email: [email protected] …...radio muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday waaxda afka ee...

7
www.xaqiiqatimes.com Email: [email protected] Qiimaha Wargeyska: Soomaaliya: 15,000 Sh So; Kenya KSh 50; Djibouti: FRF100; Uganda USh 1,000 Shan iyo Toban Maalinle Madaxbannaan Caddadka 12-aad Sanadka 1-aad 10 ilaa 24 Febraayo, 2015 Bogga 4aad Bogga 11aad Bogga 8aad GUDAHA KA AKHRISO Booqashada Erdogan: Hiil Walaal Oo Aan La Hilmaami Karin Mareykanka & Xirista Xawaaladaha Sidee ayay Noqon Lahayd Nolosha EVC La’aantiis? Xukuumadda oo La Ansixiyay Jahawareer Siyaasadeed Kaddib Eeg Bogga 3-aad Sawirka: Qaar ka tirsan Golaha cusub ee Wasiirrada Soomaliya oo la dhaarinayo,, kaddib markii uu Isniintii Baarlamaanka cod aqlabiyad ah ku ansiyay. Golaha Wasiirrada ayaa shirkoodii ugu horreeyay Muqdisho ku yeeshay maalin kaddib markii ay ku guuley- steen kalsoonida Golaha Shacabka. Raysul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa culeys siyaasadeed kala kul- may soo xulista Wasiirradan, ilaa labo jeer ayuu la noqday xukuumad uu soo dhisay. Waqti yar iyo howlo badan ayaa hor yaalla, waxaa laga sugayaa inay wasiirradan u gogol-xaaraan isbeddel dhinacyo badan oo dalka ka dhaca, gaar ahaan inay suurageliyaan doorashooyin dhaca 2016. JUBBA AIRWAYS Jazeera Palace Hotel Bilicda Muqdisho, hormuudka hoteellada casriga ah, tusaalaha hoteellada qurxoon ee dhaadheer iyo dib-u-soo- noqoshada bilicdii lagu yaqaannay Muqdisho. Fadlan kala xiriir. Tel: +252185750 FAX: 2521857501 Email: [email protected] XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA Sawirka: Ka billow bidix, Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid, Madax- weynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha DF Xasan Sheekh, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Mad- axweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe. Faahfaahinta kulankii mas’uuliyiintaas ay ku yeesheen Muqdisho eeg bogga 2-aad.

Upload: others

Post on 24-Jan-2020

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Email: xaqiiqatimes@gmail.com …...Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta. Kaddare wuxuu ku dhashay

www.xaqiiqatimes.com Email: [email protected] Qiimaha Wargeyska: Soomaaliya: 15,000 Sh So; Kenya KSh 50; Djibouti: FRF100; Uganda USh 1,000

Shan iyo Toban Maalinle Madaxbannaan Caddadka 12-aad Sanadka 1-aad 10 ilaa 24 Febraayo, 2015

Bogga 4aad

Bogga 11aad

Bogga 8aad

GUDAHA KA AKHRISOBooqashada Erdogan: Hiil Walaal Oo Aan La Hilmaami Karin

Mareykanka & Xirista Xawaaladaha

Sidee ayay Noqon Lahayd Nolosha EVC La’aantiis?

Xukuumadda oo La Ansixiyay Jahawareer Siyaasadeed Kaddib

Eeg Bogga 3-aad

Sawirka: Qaar ka tirsan Golaha cusub ee Wasiirrada Soomaliya oo la dhaarinayo,, kaddib markii uu Isniintii Baarlamaanka cod aqlabiyad ah ku ansiyay.Golaha Wasiirrada ayaa shirkoodii ugu horreeyay Muqdisho ku yeeshay maalin kaddib markii ay ku guuley-steen kalsoonida Golaha Shacabka.Raysul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa culeys siyaasadeed kala kul-may soo xulista Wasiirradan, ilaa labo jeer ayuu la noqday xukuumad uu soo dhisay.Waqti yar iyo howlo badan ayaa hor yaalla, waxaa laga sugayaa inay wasiirradan u gogol-xaaraan isbeddel dhinacyo badan oo dalka ka dhaca, gaar ahaan inay suurageliyaan doorashooyin dhaca 2016.

JUBBA AIRWAYS

Jazeera Palace HotelBilicda Muqdisho, hormuudka hoteellada casriga ah, tusaalaha hoteellada qurxoon ee dhaadheer iyo dib-u-soo-noqoshada bilicdii lagu yaqaannay Muqdisho. Fadlan kala xiriir. Tel: +252185750 FAX: 2521857501Email: [email protected]

XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

Sawirka: Ka billow bidix, Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid, Madax-weynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha DF Xasan Sheekh, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Mad-axweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe. Faahfaahinta kulankii mas’uuliyiintaas ay ku yeesheen Muqdisho eeg bogga 2-aad.

Page 2: Email: xaqiiqatimes@gmail.com …...Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta. Kaddare wuxuu ku dhashay

2 xaqiiqa times warar 10 ilaa 24 Febraayo 2015 xaqiiqa times warar 10 ilaa 24 Febraayo 2015 3

Xukuumadda oo La Ansixiyay Jahawareer Siyaasadeed Kaddib

Xukuumaddii saddex-aad ee uu muddo labo bil gudahood ah soo dhiso Raysul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali ayaa heshay codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa u codeeyay 191 mudane, halka ay diideen 22 xild-hibaan mana jirto cid ka aamustay codeynta sida uu xaqiijiyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaa-liya.

Baarlamaanka Soomaa-liya oo ay tiradiisu tahay 275 ayaa kalfadhigaan

waxaa soo xaadiray 213 mudane oo keliya. Waa xukuumaddii ugu dhibka badnayd, labo jeer oo hore ayaa Raysul wasaaruhu wuxuu dib ula noqday labo xukuumad oo uu soo dhisay, kaddib markii uu ka cabsaday in uu waayo kalsoonida Baarlamaanka, hase ahaaatee ansixintaan aqlabiyadda leh ayaa ah guul u soo hoyatay Raysul wasaare Cumar iyo Madaxweynaha oo isaga keenay, iyadoo sidoo kale ay shacabku aad u soo dhaweeyeen ansixinta Xukuumadda.

Raysul wasaare Cumar ayaa la-tashiyo la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarla-maanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, wuxuu xubnaha Xukuumadda u badiyay, gaar ahaan wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowleyaasha inuu ka keeno Baarlamaanka si uu codka kalsoonida uga helo, waxaana muuqata in ay tallaabadaas markaan u shaqeysay.

Waxaa magaalada Muqdisho baryahaan dambe laga dareemayay

caro baahsan oo ay shaca-bka u muujinayaan xild-hibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku eedeynayay inay mas’uul ka yihiin xasaradda siyaasadda ee degi waysay, taasi oo dadka ku nool Muqdisho ay daree-mayaan in dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaanba ay u taabatay.

Warar xoog-ogaal ah oo Xaqiiqa Times ay heshay waxay sheegayaan in haddii ay xukuumadda cusub weyn lahayd kalsoonida Baarlamaanka in ay Muqdisho ka dhici

lahaayeen dibadbaxyo ka dhan ah Baarlamaanka oo lagu eedeynayo inuu qeybta ugu weyn ku lahaa qalalaasaha siyaasadda ee dalka hareeyay.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa sheegaya in Baarlamaanka ay ku adkaan doonto inuu rido xukuumaddaan inta ka dhiman labada sano ee u dhiman madaxweyne Xasan Sheekh Max-amuud.

MUQDISHO (XT)

Madasha Hoggaamiyeyaasha: Soomaali Aayaheeda ka Tashanaysa

Waxaa magaalada Muqdisho si lama

filaan ah booqasho ugu yimid Madaxweyneyaasha Maamul Goboleeyada Puntland, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Jubba kaddib markii ay martiqaad ka heleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed-eraalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.Dadka ka faallooda arrim-aha siyaasadda ayaa waxa ay u arkaan inay tahay tal-laabo horay loo qaaday oo muujineysa in Soomaa-lidu ay soo bislaaneyso, dhanka dowladnimada iyo midnimadana loo sii dhawaanayo. Waa markii ugu horreysay oo hog-gaamiyeyaasha saddexdan maamul iyo Dowladda

Federaalka ay caasimadda ku kulmaan, weliba iyagoo aysan ajnabi ku dhex jirin.Inkastoo aad loo soo dhaweeyay booqashadan iyo war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay yeesheen, haddana waxaa jira dhaliilo laga akhrisanayo wada-xaa-joodkooda, kuwaas oo ay fiicnaan lahayd in laga gudbo kulamada dambe.Tan koowaad ayaa waxa ay tahay in ay samey-steen madal ku kooban hoggaamiyeyaasha saddexda gobol iyo Dow-ladda dhexe, taas oo dad badan ay u arkeen in ay madaxda doonayaan inay iyagu afduubtaan mus-taqbalka siyaasadda dalka xilli la filaayay in ay 2016 dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo ay shacabka go’aamiyaan cidda hog-

gaanka u qabaneysa.Tan labaad waxaa laga reebay shirka Galmu-dug oo ka mid ahayd saxiixeyaashii heshiiskii lagu soo dhisay dow-ladda hadda jirta, taas oo Madaxwaynahooda Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) uu

Diblomaasi Caan Ah Oo Lagu wado Inuu Noqdo Duqa Muqdisho

Ciidanka Badda Soomaaliya Oo U Diyaar-garoobaya Inuu La Wareego Difaaca Xeebaha

Danjiraha rug-caddaaga ah ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa laga yaabaa inuu noqdo Guddoomiyaha xiga ee maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, sida aan ka soo xigannay warbaahinta qaar.Siyaasiyiin dhowr ah oo

hadda ku sugan ma-gaalada Muqdisho ayaa wada dadaallo ay ugu ololeynayaan sidii loogu magacaabi lahaa xilkaas.Ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya in la beddelayo Guddoom-iyaha xilligan ee maam-ulka gobolka Banaadir Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kaalin weyn ka qaatay soo dhaweyntii iyo

maamuuskii loo sameeyay madaxweynaha Turkiga iyo madaxweyneyaashii maamul-goboleedyada ee Muqdisho martida ku ahaa.Muungaab ayaa la shee-gayaa inuu u batay dalka dibaddiisa, kaddib markii ay dhagihiisa ku bateen wararka sheegaya inay soo bateen rag doonaya inay isaga beddelaan.

ku tilmaamay in shirka iyo heshiiskii lagu saxiixay intuba ay yihiin sharci-darro.Tan saddexaad waxa ay tahay iyadoo ay heshiiska ka muuqato kalsoon-i-darro dhextaalla Maam-ullada iyo Dowladda dhexe, iyadoo shaki weyn

laga muujinayo fulinta heshiiskan maadaama heshiisyadii hore ee dow-ladda dhexe ay la gashay maamul-goboleedyadan aan dhamaantood la fulinin.Si kastaba ha ahaatee in ay Soomaali kaligeed shirto, ayna is booqdaan

madaxda iyagoo aan lagu dhexjirin ayaa ah guul horudhac u noqon karta in la joogteeyo, lana ballaar-iyo kulamada iyo shirarka noocan oo kale ah. Wa-reegga labaad ee shirkan ayaa ka dhici doona magaalada Garoowe bisha Abriil ee sanadkan.

Wariyaha Xaqiiqa TimesMuqdsho

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko

Taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya, Admiral Maaddey Nuurow Ufu-row ayaa sheegay inuu ciidanka badda Soomaa-liya u diyaar-garoobayo inuu dhawaan la wareego difaaca xeebaha dalka oo uu ka ilaaliyo dhaqdh-aqaaqyada sharci-darrada ah.

Taliyaha oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay xarunta ciidanka badda ee deg-mada Shangaani Talaa-dadii (10-kii Febaraayo) oo lagu maamuusayay sanad-guuradii 50-aad ee difaaca xeebaha Soo-maaliya ayaa digniin u jeediyay kuwa badaha Soomaaliya ka sameeya kalluumeysiga sharci-dar-rada ah ama wasaqda ku daadiya ama mukhaa-daraadka ama waxyaa-baha sharci-darrada ah ka dhoofiya ama burcad badeedda ah.

Wuxuu xusay in mustaqbalka dhow uu ciidanka badda diyaar u

yahay isagoo u hog-gaansamaya shuruucda caalamiga ah ee badaha inuu sugo nabadda dadka ku safraya biyaha Soo-maaliya.

Admiral Maaddey ayaa xaqiijiyay inuu ciidanka badda haysto anteenno lagala xiriiri karo cid kasta oo soo gasha ama ka baxeysa badda Soomaa-liya.

Dowladda Turkiga

ayaa ciidanka badda siisa tababarro aasaasi ah, iya-doo ugu deeqday doonyo dagaal oo lagu fulin karo howlgallada sida uu cad-deeyay taliyaha.Ciidanka badda Soomaa-liya waxaa la aasaasay 1950-kii, hase yeeshee markabkii ugu horreeyay ee ilaalinaya xeebaha Soomaaliya wuxuu dekedda Berbera ku soo xirtay 10-kii Febaraayo 1965-kii.

Ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya oo dib loo aasaasay 2009, waxay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waa la tabay intii burburka lagu jiray, sababtoo ah baddu waxay bahlah u noqotay in lagu soo daadiyo haraaga warshadaha, in laga sameeyo kalluumeysi sharci-darro ah iyo in lagu afduubto maraakiibta / Lahaanshaha sawirka Radio Muqdisho.

Xaqiiqa TimesXogaha dahsoon iyo

xaqiiqooyinka

Kaddare oo geeriyooday

Labo maalin oo aan sidaas u kala fogeyn waxaa warbaahinta iyo fanka Soomaaliya ka geeriy-ooday labo halyeey oo rug-caddaa ahaa, kuwaas oo kala ahaa Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) iyo Xasan Ciise Cali (Kuuriya).Alle ha u naxariisto Xuseen Kaddare oo ahaa qoraa, suugaanyahan, nin ka shaqeeya horumarinta af-Soomaaliga iyo cilmbi-baarista dhaqanka iyo hiddaha wuxuu koowdii Febraayo ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaal-ada Muqdisho.Madaxweynaha Soomaal-iya oo ka hadlay geeridi-isa ayaa sheegay in lagu xusuusan doono kaalintii uu ka soo qaatay halgankii gobannimo-doonka iyo gacantii uu ka geystay in la qoro far-Soomaaliga.Xuseen wuxuu 1952-kii

ku fikiray inuu soo saaro far Soomaalida u gaar ah oo markii dambe isaga loogu magac-daray loona bixiyay ‘Kaddariya’.

Dowladdii ugu hor-reysay ee kumeel-gaarka ahayd ee loo dhisay Soomaaliya markii uu burburka dhacay 1991-kii wuxuu ka noqday wasiirkii warfaafinta.

Wuxuu qoray sheeko caan ah oo lagu maga-caabo “Warsame iyo Waasuge, wuxuuna allifay ruwaayado dhowr ahaa.

Wuxuu la soo shaqeeyay Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta.

Kaddare wuxuu ku dhashay miyiga degmada Cadalle ee gobolka Sha-beellaha dhexe 1934-kii.

Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo lagu qabanayo CadaadoMadaxweynaha Soo-maaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dha-waaqay in shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud lagu qaban doono deg-mada Cadaado ee gobolka Galgaduud.Madaxweynaha ayaa had-alkaas ka sheegay booqa-

sho saacado qaadatay oo uu Talaadadii (10-kii Fe-baraayo) ku tagay qeybo ka tirsan gobolka Galgad-uud, wuxuuna xaqiijiyay inuu shirka furmi doono koowda bisha Maarso ee soo socota.Wuxuu caddeeyay inay dowladda Soomaaliya garab taagan tahay maam-

ulka loo dhan yahay ee la qorsheynayo in loo dhiso Gobollada Dhexe.Degmooyinka Dhuusam-areeb iyo Cadaado ayaa isku haystay martigelinta shirka.Socdaalka Madaxwey-naha wuxuu la xiriiray u kuurgelidda xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada

iyo arrimaha bulshada ee ka jira Gobollada Dhexe.Dhuusamareeb ayuu kula kulmay siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamullada ka jira deg-madaas.Degmooyinka gobolladaas waxaa ka socda ololeyaal ay wadaan murashaxiin

doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha lagu wado inuu yeesho maamulka dhismihiisa lagu howlan yahay.Shir dib-u-heshiisiin oo ay isugu yimaadeen beelaha wada dega gobollada Gal-gaduud iyo Mudug ayaa ka socda Dhuusamareeb.

Page 3: Email: xaqiiqatimes@gmail.com …...Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta. Kaddare wuxuu ku dhashay

4 xaqiiqa times Falanqeyn 10 ilaa 24 Febraayo 2015 xaqiiqa times wareysi /aragti 10 ilaa 24 Febraayo 2015 5

Wargeyska Xaqiiqa Times wuxuu wareysi la yeeshay Maxamed Cilmi Afrax oo ka mid ah murashaxiinta madaxweynennimo ee maamulka lagu wado in loo dhiso gobollada Mudug iyo Galgaduud. Waxaan wax ka waydiinnay ololaha uu ku jiro, waxa ku dhaliyay inuu ka qeyb galo tartanka iyo waxyaabaha uu doonayo inuu ka qabto gobolladaas.Xaqiiqa: Waxaad dhawaan socdaal ku tagtay gobol-lada dhexe, aad ayaana lagugu soo dhaweeyay, ugu horreyntii maxaa kugu dhaliyay in aad u tartanto madaxtinnimada Gobollada Dhexe oo dad badan ay u arkaan in ay tahay wax aad u dhib badan?Cilmi: Arrintaan ma ahan runtii go’aan sahlan in la qaato, in aan u soo istaago tartanka madaxtinnimo ee Gobollada Dhexe waxaa igu dhiirrageliyay anigoo 20 sano muddo ka badan kasoo shaqeynayay, xog-ogaalna u ah dhibaa-tada gobolladaas ka jirta, waxaana doonayaa in aan ka samatabixiyo dadkeyga iyo deegaankeyga dhiba-tooyinka, welibana anigoo kaashanaya dadkii aan la shaqeynayay muddada dheer.Xaqiiqa: Sidee uga samat-abixineysaa dhibaatooy-inka?Cilmi: Waxaan uga samat-abixinayaa maadaama aan garanayo xalka dhibaatooy-inka ka jira deegaanka, oo aan ogahay waxa dhexy-aalla dadka deegaannadaas, sidoo kalena aan ogahay kalsoonida ballaaran oo ay igu qabaan dadkeyga Gobollada Dhexe.Xaqiiqa: Maxaa dawo u ah dhibaatooyinka aad dooneyso in aad xalliso?Cilmi: Ugu horreyn waxaa dawo u ah, in dib-u-heshi-isiin loo sameeyo beelaha dega Gobollada Dhexe. Labo in nabadgelyo iyo kala dambeyn la helo, kaddibna loo gudbo sidii adeegyada aasaasiga ah sida; caafimaadka, wax-barashada, biyo nadiif ah iyo wixii kaloo soo raaca loo soo nooleyn lahaa.Xaqiiqa: Muxuu yahay barnaamijka aad doo-neyso in lagugu doorto oo murashixiinta kale aad uga duwan tahay haddii aad eegtay baahiyaha gobolka?Cilmi: Waxaan uga duwa-nahay murashixiinta kale in aan soo bartay cilmiga horumarinta bulshada,

waaya-aragnimana aan u leeyahay, marka waxaan doonayaa in aan sameeyo horumar dhinac walba ah, in aan qaabka dib-u-heshi-isiinta loo abaari jiray qaab ka duwan u abbaaro.Xaqiiqa: Sidee ayaad u abbaareysaa bal haddii aad faahfaahiso?Cilmi: Waxa looga baahan yahay Gobollada Dhexe ayaa ah dib-u-heshiisiin gun ballaaran oo leh garsoor iyo fulin, waayo mar walba wax baa la isku raacaa wixiina ma shaqeeyaan ama waqti yar ayay shaqeeyaan. Deegaankan waxaa ka maqan dib-u-heshiisiin, garsoor fiican iyo fulin oo mar kasta maadaama wixii lagu heshiiyana meesha ay ka maqan yihiin, wax-aan doonayaa labadaas arrimood in aan xaqiijiyo, haddii uu Alle idmo iyo in aan ka shaqeeyo yareynta iyo dabar-goynta gaajada iyo faqriga ka jirta Gobol-lada Dhexe.Xaqiiqa: Sidee u yareyneysaa faqriga ama saboolnimada?Cilmi: Waxaan ku yareyn doonaa; koow in shaqo-abuuris aan u sameyno dadweynaha, waa in dadku ay is-dhexgalaan, ganac-sigu isku furmaa. Waa in la helaa jewi oggolaanaya hirgelinta dhammaan arrim-aha aan soo xusay.Xaqiiqa: Murashax kasta wuxuu sheegaa qodobba-daan aad ka dhawaajisay, inta badanna kama fulaan, laakiin markii la eego dhibaatooyinka jira waxaa la sheegaa in gobolkan uu yahay gobolka ugu dhibka badan Soomaaliya oo dadkiisu in muddo ah ay colaado kusoo dhex jireen marka arrinkaa ma u diyaar garowday?Cilmi: Si fiican baan u fahamsanahay, balse ma qabo in uu yahay gobolka ugu dhibka badan Soo-maaliya. Ee waxaan qabaa keliya in gobollkaan aan la

horumarin xilligii dowladda uuna ka hooseeyay dhinaca horumarka gobollada kale, aad ayaa loo hagraday wax kasta sababtu ha ahaatee. Marka waxaan aaminsana-hay haddii gobolkaan la soo celiyo amnigiisa oo dib-u-heshiisiin la dhex dhigo dadka dega, oo kala dambeyna loo sameeyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bini’aadamka, qof kasta oo bulshada Gobollada Dhexe ahna wux uu helayaa xuquuqdiisa, go-bolkana waxaan aaminsana-hay in uu ka mid noqon doono gobollada ugu fiican Soomaaliya sida hadda loo leeyahay in uu yahay gobollkaan meeshi ay ka billaabatay colaaddii dalka - in nabada Soomaaliyana ay ka hirgeli doonto.Xaqiiqa: Maxaad is leedahay waad uga mudan tahay murashixiinta kale in lagu doorto?Cilmi: Marka hore muddo 20 sano ah ayaan ka shaqeynayay Gobollada Dhexe, muddadaasina waqti yar ma ahan, waxyaabo badan baan kasoo qabtay, waxyaabo badanna waan la soo kulmay, xaalado badan ayaan xogogaal u soo ahaa, intaan meesha joogayna waxaan ahay qofka keliya ee howlaha samafalka ka soo shaqeeyay, taasna waa fursad ii gaar h.Xaqiiqa: Maxay yihiin caqabadaha aad isleedahay way ku hortaagan yihiin?Cilmi: Caqabado badan baa iska jira guud ahaan Soo-maaliya, gaar ahaan Gobol-lada Dhex, tusaale ahaan xukun waa lagu guuleysan karaa laakiin mas’uuliyadda ayaa waxay tahay wax cu-lus oo walwal badan, waayo wax baa lagugu aaminayaa, amaanana walwal ayay leehay, balse dhinaca kale aniga wax caqabad ah oo ii gaar ah ma lahan, laakiin siyaasad ahaan jewiga guud ee Gobollada Dhexe wuu iska adag yahay.

Dabayaaqadii bishii tagtay ayaa markii

labaad wuxuu Madaxwey-naha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Imaanshihiisa hore wuxuu ahaa 19-kii Agoosto 2011, isagoo ahaa Raysul wasaaraha dalkiisa waxay ku beegneyd xilli ay macaluul iyo abaaro ba’an ka jireen Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta. Boo-qashadan dambe oo ay ku weheliyeen qoyskiisa,

wasiirro, xildhibaanno iyo ganacsato wuxuu ujeedkeedu ahaa in uu xarigga ka jaro mashaariic uu Turkigu ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Kuwa ugu waaweyn waxaan ka xusi karnaa dhismaha casriga ah ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, Isbi-taalka Digfeer, oo hadda loogu magacdaray ‘Recep Tayyib Erdogan Hospi-tal’, xarumo waxbarasho iyo waddooyin laami ah. Mashaariicdaas waxaa

Booqashada Erdogan: Hiil Walaal oo aan la Hilmaami Karin

fuliyay hay’ado Turki ah oo gaar loo leeyahay iyo kuwa dowladda hoostaga.

Erdogan shirkii jaraa’id ee uu la qabtay Madax-weynaha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in ay fuliyeen dhamaan ballan-qaadyadii ay hore u sameeyeen, isla markaasna wuxuu ku yaboohay dhismaha toban kun oo guri oo lagu dhisi

doono labo sano guda-hood. Waxaa kaloo uu ballan-qaaday dhismaha waddooyin cusub sida waddada warshadaha iyo tan Soddonka.

Dhismeyaasha iyo mashaariicdan ka sokow, toban kun oo arday oo Soomaali ah ayaa wixii ka dambeeyay 2011 waxbarasho loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo dufcooyinkii ugu horreeyay ay haatan dib ugu soo laabteen Soomaa-liya, iyagoo la shaqeeya hay’adaha Turkiga ee ku howlan adeegyada caafi-maadka, waxbarashada iyo gargaarka.

Mashaariicda ay dow-ladda Turkigu Muqdisho ka fulisay waa kuwo aan la qarin karin oo ka muuqda meel kasta. Taasi waxay waddo cusub u je-exday qaabka deeq-bixiy-eyaasha caalamka ay Soo-

maaliya wax ugu qaban jireen, iyagoo sanad kasta sheegi jiray inay malaay-iin doollar ku baxiyaan, inkastoo aysan qaban hal sheey oo muuqda sida Turkida oo kale.

Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in 10 sano ka hor ay Afrika ku lahaayeen 12 Qunsuliyad. Haatan Turkiga wuxuu Afrika ku leeyahay 39

Madaxweyne Xasan oo dhiggiisa Turkiga Erdogan ku soo dhaweynaya Muqdisho. Sawir-qaade/Cabdullaahi Afey

Madaxweyneyaasha oo xarigga ka wada jaraya terminaalka garoonka /Cabdullaahi Afey

Erdogan wuxuu sheegay inay fuliyeen dhamaan ballan-qaadyadii ay horay u sameeyeen.Sawir-qaade/Cabdullaahi Afey

Qunsuliyad, isagoo ku faanay inay Muqdisho ka dhisayaan safaaradda ugu weyn ee ay Afrika ku leeyihiin.

Mashaariicda Turkida ay fulisay ayaa inta badan Soomaalidu waxa ay u arkaan hiil walaal weyn oo u soo gurmaday, kad-dib markii ay agoonnimo ku raageen. Hase ahaatee waxay Soomaaliya heshay saaxiib daacad ah oo ay isku halleyn karto, inkastoo xiriirka Soomaa-liya iyo Turkiya uu soo billowday 5 qarni kahor, xilligaas oo ay Boqor-tooyadii Cusmaaniyiinta ka talineysay dunida Muslimka.

Su’aasha taaganse waxa ay tahay, Soomaalida iyo Turkida oo dhaqan iyo afba ku kala geddisan oo ay dhici karto cadow ay labaduba leeyihiin inuu ka dhex shaqeeyo

maka feejignaan doonaan cadowgaas muuqda iyo kan dahsoon ee doonaya inuu hor istaago horu-marka iyo waxqabadka uu Turkigu ka wado Soomaaliya? Waa arrin u taalla Soomaalida inay ku baraarugsanaadaan taasi oo ah waajib dusha ka saaran qof walba oo Soomaali ah.

Wareysi: Murashax Maxamed Cilmi Afrax

Wasaaradda Waxbarashadu ma Mid Federaal baa Mise waa Mid u Shaqeysa Sidii Dowladdii dhexe? W.Q: Cabdixakiin Cali Casir

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Maamulka

gobolka Banaadir

Waxaa qoran inay Soo-maaliya 1,600,000 ay yihiin ilmaha ay da’doodu tahay da’da waxbarashada aasaasiga ah, waana sida ay UNESCO ku qortay qoraalladii ugu dambeeyay ee xagga waxbarashada dalka. Waxaan ognahay in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamo tiro yar oo aysan ka jirin waxbarasho dowladeed oo u qaybsan qaab la isku halleyn karo lacag la’aanna ah. Soomaaliya waxaa wax-barta oo kaliya ardaygii ay waalidkiis ka bixin karaan lacagta lagu dhigto iskuulaadka gaarka loo leeyahay marka laga reebo maamul-goboleedyo muddo hore dareemay baahida loo qabo waxbarashada lacag la’aanta ah.Waxaa kaloo jira iskuulaad ay taageeraan Hay’adaha taageera waxbarashada aasaasiga ah oo ay weliba ku tilmaamaan mid gargaar oo aan u qaabeysneyn qaab waxbarasho joogto ah oo maalin kasta socon karta, maadaama aysan ku dhisneyn qorshe nidaamsan oo si weyn looga fikiray oo la iska warsaday halka uu kharashaadka howshaas lagu wadaayo ka imaanayo. Waxbarashadaas ma aha mid dabooli karta baahida waxbarashada aasaasiga ah ee lacag la’aanta ah ee looga baahan yahay inay ka hirgasho Soomaaliya oo dhan. Maxaa xal ah? Ma jiraan mase la abuuri karaa, wax ka duwan labada qaybood ee aan soo sheegnay oo kala ah waxbarshada gaarka loo leeyahay iyo midda Hay’aduhu ay caawiyaan oo suurtagal ka dhigi karta in la helo waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan ah oo tayo sare leh looguna talagalay dhammaan ilmaha ay da’doodu tahay da’da waxbarashada aasaasiga ah? Haa, waa la dhisi karaa, waxaase loo baahan yahay in marka hore la aqbalo in laga gudbo ku tiirsanaanta waxbarashada gargaarka ku dhisan oo loo gudbo mid horumarin ku dhisan.Adduunka waddamada sideenna oo kale ah ee bur-buray, marka ay rabaan inay burburka ka soo baxaan, ma dhisaan oo kaliya laami-yada iyo saro waaweyn iyo xarumo dowlad ee waxay

dhisaan oo kale dadka waxayna ka billaabaan in la sameeyo sharciyadii lagu dhaqi lahaa waxbarashada dalka oo suurtagal ka dhigi laheyd inaan dib loogu noqon wixii dalka ka dhacay ee burburka keenay. Haddaba Soomaaliya miyay ka duwan tahay dalalkaas oo miyeysan u baahneyn inay ku dayato waddamo dhibaatadeenna oo kale ay soo martay oo si fiican u isticmaalay waxbarashada oo soo saaray manaahij u suurtagelisa inay dadkoodu ku walaaloobaan? Waxaa hubanti ah inuu dalku u baahan yahay waqti badan oo uu kaga soo kabto dhibaatadii 20-ka sano ku soo dhaceysay, laakiin wuxuu u baahan yahay in la qorsheeyo oo weliba laga billaabo sidii dadka loo dhisi lahaa loogana billaabi lahaa jiilka soo socda oo loogu suurtagelin lahaa inay helaan waxbarasho tayo leh oo aasaasi ah, oo magaalo kasta oo dalka ah ka hirgasha. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiisaan sida ay arintaasi u suurtoobi kareyso, waxaanse hubaa inay fududaan laheyd haddii sida hoos ku qoran loo maamuli lahaa wax-barashada Waxaad arkeysaa wasaarado u dhaqmaya sidii dowladdii dhexe oo aanba u qaabeysneyn qaab maamul federaal ah oo weliba raba iyagoo Muqdisho jooga inay ka taliyaan aayaha ummadda deggan Xaafuun ooba laga yaabo inaysanba u warheyn sida loogu nool yahay magaaladaas. Had-daba maxaa xal ah? Anigu waxaan xalka u arkaa in wasaarad kasta oo ka tirsan dowladda federaalka ay diyaariso sharci ay ku ballaarinayso shaqooyin-keeda oo ay suurtagal uga dhigeyso in maamullada ay dowladdu magacaw-day ama kuwa maamul goboleedka ah ay yeeshaan awoodo u gaar ah oo ay ku fulinayaan howlahooda gaar ahaan kuwa khuseeya arrimaha bulshada iyo horumarinteeda.Haddii aan tusaale u soo qaadanno wasaaradda wax-barashada federaalka, waxa ay ka arrimisaa horumarinta waxbarashada dalka, waxayna rabtaa inay iyadu fuliso wax kasta oo shaqo ah oo laga qabanayo wax-barashada dalka magaalo kasta. Miyeysan ku hab-booneyn inay wasaaraddu baahiso howlaha waxabar-shada oo sida caalamka ka

dhacda ay iyadu ku ekaato howlaha ugu muhiimsan oo ay wasaaradi qabato oo ka dhaxeeya waxbarashada dalka oo dhan sida:1. Qoritaanka iyo horu-marinta siyaasadda wax-barashada dalka.2. Inay diyaariso manaahi-jta dalka, dib u habeyna ku sameyso manaahijtaas.3. Inay u qoondeyso mi-isaaniyadda waxbarshada dalka qaab suurtageliya inay dalka ka hirgasho wax-barasho lacag la’aan ah.4. Inay kormeerto xarum-aha iyo iskuulaadka dow-ladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay u xaqiijiso tayadooda waxbarasho.5. Inay dejiso imtixaamaa-dka shahaadada dugsiga sare ama kan H/Dhexe.6. Inay dejiso qaabkii macallimiinta loo tababari lahaa iyo weliba sanadkiiba inta macallin ee ay tahay in dalka loo tababaro.Loona daayo hirgelinta siyaasaddaas iyo weliba maamulka iskuulaadka madaxda gobollada iyo maamul goboleedyada ay waxbarashadaasi ku taallo si ay u noqdaan shaqooyin horumarineed oo maamul kasta uu maamullada kale uga horumari karo, dadka deggan gobolladaasina ay kula xisaabtami karaan dadka maamula gobolla-daas. Waa maamullada go-bollada kuwa laga rabo inay hirgeliyaan waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan ah, iyagoo isticmaalaya manhajka iyo shuruucda ay dejisay wasaaradda wax-barashada federaalka.Ugu dambeyntii waxaa lagama maarmaan ah in dowladdan inta aysan dhammaanin xilligeeda ay wasaarad kasta oo uu dalku leeyahay u kala caddeyso oo weliba wasaaradaha loo diro inay sameeyaan hin-dise-sharciyeed caddeynaya howshooda xagga fed-eraalka ah iyo weliba qaa-bka ay wasaarad kasta ula shaqeyneyso gobollada ay dowladdu magacowday iyo kuwa maamul goboleedy-ada ah, haddii kale waxaa dhacaysa in la isku kor xayirmo oo ay wasaaraduhu culeys ku noqdaan howlaha horumarineed oo ay maam-ulka gobollada ama maamul goboleedyadu rabaan inay gaarsiiyaan magaalooyinka ay maamulaan iyo dadka ku nool.

Murashax Maxamed Cilmi Afrax

Haddii aad hayso qormo waxtar leh noogu soo dir [email protected]

Page 4: Email: xaqiiqatimes@gmail.com …...Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta. Kaddare wuxuu ku dhashay

6 xaqiiqa times xog dahsoon 10 ilaa 24 Febraayo 2015 xaqiiqa times caddaaladda 10 ilaa 24 Febraayo 2015 7

Suudaan Oo Joojisay Dal-ku-galkii Ay Siin Jirtay SoomaalidaDowladda Suudaan ayaa amar ay soo saartay 20-kii bishii Jannaayo ee sanadkan ku joojisay dal-ku-galkii ay siin jirtay dadka Soomaalida ah oo ay ku jiraan ardayda wax-barashada u aadi jirtay dalkaas.U qeybsanaha wax-barashada iyo dhaqanka ee safaaradda Soomaa-lida ee dalka Suudaan, Cabduqaadir Maxamuud Guullane ayaa Xaqiiqa Times u sheegay in ay jirto warqadda amarka ah, balse aan iyaga si rasmi ah loo soo gaarsiin. Warqadda la sheegay inay kasoo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ee dowladda Suudaan oo aan aragnay nuqul ka mid ah, waxaa ku qoran in dadka Soomaalida ah aan la siin doonin dal-ku-gal sabab kasta oo ay u socdaan, taasoo loo sababeeyay in Soomaalida aysan u hog-gaansamin sameysashada deggenaashaha dalkaas iyo koror ku yimid dadka Soomaalida ah ee u tahriibaya Liibiya, si ay u sii gaaraan qaaradda Yurub.Cabduqaadir Guullane ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay dowladda Suudaan, isagoo xusay inay jiraan arday ga-roonka diyaaradaha ee Khartoum laga celiyay amarka kaddib.Warqadda waxaa ku saxiixan madaxa Waaxda Arrimaha Ajaaniibta Suudaan, Gaashaanle Sare Yaasiin Maxamed Xasan, waxaana nuqul ka mid ah la siiyay Madaxa Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Suudaan iyo Madaxa Waaxda Socdaalka ee garoonka diyaaradaha Khartoum. Guullane wuxuu xusay in dowladda Suudaan ay xiriir la soo sameysay kaddib markii ay ka caw-deen arrintan.Wuxuu xaqiijiyay in Ta-laadadii (10-kii Febraayo) ay wadahadal la yeesheen Waaxda Arrimaha Ajaan-

iibta Suudaan, oo ay ka wadahadleen sidii wax looga qaban lahaa arrin-tan, isagoo xusay inay sidoo kale u qorsheysan tahay inay maalamaha soo socda la kulmaan Agaasi-maha guud ee Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Suudaan.Saameynta ugu badan waxay ku yeelan doontaa ardayda Soomaalida ah ee waxbarashada u aadi jir-tay dalka Suudaan, sanad walba boqollaal arday ayaa deeq waxbarasho ka hesha dalkaas, iyadoo loo marsiiyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaal-iya, hay’adaha islaamiga ah iyo kuwa wax-barashada iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan.Magaalooyinka kala duwan ee dalka Suudaan waxaa wax ka barta ku dhawaad 7 kun oo arday, kuwaasoo badankood waxbarashadooda ay tahay lacag la’aan, waana dalka ay wax ka bartaan ardayda ugu badan ee Soomaalida ah.Marka laga soo tago ardayda waxaa jira Soomaali kale oo u tahriibaya dalka Liibiya, si ay u gaaraan qaaradda

Yurub, waxay ku galaan dalka Suudaan siyaabo kala duwan, qaarkood waxay qaataan dal-ku-gal ardaynimo, halka kuwa kale ay ku tagaan qaab sharci-darro ah, iyagoo inta badan ka gala dalalka Itoobiya iyo Koonfur-Suudaan. Xuseen Nuur Xaaji oo wax kusoo bartay dalka Suudaan ayaa u sheegay Xaqiiqa Times in amarka Suudaan ay ku joojisay dal-ku-galka haddii uu dhab yahay ay sabab u tahay Soomaalida u tahriibeysa dalka Liibiya, oo sanadihii dambe si aad ah ugu qulqulayay dalkaas.Wuxuu tilmaamay in marar badan ay dhacdo in lasoo qabto dad Soomaali ah oo u tahriibaya Liibiya, maalmo xabsi ah kaddib, xorriyaddooda dib baa loo siiyaa, iyadoo sababtu ay tahay in dowladda Suu-daan ay mar kasta muwaa-diniinta Soomaalida ah ula macaamisho si ka wanaagsan muwaadiniinta dalalka kale.Xuseen ayaa xusay in dowladda Suudaan ay cu-leys badan kala kulantay dadka Soomaalida ah oo tan iyo burburkii dowlad-

dii dhexe ay u oggolaatay inay si xor ah oo fudud u galaan dalkeeda, xilli dalal badan oo dariska iyo caalamka ah aysan aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliya.

Dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir wanaagsan oo u badan dhinaca waxbarashada iyo tababarka ciidamada, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya arday badan ayaa deeq

Weriyaha Xaqiiqa TimesNairobi

Your Fiber Optic Internet Link To The World

Address: Digfeer Street, Hodan - MogadishuTel: +252611111999 / +252699001159

Web: www.somdatanet.so Email: [email protected]

Internet xawaare sare leh oo la isku halleyn karo lana awoodi karo

oo gaari karaQof kasta Meel kasta &Waqti kasta

waxbarasho ka heshay Suudaan, qaarkood waxay ka mid noqdeen dowladihii KMG ahaa ee dalka, halka qaar kale ay ku jiraan xukuumadda cusub. Sidoo kale waxa ka mid noqdeen mas’uul-iyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa deg-mooyinka Muqdisho.

U qeybsanaha waxbarashada iyo dhaqanka ee safaaradda Soomaalida ee dalka Suudaan, Cabduqaadir Maxamuud Guullane

Garsoorka Soomaaliya Maxaa laga Qabtay Maxaase caqabado ah

Caddaalad-darradu waa dhibaato raadad

muuqda ku reebtay shacabka Soomaaliya oo tan iyo intii xornimada la qaatay aan helin nidaam caddaalad iyo garsoor oo ay dadku u siman yihiin. Wuxuu xaalku sii xu-maaday burburkii kaddib oo caddaalad-darradu ay noqotay dhaqan-xumo baahsan. Sidoo kale ma jirin, welina ma jiraan garsooreyaal aqoon iyo khibrad leh oo si madax-bannaan go’aan uga gaari kara kiisaska ay xalli-nayaan. Sababtuna waxay tahay ma helayaan garsoo-reyaashu daamanad amni oo ay ku howlgeli karaan iyo dhaqaale ku filan oo ay uga fogaadaan qaadashada lalauushka.

Wasaaradda Caddaaladda waa albaabbada laga galo hay’adaha caddaaladda dalka. Waxaan warbix-intan ku soo koobeynaa howsha ay Wasaaraddan ka qabatay soo-celinta nidaamka iyo hay’adihii garsoorka dalka.Dayactirka Xarumaha Wasaaradda:

Wasaaradda Caddaal-adda iyo Arrimmaha Dastuurka oo haatan loo qaybiyay labo wasaarad ayaa howlo dayactir ah ka fulisay, welina ka wadda dhismaha Wasaaradda ay ku shaqeyso, ballaarinta Xabsiga Dhexe ee Xamar oo burbur xooggan uu ka muuqday, laguna hayo maxaabiis gaaraysa ilaa 1200 oo qof. Wasaaraddu waxay sameysay in la ballaariyo qolalka maxaabiista lagu hayo oo hadda ciriiri ah sida uu noo sheegay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caddaal-adda, Maxamed Caabbi Xasan.

Mudane Caabbi wuxuu xusay in xarunta maam-ulka Ciidanka Asluubta ee Ex-Koontarool ay iyadanu dayactir ka wadaan si Ciidanka Asluubta ay u helaan xarun ay shaqo maalmeedkooda ku qabsadaan. Isla xaruntaas waxaa haatan qabyo ah dhismaha xabsi weyn oo loogu talagalay in la keeno maxaabiista Soomaalida ah oo haatan ku jira xab-siyada 12 dal, kuwaasoo ku eedeysan kiisas kala duwan, laguna fuliyay ciqaab kala duwan.

“Wasaaraddu waxay ka shaqeynaysaa marka xabsiga la dhamaystiro in

Soomaalida dibadaha ku xiran loo soo wareejiyo gudaha dalka si ay ciqaa-bahooda ugu dhamaystaan dalka gudihiisa. Qaab dhismeedka xabsigan ayaa noqon doona mid casri ah oo aysan ku dhibaatoon maxaabiista, laguna dary-eelo inta ay xukunnadooda gudanayan.” ayuu hadalk-iisa ku soo gabagabeeyay Mudane Caabbi.Tayaynta Shaqaalaha:

Wasaaraddu waxay tayeysay shaqaalaheeda iyadoo kusoo biirisay in ka badan 40 shaqaale oo aqoon sare leh. Shaqaalahan ayaa looga faa’iideysanayaa inay dardargeliyaan howsha wasaaradda. Intooda badan oo ah dad ay aqoontoodu sarreyso waxay tababarro siiyaan shaqaalaha hoose si xirfaddooda ay ugu wareejiyaan shaqaalaha kale. Waxaa kaloo jira inay tababar shaqo ku qaataan ardayda barata culuumta sharciga, kuwaasoo la doo-nayo in la kobciyo heerka aqoontooda si mustaqbalka ay wasaaradda u anfacaan.

Xafiiska Agaasinka Qorsheynta iyo Tabab-arrada Wasaaradda ayaa fuliya bil walba tababarro lagu kobcinayo garaadka iyo aqoon-kororsiga shaqaalaha, taasoo qayb ka ah siyaasadda guud ee uu dajiyay xafiiskan. Taasi waxay mustaqbalka u hor-seedi kartaa in wasaaradda ay noqoto mid isku filan oo aan loo baahnayn in shaqaale bannaanka laga keeno.

Sameynta Sharciyada:Xoghayaha Joogtada ah

ee Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xuseen Qaasim Iidow ayaa Xaqiiqa Times u sheegay in ay wasaarad-diisa abaabushay khubarro aqoon u leh sharciga iyo dastuurka, kuwaasoo laga keenay Gobollada dalka si ay uga qayb galaan shirweyne dhowr casho ka socday magaalada Muqdisho. Shirkaas waxaa kasoo baxday natiijo wax ku ool ah kaddib markii lagu dhisay sharciga Max-kamadda Dastuuriga ah.

“Wasaaraddu waxay meel-marisay hindise-shar-ciyeedka Golaha Adeegga Garsoorka oo ka gud-bay Golaha Wasiirrada, kaddibna uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Baar-lamaanka. Hindisahaas oo sharci noqday wuxuu kaalin mug leh ka qaadan doonaa dib-u-habeynta Garsoorka dalka iyo sidii ay shacabku fursad ugu heli lahaayeen nidaam gar-soor oo loo siman yahay.” ayuu yiri Mudane Iidow.

Gudiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista Das-tuurka:

Wasaaradda waxay la tashiyo badan kaddib sameysay guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo ka kooban 5 xubin, kaasoo hadda laga sugayo inuu soo diyaariyo dastuur dhamaystiran oo afti dad-weyne loo qaado. Waxaa Guddoomiyaha Guddigan loo doortay Marwo Caasho Geelle oo ah qofka keliya ee dumar ka ah shanta

xubin.Safarkii Turkiga:

Wasiirkii hore ee Cad-daaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga horraantii bishii Jannaayo ee sanadkan. Falanqeyn dheer kaddib waxay labada wasaarad gaareen heshiis iskaashi oo dib loogu soo nooleynaayo dhamaan adeegyadii kala duwanaa ee Garsoorka Soomaaliya, iyadoo waxyaabaha ugu horreeya ee la fulinayo ay tahay dhismaha xuramaha ee Maxkamadaha dalka ilaa heer degmo. Wafdi qiimeyn ah oo ka socda Wasaaradda Caddaaladda Turkiga ayaa la filayaa 15-ka bishan inuu yimaado magaalada Muqdisho si uu heshiiskan u dhaqangeliyo.

Booqashada Mudane Faarax Sheekh Cabduqaa-dir ayaa sare u qaadaysa saaxiibtinnimada Soomaal-iya iyo Turkiga oo wixii ka dambeeyay abaarihii 2011-kii iyo boqashadii Raysul Wasaarihii hore ee Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu ku yimid Muqdisho gaar-tay heerkii ugu sarreeyay, balse caawinta Turkiga ee dhanka Garsoorka iyo Maxkamadaha ayaa ah mid u baahan in Soomaa-liya ay ka faa’iidaysato si loo helo nidaam garsoor oo hufan oo Soomaaliya ka hanaqaada.

Caqabadaha ka Hor yimid:

Inkastoo ay Wasaaraddu ka dhex muuqato wasaara-daha kale ee xukuumadda haddana waxaa jira caqabado horyaalla oo u baahan in wax laga qabto. Sida aan ka soo xigannay Wasiirkii hore Mudane Faarax Sheekh waa in la dhaqangeliyo sharcigii Adeegga Gar-soorka si loo helo garsoor madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo, kuna dhisan caddaalad. Waxaa uu intaa raaciyay Faarax in shakhsiyan uu ku faraxsan yahay meesha ay haatan wasaaraddu mareyso, hase ahaatee uu jeclaan lahaa inuu arko howshii uu bil-laabay oo la dhameystiray.

Faarax wuxuu tilmaamay

arrinta in la fahmo loo baahan yahay inay tahay in aan garsoorka la siyaas-adeyn. Waayo qof kasta oo Soomaali ah maanta wuxuu sida biyaha oo kale ugu baahan yahay garsoor hufan oo lagu kalsoonaan karo, caddaaladna ku qotoma, isagoo sheegay in howlo badan oo ay Wasaaraddu ku taameysay inay qabato inay hakiyeen markii la siyaasadeeyay. Wuxuu u rajeeyay labada wasiir ee xilalka Caddaal-adda iyo Dastuurka kala qabtay Mudane Cabdul-laahi Axmed (Ilko-Jiir) iyo Mudane Xuseen Max-amuud Sh. Xuseen in uu Alle ku guuleeyo howsha loo igmaday.

Janaraal Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) wuxuu ku dhashay magalaada Ceerigaabo 1951. Halkaas ayuu iskuulka ka galay. Markii waxbarashada Dugsiga Sare uu dhameystay waxa uu galay machad lagu tababari jiray macallimiinta oo markii dambe noqday kulliyaddii Macalliminta ee Lafoole.

Tababar ciidan ayuu 1970-kii ku soo qaatay dalkii la oran jiray ‘Midowgii Soofiyeeti’ isagoo ka qalin jabiyay Akadeemiyadii Milatariga ee Odesa (Ukraine) 1973-kii. Jagooyin kala duwan oo hoggaanka ciidanka ah ayuu dalka ka soo qabtay, isagoo billado geesinn-imo ka helay dagaalkii1977-kii ee Itoobiya lala galay. Wuxuu mar kale waxbarasho milatari u aaday dalka Masar oo uu shahaadada labaad ee Jaamacadda kaga qaatay kulliyada culuumta milatariga ee Masar intii u dhaxeysay 1980-83.

Wuxuu mar kale tababar u tagay kulliyad culuumta dagaalka lagu barto oo ku taalla Gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. 2000 ilaa 2004 wuxuu mar kale kuleej ka galay dalka Mareykanka oo uu ka qaatay sha-haadada koowaad ee Jaamacadda ee Xisaabaadka.

Tan iyo 2008 wuxuu ahaa nin ka dhex muuqda siyaas-adda maamulka Puntland. 2009 wuxuu loollan u galay madaxtinnimada Puntland, isagoo la tartamay Cab-diraxmaan Faroole. Markii looga adkaadayna wux uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulkii Fa-roole. Inkastoo tartan adag uu dhex maray intii ololaha lagu jiray, haddana Janaraal Ilko-Jiir wuxuu noqday nin muujiya tanaasul iyo wada shaqeyn.

Janaraalka ayaa ah nin meelo badan oo Soomaaliya ah laga yaqaanno, waxaana looga bartay dabeecad wanaag, howlkarnimo, dhawrsanaan iyo dad isu soo dhaweyn.Waxaa 9-kii Febaraayo loo dhaariyay xilka Wasiirka Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waa Kuma Wasiirka Cusub ee Caddaaladda?Wasiirkii hore ee Caddaaladda & Dastuurka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabduqaadir

Page 5: Email: xaqiiqatimes@gmail.com …...Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta. Kaddare wuxuu ku dhashay

xaqiiqa times bandhigga buugga 10 ilaa 24 Febraayo 2015 98 xaqiiqa times ganacsi 10 ilaa 24 Febraayo 2015

Sidee Ayay Noqon Lahayd Nolosha EVC La’aantiis?

EVC Plus oo ah adeeg cusub oo ka mid ah adeegyadii kala duwanaa ee Shirkadda Hormuud ay soo kordhisay sanadahan dambe ayaa waxa uu yimid iyadoo shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka ay haysato nabadge-lyo-xumo, isbaaro, jeebsiib, safaf dhaadheer oo loogu jiro xawaal-adaha, bixinta biilasha iyo howlaha kala gedisan maadaama aysan dalka ka jirin lacag fudud oo shilin Soomaali ah oo jeebka lagu qaadan karo ama lacagta qalaad oo jajab badan laga heli karo.

Inkastoo aan adeeggan mid u dhaw oo la yiraahdo M-Pesa aan Nayroobi ku isticmaali jiray, haddana waxaan aad ula yaabay oo aan Muqdisho ugu imid adeegsiga EVC Plus oo meel walba ku dhaggan. Waxaa ka sii daran in uu adeeggan kaga duwan yahay M-Pesa in uu yahay mid lacag la’aan ah.

Hodan waa gabar shidaalka ka ganacsata. Mar aan waydiinay waxa uu EVC ku soo kordhiyay nolosheeda waxay tiri “Bixinta biilasha iyo ki-

rada, kharashka iskuulka carruurta iyo dukaamey-siga oo dhan ayaan dhibaato ku qabay. Waxaa kaloo jirtay in marka aan kaash badan wato oo aan suuqa aado aan ka wal-wali jiray amnigeyga iyo lacagtaba. Laakiin waa Alle mahaddiis maanta ilbiriqsiyo gudahood ayaan waxaas oo dhan ku xalliyaa.”

Ma aha Hodan oo kaliya ee waxaa jira in gaadiidka dadweynaha ee loogu isticmaalka badan yahay magaalada Muqdisho ee loo yaqaano Bajaajta (Mooto saddex lugood leh) ay adeegsa-daan EVC Plus. Sababtu waxaa weeye lacagta ugu yar ee lagu raaco ayaa ah nus doollar iyo wixii ka badan. 5 kun oo Bajaaj ayaa maalinkii nolol-malameedkooda ka hela lacagaha loogu diro adeegga EVC.

EVC Plus kahor, qofkii lacag u diraya gudaha dalka, wuxuu adeegsan jiray xawaaladaha isagoo bixinaya khidmad dheeri ka ah lacagta uu dirayo. Waxaas oo dhan waa ay dhamaadeen sida uu adeeggan u hirgalay.

Maxamed Cali, Oday Dhaqameed Muqdisho jooga, ahna nin da’ wayn ayaa muujiyay sida uu ula yaabay adeeggan, isagoo sheegay in uu odayaal ku sugnaa tuulo ka mid ah Gobolka Galduud isagoo Xamar jooga uu qado ku marti qaaday, markii ay qadeeyeenna uu lacagtii EVC Muqdisho uga tuuray. “Waa yaabe adeeggan muxuu ahaa? Isma lahayn noloshaada waxan oo kale ayaad arki doontaa.” Isagoo madaxa gilgilaya ayuu intaa had-alkiisa ku dhameeyay.

Wiil dhallinyaro ah oo lagu naaneyso Gu-reey ayaa ii sheegay in adeegsiga EVC Plus uu yareeyay dadkii ay xir-fadda u ahayd tuugeysiga ee toorreyda iyo bastool-adaha dadka ku baaran ji-ray. Wuxuu yiri “Intii aan adeeggan isticmaalayay waxaan ka raystay is-baaradii aan la kulmi jiray iyo jeeb-siibkii joogtada ahaa markii aan marayo suuqayada sababtoo ah maxaaba la iga isbaarey-staa ama la iga jeeb-siibaa lacagteydaba EVC ayay iigu jirtaa, iyadoo ku xiran lambar sireed aanay cid

kale ogaan karin?”

Isticmaalka adeeggan ayaa erey-bixinno cusub kusoo kordhiyay Af Soo-maaliga sida ‘ii soo tuur’ ‘u wareeji’, ‘I tus’, ‘haraa-gaagu waa…’ iyo ereyo kale oo adeegsigoodu uu badan yahay waayadan dambe.

EVC waxaa ugu bad-naan lagu shuban karaa 300 oo doollar sida uu ii sheegay mas’uul ka tirsan shirkadda Hor-muud. Mas’uulkaas ayaan waydiiyay macnaha ereygan EVC Plus uu u taagan yahay. Wuxuu ku jawaabay “Waxan ereygan kasoo gaabinnay erayo Ingiriis ah oo ah ‘Elec-tronic Voucher Card Plus’ (EVC+). Waxaana ugu talagalnay sida erey-bix-inta ay caddeynayso in looga kaaftoomo kaarka la xoqayo oo looga kaaf-toomo in qofka lacagta teleefonkiisa ku jirta uu kaar u beddelan karo si uu ugu hadlo isagoo aan tagin dukaan iyo xafiis shirkad midna. Laakiin baahiyo jira awgood ayay dadku billaabeen inay u adeegsadaan wax kala iibsiga. Aad ayaan ugu faraxsannahay in EVC uu

noqday Adeeg nolosha macaamiisheenna fudude-eyay”

Shuceyb oo ku koray London, balse hadda ku sugan Muqdisho ayaa noo sheegay in xilligii uu UK joogay uu lacagtiisa ku wadan jiray boorso yar (wallet) oo jeebka ugu jirta, balse labadii sano ee uu Muqdisho ku sugnaa uu adeeggan u suuragal-iyay in uu lacagtiisa ku qaato telefoonka, taas oo uu u arkay inay tahay wax noloshiisa sahal uga dhigay.

Aniga qudheyda oo ka mid ah macaamiisha isticmaasha adeeggan markii aan Muqdisho imid waxaan lacag dhigtay Salaama Bank. Lacagtaas waqtiga aan doono ayaan ku shubtaa moobilkeyga kaddibna u isticmaalaa waxa aan doono. Sidoo kale waxaan dib u dhigan karaa koontadeyda Ban-kiga lacagaha isoo gala aniga oo aan saf u gelin Banksiga.

Dad dibadda ku maqan oo waxaa jira xawaalad ahaan EVC lacagta ugu soo dira eheladooda iyo saaxiibbadooda jooga

Soomaaliya.

Sua’aasha la isweydi-inayo ayaa ah noloshu sidey ahaan lahayd haddii uusan jirin Adeegga EVC Plus?

Waa adeeg nolosha Xamar iyo guud ahaan Soomaaliya aad loogu riyaaqay, noqdayna horumar weyn oo ay Soomaalidu ku faraxsan tahay. ECV la’aantiis waa tuugo dariiqyada u taagan jeebsiibka iyo baarashada shacabka, safaf dhaadheer oo loo galo xawaaladaha iyo Bankiyada, shaxaadka iyo qado ka bixinta dadka kaa fog oo joogsada, qaadashada lacagaha shilin Soomaaliga ah oo lagu dhibaatoodo iyo kala dukaameysiga shacabka iyo ganacsatada oo lagu dhibtoodo.

Inkastoo aad arkeyso dadka qaar oo leh kaashkii oo idil wuxuu ku uruuray hal meel, haddana waxay leeyihiin waxaan ku kalsoonnahay inay lacagteenna ku jirto gacan aamin ah oo aan welwel laga qabin inay lunto.

Kobocii Islaamiyiinta SoomaaliyaW.Q. Cabdishakur Mire Aadam

W.D: Yuusuf Xasan

Qaybta Labo iyo Tobnaad.I-Baraarrugga Dacwada.5-Kaalinta Haweenka ee Baraarugga Dacwada

Hagardaamada gab-dhaha Al-ahli Al-Islaam lagu hayey waxay mararka qaarkood sababi jirtay in laga eryo waxbarashaday ku jireen sida ku qoran maqaalka uu Somalitalk.comku faafiyey Sheekh C/rax-maan Sheekh Cumar ee qormadiisa ‘‘ Uur-Doox ”. Wuxuu xaqiijiyey in Lix gabdhood oo dhiganayey Jaamacada Lafoole lagu eryey qaadashada Xijaa-bka dartiis. Waxaa lagu cadaadiyey waxbarashada haday doonayaan inay sii wataan looga baahan yahay inay xijaabka dhigaan. Gabdhahaasi waxay ku adkaysteen intii ay dhigilahaayeen xijaa-bka inay dooranayaan waxbarashada inay isaga ka tagaan, waxayna kala ahaayeen:- Caasho Salad oo Yemen joogta (Xaaska Cali Muuse Ciise)Kha-diijo Garwayne (Kuna nool Toronto Marwadii Sh. Maxamuud food-cadde) Qaali Maxamed Cabdi (Allaha u naxari-isto) iyo Sadex gabdhood oo kale .

Kacaankii kama xishoon inuu xabsiga dhigo gabdhihii baraarugga dacwada kaalintay ku lahaayeen dacwada aw-geed. Waxaa xabsiga loo taxaabay Maryam Xaaji C/raxmaan iyo Qadiijo Cumar. waxaana ka waraystay Maryam Xaaji C/raxmaan, :-

‘‘ Ma uusan jirin wax dembi ah oo aannu galnay, waxaan anigu waqtigaas ahaa macal-limad u joogtay Shaqo Qaran (National Service) Dugsiga Sheekh Suufi. Waxaa la iga soo qabtay gurigayaga oo ku yaallay Via Roma xaafadda Xamar-weyne. Otto Otto ( Gaariga Booliska ) ayaa la igu soo qaaday iyadoo dhinaca la iga fariisay laba askari, waxaana la ii soo xiray sidii qof dad dilay (Mashiidiyo). Waxaana laygu xiray Xaruntii Nabad-sugidda ee loo aqoon jiray Godka Jilicow.’’

Kolkaas ayaan weydi-iyay sidii loola dhaqmay intay ku jireen xabsiga nabad-sugidda?

‘‘ Su’aalo ayay i weydi-inayeen maxaad jalbaabka u wadataa?. odaygaagii xaggee jiraa?. Cabsi gelin badan ayaa jirtay. Waxay kaloo Nabadsug-giddii soo xireen Qadiijo Cumar oo Muqdisho laga soo qabtay iyo Xaliimo Nasro Max’ed Cabdi iyo Fowsiyo Xaaji Cisman oo Sablaale iyo Dajuuma laga soo xiray. Afar maalmood oo aannu ku xirnayn Godkii Jilicow ee nabadsugidda ka dib waxaa naloo gud-biyay xabsiga dhexe ee Muqdisho. ‘‘

Maryan Xaaji C/raxmaan oo ka warama-ysa xabsiga dhexe ee Muqdisho kolkii la geeyey waxay tiri:-

‘‘Kolkii xabsiga dhexe ee Muqdisho nala geeyay haweenaydiimadaxda ka ahayd qaybta dumarka oo Kaltuun la oran jiray, kolkay magacyadana naga qoraysay ayaa ilmao soo dhaaftay, wax kale kama welwelayn ee waxay noo sheegtay inay ka baqayso in dil nalagu xukumo annagoo ah gabdho dhal-linyaro ah.’’

Waa sii waday xogg-warankeedaas :-

‘‘ Waa yaabnay. Waxaa nalagu dhexdaray haween dembiyo kala duwan ga-lay. Gaar ahaan kuwa lagu soo xiray anshax xumo. Kama aannaan gaabin inaan dacwada ka dhex wadno xabsiga. Wadaad dowladdu soo dirtay oo la yiri diinta ayuu dadka barayaa ayaa naloo keenay. Gab-dhahaygii isku kiiska ahaa waanu diidnay inaannu cashar-radiisii dhegeysanno. Kolkaas ayaa waxaa nalagu xiray xabsi gaar ah oo loo yaqaan Sheelada. Waxaa meeshaas iyaguna ku xirnaa laba gabdhood oo Ingriis ahaa oo iyaga iyo rag la socday oo doonyo watay laga soo qabtay degaanka Xaafuun, iyagana waxaa lagu eedaynayay jawaasiinimo, anaggana sidaas oo kale inaan jaawaasiis u nahay Sacuudiga. Laakiin laba-dayada qoloba ma aannan

hayn. Annagu dad diin-tooda ku dheggan ayaan ahayn. Gab-dhahaas Ingriiska ahaa way ooyi jireen waqti walba iyagoo u adkaysan waayay ra-faadka xabsiga, waxayse aad ula yaabanaayeen sida aannu markasta u faraxsan nahay ’’

Goorma ayaa xabsiga dhamaantiin la idinka soo sii daayay? ayaan weydiiyey

‘‘ Markaan xirrayn laba sano iyo bar ayaa Okt. 1978dii waxaa nalagu soo daayay cafis la sheegay inuu Kacaanku bixiyay, annaga iyo weliba wa-daaddo kale oo xirraa.’’

Agaasimihii Waxaada diinta ee Wasaaradii Gar-soorka iyo Diinta Sheekh Max’ed Guuleed wuu ku guuleystay inuu albaa-bada u xiro masaajidkii haweenka. kamase fekerin inaan daad soconaya lagu celin karin sacabbada. Waa laban-laabmay kaalinta ku baraarugga dacwada ee haweenka kolkii la xiray masaajid-koodii. Waxay dacwadii iyo baraarugii haweenka ula soo wareegeen xaaf-adaha Muqdisho, iyagoo koox- koox isugu xirmay. Taas ayaa sabab u noqotay in dacwadu xawaare aad u sareeya gooyso, lagana miro dhaliyo hadafkii baraaruga

U Horseed Iskuulkaaga horumar iyo teknoolajiyo casri ah

School One Software Wuxuu kuu Fududeynayaa Iska Warqabka:

1- Maamulka Iskuulkaaga2- Macallimiintaada3- Ardayda4- Waalidiinta iyo5- Qeybaha Xisaabaadka ku hel Warbixintaada, Natiijadaada iyo Attenance-gaaga Mobile iyo E-mail labadaba.

Hawo iyo Halaag (Sheeko Gaaban)

W.Q Maxamed Maxamuud Guure

Mar uu is leeyahay guriga bal gal oo hambadii ay ka tageen qaado waa taas oo raggii luf luf ka tageene ayaa isagoo isku diyaarinaya ka boodista albaabka hore ee guriga wuxuu sheed-diisa ka arkay ruux jarmaadaya oo suuqa ku sii kallahaya. “Istaag ha is nuuxinin gacmaha kor u taag ha I soo fiirin” ayuu isla markiiba kala hor tagay. Islaantii dambiisheeda iska wa-datay ayaa ka war heshay iyadoo wiil xaydan oo qori wata hor taagan. Cabsi darteed wadnihii baa ku sigtay inuu bannaanka yimaado, sida uu u rug-ruglaynayo dartii. Maxay sameysaa? Soddonkii kun ee ay yaanyada ku doonaysay si ay xaaf-adda ugu goobeyso carruurtana ay biil uga biidha-biidhayso macaashka ka soo baxa, maanta mooryaankan ayay u gacan gashay “Maandhow ilmo agoon ah ayaan biil uga raadinayaa ee in aan eebbahay ku gablamin gaajo ha u sababin, maand-how waa yatiim ay aabbahood xabbadi leeftay ” Canjeex oo ka yasoonaya hadalka duqda, danna aan ka gelin inta lacagtii daf ka yiri, hadalka ugu soo gunaanaday “Sii jeeso, haddii aan hortayda kugu sii arko waa shan xabbadood”. Intaas markii ay afkiisa ka sii baxaysay wuxuu gadgaddinayay lacagta uu isbaaraystay jeebka ayuuna ku sii aruursanayay, isagoo hoosta iska leh labo goor ahaanba labo majin oo af billow ah way kuugu filan tahay inta aad kuwii ka arkaysid.Wali isagoon bartiisa ka dhaqaaqin ayuu ka war helay rasaas isku darantay. Canjeex wuxuu dareemay in rasaastu ay guriga ka qaraxday, mala’awaalkiisii horana uu dhalanteed ahaa, rag-guna ay wali guriga ku jiraan. Docda kale, Jeex-maroodi oo isagu injineer ka ahaa howlgalka ay waahiirkan saddexdan nin samaynayaan ayaa walwal la soo gudboonaaday kadib markii uu daahsaday raggii ay asaxaabta ahaayeenee ee uu howsha u diray. Gabadhii ay buushkeeda oo isgoyska Black Sea ku yaalla ku wada qorsheeyeen ayaa iyada oo yaabban isbeddelka wiilka ku dhacay waxay ku tiri “Abboowe maxaa kugu dhacay oo aad la maahsan tahay? uma uusan jawaabine intuu Laan-boqortii ay afka u galgalinaysay dhinac iska dhigay wuxuu sii watay fekerkiisii, waxaa u shidnaa cajal dheer oo taariikh hore ku du-uban tahay, yaraantiisi iyo sida abtigii Xaaji Axmad uu u soo koriyay kaddib markii aabbihii iyo hooyadii isagoo yar ay dhin-teen. Abti waagii uu yaraa wax walba uu dalbado diyaar ayuu u ahaa markii uu soo waynaadayna wuxuu ku waaniyay in uu shaqaysto isagoo waliba u sheegay in uu shaqo u abuurayo. “Odaygan waa hurdaa sideen yeelayaa, maanta oo dhan daal, haddana labaatan kun iyo wax la mid ah soo shaqay doqonka yeelaya waa kee “Miyuusan maqlin miyaa ninkii yiri “Saddex sano Sacuudi joog hal subax surun(dariiq) adaa ka roon”. Je-ex-maroodi waxaa ka xanaajiyay tiiqtiiqsiga odaygu uu subax dhawayd kula soo kallahay, ilaa iyo hadda ma hilmaamin eraya-diisii ahaa “Jeexmaroodi inta aad qorigaan deegta ku wadato aniga abtigaa ma’ahi isna sheegan mayno”. Way socotaa

Q2

Page 6: Email: xaqiiqatimes@gmail.com …...Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta. Kaddare wuxuu ku dhashay

xaqiiqa times xannibaadda xawaaladda 10 ilaa 24 Febraayo 2015 1110 xaqiiqa times qoyska 10 ilaa 24 Febraayo 2015

Guurka wuxuu Allaah ugu talagalay in

lagu ilaaliyo jiritaanka bini’aadamka. Haddii la iska daayo guurka waxaa dhaceysa taranka dadka inuu meesha ka baxo ama uu yaraado. Allaah wuxuu aayadda koowaad ee Suurat Al-Nisaa ku yiri: Ummadyahay Ila-ahiina ka cabsada. Ilaahii idinka abuuray hal naf, kana sii abuuray xaaski-isa, kana soo bixiyay dhexdooda rag iyo dumar.

Faa’iidooyinka guurka waxaa ka mid ah inuu qo-fka ka ilaaliyo xaaraan, oo indhihiisa ay dhowrsanaa-daan, naftiisa inay degto, uuna xasilo, arsaaqda oo u barakowda iyo ubad wanaagsan oo baarri u noqota una soo duceysa waalidkood. (Ilaahay ayaadkiisa waxaa ka mid ah inuu idinka abuuray xaasas si ay naftiisa ugu xasisho, wuxuuna dhex-diinna dhigay jaceyl iyo naxariis) Al-Room - 21).

Guurka wuxuu bulshada ka badbaadiyaa anshax-x-umida iyo falfal-xumida. Qofka diintiisa way u dhameystirantaa marka uu guursado, cibaadadiisna way saxantaa. Qalbiga ayaa u dega.

Nebi Muxamed (CSW) wuxuu dhallinyarada ku boorriyay inay guur-sadaan, wuxuuna yiri {Dhallinyarow kiinnii awooda ha guursado, kii aan awoodina ha soomo, waxay u noqoneysaa badbaado}.

Guurka waa sunnadii ambiyada, Allaah wuxuu yiri (Waxaan soo dirnay adiga hortaa (Nebi Mux-amadow) rusul, waxaana u yeelnay xaasas iyo caruur) Al-Racd – 38). Nebiyadii hore waxay ka duceysan jireen kelinn-imo ama awlaad la’aan. (Sakariye markii uu Ilaahiisa baryay, wuxuu yiri “Rabbiyow ha igaga tegin kelinnimo, adigaa ugu kheyr badan wax wax dhaxla”. Waan ka aqbal-nay, waxaana u hibeynay Yaxya, xaaskiisana waan u hagaajinnay) Al-Ambiya – 89.90).

Sababaha dib u dhaca

Beryahan dambe bul-shada Soomaalida dhex-deeda waxaa ku soo batay in dib looga dhaco waq-tigii lagu guursan lahaa, iyadoo aan wada ognahay guurka muhiimaddiisa iyo wanaaggiisa.

Sababaha guud

Dhaqaale xumi: Qofka dhallinyarada ah waxaa la soo gudboonaata shaqo la’aan. Waxaa badanaa dhacda in uusan weli ka madax-bannaaneyn waalidkiis ama ay biilaan dad qaraabadiisa ama saaxiibbadiis ah, isagoo marxaladdaas ku jira ma codsan karo caawimaad guur.

Amni-darro: Dalka muddo ayuu colaad ku soo jiray, welina si buuxda uma wada xasilin, sidaas daraadeed dhallinyarada ma haystaan jewi deggan oo ay uga fikiraan guur, waxayna taas beddelkeeda ku mashquulsan yihiin sidii ay ku badbaadi lahaayeen.Waxbarasho: Waxaan ku jiraa waqti la isugu faano aqoon, waxayna waalidku ku xujeeyaan awlaaddooda guurka ka hor inay waxbarashada heer sare oo jaamacad ka gaaraan ama iyagii ayaaba go’aansada inay marka hore waxbarashada heer sare ka gaaraan inta aanay guursan.Buufis: Dhallinyarada xilliyadan dambe waxay u bateen inay u hanqal-taa-gaan dalalka horumaray ee Yurub iyo Ameerika oo ay aaminsan yihiin in aysan horumar gaari karin ama aanay guur ku fikiri karin iyagoo aan dalalkaas tagin. Waalidka: Halkii uu markii hore ka fikiri jiray inuu awlaaddiisa reer u dhiso oo u guuriyo wuxuu xilliyadan dambe ka fikiraa sidii uu wax u bari lahaa ama uu u dhoofin la-haa, taas oo uu rumeysan yahay inay guurka uga faa’iido badan tahay mus-taqbal ahaan.

Sababo gaar ah

Wacyigii dhallinyarada oo isbeddelay: Dhal-linyarada sidii waayadii

hore uguma baraarugsana muhiimadda guurka, wax-ayna aaminsan yihiin inuu yahay mas’uuliyad culus iyo xabsi. Ninkii isagoo da’yar ku faani jiray inuu leeyahay xaas iyo carruur, maanta wuxuu dowr bidayaa inuu doob iska ahaado, isagoo ka carar-aya culeyska. Gabadhii sidaas si la mid ah waxay rabtaa inay xor iska ahaato ama ay shaqeysato ama ay dhoofto.Wada socod aan guur ku dhamaaneyn: Filimada iyo sheekooy-inka jaceylka ee reer galbeedka ama dalalka aan muslimka ahayn ee soo gudbinaya dhaqanka bulshadooda oo ah inay labada qof wada socdaan ama wada deggenaadaan muddo dheer guurka ka hor, iyagoo jaceyl wada jilaya, kuwaas oo laga yaabo sanado kaddib inay isfahmi waayaan oo ay ku kala dhaqaaqaan, oo qofba uu qof kale jaceyl hor leh la billaabo.

Dhallinyaradeenna maanta inkastoo waxy-aabo badan ay dhaqan-kaas uga duwan yihiin haddana waxay kala siman yihiin tixgelinta saaxiibtinnimada oo sanado qaadaneysa iyadoo aan laga miro-dhalineyn. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay aaminaan in la is guursado inay saaxiibtinnimada raagta ka fiican tahay.Maxaa dhici kara?

In la waayo qoyskii isku xirnaa ee ka koobnaa aabbe, hooyo iyo carruur oo uu yaraado tarankii bulshada.

Inay sinada iyo an-shax-xumada ku faafaan bulshada, maxaa yeelay qofka dhallinyarada ah marka uu waayo meel munaasab ku ah oo xalaal u ah inuu shahwadiisa ku guto, wuxuu isku dayayaa habab kale oo laga fiican yahay, taas oo dhalin karta in loo dhamaado cudurrada halista ah sida aydhiska iyo kuwa ka dhasha galmada.

Gabdhaha oo ay dib u dhicista u keeni karto inay dhaafaan da’da guurka iyo dhalmada ama marka ay guursato ay ku bataan dilanka, caado-wareerka

Qore: Ustaada Khadra Bashiir Sheekh Cilmi

Dib u Dhaca Guurka Mareykanka iyo Xirista XawaaladahaBanki ku yaalla gobolka

California ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Marchents ayaa lixdii Febaraayo go’aan ku gaaray inuu xannibo xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida, arrintaas oo walaac badan ay ka muujiyeen qoysas-kii lacagta looga soo diri jiray dalkaas, madaxda dowladda Soomaaliya, hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa gar-gaarka.

Bankiyada ugu waaweyn Mareykanka horay ayay u joojiyeen adeeggii xawaaladaha, iyagoo u hoggaansamaya sharci ay soo saartay dowladda oo ujeedkiisa uu ahaa in laga hor tago lacagta inay gaarto kooxaha argagix-isada ah.

Raysul wasaaraha Xukuumadda Soomaal-iya, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka codsaday dowladda Mareykanka iyo bankiyada dalkaas inay dib u fasaxayaan xawaal-adaha oo uu xusay inay dad badan oo Soomaali ah u ahaayeen nolosha keliya ee ay haysteen. Wuxuu ka digay inay tani horseeddo dhibaato hor leh oo bini’aadannimo oo Soomaaliya ka dhacda, haddii aan degdeg xal loogu helin.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay 40 boqolkiiba qoysaska Soomaalida ah waxay noloshooda ku tiirsan tahay lacag looga soo diro dibadda. Mareykanka oo keliya waxaa sanadkii laga soo diraa lacag lagu qiyaasay $215 milyan. Guud ahaanna qurba-joogta waxay sanad kasta dalka u soo diraan lacag ka badan hal bilyan oo doollar, Lacagtaas oo ka badan tan ay hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ku bixiyaan howlaha bini’aadannimo ee Soo-maaliya.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Mi-doobay u qaabilsan arri-maha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay wuxuu xusay inay xawaaladuhu ahaayeen hab ay ku bad-baaddo nolosha qoysaska

Soomaalida, wuxuuna caddeeyay marka dhinaca bini’aadannimada laga eego inay ka walwalsan yihiin in si kama dambeys ah loo xiro xawaaladaha.

Dadka gudaha

Way iska caddahay in lacagta dibadda laga soo diro ay dadka gudaha u isticmaalaan baahiyaha nolosha ee aasaasiga ah, sida inay ku iibsadaan cunto iyo dhar iyo inay isaga bixiyaan adeegyada caafimaadka iyo wax-barashada.

Xasilloonida ayaa dib ugu soo noqoneysa inta badan gobollada dalka, xawaaladahana waxaa loo adeegsadaa dhinaca maalgashiga, dib-u-dhiska iyo horumarka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka furan ban-kiyo heer caalami ah oo lacagaha laga dirsan karo, laguna soo dirsan karo, kuwaas oo uu ugu horreeyo Salaama Bank, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Dahab-shiil, International Bank of Somalia iyo Premier Bank, hase yeeshee xawaaladaha waxay ahaayeen hab fudud oo qurbajoogta ay ku taageeri karaan eheladooda deggan gudaha dalka. Taageero lama illaawaan ah ayay Soomaalida dibadda u soo fidiyeen walaalahoodii ay saameeyeen abaar-ihii dalka ka dhacday, hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ayaa sidaas si la mid ah lacagta ay raashinka ku iibinayeen soo marsiinayay xawaal-adaha.

Kheyr Cabdi waa hooyo laga soo biilo Mareykanka

oo deggan Muqdisho, waxay Xaqiiqa Times u sheegtay: Waa dhibaato weyn in qaraabadii lacagta noo soo direysay iyo annagii ku nooleyn in xawaaladihii noo dhaxeeyay ee lacagta noo kala qaadayay la xannibo. Waxaan Mareykanka u sheegayaa inay arrintani tahay mid cunnaqabateyn ku ah nolosheenna.

Mareykanka

“Qof kasta wuu ka argagaxay warka (joojinta xawaaladaha), mana jiro qof yaqaanna wax uu sameeyo” sidaas waxaa yiri Cabdullaahi Ismaaciil oo ah nin Soomaali ah oo Mareykanka ku dhashay oo la hadlay BBC. “Run ahaantii ma ogi inuu jiro qof lacag u dira argagisixo ama si kale oo shar-ci-darro ah. Soomaalida intooda badan qoysas-kooda oo wax dambi ah aan sameyneyn ayay lacagta u xawilaan”.

Waxaa Mareykanka ka socda ololeyaal ay wadaan mudaneyaal ku jira Congress-ka iyo Sen-ate-ka iyo dad Soomaali ah oo lagu dalbanayo in dib loo fasaxo adeegyadii xawaaladaha. Koox Sen-atarro ah ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry u diray warqad ay uga codsanayaan in uu la kulmo labo toddobaad gudahood si ay uga wadahadlaan qorshe lagu sii wadi karo xawilidda lacagta badbaadada u ah nolosha dadka Soomaa-lida ah, laguna joogteyn karo.

Mas’uuliyiinta ayaa warqaddooda ku

yiri: Hoos u dhigidda xawaaladaha waxay sii xumeyn doontaa xaal-adda bini’aadannimo ee Soomaaliya. Labo iyo labaatan hay’ad oo sama-fal ayaa laga soo xigtay in ku dhawaad saddex meelood-meel qoysaska Soomaalida ay sheegeen in aanay awood u yeelan doonin inay iibsadaan cunto ama ay iska bix-iyaan adeegyada caafi-maadka iyo waxbarashada haddii aanay caawimaad ka helin qaraabadooda ku sugan dibadda. Inta badan ganacsiyada cusub ee laga billaabayo Soomaaliya waxaa lagu maalgeliyaa lacag dibadda laga soo diro.

Twitter

Sidoo kale Soomaal-ida ku nool gudaha iyo dibadda ayaa bogga lagu xiriiro ee Twitter ka same-eyay hashtag hal-ku-dhig looga dhigay (#IFund-FoodNotTerror) ‘waxaan

maalgeliyaa cunto ee ma maalgeliyo argagixiso’.

Fikradaha qaar

@Somali_Voice: In badan oo xawaaladaha ah waxay dhiseen isbitaallo, iskuullo iyo hooy. Dad ayay wax bareen, wayna ilaaliyeen. #IFundFood-NotTerror.

@RhymingNomad: Waxaan quudinnaa qaran dhan oo ay la dageen khi-laaf iyo dagaallo. Qaran aan lahayn xasillooni dhaqaale iyo shaqooyin. #IFundFoodNotTerror.

:Payitforward87@‏Qurbajoogta Soomaalida waxay qeyb ka yihiin xalka. Lacag ayaan dirnay si kuwa aan jecelnahay ay uga badbaadaan sabool-nimo iyo gaajo. Ha naga reebina. #IFundFoodNot-Terror.

@MagolFatima: In laga jaro xawaaladaha malaayiin qof oo si aad

ah ugu baahan oo ay ku jiraan qaraabadeyda, waxay xadgudub ku tahay aasaasiyaadka xuquuqda aadanaha. #IFundFood-NotTerror.

@Ifrahmed: Lacagta aan u diro Soomaaliya waxay walaalahey ka caawisaa inay iskuullada aadaan iyo inay cunto iibsadaan. Iyagu argagixiso ma aha. #IFundFoodNotTerror.

Hay’adaha gargaarka ayaa horay u shaaciyay in 2.3 milyan oo qof oo Soomaali ah ay dhib ku qabaan inay daboolaan baahiyaha aasaasiga ah ee cuntada. Dadka ugu roon ee nolol-maalmeedkooda awooda waa kuwa loo jiro dibadda ee bil kasta lacagta loo soo diro, balse go’aanka banki-yada Mareykanka waxay abuurayaan dhibaato bini’aadannimo oo hor leh.

Sawirrada hoos ka muuqda ayaa qeyb ka ahaa ololaha.

W.D: Cabdiraxmaan Taysiir

Xaqiiqa Times waa wargeys ka soo baxa magaalada Muqdisho labadii Talaadaba mar.Kani waa cadadkii 12-aad. Sida aad magaca ka dheehan kartaan war-geyska ujeedkiisa waa tebinta ‘xogaha dahsoon iyo xaqiiqooyinka. Wuxuu si gaar ah diiradda u saari doonaa arrimaha la xiriira horumar kasta oo ka dhaca dalka ama ay dadka Soomaalida ah ku tallaabsadaan.Wargeysku wuxuu si gaar ah tusaale ugu noqon doonaa sida ugu wanaag-san ee loo qoro, isla markaana loo faafiyo afka-hooyo, wuxuu sidoo kale u taagan yahay run ka sheegidda iyo difaaca waxyaabaha dhaxalka u ah Soomaalida sida: Diinteenna Islaamka, afkeenna, dhaqankeenna iyo dhulkeenna hooyo oo bad iyo berriba leh.Tiirarkaas difaacooda ayaa aasaas u ah Xaqiiqa Times, wuxuuna mar kasta u marayaa nidaam ku saleysan sharciga iyo anshaxa warbaahinta, sida; dhexdhexaadnimo, isku-dheellitir, sugnaan iyo caddaalad. Wargeyska waxaa hal-heys u ah “RUNTA SHEEG RABBI BAA KUGU JECELE!”Xaqiiqa Times waxaad ka heli kartaa goobaha lagu iibiyo wargeysyada ama boggeenna internet-ka oo ah xaqiiqatimes.com ama xafiiskeenna magaalada Muqdisho. Nagala soo xiriir emailka [email protected] ~ ama soo wac tele-foonnadeenna:+252690000558 ama +252669964469 ama +252617549777

XOGAHA DAHSOON & XAQIIQOOYINKA

Ujeeddooyinka Wargeyska

iyo dhibaatooyin la soo gudboonaada marka ay dhaleyso.

Waxaa dhici karta inay bataan fal-dambiyeedy-ada, oo qofka dhallinya-rada ah marka uusan guursan uu cadaawad u qaado bulshada, maa-daama aysan jirin wax uu ka naxayo, naftiisa ayuu sidoo kale dhibaat-eyn karaa, wuxuu noqon karaa qof xanaaq badan oo gacan-qaad badan ama wuxuu baran karaa bal-wad halis galin karta.Xalka

Xalka wuxuu ku jiraa

inaan guurka la daahinin, taas macnaheeda ma aha in aad loo soo dedejiyo, maxaa yeelay waa arrin dhibaato kale la imaan karta. Da’da guurka mu-naasabka ku ah waa 20 jir iyo wixii ka sarreeya.

Waalidku waa inuu gacan ka geysto guurka awlaaddiisa, siiba gab-dhaha. Dowladdu waa inay kaalin ka qaadato u guurinta dhallinyarada iyadoo sameyneysa guur-wadareed iyo shaqo-abuur sida meelaha qaar ee adduunka ka dhacda.

Dhallinyarada waa

inay fahmaan ahmiyadda guurka ee diiniga ah, tan bulshada iyo tan khaaska ah.

Gabdhaha waa inaysan ragga ku qaaliyeynin qiimaha meherka oo aysan ku xirin shuruudo badan oo adadag, waa inay ogaadaan ajarka iyo dhowrsanaanta guurka.

Waa in la iska daayo dhaqanka dalal kale ee laga soo min-guurinno filimada, oo lagu dhaqmo diinteenna iyo dhaqan-keenna wanaagsan oo la iska daayo jaceylka bannaanka lagu jilo.

Page 7: Email: xaqiiqatimes@gmail.com …...Radio Muqdisho. 1974-kii wuxuu agaasime ka noqday Waaxda Afka ee Akadeemiyadii cilmiga, fanka, dhaqanka iyo suugaanta. Kaddare wuxuu ku dhashay

12 xaqiiqa times xayeysiin 10 ilaa 24 Febraayo 2015

JUBBA AIRWAYSsafar raaxo leh oo wax kasta laguu fududeeyay

Jubba Airways waxay gaartay horumar xowli ku socda.

Inta aad saaran tahay diyaaradda Jubba waxaad heleysaa cunto nooc kasta iyo heer

kasta leh oo dhadhan leh. Waxaa lagu siinayaa macluumaadkii ugu dambeeyay ee la xiriira safarkaaga. Waxaa kuu sii

dheer talooyin ay shirkadda ugu talagashay macaamiisheeda oo dhinaca safarka ah.

Wararka la xiriira shirkadda, dhacdooyinka khuseeya duullimaadyada, kuwa baxa iyo kuwa imaanaya daqiiqad - daqiiqad ugala

soco www.jubbaairways.com

Jadwalka Jubba Airways: Talaado iyo Jimco Nairobi - Muqdisho iyo weliba DubaiArbaco iyo Sabti Dubai - Muqdisho iyo weliba Nairobi. Gudaha Soomaaliya waxay u kala duushaa

Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Guriceel iyo Xajka sanad walba.

SALAAM SOMALI BANK wuxuu diyaar kuula yahay adeegyo ku qanciya oo kuu sahlaya inaad gaarto hadafkaaga. Waa ban-kigii ugu horreeyay oo nidaam Islaami ah ku shaqeeya oo laga hirgeliyo Soomaaliya. Wuxuu caan ku yahay ammaano iyoadeeg degdeg ah. Magaalooyinka ugu waaweyn dalka ayuu xarumo ku leeyahay.Dhaqso u gaar xarunta kuugu dhow ee SA-LAAM SOMALI BANK si aad akoon uga furato.

Waa shirkad adeegyadeeda ku kasbatay kalsoonida Soomaalida. Waxaa lagu bartay adeegyo wacan oo

qiimahooda lagu saleeyay awoodda bulshada.

Adeegyada Hormuud Telecom Adeegga Caawiye oo aad ka maareyn karto xisaab-taada, kalana socon karto haraagaaga.Adeegga ADSL ee Internet-ka oo ah mid xawaare sarreeya leh.Adeegga Nasiye oo kuu oggolaanaya inaad soo dhicista mobile-kaaga ku xiran karto cod kuu gaar ah sida: Xadiis, Duco, Gabay ama Nashiiddo.Adeegga Farriin-codeedka (Voice-Mail) oo aad ku

xiran karto mobile-kaaga.

Booqo Xarunta Kuugu dhow ee Shirkadda ama Boggeeda Internet-ka www.hormuud.com