jamhuuriyadda federaalka ةيلاردفلا لاموصلا...
TRANSCRIPT
الصومال الفدراليةجمهورية وزارة العمل والشؤون اإلجتماعية
مكتب مديرمديرية
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMALIYA
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
xafiiska Waaaxda Tababarrada
SOMALI FEDERAL REPUBLIC
Ministry of Labor and Social
Affairs
Training Department office
WAAXDA TABABARRADA
Training Department
• Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulashada waxa ay
lahayd dawladihii hore waax u qaabilsan arrimaha
tababarrada .
• Waqtigii xornimada (1960-1969) iyo mudadii kacaanka (
1969-1990), tababarrdu ahmiyad gaar ah ayay lahaayeen,
waxaana la abuuray macaahid ku taqasusay arrimaha
tababarrada shaqaalaha sida:-
Machadka maamul horumarinta iyo maareynta ( SIDAM )
Machadka tababarka Warshadaha ( GTZ )
Machadka dhaqan celinta naafada
Iyo macaahid gaar ahaaneed oo taqasusi ah sida: machadka
beeraha, xoolaha , dhirta iyo daaqa, isgaarsiinta IWM .
ARAR
• Tababaradu waxay ka mid yihiin waxyaabaha aasaasiga u
ah wax qabadka arrimaha shaqaalaha, wuxuuna dowr weyn
ka ciyaaraa sara u qaadidda aqoonta, xirfadaha iyo awooda
ee wax qabadka shaqaalaha.
• Hay’ aduhu waxay tix gelin weyn siiyaan arrimaha
tababarradda Shaqaalaha , waxaana ku baxa dhaqaalo badan
maadaama tababarradu noqon karaan dalka gudihiisa ama
dibaddiisaba.
• Hay’adda Shaqaalaheeda ee aad u tababaran yihiin, waxay
ka duwan tahay kuwa tababar fiican aan lahayn, sidaa
darteed ayaa loo siiyaa tababararrada ahmiyad gaar
ahaaneed.
AHMIYDDA
QAAB DHISMEEDKA WAAXDA
TABABARRADA
M.Q Tababarada
Dibadda
M.Q Tababarada
Gudaha
M.Q Tababrrada Shaqalaha
Gaarka
M.Q Tababarada
xirfadaha
M.Q Tababrrada
Madasha
Agaasimaha Waaxda Tababarrada
1. Ogaanshaha baahida Tababarrada shaqaalaha dowladda iyo
kuwa gaarka ah.
2. Tababar u raadinta shaqaalaha , gudaha dalka iyo
dibaddiisa.
3. Tababarista shaqaalaha heerar kooda kala duwan, iyadoo loo
eegaayo sida ay xirfadahooda iyo darajoojinkoodu isu
leeyihiin.
4. Dib u dhisidda xarumahii hore ee tababarrada shaqaale ee
wasaaraddu lahayd.
5. Dhowrista caddaalada Tababarrada Sahaqaalaha .
6. Kaqaybgalka Tababarada caalamiga ah, si khibrado dheeri
ay u helaan shaqaaluhu.
WAAJIBAADKA SHAQADA EE WAAXDA TABABARADA
( JOB DESCRIPTION )
• Conti…. 7. Xafidaada, Keydinta iyo la socodka ducomentiyada tababarada
lagu bixiyo.
8. La socoshada baahida tababarrada ee muhiimka u ah
Shaqaalaha Somaaliyeed.
9. Gaarsiinta in ay is tababbaraan Shaqaaluhu dhexdooda ka dib
markii ay qaataan tababarada la siinayo.
10. In shaqaalaha loo raadiyo fursado wax barasho ee heer J
aamacadeed dibada iyo gudahaba, si mustaqbalka loo helo
Kaadiriin wax tar u leh dalka , loogana maarmo tababarrada
Dibadda loo aadayo.
11. Warbixin siinta Madaxada iyo mas uuliyiinta Wasaaradda.
• Tababar ku saabsan shaqo xafiiseed ( office work )
• Tababar ku saabsan sharciga shaqaalaha rayidka
• Tababar ku saabsan Data Management Analysis
• Tababar ku saabsan Labor Market survey
• Tababar ku saabsan climate change Adaption
• Tababar ku saabsan good governance, protocol and management
• Tababar ku saabsan Human Resources Management ( HRM) & Customer Relation Management(CRM)
• Tababar ku saabsan sharciga shaqaalahaa shisheeye ( Midowga Jamacadaha & Suxufiyinta gobalka banaadir)
• Tababar ku saabsan sharciga shaqaalahaa shisheeye ( Haweenka Gobalka Banadir ).
• Aqoon is weydaarsi ku saabsan Oil for Development.
•
MAXAA INOO QAB-SOOMAY?
• Tababar ku saabsan shaqo xafiiseedka ( office work )
oBishii May 2015
waxaa inoo qabsoomay Tababar ay inaga saaciday Hay’adda Banaadir
Gate xagga qalabka iyo macalimiinta. waxaana lagu qabtay Guriga
Hooyooyinka, tababarkaas waxaa lagu baranayay Shaqo Xafiiseed
(Office work).
Tababarkan waxaa loo furay shaqaalo gaarayo 35 qof, kuwaas oo ahaa
shaqaalaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshashadda.
Tababarkaas waxaa furay isla markaana xiray Wasiirka Wasaaradda
Mudane, Wasiir Cabduwali Ibraahim sheekh Mudey, Waxa uu
Tababarkaani Socday Muddo dhan 30 Maalmood (bil).
WAXQABADKA WAAXDA TABABARRADA
MAY 2015– SEP 2016
Agaasimaha Tababarada oo hadal kooban ka jeediye xiritaanka Tababarkaan.
FFFG
Seminaarkaan waxaa soo xiray wasiirka Wasaaradda
• 16 June 2015
waxaa waaxda Tababarada u qabsoomay tababar lagu
baranayey sharciga shaqaalaha rayidka dowladda oo socdey
muddo 5 maalmood ah.
• Tababarkaan waxaa loo qabtay in ay kafaa iideeystaan
shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha
wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
• Waxaana ka qeyb galay shaqaale dhan 40 qof oo ka gala
yimid Ha’adaha Dowladda.
TABABAR LAGU BARANAYE SHARCIGA
SHAQAALAHA RAYIDKA
Seminaarkaan waxaa soo xiray wasiirka Wasaaradda
• Augusto 1, 2015
waxa waaxda tababarada ay u dirtay Tababar gudaha ah
labo xubnood oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda shaqada
iyo Arimaha Bulsha, kaas oo lagu baranayey
Sida Xog Maamul loo Sameeyo ( Data Management
Analysis).
• Tababarkaan wuxa uu socday muddo 15 cisho ah.
waxaaana soo xiray Agaasimaha Waaxda Tababarada ee
Wasaaradda, Mudane Ismacil Macalin Cabdulaahi
TABABAR LAGU BARANAYEY ( DATA
MANAGEMENT ANALYSIS )
• 4 Bishii janaayo 2016,
• waxaa qabsoomay tababar wasaaraddu u dirtay laba sarkaal oo kamid
ahaa shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
• Tababrkaas waxaa lagu baranayay( labour market survey) waxaana
lagu qabtay xalane (the village).
• Tababarkaan waxaa uu socday muddo dhan 3 maalmood.
• Waxaa soo xiray wasiir ku xugeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha
bulshada
TABABAR LAGU BARANAYEY
CILMIBAARTISTA SUUQA SHAQADA
( LABOR MARKET SURVEY )
• 29 Bisha Janaayo 2016,
• Waxaa Tababar loo diray labo sarkaal oo ka mid ah
Shaqaalaha Waasaaradda Shaqada iyo Arrimaha
Bulshada, waxaana Tababarkaas ay ugu bexeen
dalka dibaddiisa (Kenya). Wuxuuna socday muddo
20 cisho ah.
• Tababarkaas waxaa lagu baranayay la Qabsiga
Isbedelka Cimilada (Climate Change Adaptation).
TABABAR LAGU BARANAYE LAQABSOGA
ISBEDELKA CIMILADA
(CLIMATE CHANGE ADAPTION)
• 23 April 2016,
• Waaxda Tababaradu waxay qabatay Tababar lasiinayey Shaqaalaha
Cusub ee wasaaradda.
• Tababarkaan waxaa lagu baranayey maamul wanaagga ( good
governance) , habmaamuus iyo maamulka ( Protocol and
Management).
• tiradda shaqaalaha tababarkaan loo furay waxa ay dhamaayeen 32
Shaqaale ah, waxaana tababarka lagu qabtay xarunta Hargaha iyo
Saamaha.
• Waxaana uu tababrkani socday muddo dhan 5 cisho
• Tababarkaan waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada shaqada
iyo arrimaha bulshada .
TABABAR LAGU BARANAYEY HANAANKA DOWLAD
WANAAGGA & HAB MAAMUUSKA
GOOD GOVERNANCE, PROTOCOL AND MANAGEMENT
• JULY 11, 2016
• Tababar ay soo qaban qaabiyeen Waaxda tababarada ee wasaaradda
shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’ada CESEPSO ayaa ka
furmay xarunta wasaarada, tababarkaani oo ujeedkiisu ahaa sare u
qaadidda xirfada shaqo iyo tayeynta aqoonta shaqaalaha wasaaradda
• Casharada lagu Baranayay tababarkan waxa uu ahaa Human resources
Management ( HRM ) iyo Customer Relation Management ( CRM ),
Macalimiinta bixinaye cashiradaan waxa ay ka socdeen Hay’adda
CESEPSO. & MOLSA.
• Waxaana lagu qabtay holka Tababarada Wasaaradda.
TABABAR LOO FURAY SHAQAALAHA
WASAARADDA SHAQADA & ARRIMAHA
BULSHADA
• JULY 24, 2016
• Tababar ku saabsan barashada Sharciga Shaqaalaha Shisheeye oo loo
qabtay Dhallinyarada Gobolka Banaadir, waxaana naga saaciday
hay’adda CESEPSO xagga macaliiminta.
• dhalinyaro ka kale timid 17 ka degmo ee gobalka banaadir, ayaa loo qabtay
Tababarkaas, waxa uu socday mudo 3 cisho ah.
• Tababarkaan waxaa furay agaasimaha waaxda tababaradda iyo
agaasimayasha kale ee waaxyaha qaarkood,
• waxaana soo xiray seminaarka wasiir ku xugeenka wasaaradda.
TABABAR LOO QABTAY DHALINYARADDA
DEGMOOYINKA GOBALKA BANAADIR
• September 5 / 2016
• Waxaa imoo qabsoomay Tababar lagu baranayay Sharciga Shaqaalaha Shisheeye
oo loo qabatay Midowga Aradayda Jaamacdaha iyo Midowga Suxufiyiinta G.
Banaadir (Banadir Union of Journalists). Waxaana naga caawiyey hay’adda
CESEPSO xagga macaliiminta.
• Tababarkaan waxaa lagu qabtay xarunta wasaaradda, waxaana daah furay Wasiirka
Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdiwali Ibraahim Muudey, Wasiir
ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble, Cabdulqaadir
Faarax (Biriq) oo ah Qabiir Saxaafadeed ahna sidoo kale Wakiil ka socday
Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga.
• Tababarjkaan waxaa kafaa iideystay 60 dhalinyara ah, waxa uu socday Muddo 3
cisho ah,
• Waxaana ugu dambeestii soo xiray wasiir muudey
TABABAR LOO QABTAY MIDOWGA ARDAYDA
JAAMACADAHA IYO SUXUFIYIINTA GOBALKA
BANAADIR
• September 5 / 2016
• Waxaan tababar u qabanay urur weynaha Haweenka Gobalka Banaadir, oo ka kala yimid 17 Degmo . Waxaana naga caawiyey hay’adda CESEPSO xagga macaliiminta.
• Tababarkan waxa lagu baranaye sharciga Shaqaalaha Shisheeye, si loo dhaqan geliyo in qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu ka xaq leeyahay qofka Ajanabiga ah, waxaana loo qabtay 45 ka mid ah Haweenka Gobalka Banaadir waxa uuna socday mudo laba cisho ah.
• Tababarkaas waxa furay Xogahaye guud ee Dowladda hoose mudane, amiin sh.cilmi, waxaana soo xiray Agaasimaha waaxda tababarada ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
TABABAR LOO QABANAYAY HAWEENKA
GOBALKA BANAADIR
• October 18-20-2016
• Waxaan aqoon is wey-daarsi muhiim ah lagu qabtay Nairobi
(Kenya).
• Wasaaradda waxaa uga kheyb galay laba Agaasime oo si rasmi ah
ka mid noqday Mas uuliyiintii ka kala socday Hay,adaha Dowladda.
• Aqoon is wey-daarsigaan waxaa hogaaminayay Wasaarada
Batroolka iyo Tamarta.
• Waxaa marti geliyay safaarada Norwey ee Kenya.
• Waxaa uu socday mudo sadax maalmood ah sidoo kale waxaa kasoo
qeyb galay Maamul Gobleedyadda Dalka, Maadaama laga had layay
wax soo saarka Dalka ( Country resources ).
• Wasaaraddu Shaqadu halkaas waxay ka jeedisay presentation muhiim ah oo ku
saab sanaa Sharciyadda, Shaqeeyaha iyo loo Shaqeeyaha iyo qiimeynta iyo daba
galka ( M&E ).
• Waxaana geba gebadii soo xiray Safiirka Safaarada Norway.
AQOON IS WEYDAARSI ( WORK SHOP )
OO LOOGA HADLAYAY ( OIL FOR DEVELOPMENT )
1. in aan tababarrada gaarsiino dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed (public iyo privete)
2. in aan Hogaamino Tabababarada , anagoo in badan idaacadaha ka sheegnay in tababarada dalka ka dhacaayo la soo war geliyo Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, gaar ahaan waaxda Tababarada si aan ula socono xogta -Tababarada dalka.
3. in aan Dhisno xarun Tababar , si loo helo xarun weyn oo lagu tababaro Shaqaalaha iyadoo ay jiraan Xarumo Wasaaradu ay leedahay oo burbursan.
4. in aan helno qalab iyo Shaqaale ku filan Waaxda oo aan jirin.
5. Iyo ugu dambeystii miisaaniyad ama (Budget) loogu talagalay habsami u fulinta tababarrada Shaqaalaha.
MAXAA INOO QAB-SOOMI
WAAYE?
• Hordhac • Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo Kaashaneeysa Bankiga
Aduunka ayaa Waxay Tababar u furtay qaar kamid ah Shaqaalaha Hey’adaha Dowladda.
• Tababarkani ka furmay xarrunta Jaamacadda Ummadda ee KM4 15 April 2017 ayaa waxaa loo qabtay 128 shaqaale, Tababarkani ayaa loogu tala galay sare u qaadida Tayada ,xirfadda, aqoonta shaqaalaha Soomaaliyeed.
• Tababarkaan Waxaa Furay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane xil. saalax, Wuxuuna ku booriyay Shaqalaaha Tababarkan la siinayay in ay ka faaiideystaan muddada uu socdo. “Tababarkani waa mid aad ugu muhiim ah shaqaalaha wuxuuna sare u qaadaayaa aqoonta shaqaalaha, waxaana rajeynaayaa inaad dib ula laaban doontaan aqoonta aad ka barateen kana faa’ideysan doontaan”.
• Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Hormarinta Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane, Ismaaciil Macalin Cabdulaahi oo is howlay Maalmihii uu tababarkani socday Ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay Shaqaalaha Dowladda Sida haboon oo ay u ilaaliyeen Waqtiga iyo sida ay uga faaideysteen Maadoyinka ay Baranayeen ,
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
• Hordhac Cont……
• Xiriiriyaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi ayaa sheegay in tababbarkan uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta aqoonta shaqaalaha dowladda,
• Tababarkaan ayaa Maadoyinka ay ku baranayeen Shaqaalaha Dowladda Waxaa ka mid ahaa (HRM, PLANNING, M&E , PFM, PROCUREMENT, ) Waxaana maadooyinkaas Bixinayay Macalimiin Ajaaniib ah oo ka kala socday Wadamada Kenya , Uganda.
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
• Ujeedada.
In Sare loogu qaado Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dowladda si isku filnaan loo gaaro Shaqaalaha Soomaaliyeed Dhaxdooda ah.
• Gacan siin
• Tababarkaan ayaa ahaa Mid ay soo qaban qaabisay Wasaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada
• iyadoo Gacan ka siiyeen Bankiga Aduunka (World Bank).
• Goobta lagu qabtay tababarka
• Tababarkaan ayaa Waxaa lagu qabtay Xarunta labaad ee Jamacadda Umadda Soomaliyeed.
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
• Furitaan
Tababarkaan Waxaa Furay Wasirka Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare. Waxayna ku booriyeen in ay ka faa iideystaan aqoonta iyo xirfadda shaqo ee ay baranayaan, walaalahooda aan fursadda u helinna uga faaiideeyaan.
Ka qeeybgalayaasha Waxaa ka soo qeyb-galay Tababarkaan Masuuliyiin ka kala Socday qeeybaha kala duwan ee Hay’adaha Dowladda Sida : Wasiirka Wasaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Saalax Axmed Jaamac , Wasiiru Dowlaha Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri , Agaasimaha Tababarada Wasaradda , Agaasimaha Qorsheeynta iyo Mashaariicda ee Wasaradda, Guddiga Shaqaalaha Rayidka , Xiriiriyaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi, Masuuliyiin ka socda Xafiiska Raaisul-Wasaaraha .
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
• Furitaan
Tababarkaan Waxaa Furay Wasirka Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare. Waxayna ku booriyeen in ay ka faa iideystaan aqoonta iyo xirfadda shaqo ee ay baranayaan, walaalahooda aan fursadda u helinna uga faaiideeyaan.
Ka qeeybgalayaasha Waxaa ka soo qeyb-galay Tababarkaan Masuuliyiin ka kala Socday qeeybaha kala duwan ee Hay’adaha Dowladda Sida : Wasiirka Wasaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Saalax Axmed Jaamac , Wasiiru Dowlaha Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri , Agaasimaha Tababarada Wasaradda , Agaasimaha Qorsheeynta iyo Mashaariicda ee Wasaradda, Guddiga Shaqaalaha Rayidka , Xiriiriyaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi, Masuuliyiin ka socda Xafiiska Raaisul-Wasaaraha .
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
Mudada uu socday
Muddada uu soconayay tababarkan ayaa aheed 15-19 April 2017 , Sidaaa owgeed Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo had iyo jeer heegan ugu jirta u adeegidda Shaqaalaha Dowladda ayaa waxey u diyaargarowday sidey u taam yeeli laheyd Adeegga baahida Tababarada ee Hey’adaha Dwoladda.
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
WARBIXIN TABABAR (TRAINING REPORT)
XIRITAANKA TABABARKA
Xiritaanka
Xafladda Xiritaanka tababarka ayaa Waxaa soo Xiray Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Saalax Axmed Jaamac, Wasiir Ku Xigenka Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Cabdicasiis Saalax Carmaan, Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xasan Cabdullaahi Diiriye , Xiriiriyaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray tababarka ayaa ku bogaadiyay ka qaybgalayaasha in ay ugu faa’ideeyaan Shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan fursadan, waxaana uu intaa ku daray inay sameynayaan nidaam shaqaalaha dowladda lagu tababarayo.
XIRITAANKA TABABARKA
XIRITAANKA TABABARKA
XIRITAANKA TABABARKA
GEBEGEBADII
Waxaa gebagebadii shahaadooyin halkaas lagu
guddoonsiiyay qaar kamid ah shaqaalaha tababarku u
dhammaaday , waxaana run ahaantii laga dareemayay
farxad weyn. Iyadoo Wasiirka iyo Wasiir ku
xigeenkuba guddoonsiiyeen shahaadooyin laxiriira
maadooyinka ay qaateen.
Ismaaciil macallim cabdullahi Ag, Tabababarrada Wasaaradda
TABABARKII (SKA)
TABABAR LOO QABTAY QAAR KA MID AH ARDAYDA SOO DHAMEYSATAY JAAMACADAHA DALKA AYAA WAXAA TABABAR U QABTAY HEY’ADA WASARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA IYO (SKA). TABABARKAAS WAXAA UU KA DHACAY GUDAHA AIRPORT KA ADEN ABDULLE CUSMAN, WAXAA UUNA SOCDAY MUDDO DHAN 4 ISBUUC. WAXAA LAGU BARANAYAY TABABARKAN FINANCIAL ACCOUNTING OO LOO ARKAY IN DHALINYARADAAS SOOMALIYEED AY KU HELI KARAAN SHAQOOYIN PRIVATE IYO PUBLIC INTABA, IYADOO HALKAAS LAGU GUDOONSIIYAY SHAHAADOYIN LA XIRIIRA (FINANCIAL ACCOUNTING) TABABARKANI WAXAA SOO XIRAY WASIIRKA WASARADDA SHAQADA IYO ARIMAHA BULSHADA OO AY LA SOCDEEN AGAASIMAHA TABABARADA IYO AGAASIMAHA QORSHEYNTA TAARIKHDU MARKEY AHEYD 21/04/2017 .
TABABARKII (SKA)
TABABARKII (SKA)
DHAMAAD (thanks)
WAAD KU MAHADSANTIHIIN DHEGEYSIGIINA