hubineedka dhexgelinta ilaalinta ee kutlada haqab …...naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee...
TRANSCRIPT
Dhexgelinta Ilaalinta ee waxqabadyada haq-
ab-beelka cuntada ee Soomaaliya
Liis-hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta ee Kutlada Haqab-beelka Cuntada ee Soomaaliya
SOMALIA
Bogga 2 ee 16
Xuquuqda daabacaaddu waxaa ay u dhawrsan tahay Kutlada Haqab-beelka Cuntada ee
Soomaaliya/ WFP. Dhammaan ama qayb ka mid ah dukumeentigan lama badin karo, dib looma
daabici karo ama lagama faa'iidaysan karo ayadoon la haysan oggolaanshaha qoran ee
soosaaraha.
Si aad u heshid xog dheeraad ah oo ku saabsan dukumeentigan, la xiriir:
La Taliyaha Ilaalinta Haqab-beelka Cuntada ee Soomaaliya, Mudane. Dher Abbas Ali,
Disclaimer:
The original copy of this document is written in English language. While any reasonable efforts
were made to provide accurate translation, portions maybe incorrect. No liability is assumed by
the cluster for any errors, omissions, or ambiguities in the translation of this document. If you
would like to report a translation error or inaccuracy or suggest a more appropriate contextual
understanding, please contact us.
WAXAA DIYAARIYEY KULTDA HAQAB-BEELKA
CUNTADA EE SOOMAALIYA
Bogga 3 ee 16
KUTLADA HAQAB-BEELKA CUNTADA EE SOOMAALIYA
Liis-hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta
ILAALINTA LA DHEXGELINAYO WAXQABADYADA HAQAB-BEELKA CUNTADA OO AY
FULIYEEN XUBNAHA KUTLADA HAQAB-BEELKA CUNTADA EE SOOMAALIYA
I. GOGOLDHIG:
Liis-hubineedka Dhexgelinta Ilaalinta waa hagis farsamo la sameeyay si loogu taageero xubnaha
Kutlada Haqab-beelka Cuntada ee Soomaaliya (FSC) si ay u dhexgeliyaan ilaalinta
waxqabadyadooda habaq-beelka cuntada ee Soomaaliya. Qalabkan waxaa loo qaabeeyay oo
kaliya si uu u caawiyo xubnaha inta lagu guda jiro Geeddi-socodka Codsiyada Iskujira (CAP)
2013-2015 iyo waxqabadyada soo raaca. Qalabkan waxaa la diyaariyay kadib markii
wadatashiyo qoto-dheer oo isdabajoog ah lala yeeshay xubnaha Kutlada Haqab-beelka Cuntada
(FCS) ee Soomaaliya.
Ayadoo la caddaynayo daruuri ahaanshaha dhammaan xeerarka guud ee dhexgelinta ilaalinta
ee caalamka, liis-hubineedkan wuxuu ku dadaalayaa in uu u qaabeeyo mabda'a dhexgelinta
ilaalinta la dhexgelinayo waxqabadyada haqab-beelka cuntada ee xaaladda Soomaaliya. Sidaas
awgeed, waxyaabaha uu ka koobmo daruuri ma aha in ay ka hadlaan dhammaan mabaadiida
dhexgelinta ilaalinta balse ilaa xad waxay xoogga saarayaan aragtiyada la xiriira xaaladda gaarka
ah ee Soomaaliya.
Bogga 4 ee 16
II. WAA MAXAY “DHEXGELINTA ILAALINTA EE KUTLADA HAQAB-BEELKA
CUNTADA”?
Ayadoo loo eegayo xubnaha Kutlada Haqab-beelka Cuntada (FSC), Dhexgelinta Ilaalinta waxaa
loola jeedaa hirgelinta waxqabadyada gargaarka cuntada, beeraha, nafaqada iyo maciishada
qaabab aan takoor iyo eex lahayn oo dhiirrigeliya bedqabka, sharafta, iyo karaamada dadka
helaya gargaarka. Habka ilaalinta waxqabadyada maciishada iyo gargaarka cuntada wuxuu
raaci karaa mabaadiida bani'aadamnimda iyo barnaamij–dejinta ku saleysan xuquuqda-
aadanaha wuxuuna xambaarsan yahay xuquuqaha-aadanaha kala-gaddisan ee sida caalamiga
ah loo aqoonsan yahay, kaliyana ma aha xaq u yeelashada cunto, xaq u yeelashada in laga
xuroobo gaajada iyo xuquuqaha sida tooska ah ula xiriira ayaga. Xubnaha FSC waxay
higsanayaan ka fogaanshaha, yareynta ama dhimidda cirib-xumada/saameynta xun ee aan lagu
talogalin ee gargaarku keeno waxaana ka go’an habka barnaamij-sameynta ee ah “dhibaato ha
geysan". Sinnaanta, u xisaab-celinta dadka dhibaatadu saameysay, ka qaybgalka iyo
awoodsiinta ka faa'iideysteyaasha ayaa ah mabaa'dii la dhexgeliyay dhammaan marxaladaha
higelintada wixii waxqabad, barnaamij, mashruuc ama faragelin ee haqab-beelka cuntada ah.
Bogga 5 ee 16
III. WAA MAXAY SABABTA AY DHEXGELINTA ILAALINTU MUHIIM UGU TAHAY
HAQAB-BEELKA CUNTADA EE SOOMAALIYA?
1. Dhexgelinta ilaalintu waxay wanaajinaysaa habboonaanta iyo tayada barnaamijyada
haqab-beelka cuntada, waxayna sii ballaarinaysaa saameynta waxqabadyada. Waxaa
intaa sii dheer, in ay keenayso beegsiga habboon ee ka faa'iideysteyaasha waxayna
awood noo siinaysaa ka fogaanshaha dhibaatooyinka ka dhalan kara gargaarka haqab-
beelka cuntada iyo kor uqaadista bedqabka shaqaalaha, iyo ka-faa’iideystayaasha inta
uu waxqabadku socdo. Soo ogaanshaha halisaha ilaalinta waxaa ay awood inoo
siineysaa in aan is-waafajinno oo aan saxno waxqabyadeenna haqab-beelka cuntada si
wax looga qabto, loo qaboojiyo loona yareeyo halisahan.
2. Waxqabadyada haqab-beelka cuntada noocooda way kala-duwan yihiin waxayna u baahan
yihiin aqoon farsamo oo ku saabsan cilmiga farsamada ee la xiriira haqab-beelka cuntada.
Sidaas awgeed, waa daruuri in aan taasi isxasuusino:
Culesyka farsamo ee hawlaha haqab-beelka cuntada waa in aaney
naga duwin yoolka bani'aadamnimo ee hawsheenna. Xoojinta
deegaanka ay ku nabadgeli karaan dadka nugul ayaa ah ujeeddo
muhiim ah oo laga leeyahay hawlaha haqab-beelka cuntada ee
Soomaaliya.
Bogga 6 ee 16
Si loo gaaro heerarka Tilmaan-bixiyahan, dhammaan hay'adaha bani'aadamnimada ka
shaqeeya waa in ay hagaan Mabaadiida Ilaalinta, xataa haddii aysan haysan awood
ilaalineed oo waadax ah ama awood ilaalin ee takhasus leh. (Mashruuca Wareegsan –
Xeerka Bani'aadamnimada iyo Heerarka Ugu Yar ee Jawaabta Bani'aadanimo – Dhaqan-
gelinta Mabaad'iida Ilaalinta - soosaaristii 201 - Bogga 31)
3. Guddiga Joogtada ee Hay'adaha Ka-Dhaxeeya (IASC) wuxuu ku amarayaa in dhexgelinta
ilaalintu ay ku waajibto dhammaan kutladaha wuxuuna ku tusmaynayaa jaantuskan is-
sharxaya oo muujinaya kala duwanaanshaha u dhaxeeya waxqabadyada ilaalinta
kaligood taagan iyo dhexgelinta ilaalinta.
4. Tilmaan-bixiyaha wareegsan wuxuu xoogga saarayaa aasaas-ahaanshaha dhexgelinta
ilaalinta:
Bogga 7 ee 16
IV. GOORMEE AYAAN DHEXGELINEYNAA ILAALINTA?
Dhexgelinta ilaalinta waa in loo tixgeliyaa nidaam socda oo raaci kara dhammaan marxaladaha
waxqabad kasta ee haqab-beelka cuntada.
Qaybaha soo-socda ee dukumeentigan waxay bixinayaan haggista sida loo dhexgelinayo
ilaalinta waxqabadyada haqab-beelka cuntada ee ka jira Soomaaliya.
Box No: 1
Sanduuq Lambar : 1
Bogga 8 ee 16
“MARXALADA QIIMEYNTA BAAHIYADA
WAA GUNDHIGGA JAWAAB
GUULEYSATEY. QIIMEYNTA SI FIICAN LOO
QORSHEEYAY WAXAY HAGEYSAA
WAXYAABAHA KALE EE WAREEGA
QORSHAHA UU KA KOOBMO WUXUUNA
XAQIIJINAYAA IN UJEEDDOOYINKA AY
CAD YIHIIN LANA CABBIRI KARO
DHAMMAAN MARXALADAHA.”
IV.1.1 QALABKA QIIMEYNTA (HABYAAL):
Qaabaynta qalabyada qiimeynta waa in ay ka baxsanaataa farsamada waana in ay
dammaanad qaaddaa in qalabka uu qorshaynayo boos lagu qanci karo si uu u
oggolaado qiimeynta xaaladda ilaalinta salka aasaasiga ah.
Qaybta Wada-hadalka Kooxda La Soo Xulay (FGD) ee qalabyada waa in ay si sax ah u
muujisaa asalka iyo haybsashada ka qaybqaataha waana in ay sheegtaa kala-
duwanaanshaha da'da iyo jinsiga ee ka qaybqaatayaasha.
Qaybta xog-wareysiga shakhsiga waa in ay soo gudbisaa da'da iyo jinsiga qofka xog-
wareysiga lala yeeshay.
Qalabyada qiimeynta waa in ay siiyaan tixgelin gooni ah dadka laga tiro badan yahay
(sida dadka waayeelka ah, dadka baahiyada gaarka ah qaba, dadka qowmiyad ama
diin ahaan laga tiro badan yahay.)
Dhibaatooyinka imaan-kara ee laga yaabo in ay ka dhashaan gargaar siinta waa in la
sii ogaan karaa.
U qorshee boos lagu sheegayo hababka khalad sixidda deegaanka ee laga yaabo in loo
isticmaalo sidii talooyinka mashruuc ahaan. Waxqabadyada waa in lagu dhisaa
khayraadka laga heli karo goobta iyo beesha kahor inta aanan la keenin khayraadka
dibadda.
Sanduuq Lambar: 2 Sanduuq Lambar: 3
I. DHEXGELINATA ILAALINTA INTA LAGU GUDA JIRO QIIMEYNTA
Bogga 9 ee 16
IV.1.2 DHISMAHA KOOXDA:
Hubso in kooxdaada ay awoodo in ay u gaarto dhammaan shakhsiyaadka iyo beelaha
si isku mid ah.
Waxaad dhistaa kooxdaada ayadoo lagu saleynayo baahiyo kala duwan fursado isku
mid ah ayadoo la tixgelinayo dayacsanaanta iyo weecsanaanta ka dhexjirta bulshada la
beegsanayo. Arrimaha caadiga ah ee la tixgelinayo waa luuqad, dhaqan, dheddig ama
lab, dadka waayeelka ah, dadka naafonimada qaba iyo kala duwanaanshaha
qabiil/qowmiyadeed.
Hubso in aad ku dartid xubno dheddig ah kooxda qiimeynta.
Warbixin kooban sii kooxda qiimeynta oo ku saabsan muhiimadda muujinta dadka,
kooxaha iyo beelaha ugu nugul.
Xasuusi kooxda in warbixinta qiimeyntooda la filayo in ay noqoto heerka ugu
hooseeysa, waxaadna hoosta ka xariiqdaa welwellada ilaalinta ee ugu muhiimsan.
Bogga 10 ee 16
IV.1.3 HABKA WADATASHIGA:
Habka wadatashiga: Ka qayb-qaadashada waxqabadka leh ee bulshada la beegsaday
waxay u oggolaanaysaa ka faa’iideysteyaasha, kaliya sare uma qaadeyso baahiyadooda
balse waxay sidoo kale qayb ka qaadanaysaa marxaladda qorshaynta jawaabta.
Mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee xog aruurinta ka jirta Soomaaliya waa Wada-
hadalada Kooxda La Soo Xulay (FGDs). Xusuusnow in aad ka qaybgalisid wakiillo ka
socda qabaa’illada laga tiro badan yahay hadba inta aan awoodin Wada-hadaladan
Kooxda La Soo Xulay (FGDs).
Waxaa sida badan dhaca in xubno yar oo ka tirsan bulshada ( sida haweenka, carruurta,
qabaa’illada/qoysaska laga tiro badan yahay, dadka da’da ah iyo dadka baahiyada
gaarka ah qaba) ay awoodi waayaan ka qaybgalka Wada-hadalada Kooxda La Soo Xulay
(FDGs) , sidaas awgeed, waxaad u baahan tahay in aad qabato wada-hadalada koox si
hoosaad ah loo soo xulay iyo kulamo/ xog-wareysiyo gaar ah oo lala yeelanayo kuwa
aan awoodin in ay ka soo qaybgalaan Wada-hadalada Kooxda La Soo Xulay (FGDs) ee
guud.
La hadal kuwa aanan awoodin in ay kula hadlaan (sida carruurta, dadka naafada ah,
shakhsiyaadka waayeelka ah, dadka baahiyada gaarka ah qaba, kuwa laga tiro badan
yahay)
Mabda’a “Dhibaato Ha Geysan” waa in lagu adeegsadaa marxalada qiimeynta ayadoo
laga qaybgalinayo “ka faa'iideysteyaasha aan tooska ahayn” sida bulshada
martigelinaysa. Tani waxay gacan ka gaysaneysaa qaboojinta dhibaatada suurtagalka ah
ama wixii ficil khaldan ah ee laga yaabo in mashruuca uu keeno.
Isku day in aad ballaarisid wada-hadalka ku saabsan baahiyada iyo jawaabta adigoo
wayddiinaya “MAXAY NOQON KARAAN DHIBAATOOYINKA KA IMAAN KARA
GARGAARKEENNA?”
Ka qaybgalka waxqabadka leh ee beesha ka qaybgaleyso qorsheynta jawaabta waxay
wanaajinaysaa saameynta, sii wadeysaa habboonaanta, sare u qaadeysaa dareenka
lahaansho waxayna kordhinaysaa bedqabka ka faa'iideysteyaasha iyo shaqaalaha inta
lagu guda jiro waxqabadka. Sanduuq Lambar: 4
Bogga 11 ee 16
Jawaab-celinta caadiga ah ee baahiyada waxaa laga yaabaa in kooxba kooxda kale ay
ka duwanaato; hubso in dadka ugu nugul iyo kuwa aadka loo xaqiray ay wax ka
dhahaan.
Hubso in maamulada ka jira dalka ee shaqeynaya inay ka war hayaan qiimeyntaada si
ay kuu garab istaagaan aadna u yarreysid halista:
Xasuusi maamulada in ay mas'uul ka yihiin bedqabka iyo amniga ka faa’iideysteyaasha
iyo shaqaalaha samafalka ee jooga meelaha maamulkoodu uu ka taliyo- ilaa heerka la
samayn karo – ku dhiirrigeli kana dhaadhici maamulada rasmiga ah in ay u qaataan
mas'uuliyadda waajibaadyadooda si buuxda*heerarka xirfadle ee loogu talagalay ilaalinta ICRC
Bogga 12 ee 16
Marxaladan waxaad sameynaysaa dhaqamada ugu wanaagsan, waxaadna fulinaysaa
sameynta baaritaan halis ah si aad u muujisid halisaha iyo nugulaanta waxaadna sii
wadeysaa caqligalka u dhaxeeya aqoonsiga baahiyada iyo marxaladaha gargaarka.
Soo ogow kuna samee qiimeyn dadka uu khuseeyo gargaarka midba midka uu la xiriiro,
doorarkooda, saameyntooda iyo raadka suurtagalka noqon kara in ay ku yeeshaan
waxqabadka. Xaddid isgaarsiinta iyo hababka wadatashiga si aad ugu qaybgalisid ama
aadan ugu qaybgalinin ka qaybqaateyaasha marxaladaha barnaamijka.
Soo ogow ilaha gudaha iyo dibadda ee laga filan karo rabshad, halis, khasab iyo xoog
waana in aad qaadid tallaabooyin lagaga hortagayo ama wax looga qabanayo, lagu
qaboojinayo ama lagu yarreynayo halisahan.
Hubso in halisaha iyo welwellada ilaalinta ee hoosta loogaga soo xariiqay qiimeynta
lagu tixgeliyay qorshahaaga.
Hubso in qorshaha uu muujinayo dadka dhibaatadu ay saameysay, kaliya ma aha sidii ka
faa’iideysteyaal balse sidoo kale sidii ka qaybqaatayaasha waxqabadka leh ee
gargaarka.
Xaddid halisaha laga yaabo in mahsruuca uu uga tago ka faa’iideysteyaasha iyo bulshada
martigelinaysa waxaadna qaadaa tallaabooyin aad lagu qaboojinayo halisahan inta lagu
guda jiro marxaladaha hirgelinta iyo ka warbixinta.
Hubso in qorshaha uu wax ka qabanayo baahiyada gaarka ah ee kooxaha iyo
shakhsiyaadka ugu nugul , arrimaha khuseeya jinsiga waa baahiyada daran ee mudan in
la siiyo tixgelin gaar ah marka la joogo marxalada qorshaynta, xusuusnow in dadka
waayeelka ah iyo dadka naafonimada qaba la texgaliyay laguna daray qorshahaaga. .
Haddii loo baahdo, qaabey kadibna ku dar habka beegsashada u nuglaanta qorshahaaga
gargaarka.
Hubso in shaqaalaha hirgelinta mashruuca ay saxiixeen asluubta hab-dhaqanka iyo,
haddii loo baahdo, abaabul fadhiyo dib u eegiis oo ku saabsan mabaad'iida
bani'aadinimo ee aadanaha, madaxbannaanida iyo eex-la’aanta.
II. DHEXGELINTA ILAALINTA MARXALADA QORSHAYNTA
Sanduuq Lambar: 5
Bogga 13 ee 16
Hubso in “sinnaanta helitaanka” ee kooxaha ugu nugul ay helayaan adeegyada ay yihiin
kuwo la taaban karo oona la hirgeliyay.
Xubin kasta oo ka mid ah shaqaalaha hirgelinta waa in uu ogsoonaadaa baahiyaha
gaarka iyo dareenka aadka ah ee jinsiga, qabiilka, iyo da’da ee ka dhexjirta bulshada la
beegsaday.
Ka faa'iideysteyaasha iyo bulshada ku hareeraysan waa in ay ogsoonaadaan
TAARIIKHDA/AHA IYO GOOBTA/AHA ee waxqabadka.
Hababka jawaab-celinta (ashtakada) waa in ay shaqeeyaan oo ay dhammaan ka
faa’iideysteyaashana ogsoonaadaan. Habka waa in si fudud loo isticmaali karo waana in
ay u gaari karaan dhammaan si eex la'aan ah oo ay ka mid yihiin kuwa la xaqiray iyo
dadka waxna akhrin karin waxna qori karin.
Goobta, SII SOCODKA iyo SOO NOQODKA ee halka mashruuca laga hirgeliyay waa in ay
ahaataa mid bedqabta oo qof kastana uu gudbi karo. Dhamaanshaha mashruuca
micnaheedu ma aha in ay dhamaatey mas’uuliyada, gargaar siinta waa in aysan u
keenin ka faa’iideysteyaasha halis nooc kasta ah.
Yaree Halisaha oo Dhibaatona Ha Geysan: hubso in kuwa ugu nugul iyo kuwa AANAN
WOODIN IN AY MARAAN HABRAACYADA KA FAA’IIDEYSASHADA CAADIGA AH la siiyay
fursado is ku mid ah.
Hubso in kooxaha iyo shakhsiyaadka nugul ay awoodaan in ay u helaan adeegyada si
isku mid ah oo aan takoorid lahayn – hubso in geedi-socodka bixinta adeegga uusan
keenin wax Ka-faa'iideysi galmo la xariira ama xad-gudub loo geysto gabdhaha, wiilasha,
haweenka ama ragga. Adeegso mabdaad'iida ah “baahiyo kala duwan fursado isku mid
ah."
Sanduuq Lambar: 6
Dhammaan welwellada ilaalinta ee la muujiyay, lagu taliyay, la qaabeeyay ama la
qorsheeyay waa in LA DHAQAN GELIYAA marka la joogo marxalada hirgelinta. Liis ku qor
dhammaan welwellada ku jira qaabka iyo qorshaha gargaarka waxaadna hubsataa in
dhammaan khuseymahan la tixgeliyo laguna darayo marxalada hirgelinta.
III. DHEXGELINATA ILAALINTA WAQTIGA FULINTA MASHRUUCA
Bogga 14 ee 16
Xusuusnow in aad ka soo warbixisid dhacdooyinka ilaalinta gaarka ah ee dhacay ama la arkay
inta lagu guda jiray hirgelinta iyo sida ay kooxda uga hadashay xaaladahan. Ka digtoonow in
dhacdooyinka ilaalinta ay yihiin kuwa dareen aad ah leh ayna tahay in loola tacaalo si qarsoodi
ah oo xad dhaaf ah.
Marxaladaha Korjoogteynta, Qiimeynta iyo ka warbixinta waa in ay dib-u hubin ku sameeyaan
warbixinnada jawaab-celinta waana in ay aruuriyaan jawaab-celinta ku saabsan hirgelinta ee
dadka ay khuseyso (oo ay ka mid yihiin maamullada degaanka, bulshada martigelinaysa iyo
beelaha nugul iyo kuwa la xaqiray).
Qaabka guud ee macquulka ah iyo isku-xirnaanta arrimaha ilaalinta: xaqiiji haddii arrimaha la
soo hadal qaadey inta lagu guda jiray marxaladda qiimeynta lagu darey marxaladda qorshaynta
iyo in dhab ahaantii lagu hirgeliyay goobta.
Ururi tusaalooyin yar oo muujinaya habka mashruuca uu wax ugu qabtey “Dhibaato Ha Geysan”
waxaadna diiwaangelisaa wixii welwello ah ee la xiriira amniga ee laga yaabo in ay saameeyeen
ka faa'iideysteyaasha inta lagu guda jiray marxaladda hirgelinta.
Hubso in warbixinadaada ay ku jiraan casharro iyo talooyin la bartey .
Dhexgelinta Ilaalinta waxqabad kasta ee haqab-beelka cunto waa geeddi-socod
dhaqdhaqaaq badan leh oo adag in la fahmo. Qalabyada warbixinta iyo korjoogeynta
iyo qiimeynta qaarkood waxaa laga yaabaa in aysan u qoondayn boos kaafi ah si
looga warbixiyo, loo korjoogteeyo ama loo qiimeeyo arrimaha ilaalinta. Sidaa
awgeed, qalabyadan waxay u baahan yihiin in loo sameeyo hab ku xisaabtamaya
arrimaha ilaalinta sida hoose lagu sharxay Sanduuq Lambar: 7
IV. ILAALINTA OO LA DHEXGELINAYO MARXALADAHA KA
WARBIXINTA, KORJOOGTEYNTA IYO QIIMEYNTA
QIIMEYNTA GUUD WAA IN AY GO'AAMISAA HADDII:
MASHRUUCA UU GACAN KA GAYSTEY IN LAGA DHIGO DADKA KUWO U DHABAR ADAG HALISAHA ILAALINTA EE
AY KU SUGAN YIHIIN.
MASHRUUCA UU SII XOOJIYEY XUQUUQDA AADANAAHA, UUNA XAQIIJIYAY HELITAANKA SINNAANTA EE KA
FAA'IIDEYSTEYAASHA U YEELANAYAAN ADEEGYADA.
KOOXAHA IYO SHAKHSIYAADKA UGU NUGUL IYO DADKA BAAHIYADA GAARKA AH QABA LAGU DAREY,
BAAHIYAHA KALA DUWAN EE HAWEENKA, RAGGA, GABDHAHA IYO WIILASHA SI ISKU MID AH LOO TIXGELIYAY
IYO IN XUQUUQAHOODA AANAN LAGU XADGUDBIN.
MASHRUUCA UUSAN DHIBAATO U GEYSAN BULSHADA IYO WAXA AY YIHIIN CASHARADA LAGA BARTEY
MUSTAQBALKA.
Bogga 15 ee 16
Waxaan la hadalnay, oo aan tixgelinay baahiyaha dhammaan dadka ay khuseyso iyo
kuwa aanan nala hadli karin. Waxaa na heli karey oo nasoo gaari karey qof kasta.
Waxaan qorshaynay oo aan qaabeynay barnaamijkeena annagoo hubinayna in qofna
laga tagin ama loo geysan dhibaato ay sababeen waxqabadyadeena. Waxaan
sameynay oo aan baarnay doorarka iyo waajibaadyada kuwa laga yaabo in ay
saameyn ku yeeshaan mashruuca, waxaana sidaa daraadeed ka qaybgalinay
waxqabadyadeena. Waxaan yareynay suurtagalnimada ah in aan wajahno caqabado
aanan la filayn inta lagu guda jiro marxalada hirgelinta.
Hirgelinta waxaa loo sameeyay si bedqabta; qofna lama dayacin, laguma xadgudbin,
lama takoorin, lagumana danaysanin sida dadka waayeelka ah, haweenka, ragga,
gabdhaha iyo wiilasha. Kooxaha laga tiro badan yahay, qabiilada, shakhsiyaadka iyo
dhammaan dadka kale ee aadka loo danaynayo ee lagu muujiyay qiimeynta baahiyaha
waa lagu darey waana la caawiyay. Waxaan si firfircoon uga qaybgelinay bulshada
waxaana sii xoojinay dareenka lahaansho iyo mas'uuliyadeed. Waxaan hubsaney in
jawaabteenna ay tahay Jawaab ku saleysan Baahiyada.
Warbixinadeena, Korjoogeynta iyo Qiimeynta waxay caddeeyeen haddii
shakhsiyaadka iyo beelaha ugu nugul la caawiyay iyo in qofna dhibaato loo geysanin
ama laga reebin in uu ka faa'iidaysto waxqabadka. Ma aanan ku lug yeelanin wax
khilaaf ama ismaandhaaf ah. Shaqaalaheenna waxay ku dhegganaayeen mabaadiida
bani'aadanimo. Waxaan baranay casharo loogu talagalay waxqabadyadeenna xiga.
WAXAA MAHAD ISKA LEH WAXQABADKEENNA
HAQAB-BEELKA CUNTADA, BULSHADA WAXAY
NOQOTAY MID AAD U XOOGGAN OO AWOOD U
LEH IN AY IS ILAALISO.
Bogga 16 ee 16
KUTLADA HAQAB-BEELKA CUNTADA EE
SOOMAALIYA
LIISTO-HUBINEEDDA DHEXGELINTA
ILAALINTA
SOMALIA