jamhuuriyadda somaliland faafinta rasmiga ah

48
—1— JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH SOMALILAND REPUBLIC OFFICIAL GAZETTE ﺼﻭﻤﺍﻠﻴﻼﻨﺪ ﻠﺠﻤﻬﻭﺮﻴﺔ ﺍﻠﺮﱠﺴﻤﻴﺔ ﻠﻨﱠﺸﺮﺓXAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE QARANKA JSL, HARGEYSA E-mail: [email protected] Sanadka: 4aad Cadadka: 1aad ee January Taariikh: 07/02/2015 QIIMAHA CADADKA: SL. Sh. RUKUNKA (Subscription): QIIMAHA FAAFINTA AAN DAWLIGA AHAYN ee Qaybta Shanaad: Sadarkii Boggii kastaaba SL. Sh. TUSMADA CADADKA QAYBTA KOWAAD: XEERARKA BAARLAMAANKA IYO XEER NIDAAMIYAYAASHA: 1) Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka Xeer Lr.67/2014 QAYBTA LABAAD: XEER NIDAAMIYAYAASHA IYO DIKREETOOYINKA MADAXWEYNAHA: 4 20 21 Waa Nuqul Dawli ah – lama iibin karo

Upload: others

Post on 30-Nov-2021

8 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—1—

JAMHUURIYADDA

SOMALILAND

FAAFINTA RASMIGA AH SOMALILAND REPUBLIC

OFFICIAL GAZETTE

لنَّشرةأ الرَّسمية لجمهورية صوماليلاند

XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE QARANKA JSL, HARGEYSA

E-mail: [email protected] Sanadka: 4aad Cadadka: 1aad ee January Taariikh: 07/02/2015

QIIMAHA CADADKA: SL. Sh. RUKUNKA (Subscription):

QIIMAHA FAAFINTA AAN DAWLIGA AHAYN ee Qaybta Shanaad: Sadarkii Boggii kastaaba SL. Sh.

TUSMADA CADADKA

QAYBTA KOWAAD: XEERARKA

BAARLAMAANKA IYO XEER

NIDAAMIYAYAASHA:

1) Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka Xeer Lr.67/2014

QAYBTA LABAAD: XEER

NIDAAMIYAYAASHA

IYO

DIKREETOOYINKA

MADAXWEYNAHA:

4

20

21

Waa Nuqul Dawli ah – lama iibin karo

Page 2: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—2—

2) XEER MADAXWEYNE Lr:

0416/012015 CAFIS MADAXWEYNE,

QAYBTA SADEXAAD: DIGREETOOYINKA,

WAREEGTOOYINKA, AMARADA & XEER

NIDAAMIYAYAASHA

WASIIRADA, IWM 3) Wareegto Wasiir, Wasiirka

Arrimaha Guddaha Dardar gelinta Bilicda Caasimadda 2015

QAYBTA AFRAAD: AMARADA &

GO’AANADA MAAMUL

4) Diiwaan Gelin Shirikada MYRRH OLIBANUM COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

5) Diiwaan Gelin Shirikada AL MACO LIMITED COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

6) Diiwaan Gelin Shirikada MURUQ AND MAAN COMPANY (MMC), Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

7) Diiwaan Gelin Shirikada DALMAR TRADING COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

8) Diiwaan Gelin Shirikada SOMALILAND LIVESTOCK EXPORT COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

9) Diiwaan Gelin Shirikada TAMAD GEMESTONE COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

24

25

27

28

30

32

34

35

37

38

40

42

Page 3: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—3—

10) Diiwaan Gelin Shirikada NORDAN GEM AND MINERAL COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

11) Caddeyn Diiwaan Gelin Shirikada BAABU SALAAM GENERAL TRADING, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

12) Diiwaan Gelin Shirikada TAAKULO TAKAFUL COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

13) Diiwaan Gelin Shirikada DOMAIN GROUP COMPANY, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

14) Caddeyn Diiwaan Gelin Shirikada RESEARCH AND CONSULTANCY CENTER (RCC), Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

15) AMAR XAYIRAAD GURI; Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex

16) Wareegto (Qiimaha lacagta lagu qaadanayo Magta iyo Meherka dumarka) GUDDIGA CADAALADDA

QAYBTA SHANAAD: OGEYSIISYADA Sooma bixin

44

Page 4: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—4—

QAYBTA KOWAAD:

XEERARKA BAARLAMAANKA IYO XEER

NIDAAMIYAYAASHA:

REPUBLIC OF SOMALILAND

THE PRESIDENT

JSL/M/XERM/240-2909/012015 DATE ….11/01/15

XEER MADAXWEYNE Lr:0415/012015

Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee

Xakamaynta AIDS-Ka

Xeer Lr. 67/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2015 ee ku taariikheysan 5/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr.67/2014.

Wuxuu Soo Saaray

Page 5: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—5—

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

Allaa Mahad Leh, Axmed Maxamed Silanyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Page 6: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—6—

Page 7: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—7—

Page 8: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—8—

Golaha Wakiiladu JSL Markuu arkay:-

Qodobka 17aad Farqadiis 1aad 37aad iyo 38aad ee Dastuurka Qaranka JSL.

Markuu arkay:- xawliga uu ku faafayo cudur sidaha HIV ee mandaqadda Geeska Africa;

Markay u caddaatay:-

khatarta dhabta ah ee dadka Somaliland ku wareegsan ee ka imanaysa faafidda HIV/AIDS.

Markuu ogaadey:- in loo baahanyahay dhismaha hay’ad Qaran oo u faradhuudhuubanka hortagga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka, dawaynta iyo daryeelka dadka xanuunka la nool; Wacyigalinta iyo baraarujinta bulshada JSL iyo la macaamilka ururada ku hawlan wax ka qabadka HIV/AIDS-ka;

Markuu xaqiiqsaday:-

Baahida sharci ee dhismaha (establishment) hay’adda qaran ee xakamaynta HIV-AIDS-ka.

Waxaa uu ansixiyay Xeerka Gudidda ee Xakamaynta HIV-AIDS

Xeer Lr. 67/2014

Page 9: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—9—

CUTUBKA 1AAD MABAADII GUUD

Qodobka 1aad Erey-bixin

Hadaan Xeerku si kale u sheegin:-

Qodobka 2aad

Magaca Xeerka Xeerkan waxa loogu yeedhayaa Xeerka Asaasida Guddida (Komishanka) Qaran ee Xakamayta HIV/HIV-AIDS-ka.

Qodobka 3aad

Astaamaha u Gaarka ah Hayada

Guddi (Komishan):-

Waxaa loola jeeda Komishanka Qaranka ee HIV-AIDS-ka ee lagu aasaasay Xeerkan.

Guddoomiye: - Waxaa loola jeedaa Gudoomiyaha Gudida HIV-AIDS-ka.

Agaasimaha Fulinta:-

Waa sarkaalka hoggaamiya Maamulka Gudida HIV/AIDs-ka.

Habraacyo:- Waa habraacyada kala duwan ee ay raacdo Gudidu sida ka Maamulka, xisaabaadka, shaqaalaha iyo kuwa kale ee la mid ka ah.

Agaasinka Fulinta:-

Waxaa loola jeedaa agaasimayaasha uu Madaxweynuhu soo magacaabo.

Page 10: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—10—

Guddidu (Komishanku) waxay yeelanaysaa astaan u gaar ah oo ah (Khariidadda Somaliland oo uu ka dhex talowsanyahay Qool cas oo astaan u ah AIDS-ka, didabka khariidadda Somaliland waa cagaar waxaana Ku xeeran midab cadaan ah, Qoolka iyo cadaanka waxaa ku dul wareegsan laba goobaabood oo kala sarreeya oo dhexdooda uu marsanyahay midab cagaarani, dhinaca sare ee midabka cagaaran waxaa min bidix ilaa Midig Ku qoran: “Guddida (Komishanka) Qaranka ee HIV-AIDS-ka”, Dhinaca hoose ee diillinta cagaaran meel badhtamaha hoose ah waxay ku dul fadhiyaan barkin leh midab buluugga oo ay Ku dhex qorantay (SOLNAC)/Waxaana awood u leh waxka bedelkeeda Guddida.

Qodobka 4aad Aasaasidda Guddida (Komishanka) Qaranka ee HIV-

AIDS-ka iyo Astaantiisa

1. Xeerkan waxaa lagu Aasaasay Gudiga Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo ah Hay’ad qaran oo leh qofnimo qaanuuneed iyo shaambad u gaar ah, una madaxbannaan maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

2. Xarunta Guddidu waa caasimadda JSL ee Hargeisa xafiisyana way ka furan kartaa Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Qodobka 5aad Ujeeddooyinka Komishanka Qaranka ee AIDS-ka.

1. Dejinta siyaasaddaha iyo hagayaasha lagaga

jawaabayo fiditaanka cudursidaha/cudurka HIV/AIDS iyo hab-maamulka cawaaqibkiisa ee dalka JSL.

2. Qaabaynta Istaraatiijiyad guud oo heer Qaran oo dhinacyo badan kuna wajahan ka hortagga xakamaynta HIV/AIDS iyo daryeelka, ilaalinta dadka la nool HIV/AIDS.

3. Diyaarinta qorshaha, qaab-shaqeedka dhammaan barnaamijyada iyo hawlaha ka hortagga, xakamayn

Page 11: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—11—

HIV/AIDS, daawaynta, daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda dadka la nool HIV/AIDS ee hoos-yimaada istaraatiijadda faqrada 2aad ee qodobkan.

CUTUBKA LABAAD

QAAB-DHISMEEDKA KOMISHANKA

Qodobka 6aad Qaab-dhismeedka Komishanka Qaranka ee HIV/AIDS-

ka: Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AISDS-ku wuxuu ka kooban yahay:

1. Heer Qaran:- b) Golaha Hagidda, iyo t) Agaasinka Fulinta

2. Heer Gobol:- b) Golaha kormeerka, iyo t) Xafiiska xidhiidhinta hawlaha HIV/AIDS ee Gobolka

3. Heer Degmo:- b) Unugga kormeerka, iyo t) Xafiiska xidhiidhinta HIV/AIDS ka ee Degmada

Qodobka 7aad Aaasaasida Golaha Hagidda ee Komishanka

I. Golaha hagiddu wuxuu ka koban yahay todobada

xubnood ee kala ah b) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka. t) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada. j) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta. x) Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. kh)Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. d) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. r) Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Page 12: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—12—

II. Agaasimaha fulinta ayaa ah Xoghayaha Golaha

Haggidda, waxaanu ugu xilsaaran yahay diyaarinta shirarka iyo qaadista hadal-qoraalada.

Qodobka 8aad Dhismaha Agaasinka Fulinta

1) Agaasinka fulinta wuxuu ka koobnaan karaa:-

b) Agaasimaha fulinta t) Agaasimaha daaweynta iyo daryeelka j) Agaasimaha maamulka iyo lacagta, x) Agaasimaha wacyi-gelinta iyo abaabulka, Kh) Agaasimaha tababarada iyo horumarinta hawl-wadeenada d) Agaasime waaxeedka kale ee loo baahdo.

2) Agaasinka fulintu go’aamadooda wuxuu gaadhayaa

wada tashi 3) Madaxweynaha ayaa leh awoodda wax-ka-bedelka iyo

dhismaha xafiiska agaasinka fulinta.

Qodobka 9aad Dhismaha Golaha Iskuduwidda iyo Unugga Kormeerka

1. Golaha iskuduwidda ee Gobolku wuxuu ka kooban

yahay iskuduwayaasha wasaaradaha uu ka kooban yahay golaha hagiddu.

2. Unugga kormeerka ee degmadu wuxuu ka kooban yahay madaxda heer degmo ee wasaaradaha uu ka kooban yahay golaha hagiddu ama cidda wasaaradahaas uga wakiil ah degmada.

Qodobka 10aad Xilka iyo Waajibaadka Golaha Hagidda

Golaha Hagidda ee komishanku wuxuu u xilsaaran yahay:

Page 13: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—13—

1. Ansaxinta xeer-hoosaadka iyo hab-raacyada

Agaasinka Fulinta iyo xafiisyada hoos yimaadda. 2. Dhegeysiga warbixinaha Agaasimaha Fulinta. 3. Dabagalka, ka-war-haynta iyo la-socodka hawlaha

agaasinka fulinta. 4. Talo-siinta agaasinka fulinta iyo toosinta dhaliishiisa. 5. Abaabulka iyo raadinta dhaqaalaha lagu meel-

marinayo qorshayaasha iyo barnaamijyada lagaga hortagayo laguna xakamaynayo HIV/AIDS.

6. Ka gacan-siinta agaasinka fulinta caqabadaha soo food-saara.

7. Baadhista iyo go'aan ka gaadhista khilaafyada maamul ee soo kala dhex-gala masuuliyiinta agaasinka fulinta ama agaasinka fulinta iyo dhinacyada uu xidhiidh la leeyahay.

8. Arrimaha kale ee agaasinka fulintu ka codsado in ay ka gacan-siiyaan.

Qodobka 11aad

Guddoomiyaha Komishanka. Madaxweynaha ayaa ah Gudoomiyaha Komishanka, waxaana socodsiinta hawlaha uga wakiil ah Agaasinka Fulinta.

Qodobka 12aad

Xilka iyo waajibaadka & Masuuliyadaha Agaasimaha Fulinta

1. Agaasimaha fulintu wuxuu leeyahay xilka iyo

waajibaadka hoos ku qoran: a) Socodsiinta hawl-maalmeedka komishanka. b) Diyaarinta qorshayaasha iyo barnaamijyada wax-

qabad ee HIV/AIDS, c) Diyaarinta miisaaniyadda komishanka iyo xisaab-

xidhka, marka uu u soo gudbiyo Agaasimaha Maamulka Lacagtu.

d) Ansaxinta iyo hubinta isticmaalka dhaqaalaha loogu talo-galay hawlaha la xidhiidha HIV/AIDS.

Page 14: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—14—

e) Raadinta iyo u hawl-gelidda dhaqaalaha lagu fuliyo qorshayaasha iyo barnaamijyada wax-qabad ee ku wajahan HIV/AIDS.

f) Isku-duwidda hawlaha waaxyaha Agaasinka Fulinta iyo xidhiidhada gobolada iyo degmooyinka.

g) Magacaabista xidhiidhiyaasha gobolada iyo degmooyinka marka uu la tashado xubnaha kale ee Guddida.

h) Hawl-gelinta iyo la xisaabtanka hawl-wadeenada iyo shaqaalaha agaasinka fulinta iyo xafiisyada xidhiidhiyaasha gobolada iyo degmooyinka,

i) Kaalmaysiga iyo adeegsiga la taliyaasha iyo xirfadlayaasha hadba inta loo baahdo.

j) Ka qayb-galka shirarka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ee la xidhiidha HIV/AIDS.

k) Saxeexidda heshiisyada la xidhiidha HIV/AIDS, l) Abaabulka iyo isugu yeedhidda shirarka golaha

hagidda, ka dib marka guddoomiyuhu ama wakiilkiisu marka aanay guddoomiyaha u suurto-geleyn ka qayb-galka shirku.

2. Marka uu maqan yahay Agaasimaha fulintu waxaa xilka ku sii simaya agaasimaha maamula iyo lacagta.

Qodobka 13aad

Masuuliyadda Xidhiidhiyaha Hawlaha Komishanka ee Gobolka/Degmada

1. Xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee gobolka ayaa

gobol ahaan uga masuula ah agaasinka fulinta dhamaan hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS.

2. Xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee degmada ayaa uga wakiil ah xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee gobolka dhamaan hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS.

Qodobka 14aad

Magacaabista Shuruudaha Agaasinka Fulinta iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Page 15: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—15—

1. Aagasimaha fulinnta iyo agaasimayasha kale waxaa

magaacabaya xilkana ka qaadaya madaxweynaha. 2. Qofka loo magacaabayo Agaasimaha Fulinta waa in

uu yahay qof lagu yaqaan dhaqan suuban oo leh aqoon jaamacadeed iyo waayo-aragnimo aan ka yarayn shan sanno.

Qodobka 15aad

Magacaabista iyo Xil-ka-qaadista Xidhiidhiyayaasha Gobollada iyo Degmooyinka

1. Agaasimaha fulinta ayaa magacaabaya xilkana ka

qaadi kara xidhiidhiyaaasha gobolka, marka uu la tashado xubnaha kale ee komishinka kuna waafaqaan”.

2. Magacaabista iyo xil ka qaadista xidhiidhiyaasha

hawlaha komishinka ee heer degmo waxaa soo jeedinaya xidhiidhiyasha heer gobol waxaana ogolaanaya aagasinka fulinta.

Qodobka 16aad

Habka Shaqaalaynta iyo Shaqo-ka-saarista Shaqaalaha Komishanka Fulinta

Habka shaqaalaynta iyo shaqo--ka-saarista shaqaalaha agaasinka fulinta iyo xafiisyada hoos yimaadda waxa loo raacayaa xeerka shaqaalaha dawladda.

Qodobka 17aad Shirarka Golaha Hagidda ee Komishanka

Golaha Hagidda ee komishanku wuxuu yeelanayaa shir caadi ah oo qabsoomaya sannadkii laba jeer. a) Shirarka caadiga ah:- • Ugu yaraan todoba casho ka hor maalinta shirka,

Agaasimaha Fulinta ahna xoghayaha golaha hagidda, ka dib markuu helo tilmaamaha guddoomiyaha ama wakiiladiisa wuxuu qoraal ku ogeysiinayaa dhamaan

Page 16: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—16—

xubnaha golaha hagidda saacadaha, goobta iyo ajendaha shirka.

• Shirarka Golaha Hagidda waxaa guddoominaya

guddoomiyaha komishanka haddii uu maqan yahayna waxaa guddoominaya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

b) Shirka aan caadi ahayn:-

• Golaha hagiddu waxa kale oo uu yeelan karaa shir

aan caadi ahayn mar kasta oo loo baahdo, waxaana isugu yeedhi kara guddoomiyaha golaha ama wakiilkiisa,

• Xoghaya golaha fulintu, marka uu helo amarka guddoomiyaha komishanka ama wakiilkiisa, ee ah in la qabto shir aan caadi ahayn, wuxuu ku wargelinayaa xubnaha shirka aan caadiga ahayn goobta, taariikhda iyo ajendaha shirka

c) Shirka guddigu wuxuu ku qabsoomayaa marka ay

joogaan ugu yaraan shan xubnood xubnaha golaha hagidda.

d) Golaha hagidda waxay go'aamadiisu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga.

e) Xoghayaha golaha hagiddu wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra'yi iyo talo balse kuma laha cod.

Qodobka 18aad

Shirarka Golaha Iskudiwidda iyo Unugga Kormeerka

1. Shirka golaha isku-duwidda waxa guddoominaya guddoomiyaha gobolka, haddii uu maqan yahayna, isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka, oo uga wakiil ah guddoomiyaha gobolka socodsiinta hawsha komishanka ee gobolka.

Page 17: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—17—

2. Shirka golaha isku-duwidda waxa diyaarinaya xidhiidhiyaha komishanka ee gobolka, ka dib markuu la tashado guddoomiyaha golaha isku-duwidda ee gobolka ama wakiilkiisa (markuu guddoomiyuhu maqan yahay), isagaana shirka golaha isku-duwidda xoghayn ka ah.

3. Shirka unugga kormeerka waxa guddoominaya

guddoomyaha degmada, haddii uu maqan yahayna waxaa guddoominaya madaxda waaxda caafiamadka ee degmada oo uga wakiil ah guddoomiyaha degmada socodsiinta hawlaha komishanka ee degmada.

4. Shirka unugga kormeerka waxa diyaarinaya

xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee degmada, ka dib markuu la tashado guddoomiayaha unuga kormeerka degmada ama wakiilkiisa isaga ayaana shirka unuga kormeerka xoghaye ka ah.

Qodobka 19aad

Xeer-hoosaadka iyo Hab-raacyada Komishanka 1. Komishanku wuxuu yeelanayaa xeer-hoosaad

qeexaya: • Waaxyaha agaasinka fulinta uu ka kooban yahay

iyo qaybaha ay waax waliba u sii kala baxayso, • Hawsha ay waax waliba u xilsaaran tahay, • Awoodaha iyo xilalka madaxda waaxyaha iyo

degmooyinka, • Hawlaha xafiisyada gobolada iyo degmooyinka, • Xidhiidhka shaqo ee waaxyaha, qaybaha iyo

xafiisyada heer gobol ama degmo ee komishanka, • Arrintii kale ee loo baahdo in xeer-nidaamiye laga

soo saaro, 2. Maamulka komishanku wuxuu kaloo yeelanayaa hab-

raacayo qeexaya • Habka maaliyadda iyo xisaabaadka, • Habka maamulka shaqaalaha

Page 18: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—18—

• Habka xog-ururinta, keydinta, xafidaada iyo warbixinaha,

• Arrintii kale ee loo baahdo in hab-raac gaar ah loo sameeyo,

3. Xeer-hoosaadka Xeernidaamiyayasha iyo

habraacyadda ku xusan farqadda 1aad iyo 2aad ee Qodobkan waxa diyaarinya agaasinka fulinta waxaaa ansixinaya Golaha Hagidda.

Qodobka 20aad

Ilaha Dhaqaalaha Komishanka 1. Komishanku wuxuu dhaqaalihiisa ka helayaa:'-

• Xaddiga miisaaniyadda qaranka looga qoondeeyey, • Kaalmo kasta oo ay ka helaan xukuumadda,

bulshada, ururada wadaniga ah, kuwa caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay, ama dawlado, shakhsiyaad ama ururo shisheeye,

• Dhaqaale kasta oo ka dhasha heshiis oo ku soo gala dariiq sharciga waafaqsa.

2. Nidaam-xisaabeedka komishanka wuxuu raacaya xeerka qaranka ee hab-xisaabeedka wasaaradda maaliyaddu u dhigtay iyo hab-xisaabeedka caalamiga ah.

3. Dhaqaalaha komishanka waxaa la xisaab-xidhayaa

sannad kasta dhamaadkiisa.

4. Mar kasta oo loo baahdo, waxaa maaliyadda komishanka baadhis ku samayn kara hantidhawrka qaranka ama hantidhawr madax-bannaan.

Qodobka 21aad

Warbixinaha Sannadlaha ah

1. Agaasimaha fulintu wuxuu sannad kasta dhamaadkiisa soo saarayaa warbixin faah-faahsan oo uu u gudbinayo Golaha Hagidda.

Page 19: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—19—

2. Warbixinaha sannadlaha ah ee Agaasimaha Fulinta

waxay xambaarsan tahay • Xaaladda guud ee dalka ee la xidhiidha HIV/AIDS. • Tallaabooyinka laga qaaday ka hortagga iyo

xakamaynta HIV/AIDS. • Xaaladaha daryeel iyo ilaalineed ee dadka la nool

HIV/AIDS, • Daraasadaha iyo cilmi-baadhista la sameeyay iyo

natiijooyinka ka soo baxay. • Heerka fiditaanka cudur-sidaha HIV, cudurka AIDS

ka (hoos u dhac iyo korodhka ku jira iyo sababaha kaalmeeynaya).

• Caqabadaha ka hor yimid wax-qabadka, hortagga, xakamaynta cudursidaha/cudurka iyo daryeelka, daaweynta, xaannaayaynta iyo ilaalinta xuquuqda dadka la nool cudur sidaha/cudurka.

• Talooyin la soo jeedinayo iyo macluumaad kasta oo lama huraan loo arko in la soo bandhigo.

Qodobka 22aad

Daraasadaha iyo cilmi-baadhista Agaasimaha fulinta wuxuu samaynayaa daraasado iyo cilmi-baadhisyo joogto ah oo ku saabsan cawaaqibka, khatarta, ka hortagga, xakamaynta, daaweynta, heerka fiditaanka, heerka hoos u dhaca fiditaanka HIV/AIDS, goobaha u halis-badan, noocyada bulsho halista ugu badan ugu jira iyo weliba xaaladaha dadka la nool oo ay ka mid yihiin, heerarka takoorka, cuqdadda, daryeelka iyo ilaalinta xuquuqada.

Qodobka 23aad Wada shaqaynta laamaha

Komishanka waxa uu wada shaqayn toos ah la yeelanayaa laamaha kale ee qaranka, ururada wadaniga ah, iyo beesha caalamka ee ku hawlan HIV/AIDS.

Qodobka 24aad

Page 20: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—20—

Komishinka Dhamaan hawlaha komishanka waxa ay noqonayaan kuwo iyaga u gaar ah isla markaana hawl walbana waxa la gaadhsiinayaa cidda ay khuseyso oo keliya.

Qodobka 25aad Xeer-nidaamiyaha

Golaha hagiddu wuxuu soo saarayaaa xeer-nidaamiyayaasha lagu faah-faahinayo laguna meel-marinayo xeerkan.

Qodobka 26aad Tirtirid

Xeer kasta, qodob kasta oo xeer, xeer-nidaamiye kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo aan xeerkan dhaqan-geliskiisa la socon karin, waa la tirtiray,

Qodobka 27aad Dhaqangal

Xeerkani wuxuu dhaqangalayaa Marka labada Gole?(Wakiilada iyo Guurtidu) Ansixiyaan Madawxeynuhuna Saxiixo isl Markaana lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah.

C/risaaq Siciid Ayaanle Baashe

Maxamed Faarax

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Ku

simaha Guddoomiyaha ahna _____________________________

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee G/Wakiilada JSL

_________________________________________

Page 21: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—21—

QAYBTA LABAAD:

XEER NIDAAMIYAYAASHA IYO

DIKREETOOYINKA MADAXWEYNAHA:

REPUBLIC OF SOMALILAND

THE PRESIDENT

JSL/M/XERM/249-2911/012054 DATE….14/01/15

XEER MADAXWEYNE Lr:0416/012015

Cafis Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka

Ciqaabta Guud; Markuu Tix-geliyey: Codsiga Cafiska ah ee

Xildhibaanada halkan ku lifaaqan;

Wuxuu Go’aamiyey

In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama. Allaa Mahad Leh, Axmed Maxamed Silanyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Page 22: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—22—

QAYBTA SADDEXAAD:

DIGREETOOYINKA, WAREEGTOOYINKA,

AMARADA

IYO XEER NIDAAMIYAYAASHA

WASIIRADA, IWM

Jamhuuriyada Somaliland

Republic Of Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ministery of interior

XAFIISKA WASIIRKA ____________________________________________________________

_____ WAG/XW/19/07/2015 Date: 11/1/205

Ku: dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka A’’ =rugtooda=

Og: gudoomiyayaasha goboladda degmooyinkaA’’ =rugtooda=

Og : agaasinmaha waaxda horumarinta degmooyinka WAG = xarunta=

Og: wasiirku-xigeenka maamulka gobolada iyo dagmooyinka =xarunta=

Og: madaxwaynaha JSL =xarunta=

WAREEGTO NO: 01/2015

Page 23: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—23—

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL

WASIIRKU

Markuu arkay: Qodobka 98aad ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka JSL kaas oo Awood u siinaya wasaarada arimaha gudaha kormeerka iyo baadhista hantida Shaqada iyo hubinta fulinta shuruucda xeerka iyo siyaasada guud ee qaranka

Markuu arkay: Qodobka 87aad, ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka, oo ka Hadlaya miisanyadda.

Markuu darsay: Qodobka73aad ee xeerka ismaamulka gobolada gobolada iyo degmooyinka, oo Nuxurkiisu yahay gaadiidka dadwaynaha

Markuu arkay: Qodobka 78aad ee xeerka ismaamullka gobolada iyo degmooyinka, ee ka hadleya qurxinta iyo dayactirka

Markuu ogaaday: Baahida loo qabo dibu habaynta meheradaha ganacsiga iyo kala xadayntooda Oo ku xusan qodobka81aad ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka.

Markuu arkay: Qodobka 75aad ee isla xeerkan, oo tilmaamaya fayodhawrka.

Page 24: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—24—

Markuu ku qancay: Qodobka 4aad ee xeerka wado marista gaadiidka, oo ka hadlaya mas’uuliyad Maamulka wadooyinka.

UJEEDO: DAR-DAR GELINTA BILICDA CAASIMADDA 2015

Maadaama sanadkan loo qaatay bilicada iyo nadaafada magaalooyinka waxa dhamaan dawladaha hoose la farayaa in ay: 1. Miisaaniyadda sanadeedkooda ku soo muujiyaan

qadarka loo qoondeeyay bilcda , nadaafadda magaalooyinka iyo laydhka nabad gelyada wadooyinka.

2. Ku amraan muwaadiniinta hantida maguurtada ku leh laamiyadda dhincyadiisa, inay dayactiraan masaafada u dhexaysa laamiga iyo guryahooda marmarkii 3mitirna ay dhigaan.

3. Nashqadeeyaan isla markaana meel mariyaan hanaanka biyo saarka magaalooyinka (marsho biyoodka).

4. Fidiyaan Haamaha iyo Agabka qashinka lagu rido ama lagu ururiyo ee heheradahu u baahan yihiin, isla markaana la dhigo goobaha ku haboon eel agama maarmaanka u ah,

ALLAA MAHAD LEH

CALI MAXAMED WARAN-CADE

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Page 25: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—25—

QAYBTA AFRAAD:

AMARADA & GO’AANADA MAAMUL

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/01/2015. 04/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-

Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, MYRRH OLIBANUM COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Page 26: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—26—

Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkada magaceedu yahay MYRRH OLIBANUM COMPANY, Astaanteeduna tahay:- ( Beenyo iyo Malmal), shaqadeedu tahay Dhoofinta Beeyada, Malmalka iyo Xabkaha (Importer), xarunteeduna tahay Magaaladda Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 04/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xadan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

Page 27: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—27—

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/02/2015. 04/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-

Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, AL MACO LIMITED COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Markuu arkay: - In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004

Page 28: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—28—

(Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Markuu arkay: - Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaban Yahay AL MACO LIMITED COMPANY, Astaanteeduna tahay :-(Midho Baxaya) shaqadeeduna tahay Dhoofinta wax soo saarka beeraha (Exporter Agriculture Production), xarunteeduna tahay Magaalada Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 04/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

Page 29: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—29—

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/03/2013. 04/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaraN Diiwaan Gelinta Shirkadaha.

Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo Awood u siinaya Xafiiska Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha..

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, MURUQ AND MAAN COMPANY (MMC), oo ay ku cad yihiin xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad(2) (a) Somaliland Comany law..

Markuu arkay: - Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad Xubintiisa 3aad Xeer Shirkadaha.

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Page 30: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—30—

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkaddan ku magacaaban MURUQ AND MAAN COMPANY (MMC), Astaanteeduna tahay:- (Geed Weyn) shaqadeeduna tahay Dhismaha ( Construction) xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 04/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/04/2015. 07/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saran Diiwaan Gelinta Shirkadaha.

Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta

Page 31: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—31—

Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, DALMAR TRADING COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaban yahay DALMAR TRADING COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Xidig) shaqadeeduna tahay soo dejinta cuntooyinka (Importer of food stuffs), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 07/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Page 32: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—32—

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/05/2015. 07/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha.

Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, SOMALILAND LIVESTOCK EXPORT COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Page 33: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—33—

Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaaban yahay SOMALILAND LIVESTOCK EXPORT COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (afar gees dhinaca bidix wareeg ka ah oo uu ku dhex sawiran yahay dibi madoobi, magaca shirkaduna xaga sare kaga qoran yahay) shaqadeedu tahay Dhoofinta Xoolaha (Exporter of Livestock), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 07/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

Page 34: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—34—

XIG/JSL/06/2015. 10/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-

Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, TAMAD GEMETONE COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Page 35: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—35—

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaaban yahay TAMAD GEMETONE COMPANY, Astaanteeduna tahay: - (dhagax gem ah) shaqadeeduna tahay ka ganacsiga macdanta (Export of minerals), xarunteeduna tahay Magaalada Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 10/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/07/2015. 10/01/2014

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-

Page 36: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—36—

Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, NORDAN GEM AND MINERAL COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaaban yahay NORDAN GEM AND MINERAL COMPANY, Astaanteeduna tahay :- (Export of minerals) shaqadeeduna tahay ka ganacsiga macdanta (Export of mirerals), xarunteeduna tahay Magaaladda Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 10/01/2015.

Page 37: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—37—

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/08/2015. 14/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Caddeyn Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha dalka (sole proprietorship).

Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Qodobka 502aad ee Xeerka Madaniga.

Page 38: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—38—

Markuu arkay:- Ogolaanshaha Wasaaradad Ganacsiga JSL ee WGM-AG-PCA-01/015.

Markuu arkay:- Xeerka Shirkada ku magacaaban BAABU SALAAM GENERAL TRADING COMPANY .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkan ku magacaaban BAABU SALAAM GENERAL TRADING COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Magaca Shirkada oo la soo qaabiyey BSCO) shaqadeeduna tahay Soo dejinta Allaabooyinka iyo buugta (Importer), xarunteeduna tahay Magaaladda Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 14/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/09/2015. 17/01/2015

Hargeysa.

Page 39: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—39—

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Caddeyn Diiwaan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-

Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Qodobka 502aad ee Xeerka Madaniga.

Markuu arkay:- Xeerka Shirkad ku magacaaban RESEARCH AND CONSULTANCY CENTER (RCC).

Markuu arkay:- Saxeexa saamileeyda Shirkaddu ay saxeexeen.

Wuxuu Caddeynayaa.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan tahay Shirkan magacaaban RESEARCH AND CONSULTANCY CENTER (RCC), Astaanteeduna tahay: - (Goobo uu ku dhex jiro magaca shirkada oo la soo gaabiyey RCC) shaqadeeduna tahay Cilmi Baadhista iyo la talinta (Research and Consultancy), xarunteeduna tahay Magaalada Burco, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 17/01/2015.

Page 40: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—40—

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/10/2015. 18/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-

Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, TAAKULO TAKAFUL COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad

Page 41: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—41—

Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda magaceedu yahay TAAKULO TAKAFUL COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Magaca shirkadda oo la soo gabiyey) shaqadeeduna tahay soo takaaful (Fund management), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 18/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Page 42: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—42—

XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

XIG/JSL/11/2015. 18/01/2015

Hargeysa.

KU: Cidda Ay Khuseyso.

Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed

Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-

Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.

Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, DOMAIN GROUP COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.

Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.

Page 43: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—43—

Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .

Wuxuu Diiwaan Geliyey.

Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda magaceedu yahay DOMAIN GROUP COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Xarfaha DG) shaqadeeduna tahay soo dejinta Allaabooyinka (Importer of Food stuufs), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 10/01/2015.

Allaa Mahad Leh.

(Xasan Axmed Aadan)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

MAXKAMADDA RAFCAANKA GOBOLKA MAROODI JEEX

MRGMJ/D-MRL/05/2015 Taar..21/01/2015

Ku: - Taliyaha saldhiga Dhexe ee Hargaysa

Ku: - Taliyaha Sladhiga Ibraaahim-Kood-Buur

Ku: - Radio Hargeysa

Page 44: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—44—

Ku: - Wargeesyada Madax-Banaan iyo kuwa Dawliga ahba

Og: - Meeyarka Caasimadda Hargaysa

Og: - Guddoomiyaha degmadda 26 juun

Og: - Guddoomiyaha Degmadda Ibraahim Kood-Buur

Og: - Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa

Og: - Rafcaanleyaal: - Deeqa Aadan Dhamac iyo

Amiira Aadan Dhamac

Og:- Rafcaansaneyaal:- Waris Maxamed Qaasaali

Ayaan Aadan Dhamac

Axmed Aadan Dhamac

UJEEDO: Amar Xayiraad Guri Iyo Dhul Laba Baloodh Ah.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodijeex.

Markay Aragtay: Galdacwadeedka Sumadiisa iyo Dhinacyadiisuba kor ku xusan yihiin.

Markay Aragtay: Warqada ku Taariikhaysan 08/01/2015. Ujeedadeeduna tahay codsi xayiraad iyo Dhul Baloodh ah soona Gudibiyay Qareenka Rafcaanleyaashu.

Markay Ogaatay: In Hanti la isku hayo Dacwadiisuna ku j irto Maxkamadda Racfaanka cid Gaarina Aanay ku taagi fali Karin ilaa inta lagu kale Baxayo.

Page 45: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—45—

Markay Aragtay: Qodobada Sharci ee kale ah 293.294.295XHM. Sidaa Daraadeed Waxay Maxkamaddu soo saartay Amarkan Xayiraadda ah ee soo socda.

1. Waxa la farayaa Taliyaha Saldhiiga Dhexe iyo Taliyaha saldhiiga Ibraahim Kood-Buur in Maxkamaddu Xayiraad saartay Guriga iyo Dhulka Labadan Baloodh Ah. Jihooyinkeeduna Kala Yihiin Sidan:

Jihooyinka Guriga

Bari…………………. Waddo

Galbeed………….. Dhisme

Waqooyi……….. Waddo

Gurigaas oo ku yaala Degmada Ibraahin Koodbuur Ee ay Leeyhiin iyo Labada Baloodh Ku yaala Aadan Dhamac.

Sidaas Daraadeed, lama dhisi karo, Lama libin karo, lama Rahmi Karo Lama Hibayn karo, sifo kalena looma isticmaali karo ilaa amar Dambe ka soo Baxayo Maxkamadda , Ciddi jabisana Xayiraadan Aad hor keentaan.

ALLAA MAHAD LEH

(Sh, Ismaaciil Muxumed Ibraahim)

Garsooraha Maxkamadda Racfanka Gobolka Maroodi Jeex

=HARGAYSA=

Page 46: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—46—

Cabdi qani maxamed C/laahi

Kaliyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka

=HARGAYSA=

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

GUDDIGA CADAALADDA

MS/GG/G-1/21/2014 29/10/2014

KU: DHAMAAN MAXKAMADAHA RAFCAANADA GOBOLADA JSL FADHIGOODA

KU:DHAMAAN MAXKAMADAHA GOBOLKA JSL FADHIGOODA

KU: DHAMAAN MAXKAMADA DEGMOOYINKA FADHIGOODA

KU: DHAMAAN KU XIGEENKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE FADHIGOODA

OG: XEER ILAALIYAHA GUUD QARANKA JSL HARGEYSA

UJEEDDO: Wareegto ku saabsan Qiimaha lacagta lagu Qaadanayo Magta iyo Meherka Dumarka.

GUUDOOMIYAHA GUDIGA CADAALADU.

MARKU ARKAY: Goaanka Guddiga cadaaladda ee fadhiiga 7aad ee ku taarikhaysan 12/06/2014, kuna saabsan qiimaha lagu qaadanayo Qudh gooyada Badheedhka ah (Dilka), meherka Dumarka iyo wixii ka soo hadhay magta.

Markuu Arkay: In qiimaha xoolaha nooli aad sare ugu kacay intii ka dambaysay

Page 47: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—47—

dekreetadii hore ee sumadeeda tahay Ms/ GSM/G-7/321/2005, ee 13/2/2005,

Markuu Arkay: Shareecada Islamka mad habka imam shaafici – kitaabka Minhaajka baabka diyada.

Markuu Arkay: Dastuurka JSL, Qodobka 97, 98 Distuurka,

Marku Arkay: Xeerka Madaniga qodobada 160,161 ee ka hadlaya magdhawaga madaniga.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in digreeto lagu soo saaro qiimaha geela magaha, qoomaha,.

Asbaabtaasi Dartood Guddoomiyuhu wuxu soo saaray Wareegtadan Hoos Ku qoran:

Waxaa lagu kala qaadanayaa magta Qoomaha Ama Nabarada 1500,000 shilin Somaliland ah hashiiba.

Dhaqan galka wareegtadan waxa uu sameynayaa wixii aan la kala qaadan dhamaan ama aan qayb ka mida ah ala kala qaadan ama fulitiisa aan Maxkamaduhu guda gelin, ama aanay dhinacyaddu la iman heshiis ay ku kala qaadanaya qimaha Geela.

Allaa Mahad Leh.

Yuusuf Ismaaciil Cali.

GUDDOMIYAHA GUDDIGA CADAALADDA JSL.

Page 48: JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH

—48—