highlights brochure rv somali - ministry of finance · ayaa ku bixin doona qiimayaasha celcelis...

2
F ICIL A DAG OO loogu talagaly ONTARIO FICIL ADAG OO LOOGU TALAGALAY ONTARIO Miisaaniyadda}2012 ayaa ah tallaabaada xigta ee qorshaha shanta- sano ee dowladdu ay ugu talogashay sidii ay ugu hayn lahayd Ontario dhabbaha la isugu dheelli-tirayo miisaaniyadda marka la gaaro 2017– 18. Missaniyad dhelli-tiran waxay dhaqaalaha ka dhigi doonta mid intan ka sii xoog badan si wanaagsanna u awooda in uu abuuro shaqooyin, iyada oo isla mar ahaantaas la ilaalinayo waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka. Miisaaniyaddu waxay ku talineysaa in la hoos loo dhigo korodhka kharashka barnaamijka isla markaana lagu xaddido qiime dhan illaa $17.7 bilyan muddada saddexda sano ee soo socota, halka laga kordhinayo lacagaha la soo celiyo ilaa $4.4 bilyan iyada oon cashuurta kor loo qaadin. QORSHAHA LAGU DHEELLI-TIRAYO MIISAANIYADDA Tallaabada kaliya ee ugu muhiimsan ee dowladdu ku qaadi karto sidii ay u xoojin lahayd dhaqaalaha ayaa ah inay isu dheelli-tirto miisaaniyadda. Sababtuna waa sidan: qiimaha wax-ka-qabsshada deynta Ontario ayaa ah ku dhawaad $10 bilyan, oo ah kharashka-ugu-badan ee saddexaad ee sanndikii iyada oo ku xigta kharashka daryeelka caafimaadka iyo ka waxbarashada. Si loo garto taas, Ontario ayaa ku kharash gareysa sannad kasta dulsaarka in ka badan intay ku kharash gareyso kulliyadaha iyo jaamacadaha. Marka dulsaarka boqolkiiba hal kor loo qaado, qiimaha wax lagaga qabanayo deyntu wuxuu kor u kaca $467 milyan sannadka ugu horreeeya ee kordhinta. Haddii aan wax tallaabo ah laga qaadin dheelli-tirka miisaaniyadda, Ontario waxay deyn in wax lagaga qabto ku bixin doontaa ku dhowaad inta waxbarashada ku bixiso marka ay tahay sanadka 2017–18. Maareynta Koboca iyadoo Kharashna la bixinayo Halka doolar ee ah lacagta soo noqoneysa ee lagu sheegay Miisaaniyadda 2012, waxa ku jira cabbirro lagu kaydsanayo afar doolar qiimahana lagu xaddidayo. Tallaabooyinka La Soo jeediyay: $4.9 bilyan oo keyd la qorsheeyay ah iyadoo meesha laga saarayo laba canleynta iyo labalabeysiga, iyadoo la hirgalinayo qaabab aad waafi ah ee wax gaarsiineed isla markaana la abbaarsanayo nuxurka meheradda $6 bilyan oo qayb ka ah hawlaha dowladda si loo xakameeyo magdhowga guddoonnada dugsiyada, lacagaha dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee dowladda. $6.8 bilyan oo ah in la xaddido qiimayaasha qaybaha guud ee dowladda Hakinta xaddiga Cashuurta Dakhliga Shirkadaha guud iyo hoos u dhigidda xaddiga Cashuurta Waxbarashada Ganacsiga illaa miisaaniyadda laga dheelli-tirayo. Sii kordhinta waqtiga hakinta kordhinta lacagta madaxda sare ee isbitaallada, kulliyadaha, jaamacadaha, guddoonnada dugsiyada iyo wakaaladaha illaa labao sano oo kale —wadar ahaana ah afar sano. Sii kordhinta waqtiga hakinta kordhinta lacagta Xildhibaannada Barlamaanka Gobolka (MPP) illaa 2 sano—wadar ahaana ah shan sano. Xaqiijinta lacag isticmaalka Ontario in dib loogu soo celiyo qiime badan oo ku baxa bixinta barnaamijyada iyo adeegyada Taleefanka Lacag La'aanta ah: 1-800-337-7222 Taleefanka Lacag La'aanta ah ee dadka dhagaha wax ka qaba (TTY): 1-800-263-7776 www.ontario.ca/budget MIISAANIYA DDA ONTARIO 2012 SOMALI MIISAANIYADD A ONTARIO 2012

Upload: others

Post on 23-Jul-2020

3 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Highlights Brochure RV Somali - Ministry of Finance · ayaa ku bixin doona qiimayaasha celcelis ahaan $665 oo dheeraad ah sannadkiiba daawooyinkooda loo qor. HOREY U SII DHAAFIDDA

FICILADAG OO loogu talagaly ONTARIO

FICIL ADAG OO LOOGU TALAGALAY ONTARIO

Miisaaniyadda}2012 ayaa ah tallaabaada xigta ee qorshaha shanta-sano ee dowladdu ay ugu talogashay sidii ay ugu hayn lahayd Ontario dhabbaha la isugu dheelli-tirayo miisaaniyadda marka la gaaro 2017–18.

Missaniyad dhelli-tiran waxay dhaqaalaha ka dhigi doonta mid intan ka sii xoog badan si wanaagsanna u awooda in uu abuuro shaqooyin, iyada oo isla mar ahaantaas la ilaalinayo waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

Miisaaniyaddu waxay ku talineysaa in la hoos loo dhigo korodhka kharashka barnaamijka isla markaana lagu xaddido qiime dhan illaa $17.7 bilyan muddada saddexda sano ee soo socota, halka laga kordhinayo lacagaha la soo celiyo ilaa $4.4 bilyan iyada oon cashuurta kor loo qaadin.

QORSHAHA LAGU DHEELLI-TIRAYO MIISAANIYADDA

Tallaabada kaliya ee ugu muhiimsan ee dowladdu ku qaadi karto sidii ay u xoojin lahayd dhaqaalaha ayaa ah inay isu dheelli-tirto miisaaniyadda.

Sababtuna waa sidan: qiimaha wax-ka-qabsshada deynta Ontario ayaa ah ku dhawaad $10 bilyan, oo ah kharashka-ugu-badan ee saddexaad ee sanndikii iyada oo ku xigta kharashka daryeelka caafimaadka iyo ka waxbarashada. Si loo garto taas, Ontario ayaa ku kharash gareysa sannad kasta dulsaarka in ka badan intay ku kharash gareyso kulliyadaha iyo jaamacadaha.

Marka dulsaarka boqolkiiba hal kor loo qaado, qiimaha wax lagaga qabanayo deyntu wuxuu kor u kaca $467 milyan sannadka ugu horreeeya ee kordhinta. Haddii aan wax tallaabo ah laga qaadin dheelli-tirka miisaaniyadda, Ontario waxay deyn in wax lagaga qabto ku bixin doontaa ku dhowaad inta waxbarashada ku bixiso marka ay tahay sanadka 2017–18.

Maareynta Koboca iyadoo Kharashna la bixinayo

Halka doolar ee ah lacagta soo noqoneysa ee lagu sheegay Miisaaniyadda 2012, waxa ku jira cabbirro lagu kaydsanayo afar doolar qiimahana lagu xaddidayo.

Tallaabooyinka La Soo jeediyay: $4.9 bilyan oo keyd la qorsheeyay ah iyadoo meesha laga

saarayo laba canleynta iyo labalabeysiga, iyadoo la hirgalinayo qaabab aad waafi ah ee wax gaarsiineed isla markaana la abbaarsanayo nuxurka meheradda

$6 bilyan oo qayb ka ah hawlaha dowladda si loo xakameeyo magdhowga guddoonnada dugsiyada, lacagaha dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

$6.8 bilyan oo ah in la xaddido qiimayaasha qaybaha guud ee dowladda

Hakinta xaddiga Cashuurta Dakhliga Shirkadaha guud iyo hoos u dhigidda xaddiga Cashuurta Waxbarashada Ganacsiga illaa miisaaniyadda laga dheelli-tirayo.

Sii kordhinta waqtiga hakinta kordhinta lacagta madaxda sare ee isbitaallada, kulliyadaha, jaamacadaha, guddoonnada dugsiyada iyo wakaaladaha illaa labao sano oo kale —wadar ahaana ah afar sano.

Sii kordhinta waqtiga hakinta kordhinta lacagta Xildhibaannada Barlamaanka Gobolka (MPP) illaa 2 sano—wadar ahaana ah shan sano.

Xaqiijinta lacag isticmaalka Ontario in dib loogu soo celiyo qiime badan oo ku baxa bixinta barnaamijyada iyo adeegyada

Taleefanka Lacag La'aanta ah: 1-800-337-7222 Taleefanka Lacag La'aanta ah ee dadka dhagaha wax

ka qaba (TTY): 1-800-263-7776

www.ontario.ca/budget

MIISAANIYADDA

ONTARIO

2012

SOMALI MIISAANIYADD

A ONTARIO

2012

Page 2: Highlights Brochure RV Somali - Ministry of Finance · ayaa ku bixin doona qiimayaasha celcelis ahaan $665 oo dheeraad ah sannadkiiba daawooyinkooda loo qor. HOREY U SII DHAAFIDDA

Maaraynta Qiimayaasha Magdhowga iyo wax ka beddelidda Adeegyada Dowladda: In ka badan 50 senti doolarkii kastaba ee ay kharash gareeyso dowladda Ontario ayay ku bixisaa magdhowga macallimiinta, dhakhaatiirta iyo kuwa kale ee ka tirsan qaybaha kale ee dowladda.

Qiimayaasha magdhowga waa in la maareeyaa haddii ay tahay in dowaladdu ay la kulanto bartilmaameedkeeda maaliyadeed una dhowrto guulihii laga gaaray waxbarashada iyo daryeel caafimaadka siddeedii sano ee la soo dhaafay. Si taas loo sameeyana, dowladdu waxay ku talineysaa

Ficil adag oo laga qaado sidii loo maarayn lahaa qiimayaasha magdhowga haatan jira iyo kuwa mustaqbalkaba

Tallaabooyin lacagaha hawlgabka ee shaqaalaha dowladda looga dhigayo kuwo ay awoodi karaan cashuur-bixiyeyaashu isla markaana noqota kuwo u raaga xubnaha qorshaha hawlgabka.

Bedelka iyo iskudubbaridka qaabka ay dowladdu u siiso taageerada meheradda iyada oo loo abuuro Kharashka Shaqooyinka iyo Barwaaqada — oo ku takhasuska wax soo saarka iyo abuuritaanka shaqada. Taas ayaa naaqusi doontaa kharashyo maamuleedka, isla marka ay bixineyso keydsiga wadareed ee $250 milyan illaa markay tahay 2014–15.

DHOWRIDDA GUULIHII LAGA GAARAY DHINACA WAXBARASHADA

Dowladda ayaa ku sii wadata qorshaheeda inay yeelato xoogga-shaqaaale ee aduuunka sida ugu wanaagsan waxa u bartay iyada oo:

Si buuxda u hirgalisa dugsiga xannaanada oo maalin-buuxda ah illaa Sebtember 2014

Iyada oo fasallada lagu hayo tiro yar

Iyada oo lagu sii wado u fidinta naaquska 30% deeqda Qiimaha Waxabarshada Ontario ee loogu talagay ardayda u-qalma wax ugu baranaya jaamacadda iyo kulliyadda shahaadada kowaad wakhtiga-buuxana wax barta.

Isku-keenidda barnaamijyada tababbaritaanka si looga dhigo kuwo waxtar u leh suuqa shaqooyinka maanta jira.

DHOWRIDDD GUULIHII LAGA GAARAY DHINACA DARYEELKA CAAFIMAAD

Dowladda ayaa dhisi doonta Qorshaha Ficilka Ontario oo loogu talagaay Daryeelka Caafimaadka si loo abuuro nidaam daryeel caafimaad waara oo tayo-sare leh.

Beddelka daryeelka caafimaadka sidii loo naaqusi lahaa saamiga koritaanka kharashaynta illaa celcelis ahaan boqolley 2.1 sannadkiiba saddexda sano ee xiga

Kobcinta dareyeelka beesha salka ku haysa sidii loo bukaanka loogu daaweyn lahaa goobo duwan sida

rugaha caafimaad bilaa macaashka ah iyo gurigaba halkii ay ahaan lahayd Isbitaallada, meelaha ay ku habboon tahay

Iyada loo guuro habab kharshayn bukaanka ku takhasusa sidii horumar loogu samayn lahaa qiimaha iyo tayada daryeelka.

HINDISEYAAL DHEERAAD AH OO KA MID AH QORSHAHA SHANTA SANO

In lagu xaddido Manfaca Tamarta Nadiifta ah ee Ontario bishii kasta 3,000 kWh — in loo oggolaado gebi ahaanba qoysasku inay ku sii wataan helitaanka manfaca boqolkiiba 10 iyo abuuritaanka in ka badan keydsi ah $500 milyan.

In dadka waayeelka ah (seniors) ee reer Ontario 5% ee ah kuwa dakhlilgoodu ugu sarreeyo ay iska bixiyaan inta badan qiimaha dawooyinka loo qoro.

Hadda marka la eego, qofka waayeelka ah ee dakhligiisa/eeda sannadku yahay $300,000 ayaa hela manfac la mid ah qofka waayeelka ah ee hela dakhliga $30,000 sannadkiiba.

Waxa ku nool Ontario ku dhawaad 1.9 milyan oo dad waayeel ah. Isbeddelkan hoostiisa, illaa v waayeel oo hela dakhli saafi ah oo ka badan $100,000 qofku markuu kaligii yahay iyo $160,000 markay tahay dadka lammaanaha ah ayaa ku bixin doona qiimayaasha celcelis ahaan $665 oo dheeraad ah sannadkiiba daawooyinkooda loo qor.

HOREY U SII DHAAFIDDA BAR-TILMAAMEEDYADA MAALIYADEED

Hoos u dhaca dhaqaalaha ee 2011–12 ayaa lagu qiyaasayaa inuu noqdo $15.3 mid ka hooseeya saadaalintii sannad ka hor iyo in ka badan boqolkiiba 38 mid ka hooseeya saadaalintii hoos u dhicii 2009–10 markay ahayd deyrtii 2009

Kani waa sannadkii saddexaad ee sanado isku xiga oo ay dowladdu horey u dhaafto bar-tilmaameedyadeedii maaliyadeed.

www.ontario.ca/budget www.ontario.ca/budget