nuxurka warbixinta sahanka aragtida dadweynaha ee filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku...

28
1 Data Grid Somalia Jannaayo/Febraayo 2017 Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limited kala soo xiriir: [email protected] @datagridsomalia Mogadishu-Somalia NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE FEBRAAYO, 2017 EE KU WEJAHAN DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOMAALIYA Waxaa diyaariyay: Data Grid Somalia Limited Waxaa loo diyaariyay: Saxaafadda Taariikhda la shaaciyay: 6th February, 2017

Upload: others

Post on 14-Sep-2019

5 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

1

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE FEBRAAYO, 2017 EE KU WEJAHAN DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOMAALIYA

Waxaa diyaariyay:Data Grid Somalia Limited

Waxaa loo diyaariyay:Saxaafadda

Taariikhda la shaaciyay:6th February, 2017

Page 2: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

2

GOGOL-DHIGGA SAHANKA Doorashada 2016/2017 ee Somaaliya waxa lagu tilmaamay tii ugu hirraysay ee nooceeda ah ilaa 1967. Doorashdan xaddidan waxa ay si weyn ugu tiirsantahay hogaamiyaasha beelaha iyo maamul-goboleedyada oo soo xulayo xubnaha matalaya, iyadoo aysan wax lug ah ku lahayn codaynta dadweynaha ee loo yaqaan qof iyo cod, sababo la xiriira nabadgalyo darro awgeed iyo sababo kale. Si kastaba ha ahatee doorashadu waxay muujinaysaa saadal cusub oo dhinaca siyaasadda ah, maadaama ay haweenku markii ugu horraysay ay matalaad wax ku ool ah ku yeesheen labada aqal ee baarlamaanka, sida uu xusayo dastuurka ku-meel-gaarka ah.

Hannaan siyaasadeedkan cusub waxa uu hor-seeday unkidda labada aqal ee sharci-dejinta oo ka kooban aqalka sare (Senate) iyo aqalka hoose (Golaha shacabka). Waxana isku-duwidda doorashada si wadajir ah u maamulaya Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Fedraalka (GFHDD) iyo Guddiyada Maamul-Goboleedka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD).

Waxaana xubnaha aqalka hoose soo doortay 14,025 cod-bixiye (wakiillada beelaha), kuwaasoo u codeeyyey doorashadii baarlamaanka, halka madaxweynayaasha dawlad-goboleedyada dalkuna ay soo magacaabeen xubnaha aqalka sare iyadoo laga ansiixiyey golaha baarlamaannadooda.

Page 3: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

3

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Waxana doorashooyinka baarlamanka lagu qabtay caasimadaha maamul-goboleedyada ee kala ah; Garowe (Puntaland), Cadado (Galmudug), Jowhar (Hirshabeelle ), Baydhabo (Koofur-Galbeed ), Kismayo ( Jubbaland) iyo Muqdisho (Banaadir) iyadoo kuraasta Somaliland ee labada aqalba, Hoose iyo Sare wakiilladooda lagu doortay Muqdisho, maxaa yeelay Somaliland waxa ay isu aragtaa inay tahay maamul-goon iskeed isugu taagay oon aqoonsanayn midnimada Somaaliya.

Waxana aqalka sare (senate) uu ka kooban yahay 54 xildhibaano la doortay; hase ahatee 29 kii Jannaayo 2017 dhamaan xubnaha aqalka sare waa la doortay, marka laga reebo labo xubnood oo ka soo jeeda Somaliland oo aan wali la dooran.

Aqalka hoose oo ka kooban 275 xubnood waa la wada doortay marka laga reebo shan (5) kursi oo ntiijadooda la laalay kaddib markii lagu murmay, taas oo wadada u xaareysa in dib loogu noqdo doorashadooda. Waxa dastuurka ku-meel0garka ah lagu qeexay in saami dhan 30% loo qoondeeyo haweenka inay ku yeesheen aqalkasta. Hase ahaatee 12 keliya oo ah (23%) aya aqalka sare haween ah iyadoo 67 oo ah (24%) ay haween ka yihiin wakiillada aqalka hoose e la soo doortay. Waxaa xusid mudan inay qaabka doorashadu u dhacday guud ahaan ahayd mid xasilooni ku dheehan tahay, iyadoo 5 qof oo keliya ay ku dhinteen sida la soo wariyey intii doorashadu socotay, taasoo aad uga

Page 4: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

4

hoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967.

Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u dhacday, 26 Jannaayo 2017, waxa Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ugu dambayntii loo asteeyay inay dhacdo 8da Febraayo 2017. Iyadoo guddiga baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha wada tashi la yeeshay la-hawlgalayaasha, waxa ay dejiyaan nidaamka doorshooyinka iyaga oo dhamman musharixiinta jagada madaxweynaha loo qorsheeyey in ay is-diiwaan-geliyaan ugu dambayntii 29 Jannaayo 2017. Waxana is-diiwaan-geliye habeennimadii 29 Jannaayo 2017 ka hor, 24 rag ah kuwaasoo la guddoonsiiyey waraaqihii aqoonsiga musharxnimadooda.

Marka la eego doorashada madaxweynaha Somaaliya ee Febraayo, waxa ay u muuqataa mid ka yara macquulsan una muuqata mid loo dhan yahay, marka la bar-bar-dhigo tii dhacday 2012, taasoo 135 oday dhaqameed oo keliya ay soo xuleen mudanayaasha baarlamaanka kuwaas oo doortay madaxweynaha. Doorashadan, waxa madaxweyna wadajir ahan u dooranaya labada aqal (golaha shacabka) iyo aqalka sare (Senate)  ee baalamanka Somaaliya oo ah maxsuul ku yimid geeddi-socod loo dhan yahay, marka laga tago cabashooyin isugu jiray ku shubasho, cod-iibsasho iyo wax is daba marin doorashooyinka la xiriiray.

Page 5: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

5

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

UJEEDDADA IYO HADAFKA Ujeeddada guud ee sahanka aragtida dadweynanuhu, wa sidii loo sii saadaalin lahaa musharixiinta ugu cad-cad iyo arrimaha ugu muhiimsan ee doorashada Madaxweyne ee dalka Soomaaliya ka dhici doonta Febraayo. Waxana ahdaafta gaarka ah ka mid ah kuwa soo socda;

In la xaqiijiyo musharixiinta tartanka madaxaweynnenimada ugu cad-cad

In la xaqiijiyo sababta keentay caannimadooda musharixiinta madaxweynaha tartanka ka qaybgalaysa

In la caddeeyo arrimaha culus ee muhiimka u ah doorashooyinka madaxweynennimada

In la cabbiro fahamka ama aragtida ay dadweynuhu ka haystaan (Ra’yi caamka) geeddi-socodka doorashooyinka iyo musharaxa ay mudnaanta koowaad siinayaan

Page 6: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

6

HAB-RAACA DARAASADDA Waxa sahanka daraasaddan aragtida dadweynaha loo adeegsaday hannaan cilmi-baaris isku-dhaf ah- tayada iyo tirda; iyadoo daraasad walba ay dhammaystirayso tan kale, taasoo looga gol-leeyahay xaqiijinta natiijooyinka waara ee sedde-xagalka ah, si sare loogu qaado dhabnimada, kalsoonida iyo dhab-ahaanshaha xodda/natiijada daraasaddan.

Habraaca daraasadda taraneedka ku salaysan (Quantitative Methodology)

Waa habraac ay isticmalaan daraasaadka ku qotonto guud ahaan si loo helo natiijooyinka tirakoobka oo sax ah. Ka qeyb galeyaasha daraasaddan, qeybteeda taraneedka ku saleysan, waxaa la isticmaalay nidaamka ka qeyb-galka loo siman yahay taas oo ay ka mid ahayeen xulashada deegaannada iyada oo la adeegsanayo liiska mudaneyaasha baarlamanka labada aqal, taasina waxay xaqiijinaysaa in ka qaybgale kasta uu leeyahay fursad is-eleg oo la wada yaqaan si loogu daro sahankan.

Muddada Daraasadda:29ka Janaayo-3da Febraayo, 2017

Ka qeyb-qaate yaasha:175 Xildhibaan oo iskugu lira labada gole iyo 6 Dood wadaag ka dhacday 6 maamul-goboleed caasimadahooda- midkiina ay ka qeyb-galeen 16 qof oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee blushed

Hannaanka xod aruurinta Daraasadda:Wareysiyo fool-ka-fool ah iyo dood is weydaarsi

Khaladaadka Daraasaddu yeelan karto:+/- 3% iyo kalsoni xaddigeedu la egyahay 95%

Yaa bixiyay qarashka daraasadda:Data Grid Somalia Limited

Page 7: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

7

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Ayada oo la adeegsanayo nidaamkan xulashada jawaab bixiye yaasha, waxaa ay daraasaddu ku guuleysatay xog ka soo aruurinta 175 mudane (labada aqal). Xoddan waxaa la aruuriyay 29kii Janaayo illaa 3dii Febraayo, 2017 ayadoo la adeegsanay xog aruurin fool-ka-fool ah falanqeyntuna (analysis) ay xigtay.

Habraaca daraasadda Tayeynta ku salaysan (Qualitative Methodology)

Daraasaaddan Habraaca tayeynta ku dhisan waxa ay isticmaashay dood-wadaagga ee loo soo gaabiyo (FGDs) –waxana wehliyay kaalinta xubnaha dadweynuhu si qoto-dheer uga qayb qaataan falanqaynta arrimaha muhiimka u ah doorashooyinka Soomaaliya, ku-haboonaanshaha iyo awooddda xuddunta u ah musharixiinta madaxweynennimada.

Adeegsiga farsamooyinkan iyaga ah ayaa horseeday xulashada ka qaybgalayaasha soo gudbin kara xogta gaarka ah ee loo baahan yahay, aqoon duruqsan u leh arrimaha doorashooyinka, leh afkaar iyo waaya-aragniimada siyaasadeed kuwaas oo sida gaarka ah u khuseeya daraasaddan iyo geeddi-socodka doorashooyinka.

Page 8: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

8

Waxa ay iskugu jireen ka qeyb qaateyaasha; hoggaamiyaasha Bulshada, Oday-dhaqameedyada, ganacsatada, culumaa’udiinka iyo sidoo kale xubnihii hore ee baarlamaanka iyo dhallinyada. 6 dood-wadaaga (FGDs) ayaa lagu qabtay dhammaan caasimadaha maamul-goboleedyada federalka ah oo aysan ku jirin Somaliland.

Waxaana xogta la soo uruuriyey loo adeegsanayaa habraaca cilmi-baarista tayeynta ku salaysan. Intaa kadib waxaa loo qaabeyay mawduucyada laga doodayay hadba sida ay isku leeyihiin si ay taas u fududeyso falanqeyn (analysis) xaqiiqo ah.

Page 9: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

9

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

NATIIJOOYINKA UGU MUHIIMSAN EE SAHANKA IYO FALAN-QAYNTIISA

Musharixiinta ugu Caansan Tartanka Madaxweynennimada

Wareegga Koowaad ee Cod-bixinta Doorashada Madaxweynaha

Marka la eego falanqaynta xodda laga soo helay adeegsiga Habraaca daraasadda taraneedka ku salaysan mudaneyaasha la wareystay toddobo (7) ka mid ah 24 musharixiinta madaxweynaha ayaa iyagu haysta taageero lixaad leh. Waxaana ka mid ah; Xasan Sheekh, Cumar Abdirashid, Shariif Sheekh, Maxamed Farmaajo, Cabdulqaadir Cosoble, Siciid Cabdullahi iyo Caddow Cali Gees, iyadoo taxanuhu sidaas u kala horreeyey.

Kuwa kale ee ku soo xigi kara ayaa daraasaddu tilmaantay; Jabril Ibrahim Cabdulle, Cabdinaasir Cabdille Maxamed, iyo Cali Xaaji Warsame. Jaan-tuska kowaad ee hoose ayaa tilmaamaya toddobada mudnaanta koowaad leh musharixiiinta, kuwaasoo yeeshay hormo gelinta wareegga koowaad ee codaynta tartanka madaxweynennimada;

Page 10: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

10

Jaan-tus 1: Wareegga koowaad ee Cod-bixinta Doorashada Madaxweynaha

5

SURVEY KEY FINDING AND ANALYSIS

The Most Popular Presidential Candidates

a) Round One of the Presidential Votes

Based on the analysis of quantitative data obtained from sampled members of parliament only seven (7) out of the 24 presidential candidates have considerable support. They include Xasan Sheekh, Cumar Abdirashid, Shariif Sheekh, Maxamed Farmaajo, Cabdulqaadir Cosoble, Siciid Cabdullahi and Caddow Cali Gees, in that order. Inconsequential others included Jabril Ibrahim Cabdulle, Cabdinaasir Cabdille Maxamed, and Cali Xaaji Warsame. Figure 1 below shows the preference rate of the top seven candidates, who are deemed worthy contestants, in round one of the presidential vote;

Figure 1: Round one of the Presidential vote

41%

24%

13%

10%

5%

2% 2% 3%

Preference Rate Round One

Xasan SheekhCumar CabdirashidShariif SheekhMaxamed FarmaajoCabdulqaadir CosobleSiciid CabdullahiCaddow Cali GeesOthers

5

SURVEY KEY FINDING AND ANALYSIS

The Most Popular Presidential Candidates

a) Round One of the Presidential Votes

Based on the analysis of quantitative data obtained from sampled members of parliament only seven (7) out of the 24 presidential candidates have considerable support. They include Xasan Sheekh, Cumar Abdirashid, Shariif Sheekh, Maxamed Farmaajo, Cabdulqaadir Cosoble, Siciid Cabdullahi and Caddow Cali Gees, in that order. Inconsequential others included Jabril Ibrahim Cabdulle, Cabdinaasir Cabdille Maxamed, and Cali Xaaji Warsame. Figure 1 below shows the preference rate of the top seven candidates, who are deemed worthy contestants, in round one of the presidential vote;

Figure 1: Round one of the Presidential vote

41%

24%

13%

10%

5%

2% 2% 3%

Preference Rate Round One

Xasan SheekhCumar CabdirashidShariif SheekhMaxamed FarmaajoCabdulqaadir CosobleSiciid CabdullahiCaddow Cali GeesOthers

Preference rate round one

Page 11: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

11

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Wreegga labaad ee Cod-bixinta Doorashada Madaxweynaha

Kaddib wareegga koowaad ee Codaynta, afar musharax ayaa u tartami doona wareegga labaad, halka kuwa kale laga filayo inay tartanka ka hari doonaan. Waxana tartanka wareegga labaad ku loolami doona afarta musharax ee ugu sarreeya dhibcaha wareegga koowaad ee doorashada, oo macneheedu yahay; Xasan Sheekh, Cumar Cabdirashid, Shariif Sheekh iyo Maxamed Farmajo.

Waxana falanqaynta sahanka daraasaddu ay muujinaysaa in wareegga labad kaddib in madaxweynaha talada haya imminka; Xasan Sheekh uu ku hoggaamin doono 43% codadka la dhiibtay, uuna ku xigi doono Raysul-wasaraha imminka talada haya, Cumar Cabdirashid (29%), kuna xigi doono madaxweynihii hore, Shariif Sheekh (16%) iyo Maxamed Farmajo (12%) sida ka muuqata Jaan-tuska 2aad ee hoose;

Page 12: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

12

Jaantus 3: Wareegga labaad ee Cod-bixinta Doorashada Madaxweynaha

6

b) Round two of the Presidential Votes

After round one of the vote, all but, four candidates will contest in the second round while others are expected to quite the race. The contest in round two will be among the top four candidates in round one i.e. Xasan Sheekh, Cumar Cabdirashid, Shariif Sheekh and Maxamed Farmajo. The analysis of survey data shows that after the second round vote the incumbent Xasan Sheekh will emerge top with 43% of the votes cast followed by the current Prime Minister, Cumar Cabdirashid (29%), the former president, Shariif Sheekh (16%) and Maxamed Farmajo (12%) as shown in figure 2 below;

Figure 2: Round Two of the Presidential Vote

43%

29%16% 12%

Xasan Sheekh Cumar Cabdirashid Shariif Sheekh Maxamed Farmaajo0%5%

10%15%20%25%30%35%40%45%50%

Preference Rate Round TwoPreference rate round two

Page 13: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

13

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Wareegga Seddexaad ee Cod-bixinta Doorashada Madaxweynaha

Wareegga seddexaad ayaa la filayaa inuu dhexmari doono musharixiintii koowaad iyo labaad ee wareeggii labaad ee kala ahaa; Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashid. Waxana falanqaynta daraasaddani muujinaysaa in ugu yaraan dhammaan xubnihii baarlamaanka ee hore ugu codeeyey Shariif Sheekh ama Maxamed Farmajo ay mudnnaanta hore siin doonaan Xasan Sheekh maadaaam uu ahaa mudnaantooda labaad. Codaynta wareegga seddexaadna waxay daraasaddani tilmaamaysaa tira-koob ahaan inuu liici doono Cumar Cabdirashid, taana ay sababi doonto in uu si weyn ugu guul-darreysto doorashada.

Sidaas awgeedna uu Xasan Sheekh uu ku guulaysan doono codaynta madaxweynaha. Jaan-tuska 3aad ee hoose ayaa muujinaya muuqaalka natiijada wareegga seddexaad ee tartanka madaxweynaha;

Page 14: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

14

Jaan-tus 3: Wareegga Seddexaad ee Cod-bixinta Doorashada Madaxweynaha

7

c) Round three of the Presidential Votes

Round three of the vote will be between the frontrunner and the first runner up in round two i.e. Xasan Sheekh and Cumar Cabdirashid. Analysis of survey data indicates that nearly all members of parliament polled who had either Shariif Sheekh or Maxamed Farmajo as their first preference had Xasan Sheekh as their second preference. In the third round vote, this statistical portent will tilt the scale against Cumar Cabdirashid, consequently making him lose the presidential vote conclusively. Hence, Xasan Sheekh will be the eventual winner of the presidential vote. The pie chart below shows the outlook of round three of the presidential vote;

Figure 3: Round Three of the Presidential Vote

Xasan Sheekh59%

Cumar Cabdirashid

41%

Preference Rate Round Three Preference rate round three

Page 15: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

15

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Mudnaansiinta heer maamul-Goboleeda

Waxay daraasaddu u kala saartay mudaneyaasha la wareystay hadba maamul-goboleedka laga soo doortay taa oo u saamaxday daraasadda in ay hesho taageerada heer gobol ee mudnaansiinta 4ta musharrax ee ugu horreysa lana saadalinayo in ay u gudbaan wareegga labaad si loo ogaado sida ay ugu kala awood roon yihiin maamul-goboleedyada dalka. Jaan-tuska 4aad ee hoose ayaa waxa ka muuqda falaynqaynta dawlad-goboleedyada;

Page 16: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

16

Jaan-tus 4: Afarta musharax ee ugu cad-cad iyo taageradooda Gobollda

8

Preference by Regional States

Data obtained from the sampled members of parliament was disaggregated regionally so as to gauge the popularity of the top four presidential candidates, who are thought to be making to round two of the presidential vote, so as to show their regional strength. Figure 4 below show the analysis by regional state;

Figure 4: Top Four Candidates Popularity by region

0%10%20%30%40%50%60%

Candidates Preference by Regional State

Xasan SheekhCumar CabdirashidShariif SheekhMaxamed Farmaajo

8

Preference by Regional States

Data obtained from the sampled members of parliament was disaggregated regionally so as to gauge the popularity of the top four presidential candidates, who are thought to be making to round two of the presidential vote, so as to show their regional strength. Figure 4 below show the analysis by regional state;

Figure 4: Top Four Candidates Popularity by region

0%10%20%30%40%50%60%

Candidates Preference by Regional State

Xasan SheekhCumar CabdirashidShariif SheekhMaxamed Farmaajo

Candidates preference by regional state

Page 17: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

17

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Jaantus 5-8 ayaa muujinaya taageradooda Gobollda ee musharraxiinta wareegga 2aad sida aynu ka ogaannay jaan-tuska 4aad ee sare ku xusan;

Jaan-tus 5: Taageerada Xasan Sheekh ee Gobollada

9

Figure 5-8 shows disaggregation of regional popularity data per presidential candidate in round two of the presidential vote as obtained from the figure 4 above;

Figure 5: Xasan Sheekh Popularity by Region

Jubbaland , 30%

Puntland, 15%

South West , 60%

Galmudug , 46%

Hirshabelle , 54%

Banadir , 25%

Somaliland , 47%

Xasan SheekhXasan Sheekh

Page 18: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

18

Jaan-tus 6: Taageerada Cumar Cabdirashid ee Gobollada

10

Figure 6: Cumar Cabdirashid Popularity by Regions

Figure 7: Shariif Sheekh Popularity by Regions

Jubbaland , 26%

Puntland, 54%

South West , 20%

Galmudug , 21%

Hirshabelle , 21%

Banadir , 25%

Somaliland , 37%

Cumar Cabdirashid

Jubbaland , 11%

Puntland, 23%

South West , 15%

Galmudug , 12%

Hirshabelle , 17%

Banadir , 50%

Somaliland , 13%

Shariif Sheekh

Cumar Cabdirashid

Page 19: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

19

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Jaan-tus 7: Taageerada : Shariif Sheekh ee Gobollada

10

Figure 6: Cumar Cabdirashid Popularity by Regions

Figure 7: Shariif Sheekh Popularity by Regions

Jubbaland , 26%

Puntland, 54%

South West , 20%

Galmudug , 21%

Hirshabelle , 21%

Banadir , 25%

Somaliland , 37%

Cumar Cabdirashid

Jubbaland , 11%

Puntland, 23%

South West , 15%

Galmudug , 12%

Hirshabelle , 17%

Banadir , 50%

Somaliland , 13%

Shariif SheekhShariif Sheekh

Page 20: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

20

Jaan-tus 8: Taageerada Maxamed Farmaajo ee Gobollaad

11

Figure 8: Maxamed Farmaajo Popularity by Regions

Jubbaland , 33%

Puntland, 8%South West , 5%

Galmudug , 21%

Hirshabelle , 8%Banadir , 0 Somaliland , 3%

Maxamed FarmaajoMaxamed Farmaajo

Page 21: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

21

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Arrimaha ugu muhiimsan Doorashooyinka madaxweynennimada ee 2107

Arrimaha ugu muhiimsan doorashooyinka ayaa ah arrimaha guud ee khuseeya dhinaca siyaasadaha oo ay isticmaali doonaan mudaneyaasha labada gole si ay ugu saleyaan xulashadooda musharraxiinta madaxweyne, mudaneyaashas oo ah iyagu kuwa codeyn doona marka la gaaro doorahada madaxweynaha ee dhici doonta Febraayo, 2017 iyo arrimaha guud ee ay bulshadu hadal hayso sida matalaadda siyaasadeed.

Arrimaha ugu hadal heynta badnaa haddaba waxaa ka mid ah; amniga qaranka, xoojinta maamul-goboleedyada dhismay, kobcinta dhaqaalaha, siyaasad loo dhanyahay, iyo madax-bannaanida Somaaliya. Dhowr arrin oo aan sidaa u sii buurneyn ayaa soo xiga kuwaa oo ay ka mid yihiin; dhismaha dawladnimada; xaqiijinta doorashooyin hal-cod-hal qof ah; caddaaladda iyo hirgelinta hay’ado dawli ah oo tabbagal ah; kuwaasoo maareynaya hey’adaha waxbarashada iyo sidoo kale daryeelka caafimaadka dadweynaha.

Jaan-tuska 9aad wuxuu muujinaya arrimaha ugu muhiimsan doorashooyinka madaxweyne ee bishan Febraayo 2017 , taasoo ku salaysan falan-qaynta xogta aragtida dadaweynaha laga uruuriyey oo ku salaysayn labada habraac ee daraasadda cilmi-baariseed ee kala ah; Tira-koobka iyo tayeynta;

Page 22: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

22

Jaan-tus 9: Arrimaha Doorashooyinka ee 2017

13

The Major Election Issues in The 2107 Presidential Elections

The election issues are the main policy concerns that are excepted to inform the choose of the members of parliament, who are the voters in the February 2017 presidential election as well as the matters members of the public would like considered by their representatives when they will vote. The key issues articulated include; national security, strengthening regional states, the economy, inclusive politics and sovereignty. Statistically insignificant others included state building; implementation of one-man one vote, justice, and establishing credible institutions that will regulate the education sector, as well as healthcare for the people.

Figure 4 shows the major election issues in the February 2017 presidential elections based on the analysis of both quantitative and qualitative data collected during the opinion poll survey period;

Figure 9: The Election Issues in 2017

National Security

Focus groups and members surveyed considered guaranteeing peace and security as the foremost priority. This they argued should include the strengthening of the Somali National Army [SNA], reducing territorial control of Al-Shabab, up scaling intelligence and coordinating with AMISON and other actors, diminishing Al-Shabab’s means for obtaining resources thus reducing their capability to launch attacks and cause harm.

31%22%

18% 15%11%

3%0%

5%

10%

15%

20%

25%

30%

35%

Nationalsecurity

StrengtheningRegional State

Economy Inclusivepolitics

sovereignty Others

Major Election Issues Major Election Issues

Page 23: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

23

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

Amniga Qaranka

Doodaha bartilmaameedka u ah sahanka [FDGs] iyo mudaneyaasha la wareystay ayaa mudnaanta hore siinaya nabadgalyada iyo amniga Qaranka. Waxa ay intooda badan ku doodayaan in la xoojiyo ciidamada qaranka, hoos loo dhigo dhulka ay haystaan Al-Shabab, sare u qaadista sir-doonka, iyo wada shaqeyn fiican in lala yeesho AMISOM iyo la-howlgale yaasha kale. Wiiqidda awoodda Al-Shabab ee dhaqaale si loo yareeyo weerarada ay la beegsadaan shacabka iyo dhibatooyinkooda kale.

In sare loo qaado nabadda iyo wada noolaanshaha nabdoon ee beelaha kala duwan, xoojinta midnimada shacabka iyo isku tiirsanaanta qabaa’ilka ku wada nool maamul-goboleedyada ayaa sidoo kale loo arkay arrin sal-dhig u ah amniga qaranka.

Xoojinta Maamul-goboleedyada

Xoojinta awoodaha maamul ee maamul-goboleedyada iyo abuuritaanka dhismaha qaab-hawleedyada isku xira dawlad-goboleedyada iyo dawladda federaalka ayaa loo arkay sidoo kale in ay u leedahay mudnaan sare shacabka Somaaliyeed. Doodaha bartilmaameedka u ah sahanka [FDGs] waxa ayaa tilmaameen in si hufan loo kala caddeeyo mas’uuliyadda ama awoodda dawladda federaalka iyo dawlad-gobleedyadu ee ku aadan ciidamada qalabka

Page 24: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

24

sida, uruurinta canshuuraha, qeybsiga kheyraadka. Waxa ay intaas raacinayaan, in xal waara laga gaaro mar qura calamadaynta xudduudaha maamul-goboleedyada muranku ka jira sida Puntland iyo Galmudug.

Arrimaha Dhaqaalaha

Qorsheynta Dhaqalaha iyo horumarintiisaba waa arrimo kale oo muhiim u ah dhinaca doorashooyinka, doodaha bartilmaameedka u ah sahanka (FDGs) waxa ay xuseen in musharraxiinta madaxweyne lagu kala xusho hadba qorshe yaasha dhiiran ay u hayaan dhaqaalaha.

Dhanka dhaqaalaha, ka qeyb qaate yaasha doodaha bartilmaameedka u ah sahanka (FDGs) waxa ay soo jeediyeen arrimaha soo socda in ahmiyad hore la siiyo; xoojinta hannaanka iyo hey’adaha mareya maaliyadda qaranka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, canshuur aruurinta iyo dejinta qeybaha canshuuraha, iyo in la galo heshiisyo dhaqaale oo caalami ah lana dhiiri-geliyo maal-gashi (gudaha iyo shisheeyaba).

Siyasad loo Dhan yahay

Inta badan kooxaha la waraysatay ayaa ku dooday inay musharixiinta ay mudnaanta siinaya ku dooranayaan hadafka aragtida hoggaaminta dawladda

Page 25: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

25

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

u shaqaynaysa dadweynaha Somaaliyed, ayna diiddan yihiin kuwa u shaqaynaya dabaqadda sare kaliya, dowladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Waxay kaloo tilmaamayaan in wakiilladooda labada aqal in ay si loo dhan yahay u miisaamaan arrimaha soo socda; in si siman loo qaybsado gobollada & awood-qaybsiga beelaha ku dhisan, sinnansho beelaha oo dhan, islamarkaana si cad oo hufnaan leh loo wadaago khayraadka dalka gaar ahaanna; shidaalka iyo kaabayaasha Dekedaha. Waxa ay soo jeedinayan, in ay abuurmi karaan rabshado iyo kacdoonno haddii uu maqanyahay miisaan sax ah oo qeexaya matalaadda siyaasadeed ee beelaha.

Madaxbannaanida

Waxa ay kooxaha daraasaddan lagu waraystay ku doodayaan in ay Somaaliya muddo dheer u dulmaneyd siyaasadaha gobolka, kuwa caalamiga ah iyo kuwa deriska ah oo iyagu marar badan ku xad gudba madaxbannaanida Somaaliya [Badda, Xuduudaha, iyo Cirkaba]. Sidaas awgeed, waxy soo jeedinayaan in la isku-dheellitiro danaha la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee danaha ka leh Somaaliya iyo dib-u-dejinta bara-kaca-yaasha iyo kuwa dib-u-soo-noqonaya

Page 26: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

26

oo u baahan in mudnaanta koowaad la siiyo si ay Soomaaliya dib gu hanato madaxbannaanidii ka luntay.

GUNAAD IYO TALO SOO JEEDIN

Guud ahaan, dadweynaha Soomaaliyeed waa ummad rajo wanaagasan ka qabta in doorashooyinka Febraayo ee madaxweynnenimada lagu guulaysan doono, inkastoo ay jiraan dad weli ka walaacsan inay jiraan fara-gelin dibadda ah iyo marin-habaanin la soo gudboonaan karta geeddi-socodka doorashada.

Waase arrin iska cad ah joogtaynta maamulka dawliga ah ee dalka Somaaliya ay faa’iido ugu jirto Cod-bixinta madaxweynaha talada haya iminka. Waayo, tani waxay Somaaliya ka baratay waaya-aragnimo ku aadan joogteynta dawladdnimada iyo is-bedellada aan la qiyaasi karin.

Kuwa taageeraya madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh , aya ku salaynaya fikirkooda, inuu xilkiisa sii wato, inay xoojin karta waxqabadkii socday, uuna sii adkayn doono qab-dhismeedkii hay’adaha dawliga ah iyo nidaamkii uu hore u soo waday, islamarkaana dhismaha nabadgalyada iyo xasilinta siyaasadda iyo Dhaqalaha dalka uu sii xoojin doono.

Sidoo kale, inta badan doodaha kooxaha sahanka ka qaybgalay, oo aan iyagu si toos ah u codaynaynin doorashada madaxweynaha, ayaa kalsooni u haya

Page 27: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

27

Data Grid Somalia

Jannaayo/Febraayo 2017

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia

in dib loo doorto madaxweynaha talada haya, madaxweyne Xasan, si uu u qabyo tiro una sii wado dhismaha hay’adaha imminka jira iyo diyaarinta qaab-dhismeedka dawliga ah ee jira.

Waxay ku doodayaan, haddii aysan jirin xusuus hey’adeed ama mid dowladnimo waxaa adkaneysa horusocod iyo in laga gaabiyo dadaallada lagu dhisayo wadanka, inaan la maarayn Karin sii wadista meel hor leh laga bilaabayo mar walba, sida dhacday dhawr goor oo hore oo dhaawacyo soo gaareen waxqabadkii socday inta lagu guda jiray dib-u-dhiska dalka.

Dhab ahaantii, Somaaliya, ma aysan helin madaxweyne laba marxaladood soo xukumay ilaa intii ay dawladdii dhexe dhacday 1991, taasoo loo aanayn karo horumar la’aanta iyo xasillooni darrida siyaasadeed iyo dhismaha hey’ado dowli ah oo adag.

Waxay Cilmi-baarayaashu soo jeedinaysaa in musharixiinta madaxweyne ee doorashada soo socota ay tixgeliyaan dhsimaha is-bahaysiyo siyaasadeed ka hor doorashada si ay iskugu geyaan awoodahooda una kordhiyaan lambarrada ay ka heli karaan mudaneyaasha labada aqal. Intaas waxa soo raaca, in daraasaddani ay ku talinayso in musharrixiintu adegsadaan natiijooyinka daraasaddan, iyagoo saldhig uga dhiganaya is-baheysiyada siyaasadeed ee ku aadan doorashada madaxweynennimada ee soo socda.

Page 28: NUXURKA WARBIXINTA SAHANKA ARAGTIDA DADWEYNAHA EE filehoosaysay heerkii dhimashada 27 qof ee ku dhimatay doorashadii dalka ka dhacday 1967. Kaddib dhawr goor oo ay doorashadu dib u

Wixii faah-faahin dheraad ah Data Grid Somalia Limitedkala soo xiriir: [email protected]

@datagridsomalia Mogadishu-Somalia