ku soo dhawoow deenish ma taqaanid somalisk · 2020. 5. 19. · cv. waxaad kaloo ka qeybgali kartaa...

2
Halkan waxaad ka heli karta caawimaad ku saabsan sidii aad shaqo u raadsan laheyd, sidaad u qoran laheyd codsi iyo weliba cv. Waxaad kaloo ka qeybgali kartaa dhaqdhaqaaq (aktivitet) kuu dhoweynaya shaqooyinka iyo waxbarashada- sida waxbarashada luqadda. Jobcenterka kobenhagen wuxuu ka tirsanyahay kommuunaha kobenhagen. Waxaad jobcenterka kula kulmi kartaa qof qaabilsan shaqooy- inka. Labadiinnu waxaad dhigeysaan qorshe kaa caawiya sidii aad shaqo ku heli laheyd. Waxaad ogaaneysaan waxyaabaha aad suubbin karto iyo wixii aad xaq u leedahay hadaad tahay qof degan Denmark. La-taliyuhu wuxuu tusaale ahaan kaa caawin karaa inaad raadsa- to shaqooyin gaar ah oo bannaan. Jobcenterku wuxuu kaloo kuu soo bandhigayaa arrimo kuu sahlaya sidii aad wadada shaqada u qaadi laheyd, mid ka mid ah bandhigaadaas ayaa laga yaabaa iney ku anfacdo. Ku soo dhawoow jobcenterka kobanhegan Jidkii shaqada ayaad heysaa Somalisk Soomaali Bogag: Jobcenter København: www.kk.dk/ledig (Af deenish) International House: www.ihcph.dk (Af ingiriis) Work in Denmark: www.workindenmark.dk (Af ingiriis) First Job Copenhagen: www.firstjobcopenhagen.dk (Af ingiriis) Deenish ma taqaanid miyaa? Sida caadiga ah, hadii aad rabto inaad Danmark ka shaqeysato waa inaad luqada deenishka ku hadashaa. Dadka ajnabiga ah ee ayagoo waaweyn dalka soo galay waxey sida ugu badan si lacag la’aan ah ku dhigan karaan luqada deenishka. Qofka shaqada kuu qaabilsan kala hadal sharciyada adiga ku quseeya iyo waxbarashada luqadeed ee laguu ogolyahay. Ma u baahantahay turjumaan ? Haddii aad kulan muhiim ah la leedahay kommuunka, waxaad dalban kartaa turjumaan. Aad bey muhiim u tahay inaad ogta- hay fursadaha iyo xuquuqda aad leedahay markaad shaqo la’aan tahay, iyo in ey labada dhinac si dhameystiran isku fahmaan. Sidaa darteed waqti fiican soo sheeg si jobcenterka turjumaan ugu yeeraan. Jobcenterku waxey isticmaalaan turjumaano khibrad leh. Waa dad dhexdhexaad ah oon qofna kla jirin, waxeyna dhowrayaan sirtaada (tavshedspligt)- waxey turjumayaan wax walba oo lagu hadlo. Qof ka mid ah qoyskaaga ama saaxiibadaa lama ogola iney kuu turjumaan markaad leedahay wadahadallada sidaan oo kale ah. Warqadaan waxaad ku heli kartaa luqadahaan: Carabi, urdu, turki, soomaali iyo ingiriis. Ma ogtahay in: Shirkadaha madaxa banaan ee mushaarka kabista ah bixiya (privat løntilskud) ey yihiin mid ka mid ah fursada- ha ugu fiican ee shaqo lagu helo? Kalabar dadka bilaaba ayaa shaqadaas hela 3 bilood kadib markey dhameeyaan baraaktiiga. Shirkadaha dowladda ee mushaarka kabista ah bixiya waxaa shaqo ka hela in ka badan 3dii qofba mid.

Upload: others

Post on 15-Sep-2020

0 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Ku soo dhawoow Deenish ma taqaanid Somalisk · 2020. 5. 19. · cv. Waxaad kaloo ka qeybgali kartaa dhaqdhaqaaq (aktivitet) kuu dhoweynaya shaqooyinka iyo waxbarashada- sida waxbarashada

Halkan waxaad ka heli karta caawimaad ku saabsan sidii aad shaqo u raadsan laheyd, sidaad u qoran laheyd codsi iyo weliba cv. Waxaad kaloo ka qeybgali kartaa dhaqdhaqaaq (aktivitet) kuu dhoweynaya shaqooyinka iyo waxbarashada- sida waxbarashada luqadda.

Jobcenterka kobenhagen wuxuu ka tirsanyahay kommuunaha kobenhagen.

Waxaad jobcenterka kula kulmi kartaa qof qaabilsan shaqooy-inka. Labadiinnu waxaad dhigeysaan qorshe kaa caawiya sidii aad shaqo ku heli laheyd. Waxaad ogaaneysaan waxyaabaha aad suubbin karto iyo wixii aad xaq u leedahay hadaad tahay qof degan Denmark.

La-taliyuhu wuxuu tusaale ahaan kaa caawin karaa inaad raadsa-to shaqooyin gaar ah oo bannaan. Jobcenterku wuxuu kaloo kuu soo bandhigayaa arrimo kuu sahlaya sidii aad wadada shaqada u qaadi laheyd, mid ka mid ah bandhigaadaas ayaa laga yaabaa iney ku anfacdo.

Ku soo dhawoow jobcenterka kobanhegan

Jidkii shaqada ayaad heysaa

SomaliskSoomaali

Bogag:Jobcenter København: www.kk.dk/ledig (Af deenish)

International House: www.ihcph.dk (Af ingiriis)

Work in Denmark: www.workindenmark.dk (Af ingiriis)

First Job Copenhagen: www.firstjobcopenhagen.dk (Af ingiriis)

Deenish ma taqaanid miyaa?Sida caadiga ah, hadii aad rabto inaad Danmark ka shaqeysato waa inaad luqada deenishka ku hadashaa. Dadka ajnabiga ah ee ayagoo waaweyn dalka soo galay waxey sida ugu badan si lacag la’aan ah ku dhigan karaan luqada deenishka.

Qofka shaqada kuu qaabilsan kala hadal sharciyada adiga ku quseeya iyo waxbarashada luqadeed ee laguu ogolyahay.

Ma u baahantahay turjumaan ?Haddii aad kulan muhiim ah la leedahay kommuunka, waxaad dalban kartaa turjumaan. Aad bey muhiim u tahay inaad ogta-hay fursadaha iyo xuquuqda aad leedahay markaad shaqo la’aan tahay, iyo in ey labada dhinac si dhameystiran isku fahmaan. Sidaa darteed waqti fiican soo sheeg si jobcenterka turjumaan ugu yeeraan.

Jobcenterku waxey isticmaalaan turjumaano khibrad leh. Waa dad dhexdhexaad ah oon qofna kla jirin, waxeyna dhowrayaan sirtaada (tavshedspligt)- waxey turjumayaan wax walba oo lagu hadlo. Qof ka mid ah qoyskaaga ama saaxiibadaa lama ogola iney kuu turjumaan markaad leedahay wadahadallada sidaan oo kale ah.

Warqadaan waxaad ku heli kartaa luqadahaan: Carabi, urdu, turki, soomaali iyo ingiriis.

Ma ogtahay in: Shirkadaha madaxa banaan ee mushaarka kabista ah bixiya (privat løntilskud) ey yihiin mid ka mid ah fursada-ha ugu fiican ee shaqo lagu helo? Kalabar dadka bilaaba ayaa shaqadaas hela 3 bilood kadib markey dhameeyaan baraaktiiga. Shirkadaha dowladda ee mushaarka kabista ah bixiya waxaa shaqo ka hela in ka badan 3dii qofba mid.

Page 2: Ku soo dhawoow Deenish ma taqaanid Somalisk · 2020. 5. 19. · cv. Waxaad kaloo ka qeybgali kartaa dhaqdhaqaaq (aktivitet) kuu dhoweynaya shaqooyinka iyo waxbarashada- sida waxbarashada

Shaki kuma jiro in sababta aan si dhaqso ah shaqada u helay ey tahay

in aan markii hore kabis ku shaqeynayay. Wey fududahay in shaqo la helo mar haddii aad

shaqo kale heysatid- ama ha ahaato mid kabis ah ama mid

caadi ahba.

Xilligii aan ku jiray baraaktiiga waxaan sii xoojiyay

isdhaxgalka bulshada. Xaga dadka aan wada shaqaynaynay,

xaga macaamiisha iyo weliba xaga dadka aan shurakada

ahayn. Waa in uu qofku aaminaa in uu wax qaban karo. Baaritaan ku samee waxa muhiimka u ah shirkada kadibna weydii wixii

aad ka caawin kartid!

Waxaad heli kartaa qof ku caawiya Ma u baahantahay kaalmo dheeraad ah si aad si wanaagsan ugu bilowdo shaqadaada cusub?

Shaqada kabista ah, tan baraaktiiga ah iyo tan koorsada sii wanaajinta xirfadaha ahba (jobrotation) waxaad sii raacin kartaa kaalmo dheeraad ah ood ka heleyso mentor. Mentorku wuxuu kuu qaban karaa inuu kula taliyo, kuu soo bandhigo oo welibana ku baro sidii aad shaqada u qaban leheyd. Waxey ku xirantahay wixii adigu aad shakhsi ahaan u baahantahay in lagaa kaalmeeyo iyo xirfadahaaga gaarka kuu ah.

Kala hadal qofka shaqada qaabilsan in aad heli karto qof mentor ah.

John wuxuu jiraa 41 sano wuxuuna kasoo jedaa USAShaqo rasmi ah ayuu ka heystaa shirkad-kumbuyuutara-da kadib markii uu shirkadaas oo kale baraaktiig uga soo shaqeyn jiray.

Shirkadaha lootago baraaktiiga Markaad baraaktiig tahay waxaad baraneysaa shirkad- waxaana laga yaabaa inaad xirfad cusub barato oo kuu sii wanaajisa sidii aad shaqo ku heli laheyd. Waxaad dalban kartaa inaad shirkad baraaktiig ugu tagto muddo 4 ilaa 13 usbuuc ah.

Ikhlaq waa 44 jir waxuuna kasoo jeedaa PakistanShaqadiisu waa darawalka baska Arriva, wuxuuna soo maray koorsada sii wanaajinta xirfadaha.

Koorsada sii wanaajinta xirfadaha Waxaad kumeel-gaar u noqon kartaa qof shaqaalaha ka mid ah oo u socda waxbarshada sii wanaajinta xirfadaha. Sidaas ayaad waxaad ku heli kartaa khibrad oodna xoojin kartaa isdhex –galka bulshada waxaadna weliba baran kartaa maado ama khibrad cusub.

Waxaad kumeel-gaar ahaan kartaa illaa 1 sano, saacadaha la shaqeeyona waa iney ugu yaraan noqdaan 10 saacadood usbuucii. Mushaarkaagu wuxuu la mid noqon doonaa mus-haarka ey shirkaddu siiso shaqaalaheeda.

Adriana waxey jirtaa 32 sano waxeyna ka soo jeeddaa BulgariaWaxey bilowday shaqada kabista ah ee Københavns Kommune, kadibna waxey shaqo ka bilowday isla meeshi uun.

Shaqo lagu kabayo Shaqada kabistu waxey kuu noqon kartaa waddo aad u martid shaqadii saxda aheyd. Waxaad heleysaa khibrad shaqo, wa-xaad kaloo heleysaa dada aad ku xiranto waxaana intaa dheer inaad adkeyso oo iska dhisto xirfadaha aad ku fiicantahay.

Sida caadada ah waxaad shaqada kabista ka shaqeyn kartaa muddo 3-6 bilood ah. Mushaarku wuxuu ku xiranyahay in aad ka shaqeyso shirkad madax banaan ama shirkad dowladeed. Hadii shirkad dowladeed aad u shaqeysid mushaarku wuxuu u dhigmaa lacagta ceyrta (ama dagpenge). Hadii aad shirkad madax banaan shaqo ka hesho adiga ayaa lagaa rabaa inaad mushaarkaaga kala heshiiso. Kommunaha ayaa markaas lacag kabis ah siinaya shirkada shaqada ku siisay.

Shirkadaha lootago baraaktiiga Koorsada sii wanaajinta xirfadahaShaqo lagu kabayo

Koorsadaas waxey ii saamaxday tacliinta xirfadeed, de-

enishkeygi oo wanaagsanaaday iyo weliba inaan ugu danbeyntii shaqo rasmi ah helay. Waxaan shaqeeyaa saacado fiican, waxaan helaa mus-

haar wanaagsan, waxaan kaloo helaa fasax xiliyada weekendhiga. Aad

baan u faraxsanahay.