nafta iyo sharka maxaa ka dhexeeye · pdf filetan waxa ka dhalanaysa in sida keli ah ee nafta...
TRANSCRIPT
NAFTA IYO SHARKA MAXAA KA DHEXEEYE?
Gogoldhig
Qoraalkan waxa aynu foolka ku saari doonnaa nafta iyo sharka waxa ka
dhexeeya; xidhiidh iyo xurguftan, sababta uu u jiro iyo guud ahaan aragtiyaha iyo
falsafadaha ay falsafadyahannadu ka leeyihiin/lahaayeen asalka aadanaha; ma
mid sharka u janjeedha baa mise waa ku wanaagga iyo khayrka xaggiisa jira?
Waxa aynu ugu danbaynta qormadeennan isku deyi doonnaa in aynu doodaha
baabkan khuseeya wax ku darsanno, inta aynu kala hufno gorfayn dabadeed.
Gunaanadka qoraalkan waxa akhristaha laga filayaa in uu ugu yaraan feker iyo
weji kale oo naftiisa ahi u muuqdaan. Haddii ruuxa akhrisanayaa helo xagal iyo
xog kale oo naftiisa iyo sharka ku saabsan, waxa loo qaddarinayaa in ujeedkii
qoraalku gudbay guulaystayna.
Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay: 4,460 eray.
Marjaca Qoraalka:
Qoraalkan xogaha iyo doodaha aynu ku soo bandhigayno marka aynu kala
reebayno, kala hufaynana, beegaalka aynu adeegsanaynaa waa saddex:
1. Cilmi-nafsiga (Psychology)
2. Caqiidada (Islam)
3. Caqli-galka (Logic)
Nafta iyo aragtiyaha ku gedaaman
Falfadyahanka dunida soo maray waxa ay ku kala duwanaayeen qeexidda nafta
iyo sidoo kale asalka aadanaha.
Qaar ka mid ahi waxa ay ku sheegeen in qofku qof uun yahay mar kasta, wax
kasta oo dhaca, dhib iyo dheefba, aadanuhu waa aadane. Mar kastana ama khayr
ayuu faraha ayuu faraha kula jiraa ama shar.
Kuwaa waxa ay u arkeen in kala duwanaanshaha dhaqan ee dadku; shar iyo khayr,
uu ku salaysan yahay qofka laftarkiisa. Oo ruuxa ayaa ama markiisa hore wanaag
u samayn ama xume u samaysan ayay ku tageen.
Kuwo kale ayaa u arkay in dabeecaddiisa jidh ahaaneed qofka ay ku riixdo in uu
shar sameeyo, oo uu bahalnimo ku dhaqmo, uu isku Dayana in uu baahiyihiisa
iyo hawadiisa ka fuudhyeelo, awood wuxuu leeyahayna isugu geeyo!
Sidee ayuu hawadiisa u dhergin karaa?
Waxa ay dhaheen qofku sharwade ayuu noqonayaa waxii u ahaada sameeya,
isaga oo aanu wax xidhaa jirin. Laakiin dabeecaddiisa gudeed, mabda’yadiisa,
iyo dhaqannada bulshadiisa ayaa xagga wanaagga u riixaya.
Kuwo kale waxa ay u tixgeliyeen caqligu in uu yahay mashiinka sharka iyo
khayrka, waxa ayna ka dhigeen garsooraha; kan wax faraya kana reebaya ee
xukummaya qofka dabeecad ahaan. Kolkaa wixii uu shar uu u arko ayaa shar ah!
Badh baaba la yimi jadh kale; waxa ay dhaheen qofku shar ama wanaag ayuu ku
dhashaa, waayo wuu dhaxlaa; hiddo-side sharka ama khayrka qaada ayaa jira!
Koox kale ayaa deegaanka u tiirisay sharka qofi ku kaco ama wanaagga.
Kuwo kalana dhaxlidda iyo deegaanka ayay isku dareen, una aaneeyeen sharlow
ama khayrwade ka uu qofku soo baxayo.
Dulmarkaa marka aynu ka soo gudubno aynu soo kicinno odayadii caanka ahaa
ee falsafadda iyo waxa ay qabeen, innaga oo u eegayna beegaalladii aynu kor ku
soo sheegnay.
Aragtiyaha Faylasuufyadii Galbeedka:
Aragtida 1aad
Socrates, Stoics, Jean-Jacques Rousseau, René Descartes iyo inta ku
waafaqsaniba waxa ay qabeen in dadku asal ahaan ehlu khayr yihiin, balse ay
sharwadayaal noqdaan marka ay la fadhiistaan ehlu sharka, ayna u leexdaan
hawadooda iyada oo qofku uu waddo kasta iyo xeelad kasta uu u maro si uu u
fushado hawadiisa, isaga oo aan eegayn saxnimada marrinka iyo
khaladnimadiisa!
Waxa ay u eegtahay in ay leeyihiin: in nafta aadanuhu dabeecad iyo asalnimo
khayr ah leedahay, balse sharku uu weerar ku soo qaado fidraddiisa iyo
dhalashadiisaa khayr ah, dibaddana uu kaga yimaaddo.
Rousseau waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo dhug lahaado dabeecadda
ilmaha yar, la ixtiraamo lagana dhawro dhexgalka bulshada, waxa uuna yidhi:
“Wax kastaa inta ay ku jiraan gacanta dabeecadda waa ay bedqabayaan, marba
haddiise ay galaan gacanta aadanaha waa ay kharaabayaan”! [Sarxan, 1978,
50].
Qolooyinkani waxa ay ku tageen in asalka aadanahu uu ka kooban yahay jidh
iskii u taagan iyo caqli ama ruux iskood u taagan.
Descartes waxa uu aaminsan yahay in shaqada ruuxdu tahay gaadhidda aqoonta
iyada oo loo sii marayo hannaanka u-fiirsashada ee caqliga ah, halka kan
camaliga ahna tahay heer/martabad soke oo ku tiirsan jidhka ugu horrayntaba.
Shaqada tarbiyadduna waa xoojinta dhanka ruuxiga ah uun; la xidhiidha ruuxda,
si uu qofku uga gacan sarreeyo hawooyinkiisa! (Descartes, 1650).
Aragtidan Descartes waxa ay meesha ka saaraysaa, oo xaqiraysaa, muhiimadda
farsoomiyinka gacanta, makaanikada iyo hawlahaa birmaalidda ah, iyada oo loo
arkayo dadka waxaas ku shaqaystay Dabaqadda Hoose ee Dadka, taasna ay ka
dhalato kala-durugga dabaqadaha dadweynaha ku yimaadda, marba haddii dadka
ruuxda uun kobciya loo arkayo in ay dabaqad sare yihiin!
Aragtidani, haddaba, waa marka koowaad e ma aha mid la wada qaadan karo.
Waayo dadka waxa laga abuuray macdanaha carrada dhulku ka kooban tahay, ee
kala geddisan; mid wanaagsan iyo mid xunba waa laga helayaa.
Eebbana Isaga oo taas caddaynaya ayuu Qur’aanka ku yidhi:
Ku dheh (Nebi Maxamedoow): Mid kastaa noocaddiisa ha u“ – [قل كل يعمل على شاكلته ]
shaqaysto”. Al-Isra’ : 84.
Waxa uu nebi Maxamed, NNKH, xadiis ku yidhi isaguna:
»الناس معادن كمعادن الذهب والفضة، خيارهم في الجاهلية خيارهم في اإلسالم إذا فقهوا« رواه البخاري: ]3383[، ومسلم: ]2638[
“Dadku waa macdano (kala duwan) sida macdanaha dahabka iyo fiddada, koodii
wanaagsanaa Islaamka hortii waa kooda wanaagsan Islaamka dabadii; haddii uu
fahmo”.
Mar labaadna ma shaqaynayso aragtidani oo waxa iswayddiin mudan haddii ay
dhaheen raggani: qofku waa ehlu khayr inta aanu ku dhex qasmin ehlu sharka,
waa kuwama ehlu sharkan meesha sii fadhfadhiya ee qaadsiinaya qofka
khayrlaha ah sharku? Iyaga yaa ehlu shar ka dhigay? Asalka qofku haddii uu
khayr uun yahay, maxay ahaayeen dadkan sharka qaybinayaa? Xaggay ka
keeneen? Iyo wayddiimo la naas-nuuga ayaa hor yaalla culimadan!
Haddii dadku asal ahaan ehlu khayr ahaan lahaayeen shar ma yimaaddeen, dad
xunxun oo sharka safriyaana ma jireen, balse waxa ay dunidu iska ahaan lahayn
janno yar iyo maqaam karaamaysan, dadka ku noolina malaa’igta waxba kama
ay dhaceen!
Gebagebada: dadka oo dhami ma wada wanaagsana, asal ahaan, sida aanay dadka
oo dhami u wada xumayn.
Aragtida 2aad
Plato (Afladon), Sigmund Freud, Charles Darwin, Plotinus (Falodiin), Raggii
Kiniisadda; ( السوعيون) Siyuuciyuun, ( الينسيون) Yunsiyuun iyo intoodii ku raacday
fekerkuba waxa ay ku tageen in dadku dabeecad ahaan sharka u janjeedhaan,
waxa ayna u arkayeen in dadku uu ku dhasho kiiyoo dhaxlay denbigii uu galay
Aabbihii aadanaha; Aadam, sida ay qabaan. Tan waxa ka dhalanaysa in sida keli
ah ee nafta loo dahirin karaa ay tahay in la ciqaabo, ruuxdana laga siibo nafta!
Waa taa sababta ay u jideeyeen in qofku is-jidh-dilo oo jidhkiisa garaacid kala
daalo, isaga oo aaminsan in falkaas dartii gefkii uu kaga ba’ayo!
Aakhirka tani waxa ay sunne ka dhigtay in ubadka la rukaaso, oo huudha loo
qoro! Iyada oo la rumaysan yahay in inta ay yar yihiin carruurtu la sii nadiifiyo!
Plato waxa uu yidhi: Dabeecadda dadku waxa ay ka kooban tahay naf caaqil ah,
naf cadho-dhaw iyo naf shahwo jecel! [al-Hashimi, 1984, 53].
Freud waxa uu cabbiray in “shahwada, jeclaanshiyaha iyo jinsiga/galmadu”
yihiin mishiinka aas-aaska ah ee dhaqaajiya qofka iyo falalkiisa oo idil ee ay ka
mid yihiin jeclaanshiyihiisa waalidkii iyo cibaadada Rabbigii.
Darwin waxa uu ku tegey in “aadanahu yahay dhammaadka silsilado isbeddello
(evolution series) oo soo dhacayay”! [Idriis, 1982, 67]
Marka la isku xooriyo, kooxdani waxa ay qabtaa in “aadanuhu dhalasho ahaan
yahay mid sharka u xagliya, sharkuna yahay dabeecadda nafta ee qofka iyo
abuurkiisa”, sidoo kalana in qofku wanaagga uu ku helo barasho iyo waaya-
aragnimo!
Claudius Galenus (130 – 200 C.E.) oo u jawaabaya qolyaha aaminsan aragtidaa
ayaa yidhi: “Haddii qof kastaa yahay sharlow, dabeecad ahaan, khayrkana
barasho keli ah ay ku heli karaan, yaa baraya? Haddii jawaabtu noqoto in dad
kale barayaan, dadkaa kale markaa waa dad khayr ah dabeecad ahaan! Sidaa
darteed dadka oo DHANI ma aha kuwo sharku yahay asalkooda, dabeecad ahaan!
Mar kale ayaynu ka jawaabi karnaa aragtidoodaa ay leeyihiin dadka OO DHANI
waa kuwo shar ku soo dhasha, halka ay hadhow KA BARAN KARAAN khayrka.
Qofka dabci ahaan xumaha u janjeedha ee dariiqaa doortay, wacyigelin, waano,
talo, digniin iyo xataa aayado lagu dul akhriyaa waa ay ku adkaan doontaa, waqti
iyo dedaal dheeri ahna dalban doontaa, in tubta toosan lagu soo rido.
Eebbe waxa uu Qur’aanka ku yidhi:
Gaalada waxa isugu mid ah haddii aad“ – [إن الذين كفروا سواء عليهم أأنذرتهم أم لم تنذرهم ال يؤمنون ]
u digtid iyo haddii aanad u digin; laba gooraalaba ma rumaynayaan”. Al-
Baqra:6
ل من القرآن ما هو شفاء ورحمة للمؤمنين وال يزيد الظالمين إال خسارا] Qur’aanka waxa aannu wax“ – [وننز
ka mid ah u soo dejinnay kiiyoo uu ugu sugan yahay caafimaad iyo naxariis
dadka rumeeyay, kuwa dulmiga sameeyay (ee aan rumaynna) khasaare mooyee
waxba uma kordhinayo”. al-Isra’:82
Waxa aad xasuusta dib ugu celisaa oo aad halkan dhaw keensataa saddexdan
odhaahyood:
Nin hurda ayaa la toosiyaa!
- Maahmaah Soomaaliyeed
Waa ay adag tahay in aad toosisid ruux is-nabaya.
- Maahmaah Ingiriis
Waa ay adag tahay in aad doqmaha ka xoraysid silsilado ay xushmad u hayaan.
- Voltaire
Haddii ruuxaa dhalad ahaanta gurran wacdi lagu dul akhriyo, balse uu jidkaa
jeexday, waxba kama beddelayso taasi.
Aragtida 3aad
Aristotle, John Locke (1756), David Hartley (1757), David Hume (1776),
Immanuel Kant (1804), Herbert Spencer (1903) iyo intii la qabtay Aragtida
Habdhaqan ee Kasmo-nafeeddu, (Behavioural Theory in Psychology), waxa ay
ku tageen ubadku marka uu dhasho ilaa laga soo gaadho da’ qeexan oo meel
dhexe ah in aanu haadna haysan, khayr iyo shar toona, saa waaba sabi e, ayay ku
doodeen.
Haddii si kale loo dhigo: odayadani waxa ay qabaan in dabeecadda aadanuhu
tahay mid DHEXDHEXAAD AH!
***
Ninna maaha
Naagna maaha
Waa naanaabad!
Saw ma aanad maqli jirin carruurnimadii heestan? Haddaba falsafadyahannadani
waxa ay taagan yihiin: asalnimada qofku khayrna ma aha sharna ma aha ee waa
yacyacood!
Buuggiisa ‘Hordhaca Kasmo-nafeedda Bulshada – Introduction to Social
Psychology” ee soo baxay 1908-dii ayuu William McDougall isku deyay in uu
ku lafa-guro melena ku tiiriyo qaabka ay u samaysanto fidrada qofku iyo
hannaanka ay isu-qaabayso marka la habaynayo shakhsiyadda qofka iyo
muhiimadda ay u leedahay ciriq (qariisah) kasta oo qofku leeyahay ladnaanta
bushada. Aragti uu lahaa Aristotle oo uu ku andacoonayay in dadku leeyihiin
ciriqyo iyo agabyo fidri ah, waana taa aragtida uu McDougall isku deyayo in uu
balballaadhiyo.
Waxa uuna McDougall ku sheegay in ciriqaasi yahay kan tiirarka dabeecadeed
ee ruuxa, uuna sidoo kale yahay mishiinka koowaad ee shiidaaliya firfircoonida
naf ahaaneed iyo tan jidheedba. Noolahanna isaga ayaa siinaya, ayuu yidhi,
awoodda uu ku tamarinayo, waxa ay kale oo u qeexdaa yoolashiisa. Waxa uu
McDouggal ku sheegay in qofku leeyahay 12 ciriq: mid kastaana waxa uu
leeyahay muhiimaddiisa, firfircoonaantiisa, shaqada uu qabtaana waa tu cad oo
si cad u caddaynaysa in dabeecadda aadanuhu tahay tu DHEXDHEXAAD AH.
[Sari&Jaalkii, 2000, 17]
Aragtidani waa mid luudaysa, dalbo badan oo muuqdana leh.
Fahanka tan lagala baxayaa waa tu ku aaddan in tarbiyadda, ama barbaaritu, tahay
qodob u muhiim ah aragtidan, iyada oo ay tahay tarbiyaddu tu soo saari karta ama
qof wanaagsan ama ku xun.
Taas oo micnaheedu yahay in in waxa aynu ugu yeedhno khayrku; ee run leh, ee
mahadcelin leh, ee badhaxtirnaan leh, ee xaqiiqo-jeclaan lehi aanu ahayn khayr
qofka agtiisa, sidoo kalana waxa shar loogu yeedhaa aanu agtiisa shar ahayn. Saa
waaba qof dhexdhexaad ah e!
Aragtidan dhexdhexaadnimadu waxa ay qofkii ka dhigaysaa sida agabyada,
tusaale ahaan mindidu waa agab, iyadu ma dareento xabuubta lagu jarjarayo
jarjariddeeda ama haddii jiinjad lagu kala goynayo goynteeda; waa mindidii uun
ama hilib ku jar ama harag ku jar!. Sidaas oo kale ayaa ay nafta qofku noqonaysaa
marka loo eego aragtidan; ruuxu sharka iyo khayrkaba waa uu la kulmayaa
haddana midina ma saamaynayo, oo waa qofkii uun weli!
Waxa aragtidan lagula kaftami karaa in ay tahay: “Aragtida Mindiyaynta Nafta”!
Aragtidan ubadka ka dhigaysa kuwo aan foolna haysanin waxa ay ka madhan
tahay daliillada sharciga ah iyo kuwa caqliga ahba.
Eebbe waxa uu Qur’aanka ku yidhi, isaga oo ka warramaya wiilkii yaraa ee uu
dilay Khadarkii ay nebi Muuse is-heleen:
ا الغالم فكان أبواه مؤمنين فخشين ا أن يرهقهما طغيانا وكفراوأم (80)
(81) فأردنا أن يبدلهما ربهما خيرا منه زكاة وأقرب رحما
Al-Kahf: 80-81
Aayaddan waxa ku cad in ilmaha berri-ka-maalin u dhalan doona qoyskaasi
noqon karo mid khayr ku soo dhasha.
Mar kale waxa uu Eebbe Isaga oo inoo soo gudbinaya ducadii uu ku ducaystay
nebi Nuux yidhi:
ال تذر على الرض من الكافرين ديارا )26( إنك إن تذرهم يضلوا عبادك وال يلدوا إال فاجرا كفارا )27( ب وقال نوح ر
al-Nuux: 26-27
Aayaddan iyadana waxa ka cad in nebi Nuux ubadka u dhalan doona gaalada uu
sii arkayay in ay shar ku sii sifaysnaan doonnaan (sababtuna aanay ahayn
kuwiiyoo shar ku dhashay balse ay tahay in iyaga oo aan gaadhin da’dii ay
odayada aragtidani qabeen gaadhin ay carruurtaasi noqon doonto kuwo
sharwadayaal ah, sababta oo ah deegaan gaalo ah ayaa ay ku nool yihiin).
***
Sida inoo cad ilmuhu “biyo” ma noqon karo; dhexdhexaad (biyuhu aashitana ma
aha, alkalaayna ma aha ee waxa ay leeyihiin pH 7 ah; dhexdhexaad)!
Qofku ama haadkaa midigta ayuu qabsan, ama kaa bidixda – mana jiri doono
baabuur waddada badhtankeeda iska jibaaxayaa!
Sidee ayuu haddaba ruuxa aan waxaasba wax ka garanayn ugu qancin karaa
naftiisa in waxanina khayr yahay; oo ay tahay in uu sameeyo, waxanina uu shar
yahay; oo ay tahay in uu ka fogaado? Maxaa beegaal u noqonaya? Sidee ayay
ciriqyadani qofka ugu simin karaan in uu kasbado wanaaag? Maxaa sababay in
qofkii yacyacoodka iska ahaa mar keli ah khayr ama shar dhan ka raaco? Sidii uu
ku dhashay muxuu uga aag-wareegayaa? Haddii aad tidhaahdo: sidan danbe ayaa
u wacan oo ruuxii waa bislaanayaa, maxaa ugu horrayntaba uu ugu dhalan
waayay waxan uu iminka noqonayo, ee bisaylka ah?
Iyo wayddiimo la noocad ah ayaa horyaalla culimadan!
Aragtiyaha Aqoonyahankii Muslimiinta ahaa:
Waxa ay isku waafaqsan yihiin aqoonyahanka Muslimiintu in asalnimada qofku
tahay mid khayrka ah; inta aanu dhalan. Balse waxa ay ku kala duwan yihiin sida
uu u dhaco sharka ama khayrku; dhalashada ka dib, iyo habka uu maro
aqbalaadda midkood!
1. Raqib al-Asfahaani waxa uu yidhi: qofka waxa loo dhib-yareeyay labada
dhabbo ee wanaagga iyo kan khayrka, hadba ka uu doortana weeye. Haddii aad
qof uun aragtidna, midkood ayuu ku sugan yahay. [Behnasi, 1987, 33].
2. Abi-Xaamid al-Qasali (g. 505H/1111M) isna waxa uu
buuggiisa (المنقذ من الضالل) ku xusay in ubadka Kiristanka ahi
kiristan u noqdaan markii la nasraaneeyay, ubadka yuhuudda
ahina markii la yuhuudeeyay, balse uu qofku fidro ku dhasho;
asal ahaan uu hagaagsan yahay ilmuhu. Isaga oo Qasali
maanka ku hayay xadiiskii nebiga ee ahaa:
يمجسانه ما من مولود إال يولد على الفطرة فأبواه يهودانه أو ينصرانه أو
3. Cadbirahmaan Ibn Khaldun (g. 809H) ayaa isaguna
waafaqay Qasali, waxa uuna buuggiisa caanka ah ee
“Hordhaca – المقدمة” ku soo qaaday: Marba haddii naftu
markeeda hore ay tahay tu ku sugan fidraddii hore waxa ay u
diyaar tahay in ay aqbasho wixii u soo gala, lana falgala ee
ama khayr ah ama shar. [Ibn Khaldun, 1983, 85].
4. Sh. Maxamed Cabdoh, waxa uu isagu qabaa in asalka qofka, dabeecaddiisu,
shar iyo khayrba u diyaar tahay (in ay aqbasho), balse xagga khayrka ayay u
dhaw dahay. “Qofku uma baahna in khayrka loo tilmaamo, ama lagu kallifo
(xeerar loo dejiyo), waayo dabciga ruuxa ayaaba u qaabaysan mid khayrka
aqbali-og”, ayuu yidhi sheekhu.
Sheekha aragtidiisaas isma waafaqayaan aayado aad u badan oo xusaya in
dadka intiisa u badani sharka iyo xumaha u janjeedhaan:
فال تك في مرية منه إنه الحق من ربك ولكن أكثر الناس ال يؤمنون -1
وما أكثر الناس ولو حرصت بمؤمنين -2
والذي أنزل إليك من ربك الحق ولكن أكثر الناس ال يؤمنون -3
إن في ذلك آلية وما كان أكثرهم مؤمنين -4
منون.لقد حق القول على أكثرهم فهم ال يؤ -5
. ولقد صرفنا في هذا القرآن للناس من كل مثل وكان اإلنسان أكثر شيء جدال6
. وما وجدنا لكثرهم من عهد وإن وجدنا أكثرهم لفاسقين7
. كتاب فصلت آياته قرآنا عربيا لقوم يعلمون * بشيرا ونذيرا فأعرض أكثرهم فهم ال يسمعون8
.ولكن أكثر الناس ال يشكرون9
Xagal-daaca u weyn ee doodda Sheekh Cabdo leedahay waxa weeye in
aragtidiisu ka hor imanayso maan-galka. Ilmaha u yar ee dugsi-Qur’aan markaa
uun galay ayaa yaqaana in Eebbe yidhi: Mahad waxa iska leh Allaha caalamiinta.
Ma uusan odhan: Allaha dadka gefa, ama dadka khaladka ku sugan ee gurmadka
hanuunka u baahan, balse caalamiinta oo idil Ayuu dhahay: mid gef dhex
maquurtay iyo ku wanaag ku hagoogtayba.
Xeerku dadka saxan, waaba haddii ay jiraan e, iyo dadka aan saxnaynba waa u
muhiim; kuwa saxanna waa uu badhi-taaraa, kuwa khaldanna waa uu
badbaadiyaa. Kee ayaa ka maarmaya kolkaa?
5. Abu-Cusmaan al-Jaaxid waxa uu isagu qabaa in sharka iyo khayrkuba
leeyihiin muhiimad. Oo waxa uu ku doodayaa in aanu dadku ogaadeen waxtarka
khayrka haddii aanu dareemin waxtirka sharka. Sidaas darteed, ayuu leeyahay,
waa jiritaanta iyo in uu xaadir ahaadaayi waa caws-jiilaal. Dabeecadda qofkuna
waa tu is-doorin-og ayuu leeyahay.
6. Abu-Xayan at-Tawxiidi, waxa uu isagu aaminsan yahay in loolan adagi ka
dhexeeyo fidrada iyo xeerarka bulshada. Bulsho kastaa waxa ay leedahay wax ay
xeeriso iyo wax ay ka khashaafto, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara, kuna
yeeshaba, sidii uu ilmuhu ku dhashay.
***
Aragtida Qoraha:
Marka aynu ka soo gudubno aragtiyahaas iyo guud-markaa aynu ku soo gaalaa-
bixinnay culimadii Galbeedka iyo kuwii Muslimiintuba waxa ay ka dhaheen
mawduucakan, waxa aynu isku deyi doonnaa in aynu si degdeg ah, oo kooban,
u guud-cararno aragtida uu qoraha qoraalkani ka leeyahay waxa ka dhexeeya
nafta iyo sharka.
BILAWGII NOLASHA
Amarkii u horreeyay ee Eebbe bixiyay, inta Qur’aanka ku cad, waxa weeye kii
Uu ku amray in nebi Aadam loogu sujuudo; sujuud ixtiraam.
وحي فقعوا له ساجدين ] يته ونفخت فيه من ر [ ف إذا سو
Falcelintii u horreysay ee amarkaa ciddii la siiyay; malaa’ig iyo ibliis, ka
bixiyeenna waxa ay ahayd:
Idil ahaan malaa’igtii waa ay sujuudeen”. Markaas ayaa uu – [ف سجد الملئكة كلهم أجمعون ]“
Eebbe sheegay in ay jirtay cid jawaab taa lid ku ah bixisay; aan sujuudin, oo
amarka la siiyay:
“[ إال إبليس استكبر وكان من الكافرين ] – Ibliis oo is-kibriyay gaaladana ka mid ahaa marka laga
reebo”. [Suuradda as-Saad: 72-74).
Falcelintii u horraysay maxay noqotay? Yeelid iyo khayr. Falcelintii kalana?
Diidmo iyo shar!
Waxa dabci iska ah marka qofi xumaan sameeyo in sababta uu sidaa u
sameeyay la wayddiiyo. Balse aan la wayddiin, waqtina lagu lumiin, marka uu
wanaag sameeyo sababta uu sameeyay. “Maxaad salaadda u tukan wayday?”,
ayaa lagu wayddiinayaa, balse arki maysid cid ku warsanaysa “Maxaad
salaadda u tukanaysaa?”. “Maxaad beenta u sheegtay?”, ayaa lagu wayddiin,
balse “Maxaad runta u sheegtay/beenta u sheegi wayday?”, qofna kuma
wayddiisanayo…
Fiiri Eebbe ma uusan sheegin sababta malaa’igtu amarka u qaateen, balse, taa
beddelkeeda, waxa uu dhawr aayadood ku sheegay sababta uu Iblays u diiday
amarka:
1. 74ص ن ﴾ استكبر وكان من الكافريإال إبليس
[50]الكهف: ﴾ ففسق عن أمر رب ه الجن من إلا إبليس كان .2
[34﴾ ]البقرة: واستكبر وكان من الكافرين إال إبليس أبى .3
Waxa kuu muuqda in uu Alle sheegayay, weliba dhawr jeer, in shaydaanku uu
awelkiisii horaba xumaa, xumaantaa iyo xiqdigaa ku gaamurayna uu sababay in
uu u sujuudi waayo Aadam.
Halkani waa bar aynu wax ka bilaabi karno.
﴾ واستكبر ﴿ - Waa uu is-weynaysiiyay, ﴿ وكان من الكافرين ﴾ - … (awelba) gaalada ayuu ka
mid ahaa, ﴿ كان من الجن ﴾ - Jinka ayuu (awelkii horaba) ka mid ahaa. Weelaynta
adiga ayaa aan kaaga tegey!
Nebi Aadam iyo Xaawaa markii uu Eebbe Beerta ku dhex noolaysiiyay, ee uu
halkaa ku arsaaqay, aaggaas oo dhan wixii dhuuni yaalay hal geed uu ka
mamnuucay shaydaankii sharka miidhan ahaa waa kii ka daba yimi, ee
wanaaggii Eebbe ku amray in ay sameeyaan; Geedkaa in aanay cunin, waa kii ka
waswaasiyay ee ku riday xume; in ay geedkii cunaan.
Xaggee ayuu ka soo maray shaydaan Aadam iyo Xaawaa si uu ugu rido gefka?
[120﴾]طه : هل أدلك على شجرة الخلد وملك ال يبلى ﴿ .1
2. [ 22] العراف : ﴾ دالهما بغرور ﴿
3. [ 21] العراف : ﴾ وقاسمهما إني لكما لمن الناصحين ﴿
Aad ugu fiiro-lahaw xeeladaha uu adeegsaday Ibliis.
Waxa ay isugu soo ururayaan in uu xataa dhaar u gaadhsiiyay si uu u dago; uguna
hoosaasiyo isaga oo ka soo maraya waxa naftu jeceshayahay! Nafta ayuu
abbaaray.
In kasta oo nebi Aadam iyo Xaawaa ay gef galeen, haddana gefkii waa ay ka
toobad-keeneen, Eebbana waa ka aqbalay, mana gaadhsiin heer ubadkoodii loo
qabsado denbigii ay galeen Aabbayaashood, sida ay qabaan qolyihii aaminsanaa
Aragtidii 2aad, ee raggii Kiniisaddu ka midka ahaayeen.
[122]طه : ﴾ ثم اجتباه ربه فتاب عليه وهدى ﴿
Maxaa shar ah?
Qofka waxa uu samaynayo marna isaga oo u haysta in uu shar yahay ma
sameeyo. Nafsi ahaan ayuu u aaminsan yahay in uu waddadii saxda ahayd ku
taagan yahay.
“Qummanihiisa ayaa qoorta u sudhan” ruux kasta, oo dan iyo deero toona kama
galo waxan aad shubaysid ee aad leedahay: waad khaldan tahay ee ka joog.
Haddii aan si kale u dhigo, dadka samaynaya iyo dadka aan samaynaynin iskuma
waafaqsana maxaa shar ah!
[11﴾ ]البقرة : وإذا قيل لهم ال تفسدوا في الرض قالوا إنما نحن مصلحون ﴿
“Haddii lagu yidhaahdo: dhulka ha hallaynina, waxa ay ku odhan: (ma
hallaynayno) ee waannu hagaajinaynaa”.
﴾ ]الكهف : ( 104( الذين ضل سعيهم في الحياة الدنيا وهم يحسبون أنهم يحسنون صنعا )103قل هل ننب ئكم بالخسرين أعماال ) ﴿
103-104 ]
“Waxa aad ku dhahdaa (nebi Allow) ma idiinka warramnaa ku camal ahaan
khasaaray * Waa kuwa uu lumay dedaalkooda adduunyo haddana isu haysta in
ay wax san falayaan”.
Aayadahani waxa ay inoo geli karaan maragga, marka aynu xoojinayno
dooddeenna.
Tan waxa afsaar u noqonaysa in shar uu noqonayo idil ahaan falalka, hadallada,
fekerrada iyo xataa micnayaasha ruux sameeyo ee Eebbe u aqoonsan yahay shar.
Xaqa ah in uu go’aamiyo waxa sharka ah waxa siinaya Allana waa Isaga oo ah
Kan abuuray nafta uu sharku la falgelayo.
***
Dabci ahaan khayrka ayaa ka asalsan sharka balse sharka ayaa saamayn
weyn innagu leh, kana hor fidi og khayrka.
Maahmaah Carbeed ayaa tidhaahda: “Beenta sida fiican loo sheegay waxa ay
iskaga gudubtaa Istaanbuul ilaa Baqdaad, iyada oo ay weli runtu sandhalkeeda
raadsanayso”!
Nafta iyo ruuxda:
Qur’aanka marka aad u fiirsatid, ee aad weelaysid, waxa kuu soo baxay wax cajiib
ah oo khuseeya nafta iyo ruuxda.
Ruuxda Eebbe Isaga ayaa isu nisbeeyay, halka naftana uu qofka u nisbeeyay.
وحي ] [ونفخت فيه من ر
عت له نفسه قتل أخيه ] [فطو
Bal hadda u dhug yeelo!
Ruuxda uu Alle isu nisbeeyay shar in ay la xidhiidho ama ay cilaaqaad yeeshaan
lama filan karo, balse nafta uu Ilaahay qofka u tiiriyay sharka iyo xumahaba, uu
dilkaa uu ina Aadam sameeyay ka kowda yahay, in ay ku kacdo waa laga filan
karaa! Haaheey.
Nafta qofka ku jirtaa saddex xaalo midkood ayay u jiri kartaa: “Is-ciilkaanbin -
Waa saddex xaalo oo .”المارة بالسوء - iyo “Xume-tashiilid ,” المطمئنة - Xasilnaan“ ,”لوامة
nafuhu maraan, ee ma aha, sida lagu khaldo, saddex qaybood oo nafaha dadku u
kala baxaan. Haddii ay sida danbe noqon lahayd, waa tee nafta 100% xasilnaanta
iskaga jirtaa? Ama tan 100% xumaha dhex baddaalanaysaa? Muslimka iyo gaalka
aa? Haddii aad sidaa tidhaahdid, maxaynu ka yeelnaa nafta Muslimka ku jirta
marka uu denbiga ku dhex jiro ee uu macsiyo la yimaaddo? Ha I odhan way
isbeddeshay naftii!! Hal naf iyo hal qof weeye saamigu. Oo gaalka berigii hore
gaalka ahaa ee maanta soo muslimay isagana bal si dheh! “Shalayna waxa ku
jirtay naf xuma-tashiishto ah, maantana naf xasilan”, ayaa aad iska odhan doontaa
malaha?! Waar tii is-ciilkaanbiga miidhan ahayd iyada xaggeed geysay?
Munaafaqa aa? Muslimku marka uu denbiga ku jiro ee uu is-xisaabinayo miyaa?
Haa, oo markaa munaafaqii marka uu toobad keeno, ama uu gaalnimadaba
caddaysto, ama marka muslimku toobad-keeno naftii haddana waa ay isdoorisay
miyaa?
Maya, xaaladaha nafta keli ahi ku jiri karto ayaa kala duwan, waana saddexdaa.
Hagaag.
Maxaynu u samaynaa waxa aynu samaynno? Marka laga yimaaddo isku
daygeenna u wanaagsan si aynu u ogaanno nafaheenna, xaqiiqadu waxa ay tahay
in aynaan si cajiiba u aqoonin garaadkeenna, xataa si ka yar sida dadka kale u
arkaan. Waxa uu mar xusay Charles Dickens, (qoraa Ingiriis ah), “Waxa jirta
xaqiiqo la yaab leh oo soo noqonaysa, qof kasta oo nooli waxa uu u samaysan
yahay hab, habkaas oo ka dhigaya mid ku dedaala in uu iska qariyo dadka kale
noqdana mid agtooda garanwaa ka ah”.
Waxa ay aqoonyahannada kasma-nafeeddu u dedaaleen sidii ay u daahfuri
lahaayeen habka aynu dunida u aragno; adduun-araggeenna, iyo waxa
dhiirrigeliya habdhaqankeenna, waxa aanay qaadeen tallaabooyin badan oo
arrimahaas daaha ka faydaya.
Marka lagu daro siinta shiidaalin isku dhafan wadasheekaysiga, qaar ka mid ah
tijaabooyinkii cilmi-nafsiyeed ee la sameeyay qarnigii tegey waxa ay xaydeen
xaqiiqooyin caalami ah, runtiina la yaab ahaa, oo ku saabsan dabeecadda
aadanaha.
Tijaabo: Deraasaddii Jeelka: “Awood buu innagu leeyahay sharku idil
ahaanteen”
Waxa lagu doodi karaa tijaabadii ugu caansanayd dhanka cilmi-nafsiga, waa
deraasaddii jeelka Stanford ee 1971, in ay diiradda ku soo jeedisay sida xaaladaha
bulsheed u saameeyaan habdhaqanka aadanaha.
Baadhayayaasha, oo uu hoggaaminayay kasma-nafeedyahankii Philip Zimbardo,
ayaa ku rakibay xabsi dabaqa hoose ee dhismaha dhimirka ee Stanford waxaanay
xusheen 24 arday oo qalinjebisay (kuwaas oo aan wax denbi ah hore loogu
haynin, maskax ahaanna la xaqiijiyay in ay fayoow yihiin) si ay u jilaan
badhkoodna maxaabiis inta kalana waardiyayaal. Cilmi-baadhayayaashu waxa ay
markaa kamarado qarsoon kala socdeen xaaladda maxaabiista (oo ay ahayd in 24-
ka saacba gudaha ku dhex jiraan) iyo ilaallada (oo kala wareeg 8-dii saacadoodba
mar samaynayay).
Hawlgalkan, oo loogu talogalay in uu socdo laba toddobaad, ayaa lagu soo afjaray
lix cisho oo keliy ah dhaqan xumada waashmaannada darteed – oo marmarka qaar
xataa ku kacay jidhdil nafsi ah – iyo dareenkii soohdin-dhaafka ahaa ee werwerka
iyo isku buuqa ahaa ee soo food saaray maxaabiistii!
“Caga-juglayntii ay ilaalladu ku haysay maxaabiista ayaa cirkaa isku shareertay,
iyagoo mudh iyo gacan ah ayay ulaynayeen, xataa heer bay gaadhi gaadheen ay
hawlqabaddo jinsiyeed oo dullayn ah, labakaclaynayana, ula tagaan” sidaa waxa
saynisyahannada Maraykanka u sheegay Zimbardo, “in aan muddo 6 maalmood
ah ku joojiyo ayay noqotay, waayo faraha ayay ka baxday – habeenkii laba baal
isumaan keeni karayn ilaa aan ka werwero waxa ay samayn doonaan” ayuu
raaciyay. [Halkan waraysigii lala yeeshay ka eeg:
http://www.americanscientist.org/bookshelf/pub/philip-zimbardo ].
Baroobadan la sameeyay waxa ay caddaynaysaa in dhaqannada taban ee sharka
ahi qofka ku soo degdegaan, ruuxuna qaadan og-yahay, saamayntoodana aanu ka
badnaadin.
Gebagebo iyo Talo:
Ka gadaal marka aynu aragtiyahaas ku aaddan nafta iyo sharka gaalaa-bixis ku
soo samaynnay, tafniidid intii aynu ka gaadhsiin karaynayna ka gaadhsiinnay,
soo koobnayn aragtideenna mawduucakan, waxa akhristaha laga filayaa in uu
wax uun ka faa’iday qoraalkan. Horumarinta fidrada, ballaadhinta wejiyada
khayrka aad ku kasban kartid, isku hubaynta hababka hufidda sharka, kala-
shaandhaynta falalka, hadallada, fekerrada iyo micnayaasha aad qabanaysid, iyo
xoojinta xidhiidhka aad la leedahy naftaada, iyo Eebbe waa talada qormadeenann
aynu ku soo khatimayno.
***
Tixraacyo iyo Akhris dheeraad ah:
- Ibn Khaldun (1992) Muqaddamatul Ibn Khaldun. Maktabadda Lubnaan,
Bayruut.
- Idriis, Jacfar Sheikh (1982) At-taswiirul Islaamiyi Lil-insaan Asaasan Li-
falsafatil Islaamit-tarbawiyi.
- Behnasi, Maxamed C/ra’uuf (1987) Al-islaam wa Nuzcatul Fidrah. D2,
Mu’asasatul Al-khaliijil Carabiyi, Qahira.
- Anwar Al-Jundi (1982), At-tarbiyatul wa Binaa’ul Ajyaal fii Daw’il
Islaam. Daarul Kitaabil-lubnaaniyi, Bayruut.
- Ziyad bin Ali Al-jarxaani, Jadaliyatul Al-khayri wa-sharri fi-nafsil
Insaanniyah… Deraasatun muqaaranah. (Deraasad ku soo baxday
warsidaha Jaamicatul Khaliil Lil Buxuuth, majaladdii 4aad, tirsigii 2aad,
bogagga 391-416).
W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: [email protected]
www.aragtixora.wordpress.com