istaraatiijiyadda gargaarka qorshaha 2019 falcelinta · in sara loo qaado u adkeysiga aafooyinka ee...

8
JAN 2019 2019 FALCELINTA QORSHAHA LA KOOBAY SOOMAALIYAA Photo: Max Schott/ OCHA

Upload: others

Post on 06-Sep-2019

8 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

01ISTARAATIIJIYADDA GARGAARKA

JAN 2019

20

19 FALCELINTAQORSHAHA

LA KOOBAY

SOOMAALIYAA

Photo: Max Schott/ OCHA

02 DHUGASHO

QORSHAHA KA FALCELINTA BAAHIYAHA BINI’AADAMNIMADA

DHUGASHO

TIRADA HAY’ADAHA

328

DADKA LA DOONAYO IN LA GAARO

3.4M

BARAKACA GUDAHA

2.6M

BULSHOOYINKA LUGU SOO BARAKACAY

1.3M

QAXOOTI/ MAGANGALYA DOON

39K

QAXOOTI DALKA KU SOO LAABTAY

41.5K

DADKA CAAWINAADDA U BAAHAN

4.2M

DADKA LA DOONAYO IN LA GAARO

3.4M

DEEQDA LOO BAAHANYAHAY (US$)

1.08BN

Bari

Bay

Mudug

Sool

Gedo

Sanaag

HiraanGalgaduud

Lower Juba

Nugaal

Bakool

Togdheer

Awdal

Lower Shabelle

Woqooyi Galbeed

Middle Juba

Middle Shabelle

BanadirMogadishu

Greater than 720300,00050,000

HADAFKA ISTARAATIIJIGA AH 1 HADAFKA ISTARAATIIJIGA AH 2

HADAFKA ISTARAATIIJIGA AH 3 HADAFKA ISTARAATIIJIGA AH 4

Naf badbaadin Nafaqaynta

Daryeelka Adkeysiga

In la yareeyo baahiyaha bini’aadamnimada iyo dhimashada xad dhaafka ah ee dadka nugul ayadoo la isticmaalayo kaalmo naf badbaadis ah iyo caawinaado kale oo isku dhafan.

In la hubiyo daryeelka dadka tabaaleysan oo ay ku jiraan dadka ku nool dhulka ay adagtahay in la gaaro iyo barakacayaasha, ayadoo xoogga la saarayo daryeelka dadka nugul ee laga saaro kaalmada.

In la yareeyo heerarka nafaqa darrada mashaariic wadajir ah oo isku dhafan..

In sara loo qaado u adkeysiga aafooyinka ee bulshooyinka nugul lana dhiirri geliyo mashaariicda lagu hormarinaayo adeegyada bulshada.

03ISTARAATIIJIYADDA GARGAARKA

ISTARAATIIJIYADDA

GARGAARKAQorshahan, waxaa lugu talo jiraa in kaalmo lala gaaro 3.4 milyan oo qof-boqolkiiba 81 ayay ka tahay 4.2-da milyan ee qof ee u baahan gargaarka iyo daryeelka. Dadka muhiimadda la siinaayo waxaa ka mid ah dumarka iyo caruurta nugul ee ku nool dhamaan 18ka gobol ee wadanka. Hay’adaha samafalka waxay hubin doonaan in mashaariicda gargaarka iyo kuwa horumarintu ay isla jaanqaadaan si ay isu kaabaan ugu dambaynna loogu guuleysto in la yareeyo baahiyaha bini’aadamnimada. $1.08 bilyan oo doolar ayaa loo baahanyahay si istaraatiijiyaddan loo fuliyo dad bandan oo Soomaali ahna loo badbaadiyo.Qorshahan wuxuu ku salaysanyahay daraasaddii la sameeyay Nofeembar 2018, dib u eegis ayaana lagu sameyn doonaa markii loo baahdo

Qorshaha HRP, iyo deeqda taabba gelinteeda loo baahanyahayba, waxay ku salaysanyihiin baahiyihii leysla gartay laguna sheegay 2019 Humanitarian Needs Overview (HNO). Baahiyaha la xiriira isbedellada cimilada, sida roob yarida, colaadaha, cuduro dillaaca, ahmiyad laguma siinin istaraatiijiyaddan. Qorshaha HRP iyo deeqda uu dalbadayba waxaa isbedel loogu sameyn doonaa hadba sida loogu baahdo, si uu munaasib ugu noqdo baahiyaha bini’aadamnimo ee jiri kara.

Qorshahan wuxuu gaarayaa 3.4 milyan oo qof -oo boqolkiiba 81 ka ah 4.2 milyan ee kaalmada u baahan

Tirada dadka la doonayo in kaalmo lala gaaro ee lagu xusay qorshaha HRP waxaa saameyn ku leh awoodda dhaqaale. Amni xumida ka jirta dhul ballaaran oo Soomaaliya ka mid ah iyo caqabadaha ku gudban dadaallada gargaarka. Ayadoo la tixagelinayo fikradahan, qorshahan wuxuu gaari doonaa 3.4 milyan oo qof (oo ay ku jiraan 2 milyan oo caruur ah) oo boqolkiiba 81 ka ah 4.2-da milyan ee qof ee gurmadka u baahan. Wadarta guud ee ah 4.2 milyan waxaa ku jira 2.6 milyan oo ah dadka gudaha wadanka ku barakacay (boqolkiiba 79 ayaa la doonayaa in la gaaro; 39,000 waa qaxooti ama magangalya doon (boqolkiiba 100 waa la gaarayaa); 41,500 waa qaxooti wadanka dib ugu soo laabtay (boqolkiiba 100 waa la gaaryaaa) halka 1.5 milyan oo qof oo ka mid bulshooyinka lugu soo barakacay (boqolkiiba 93 la gaarayo).

Dadka ku sugan xaalad baahi daran

Dadka la gaarayo

1.5 milyan oo qof ayaa wajahaya xaalad cunto-yari aad u daran (IPC 3), 647,000 oo caruur nafaqa darro. Dhex-dhexaad ah (470,000) iyo kuwa qaba nafaqa darro aad u daran ayaa muhiimad la siin doonaa*

Dadka nugul ee wajahaya welwel dhanka daryeelka ah (protection) iyo dadka soo maray tacaddi dhanka xuquuqul insaanka ahQeybaha bulshada ee colaadaha dartood halista ugu jira xadgubka, tacaddiga iyo takoorka waxaa ugu badan dumarka, caruurta-gaar ahaan gabdhaha, qoysaska dumarku ay hoogaamiyaan , dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo barakacayaal.

Dadka ku nool dhulka ay adagtahay in la gaaroDhulka miyiga ah iyo magaalooyinka qaar oo amnigoodu aanuu wanaagsanayn ayna xukumaan kooxaha mucaaradka, oo ayna kasoo barakceen qoysas ka baqanaya in caruurtooda askar ahaan loo qorto.

Dadka hab nololeedkoodu uu ujilicsanyahay colaadaha iyo isbedellada cimilada awgoodDadka ku nool dhulka abaaraha iyo fatahaadaha u nugul iyo kuwa ku nool deegaannada ay aafeeyeen colaaduhu.

* In tan waxaa dheer, Jubaland, Koofur-Galbeed, HGobolka Hiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Banadir, waxaa kajira xaalad cunta-yari aad u daran (IPC3), oo barakacayaal u badan ayaa qorshaha HRP mudnaan lugu siinayaa.Barakacayaasha ku sugan in badan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garowe, Bossaso iyo Doolow muhiimad ayaa la siinayaa sababo la xiriira nafaqa darro heerkeedu sarreeyo oo meesha ka jirta.

Si loo caawiyo dadka bulshada ugu nugul uguna baahiyaha badan,

afar nooc oo bulshada ka mid ah ayaa mudnaan lagu siinayaa qorshaha HRP

04 ISTARAATIIJIYADDA GARGAARKA

Si gargaarka bini’aadamnimo uu wax ku ool u noqdo waxaa loo baahanyahay iskaashiga qaybaha ka shaqeeya soo kabashada iyo mashaariicda horumarinta.

Hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Soomaaliya waxay si wadajir ah ugu qeexeen qorshaha HRP gudihiisa baahiyaha bini’aadamnimada, waxaana lugu saleeyay nuglaanshaha. Guddiga Arrimaha Bini’aadamnimada ee Waddanku wuxuu isku raacay in dib loo eego qaabka loo xisaabinayo tirada dadka baahan ee sannadkan 2019 ka, tiradan boqolkiiba 32 hoos u dhacday-waxay ka soo degtay 6.2 milyan oo qof sannadkii 2018 ka, sannadkan 2019 ka tirada dadka baahan waxay noqotay 4.2 milyan oo qof-halka boqolkiiba 37 ay hoos u dhacday dadka la doonayo in la gargaaro waa marka loo eego qorshaha HRP. Sidaas awgeed waxaa Iyana hoos u dhacay dhaqaalaha loo baahanyahay in lagu fuliyo mashaariicda gargaarka oo ka soo dhacday $1.5 bilyan, halka sannadkan ay tahay cadadka deeqda loo baahanyahay $1.1 bilyan. Qaabkan cusub ee loo wajahayo gargaarka bini’aadamnimada, waxaa gundhig u ah daahfurnaan iyo isla xisaabtan maaliyadeed. Hirgelinta tallaabooyinkan waxaa lagu damaanad qaaday Hanaanka Istaraatiijiga ah ee Qaramada Midoobay (UN Strategic Framework-UNSF), qorshaha HRP, Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan-NDP) iyo hanaanka kasoo kabashada nugeyl-ka (Resilience and Recovery Framework-RRF). Waxaa loo baahanyahay muhiimadahan in lagu kabo mashaaariic lagula tacaalayo caqabadaha ku hor gudban horumarka Soomaaliya.

Adeegyada Daryeelku waa ubucda HRP

Ayadoo la fiirinayo qataro sadex ah oo lugu sheegay Istaraatiijiyadda dhanka daryeelka, HCT oo la xiriirta barakaca, ka-saarista iyo colaadaha, ayaa HCT waxay magac dhabeen sadex qaybood oo ay tahay in xoogga la saaro sannadkan 2019 ka:

1) Inay shiishka la saaro nugeylka iyo dhaqanka awood ka qaadista, arrintan oo aan ka fursaneynin in si dhab ah loo fahmo dhaqanka gees-geliska;

2) In la wadaago macluumaadka la xiriira daryeelka, arrintan oo ay tahay in laga helo protection cluster-ka, si gacan loogu siiyo HCT iney arrintan ahmiyad gaar ah siiyaan;

3) Guddiga HCT waxay diyaarinayaan qoraal looga doodayo daryeelka si loo diyaariyo gurmad aan soo daahin

Tabaryarida Hay’adaha Dowladda aysan adeeg bulsho gaarsiin Karin dadka u baahan darteed ayaa loo baahanyahay in la sii wado kaalmada bini’aadamnimada inta laga gaarayo waqti howlahan lagu wareejin karo hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta iyo soo kabashada.

Ayadoo qorshaha HRP uu diiradda saarayo howlaha muhiimka u ah naf-badbaadinta, ayaa hadana howlaha qaar waxaa ku jira in adeeg aasaasi ah la gaarsiiyo dadka. Iyadoo laga duulayo habka cusub ee shaqa qabashada (The new way of working); hay’adaha samafalka waxay sii wadi doonaan inay la shaqeeyaan saaxiibbada ka shaqeeya horumarinta, deeq bixiye-yaasha iyo dowladduba iney la taacaalaan waxyaabaha keena nugeylka bini’aadamnimada. Si loo fududeeyo saaxiibbada kala duwan ee ku aaddan in arrintan loo helo xal waara iyo adkeysi dhanka aafooyinka ah, dhamaan mashaariicda lugu xusay qorshaha HRP wuxuu ahmiyad weyn siinayaa adkeysiga iyo helitaanka xal joogto ah. 352 mashaariic ee ku xusan 2019 HRP, boqolkiiba 82 ama 289 mashruuc ayaa xiriir la leh dadaallada lagu dhisayo adkeysiga dadka nugul iyo weliba helitaanka xal joogto ah. Boqolkiiba 50 mashaariicda HRP waxay si uun qayb uga qaadanayaan in la xiriiriyo mashaariicda bini’aadamnimada iyo kuwa horumarinta.Adeegyada daryeelku waa ubucda qorshaha HRP

Istaraatiijiyadda dhanka daryeelka ee Guddigta Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya (HCT) ee 2018-2019 ka waa xuddunta wareegga barnaamijyada bini’aadamnimada ee Soomaaliya. Waxaana ka mid ah daraasad baahiyaha lagu sameeyay ayadoo laga eegayo dhanka daryeelka dadka nugul, qorsheynta mashaariicda falcelinta, qaabeynta mashaariicda iyo taabba gelintoodaba. 352da mashruuc ee lagu xusay qorshaha HRP waxaa inta badan la tixgeliyay barnaamijyada daryeelka si loo ogaado qataraha ay wajahayaan dadka la doonayo in la gaaro. Hay’adaha ku shaqeynaya qorshaha HRP waxaa la warsaday inay ka jawaabaan su’aalaha ku xusan sanduuqa hoose, si ay u sharraxaan tallaabooyinka ay uga hortagayaan ama ku yareynayaan qataraha soo wajihi kara daryeelka ee lugu xusay shaxda.

2017

2018

2019

2020

2021

2022

Humanitarian coordination architecture: HCT, ICCG, Clusters,...

Development coordination architecture: SDRF, UNCT, PWG,...

HRP 2019

Natiijada wadajirka ah 2019-2022

RRF 2019-2021

NDP 2017-2019

UNSF 2017-2020

HRP 2017 HRP 2018

... Arrinta daryeelka

Qeex halista ugu weyn ee ay wajahayaan dadka la doonayo in la gaaro, adigoo ku eegaya lens-ka hoos lugu sheegay iyo qaababka aad uga hortegeysid ama ku yareyneysis halistaas

Lens 1: ka hortagga halista gees-geliska ayadoo lagu saleynayo barakaca

Lens 2: yareynta raadadka ay reebaan colaaduhu

Lens 3: Ka hortagga halista gees-geliska ee ku salaysan

Mashaariicdu waa iney ka jawaabaan ...

05ISTARAATIIJIYADDA GARGAARKA

Qorshaha 2019 ka HRP wuxuu dhiiri gelinayaa in si wadajir ah loo daadejiyo mashaariicda gurmadka ayadoo ay tahay weliba iney cluster-ka dhamaantood ay ka wada qayb qaataan. Ayadoo la tixraacayo, isku daygii guuleystay ee looga hortegay abaartii 2017 ka ee loo maray Sanduuqa Bini’aadamnimada ee Soomaaliya (SHF), gurmadka isku dhafan wuxuu xaqiijinayaa in si cilmiyeysan loo isticmaalo kheyraadka xaddidan ee la heli karo iyo in weliba clusters-ka kala duwan ay u fuliyaan mashaariicda si ay isku wada ogyihiin. Qaababka loo hirgelinaayo gurmadka isku dafan wuxuu noqonayaa taabba gelinta 24 mashruuc oo ka kala imaanaya clusters ka kala duwan, dirista kooxo ka jawaaba arrimaha degdegga ah (Integrated Emergency Response Teams -IERTs) oo ay diyaarinayaan clusters-ka caafimaadka iyo nafaqaynta halka cluster-ka WASH uu heegan u ahaan doono inuu ka jawaabo hadii uu dillaaco cudurka shuban-biyoodka iyo weliba in laga shaqeysiiyo Xarumaha. Qorshaha HRP waxaa si hufan dhaqaale ugu taageeri doona sanduuqa SHF oo diiradda saari doona mashaariicda isku dhafan dhamaan qoondooyinka kala duwan.

GURMADKA ISKU DHAFAN

Ayadoo laga duulayo ballamihii shirkii Arrimaha Bini’aadamnimadaee Adduunka, qorshaha HRP 2019 wuxuu xoogga saarayaa in istaraatiijiyadda ka falcelinta arrimaha bini’aadamnimada uu noqdo mid ka jawaaba baahiyaha maxalliga ah. Si go’aannadan ay u hirgalaan waxaa si ka duwan sidii hore loola falgeli doonaa hay’daha maxalliga ah. 91 hay’ado aan dowli ahayn oo maxalli ah ayaa qayb ka ah qorshaha HRP ee sannadkan. Deeqda gaareysa $1.08 bilyan ee uu codsaday qorshaha HRP, in ka badan boqolkiiba 50 ($582 milyan) ayaa sannadkan la marsiin doonaa hay’daha maxalliga ah. Si arrintan looga dhabeeyo, sanduuqa SHF, boqolkiiba 47 oo u dhiganta $15.6 milyan oo qoondada ka mid ah waxaa la marsiin doonaa hay’adaha maxalliga ah, arrintan oo wax badan dhaafsiisan boqolkiiba 30kii ay ku taliyeen Advisory Board-ka 2018.

DAADEJINTA GARGAARKA

Cash-based interventions (CBI) has been one of the most efficacious modalities used to Lacagta caddaanka ah waxay ka mid ahayd qaababkii ugu waxtarka badnaa ee loo isticmaalay in laga hortago macluul ka dilaacda Soomaaliya. Weli wey sii socon doontaa in lacagta caddaanka loo isticmaalo mashaariicda gurmadka sannadkan 2019 ka si loo caawiyo dadka kaalmada u baahan. $292 milyan oo ka mid ah qorshaha HRP-ama boqolkiiba 27 oo qorshahan ka mid ah waxaa la qorsheeyay inay ku baxdo qaabka lacagta caddaanka ah taasoo weliba aysan jirin shuruudo adag oo ku xiran. Sannadka 2019, Cash working Group (CWG) iyo hay’ada REACH aya si wadajir ah u qorsheynaaya in ay qabtaan dhowr qiimeyn oo ku saabsan isticmaalka lacagta si loo tageero kororka CBI ee dalka Soomaaliya.

GURMADKA OO LOO ADEEGSADO

Dumarka, raga, gabdhaha, wiilasha iyo caruurtaba siyaaba kala duwan ayay u saameeyeen mashaakilkii dhacay sidaa darteed waxay qabaan baahiyo kala duwan oo bini’aadamnimo iyo welwel dhanka daryeelka ah. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in arrintan lagu muujiyo mashaariicda bini’aadamnimada qaybahooda kala duwan. Mashaariicda iyo howlaha lagu muujiyay qorshaha HRP 2019 ka waxay ku salaysanyihiin daraasado dhameystiran isuna dheellitiran oo laga sameeyay dhanka jinsiga sida ku cad HNO 2019 ka. Si loo hubiyo isku dhafnaanta arrimahan la xiriira jinsiga iyo mabaadii’da waxaa la hirgeliyay, Gender and Age Marker. Boqolkiiba 25ta mashruuc ee soo dhameystiray su’aalaha arrintan la xiriira, in ka badan boqolkiiba 90 ayaa istaraatiijiyaddooda ka muujiyay muhiimadda arrintan.

JINSIGA

Iyadoo la tixraacayo ballanqaadyada ku xusan Grand bargain iyo talooyinka ee soo jeediyin guddiga loo yaqaano Peer to Peer misión ee Lulyo 2018di , Guddiga Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya wuxuu qirayaa ahmiyadda ay leedahay in lasii wado horumarkii la sameeyay sannadihii lasoo dhaafay horana loo sii dhaqaajiyo xil iska saarista dadka tabaaleysan (Accountability to Affected Population-AAP) iyo ka qayb qaadashada bulshada ee arrintan (Community Engagement-CE). Hay’adaha samafalku waxay xoogga saarayaan in bulshooyinku ay xuddun u noqdaan howlaha gargaarka iyo taabbagelinta mashruuca HRP.

XILKASNIMADA KU AADDAN DADKA TABAALEYSAN

Ayadoo laga duulayo howl-maalmeedka HCT-da adduunka iyo HCT-da Soomaaliya, guddiga la socodka xadgudubyada la xiriira galmada ee la dhisay 2018 ka wuxuu dabaggal ku sameyn doonaa taabbagalka qorshe-howleedka guddiga iyo istaraatiijiyadiisaba. HCT waxaa ka go’an iney sannadkan 2019 ka xoojiyaan dadaallada looga hortagayo xadugubyada la xiriira galmada, sidaas darteed waxaa la qori doonaa qof xiriiriye ah oo arrintan ka shaqeeya. Xiriiriyaha barnaamijkan wuxuu hirgelin doonaa hab ay dadku ku soo gudibin karaan cabashooyinka la xiriira tacaddiyada galmada.

KA HORTAGGA XADGUDUBYADA LA XIRIIRA GALMADA

Wadarta guud ee total $53M SHF allocations in 2018...

...44% ayaa lagu caawiyay mashaariic iskudahfan

$23.3M

Qayb ahaan wadarta guud ee $1.08 bn HRP dalbaday...

...55% ayaa loo qorsheeyay in la marsiiyo hay’adaha maxalliga ah

$292

M

$582M

Qayb ahaan wadarta guud eeHRP oo dhan $1.08 bn..

... 27% ayaa loogu talo galay gargaar lacag ah

$993M

$498M

$788M

$87M

Qayb ahaan wadarta guud ee HRP dalbaday ee gaareysa $1.08 bn...

...92% ayaa lagu qabanayaa mashaariic la xiriirta horumarinta jinsiga

$29.7M

06 GAARSIINTA GARGAARKA | AWOODDA HAWLQABADKA

In gurmadka bini’aadamnimada la gaarsiiyo dadka u baahan waa ahmiyadda koowaad ee hay’adaha samafalka sannadkan 2019 ka.

Colaado iyo deganaansho la’aan ka jira gaar ahaan wadooyinka muhiimka u ah sahayda gargaarka, faragelin lagu hayo shaqooyinka gargaarka bini’aadamnimada, caqabado ka yimaada dhanka maamullada iyo weerarro lagu qaado shaqaalaha samafalka iyo agabka loogu talo galay samafalka ayaa weli ah caqabado ku hor gudban dadaallada samfalka ee Soomaaliya.

GAARSIINTA

GARGAARKA

Inkastoo ay jiraan caqabado dhanka shaqada ah, hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gudaha wadanka way sii badanayaan. Hay’ado badan oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa maxalli ah ayaa ku howlan iney gargaaraan dhamaan 18ka gobol ee wadanku ka koobanyahay, 328 hay’adood ayaa shaqooyin muuqda haya

AWOODDA

HAWLQABADKA

ETHIOPIA

DJIBOUTI

Bari

Bay

Mudug

Sool

Gedo

Sanaag

Hiraan

Galgaduud

LowerJuba

Nugaal

Bakool

Togdheer

AwdalWoqooyiGalbeed

Middle Juba

Banadir

MiddleShabelle

LowerShabelle

5558

65

81

59

82

85

105

63

69

49

54

42

705

39

56

148Mogadishu

I N D I A NO C E A N

G U L F O F A D E N

KENYA

Sources: IMWG & Somalia Clusters

Severity of needs— +

# of humanitarian presence

# DHACDOOYINKA SAAMEYNTA TOOSKA AH KU YEESHAY HOWLAHA GARGAARKA SANNADKA 2018

Tirada hay’adaha ka shaqeeya wadanka sara ayay

Ukacda sannadkii 2018dii. Ayadoo 2018diishaqeynayeen 328 halka ay sannadkii 2017dii ay shaqaynayeen 238 hay’adood. Kororkan waxaa loo aaneynayaa wadashaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha oo la hagaajiyay, gaar ah wada shaqaynta hay’adaha maxalliga ah, xog ururinta oo loo sameeyay si ka wanaagsan sidii hore iyo hay’adaha oo ay suurtagashay inay gaaraan dhul aaney horay u tegi Karin. Horumar laga sameeyay dhanka yareynta halista ka dhanka ah hay’adaha ayaa kalsooni ka dhex abuurtay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah sidii ay u caawin lahaayeen dad ku nool meelaha ay adagtahay in la gaaro.

>110

07KOMEERKA JAWAAB CELINTA| BAAHIYAHA, HALBEEGSIGA IYO DEEQAHA

JADWALKA ISKU WAREEGGA BARNAAMIJKA BINI’AADAMNIMADA

Hay’adaha samafalka waxay si dhow u kormeeri doonaan jawaab-bixinta gargaarka, in la ogaado baahiyaha iyo daldaloollada jira waqtiga ku habboon, in sara loo qaado waxtarka shaqada jawaab-bixinta iyo in sida ugu wanaagsan loo isticmaalo wixii khayraat laheli karo. Horumarka laga sameeyay dhanka ujeedooyinka istaraatiijiga ah, tusayaasha (indicators) iyo maxsuulka qorshaha HRP waxaa lagu hubin doonaa ayadoo la isticmaalayo Hanaanka Kormeerka ee HRP. Hanaan toos ah (online) oo ay clusters-ku uga qayb qaadan karaan kormeerka ayaa lagu daray habka Kormeerka iyo Qorsheynta ee Response Planning and Monitoring (RPM). Horumarka laga gaaro dhanka ahdaafta iyo tusayaasha waxaa looga warbixin doonaa PRM-ka gudihiisa xogta lasoo ururiyayna waxay kasoo muuqan doontaa Dashbboard-ka billaha ah ee arrimaha bini’aadamnimada looga hadlo. Intan waxaa sii dheer, document-ka cusub ee la yiraahdo Humanitarian Insight online, ayaa lugu soo bandhigi doonaa howlaha dhanka bini’aadamnimada laga qabtay oo kooban oo ay ku jirto horumarka la sameeyay ee ku aaddan ujeedooyinkii istaraatiijiga ahaa, yoolalkii clusters-ka iyo tusayaashaba.

KORMEERKA

JAWAABCELINTA

BAAHIYAHA, HALBEEGSIGA IYO DEEQAHA

Dashboard-ka B/Adamnimada

Warbixin marxaladaha kala duwan

Warbixin Guud ee Baahiyaha HNO

HRP

JAN

Qorsheynta Iyo Kormeerka

JANDECNOVOCTSEPAUGJULJUNMAYAPRMARFEB

2019 2020

1.8M - - -

- - -

1.4M - 41.5K 1.1M

1M 16K 39K 1.4M

202K - 120K

364K - 764K10K

1.1M 39K - 276K

1.4M

41.5K

41.5K 1.1M

- - -

1.4M -

-

-

142K

2.6M

1.8M

-

3.5M

3M

1.5M

2.6M

2.3M

2.9M

-

1.8M

337K

-

2.6M

2.4M

1.1M

1.6M

2.6M

-

-

4.2M* 3.4M* 1.08BN

Camp Coordination and Camp Management (CCCM)

Education

Enabling Programmes

Food Security

Health

Nutrition

Protection

Shelter/NFIs

Water, Sanitation and Hygiene (WASH)

Multi-Sectoral Assistance

Barakacagudaha

QaxootigaMagangalya doon

Qaxooti soo laabtay

Bulshada lagu soo barakacay

Wadarta US$

XAALADDTOTAL

32M

32M

178M

84M

353M

93M

64M

104M

39M

40M

% Dheddig % carruurqaangaar, waayeel

**

JINSIGA&DA’DA RDEEQDA LOO BAAHANYHAY

Dadkala gaarayo

Dadkabaahan

**Carruur (<18 years sanno), adult (18-59 sanno), elderly (>59 sanno)

*Wadarta tirade ma aha isku darka xarriiqda (column-ka), tirooyinka qaar ayaa soo laalaabanaya

TOTAL

Refugee Response - 41.5K -131K 58M81K 39K

1.4M

QAYBAHA DADKA LA DOONAYO IN LA GAARO

15K

2M* 39K* 41.5K* 1.3M*

51%

50%

50%

50%

50%

51%

51%

50%

50%

-

61|37|2%

99.6|0.4|0%

59|39|2%

63|33|4%

61|37|2%

55|43|2%

59|39|2%

59|39|2%

59|39|2%

-

08 DEEQ BIXINTA

DEEQ BIXINTA

HRP

Deeqaha dhaqaale ee lasoo marsiiyo hay’adaha lugu kalsoonaan karo aya waxay ka mid tahay qaababka ugu wanaagsan ee looga jawaabi karo xaaladaha degdegga ah ee bini’aadamnimada. Boggan waxaa ku jira qaar kamid ah meelaha lasoo marsiin karo deeqaha si macluul Soomaaliya ka dhacda looga hortago.

SANDUUQA ARRIMAHA BINI’AADAMNIMADA EE SOOMAALIYA-SHFSanduuqa SHF wuxuu hay’adaha samafalka u suurageliyaa iney gargaarka naf-badbaadinta ah ku gaarsiiyaan dadka u baahan si wax ku ool oo degdeg ah. Dowladaha iyo deeq bixiyeyaasha waxay sanduuqan ku soo shubi karaan qaarannadooda si loogu xalliyo xaalad mucayin ah. Sanduuqa SHF waa loo dhanyahay wuxuuna dhiirri gelinayaa iskaashiga. Deeq bixiyeyaasha daneynaya iney lacagtooda ku bixiyaan arrimaha xiriirinta bini’aadamnimada waxay qaaraankooda soo marsiin karaan SHF. www.unocha.org/somalia/shf SHF waxay deeqda marsiisaa hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha maxalliga ah, kuwa caalamiga ah iyo ururrada Laanqayrta Cas/ Bisha Cas.

Lifaaqan guji https://gms.unocha.org/content/cbpf-contributions si aad u aragto deeqaha ay OCHA maamusho.

QORSHAHA KA FALCELINTA BAAHIYAHA BINI’AADAMNIMADA-HRP HQorshaha ka falcelinta baahiyaha bini’aadamnimada ee HRP Humanitarian Response Plans (HRPs) wuxuu u qaabeysanyahay qaab xog-ogaalnimo ah oo ku saleysan falanqeynta waxqabadka, la hawl gelidda hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah, xoojinta isku xirka hanaanka dib u habaynta iyo horumarinta, iyo hadii ay surtogal tahay in la dejiyo qorshooyin dhowr sano ah. are developed on the ground, based on solid analysis of response contexts and engagement with national and international humanitarian partners, enhanced links to recovery and development frameworks and, where possible, multi-year plans.

HRP Soomaaliya waxa loo qaabeyay iyadoo lagu saleeyay hanaan guda balaaran oo lagu qiimeeyo baahiyaha bini’aadannimo. Qorshaha oo dhameystiran iyo ciwanka laga helo hay’adaha ka shaqeeya bini’aadannimo ee u baahan dhaqaale halkaan aya ka heli karta. The HRP for Somalia is designed based on a broad spectrum of assessed humanitarian needs. The full plan, and contact details of the operational agencies that need funds, are available here https://www.humanitarianresponse.info/en/operations/somalia

CENTRAL EMERGENCY RESPONSE FUND The Central Emergency Response Fund (CERF) is a fast and effective way to support rapid humanitarian response. During the World Humanitarian Summit, the Secretary-General called for total annual CERF contributions of one billion dollars as of 2018. CERF provides immediate funding for life-saving humanitarian action at the onset of emergencies and for crises that have not attracted sufficient funding. Contributions are welcome year-round, from governments, private companies, foundations, charities and individuals.In 2018, CERF allocated $17 million to support response to the lingering impact of drought in nothern Somalia, and floods and the south-central part of the country. To ensure the Fund is able to sustain its support to the humanitarian response in Somalia in 2019, donors are encouraged to make their contribution to CERF as early as possible.

SI AAD TABARRUCAAD U BIXISO

Shakhsiyaadka, sharikadaha iyo hay’adaha daneynaya inay ka qayb qaataan ka jawaabidda arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya lifaaqan ayay gujinayaan http://bit.ly/2oXKj12

si ay tabrrucaadooda u marsiiyaan sanduuqa SHF. Cidii dooneysa inay deeq ku bxiso sanduuqa SHF waxay la xiriiri karaan: Justin Brady, [email protected] iyo Matija Kovač,

DIIWAAN GELINTA IYO HUBINTA TABARRUCAADKA Inaad deeqdiinna uga soo warbixisaan habka FTS waxay xoojineysaa daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka waxayna noqoneysaa qaab lugu aqoonsado qaaraankiinna deeqsinnimada leh. Arrintani waxay sidoo kale sahleysaa in la ogaado meelaha uu gaabis ka jiro. Fadlan ka diiwaan geliya deeqdiinna [email protected] ama buuxiya foomka online-ka ah eek u jira fts.unocha.org Mahadsanidiin.