan xaaladeed
Marka sharcigu u baahan yahay jiritaanka xaaladeed si falkaa ciqaab loogu muto, Dembi faluhu
wuxuu masuul ka noqonayaa Dembigaa xataa haddii uusan natiijada lama huraanka u ah
shardiga lagu ciqaab mudanayo uusan isagu doonin.
Qodobka 23
Tiirarka Dembiga ee nafsiga ah (psychological)
1. Qofna laguma ciqaabayo fal ama fal la’aan uu sharcigu Dembi u aqoonsan yahay, haddii
uusan ku samayn ogaansho iyo rabitaan.
2. Qofna laguma ciqaabayo fal ama fal la’aan uu sharcigu Dembi u aqoonsan yahay, haddii
uusan u samayn kas ama ujeedo Dembi, marka laga reebo xaaladaha Dembiyada lagu
galo kas dhaaf ama kuwa lagu galo kama’a ee sharcigan si cad ugu xusan.
3. Waxyaabaha ku saabsan gefafka, qofku wuxuu ka jawaabayaa falkiisa ama fal la’aantiisa
uu ku sameeyay ogaanshaha iyo rabitaanka ha ku sameeyo qasdi (kas) ama kama’a.
Qodobka 24
Dembiyada lagu galo kas, kas dhaaf ama kama‟a
1. Dembi:
(a) Waa kas marka natiijada waxyeelada leh ama khatarta ah ee ka timi falka ama
fal la’aanta uusan sii arki karayn oo uusan sii doonin Dembi faluhu in falkiisa ka
timaado natiijadaasi, sharcigu jiritaanka Dembiga ku xirayo dhacdadaas.
(b) Waa kas dhaaf marka natiijada waxyeelada leh ama khatarta ah ee ka timi falka
ama fal la’aanta ay ka culus tahay ta uu doonayay Dembi faluhu.
(c) Waa kama’a marka natiijada, xataa haddii hore loo sii arkayay uusan doonayn
Dembi faluhu ee ay ku timi taxadir daro, dhayalsi, xirfad la’aan ama ilaalin la’aan
sharci, xeer, amar ama tilmaamo.
14
2. Faraqa u dhexeeya Dembiga lagu galo kaska iyo kama’a ee ku dhigan qodobka, waxaa
kaloo lagu dabaqayaa gefafka marka sharcigu natiijada Dembi ku xiray kala soocidaas.
Qodobka 25
Falalka si khalad ah loogu qaato dembi
Qofkasta oo gala fal aan Dembi dhisayn, iyadoo si khaldan loogu arko in uu fal Dembi yahay
lagu ciqaab mudan maayo.
Qodobka 26
Shilka awooda qofka ka baxsan ama lama filaan awoda ka baxsan Qof kasta oo fal ku gala si shil ah oo awoodiisa ka baxsan ama lama filaan ah oo awoodiisa ka
baxsan ciqaab ma mudanayo.
Qodobka 27
Khasbid jireed
1. Qof kasta oo gala fal uu ku qasbay qof kale in uu sidaa sameeyo, iyadoo loo adeegsaday
xoog jireed oo uusan caabbiyi karin, si kalena uusan uga baxsan Karin ciqaab mudan
maayo.
2. Qofka khasabka sameeyay wuxuu masuul ka noqonayaa falka uu sameeyay qofka la
khasbay.
Qodobka 28
Khaladka dhacdada
1. Dembi ma noqonayso fal uu qof sameeyay sababtoo ah isagoo ku khaldamay xaqiiqda
ama dhacdada sida falku Dembi ugu dhisan yahay. Si kasta ha ahaatee marka khaladka
lagu galo kama’a, falkuna uu dhisayo Dembi kama’a ah, ciqaabta ma reebayso.
2. Qaladka xaqiiqada ee keenaya fal dembi gaar ah, ma reebayo masuuliyad ciqaabeed,
marka falku keeno Dembi nooc kale ah.
3. Qaladka sharciga ee aan ahayn kan Xeerka Ciqaabta wuxuu reebayaa masuuliyada
ciqaabta, marka qaladka sharciga uu ka yimaado qalad xaqiiqo oo in falku Dembi ku
dhisan yhay.
15
Qodobka 29
Khalad uu sababay khiyaamo qof kale Tilmaamaha qodobka hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa qaladka xaqiiqda in falku Dembi ku
dhisan yahay ee ay sababto khiyaamo qof kale geliyay; xaaladan, si kasta ha ahaatee, qofka
qaladkaa geliyay ee ku khiyaameeyay kan falka sameeyay isagaa ka msuul noqonaya.
Qodobka 30
Dhaawaca qof gaara aan ahayn kii loola jeeday
1. Qof kasta, oo sabab qalad sida uu falkiisa u samaynayo ama sabab kale dhaawac ku
sababa qof kale oo aan ahayn kii loola jeeday dhaawca, Dembi faluhu wuxuu masuul ka
noqonayaa sidii qofkii uu falka ula jeeday oo kale oo uu doonayay inuu dhaawaco iyada
oo aan lagu xadgudbin tilmaamaha Qodobka 43aad ee ku saabsan xaaladaha cuslaynta
iyo khafiifinta Dembiga.
2. Halka Dembi faluhu qofkii uu dhaawaca la doonayay iyo mid kale oo uusan u jeedin uu
wada dhaawaco, wuxuu masuul ka noqonayaa ciqaabta Dembigaa u dhigan, marka loo
eego Dembi aad uga culus oo la kordhiyay ilaa kala badh.
.
Qodobka 31
Natiijo ka duwan tii uu doonayay Dembi faluhu
1. Marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobada hore, marka sabab qalad oo qaabka
Dembiga loo samaynayo ama sabab kale uu qofka falkiisu sababo natiijo ka duwan tii uu
doonayay, Dembi faluhu wuxuu ka jawaabayaa natiijada uusan doonin, marka uu falku
dhalinayo Dembi kama’a ah.
2. Haddii uu Dembi faluhu uu iyana sababo natiijadii uu doonay, waxaa lagu dabaqayaa
tilmaamaha lagu maamulo Dembiya wadarta ah.
16
CUTUBKA III
DURUUFAHA CIQAABTA REEBA
Qodobka 32
Ogolaanshaha dhibanaha Qof kasta oo waxyeeleeya ama carqaladeeya xaq qof kale, isagoo qofkii sharci ahaan xaqaa
lahaa uu ogolaaday ciqaab ma mudanayo.
Qodobka 33
Isticmaal xaq ama gudasho waajib
1. Ma aha Dembi marka lagu sameeyo fal isticmaal xaq uu qofku leeyahay ama gudasho
waajib oo ka dhashay sharciga ama amar sharci ah oo sarkaal guud.
2. Haddii fal keenaya Dembi lagu galo amar sarkaal sare, sarkaalka amarka bixiyay ayaa
Dembiga ka masuul noqonaya. Qofka amarka fuliyay isaguna wuxuu masuul ka
noqonayaa Dembiga hadaanay qaladkiisu lahayn cudur daar macquul ah oo in uu
aaminsanaa in uu adeecayo amar sharci ah.
3. Qofkasta oo fuliya amar khalad ah lama ciqaabayo, marka uusan sharcigu u ogolaan inuu
su’aal ka keeno sharcinimada amarka.
Qodobka 34
Difaac Shakhsiga
Qof kasta oo fal sameeya, oo ay ku khasabay baahi is difaac naftiisa, ama difaac qof kale
xuquuqdiisa oo laga difaacayo khatar sugan oo keenaysa waxyeelo sharci daro ah, lama
ciqaabayo haddii is difaacu uu u dhigmayo waxyeelada iman lahayd.
Qodobka 35
Sharci u isticmaal hub
1. Iyadoo la raacayo tilmaamaha labada qodob ee aynu soo dhaafnay, sakraalka guud lama
ciqaabayo haddii, ula jeedadu ay ahayd fulinta xilka xafiiskiisa uu adeegsado ama amro
in la adeegsado hub ama khasab jireed oo kale, marka ay sidaa ku khasbtay baahi lama
17
huraan ah, ama joojin xadgudub ama caabbi ka hor yimi maamulka ama ka hortag
baxsasho qof si sharci ah ugu xidhan ama loogu hayo Dembi.
2. Tilmaamaha farqada hore waxa kaloo lagu dabaqayaa qof kasa oo si sharci ah sakraal
guud uga codsaday inuu gacan siiyo.
3. Xaaladaha kale ee isticmaalidda hubka, ama falalka isticmaalka xoogga la ogol yahay
sharcigaa qeexi doona.
Qodobka 36
Xaalad Baahiyeed
1. Qof kasta, oo gala fal ay ku khasabtay xaalad deg-dega oo baahiyeed in uu ka
badbaadiyo naftiisa ama cid kale khatar taagan oo keenaysa waxyeelo culus oo jireed,
khatartaa oo uusan isagu si ikhtiyaarkiisa u sababin, si kalena uusan u baajin Karin, waa
lama ciqaabaan, iyadoo ay tahay in falku uu khatarta u dhigmayo, isla markaana uusan
qofkaan saarayn waajib quusanuni ah in uu naftiisa khatartaa u bandhigo.
2. Waxaa kaloo tilmaamaha faqrada hore lagu dhaqayaa halka ay xaalada abuurtay tahdiid
qof kale; xaaladdan si kastaba ha ahaatee, qofka qof kale ku khasba in uu falka sameeyo
ayaa masuul ka noqonaya falka qofkaasi sameeyay.
Qodobka 37
Dheeraad lagu galo kam‟a
Marka falalka ku xusan qodobada 33, 34, 35 & 36, xadka u dhigan baahida si kam’a ah looga
gudbo, oo falkuna dhisayo Dembiyada lagu galo kama’a, waxaa la dabaqayaa tilmaamaha
Dembiyada kam’a lagu galo.
Qodobka 38
U qaadashada Xaaladaha ciqaabta reeba Marka qof si khalad ah u qaato inay jiraan duruufaha ciqaabta reeba, kuwaa waxa loogu
xisaabinayaa si isaga u dan ah, laakiin marka khaladku uu sababo kama’a iyo marka falku
dhisayo Dembi kama’a ah masuuliyada ciqaabta ma reebayso.
18
CUTUB IV
DURUUFAHA DEMBIGA
Qodobka 39
Duruufaha caadiga ah ee Dembiga cusleeya Duruufahani waa kuwa Dembiga cusleeya, halka aanay ahayn tiirarka iyaga dhisaya ama
duruufo gaara oo Dembiga cusleeya”
a) Marka loo dhaqmay quusasho ama dan la’aan.
b) Loo falo Dembiga, si loo galo ama loo qariyo Dembi kale ama si loo helo ama loo
badbaadsado si shakhsi ah ama ka faa’iidaysi ama ka samato bixid, Dembi kale.
c) Xaaladaha Dembiyada kam’a ah oo la sameeyo falka iyada oo la sii ogyahay dhacdada.
d) U dhaqanka si ka baxsan aadaminimada ama ula dhaqmida qofka si arxandaro ah.
e) Iyada oo laga faa’iidaysanayo duruufahaas wakhtiga meel ama qof si la isku hor taago
difaac shakhsi ama dadweyne.
f) Dembiyada uu galo waqtiga uu si rabitaan ah uga baxsanayay fulinta amar qabasho ama
amar xabsi gayn loogu soo saaray Dembi hore.
g) Xaaladaha Dembiyada lidka ku ah hantida, uu khasaare wayn soo gaadhsiiyay hantida
qofka dhibanaha ah.
h) Marka uu culusiyo ama isku dayo in uu culaysiyo cawaaqibka Dembiga.
i) Marka lagu galo falka ku takri fal awoodeed ama ku xadgudub waajib ka dhashay xil
xafiis dawladeed.
j) Marka falka laga galo sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud ama laga galo
Diblomaasi ama qunsul wakiil u ah Qaran ajanebi oo gudashada ama sabab shaqadooda
la xiriira.
k) Marka falka lagu galo ku xadgudubka maamulka ama xiriirka guriga ama ku
xadgudubka martabada xafiiska ama wada gudasho hawl ama wada deganaansho ama
marti gelin.
Qodobka 40
Duruufaha caadiga ah ee fududaynta Dembiga
1. Kuwan soo socdaa waa duruufo Dembiga khafiifiya, marka aanay ahayn tiirarka
Dembiga ama duruufo gaara oo Dembiga khafiifiya:
a) Marka falka loo sameeyo dano maadi ama damiir oo qiimo gaara oo bulsho leh.
b) Marka falka loo sameeyo xaalad cadho oo uu sababay fal sharci daro ah oo qof
kale.
c) Marka falka lagu galo saamayn shirar ama kulamo sharcigu mamnuucayo ama
maamulku, iyadoo aan Dembi faluhu ahayn la qabsade ama shaqo ka dhigte
Dembi.
19
d) Marka Dembigu yahay kuwa hantida lidka ku ah oo Dembi faluhu u gaysto
hantida qofka dhinanaha ah khasaare la ilaawi karo.
e) Marka falka ama fal la’aanta Dembi falaha ay la socoto fal qasdi Dembi lagu
galay oo dhinaca dhibanaha ah uu ka qayb qaatay cawaaqibka natiijada.
f) Marka dhegaysiga dacwada ka hor Dembi faluhu si buuxda u bixiyay
magdhawgii khasaaraha ama marka ay soo celini suurtawday ama marka
dhegaysiga ka hor, marka laga reebo xaaladaha ku xusan faqrada ugu danbaysay
ee qodobka 18, uu si ikhtiyaarkiisa ah oo wax ku-ool ah u qaato talaabooyin uu
ku yaraynayo cawaaqibka waxyeelo ee Dembiga.
g) Duruuf kasta oo kale uu garsooruhu u arko inay suurta gal ka dhigayso in la
yareeyo ciqaabta.
2. Duruufaha khafiifinta ee ku xusan xarafka (g) ee faqradda koowaad waxaa loo
qaadanayaa hal duruuf oo ka barbar jiri karta mid ama ka badan duruufaha hore loo
sheegay.
Qodobka 41
Duruufaha maadiga ah iyo kuwa shakhsiga ah
Ujeedada xeerka ciqabta:
a) Duruufaha maadiga ahi waaa kuwa ku xidhan dabeecada, nooca, dariiqa, shayga,
waqtiga, goobta iyo cunsur kasta oo kale oo ku xidhan falka, culayska waxyeelada ama
khatarta ama duraafaha shakhsiyeed ama sifooyinka qofka dhibanaha ah.
b) Duruufaha shakhsiga ahi waa kuwa ku xidhan xadka qasdiga Dembi ama heerka kama’a
ama xaalada shakhsiga ah ama sifooyinka Dembiilaha, ama xiriirka ka dhexeeya
Dembiilaha iyo dhinaca dhibanaha.
Qodobka 42
Duruufaha aan la ogayn ama si khalad ah loo qaato
1. Haddii si kale uusan sharcigu sheegin, duruufaha cuslaynta iyo kuwa khafiifinta,
waxaa loogu xisaabinayaa hadba siday ugu lidka yihiin ama ugu danta yihiin
Dembi faluha, xataa hadii uusan ogayn ama uu si khalad ah u aaminsan yahay in
aanay jirin.
2. Haddii qofku uu si khalad ah u aaminsan yahay in ay jiraan duruufaha cuslaynta,
khafiifintu, loogu xisaabmaayo lidkiisa ama dantiisa.
Qodobka 43
Qiimaynta duruufaha khaladka ah ee ku saabsan waxyeelada Dembiga
20
1. Xaalada khaladka dhibane ahaan duruufaha cuslaynta ee ku saabsan xaalada iyo sifaha
dhibanaha iyo xiriirka ka dhexeeya dhibanaha iyo Dembi falaha, si ku lid ah Dembi
falaha loogu xisaabinmaayo. Khaladka u qaadashada jiritaanka duruufaha khafiifinta ee
ku saabsan xaaladaha la soo sheegay, duruufaha iyo sifaha iyo xiriirka si ka soo
horjeeda, waa loogu xisaabinayaa sida danta u ah.
2. Tilmaamaha qodobkan laguma dabaqayo xaaladaha duruufaha khuseeya da’ada
dhibanaha.
CUTUB VI
DEMBIYADA KULMA
Qodobka 44
Hal Jebin oo lagu jebiyo hal ama ka badan oo qodob qaanuuneed ah fal ama falal kala duwan
Qofkasta oo hal fal ama fal la’aan ku jebiya dhawr qodob qaanuuneed ama sameeya jebino kala
duwan oo qodob qaanuuneed oo keliya, waxaa lagu ciqaabayaa Dembiyo kala duwan ee
sharcigu dhigay. Xaaladan ciqaabta lagu soo saarayo xukun keliya, waa la isu gaynayaa, inta uu
xadka ugu sareeya sharcigu u xadiday.
Qodobka 45
Dembiga xiriirsan
Qofkasta oo wax ka badan hal fal ama fal la’aan ku sameeya qasdi Dembi keliya oo uu galo
waqti ama waqtiyo kala duwan oo hal wax ka badan ku jebinayo hal qodob qaanuuneed oo
culays isku mid ah ama culaysyo kala duwan leh, wuxuu Dembiile ku noqonayaa Dembi
xiriirsan. Xaaladan ciqaabta la saarayaa waa jebinta ugu culus ee uu galay oo ciqaabteeda la
sadex laabay.
Qodobka 46
Dembi kakan
1. Tilmaamaha labada qodob ee hore, lama dabaqayo marka sharcigu u tixgelinayo tiirarka
dhisme ama duruufo cuslayn ee Dembi keliya, falalkaasi laftoodu way dhisi karaan
Dembi.
21
2. Mar kasta oo sharcigu xadidayo ciqaabta Dembiga kakan, waxaa la raacayaa ciqaabta
Dembi kasta oo gaara oo falku dhisay, iyadoo aan laga gudbayn xadka ugu sareeya ee
ciqaabta qodobada 133, 134.
QAYBTA III
DEMBIILAHA IYO DHIBANAHA
CUTUB I
DEMBIFALE
QORMODO I: Masuuliyad Dembi
Qodobka 47
Kartida fahanka iyo xadgudubka
1. Qofna laguma ciqaabi karo fal Dembiyeed waqtigii uu galay uusan masuul Dembi ahayn.
2. Qofkasta oo leh kartida fahamka iyo xadgudubku waa masuul Dembi.
Qodobka 48
Ka dhigid qof karti laawe si loo geliyo Dembi
Qofkasta oo qof ka dhiga in uusan karti u yeelan fahamka ama xadgudubka uu samaynayo,
iyadoo ujeedadu tahay in lagu sababo in uu Dembi galo, wuxuu masuul ka noqonayaa Dembiga
uu galay qofkaa karti laawaha ah.
Qodobka 49
Ikhtiyaar isaga dhigid karti laawe faham iyo xadgudub
Qofkasta oo iska dhiga mid aan awood wax faham ama fulin lahayn, ujeedadiisa oo ah in uu
Dembi galo ama in uu cudurdaar naftiisa uga dhigo, wuxuu masuul ka noqonayaa Dembiga uu
galay ciqaabtana waa la kordhinaya.
Qodobka 50
22
Dhinaansho maskaxeed oo dhamaystiran Qofkasta oo wakhtiga uu falka galay ahaa qof aan xiskiisu dhamayn sabab caruurnimo ama
xiseed ay daboolayd kartidiisa fahamka iyo xadgudubka, ma qaadayo masuuliyad Dembi.
Qodobka 51
Dhinaansho Maskaxeed oo qayb ah
Qofkasta, oo wakhtigii uu falka galay, sabab caruurnimo ama maskaxeed oo si balaadhan u
naaqusantay, iyadoo aanay daboolayn ama maqnayn awoodiisa fahamka iyo xadgudka wuxuu
masuul ka noqonayaa Dembiga uu galo, balse ciqaabta waa la yaraynayaa.
Qodobka 52
Xaaladaha caadifadeed ama kacsanaan Masuuliyada Dembi ma reebto mana khafiifiso xaalada caadifadeed ama kacsanaan.
Qodobka 53
Sakhrad ku timid shil ama si lama filaan ah
1. Qofkasta markuu falka galay aan lahayn kartida fahamka iyo xadgudubka, sabab
shakhradeed oo dhamaystiran oo ku timi shil ama lama filaan, ma noqonayo masuul
Dembi.
2. Haddii sakhradu aanay ahayn mid dhamaystiran, laakiin ay tahay mid yaraynaysa
masuuliyada ciqaabta, ciqaabta waa la dhimayaa.
Qodobka 54
Sakhrad ikhtiyaar ama kama‟a ah
Sakhrad aan ku iman shil ama lama filaan ma reebayso mana yaraynayso masuuliyada ciqaabta.
Qodobka 55
Sakhrada lala qabatimo
23
1. Marka Dembiga lagu galo xaalad sakhrad oo sakhraan la qabatimay ciqaabta waa la
kordhinayaa.
2. Ujeedada xeerkan ciqaabta qofka la qabatima isticmaalka cabista khamriga ee si joogta
ah u sakhraansan waxaa loo aqoonsanayaa “sakhraan la qabatimay”.
Qodobka 56
Sakhrada ay keento dawooyinka maanka dooriya
Tilmaamaha qodobada (53, 54, 55), waxaa kaloo lagu dabaqayaa marka ay sakhrada keento
daawooyinka maanka dooriya.
Qodobka 57
Miyir beelka sakhradda ugu saraysa ee khamriga iyo maandooriyayaasha Xaaladaha falka lagu galo sakhrad aad u daran oo ay keentay khamri ama maandooriye,
tilmaamaha ay koobayaa qodobada 50 & 51 ayaa la dabaqayaa.
Qodobka 58
Xaaladaha dhega la‟aanta iyo qalbi la‟aan
1. Qof dhego la’ ama qalbiga la’ ee wakhtigii uu falka galayay aan lahayn kartida fahamka
iyo xadgudubka, ma qaadayo masuuliyad Dembi.
2. Haddii kartida fahamka iyo xadgudubku ay si wayn u naaqusto, laakiin aanay gebi ahaan
maqnayn ciqaabta waa la dhimayaa.
Qodobka 59
Dadka ay da‟doodu ka hoosayso afar iyo toban
Qofkasta oo wakhtigii uu falka galay aanay da’diisu buuxsamin afar iyo toban jir, ma qaadayo
masuuliyad Dembi.
Qodobka 60
Dadka da‟doodu ay ka yar tahay sideed iyo toban
1. Qofkasta oo wakhtigii uu falka galay da’diisu gaaray afar iyo toban jir, sideed iyo toban
jirna aan gaadhin, waa masuul Dembi haddii uu leeyahay kartida fahamka iyo
xadgudubka, balse ciqaabta waa la dhimayaa.
24
2. Marka xariga lagu qaaday uu ka yar yahay shan sano, iyo xaaladaha ciqaabta ganaaxa
keliya, ciqaabaha kaabayaasha lama saarayo, ciqaabaha aadka u culus waxaa la saari
karaa oo keliya ka xanibaada xafiisyada dawlada waqti aan ka badnayn shan sano.
QORMO II: caadaysi, la qabsasho iyo xirfad ka dhigasho Dembi
Qodobka 61
Caadaysi
1. Caadayste waa qofka marka uu Dembi galo, hadana Dembi kale ku noqda.
2. Caadaystaha Dembiga waa lagu kordhinaya:
a) Marka Dembiga labaad uu kii hore la nooc yahay.
b) Marka Dembiga labaad la galo muddo shan sano gudahood laga soo bilaabo
dacwadii hore ee lagu xukumay.
c) Marka Dembiga labaad la galo, muddadii uu gudanayay xarigii hore ama ka dib
ama wakhtiga uu qofka Dembiga lagu xukumay uu si ikhtiyaar ah uga baxsaday
xarigii hore.
d) Marka ay jiraan in ka badan hal xukun ciqaabeed.
Qodobka 62
Awooda Garsooraha xaaladaha caadaysiga Ujeedada caadaystaha, marka laga reebo xaaladaha xukumada ciqaabta ee Dembiyada isku
nooca ah, garsooruhu wuxuu awood u leeyahay in uusan xisaabta ku darin Dembiyada hore ee la
galay ama gefafka ama Dembiyada kaska ah, kas dhaafka ah ama kama’a ah iyo gefafka.
Qodobka 63
Dembiyada isku nooca ah Ujeedada xeerkan ciqaabta, Dembiyada waxaa loo qaadanayaa kuwa isku nooca ah marka ay ku
saabsan yihiin jebin hal qodob qaanuuneed. Dembiyada isku nooca ah waxay kaloo noqon
karaan kuwo inkastoo lagu maamulayo qodobo kala gedisan oo xeerkan ah ama shuruuc kala
duwan ah, haddana leh dabeecad fal wada dhisaya ama sabab isku mid ah, soona bandhigaya
dabeecado aasaasi ah oo ka wada dhexeeya.
Qodobka 64
Dembi la qabsiga sharcigu citiqaado
25
1. Qofkasta oo marka lagu xukumo xarig ciqaabeed oo waqti ka badan shan sano ah oo isu
gaynta sadex Dembi oo isku nooc ah oo aan lagu gelin kama’a, oo toban sano gudahood
gala Dembi kale oo la nooc ah oo aan lagu gelin kama’a, haddana toban sano gudahood
labadii Dembi ee hore gala Dembi kale waxaa loogu dhawaaqayaa la qabsade Dembi.
2. Muddada qofka la xukumay xabsi lagu hayay sababta xukunkaas ama muddada ay
saarayd talaabo ammaan kuma jirayaan ujeedada xisaabinta tobankaa sano ee lagu
sheegay faqrada hore.
Qodobka 65
Dembi la qabsiga Garsooruhu ku dhawaaqayo Marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka hore, waxaa qofka loogu dhawaaqayaa la
qabsade Dembi, marka lagu xukumo laba Dembi oo aan lagu gelin kama’a, isla markaana uu
Garsooruhu xisaabta ku darsado dabeecada iyo culayska Dembiyadaas, waqtiga ay dhaceen,
qaab dhaqanka iyo dabeecada Dembi falaha iyo duruufaha kale ee lagu sheegay qodobka 110, in
Dembi faluhu yahay mid qabatimay Dembiyada.
Qodobka 66
La qabsade gefaf Qof kasta oo lagu xukumo xarig saddex gef oo isku nooc ah ee haddana lagu xukumo xarig gef
kale, oo isla noocii ah, waxaa loogu dhawaaqayaa la qabsade gefaf, markaas oo garsooruhu ku
xisaabtamayo dabeecadda iyo culayska Dembiyada, wakhtiga la galay falka, akhlaaqda iyo
dabeecadda nolosha ee Dembi falaha, iyo duruufaha kale ee ku xusan Qod 110, wuxuu ra’yiga
garsooruhu noqonayaa in Dembi faluhu la qabatimay Dembiyada.
Qodobka 67
Xirfad ka dhigte Dembi
Qof kasta oo gala fal, loogu aqoonsaday la qabatime Dembi ee lagu xukumo Dembi kale, waxaa
loo aqoonsanayaa xirfad ka dhigte Dembi ama xirfad ka dhigte gefaf, iyadoo loo eegayo hadba
sida uu yahay dabeecada Dembigu, akhlaaqda iyo hab dhaqanka Dembi falaha iyo duruufaha
kale ee ku xusan qodobka 110, waxaa jiraysa sabab loo rumaysto in dhaqan ahaan Dembiga ku
nool yahay, xataa iyadoo lagu qaadayo Dembiyadaas.
Qodobka 68
26
Saamaynta dhamaadka Dembiga ama ciqaabta
1. Ujeedada caadaysiga iyo in qofka loo aqoonsado la qabatime ama shaqo ka dhigte
Dembi, waxaa xisaabta lagu darsanayaa xukumada Dembiyada ama ciqaabta dhamaata.
2. Tilmaamaha faqrada hore la dabaqimaayo marka raadka ciqaabeed ee xukunku u
dhamaaday.
Qodobka 69
Xukumada Dembiyo kala duwan ee hal xukun Tilmaamaha la xidhidha in qofka loo aqoonsado la qabsade ama xirfad ka dhigte Dembi waxaa
kaloo lagu dabaqayaa marka xukunka Dembiyo kala duwan loogu dhawaaqo hal xukun.
Qodobka 70
Saamaynta aqoonsiga qabatime ama xirfadle Dembi
1. Marka lagu daro kordhinta ciqaabta ee ku xusan caadaystenimda iyo cawaaqib kasta oo
kale oo ku cad qodob kale oo qaanuuneed, dhawaaqa in qofka loo aqoonsado qabatime
ama xirfadle Dembi, wuxuu kaloo la imanayaa talaabooyin ammaan.
2. Ku dhawaaqida in uu qof yahay qabatime ama xirfadle Dembi, waxaa la samayn karaa
waqti kasta xataa xariga marka la dhamaysto ka dib, laakiin marka lagu dhawaaqo
xukunka ka dib dhaqanka danbe ee Dembi falaha laguma xisaabtamayo, ciqaabta la
saarayna lama bedelayo.
3. Ku dhawaaqida in qofku yahay qabatime ama xirfadle Dembi waxay ku dhamaanaysaa
dib u dhaqan celin.
QORMO III: Ka qayb galka Dembi ee hal qof ka badan
Qodobka 71
Ciqaabta kuwa ka qayb qaata Dembi Marka hal qof in ka badani ay ka qayb qaataan Dembi isku mid ah, qof kastaa wuxuu masuul ka
noqonayaa ciqaabta Dembigaa sharcigu u dhigay, haddii aan si ka duwan loogu sheegin
qodobada soo socda.
27
Qodobka 72
Dembi gelin qof aan masuul Dembi ahayn
Qof kasta oo geliya Dembi qof aan masuul Dembi ahayn ama aan ciqaab mudan Karin, marka la
eego xaaladiisa shakhsi ama kartidiisa Dembi gelid, wuxuu masuul ka noqonayaa Dembiga uu
qofkaasi galay, ciqaabtuna waa kordhaysaa.
Qodobka 73
Duruufaha cuslaynta
1. Ciqaabta la saarayo Dembiga la galo waa la kordhinayaa:
a) Marka in ka badan shan qof ay ka qayb qaataan gelida Dembiga, hadii si kale uusan
sharcigu u dhigin. (266, 305, 481).
b) Xaaladaha qofka marka laga reebo kuwa lagu sheegay xunbaha (c),(d) ee hoos ku xusan,
kaas oo kiciya ama abaabula ka qayb galka Dembiga ama jiheeya falka dadka Dembigaa
ka qayb qaatay;
c) Xaaladaha dadka iyagoo isticmaalaya awoodooda, jihayn ama kormeer ku sababa dad si
ay Dembi u galaan;
d) Xaaladaha dadka aan ku jirin xaaladaha lagu sheegay faqrada hore, ku sababa qof 18 jir
ka yar ama xiskiisu uusan dhamayn in uu Dembi galo;
2. Kordhinta ciqaabta ku xusan xuruufaha a), b) iyo c) ee faqrada qodobkan, waxaa lagu
dabaqayaa, marka mid kasta oo ka mid ah dadka Dembiga ka qayb qaatay aanay masuul
Dembi ahayn ama aanay ciqaab mudan Karin.
Qodobka 74
Ka qayb qaadashada Dembi kama‟a ah
1. Xaaladaha Dembiyada lagu galo kama’a, halka ay natiijada sababtay ka qayb galka hal
qof ka badan, qof kasta oo ka qayb qaatay wuxuu masuul ka noqonayaa ciqaabta
Dembigaa uu sharcigu u dhigay.
2. Ciqaabta waa lagu kordhinayaa qofka ku sababay kuwa kale in ay Dembiga ka qayb
galaan, marka ay jiraan xaaladaha ku sheegan qodobka 72 iyo xarfaha c) iyo d) ee
faqrada 1 aad qodobka hore.
28
Qodobka 75
Duruufaha khafiifiya Dembiga
1. Marka garsooruhu u arko in uu kaalmo u fidiyo qof kasta oo Dembi ka qayb qaatay
Dembi sida ku dhigan qodobada 71 iyo 74, oo qayb yar ku lahaa diyaargarawga iyo
fulinta Dembiga, wuxuu dhimi karaa ciqaabta.
2. Tilmaamaha faqrada hore laguma dabaqayo xaaladaha lagu xusay qodobka 73.
3. Sidoo kale ciqaabta waa la dhimayaa xaaladaha qofka lagu sababay in uu Dembi galo
ama ka qayb qaato, marka ay jiraan xaaladaha ku xusan xarfaha c) iyo d) ee faqrada hore
ee qodobka 73.
Qodobka 76
Heshiis in la galo Dembi
1. Haddii aan sharcigu si ka duwan u sheegin, marka laba qof iyo ka badan ay ku
heshiiyaan in ay Dembi galaan oo aan Dembigaa la gelin, midkoodna laguma ciqaabayo
in ay ku heshiiyeen oo keliya. Inkastoo ku heshiinta in Dembi la galo uu garsooruhu ku
dabaqi karo talaabooyin ammaan.
2. Tilmaamahan waxaa kaloo lagu dabaqayaa xaalada dhiirigelinta in Dembi la galo,
marka dhiirigelinta sida uu yahay loo qaatay laakiin aan Dembiga la gelin.
3. Marka dhiirigelinta in Dembi la galo aan sideeda loo qaadan, dhiirigeliyaha wuxuu
mudan kartaa talaabooyin ammaan.
Qodobka 77
Dembiyada ka duwan kuwa qasdigoodu ahaa qof kasta oo ka qayb qaadanaya
1. Marka Dembiga la galay uu ka duwan yahay kii uu u jeeday qof kasta oo ka mid ah
kuwii ka qayb qaatay, xataa qofkaasi wuxuu masuul ka noqonayaa haddii natiijadu ahayd
cawaaqibka falkiisa ama fal la’aantiisa.
2. Marka Dembiga la galay uu ka culus yahay kii la doonayay ciqaabta waa la dhimayaa,
iyadoo loo eegayo in Dembi faluhu doonayay Dembi ka fudud.
29
Qodobka 78
Bedelka dabeecada Dembiga ee uu keeno mid uun ka mid ah ka qayb qaatayaasha
Marka xaalada qofka ama sifaha Dembi falaha, ama xiriirka ka dhexeeya Dembi falaha iyo
dhibanaha uu bedelo dabeecada Dembiga mid ka mid ah ka qayb galayaasha, kuwa kalena
waxay ka jawaabayaan isla Dembigaa. Inkastoo marka Dembigaasi aad uga culus yahay uu
garsooruhu ka yarayn karo ciqaabta kuwa aan lahayn xaaladaha, sifaha iyo xiriirka la soo
sheegay.
Qodobka 79
Qiimaynta duruufta cuslaynta iyo fududaynta Dembiga
1. Duruufaha maadiga ah ee cuslaynaya ama fududaynaya ciqaabta, xataa haddii aanay
ogayn dhamaan kuwa ka qayb qaatay Dembiga, waxa loo xisaabinayaa lidkooda ama
dantooda.
2. Duruufaha shakhsiga ah ee kordhiya ciqaabta marka loo eego qof kasta oo ka mid ah
kuwa Dembiga ka qayb qaatay, waxaa loo adeegsanaya kuwa kale lidkooda, xataa haddii
aanay ogayn markii ay isaga Dembiga ku caawinayeen.
3. Duruuf kasta oo kale oo kordhisa ama dhinta ciqaabta waxa loo xisaabinayaa oo keliya
qofka iyadu ay saameyso.
Qodobka 80
Qiimaynta duruufaha reebaya ciqaabta
1. Duruufaha shakhsiga ah ee reebaya ciqaabta ee ku saabsan qof ka mida dadka ka qayb
qaatay Dembiga waxaa loo qiimaynayaa oo keliya qofka ay saamayso.
2. Duruufaha mawduuciga ah ee reebaya ciqaabta waxaa lagu dabaqayaa dhammaan kuwa
ka wada qayb qaatay Dembiga.
30
CUTUBKA II
DHIBANAHA DEMBIGA
Qodobka 81
Xaqa samaynta ashkatada Marka laga reebo Dembiyada uu qaranku oogo, Dembi kasta waxaa lagu oogi karaa ashkatada
ama dalabka dhibanaha.
Qodobka 82
Adeegsiga xaqa dacwada (ashkatada) xaaladaha dadka karti laawayaasha ah
1. Marka dhinaca dhibanuha da’diisu ka yar tahay 14 sano ama uu karti laawe yahay sabab
naafo maskaxeed, xaqa ashkatada waxaa samaynaya wakiilkiisa sharciga ah.
2. Xaaladaha maqnaanshaha ama karti la’aanta wakiilka sharciga ama marka danaha
wakiilka iyo dhibanuhu iska hor imanayaan, waxaa samaynaya ashkatada wakiil gaar ah.
Qodobka 83
Ashkatada marka dhibanuhu hal qof ka badan yihiin
1. Dembiyada laga galo in ka badan hal qof waxa lagu dhaqaajinayaa ashkatada uu
sameeyo hal qof oo keliya.
2. Ashkatadu waxay u adeegaysaa sidii xaq lid ku ah dhamaan dadkii ka wada qayb qaatay
gelitaanka Dembiga.
Qodobka 84
Wakhtiga u xididan samaynta ashkatada Haddii aan sharcigu si ka duwan u sheegin, xaqa samaynta ashkatada lama adeegsan karo, ka dib
marka ay ka soo wareegto hal bil, waqtigii uu dhibanuhu ogaaday dhicitaanka Dembiga.
31
Qodobka 85
Ka tanaasulka xaqa samaynta ashkatada
1. Xaqa samaynta ashkatada lama adeegsan karo, marka si cad ama si dahsoon uga
talaasulo qofkii lahaa xaqa samaynta ashkatada. Xaqa waxaa si dahsoon looga tanaasulay
marka qofkii lahaa samaynta xaqa ashkatada uu u dhaqmo si u muuqata rabitaan la’aanta
ashkatada.
2. Ka tanaasulidaasi waxay saamaynaysaa si iskeed ah, dhammaan dadka kawada qayb
galay gelitaanka Dembiga; iyadoo aan wax saamaynayn ah ku yeelanayn dhibane kasta
oo kale oo leh xaqa ashkatada.
Qodobka 86
Ka noqoshada ashkatada
Haddii aan sharcigu si kale u sheegin, ashkatada waxaa looga noqon karaa si cad ka hor intaan
Maxakamada derejada kowaad xukun ku dhawaaqin; marka ay jiraan ashkatooyin badan, ka
noqoshada uu sameeyo hal qof saamaynmayso ashkatooyinka kale.
Qodobka 87
Aqbalaada ka noqoshada ashkatada
1. Ka noqoshada ashkatadu wax saamayn ah ma yeelanayso, marka qofka ashkatadu ku
lidka tahay uu si cad u diido.
2. Ka noqosho u danta ah mid keliya oo ka mid ah kuwa Dembi kawa qayb qaatay waxay u
fidsanaanaysaa saamaynteedu dhamaantood. Laakiin saamayn kuma yeelanayso marka
loo eego qof kasta oo isagu diida.
3. Tilmaamaha Qodobka (82), ayaa la dhaqayaa, marka loo eego baaxada aqbalaada ka
noqoshada.
Qodobka 88
Shuruudaha ku saabsan ka noqoshada aqbalaada ama diidmada
32
Ka noqoshada ashkatada ama aqbalaada ama diidmada laguma samayn karo qodobo ama
shuruudo.
Qodobka 89
Dembiyada kakan Xaaladaha lagu sheegay qodobka (46), ee oogista Dembiyada kakan, waxaa dhaqaajinaysa
dawlada marka midkasta oo Dembiyadaas ka mid ah tiirarka dhismahooda ama duruufta
cuslayntu ay yihiin kuwa ay waajib tahay in dawladu dhaqaajiso.
QAYBTA IV
CIQAABTA
CUTUB I
NOOCYADA CIQAABTA GUUD AHAAN
Qodobka 90
Ciqaabaha waaweyn
1. Ciqaabaha waaweyn ee u qoondaysan Dembiyada waxay noqonayaan:
a) dhimasho
b) xabsi daayin (madaxa ha ku furto)
c) xabsi
d) ganaax
2. Ciqaabaha waawayn ee u qoondaysan gefafka waxay noqonayaan:
a) xabsi
b) ganaax
Qodobka 91
Bayaaminta ciqaab madaxeedyada
33
1. Ereyada “ciqaabta haynta” ama ciqaabta xoriyada qofka xayiraysa, waxa ku jiraya
xabsiga madaxaa ha ku furto, xabsiga Dembiyada iyo xabsiga gefafka.
2. Ereyada “ciqaabta maaliyadeed”, waxa ka mid ah ganaax Dembiyada iyo ganaaxa
gefafka.
Qodobka 92
Ciqaabaha faraca ah
1. Ciqaabaha faraca ah ee Dembiyadu waxay noqonayaan:
a) ka joojinta xafiisyada dadweynaha (101-102)
b) ka joojinta xirfad ama ganacsi (103,104)
c) ka reebida quusanuniga ah masuuliya shakhsi.
2. Ciqaabta faraca ah ee gefafku waa ka laalida adeegsiga xirfad ama ganacsi.
3. Xeerka Ciqaabta ayaa tilmaamaya xaaladaha ciqaabaha faraca ah ee Dembiyada la
dabaqyo, sidoo kale gefafka.
Qodobka 93
Dabaqaada ciqaabaha asalka ah iyo kuwa faraca ah Ciqaabaha waawayn (asalka), garsooraha ayaa saaraya qofka Dembiga lagu helo; ciqaabaha
faraca ah (kaabayaasha ah), waxay raacayaan adeegsiga sharciga ee cawaaqibka Dembiilenimo.
CUTUB II
CIQAABAHA UGU WAYN
Qodobka 94
Ciqaabta dilka Ciqaabta dilka waxa loo fulinayaa toogasho goob xeeran ama goob kale oo uu cayimo wasiirka
garsoorka iyo cadaaladu.
Qodobka 95
34
Xabsiga madaxaa ha ku furto (xabsi daayin)
Ciqaabta xabsi daayinka ama xabsiga madaxaa ha ku furto ah, waxa lagu qaadanayaa xarun loo
qoondeeyay ujeedadaa, iyada oo la raacinayo shaqo khasab ah.
Qodobka 96
Xariga Dembiyada
Ciqaabta xariga Dembiyada waxay fidsan tahay xarig shan casho ilaa afar iyo labaatan sano
waxaa lagu qaadanayaa xarun loo qoondeeyay ujeeadadaas, iyada oo ay la socoto shaqo
khasaba.
Qodobka 97
Ganaaxa Dembiyada
1. Ciqaabta ganaaxa Dembiga waxay ka kooban tahay, ku bixin khasnada qaranka qadar
lacageed oo aan ka yarayn 10/= Sh.So. kana badnayn 50,000/= Sh.So.
2. Dembiyada ay soo jiitaan dan faa’iido, in kasta oo ciqaabta sharcigu u dhigay ay tahay
xarig kali ah, garsooraha waxa u furan dheeraad ahaan ganaax taxan 10/= Sh ilaa
20,000/= Sh.
4. Halka ganaaxa sharcigu u qoondeeyay Dembiga aanay ku haboonayn marka loo eego
heerka dhaqaale ee Dembi falaha, garsooruha waxa u banaan in uu kordhiyo qadarka
ganaaxa ilaa saddex laab.
Qodobka 98
Xabsiga gefafka
1. Ciqaabta xariga gefafku waxay fidsanaan kartaa shan casho ilaa saddex sano,
waxaana lagu qaadan doonaa xarun loo qoondeeyay ujeedadaas ama xarun gaar ah oo
ka mid ah xarumaha loo qoondeeyay in lagu qaato xariga Dembiyadda, iyo shaqo
khasab ah.
2. Qofka lagu xukumay xabsi, waxaa u furan in lagu shaqaaleeyo shaqo ka duwan ta
caadiga ah ee xaruntaa u qorshaysan, iyadoo loo eegayo wax qabadkiisa iyo
shaqooyinkiisii hore.
Qodobka 99
35
Ganaaxa gefafka
1. Ciqaabta ganaaxa gefafka waxay ka kooban tahay ku bixin khasnada qaranka qadar
lacageed oo aan ka yarayn laba shilling kana badnayn toban kun oo shilling.
2. Halka ganaaxa sharcigu u qoondeeyay Dembiga aanay ku haboonayn marka loo eego
heerka dhaqaale ee Dembi falaha, garsooruha waxa u banaan in uu kordhiyo qadarka
ganaaxa ilaa saddex laab.
Qodobka 100
Xadaynta iyo isku qiyaasidda ciqaabta maaliyadeed
1. Xaaladaha ciqaabta maaliyadeed ay xadidan yihiin, kuwa ay u dhigmaana sharcigaa
dejiyay.
2. Isu dhignaanta ciqaabta maaliyadeed ma laha xad ugu sarayn ah.
CUTUB III
CIQAABAHA KAABAYAASHA
Qodobka 101
Ka reebista xafiisyada dawladeed
1. Ka reebida xafiisyada dawladu waxay noqon kartaa mid joogto ah ama mid waqtiile ah.
2. Hadaan sharcigu si kale u sheegin, ka reebida joogtada ah ee xafiisyada dawladeed,
waxay ka xayuubinaysaa qofka lagu xukumo:
a) Xaqa cod bixinta ama in la doorto, iyo xaq kasta oo kale oo siyaasadeed.
b) Xafiiskasta oo dawladeed iyo magacaabid kasta oo khasab ah oo shaqo qaran, iyo
xuquuq kasta oo la xiriira xilka sarkaal xafiis dawladeed ama qof u xirsaaran
shaqo qaran.
c) Xafiiska xanaanayn ama wakiil sharci, xataa ku meel gaadh ahaan, iyo xafiiskasta
oo kale oo xanaanayn ama wakiilnimo sharci.
d) Sharaf mac-had, maamuusyo ama abaal marino sharafeed
e) Gunnooyin, hawl gabyo iyo gunnooyin xafiisyo dawladeed ama xafiis guud.
f) Abaal marin kasta oo kale oo ka dhashay xafiisyo kasta, shaqo kasta, xil kasta,
awood kasta iyo maamuus kasta oo lagu sheegay faqradan.
g) Awood uu ku qabto ama helo xaq, xafiis, shaqo, xil, darajo, maamuus iyo abaal
marin ku xusan faqradda aynu soo dhaafnay.
36
3. Ka reebista xafiisyada guud ee waqtiilaha ah waxay qofka lagu xukumay ka
xayuubinaysaa awooda inuu helo ku shaqeeyo ama ku naaloodo, muddada laga reebay,
xuquuqda aynu soo sheeganay ee xafiisyada, shaqooyinka, derejooyinka, mansabyada
iyo abaal marinaha. Muddada ka reebista waqtiilaha ah kama yaraan karto hal sanno
kama badnaan karto shan sano.
4. Xaaladaha ka reebistu ku xadidan tahay xafiisyo ama shaqo gaara sharcigaa qeexaya.
Qodobka 102
Xaaladaha xukunka ay weheliso ka reebista xafiisyada dadweynaha
1. Xariga xabsi daayinka iyo xariga Dembiyda muddo aan ka yarayn shan sanno,
waxaa wehelinaya ka reebista xafiisyada dadwaynaha. Xarig xabsi ee Dembiyada
muddo aan ka yarayn saddex sanno, waxaa wehelinaya ka reebista xafiisyada
dadweyne muddo shan sanadood ah.
2. Ku dhawaaqista in qof qabatime ama xirfad ka dhigte Dembi yahay, waxaa
wehelinaysa ka reebis xafiisyo dadwayne oo joogto ah.
Qodobka 103
Ka reebista xirfadaha ama ganacsiga Ka reebista xirfad ama ganacsi, waxay qofka lagu xukumay ka xayuubinaysaa, awooda in uu
adeegsado xiligaa ka reebista xirfad farshaxan, warshad, ganacsi iyo baaayac mushtar, marka loo
eego rukhsad kasta oo gaar ah, shahaado, amar bixinta liisanka loo baahan yahay, waxaana
wehelinaya burinta ruqsada, shahaado, amar bixin liisan. Muddada ka reebistu kama yaraan
karto bil, kamana badnaan karto shan sanno marka laga reebo xaaladaha sharcigu si cad u
qeexay.
Qodobka 104
Xukunka Dembiyada lagu galo Ku xadgudubka xafiisyada dadwayne ama ka reebista xirfad ama ganacsi
Xukunka qof kasta oo lagu helo Dembiyada ku tagri falka awooda ama ku xadgudubka
waajibaadka xafiisyada guud ama adeeg dadweyne, ama xafiisyo kasta oo ku cad faqradda
labaad (C) ee qodob 101 iyo meel kaga dhac xirfad, farshaxan, wax soo saar, ganacsi ama
waajibaad kasta oo ka kale oo la xiriira, waxaa wehelinaya ka reebis waqtiile ah oo xafiis
dadwayne ama xirfad, farshaxan, wax soo saar, ganacsiga ama baayac mushtar.
37
Qodobka 105
Ka reebis qaanuuneed
1. Qof kasta oo lagu xukumay xabsi daayin wuxuu hoos imanayaa ka reebis qaanuuneed.
2. Qof kasta oo lagu xukumay xarig ciqaabeed oo muddo aan ka yarayn shan sano wuxuu
hoos imanayaa ka reebis qaanuuneed ee muddada ciqaabta.
3. Hadafka muujinta iyo maamulidda hantida iyo wakiil noqoshada taas la xiriira, waxaa
lagu dabaqayaa xeerarka madaniga ee khuseeya ka reebista qaanuuneed ee xafiisyada
dadwayne.
Qodobka 106
Xukumada Dembiyada lagu galo kama‟a
1. Tilmaamaha Qodobka 102 iyo faqradda labaad ee Qodobka hore looma dabaqayo
xaaladaha Dembiyada lagu galo kama’a
2. Tilmaamaha Qodobka 104 looguma dabaqayo xaaladaha Dembiyada lagu galo kama’a
halka ciqaabta la saarayaa ay ka yar tahay sadex sano ama marka la saarayo oo keliya
ciqaab maaliyadeed.
Qodobka 107
Ka laalista adeegsiga xirfad ama ganacsi
1. Ka laalista adeegsiga xirfad ama ganacsi qofka lagu xukumo waxay ka xayuubinaysaa
awooda adeegsiga mudo aan ka yarayn shan iyo toban casho kana badnayn laba sano
xirfad, farshaxan, ganacsi ama wax soo saar, kuwaas oo u baahan ruqsad, aqoonsi,
ogolaansho ama liisan.
2. Xukunka gefka lagu galo ku xadgudub xirfad, farshaxan, wax soo saar, ama ganacsi ama
kuwa lagu xadgudbo xilalka kuwaa ka dhashay, halka ciqaabta la saaray aaanay ka
yarayn xabsi sannad ah, waxa wehelinaya ka laalista xirfadahaas ama ganacsiga.
Qodobka 108
Xaalada qaanuuneed ee qof lagu xukumay dil Xaalada qaanuuneed ee qof lagu xukumay dil waxay la mid noqonaysaa ta qof xabsi daayin lagu
xukumay oo kale.
38
CUTUB IV
DABAQAADA IYO BEDELAADA CIQAABTA
QORMO I: QODOBO GUUD
Qodobka 109
Awoodaha garsooraha ee saarista ciqaab: Xad
1. Xadka sharcigu dejiyay dhexdiisa, garsooruhu wuxuu dabaqayaa awoodiisa ciqaabta;
wuxuu iyadoo sababaysan uu adeegsan karaa awoodiisa.
2. Kordhinta yo dhimista ciqaabta garsooruhu ma dhaafinayo xadka ciqaab nooc kasta loo
dhigay, marka laga reebo xaaladdaha si cad sharcigu u qeexay.
3. Halka garsooruhu uu ku dhawaaqo ciqaab xarig muddo aan ka badnayn sannad, xariga ha
weheliso ama yaanay wehelin ciqaab maaliyadeed oo ku lid ah Dembi fale aan mar hore
lagu xukumin Dembi hore oo kas ah, garsooraha waxaa u furan, marka Dembiilu
codsado, iyadoo ku xisaabtamaysa duruufaha qodobka 110, in uu amro in xariga uu ugu
bedelo maaliyada u dhiganta si waafaqsan qodobka 112.
4. Maslaxada lagu sheegay faqrada hore, waxaa ku xidhan shardiga ah in waqti uu
garsooruhu cayimay dhexdiisa uu Dembi faluhu bixiyo qadarka maaliyadeed ee xariga
loogu bedelay, isla markaana guto waajibaadka madani ee in uu u magdhabo ama u
celiyo dhinaca dhibanaha.
Qodobka 110
Culayska Dembiga: Qiimaynta ujeedooyinka ciqaabta
1. Iyada oo la adeegsanayo awoodaha dheeraadka ah ee ku xusan Qodobka aynu soo
dhaafnay, garsooruhu wuxuu xisaabta ku darsanayaa culayska Dembiga, kuwaas oo laga
soo dheegay:
a) Dabeecada, Shakhsigadda, dariiqada (wasiiladda), shayga, wakhtiga, goobta iyo
xaalad kasta oo kale ee falka.
39
b) Culayska wax yeeladda ama khatarta ay ku sababtay dhinaca dhibanaha ee ka
timid Dembiilaha.
c) Miisaanka qasdiga Dembiilaha, ama heerka Dembiilenimada
2. Garsooruhu sidoo kale wuxuu xisaabta ku darsanayaa kartida Dembiilenimo ee Dembi
falaha oo laga soo dheegtay:
a) Hadafkii Dembiilenimo ee Dembi falaha.
b) Diiwaanka Dembi ee Dembi falaha, iyo guud ahaan, akhlaaqda iyo nolosha
Dembi falaha ka hor Dembiga.
c) Akhlaaqdiisa wakhtigan ama Dembiga dabadeed.
d) Duruufaha shakhsiyeed, nololeed iyo bulsheed ee Dembi falaha.
Qodobka 111
Xisaabinta ciqaabta
1. Ciqaabta muddo wakhti ah waxaa lagu dabaqayaa maalmo, billo iyo sannado.
2. Xariga ciqaabta ee muddo wakhti ah laguma xisaabtamayo jar jarka maalinta iyo
ciqaabta maaliyadeed jar jarka Shilinka.
Qodobka 112
Isku dhignaanta ciqaabaha kala duwan Marka ay noqoto lagama maarmaan in la is leykeysiiyo ciqaabaha maaliyadeed iyo ciqaabta
xabsiga, xisaabtanka waxaa lagu fadhiisinayaa shan iyo labaatan shilin Soomaali (25/=) ama jar
jarkeeda ciqaabta maaliyadeed, maalintii, oo ah ciqaabta haynta ee Dembiyada fudud.
Qodobka 113
Roggida ciqaabta maaliyadeed
1. Ciqaabaha ganaaxa Dembi ama gef ee aan la fullin qofka oo aan awoodi Karin awgeed
waxaa loogu rogayaa xabsi (96 Pc) muddo aan ka badnayn saddex sano iyo xabsi (98 Pc)
muddo aan ka badnayn laba sano. Xaaladahan xadka u yar ee ciqaabta haynta aynu soo
sheegnay wey ka yaraan kartaa ta ku qeexan qodobadda 96, 93.
2. Qofka la xiray wakhti kasta wuxuu keeni karaa bedelka ciqaabta, isagoo bixinaya
qadarka lacageed ee laga rabay oo laga jarayo mudada uu xabsiga ku qaatay.
40
Qodobka 114
Haynta xabsiga ka hor
1. Muddada haynta ee ka horaysay xukumada marka ay noqoto kama dambays waxaa laga
jarayaa muddada guud ee ciqaabta haynta ama qadarka ciqaab maaliyadeed ee la saaray
.
2. Ujeedada wax dhimista, xariga xukunka hortii waxaa loo tixgelinayaa xariga Dembiyada
iyo xariga gefafka.
Qodobka 115
Ciqaabta iyo haynta ka hor xukunka ee Dembiyada lagu galo dibada dalka Marka qofka dalka debadiisa dacwad loogu qaado ee hadana dacwada lagu qaado dalka
gudahiisa, ciqaabtu dibada uu ku soo qaatay iyo dabeecadii ay lahayd waa lagu xisaabtamayaa,
marka xariga dibedda lagu qaaday ay hayni ka horaysay, tilmaamaha Qodobka hore ayaa la
dabaqayaa.
Qodobka 116
Xisaabinta ciqaabaha kaabayaasha ah
Xisaabinta ciqaabaha waqtiilaha ee kaabayaasha ah (101,103,105,107 Pc) lagu xisaabtamayo
mudada wakhtiga ah ee qofka la xukumay uu ku jiray ciqaab hayn ah ama uu ku jiro talaabooyin
ammaan, sidoo kale laguma xisaabtamayo muddada uu si ikhtiyaarkiisa ah uga fakaday fulinta
ciqaabta ama talaabooyin ammaan.
QORMO II:DABAQAADA IYO BEDELAADA CIQAABTA MARKA AY JIRAAN WAX KA BADAN HAL DURUUF CUSLAYN AMA FUDUDAYN IYO XAALADA ISKU DAYGA DEMBIYADA
Qodobka 117
Dhimista ama kordhinta ciqaabta
1. Marka sharcigu dhigo kordhinta ama dhimista ciqaabta xad cayiman, kordhinta ama
dhimista waxaa lagu dabaqayaa wadarta ciqaabta ee garsooruhu saari lahaa marka aanay
jirin duruufaha keenay kordhinta ama dhimista.
2. Marka in ka badan duruuf culays ama duruuf khafiifin ay jirto, kordhinta iyo dhimista
ciqaabta waxaa lagu dabaqayaa wadarta ciqaabta ee ka yimi kordhintaas ama dhimistaas.
41
3. Mar kasta oo duruuf sharcigu u dhigay ciqaab dabeecad ka duwan ama u xadiday
talaabooyinkeeda si ka duwan ciqaabta caadiga ah ee Dembi, kordhinta iyo dhimistu
duruufaha kale laguma dabaqayo ciqaabta caadiga ah ee Dembiga, waxaase agu
dabaqayaa ciqaabta u xadidan duruuftaas aan soo sheegnay.
4. Marka ay jiraan wax ka badan hal duruuf cuslayn oo ku jirta kuwa lagu xusay faqrada
3aad ee qodobkan, waxaa la dabaqayaa oo keliya ciqaabta duruufta ugu culus; laakiin
garsooruhu waa kordhin karaa.
5. Marka ay jirto wax ka badan hal duruuf khafiifin oo ku jirta kuwa lagu xusay faqrada
3aad ee qodobkan, waxaa la dabaqayaa oo keliya ciqaabta duruufta ugu fudud; laakiin
garsooruhu waa dhimi karaa.
Qodobka 118
Kordhinta ciqaabta marka hal xaalad cuslayn ay jirto
Marka ay jirto hal duruuf cuslayn keliya oo aan sharcigu ciqaab kordhinta xadidin, ciqaabta
Dembiga la galay waxaa la kordhin karaa ilaa sadex dalool, hal. Si kasta ha ahaatee ciqaabta
xariga ee Dembiyada sababta kordhinta awgeed lama dhaafin karo 30 sanno.
Qodobka 119
Dhimista ciqaabta marka hal duruuf khafiifin ay jirto
Marka ay jirto hal duruuf khafiifin keliya oo dhimista ciqaabta aan sharci xadidin:
a) Xabsi daayin ama xarig u dhexeeya 20 ilaa 30 sanno ayaa lagu bedelayaa ciqaabta dilka.
b) Xabsi 20 ilaa 24 sanno ah, ayaa lagu bedelayaa xabsi daayinka.
c) Ciqaabaha xariga ee kale waxaa la dhimayaa in aan ka badnayn saddex dalool hal dalool.
Qodobka 120
Xadaynta ciqaab kordhinta marka ay jirto in ka badan hal duruuf cuslayn Marka ay jiraan in ka badan hal duruuf cuslayn, ciqaabta la dabaqayo natiijada cuslaynta darteed
kordhinta kama badan karto saddex laab inta ugu saraysa ee sharcigu u qoondeeyay Dembigaas,
marka laga reebo xaaladaha lagu xusay faqradda 3aad ee Qodobka 117; isagoo aan sinaba uga
badnaan karin:
a) Soddon sanno, marka xarigu yahay mid Dembi.
b) Shan sano, marka xarigu yahay gefaf.
c) Boqol kun ama labaatan kun Somali shilling sida ay u kala dhigan yihiin, marka ganaaxu
yahay Dembi ama uu yahay gefaf ama saddex boqol oo kun ama lixdan kun oo shilin
42
Somali ah sida ay ka yihiin, haddii garsooruhu ka faa’iidaysto awooda ku tilmaama
faqradda 3aad ee Qodobka 97 iyo faqradda 2aad ee Qodobka 99.
Qodobka 121
Xadaynta dhimista ciqaabta marka ay jirto hal duruuf khafiifin wax ka badan
1. Marka ay jirtaan in ka badan hal duruuf khafiifin, ciqaabta la dabaqayo natiijada duruufta
khafiifinta darteed kama yaraan karto:
a) Shan iyo toban sano oo xarig ah marka sharcigu tilmaamayo ciqaab dil ah oo ku
saabsan Dembi.
b) Toban sano oo xarig ah marka sharcigu tilmaamayo xabsi daayin oo ku saabsan
Dembi.
2. Ciqaabaha kale waa la dhimayaa; marka laga reebo xaaladaha ku tilmaaman faqradda
3aad ee Qodobka 117, ciqaabtu kama yaraan karto rubuc ama afar dalool oo hal dalool.
Qodobka 122
Xadaynta duruufaha kulma Haduusan si kale u sheegin Qodobka 13, halka ay duruuf cuslays weheliso duruuf kale oo
cuslays ama duruuf khafiifisa ay weheliso duruuf kale oo khafiifin, duruufaha cuslaynta iyo
khafiifinta keliya ee la imanaya culays badan ama khafiifin badan oo ciqaabeed sida ay isugu
xigaan ayaa lagu xisaabtamayaa siday lidka ugu yihiin ama danta ugu yihiin ayaa loo dabaqayaa,
hadday duruufahaasi la imanayaan culaysin ama khafiifin isku mid ah, cuslayn keliya ama
khafiifin keliya ayaa la saarayaa.
Qodobka 123
Kulanka duruuf cuslayn iyo duruuf fududayn
1. Marka duruuf cuslayn iyo duruuf fududayn ay kulmaan oo loo qaato in ka hore
daboolayo, lagu xisaabtamimaayo dhimista ay keeni lahayd duruufta fududayntu,
waxaana la dabaqayaa oo keliya kordhinta ay keentay duruufta cuslayntu.
2. Marka duruufta fududayntu ay hadhaynayso duruufta cuslaynta, laguma xisaabtamayo
kordhimaha ciqaabta ku xusan arrinta dambe, waxaana la dabaqayaa oo keliya dhimista
ciqaabta ee ay la timi duruufta fududayn.
3. Marka garsooruhu ku qiyaaso isu dhignaan duruufta cuslaynta iyo duruufta fududaynta,
waxaa la saarayaa ciqaab sidii aanay jirin wax duruuf cuslayn ah ama duruuf fududayn
ah.
43
4. Tilmaamahan hore laguma dabaqayo xaalaha ku saabsan masuuliyada Dembiga ama
caadaysiga Dembiga ama duruuf kasta oo kale oo sharcigu u dhigay ciqaab dabeecad
ahaan ka duwan ama u xadidan tahay habab ciqaabeed oo ka duwan ciqaabta caadiga ah
ee Dembiga.
Qodobka 124
Kordhinta ciqaabta caadaysiga
1. Xaaladaha caadaysiga Dembiga ciqaabta waxaa la kordhinayaa ilaa lix dalool hal.
2. Marka caadaysiga ay weheliyaan xaaladaha lagu sheegay xarfaha (a), (b), (c) & (d) ee
faqrada 2aad ee qodobka 61, ciqaabta waxaa la kordhinayaa ilaa sadex dalool hal dalool.
3. Xaalada caadaysiga, marka shuruudaha ku xusan faqradda 2aad ee qodobka 61 uu jiro
ciqaabta waxaa la kordhinayaa saddex dalool hal dalool ilaa saddex dalool laba dalool.
Qodobka 125
Ciqaabta isku dayga Dembiga Qof kasta oo lagu helo in uu galay isku day Dembi waxaa lagu ciqaabayaa:
a) Xabsi labaatan ilaa sodon sanno ah, marka sharcigu Dembigaa u dhigay ciqaab dil ah.
b) Xabsi aan ka yarayn labaatan sano, meesha sharcigu Dembiga u qoondeeyay ciqaabta
xabsi daayin.
c) Xaaladaha kale oo dhan ee ciqaabta ay u qoondaysan fal Dembiyeedka la galay, waxaa la
dhimayaa sadex dalool, hal ama laba dalool.
QORMO III: DABAQAADA IYO BEDELAADA CIQAABTA XAALADA KULANKA DEMBIYADA
Qoddobka 126
Xukunka dhawr Dembi ee hal xukun keliya Marka, hal xukun Dembi fale lagu xukumayo wax ka badan hal Dembi, tilmaamaha qodobadan
soo socdaa la dabaqayaa.
44
Qodobka 127
Kulanka Dembiyada lagu ciqaabayo xabsi daayin
1. Waxa la saarayaa gooni u xabsiyayn waqtiga maalintii, waqti aan ka yarayn hal sano
kana badnayn shan sanno, marka Dembi falaha lagu helo wax ka badan hal Dembi oo
midkasta ciqaabtiisu tahay xabsi daayin.
2. Marka Dembi falaha lagu helo Dembi ciqaabtiisu tahay xabsi daayin iyo hal Dembi ama
ka badan oo ciqaabtiisu tahay xarig, waxaa lagu xukumayaa xabsi daayin ay weheliso
gooni u xabsiyayn waqti maalmeedka muddo aan ka yarayn lix bilood kana yarayn afar
sanno.
Qodobka 128
Kulanka Dembiyo lagu ciqaabayo xarig ama ciqaab maaliyadeed oo isku nooc ah
1. Marka in ka badan hal Dembi oo lagu ciqaabi karo xabsi, xukun keliya ayaa lagu soo
saarayaa muddo u dhiganta wakhtiga guud ee ciqaabta la saari lahaa Dembi kasta
goonidiisa.
2. Marka ay kulmaan in ka badan hal Dembi, oo mid kasta lagu ciqaabi lahaa xarig aan ka
yarayn 24 sanno, ciqaabta xabsi daayin ayaa la saarayaa.
3. Ciqaabaha maaliyadeed ee isku nooca ah si buuxda ayaa loo wada saarayaa.
Qodobka 129
Kulanka Dembi lagu ciqaabayo xarig kala duwan
1. Marka in ka badan hal Dembi lagu ciqaabayo xabsi kala nooc ah, ciqaab kasta waxa loo
saarayaa si gooni ah iyadoo buuxda.
2. Xabsiga gefafka waxa la fulin doonaa marka u dambaysa.
Qodobka 130
Kulanka Dembiyo lagu ciqaabayo ciqaabo maaliyadeed oo kala duwan
1. Marka in ka badan hal Dembi lagu ciqaabayo ganaaxyo kala duwan ciqaab kasta oo
maaliyadeed gooni ayaa loo saarayaa iyadoo buuxda.
45
2. Marka ciqaabta maaliyadeed aan si buuxda loo bixin, qadarka la bixiyay, ayaa loo
jarayaa ujeedada isku bedelka.
Qodobka 131
Ciqaabaha loo aqoonsado ciqaab kali ah, iyagoo ciqaabo kala duwan ah
1. Haddaan sharcigu si kale u dhigin ciqaabaha isku nooca ah ee la saaray sida waafaqsan
Qodobka 128 waxa loo qaadanayaa ciqaab kali ah dhammaan ujeedooyinka qaanuuneed.
2. Ciqaabaha kala nooca ah ee loo saaray si waafaqsan qodobada 129 iyo 130, waxa sidoo
kale loo qaadanayaa ciqaab keliya, dhammaan ujeedooyinka qaanuuneed, ciqaabta
gaarka ah ee noocyada culus ah. Iyadoo loo xisaabin doono ciqaabo kala duwan
ujeedooyinka fulintooda, tallaabooyinka ammaanka iyo ujeedo kale oo kasta oo sharcigu
qeexay.
3. Marka ciqaabta maaliyadeed la saaro iyadoo ku lamaan ciqaab kale oo nooc kale ah,
ciqaabaha waxa loo qaadanayaa ciqaabo kala gooni ah dhamaam ujeedooyinka
qaanuuneed.
Qodobka 132
Xadidaada ciqaabaha kaabayaasha ah Si loo xadido ciqaabaha kaabayaasha ah iyo cawaaqib kasta oo ciqaabeed oo xukunka Dembiga
ah, waxaa loo qaadanayaa Dembi ka gaara kan lagu helay Dembi falaha iyo ciqaaabta asalka ah
ee lagu qaadi lahaa mid kasta oo ka mid ah kuwaas hadddii aanay kulmin Dembiyadaasi.
Qodobka 133
Xadka kordhinta ciqaabaha asalka ah
1. Marka ay jirto kulanka Dembiyada lagu sheegay qodobka 128, ciqaabta lagu saarayo
qodobkaas, kama badnaan karaan shan laabka kan ugu culus ciqaabaha wadajira,
markastana lama dhaafin karo:
(a) Sodon sanno xariga Dembiyada
(b) Lix sanno xariga gefafka
(c) 150,000 Sh.So.ganaaxa Dembiyada iyo 30,000 Sh.So. ganaaxa gefafka iyo 400,000 Sh.So.
ganaaxa Dembiyada iyo 80,000 Sh.So. ganaaxa gefafka, marka garsooruhu ka
faa’iidaysanayo
awoodaha ku xusan faqrada sadexaad ee qodobka 97 iyo faqrada labaad ee qodobka 99.
46
2. Marka ay jirto kulan Dembiyeed sida ku sheegan qodobka 129, wartiga xarig ee la
saarayaa kama badnaan karo sodon sanno. Qurubka ciqaabeed ee ka dheeriga ah xadkaa
xaalad kasta waxaa laga jarayaa xariga gefafka.
3. Marka ciqaabta maaliyadeed loo rogayo xarig ee uu iska bixin kari waayo Dembi faluhu,
muddada xarigu kama badnaan karto afar sanno xariga Dembiyada iyo sadex sano xariga
gefafka
Qodobka 134
Xuduuda kordhinta ciqaabta kaabayaasha ah Xadka ugu sareeya ee ciqaabaha kaabayaasha ah ee waqtiilaha ah, wadartoodu kama badnaan
karto xuduudan soo socota:
(a) Toban sanno xaaladaha ka reebida xafiisyada guud ama ka reebida xirfad ama farshaxan.
(b) Shan sanno xaaladaha ka laalista adeegsiga xirfad ama farshaxan.
Qodobka 135
Ciqaabaha lagu soo saaro xukuno kala duwan Tilmaamaha qodobada hore ayaa la dabaqayaa, marka qofka xukunka ka dib, isla qofkii lagu
qaado Dembi kale oo uu galay ka hor ama ka dib xukunka ama marka isla qof keliya wax ka
badan hal xukun lagu qaado.
CUTUB V
FULINTA CIQAABTA
Qodobka 136
Xarumaha gaarka ah ee lagu qaato xariga
1. Xariga Dembiyada, waxaa lagu qaadanayaa marka ay suuragalka tahay xarumo u
gaara ah nooc kasta oo Dembiileyaashan ka mid ah:
(a) La qabatimaha iyo xirfadlaha Dembi.
(b) Dadka lagu xukumay ciqaab la dhimay sabab xis dhinaan darteed ama ah
dhegoole ama ma hadle ama si xun ugu sikhraansan khamri ama maandooriye
ama qabatime maandooriye ama qof qabatimay maandooriye kale.
47
2. Marka hal Dembiile uu wada leeyahay duruufo shakhsiyeed oo kala duwan,
garsooruhu wuxuu go’aansan karaa in uu xariga ku qaato xarun gaara; go’aankaasna
waa la bedeli karaa fulinta xariga dhexdeeda.
3. Ciqaabta gefafka marka ay suurtawdo, waxaa lala qaadan karaa Dembi falayaasha la
soo sheegay ama la qabatimayaasha iyo xirfadlayaasha gefafka, ciqaabo gaara ayaa
xarumahaa ciqaabeed ee gaarka ah lagu qaadanayaa.
4. Haweenka waxay xariga ku qaadanayaan xarumo ka gaara kuwa raggu ku qaataan.
Qodobka 137
Xariga da’yarta
1. Ilaa ay gaaraan 18 sano, caruurtu waxay inta suuragalka ah, ku qaadanayaan xabsiga
xarumo ka go’an kuwa ay isticmaalaan dadka waawayni, ama goobo gooni ah oo
xarumahaas ka mid ah. Haddii saacadaha aan loo qoondayn shaqada, waxa la siinayaa
amaro gaar ah oo loola jeedo dib u dejinta maskaxdooda.
2. Waxaa kale oo, inta suuragalka ah loo astaynayaa xarumo gaar ah xaaladaha ku xusan
faqradda 1aad (a) iyo (b) ee Qodobka hore.
Qodobka 138
Kormeeridda fulinta ciqaabaha
Fulinta ciqaabaha waxaa kormeeraya garsooraha awooda u leh.
Qodobka 139
Guno siinta kuwa lagu xukumo shaqada ay qabtaan
Xarumaha xabsiga lagu qaato waxaa laga siinayaa shaqada ay qabtaan gunno.
Qodobka 140
Dib u dhigista khasabka ah ee fulin ciqaabta
1. Fulinta ciqaabta, aan ahayn ciqaabta maaliyadeed waxaa dib loogu dhigayaa:
48
a) Marka ciqaabta la saaray haweenay uur leh;
b) Marka ciqaabta la saaray haweenay umushay sanad wax ka yar horteed;
c) Marka arji cafis ah la gudbiyay arrinka ku saabsan xukun dil ah;
2. Xaaladaha lagu sheegay faqrada kowaad (b) ee qodobkan, dib u dhigida waa laga
noqonayaa marka ilmuhu dhinto ama loo dhiibo qof aan hooyadii ahayn ama dhaliinka ay
ka soo wareegtay laba bilood oo kale.
Qodobka 141
Dib u dhigista ikhityaariga ee fulinta ciqaabta
1. Fulinta ciqaabta waxa furan in dib loo dhigo:
a) Marka arji codsi cafis la soo gudbiyo, oo fulinta ciqaabta oo aan loo baahnayn
iyada oo la raacay Qodobka hore
b) Marka qofka lagu fulinayo ciqaab xoriyadiisa xadidaysa ay xaaladiisu tahay mid
si wayn jidh ahaan u naafaysan;
2. Xaaladaha ku xusan faqradda 1aad (a), fulinta ciqaabta dib looma dhigi karo muddo ka
badan isu gayn 6 bilood oo laga soo tiriyo maalinta xukunku kama danbays noqday,
xataa haddii la cusboonaysiiyay arjiga cafiska.
Qodobka 142
Xis la‟aanta kedis dusha ugaga timaada qofka xukuman
1. Marka qof lagu xukuman ciqaab xadidaysa xoriyada shakhsiga ah ka hor ama fulinta
ciqaabta dhexdeeda ay ku timaado xis dhinaansho, garsooruhu markuu u arko in
xaaladaasi ay hakinayso fulinta ciqaabta, wuxuu soo saarayaa waraaq uu dib ugu dhigayo
fulinta ciqaabta ama uu ku laalayo, iyadoo loo dirayo xarun daryeel, cisbitaal ama goob
xanaano.
2. Tilmaamaha hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa, marka sabab xis dhinaansho qofka ku
xukuman dil loogu diro xarun daryeel.
3. Marka sababahan lagu daryeelay ay meesha ka baxaan, waxaa laga noqon karaa dib u
dhigida ciqaabta, waana la fulinayaa ciqaabta.
49
QAYBTA 5aad
BAABA’A DEMBIGA IYO CIQAABTA
CUTUB I
DHAMMAADKA DEMBIGA
Qodobka 143
Dhimashada Dembiilaha xukun ka hor Dhimashada Dembiilaha ka hor xukunku waxay dhamaynaysaa Dembiga.
Qodobka 144
Cafis
1. Cafis Dembi wuxuu dhamaynayaa Dembiga, marka ciqaabta la soo saaray waxay
dhamaynaysaa fulinta ciqaabta iyo ciqaabaha kaabayaasha ah.
2. Marka ay Dembiyo kulmaan, cafiska waxa loo cuskanayaa Dembiga gaarka ah ee la
siiyay.
3. Dhammaadka Dembiyada ay keento saamaxaadu waxay ku xadidan tahay Dembiyada la
galay iyo kuwa laga garsoorayay maalinta la soo dhigo Golaha sharci dejinta sharciga
awooda lagu siinayo Madaxwaynaha soo saarista cafiska iyo saamaxaada.
4. Cafiska waxaa lagu xidhi karaa shuruudo iyo waajibaadyo.
5. Cafiska laguma dabaqayo caadaystaha, xaaladaha ku xusan faqradda 2 ee Qodobka 61
ama qabatimaha iyo xirfad ka dhigtaha Dembi ee ku xusan qodobada (64,65,67 XC),
haddii aan wareegtadu si kale u dhigin.
Qodobka 145
Ka noqoshada ashkatada Xaaladah Dembiyada lagu dhaqaajiyo dalabka dhibanaha, marka laga reebo in xukunku kama
danbays noqdo, ka noqoshada ashkatada ama dhimashada dhibanuhu waxay dhamaynaysaa
Dembiga.
50
Qodobka 146
Raaligelinta gefafka Marka gefafka sharcigu u qeexay ciqaab ganaax ah, Dembiiluhu haddii uu ogolaado ka hor
bilawga dacwada bixinta sadex dalool ciqaabta ugu saraysa ee Dembiga iyo weliba kharashka
dacwada, waxay dhamaynaysaa Dembiga.
Qodobka 147
Saamaxaad Garsoor ee dadka ka yar 18 jir ama ka wayn 70 jir
1. Marka, Dembiga uu galo qof da’diisu ka yar tahay 18 jir ama ay ka wayn tahay 70 jir oo
ciqaabta lagu qaadayaa ay tahay ugu badnaan sadex sano ama ciqaab maaliyadeed ama
labadaba, garsooraha waxaa u furan inuu ka hakado in uu galiyo xabsi oo uu siiyo
saamaxaad garsoor, isagoo maanka ku haya duruufaha lagu sheegay qodobka 110, oo uu
aqoonsan yahay in aan Dembi faluhu Dembi kale gelayn. Saamaxaada garsoor waxay
dhamaynaysaa Dembiga.
2. Saamaxaad garsoor lama bixin karo hal mar wax ka badan.
CUTUB II
BAABA’A CIQAABTA
Qodobka 148
Dhimashada Dembiilaha xukunka ka dib
Dhimashada Dembiilahu, waxay dhamaynaysaa ciqaabta.
Qodobka 149
Naxariisashada iyo saamaxaada
1. Naxariisashada ama saamaxaada, waxay keenayaan raxmad dhamaan ama qayb ciqaabta
la saaray, waxaanay u bedeli kartaa noocyo kale oo ciqaab ah oo uu sharcigu xadeeyay,
ma tirtirayo ciqaabaha kaabayaasha ah, marka laga reebo in wareegtadu si ka duwan u
sheegto, sidoo kale ma tirtirayso cawaaqibka kale ee xukunka ka dhashay.
51
2. Marka ay jirto kulan Dembiyo, naxariista waxaa la dabaqayaa oo keliya hal mar, ka dib
marka ciqaabaha la isu wada geeyo, sida waafaqsan qodobada lagu maamulo kulanka
Dembiyada.
3. Marka la eego naxariista tilmaamaha sadexda faqradood ee ugu danbeeya qodobka 144
ayaa la dabaqayaa.
Qodobka 150
Xukun ka laalid shuruudaysan
1. Marka Dembiiluhu uusan caadayste ahayn, isagoo ku xisaabtamaya duruufaha ku xusan
qodobka 110, oo haysta sabab uu ku rumaysto in Dembi falaha uu dhaqankiisu hagaagi
doono mustaqbalka, markuu ku dhawaaqayo xukunka ciqaabta ah ee xarig aan ka
badnayn lix bilood ama ciqaab maaliyadeed oo keliya ama labadaba ama ciqaab
maaliyadeed oo u rogmi kara ciqaab xarig oo waqti la mid ah, wuxuu amri karaa in la
laalo fulinta ciqaabta.
2. Laalista ciqaabtu waxay ku xidhan tahay shuruudahan soo socda:
(a) In aan Dembi faluhu muddo shan sano ah uusan gelin Dembi ama gefaf
dabeecadiisu la nooc tahay kan lagu xukumay;
(b) In Dembi faluhu muddo uu cayimay garsooruhu uu fuliyo waajibaad madani ah
oo uu ku magdhabayo ama ugu cawil celinayo dhibanaha
3. Marka shuruudahaa la oofiyo ciqaabtu way dhamaanaysaa.
Qodobka 151
Sii dayn shuruudaysan Qof lagu xukumay xabsi daayin ee qaatay ugu yaraan shan iyo labaatan sanadood, ama qofka
lagu xukumay xabsi ee qaata kala badh (nus) ciqaabtii ama ugu yaraan afar dalool saddex, haddii
uu yahay cadayste, waxaa la siin karaa siidayn shuruudaysan, iyadoo ay tahay in uu si joogto ah
u muujiyo cadayn dhaqan wanaag.
Qodobka 152
Dib u dhaqan celin
Dib u dhaqan celintu waxay dhamaynaysaa ciqaabaha kaabayaasha ah iyo cawaaqib kasta oo
ciqaabeed oo ka dhashay xukunka, haddii aan sharcigu si kale u sheegin.
52
Qodobka 153
Shuruudaha dib u dhaqan celinta
1. Dib u dhaqan celin waxaa la bixin karaa marka shan sano ay ka soo wareegto fulintii
xukunka asalka ah ama sabab kasta oo kale ay u dhamaatay, oo qofka la xukumay uu si
dhab ah oo joogto u cadeeyay dhaqan wanaag.
2. Muddadu waa toban sanno xaalada caadaystaha, sida lagu sheegay faqrada 2aad ee
qodobka 61.
3. Sidoo kale muddadu waa toban sano xaaladaha la qabatimaha iyo xirfadlaha Dembi.
Qodobka 154
Ka noqoshada amarka dhaqan celinta Amarka dib u dhaqan celinta, waa laga noqonayaa marka qofka la dhaqan celinyaa galo Dembi
kale oo aan kama’a ahay shan sanno gudahood, oo ciqaabta la saaray tahay ugu yaraan sadex
sanno ama ciqaab xarig oo aad u culus.
Qodobka 155
Dib u dhaqan celinta xaaladaha xukumada dibedeed Qodobada la xiriira dib u dhaqan celinta ayaa lagu dabaqayaa xukumada dibedeed ee loo
aqoonsado si waafaqsan qodobka 10.
CUTUB III
QODOBO GUUD
Qodobka 156
Saamaynta sababaha baaba‟a Dembiga ama ciqaabta
Hadaan sharcigu si kale u sheegin, sababaha baabi’inta Dembiga ama ciqaabtu, waxay
saamaynayaan oo keliya dadka sababta baaba’u la xiriiro.
53
Qodobka 157
Wax ka badan hal sabab baabi‟in
1. Baaba’a Dembiga ama ciqaabtu wuxuu dhaqan gelayaa waqtiga ay sababtaasi muuqato.
2. Marka sabab dhamaynaysa Dembiga iyo sabab dhamaynaysa ciqaabta ay kulmaan,
waxaa mudnaanta yeelanaysa sababta dhamaynaysa Dembiga, xataa haddii ay mar danbe
muuqato.
3. Marka in ka badan hal sabab oo dhamaynaysa Dembiga ama ciqaabta ay soo baxaan
waqtiyo kala gedisan, sababta hore waxay dhamaynaysaa Dembiga ama ciqaabta, kuwa
danbena, waxay tirtirayaan raadadka aad weli dhamaan ee cawaaqibka dacwad qaadista.
4. Marka in ka badan hal sabab ay isku mar muuqdaan, ta ugu dan badan ayaa
dhamaynaysa Dembiga ama ciqaabta, xaaladan qodobada hore ayaa lagu dabaqayaa
marka la eego saamaynta cawaaqibka aan ku dhamaan sababtaa ugu danta badan.
QAYBTA VI
CIQAABAHA MADANI
Qodobka 158
Cawil celinta iyo magdhowga khasaaraha
1. Dembi kasta waxaa ka imanaya waajibaad cawil celin la xiriira sharciga madaniga.
2. Dembi kasta oo ay ka timaado khasaare hantiyeed ama khasaare kale, waxaa ka imanaya
waajibaad in ay magdhaw sameeyaan Dembi falaha ama qof kale oo marka la eego
xeerka madaniga masuul ka noqonaya falkaa.
Qodobka 159
Masuuliyada Wadajirka ee ku saabsan waajibaadka Dembi Dadka lagu xukumo hal Dembi ama Dembi isku mid ah, waxay masuul uga noqonayaan wadajir
in ay sameeyaan soo celin ama magdhaw, si waafaqsan xeerka madaniga.
54
Qodobka 160
Saamaynta waajibaadka madani ee dhamaadka Dembiga ama ciqaabta
Dhamaadka Dembiga ama ciqaabta ma keenayso dhamaadka waajibaadka madani ee ka dhashay
Dembiga.
QAYBTA VII
TALAABOYIN AMMAAN
CUTUB I
TALLAABOOYIN AMMAAN OO SHAKHSI AH
QORMO I: QODOBO GUUD
Qodobka 161
Ku Cadayn qodobo qaanuuneed
Qofna lama hoos gayn karo tallaabooyin ammaan oo aan si cad sharciga ugu cadayn, lamana
marin karo tallaabooyin ka baxsan xadka sharcigu qeexay.
Qodobka 162
Dabaqaada tallaabooyinka ammaan
1. Tallaabooyinka ammaan, waxaa lagu maamulayaa sharciga dhaqangalka ah waqtiga
tallaabooyinkaa la amrayo.
2. Marka quusanunka dhaqangalka ah wakhtiga la fulinayo tallaabooyinka ammaanka uu ka
duwan yahay, quusanunka waqtiga la amray waxaa la dabaqayaa kan hore marka uu
isagu aad danta u yahay.
55
Qodobka 163
Dadka lagu dabaqayo tallaabooyinka ammaan
1. Tallaabooyinka ammaan waxaa lagu dabaqayaa oo keliya dadka bulshada khatarta ku ah
iyo dadka gala falalka sharcigu Dembi u yaqaan.
2. Xeerka ciqaabtu wuxuu dhigi doonaa xaaladaha tallaabooyinka ammaan lagu dabaqi
karo dadka bulshada khatarta ku ah, iyadoo loo tixgelinayo fal aan sharcigu Dembi u
aqoon.
3. Tallaabooyinka ammaan waxaa kaloo lagu dabaqayaa dadka ajinebiga ah ee Dalka
qaranka degan.
Qodobka 164
Khatar ku ah bulshada
1. Ujeedada Xeerka Ciqaabta, qof waxaa loo qaadanayaa in uu khatar ku yahay bulshada,
xataa bulshada oo aan u haysan, xataa isagoo aan ahayn mid masuuliyad Dembi qaada
ama la ciqaabi karo, uu galo falalka lagu xusay qodobka hore, oo haddana uu u dhaw
yahay in uu gelayo fal kale oo sharcigu Dembi u aqoonsan yahay.
2. Qofka waxaa ku suurayn kara in uu khatar ku yahay bulshada garsoorha, isagoo ku
salaynaya duruufaha ku xusan qodobka 110.
3. Xaaladaha si cad ugu qeexan qof sharcigaa u aqoonsanaya in uu khatar ku yahay
bulshada.
Qodobka 165
Amarka Garsoorha
1. Tallaabooyin ammaan waxaa amri kara garsooraha, isagoo ku amaraya xukunka ciqaabta
ama siidaynta ee qofka ay khusayso.
2. Tallaabooyinka ammaan waxaa kaloo lagu amri karaa amarada ku ku xiga ee:
a) Xaalada xukunka ciqaabta, waqtiga fulinta ciqaabta dhexdeeda ama waqtiga uu
qofkaasi si ikhtiyaari ah uga fakaday fulinta ciqaabta.
b) Xukunka siidaynta marka loo qaato in qofku ku yahay bulshada khatar oo uusan
dhamaan waqtiga ugu yar ee tallaabooyinka ammaan.
c) Wakhti kale oo kasta xaaladaha si gaara sharcigu u qeexayo.
56
Qodobka 166
Dabaqaada ku meel gaadhka ah ee tallaabooyinka ammaan
1. Wakhtiga baadhista ama dacwad qaadista, garsooruhu wuxuu amri karaa in qofka ka yar
sideed iyo toban jir, ama qofka maskaxdiisu aanay dhamayn, ama sakhraan caadaystay
ama qof ku walfay isticmaalidda walxaha maanka dooriya, ama qofka xaaladiisu heer
xun oo miyir doorsoon ku timid khamri ama walxaha maanka dooriya, uu si meel ku
gaadh ah ugu diro xarun toosin, ama xabsiga waalidda, ama cusbitaal ama guri kalkaalin
caafimaad.
2. Garsooruhu waa ka noqon karaa amarkaas marka ay la noqoto qofkasi uusan hadda ka
dib khatar ku ahayn bulshada.
3. Muddada ku meel gaadhka ah ee fulinta tallaabooyinka ammaan waxaa laga jarayaa
waqtiga tallaabooyinka ammaan ee lagu xukumayo.
Qodobka 167
Ka noqoshada tallaabooyinka ammaan
1. Tallaabooyinka ammaan lagama noqon karo, haddii aanay ka suulin qofkaa lagu dabaqay
khatarnimadiisii bulshadu.
2. Ka noqoshada lama amri karo ilaa uu dhamaado waqtiga la mid ah waqtiga ugu yare e
sharcigu u dhigay tallaabooyinkaa ammaan uu dhamaado.
Qodobka 168
Dib u eegista xaaladaha dadka loo aqoonsaday khatar bulsho
1. Marka muddada ugu yaraan ee sharcigu u dhigay tallaabo ammaan kasta ay dhamaato,
Garsooruhu wuxuu dib u eegayaa xaaladihii qofkaas la saaray tallaabada ammaan, si loo
hubiyo in qofkaasi weli bulshada khatar ku yahay iyo in kale.
2. Marka ay muuqato in qofkaasi weli bulshada khatar ku yahay, garsooruhu wuxuu
xadidayaa wakhti dib u eegis dheeraad ah; si kasaba ha ahaatee, markay caqli gal tahay,
in la rumaysto in khatartii suushay, garsooruhu markasta xaalada dib buu u eegi karaa.
57
Qodobka 169
Saamaynta baaba‟a Dembiga iyo ciqaabta
1. Baaba’a Dembigu wuxuu reebayaa dabaqaada tallaabooyinka ammaan, wuxuu
joojinayaa fulintooda.
2. Baaba’a ciqaabtu waxay reebaysaa dabaqaada tallaabooyinka ammaan, marka laga reebo
kuwa sharcigu ogolaaday waqti kasta, laakiin ma reebayso kuwa hore uu garsoore u
amray, ee talaabooyin kaabis ah u ah xukun xarig oo waqti ka badan toban sanno.
3. Marka sabab naxariisasho ama saamaxaad, xukun dil ama xabsi daayin aan la fulinayn,
qofka la xukumay waa la siidaynayaa, iyadoo la korjoogtaynayo muddo aan ka yarayn
sadex sano.
Qodobka 170
Fulinta tallaabooyinka ammaan
1. Tallaabooyinka ammaan ee la amro, iyagoo ka dheeraada xariga, waxaa la fulinayaa
marka xariga la dhamaysto ama haddii kale uu dhammaado.
2. Tallaabooyinka ammaan ee la amray, iyagoo ka dheeradaa ciqaab kale oo aan ahayn
xarig, waxaa la fulinayaa marka xukunku kama danbays noqdo.
3. Tallaabooyinka ammaan ee aan dabeecad hayn lahayn, ee la amro iyagoo weheliya
talaaboyin ammaan oo dabeecad hayn leh, waxaa la fuliyaa marka la dhamaysto kuwa
dabeecada haynta leh.
Qodobka 171
Dhawris la‟aanta tallaabooyinka ammaan
1. Marka qofka la saaray tallaabooyin ammaan uu si ikhtiyaar ah uga fakado fulinteeda,
muddada ugu yar tallaabooyinka ammaan waxay dib uga bilaabanayaan maalinta ay dib
ugu bilaabmaan.
2. Tilmaamaha hore laguma dabaqayo qofka la geeyay cisbitaal maskaxeed, Cisbitaal ama
xarun kalkaalin.
58
QORMO II: QODOBO GAAR AH
Qodobka 172
Noocyada tallaabooyinka ammaan marka loo eego dadka
1. Tallaabooyinka ammaan marka loo eego dadka waxaa loo qaybiyaa, tallaabooyin
ammaan oo dabeecad hayn leh iyo kuwo aan dabeecad hayn lahayn.
2. Tallaabooyinka ammaan ee dabiicada hayn leh waxay noqonayaan:
a) Gayn cusbitaal, ama xarun kalkaaliye caafimaad
b) Gayn cusbitaal waalida lagu daweeyo
c) Gayn xarun dhaqan celin
3. Tallaabooyinka aan lahayn dabiicad hayn waxay noqonayaan:
a) Dul ka ilaalin bilays
b) Dal ka saarid ama masaafurin ajinebi
4. Marka sharci dhigo tallaabooyin ammaan, iyada oo uusan sheegin nooceeda, garsooruhu
wuxuu amri karaa in la hoos geeyo dul ka ilaalin bilays.
Qodobka 173
Gaynta cusbitaal ama guri kalkaaliye caafimaad
1. Qofka lagu xukumo Dembi aan ahayn mid lagu galay kama’a, ee ciqaabta looga dhimo
sabab xis dhinaansho ama sakhraamid xun ee khamro walxa maanka dooriya ama isagoo
ah dhegoole iyo dhegoole ma hadle ah, waxaa la gelinayaa cusbitaal ama xarun
kalkaaliye caafimaad muddo aan ka yarayn hal sano, marka ciqaabta ugu yare ee
sharcigu dhigay aanay ka yarayn shan sanno.
2. Marka ciqaabta sharcigu dhigay ay tahay dil ama xabsi daayin ama ciqaab xarig oo aan
ka yarayn toban sanno, tallaabooyinka ammaan ee la amrayaa waxay noqonayaan muddo
aan ka yarayn sadex sanno.
3. Marka, ciqaabta loo qoondeeyay Dembi kasta uu yahay xabsi iyo marka ay u muuqato
qofka la xukumay uu khatar ku yahay bulshada waxa la geynayaa cusbitaal ama xarun
kalkaaliye caafimaad, muddo aan ka yarayn lix bilood, si kastaba ha ahaatee, garsooraha
wuxuu amar ku bixin karaa in la hoos geeyo dul ka ilaalin bilays, halkii laga gaeyn lahaa
goobaha kor ku xusan, haddaan ciqaabta loo dhimin sakhrad xun khamri ama walxaha
maanka dooriya.
4. Marka la geeyo cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad ee la amray, tallaabooyin kale
oo ammaan oo dabeecad hayn leh laguma dabaqayo.
59
Qodobka 174
Fulinta amarka gaynta qofka cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad
1. Amarka geynta qof cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad, waxaa la fulinayaa ka dib
xukunka xadaynaya xorriyadda shakhsiga ah marka la dhamaysto ama haddii kale uu
dhammaado.
2. Garsooruhu, si kastaba ha ahaatee, isagoo eegaya xaalad kasta oo gaar ah oo xis
dhinaansho, qofka lagu xukumay, wuxuu amri karaa horteed ama dabadeed xariga
xaddidaya xorriyada shakhsiga ah.
Qodobka 175
Qabatimaha Sakhrada
1. Marka aan loo baahnayn tallaabo kale oo ammaan oo leh dabiicadda haynta in la amro,
qofka lagu xukumay xarig Dembi oo uu ku galay isagoo sakhraansan, marka sakhradu
tahay qabatimid ama mid Dembi galista keentay saamaynta walxaha maanka dooriya
isticmaalisteed, kuwaas oo uu ku walfay, waxaa la geynayaa cusbitaal ama xarun
kalkaalin caafimaad muddo aan ka badnayn lix bilood.
2. Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha Dembiyada xariga lagu xukumay muddo aan ka yarayn
saddex sano, waxaa la saari karaa Dembi falaha dulka ilaalin bilays, halkii laga gayn
lahaa cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad.
Qodobka 176
Ku daawaynta xarunta waalida
1. Xaalada siidaynta, sabab xis dhinaansho, ama ku sakhrad culus ee khamri ama
maandoriye kale, ama dhego la’aan ama dhegoole ma hadle ah, Dembi falaha waxa la
geynayaa xarunta waalida muddo aan ka yarayn laba sano, iyadoo gefaf ama Dembi
kama’a ah, ama Dembi kale oo sharcigu u qoondeeyay ciqaab maaliyadeed ama xarig
muddo aan ka badnayn laba sanno, xukunka sii daynta lagu wargelinayo bilayska.
2. Muddada ugu yar ee ku haynta xarunta waalida waa toban sano, marka sharcigu dhigayo
ciqaabta dilka ama xabsi daayin; shan sano haddii sharcigu dhigayo ciqaab xarig oo
muddo aan ka yarayn toban sano.
3. Marka qof la geeyay xarunta waalida laga rabo in uu qaato xukun xadaynaysa xoriyada
shakhsiga ah, fulinta xukunkaa dib ayaa loo dhigayaa ilaa dhamaadka muddada la
geeyay xarunta waalida.
60
4. Tilmaamaha qodobkan waxaa kale oo lagu dhaqayaa dadka lagu sii daayay sabab
da’dooda ah, marka ay galaan falal sharcigu u aqoonsan yahay Dembi, marka jiraan
duruufaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan.
Qodobka 177
Gayn xarun dhaqan celin
1. Marka qof da’diisu ka yar tahay afar iyo toban jir, uu galo Dembi, isagoo dabeecad
khatar leh, garsooruhu, isaga oo si gaar ah u eegaya culayska falka iyo xaaladaha
dhaqameed ee qoyska soo koriyay da’ yaraha waxaa u furan, inuu amro in la geeyo meel
dhaqan celineed muddo aan ka yarayn laba sano.
2. Marka Dembiga lagu ciqaabayo dil, ama xabsi daayin ama xabsi aan ka yarayn saddex
sanno, oo uusan Dembigu ahayn kama’a, da’yaraha waxaa la amrayaa in la geeyo xarun
dhaqan celin, muddo aan ka yarayn saddex sanno.
Qodobka 178
Dul ka ilaalin bilays
1. Boolisku waxay samaynayaan dul ka ilaalin, dadka la hoos geeyay dul ka ilaalin bilays.
2. Garsooruhu wuxuu dejinayaa tilmaamaha suurtagelinaysa dadka la hoos geeyay dul ka
ilaalinta bilayska si ay uga joojiyaan gelintaanka Dembi kale, tilmaamahaa dib waa u
bedeli karaa ama u xadayn karaa garsooruhu.
3. Dul ka ilaalinta bilayska waxaa loo fulinayaa hab u fududayn shaqo, oo qofka dib ugu
soo celinaya la midawga bulshada.
4. Marka qofka la hoos geeyo dul ka ilaalin bilays, ma dhamaanayso in ka yar sannad.
Qodobka 179
Xaaladaha la amri karo dul ka ilaalin bilays Marka lagu daro xaaladaha ay dulka ilaalinta bilayska lagu amri karo qodobo gaara oo
qaanuuneed, waxaa kaloo la amri karaa:
a) Xaaladda xukun xarig oo waqti ka badan hal sanno ah.
b) Xaaladda xeerkani u jidaynayo in la amro tallaabooyin ammaan fal uusan sharcigu
Dembi u aqoonsanayn.
61
Qodobka 180
Xaaladdaha dul ka ilaalinta bilayska ay waajib tahay in la amro Dulka ilaalinta bilayska waxaa la amrayaa:
a) Marka ciqaabta la saaray ay tahay xarig aan ka yarayn toban sanno, xaaladan
tallaabooyinka ammaan kuma dhammaanayso waqti ka yar sadex sanno.
b) Marka qofka la xukumay loo ogolaado siidayn shuruudaysan.
c) Iyo xaalad kale oo kasta oo sharcigu qeexay.
Qodobka 181
Ka mastaafurinta ajanabi gayiga qaranka Ka mastaafurinta qofka ajinebiga ah Dalka qaranka, waxaa amri kara garsooraha, marka qofka
ajinebiga ah lagu xukumay xarig aan ka yarayn, toban sanno iyo xaalad kasta oo kale oo
sharcigu si cad u sheegay.
CUTUBKA II
TALLAABOOYIN AMMAAN EE HANTI KU SAABSAN
Qodobka 182
La wareegis La wareegid waxay noqonaysaa tallaabo ammaan oo ku saabsan hantida, taas oo lagu dari karo
kuwa xeerkan ku qeexan ama qodobo qaanuuneed oo gaar ah.
.
Qodobka 183
Xaaladaha la wareegista la dabaqayo
1. Xukunka Garsooruhu wuxuu amri karaa la wareegida walxaha loo adeegsaday ama la
doonayay in loo adeegsado gelitaanka Dembiga ama walxaha midhaha ama faa’iidada
Dembiga ah.
2. La wareegid waxaa la amrayaa:
a) Walxaha noqonaya abaal marinta Dembiga.
62
b) Walxaha loo sameeyay, loo adeegsaday, gacanta loogu haystay, loo haystay, loo
meelaystay in ay Dembiga dhisaan, xataa haddii aan xukun ciqaab ah lagu
dhawaaqin.
3. Tilmaamaha faqrada 1 iyo (a) laguma dabaqayo marka alaabtaas uu iska leeyahay qof
aan ka qayb qaadan Dembiga.
4. Tilmaamaha faqrada 2 (a), laguma dabaqayo marka alaabta uu leeyahay qof aan ka qayb
qaadan Dembiga; iyadoo samaynteeda, lahaansheheeda, xafidaadeeda ama fogaynteeda
ay ku timi ogolaanshaha maamulka awooda u leh.
63
BUUGA 2AAD
Dembiyadda
QAYBTA 1
DEMBIYADDA LAGA GALO SHAKHSIGADA QARANKA SOOMAALIDDA
CUTUB I
DEMBIYADA LAGA GALO, QARANKA SOOMAALIDA OO AH SHAKHSIGAD CAALAMI
AH
Qodobka 184
Isku dayga ku lidka ah wadajirka, madaxbanaanida iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed (Khiyaamo Qaran)
Qof kasta gala fal si toos ah ugu bandhiga Dalka Qaranka ama qayb ka mid ah, aayo ka talinta
qaran shisheeye ama in uu shiikhiyo madaxbanaanida ama kala furfuro midnimada qaranka,
waxaa lagu ciqaabayaa dil.
Qodobka 185
Muwaadinka qaata hub ku lid ah Qaranka Soomaaliyeed
1. Muwaadin qaata hub ku lid ah qaranka, ama ka shaqeeya ciidan qaran ay dagaal ku wada
jiraan qaranka Soomaaliyeed, waxaa lagu ciqaabayaa xabsi daayin. Marka uu hayo jago
taliye sare ama uu leeyahay door hogaamin, waxaa lagu ciqaabayaa dil.
2. Qofkasta oo wakhti colaadeed oo Dalka qaranka ee dal cadow ah, gala fal ay ku
khasabtay waajibaad ka dhashay shuruucda qarankaasi, ma mudanayo ciqaab.
3. Ujeedada xeerka ciqaabta, weedha “dal dagaal kula jira qaranka” waxaa ku jira urur
siyaasadeed oo in kastoo uusan u aqoonsanayn qaranka Soomaaliyeed qaran loola
macaamilo kuwo ka horjeeda.
64
Qodobka 186
Sir doonka lala shaqeeyo dal shisheeye ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed
1. Qofkasta u qabta hawl sirdoon dal shisheeye oo dagaal kula jira qaranka Soomaaliyeed
ama dad cadaawe ku ah qaranka ama gala falal ujeedadaas leh, waxaa lagu ciqaabayaa
xarig aan ka yarayn toban sano.
2. Marka dagaalku yimaado waxaa la saarayaa ciqaab dil ah, marka colaadu faaftona waxaa
la saarayaa ciqaab xabsi daayin ah.
Qodobka 187
Falalka cadownimo ee ku lidka ah qaran shisheeye oo u bandhiga qaranka Soomaalida khatar dagaal
1. Qofkasta oo ogolaansho la’aanta dawladda, sameeya ciidamayn ama gala falal kale oo
cadowtinimo oo ku lid ah qaran shisheeye si uu qaranka Soomaaliyeed ugu bandhigo
khatar dagaal, waxaa lagu ciqaabi doonaa xabsi shan sano ilaa laba iyo toban sanno,
haddii dagaal dhashana waxaa ciqaabtu noqonaysaa xabsi daayin.
2. Haddii falkaa colaadeed uu noqdo mid keenaya oo keliya xumaynta xiriir dawlad
shisheeye, ama qaranka Soomaaliyeed iyo muwaadiniintiisa u bandhigo meel kasta oo ay
degan yihiin khatar aargoosi, ciqaabtu waxay noqonaysaa xabsi laba ilaa sideed sanno
ah. Marka ay dhasho kala goosiga xiriirka diplomaasi, ama aargoosi dhaco, ciqaabtu
waxay noqonaysaa xabsi saddex ilaa toban sanno ah.
3. Dembiga sare ku xusan, waxaa lagu ciqaabayaa codsiga Wasiirka cadaalada iyo
garsoorka.
Qodobka 188
Sirdoon lala yeesho ajanebi ujeedo si qaranka Soomaaliyeed uu u noqdo dhexdhexaad ama dagaal u galo
Cidkasta oo ajanabiga ula xiriirta shaqo sirdoon ah oo ku wajahan in ay qaranka
Soomaalida dagaal galiyaan amase dhexdhexaad ka dhigaan, waxa lagu ciqaabayaa xarig
shan sanno ilaa shan iyo toban sanno.
65
Qodobka 189
Muwaadinka musuqmaasuq la gala shisheeye
1. Muwaadinka xataa si dadban u qaato ama uga hela shisheeye balanqaad ama
lacag ama faa’iido kale oo naftiisa ah, ama dad kale, oo aqbala ballanqaad
noocaas ah oo loola jeedo fulin fal lid ku ah danaha qaranka, waxaa lagu
ciqaabayaa haddaan falku dhalin Dembi ka culays badan, xarig saddex sanno ilaa
toban sanno ah iyo ganaax 5,000 So.Sh. ilaa 10,000 So.Sh. ah.
2. Shisheeyaha bixiya ama ballan-qaada lacagta ama faa’iidada kale, wuxu
mudanayaa ciqaab la mid ah.
3. Ciqaabta waa la kordhinayaa:
(a) Marka falka la galo waqti dagaal
(b) Marka lacagta ama faa’iidada la bixiyay ama la ballanqaaday ujeedo
dacaayadeed oo loo adeegsanayo warbaahin qoraal ah.
Qodobka 190
U danaynta cadowga wakhtiga dagaalka Qofkasta oo wakhti dagaal u qabta hawl sirdoon shisheeye si uu ugu daneeyo hawlgalada
milateri ee cadowga, isagoo ku dhaawacaya qaranka Soomaaliyeed, ama hadii kale khatar ku
gelinaya hawlgallada milateri ee qaranka Soomaaliyeed, ama gala falal kale oo ku wajahan
ujeedadaas, waxaa lagu ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn toban sano; marka uu ujeedadiisa
gaadhona waxaa lagu ciqaabayaa dil.
Qodobka 191
Taakulo siin cadaw
1. Qofkasta oo wakhtiga dagaal, siiya xataa si dadban qaran kasta oo cadow ah taakulayn
ama alaabooyin kale oo loo istimcali karo waxyeelida qaranka Soomaalida waxaa lagu
ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn shan sanno.
2. Tilmaamaha qodobkan hore laguma dabaqayo ajinebiga ku gala falkan dalka dibediisa.
66
Qodobka 192
Ka qayb qaadashada siin maal loogu danaynayo cadaw
1. Qof kasta oo wakhtiga dagaalka ka qayb qaata bixin maal ama lacag, isagoo ugu
danaynaya dawlad cadaw cadaw ah ama fududayn u sameeya hawlgal, arrinkaa ku
saabsan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn 5 sanno.
3. Tilmaamaha qodobkan hore laguma dabaqayo ajinebiga ku gala falkan dalka dibediisa.
Qodobka 193
La ganacsiga cadow Muwaadinka ama shisheeyaha ku nool Dalka qaranka oo wakhtiga dagaalka marka laga reebo
xaaladaha ku xusan Qodobka 191, la ganacsadda xataa si dadban qaran cadow ah, si kasta oo ay
ahaato la noolaan kara qof kasta oo ku nool Dalka dawlad cadaw ah, waxaa lagu ciqaabayaa
xarig laba iyo toban sanno iyo ganaax u dhigma shan laab qiimihii badeecadda iyo xaalad kasta
aan ka ayrayn 10,000 oo Somali shilin.
Qodobka 194
Ku guuldaraysiga fulin qandaraasyo taakulayn wakhtiga dagaalka
1. Qofkasta oo wakhtiga dagaalka aan fulin dhamaan ama qayb ahaan, waajibaad ka
dhashay qandaraas inuu keeno badeeco ama shaqo uu la galay qaranka ama hay’ad
dawladeed ama shirkad gudanaysa shaqo dadweyne ama adeegyo dadweyne oo baahi
guud oo ay u bahan yihiin ciidamada qalabka sida ama dadweynaha, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig saddex ilaa toban sano iyo ganaax u dhigma saddex laab qiimaha
alaabta ama shaqadda ay ahayd in la keeno ama la qabto, iyo xaalad kasta aan ka yarayn
10,000 So Sh.
2. Marka gudasha la’aanta dhammaan ama qayb ahaan ay ku timaado kama’a, ciqaabta
waxaa la dhimayaa ilaa kala badh.
3. Tilmaamaha hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa sii-qadaraasaha, dilaaliinta iyo wakiilada
qaybiyayaasha, markasta oo jebinta waajibaadkooda qandaraas ay ku sababaan gudasha
la’aanta qadaraaska taakulaynta.
67
Qodobka 195
Khiyaamaynta taakulaad keenida waqtiga dagaalka
Qofkasta oo wakhti dagaal, khiyaamo ka gala fulinta qandaraas alaabooyin taakulayn ama
fulinaya waajibaadka qandaraasyada kale ee ku xusan Qodobka aynu soo dhaafnay, waxa lagu
ciqaabayaa xarig aan ka yarayn toban sanno iyo ganaax u dhiganta shan laab qiimaha alaabta
ama shaqada ee ay ahayd in la keeno ama la qabto si kastana aan ka yarayn 20,000 shillin.
Qodobka 196
Burburinta ama lug jiidka shaqooyinka ciidanka
1. Qofkasta oo burburiya ama ku sameeya kharbudaad shaqo hakin ah, dhamaan ama qayb
ahaan, xataa si ku meel gaara, maraakiib dayuurado, tareeno, wadooyinka, hawl hagaajin
ama rakibid qalab ah ama bakhaaro ama hawlo kale oo milateri ama shaqooyin la xiriira
ciidamada qalabka sida ee qaran, waxa lagu ciqaabayaa xarig aaan ka yarayn sideed
sanno.
2. Ciqaabta dilka ayaa lagu qaadayaa:
a) Marka falku lagu galo danaha qaran dagaalka ku la jira qaranka Soomaaliyeed
b) Marka falku si culus u saameeyay ama wax u yeelay diyaargarawga iyo kartida
dagaal ee qaranka ama hawlgalkiisa milateri.
Qodobka 197
U fududayn kama‟a ah
Marka fulinta Dembiyada ku xusan qodobada hore laga dhigo suuragal ama loo fududeeyo si
kama’a qofka gacanta ku haya ama xafidaya ama kormeerkeeda leh alaabta halkaa lagu sheegay
qofkaa waxaa lagu ciqaabayaa hal ilaa shan sanno.
Qodobka 198
Qarsashada, been abuurka iyo xadida dhukumenti waraaqo ah oo khuseeya ammaanka qaranka Soomaaliyeed
1. Qofkasta oo dhamaan ahaan ama qayb ahaan qariya, burburiya, been abuura, xada ama
xayirta, leexiya xataa si ku meel gaadh ah, waraaqo iyo dhukumantiyo ku saabsan
ammaanka qaranka ama arrimo kale oo siyaasada gudaha ama danaha caalamiga ah ee
qaranku leeyahay, waxa lagu ciqaabayaan xarig aan ka yarayn sideed sanno.
68
2. Ciqaabta dilka, waxa lagu qaadayaa marka falku si khatara u saameeyay diyaargarowga
iyo kartida qaranka ee dagaalka ama hawlgalada ciidamada.
Qodobka 199
Fidinta warka ku saabsan nabadgalyada qaranka
1. Cid kastoo hesha warka danta u ah nabadgalyada qaranka ama siyaasada, iyo danaha
gudaha ama caalamiga ah ee qaranka oo ahayd inay sir ahaato waxa lalgu ciqaabayaa
sadex sanno ilaa toban sanno.
2. Ciqaabta dilka ayaa la saarayaa marka uu falku si xun u saameeyo diyaargarowga iyo
kartida qaranka ee dagaalka iyo hawlgallada milateri.
3. Ujeedada timaamaha qaybtan, warka loogu talogalay in uu sir ahaado danaha
siyaasadeed ee qaranka, waxaa ku jiraya, wararka ku qoran waraaqaha xukuumada ee
aan la daabicin sababo la xiriira dabeecada siyaasada gudaha iyo tan caalamiga ah ee
qaranka.
Qodobka 200
Basaasnimada siyaasadeed ama milateri
1. Qofkasta oo daboolka ka qaada, ujeedo basaasnimo siyaasadeed ama milateri, war, danta
nabadgelyada qaranka ama danaha siyaasadeed ee gudaha ama caalamiga ee qaranka
looga dhigay in uu sir ahaado, waxa lagu ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn shan iyo toban
sano.
2. Ciqaabta dilka ayaa la saarayaa marka:
(a) Falka loo galay danaha qaran dagaal kula jira qaranka Soomaaliyeed.
(b) Halka falku si aad u culus u waxyeeleeyay diyaargarawga ama kartida dagaal ee
qaranka ama hawgalkiisa milateri.
Qodobka 201
Basaasnimo khusaysa warar aan faafintooda la ogolayn
1. Qofkasta oo ujeedo dano basaasnimo siyaasadeed ama milateri u hela warar hay’adii
awooda u lahayd reebtay faafintooda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn toban
sanno.
2. Ciqaab xabsi daayin ah ayaa la saarayaa marka falka loo galay danaha qaran dagaal kula
jira qaranka Soomaaliyeed.
69
3. Ciqaabta dilka ayaa lagu qaadayaa marka si aad u culus falku u waxyeeleeyay
diyaargarawga iyo kartida dagaal ee qaranka ama hawlgalkiisa milateri.
Qodobka 202
U fududayn kama‟a ah
1. Marka fulinta mid kasta oo ka mida Dembiyada ku xusan qodobada 198, 199, 200 iyo
201 laga dhigo suuragal ama uu si kama’a ah u fududeeyo qofka gacanta ku hayay
waraaqaha ama dhokumentiga hayay warka, waxaa qofkaa lagu ciqaabayaa xarig hal
sanno ilaa shan sanno ah.
2. Xarig saddex ilaa shan iyo toban sano ayaa la saarayaa marka si aad u culus falku u
waxyeeleeyay diyaargarawga iyo kartida dagaal ee qaranka ama hawlgalkiisa milateri.
3. Ciqaab la mid ah ayaa saarayaa marka fulinta falka aynu soo sheegnay suuragal laga
dhigo, ama uu fududeeyo si kama’a qofka haya ama kormeerideeda leh goobahaa ha
ahaato dhulka, biyaha ama cirka, taas oo ay mamnuuc tahay in la galo danta milateriga
qaranka awgeed.
Qodobka 203
Dhuumasho ku kelida aagaga milateri iyo haysashada cudurdaar la‟aan ee qalab basaasnimo
1. Qof kasta oo:
a) Tuugo ama khiyaamo ku gala goobaha, dhul, biyo, cir, laga dhigay mamnuuc
gelidooda danta milateri ee qaranka awgeed.
b) Meelaha aynu soo sheegnay ama kuwa u dhow, oo si kaddis ah loogu arko isagoo
ku haysta cudurdaar la’aan qalab basaasnimo oo ay suuragal tahay in lagu galo
mid ka mid ah Dembiyada ku xusan qodobada 199,200 iyo 201.
c) Marka kedis loogu arko cudurdaar la’aan dhokumenti ama dariiq kale oo ku
haboon in lagu gudbiyo wararka lagu xusay qodobka 199, waxaa lagu ciqaabayaa
hal ilaa shan sanno.
2. Marka falkasta oo ka mid ah kuwa lagu sheegay xarfaha hore la galo waqtiga dagaalka,
ciqaabta la saarayaa waxay noqonaysaa sadex sanno ilaa toban sanno.
70
Qodobka 204
Faafinta sirta qaranka
1. Qof kasta oo faafiya war leh dabeecad sireed ee ku cad qodobka 199, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sanno.
2. Haddii falka la galay wakhti dagaal, ama si xun u sameeyay diyaargarawga iyo kartida
dagaal ee qaranka, ama hawlgalkiisa ciidan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn
toban sanno.
3. Haddii Dembi faluhu falka u galay arrimo basaasnimo siyaasadeed ama ciidan, xabsi
daayin ayaa la saarayaa xaaladda ku cad faqrada koowaad ee qodobkan; iyo ciqaab dil ah
faqrada labaad.
4. Ciqaabaha ku muujisan timaamaha hore, waxaa sidoo kale lagu qaadaya qofka helay
warka.
5. Haddii falka lagu galay si kama’a ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig lix bilood ilaa
laba sanno, xaaladaha faqrada koowaad ee qodobkan, ama saddex ilaa shan iyo toban
sanno xaaladdaha ku cad faqrada labaad.
Qodobka 205
Dabool ka qaadida war la mamnuucay fidintiisa
1. Qofkasta oo daboolka ka qaada war maamulka awooda u leh uu mamnuucay fidintiisa,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig muddo aan ka yarayn sadex sano.
2. Haddii falka la galo wakhti dagaal ama si culus uu u waxyeeleeyo diyaargarowga ama
awooda qaranka ee dagaal ama hawlgallada milateri, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig
muddo aan ka yarayn toban sano.
3. Marka Dembi faluhu fal u galo ujeedooyin siyaasadeed ama kuwo basaasnimo milateri,
ciqaabtu waxay noqonaysaa, muddo aan ka yarayn 15 sano, xaaladaha ku xusan faqradda
1aad ee qodobkan iyo ciqaabta dilka xaaladaha ku xusan faqrada 2aad.
4. Ciqaabaha ku muujisan timaamaha hore, waxaa sidoo kale lagu qaadaya qofka helay
warka.
5. Haddii falka lagu galay si kama’a ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig lix bilood ilaa
laba sanno, xaaladaha faqrada koowaad ee qodobkan, ama saddex ilaa shan iyo toban
sanno xaaladdaha ku cad faqrada labaad.
71
Qodobka 206
Ka faa‟iidaysiga sirta qaranka
1. Sarkaalka guud ama qofka u xilsaaran hawl qaran oo naftiisa ama cid kale uga
faa’iideeya, hal abuur ama daahfur cilmiyeed ama hal abuur wershedeed, kaas oo
uu ku ogaaday sabab xafiiskiisa la xiriira ama xilkiisa oo loogu talagalay in ay sir
ahaato, danta nabadgalyada qaranka awgeed, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka
ayrayn shan sano iyo ganaax aan ka yarayn 10,000 oo shillin Somali ah.
2. Marka falka loo galo danta qaran dagaalka kula jira qaranka Soomaaliyeed, ee ay
si halis ah u waxyeelayso diyaargarowga iyo kartida qaranka ee dagaalka, ama
hawlgalada milateri, Dembi falaha waxaa lagu ciqaabayaa ciqaab dil ah.
Qodobka 207
Daacad la‟aanta maamulida arrimaha qaranka Qofkasta oo qaranka Soomaaliyeed u xilsaaro maamulida arrimo qaran oo dibeda ah oo
khiyaameeya aaminidii, waxaa lagu ciqaabayaa xarig muddo aan ka yarayn shan sanno, marka
falkaasi uu aad u xumeeyay danta qaran.
Qodobka 208
Jebin siyaasadeed
1. Qofkasta oo wakhti dagaal fidiya ama xiriiriya been, buunbuuniya ama fidiya marin
habaabin ama war, kaas oo abuuri kara argagax shacbi ama niyad jab, ama haddii kale
yaraynaya adkaysiga ummadda ee cadowga, ama wax kasta oo kale sameeya wax
dhaawacaya danta ummadda waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sanno
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig aan ka yarayn shan iyo toban sanno:
a) Marka falka lagu galay hab dacaayadeed ama is gaadhsiin lagu hagaajinayay
askarta.
b) Marka falka la galay yahay natiijo sirdoon cadaw.
Qodobka 209
Dhiiri gelinta askarta ee amar diidada sharciga
1. Qofkasta oo ku dhiirigeliya ciidanka in ay sharciga diidaan ama ay jebiyaan dhaarta ama
waajibaadka anshax ciidan ama waajibaadkooda kale ee la xiriira xaaladooda ciidan, ama
72
askarta horteeda dhiirigeliya fal sharciga ku lid ah, dhaarta, anshaxa ama waajibaadka
kale ee ciidan, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku uusan ka dhalan Dembi aad u culisi
xarig hal ilaa sadex sanno.
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa shan sanno ah, marka falka lagu galo meel
fagaare ah.
3. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falku dhaco wakhti dagaal.
4. Ujeedada Xeerka Ciqaabta, waxaa loo tixgelinayaa Dembiga fagaare lagu galay marka
falka lagu galo:
a) Hab saxaafadeed, ama siyaabo kale oo dacayaad ah.
b) Goob fagaare ah ama goob u furan dadweynaha ama in ka badan hal qof.
c) Shir, marka dabeecada goobta lagu qabtay ama tirada dadka ama ujeedada ama
hadafka u muuqda shir aan gaar ahayn.
Qodobka 210
Curyaaminta dhaqaale
1. Qofkasta oo wakhti dagaal adeegsada si toos ah in uu hoos u dhigo heerka sarifka, ama
saameeya suuqa badeecadaha iyo saamiyada ama gaarka ah si loo liiciyo caabbiga
ummadda ee cadowga, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sanno iyo
ganaax aan ka yarayn 10,000 oo Sh. Somali ah.
2. Marka Dembigu yahay natiijo sirdoon ajinebi, ciqaabtu kama yaraanayso toban sanno
iyo Shan iyo toban sano marka Dembiga la galay uu yahay natiijo sirdoon cadow.
Qodobka 211
Dembiyada lidka ku ah dawlad is bahaysi ah Ciqaabaha ku xusan Qodobka 190 iyo qodobadda ka dambeeya, waxaa lagu dabaqayaa oo kale
marka Dembiyadaas laga galo iyadoo lagu xumaynayo dawlad ajinebi ah oo is bahaysi la ah ama
ay iska kaashanayaan dawlada Soomaaliyeed ujeedooyinka dagaal.
Qodobka 212
Hawlo qaranka lid ku ah oo muwaadin ka sameeyo dibeda Muwaadinka dalka dibediisa, la wareega, gaadhsiiya dadka, ku tidhi ku teen ama warar been ah,
la buunbuuniyay ama marinhabaabin ah, kuwaas oo ku saabsan xaalada gudaha ee dalka, si uu u
73
laciifiyo sumcada qaranka ee dibeda ama si uun hababkaas ugu dhaqma, si uu u waxyeeleeyo
danaha qaranka, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sano.
Qodobka 213
Ururo minjo xaabin
1. Qofkasta oo ku nool ga’yiga qaranka ee kiciya, dhisa, abaabula ama u hogaamiya ururo
ujeedooyinkaas, si uu xoog ugu unko kelitalisnimo dabaqad bulshada ka mid ah ugu
taliyaan kuwa kale ama inay xoog waxyeello uga gaysataan dhaqaalaha iyo nidaamka
bulsho ee qaranka, waxaa lagu ciqaabayaa xarig shan ilaa laba iyo toban sanno ah.
2. Qofkasta oo ku nool ga’yiga qaranka ee kiciya, dhisa, abaabula ama u hogaamiya urur
ujeedadiisu tahay in uu xoog ku qabsado hay’adaha siyaasadeed iyo sharci, wuxuu
mudanayaa ciqaabtaas oo kale.
3. Qofkasta oo ka qayb qaata ururadda ku xusan faqradaha aynu soo dhaafanay, waxaa lagu
qaadayaa xarig hal sanno ilaa sadex sanno ah.
4. Ciqaabta waa la kordhinayaa, xaalada qofku dib u dhiso, xataa magac ama qaab been ah,
ururada aynu soo sheegnay ee baabi’intooda la amray.
Qodobka 214
Ururada Qaran dumiska ah
1. Qofkasta marka laga reebo kuwa qodobka hore, dalka gudihiisa, kiciya, dhisa ama
jiheeya ururo looga jeedo in lagu hanto hawlo ku wajahan lidka midnimada qaranka,
waxaa lagu ciqaabayaa hal ilaa sadex sanno.
2. Qofkasta oo ka qayb galay ururada ku xusan faqrada aynu soo dhaafnay waxa lagu
ciqaabayaa xariga lix bilood ilaa laba sano ah.
3. Ciqaabta waa la kordhinayaa, xaalada qofku uu dib u dhiso, xataa magac ama qaab been
ah mid ka mid ah ururada kor lagu xusay oo la amray baabi’intooda.
Qodobka 215
Kacdoonka iyo Dacaayada qaran dumiska ah
1. Qofkasta oo gayiga qaranka gudihiisa, sameeya dacaayad danteedu in lagu meeleeyo
xoog kelitalisnimo dabaqad bulsho ka qabsanayso kuwa kale ama ay ku kacayaan
dabaqad bulsho ama danteedu tahay in lagu kaco si xoog ah nidaamka dhaqaale ama
bulsho ee qaranka ama lagu samaynayo dacaayad lagu burburinayo hay’adaha
74
siyaasadeed iyo sharci ee qaranka, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa shan
sanno.
2. Haddii dacaayada loo sameeyo si loo baabi’iyo ama loo burburiyo deganaanta
qaranka, ciqaabtu waxay noqonaysaa Lix bilood ilaa laba sano.
3. Qofkasta oo amra falalka aynu ku xusanay faqradda hore isna wuxuu hoos imanayaa
ciqaab la mid ah.
Qodabka 216
Aqbalaad abaalmarin ama faa„iidooyin dal cadaw ah
Muwaadinka ka aqbala dawlad dagaal kula jirta dawlada Soomaaliyeed, shahaado
waxbarasho, abaal marin sharafeed, ama abaalmarin kale oo guud ama hawlgab ama faa’iido
kale oo ku lifaaqan shahaadooyinkaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.
CUTUB II
DEMBIYADA LAGA GALO QARANKA SOOMAALIDA SHAKHSIGADEEDA GUDAHA
Qodobka 217
Iskuday lidku ah nidaamka dastuuriga ah
Qof kasta oo gala fal ujeedadiisu tahay bedelaada dastuurka iyo qaabka dawladeed hab
uusan dastuurku fasaxin, waxa lagu ciqaabayaa xabsi daayin.
Qodobka 218
Isku dayga lidka ku ah xubnaha dastuuriga ah
1. Qof kasta oo isku daya inuu dilo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda (70 Const)
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaaha ama Gudoomiyaha Maxkamadda
Sare, marka Maxakamada Sare tahay Maxakamada Dastuuriga ah ama Maxakamada
Sare ee Cadaalada, waxaa lagu ciqaabayaa, marka uusan ka dhalan falka Dembi aad
uga culus xabsi daayin. 2. Qofkasta oo waxyeeleeya ammaanka ama xorriyada shakhsi ee Shakhsigaadka lagu
sheegay faqrada hore, waxaa lagu ciqaabayaa marka falka uusan ka dhalan Dembi
aad uga culus xariga shan sanno ilaa shan iyo toban sanno.
3. Qofkasta oo gala fal si toos ah uga horjoogsanaya hawlahooda dastuurka ama
sharcigu u xilsaaray M/waynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, xukuumadda ama
75
Maxakamada Sare oo u dhisan sidii Maxakamad Dastuuri ah ama Maxakamada Sare
ee Cadaaladda, waxaa lagu ciqaabayaa marka falka uusan ka iman Dembi aad uga
culus xarig aan ka yarayn toban sanno.
Qodobka 219
Cambaaraynta Ummadda ama Qaranka
1. Qofkasta oo goob fagaare ah ku ceebeeya ummadda Soomaalida ama qaranka ama
calanka wadanka ama astaanka ama xubnaha dastuuriga ah ama ciidamada qalabka sida
ee qaranka waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falka ku xusan faqradda hore uu galo muwaadin ama
ajinebi dal shisheeye gudihii.
Qodobka 220
Ceebaynta sharafta iyo sumcada Madaxa Qaranka
Qofkasta, oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobadda hore, fagaare ka ceebeeya
sharafta iyo karaamada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama saara canaanteeda ama
ma’suuliyadeeda falalka dawladda (76 Const), waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa
sadex sanno ah.
Qodobka 221
Kacdoon hubaysan oo ka horjeeda awooda qaranka
1. Qofkasta oo kiciya kacdoon hubaysan oo ka horjeeda awooda qaranka, waxaa lagu
ciqaabayaa, xabsi daayin, marka kacdoonka hubaysani dhaco waxaa lagu ciqaabayaa Dil.
2. Qofka ka qaybgala kacdoon hubaysan ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig sadex sanno ilaa
shan iyo toban sanno.
3. Kacdoonka waxaa loo qaadanayaa in uu hubaysan yahay xataa marka hubka lagu
qarsaday ama la soo dhigtay meel.
Qodobka 222
Burburin dhac iyo xasuuq
Qofkasta oo ujeedo isku day ku lid ah nabadgelyadda qranka gala falal uu si toos ah ugu
qaadayo burburin hantiyeed, dhac ama xasuuq Dalka qaranka gudihiisa ama qayb ka mid ah,
waxaa lagu ciqaabayaa Dil.
76
Qodobka 223
Dagaal sokeeye
Qofkasta oo sameeya fal ku wajahan inuu ka kiciyo dhulka qaranka dagaal sokeeye, waxaa
lagu ciqaabayaa xabsi daayin, marka dagaal sokeeyo dhaco ciqaabtu waxay noqonaysaa Dil.
Qodobka 224
Maroorsiga awooda siyaasadda iyo hogaaminta milateriga
1. Qofkasta oo maroorsada awooda siyaasadda ama adkaysta isagoo adeegsanaya
sharcidarro, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix sanno ilaa shan iyo toban sanno ah.
2. Qofkasta oo si sharcidarro ah ula wareega hogaamin sare ee milateri, waxaa la
saarayaa ciqaabtaas oo kale.
3. Marka falka la galo wakhti dagaal, Dembi falaha waxaa lagu ciqaabayaa xabsi
daayin, ciqaabta dilka waxaa la saarayaa marka falku si wayn u dhaawaco
maxsuulka hawlgallada milateri.
Qodobka 225
Diiwaan gelin aan la ogolayn ama hubayn u adeegaysa dal shisheeye
Qofkasta, oo gayiga qaranka gudihiisa, isagoo aan ogolaansho ka haysan xukuumadda
diiwaangeliya ama hubeeya muwaadiniin, isagoo u adeegaya dal shisheeye ama u
danaynaya, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex sanno ilaa lix sanno.
CUTUB III
DEMBIYADA KU LIDKA AH XAQA SIYAASADEED EE MUWAADINTIINTA
SOOMAALIDDA
Qodobka 226
Isku dayga ku lidka ah xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka
Qofkasta oo xoog ama tahdiid ama khiyaamo isku hortaaga dhamaan ahaan ama qayb ahaan
adeegsiga xaquuqdiisa siyaasadeed ama qof kale ku cadaadiya inuu u adeegsado hab ka soo
horjeeda rabitaankiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah.
77
CUTUB IV
DEMBIYADDA KU LIDKA AH QARAMO SHISHEEYE, MADAXDOODA IYO
WAKIILADOODA
Qodobka 227
Isku day lidka ah madaxda iyo wakiiladda wadamadda shisheeye
1. Qofkasta oo ga’yiga qaranka gudihiisa, isku daya inuu dilo madax dal shisheeye, waxaa
lagu ciqaabayaa, marka falku uusan keenin Dembi aad uga culus xarig muddo aan ka
yarayn labaatan sanno, marka Dembi faluhu isku dayo inuu dhaawaco ammaanka ama
xorriyadda shakhsiga ah ee madaxweyne dal shisheeye, ciqaabtu waxay noqonaysaa
xarig sadex sanno ilaa toban sanno ah.
2. Tilmaamaha faqradda hore, waxaa lagu dabaqayaa marka falka laga galay wakiiladda
wadamada shisheeye ee ay ogolaatay dawladda jamhuuriyadda Soomaalidu (75 Const)
inay yihiin madax dipmomaasiyiin ah oo fulinaya shaqadooda.
Qodobka 228
Ku keenida khatar calan ama astaan dal shisheeye
Qof kasta oo gayiga qaranka gudihiisa meel fagaare ah ama meel u furan dadweynaha, ku
cambaareeya calanka ama astaanta dawlad dal shisheeye, oo si waafaqsan sharciga gudaha
ee qaranka Soomaalida oo loo isticmaalo calan ama astaan rasmi ah, waxaa lagu ciqaabayaa
xarig ilaa laba sanno ah.
Qodobka 229
Xaalada isku mid ahaanshaha
Tilmaaha labadan qodod ee hore waxaa la dabaqayaa oo keliya, marka si la mid ah
quusanunka dalka shisheeye uu ilaalintaas u dammaanad qaadayo madaxa qaranka
Soomaaliyeed iyo calanka.
78
CUTUB V
TILMAAMO GUUD OO LA XIRIIRA QODOBADA CUTUBKA HORE
Qodobka 230
Ku dhiirigelinta gelitaanka Dembiyada ku xusan cutubka I & II
1. Qofkasta oo ku dhiirigeliya qof inuu galo mid ka mid ah Dembiyada, ku xusan
cutubyada kowaad iyo labaaad ee qaybtan oo aan ahayn kam’a, kuwaas oo sharcigu u
dhigay ciqaab dil ah ama xabsi daayin ama ciqaab xarig, waxaa lagu ciqaabayaa,
haddii aan dhiirigelinta la qaadan ama haddii la qaato balse Dembi uusan dhicin xarig
ilaa sideed sanno ah. 2. Ciqaabta la dabaqayaa xaalad kasta, waa in ay ka yar tahay, kala badh, ciqaabta
xeerku u dhigay Dembiga la dhiirigeliyay.
Qodobka 231
Dhiirigelin iyo ku boorin Dembi oo fagaare ah
1. Qofkasta oo goob faraage ah, ka dhiirigeliya gelitaanka Dembiyada ku xusan
qodobada hore, waxaa lagu ciqaabayaa falkaa dhiirigelinta ah oo keliya xarig
sadex sanno ilaa laba iyo toban sanno.
2. Ciqaabtaas oo kale ayaa lagu dabaqayaa qofkasta oo fagaare ka booriya
gelitaanka Dembiyada lagu sheegay qodobada hore.
Qodobka 232
Ku heshiin mu‟aamarad siyaasadeed
1. Marka laba qof iyo in ka badan ku heshiiyaan in ay galaan Dembiga ku xusan qodobka
230, qofkasta oo heshiiskaa ka mid noqday waxaa lagu ciqaabayaa, haddii aan Dembiga
la gelin xarig hal ilaa lix sanno ah.
2. Ciqaabta la dabaqayaa markasta waa in ay ka yar tahay kala badhka ciqaabta sharcigu u
dhigay Dembiga la sheegay.
79
Qodobka 233
Urur mu‟aamarad siyaasadeed
1. Marka sadex qof iyo in ka badan u ururaan ujeedo gelitaanka Dembiga ku xusan
qodobka 230, kuwa kiciyay, dhisay, abaabulay ama jiheeyay ururkaa, waxaa lagu
ciqaabayaa falkaas oo keliya xarig shan sanno ilaa laba iyo toban sanno ah.
2. Falka ka qayb galka ururka oo keliya, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa
sideed sanno ah.
3. Ciqaabtu waa kordhaysaa haddii ururka looga dan leeyahay gelitaanka laba ama ka
badan Dembiyada kor ku xusan.
Qodobka 234
Samaynta iyo ka qayb qaasahada koox hubaysan
1. Marka ujeedo gelitaanka Dembiyada ku xusan qodobka 230, loo sameeyo koox
hubaysan, kuwa kiciyay, dhisay, abaabulay ama jiheeyay, waxaa lagu ciqaabayaa,
falkaa oo keliya xarig shan ilaa shan iyo toban sanno ah.
2. Ka qayb qaadashada kooxda hubaysan oo keliya ciqaqabtu waxay noqonaysaa sadex
ilaa sagaal sanno.
Qodobka 235
Mu‟aamarad: ciqaab ka reebid
1. Xaaladaha ku xusan Qodobka 232 iyo 233, ciqaab lama saarayo kuwa ka hor gelitaanka
Dembiga heshiiska loo galay oo kooxda hubaysan loo dhisay iyo ka hor xidhista ama
bilawga dhegaysiga dacwada ciqaabta ah:
a) Kala dira ama si uun u keena baaba’a ururka
b) Ka aan ahayn kiciyaha ama abaabulaha ee ka noqda heshiiskii gelitaanka
Dembiga ama ururka la dhisay.
80
Qodobka 236 Koox hubaysan: Ka reebis ciqaab
1. Xaaladaha ku xusan Qodobka 234, ciqaab lama saarayo kuwa ka hor gelista Dembiyada
loo sameeyay kooxda hubaysan iyo ka hor amarka madaxda ama booliska ama wax yar
ka dib raacista amaradaas:
(a) Baabi’ya ama si kasta oo kale uu keena kala dirista kooxda hubaysan;
(b) Isagoo aan ahayn kiciyaha, hogaamiyaha kooxda hubaysan ama is
dhiiba, iyagoo aan xoog la iman, wareejiya ama dhiiba hubkiisa.
2. Sidoo kale wax ciqaab ah la saarimaayo, qofka si uun uga hortaga gelitaanka Dembiga
loo dhisay kooxda hubaysan.
Qodobka 237
Wakhtiga dagaalka
Ujeedooyinka Xeerka Ciqaabta, weedha “wakhtiga dagaal” waxaa ku jira,muddada khatarta
dhow ee dagaal, marka dagaal ka dambeeyo.
Qodobka 238
Duruufaha fududaynta falalka muhimada yar
Ciqaabta Dembiyada lagu sheegay qaybtan waa la dhimayaa, halka sababta dabeecada,
nooca, habka, hab dhaqanka ama duruufaha falka ama sabab fududaanta dhaawaca ama
waxyeelada ama khatarta dhibanaha ay muhimadeedu fududahay.
Qodobka 239
Eriga ajanabiga
Shisheeye lagu xukumay xabsi Dembi ka mid ah kuwa ku xusan qaybtan waa laga eryayaa
dalka
81
QAYBTA II
DEMBIYADA LIDKA KU AH MAAMULKA GUUD
CUTUB I
DEMBIYADA SARAAKIISHU KA GALAAN MAAMULKA GUUD
Qodobka 240
Qeexid
Ujeeda xeerka ciqaabta:
a) “Sarkaal guud” waxaa loola jeedaa: “Qofkasta oo si joogto ah ama si waqtiyaysan oo mushar, gunno ama abaalgud ama tabaruc ama waajib saran dartii u gudanaya hawl guud oo xeer-dejineed, maamul ama garsoor ama danta qaranka ah ama hay’ad kale oo dawladeed
b) “Qofka u xilsaaran hawl guud” waxaa loola jeedaa: “Qofkasta oo aan ahayn sarkaalka guud ee lagu sheegay faqrada hore ee qodobkan oo si joogto ah ama si waqtiyaysan, isagoo mushahar ama gunno ama abaalgud qaadanaya ama gudanaya waajibaad saaraa uu qaranku ama hay’adihiisa dawladeed u xilsaareen gudashada hawl dan guud ah”
c) “Qof fulinaya hawl baahi guud” waxaa loola jeedaa: “Qofkasta oo rayida oo ku shaqaysanaya mihnad sharci ama caafimaad ama mihnadkasta oo kale oo ku shaqaysigeeda uu sharcigu ku xiray heer aqooneed oo cayiman ama gudanaya hawl la cadeeyay in baahi guud tahay”.
Qodobka 241
Xatooyo
1. Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee sabab xafiiskiisa ah ama
shaqadiisa ah ku haya ama kaga masuul ah lacag ama hanti guurto ah ama ma guurto ah
oo maamulka guud leeyahay oo ku tagri fala ama u leexiya si uu isagu dantiisa ugaga
faa’iidaysto ama uga faa’iideeyo qof sadexaad isagoo aan awood sharci u lahayn, waxaa
lagu ciqaabayaa xarig sadex sano ilaa toban sano ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000
So.Sh.
2. Qofka si kama danbays ah loogu helo Dembiga ku xusan faqrada hore, waxaa si joogto
ah looga reebayaa xilkasta oo xafiis maamul Dawladeed; balse marka si kasta ha ahaatee
duruuf Dembiga fududaysa awgeed la saaro Dembiilaha ciqaab ka yar sadex sano, ka
reebistu, waxay noqonaysaa mid waqtiyaysan.
82
Qodobka 242
Aamin daro lagu waxyeelayo qof rayid ah
1. Sarkaal dadweyne ama qof lagu aaminay xil dadweyne lunsada ama si uun u
leexsada lacag ama hanti kale oo ma guurto ah oo uusan maamulka dawladeed
lahayn, oo uu ku hayo sabab xafiiskiisa ah ama xilkiisa ah, isagoo uga faa’iidaynaya
naftiisa ama qof sadexaad, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex sanno ilaa sideed
sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. Sh.
2. Tilmaaha faqradda 2aad ee qodobka 241, ayaa lagu dabaqayaa Dembiga qodobkan.
Qodobka 243
Xatooyo faa‟iido lagaga qaadanayo khalad qof kale
Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee isaga oo fuliyana xilkiisa ama
shaqadiisa, faa’iido kagaga qaata qof kale si khalad ah, isagoo naftiisa u helaya ama
haysanaya ama cid kale, lacag ama faa’iido kale, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa
saddex sanno ah iyo ganaax 500 ilaa 1,000 shilin So. ah.
Qodobka 244
Baadid uu sameeyo Sarkaal guud
1. Sarkaalka guud ee isagoo ku xadgudbaya jagadiisa rasmiga ah ama xilalkiisa ku
qasba ama ku dirqiya qof uun in uu siiyo ama u balanqaado isaga ama qof sadexaad
lacag ama faa’iido kale, waxa lagu ciaaqbayaa xarig afar sanno ilaa laba iyo toban
sanno iyo ganaax aan ka yarayn 3,000 oo So. Shilin ah. 2. Tilmaamaha faqrada 2aad ee qodobka 241, ayaa lagu dabaqayaa Dembiga qodobkan.
Qodobka 245
Musuq maasuqa samaynta hawl rasmi ah
1. Sarkaal guud ee isagoo gudanaya hawl ku saabsan xafiiskiisa u qaata naftiisa ama cid
sadexaad qadar lacaga ama faa’iido kale, abaal gud ahaan oo uusan xaq u lahayn ama
ogolaada ballan qaad qadar lacaga ama faa’iido kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig
ilaa sadex sanno ah iyo ganaax 500 ilaa 10,000 So. shilin.
83
2. Marka sarkaalku ku helo abaal marin, hawl uu hore u qabtay oo xafiiskiisa ah waxay
ciqaabtu noqonaysaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax ilaa 3,000 So.Sh. ah
Qodobka 246
Musuq maasuqid samayn fal khilaafsan xilka xafiiska
1. Sarkaalka guud ee isagoo diidaya ama daahinaya in uu qabto falka xilka xafiiskiisa
ah ama samaynta fal khilaafsan xilka xafiiskiisa uga hela naftiisa ama cid sadexaad
qadar lacag ah ama faa’iido kale ama aqbala balanqaadkeeda, waxaa lagu ciqaabayaa
xarig laba ilaa shan sanno ah iyo ganaax 3,000 ilaa 20,000 kun Sh So ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falku keenayo:
(a) Bixinta shaqada dawlada, mushaharooyinka, hawlgabka ama abaal marinta
ama gunnooyinka heshiisyada la xiriira danta dawlada ee sarkaalku ka tirsan
yahay.
(b) U danaynta ama ku xadgudubka dhinac dacwad madani, ciqaabeed ama
maamul.
3. Marka falku keeno xukumida qofka ciqaab xabsi daayin ah ama xarig ah ciqaabtu
waxay noqonaysaa xarig lix ilaa labaatan sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 25,000
Sh.So. Marka falku sababo xukun dil ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xabsi daayin.
4. Marka sarkaalka guud uu qaato lacagta ama faa’iidada kale, si uu u sameeyo fal
khilaafan xilka xafiiskiisa ama diidida ama daahinta fal xilka xafiiskiisa ah, ciqaabtu
waxay noqonaysaa xarig hal ilaa sadex sano ah iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000
sh.so.ah.
Qodobka 247
Musuq maasuqa qofka loo xilsaaray hawl guud
1. Tilmaamaha qodobada 245 iyo 246 waxa lagu dabaqayaa marka falka uu galo qof loo
xilsaaray hawl guud.
2. Xaaladan ciqaabta waxaa la dhimayaa xad aan ka badnayn sadex dalool hal dalool.
Qodobka 248
Ciqaabta dadka bixiya ama balan qaada lacagta ama faa‟iidada
Ciqaabta ku xussan qodobada 245 iyo 246 iyo 247 waxa kaloo lagu qaadayaa qofka siiya
ama u balan qaada lacag ama faa’iidada sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawsha
guud.
84
Qodobka 249
Dhiirigelin musuq maasuq
1. Qofka u fidiya ama u balan qaada lacag ama faa’iido kale hadal ahaan oo uusan
yeelin sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawsha guud si uu ugu booriyo
samaynta hawl xilka xafiiskiisa ah, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan faqrada
hore ee qodobka 245, oo la dhimay sadex dalool hal, marka fidinta ama balanqaadka
aan la ogolaan. 2. Marka fidinta ama balanqaadka loo sameeyo si loogu booriyo sarkaalka guud ama
qofka u xilsaaran hawsha guud si uu u diido ama u daahiyo fal xilka xafiiska ah ama
in uu sameeyo fal khilaafsan xilka xafiiska, Dembi faluhu wuxuu mutaysanayaa
ciqaabta ku xusan faqrada kowaad ee qodobka 246, oo la dhimay sadex dalool hal
marka aan la aqbalin fidinta ama balanqaadka.
Qodobka 250
Ku xadgudub xafiis xaaladaha aan sharciga lagu cadayn
Sarkaalka guud ee ku xadgudba awoodaha ka dhashay xilka xafiiskiisa gala falka aan qodob
gaara oo qaanuuneed Dembi u aqoon, iyadoo ujeedadiisu tahay in uu dhib ku soo gaadhsiiyo
qof uun ama faa’iido kaga helo qof uun waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah iyo
ganaax 500 ilaa 10,000 So.Sh.ah.
Qodobka 251
Dan shakhsi ee hawl xafiis
Sarkaalka guud ee si toos ah ama isagoo u maraya dhexdhexaadiye ama fal khiyaamo ah, ka
qaata dan gaara hawl maamulka guud ee uu u shaqeeyaa leeyahay waxa lagu ciqaabayaa
xarig lix bilood ilaa shan sano ah iyo ganaax 1,000 ilaa 20,000 Sh.So ah.
Qodobka 252
Ka faa‟iidaysi hal abuur ama daahfur lagu ogaaday sabab xafiiska ah
Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee u adeegsada danihiisa ama danaha qof
sadexaad, hal abuur saynis ama daahfur cilmiyeed ama maado wershadeed oo uu ku ogaaday
ama ku helay sabab xafiiskiisa ah ama shaqadiisa, taasoo loogu talogalay in ay sir ahaato,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa shan sanno ah.
85
Qodobka 253
Dabool ka qaadida siraha rasmiga ah
Sarkaalka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud, kaas oo isagoo ku xad gudbaya waajibkiisa
xafiiskiisa ama shaqadiisa ama si uun ugu gefaya jagadiisa, daahfura war rasmi ah oo loogu
talogalay in ay sir ahaato ama si uun u fududeeya in daahfuro, waxaa lagu ciqaabayaa xarig
lix bilood ilaa sadex sanno ah; haddii fudaynta dabool ka qaadistu ahayd kama’a ciqaabtu
waxay noqonaysaa xarig ilaa hal sanno.
Qodobka 254
Kicin ku dheeldheelid iyo ceebayn hay‟adaha, sharciga iyo nidaamka maamul
Sarkaalka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud, kaasoo isagoo gudanaya waajibkiisa ku
dhaliya ku dheeldheelid hay’adaha dawliga ah ama khilaafid shuruucda ama nidaamka
dawliga ah ama waajibaadka ka dhashay xilkiisa ama shaqadiisa ku kaca fal khilaafsan
sharciga ama amarada maamulka ama waajibaadka la soo sheegay, waxaa lagu ciqaabayaa
marka falku uusan ahayn Dembi qodob kale oo qaanuuneed xarig ilaa hal sanno ah iyo
ganaax ilaa 2,000 Sh.So ah.
Qodobka 255
Dhaafista ama diidista qabasho hawlo rasmi ah
1. Sarkaalka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud ee si khaldan u diida ama dhaafa
ama u daahiya in uu qabto waajib xilkiisa ama shaqadiisa ka dhashay, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama ganaax ilaa 10,000 Sh.So ah. 2. Marka sarkaalka guud uu yahay Garsoore ama sarkaal xeer ilaalinta guud, waxaa loo
qaadanayaa in ay tahay dhaafid ama diidid ama daahin, marka ay jiraan shuruudaha
lagu oogi karo dacwad madani ah oo isaga lid ku ah.
Qodobka 256
Wadajir uga joogsashada xafiisyada dadwaynaha, shaqooyinka ama adeegyada
1. Marka sadex ama ka badan oo saraakiil guud ah ama u dad u xilsaaran hawl guud in
ka badan ama dad rayid ahi oo aan ahayn kuwo ka mid ah ama shaqo ku leh ururada
adeega guud ama adeega baahi guud ama shaqaalaha adeega guud ama adeegyada
baahi guud, ee wadajir uga joogsada shaqada ama adeegyada ama hawsha ama u
86
qabta waajibaadkooda hab ay ku khalkhal gelinayaan socodkeeda ama nidaamkeeda
caadiga ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.
2. Kuwa kiciyay, hogaamiyay ama abaabulay waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa
shan sanno.
3. Ciqaabtu way kordhaysaa marka falka:
(a) Uu ku sal leeyahay ujeedo siyaasadeed
(b) Uu sababo isu soo bax dadwayne, xasilooni daro ama mudaharaad
Qodobka 257
Hakinta adeeg dadweyne ama adeeg adeeg baahi guud
1. Marka qofka gudanaya hawl khusaysa adeeg guud ama adeeg baahi guud uu
carqaladeeyo ama hakiyo hawshii hay’adaas hab uu ku khalkhal gelinayo habsami u
socodka hawshaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa hal sanno iyo ganaax
aan ka yarayn 5,000 sh. Som.
2. Hogaamiyayaasha, kiciyayaasha iyo abaabulayaasha, waxaa lagu ciqaabayaa xarig
sadex ilaa todoba sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 10,000 Sh.So.
3. Faqrada ugu danbaysa ee qodobka hore ayaa lagu dabaqayaa Dembiga qodobkan.
Qodobka 258
Ku guuldaraysi fulin waajibaad xilli joojin shaqo guud ama hakin adeeg guud
Sarkaalka guud ama qofka u xilsaaran hawl guud ama adeeg baahi guud ee wakhtiga la
gelayo midkasta oo ka mid ah Dembiyada ku sheegan qodobada hore oo uusan ka qayb
qaadanayn ee diida ama ka joogsada dedaalkiisa socodsiinta hawsha uu u xilsaaraa ama in uu
sameeya waxyaabha lama huraanka u u ah socodsiinta hawsha ama adeega, waxaa lagu
ciqaabayaa ganaax ilaa 5,000 Sh.So. ah.
Qodobka 259
Ka tegid hawl xafiis guud, adeeg ama shaqo
1. Sarkaalka guud ama qof u xilsaaran hawl guud ama qof rayidka ah ee aan ka mid
ahayn ama aanay khusaynin qabashada adeeg guud ama adeeg baahi dadwayne ama
shaqaale ay khusayso qabashadda adeeg guud ama adeeg baahi dadwyane, ee iskaga
taga xafiiskiisa, adeega ama shaqada, iyadoo ujeedadiisu tahay inuu khalkhal geliyo
socodka iyo caadinimada adeegaa ama hawshaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix
87
bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 so. Sh ah.
2. Ciqaabtaas oo kale, waxaa lagu dabaqayaa qofkasta oo ujeedadaas isagoo aan ka
joogsan shaqadii xafiiska ama adeegii, u fuliya waajibaadkiisa si uu ku
carqaladaynayo socodka iyo caadinimadeeda. 3. Ciqaabtu waa kordhaysaa markay ka timaado waxyeelo guud ama gaar ahaaneed.
Qodobka 260
Xaaladaha aan ciqaabta lahayn
Qof kasa oo gala falalka ku xusan qodobadda 256,257,258, and 259, isagoo gudanaya xaqa
banaanbaxa habka uu u sheegay sharciga shaqadu, ciqaab ma mudanayo.
Qodobka 261 Qaadista ama waxyeelaynta hanti xayiraadi saaran tahay
1. Qofkasta oo ujeedadiisa keliyahi tahay inuu uga faa’iideeyo hantiile hantidiisii la
xayiray, ee iyadoo lagu aaminay ama ilaalinaya qaada ama qariya ama burburiya ama
khasaare u gaysta ama sababa in ay sii xumaato waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilooda
ilaa afar sanno iyo ganaax 500 ilaa 5,000 Sh.So. 2. Marka qaadistu, ama qarinta ama burburinta ama khasaarinta ama xumaynta uu sababo
hantiilaha alaabta la xayiray oo isagana lagu aaminay ciqaabtu waxay noqonaysaa sadex
bilood ilaa laba sanno iyo ganaax 300 ilaa 3,000 Sh.So ah.
3. Marka falka uu galo hantiiluha aan isaga loo dhiibin hantida xayiran ciqaabtu waxay
noqonaysaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax ilaa 3,000 Sh.So ah.
Qodobka 262
Ku xadgudubka kama‟a ah ee waajibaadka ka dhashay xafidaada hantida xayiraad la saaray
Qof kasta oo ay gacantiisa ku jirto hanti xayiraad la saaray oo si kama’a ah u sababa
burburkeda xumaanteeda, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood iyo ganaax ilaa 3,000
Sh.So. ah.
88
CUTUB II
DEMBIYADA LIDKA KU AH MAAMULKA GUUD
Qodobka 263
Xoog ku isticmaal ama tahdiid sarkaal guud
1. Qofkasta oo ku isticmaala xoog ama tahdiida sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl
guud si uu ugu qasbo inuu sameeyo fal lid ku ah waajibaadkiisa, ama inuu ka joojiyo
qabashada fal waajibaadkiisa xafiis ah, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa shan
sanno ah. 2. Marka falka loo galo si loogu qasbo mid ka mid ah dadka hore aynu u sheegnay inay
qabtaan fal ku saabsan xilka xafiiskiisa ama xilkiisa ama in lagu saameeyo dariiqo kale
ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.
Qodobka 264
Caabbiyid sarkaal guud
Qofkasta oo ku isticmaala xoog ama tahdiid sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud si
uu isaga hortaago waqti uu hawsha xilka xafiiskiisa ama shaqadiisa gudanayo ama is
hortaaga qofkasta oo loogu yeedhay in uu kaalmo u fidiyo kuwaas, waxa lagu ciqaabayaa
xarig lix bilood ilaa shan sanno ah.
Qodobka 265
Xooga ku isticmaal ama tahdiid xubin siyaasadeed, maamul ama garsoor
1. Qofkasta oo ku isticmaala xoog ama tahdiid xubin sharci dejin, maamul ama garsoor
ama kuwa iyaga metela ama hay’ad kasta oo dawladeed oo si wadar ah u shaqaysa, si
uu uga joojiyo qayb ahaan ama dhammaan xataa waqtiile ha ahaatee ama si uun u
carqaladeeyo gudashada hawshooda waxa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa todoba
sanno ah, haddaan falku keenin Dembi ka culays badan.
2. Qofkasta oo falka u gala si uu u saameeyo wadajirka go’aan qaadashada ee ku
saabsan gudashada hawl guud ama hawl baahi guud, marka hadafka go’aan
qaadashadu yahay maamul ama gudasho adeeg, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo
kale
89
Qodobka 266
Duruufaha cuslaynta
1. Ciqaabta ku xusan saddexda qodob ee aynu soo dhaafnay, waa la kordhinayaa marka
xoogga ama tahdiida loo adeegsado hub ama qofku uu is qariyay ama in ka badan
hal qof ay wada fuliyaan ama xiriir qarsoodi ama qaab dahsoon ama xoog cabsi gelin
oo ka timi urur sir ah, ururkaasi ha jiro ama yuusan jirine. 2. Marka xooggaa ama tahdiida ay sameeyaan shan qof wax ka badan oo wadajira oo
isu raacay in ay hub adeegsadaan, xataa mid iyaga ka mid ahi ha sitee ama in ka
badan toban qof xataa yaanay hub isla raacine, xaaladaha ku xusan faqrada koowaad
ee Qodobka 263, qodobka 264 iyo qodobka, 265 waxa ciqaabtu noqonaysaa sadex
ilaa shan iyo toban sanno, xaaladaha ku xusan faqrada 2aad ee Qodobka 263, xarig
laba ilaa sideed sanno ah.
Qodobka 267
Hakin xafiis guud ama adeeg ama adeeg baahi guud
1. Qofkasta oo marka aan qodob kale uusan quusanunku u samayn, hakiya ama
carqaladeeya habsami u socodka xafiis ama adeeg guud ama adeeg baahi
guud waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah. 2. Hogaamiyaasha, kiciyayaasha iyo abaabulayaasha waxaa la saarayaa ciqaab
xarig ah oo hal sanno ilaa shan sanno ah.
Qodobka 268 Cay sakraal guud
1. Qofkasta oo ceebeeya sharafta iyo sumcada sarkaal guud isagoo jooga sabab
gudashada xilkiisa la xiriira, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno.
2. Ciqaabtaas oo kale waxaa lagu dabaqayaa xaalada uu qofku falka ku galo xiriir
telefoon ama xiriir telegaram ama qoraal ama sawir ku socda sarkaalka guud sabab
xilkiisa la xiriira. 3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal ilaa sadex sanno marka falku ku saabsan
yahay gelitaan fal cayiman.
4. Ciqaabta waa la kordhinyaa marka falka lagu galo xoog ama tahdiid ama falka lagu
galo goob ay joogaan hal qof wax ka badan.
90
Qodobka 269
Aflagaado Xubin Siyaasadeed maamul ama Garsoor
1. Qofkasta oo ceebeeya sharafta iyo karaamada xubin sharci dejin, maamul ama
garsoor ama cid iyaga metelaysa ama hay’ad dawladeed oo u shaqaysa si wadajir ah,
joogitaanka xubintaas ama wakiiladeeda ama kulankooda wadajirka waxa lagu
ciqaabayaa lix bilood ilaa sadex sanno. 2. Ciqaabtaas oo kale waxaa lagu dabaqayaa xaalada uu qofku falka ku galo xiriir
telefoon ama xiriir telegaram ama qoraal ama sawir ku socda xubintaas sabab xilkiisa
la xiriira.
3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal ilaa sadex sanno marka falku ku saabsan
yahay gelitaan fal cayiman.
4. Tilmaamaha faqrada ugu danbaysa ee qodobka hore ayaa lagu dabaqayaa Dembiga
lagu sheegay qodobkan.
Qodobka 270
Aflagaado Garsoore dhegaysi dacwadeed ku jira
1. Qofkasta oo ceebeeya sharafta iyo karaamadda garsoore dhegaysi dacwadeed ku
guda jira waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa afar sanno. 2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba sanno ah marka Dembigu ku saabsan yahay
fal cayiman.
3. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falka lagu galo xoog ama tahdiid.
Qodobka 271
Dembiga lidka ku ah maamulka ee waxyeelayn tigidho
Qofkasta oo calaamad uu ku cambaaraynayo maamulka burburiya, jeexa ama si kale uga dhiga
mid aan waxtarayn ama si uun uga dhiga macno la’aan ogaysiisyada ama sawir gacmeedyada
lagu dhegiyay ama lagu soo bandhigay amarada maamulka, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix
bilood ilaa hal sanno ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh.So. ah.
91
Qodobka 272
Iska dhigida inuu saamayn ku leeyahay sarkaal guud
1. Qof kasta oo iska dhiga inuu raadayn ku leeyahay sarkaal guud ama qof u xilsaaran
hawl guud oo ku hela ama sababa in lagu siiyo ama loogu balanqaado lacag ama
faa’iido kale, taasoo la xiriira xiriirkiisa wanaagsan ee sarkaalka guud ama qofka
hawsha guud u xilsaaran waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah iyo
ganaax 3,000 ilaa 20,000 Sh. Som. Ah. 2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa lix sanno ah iyo ganaax 5,000 ilaa
30,000 Sh.So. ah, marka Dembifaluhu qaato ama sababo in la siiyo ama loo
balanqaado naftiisa ama cid kale lacag ama faa'iido kale iyadoo loola jeedo inuu ka
iibinayo dantaas, sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud ama abaal marin u
siinayo.
Qodobka 273
Iska wadis shaqooyinka guud
1. Qof aksta oo iskii u wata shaqo guud waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.
2. Sarkaalka guud ee hela amarka war gelinta ee lagaga joojinayo ama lagaga hakinayo
shaqooyinkiisa ama hawl gudashadiisa ee iska wata hawshaas, wuxuu mudanayaa
ciqaabtaas oo kale.
Qodobka 274
Ku xad gudub mihnadeed
Qof kasta oo si ku xadgudub ah isaga isticmaala hawl mihnadeed oo looga baahan yahay
aqoon gaar ah oo shahaadadeed, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ama ganaax
1,000 ilaa 5,000 So. Sh.
Qodobka 275
Masaxaada astaamaha qaranka
1. Qofkasta oo masaxa astaam qaran oo loo dhejiyay tilmaan kasta oo uu jideeyay
qodob qaanuuneed ama amar maamul oo loola jeedo hubinta, xafidaada ama
dhowrsanaanta ama aqoonsiga walax, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa
sadex sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh. Som.
2. Marka Dembiiluhu yahay qofka xafidaya ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig sadex
ilaa shan sanno ah iyo ganaax 3,000 ilaa 30,000 Som. Sh.
92
Qodobka 276
Fududayn kama‟a ah
Marka masaxaada astaanta suuragal laga dhigo ama si uun uu u fududeeyo si kama’a ah
qofka xafidaada walaxda lihi, kaas waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 500 ilaa 10,000 sh. Som
ah.
Qodobka 277
Ku xadgudubka walxaha xafidaada guud
Qofkasta oo ka qaada meesheeda, burburiya, khasaariya oo sababa in ay xumaadaan qalab
Dembi, waraaqo dhokumenti ama hanti kale oo guurta ah oo lagu hayay xafiis guud ama uu
hayay sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud, waxaa lagu ciqaabayaa, haddii falku uusan
keenayn Dembi ka culays badan xarig hal sanno ilaa shan sanno ah.
Qodobka 278
Iibinta walxo daabacan oo la amray in la xayiro
Qofkasta oo iibiya, qaybiya ama meelo ku dhejiya fagaarayaal dadweyne ah ama u furan
dadweynaha, qoraalo, sawiro madaxdu amartay xayiraadooda, waxaa lagu ciqaabayaa
ganaax ilaa 5,000 oo sh. Som.
Qodobka 279
Faro galinta xaraashyadda
1. Qofkasta oo si xoogga ama cabsi galin ah ama bixin hadiyad, ballan qaad, khiyaamo
ama si kale oo khiyaamo ah u horjoogsada ama khalkhaliya tartanka naado xaraash
guud ama iib rayid ah oo gaara, isagoo ka wakiil ah maamulka guud ama kala dira
tartamayaasha, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa
10,000 sh. Som.
2. Marka Dembiiluhu yahay qofka quusanun u magacaabay ama maamulku u
magacaabay in uu masuul ka noqdo xaraashkaas ama iibkaas waqtiga xarigu wuxuu
noqonayaa sadex ilaa shan sanno iyo ganaax 5,000 ilaa 20,000 sh. Som.
3. Ciqaabta ku xusan qodobkan waxa lagu dabaqayaa marka iibinta gaarka ah uu ka
socdo qof rayid ah, oo uu kormeerayo sarkaal guud ama qof si sharci ah awood loogu
siiyay, laakiin ciqaabta waxaa la dhimayaa ilaa kala badh.
93
Qodobka 280
Jebinta qandaraasyada heshiisyada guud ee alaab keenida
1. Qof kasta oo jebiya waajibaad ka dhashay heshiis keenid oo lala guntay qaranka ama
hay’ad guud ama ku saabsan gudasho adeeg guud ama gudasho adeeg baahi guud oo
ku guuldaraysta in uu keeno dhammaan ama qayb ka mid ah alaabtii ama adeegii
hay’ada guud ama ama adeega guud waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah
iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. Sh. 2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka keenida alaabtu ay xiriir la leedahay kuwan:
(a) Cunto ama dawo, ama alaabooyin ama adeeg loola dan leeyahay dhulka,
biyo, hawada, taarar ama telephoono isgaadhsiineed.
(b) Qalab ama adeegyo loola dan leeyahay hubayn ama qalab uu leeyahay
ciidamada qalabka sida ee qaranka.
(c) Qalab ama adeegyo loola dan leeyahay inay ka hor tagaan khatar loo siman
yahay ama masiibo guud.
3. Marka falka lagu galo kama’a ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa hal sano ama
ganaax 500 ilaa 20,000 sh. Sh.
4. Tilmaamaha kor lagu sheegay waxaa kaloo lagu dabaqayaa sii qandaraasayaasha,
dilaaliinta iyo kuwa wakiilada u ah alaab keenayaasha markay dadkaasi jebiyaan
waajibkoodii qandaraas ee ay sababto in lagu guuldaraysto alaab keenida.
Qodobka 281
Khiyaamadda alaab keenidda dadweynaha
Qof kasta oo sameeya khiyaamo isaga oo fulinaya alaab keenidda qandaraasyo ama fulinta
mid kasta oo ka mid waajibaadka qandaraas ee aynu ku xusnay Qodobka aynu soo
dhaafnay waxaa lagu ciqaabayaa xabsi hal ilaa shan sanno iyo qanaax aan ka yareyn
10,000 So.Sh.
QAYBTA III
94
DANBIYADDA LAGA GALO MAAMULKA GARSOORKA
CUTUB I
DEMBIYADA LIDKA KU AH SOCODKA CADDAALADA
Qodobka 282
Ka tegista ama dib u dhiga sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud bixinta war Dembi
1. Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee ka diida ama dib u dhiga
bixinta warka Dembiga ee hay’ada garsoorka ama maamul kale oo ay waajib ku
tahay inuu waregliyo saraakiishaa dhicitaanka Dembiga, kaas oo uu ku ogaaday
sabab shaqadiisa ama hawshiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama
ganaax 300 ilaa 5,000 Sh.So. 2. Faqrada hore lagu dabaqimaayo xaalada diidmada bixinta warka Dembiga ku saabsan
Dembiyada lagu oogayo dalabka dhibanaha.
3. Marka diidmada ama daahinta bixinta warku ay la xiriiro Dembi lid ku ah
Shakhsigada qaranka, ciqaabtu waxay noqonaysaa lix bilood ilaa sadex sanno.
Qodobka 283
Sheegid la‟aanta muwaadinka ee war Dembi
Muwaadinka ogaada Dembi lid ku ah Shakhsigada qaranka, kaas oo quusanunku u dhigay
ciqaab dil ah ama xabsi daayin oo aan si degdeg ah ugu sheegin masuuliyiinta ku xusan
qodobka 282, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.So.ah.
Qodobka 284
Ka baaqashada hawl wadeed caafimaad sheegida war Dembi
1. Qofka isagoo fulinaya shaqo caafimaad kaalmeemay ama gacan siiya xaalado u
muuqda in uu yahay tiir Dembi oo ay tahay in qaranku oogo, oo ka baaqda ama
daahiya u sheegida masuuliyiinta ku xusan qodobka 282, waxaa lagu ciqaabayaa
ganaax ilaa 5,000 Sh.so. ah.
2. Faqradan hore la dabiqimaayo marka sheegidu ku keenayso qofka la kaalmaynayo in
lagu oogo Dembi ciqaaba.
95
Qodobka 285
Diidista adeeg waajib sharci
1. Qofkasta oo hay’ad garsoor u magacowday khabiir, turjumaan ama haye shay
xayiraad la geliyay oo si khiyaamo ah kaga baaqsada gudashada hawshiisa ama
waajibkiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax 300 ilaa
5,000 Sh.So.ah.
2. Ciqaabtan oo kale ayaa la saarayaa qof kasta oo hay’ad garsoor ugu yeedhay in uu
sameeyo mid waajibaadyadaas ka mid ah oo diida in uu bixiyo macluumaadka isaga
khuseeya ama in uu guto dhaarta ama in uu guto hawshaas.
3. Faqrada hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa qofka loogu yeedhay inuu ka hor bixiyo
cadayn hay’ad garsoor ama qofkasta oo kale oo loogu yeedhay gudashada
hawlgarsoor.
Marka Dembiiluhu yahay khabiir ama turjumaan ciqaabta waxaa wehelinaysa ka reebbid
mihnad ama farsamo.
Qodobka 286
Dembi dhoobdhoobid
Qof kasta oo ashkato ku socodsiiya hay’ad garsoor, ama hay’ad kale oo waajibaadkeedu yahay
in ay taas hore ogaysiiso, xataa magac la’aan ama magac been ah, isagoo been ku dacwoonaya
in Dembi laga galay, dhoobdhooba raad Dembi oo lagu qanci karo in dacwad ciqaaba la oogo,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.
Qodobka 287
Eedayn been ah
1. Qof kasta oo ashkato, xataa magac la’aan ama magac been ah ku socodsiiya hay’ad
garsoor ama hay’ad kale oo xilkeedu yahay in ay gaadhsiiso ku eedeeya qof uu og
yahay in uu Dembilaawe yahay gelitaan Dembi ama dhoobdhooba in qofkaasi ku
xadgudbay raad Dembi, waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa lix sanno ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa haddii Dembiga qofka lagu eedeeyay uu yahay Dembi
uu sharcigu u dhigay ciqaabta ugu badan xarig toban sanno ah ama ciqaab aad u
culus.
96
3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig afar ilaa laba iyo toban sanno, marka been
eedayntu keento in qofkaa lagu xukumo ciqaab xarig oo ka badan shan sanno; xarig
lix ilaa laba iyo toban sanno marka been eedayntu keento xukun xabsi daayin ah iyo
ciqaab xabsi daayin ah, marka been eedayntu keento xukun dil ah.
Qodobka 288
Been isku eedayn
Qofkasta oo hadal qoraal, xataa ha adeegsado xiriirka magac la’aan ama magac been ah,
midkasta oo ka mid ah hay’adaha lagu sheegay qodobka hore ama qiraal hay’ad garsoor
horteed naftiisa kaga eedeeya Dembi uu og yahay in uusan gelin ama Dembi ay galeen dad
kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.
Qodobka 289
Dhoobdhoobid ama isku eedayn gef
Ciqaabta ku xusan qodobada aynu soo dhaafnay waa la dhimayaa marka dhoobdhoobida
ama isku eedayntu ay la xiriiro fal sharcigu u arko gef.
Qodobka 290
Been ku dhaarasho dhinac dacwadeed
1. Qofkasta oo dhinac ka ah dacwad madani ah oo been ku dhaarta waxaa lagu ciqaabayaa
xarig lix bilood ilaa sadex sanno.
2. Xaalada dhaarta Maxakamadu soo jeediso, Dembiilaha lama ciqaabayo haddii
dhanbaalka beenta ah uu ka noqdo ka hor intaan dacwada xukun kama danbays ahi ka
soo bixin.
3. Ciqaabta waxa wehelinaya ka reebbida xafiisyada guud.
Qodobka 291
Marag beenaale
Qofkasta oo isagoo cadayn ka bixinaya Maxakamada horteeda la suggo in ay been tahay ama
dafira wax run ah ama qariya dhamaan ahaan ama qayb ahaan wixii uu ogaa ee ku saabsanaa
xaqiiqada la xiriira wixii la waydiiyay waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno
ah.
97
Qodobka 292
Been ka sheegid ra‟yi ama tarjumaad
1. Khabiirka ama tarjumaanka ay hay’ada garsoorku magacawday ee bixiya ra’yi ama
tarjumaad khaldan, ama sugga xaqiiqooyin aan waafaqsanayn runta, wuxuu
mutaysanayaa ciqaabta ku sheegan qodobka hore.
2. Xukunka waxaa wehelinaya ka reebbista xafiisyada guud, ka reebbista xirfad ama
farshaxan.
Qodobka 293
Khiyaamo garqaadis
1. Qofkasta oo dacwad madani ama maamul dhexdeed, isagoo ujeeda in marin uu
habaabiyo garsoore , si khiyaamo ah u bedela xaalada goob, shay ama qof, waxaa
lagu ciqaabayaa marka uusan falku keenayn Dembi kale oo qodob qaanuuneed, xarig
lix bilood ilaa sadex sanno.
2. Isla qodobkan waxaa lagu dabaqayaa dacwad ciqaabeed dhexdeeda ama ka hor; balse
ciqaabta waa la reebay xaalada ay tahay in dacwada lagu dhaqaajiyo codsiga
dhibanaha marka dhibanuhu uusan codsigaa gudbin.
Qodobka 294
Duruufaha cuslaynta
Xaaladaha ku xusan saddexda qodob ee aynu soo dhaafnay, ciqaabta waxay noqonaysaa
xarig hal ilaa shan sanno ah, marka falku keeno xarig aan ka badan shan sanno; xarig sadex
ilaa laba iyo toban sanno ah, marka falku keeno xarig ka badan shan sanno iyo xarig lix ilaa
laba iyo toban sanno marka falku keeno ciqaab xabsi daayin ah; marka falku keeno ciqaab
dil ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xabsi daayin.
Qodobka 295
Dib uga noqosho
1. Xaaldaha ku xusan qodobada 291, 292 Dembiilaha lama ciqaabayo hadii markay
socotay dhegaysiga dacwadu, isagoo gudanaya waajibaadkaas uu ka noqdo wixii
beenta ahaa kuna bedelo runta, inta aan la gaadhin xidhista waydiimaha bilowga ah
98
ama intaan la soo saarin go’aanka dacwada lagu oodayo ama intaan dhegaysiga
dacwada la xidhin ama aan beentaa darted dacwada dib loogu dhigin. 2. Marka beenta la sheego dacwad madani ah dhexdeeda, Dembiilaha lama ciqaabayo
haddii uu warbixinta beenta ah dib uga noqdo oo runta daahfuro ka hortaan intaan
dacwada xukun kama danbays ahi ka soo bixin.
Qodobka 296
Ku tiirsanaansho
1. Qofkasta oo siiya ama u ballan qaada lacag ama faa’iido kale qof markhaati ah,
khabiir ah ama tarjumaan ah si uu ugu soo jiito inuu bixiyo marag fur been ah, ra’yi
ama tarjumad been ah, marka aan la aqbalin bixinta ama balanqaadka wuxuu
mudanayaa ku xusan qodobadda 291,292 oo la dhimay badh ilaa sadex dalool laba.
2. Tilmaamahan waxaa la dabaqayaa marka bixinta ama balanqaadka la ogolaado,
laakiin war bixinta beenta ah aan la samayn.
3. Xukunka waxaa wehelinaya ka reebbista xafiisyada guud.
Qodobka 297
Kaalmaynta qof la tuhunsan yahay
1. Qofkasta oo marka la galo Dembi ka mid ah kuwa sharcigu u dhigay ciqaab dil ah
ama ciqaab xabsi daayin ah ama xarig isagoo aan ka qayb galayaasha ahayn oo ku
caawina qof uun in uu ka baxsado baadhista maamulka ama in uu ka baxsado baadhis
(feteshaad) lagu samaynayo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa afar sanno ah,
xaaladaha Dembiga uu sharcigu u dhigay ciqaab aan ahayn kuwa kor ku xusan ama
xaaladaha gefka ganaax ilaa 5,000 Sh.So.ah.
2. Tilmaamaha qodobkan waxaa lagu dabaqayaa marka qofka la caawiyay aan la
eedayn Karin ama uusan gelin Dembiga.
Qodobka 298
Kaalmada la xiriira walxaha Dembiga
1. Qofkasta oo aan ka mid ahayn ka qayb qaate Dembi, kana mid ahayn xaaladaha lagu
sheegay qodobka 504 ee kaalmeeya qof si uu u helo wax soo saarka, midhaha ama
faa’iidada Dembiga, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa shan sanno ah xaalada
Dembiga iyo ganaax 500 ilaa 10,000 som. Shilin xaaladaha gefafka.
99
2. Tilmaamaha faqrada ugu danbaysa ee qodobka hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa
qodobkan.
Qodobka 299 Daacad darro qareen ama la taliye farsamo
1. Qareen ama la taliye farsamo oo aan daacad u noqon waajibaadka xirfadiisa,
kuna keena waxyeelo danaha dhinaha uu ka daafacayo ama ka caawinayo ama ka
metelayo hay’ada garsoorka horteeda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa
sadex sanno iyo ganaax aan ka yarayn 5,000 som. Sh.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa:
(a) Marka Dembiiluhu falka ku galo, isagoo la heshiiyay dhinaca ka soo
horjeeda
(b) Marka falka lagu galo si loo dhaawaco qof eedaysan.
3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig sadex ilaa toban sanno ah iyo ganaax aan ka
yarayn 10,000 Som. Shilin, marka falka loo galay waxyeelada qof ku eedaysan
Dembi uu sharcigu u dhigay ciqaab dil ah ama xabsi daayin ama xarig muddo ka
badan shan sanno.
Qodobka 300
Falalka kale ee khiyaamada aaminaada wakiilada sharci iyo wakiilada farsamo
1. Qareenka ama la taliyaha farsamo ee dacwad qaadista Maxkamada horteeda marka
lagu dhexjiro u dhiga aqoontiisa xirfadeed ama taladiisa si uu ugu faa’iidaynayo
dhinaca dacwada kaga soo horjeeda ama xataa dhinac sadexaad, waxaa lagu
ciqaabayaa marka falku uusan keenayn Dembi ka culus xarig lix bilood ilaa saddex
sanno iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. Shs.
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax ilaa 5,000 So. Sh,
marka qareenka ama la taliyuhu ka dib marka uu difaacay, taageeray ama uu metelay
dhinaca uu xilqaado isagoo la tashan dhinacaa isla dacwadii in uu ka difaaco ama uga
shaqeeyo dhinacii ka soo horjeeday.
Qodobka 301
Garyaqaanka iska dhigaya mid saamayn leh
Qareenka iska dhigaya inuu saamayn ku leeyahay garsooraha ama xafiiska xeer ilaalinta
100
guud, ama marag, khabiir ama turjumaan, ee qaata ama sababa in la siiyo lacag ama faa'iido
nooc kale isaga ama qof sadexaad ama loo balan qaado isada ama qof sadexaad ee
macmiilkiisa, taasoo uu uga jeedo in uu kaga faa’iidaysto garsooraha ama xafiiska xeer-
ilaaliyaha guud ama khabiirka ama tarjumaanka ama uu ugu abaal gudo, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig laba ilaa sideed sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 10,000 sh. Som.
Qodobka 302
Ka joojin xafiis guud
Ku xukunka Dembiyada ku xusan Qodobka 299, faqradda 1aad iyo Qodobka 300 iyo
Qodobka 301, waxaa wehelinaya ka reebbista xafiisyada guud.
Qodobka 303
Xaaladaha aan ciqaab mudanayn
1. Xaaladaha ku xusan qodobadda 282,283,284,285,286,291,292,293 iyo 297, qofka ku
gala falka iyadoo ay ku khasabtay baahi daruuri ah oo naftiisa ama xigta dhow oo
kaga timid khatar aan la baajin karayn oo dhaawacaysa xorriyadda ama sharafta,
lama ciqaabayo.
2. Xaaladaha ku xusan qodobada 291,292, ciqaab lama saarayo marka falka uu galo
qof, sharci ahaan aan loogu yeedhi Karin markhaati khabiir ama turjumaan, ama
looga digay xaqa uu leeyahay inuu ka joogsado bixinta cadaynta, ray’iga ama
turjumaanimadda.
Qodobka 304
Qeexida xigta dhow
1. Ujeedada Xeerka Ciqaabta “xigta dhow”waxay tahay: asalka, faraxa, xaaska ama
sayga, walaalka, walaasha, adeerka, eedada, habaryarta, abtiga, inaabtiga, inaadeerka,
habarwadaaga iyo xididka ilaa derejadaa.
2. Si kasta ha ahaatee, xididku kuma jiraan xigtada dhaw, marka guurkii xididnimaasi
ka dhalatay la tirtiray ama la fasakhay sabab uun.
101
CUTUB II
DEMBIYADA LIDKA KU AH AWOODA GO’AANKA GARSOORKA
Qodobka 305
Fakasho
1. Qofkasta oo si sharci ah loo qabto ama loogu xidho Dembi ee baxsada (fakada), waxaa
lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah.
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa sideed iyo toban bilood ah marka Dembiiluhu ku
galo falka xoog ama baqo gelin qof kale, ama uu jabiyo, iyo xarig laba ilaa shan sanno
ah, marka xoogga ama tahdiida lagu galo hub ama in ka badan hal qof oo wada jir u gala.
3. Tilmaamahan waxaa lagu dabaqayaa oo kale qofka xukuman ee loo ogolaaday in
xabsiga dibediisa ka shaqeeyo.
4. Marka qofka fakaday uu isagu isu dhiibo gaadhka ka hor xukunka, ciqaabta waa la
dhimayaa.
Qodobka 306
Kaalmayn fakasho
1. Qofkasta oo sababta ama taban taabisa fakasho qof si sharci ah loo xiray ama
sharcigu u xiray Dembi, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa shan sanno ah.
2. Marka falka loo galay si loogu faa’iideeyo qof ku xukuman dil ama xabsi daayin,
ciqaabtu waxay noqonaysaa sadex ilaa toban sanno.
3. Ciqaabtu waa kordhaysaa marka Dembiiluhu si uu falka u sameeyo, adeegsado mid
ka mid ah hababka ku xusan faqradda 2aad ee Qodobka aynu soo dhaafnay ee 305.
4. Ciqaabta waa la dhimayaa marka Dembiiluhu yahay xigto dhaw.
5. Xukunka xaalad kasta waxaa wehelinaysa ka reebbista xafiisyada guud.
102
Qodobka 307
Fal ilaaliye oo kama‟a ah
Qofkasta oo sabab xafiiskiisa ku haya, xataa ku meel gaadh qof loo qabtay ama u xidhan Dembi
oo si kama’a ah u sababa baxsashada qofkaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah
ama ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.Som. ah.
Qodobka 308
Fulin la‟aan kas ah ee amar Garsoore
1. Qofkasta, oo si ay uga baxsato gudashada waajibaad madani oo ka dhashay xukun
ciqaab ah ama marxalada baadhista ee garsoorka hortiis ee ku sameeya hantidiisa
ama hanti cid kale dhalanrog ama ku sameeya khiyaamo ama isla shaygii ku sameeya
fal khiyaamo ah, waxaa lagu ciqaabayaa, marka uu diido amar fulin xukun xarig ilaa
sadex sanno ah ama ganaax 1,000 ilaa 10,000 som. Sh.ah.
2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa qofka ka warwareega fulinta amar garsoor madani
oo ku saabsan hayn qof yar ama qof karti laawe ah ama loo qeexay tallaabooyin
taxadir ilaalinta hanti, gacan ku hayn ama dayn.
3. Dembiilaha waxaa lagu ciqaabayaa oo keliya ashkatada dhibanaha
Qodobka 309
Dhawris la‟aanta ciqaabaha kaabayaasha ah
1. Qofkasta oo hesha xukun ku saabsan ka reebbis xafiis guud ama ka reebbis ama ka
laalis mihnad ama farsamo oo jebiya waajibaadkii ku gudo jiray ciqaabtaa waxaa
lagu ciqaabaya xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax 500 ilaa 10,000 Som. Sh.
2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa qofka ku xadgudba waajibaad ka dhashay laalis ku
meel gaara ee ka reebbista xafiisyada guud ama mihnad ama farsamo.
Qodobka 310
Fududaynta dhawris la‟aanta ciqaabta
103
1. Qofkasta oo aan ka qayb gelin Dembiga ee ku caawiya qof uun in uu ka fakado fulin
xukun, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex bilood ilaa shan sanno ah, marka xukunku
yahay Dembi iyo ganaax 500 ilaa 10,000 Sh.So. Marka xukunku yahay gef.
2. Tilmaamaha faqrada 4aad ee qodobka 306 ayaa lagu dabaqayaa qodobkan.
Qodobka 311
Fududaynta dhawris la‟aanta tallaabooyinka ammaan ee haynta
1. Qofkasta oo sababa ama fududeeya fakashada qof la saaray tallaabooyin ammaan oo
hayn ah ama qariya qof fakad ah ama si uun ugu kaalmeeya ka fakashada
Baaritaanka maamulka waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah. Tilmaamaha
faqrada 4aad ee qodobka 306 ayaa lagu dabaqayaa qodobkan.
2. Haddii baxsigu ku dhacay kama’a qofka sabab xafiiskiisa ah u lahaa ilaalinta qofka la
saaray tallaabooyinka ammaan, xataa si ku meel gaara, Dembiilaha waxaa lagu
ciqaabayaa ganaax ilaa 10,000 Sh.So.ah.
CUTUB III
GACAN KU FUSASHO XAQ SHAKHSI
Qodobka 312
Ogolaansho la‟aan ku adeegsi xuquuq shakhsi
1. Qofkasta oo ujeedo ah in uu adeegsado xaq uu ku doodayo, halkay suuragal u ahayd
in uu u dacwoodo hay’ada garsoorka oo gacmihiisa sharciga ku qaata kuna isticmaala
xoog qof ama hanti, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ama ganaax ilaa
4,000 So. sh.ah.
2. Qofkasta oo ujeedo ah in uu adeegsado xaq uu ku doodayo, halkay suuragal u ahayd
in uu u dacwoodo hay’ada garsoorka oo gacmihiisa sharciga ku qaata kuna isticmaala
tahdiid ku lid ah qof ama hanti, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama
ganaax ilaa 2,000 Sh.So.ah.
104
QAYBTA IV
DEMBIYADA KU LIDKA AH SHUCUURTA DIINIGA AH IYO DHAWRISTA QOFKA GEERIYOODA
CUTUB I
DEMBIYADA LIDKA KU AH DIINTA QARANKA IYO NOOCYADA KALE EE
CAABUDAADA
Qodobka 313
Ceebaynta Diinta Qaranka
1. Qofkasta oo si fagaare ah diinta Islaamka u ceebeeya, waxaa lagu ciqaabayaa xarig
ilaa laba sanno ah.
2. Qofkasta oo si fagaare ah u caaya diinta islaamka, isagoo ku ceebaynaya qofka
aaminsan ama goob ama shay loo qoondeeyay caabudaad, wuxuu mudanayaa
ciqaabtaas oo kale.
Qodobka 314
Khalkhal gelinta hawlaha diiniga ah
Qofkasta oo hakisa ama khalkhal galisa hawlaha diiniga ah ama Allah caabud meel loogu tala
galay ujeedadan ama meel fagaare ah ama meel u furan dadweynaha, waxaa lagu ciqaabayaa
xarig ilaa laba sanno ah.
Qodobka 315
Dembiyada lidka ku ah qaabka cibaadada qaranku ogol yahay
Qofkasta oo fulisa falalka ku xusan 313,314 oo lid ku ah diinta ay ogoshahay dawladda
qaranka, waxa lagu ciqaabayaa si waafaqsan tilmaamaha qodobada aynu soo sheegnay.
105
CUTUB II
DEMBIYADA LIDKA KU AH XUSHMADA MAYDKA
Qodobka 316
Ku xadgudubka ama ceebaynta xabaalaha iyo khalkhal gelinta aaska iyo hawlaha aaska
Qofkasta oo ku xadgudba ama ceebeeya xabaal ama aas ama shay loogu talogalay xushmada
maydka ama khalkhal geliya ama is hortaaga aaska ama hawlaha aaska waxaa lagu ciqaabayaa
xarig ilaa laba sanno ah.
Qodobka 317
Ceebaynta maydka
Qofkasta oo ceebeeya, qaab dila, waxyeela ama sameeya fal xumaynaya ama anshax xumo
ku ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.
Qodobka 318
Bur burinta qarinta ama meel ka qaadista maydadka Qofkasta oo burburiya, qariya ama meesheeda ka qaada jidh mayd ama qayb ka mid ah waxa
lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah.
Qodobka 319
Isticmaan sharci daro ah oo jidh mayd Qofka googooya ama si sharci daro ah u isticmaala jidhka maydka ama qayb ka mida waxa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah.
106
QAYBTA V
DEMBIYADA LIDKA KU AH NIDAAMKA GUUD
Qodobka 320
Ku boorrin Dembi gelid Qofkasta oo si fagaara ah, ugu boorriya qof kale inuu galo mid ama in ka badan Dembi waxaa
lagu ciqaabayaa falka ku boorrinta keliya:
(a) Xarig hal ilaa shan sanno ah marka boorrintu tahay gelitaan Dembi;
(b) Xarig ilaa hal sanno ah, ama ganaax ilaa 2,000 Sh.so.ah, marka boorrintu tahay gelitaan gef.
Qodobka 321
Ku boorrin in sharciga laga horyimaado
Qofkasta oo si fagaare ah ugu boorriya dad kale in ay khilaafaan sharciga la xiriira nidaamka
guud ama kiciya nacayb dabaqadaha bulshada dhexdeeda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix
bilood ilaa shan sanno ah.
Qodobka 322
U midoobid Dembi gelid
1. Marka saddex qof ama in ka badan ay u midoobaan ujeedo gelitaan wax ka badan hal
Dembi, kuwa kiciyay, dhisay ama abaabulay ururkaas, waxaa lagu ciqaabayaa falkaas oo
keliya xarig sadex ilaa todoba sanno ah.
2. Ciqaabta falka ka qayb galka ururka kaligeed waa xarig hal sanno ilaa shan sanno ah.
3. Hogaamiyayaashu waxay mudanayaan ciqaab la mid ah kuwa kiciyay.
4. Marka dadka ururay ay hubaysan yihiin, isugu soo baxaan dhulka miyiga ah ama
dariiqyada, waxaa la saarayaa xarig shan ilaa shan iyo toban sanno ah.
5. Ciqaabtu waa kordhaysaa marka tirada dadka isku ururay tahay 10 qof ama in ka badan.
107
Qodobka 323
Tallaabooyin ammaan Xaaladaha xukunka Dembiga ku xusan qodobka hore, markasta waxaa la amrayaa tallaabo
ammaan.
Qodobka 324
Burburin iyo dhaca
1. Qofkasta oo marka laga yimaado xaaladaha ku xusan qodobka 222, gala fal burburin iyo
dhac ah waxa lagu ciqaabayaa xarig sideed ilaa shan iyo toban sanno ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falka lagu galo hub, waxyaabaha qarxa ama cuntada
qasacadaysan goobaha lagu hayo, lagu iibiyo ama lagu kaydiyo.
Qodobka 325
Ku cabsi gelinta dadwaynaha walxaha qarxa
Qofkasta oo ujeedo keliya oo ah in uu abuuro cabsi khalkhal dadwayne sababa qarax,
bambooyin ama mashiinada qarxa ama walxaha kale ee qarxa, waxaa lagu ciqaabayaa,
marka uusan dhalin falku Dembi ka culus xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.
Qodobka 326
Cabsi galin dadweyne
Qofkasta oo cabsi galiya si uu u galo Dembi lid ku ah nabadgalyada dadweynaha ama falal
burburin ah ama dhac ah si uu u sababo cabsi dadweyne waxa lagu ciqaabayaa xabsi ilaa hal
sanno.
Qodobka 327
Siin maamulka qaylodhaan been ah
Qofkasta oo ku dhawaaqaya masiibo aan jirin, shilal ama khatar, siiya qaylodhaan maamulka
ama hay’adaha ama dadka hawsha qaran xilqaaday, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal
sanno ah ama ganaax ilaa 6,000 Sh.So. ah.
108
Qodobka 328
Daabacaad ama faafin ama fidin warar been ah oo buunbuunsan, dhiilo leh khalkhal gelin kara daganaanshaha dadweynaha
Qofkasta oo daabacda ama faafisa warar been ah oo buunbuunsan ama dhiilo leh, si loo
khalkhaliyo deganaanshaha guud, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax
ilaa 3,000 Sh.So.ah.
QAYBTA VI
DEMBIYADA LIDKA KU AH DEGANAANSHAHA DADWEYNAHA
CUTUB I
DEMBIYADA KHATAR GELINAYA DEGANAANSHAHA DADWEYNAHA EE XOOGGA
Qodobka 329
Xasuuq
1. Qofkasta oo marka laga yimaado xaaladaha ku xusan qodobka 222, isagoo qasdigiisu
yahay in uu sababo dil, gala fal lagu khatar gelinayo degaanshaha guud, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa shan iyo toban sanno; marka falku keeno dhaawac jireed ee qof uun
waxay ciqaabtu noqonaysaa xabsi daayin, marka falku keeno dhimasho qof uun waxay
noqonaysaa ciqaab dil ah.
2. Weedha “khatar gelin deganaanshaha guud”waxaa looga jeedaa in loo bandhigo
dadwaynaha khatar dhimasho ama dhaawac jireed.
Qodobka 330
Sababid aafo Qofkasta oo sababa dab ama fatahaad, degid markab ama shay kaloo sababeeya, burburiya
dayaarad ama burburiya alaab kasta oo kale oo loo adeegsado gaadiid dadwayne, dumiya dhisme
ama masiibo kale sababa oo khatar gelinaysa deganaanshaha guud, waxa lagu ciqaabayaa, marka
falku uusan dhalin Dembi ka khatar badan xarig sadex sanno ilaa toban sanno.
109
Qodobka 331
Diidmo sharci daro ah ee dhigid ama qaadid calaamadaha taxaddirka shilalka
Qofkasta oo ka taga in uu meel dhigo mashiino, qalab ama calaamado baaq u ah inay ka digaan
aafo, shilal ama ka qaada meesheedii ama wax yeela kuwaas, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal
ilaa shan sanno ah.
Qodobka 332
Isku dayga khatar galinta deganaanta guud Qofkasta oo marka laga reebo waxyaabaha ku xusan sadexda qodob ee hore, sameeya falkasta
oo khatar galinaaya xasiloonida guud, waxa lagu ciqaabayaa xarig sanad ilaa shan sanno ah.
Qodobka 333
Sababid carqaladayn ilaalinta xasiloonida guud Qof kasta oo xaalad aafo qariya ama ka dhiga mid aan waxtar lahayn, qalab kasta oo loogu
talogalay horjoogsi, badbaado ama gargaar ama wax kale oo carqaladaynaysa ama taako ku
noqonaysa hawlgalkaas, waxa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa todoba sanno ah.
CUTUB II
DEMBIYADA KHATARGELINTA XASILOONIDA GUUD EE KHIYAAMADA
Qodobka 334
Faafin xanuuno
Qofkasta oo faafiyo cuduro, isagoo fidinaya geermis cudur sababe, waxa lagu ciqaabayaa xabsi
daayin, marka falka ay dhimasho qof ka timaado ciqaabtu waa dil.
Qodobka 335
Wasakhaynta biyaha iyo cuntada Qofkasta oo wasakheeya biyo ama walax kasta oo cunto ahaan loo isticmaalo, ka hor
qaybinteeda ama aanay gaadhin cida isticmaalaysa waxa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn
110
shan iyo toban sanno, marka falkaa ay ka timaado dhimashada qof uun ciqaabta dilka ayaa la
saarayaa.
Qodobka 336
Asal doorinta iyo wax kale u ekaysiin cunto
1. Qofkasta oo asal dooriya ama wax kale u ekaysiiya walax loo isticmalo cunto ahaan, ka
hor qaybinteeda ama inta aanay gaadhin cidii isticmaalaysay, taasoo ka dhigaysa mid
khatar ku ah caafimaadka dadweynaha, waxa lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa toban
sanno ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa, marka shay dawo ah la wasakheeyo ama la asal dooriyo
ama wax kale loo bedelo.
Qodobka 337
Asal doorinta ama waxkale u ekaysiinta walxaha kale oo xumaynaya caafimaadka dadwaynaha
Qoskasta oo u asal dooriya ama wax kale ugu ekaysiiya walax kasta oo loogu talogalay iib hab
ay khatar ugu noqonayaan caafimaadka guud, marka laga reebo xaaladaha lagu sheegay
qodobada la soo dhaafay, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah ama ganaax aan ka
yarayn 3000 sh. Som.
Qodobka 338
Iibinta cunto la asal dooriyay ama wax kale loo ekaysiiyay Qofkasta oo aan qayb ka ahayn Dembiyada lagu shegay qodobada, (334, 335, 336, 337 XC) oo
u haysta iibin ama u soo bandhiga iibin ama ugu qaybiya macaamiisha biyo ama walax ama
alaab uu sumeeyay ama la asal dooriyay ama wax kale u ekeesiiyay qof kale, si khatargelinaysa
caafimaadka dadwaynaha, wuxuu mudanayaa ciqaabaha lagu sheegay qodobadaas siday isugu
xigaan.
Qodobka 339
Iibinta cunto sumaysan
1. Qofkasta oo u haysta iibin, u soo bandhiga iibin ama u qaybiya si loo isticmaalo, alaab
loogu talogalay cunto, oo aan la asal doorin, wax kalena loo ekaysiin, laakiin
khatargelinaysa caafimaadka dadweynaha, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa
sadex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 500 sh. Som.
111
2. Ciqaabta waa la dhimayaa haddii qofka alaabta iibsaday ama helay uu ogaa
dabeecadeeda sunnimo.
Qodobka 340
Iibinta iyo qaybinta daawooyinka dhacay
Qofkasta oo iibin u haysta ama iibin u soo bandhiga ama qaybiya dawooyin dhacay ama
xumaaday, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno iyo ganaax aan ka ayrayn
1000 sh. Som.
Qodobka 341
Qaybinta dawooyin qaab ay khatar u gelinayaan caafimaadka dadweynaha Qofkasta oo ku hawlan xataa isagoon awood loo siin inuu ka ganacsado daawooyin u qaybiya
tayo ahaan ama tiro ahaan si aan la socon Karin warqad dhakhtar ama si ka duwan sida la
sheegay ama lagu heshiiyay, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno ah iyo
ganaax 1,000 ilaa 10,000 sh. Som.
Qodobka 342
Ganacsiga maan-dooriyaha
1. Qofkasta, oo marka laga reebo kuwa sharcigu ogol yahay ka ganacsada maandooriye
ama u haysta si uu u iibiyo, ama u qaybiyo ama cid kale u haya waxa lagu ciqaabayaa
xarig sanad ilaa sadex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 Sh.So.ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa haddii mid ka mida alaabooyinkaas laga iibiyo ama loo
gudbiyo qof ka yar 18 jir ama qof maskaxdiisu ay dhiman tahay, ama qof ku walfay
isticmaalka maandooriyaha.
Qodobka 343
Hooy siinta isticmaalidda maan-dooriyaha
1. Qofkasta oo aan ka mid ahayn Dembiga ku xusan Qodobka aan soo dhaafnay ee
isticmaala ama u ogolaada in lagu isticmaalo maandooriyaha meeshiisa kulan si fagaare
ah ama meel dadweyne u furan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilod ilaa laba sanno ah
iyo ganaax 500 ilaa 2,000 Sh.So.ah.
2. Qofkasta oo gala meeshaa isagoo ujeeda isticmaalid maandooriye, wuxuu mudanayaa
xarig ilaa lix bilood ah iyo ganaax 1,000, ilaa 5,000 sh. Som.
112
CUTUBKA III
DEMBIYADA KAMA’A AH EE KHATAR GELINTA XASILOONIDA GUUD
Qodobka 344
Dembiyada kama‟a ah ee ku hawlanaanta khasaaraha Qofkasta oo si kama’a ah u sababa dab ama aafo kale oo ku xusan cutubka I aad ee qaybtan
waxa lagu ciqaabayaa xarig sannad ilaa shan sanno ah.
Qodobka 345
Dembiyada kama‟a ah ee ku hawlanaanta khatarta
1. Qofkasta oo fal ama fal la’aan kama’a ah, ku abuura ama sii wada khatar ama aafo,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.
2. Muddada xabsigu kama yaraanayso hal sanno marka Dembiiluhu uu jabiyo amar gaara
oo ay bixiyeen maamulku oo in uu joojiyo isticmaanla maandooriyaha.
Qodobka 346
Diidis ama qaadis kama‟a ah ee calaamadaha ilaalinta masiibooyinka iyo shilalka
Qofkasta oo si kam’a ah u diida in uu u dhigo goob ama ka qaada, ama ka dhiga mid aan
waxtarayn qalab ama alaab oo loogu talogalay badbaado ama gargaar waqti shil ama lagaga
hortegayo, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ama ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh. Som.
Qodobka 347
Dembiyadda kama‟a ah ee lidka ku ah caafimaadka guud
1. Qofkasta, oo si kam’a ah u gala falalka ku xusan qodobada 334 iyo 335, waxa lagu
ciqaabayaa:
a) Xarig saddex ilaa laba iyo toban sanno ah, kuwa ciqaabtoodu tahay dil;
b) Xarig hal ilaa shan sanno ah, kuwa ciqaabtoodu tahay xabsi daayin;
113
c) Xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah, kuwa ay ciqaabtu tahay xarig muddo qeexan
ah;
2. Marka Dembiyada ku xusan qodobada 336, 337, 338, 340 iyo 341 lagu galo kama’a,
waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta midkasta u dhigan oo la dhimay lix dalool hal ilaa
sadex dalool hal.
QAYBTA VII
DEMBIYADA LA XIRIIRA MEEL KAGA DHACA KALSOONIDA GUUD
CUTUB I
BEEN ABUURKA LACAGTA, SAAMIYADA,DAMMAANADAHA IYO TIGIDHADA
Qodobka 348
Been abuurida lacagta, isticmaalka ama soo gelinta dalka lacag been abuur ah, fal ku lug lahaansho
1. Kuwa soo socda waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa laba iyo toban sanno ah iyo
ganaax 5,000 ilaa 30,000 som. Sh. ah:
a) Qofkasta oo been abuura lacagta dalka ama lacag shisheeye oo ah mid si sharci ah looga
isticmaalo gudaha iyo dibadba.
b) Qofkasta oo si kasta u bedela qiimaha runta ah ee lacagta, si ay u yeelato muuqaalka ama
qiimo sarraysa, ama hoos u dhiga qiimaheeda;
c) Qofkasta oo aan ka mid ahayn kuwa been abuurista ama bedelaada, laakiin iskaashi la
leh qofka falka galay ama si dhexdhexaadin ah, u keena gayiga qaranka lacag been abuur
ah ama la bedelay, ama haysta, kharashgareeya, ama suuq gelinteeda ka shaqeeya.
d) Qof kasta oo suuq geliya, wax ku iibsada ama si uun uga qaata lacagtaas been abuurka ah
ama bedelan qofka been abuuray ama mid dhexdhexaadiye ah.
2. Ciqaabta waa la kordhaysaa marka falku keeno qiimaha lacagta qaranka oo hoos u
dhacda ama aamminaadeeda gudaha ama dibadda si xun u saameeyo.
Qodobka 349
Soo gelinta lacag been abuur fal ku lug lahaansho la‟aan Qofkasta, oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan Qodobka hore, keena Dalka qaranka, wax ku
iibsada, ama haysta lacag been abuur ah ama mid la beddelay, isagoo ula jeeda in in uu suuqa
114
geliyo, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan qodobka aynu soo dhaafnay, oo hoos loo dhigay
saddex dalool hal dalool ilaa kala badh ama nus.
Qodobka 350
Isticmaalid lacag been abuura oo lagu helay niyad sami Qofkasta oo isticmaala ama si kale suuqa geliya lacag been abuur ah ama mid bedelan, isaga oo
ogsoon inay tahay lacag been abuur ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ah ama/iyo
ganaax ilaa 10,000 sh. Som.
Qodobka 351
U dhignaanta dammaanaha ee lacagta
1. Ujeedada Xeerka Ciqaabta, dammaanaduhu waxay u dhigmaan lacagta.
2. Ujeedada Xeerka Ciqaabta “dammaanadahu” waxaa looga jeedaa, marka lagu
daro kuwa sharci ahaan lagu macaamilo sida lacagta, shahaadooyinka, foojarada,
tigidhada, haystaha ay xukuumadu u soo saartay, iyo dhukumenti kasta oo si
sharci ah loogu macaamilo oo ay soo saartay hay’ad awood sharci u leh in ay
sidaa yeesho.
Qodobka 352
Been abuurista, tigidhada, dal soo gelinta, iibinta, haysashada ama suuq gelinta tigidho been abuura
1. Tilmaamaha qodobada 348,349 iyo 359, waxa kaloo lagu dabaqayaa been abuurida ama
bedelaada tigidhada iyo soo gelinta dhulka qaranka ama iibinta, haysashada iyo suuq
gelinta tigidho been abuura, ciqaabta xaaladkasta waxaa la dhimayaa sadex dalool hal.
2. Xeerkan waxaa looga jeedaa “tigidh” tigidhada waraaqaha, tigidhada qabashada
qoraalada, tigidhada boosta iyo waraaqaha kale ee sharci gaar ahi ka dhigay in ay kuwaa
u dhigmaan.
Qodobka 353
Been abuurka waraaqaha loogu talogalay in lagu sameeyo dammaanadaha ama tigidhada
Qofkasta oo been abuura waraaqaha rasmiga ah loogu talogalay in lagu sameeyo dammaanadaha
ama tigidhada ama haysta ama dejiya, waxaa lagu ciqaabayaa hadii uusan dhalin falku Dembi ka
culus xarig laba iyo lix sanno iyo ganaax 3,000 ilaa 10,000 so. Shilling.
115
Qodobka 354
Samaynta ama haysashada qalab, waraaqaha loogu talogalay samaynta dammaanadaha iyo tigidhada ama haysashada qalabka lagu been abuuro
lacagta ama tigidhada ama waraaqahaa laga sameeyo Qofkasta oo sameeya, iibsada, haysta ama dejiya waraaqaha laga sameeyo tigidhada ama
dammaanadaha ama qalab loogu talogalay oo keliya buun abuurid ama bedelaad lacag, tigidho
ama waraaqaha laga sameeyo tigidhada ama dammaanadaha, waxaa lagu ciqaabayaa hadii falka
uusan ka dhalan Dembi ka culays badan xarig hal sanno ilaa shan sanno iyo ganaax So. Shilling
1,000 ilaa 5,000, ah.
Qodobka 355
Been abuurida shatiyada gaadiidka dadweynaha
Qofkasta oo been abuura ama bedela shatiyada (tigidhada) gaadiid dadweynaha, ama isagoo aan
ka qayb qaadan been abuurida ama bedelaada, iibsada, haysta ama suuqa geliya, shatiyadaas la
been abuuray ama la bedelay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax so. Sh
100 ilaa 2,000.
Qodobka 356
Ka reebanaanta ciqaabta
Qofkasta oo gala mid ka mid ah falalka ku xusan qodobada aynu soo dhaafnay ee ku guulaysta
inuu baajiyo been abuurka lacagta, bedelaada, soo saarista ama suuq gelinta walxaha ku xusan
qodobada aynu soo sheengay, inta aanay maamulka u xilsaarani ka war helin, ciqaab ma
mudanayo.
Qodobka 357
Isticmaalida tigidho la been abuuray ama la bedelay
1. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan been abuurka ama bedelaada ka dhiga in la isticmaalo
tigidhada la been abuuray ama la bedelay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno
ah iyo ganaax ilaa 5,000 shilin So.ah.
2. Marka tigidhada lagu helay si niyad sami ah, ciqaabta ku xusan qodobka 350, waxaa la
dhimayaa ilaa sadex dalool hal.
116
Qodobka 358
Isticmaalida shatiyada gaadiidka dadwaynaha oo la been abuuray Qofkasta oo aan qayb ka ahayn been abuurka ama doorinta, ka dhiga kuwo la isticmaalo
shatiyada gaadiid kasta oo dadwayne, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama
ganaax 100 ilaa 2,000 Sh.So.ah; marka tigidhka lagu helay niyad sami, waxaa la saarayaa
ganaax keliya oo ilaa 300 Sh.So.ah.
Qodobka 359
Isticmaalka calaamada tigidhka ama shatiga la isticmaalay iyo isticmaalkooda
1. Qofkasta oo ka tirtira ama si uun uga dhiga mid aan muuqanay tigidhada ama shatiyada
gaadiidka dadwaynaha calaamada muujinaysa in la isticmaalay oo markaa isticmaala
ama ka dhiga in la isticmaalo, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax
100 ilaa 2,000 shilin So.ah.
2. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan bedelaada ee ka dhiga in la isticmaalo tigidho ama
shatiyo la bedelayka, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas mid la mid ah; marka walxahaa lagu
helo niyad sami, waxaa la saarayaa gaaax ilaa 300 Sh.So.keliya.
CUTUB II
BEEN ABUURIDA ASTAAMAHA, QALABKA AMA CALAAMADA SUGGIDA,
TASDIIQINTA AMA AQOONSIGA
Qodobka 360
Been abuurka astaanta qaranka ama isticmaalka astaan been abuura Qofkasta oo been abuura astaanta qaranka ee loogu talogalay in lagu dhejiyo dhukumentiga
xukuumada ama isagoo aan ka qayb qaadan been abuurka, ka dhiga in calaamad been abuura
ay dadka kale isticmaalaan, waxa lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa lix sanno ah iyo ganaax
1,000 ilaa 20,000 Sh.So.ah.
117
Qodobka 361
Been abuurida astaamaha kale ee qaranka ama qalabka loogu talogalay suggida iyo ansixinta iyo istcmaalida astaamahaa iyo
qalabkaa la been abuuray 1. Qofkasta oo been abuura astaanta hay’ad guud ama xafiis guud ama isagoo aan ka qayb
gelin been abuurka ka dhiga in la isticmaalo astaan been abuura, waxa lagu ciqaabayaa
xarig hal ilaa shan sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.So.ah.
2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa, qof kasta oo been abuura qalab kale oo loogu
talogalay suggid ama xaqiijin ama isagoo aan ka qayb qaadan ka dhiga kuwo la
isticmaalo qalabkaas.
Qodobka 362
Been abuurida muuqaalka suggida ama tasdiiqinta guud Qofkasta oo hab ka duwan kuwa lagu sheegay qodobada hore been abuura muuqaalka
suggida ama tasdiiqinta guud ama isagoo aan been abuurida ka qayb qaadan isticmaala
qalabka xambaarsan muuqaal been abuurida, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku qeexan labada
qodob ee hore sida ay isugu xigaan oo la dhimay ilaa saex dalool hal.
Qodobka 363
Si xun u adeegsiga qalab sax ah
Qofkasta oo hayay astaamo sax ah ama qalab sax ah oo loogu talogalay suggid ama ansixin,
oo u isticmaala si uu ku dhibaataynayo cid kale ama si uu ugaga faa’iidaynayo naftiisa ama
qof kale, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah iyo ganaax ilaa 3,000 Sh.so.ah.
Qodobka 364
Isticmaalida ama haysashada cabir ama miisaan calaamad been ah 1. Qofkasta oo si uu wax ugu yeelo cid kale ka dhiga mid la isticmaalo cabir ama miisaan la
been abuuray ama la bedelay calamadiisii sharciga ahayd ama cabir ama miisaan si uun
loo bedelay, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax 5,000 Sh.So.ah.
118
2. Ciqaabtaas la mid ah ayaa la saarayaa qofka hawl ganacsi ama dukaan dadwaynaha u
furan, ku haysta cabir ama miisaan calaamadiisii sharciga ahayd la been abuuray ama la
bedelay ama miisaan ama cabir si uun loo bedelay.
3. Ujeedada Xeerka Ciqaabta cabirka iyo miisaanka waxa ku jira qalabka nooc kasta ee loo
isticmaalo cabirka ama miisaanka.
Qodobka 365
Been abuurka, doorinta ama isticmaalka calaamadaha Aqoonsiga xarfaha qoraalka ama shaqada farshaxan ama wax soo
saarka warshadeed 1. Qofkasta oo been abuura ama bedela calaamadaha ganacsiga ama aqoonsiga ee dalka
ama dibeda ee qoraal ama farshaxan ama wax soo saarka wershadeed, ama isaga oo aan
qayb ka ahayn been abuurida ama bedelaada, ka dhiga in la isticmaalo calaamadaha la
been abuuray ama la bedelay, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah iyo ganaax
ilaa 20,000 Sh.So. ah.
2. Qofkasta oo been abuura ama dooriya summadaha, naqshadaa wershadeed, moodeelada
wadaniga ah ama shisheey ama isagoo aan ka qayb qaadan been abuurid ama doorinta u
isticmaala si uu uga faa’iidaysto been abuurka ama doorinta summadahaa, naqshadahaas
ama moodeelada wuxuu mudanayaa ciqaab la mid ah.
3. Tilmaamaha hore waxa la dabaqayaa haddii qofku u idman ilaalinteeda uu raacay
tilmaamaha loo dhigay ee sharcigu wadaniga ah ama axdiyada caalamiga ah ee ilaalinta
qoraalada, farshaxanka ama wax soo saarka warshadeed.
CUTUB III
BEEN QORAALKA DHUKUMENTIGA
Qodobka 366
Been qoraalka dhokumentiyada guud ee sarkaal guud
Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa, sameeya dhamaan ahaan ama qayb
ahaan, dhukumantiyo been ah ama dooriya dhokumanti sax ah waxa lagu ciqaabayaa xarig
hal sanno ilaa sideed sanno ah.
119
Qodobka 367
Been Qoraalka shahaadooyinka maamul ama ogolaanshaha ee uu sameeyo sarkaal guud
Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa, been qora ama dooriya shahaadooyin
maamul ama ogolaansho, ama hab been qoraala ama doorin u sababa in aanay yeelan
shuruudihii looga baahnaa saxnimadeeda, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa hal
sanno ah.
Qodobka 368
Been qoraalka nuqulada asalka ah ee dhukumenti guud ama gaara iyo cadaynta nuxur dhukumenti ee sarkaal guud
1. Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa dhalanroga nuqul dhukumenti guud
ama gaar ah, una soo saara qaabkii sharciga ama soo saara nuqul dhukumenti guud ama
gaar ah oo ka duwan asalka, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa lix sanno ah.
2. Haddii been qoraalka uu galo sarkaal guud ansixinta nuxurka dhukumenti guud ama gaar
ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal ilaa laba sanno ah.
Qodobka 369
Ansixin been ah oo dhukumenti guud oo uu sameeyo sarkaal guud
Sarkaalka guud ee marka uu qaabaynayo ama qabanayo dhukumenti, isagoo gudanaya
waajibaadkiisa, si been ah u cadeeya fal uu sameeyay ama ka dhacay hortiisa, ama sugga
sida uu u helay cadayn uusan ku samayn isagu ama diida cadayn uu sameeyay ama bedela
cadayn uu sameeyay, ama si uun cadayn been ah ka sheega xaqiiqda dhukumentiga loogu
talogalay in uu cadeeyo runta, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan qodobka 366.
Qodobka 370
Cadayn been ah oo shahaadooyinka maamul ama ogolaanshaha ee uu sameeyo sarkaal guud
Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa, si been ah u cadeeya cadayn maamul
ama ogolaansho, xaqiiqda dhukumentiga loogu talogalay in uu u cadeeyo runta, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig saddex bilood ilaa laba sanno ah.
120
Qodobka 371
Cadayn beena oo uu bixiyo qof gudanaya hawl baahi guud
1. Qofkasta oo gudanaya hawl caafimaad ama mid sharciyeed ama adeeg baahi guud oo
kale, ee si been ah u cadeeya xaqiiqo dhukumenti, dhukumentigaas oo loogu talogalay in
uu cadeeyo runta, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sano ah ama ganaax 500 sh. Som
ilaa 5,000.
2. Ciqaabtaas ayaa lala dabaqayaa marka falka loo galo macaash ka raadin.
Qodobka 372
Cadayn been ah oo uu bixiyo qof rayid ah Marka mid ka mid ah falalka ku xusan qodobada 366,367 ama 368 uu galo qof rayid ahi,
ama sarkaal guud oo aan gudanayn xilkiisa, ciqaabta ku xusan qodobada aynu soo sheegnay,
waxa hoos loo dhigayaa saddex dalool, hal dalool.
Qodobka 373
Cadayn been ah oo dhukumenti guud uu ka bixiyo qof rayid ahi
1. Qofkasta oo cadayn been ah siiya sarkaal guud, si loo geliyo dhukumenti guud, xaqiiq
loogu talogalay in dhukumentigaasi cadeeyo runta, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba
sanno ah.
2. Mudada xarigu kama yaraan karto saddex bilood xaaladaha cadaynta beentu la xiriiro
xaalad qofeed.
Qodobka 374
Been ka sheega diiwaanada iyo ogaysiimaha
Qofkasta oo uu xeerku ku waajibiyay in uu xafido diiwaan, u furan baadhis madaxda ay
khusayso ama in uu siiyo madaxdaas hawlgaladiisa khuseeya wershedaha, ganacsi ama
hawlgal mihnadeed ee qora ama ogolaada in la qoro been xogeed, waxa lagu ciqaabayaa
xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax ilaa 3,000 sh. Som.
121
Qodobka 375
Been ka sheegid cadaymo gaar ah 1. Qofkasta oo ujeedo in uu u xaqiijiyo naftiisa ama cid kale faa’iido ama in uu dhibaato ku
gaadhsiiyo cid kale, ka dhiga dhamaanteed ama qayb ka mid ah cadayn uu qof bixiyay
mid beena ama bedela, cadayn sax ah oo qof bixiyay, waxaa lagu ciqaabayaa, hadii uu
adeegsado ama ogolaado in cid kale adeegsato xarig lix bilood ilaa saddex sanno ah.
2. Gelinta dheeraad been ah cadayn sax ah, ka dib marka qoraalka la xidho, waxaa loo
qaadanayaa wax ka bedel.
Qodobka 376
Been qoraal waraaq cadaan lagu saxeexay: dhukumenti gaara
1. Qofkasta oo ujeedo ah in uu naftiisa ama cid kale u xaqiijiyo faa’iido ama in uu
dhibaato ku gaadhsiiyo cid kale, ka dhiga in si khaldan loo adeegsado waraaq
cadaan loogu saxeexay oo uu gacanta ku hayay, xaqna u lahaa ama ay waajib ku
ahayd in uu buuxiyo, oo ku qora ama ogolaada in lagu qoro qoraalka gaar ah oo
raad sharci leh, wax ka duwan wixii waajib ku ahayd ama uu ogolaanshaha u
haystay in uu ku qoro, waxaa lagu ciqaabayaa, hadii uu adeegsado ama ogolaado
in cid kale adeegsato xarig lix bilood ilaa saddex sanno ah.
2. Waraaqda saxeexuhu ka tegay meel banana oo kasta oo ay ahayd in uu buuxiyo,
waxaa loo qaadanayaa in cadaan lagu saxeexay.
Qodobka 377
Been qoraal waraaq cadaan lagu saxeexay: dhukumenti guud
Sarkaalka guud ee khalad ku sameeya waraaq cadaan lagu saxeexay, taasoo uu gacanta ugu
hayay sabab xafiiskiisa ah, taas oo uu xaq u lahaa ama ay waajib ku ahayd buuxinteedu, oo ku
qora ama sababa in lagu qoro dhukumentigaa guud wax ka duwan, wixii ay waajibka ahaa ama
loo ogolaa in uu ku qoro, wuxuu mudanayaa ciqabta ku xusan qodobada 369 370, siday isugu
xigaan.
Qodobka 378
122
Isticmaal dhukumenti been ah 1. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan been qoraalka, oo isagoo og isticmaala dhukumenti
been ah, waxaa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan labada qodob ee hore (366,377) oo la
dhimay sadex dalool hal.
2. Xaaladaha cadaymaha gaarka ah uu qofku falka ku gelayo, wuxuu ciqaab mudanayaa oo
keliya haddii uu falka uu sameeyay ula jeedo inuu ku danaysto ama qof kale ugu
daneeyo ama cid waxyeelo ugu gaysanaayo.
Qodobka 379
Qarinta iyo baabi‟inta dhukumenti dhab ah 1. Qofkasta oo dhamaantood ama qayb ahaan, burburiya, cagta saara ama qariya
dhukumanti guud ama mid gaar ah, wuxuu mudanayaa siday u kala khuseeyaan
ciqaabaha ku xusan qodobada 366, 367, 372, ama 375, sida waafaqsan timaamaha halkaa
ku dhigan.
2. Tilmaamaha faqrada labaad ee qodobka hore ayaa lagu dabaqayaa qodobkan.
Qodobka 380
Dhukumanti u dhigmaa dhukumenti guud ujeedada ciqaabta 1. Marka been qoraalka ku sheegan qodobada hore, uu la xiriiro qoraal gacmeed dardaaran,
biil wax is dhaafsi ama agab kale oo gorgortan, ciqaabta ku xusan qodobka 375, halka
been qoraalka cadaymaha gaarka ah, waxaa la dabaqayaa ciqaabaha ku xusan faqrada
1aad ee qodobka 366 iyo qodobka 372 sida ay u kala khuseeyaan.
2. Xaaladaha been qoraalka ama bedelaada dhukumentiga la soo sheegay, qofka
isticmaalay ee aan ka qayb qaadan been qoraalka, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku
sheegan qodobka 378, isticmaalka dhukumanti guud oo been ah.
Qodobka 381
Nuqulada rasmiga ah ee asalku maqan yahay Ujeedada qodobada hore dhukumentiga guud iyo cadaymaha gaarka ah, waxaa ku jiraya asalka
dhukumentiga iyo nuquladooda la ansixiyay, marka sida sharciga ah ay gelayaan halkii nuqulada
asalka ah ee maqan.
123
Qodobka 382
Been qoraalka uu galo qof loo xilsaaray hawl guud Tilmaamaha qodobada hore ee ku saabsan falalka beenta ah ee ay galaan saraakiisha guud,
waxaa kaloo lagu dabaqayaa dadka loo xilsaaro hawl guud iyo saraakiisha hay’ad kasta oo qaran
oo la xiriira dhukumentiga ay soo saaraan iyagoo xilkooda gudanaya.
CUTUBKA IV
QOF ISKA DHIGID
Qodobka 383
Qof iska dhigid Qofka kasta oo ujeedo inuu ku daynaysto ama cid kale u daneeyo ama cid ku waxyeeleeyo,
khiyaameeya isagoo si sharci darro ah qof iska dhigaya, ama isagoo isaga ama qof kale ku
sheegaya magac kale oo beena, martabad kale ama awood kale oo sharcigu siinayo raadayn
qaanuuneed, marka aan falku dhalinayn Dembi kale oo ka culus, waxaa lagu ciqaabayaa xarig
ilaa hal sanno ah.
Qodobka 384
Cadayn ama dhanbaal been ah oo la siiyo sarkaal guud
1. Qofkasta oo si been ah ugu sheega sarkaal guud, dhukumentiga guud dhexdiisa,
aqoonsigiisa, mansabkiisa ama awoodiisa oo beenna ama cid kale, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah.
2. Qofkasta oo gala fal caddayn loogu talogalay in dib loogu soo saaro dhukumenti guud,
wuxuu mudanayaa ciqaab la mid ah.
3. Muddada xarigu kama yaraanayso hal sanno:
a) Xaalada cadaymaha dhukumentiga aqoonsiga;
b) Marka cadaynta beenta ahi ku saabsan tahay aqoonsigiisa, martabadiisa ama
derajadiisa shakhsi oo uu sameeyo qof eedaysane ka ah Maxakamad horteed ama
124
marka natiijada cadaynta beenta xukun ciqaaba garmaqalkiisa uu ku galo magac
been ah.
Qodobka 385
Hadal qoraal been ah oo ku saabsan aqoonsiga iyo derejada qof ahaaneed
Qofkasta oo marka laga reebo kuwa ku xusan qodobada hore ee la waydiiyo aqoonsigiisa ama
derajadiisa kale ee qof ahaaneed ee naftiisa ama qof kale ee siiya cadayn aan run ahayn sarkaal
guud oo xilkiisa gudanaya, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama ganaax ilaa 5,000
Sh.So.ah.
Qodobka 386
Xidhashada darajo ama billad
1. Qofkasta oo si qalad ah u labisata si fagaare ah labiska ama calaamado kale oo u gaara
sarkaal guud ama mansab ama mid sharci dajineed, ama mid maamul, ama mid garsoor
ama mid mihnadeed taas oo u baahan ruqsad gaara oo looga helo maamulka guud ee
awooda u leh, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.So.ah.
2. Ciqaabtaas oo kale ayaa la saarayaa qofka huwada billad aqooneed, billad sharaf, ama
shahaado, derejo ama astaamo ama arrimo kale oo abaal marin guud ama awood kasta oo
uu leeyahay xafiis kasta, jago kasta iyo aqoon kasta oo uu ku xusan faqrada aynu soo
dhaafnay.
QAYBTA VIII
DEMBIYADA LAGA GALO DHAQAALAHA QARANKA, SANCADA IYO GANACSIGA
CUTUB I
DEMBIYADA LIDKA KU AH DHAQAALAHA DALKA
Qodobka 387
Burburinta alaabta caydhin ama beeraha ama wershadaha, kuwa wax lagu soo saarayo
Qofkasta oo si uu u burburiya alaabta cadhin ama ta beeraha ama ta wershadaha ama qalabka
wax soo saarka sababta wax yeelo khatar ah oo gaara wax soo saarka wadaniga ama kala go’
125
badeecada caadi loo isticmaalo waxa lagu ciqaabayaa xarig sadex sanno ilaa laba iyo toban
sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 2,0000 Sh So.
Qodobka 388
Cudur ku faafinta dhirta iyo xoolaha Qofkasta oo si uu ugu fidiyo cuduro dhirta iyo xoolaha, ku waxyeeleeya beeraha iyo
xoolaha, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah.
Qodobka 389
Khiyaamo kor u qaadida ama hoos u dhigida qiimaha suuqa dadweynaha
1. Qofkasta oo ujeedo khalkhal gelin suuqa gudaha, saamiyada ama badeecadaha, daabaca
ama si kale u faafiya warar been ah, buunbuunsan oo dhiilo leh, ama hawlgeliya si kaloo
khiyaamo ku jirto oo keenaysa inay sababto hoos u dhac ama kor u kac qiimaha
badeecada ama saamiyada, kuwaas oo ah kuwa liisaskoodu ay ku jiraan isku bedel ka
lacagta qalaad ama ah kuwa lagu gorgortamo waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex
sanno iyo ganaax aan ka yarayn 3,000 Sh.So.
2. Marka kor u kaca qiimaha alaabta ama saamiyadu uu dhaco ciqaabta waa la kordhinayaa.
3. Waa la labanlaabayaa ciqaabta marka:
a) falka uu galo qof muwaadin ah ujeedo uu ugu danaynayo shisheeye;
b) marka natiijada falku keeno hoos u dhac qiimaha lacagta dalka ama korodhka
badeecadu ku yimado isticmaalka guud;
4. Ciqaabta ku xusan qodobada hore waxaa lagu dabaqayaa marka falka lagu galo dibeda, si
loogu waxyeeleeyo qiimaha lacagta qaranka ama saamiyada qaranka.
5. Xukunku wuxuu saamayn doonaa ka reebbista xafiisyada guud.
Qodobka 390
Xidhista iyo shaqo joojinta 1. Shaqaalaha, marka laga reebo xaaladaha sharcigu ogolaaday, joojiya dhammaan ama
qayb ahaan hay’adiisa ama xafiiskiis, waxa lagu ciqaabayaa ganaax aan ka yarayn
1,0000 Sh.So.
126
2. Shaqaalaha, marka laga reebo xaaladaha sharcigu ogolaaday, wadajir uga joogsada
shaqadooda ama gudashada hawshooda, si ay u khalkhalgeliyaan socodkeeda ama
caadinimadeeda, waxa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh.So.ah.
Qododbka 391
Degista amar la‟aan ee goob beereed ama wershedeed iyo curyaamin
1. Qofkasta oo ujeedadiisa keliya tahay in uu carqaladeeyo ama is hortaago habka shaqada
ee caadiga ah, ee qabsada, ama dega meel ka mid ah dhul beereed ama wershadeed oo
cid kale leedahay, ama la wareega mishiino, qalab ama adeeg loogu talogalay waxsoo
saar beereed ama wershadeed oo cid kale leedahay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa
saddex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. sh.
2. Qofkasta oo wax yeelaya dhismayaal loo isticmaalo beeraha ama wershadaha ama alaab
kale oo ku xusan tilmaamaha hore, marka falku uusan dhalinayn Dembi ka culays badan
xarigu wuxuu noqonayaa ilaa lix bilood ilaa afar sanno iyo ganaax aan ka yarayn 5,000
Sh. So.
Qodobka 392
Ciqaabaha kaabayaasha ah
Xukunka mid kasta oo ka mid ah Dembiyada lagu soo sheegay labada qodob ee hore, waxa
la xiriiraya ka reebbista xafiisyada guud, iyo ururada shaqaalaha muddo aan ka yarayn shan
sanno.
CUTUB II
DEMBIYADA LIDKA KU AH WERSHADAHA IYO GANACSIGA
Qodobka 393
Farogelinta xorriyada sancada iyo ganacsiga Qofkasta oo xoog ku isticmaala alaab ama khiyaamo si uu uga hor joogsado ama u khalkhal
geliyo dhaqanka warshadeed ama ganacsi, waxa marka dhibanuhu ashkatoodo lagu
ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno iyo ganaax 1,000 ilaa 2,000 sh. Som.
Qodobka 394
Khiyaamada ku lidka ah wershadaha wadanka
127
Qofkasta oo iib u soo bandhiga ama si uun u geliya, suuqyada wadaniga ah iyo kuwa
shisheeye, wax soo saarka warshadeed oo been abuur ah ama la bedelay magacyada,
muuqaalka ama astaanta, taasoo waxyeelo u gaysata wershadaha wadanka, waxa lagu
ciqaabayaa xarig sannad ilaa shan sano ah iyo ganaax aan ka yarayn 5,000 sh. Som.
Qodobka 395
Khiyaamada hawlaha gaancsiga 1. Qofkasta oo ku guda jira hawl ganacsi, ama dukaan u furan dadwaynaha, u keena
macaamiisha shay halkii shay kale, ama shay ka duwan kii asalka ahaa, ishii soo saartay,
tayada ama tirada, shayga la sheegay ama lagu heshiiyay, waxaa lagu ciqaabayaa marka
uusan falka ka dhalan xarig ilaa laba sanno ah ama ganaax ilaa 20,000 sh. Som.
2. Xaaladda alaabta qiimaha badan, ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa saddex sanno ama
ganaax aan ka yarayn 1,000 sh. Som.
Qodobka 396
Wax soo saar cunto aan asal ahayn oo loo iibiyo asal Qofkasta oo iib u soo bandhiga ama ka ganacsada wax soo saar cunto aan asal ahayn, waxaa
lagu ciqaabayaa, marka uusan falku dhalin Dembi ka culus, ilaa lix bilood ama ganaax ilaa
10,000 sh. Som.ah.
Qodobka 397
Ku iibinta wax soo saar wershadeed calaamad been ah Qofkasta oo iib u soo bandhiga ama qaab kale suuqa u soo geliya hawl qoraal ama farshaxan
ama wax soo saar wershadeed oo leh calaamad ganacsi ama calaamad kale oo wadani ama
shisheeye, kuwaasoo suurtogal ka dhigaysa, inay khalado iibsadaha isagoo u haysata kuwii runta
ahaa ama meeshii runta ahayd, tayadii runta ahayn ama shaqadii ama wax soo saarkii runta
ahayn, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku uusan dhalin Dembi ka culays badan xarig ilaa hal
sanno ah iyo ganaax ilaa iyo 10,000 Sh.So.
128
QAYBTA IX
DEMBIYADA LIDKA KU AH DAMMIIRKA IYO ANSHAXA
CUTUB I
DEMBIYADA GALMADA EE KHASABKA
Qodobka 398
Kufsi
1. Qofkasta oo xoog ama tahdiid galmo ula sameeya qof kale oo jinsi ahaan ka duwan,
waxa lagu ciqaabayaa xarig shan ilaa shan iyo toban sanno ah.
2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa, qofkasta oo qof jinsi ka duwan galmo la sameeya,
kaas oo aan lahayn awood uu ogolaansho ku bixiyo ama qof uu Dembiiluhu qof kale
isugu sheegay ama isaga dhigay.
3. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa sarkaalka guud, ee isaga oo ku xadgudbaya awoodiisa
u galmooda qof jinsiga kale ah oo la xiray ama la hayo, oo uu hayo sarkaalkaasi sabab
xafiiskiisa awgeed oo lagu aaminay isaga oo fulinaya amar madaxeed.
4. Ujeedada Xeerka Ciqaabta dhexgalida xubinta taranka ee labka la geliyo xubinta taranka
ee haweenka ayaa noqonaysa xiriir galmo.
Qodobka 399
Fal salaaxid ah oo xoog lagu galay
Qofkasta oo ku dhaqma xaaladaha ku xusan qodobka hore, ku sameeya salaaxid qof jinsi ka
duwan ah, oo aan ahayn xiriir galmo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa shan sanno ah.
Qodobka 400
Galmo aan dabiici ahayn oo lagu galo xoog Marka falalka ku xusan qodobada, 398, 399 lagu galo qof isla jinsigiisa ah ama qof jinsi ka
duwan meel aan ahayn dabiici, ciqaabta waa la kordhinayaa.
129
Qodobka 401
Af duub ama haysasho qof ujeedo guur ama salaax
1. Qofkasta oo si xoog ah, tahdiida ama khiyaamo u af-duuba ama u haysta qof ujeedo kufsi
(398) ama salaax, waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa shan sanno ah.
2. Qofkasta oo si xoog ah, tahdiida ama khiyaamo ah u af-duuba ama u haysta qof ujeedo guur
qof aan guursan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.
3. Qofkasta oo af-duub u haysta ama haysta qof aan awoodi karayn in uu rabitaan bixiyo
ujeedo kufsi ama salaax ama guur, waxaa lagu xukumayaa xarig hal ilaa sadex sannoah.
CUTUB II
DEMBIYADA LIDKA KU AH DHAWRSANAANTA IYO SHARAFTA GALMADA
Qodobka 402
Falalka anshax xumada
1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama goob u furan dadwaynaha ku gala fal anshax xumo ah,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.
2. Marka falka lagu galay si kama a ah oo taxadirdaro ah, ciqaabta waxay noqonaysaa 300
ilaa 3,000 sh,so.
Qodobka 403
Faafinta iyo daabacaada anshax xumada
1. Qofkasta oo ujeedo iibin ama qaybin ama bandhig dadwayne, sameeya, soo geliya
Dhulka Qaranka, iibiya, haysta, ama dibada u dhoofiya ama suuqa geliya, waraaqo,
sawiro, muuqaalo ama walxo kale oo anshax xumo ah, dabeecada ay doonto ha lahaatee,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex bilood ilaa sadex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn
1,000 Sh.So.ah.
2. Qofka ka ganacsada xataa qarsoodi, walxaha lagu sheegay faqrada hore ama qaybiya
ama u soo bandhiga fagaare, wuxuu mudanayaa ciqaab la mid ah.
3. Ciqaabtan, waxaa iyana lagu dabaqayaa xaalada qofku:
130
a) Uu isticmaalo dariiqo xayaysiis ah oo loola jeedo inay xoojiso fidinta ama iibinta
alaabooyinka ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan.
b) Bixiyo muuqaal masrax dadweyne ama filim oo lagu muujiyo ama riyaawado fagaare,
taas oo leh dabeecad anshax xumo.
4. Xaalada lagu xusnay xarafka (b) ee faqrada aynu soo dhaafnay ciqaabta waa la
kordhinayaa, marka uu baal maro mamnuucida madaxda.
Qodobka 404
Qeexida falalka iyo walxaha anshax xumada ah
Ujeedada xeerka ciqaabta, falalka iyo walxaha waxaa loo qaadanayaa in ay yihiin anshax
xumo, marka ay rayiga guud ku tahay anshaxa fool xumo.
Qodobka 405
Dhilaysi
1. Qofkasta oo ku dhaqma dhilaysi noocuu doono ha noqdee, waxa lagu ciqaabayaa xarig
laba bilood ilaa laba sanno iyo ganaax 100 ilaa 2,000 Sh. Som.
2. Marka falka uu galo qof guri leh (guursaday), ciqaabta waa la kordhinayaa.
Qodobka 406
U jiidista falal fool xun
1. Qof kasta oo meel fagaare ku jiida inuu falal fool xun ka sameeyo xataa si dad dadban
waa la ciqaabi markuusan falku ahayn midDembikhatar ah keenaya waa xabsi ilaa 1 sano
ama ganaax ilaa 2000 Sh. Som.
Qodobka 407
Ku dhiirin, ku kaalmayn iyo ka faa'iidaysi dhilaysi
1. Qofkasta oo ku dhiirigeliya qof kale in uu galo dhilaysi ama ku kaalmeeya nooc uun ugu
fududeeya dhilaysi, ama dhammaan ama qayb ahaan ka faa'iidaysta habka dhilaysiga,
wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan faqrada 1aad ee qodobka 405.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka:
a) Falku lid ku yahay qof aan awood u lahayn inuu ogolaansho biixyo;
131
b) Dembiiluhu yahay tafiirta (asalka) faraca, sayga, xaaska, walaasha, walaalka ama
masuulka xanaano ee qofka;
c) Falka uu lid ku yahay qof lagu aaminay Dembiiluha inuu daryeelo, wax barro,
tilmaamo, kormeero ama xafido.
Qodobka 408
Ku qasbid dhilaysi
1. Qofkasta oo si xoog ah ama cabsi gelin ah ugu qasba qof kale inuu galo dhilaysi, waxa
lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa lix sanno iyo ganaax 5,000 sh. Som ilaa 15,000 sh. Som
ah.
2. Marka mid ka mid ah xaaladaha ku xusan faqrada labaad ee Qodobka hore jirto ciqaabta
waa la kordhinayaa.
Qodobka 409
Galmada isku jinsiga Qofkasta oo la sameeya galmo qof kasta oo ay isku jinsi yihiin waxaa lagu ciqaabayaa, marka
falku uusan dhalinayn Dembi ka culus xarig saddex bilood ilaa saddex sanno. Marka uu yahay
salaaxid oo aan ahayn galmo, ciqaabta waa la dhimayaa ilaa saddex dalool hal dalool.
Qodobka 410
Tallaabooyinka ammaan Tallaabooyin ammaan ayaa la marin karaa xariga Dembiyada ku xusan qodobadda 407,408,409.
CUTUB III
DEMBIYADA KALE EE LIDKA KU AH ANSHAXA GUUD
Qodobka 411
Qaybinta ama iibina sharaab lagu sakhraamo
1. Qofkasta oo iibiya ama u qaybisa mawaadiniinta Soomaaliyeed ama qof Muslim ah oo
muwaadin shisheeye ah, sharaab lagu sakhraamo oo kasta, waxa lagu ciqaabayaa xarig
ilaa saddex bilood ah ama ganaax ilaa 1,000 sh. Som.
132
2. Marka sharaab lagu sakhraamo laga iibiyo ama lagu faafiyo dad da’doodu ka yar tahay
14 sano ama qof qaba cudur maskaxeed ama ah mid xaalad maskaxeed oo dhiman leh oo
ah nooc kasta oo maskax dhinaansho ah, ciqaabta waa la kordhinayaa.
Qodobka 412
Isticmaalida sharaabka lagu shakhraamo
1. Marka laga reebo xaaladaha qodobada la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah, ama
ajnebiga Muslimka ah oo isticmaala qaab kasta ha ahaatee mid ka mid ah sharaabka lagu
shakhraamo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa afar bilood ah iyo ganaax ilaa 1,000 So.
Sh.ah.
2. Marka falka lagu galo meel fagaare ah ama lagu galo meel u furan dadweynaha, ciqaabta
waa la kordhinayaa.
Qodobka 413
Sakhraanimo
1. Qofkasta, oo meel fagaare ah ama meel u furan dadweynaha ku sugnaada xaalad bandhig
sakhraanimo, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa saddex bilood ah ama iyo ganaax ilaa
2,000 sh. Som.ah.
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig saddex ilaa lix bilood marka falka uu galo qof hore
loogu cadeeyay Dembiyo lid ku ah nolol bani’aadan ama ammaanka oo aan kama’a
ahayn.
3. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka sakhraanimadu ay tahay mid la caadaystay.
Qodobka 414
Ku sababid qof kale shakhraanimo
Qofkasta, oo marka laga reebo xaalada ku xusan qodobka 411, ee meel fagaare ah ama meel u
furan dadweynaha, ku sababa sakhraanimo dad kale, isagoo siinaya sharaab lagu sakhraamo,
waxa lagu ciqaabayaa ilaa lix bilood ah ama ganaax ilaa 2,000 Sh.S0.ah.
133
Qodobka 415
Siin sharaabka lagu shakhraamo qof sakhraansan
1. Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobada 411 iyo 414, u keena
sharaab lagu sakhraamo qof ku jira xaalad sakhradeed oo muuqata, waxa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah.
2. Marka Dembiiluhu yahay kan haya goob dadweyne oo lagu iibiyo cuntada iyo sharaabka
xukunka waxaa wehelinaya in ruqsada laga laalo.
Qodobka 416
Samaynta ama ka ganacsiga alkahoolka waxyaalaha loogu talogalay in laga sameeyo ee sharcidarada ah
1. Qofkasta, oo aan dhowrin sharciga ama amarada maamulka ee soo saara, soo geliya
gayiga qaranka, u haysta ujeedo iib, ama iibiya, khamri ama sharaab kale oo alkahool ah
waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama ganaax 500 ilaa 5,000 sh. Som.ah.
2. Ciqaabtaas mid la mid ah ayaa la saarayaa qofkasta oo kale oo isagoo aan dhawrin
sharciga ama amarada maamulka, soo saara ama soo galiya gayiga qaranka alaabooyin
loola jeedo in lagu diyaariyo khamri.
Qodobka 417
Qeexid
Ujeedooyinka Xeerkan Ciqaabta “Sharaab alkahoolik ah” waxa loola jeedaa sharaabkasta oo
alkohol leh oo qiyaastiisa isbiirto dhab ahaan ka sarayso 3%.
134
QAYBTA X
DEMBIYADA LIDKA KU AH SINJIGA AADAMAHA
Qodobka 418
“Soo ridid uur ogolaansho la‟aan
1. Qofkasta oo sababa in qof haween ah uur ka soo rido iyadoo aan ogolaan, waxa lagu
ciqaabayaa xarig saddex ilaa todoba sanno ah.
2. Ciqaabtaas mid la mid ah ayaa la saarayaa qofkasta oo sababa in uu uur ka soo rido qof
haween ah oo aan awodin in ay ogolaansho bixiso, marka ogolaanshaha lagu sameeyo
qasab, cabsi gelin tahdiid ama ku boorin khiyaamo ku jirto.
Qodobka 419
Ilmo ka soo ridid la ogolaaday
1. Qofkasta oo ku sababa haweenay ilmo ka soo ridid ay ogolaatay, waxaa lagu ciqaabayaa
xarig hal ilaa shan sano ah.
2. Ciqaabtaas la mid ah ayaa la saarayaa haweenayda ogolaata ilmo ka soo ridida ama si
uun iyadu u sababta.
Qodobka 420
Ku boorrin ilmo iska soo ridid Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka hore, ku boorriya haweenay uur leh
in ay gasho ilmo iska soo ridid, iyadoo uu u maamulayo dariiqada ay ku fulinayso, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno ah.
Qodobka 421
Geerida ama dhaawaca haweenayda
1. Marka falka ku xusan qodobka 418, uu keeno dhimashoda haweenayda, ciqaabta la
saarayaa waxay noqonaysaa waa xarig toban ilaa shan iyo toban sanno ah. Marka falku
sababo dhaawaca haweenayda, ciqaabta la saarayaa waxay noqonaysaa xarig saddex ilaa
sideed sanno ah.
135
2. Marka falka ku xusan faqradda 1aad ee Qodobka 419 keeno dhimashada haweenayda
ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig afar ilaa sideed sanno ah; marka dhaawac yimaado,
ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa lix sanno ah.
Qodobka 422
Uur iska soo ridid sabab sharafeed
Marka mid ka mid ah qodobada ku xusan 418, 419, 420, iyo 421 lagu galo, iyadoo loola jeedo
dhowrista qofka sharaftiisa ama qof qaraabo dhow ah, ciqaabta halkaa ku xusan waxaa la
dhimayaa kala badh ilaa sadex dalool laba.
Qodobka 423
Ka dhigid qof karti laawe taran 1. Qofkasta oo ka dhiga qof lab ama dhedig oo ogolaaday mid karti laawe taran ah, waxaa
lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa 5,000 Sh.
So.ah.
2. Qofka bixiya ogolaanshaha in naftiisa lagu sameeyo, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo
kale.
Qodobka 424
Duruufaha cuslaynta iyo ciqaabaha kaabayaasha ah
1. Marka qofka lagu helo mid ka mid ah Dembiyada ku xusan faqrada 1aad ee qodobka 418
iyo qodobka 419, 421 iyo faqrada 1aad ee qodobka 423, lagu galo iyadoo la gudanayo
mihnad caafimaad, ciqaabta waa la kordhinayaa.
2. Xaalada ku noqnoshada ka reebbida mihnada caafimaad, waxay noqonaysaa joogto.
136
QAYBTA XI
DEMBIYADA LIDKA KU AH QOYSKA
CUTUB I
DEMBIYADA LIDKA KU AH AKHLAAQDA YO DHOWRSANAANTA QOYSKA
Qodobka 425
Guur sharcidarro ah Qofkasta oo gala heshiisa guur, marka la eego xaaladiisa qofnimo uusan guurkaasi xalaal ahayn,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa saddex sanno ah.
Qodobka 426
Sinada
1. Qofkasta oo ku xidhan guur sharci ah ee xiriir galmo la sameeya qof aan ahayn xaaskiisa
ama saygeeda, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah; ciqaabtaas mid la mid ah
ayaa la saarayaa qofka la samaynayay xiriirka galmo.
2. Dembiga waxaa lagu oogayaa dalabka dhibanaha.
Qodobka 427
Galmada muxaramka
1. Qofkasta oo xiriir galmo la sameeya qof kale oo ay xaaraan ka tahay in ay is guursadaan
xaaladiisa/deeda Shakhsigadeed, waxa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa shan sanno ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa xaaladaha xiriirka ah ee galmada muxaramka.
137
CUTUB II
DEMBIYADA LIDKA KU AH XAALADA QOYSNIMO
Qodobka 428
Asal doorinta ama qarinta gelinta diiwaanada madani
1. Qofkasta oo sababa in ay galiyaan diiwaanada madani dhalasho aan jirin, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa shan sano ah.
2. Qofkasta oo qariya ilmo dhashay, is hortaaga in magaciisa la galiyo diiwaanada madani,
waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa100 sh. Som.ah.
Qodobka 429
Bedelaada diiwaan gelinta madani
1. Qofkasta oo isku bedesha ilmo caruur ah oo dhashay ama bedesha diiwaan
gelintiisa, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa hal sanno ah.
2. Muddada xarigu waxay noqonaysaa lix bilood ilaa laba sanno, qofkasta oo u
samaynaya shahaadad dhalasho ilmo dhashay oo bedela diiwaan gelinta la xiriira
dhalshada ilmahaa.
138
CUTUB III
DEMBIYADA LIDKA KU AH MASUULIYADA QOYSNIMO
Qodobka 430
Ku xadgudubka waajibaadka qoysnimo
1. Qofkasta oo ka baaqsada waajibaadka la xiriira masuuliyada waalidnimo, xanaaneeye
ama guur, waxa lagu ciqaabayaa, marka falku uusan dhalinayn Dembi ka culus, xarig
ilaa hal sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa (10,000 sh. Som.ah.
2. Ciqaabtaas oo kale ayaa lagu dabaqayaa qofka si xun u isticmaala ama musrifa saamiga
uu leeyahay ilmo yar ama qof gacanta lagu hayo.
Qodobka 431
Ku xadgudubka habka saxitaanka ama edbinta
1. Qofkasta oo ku xadgudba tallaabooyinka saxitaan ama edbin oo waxyeelaynaysa qof
hoos yimaada masuuliyadiisa ama lagu aaminay isaga ujeedo wax barasho, jihayn,
daawayn maamulid ama xafidaad, ama wax qabasho aqooneed ama farsamo waxa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah; marka uu falku keeno khatar cudur jidh ama
maskaxeed.
2. Marka falku keeno dhaawac, ciqaabta ku xusan Qodobka 440, hoos ayaa loo dhigayaa
saddex dalool, hal dalool, marka dhimasho timaadona ciqaabtu waa xarig saddex ilaa
sideed sanno ah.
Qodobka 432
Si xun ula macaamilka carruurta iyo xubanaha qoyska
1. Qofkasta oo aan ahayn kuwa ku xusan Qodobka hore ee si xun ula dhaqma xubnaha
qoyska ama qof ka yar 14 sanno, ama qof uu masuul ka yahay ama qof lagu aaminay
ujeedo ah, wax barasho, jihayn, daawayn, maamulid, ama xafidaad, ama qabasho xirfad
ama farsamo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sannad ilaa shan sanno ah.
2. Marka falku keeno dhaawac culus ama aad u culus, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig
laba ilaa sideed sanno ah, marka dhimasho timaado ciqaabtu waa xarig toban ilaa shan
iyo toban sanno ah.
139
Qodobka 433
Haysasho qof aan lahayn awood sharci
1. Qofkasta oo xoog ku qabsada qof ka yar 14 sanno, ama qof maskax ahaan aan dhamayn
kana qaata waalid, gudanaya masuuliyadii waalidnimo, ama xanaaneeye ama mid lagu
aaminay, ama xayira qofkaas si ku lid ah rabitaanka dad aynu soo sheegnay waxaa lagu
ciqaabayaa dalabka waalidka gudanaya masuuliyada waalidnimo, ilaaliyaha ama lagu
aaminaha, xarig hal sanno ilaa saddex sanno ah.
2. Qofkasta oo xoog ku qabsada qof yar oo 14 sanno jir, ogolaansho la’aanta qofka yar,
ujeedo aan ahayn salaaxid, guur, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale, marka uu
dalbado waalidka adeegsanaya masuuliyada waalidnimo, xanaaneeyaha ama lagu
aaminaha.
QAYBTA XII
DEMBIYADA LIDKA KU AH QOFKA IYO AMMAANKA SHAKHSIGAADKA
CUTUB I
DEMBIYADA LIDKA KU AH NOLOSHA IYO AMMAANKA SHAKHSIGAADKA
Qodobka 434
Dil Qofkasta oo sababa dhimashada qof, waxaa lagu ciqaabayaa dil
Qodobka 435
Dilka ilmo dhashay sabab sharaf
1. Qofkasta oo sababa dhimashada ilma dhashay isla waqtiga uu dhashayba ama ilmo aan
dhalan waqtiga uu dhalanayo, ujeedo ah badbaadinaya qof sharaftii ama asalkiisa ama
faraciisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig toban sanno ilaa shan iyo toban sanno ah.
2. Isla ciqaabtaas ayaa la saarayaa qofkasta oo caawiyay gelitaanka Dembiga.
Qodobka 436
140
Dhimasho lagu sababo ogolaanshaha qofka
1. Qofkasta oo dhimasho ku sababa ogolaanshaha qofkaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix
ilaa shan iyo toban sanno ah.
2. Dembiilaha waxaa lagu ciqaabayaa Dil, marka falka lagu galo:
(a) Qof da’diisu ka yar tahay 18 sanno;
(b) Qof xiskiisu dhiman yahay
(c) Qof ogolaanshaha ku siiyay Dembiilaha, khasab, tahdiid, u soo jeedin ama
khiyaamo.
Qodobka 437
Isku day is dilid Qofkasta oo isku daya in uu naftiisa ku sababo dhimasho, isagoo samaynaya fal ku filan in uu
sababo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa shan sanno ah ama ganaax ilaa 10,000 Sh.So.ah.
Qodobka 438
Ku boorrin ama ku kaalmayn is dil
1. Qofkasta oo qof kale ku boorriya ama ku gargaara in uu is dilo ama si uun ugu
fududeeya in uu sameeyo is dilis, waxaa lagu ciqaabayaa marka is dilku dhaco, xarig
shan ilaa toban sanno ah. Marka aan is dil dhicina, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa
shan sanno ah, iyadoo ay tahay in isku daygu keeno dhaawac culus ama aad u culus oo
shakhsiyeed.
2. Ciqaabtu waa kordhaysaa, marka qofka la boorriyay ama la gargaaray uu hoos yimaado
dadka lagu sheegay xubnaha (a) & (b) ee faqrada 2aad ee qodobka 436. Si kasta ha
ahaatee marka qofkaa la soo sheegay uu ka yar yahay 14 jir ama uusan awoodin in uu
ogolaaansho bixiyo, waxaa la dabaqayaa tilmaamaha Dembiga dilka (434).
Qodobka 439
Gacan saar
1. Qofkasta oo qof kale gacan saara oo aanay ka iman dhaawac jireed ama maskaxeed,
waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu ashkatoodo, xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax
ilaa 3,000 Sh.So.ah.
141
2. Tilmaamaha sare lama dabaqayo marka sharcigu u arko falka tiirarka dhismaha Dembi
ama duruufo cuslayn Dembi kale.
Qodobka 440
Dhaawac
1. Qofkasta oo qof ku sababa dhaawac ay ka timaado waxyeelo jireed ama maskaxeed,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex bilood ilaa sadex sanno ah.
2. Dhaawaca waxaa loo aqoonsanayaa mid culus, waxaana lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa
todoba sanno ah marka:
(a) Falku keeno xanuun khatar geliya nolosha qofka la dhaawacay ama xanuun ama
karti la’aan ka horjoogsata gudashada shaqadiisa caadiga ah muddo ka badan
afartan casho;
(b) Falku keeno karti daro joogto ah oo dareeme ama xubin;
(c) Marka qofka la dhaawacay yahay haweenay uur leh oo falku keeno in dhalmadu
soo hormarto;
3. Dhaawac waxaa loo aqoonsanayaa mid aad u culus, waxaana la saarayaa ciqaab xarig oo
ah lix ilaa laba iyo toban sanno marka:falku keeno:
(a) Xanuun habaal ama ugu dhowaan aan la dawayn Karin;
(b) Lumin dareeme
(c) Lumista xubin ama waxyeelo ka dhigta xubintaas mid aan waxtar lahayn ama
lumis xubin ama lumis isticmaalkeeda ama lumen awoodii ay dib ugu abuurmi
lahayd ama ku adkaansho daran oo joogto ah ee hadalka ah;
(d) Qaabdaro ama foolxumo joogto ah oo wejiga ah;
(e) Wax qaadis kari la’aan qofka dhaawacmay ah.
Qodobka 441
Dil Kas Dhaaf ah
Qofkasta oo fal toos ah ku gala Dembiyada lagu sheegay Qod: 439, 440 ee sababa dhimasho qof
kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig toban ilaa shan iyo toban sanno ah.
Qodobka 442
Dil ama Dhaawac waalidku sababay
1. Marka Dembiyada lagu sheegay qodobada 434, 436, 440 & 441, ay galaan waalidku
ciqaabta ku xusan qodobadaas waxaa loo bedelayaa sidan:-
a) Ciqaabta dilka waxa hoos loogu dhigayaa xarig toban ilaa shan iyo toban sano ah.
142
b) Ciqaabta xariga waxa hoos loo dhigayaa saddex dalool hal ilaa badh.
2. Waalidka gala Dembiyada ku xusan qodobka 439 ciqaab ma mutaysanayo.
Qodobka 443
Dil ama Dhaawac sabab sharafeed
1. Qofkasta oo hela ooridiisa ama saygeeda, inantiisa ama walaashii oo sino (galmo xaaraan
ah) samaynaya oo cadho deg-deg ah oo sharaftiisa ama sharafta qoyskiisa ku gala Dembi
sababa dhimashada oorida ama sayga, inanta ama walaasha waxa lagu ciqaabayaa xarig
toban ilaa shan iyo toban sano ah, isla ciqaabtaas waxa la saarayaa qofka duruuftaas oo
kale ku sababa dhimashada qofkii galmada Xaaraanta ah la samaynayey oorida,
saygeeda, inantiisa ama walaashii.
2. Marka Dembiiluhu duruuftaas oo kale ku sababo dhaawac dadkaas la soo sheegay
ciqaabta ku xusan qodobka 440, waxaa hoos loo dhigayaa saddex dalool hal. Marka
dhaawacaasi keeno dhimasho ciqaabtu waxay noqonaysaa laba sano ilaa saddex sano.
3. Marka isla xaaladaas qofku ku galo dadkaas la soo sheegay Dembiga ku xusan qodobka
439 ciqaab ma mutaysanayo.
Qodobka 444
Safayn
1. Qofkasta oo ka qayb qaata dagaal safayn ah waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sano ah ama
ganaax ilaa 1000 Sh.So. ah.
2. Halka inta dagaalku socday qof ku dhinto ama qof dhaawac ka soo gaadho, ciqaabta
falka ka qayb-qaadashada safaynku wuxuu noqonyaa xarig saddex bilood ilaa shan sano
ah. Isla ciqaabtan waxaa la dabaqayaa haddii dhimashada ama dhaawacu yimaado
markiiba ka dib safaynka isagoo natiijadii safaynka ah.
3. Ciqaabta ku xusan labada qodob ee hore waa la kordhinayaa marka safaynka ay
sababtay:-
a) Sabab Siyaasadeed.
b) Qabyaalad u dhexaysa kooxo isireed.
Qodobka 445
143
Dil Kama‟ ah
1. Qofkasta oo kama’ taxadar darro ah ku sababa dhimasho qof kale waxaa lagu ciqaabayaa
xarig lix bilood ilaa shan sano ah.
2. Marka qof ka badani dhinto ama qofna dhinto mid ama kuwo kale dhaawacmaan waxaa
la dabaqayaa tilmaamaha qodobka 441, balse qaybtu ma dhaafi karto isugayn (12) laba
iyo toban sano
Qodobka 446
Dhaawac Taxadar darro ah
1. Qofkasta oo kama’ taxadar-darro ah ku sababa dhaawac qof kale waxa lagu ciqaabayaa
xarig ilaa saddex bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh.So. ah.
2. Marka dhaawacu uu culus yahay ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal bil ilaa Lix bilood
ah ama ganaax 2,000 – 20,000 Sh,So. Ah.
3. Marka dhaawacu aad u culus yahay ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig saddex bilood ilaa
Laba sano ah ama ganaax 5,000 – 20,000 Sh. So. Ah.
4. Marka dhaawacu yahay wax hal qof ka badan waxaa la dabaqayaa qodobka 441, balse
isugeynta ciqaabta xarig ma dhaafi karto Shan sano.
5. Xaalada ku xusan faqrada hore ee qodobka waxaa lagu oogayaa dacwada dalabka
dhibanaha.
Qodobka 447
Dhimasho ama Dhaawac Natiijo Dembi kale
Xaaladaha aan ahayn kuwa ku xusan qodobka 441, markasta oo dhimashada ama
Dhaawacu ay ku yimaadaan fal Dembi kale uu Dembiiluhu doonay isagoo aan doonin
natiijada waxaa la dabaqayaa tilmaamaha qodobada 445, 446, balse ciqaabtu way
kordhaysaa.
Qodobka 448
Dayacaad qof yar ama qof aan karti lahayn
1. Qofkasta oo dayaca ilmo ka da’ yar 14 jir ama qof aan karti lahayn oo loo ilaalinayey
naftiisa xaaladdiisa dhammaystir la’aanta caqliyeed ama jireed ama da’ weynaantiisa
ama sabab kale, marka qofkaa loogu xilsaaray ilaalin, ama xanaano, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa Shan sanno ah.
144
2. Qofkasta oo ku daayaca dal shisheeye muwaadin Soomaali ah oo ka yar 18 jir oo uu u
xilsaarnaa ilaalintiisa dalkaas, sabab shaqo darteed wuxuu mudanayaa isla ciqaabtaas.
3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa hal ilaa lix sanno marka falkan uu dhaawac ka yimaado iyo
Saddex ilaa Siddeed sanno marka dhimasho ka timaado.
4. Ciqaabtu way kordhaysaa markay falka ay galaan Waalid, ubad, xanaaneeye, Oori, Say
ama waalidka ama ubadka dabiiciga ah.
Qodobka 449
Tuurid Ilmo cusub oo dhashay sabab sharafeed
1. Qofkasta oo tuura ilmo cusub oo markaa dhashay isagoo dhawraya sharaftiisa ama
sharafta asalkiisa ama faraciisa waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood ilaa Hal
sanno ah.
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Lix bilood ilaa Labo sanno marka uu falka ka yimaado
dhaawac iyo Labo ilaa Shan sanno markay falka ka timaado dhimashada ilmuhu.
3. Duruufaha lagu sheegay qodobka 39 Dembigan ma culaynayaan.
Qodobka 450
Caawimo u fidin la‟aan
1. Qofkasta oo hela ilmo lumay ama la tuuray oo ka yar 10 jir amaba qof kale oo aan
awoodi Karin in uu naftiisa maamulo sabab dhamaystir la’aan caqliyeed ama jireed ama
da’weynaan ama sabab kaleba oo aan markiiba ku wargelin maamulka waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ama ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo hela jidh aadami oo u muuqda in naftu ka baxday ama dhaawacan ama
khatar ku sugan oo aan u fidin caawimada uu u baahan yahay ama aan markiiba ku
wargelin maamulka wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale.
3. Halka falka Dembiilluhu sababo dhaawac ciqaabtu way kardhaysaa, marka uu dhimasho
sababona ciqaabtu way labanlaabmaysaa.
CUTUB II
145
DEMBIYADA LIDKA KU AH SHARAFTA
Qodobka 451
Af-lagaado
1. Qofkasta oo ku af-lagaadeeya sharafta iyo sumcadda qof kale eray ama ficil joogidiisa
ama qoraal ama sawir ama xiriir telefoon ama telegram waxaa lagu ciqaabayaa marka uu
dhibanuhu dalbado xarig ilaa Hal sanno ah ama ganaax ilaa 1,000 Sh So. ah.
2. Ciqaabtu waxay kordhaysaa ilaa labanlaab:-
(a) Marka af-lagaadada lagu sameeyo meel uu joogo hal qof ka badan ama hab ay si
toos ah ugu ogaan karaan.
(b) Marka af-lagaadadu ahayd tilmaamid arrin cayiman.
(c) Marka ay af-lagaadadu ku waajahan tahay si toos ah qoomiyadda, asalka bulsho
ama qoyska dhibanuhu ka tirsan yahay.
(d) Halka af-lagaadada lagu galay eray, fal, qoraal ama sawir ama xiriir is-
gaadhsiineed oo caadada bulsho si toos ah cadho ugu abuuri karta dhibanaha,
xataa haddii aanay cadhadaas abuurin si gaar ah dabeecad culays u leh.
3. Dacwadda waxaa oogaysa dawladda marka ay jiraan xaaladaha ku xusan xarafaha (c) &
(d) ee faqradda hore.
4. Marka af-lagaadada laysu celiyey Maxkamaddu waxay caddayn kartaa in midkood ama
labaduba aanay ciqaab mutaysanayn in kasta oo dhinacyada midkood dacwad soo
gudbistay.
Qodobka 452
Ceebayn
1. Qofkasta oo xaalad aan ahayn kuwa ku xusan qodobka hore, isagoo la xiriiraya wax ka
badan Hal qof ku dhawaaca sumcadda qof kale waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu
dalbado xarig ilaa Hal sanno ah ama iyo ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
2. Ciqaabta waxaa la kordhinayaa ilaa labanlaab marka ay jiraan xaaladaha lagu sheegay
xarafaha (b), (c) & (d) ee faqradda 2aad ee qodobka hore.
3. Marka falka lagu galay warbaahin ama qaab kale oo faafin ciqaabtu waxay noqonaysaa
Lix bilood ilaa saddex sanno ama ganaax aan ka yarayn 4,000 Sh. So. ah.
146
Qodobka 453
Caddaynta Rumta
1. Xaaladaha lagu sheegay labada Qod: 451, 452, marka Dembigu ku saabsan yahay
tilmaamid dhacdo gaar ah caddayta dhacdadaas waa laga ogol yahay Dacwadda ciqaabta
dhexdeeda, iyadoo ay tahay in dhibanuhu si cad u dalbado intaan dhegaysiga dacwaddu
bilaabmin.
2. Xaalad kasta Dembiiluhu wuxuu xaq u leeyahay cadaynta runnta:-
(a) Marka dhibanuhu yahay sarkaal guud, dhacdada lagu tilmaamayna ay la xiriiro
gudshada hawsha sarkaalkaas.
(b) Marka dhacdadaasi lagu sheegay ay la xiriiro dacwad ciqaab ah ama anshax oo
dhacdadaas ay dhibanaha ku oogan tahay oo la xiriira dhacdada lagu sheegay ama
sugayso in la dhegaysto ama ay bilaabmayso.
3. Halka runta dhacdadaas lagu caddeeyey dhibanaha Dembi faluhu waa lama ciqaabaan.
Qodobka 454
Kicin
Qofkasta oo ku sameeya falalka ku xusan Qod: 451, 452 cadho ay sababtay fal shacidarro ah
oo dhinaca kale la yimi oo ka dib uu falku yimaado ciqaab ma mutaysanayo.
CUTUB III
DEMBIYADA LIDKA KU AH XORIYADDA SHAKHSI
QORMADA 1aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH SHAKHSIGADA AADAMAHA
Qodobka 455
Adoonimo u qabsasho
Qofkasta oo adoonimo ama xaalad la mid ah u qabsada qof kale waxaa lagu ciqaabayaa
xarig Shan sanno ilaa labaatan sanno ah
147
Qodobka 456
Ka ganacsi adoonsi
Qofkasta oo ka ganacsada qaab uun adoonsi ama qof la mid ah xaalad adoonsi waxaa
lagu ciqaabayaa xarig shan sanno ah ilaa labaatan sanno ah
Qodobka 457
Iibinta iyo iibsiga Adoomaha
Qofkasta oo xaalad aan ahayn ta ku xusan qodobada hore iibiya ama wareejiya qof
xaalad adoonimo ku jira ama xaalad la mid ah ama u qaata gacan ku hayn ama iibsiga
ama qabsada qofka xaaladaa ku sugan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex ilaa laba iyo
Toban sano ah.
Qodobka 458
Xoog ku qabsasho
Qofkasta oo qof kale ku qasba in uu awoodiisa hoos keeno si uu si dhamaystiran xoog
ugu haysto waxaa lagu ciqaabayaa xarig Shan ilaa Shan iyo Toban sanno ah.
QORMADA 2aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH XORIYADDA SHAKHSIGA AH
Qodobka 460
Xayirasho Qof
Qofkasta oo qof kale ka xayuubiya xorriyadiisa shakhsi waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix
ilaa saddex sanno ah
Qododobka 461
Xarig sharcidarro ah
Sarkaalka guud ee marka laga reebo xaaladaha sharcigu ogol yahay xariga qofka, ama
haya masuuliyada xabsi, ee halkaa ku haya qof isagoo aan helin amar ka yimi haya’ada
awooda u leh, ama sabab macquula ah daahiya fulinta ciqaabta ama tallaabooyin
ammaan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.
148
Qodobka 462
Ku xadgudubka maamulka ee qof xidhan ama la hayo
1. Sarkaalka guud ee ku fuliya tallaabooyin qalafsan oo uusan sharcigu ogolayn qof xidhan
ama la hayo ama si waqtiyeysan loo hayo ama uu u xilsaaran yahay in uu ku fuliyo amar
maamul awood u leh, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.
2. Ciqaabtan oo kale waxaa la saarayaa sarkaalka guud ee isagoo huwan xilka xafiiskiisa ee
hay’ad maamul oo qofkaas haysa marka uu falkan sameeyo.
Qodobka 463
Baadhis & fatashaad qof oo gardarro ah
Sarkalka guud ee isagoo ku xadgudbaya awooda ka dhalatay xilkiisa ee qaada baadhis ama
fatashaad waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah
QORMADA 3aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH XUQUUQDA SHAQADA
Qodobka 464
Shaqo Ku Khasab
Marka laga reebo xaaladaha millateri ama madani ee baahida deg-dega ah ama xaaladaha
kale ee sharcigu si cad u sheegay shaqada khasabka ah, qof kasta oo ku qasba qof kale shaqo
ama adeegsada qof shaqo lagu khasbay marka uusan falku dhalin Dembi ka culus, waxaa
lagu ciqaabayaa xarig Lix billood ilaa Shan sanno ah iyo ganaax 5,000 Sh. So. Ah.
Qodobka 465
Ku xadgudubka xuquuqda in shaqaaluhu ku biiraan ama ka qaybgalaan ururo shaqaale
1. Qofkasta oo isagoo adeegsanaya xoog ama tahdiid ku qasba qof shaqaale ah in uu ku
biiro shaqaale hal ama ka badan ah ama ka hortaga ku biiristooda, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Afar sanno ah iyo ganaax ilaa 10,000 Sh. So. ah.
2. Isla ciqaabtaas waxaa la saarayaa marka xoogga iyo tahdiida loo adeegsado in qof lagu
qasbo in uu ku biiro Urur shaqaale ama laga hortago in uu ku biiro Urur shaqaale.
149
QORMADA 4aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH XORRIYADDA DAMIIRKA
Qodobka 466
Khasbid Shakhsi
Qofkasta oo isagoo adeegsanaya xoog ama tahdiid ku qasba qof kale in uu qabto fal ama
uu ka joogsado fal sharci ahaan uu isagu u door lahaa, waxaa lagu ciqaabayaa haddii
uusan ka dhalan Dembi ka culis, xarig ilaa Saddex sanno ah.
Qodobka 467
Khasab ama tahdiid loo adeegsado in lagu sababo gelid Dembi
1. Qofkasta oo isagoo adeegsanaya xoog ama tahdiid ku khasba ama ku sababa qof kale in
uu galo fal Dembiyeed, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Shan sanno ah.
2. Ciqaabtu way kordhaysaa marka ay jiraan duruufaha ku xusan Qodobka 266.
Qodobka 468
Tahdiid
1. Qofkasta oo ku tahdiida qof kale dhibaato sharci darro ah, waxaa lagu ciqaabayaa marka
dhibanuhu dalbado ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.
2. Marka tahdiidu ay culus tahay ama lagu sameeyo mid ka mid ah xaaladaha ku xusan
qodobka 266, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Hal sanno ah, waxaana oogeysa
dawladda.
Qodobka 469
Xaalad karti darro oo lagu dhaliyo xoog
1. Qofkasta oo boorin maandoorin ama siin isbiirto ama walxaha maanka dooriya qof kale
uga dhiga mid aan rabitaan lahayn ama awoodi Karin in uu rabitaankiisa cabbiro waxaa
lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah.
2. Rabitaan bixinta lagu sheegay qodobka 436 (2) ma reebayso masuuliyadda ciqaabta.
3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Shan sanno ah:
(a) Marka Dembiiluhu ku dhaqmo shayga sababay in Dembiga la galo.
150
(b) Marka qofka laga dhigay karti-laawaha uu xaaladaas ku galo fal sharciga Dembi
ku ah.
QORMADA 5aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH DHAWRSOONAANTA HOYGA.
Qodobka 470
Ku xadgudubka dhawrsanaanta Hoyga
1. Qofkasta oo gala guri uu qof kale degan yahay ama meel kale ama meel kasta oo si gaar
ah loo degan yahay rabitaan la’aanta qofka xaqa u leh in uu iska hortaago ama ku galo si
qarsoodi ah ama khiyaamo ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.
2. Qofkasta oo ku negaada goobahaa la sheegay isagoo aan si cad u helin rabitaanka qofka
leh xaqa iska hortaaga, ama ku hakada si qarsoodi ah ama khiyaamo ah wuxuu
mudanayaa isla ciqaabtaas.
3. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.
4. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Hal sanno ilaa Shan sanno waxaana oogaysa dawladda
marka falka lagu galo xoog lid ku ah shayga ama dadka ama marka Dembiiluhu si furan
u hubaysan yahay.
Qodobka 471
Ku xadgudub dhawrsanaanta hoyga oo uu galo sarkaal guud
1. Sarkaalka guud ee isagoo ku xadgudbaya awoodda shaqadiisa ka dhalatay gala ama ku
negaada meelaha lagu sheegay qodobka hore, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Hal ilaa Shan
sanno ah.
2. Marka xadgudubku uu yahay gelintaanka meelaha la soo sheegay iyadoo aan la
ilaalinayn qaababka sharciga ku qeexan, ciqaabtu waxay noqonysaa ilaa Hal sanno.
151
QORMADA 6aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH SIRTA.
Qodobka 472
Joojinta tuurista iyo qarinta qoraalada xiriirka
1. Qofkasta oo ogaada nuxurka qoraalo lagu xiriiro oo xidhan oo aan isaga ku socon ee
tuura, ama leexiya qoraalo lagu xiriiro oo lingaxan ama furan isagoo ujeedadiisu tahay in
uu nuxurkeeda ogaado ama qof kale gaadhsiiyo ogaanshaha nuxurkeeda ama tirtira ama
baabi’iya qoraaladaas dhammaantood ama qayb ka mid ah waxaa lagu ciqaabayaa haddii
aan falkaas loo aqoonsan Dembi qodob kale oo sharci, xarig ilaa Hal sanno ah iyo
ganaax 300 – 5,000 Sh. So. ah.
2. Halka Dembiiluhu isagoo aan niyad wanaagsanayn uu furto dhammaan ama qayb ka mid
ah qoraalo xiriir nuxurkooda, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku dhibaato sababo,
marka uusan falkaasi dhisayn Dembi ka culus, xarig ilaa Saddex sanno ah.
3. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.
4. Ujeedada tilmaamaha qodobada qormadan erayga “qoraalo lagu xiriiro” waxaa ku jira
Waraaqaha, Telegaraamada iyo Telefoonada.
Qodobka 473
Khiyaamo ku ogaanshaha, hakinta, iyo joojinta xiriiro telegram, telifoon ama wada sheekaysi
1. Qofkasta oo dariiq khiyaamo ah ku ogaada nuxurka xiriir telegaraam oo aan isaga ku
socon ama wada-sheekaysi telefoon oo dad kale ama jara (hakiya) ama ka hortaga
kuwaas oo kale waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100 – 3,000 Sh. So. ah.
2. Halka Dembiiluhu isagoon niyad wanaagsanayn uu furto dhammaan ama qayb ka mid ah
nuxurka wada xiriir ama wada sheekaysi, marka falka uu sababo dhibaato, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.
3. Dembiga waxaa lagu oogayaa dalabka dhibanaha.
Qodobka 474
Furashada nuxurka qoraalo xiriir
1. Qofkasta oo aan ka mid ahayn xaaladaha lagu xusay Qod: 472, si khaldan u ogaada
nuxurka qoraalo xiriir oo aan isaga ku socon, taasoo loogu talo galay in ay sir ahaadaan,
furta qoraaladaas dhammaan ama qayb ka mid ah, isagoo aan niyad wanaagsanayn
152
waxaa lagu ciqaabayaa marka falku sababo dhibaato, xarig ilaa Lix bilood ah ama iyo
ganaax 1,000 – 5,000 Sh. So. Ah.
2. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.
Qodobka 475
Joojinta, Jeexista, iyo baabi‟inta qoraalo xiriir oo uu galo qof ka Shaqeeya hawlaha boostada, Telegaraamada ama Telefoonada.
1. Qofka ka shaqeeya hawlaha boostada, telegaraamada ama telefoonada ee isagoo ku xad-
gudbaya mansabkiisa gala mid ka mid ah falalka lagu xusay faqradda 1aad ee Qod: 472
waxaa lagu ciqaabayaa, xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah.
2. Halka Dembiiluhu isagoo aan niyad wanaagsanayn uu furto dhammaan ama qayb ka mid
ah nuxurka qoraalo xiriir, waxaa lagu ciqaabayaa haddii uusan falka ka dhalan Dembi ka
culus, xarig Lix bilood ilaa Shan sanno ah iyo ganaax 300 – 5,000 Sh. So. Ah.
Qodobka 476
Furashada nuxurka qoraalo xiriir oo uu sameeyo qof Ka shaqeeya hawlaha Boostada, Telegaraamada iyo Telefoonada
Qofkasta oo ka shaqeeya hawlaha boostada, telegraamada ama telefoonada ee
masuuliyadiisa ku ogaada nuxurka qoraalo xiriir oo furan ama xiriir telegaraam ama
wada sheekaysi telefoon, ama u fura qoraaladaas, isagoon ka niyad wanaagsanayn qof ka
duwan kii qoraalku u socday ama ka duwan kuwii xiriirka ama wada hadalku
dhexmaray, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah
Qodobka 477
Furashada nuxurka dhukumenti Sir ah
1. Qofkasta oo si khaldan u helay ogaanshaha nuxurka qoraalo kalsooniyeed ama
dhukumenti guud ama gaar ah oo loogu talo galay in ay sir ahaadaan, kuwaas oo aan
ahayn qoraalo xiriir oo la faafiyay, isagoon ka niyad wanaagsanayn ama u adeegsada in
uu ka faa’iidaysto ama cid kale uga faa’iideeyo waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex
sanno ah ama iyo ganaax 1,000 – 10, 000 Sh. So. Ah.
2. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.
153
Qodobka 478
Faafinta Sir Mihnadeed
Qofkasta oo ku ogaaday sir sabab martabadiisa ah ama xafiiskiisa ama mihnadiisa ah
ama xirfadiisa ah oo faafiya isagoon niyad wanaagsanayn ama u adeegsada ka
faa’iideysigiisa ama uga faa’iideeya qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku sababo
dhibaato xarig ilaa Hal sanno ah ama iyo ganaax 300 – 3,000 Sh. So. ah.
Qodobka 479
Faafinta Sir Saynis ama Wershadeed
1. Qofkasta oo ku ogaada sabab mihnadiisa ama xirfadiisa ah war loogu talo galay in uu sir
ahaado oo la xiriira daahfur saynis ama cilmiyeed oo faafiya ama u isticmaala ka
faa’iideysigiisa ama ka faa’iideysashada cid kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Labo
sanno ah.
2. Dembigan waxaa lagu oogayaa dalabka dhibanaha.
QAYBTA XIII
DEMBIYADA LIDKA KU AH HANTIDA EE LOO MARO XOOGGA
CUTUB I
DEMBIYADA LIDKA KU AH HANTIDA EE LOO MARO XOOGGA
Qodobka 480
Tuugo
1. Qofkasta oo ujeeddo ah in uu u helo macaash xaqdarro ah naftiisa ama cid kale, qaata
hanti guurto ah oo cid kale, isagoo ka xayuubinaya gacan ku hayntii ciddaas, waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax 300 – 5,000 Sh. So. ah.
2. Ujeedada xeerka Ciqaabta tamarta korontada iyo tamarta kale ee qiimo dhaqaale leh
waxaa loo qaadanayaa in ay ku jiraan hantida guurtada ah.
154
Qodobka 481
Xaaladaha cusleeya Dembigan
1. Ciqaabtu waxa noqonaysaa xarig Hal sanno ilaa Lix sanno ah iyo ganaax 1,000 – 10,000
Sh. So. ah.
(a) Marka Dembiiluhu si uu u galo falka uu galo ama ku negaado dhisme ama meel
kale oo loogu talo galay degsiimo.
(b) Marka Dembiiluhu adeegsado xoogid shayga ah ama ku kasbado si khiyaamo ah.
(c) Marka Dembiiluhu sito hub ama mukhaadaraad xataa yuusan isticmaaline.
(d) Marka lagu galo dhufsasho ama ka dafid hantida guurtada ah ee gacanta qofka.
(e) Marka ay falka galaan tiro ka badan Saddex qof ama Hal qof oo iska dhigay
sarkaal guud ama sarkaal u xilsaaran hawl guud.
(f) Marka falka lagu galo xamuulka gaadiidka ee safarka ama istaamada, ama
barxadaha huteelada la seexdo ama meelaha kale ee laga cunteeyo ama wax laga
cabo.
(g) Marka falka lagu galo hanti guurto ah ee xafiisyada guud ama shirkadaha ama
hanti kasta oo guurto ah oo xayiran ama la socota ama loo soo bandhigay sabab
baahi deg-deg ah, kastamada ama hanti mas’uuliyad guud ama loo qoondeeyey
adeeg guud, isticmaal guud, difaac ama cibaado.
(h) Marka falka lagu galay Saddex neef ama ka badan oo lo’ ah oo laysugu geeyey
daaq ama xero ama waraab xataa haddii aan la wada xerayn.
2. Marka ay kulmaan Labo iyo ka badan duruufahan ama mid ka mid ah ama kabadani iyo
mid ama ka badan kuwan ku xusan Qod: 39, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Saddex
sanno ilaa Toban sanno ah iyo ganaax 2,000 – 15,000 Sh. So. ah.
Qodobka 482
Tuugo lagu ciqaabo dalabka dhibanaha
1. Xaaladda Lagu xusay qodobka 480, muddada ciqaabtu wuxuu noqonaysaa ilaa Hal
sanno ama ganaax dhan 2,000 Sh.So.ah, waxaana lagu oogayaa dalabka dhibanaha;
a) Marka dhaqanka Dembiiluhu ahaa ujeeddo isticmaal keliya oo waqtiyeysan ee
hantida guurtada la qaatay, hantidana la soo celiyey isla markiiba isticmaalka ka
dib.
b) Marka falka lagu galay hanti guurto ah oo qiimo yar, taas oo ay keliftay baahi
deg-deg ah.
c) Marka falku ku kooban yahay urursi, gurasho ama xaabid beer aan dhammaan
laga safayn midhaha.
2. Qodobkan lagu dabaqi maayo haddii ay kulmaan duruufaha ku xusan faqradaha a), b), c)
& d) ee Qod: 481 midkood.
155
Qodobka 483
Qaadasho hanti guurto ah oo wada-jir loo leeyahay
1. Sheerlaha, Saamilaha ama Dhaxal-laha si uu ugu helo faa’iido xaqdarro ah naftiisa ama
cid kale, qaata guurto lala leeyahay, isagoo ka qaadaya qofkii hore gacanta ugu hayey,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Laba sanno ah ama ganaax dhan 1,000 – 10,000 Sh.
So.ah.
2. Qofka ku gala falkan guurto bedelmi karta, lama ciqaabayo marka qiimaha shaygu uusan
ka badnayn saamigiisa.
Qodobka 484
Budhcadnimo
1. Qofkasta oo ujeeddo in uu u helo naftiisa ama cid kale faa’iido xaqdarro ah, qaab qasab
ama haddidaad ah qof kale kaga qaata hanti guurto ah oo qof kale, isagoo ka qaadaya
gacan ku haynteedii waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex sanno ilaa Toban sanno ah iyo
ganaax 8,000 – 20,000 Sh. So.ah.
2. Qofkasta oo isticmaalaya qasabka ama haddidaada ka dib marka uu qaatay si uu isaga
ama cid kale ugu negeeyo gacan ku haynteeda ama in isaga ama ciddaa kale kaga
baxsato ciqaabta waxaa uu masuul ka noqonayaa ciqaabtaas oo kale.
3. Ciqaabtu waxay kordhaysaa Saddex dalool hal (⅓) ilaa badh (½).
a) Marka qasabka ama tahdiida lagu galay hub.
b) Marka qasabku keenay in uu qof ka dhigo mid aan karti u lahayn ogolaansho.
Qodobka 485
Dirqiyid
1. Qofkasta oo qaab qasab ah (xoog ah) ama tahdiid ah qof ugu dirqiya in uu sameeyo ama
samayn waayo (ka joogsado) fal si uu taas uga helo naftiisa ama cid kale faa’iido
xaqdarro ah ama u gaadhsiiyo dhibaato cid kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex
ilaa Toban sanno ah iyo ganaax 5,000 – 20,000 Sh. So. ah.
2. Ciqaabtu way kordhaysaa Saddex dalool hal (⅓) ilaa badh (½) marka ay la kulanto
xaaladaha lagu sheegay faqradda ugu dambaysa ee qodobka hore.
156
Qodobka 486
U xidhasho qof ujeeddo budhcadnimo ama dirqiyid
1. Qofka qof u xidha ujeeddo in uu uga helo naftiisa ama cid kale macaash xaq-darro ah
qiimaha siideyntiisa waxaa lagu ciqaabayaa xarig Siddeed ilaa Shan iyo Toban sanno ah,
iyo ganaax 10,000 – 20,000 Sh. So. ah.
2. Xarigu wuxuu noqonayaa Labo iyo Toban ilaa Siddeed iyo Toban sanno haddii
Dembiiluhu gaadho hadafkiisa.
Qodobka 487
Durkin ijaar
Qofkasta oo ujeeddo mulkiyid dhamman ama qayb, ka qaada (ka kaxeeya) ama bedela xuduuda
(ijaarka) ma guurto qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax ilaa
10,000 Sh. So. ah.
Qodobka 488
Furuurid daad & bedelaad muuqaal goobeed
Qofkasta oo si uu naftiisa ama cid kale ugu helo faa’iido xaqdarro ah u leexiya (faruura) biyo
caam ah ama gaar ah ama bedela muuqaal hanti qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa
Saddex sanno ah iyo ganaax ilaa 10,000 Sh. So. ah.
Qodobka 489
Ku Xadgudub dhul ama dhisme
1. Qofkasta oo si gardarro ah ugu xadgudba (gala) dhul ama dhisme guud (Dawladeed) ama
gaar loo leeyahay oo cid kale leedahay, isagoo uga dan leh in uu qabsado ama si kale
macaash uga helo, waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado xarig ilaa Labo
sanno ah ama ganaax 1,000- 10,000 Sh. So. ah.
2. Labada ciqaaboodba waa lagu dabaqayaa, dacwadana waxaa oogaysa dawladda, marka
falka ay galaan in ka badan shan qof, kuwaas oo ugu yaraan mid si furan u hubaysan
yahay ama in ka badan toban qof, xataa yaanay hubaysnaanine.
157
Qodobka 490
Xoog ku carqaladayn gacan ku hayn hanti ma guurto ah
1. Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobadan hore ku carqaladeeya xoog
ku waajahan qofka ama tahdiid gacan ku haynta nabadeed ee hanti ma guurto ah, waxaa
lagu ciqaabayaa xarig ilaa Labo sanno ah ama ganaax 1,000 – 3,000 Sh. So. ah.
2. Falka waxaa loo qaadanayaa in lagu galay si xoog ah ama tahdiid ah markay galaan dad
ka badan 10 qof.
Qodobka 491
Khasaareyn hanti
1. Qofkasta oo bur-buriya, qiimo-tira, daadiya ama ka dhiga dhammaan ama qayb ahaan
wax aan wax tarayn hanti ma guurto ah ama guurto oo qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa
marka dhibanuhu dalbado xarig ilaa Hal sanno ah iyo ilaa ganaax 3,000 Sh. So. ah.
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Lix bilood ilaa Saddex sanno waxaana oogaya qaranka
marka falka lagu galo:-
a) Xoog ama haddidaad qofka lid ku ah;
b) Loo shaqeeye shaqo xaaladda shaqo xidhid ama shaqaale xaaladaha shaqo ka
fadhiisi ama xaaladaha mid kasta oo lagu sheegay qodobada 256, 257, iyo 259;
c) Dhismeyaal guud ama dhismeyaal loogu talo galay isticmaal guud ama Cibaado
Diineed ama hantida guurtada ah ee lagu sheegay xarafka (g) ee Qod: 481.
d) Shaqo looga jeedo waraab.
e) Shaqo talaal dhir, khudrad, dhirayn, looxaan kaymo ama dhir barbaarin looga
jeedo ama ujeedo dib u dhirayn.
Qodobka 492
Xadgudub xayawaan
1. Qofkasta oo geliya ama ku nageeya xoolo (xayawaan) daaqa ama seeraha hanti qof kale
waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100 ilaa 1,000 Sh. So. ah.
2. Marka aan loogu xeray xoolaha xero ama raacid ee looga jeedo daaq keliya hantida
qofka kale ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa Hal sanno ama ganaax 200 – 2,000 Sh. So.
ah.
3. Marka Dhul badan la daaqay ama la waxyeeleeyey dhulkaas, oo ay ka timi xoolahaas la
geliyey ama lagaga tegay Dembiilaha waxaa lagu ciqaabayaa ilaa Labo sanno iyo ganaax
500 – 5,000 Sh. So. ah.
158
Qodobka 493
Gelin khaldan oo hanti oodan
Qofkasta oo gala hanti qof kale oo ka deyran silig, deyr ama nooc oodeed oo joogto ah, iyadoo
aanay jirin baahi ku qasabtay waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado ganaax ilaa
1,000 Sh. So. ah.
Qodobka 494
Dilid ama dhaawicid Xayawaan
1. Qofkasta oo aanay baahiyi ku qasbin oo dila, naafeeya ama dhaawaca qiimaha xayawaan
qof kale leeyahay waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado xarig ilaa Hal sanno
ah ama ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.
2. Marka lagu galo falka Saddex ama ka badan neef oo lo’ ah, kuwaas oo laysugu keenay
xero ama raacid (daaq).
Qodobka 495
Xumayn ama wasakhayn hanti Marka laga reebo xaaladaha loogu sheegay qodobka 491, qofkasta oo xumeeya ama fadareeya
hanti ma guurto ah ama guurto oo qof kale leeyahay, waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu
dalbado ganaax ilaa 1,000 Sh. So. ah.
CUTUBKA II
DEMBIYA LIDKA KU AH HANTIDA EE KHIYAAMADA
Qodobka 496
Khiyaamo
1. Qofkasta oo si khaldid ama u ekaysiin ugu hogaamiya qof kale khalad si uu ugu kasbado
naftiisa ama qof kale macaash khaldan ama ugu dhibaateeyo qof kale waxaa lagu
ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax 500 – 10,000 Sh. So. ah.
2. Ciqaabtu waa Hal sanno ilaa Shan sanno iyo ganaax 3,000 – 15,000 Sh. So. ah.
a) Haddii falka lagu galo si loogu xumeeyo qaranka ama hay’ad dawladeed ama
mawduuc lagu xaqiijinayo in qof laga reebo shaqo milateri.
159
b) Haddii falka lagu galo iyadoo lagu riixayo qofka dhibanaha khatar khayaali ah,
ama aaminsiin khaldan oo ah in uu guto amar maamul.
Qodobka 497
Khiyaamo Musalafnimo
Qof kasta oo isagoo qarinaya xaaladdiisa musalaf (kicitaan) gunta heshiis waajibkiisa uu uga
jeedo in uusan fulin, waxaa lagu ciqaabayaa marka heshiiskaasi fuli waayo ee dhibanahu
dalbado xarig ilaa Labo sanno ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah.
Qodobka 498
Jeeg xisaabtiisu madhan tahay
Qofka bixiya Jeeg uusan kharashkiisa (lacagtiisa) haysan ama aanay ku filnayn ama la baxa
qayb ama dhammaan xisaabtii (lacagtii) Jeega uu bixiyey ka dib marka uu bixiyo, taas oo ka
dhigaysa in aanay lacagtii ku qornayd Jeega ku filaan ama la helin, waxaa lagu ciqaabayaa
haddii uusan ka dhalan Dembi ka culusi, ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
Qodobka 499
Burburin khiyaamo ah oo qofku hantidiisa ku burburiyo ama khiyaamo uu isku dooriyo
1. Qofkasta oo si uu naftiisa ugu xaqiijiyo ama qof kale qadar dhaqaale oo caymis shil ka
dhashay, u bur-buriya, u iibiya, u daadiya ama u qariya wax hantidiisa ah oo uu isagu
iska leeyahay waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax
ilaa 10,000 Sh.So.ah.
2. Qofkasta oo ujeedadaas dhaawaca naftiisa ama sii culaysiya (sii wayneeya) dhaawaca ka
soo gaaray shil wuxuu mutaysanayaa ciqaabtan oo kale.
3. Haddii Dembiiluhu hadafkiisa gaadho ciqaabtu way kordhaysaa.
4. Tilmaamaha qodobka waxaa lagu dabaqayaa, haddii falka lagu galo dibedda, iyadoo lagu
waxyeelaynayo caymis Somaliyeed, kaas oo hawl ganacsi ka wada dhulka Dawladdaa,
laakiin Dembiga waxaa lagu ciqaabayaa dalabka dhibanaha.
160
Qodobka 500
Saamayn aan loo baahnayn oo qof karti laawe ah
Qofkasta oo si uu ugu xaqiijiyo faa’iido hadafkiisa ama cid kale macaash kaga hela
baahidiisa, caadifadiisa, khibrad la’aantiisa qof ka yar 14 sanno ama ka faa’iideysta
xaaladda dhinnaanshihiisa caqli, (nusqaantiisa caqli) ee qof kale xataa xaaladdiisa
dhinnaansho yaan la soo saarin ama lagu dhawaaqin, isagoo ku caddaadinaya in uu
sameeyo fal qaanuuneed oo waxyeelo u keenaysa qof kale ama cid kale waxaa lagu
ciqaabayaa xarig laba sanno ilaa lix sanno ah iyo ganaax 2,000 – 20,000 /= Sh.So.ah.
Qodobka 501
Ribbo
1. Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka hore kaga faa’iideysata qof
kale xaalad baahiyeed oo ay qofkaas ku sababtay dayn qaadasho lacageed ama hanti kale
oo guurto ah in uu siiyo ama u ballanqaado isaga ama cid kale nooc kasta ama wax kasta
oo dulsaar ribbo ah ama macaash kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Labo sanno ah
iyo ganaax 1,000 – 20,000 /= Sh.So.ah.
2. Marka laga reebo xaaladaha faqradan hore, qofkasta oo la kulma qof ku sugan xaalad
baahi lacageed ama baahi hanti kale oo guurto ah ka xaqiijiya qofkaa hibo ama ballan-
qaad ama dulsaar kale oo ribbo ah oo ku yimi gorgortan wuxuu mudanayaa ciqaabtaas
oo kale.
Qodobka 502
Aamin Darro
1. Qofkasta oo si uu kasbado macaash xaq-darro ah, isu lahaysiiya lacag ama hanti kale oo
guurto ah oo cid kale leedahay oo uu isagu gacanta ku hayey, gacan-ku-hayntaasi waxay
doonto ha noqotee waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado, xarig ilaa Saddex
sanno ah iyo ganaax ilaa 10,000 /= Sh.So.ah.
2. Makra falka lagu galo hanti daruuri ahaan loo dhigtay ciqaabtu way kordhaysaa.
3. Dacwadda waxaa oogaysa Dawladda marka ay jiraan duruufaha faqradda hore ama mid
ka mid ah duruufaha ku qeexan xubinta (m) ee qodobka 39.
161
Qodobka 503
Is lahaysiin shay lumay, khasnad la helay Ama shay lagu helay khalad ama fursad
1. Ciqaab Hal sanno ah ama ganaax 300 – 3,000 /= Sh.So.ah. Waxaa la saarayaa marka
dhibanuhu dalbado qof ksata oo:-
a) Hela lacag ama hanti guurto ah oo qof kale ka luntay oo aan raacin tilmaamaha
Xeerka Madaniga ee kasbashada lahaanshaha hanti guurto ah oo la helay;
b) Yeesha hanti guurto ah oo gacantiisa ku soo gashay khalad ama si fursad ah;
c) Hela khasnad, yeesha dhammaanteed ama qayb saamigii uu lahaa mulkiilaha
dhulka.
2. Xaaladaha ku xusan xarfaha (a) & (b) ee faqradda hore, haddii Dembiiluhu uu garanayo
mulkiilaha hantida uu yeelanayo, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Labo sanno ah
iyo ganaax 3,000 Sh. So. ah.
Qodobka 504
Tuug kalkaal
1. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan Dembiga oo si uu naftiisa ama cid kale ugu kasbo
faa’iido xaqdarro ah, isagoo og in hantidaa la soo xaday oo iibsada, qabta, qariya lacag
ama hantida Dembiga lagu galay ama si uun uga qayb qaata iibinta, hanashada ama
qarinta, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix sanno ah ama ganaax ilaa 20,000/= Sh. So.
ah.
2. Tilmaamaha qodobkan waxaa la dabaqayaa marka Dembiga hantidaa ama lacagtaa lagu
galay ama qofka galay uu yahay qof aan la eedayn Karin ama qof aan la ciqaabi Karin.
162
BUUGA III
GEFAFKA
QAYBTA I
GEFAFKA LA XIRIIRA NIDAAMKA & XASLOONIDA GUUD
Qodobka 505
Dhawrid la‟aanta Amarada Maamul
Qofkasta oo ku guuldaraysta in uu dhawro amar si sharci uu u siiyey maamul guud oo
danta caddaaladeed, ammaanka guud, nidaamka guud ama fayo-dhawrka ah, waxaa lagu
ciqaabayaa, marka uusan falkaas ka dhalan Dembi ka culus, xarig ilaa Saddex bilood ah
ama iyo ganaax 3,000 Sh. So. ah
Qodobka 506
Diidmo bixinta tilmaamaha aqoonsiga shakhsi Qofkasta oo uu ka codsaday sarkaal guud oo xilkiisa gudanaya oo diida in uu siiyo
tilmaamaha ku saabsan aqoonsiga shakhsi, xaaladda shakhsiyeed ama martabada shaqo,
waxaa lagu ciqaabayaa, xarig ilaa Hal bil ah ama ganaax ilaa 1,000/= Sh. So. ah
Qodobka 507
Diidmo fidin kaalmo xaalad kacdoon
1. Qofkasta oo xaalad kacdoon, aafo guud ama khatar caam ah ama waqti Dembi dhacayo
diida sabab quman la’aanteed in uu fidiyo caawiyo ama kaalmo ama bixiyo war ama
tilmaan uu ka codsaday sarkaal guud ama qof u xilsaaran adeeg bulsho oo xilkiisa
gudanaya, waxaa lagu ciqaabayaa, xarig ilaa Saddex bilood ah ama iyo ganaax 3,000/=
Sh. So. ah.
2. Marka Dembiiluhu bixiyo war ama tilmaamo aan sax ahayn waxaa lagu ciqaabayaa xarig
ilaa Lix bilood ah ama iyo ganaax ilaa 6,000 /=Sh. So. ah.
163
Qodobka 508
Dhisme koox hubaysan oo aan looga dan lahayn Dembi gelid
Qofkasta oo ogolaansho la’aan abuura koox hubaysan oo aan Dembi gelid looga dan lahayn,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah.
Qodobka 509
Oohin & dhawaaqa dhiilada leh
Qofkasta oo kulan aan gaar ahayn ee sida ku tilmaaman xarafka (c) ee faqradda (4) ee Qod:
209, meel fagaare ah, bulshada u furan ama loo bandhigay si guud ka sameeya dhawaaq
dhiilaysan ama baroorta ama oohin dhiilaysan la yimaada, waxaa lagu ciqaabayaa marka
uusan falka ka dhalan Dembi ka culusi, xarig ilaa Hal sanno ah.
Qodobka 510
Kulan baroor
1. Qofkasta oo ka qayb qaata kulan baroor oo Toban qof iyo wixii ka badan, waxaa lagu
ciqaabayaa falka ka qayb galka xarig ilaa Hal sanno ah.
2. Halka dadka kulanka ka qayb galay ay hubaysan yihiin ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig
aan ka yarayn Lix bilood.
3. Qofkasta oo ka hor amar ay bixiyeen maamulku ama si taas ku haboon uga noqda (ka
taga) ciqaab ma mudanayo.
Qodobka 511
Oohinta & wararka kartida u leh carqaladaynta xasiloonida guud ama gaarka ah
Qofkasta oo ujeeddo ah in uu ku iibiyo ama ku faafiyo meel fagaare ah ama si caam ah u
furan ama fagaare ama goob u bandhigan bulshada ku dhawaaqa ama ku qayliya warar laga
yaabo in ay carqaladeeyaan xasiloonida guud ama gaar ahaaneed, waxaa lagu ciqaabayaa
ganaax ilaa 1,000 Sh. So. ah.
164
Qodobka 512
Carqaladaynta deegaanka ama nasashada Shakhsigaadka
1. Qofkasta oo isaga oo adeegsanaya qaylo ama dhawaaq ama si khaldan u isticmaalaya
dhawaaq ka soo baxaya qalab ama calaamado cod dheer ku waas oo carqaladaynaya
deegaanka iyo nasashada ama si guud u soo bandhiga ama isugu soo ururiya waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ah ama iyo ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.
2. Ganaax 1,000 – 5,000 Sh.So.ah, ayaa la saarayaa qofka isticmaala mihnad ama farsamo
buuq leh, isagoo ka madax adaygaya mamnuucid kasta oo ku jirtay qodob qaanuuneed
ama amar maamul.
Qodobka 513
Kharbudaada & carqaladaynta shaqsiyaadka
Qof kasta oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ama dariiq telefoon isagoo aan
wax ujeeddo ah lahayn ku sameeya kharbudaad ama carqaladayn qof kale waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah ama iyo ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah
Qodobka 514
Ku xadgudub kalsoonida guud ee bulshada
Qof kasta oo isagoo doonaya in uu majarahabaabiyo xataa yuusan ka helin abaal-gude, ku xad-
gudba kalsoonida guud ee bulshada, waxaa lagu ciqaabayaa, marka falkaasi keeno in uu
carqaladeeyo nidaamka guud, xarig ilaa Saddex bilood ah ama ganaax ilaa 10,000 Sh. So. ah.
Qodobka 515
U isticmaalid khaldan ee farshaxan qoraal
Qofkasta oo isticmaala, isaga oo aan ruqsad maamulka ka haysan ama isaga oo aan ilaalin
tilmaamaha sharci, farshaxan qoraal, farshaxanka dhagaxaanta, sawirada kamarada ama
farshaxan kale oo daabacaad ah ama dib u soo saarid makaanikeed ama kiimikaad oo dhawr
nuqul ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama/iyo ganaax 300 – 5,000 Sh.So.ah.
165
Qodobka 516
Si khaldan u iibinta, faafinta daabacadda qoraal & sawirada
1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama goob dadwaynaha u furan ku iibiya ama ku faafiya
ama dariiq kasta ku wareejiya qoraalo ama sawiro isagoon aan haysan ogolaanshihii
sharci ee ay u baahnaayeen waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo isagoo aan ruqsad ka haysan maamulka meel fagaare ah ama meel si caam u
furan ama u bandhigan ku dejiya qoraalo ama sawiro ama ku sameeya si widh-widhaya
ama dhalaalaysa oo ay wax ugu gudbin karaan bulshada ama hab uun soo bandhigaya
qoraalo iyo sawiro, wuxuu mudanayaa isla ciqaabtaas.
Qodobka 517
Baabi‟inta & fujinta qoraalada
1. Qofkasta oo fujiya jeexa ama si uun uga dhiga wax tar la’aan qoraalo ama sawiro uu
maamulku dhejiyey, waxaa loogu ciqaabayaa ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.
2. Marka qoraladaas ama sawiradaas ay u dhejiyeen Shakhsigaad rayid ah qaab sharcigu u
ogolaaday ciqaabtu waxay noqonaysaa ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
Qodobka 518
Ogolaansho la‟aanta & mamnuucidda shirkadaha ganacsi & meheradaha ganacsiga guud
1. Qofkasta oo ogolaansho la’aanta maamulka ama caddeyn qoraal ah la’aanteed marka
ogolaansho ama caddeynta loo baahan yahay fura ama ka shaqaysiiya shirkad ganacsi,
meherad ganacsi, meherad adeeg ganacsi oo lacag ka qaata ama kireeya ama bukaan ku
daweeya waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah.
2. Marka liisanka la diiday, lala noqday ama la laalay ciqaabta xariga ah iyo ganaaxa waa la
wada saarayaa.
3. Marka ruqsada la helay balse aan la fulin tilmaamaha kale ee sharciga ama maamulku u
dhigay ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Saddex bilood ama ganaax ilaa 3,000 Sh.
So. ah.
166
Qodobka 519
Bandhig caam ah ama madadaalo ruqsad la‟aan
1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama goob dadwaynaha u furan bandhig ku qabta ama
madadaalo noocay doonaan ha noqdaane ama fura kilaabo ama meelo lagu jaaso ama
hoolal ruwaayado lagu dhigo, isagoo aan wax ruqsad ah haysan waxaa lagu ciqaabayaa
ganaax 100 – 5000 Sh.So. ah.
2. Marka ruqsadda la diiday, laga noqday ama la laalay ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa
Hal bil.
Qodobka 520
Bandhig khaldan oo fal looga Jeedo in dib loogu soo saaro sawir filim
1. Qofkasta oo sababa in uu ku soo bandhigo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan
fal looga jeedo in dib loogu soo saaro sawir filim, isagoo ka hor ogeysiin ka siin hawsha
maamulka waxaa lagu ciqaabayaa 1,000 – 5,000 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo ku sameeya, ku soo saara ama ka dhoofiya dhulka Qaranka ama wax kasta
oo ku saabsan sawir filim, isagoo aan ka hor ogeysiin maamulka wuxuu mudanayaa
ciqaabtaas oo kale.
3. Marka lagu galo falalka ku xusan faqradaha qodobkan iyadoo la jebinayo mamnuucidda
maamulka, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Hal sanno ah.
Qodobka 521
Qabasho khaldan oo bandhig tiyaatar ama sawir filimeed
1. Qofkasta oo meel fagaare ah kaga maansooda bandhig suugaaneed ama sameeya jilitaan
tiyaatar nooca uu doono ha noqdee, iyadoo hore wax ogeysiin ah looga siin maamulka,
waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah ama ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo sababa in la dhigo meel fagaare ah muuqaal filimeed aan la soo faaf-reebin
wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale.
3. Marka falka lagu galay iyadoo la jebinayo mamnuucid maamul ciqaaba xariga iyo
ganaaxa waa la wada saarayaa.
4. Falka waxaa loo aqoonsanayaa in fagaare loogu galay marka ay jiraan xaaladaha lagu
sheegay xarafaha (b) & (c) ee faqradda 4aad ee Qod: 209.
167
Qodobka 522
Khalad u isticmaalka hawsha shaari-shaariyeynta
1. Qofkasta oo qabta hawl shaari-shaari isagoo aan ruqsad ka haysan maamulka ama isagoo
aan ilaalin xeerarka kale ee sharcigu u qeexay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba
bilood ah ama ganaax 50 -1,000 Sh. So. Ah.
2. Waalidka ama xanaaneeyayaasha ku shaqaysiiya shaari-shaari ilma yar oo da’diisu 14
sanno ka yar tahay wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale, marka uusan wax ruqsad ah u
haysan ama uusan ilaalin tilmaamaha kale ee sharcigu u dhigay.
3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Hal bil ilaa Afar bilood oo xarig ah ama ganaax 100 – 2,000
Sh. So. Ah.Iyadoo dabagal bilaysna la amrayo :-
a) Marka falka la galo iyadoo la jebinayo mamnuucidda maamulka.
b) Marka qofka shaari-shaariyaynaya ogolaansho la’aan hore loogu xukumay xarig
ciqaabeed oo ka dhasha Dembi aan kama’ ahayn.
Qodobka 523
Dewersi
1. Qofkasta oo aan ahayn qof ku sugan xaalad baahiyeed culus oo meel fagaare ah ama
meel si caam ah u furan ka dewarsada waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood
ah.
2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Hal bil ilaa Lix bilood ah marka :-
a) Falka lagu galo qaab naxdin leh ama werwer leh.
b) Uu qofku iska dhigo qof dhiman xis ahaan ama xanuun qaba.
c) Uu adeegsado hab khiyaamaysan oo dareenka dadka kale kicinaysa.
QAYBTA II
168
GEFAFKA KHUSEEYA BADBAADADA GUUD
Qodobka 524
Ku guuldaraysiga haynta iyo ilaalinta xayawaanka
1. Qofkasta oo si furan uga taga oo aan ka ilaalin ka hortaga ku haboon ee khatarta
xayawaan uu gacanta ku hayo ama u xilsaaran xanaanadooda qof aan khibrad u lahayn,
waxaa lagu ciqaabayaa, xarig ilaa sadex bilood ah ama ganaax ilaa 3,000 Sh.So.ah.
2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa qofkasta oo:-
(a) Qofka meel furan kaga taga xayawaan aan xidhnayn oo loo adeegsado waraabka,
xamaalka ama tartanka ama si uun uga taga ilaalin la’aan, xataa iyagoon lumayn
ama u xidha ama u kaxeeya hab ay u khatar gelin karaan xasiloonida guud ama u
xilsaara qof aan khibrad lahayn;
(b) U carriya ama ugaga cadhaysiiya hab ay khatar ugu noqon karaan ammaanka
Shakhsigaadka.
Qodobka 525
Ku guuldaraysiga dhigista ama ka qaadista calaamadaha ama hababka Taxadirka
1. Qofkasta oo ka taga in uu dhigo calaamado ama tilmaamo ilaalin oo sharciga ku dhigan
ama maamulku dhigeen si dadku khatar ugaga joogsado, meel si caam ah loo maro,
ama ka qaada calaamadaha ama xayndaabyada la soo sheegay ama damiya nalal
calaamad ahaan loo shiday, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood ah ama ganaax
ilaa 5,000 Sh. So. ah.
2. Halka uusan falku dhalin Dembi ka culus ciqaabtaas waxaa la saarayaa qof kasta oo ka
qaada tilmaamo ama calaamado ka baxsan kuwa faqradda hore ku xusan oo looga
jeedo adeeg guud ama adeeg baahi guud ama nalalka hagidda oo loo isticmaalayo
iftiimin caam ah.
Qodobka 526
Tuurida walxo khatar ah
169
Qofkasta oo meel si caam ah loo maro ama meel gaar ah oo dad kale la isticmaalaan ku tuura
ama ku shuba shay awooda in dadka uu ku dhaawaco ama ay ku kufaan ama ku siibtaan ama
xaaladaha aan sharcigu ogolayn soo daaya neef, bukhaar ama qiiq laga yaabo in uu dhibtaas oo
kale keeno waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal bil ah ama ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
Qodobka 527
Meel dhigid shay khatar ah
Qofkasta oo aan u samayn ka hortag ku haboon oo dhiga ama laalaadiya shay hadduu ku
soo dhaco meel si caam ah loo maro ama meel gaara oo dad kale la isticmaalo dadka
dhaawici kara ama ay ku kufi karaan ama ku siiban karaa waxaa lagu ciqaabayaa ganaax
ilaa 1,000 Sh. So. ah
Qodobka 528
Dumin dhis ama dhisme kale
1. Qofkasta oo ka qayb qaata qorshaynta ama shaqada la xiriira dhismaha ama dhis kale oo
ka dib soo duma khaladkiisa dartiis, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax aan ka yarayn 1,000
Sh. So. ah.
2. Marka falka dumintu khatar ku sababo dad ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Lix
bilood ama ganaax aan ka yarayn 3,000 Sh. So. ah.
Qodobka 529
Ku guuldaraysiga hagaajinta dhisme khatar ugu jira dumis
1. Mulkiilaha dhisme looga baqayo dumis ama qofka ay hore ugu waajibtay in uu ka
hortago ama ilaaliyo dhismahaa, kaas oo ku guuldaraysta in uu ka qabto shaqadii loo
baahnaa in uu khatarta ka joojiyo waxaa lagu ciqaabayaa marka uusan falku dhalin
Dembi ka culus, ganaax aan ka yarayn 1,000 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo masuuliyadaas oo kale saarnayd ee ku guuldaraysta in uu joojiyo khatarta ka
imanaysa dumista dhismaha wuxuu mutaysanayaa ciqaabtaas oo kale.
3. Haddii qof uu khatar ku galo cawaaqibka falka lagu xusay labada faqradood ee hore,
ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa Lix bilood ama ganaax aan ka yarayn ilaa 3,000 Sh. So.
ah.
170
Qodobka 530
Samaynta & ka ganacsiga walxaha qarxa
Qofkasta oo ruqsada maamulka la’aanteed ama digniinta la qeexay la’aanteed, sameeya ama
dalka soo geliya ama jumlad ahaan u haysta ama iibiya ama dhoofiya walxaha qarxa ama
waxa laga sameeyo oo uu uga jeedo isku dhafkeeda ama samaynteeda waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah iyo ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
Qodobka 531
Ku guuldaraysiga sheegitaanka walxaha qarxa
1. Qofkasta oo ka joogsada in uu maamulka u sheego in uu haysto walxaha qarxa noocay
doonaan ha ahaadaan ama walxaha ololka sameeya, kuwaas oo khatar ah marka loo eego
tayadooda ama tiradooda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Afar bilood ah ama ganaax
ilaa 3,000 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo degaankiisa ku ogaada in ay yaaliin walxaha qarxa ee ku guuldaraysta in uu
maamulka u sheego wuxuu mudanayaa ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
3. Marka la jebiyo amar maamulku si sharci ah ugu bixiyay in muddo cayiman lagu dhiibo
waxyaabaha qarxa ciqaabtu waxa noqonaysaa Hal bil ilaa Hal sanno ama ganaax 3,000
Sh. So. ah.
Qodobka 532
Duruufaha Cuslaynta
Ciqaabta gefafka ku xusan labada qodob ee kan ka horeeya way kordhaysaa marka :-
a. Uu falkaa galo qof ka mid ah dadka uu sharcigu ka mamnuucayo in ruqsada la siiyo
ama
b. Marka loo diiday ama lagala noqday.
Qodobka 533
Furista sharcidarada ah ee fagaarayaasha daawashada ama madadaalada
171
Qofkasta oo fura ama furnaansho ku nageeya meelaha fagaarayaasha daawashada ama
raaxaysiga, isagoon dhawrin xeer nidaameedka maamulka ee lagu ilaaliyo
degenaanshaha guud, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah iyo ganaax aan ka
yarayn 1,000 Sh. So. ah.
QAYBTA III
GEFAFKA LA XIRIIRA KA HORTAGA NOOCYO DEMBIYO GAAR AH
Qodobka 534
Gelid amar La‟aan goobaha geliddooda la mamnuucay danaha milateri ee qaranka
Qofkasta oo gala meelaha gelitaankooda loo mamnuucay danaha melateri ee qaranka awgeed,
haddii uusan falkaa ka dhalan Dembi ka culus, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood, ilaa
Hal sanno ah ama ganaax 3,000 Sh. So. ah.
Qodobka 535
Haysashada cabbire ama miisaan sharcidaro ah
1. Qofkasta oo isagoo gudanaya hawl ganacsi ama meherad wax iibisa oo si caam ah u
furan haysta cabbire ama miisaan ka duwan ka sharcigu qeexay ama ku shaqaysta cabbir
ama miisaan isagoo aan dhawrin tilmaamaha sharci, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100
– 2,000 Sh. So. ah.
2. Marka Dembiilaha hore loogu xukumay mid ka mid ah Dembiyada lidka ku ah hantida,
kalsoonida guud, dhaqaalaha guud warshedaha ama ganacsiga ama Dembi kale oo la
dabeecad ah, waxaa la saari karaa dabagal boolis.
Qodobka 536
Diidmada lacagta sharciga ah
Qofkasta oo diida in uu qiimaheeda ku qaato lacagta sharciga ah ee qaranka waxaa lagu
ciqaabayaa ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.
Qodobka 537
Ku guuldaraysiga gudbinta lacag loo aqoonsaday foojari
172
Qofkasta oo marka uu helo lacag foojari ah ama wax laga bedelay oo aan qiimaheedu ka yarayn
20 Sh. So. oo aan Saddex casho gudahood laga soo bilaabo markay soo gashay ugu gudbin
maamulka isagoo caddaynaya ilihii ay ka soo gashay haddii uu og yahay waxaa lagu ciqaabayaa
ganax ilaa 1,000 Sh. So. ah
Qodobka 538
Daabacaadda ogolaansho La‟aanta ee dhukumenti iyo warar ku Saabsan dacwad ciqaab ah oo socota
Qofkasta oo marka sharcigu mamnuucay daabaca dhammaan ama qayb, xataa si kooban
nuxurka ama dhukumentiga qaybta ka ah dacwad ciqaabeed ama magacyada iyo hadalada gar-
soorayaal ka caddeeyey go’aan ka qaadashada dacwad ciqaab ah waxaa lagu ciqaabayaa ganaax
ilaa 1,000 Sh. So. ah.
Qodobka 539
Xafidasho la‟aan hub
Qofka waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh. So. Ah, xataa ruqsad ha u haysto in uu hub
qaatee markuu:-
a) U gudbiyo hubka ama u ogolaado in uu qaato qof ka yar da’da 14 jir ama qof kasta
oo aan karti u lahayn ama khibrad u lahayn.
b) Dhayalsada in uu ka xafido ama uga hortegi waayo si ku filan in ay helaan hubka
dadka lagu sheegay xarafka hore.
c) Uu ku qaato hub culus meel dad isugu yimi ama ku soo ururay.
Qodobka 540
Qaraxa iyo holac khatar Leh
1. Qofkasta oo isagoo aan maamulka ruqsad ka haysan, meelaha la degan yahay ama
agagaarkooda ama wadooyinka ama hareerahooda ku qarxiya hub ama ku hakiya
dabshidid ama ku tuura gumacooda ama hawada u dira baloomo olol leh ama guud ahaan
sameeya holac ama qarax khatar leh waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh. So.
Ah.
2. Marka falka lagu galo goob dadku isugu yimaadeen ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig
ilaa Hal bil ah.
Qodobka 541
Hubka
Macnaha Xeerka Ciqaabta “Hub” Waxaa Looga Jeedaa:-
173
a) Hub qarxa in wax kasta oo loogu talo galay in uu qofka dhaawaco;
b) Qalab kasta oo weerar oo qaadashadiisu reeban tahay ama lagu qaadan karo oo keliya
sabab caqli gal ah.
c) Bambooyinka iyo wax kasta oo ay ku jiraan wax qarxa iyo walxaha qiimaha sunta
ama qiiqaha indhaha.
Qodobka 542
Haysasho sabab la‟aan ee furayaal ama waxyaabaha qufalada lagu jebiyo
Qofkasta oo hore loogu xukumay Dembi lagu raadinayey macaash xaq darro ah ama gefaf la
xiriira ka hor tagga Dembiyada hantida lidka ku ku ah, ama dewersi ama la saaray tallaabooyin
ammaan shaqsi, ee haysta furayaal la bedelay ama been ah ama dhab ah ama qalab loo
adeegsado in qufulada lagu furo ama lagu jebiyo ee caddayn kari waaya sabab maangal ah oo uu
u haystay waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Labo sannaodood ah.
Qodobka 543
Haysasho sabab La‟aan waxyaabo qiimo leh
Qofkasta oo ku sugan xaaladaha lagu sheegay qodobka hore ee lagu arko isaga oo haysta lacag
ama shay kale oo qiimo leh ama shay uusan haysan Karin qof xaaladdiisa ah oo kari waaya in uu
muujiyo sharcinimada uu ku haysto waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood ilaa Hal sanno
ah.
Qodobka 544
Haysasho sabab la‟aan ee xoolo
Qofkasta oo lagu helo in uu haysto Geel, Lo’ama Baqalo, looga shakiyo in la soo xaday oo
sababayn Kari waaya sharci ku haysashadiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah
ama ganaax ilaa 1,000 Sh. So. ah
Qodobka 545
Sheegid la‟aanta hanti la soo xaday
Qofkasta oo hela ama iibsada shay ka mid ah hanti la soo xaday ama si uun gacantiisa ay u
soo gasho, isaga oo aan ogeyn meesha laga keenay ee u sheegi waaya isla marka uu ogaado
maamulka waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ah ama iyo ganaax 5,000 Sh. So. ah
174
Qodobka 546
Ka iibinta ama gudbinta furayaal ama wax qufulada lagu furo ama jebiyo of aan la garanayn
Qofkasta oo ku sameeya furayaal tilmaantay doonaan ha lahaadaane codsiga qof aan ahayn kii
lahaa ama gacanta ku hayay meesha ama shayga loogu talo galay in lagu furto ama aan Wakiil u
ahayn qofkaa ama ku shaqaysanaya xirfada dahablaha ama xirfad la mid ah oo gudbiya ama
iibiya, qalab waxa ay doonaan ha noqdeene qufulada lagu jebiyo ama ku haboon in quful lagu
furan karo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah iyo ganaax 100 – 1,000 Sh. So. ah
Qodobka 547
Furasho ogolaansho la‟aan ee goob ama shay
Qofkasta oo adeegsanaya xirfada dahablaha ama mid la mid ah oo fura quful ama shay kale oo
ilaalin ahaan loogu dejiyey meel ama shay kale kuna fura codsiga qof uusan u garanayn in uu
yahay qofkii lahaa ama gacanta ku hayey meesha ama shayga ama iyaga ka Wakiil ahaa waxaa
lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ah iyo ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah
Qodobka 548
Iibsiga alaab tuuggo looga shakiyey
1. Qofkasta oo iibsada ama hela si kasta oo uu ku helo’e, alaab tayadooda ama xaalada
qofka sita ama qiimaha looga shakiyi karo in ay tuuggo tahay, isagoo marka hore xaqiijin
in qofka sitaa yahay kii sharci ahaan u lahaa ama gacanta ugu hayay waxaa lagu
ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah ama ganaax aan ka yarayn 100 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo u hawl gala alaabtaas la soo sheegay in uu ka iibsado ama ka helo cid kale
waxaa la saarayaa ciqaabtaas oo kale.
Qodobka 549
Ku guuldaraysasho ku hayn ama hayn ogolaansho la‟aan qof xiskiisu dhiman yahay ama da‟yar goobaha lagu hayo dadka dhiman ama lagu
dhaqan-celiyo
1. Qofkasta oo amarka ama ogolaanshaha maamulka la’aantiisa meelaha dadka xiskoodu
dhiman yahay lagu daaweeyo qof xiskiisu dhiman yahay ama qof da’yar ka qaata
175
goobaha guud ee lagu dhaqan-celiyo, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 300 – 3,000 Sh. So.
ah
2. Waxaa ciqaabtaas oo kale lagu dabaqayaa markasta oo aan loo baahnayn ogolaansho,
qofka ka hela qof xiskiisu dhiman yahay xarumaha lagu xannaaneeyo dadka waalan ee
ka baaqsada in uu booliska ku wargeliyo.
3. Qofkasta oo isagoo aan ku dhaqmayn tilmaamaha sharci xarumaha la soo sheegay ka
fura ama ka siidaaya qof waalan oo si sharci ah ugu xidhnaa ama loogu hayey waxaa la
saarayaa ciqaab xarig oo ilaa Lix bilood ah ama ganaax 300 – 5,000 Sh. So. ah
Qodobka 550
Ku guuldaraysasho ku hayn xannaano gaar ah ama ku hayn ogolaansho la‟aan ee xannaano gaar ah qof xiskiisu dhiman yahay
1. Qofkasta oo xaalad aan ahayn kuwa lagu sheegay faqradda 2aad ee qodobka hore, ee
ogolaansho la’aan ku haya xannaano qof xiskiisu dhiman yahay, waxaa lagu ciqaabayaa
xarig ilaa Saddex bilood ah ama ganaax 200 – 2,000 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo ku guuldaraysta in uu dhawro waajibaadka ka dhashay xannaanada lagu
sheegay qodobka hore wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale
Qodobka 551
Maamul ogeysiin la‟aanta baxsiga qof xiskiisu dhiman yahay ama Da‟yar
1. Sarkaalka guud ama qofka shaqaalaha ka ah xarun fulinaysa ciqaab ama tallaabooyin
ammaan ama shaqaale ka ah xarun lagu xannaaneeyo dadka xiskoodu dhiman yahay ama
xarun dhaqan celin kaas oo ka joogsada in uu ogeysiin deg-deg ah ka siiyo maamulka
baxsashada ama dhicista qof halkaa ku xidhanaa ama lagu hayey waxaa lagu ciqaabayaa
ganaax 200 – 2,000 Sh. So. ah.
2. Isla tilmaamahan waxaa lagu dabaqayaa qofkasta oo sharciga ama amar maamul u
xilsaaray ujeeddada ilaalinta ama kormeerka.
Qodobka 552
Sheegid la‟aanta waali khatar ah
1. Qofkasta oo ka shaqeeya mihnadda caafimaadka oo uu la kulmo ama baadha qof xiskiisu
dhiman yahay oo ay u caddaato ama uga shakiya in qofkaasi khatar ku yahay naftiisa
ama dadka kale ee aan u sheegin arrinta hay’adda garsoorka, waxaa lagu ciqaabayaa
ganaax 300 – 3,000 Sh. So. ah.
176
2. Ciqaabtaas oo kale waxaa la dabaqayaa marka qofka uu la kulmay ama uu baadhay ay
saamaysay doorin khatar ah oo ay sababtay isbiirto ama walax kaloo maandooriye ah.
QAYBTA IV
GEFAFKA LA XIRIIRA DAMIIRKA & KARAAMADA
Qodobka 553
Qabashada Ciyaarta Yaa Nasiib Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ama kilaabada gaarka ah ee nooc
kasta ka qabta ama ku fududeeya qabashada ciyaarta yaa-nasiib waxaa lagu ciqaabayaa xarig
Lix bilood ilaa Hal sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 2,000 Sh. So. ah
Qodobka 554
Duruufo Cuslayn Ciqaabta Dembiga ku xusan qodbkan hore waa la labanlaabayaa :-
a) Marka Dembiiluhu uu furo ama abuuro hoy ciyaareed;
b) Marka hanti badan lagu kala helayo ciyaarta;
c) Marka dadka ciyaaraya ay ku jiraan ciyaal ka yar 14 sanno.
Qodobka 555
Ka qayb qaadashada ciyaarta Yaa-Nasiib
1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ama kilaabada gaarka ah
noocay doonaan ha ahaadaane, isagoo aan qayb ka ahayn gefka ku xusan Qod: 553 lagu
qabto isagoo ka qayb qaadanaya ciyaarta Yaa-nasiib waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa
Lix bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh. So. Ah.
2. Ciqaabta waa la kordhinayaa :-
a) Marka la ogaado si kedis ah Baaritaan lagu sameeyey guri-ciyaareedka ama
xarunta guud;
b) Marka lagu ciyaarayo hanti badan;
177
Qodobka 556
Tiirarka aasaasiga ah ee ciyaarta Yaa-Nasiib; Hoy ciyaareedka
Ujeedada qodobada hore ciyaarta Yaa-nasiib waxaa looga jeedaa:-
a) Ciyaarta Yaa-nasiib waa tan lagu ciyaaro walax wax lagu helayo oo fursada
guulaysiga ama khasaaridu ay ku xidhan tahay nasiib.
b) Guri ciyaareedku waa meesha dadku ku kulmaan si ay ugu ciyaaraan ciyaarta
Yaa-nasiib xataa shayga haw kala duwanaado qaabka uu doonee.
Qodobka 557
La wareegid.
Xaaladaha lagu xusay Qod: 553, 554 & 555 waxaa kaloo lala wareegayaa lacagta la kala
helayo ama la dhigtay iyo qalabka ciyaarta lagu fulinayo ama lagu ciyaarayo.
Qodobka 558
Qabashada Sharcidaroda ah ee ciyaarta aan ahayn Yaa-Nasiib
1. Qofkasta oo loo ogolaaday in uu haysto aqal Bilyaardi oo u ogolaada ciyaar aan
ahayn Yaa-nasiib, laakiin maamulku reebay in halkaa lagu ciyaaro waxaa lagu
ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh. So. Ah.
2. Xaaladaha lagu sheegay xarfaha (c) & (d) ee Qod: 554 ciqaabtu waaxay noqonaysaa
xarig ilaa Saddex bilood ah ama ganaax 500 – 5,000 Sh. So. Ah.
3. Qofka lagu qabto isagoo ciyaartaa ka qayb galaya ciqaabtu waxay noqonaysaa
ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.
Qodobka 559
Caqiido cayga & falalka xadgudubka ah ee ku waajahan Maydka
1. Qofkasta oo si fagaare ah u ceebeeya caqiidada isagoo adeegsanaya hadalo weerar ah
iyo cay Illaahiisa cibaadooyinka qof lagu aasay diinta qaranka waxaa lagu
ciqaabayaa ganaax 100 – 3,000 Sh. So. Ah.
2. Qofkasta oo falkan hore ku gala qof dhintay wuxuu mudanayaa ciqaabtaas.
178
Qodobka 560
Ka ganacsiga qoraalka iyo sawirada iyo walxo ka soo horjeeda karaamada guud
Qofkasta oo u soo bandhiga aragtida dadweynaha ama meel fagaare ah ama dadweynaha u furan
u keena iib ama qaybin qoraalo ama sawiro ama walxo kale tilmaan ah oo ceebaynaysa
karaamada bulshada waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100 – 1,000 Sh. So. ah.
Qodobka 561
Falal ka soo horjeeda karaamada guud “Hadal qadaf ah”.
1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel dadweynaha u furan kaga dhaqma falal ka soo
horjeeda karaamada Madaxweynanaha waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal bil ah
ama ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
2. Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel dadweynaha u furan kaga hadla hadalo
karaamada bulshada lid ku ah waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.
Qodobka 562
Ku dhaqanka fal axmaqnimo ah xayawaan
1. Qofkasta oo si axmaqnimo ah kula dhaqma xawaan ama iyadoo aanay lama huraan
ahayn ku qabta shaqo xad-dhaaf ama jidh dil ama ku qabta shaqo aan ku haboonayn
caafimaadkooda ama da’dooda waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 3,000 Sh. So. Ah.
2. Qofkasta oo xataa ha looga jeedo ujeeddo cilmiyeed ama waxbarasho meel fagaare
ah ama meel si caam ah u furan ku sameeya xayawaan nool tijaabo taas oo keenta
yaq-yaqsi waxaa uu mudanayaa ciqaabtaas oo kale.
3. Ciqaabtu way kordhaysaa halka xayawaanka loo adeegsanayay ciyaar ama bandhig
guud ee ay keento jidh-dil ama fal axmaqnimo.
179
QAYBTA V
GEFAFKA LIDKA KU AH CAAFIMAADKA BULSHO
Qodobka 563
Daaweyn Sababta in qofku xiskiisa lumiyo
1. Qofkasta oo qof kale ku rida isagoo ogolaaday xaalad miyir doorsoon ama
sakhraamin ama ku sameeya daaweyn uu luminayo garaadkiisa qofkaa waxaa lagu
ciqaabayaa marka falkaasi qofka ku keeno in uu khatar galo noloshiisu xarig Hal bil
ilaa Lix bilood ah ama iyo ganaax 300 – 5,000 Sh. So. Ah.
2. Qodobkan la dabaqi maayo marka falka lagu galo ujeeddo sayniseed ama
daaweyneed ama marka qofka galay uu ku shaqaynayey mihnada caafimaadka.
Qodobka 564
Ku xadgudub maandooriye
Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel dadweynaha u furan ama kilaabada gaarka loo
leeyahay noocay doonaan ha ahaadaane, lagu qabto xaalad caqli oo dheeli-tir la’aan ah oo ay
ku sababtay maandooriye uu isticmaalay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah
ama ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.
Qodobka 565
U dhiibis caruur walxo sun ah ama khatar leh
Qofkasta oo loo ogolaaday in uu iibiyo ama ka ganacsado daawooyin ee u dhiiba caruur
ka yar 14 jir walxo sun ah ama maanka doorinaya xataa hadday tahay qoraal dhakhtar
waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah.