magangalyodonida wadanka hangari...• haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka...

16
Magangalyodonida wadanka Hangari

Upload: others

Post on 25-Mar-2020

0 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

Magangalyodonida wadanka Hangari

Page 2: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

Hada waxa ku sugantahay dowlada Hangari (Magyarország). Luqada rasmiga ahana waa hangariyan (magyar). Wa wadan xubin ka ah wadamada la isku yirahdo midowga yurub (EU), kuna yaala bariga dhexe ee yurub.

BudapestBicske

Debrecen

Győr

Nyírbátor

Békéscsaba

Kiskunhalas

Fót

- Eerboorka caalamiga ee casmada

- Xabsiga dhexe ee ku meel gaarka

- Xerada qaxootiga ee furan ama hoyga

- Guriga caruurta

Szlovákia

Ausztria

Szlovénia

HorvátországSzerbia

Románia

Ukrajna

2

Page 3: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

33

Masuuliyiinta qaabilsan magangalyada iyo is dhibitaanka waa xafiska waaxda socdaalka iyo dhalashada (Bevándorlási és Állampolgársági Hivatal, BÁH), taaso ah qeyb ka mid ah wasarada arimaha gudaha . 1. Qaybaha kala duwan ee dhawritaan oo aad ka heli karto hangari Qaxootinimo (menekült): waa qof ay jirto cabsi dhab ah oo cad in lagu gumaadayo wadankisa/wadankeda

sababtuna ay tahay dhalashadisa/dhalashadeda , ama mid diineed, cirqigeeda, jinsayadeed,ama fikir siyaasadeed ama ka tirsanaasho urur bulsho gaar ah:• gumaadid waxa laga wadaa ku tumashada xuquuqda bina aadanka,tusaale ahaan jir dil , si bina adam nimada ka

baxsan oo qof loola dhaqmo , adoonsi, kufsi ula kac ah , ama si kale oo midab takoorid dhab ah .• cabsi dhab ah waxaa loo la jeedaa in aad si caadi ahaan ama si cad aad ku tusi karto xafiska waaxda socdaalka

in la gu gumaadayo laguna wax yeelaynayo hadii dib laguugu celiyo wadankaada (tusale ahaan : waraysigaadii magangalyo doon waa mid isku xeran oo dhibta ka warbixinayo laguna kalsoonan karo ).

• Haddi ay ku haysato dhibaato, ama adan ku haysan ilaalo wadankaada sababtuna ay tahay in aad nag tahay ama, labeeb (tusaale ahaan waxad tahay rag waxadna dareen u qadaysaa raga kale , qaniis ) ama aad leedahay sifaad aan la badali karin (ama aadan rabin in aad qariso sifadkaas) hadii arinku sida yahay waxad hoos imanaysaa “ koox gaar ah ee ka tirsan bulshada“.

Dhawritaan farciyeed (oltalmazott): qof ku jiro halis dhab ah kaaso ay suurto gal tahay in wax yeelooyinkan soo socdo loogu gaysto wadankisa /ama wadankeeda:• in toogasho lagu xakumo• in la jirdilo , ama la ciqaabo, ama si ka baxsan bini adan nimada lagula dhaqmo • halis wayn o dhab ah in ay soo garto nolosha bulshada rayidka ah ama qofka sababtuna ay tahay rabshada

ama iska so horjeedyo iyo dagaalo ka jiro wadanka taasoo aysan sababto ahayn mid qusayso , qabilkada , ama dhalashadada, ama fikiradada siyasadeed , ama ka tirsanashadada “koox bolsho oo gar ah “ (tusaale ahaan waxa ka jiro dagaal wadankaada waxadna ku qasbanaatay in aad ka so baxsato ama ka so qaxdo wadankaada sababtoo ah waxad ku noleed mesha dagaalka ka soconayey , haddi adan xataa adiga dagal ka adan ku jirin ).

Jogitaan haysasho (befogadott): wa ilaalo ku salaysan si guud ahaan (anan ahayn mid ku salaysan dhibato shakshiyed) oo ah qatar wax yeelo kaga timaado wadankada hoyo.Xasuusnow:dhaqaalo xumo ama arimo cimilada ku salaysan oo wadankaada hooyo ka taagan caadi ahaan kama yelayaan qof xaq u leh in uu helo qaababka ilaalo ayno so sheegnay.

2. Qabka magangalyo dalbashada ? Sidee baan u dalban karaa magangalyo?Waad in aad gudbisataa dalabka magangalyo sida ugu dhaqsiyaha badan adigoo la xariirayo xafiska waxda socdaalka ama booliska (Rendőrség) hadii ad ku jirto xabsi, dhanka xuduuda ama eerboorka. Haddii ad ku timid wadankan hangari sharci bug ah, waa in aad isla markiiba si deg deg ah u shegtaa, haddii ay suurta gal tahayna aad tustaa

Page 4: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

sharcigaada saxda ah; haddii kale arinkaa dib ayuu dhib ugu sababi karaa habsami u socodka magangalyo donistaada. Ma jirto qaab gooni oo la iska doonayo waxad waydisan kartaa magangalyada ayadoo qoraal ah ama hadal ahaan ayaad ku dalban kartaa adigoo adagsanayo luqad walbo ad taqano.

Haddii aad ka baqanayso in uu masuulka u san fahmin dalabkaaga magangalyo si cad waxad u dhadaa kaliya erayadaan “MENEKÜLT”(gaxooti) ama “MENEDÉK”(magangalyo). Ku dheh hangariyaan erayadaas waxadna racsiisa qoraal luqadaada hooyo, waana in aad saxixdaa qoraalkaas adiga naf ahaantaada!

Fiiro gaar ah :haddi ad ku soo gashay wadanka hangari si sharci daro ah, waaxda socdaalka waxay bilabayaan in ay dib ku celiyaan (ijra’d dib u celin). Haddi ay tahay dalabkadi ugu horeyey ee magangalyo dalbasho arimaha dib u celintaada waa la jojinayaa ( marka lagu tarxiili doono ilaa xafiska waaxda socdalka ay go’an ka garto dalabkaada magangalyo doon). Balse hadii ay tahay dalabkadi labaad taasi kama hor istagayso ijra’adka dib u celintaada. Haddi aad marka hesho go’ankii musafirinta , waxaad ka qaadan kartaa racfaan muddo 8 malmood ah guduhooda waaxadna waydisanaysaa in la jooji ama dibloo dhigo arimaha ku sabsan tarxiilkaada. Waa in aad qoraal racfaan ah u gudbisaa xafiska waxda socdaalka si toos ah ayagana waxay u sii diri donaan maxkamada qaabilsan waxaadna kalmo waydiisan kartaa qareenka gudiga hangariyaan helsinki la yiraahdo.? Si qabkee ah ayuu dalabka u soconayaa?Ijra’dka magangalyo doonista wadanka hangari waxay leedahay labo qab. Marka hore waxaa jiro ijra’ad qabilitan waana haddi xafiska waxada socdaalka ay go’ansadaan in uu dalabkaada mid la aqbali karo yahay, waxaana daba yaalo taa ijra’ad dhab ah ama ticraac dhab ah (barid warbixin dheeraad ah).

A. Aqbalaada ijraa’adka qabilitanka (előzetes vizsgálati eljárás)Waxaad warbixin la yelanaysaa masuul magangalyo iyo tarjumaan, caadi ahaan baryo ka dib imanshahaada,waxaana lagu waydinayaa su’alo ku sabsan nafsadaada sida da’da , magacada, sida aad ku so gashay wadankaan hangari , iyo sababaha aad u dalbanayso in ilaalo in lagu siyo. Ha hilmamin in aad shegto haddi dad qoysakaada ka mid ah ay ku noolyihiin qarada yurub , dhibatoyinka cafimad ee ku haysto, iyo haddi dhibaatoyin ay kaala so gudbonadeen wadan ka mid wadama yurub intii ad ku soo socotay wadanka hangari. Masuuliyiinta waxay marka hore barayaan haddi ad ka so gudubtay wadan xaririirka dablin uu ka shaqaynayo (ka fiiri wadadma ka tirsan xirirka dablin baga 12 aad ).marka haddi ay cadaato in ad ka timid wadan uu ka shaqaynayo xiriirka dablin , waxaa bilaabanayo “ijra’adka dablin” aqbalaada ijra’adka qabitanka waa la joojinayaa inta ay ka dhamanayso ijra’adka dablin waxaad ka firisaa maclumaada dheeraad ee ku sabsan ijra’adka dablin baga 11 aad.Hori looma si wadayo dalabkaada , mana loo sii gudbayo baritaan dheer (iyo baritanka macluumadkaada si fahfahsan), waana lagu didayaa hadii aad:• tahay muwadin wadan ka mid ah wadamada midowga yurub (EU).• mar hore lagaga aqoonsaday qaxootinimo wadan ka mid ah wadamada midowga yurub ama wadan kale

4

Page 5: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

35

aqoonsigaas ama sharicigaasna wali ku shaqaynayo oo aad dibna ugu laaban karto wadankaas.• waxaad dalbatay magangalo markale ka dib markii laguu diiday dalabkaadii hore ee magangalyo doon ee

wadanka hangari, dalabkaada cusubna ma adan ku shegin wax cusub oo wax badali kara.• waxaad soo jogtay ama ku so dhex socdashay”wadan seddexad oo amaan ah “oo aan (ahayn mid ku jira

midowga yurub) ka hor inta adan iman wadanka hangari waxana ku suurta gali karay in aad magangalyo waydisato wadankaas.

• waxaad qaraabo ku leedahay “wadan seddexaad oo nabad ah “si sharci ahna waad ku gali kartay wadankaas.• ”wadan seddexad oo amaan ah “ayaa ku soo dalbaday tusaale ahan (waxaad ka gaysatay fal danbiyeed).• sababaha aad magangalyada u dalbanayso wax xariir ah lama lahan magangalyada (tusaale ahaan dhibkaada

ugu wayn waxa waaye wadankaada hooyo ayaad ka so waysay shaqo fiican oo mushaar fican oo kuu qalmo lagugu siiyo ).

• xafiiska waaxda socdaalka ah ma cadayn karto wadanka aad ka soo jeedo sababtoo ah adiga oo aanan runta shegaynin .

• waxaad sugtay muddo aad u dheer ka hor inta aadan dalban magangalyada inkastoo ay suurto gal ku ahayd in aad dalbato.

Aqbalaada ijra’adka waxay qadata 30 malmood ugu badnaan. Kasaska dablin way ka badnaan karaan. Haddii aad magangalyada ka dalbato eerboorka, xafiiska waaxda socdaalka waa in ay ku dhamaystiraan ijra’aadka qabilaada muddo 8 malmood gudeheeda ah.

Aqbalaada ijra’adka qabilitanka waa la istajinayaa wana la xerayaa haddi ad u jarto waraysiga ama lagu waayo oo aad dhumato !

Hadii xafiska waaxda socdaalka ay go’aansado in dalabkaada magangalyo “aan la aqbali karin” waxaad xaq uu leedahay in aad racfaan ka qaadato. Waad in aad racfaan qoraal ah u gudbisaa xafiiska waxada socdaalka 3 maalmood guduhooda xafiskana wuxuu u sii dirayaa maxkamada qabilsan arinkaan. Racfaankaada ku sharac waxa aad uga so horjeedo go’aanka ay waaxda socdaalka ka gartay. Waxaana suurto gal ah in maxkamada ay waraysi kula yeelato. Muddada maxkamada in ay go’aan ku qaadato laga rabo waa 8 malmood. Si kastaba ha ahaatee waxaa laga yaaba in mudda intaas ka dheerato. Waxaadna kalmo ka dalban kartaa qareenka gudiga hangariyaan helisinki in ay kaa cawiyaan qoraalka racfaanka.? Wadamadee ay xafiiska waaxda socdaalka u tixgaliyaan “wadan seddexaad oo amaan ah “?Wadan walbo kasoo:• nafsadaada iyo xuriyadaada aan halis galaynin sabatuna ay tahay dintaada, ama dhalashadada , sinjigada, ama

fikradaada siyasaded ama ka tirsanashadada “ xiriir bulsho oo gaar ah “ (fiiri baga 3 aad . oo adan kala kulmaynin dhibaatoyin halis ah (fiiri baga 3 aad),

• kuwaas aan ku diri doonin wadan kale kaasoo laga yaabo in lagu daldalo, ama lagu jir dilo , cadabid , ama

Page 6: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

ciqaab , ama fal ka baxsan bina’adanimada,• kaas aad ka dalban karto qaxootinimo kuna siinayo ilaalo.

Haddii adan ku racsaneen “wadan seddexaad oo badbaado ah “ in uu badbaado ku yahay adiga , waa in aad ku cadaysaa racfaanka.? Halkee baan joogayaa inta lagu guddo jiro ijraa’adka qabilaada ?Kaamka qaxootiga dabrasan ee furan ama xabsiga waaxda socdaalka (haddi go’aan dib u musaafirin kugu soo baxay).• Haddii ad ku sugantahay eerboorka xafiiska waxda socdaalkana uusan go’aan ku qadan muddo 8 malmood

guduheeda waxaa lguu soo wareejin kamka dabrasan ama xabsiga waaxda socdaalka.• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari

waxaa laguu dirayaa guriga caruurta ee ku yalo Fót.• Xasuusnoow :haddi adan wadan wax dukuminti ah oo cadaynayo in aad tahay da’ yar masuuliyiintana aysan ku

rumaysan waa in aad dalbataa baritaan dhaqtar kasoo si rasmi ah u soo kala cadaynayo in aad ka yartahay ama aad ka wayntahay da’ da 18 sano . Kaalmo waydiiso gudiga hangariyaan helisinki la yiraahdo.

B. Ijra’aadka dhabta ah ama baritanka dhabta ah (részletes eljárás)Inta lagu guda jiro baritaanka dhabta ah , xafiiska waxda socdaalka way ku waraysan donaan ugu yaraan hal mar (lagana yaabo dhuur jeer ). Inta lagu guddo jiro waraysigaas waxaa lagu waydin doona in aad sharaxdo si fahfaahsan sababaha kugu kalifay in aad ka soo cararto wadankaada. Warbixinta waraysiga ugu horeyso waxay dhacdaa asbuucyo ka dib markii la bilaabo ijra’adka baritanka dhabta ah. Waa in aad waydisataa kaalmo gudiga qareemada hangariyaan helisinki ka hor waraysigaada kuwaad.

Runtaada waxay ka qadanaysaa kaalin muhim ah ijra’adka marka waxaa muhim ah in aad ka bixiso sharaxaad fahfahsan inta lagu gudo jiro waraysiyada sababta kugu kaliftay in aad ka so baxsato wadankaada.isku dayna in aad xooga sarto dhibaatoyinka kala soo gudboonaaday wadankaada iyo waxyaabaha aad uga baqayso wadankaada iskana hubi in aadan ku hadlin hadalo is khilafsan ama is burinayo inta aad ku guda jirto waraysiga.

Haddi adan xasuusanin magac,meel ama tarikh ha isku dhibin in aad alifto macluumad been ah,isku day in aad ka fakarto shekadaada aadna ka bixiso macluumad iyo warfafin dheerad ah una sharac masuulka sababta ay u adagtahay in aad xasuusato maclumadkas oo kale, waajibna ma ahan in aad gudbiso waxaaybo dukumintiyaal ah iyo cadaymo (shahaadoyin,go’aano, qoraalo,ama sawiro iyo wixii la mid ah) si ay u cawiyaan dalabkaada magangalyo doon , balse hadii aad hayso way ku cawin karoo waxay mujinaysaa in aad runshegaysid, isla markaana gudbinta dukumentiyo bug ah waxay kuu horseedi kartaa fal danbiyeed.Waxaa laguu diyarinayaa qoraal lagu diwaangaliyey oo luqada hangariyanka ah waraysigaada, inta lagu gudo jiro arinta waraysiga , qoraalkaasana waxaa muhiim ah in uu ka koobnaado wixii ugu muhimsanaay oo aad shegtay intii lagu waraysanayey , markii uu dhamado waraysiga , qoraalkas waa lagu tarjumaayaa waana lagu aqrinaaa, markii aad

6

Page 7: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

37

saxiixdo waraysigadi la diwangalyey, waxadna saxixday in aad ku racsantahay waxa meesha ku qoran. Taas oo u dhiganto in ay san suurto gal ahayn in aad hadhaw dalbato in ay jirtay is fahandaro ama wax si khalad lagaga tarjumay. Sidaa daradeed u dhagayso si taxadar leh markii warasigaada diwangalintiida dib laguugu akhrinayo waraysiga ka dib. Waa in aad isla markiiba aad tirahdaa ama shegtaa haddi wax khalad xaga tarjumaada ay jirto.Inta badan waxaa aad u adag in aad ka hadasho sababihii kugu kalifay in aad ka soo cararto wadankaada hooyo. Balse hadii adan sheegin sababahaas masuuliyeenta ma dareemi karan in aad u baahantahay ilaalo ama daryeel. Haddi ad daremayso in aad dalantahay inta waraysiga lagu guda jiro waxaad mar walba dalban kartaa nasasho yar. Waxaad kaloo cawimaad waydisan kartaa dhakhtar nafsiyeedka ee hay’ada kordeli (ka fiiri meesha aad kala xariir karto warqadaan dhamadkeed) sida loola hadlo masuulka wax yaaba xanuunka iyo murugada leh ee adan jeclayn in aad dib u soo xasuusato.

Maskaxda ku haay ee ogsonow in masuulka,tarjumaanka,iyo qareenkaada,iyo adeegahaada bulsho,iyo qaadiga inta ay xil adag ka saarantahay in ay ilaa liyaan wax walbo aad shegtay oo sir ah. Kaagamana sheegi doonon wax yar ba allaha ka dhigee maamulka wadankaada (iska day xataa arinta ah in aad magangalyo dalbatay).

Waraysigada ka dib ee uu kula yeeshay u qabilsanaha magangalyada waxaa laga yabaa in nabadsugida wadanka hangari ayagana ay ku waraysataan, dharcade yacni. Mudda luugu tala galay ijraa’adka dhabta ah waa 45 malmood oo malmo shaqo ah, waxaana loo dhereen karaa ilaa 22 malmood oo malmo shaqo ah. Xafiska waaxda socdaala caadi ahaan waxay go’aanka ku gartaa muddo u dhaxayso 45 ilaa 90 malmood.? Halkee baan joogayaa inta lagu guda jiro ijra’aadka dhabta ah (ay ku jirta xataa boroseska racfaanka )?• haddi lagu xeray intii lagu guda jiray howsha qabilitaanka , waxaad ku lagugu sii hayn karaa xabsiga ina

howsha baritaanka dhabta ah la wado xataa (ugu badnaan 12 bilood)• haddii aanan lagu xerin waxaad awoodi kartaa in aad ku jirto kaamka qaxootiga ee furan dabrasan. Haddi ad

rabto in aad maqnaato in ka badan 24 sacadood waa in aad fasax ka qaadato maamulka kaamka.haddii aad isaga maqnaato in ka badan 24 sacadood adigoo fasax la’aan ah xafiiska waxda socdaalka waxay u malayn karaan in aad dhuumatay waxan xiri donaan arinkaada magangalyo doon.

• waxaad kaloo habaysan karataa dagaan khaas ku ah adiga, balse marka hore waa in aad ka codsataa xafiiska waaxda socdaalka in ay ku ogolaadaan in aad joog to guri ku gaar ah , si aad taasi u samayso waa in aad so gudbisaa koobi shahaado cadaynayso milkiilaha guriga (tulajdoni lap) iyo ijaarka aad ku hesheseen (lakásbérleti szerződés) ama cadynta milkii laha oo cadaynayo/cadaynayso in ay si farii ah hoy ku siinayso (befogadó nyilatkozat).

• haddii ad tahay da’yar (ka yar 18 sano) aad na joogto hangari adigoona cid ka wayn oo qaangaar oo qoyskaada ah aysan kula socon, waxaad joogi dontaa hoyga caruurta ee fuut (Fót). Ka fiiri meesha lagala xariirayo dhamaaka warqadaan.

Page 8: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

Marwaliba maskaxda ku hay haddi aad doorato in aad degnaato degaan khaas ah waa in lagaa heli karaa cinwaanka aad siisay xafiiska waaxda socdaalka. Iska hubi in magacaada si cad ugu qoranyahay albaabka iyo boostada guriga , haddii waraaqaha xafiiska waxda socdaalka ku soo dirayo aysan ku soo garaynin waxay u malaynayaa in aad dhuumatay ama lagu waayey wayna xerayaan howsha magangalyo doonimadaada

? Sidee baan ku ogaanayaa halka iyo goorta ay waraysiyada ka dhacayaan?Warqad rasmi ah oo luqada hangariyanka ku qoran ayaa lagu siinayaa oo ay ku qoran yihiin macluumaadka ku saabasan waraysigaada. Haddii aad joogto kaamka dabrasan, xafiiska waaxda socdaalka ayaa kula soo xariirayo kulana socodsiinayo taarikhda waraysiga aad leedahay. Haddii aad ku sugantahay guri gar ahan kugu kiraysan ninka boostoolaha ayaa ku keenayo warqad kaaga timid xafiiska waaxda socdaalka, haddii adan ku sugnay guriga wuxuu kaga tagayaa fariin, waxaana lagaa donayaa farintaas in aad la tagto boostada kugu dhaw si aad uga soo qadato wariqihii xafiiska waaxda socdaalka ku soo direen. Haddii aad leedahay qareen xafiiska waaxda socdaalka ayaa la socodsiinayo taarikhda waraysiga aad leedahay. Haddii aad xerantahay, masuulka ayaa kugu imaanayo meesha lagugu haayo halkaas ayaana waraysiga lagaaga qaadi doona.

3. Xaquuqda uu leeyahay qofka magangalyo doonka.Inta lagu guda jiro gabi ahaan howsha magangalyo doon:• In aad adaygsato luqadaada hooyo ama luqad kale oo aad si fiican u fahmayso (waxaad xaq u leedahay in

aad hesho tarjumaan). • Waxaad codsan kartaa inaad hesho wareyste iyo tarjumaan oo isku mid tihiin yacni haddii ad rag tahay mid rag

ah ama haddii aad dumar tahay mid dumar ah.• Wa in ad hesha koobi qoraal ah oo go·amadi lagaa garay kas oo ah mid ku qoran luqada Hangari.• In lagula socodsiiyo wax yaabaha uu ka koobanyahay go’aanka laga gaaray laguuguna tarjumo luqadaada

hooyo ama luqad kale oo aad si wacan u fahmaysid(ayadoo tarjumaanka ku caawinayo).• In aad hesho cawinaad qareemeed oo bilaash ah, ama aad ka hesho hay’ad aan dowli ahayn.• Waxaad kaloo la xariiri kartaa xafiska qaramada midowe garahaan waaxda sare ee u qabilsan qaxootiga oo

markii la soo gabiyo loo yaqaano(UNHCR) ee budabesti hoos ka fiiri cinwaanka lagala xariir karo.• Markii uu dalabkaada u gudbo wajiga labaad ee baritanka saxda ah , oo aanana lagu taxaabin (xabsi)waxaad heli

dontaa ogolaasho deganaasho bini’adanimo.• Haddii ay tahay markii kugu horeysay oo ad dalbato magangalyo oo anan xabsi ku jirin ama adan deganeyn guri

ku gaar ah waxaad xaq u leedahay in bil walbo lagu siiyo lacag yaroo jeeb gashi ah (waa markii dalabkaada magangalyo doon uu u gudbo baritaanka dhabta ah).

• Waxaad xaq u leedahay in aad hesho daryeelka dawoyinka yaryar iyo kaalmada gargaarka deg deg a ah, dhaqaatirtana waxay soo boqanayaan kamka qaxootiga ku jiro iyo mesha xabsiga la isku hayo dhawr jeer asbuuci gudahiisa.

• Waad ka shaqayn kartaa haddii ad joogto kaamka qaxootiga kaliya kaamka dhexdiisa , la xariir maamulka

8

Page 9: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

39

kaamka wixii warbixin dheerad , markii haddii ay qadanayso arimahaada magangalyo doon mudo ka badan 1 sano waxaad xaq u leedahay in aad ka shaqayso kaamka dibadiisa xataa , waxaadna u bahantahay in aad hesho ogalaasho shaqo (munkavállalási engedély). La xariir adeegaha bulshada ee xafiska waaxda socdaalka ama hay’ada caawisa qaxootiga (ka fiiri meesha aad kala xariiri karto buugan dhamadkisa).

• Caruurtaada waxay xaq u leeyihiin in ay adan iskuul , haddii ay joogan wadanka in ka yar muddo hal sano, waana laguu geynayaa iskuul haddii aad adiga u dalabto.

Waxaad iska hubisaa in tarjumaanka isku fahmaysaan si dhib la·aan ah.mutarjimiinta wa in ay u dhaqmaan si dhexdhexaad ah. Xaqna uma lahan in ay ku waydiyaan su’aalo dhankooda ah inta lagu guda jiro waraysiga waana in aysan isku dayin in ay kugu qanciyaan in aad la laabato dalabkaada magangalyo doon ama sheekadada aad badasho, haddi ay kula soo gudboonaato dhibaato xaga dhanka isfahanka mutarjimka ama aad ka shakisantahay in uusan dhexdhexaad ahayn mutarjimkaan , dhibaatoyinkas dhan u sheeg isla markii u qaybsanaha arinkaada ama qareenkaada dalbana tarjumaan kale.

4. Natiijoyinka laga yaabo in ay ka so baxaan howsha magangalyo dooninimadaWaa in aad si shaqsi ahaan xaadir u ahaataa markii lagu siinayo go’aanka, waxaana ka caawin doono fahansinta go’aanka laga gaaray tarjumaan.haddii aad isaga tagto ka hor inta aanan go’aanka lagu sinin wadanka , go’aanka waxaa lagu soo daabici doonaa si war galin ah oo kale boorka xafiska waaxda socdaalka, 8 malin ka dibna waxaa loo tixgalinayaa sida adigaa go’aanka shaqsi ahaan lagugu dhiibay. Taasina waa muhiim sababtoo ah haddii natiijada go’aanka ay tahay mid diidmo ah aad na dib ugu soo laabto hangari ka dib markii ay dhamaato ama ku dhaftay muddadii lagu tala galay racfaan qadashada, xaaladan oo kale waxaad u bahantahay in aad bilawdo howl magangalyo dooninimo oo cusub aadna la timaado cadaymo cusub.

A. Haddii lagu ogalaado ilaaloWaxaa jiro 3 qaybood oo ilaalo ah markii loo ego xerka wadanka hangari, markii masuulka u qaybsan howshada magangalyo oo ku sheegayo ama sheegayso go’aanka isla markaana way ku sharaxaysaa nooca ilaalo ee lagu siiyey.

Xaalad qaxootininimo (menekült)Xaaladan waxay shaqaynaysaa ilaa iyo muddo aan xadidnayn (balse waa lagaala laban karaa xalada gaar ah) xaaladan waxad helaysaa kaar aqoonsi oo hangariyaan ah oo 10 sano ah, tarafal dukumenti oo qaxooti ah ama aqoonsi lagu safro oo qaxootinimo , waxaadna xaq u leedahay in aad shaqaysato iyo in aad qoyskaada u dacwooto, waxaadna oo kaliya u dacwon kartaa xaaskaada, ama caruurtada, waalidkaada (haddi aad tahay caruur oo an qoys ku leheen wadanka hangari)ama haddi kale waalid dhanka dhaqaale adiga kugu tiirsan, ama dad si qoys ahaan si aad ku xega adiga kuwaaso aan daryeeli karin nafsadooda xanuuno dhanka cafimaad hayo awgooda, haddii aad bilaawdo in aad u dacwooto qoyskaada muddo 6 bilood guduhooda ka dib markii aad sharciga aad heshay lagama rabo in aad cadayso in aad cawin karto qoyskaada ama aad u samayso caymis caafimaad ah ee hangari. Ka dib

Page 10: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

haddii aad muddo 3 sano oo xariir ah aad degnaato hangari waxaad dalban kartaa dhalashada hangariyanka balse waxaa lagaa doonayaa in aad buuxiso shuruudo dhowr ah oo kala duwan si aad u hesho.Ilaalo farciyeed (oltalmazott)Xaladaan waxay shaqaynaysaa mudo 5 sano ah balse ka hor ayey masuuliyinta kala laban karaan. Xaladaana waxaa dib loo cusbonaysiyaa ka dib markii howshada dib loo eego, haddii aad donayso in aad u dacwooto reerkaada waa in aad cadaysaa in aad awoodo in aad cawin karto iyo in aay ku lahaadan caymis caafimaad wadanka hangari, waxaad dalban kartaa dhalashada hangari 8 sano ka dib, balse xuquuqda badaanaa waxay iska yara dhawyihiin kuwa xaquuqda qaxootiga.Xalaada jogitaan (befogadott)Xaladaan waxay shaqaynaysaa 1 sano , balse ka hor ayey masuulyiinta kala laban karaan, waxaana xaladan la cusbonaysiin karaa ka dib markii dib loo eego howshaada, xaladaan waxad helaysaa ogolaasho deganaasho binaadanimo ma helaysid aqoonsi lagu safro waxaadna shaqyan kartaa kali markii aad hesho ogolansho shaqo , haddii aad rabto in aad u dacwooto qoyskaada waa in aad cadaysaa in aad cawin karto iyo in aad u hesho caymis cafimaad ee hangari, 3 sano ka dib waxaad xareysan kartaa ogolansho degnasho ee hangari.B. Haddii dalabkaada magangalyo la diiday ama aadan ku racsaneen xalada lagu siyeyWaa in aad u gudbisaa racfaan xafiisaka waaxda socdaalka muddo 15 malmod guduhooda ka dib markii aad heshay go’aanka , racfaanka waa in aad ku cadaysaa waxa aad ugu malaynayso in go’aanka uu qaldanyahay , waxaad cawimaad qareeneed waydiisan kartaa isutaga qareemed ee hangariyan helsinki la yirahdo. Muddada loogu talagalay in ay maxkamada go’aan ku garto waa 45 malmin shaqo , balse caadi ahaan waxa laga yabaa in ay dhowr bilood qaadato howshaas, maxkamada waxay ku qasbantahay in ay ku waraysato si shakhsiyeed.

Isku so duub dhamaan maxkamada waxay racfankaada ka gaari kartaa 3 go’aan ee kala duwan:• in ay aqbasho racfankaada ayna ku ogolaato mid ka mid ah xaladaha ilaalo (xaalad qaxootinimo,ilaalo farciyeed

,ama jogitaan).• dhan ay ka aqbasho go’aankada ayana kansasho go’aankii xafiska waaxda socdaalka, ayna ku amarto xafiiska in uu

howl cusub ku bilaabo arinkaadana dib ka tixgaliyo.• in ay diido racfaankaada ayana u aqbasho sida uu go’aanku ahaa .

Maxkamada go’aankeeda waa kama danbays racfaanka kama qaadan kartid.Waad bilaabi kartaa howl cusub ee magangalyo doon waa haddi aad keeni karto cadaymo muhiim ah ee cusub iyo duruufo aan lagu carabaabin ama lagu texgalinin howshi hore ee magangalyo doon. (tusaale ahaan xalaada wadankaada ayaa is badashey , ama xaladaada shaqsiyeed ayaa wax iska badaleen ilaa iyo markii aad xaraysay dalabkii hore):Xusuusnoow:dalabkaada labaad ee magangalyo doon kama hor istaagayo masuuliyiinta in ay ka buriyaan ama tarxilaan wadanka hangarik ka hor inta usan dhamaan howshaada magangalyo doon. Lacala hadii ad hesho amar in lagu tarxiilo ama go’aan sida la mid ah waxaad u bahantahay in aad racfaan ka qaadato aad na ka codsato maxkamada in ay jojiyaan tarxilitaankaada isla markaa ba.

10

Page 11: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

311

C. Dib u labashada ama u celin Haddii aad hesho go’aan diidmo kama danbeys ah waxaa markale kula yeelan doonoo waraysi xafiska waaxda socadaalka (markaan ma ahan mid magangalyo, balse waa u qaybsane oo ah masul qabilsan dib u celinta) si uu u soo saaro amar dib u celintaada quseeyo, markii aad ku gudajirto waraysigaan iska hubi in aad shegto xaladahaada shakhsiyeed ee ka hor tagi kara ama kaa joojin kara in go’aan dib u celin la gaa gaaro (tusaale ahaan waxaa jir qof qoyskaada ka mid ah ee ku nool hangari ). Haddii la soo gaaro go’aan ka dib u celintaada waxaad haystaa 30 malmood oo ah in aad isaga baxdo wadanka , waxaadna racfaan ku qadan kartaa 8 malmood gudahooda, adigoo u diraya racfaankaada xafiska waaxda socdaalka.maxakamada waxay haysataa 15 malmood oo ah in ay go’aan kaaga garto. Haddii go’aan tarxilkaada ama musafirintaada la garay ka hor intaa aadan dalban magangalyo, kama qaadan kartid arinkaas racfaan waana in aad isaga baxadaa wadanka.Caadi ahaan amar dib u celinta waxaa la socdo xanibaad ka saaranto galitanka eeriyada la isku yiraahdo wadamada shanganta (eeriyadaasna way ku jiraan badanaa wadamada xubnaha ka ah midowga reer yurub ee markii la soo gaabiyo la isku yiraahdo EU) waxaana xanibaadaas ay ahataa ugu badnaan muddo 3 sano ah, waxaana loo sii dheereen karaa ilaa 3 sanoo kale oo dheeraad ah.

Haddi ad jeclaysato in aad si raali ahaansho in aad adiga isaga laabato , waa in aad ku shegtaa waraysigaada , waxaad kaloona la xariiri kartaa hay’ada caalamiga ah ee qabilsan qaxootiga (ka fiiri mesha aad kala xariiri karto bogaan dhamadkiisa ) waxayna kugu cawinayaan dib u labashadaada, xafiska waaxda socdaalka ayaga laf ahantoodana way go’aan san karaan in si qasab ah lagugu celiyo ama lagu musaafiriyo , markaasna waxaa lagu taxaabayaa xabsi , inta ay ku sii diyarinayaan arimahaada ku sabsan dib u celintaada ugu badnaana waxay qaadan kartaa muddo la eg 12 bilood.

Marka, haddii ay surto gal ahaan wayso in dib lagu celsho sababa jiro awgood , xafiiska waaxda socdaalka waxa uu ku siinayaa aqoonsasho cadayn deganaansho xadidan (ideiglenes tartózkodásra jogosító igazolás), taas oo shaqaynayso mudo 3 bilood kaliya ah , shahadadaas ama cadayntaas waxay kaa ilaalin dontaa in lagu xero ama lagu taxaabo haddi ay askarta ama booliska ay ku istaajiyaan oo adan galin ama adan gaysan wax danbi ama fal xad gudub ah , karkaas degananshaha xadidan waxaad xaq u leedahay adeega gar gaarka deg deg ah , xaladaan ama sharcigaan xaq uma lihid in aad shaqayso ama aad ka qayb qaadato waxbarasho guud ama kaalmo dhaqaalo ku hesho.? Halkee baan jogayaa inta lagu guda jiro arinta dib u celintayda ?Waxaad jogaysaa xabsiga waaxda socdaalka , ama degaanka bulshada ee ku yaalo balaashyarmat Balassagyarmat (ka fiiri mesha laga la xariiro dhamaadka warqadaan).

5. Howsha loo yaqaano dablin ee hangariMa dooran kartid wadanka aad rabto in aad ka dalbato magangalyo.Markii loo eego nadaamka dablin ee u yaalo xiriirka reer yurub waxaad ka dalban kartaa qaxootinimo hal

Page 12: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

wadan oo xubin ka ah midowga reer yurub, caadi ahaan waa wadankii ugu soo horeyey ee xiriirka ka mid ah ee aad so gashay ama gartay , taasi waxay u dhigantaa wadan kale oo aad dib uga dalbato magangalyo in uu dib ama gadaal kugu soo celin doono wadankii kowaad.Taasi na waxay dhacdaa markii:• markii faro lagaga soo qaday wadan kale(sababtoo ah faraha waxaa lagu xareeyaa meel kaydiso warbixinada

iyo macluumaada ee yurub loona yaqaano yuurukood marka masuuliyiinta way ku aqoonsanayaan haddii aad xataa isticmaasho magac kale oo ka duwan kagi hore ama waxaaybe kale maclumaadkaada ku sabsan aad badasho).

• ama aad u sheegto masuuliyeenta u qaybsan arintaada in aad ka soo safartay ama soo martay wadan kale oo midowga reer yurub ka mid ah, haddii aysan xataa aysan kaa qadan faro.

• ama cadaymo kale lagaa helo kuwaas cadaynayo in aad so martay wadan kale ee ka mid ah midowga reer yurub EU.

• ama aad haysato fiso wadan kale oo ka mid ah midowga reer yurub EU.• ama aad u sheegto masuuliyiinta u qaybsan arimahaada in aad rabto in aad la noolaato xaaskada oo

magangalyo doon ah ama qaxooti ku ah wadan kale.Nidaamka dablin waxaa lagu dabaqaa ama lagu qadaa wadamada soo socdo: Uustari, Biljamka, Bulgaariya, Qubrus, Jamhuuriyada Jeek, Denmaark, Istooniya, Filaand, Faransiiska, Jarmalka, Giriiga, Hangari, Eeslaand, Eerlaand, Talyaaniga, Laatfiya, Lituwaaniya, Luksanbuur, Maalta, Holan, Noorweey, Boolan, Bortaqiiska, Roomaaniya, Islofaakiya, Islofiiniya, Isbeen, Isweedhan, Iswiisarlaand, iyo boqortooyada Ingiriiska, Eeslaand, iyo Noorweey iyo Iswiiserlaand kama mid ah midowga reer yurub balse wali waxay ka qayb qataan nadaamka dablinta.

? Maxaa dhacaya haddi ay hangari damacdo in ay dib iigu celiso wadan kale ayadoo laraacayo xeerka dablin?Inta lagu guda jiro wajiga hore ee howsha qabilitanka (firi baggi 4 aad) xafiiska waaxda socdaalka waxay marka hore hubinayaan in howsha dablin lala beegsanayo arintaada iyo inkale . Haddi ay noqoto in lala beegsado, waa la joojinayaa ama la xanibayaa inta laga helayo go’aanka wadanka ka masuulka ah in uu howshaada magangalyo doon wax ka qabto. Arinta howsha dablin waxay qaadan kartaa in muda ah , dhawr asbuuc,ama xataa bilooyin, haddii xafiiska waaxda socdaalka uu kaa gaaro go’aan in dablin lagula tiigsado ah , dib uma la laban kartid dalabkaada magangalyo doon, haddii xafiiska waaxda socdaalka go’aan ku gaaro in wadan kale ay noqoto in uu arinkaada magangalyo doon wax ka qabto ama laguu celiyo oo adan ku raacsaneyn go’aankaas, racfaan waad ka qaadan kartaa oo ka dhan ah go’aanka.waana in aad u gudbisaa racfaankaada xafiska waaxda socdaalka muddo 3 malin guduhooda. Racfaankaadana waxaa go’aan ka gaarayo maxkamada gobolka taas oo ku xeran halka aad degantahay ama lagugu haayo. Racfaanka si toos ah ma kagaga badbaadinyo in dib laguugu celiyo wadankii aad ka timid , sidaas daraadeed waxaa laga rabaa in aad ku sheegto racfaanka aadna waydiisato maxkamada in ay joojiso dib u celintaada. Muddada loogugu talagalay maxkamada in ay go’aan ku gaarto waa 8 malmood, balse caadi ahaan intaas way ka dheran kartaa muddada , maxkamada si shaqsi ahaan kuma waraysan doonto aad

12

Page 13: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

313

ayeyna u yartahay in aad ku guleysato racfaanka, waxaad kaalmo waydisan kartaa gudiga hangariyaan helsinki.? Halkeebaan jogayaa inta lagu guda jiro howsha dablin?• Xirada qaxootiga ee dabrasan (waxaad kaliya oo ad ka bixi kartaa kaamka xili gaar ah wana haddii ay

masuuliyinta ku ogoladaan )ama xabsiga waaxda socdaalka.• Haddii ad caruurtahay (da’daadu ka yartahay 18 sano)oo qof qoyskada ah oo ku daryeelo oo ka wayn uusan jirin

hangari dhexdeeda , waxaa lagu dirayaa meesha ilmaha lagu hayo ee Fot. XASUUSNOOW: haddii adan haysanin wax dukuminti ah oo cadynayo in aad caruurtahay, ama masuuliyinta aysan ku rumaysanin, waxaad dalbankartaa dhaqtar khaas ah ee ku baaro kasoo si rasmi ahaan u soo cadayn karo haddii ad ka yartahay da’daas ama haddii ad ka wayntahay 18 sano, kaalmo waydiiso gudiga hangariyaan helsinki.

? Wadan kale ma la ii celinayaa haddii aan xanuunsanahay?Waa in aad u shegtaa sarkaalka magangalyo wixii cuuryanimo ah, ama jiro, ama dhibaato cafimaad aad qabto waraysigada ugu horeyo, haddii xafiska waaxada socdaalka ay go’aan sadaan in ay ku celiyaan wadan kale, wa in aad ku sheegta sababa aad ugu soo horjeedo go’aan waaxda socdaalka racfaanka gudihiisa.? Qofka mid ah qoyskeyga ayaa ku nool wadan kale ee ka mid ah midowga yurub (EU) ah wadankaas masuul ma ka noqon karaa dalabkayga magangalyo doon?Hadii qofka familigada ka mid aha u yahay canugada oo ka yar 18 sano , ninkaada, naagtada, ama waalidkaada(haddi ay da’daada ka yartahay 18 sano ), haddi ay qaraabo kale yihiin waa in aad cadaysaa in ay dadkaas adiga kugu tiirsanyihiin dhib xaga cafimaad daro haysato awgeeda, waxaadna ku shegtaa waraysigaada kuwaad ee markii ad wadanka so gashay ah.? Waxaan kala soo kulamay dhibaatoyin aad u fara badan wadankii ka mid ah midowga yurub EU ee aan soo maray ka hor inta anan imaan hangari, maxaan qaban karaa si aanan dib la iigugu celin wadankaas? Waa in aad ku shegtaa waraysigaada ugu horeeyo ay kula yeshaan xafiska waaxda socdaalka, haddi wali ay waaxda socdaalka go’aan sadaan in ay dib kuugu celiyaan wadankaas, waxaad ka qadan kartaa racfaan kuna caday sababaha aad uga soo horjeedo in dib laguugu celiyo wadankaas, ha hilmaamin in aad maxkamada waydisato in ay joojiso dibu celintaada.

? Waxaan horey u waydiisatay magangalyo wadan kale ee ka mid ah midowga yurub EU dalabkayga magangalyona waa la diiday , maxay wali u rabaan masuuliyinta hangari in ay dib igu celiyaan wadankaas EU da ah ?Xeerka dablin waa uu howlgalyaa haddii xataa la soo diiday dalabkaada, hadii usan wadankaas ku soo sinin diidmo kama danbays ah ayna horey u bilabeen howsha dib u celintaada. Magangalyo waydiiso ama ku adkayso shekadii magangalyadii aad hore u shegatay , waana in aad ku cadaysaa waraysigaada hore ee xafiiska waaxda socdaalka ,dhanka dabiqitanka , hangari xafiska waaxda socdaalka waxay marka hore bilawayaan in dib ku celiyaan ama (howsha dib u musafirinta), taas oo laga yaabo in ay ka soo baxdo go’aan musaafiris ah , markaa ka dib ayaa dib loo egayaa dalabkaada magangalyo doon, hadii uu yahay

Page 14: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

dalabkaada magangalyo doon kaadi kowaad , arinka musafirintaada dib ayaa loo dhigayaa, balse hadii uu yahay dalabkaada labaad , taas kama celinayso in dib laguu musafiriyo, lacala hadii ad hesho go’aan dib u musaafirin ah , waa in aad racfaan ka dhan ah qadataa muddo 8 malmood guduhooda ah , aadna waydisataa in la joojiyo ama la xanibo dib u musaafirintaada, waan in aad u dhibtaa racfaanka xafiska waaxda socdaalka ama booliska si toos ah ugu dhibtaa , ayaagana u dirayo maxkamada ku shaqada leh , waxaad kaalmo waydisan kartaa qareenka gudiga hangariyaan helsinki.

A. Haddii aad horey magangalyo u waydisatay hangari howshadiina la dhameyey ? Gormee howsheda la dhamiyey ?• Hadii aad hesho go’aan diidmo kama danbays ah (ama dalabkaada iyo racfanadaada la diiday).• Hadii go’aankadii kowaad uu ahaa diidmo kama danbays ah ayna ku seegtahay xiligii loogu tala galay in aad

racfaan ku qaadato , ama waraysiga maxkamada aadan tagin.• Hadii aad isaga tagtay wadanka hangari , arinkaada la xeray(ayadoo go’aan ka soo bixin dalabkaada muhimka ahaa).

Hadii aad ku soo labatay hangari howshadii magangalyo ee horena ay horey u dhamaatay , waa in aad bilawdaa howl magangalyo cusub, si loo aqbalo dalabkaada cusub waa in aad shegtaa arimo cusub oo dhab ah ama duruuf cususb iyo xaqiiqooyin , kuwaaso horey loogu texgalinin ama lagu carabaabin dalabkadii hore (tusaale ahaan xaalada wadankaada hooyo, ama warbixinada adiga ku quseyey ayaa wax iska badaleen tan iyo goortii la xareeyey dalbkaadii hore ). XASUUSNOOW:dalabkaada magangalyo ee labaad kama hor istaagayo masuuliyiinta in ay ka musafiriyaan wadanka hangari. Hadii arinku sidaa yahay (haddii ad heshay amar musaafirin ah) waa in aad ka qadataa racfaan ka dhan ah amarka musafirintaada adna waydisataa maxkamada in ay xanibto musafirintaada.

B. Haddii adan horey uga dalban magangalyo wadanka hangariWaxaad magangalyo waydisan kartaa hangari markii lagu soo xawilo , haddii uu kuu soo baxay amar musafirin ah, amarkaas waa la xanibayaa inta lagu guda jiro howshaada magangalyo doon, balse waa inaad wali racfaan ka qadataa amarka tarxiilkaada.? Halkee baan jogayaa markii la igu soo celiyo hangari?• Ama kaamka furan ee xirada qaxootiga ee dabrasan ama xabsiga waaxda socdaalka (hadii ad heshay amar

musafirin ah).• Haddii ad caruurtahay (da’daadu ka yartahay 18 sano)oo qof qoyskada ah oo ku daryeelo oo ka wayn uusan jirin

hangari dhexdeeda , waxaa lagu dirayaa meesha ilmaha lagu hayo ee Fot. XASUUSNOOW: Haddii adan haysanin wax dukuminti ah oo cadynayo in aad caruurtahay, ama masuuliyinta aysan ku rumaysanin, waxaad dalbankartaa dhaqtar khaas ah ee ku baaro kasoo si rasmi ahaan u soo cadayn karo haddii ad ka yartahay da’daas ama haddii ad ka wayntahay 18 sano , kaalmo waydiiso gudiga hangariyaan helsinki.

14

Page 15: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

315

6. Warbixinta lagala xariiro

Gudiga hangariyaan helsinki (Magyar Helsinki Bizottság), kaalmo xaga sharciga ee bilaash ah Budapest (xafiiska dhexe), 1054 Budapest, Bajcsy-Zsilinszky út 36–38., taleefon/fakis: 06 1 321 4323, 06 1 321 4141, boga internetka: www.helsinki.hu, e-mail: [email protected], luqadaha: hangariyaan, ingiriis, faransiis, isbaanish, talyaani, serbiyaan, ruush, jarmal fadlan marwalbo isku day in aad balan samaysato. Xabsiga waaxda socdaalka ee bikshaafa Békéscsaba / abuukaate, Tímea Kovács 6720 Szeged, Tisza L. körút 34, taleefan: 06 20 496 7372 Luqadaha: ingiriis iyo hangariyaan. Abuukaataha xabsiga asbuuciba mar ayuu soo boqdaa. Xirada qaxootiga ee dabrasan /abuukate, Orsolya Szántai-Vecsera 4033 Debrecen, Sámsoni út 149. guri nambar. 47 (guriga cagaaran), taleefan/fakis: 06 52 448 446. Luqadaha: hangariyaan, ingiriis, faransiis, serbiyaan. La talinta: isniinta -khamiista galab, jimcaha subax. Hoyga caruurta ee fot /abuukaate, Júlia Iván, gudiga hangiriyaan helsinki, 1054 Budapest, Bajcsy-Zsilinszky út 36–38. Taleefon/fakis :06 1 321 4323, luqadaha: hangariyaan, ingiriis, faransiis. Mar walbo ku dadaal in aad balan samaysato. Xabsiga waaxda socdaalka ee gagida dayuuradaha ee calamiga ee listi faransik ee budabesti /abuukate Gábor Győző, ee gudiga hangaariyaan helsinki , 1054 Budapest, Bajcsy-Zsilinszky út 36-38., teleefan/fakis: 06 1 321 4323. Luqadaha: hangariyaan, ingiriis. Qareenka wuxuu boqdaa eerboorka labadii asbuucba mar. Xabsiga waaxda socdaalka ee naribator /abuukaate, Róbert Miskolczi, 4400 Nyiregyháza, Iskola utca 3, Taleefan: 06 42 506 313. Luqadaha: hangeeriyaan, ingriis. Qareenka wuxuu boqdaa xabsiga asbuuciba mar. Xabsiga waaxda socdaalka ee giyoor /abuukaate, Norbert Nagy, 9027 Győr, Tátika u. 1. 2/6, Taleefan: 06 70 234 9202. Luqadaha: hangariyaan, ingiriis. Qareenka waxa uu boqdaa xabsiga asbuuciba mar. Xabsiga waaxda socdaalka ee kishkunhalas /abuukaate, Tímea Kovács, 6720 Szeged, Tisza L. körút 34, Taleefan: 06 20 496 7372. Luqadaha: hangariyaan, ingiriis. Qareenka waxa uu boqdaa xabsiga asbuuciba mar.Ururka manadekta (Menedék Egyesület), Caawimaad bulsho oo lacag la’aan ah (tusaale ahaan haddi ad u bahantahay in shaqo lagu raadiyo, ama meel aad seexato ). Budabest (xafiiska dhexe) 1090 Budapest, Erkel utca 13/A, ground floor #5, taleefan: 06 1 411 1710, 06 1 411 1711, 06 20 430 9919, fakis: 06 1 411 1711, boga internetka : www.menedek.hu, cinwaanka emailka: [email protected] Luqadaha: hangariyaan, ingiriis, serbiyaan. Fadlan hore u samayso balan! Xabsiga waaxda socdaalka ee bekshafa /adeego bulshe, Saeed Mohamed Abu Jubere. Booska: xabsiga dhexdiisa, taleefan: 06 20 227 4267. Luqadaha: hangariyaan, ingiris, carabi . Xirada kaamka ee dabrasen /adeego bulsho, Tímea Kovács, mesha ay ku taalo: guriga numberka 47 (guriga cagaaran ) taleefan/fakis: 06 52 428 537, 06 20 226 7286 Luqadaha: hangariyaan, ingiriis, romaniyaan. Fadlan mar walbo ku dadaal in aad horey balan u si samaysato. Xabsiga waaxda socdaalka ee kishkunhalas /adeego bulsho, Zsuzsa Perák, mesha ay ku taalo xabsiga

Page 16: Magangalyodonida wadanka Hangari...• Haddi aad da’ yar (ka yartahay 18 sano) adan lahayn qoys ka wayn oo ku daryeelo joogana wadanka hangari waxaa laguu dirayaa guriga caruurta

gudihiisa, taleefan/fakis: 06 77 422 539, 06 20 476 4510. Luqadaha: hangariyaan, ingiriis, serbiyaan. Xabsiga waaxda socdaalka ee nayrabator /adeego bulsho, Éva Adoba, mesha ay ku taalo: xabsiga gudihiisa. Taleefan/fakis: 06 42 254 6600, 06 70 331 9568. Luqadaha: hangariyaan, ingiriis, ruush, ukrinayaan.Hay’ada kordeeli (Cordelia Alapítvány), kaalmo nafsiyeed oo lacag la’aan ah, iyo dib u dajinta dhibanayaasha dirjilka soo maray, iyo magan galyo doonayasha dhibatada ku soo habsatay. Budabest (xafiiska dhexe), 1133 Budapest, Kárpát utca I./B, 6th floor #24. Talefan: 06 1 349 1450, fakis : 06 1 239 1332, booga internetka: www.cordelia.hu, cinwaanka internetka: [email protected] Xafiska gudihiisa talooyin lagau bixiyo , balse cilmi nafsiyahanadu waxay boqdaan kaamamaka dabrasan iyo biijka asbuuciba hal mar, fadlan waydii xiliga ay imanayaa adeega bulshe. Luqadaha: hangariyaan, ingiriis, ruush.Qaramada midowe waaxda sare ee qaxootiga (UNCHR) u qaabilsanaha masuulka yurubta dhexe 1022 Budapest, Felvinci út 27., Tel: 06 1 3363 060, fax: 06 1 3363 080, boga internetka: www.unhcr-centraleurope.org, cinwaanka internetka: [email protected]’ada caalamiga ee socdaalka (IOM), waxay ka kalmaynayan dib u laabashada tadawoca ah. 1065 Budapest, Révay utca 12, taleefanka: 06 1 472 2500, 06 80 205 018 (khadka kulul) fakis: 06 1 374 0532 boga internetka: www.iom.hu, cinwaanka internetka: [email protected] kaalmada ee hangari (Magyar Ökumenikus Segélyszervezet), hoyga guriga caruurta ee fot Vörösmarty tér 2, taleefanka: 06 30 749 2273.Xafiiska waaxda socdaalka iyo dhalashada (Bevándorlási és Állampolgársági Hivatal) Masuulka magangalyada, 1117 Budapest, Budafoki út 60, taleefanka: 06 1 463 9170, fakis: 06 1 463 9108, boga internetka: www.bevandorlas.hu, cinwanka internetka: [email protected] qaxootiga Hoyga is dhexgelka ee bijka, 2060 Bicske, Csabdi út 20., taleefan: 06 22 350 907 Hoyga caruurta ee fot, 2151 Fót, Vörösmarty Mihály út 4., taleefan: 06 27 358 490 Xirada kaamka qaxootiga ee dabrisin, 4033 Debrecen, Sámsoni út 149., taleefan/fakis: 06 52 413 517Hoyga bulshada Hoyga bulshada ee balashagayrmat, 2660 Balassagyarmat, Kossuth u. 43., taleefan: 06 35 501 041Xabsiyada waaxda socdaalka Xabsiga eerboorka (Repülőtér, Repülőtéri Rendőr Igazgatóság), Budapest, Ferihegyi repülőtérre vezető út, 1675 Budapest, Pf. 10. taleefan: 06 1 294 1166 Bikshafa, 5600 Békéscsaba, Kétegyházi út 10., taleefan: 06 66 519 830, 06 66 452 617 Giyoor, 9026 Győr Szövetség út 17., taleefan: 06 96 337 810 Kishkunhalas, 6400 Kiskunhalas, Mártírok útja 25., taleefan: 06 77 522 944 Nerabatoor, 4300 Nyírbátor, Bocskai út 2-4., taleefan: 06 42 510 568

Magyar Helsinki Bizottság . 2011 / szomáli©

Mag

yar H

elsi

nki B

izot

tság

fotó

/ gr

afika

i des

ign:

gro

mek

- fo

rtin

&Br

as S

tudi

ofo

rdítá

s: A

bdira

uf M

oham

ud H

assa

n