midaynta (isukeenidda) qoysaska ee xeerka dublin iii · 2018-07-03 · waxa kale oo aad dalban...

2
Print: ISBN 978-92-9494-889-2 doi:10.2847/864388 Web: ISBN 978-92-9494-888-5 doi:10.2847/819225 SUPPORT IS OUR MISSION Midaynta (Isukeenidda) qoysaska ee Xeerka Dublin III Qofkee ayay khusaysaa? (SO) Maxay tahay inaad samayso? Waxaad la xiriiri kartaa EASO, UNHCR ama hay’adaha Talyaaniga: Waxay ku siin karaan xog dheeri ah oo ku saabsan suurto- galnimada inaad ku biirto xubnaha qoyskaaga ee jooga wadan kale oo Yurub ah. Si ay hay’aduhu u awoodaan inay ku caawiyaan, waa inaad: Siiso xog ugu badan siday kolba macquul u tahay ee ku saabsan xubintaada qoyska iyo xaaladdooda ee wadankaas kale: Xogta waxaa ka mid ah magaca koobaad, magaca qoys, taariikhda dhalasho, ciwaanka lagala xiriiro, taleefoon lambar haddii ay macquul tahay, aqoonsiga wadanka Yurub (haddii uu ama ay qaxooti tahay, codsaday ilaalada caalamiga oo go’aankiisa/keeda la sugayo, iwm.) Keen waraaqaha la heli karo: Waraaqaha aqoonsi ama wax waraaqo ah oo kale ama xog cadayn karta xiriirka u dhaxeeya adiga iyo xubintaada qoyska iyo aqoonsigiisa/keeda wadanka kale. Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan foom ogolaansho ah, oo ay qoraal ahaan ku muujinayaan rabitaankooda inay midoobaan. BZ-04-18-236-SO-C

Upload: others

Post on 28-Dec-2019

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Print: ISBN 978-92-9494-889-2 doi:10.2847/864388Web: ISBN 978-92-9494-888-5 doi:10.2847/819225

SUPPORT IS OUR MISSION

Midaynta (Isukeenidda) qoysaska ee Xeerka Dublin III

Qofkee ayay khusaysaa? (SO)

Maxay tahay inaad samayso?Waxaad la xiriiri kartaa EASO, UNHCR ama hay’adaha Talyaaniga:

Waxay ku siin karaan xog dheeri ah oo ku saabsan suurto-galnimada inaad ku biirto xubnaha qoyskaaga ee jooga wadan kale oo Yurub ah.

Si ay hay’aduhu u awoodaan inay ku caawiyaan, waa inaad:

• Siiso xog ugu badan siday kolba macquul u tahay ee ku saabsan xubintaada qoyska iyo xaaladdooda ee wadankaas kale:Xogta waxaa ka mid ah magaca koobaad, magaca qoys, taariikhda dhalasho, ciwaanka lagala xiriiro, taleefoon lambar haddii ay macquul tahay, aqoonsiga wadanka Yurub (haddii uu ama ay qaxooti tahay, codsaday ilaalada caalamiga oo go’aankiisa/keeda la sugayo, iwm.)

• Keen waraaqaha la heli karo: Waraaqaha aqoonsi ama wax waraaqo ah oo kale ama xog cadayn karta xiriirka u dhaxeeya adiga iyo xubintaada qoyska iyo aqoonsigiisa/keeda wadanka kale. Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan foom ogolaansho ah, oo ay qoraal ahaan ku muujinayaan rabitaankooda inay midoobaan.

BZ-04-18-236-SO-C

Haddii aad ka yartay 18, qof wayn oo kaa masuul ahna lama joogtid, waxaadna jeclaan lahayd inaad ku biirto qaraabadaada kuu dhaw ee wadan kale jooga:

• Hooyadaa, aabahaa ama qof kale oo wayn oo sharci ahaan kaa masuul ah.

• Walaalkaa ama walaashaa.• Eedadaa/habaryartaa, adeerkaa/abtigaa ama awoowgaa/

ayaydaa kuwaas oo ku daryeeli kari.

Haddii aad ka wayntahay 18 oo aad jeclaan lahayd inaad ku biirto xubno qoyskaaga ah, kuwaas oo loo aqoonsaday qaxooti ama helay sharciga ilaalada (subsidiary protection):

• Naagtaada, ninkaaga ama lamaanahaaga aad leedihiin xiriir rasmiga ah.

• Ilmahaaga ka yar 18 sano.

Haddii aad ka wayntahay 18 ood jeclaan lahayd inaad ku biirto xubno qoyskaaga ah, kuwaas oo codsaday ilaalada caalamiga ah oo go’aanka codsigooda la sugayo:

• Naagtaada, ninkaaga ama lamaanahaaga aad leedihiin xiriir rasmiga ah.

• Ilmahaaga ka yar 18 sano.

Hadii, ay jiraan

• Uur• Ilmo yar oo markaa dhashay• Xanuun xun• Laxaad la’aan adag• Da’wayni

Waxa kale oo aad dalban kartaa midayn (isukeenid) qoys, haddii aad ku tiirsan tahay kaalmada ilmahaaga, walaalahaa waalidka kuwaas oo sharci ku degan dalalka sare ee Xubna ka ah Midawga Yurub, AMA ilmahaaga, walaalahaa ama waalidkaa uu sharci ku dagan Dalalka Xubnaha ah Midawga, AMA, hadii ilmahaaga, walaalahaa ama waalidkaa oo haysto sharci degenaansho ah ee Dalalka Xubnaha ka ah Midawga Yurub uu ku tiirsan yahay kaalmadaada.

haddii aad doonayso inaad ku biirto xubin qoys oo dhaw oo aad awoodo inaad daryeesho iyaga:

hadii ay uur leeyihiin ama leeyihiin ilmo cusub oo u dhashay:

hadii ay laxaad la’aan adag qabaan, ama xanuun daran,

hadii ay waayeel yihiin:

• Ilmahaaga ka wayn 18.• Walaalkaa ama walaashaa.• Waalidkaaga.

Qofkee ayay khusaysaa?Qofkee ayay khusaysaa? Qofkee ayay khusaysaa?

Ma leedahay xubno qoys* oo wakhtigan ku dhaqan Dalalka Xubnaha ka ah Midawga Yurub?

Awsteriya Biljam BulgeriyaKaroshiya Qubrus Jek Ribablig Denmaak Istooniya FilaanFaransa Jermani GiriigHangari Ayslan AyrlanItali Lafiya LiechtensteinLituwiiniya Luksembaag MaaltaNiitarlaan Noorwey BoolaanBurtuqaal Roomaaniya IsloofaakiyaIsloofaaniya Isbayn IswiidhanIswiisarlaan Boqortooyada Ingiriiska

* “Xubinta Qoysku” waa qof ka tirsan qoyskaaga dalkaad kasoo jeedo oo wakhtigan ku sugan deegaanada Dalalka Xubnaha ka ah Midawga Yurub. Tusaaleyaasha xubnaha qoyska, warqaddan ayay ku liis garaysan yihiin.