sida dhagaha looga nadiifiyo dhukayga

7
DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALLAANKA DOTT ABUUKAR NUUR XUSEYN TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA SIDA DHEGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA QORAAL KOOBAN OO KU SAABSAN NADIIFINTA DHAGAHA

Upload: dottor-mataan

Post on 18-Jul-2015

170 views

Category:

Health & Medicine


5 download

TRANSCRIPT

Page 1: SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALLAANKA DOTT ABUUKAR NUUR XUSEYN TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA

SIDA DHEGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

QORAAL KOOBAN OO KU SAABSAN NADIIFINTA DHAGAHA

Page 2: SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

Waxaa rajaynayaa in Qoraalkaan kooban oo ku saabsan nadaafada dhagaha uu noqdomid waxtar u leh waalidiinta Soomaaliyeed gortay u dhaqaaqaan nadaafada dhagaha caruurtooda.

Islamarkaas qoraalkaan waxaa ka faa'idaysan karo soomaaliyoo idil iyagoo sida saxda ah u nadiifiya dhagahooda.

Qoraalkaani waxaan ku egi doonaa wuxu uu yahay dhukayga, halka uu ka yimaado,dhibaatada uu keni karo, goorta ay ku haboontahay in dhagaha dhukayga laga nadiifiyo iyo ugu dambayntii qalabka loo isticmaalo nadaafada dhagaha.

Inta aana u gudo galin mowduucayna marka hore aan si kooban u qeexno qaabdhismeedka dhegta biniaadamka.

Dhagta waa xubinta maqalka waxayna ka koobantahay 3 qaybood:

1) Qaybta Hore (Outer or external ear).2) Qaybta Dhexe (Middle ear).3) Qaybta Gudaha (Internal ear).

Qayb kasta oo dhagta ka mid ah waxay qabataa shaqo muhiim ah oo iyada u gaar ahhaddana si wadajir ah u wadaago shaqooyinka taasoo suuro gal ka dhigayso Maqalka.

QAYBTA HORE EE DHEGTA (OUTER EAR)

Qaybta Hore ee dhegta waxay ka koobantahay :

a) Baalka dhegta oo ka sameesan carjaw.(Auricle).b) Marinka ama kanalka dhegta.(Auditory Canal or Ear Canal).c) Xuubka dhegta ama Durbaanka dhagta.(Ear Drum).

Page 3: SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

Waa maxay dhukayga:

Dhukayga waa dheecaan caadi ah oo ay soo saaraan unugyada marinka dhegta, kaasoo loogu talagalay in uu guud ahaan dhagta ka difaaco waxyaalaha dibadda kaga imaan kara sida dabaysha, wasaqda, busta, cayayaanka, biyaha iyo wax kasto oo dhaawac u gaysan karo dhegta gudaheeda.Goorta uu dhukayga bato waxaa banaanka u soo saara timaha yar-yar ee ku yaal marinka dhegta.

Noocya badan oo dhukay ah ayaa jira:mid kakan, mid jilicsan, mid mariin ah, mid cad oo yar yar ah iyo mid madaw.

Dhibaatada uu keeni karo dhukayga:Dhukayga fa'iidooyin badan ayuu leeyahay sida aan kor ku xusnay loomana baahna in mar kasta dhagaha la nadiifiyo.Hase ahaate goortuu xad dhaaf noqdo dhukayga dhibaatooyin ayuu ka mas'uul noqon karaa kuwaas kala ah:

a) Maqalka oo hoos u dhaco.b) Xanuun aad ka dareentid dhegta gudaheeda.c) Cun-Cun marinka dhegta.d) Wareer. e) Guuxa hadalkaaga oo dib kuugu soo noqdo.f) Dhagta oo cub ku noqoto.g) Caabuq.

Inta aysan soo ifbixin dhibaatooyinka la xiriira dhukayga waxaa haboon in dhagahala nadiifiyo.

Page 4: SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

Inta aad dhagaha nadiifin waa muhiim in marka hore aad baartid dhegta gudaheeda (marinka dhegta) si aad u xaqiijisid in culayska kaa saaran dhegta uu sabab u yahay dhukay.

Baaritaanka marinka dhegta waa howl khusayso takhtarka oo kuu xaqiijin karo haduumarinka uu ku jiro dhukay ama hadii kale asoo isticmaalayo kalabka lagu eego marinka dhagta.

NADIIFINTA DHEGAHA :

Goorta uu dhukayga si xad dhaaf ah ugu bato dhegta waxaa loo baahanyahay in dhagaha la nadiifiyo.Nadiifinta dhagaha waxaad ku samayn kartaa gurigaada adoo u baahan in uu qof kale ku caawiyo ama in aad aadid isbitaalka qayba dhagaha.

FIIRO GAAR AH:Ha isku dayin in aad nadiifisid dhagahaada ama kan caruurta ama dhaga kale hadii ayjiraan marxaladaha hoos ku qoran:

1) Dhag xanuun2) wareer3) Caabuq4) Malax ka soo dareerta dhagta.5) Qandho.

Midda kale oo lagaa waaninayo waa isticmaalka cudbi (cotton swab) oo aad ku nadiifisid marinka dhagta madaama aad marinka dhaawac u gaysan kartid ama aad dilaaci kartid xuubka dhagta(durbaanka dhegta).Cudbiga dhukayga ayuu gudaha ugu sii riixayaa ee wax uu nadiifinayo ayeesan jirin.

Page 5: SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

QALABKA LOO ISTICMAALO NADIIFINTA DHAGAHA:

Wa noocya badan oo kala geddisan qaarkood aad ka heli kartid keliya isbitaalka ama studiaha takhtarka qaar kalane aad ka heli kartid farmashiiyaha oo aad gurigaada ku nadiifsan kartid dhegahaada.

Inta aadna ku dhaqaaqin nadiifinta dhagaha waxaa marka hore muhiim ah in aad dhukayga jilcisid, waayo waxaa dhici karto in uu yahay dhukay aad u adag.

Waxaad dhukayga ku jilci kartaa saliid, adoo 2 ama 3 dhibcood dheg walba ku shubaysid ilaa 3-5 maalmood.

Page 6: SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

BIYAHA AAD ISTICMAALAYSID:Goortaad rabtid in aad dhagaha nadiifsatid waa in aad isticmaashid biyo qandiic ah,sababtoo ah biyaha qaboow ama kuwa kulul waxaad ka qaadi kartaa wareer aan caadiahayn.

DHAMAAD

Page 7: SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA

.