kulanka waaldika iyo kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/workbook_so1.pdflala...

16
Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guud iyo Barashada Luuqada Ingiriiska Guddiga La talinta Degmada (ELA-DAC) Xoojinta Xariirka Iskaashi ee Qoyska iyo Bulshadu Laleeyihi Denver Public Schools Mawduca Shirka #3: Xoojinta Codka Qoyska iyo Bulshadu ay kuleeyihiin Hawsha Go’aan gaarista ee Iskuulka Degmada

Upload: hakhanh

Post on 03-May-2018

258 views

Category:

Documents


7 download

TRANSCRIPT

Page 1: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha

guud iyo

Barashada Luuqada Ingiriiska Guddiga La talinta Degmada (ELA-DAC)

Xoojinta Xariirka Iskaashi ee Qoyska iyo Bulshadu Laleeyihi Denver Public Schools

Mawduca Shirka #3: Xoojinta Codka Qoyska iyo Bulshadu ay

kuleeyihiin Hawsha Go’aan gaarista ee Iskuulka Degmada

Page 2: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Kulanka Waalidka Kormeeraha guud & ELA DAC DOORKA WAKIILKA WAALIDKA & MASUULIYADAHA

UJEEDADA KULANKA KORMEERAHA WAALIDKA

Sannad walba, Kormeeraha guud ee Tom Boasberg wuxuu marti geliyaa Kulamada Waalidka Kormeeraha guud ee wada shaqeynta Xafiiska Qoyska iyo Howlgelinta Bulshada (FACE). Kulanka waalidka wuxuu ahaa wado wanaagsan ee Kormeeraha uu kula xiriiro iyo ku xirmo dugsiyada iyo waaladiinta degmada oo dhan. Ujeedada Kulanka Kormeeraha Waalidka waa in:

La siiyo fursad wadahadal furan ee waalidka bulshada;

Lala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan:

La siiyo macluumaadka ka caawin doona waalidku inay si fiican u fahmaan sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo labada guul cunugooda dugsiga iyo guriga labadaba; iyo

La siiyo waaladiinta qalabyada lagu qeybinayo warbixinta laga bartay Shirarka Kulanka iyo lala wadaago hogaanka dugsiga iyo waaladiinta/bulshada dugsiga oo dhan oo ay ku jiraan, laakin kama xadidna in, CSCs, ELA PACs, iyo kooxyada kale ee hogaanka waaladiinta.

Dugsi walba waxaa la weydiinayaa in uu u xilsaaro ugu yaraan afar wakiilada ee waalidka/masuulka ee si iswaafaqsan uga soo qeybqaadatid Kulamada Waalidka ilaa sannadka oo dhan ah.Wakiilada Kulanka Waalidka waa in ay balanqaadaan in ay ka qeybgalaan ugu yaraan 5 Kulamo illaa sannadka dugsiga oo dhan.

Fadlan ogow: Wakiilada waaladiinta ee ka soo qeybgala dhammaan kulamada waalidka waxaa aqoonsanayaa Kormeeraha guud Boasberg dhammaadka sannadka dugsiga. Haddii aysan ku dooran hogaanka dugsiga si aad ugu adeegtid sida wakiilka kulanka waalid iyo aad daneyneyso u adeegida sida midka mid ah wakiilka kulanka waalidka dugsigaaga, la xiriir hogaamiyaha dugsigaaga iyo ha ogaadeen in aad jecleyd in aad ugu adeegto sida wakiil. Tani waxay hogaanka dugsiga siisaa fursada lagu helayo in lagu barto iyo la taageero dadaaladada ee lagu bandhigayo warbixinta kulanka ee dib ugu laabaneyso dugsigaaga iyo bulshada waalidka.

DOORKA WAKIILKA WAALIDKA & MASUULIYADA

Waajibaadka sida wakiilka kulanka waalidka waa in:

• La balan qaadaa in laga qeybgalo ugu yaraan Kulamada Waalidka Kormeehaha guud. Waxaa jira 7 kulamo ee waalid guud ahaan sannadkaan.

Fadlan ogow: Wakiilada waaladiinta ee ka soo qeybgala dhammaan kulamada waalidka waxaa aqoonsanayaa Kormeeraha guud Tom Boasberg ee Maajo 17, 2015 Kulanka Waalidka.

• Isku diiwaangeli hal isbuuc gudahiisa ee Kulanka Waalidka Kormeeraha guud si markaas ay noogu caawiso qorsheynta ugu haboon fadhiga iyo cuntada.

• Uga qeybgal si joogtada wada sheekeysiga iyo sheeg tallo inta lagu jiro Kulamada Waalidka.

• Ka gal waraaqaha kulanka waalidka websaydka face.dpsk12.orgwixii warbixin ah ee aad jeclaan laheyd in aad la wadaagtid dugsigaaga.

• La wadaag warbixinta aad ka heshay Kulanka Waalidka ee uu la jiro Masuulka dugsiga, kooxyadeena waalidka bulshada iyo hogaanka waalidka sida: Guddiga Iskaashiga Dugsiga (CSC), Barashada Luuqada Ingiriiska Gollaha La talinta Waalidka (ELA PAC) iyo kooxyada kale ee hogaanka waalidka sida PTO iyo PTAs.

• U adeegida sida barta xiriirka dugsigaaga ee wadaagida xiriirka ku saabsan howlaha degmada oo dhan iyo dhacdooyinka. Barashada Luuqada Ingiriiska Kulanka Guddiga La talinta Degmada (ELA DAC) Intaa waxaa dheer, sannadkaan waxaan usu geyneynaa Kulamada Waalidka Kormeeraha guud iyo Barashada Luuqada Ingiriiska ee kulamadA Guddiga La talinta Degmada (ELA DAC). Haddii aad qabtid ardayda ELA, waxaan jeclaan laheyn in codkaaga miiska uu matalo dugsigaaga ee kulamada ELA DAC.

Kulanka ELA DAC waxaa la qabanayaa subixii kadib fadhiga Kulanka Waalidka Kormeeraha guud ka bilow 11:30 a.m. – 12:30 p.m. Qadada, daryeelka carruurta, iyo gaadiidba waa la bixinayaa. Waxaan ku dhiirogelineynaa dhammaan waaladiinta ardayda ELA in ay joogaan kulanka oo qeyb ka ah ELA DAC ee kulan hal saac ah si ay ugu bartaan waxbadan ee ku saabsan xaquuqdooda iyo masuuliyadahooda iyo waalidka ardayda ELA iyo si qoto dheer ugu dabaasha tusmada shirka. Waxaa jiraya kulanka kaligaa joogso ee ELA DAC Janaayo iyo Maarso.

Page 3: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

AJANDAHA

KULANKA WAALIDKA IYO KORMEERAHA GUUD

Natiijooyinka Waxbarashada:. • Waalidiinta waxaa loo iftiiminayaa Qorshaha Wadashaqaynta ee Degmada iyo sida

ay degmadu ugu adeegto ardaydooda iyo qoysaskooda • Qoysaska waxay fahmi doonaan shaqada hadda laga sameeyo DPS si looxoojiyo

codka qoysaska iyo bulshadu kuleeyihiin go’aan gaarista iskuulka degmada • Qoysasku waxay helayaan istaatiijiyadaha, adeegyada, iyo qalabka si ay go’aan

waxgal ah usameeyaan

WAQTIGA: 09:30 – 11:30

1. Soo dhaweyn iyo Isbarashado

2. Tusmaynta iskuxirnaan ee qorshaha Wadashaqaynta Waalidka DPS - Kormeerka Busmada Miisaaniyada Muwaadinka DPS

3. Xoojinta codka qoyska iyo bulshada ee awooda go’aan samaynta

- awooda codka

4. Maamulka Iskuulka iyo Gudiyada Waalidiinta 5. Iskaashatada Udooda Bulshada - Wada xaajoodka Gudiga 6. Muujinada iyo Go’aanada Sanadka Cusub

7. Ku dhawaaqida, Jawaab celinta, iyo Xiritaanka

8. Post Kulamka Kooxda ee Shirka Kadib (11:45 am – 12:30 pm)

Kulanka Waalidka Kormeeraha guud waxaa damaanad qaaday:

Carruurta Caafimaadka qabta waa Bartayaal Wanaagsan! Soo wac: 720-423-3661 Email: [email protected] | Majiro wax qarash ah ama caymis

hoose oo caafimaad

Page 4: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Kulanka Waalidka iyo Kormeeraha guud-ELA DAC Deseembar 13, 2017

Qoraal Qabtaha

Howsha #1: Iskuulka Kudhexyaala - Qoondaynta Qarashaadka Wajigga 1: Dugsiga “A” waxaa dhigta 540 arday. Sababo laxariira isbadalo dhanka dhaqaalaha iyo sarakac kuyimid qiimaha guryaha, qoysasku waxay si tartiiba ugu guureen banaanka magaalada. Taas awgeed, ardayda iskuulka dhiganaysa waxaa lafilayaa inay hoos ugudhacdo 480 arday sanad dugsiyeedka soosocda. Hoos udhaca tirada ardayda ayaa keenaysa in qarashaadka iskuulku hoos udhacaan. Marka duggsiga A ay dhiganayaan kaliya 480 arday, awood umalaha inuu daboolo dhamaan baahiyaha. Iskuulku wuxuu lahaa Shaqaale Arimaha Bulshada ah oo joogto ah iyo Dhakhtarka Caawinta Caruurta oo joogto ah, kuwaasoo saamayn aad uwanaagsan kulahaa anshaxa iyo dareenka bulsho ee ardayda. Hase yeeshee, sababo laxariira qarash la’aan dhacaysa sanadka soosocda, jagooyinkaan waxay halis ugu jiraan in ay banaanaadaan. Maadaama aad tihiin Gudiga Islaxisaabtan Dugsiga, waa inaad go’aan kagaartaan sida aad umaaraynaysaan qarashaadka aad haysataan. Waxaad haysataa qarash kufilan 1 Shaqaale joogto ah kaliya! Booskee ayaad jeclaan lahayd ee labuuxsho? Majiraan dookhyo kale oo furan? Fadlan samee go’aankaaga adoo adeegsanaaya jagooyinka hoose ee banaan: FIIRO GAAR AH: 0.5 = waxay kadhigantahay shaqaale haaf maalintii shaqaynaaya; 1.0 = waxay kadhigantahay shaqaale joogto ah 0.5 Iskuduwaha Dadaalada Kaabista ardayda 1.0 Iskuduwaha Dadaalada Kaabista ardayda 1.0 Shaqaalaha Arimaha Bulshada 0.5 Shaqaalaha Arimaha Bulshada 1.0 Madaxa Dhaqanka

Page 5: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Wajigga 2: Dugsiga “B” wuu buuxaa. Dugsigu wuxuu awood uleeyahay inuu daboolo dhamaan baahiyaha, asagoo sidoo kale haysta qarashaad dheeri ah oo uu adeegyo kale kufuliyo. Warbixintii ugu danbaysay ee Shaxda Shaqo wanaaga Iskuulku waxay muujinaysaa in naatiijooyinka ardaydu kakeeneen xisaabaadka ay hoos udhaceen. Natiijooyinka xisaabaadku waxay hoos udhacayeen lagasoo bilaabo sanadihii hore. Qorshahooda Midaysan ee Hormarinta ayaa xooga saaraaya xeelado caawimaad dhanka xisaabta ah oo sanadka soosocda lahirgalinaayo. Waxaa intaas siidheer, waalidiinta qaar ayaa codsanaayay in barnaamijyada dugsiga lagusoo daro Farshaxanada iyo Muusiga. Maadaama hada uu dugsigu haysto qarashaad dheeri ah, gudiga waalidiinta ayaa aad ugu doodaaya abuurista barnaamijyadaan. Hase yeshee, shaqaalaha iskuulku waxay udoodayaan in laxoojiyo tignolojiyada (tusaale, kumbuyuutaro) taasoo fasalba fasal kasii aadaysa si loo taageero guulaha ardayda. Maadaama aad tihiin Gudiga Islaxisaabtan Dugsiga, waa inaad go’aan kagaartaan sida aad umaaraynaysaan qarashaadka aad haysataan? Waxaad haysataa qarash kufilan 1 Shaqaale joogto ah kaliya ama wax lamid ah! Booskee ayaad jeclaan lahayd ee labuuxsho? Majiraan dookhyo kale oo furan? Fadlan samee go’aankaaga adoo adeegsanaaya jagooyinka hoose ee banaan: FIIRO GAAR AH: 0.5 = waxay kadhigantahay shaqaale haaf maalintii shaqaynaaya; 1.0 = waxay kadhigantahay shaqaale joogto ah

1.0 Macalinka Farshaxanka 0.5 Macalinka Farshaxanka 1.0 Macalinka Muusiga 0.5 Macalinka Muusiga 1.0 Caawiyaha dhanka Xisaabta 0.5 Caawiyaha dhanka Xisaabta 0.5 Macalinka Tignolojiyada 300 oo kumbuyuutarada caruurta ah (kuwaasoo udhigma qarashka hal shaqaale joogto ah) 150 oo kumbuyuutarada caruurta ah (kuwaasoo udhigma qarashka hal shaqaale nus shaqaynaaya maalintii)

Page 6: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Howsha #2: Maamulka Iskuulka iyo Gudiyada Waalidiinta

Fadlan iswaafaji qeexitaanka doorarka iyo masuuliyadaha adoo ubandhigaaya gudiga maamulka iskuulka iyo/ama gudigga waalidka adoo layn dhexdooda marinaaya:

Guddiga Heer Degmo ee Qoysaska ELA

Iskuulo badan ayaa leh kooxo waalidiin ah kuwaasoo qabta munaasabado, lacag u aruursha iskuulka, bixiyana barnaamijyo taageero iyo hawlo wadashaqayneed intaba

Gudigga iskuulka oo warbixin kasiya waalidiinta barnaamijyada ELA

Dib u eeg oo talo kabixi codsiyada Iskuulka Charter ka ah

Waxay utaagantahay sharciga federalka ah ee waxbarashada kaasoo lacago siinaaya iskuulada ay dhigtaan tiro badan oo caruurta faqiirka ah

Waalidiintu waxay door kuleeyihiin go’aaminta sida hal boqonkiiba (1%) oo kamid ah qarashaadka loomaareeyo

Kormeeraha guud iyo xubnaha Guddiga waxay codsanayaan xubinimada waxayna soojeedinayaan xubnaha shaqada qabanaaya

Title I

Guddiga La talinta Gobolka Barashada Luuqada Ingiriiska

(ELA DAC)

Guddiga la Talinta Degmada (DAC)

Guddiga Waalidiinta ee Kala talinta DegmadaBarashada dhanka

Luuqada Ingiriiska (ELA DAC)

Title I

Guddiga la Talinta Degmada (DAC)

Uururka Macalimiinta iyo Waalidiinta (PTA) Ururka Waalidka

iyo Macalimiinta (PTO) Kooxaha kale ee Hogaaminta Iskuulka/Waalidka

Waxay jawaab celin kabixiyaan go’aanada muhiimka ah ee iskuulka kuwaasoo ay kujiraan: katalo bixinta qorshaynta miisaaniyada, katashiga isbadalada lagu yaraynaayo shaqaalaha, inay gacan kagaystaan dajinta yoolalka Qorshaha Hormarinta Midaysan (UIP) ayna taageeraan dib u eegista sanadkiiba labo jeer lasameeyo.

Guddiga Laxisaabtanka Iskuulka (SAC)

Gudigga Wadashaqaynta Iskuulka (CSC)

Page 7: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Diyaarinta loogu Guddiga Sual iyo Jawaab

Fadlan u isticmaal dhoorka daqiiqo ee ugu horeyso inaad qorto 1 ama 2 suaalood oo aad jeclaanlahayd inaad gudigga waydiiso.

Page 8: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Muujinada iyo Go’aanada Sanadka Cusub

1. Kawaalid ahaan, maxaad aad ugu faraxsantahay marka laga hadlo kaqaybqaadashaada waxbarashada cunugaaga? 2. Waa maxay aqoonta ama xirfadaha aad jeclaan lahayd inaad hesho si aad si kasii wanaagsan utaageerto guusha waxbarashada cunugaaga? 3. Waa maxay yoolalka cusub ee aad hiigsan lahayd kuwaasoo kaacaawinaaya inaad siiwado taageerada hormarka waxbarasho ee cunugaaga?

Page 9: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Guddiyada Isla xisaabtanka ee Degmada (DAC)

Denver Pub l i c Schoo ls | 1860 L inco ln St . , Denver, CO 80203 | 720-423-3200 | in [email protected] | dpsk12.org

Yoolka Guddiyada Isla xisaabtanka ee Degmada (DAC) waa in uu gacan kagaysto hormarinta Denver Public Schools ayagoo talo siinaaya Gudigga Waxbarashada kana siinaaya dhanka helitaanka iyo maaraynta qarashaadka ee barnaamijyada waxbarashada iskuulka iyo siyaasadihiisa.

Kormeeraha guud iyo xubnaha Guddiga waxay codsanayaan xubinimada waxayna soojeedinayaan xubnaha kashaqaynaaya DAC. Talooyinkaan waxyaabaha kasoo baxa awgood, Madaxwaynaha Gudigga ayaa magacaabaaya xubnaha kashaqaynaaya DAC. DAC wuxuu ushaqaynayaa kagudigga talosiinta ee Gudigga Waxbarashada ee arimaha sida muhiimadaha miisaaniyada, qorshayaasha hormarinta iskuulka, codsiyada iskuulka charter ka ah iyo arimaha kale ee kucad heerka gobalka ama Gudiggu iyo/ama Kormeeraha guud uu aqoonsaday.

Fa'idooyinka DAC: • Waxay hagtaa hawlaha muhiimka ah ee degmada • Waxay xariir iskuxirnaa kadhex abuurtaa hogaamiyaasha kale ee bulshada • Waxay fursad utahay in talooyin toos ah lasiiyo gudigga

Dadaalada Xumnaha DAC: • Kulanka guud ee DAC hal mar bishii • Gudi hoosaadyadu waxay kulmaan hal mar bishii

ama markii baahi jirto: Miisaaniyada - Waxay talo kasiiyaan

Gudigga Waxbarashada meelaha muhiimka ah ee ay tahay in qarashaadka lagu bixiyo.

Iskuulo Wanaagsan - Dib u eegis ayay kusameeyaan waxayna talo kabixiyaan Codsiyada Iskuulka Charter ka ah.

Dadaalka - Dib u eegis ayay kusameeyaan waxayna talo kabixiyaan cabirada dadaalka degmada iyo xeedaha hormarinta.

Wadashaqaynta Waalidka iyo Bulshada - Ayadoo laga raacaayo Siyaasada Gudigga Waxbarashada KB iyo KB-R, Degmadu waxay qabanaysaa, ayadoo kaashanaysa qoysaska, dib u eegis sanadle ah iyo qiimayn lagu samaynaayo shaqada iyo waxgalnmada sharcigaan iyo siyaasada laxariirta. Waxgalnimada waa in lagu cabiraa qayb ahaan hormarada laga gaaray guusha waxbarasho ee ardayda iyo dadaalka iskuulka. Degmadu waa inay adeegsataa natiijooyinka qiimaynta si ay udajiso xeelado lagu abuuraayo wada shaqayn kasii wanaagsan oo dhanka waalidka loona muraajaceeyo, hadii loobaahdo, sharcigaan iyo siyaasada kuxeeran.

Shuruudaha gudigga...

HImilo -Matalaada Codka Bulshada - Waqtiga uu Qofku shaqaynaayo - Hididiilo – Iskudhafka qaybha bulshada

Page 10: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Scho

ol G

over

nanc

e C

omm

itte

es

1.

Page 11: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Gudigga Islaxisaabtanka Iskuulka (SAC)

Guddiga Wadashaqeynta Dugsiga (CSC)

Denver Pub l i c Schoo ls | 1860 L inco ln St . , Denver, CO 80203 | 720-423-3200 | in [email protected] | dpsk12.org

SAC ama CSC waxay iskukeenaan qoysaska, shaqaalaha iyo xubnaha bulshada si loo abuuro loona fuliyo qorshe si guul wayn looga gaaro hawlaha iskuulka. Gudigaan si joogto ayuu kulano uqaadanayaa sanad dugsiyeedka oo dhan waana fursad ay dhinacyada ay qusayso codkooda ugu biiriyaan. Sharciga Colorado ayaa kadoonaaya dhamaan iskuulada inay yeeshaan CSC si lookordhiyo isla xisaabtanka iyo wadashaqaynta qoysaska ee iskuuladeena. Guud ahaan SAC/CSC waxaa ka mid ah wakiilada soo socda:

Ugu yaraan todobo (7) xubnood:

• 1 maamule (ama wakiilkiisa) • 3 xubnood oo waalidka ah • 1 Macalin • 1 Xubin oo kasocda ganacsatada ama

bulshada • 1 Urur oo iskuulku aqoonsanyahay

Waalidiintu waa inay noqdaan kooxda ugu badan.

Dadwayanah waxaa lagu casuumayaa inay kaqaybgalaan kulanada.

Waa in dadaalo loogalaa sidii xubinimada SAC/CSC ay uga muuqan lahayd jirka ardayga (tusaale dhanka isirka, qadada bilaashka/raqiiska ah ardayda qaadata, heerkooda ELA, soogalootiyada, kuwa naafada ah, iyo ardayda hibada leh.)

Waajibaadka aasaasiga ah ee SAC/CSC SAC/CSC waxay kalashaqeeyaan hogaamiyaasha iskuulka inay jawaab celin kabixiyaan go’aanada muhiimka ah ee iskuulka ayna kujiraan: • Wuxuu talo kabixiyaa qorshaynta miisaaniyada • Wuxuu gacan kagaystaa dajinta yoolalka Qorshaha Hormarinta Midaysan (UIP) wuxuuna

taageeraa dib u eegista labadii sanaba mar laqabto. • Inuu talo kabixiyo go’aanada yaraynta tirada shaqaalaha • Wuxuu talo kabixiyaa isbadala barnaamijyada • Wuxuu gudiggu udoortaa xubnaha Gudigga Katalo bixinta Doorashada Maamulaha

Dugsiga (SPSAC) markii loobaahdo

Iskuulkaygu maleeyahay mid? Iskuul kasta oo kujira systemka Denver Public School waa inuu mid leeyahay. Sharciga Colorado ayaa kadoonaaya dhamaan iskuulada inay yeeshaan gudiyo sida kan oo kale si lookordhiyo isla xisaabtanka iyo wadashaqaynta waalidka ee iskuuladeena.

Madoonaysaa inaad kubiirto gudigga iskuulkaaga? Si toos ah ulaxariir maamulaha.

Page 12: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Title I: Barnaamijyada Howlgelinta Qoyska

Denver Pub l i c Schoo ls | 1860 L inco ln St . , Denver, CO 80203 | 720-423-3200 | in [email protected] | dpsk12.org

Waa maxay Title I? Title I waa deeq dawalada Federalka katimaada waxayna xaqiijisaa in dhamaan ardayda ay helayaan waxbarasho tayadeeda sarayso oo lagasoo baaraandagay si loo buuxsho shuruudaha adag ee waxbarashada gobalka. Lacagaha ayaa loogu talagalay iskuulada ayadoo laraacaayo tirakobka Qada Bilaashka ah iyo mida Raqiiska a ardayda lasiiyo.

Boqolkiiba 1% ee miisaaniyada Title I waxaa loo qeybinayaa dugsiyada ee ka wadashaqaynta waalidka.

Maadaama aad tahay waalid Tittle I ah, Waxaad xaq uleedahay:

• Inaad ogaato in cunugaaga uu kaqaybqaadanaayo Title I.

• Inaad ogaato aqoonta macalinka cunugaaga. • Qiimaynada kabixida ee gobalka. (CMAS,

CoAlt, CSLA, PSAT iyo SAT) • Inaad ogaatid hadii cunugaaga loo aqoonsada

Barte Luuqada Ingiriisga. • Inaad kaqayb gashid aadna fikir kadhiibato kobaca Qorshaha Midaysan ee iskuulka (UIP),

uuna kujiro Qorshaha Kawarqabka ee Waalidka, qorsha iskuulka ee kordhinta guulaha ardayga aadna cod kuyeelato sida 1% lacagta wadashqaynta waalidiinta loomaareeyo.

Fursadaha Wadashaqaynta Waalidiinta Tttle I:

• Qorshaha Kobaca Midaysan (UIP) waa tuta iskuulkayaga ee kordhinta guusha ardayga. • Qorshaha wadashaqaynta waalidka ee iskuulkasta wuxuu muujinayaa fursadaha

wadashaqaynta waalidka. • Iskuxirka Waalidka iskuulkasta waxay soo gudbinaysaa waajibaadkayaga ka iskuul ahaan iyo

waajibaadkaga kawaalid ahaan si ay nooga caawiso inaan kor uqaadno guusha ardayda. • Kadegmo ahaan, DPS waxay leedahay siyaasada Gudigga Waxbarashada, Siyaasada BOE KB

iyo Sharciga, KB-R kaasoo muujinaaya wadashaqaynta bulshada oo ay kujirto Wadashaqaynta Tittle I iskuulka iyo degmada labadaba.

Page 13: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Kooxaha Klae ee Waalidiinta:

PTA, PTO, PTSA, PTLT

Denver Pub l i c Schoo ls | 1860 L inco ln St . , Denver, CO 80203 | 720-423-3200 | in [email protected] | dpsk12.org

PUrurka Waalidka-Macalinka (PTA) Ururka Macalinka iyo waalidka (PTO) Waa kooxo waalid kuwaasoo kalashaqeeya iskuulka siduu adeegyo iyo hawlo dheeri ah usamayn lahaa, uu ukordhin lahaa wadashaqaynta waalidka, waxayna sidoo kale ushaqeeyaan inay iskuulka lacag u aruuriyaan. Ururka Waalidka-Macalinka iyo Ururka Waalidka-Macalinka-Ardayda waa qaybo kamid ah ururada heer qaran xubnuhuna waa inay waajib isa saaraan.

PTO, dhanka kale, qasab kuma aha inay waajib isa saaraan wuxuuna matalaa kooxo doonaaya inay madax banaanaadaan. Kuwaani badanaa waa kooxaha kaliga ah - ee iskuulka ama heerka degmo kuwaasoo kudhaqma sharciyadooda gaarka ah kuwaasoo diirada saara arimaha iskuulkooda ama xaafadooda.

Waxay kakoobanyihiin:

• Maamule • Macalimiinta • Waaladiinta

Kooxda Hogaanka Waalidka iyo Macalinka(PTLT) waxay talo kabixiyaan dadaalada wadashaqaynta qoysaska ee iskuulka. Waxay xaqiijyaan in yoolalka wadashaqaynta qoysaska ay lajaanqaadayaan yoolalka dhanka waxbarashada iyo Qorshaha Hormarinta Midaysan ee iskuulka (UIP) iyo sidii loogu guulaysan lahaa.

Waxay kakoobanyihiin:

• Maamulaha ama wakiilkiisa • Macalimiinta • Waaladiinta

Page 14: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

2017-2018 Sharaxaada Howlaha Waalidka Xafiiska Hawlgelinta Qoyska iyo Bulshada

Kooxda Xoojinta Qoyska | Kooxda Degmada Qoyska

http://face.dpsk12.org | 720-423-3054

SPF

Kooxda Xoojinta Qoyska waxaa loogu talagalay in ay hormariso wax barto, ka howlgasho, iyo waaladiinta la xoojiyay iyo shaqaalaha jaalka la ah aasasida dugsiyo wanaagsan ee xaafad walba Meeshaas ee Canug Walba Guuleysto. Kooxda Xoojinta Qoyska waxaa naga go’an in wax ka qabano walaacyada waalidka si ku haboon oo wax ku ool ah si loo hubiyo wanaaga adeega macaamiisha.

Kulanka Kormeeraha guud ee Waalidka Hamilada Kulanka Kormeeraha guud waa howlgelinta waalidka iyo qoysaska ee barashada ku saabsan qorshayaasha ugu muhiimsan degmada iyo sida waaladiinta ay u taageeri karaan qorshayaasha dugsiga. Kulanka Waalidka Kormeeraha guud waxaa marti geliyo Koreemaraha guud, Tom Boasberg, ee la kaashanayo Xafiiska Qoyska iyo Howlgelinta Bulshada. Waxaa jiro kulamo waalid ilaa sannadka oo dhan, ee diirada saaro mowduucyada ay waalidka doorteen. Qiyaastii, 450 waaladiin ayaa ka soo qeybgalay Kulanka Waalidka Kormeeraha guud, mataleyso

dugsiyada degmada oo dhan. Kulamadaan gaarka ah ee ELA DACs waxay ka dhacdaa Kulanka Waalidka Kormeeraha guud si ay u bixiso iskaashi dheeraad ah iyo hogaamiyayaasha dugsiga.

Barashada Luuqada Ingiriiska Guddiga La talinta Degmada oo dhan Hamilada Barashada Luuqada Ingiriiska Guddiga Latalinta degmada (ELA DAC) waa hubinta in qoysaska dhaqan ahaan u kala duwan ay ku qalabeysanyihiin warbixinta, tababarka iyo taageerada ay u baahanyihiin in ay ku noqdaan ka qeybqaate firfircoon ee dhammaan dugsiyada oo dhan, qorshayaasha iyo dhacdooyinka. Waaladiinta waxaa la soo ogeysiiyaa xaquuqdooda masuuliyadaha iyo warbixinta gaarka u ah

hormarka waxbarashada ee Bartayaasha Luuqada Ingiriiska iyo Barnaamijka Barashada Luuqada Ingiriiska. Waa illo cadaalad ah ee ku saabsan degmada iyo illaha bulshada. FIIRO GAAR AH: Sanad dugssiyeedkan Kulanka Kormeeraha Guud ee Waalidka waxaa ka mid ah Guddiga la talinta Degmada ee Barashada Luuqada ingriiska (ELA-DAC), taas oo siinaysa waalidiinta arday ka badan 40,000 DPS ku waas oo ku hadala luuqado aan aheyn Ingiriis fursada ay uga qeybqatan arrimaha muhiimka ah ee hogaanka degmada.

ELA DAC – Machadka Hogaanka Qoyska Macahadkan wuxuu siisa fursada Qoysaska DPS si ay u hagajiyan xirfadaha hogaanka iyo ayna noqdan u doodayaasha xoogan iyo Iskaashatada waxbarashada firfircoon ee guriga, dugsiga iyo heerka degmada. Macahadka Hogaanka Qoyska waa isku jirka tusmada ELA DAC iyo waxayna ka kiiban tahay kulamada afar maalmood ah galin-maalmaha ee sanad dugsiyeedka oo dhan. Mowduucyadalla soo jeedin doonaa waxay

noqon doonaan: Hormarinta Hadafkaaga, Nadiifinta Qiimahaada, Xiriir Waxtar leh iyo Qaban-qaabadada Kale.

Barnaamijka Booqashada Guriga ee Macalinka Waalidka Barnaamijka Booqashada Guriga ee Macalinka (PTHV) Waalidka waxaa loogu tala galay in lagu xoojiyo xiriirka ka dhexeya macalimiinta, qoyska, iyo ardayda iyada oo la dhisayo xiriirka iyo fududeynta wada shaqeynta. Su’aasha dhexe ee booqashada koowaad ee guriga waa tusaalaheena weydiinta qoyska “waa maxay rajooyinkaaga iyo riyooyinka canugaaga?” Waxaan ognahay marka qoysaska iyo shaqaalaha ay ka

wada shaqeeyaan hadaf isku mid ah, qof walb wuxuu gaara guul badan. Kooxda Xoojinta Qoyska waxay bixisaa tababar, ilahaa iyo magdhawga shaqaalaha dugsiga ee ku dhaw xeerarkan, waxaa ka mid ah taageerada isku xirka booqashada guriga ee dadaalada ka qeybqaadashada qoyska ee barta dugsiga.

Nidmaayada Heerarka Waxbarashada Nidmaayada Heerarka Waxbarashada (ASEs) waxay ku casuumeysa dugsiyada dhowr jeer sanad oo dhan si loo dheereey heerka xulafanimo iyo wada shaqeynta ka dhexeysa guriga iyo jawiyada waxbarasho ee dugsiga. Nidaamyadan waxay abuurta fursadaha lagu kordhinayo wada shaqeynta ka dhexeysa shaqaalaha dugsiga iyo qoyskaka ee lagu xoojinayo qoysaska fahamka xirfada ee ah inay carruurtooda hormarayan,

sida ay carruurtooda u hormariyan, doorka heerka waxbarasho ee gobolka iyo qiimaynta dugsiyada. Kooxda Xoojinta Qoyska waxay u soo saartay dugsiyada qalab si ay u martigeliyaan nidaamyadooda iyo sidoo kale si loo siiyo farsamada caawinta iyo tababrista dugsiyada naqshada labada dhinac ee hore iyada oo loo marayo hirgelinta.

Qoyska Xaaska FACE Kooxda Xoojinta Qoyska waxay taageertaa Xafiisyada Bulshada iyo Qoyska ee degmada oo dhan iyada oo u mareysa xirka rasmiga iyo tan aah rasmig aheyn ee hormarinta fursadaha. Inta waxaa dheer tababarista fool-ka foolka ah iyo macalinmiada, Qoyska iyo Xafiisyada Bulshada ayaa lagu bixiya tabarada qofka, shabakadaha barashadda xirfada, isticmaalka kale ee taageerada degmada iyo barnaamijyada.

Adeegyada Degmada Qoyska Adeegyada Degmada Qoyska (FCS) Kooxda Xoojinta Qoyska waxaa naga go’an in wax ka qabano walaacyada waalidka si ku haboon oo wax ku ool ah si loo hubiyo wanaaga adeega macaamiisha. Haddii aad u baahan tahay inad lagu inaad hesho nidaamka wadada Dugsiyada Dadweynaha Denver, tababarka iyo nidaamka isgaarsiinta shaqaalaha dugsiga ama lagu caawiyo arrimaha waxa lagu yaabo inay

imaadan inta lagu jiro sanad dugsiyeedka fadlan wac Khadka Bulshada iyo Qoyska (720) 423-3054.

PTHVP

ELA DAC

EFF

ASEs

ELA DAC/FLI

FCS

Page 15: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Kulanka Waalidka iyo Kormeeraha guud-ELA DAC

Deseembar 13, 2017

TALAABOOYINKA XIGA X o o j i n t a X a r i i r k a I s k a a s h i e e Q o y s k a i y o B u l s h a d u L a l e e y i h i i n D e n v e r

P u b l i c S c h o o l s

M a w d u u c a # 3 : X o o j i n t a C o d k a Q o y s k a i y o B u l s h a d u a y k u l e e y i h i i n H a w s h a G o ’ a a n g a a r i s t a e e I s k u u l k a D e g m a d a

Waad ku mahadsantahay ka soo qeybgalka Kulanka Waalidka Kormeeraha guud. Waan kaga mahad celinay taladaada, taageeradaada joogtada ah iyo ballanqaadkaada aan ku gaarno hamiladeena ee in Canug Walba wuu Guuleystaa.

QALABEYNTA IYO DHISMAHA

Ka dajiso qoraalada Kulanka. Bandhigyada iyo waraaqaha aad ka heshay Kulanka Waalidka waxaa lagu soo shaacinayaa hal isbuuc gudahiisa oo shirka ah websaydkeena http://face.dpsk12.org. Haddii aad u baahantahay caawin, kala xiriir xafiiskeena 720-423-3135.

La wadaag macluumaadka waalidiinta kale iyo Ku xir kooxaha kale ee hogaanka. Buug yarahaan la socdo, waxaad ka heleysaa waxyaabo kaa caawinaya in aad la wadaagto macluumaadka aad ka heshay maanta waalidiinta kale ee dugsigaaga. Kala hadal maamuulaha kulanka wax ku saabsan hoggaannimada kooxaha kale: Guddiga Maamulka Dugsiga/CSC, PTA, ELA Guddiga Latalinta Waalidka (ELA PAC), iyo kuwa kale. Weydii in aad la kulantid kooxahan si markaas aad la wadaagtid kartaa macluumaadka kulankaan. La kulan masuulka dugsigaada. La kulan wakiilada waaladiinta kale oo dugsigaada ka socda iyo balan la sameyso oo aad kula kulantaan masuulka dugsigiina si koox ahaan ah.

KA QEYBQAADO

Sameeyso iyo gal Akoonkaaga Bogga Xiriirka Waalidka. Noqo u doodaha koowaad ee canugaaga. Iska diiwaangeli Bogga Waalidka oo sahmi muuqaalada badan ee kuu ogolaanaya in aad tixraacdid hormarka ardaygaada ee dhinaca guusha taas oo ku jirta: Fasalada iyo Casharada Xaadirida iyo Habdhaqanka Adeegyada Waxbarashada Imtaxaanaadka Degmada iyo Gobalka

Si aad isaga diiwaangeliso, booqo: https://myportal.dpsk12.org

Adeegyada Degmada Qoyska. Hamiladeena waa inaan wax ka qabo walaacyada waalidka si ku haboon oo wax ku ool ah si loo hubiyo wanaaga adeega macaamiisha. Haddii aad u baahan tahay inad lagu inaad hesho nidaamka wadada Dugsiyada Dadweynaha Denver, tababarka iyo nidaamka isgaarsiinta shaqaalaha dugsiga ama lagu caawiyo arrimaha waxa lagu yaabo inay imaadan inta lagu jiro sanad dugsiyeedka fadlan wac Khadka Bulshada iyo Qoyska: (720) 423-3054

Ku casuun Macalinka Canugaaga Gurigaaga. Waxaa jiro in ka badan 100 dugsiyo kuwaas oo hadda ka qeybqaato Barnaamkijka Booqashada Guriga Waalidka Macalinka. La xiriir macalinkaaga si aad u ogaatid haddii ay ka qeybqaateen barnaamijkaan iyo ku casuun iyaga in ay ku xirmaan qoyskaaga si ay u dhisaan iskaashi xoogan ee macalinka canugaaga ah si aad ugu caawisid guusha canugaaga. Wixii warbixin dheeraad ah booqo: http://homevisit.dpsk12.org

Ka hel Illaha Waxbarashada Onleenka. Waxaad ka heli kartaa illaha lagu taageerayo barashada canugaaga ee guriga dhinaca

jaheynada waalidka waxay ku hagaan ardayga barashada & qiimeynada iyo illaha onleenka ee http://standards.dpsk12.org ama adiga oo galaya Akoonka Bogga Waalidka iyo adiga oo riixayo badhanka Illaha Waxbarashada. Kulanka/ELA DAC xiggo ee Kormeeraha guud Waalidka. Iska diiwaangeli kulan Waalidka Kormeeraha guud ee soo socda. Hoos ka fiiri wixii faafaahin dheeraad ah.

MOWDUUCA #4: Xoojinta xariirka kaladhaxeeya iskuulka magaalada, hogaamiyaasha ganacsiga, ururada khayriga ah, iyo kooxaha bulshada si lootaageero guusha ardayga TAARIIQDA: Kahmiis, Feebaraayo 8, 2018 GOOBTA: Temple Emanuel, 51 Grape St., Denver, CO 80220 WAQTIGA: 9:30 a.m. – 11:30 a.m. Macluumaadka warbixinta iyo booqashada diiwaangalinta: http://face.dpsk12.org

Page 16: Kulanka Waaldika iyo Kormeeraha guudface.dpsk12.org/wp-content/uploads/2016/08/WORKBOOK_SO1.pdfLala wadaago hawlgalada degmada ugu muhiimsan: La siiyo macluumaadka ka caawin doona

Denver Public Schools Waaxda Medicaid

Waxaan ku caawinaa qoysaska in ay helaa caymiska caafimaadka oo bilaash ama qarash hooseeya:

Medicaid oo carruurta iyo qoysaska Medicaid oo dadka weyn iyaga oo aan laheyn carruur ku tiirsan Qorshaha Daryeelka Caafimaadka Carruurta Iyo (CHP+)

Waxaad codsan kartaa waqti walba oo sannadka ah!

Waxaan sidoo kale ku caawinaa dib u diiwaangelinta iyo isticmaalka faa’idooyinka!

Soo wac: 720.423.3661

I-meel: [email protected]

C a a f i m a a d k a C a r r u u r t a w a a B a r t a y a a l