miyaad qabtaa su'aalo? hagayaasheena degaanka ah ayaa ... · ⋅ waxay kuu sharxi doonaan sida...
TRANSCRIPT
Miyaad qabtaa su'aalo? Hagayaasheena degaanka ah ayaa kaaga
jawaabaaya!
Ma fududa inaad hesho qaabkaad umari lahayd meel cusub ood dagto. Su'aalo badan iyo
mararka qaarkood dhibaatooyin ayaa ka yimaada nolol maalmeedka. Hagayaasheena
degaanka ah ayaa kuu hayo jawaabo. Waxay ku farxi doonaan inay kula socodsiiyaan, kula
taliyaan, kuguna raacaan luqadaada hooyo.
Maxay qabtaan hagayaasha degaanka ah?
⋅ Waxay kaa taageeri la xiriiritaanka hay'adaha, dugsiyada, hay'adaha takhasuska leh iyo
ururada iyo kaa caawinaya turjumidda waraaqaha ama buuxinta foomamka.
⋅ Waxay ku siin doonaan macluumaad ku saabsan koorsooyinka luqada Jarmalka.
⋅ Waxay kuu sharxi doonaan sida xanaanada iyo iskuulku u shaqeeyo, ay kugu wargeliyaan
xarumaha xanaano maalmeedka, ciyaaraha isboortiga iyo dalabyada kale ee carruurta iyo
dhallinyarada.
⋅ Waxay kaa caawiyaan in aad heshid habkaada ku saabsan nidaamka caafimaadka iyo
arrimaha maamulka.
⋅ Waxay kugu wargelinayaan dhacdooyinka, riwaayadaha, cayaaraha iyo dalabyada kale ee
kuu sahli kara inaad la xiriirto oo aad la kulanto dadka tuulada.
Waa maxay hagayaasha degaanka ah?
Hagayaasha degaanku waa shakhsiyaad aamin ah oo ka socda waddankaaga hooyo kuwaas
oo horay ula soo noolaa bulshada muddo dheer. Waxay yaqaanaan xaaladah nololeedka
degaanka waxayna ogyihiin sida ay udhow yihiin Kehrsatz. Waxaa soo tababaray degmada si
ay u qabtaan hawlahooda la talinta iyo dhexdhexaadinta. Waxay ku xidhanyihiin ballanqaad
sir ah.
La-talshiga hagayaasha degaanka waa bilaash.
La xiriir hagaha degaanka ee ladoonaayo, maamulka degmada Kehrsatz ama si toos ah ula
xiriir isku duwaha hagaha degaanka.
Hagayaasha degaanka ah ee Soomaaliya
⋅ Ms. Ayaan Mahad Barre, limeel: [email protected]
Lambarka taleefonka 078 680 52 81
⋅ Mr. Cabdirahman Mahad Barre, Iimeel: [email protected],
Lambarka taleefonka 077 941 69 45
Kehrsatz Municipal Administration
Zimmerwaldstrasse 6
3122 Kehrsatz
Tale. 031 960 00 02
Fakis 031 960 00 01
Iimeel: [email protected]
Isku-duwaha Hagaha Degaanka
Therese Junker
Iimeel: [email protected]
Lambarka taleefonka 079 568 19 53