socfec press freedom monitoring section

16
SOMALI COALITION FOR SOMALI COALITION FOR SOMALI COALITION FOR SOMALI COALITION FOR FREEDOM FREEDOM FREEDOM FREEDOM OF EXPRESSION (SOCFE OF EXPRESSION (SOCFE OF EXPRESSION (SOCFE OF EXPRESSION (SOCFEX) SOCFEC Press Freedom Monitoring Section Somali Coalition for Freedom of Expression (SOCFEX), Maka Al-mukarama Street, opposite of Tree Piano building, Hodon District, Mogadishu, Somalia, Telfax: +252 1 850 040 / 236 012 E-mail: [email protected] [email protected]

Upload: others

Post on 02-Nov-2021

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

SOMALI COALITION FORSOMALI COALITION FORSOMALI COALITION FORSOMALI COALITION FOR FREEDOM FREEDOM FREEDOM FREEDOM OF EXPRESSION (SOCFEOF EXPRESSION (SOCFEOF EXPRESSION (SOCFEOF EXPRESSION (SOCFEXXXX))))

SOCFEC Press Freedom Monitoring Section

Somali Coalition for Freedom of Expression (SOCFEX) , Maka Al-mukarama Street, opposite of Tree Piano building, Hodon District, Mogadishu, Som alia, Telfax: +252 1 850 040 / 236 012

E-mail: [email protected] [email protected]

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 2 -

XAALADDA XORIYADDA SAXAAFADA SOOMAALIYA

Soomaaliya waxay sanadka 2008-da dhexda uga jirtay xaalado colaadeed iyo deganaansho la’aan siyaasadeed oo sanadkii labaad sii socotay tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya oo taageeraya dowladda KMG ah qabsadeen Koonfurta Soomaaliya.

Dagaallo joogto ah ayaa ka dhex socday sanadka oo dhan Maxkamadihii islaamiga ee talada laga tuuray oo kooxo noqday iyo ciidamada TFG-da iyo kuwa Itoobiya taasoo shaqada saxaafadda madaxa bannaan ka dhigtay mid ka sii khatar badan sidii hore.

TFG-da, maamulada Somaliland iyo Puntland waxaa nasiib darro ah inaysan wax horumar ah ka sameyn saxaafadda madax bannaan waxa kaliya oo ay ka mideysan yihiinna ay noqotay inay Weeraraan, xiraan, cadaadiyaan, xayiraad saaraan marka ay uu yar tahayna shaqadooda ciriiriyaan.

Kooxaha islaamiyiinta ee kala duwan ayaa iyaguna halis muuqata ku noqday howlaha saxaafadda waxayna cadaadis ba’an oo isugu jira handadaad, xarig, jirdil, afduub iyo falal ka sii daran kula kacaan weriyeyaasha iyo hay’adaha warbaahinta, taasoo xaaladii ay ku shaqeyneysay saxaafadda Soomaaliya uga sii dartay.

KOONFURTA SOOMAALIYA:

Degaanada South-central Somalia oo ah goobta dagaaladu iyo colaaduhu ka jiraan ayna ka wada taliyaan dowladda TFG-da iyo ciidamada taageera iyo kooxaha islaamiga ayaa saxafiyiinta iyo warbaahintu ka soo gaareen tacadiyadii ugu badnaa.

Horumar muhiim ah ayaa laga gaaray dhinaca TFG-da kadib markii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaare Nuur Hassan Hussein, wuxuuna balanqaad cad u sameeyay Bahda saxaafadda xafladii xuska Maalinta Warbaahinta Soomaaliya 21-ka Janaayo 2008 oo ay soo qabanqaabisay SOCFEX. Wuxuuna caddeeyay in tacdiyadii saxaafadda loo geysan jiray ay dhammaadeen.

Inta badan dhibaatooyinkii saxaafadda madaxa bannaan uga imaan jiray dhinaca TFG-da ayaa yaraaday ama gabaabsi noqday inkastoo aanay gebi ahaan wada dhammaan, waxaana horumarkaasi uu ahaa mid ay qeyb weyn ka qaadatay SOCFEX oo suuragelisay kulan madaxa saxaafadda/bulshada rayidka iyo qeybaha dowladda KMG ah dhex maray Febraayo 2008.

Waxaa la ii daayay dhammaan saxafiyiintii u xirnaa dowladda KMG ah, waxaana meesha ka baxay awoodihii dowladda ka midka ahaa ee waxyeelada joogtada ah ku hayay saxaafadda.

TACADIYADA SAXAFIYIINTA IYO HAY’ADAHA WARBAAHINTA:

TFG-da

Ciidamada dowladda waxay xarig la beegsadeen saxafiyiin loo heysto shaqadooda ama warar ay sii daayeen, waxayna toos u weerareen xarumo idaacadeed oo ah ka kaxeysteen saxafiyiin xarumihiina albaabada isugu laabeen.

Falalkan guud ahaan ma aha kuwo sharci ku dhisan waxaana loo maraa dariiq khaldan oo ka baxsan habka sharciga ah, maamulada TFG-da ee Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo Bay ayaa saxaafadda degaanadaasi ka jirtay kula kacay tacadiyo ay u awood xad dhaaf ah u adeegsadeen, waxaana meelaha qaarkood saxafiyiin loo xiray loona jir dilay halka warbaahinada madaxa bannaan albaabada loogu laabay warar ay tebiyeen dartood.

Xarumaha warbaahinta ee shaqeeya waxaa saameyn ku yeeshay dagaalada dhex maraya dhinacyada iska horjeeda waxaana marar dhacda in gantaallo iyo tacshiirado si ula kac ah iyo si aan ahayna ay ugu habsadaan xarumaha idaacadaha qaarkoodna dhaawac howlwadeeno saxaafadeed iyo burbur hantiyeed ka soo gaaray xarumahaasi. PUNTLAND: Degaanada Puntland oo xaaladeeda ammaanka aad uga wanaagsan tahay qeybta koonfureed ee dalka, waxa haddana nasiib darro ah in saxafiyiinta aanay ku helin nabadgelyo ay howshooda ku wadan karaan.

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 3 -

Waxaa aad u kordhay tacadiyada maamulku ku hayo saxaafadda xorta ah iyo dabley hubeysan oo saxafiyiinta caalamiga ah ugaarsi ku heysa kuna raadsaneysa lacago madax furasho ah.

Maamulka Puntland wuxuu ku fashilmay inuu xaq dhowro madax bannaanida saxaafadda waxaana had jeer saxafiyiinta loo xiraa baahinta dhacdooyinka wareed ee maalinlaha ah iyadoo mas’uuliyiinta qaarkood ee maamulkaasi ay si toos ah u xirtaan maamulka iyo weriyeyaasha.

Xarumaha warbaahinta ayaa albaabada loo laabaa iyadoo aan hab sharciyeed loo soo marin, maamulka wuxuu soo saaraa amarro lagu xayiro waraahinta madaxa bannaan, waxaana dhaca falal isugu jira weeraro lagu qaado saxafiyiin oo dhaawacyo culus soo gaareen kuwo loo hanjabay iyo qaar cabsi ku jira tiiyoo aanu maamulku wax damaaad qaad ah siinin, waxaa raacsan iyo ciidamada maamulka ku xadgudbaan weriyeyaal howshooda ku dhex jira.

Kooxo dabley ah oo aan la aqoon ayaa afduub ku haya saxafiyiinta ajnabiga ah iyo kuwa la howlgala ee Soomaalida degaanada Puntland, iyadoo degaanadaasi ay caan ku noqdeen falalkan maamulkuna ku guuleysan waayay wax ka qabashada arrintan.

SOMALILAND:

Maamulka Somaliland oo xaaladiisu ugu degan tahay Soomaaliya kuma naaloonaysa deganaasho buuxda saxafiyiintu waxay weli ku jiraan xaalad cakiran xoriyadda saxaafadduna waa mid ilaa xad gacanta lagu hayo.

Somaliland waxay u muuqataa inaysan dulqaad u yeelan saxaafad xor ah, sida sanadihii hore oo kale wuxuu maamulku sii wadaa xayiraadda warbaahin madax bannaan oo degaanadaasi ka howlgasha siiba Idaacadaha.

Waxaa la iska xiraa weriyeyaasha iyadoo aan wax denbi ah lagu soo oogin tuhunnada lagu qaadana waxay keenaan inay maalmo isaga jiraan xabsiyada kadibna la iska sii daayo cudurdaar la’aan iyo caddeyn la aqbali karo la’aantood.

Ilaalada madaxtooyada waxay cadaaweysi iyo midabtakoor kula kacaan weriyeyaasha qaarkood iyadoo ciidamada ammaanku ku xadgudbaan weriyeyaal loogu yeeray shirar jaraa’id, mas’uuliyiinta qaarkood ayaa si toos ah aflagaado ama gacan ula taga saxafiyiinta.

KOOXAHA ISLAAMIGA Kooxaha islaamiyiinta ee gacanta ku haya inta badan Koonfurta Somalia waxay caddow ka dhigteen saxaafadda madaxa bannaan iyadoo goobaha ay gacanta ku hayaan aysan suuragal ahayn in saxaafad madax bannaani si fiican uga shaqeyso.

Kooxahani oo kala duwan waxay qaarkood faafreeb joogto ku sameeyaan warbaahinta, iyagoo soo rogay ammaro ciriiri gelinaya howsha warbaahinta, qaar kale albaabada ay u xireen idaacado sababo ay ka mid tahay inay warar aan u fiicneyn sheegeen, heeso iyo musik ay baahiyeen iyo waxyaabo la mida.

Guud ahaan Soomaaliya ma jirto meel ay saxaafaddu ku nabad gasho ama si habsami ah howsheeda uga wadan karto waana xaalad murugo leh tiiyoo dhammaan kooxaha is haya ay saxaafadda baahi weyn u qabaan maalin walibana joogto u adeegsadaan.

SOO KOOBID 2008-da Sanadkan 2008-da guud ahaan waxaa dhacay tacadiyo aan yareyn oo loo geystay saxaafadda iyo saxafiyiinta, waxaanan ku soo koobi karnaa sida soo socota:

SAXAFIYIINTA Saxafiyiinta la dilay

Saxafiyiinta la dhaawacay

Saxafiyiinta la xiray

Saxafiyiinta la afduubay

Saxafiyiinta la jir dilay

Saxafiyiinta la weerary

Total

2 8 37 9 21 2 79

WARBAAHINTA

Warbaahin la xiray

Warbaahin la weeraray

Warbaahin la duqeeyay

Warbaahin loo hanjabay

Total

8 2 4 7 21

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 4 -

WARBIXIN SANADEEDKAOO FAAHFAAHSAN

DILALKA SAXAFIYIINTA

2-ka Janaayo 2008 (Kismayo)

Xasan Kafi Xareed waa weriyihii ugu horeeyay ee sanadkan lagu dilo Soomaaliya, waxaa lagu dilay magaalada Kismaayo xilli uu ku guda jiray howshiisa saxaafadeed, dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray miino dhulka lagu aasay oo qabsatay wuxuuna ku dhintay isbitaalka, qaraxan waxaa kaloo ku geeriyooday laba ka mid ahaa shaqaalaha MSF-Holland oo gawaari ay la socdeen lala beegsaday.

Hassa Kafi wuxuu haa weriye 37 jir ah oo u shaqeynayay Wakaalada wararka SONNA ee TFG iyo website-ka Gedonet, wuxuuna xilliga qaraxu qabsaday ku socday shir jaraa’id oo ka socday Saldhigga Booliska.

Saaxibadii waxay sheegeen inuu ahaa shaqsi dadaal bad-an oo in muddo ah ka howl galay magaalada Baydhaba ee xarunta Baarlamaanka TFG-da, wuxuuna ifka uga tegay xaas iyo saddex caruur ah.

June 7, 2008 (Kismayo)

Nasteex Daahir Faarax wuxuu ahaa weriyihii labaad ee lagu dilo gudaha Soomaaliya sana-dka 2008, wuxuuna ku dhintay isbitaalkaoo loola cararay kadib markii laba dabley ah oo aan la aqoonsan ay rasaas ooda uga qaadeen xilli uu ku soo jeeday hoygiisa kana soo laabtay howl saxaafadeed maqribnimadii maalintaasi.

Aaskii Nasteh Daahir Allaha u naxariistee

Nasteex wuxuu u shaqeyn jiray Laanta afsoomaaliya ee BBC-da iyo wakaalada war-arka AP, wuxuuna xilligaasi ka hor sheegay in marar badan loo hanjabay oo uu noloshiisa u baqayo.

Nasteeh oo ahaa weriye aad u dadaal badan isla markaana da’ yar 27 sano jir, wuxuu ifka uga tegay haweenay uur leh iyo wiil ay u dhashay.

DHAAWACYADA

03 January 2008, Mohamed Bashir Xaashi oo ka howlgala idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa dhaawac fudud soo gaaray isagoo xilligaasi howl saxaaf-adeed ku dhex jiray dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa TFG-da iyo xooga-gga islaamiyiinta ee ka horjeeday.

10 January 2008 Dhaawac halis ah oo soo gaaray Abdi Kheyr Mohamed Jamae oo u shaqeeya idaacadda Gaalkacyo, wax-aana dhaawacan uu ka yimid weerar lagu qaaday xilli uu kasoo laabtay xarunta idaacadda kuna soo socday hoygiisa.

Koox hubeysan oo laba ruux ah ayaa rasaas la beegsaday saxafiga iyagoo ka dhaawacay qeybta hore siiba daanka iyagoo doonayay inay khaarijiyaan, lama oga sababta ka danbeysay weerarkaasi. 25 January 2008 Cali Muhumed Roble oo ka mida howlwadeenada Idaaca-dda Codka Nabadda xarun-teeda magaalada Muqdisho ayaa dhaawac ka soo gaaray hoobiye xarunta idaacadda ku soo dhacay xilli duqeyn iyo da-gaallo ka socdeen magaalada.

Cali wuxuu ahaa agaasime xigeenka Idaacadda Codka Nabadda oo xilligaas waxyar ka hor qeybteeda laga hirgeliyay Muqdisho, wuxuuna madfacaasi burbur aan badneyn soo gaarsiiyay xarunta idaacadda.

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 5 -

19 August 2008 Hussein Mohamed Goje ayaa dhaawac aad u fudud ka soo gaaray madfac ku habsaday xarunta Idaacadda SIMBA ee magaalada Muqdisho kadib markii madaafiic lagu riday Suuqa Bakaaraha ay haleeleen dhismaha ay idaacadda ku taallo.

Hussein wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha idaacadda SIMBA, waxaana dhaawaciisa oo aad u fududa ka sokow madfacaasi waxyeelo soo gaarsiiyay dhismaha Idaacadda. 29 October 2008 Mohamed Harun Ahmed, Jama Abdi Mohamed iyo Abdi Hamud ayaa dhaawacyo kala heer ah ka soo gaareen qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay magaalada Hargiesa.

Mohamed Harun iyo Cbdi Haud waxay u shaqeeyaan Telefishanka Somaliland Space Channel, Jama Abdi oo u howlgala Wargeyska Hegan waxay ka mid noqdeen dadkii faraha badnaa ee ku dhaawacmay maalintii madoobeyd ee Hargeysa.

4 December 2008 Rasmi Mohamud Mohamed ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaas ay is weydaarsanaye-en ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo koox hubeysan, waxaana dhaawaca uu ka gaaray gacanta bidix oo xabbad ay ka dhex baxday.

Dhaawaca saxafiyada oo weriye ahaa uga howlgasha idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay Isbitaalka Madina, oo looga daweeyay dhaawacii ka so gaaray is rasaaseynta.

JIRDIL IYO KU TUMASHO

25 January 2008

Cabdihakim Yusuf Moalim oo ah weriye ka howlgala idaaca-dda SBC ee magaalada Boos-aaso ayaa jirdil lagu sameeyay xilli uu ku dhex jiray howlihiisa saxaafadeed waxaana jirdilka kula kacay ilaalada wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) kadib markii uu wasiir ku xigeenka dhirbaaxo ku fujiyay weriyaha.

Weriyaha waxaa soo gaaray dhaawacyo wejiga iyadoo muddo koobanna ay ciidamada kaxeysteen kadibna ay sii daayeen, jirdilkaasi oo mas’uulka iyo ilaaladiisa ay si toos ah u fuliyeen ayaa aad uga careysiiyay saxaafadda degaanka waxaana markii danbe raali gelin ka bixiyay wasiirka warfaafinta Puntland. 29 January 2008 Lix weriye oo ka howlgala warbaahinta Muqdisho ayaa jirdil, cabsi gelin iyo handed-aad lagula kacay kadib markii loo sheegay shir jaraa’id oo been abuur ah. Lixda weriye oo kala ah: C/risaaq Yuusuf Abdalla, “Kambala”, Mohamed Hassan Pakistan, Ismail Tifo Hassan, Mohamed Dahir Alasow Guha-ad Sheikh Hassan, iyo Moha-med Moalim ayaa sarkaal ka mida ciidamada TFG-da ugu yeeray shir jaraa’id oo lagu qabanayo goob ciidan.

Weriyeyaasha ayaa markii ay tageen goobtii waxaa soo food saaray xaalad adag waxaana lagu eedeeyay inay taageera-an dhinaca kooxaha ka horjee-da dowladda KMG ah, waxaa-na lagu feyliyay derbi madaxa loo saaray waxaana lagala wareegay dhammaan mobiles-kii ay siteen.

Cabdirisak Kambala ayaa SO-CFEX u sheegay in si gaara isaga loo bartilmaameedsaday oo laga reebay saxafiyiintii kale markii la sii daayay, loog-una hanjabay in la dilayo kadib markii indhaha laga duubay, arrintaas oo halis weyn gelisay naftiisa kadibna la sii daayay. 19 February 2008

Mohamed Moalim Osman (All-man) oo ah weriye u shaqeeya website-ka Somalitalk ayay ciidamada dowladda KMG ah jirdil ugu geysteen degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Ciidamada ayaa ku eedeeyay inuu weriyaha la shaqeeyo kooxaha islaamiyiinta ah waxayna dhaawac ka gaarsiiyeen wejiga iyagoo ku garaacay qoriga baadkiisa, waxayna saacado ku hayeen Saldhiga degmada iyagoo ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii uu joojin waayo shaqada uu hayo.

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 6 -

30 April 2008 Abdullahi Cariig oo u shaq-eeya TV-ga Universal iyo Faarah Aden oo ah weriye madax bannaan ayay ciidam-ada ilaalada madaxtooyada kula kacen jirdil iyadoo gara-acay kana qaatay qalabkii ay wateen.

Labada weriye ayaa xilliga fal-kan ku dhacay halkaasi u teg-ay shir jaraa’id oo uu qaban-ayay Ra’iisal wasaaraha wax-aana soo gaaray dhaawacyo u badan jug lagu garaacay qoryaha baadkooda.

27 April 2008 Nuh Musse Birjeb oo u shaq-eeya VOA iyo Mohamed Yasin oo u shaqeeya idaacadda Daljir ayay ciidamada Puntl-and ku weerareen meel u dhow magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland iyadoo ka qaatay qalabkii ay wateen sida kom-butero iyo lacag una geystay handadaad.

Labada weriye ayaa ka soo laabtay seminar ay uga qeyb galeen magaalada Hargeisa iyagoo ku soo jeeday Garowe markii ciidamada daraawiishta Puntalnd weerar ku qaadeen.

2 June 2008 Mohamed Dahir Saalim oo idaacadda Garowe u shaqeeya iyo Abdinasir Yasin Galeyr oo u shaqeeya Ida-acadda iyo TV-da SBC qeybta Garowe ayaa jirdil iyo handed-aad shaqo ka hor istaagid kala kulmay ilaalada madaxwey-naha Puntland.

Weriye Mohamed Daahir ayay ilaaladu la dhaceen qori baad-kiisa iyo laad iyadoo dhaawac soo gaaray, sidoo kale Abdinasir ayay handadeen waxayna waxyeelo gaarsiiy-een qalabkii weriyeyashu wateen.

22 June Ciidamada ilaalada madaxwe-ynaha Somaliland ayaa ku xadgudbay oo garaacay laba weriye oo kala ah: Cabdifatah Mursal, oo wargeyska Ogaal ka tirsan iyo Faysal Mohamed, wargeyska Heegan u shaqeeya.

Labada weriye ayaa xilligaasi sawiro ka qaadayay madaxw-eynaha Somaliland, waxaana tacadigaasi ka soo gaaray dhaawacyo. 9 December 2008 Ahmed Nur Ibrahim iyo Sacid Abdulahi Jama oo u shaqeeya idaacadda SBC ayay ciidama-da la baxay argagixiso la dirir-ka jirdil ugu geystaan xero qaxootiga soo barakacay degan yihiin magaalada Boosaaso.

Weriyeyaasha oo halkaas u tegay inay ka warbixiyaan deeq loo qeybinayay dadkaasi ayaa ciidamada si xun ula dhaqmeen kana qaateen qalabkii shaqada waxayna u kaxeeyeen xaruntooda oo ay markii danbe sii daayeen. 12 December 2008 Cabdicasiis Koronto oo idaac-adda Somaliweyn u shaqeeya ayay ciidamada dowladda KMG ah ee magalada Baydh-aba jirdil u geysteen isagoo shir jaraa’id ka qeyb galayay howshiisana watay.

Weriyaha ayaa dhaawacyo qarsoon ka soo gaareen falk-aasi waxaana saacado lagu hayay saldhiga intii aan la sii deyn ka hor.

HANDADAAD, CABSI GELIN WEERAR IYO

AFDUUB

17 April 2008 Mohamud Mohamed Daahir oo ka mida weriyeyaasha

Idaacadda Codka Nabadda faraceeda Muqdisho ayaa dhuumasho dhowr maalmood socotay galay kadib markii ciidamada dowladda KMG ah tageen xarunta Idaacadda iyagoo raadinaya kadibna ka wateen 6 qof oo isugu jiray weriyeyaal iyo shaqaale.

Weriyaha oo aan xilligaas joogin idaacadda ayay ciidamadu sheegeen inay u heystaan war uu aqriyay ayna tallaabo ka qaadi doonaan haddii uu yimaado, taasoo keentay inuu ku dhowaad isbuuc dhuumasho galo, waxaana markii danbe arrinta farageliyay Wasiirka warfaafinta Ahmed Abdisalam iyo ururada bulshada rayidka oo xaliyay. 04 May 2008

Bishaaro Ma-xamed Wace-ys ayaa wee-rar

lagu qaaday iyadoo ku

socotay hoygeeda kana timid xarunta TV-da ETN ee

magaalada Boosaso oo ay

ka howlgasho.

Lama garan sababta weerarka loogu qaaday balse way ka badbaadbay, waxayna markii danbe taageero ka heshay xarunta The Doha Centre for Media Freedom oo hoy laga siiyay. 4 June 2008 Abdirahman Hassan Moham-ed ‘Hudeyfi’ oo ahaa agaasim-ihii idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho ayay da-bley hubeysani ka qabsadeen meel u dhow xarunta idaacad-da isagoo subaxnimadii ku sii jeeday.

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 7 -

Muddo 12 saacadood ku dhow ayaa lagu hayay agaasimaha meel aan la garaneyn isagoo indhaha ka xiran waxaana ka-dib Handadaad iyo cabsi gelin amarro lagu siiyay lagu daay-ay meel aad uga fog goobtii laga afduubtay laguna amray inuusan xitaa ka hadlin. 10 June 2008

Nimca Hassan Abdi oo ka howl gasha Shabelle, Mucaawiye Ahmed Museoo ka howlgala Shabelle, Abdinur Ahmed kediey oo u shaqeya Universal TV, Khalif Maki Xaaji oo u shaqeya Universal TV, Cali Xasan Aden Universal TV, Cabdifitax Mohamed Ali oo u shaqeya Universal Al-arabiya TV ayaa lagala wareegay qal-abkoodii shaqada dhowr saac-adoodna la xiray markii ay wareysteen qaar ka mida saraakiisha Xabsiga dhexe oo cabasho qabay.

Weriyeyaasha ayaa laga baa-bi’iyay warbixintii ay duubteen waxaana loogu hanjabay inay-san warkaasi sii deyn Karin oo tallaabo laga qaadayo haddii ay sheegeen arrintaasi, waxa-ana markii danbe xabsiga loo-ga soo saaray dadaal ay sam-eeyeen ururada saxaafadda iyo mas’uuliyiin kale. 01 July 2008 8 Saxafi oo ka howlgala ida-acadda dowladda ee Radio Muqdishoayaa shaqada laga eryay markii ay ka cabteen mushaar la’aan muddo 8 Bilo-od ah, ayna cabashadooda ku muujiyeen shir jaraa’id oo ay saxaafadda u qabteen. Maamulka Idaacadda ayaa eryay weriyayaashaasi wuxu-una ku qasbay inay bixiyaan qoraal cudurdaar ah sidaas ayaana shaqadii dib loogu cel-iyay iyadoo aan la siin xuquuq-doodii.

23 July 2008 Mohamed Ibrahim Jekey, Bashir Dirie Naleye iyo Bebe Mohamed Bebe oo maamul iyo shaqaale ka ah xafiiska Telefishanka Universal ee Muqdisho ayaa gaarigii ay la socdeen la qabtay laguna xiray muddo kooban saldhig degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Xubnahan oo watay gaari ay caan ku yihiin ayaa ka soo laa-btay aaska weriye iyo abwaan caan ahaa Cabdalla Nuradin, waxaana markaas kadib lagu eedeeyay inay warar khaldan ka fidiyeen degaankaasi iya-doo loogu daray hanjabaad iyo cabsi gelin, waxaana arrinta markii danbe soo dhex galay dad kala duwan oo xaliyay kana sii daayay maamulka iyo shaqaalaha Universal. 23 August 2008

Amanda Lindhout (freelancer Canadian female journalist), Nigel Bremen (freelancer Aus-tralian journalist) iyo Abdifitah Mohamed Ilmi (freelancer local cameraman) ayaa laga afduu-btay duleedka magaalada Muqdisho waxayna ku sii jeed-een xarumaha dadka barakac-ay oo ay doonayeen inay war-bixinno ka diyaariyaan.

Lama garan cidda afduubka geystay laakiin markii danbe ayaa koox islaamiyiin a sheeg-atay waxaana la sheegay inay dalbadeen lacag madax fura-sho ah oo gaareysa 2.5 milyan oo doolar waxayna ku hanja-been inay dilayaan. Waaana nasiib darro inay weli gacanta afduubayaasha ku jiraan.

24 Novembar 2008 Adirashid Abdulle Abikar oo ah weriye madax bannaan, Abdullahi Yasim Jama oo u shaqeya idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho iyo Mowlid Abdi Abdulle ayaa lagu xiray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud oo ay u tageen ururinta warbixinada burcad badeeda Soomaalida.

Xoogaga islaamiyiinta ee degaankaasi ayaa sheegay inay ka shakiyeen, waxaana loo taxaabay xabsi markii dan-be loo soo gudbiyay Muqdisho iyagoo indhaha ka xiran mar-arka qaarkoodna waxaa loola dhaqmay si fool xun oo cabsi gelin iyo handadaadi ku jirto inkastoo markii danbe la sii daayay loona sheegay in lagu khaldamay ku dhowaad laba toddobaad kadib. 26 November 2008

Collin Freeman (Birish who works for daily Telegraph), Jose Cendon (Spanish freela-ncer cameraman), Cawale Ja-amac Salaad (Freelancer) iyo Mukhtaar Sacii (Freelancer) ayaa lagu afduubtay magaala-da Boosaaso xilli ay labada weriye ee ajnabiga ahaa ka dhoofi rabeen garoonka magaaladaasi.

Afduubta weriyeyaasha waxaa ka danbeeyay kooxo dabley ah oo caadiyan ku doonaya la-cag madax furasho ah waxa-ana nasiib darro ah in weli la heysto maamulka degaanka-asi aanu wax muuqda ka qaban.

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 8 -

SAXAFIYIINTA LA XIRAY

04 January 2008 Mohamed Shidane Dabaan reporter u shaqeeya idaacad-da Banaadir tififtirana ka ahaa wargeyska maamulka Gobolka Banaadir ayay ciidamada Nab-adsugidda TFG-da ka qabteen garoonka diyaaradaha Muqd-isho isagoo doonayay inuu ka dhoofo.

Weriyaha ayaan faahfaahin laga bixin xargiisa, waxaana markii danbe uu sheegay taliy-aha ciidamada Nabadsugidda TFG-da in loo heyso ku lug lahaansho dilka afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir.

Mohamed Shidane ayaa la soo taagay maxkamad milateri iyadoo aan loo ogolaan qare-en difaaca waana la sii daayay 23 April markii uu xabsiga ku jiray ku dhowaad 3 bilood wax-aana la sheegay in lagu waa-yay denbiga, waxaa xusid mudan inuu ahaa weriyaha kaliya ee 2008 maxkamad la soo taago.

05 January 2008

Iidle Moalim Cumar oo idaaca-dda Somaliweyn uga soo war-ama magaalada Boosaaso hay’ado kale oo warbaahine-edna u shaqeeya ayaa xabsi-ga loo taxaabay iyadoo aan wax caddeyn ah laga bixin xarigiisa.

Waxaa laga qabtay isagoo dadka tahriibta ee ka baxa magaalada Boosaaso xaala-dooda warbixin ka diyaarinaya wuxuuna xabsiga ku jiray ilaa 9 maalmood.

13 January 2008 Bashiir Mohamed Abdulkadir (Albashiir) oo howlwadeen sare iyo weriye ahaan uga howlgala idaacadda Somaliw-eyn ayaa xabsiga la dhigay, waxayna ciidamada nabadsu-

gidda maalintaasi ciidamada xoog ku galeen xarunta idaacadda.

Waxay kaloo isla maalintaasi ciidamada nabadsugidda TFG-da xabsiga si xeeladeys-an u dhigeen agaasimaha idaacadda Somaliweyn Abd-irahman Mohamed Xasan (Hudeyfi) oo ay ugu yeereen si ay su’aalo weydiiyaan arrimo la xiriira kiis ay ku heystaan Weriye Albashiir.

Olole ay qaadeen SOCFEX iyo ururada rayidka ayaa taliska nabadsugidda ku sheegay in weriyaha loo heysto inuu la shaqeynayay kooxaha ka horjeeda dowladda KMG ah.

Agaasime Xudeyfi waxaa la sii daayay 27-ka Janaayo, kadib-na waxaa weriye Albashiir la sii daayay 10-ka Febraayo 08.

15 January 2008 Ayanle Hussein Abdi weriyaha BBC-da ee gobolka Hiiraan ayay ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan xabsiga dhigeen iyadoo gudoomiyaha gobolkaasi ku eedeeyay weri-yaha inuu warar been iyo isku dir ah ka faafiyay Gobolka.

Maalin ka dib xarigiisii ayaa la sii daayay weriyaha markii dadaal loo galay arrrintaasi wax maxkamad ahna lama soo taagin.

15 April 2008

Abdirahman Mohamed Haba-ne oo wargeyska Jamhuuriya uga soo warama Gobolka Aw-dal ayay maamulka gobolkaasi xabsiga dhigeen iyadoo lagu heysto warar uu qoray.

Waxaa damaanad lagu sii daayay weriyaha 19-kii April iyadoo kadibna arrintiisa la xa-liyay waxayna markaasi ahayd markii 10-aad ee maamulka xabsiga dhigo weriyahani.

17 April 2008

Saxafiyiinta la xiray muuqaalka hore (ka bilow bidix): Shaafici Muxyadin, Muyse Mohamed

Cusman. Dhinac danbe (ka bilowbidixt): Mohamed Abdullahi, Mohamed Kafi Ali, Abdi

Kamil Yusuf, iyo Ibrahim Abdi Hassan

Shaafici Muhyadin Islow tifafti-raha idaacadda Codka nabad-da, Ibrahim Abdi Hassan (we-riye), Abdi Kamil Yusuf (weri-ye), Mohamed Abdullahi (wer-iye) iyo Mohamed Kafi Ali (weriye), Musse Mohamed Os-man ayay ciidamada Booliska ka kaxeysteen xarunta idaaca-dda codka nabadda oo ay we-erar ku qaadeen hawadana ka saareen idaacadda.

Weriyeyaasha ayaa lagu xiray xabsiga CID-da Muqdisho wa-xaana lagu eedeeyay warbixin ay ka baahiyeen iska hor imaad ka dhex maray ciidam-ada dowladda iyo kuwa ka soo horjeeda iyadoo loogu hanja-bay in la dilayo. Dadaal ay qaadeen mas’u-uliyiin TFG-da ka tirsan iyo ur-urada bulshada ayaa maalintii danbe lagu sii daayay.

08 May 2008 Jaamac Yusuf Jaamac oo ka tirsan idaacadda Horseed ee magaalada Boosaaso oo xilli dhow laga hirgeliyay una warrama warbaahin kale ayay xabsiga dhigeen ciidamada Booliska Puntland.

Sababta xariga weriyaha ayaa la sheegay inay ka danbeysay warar ay idaacadu ka baahisay oo ku saabsan rasaas la isku weydaarsaday magaalada, waxaana la sii daayay maalintii xigtay.

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 9 -

09 May 2008

Mowlid Xaaji Cabdi agaasima-ha idaacadda iyo telefishanka SBC ee magaalada Boosaso ayay ciidamo ugu soo galeen xarunta iyadoo u kaxeeyay xabsi ku yaala dekadda mag-aalada Boosaaso, waxaana halkaasi amarka ka soo bixiy-ay wasiir ka tirsan maamulka Puntland iyadoo loo heyso isla kiiska sare ku xusan, waxaana agaasimaha la sii daayay markii saacado la hayay.

26 May 2008 Osman Yusuf Dhegjar oo SBC uga soo warrama Buuhoodle ayay ciidamada maamulka Somaliland xabsiga dhigeen iyagoo amar ku siiyay shaqeyn Karin warna ka diri Karin degaankaasi, waxayna sii daayeen markii ay hayeen ku dhowaad maalin.

26 May 2008 Mohamud Abdulahi Farah oo magaalada Qardho wakiil uga ah SBC ayay xabsiga dhigeen ciidamada Booliska waxayna kula kaceen handadaad iyo cabsi gelin.

Dadaal loo galay sii deyntiisa ayaa lagu guuleysay isla maal-intaasi, waxaana loo ogolaa-day inuu shaqadiisa sii wato.

25 June 2008 Abdulqadir Mohamed Nunow oo agaasime ku xigeenka idaacadda Horseed ee Boosaaso iyo weriyaha VOA iyo weriye Abdirisak Mohamed Siyad ayay ciidamada Puntland xabsiga dhigeen

ciidamada Puntland oo ka qabtay xarunta idaacadda.

Xarigan ayaa ka dambeeyay markii idaacaddu wareystay sarkaal ciidamada ka mida oo ka hadlayay xaaladda Gobolka Sool, wareysiga oo ka careys-iiyay maamulka degaankaasi. Waxaana la sii daayay markii la hayay laba maalmood.

25 July 2008 Mohamed Aw-aden oo u shaq-eeya Telefishanka Universal ayay ciidamada maamulka So-malialnd ee magaalada Harg-eisa xabsiga dhigeen iyadoo ku heysta inuu wareysiyo aan loo ogolaan inuu baahiyay.

Weriyaha ayaa lagu amray inuu shaqada joojiyo, waxaana laga xiray xafiiska iyadoo maamulku ku dooday inuu ku xadgudbay intii loo ogolaa, waxaana la sii daayay kadib markii uu xirnaa muddo saddex maalmood ah.

17 August 2008

Mohamed Mohamud Welcome agaasimaha idaacadda Daljir ee magaalada Garowe ayay xabsiga dhigeen ciidamada Puntland waxaan lagu eedee-yay inay idaacadiisu baahisay warar ku saabsan doorashoo-

yinka Puntland oo laga mamn-uucay xilligaasi in laga hadlo. Waxaana la sii daayay laba maalmood kadib xarigiisa.

19 August 2008 Abdiasis Saleeban Ahmed weriye madax bannaan ayaa lagu xiray magaalada Garowe, iyadoo xarigiisa lala xiriiriyay warbixin uu ka qoray madax-weyne ku xigeenka Puntland. Marar badan ayaa la xiray weriyahan waxaana xarigiisa si isku mida ugu lug yeeshay maamulada Puntland iyo Somaliland. 16 September 2008

Abdiqani Ismacil Goox oo ka tirsan idaacadda Laascaanood ee hawada ka baxday markii Somaliland la wareegtay magaaladaas ayaa lagu xiray halkaasi markii lagu eedeeyay inuu ka been sheegay warar ku saabasan howlo samafal oo magaaladaasi ka socday. Waxaa weriyaha loo sheegay inuu soo dacweeyay mas’uul katirsan hay’adda Bisha cas ee Laascaanood, kaasoo ka cabanayay qoraal uu internetka ku faafiyay.

06 October 2008 Ali ilyaas Abdulahi weriye u shaqeeya idaacadaha gudaha qaarkood fadhigiisuna yahay Baydhaba ayaa la dhigay xabsiga magaalada, waxaana xarigiisa loo aaneyay warar uu diray.

Weriyaha oo shaqeeya Idaac-adda IQK ee Muqdisho iyo tan Horseed ee Boosaaso iyo hay’ado kale oo warbaahineed wuxuu xabsiga ku jiray 4 maalmood.

31 October 2008 Adrisak Anna oo ah weriye madax bannaan ayaa xabsiga magaalada Baydhaha la dhigay xilli uu halkaasi u tegay

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 10 -

inuu warbixin ka helo ganacs-ade ay booliska xireen.

Weriyaha ayaan wax faahfaa-hin ah laga bixin xarigiisa wax-aana la sii daayay markii danbe laba maalin kadib. 01 November 2008

Liibaan C/llaai Faarah oo weriye ka howlgala magaalada Gaalkacyo una shaqeeya idaacadda SBC ee magaalada Boosaaso ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo maamulka degaanka ay ka caroodeen war uu tebiyay.

Weriyaha ayaa xabsiga ku jir-ay 7 maalmood waxaana mar-kii danbe lagu sii daayay dad-aal ay galeen maamulka idaa-cadda iyo mas’uuliyiin kale

03 November 2008 Xadiis Mohamed Xadiis weriye madax bannaan ayay ciidama-da ammaanka Somaliland xa-bsiga dhigeen isagoo sawiro ka qaadanayay agagaarka ga-roonka diyaradaha magaalada Hargeysa.

Waxaa la sheegay in weriyaha lagu tuhmay ku lug lahaansho qaraxyadii Hargeyska ka dhacay 29 October 2008, wuxuuna xabsiga ku jiray muddo 11 maalmood ah

iyadoo aan denbi ah lagu soo oogin ayaana markii danbe la sii daayay 14-kii Novembar. 16 November 2008

Hassan Mohamed Jama “jidka” agaasimaha Radio Galkacyo ayaa ciidamo hubey-san ay xabsiga dhigeen, wax-aana sidoo kale hawada laga saaray idaacadda Gaalkacyo.

Arrintan ayaa ka danbeysay amar uu bixiyay maamulka Puntland xilli uu magaalada booqanayay madaxweynaha maamulkaasi, waxaana sabab looga dhigay warar ku saabsan xaaladda magaalada oo idaacadu baahisay.

Agaasimaha ayaa la sii daayay 2 maalmood markii uu xirnaa waxaana dib loo furay idaacadda iyadoo aan hab sharci ah midna la marin, aga-asimaha ayaa sheegay in lagu heystay warar ay baahiyeen oo ay caddeyn buuxda u haye-en balse maamulka diidanaa in la faafiyo. 24 November 2008

Abdirashiid Abdulle Abiikar oo ah weriye madax bannaan, C/laahi Yasin Jamac oo u shaqeeya idaacadda Shabelle, iyo Mowlid Abdi Abdulle oo isna ah weriye madax banna-an ayaa lagu xiray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Weriyeyaashan ayaa loo she-egay in shaki laga qabo oo ko-

oxda qabsaday ee islaamiyiin-ta ka mida ay ku dooday inay arrintooda baareyso, kadibna waxaa lagu hayay xeroay ku sugnaayeen Ceeldheer malee-shiyiinta islaamiga intii aan loo soo gudbin meel aysan gareyn iyagoo indhaha ka xiran.

Xaalado kala duwan oo ay mareen kadib waxaa xabsiga laga sii daayay 5-tii Disembar markaasoo ay ogaadeen inay joogaan Muqdisho. Waxaana loo sheegay in lagu khaldamay.

25 November 2008 Hilaal Mohamed Shuceyb aga-asimaha idaacadda Warsan ee magaalada Baydhaba ayaa xabsiga la dhigay markii ciida-mo maamulka Gobolka ay tag-een xarunta idaacadda kana kaxeysteen.

Maamulka Gobolka Bay ayaa idaacadda ku eedeeyay inay warar been abuur ah ka faafis-ay ammaanka Gobolka oo wax u dhimaya nabadda, wa-xaa agaasimaha la sii daayay markii uu 2 maalmood xirnaa.

29 December 2008 C/llaahi Xirsi Cadde oo ka mida maamulka iyo weriyeya-asha idaacadda Galkacyo ayaa xabsiga la dhigay iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin xarigiisa.

Wararka qaarkood ayaa sheegay in loo heyso war laga sii daayay Idaacadda Gaalkacyo.

Kiisaska kale ee lagu xiray saxafiyiint waxayna ahaayeen kuwo saacado kooban ku ekaa oo kadib ay xoriyadooda heleen, waxayna ku cad yihiin shaxda warbixinta tacadiyada.

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 11 -

TACADIYADA WARBAAHINTA 2008

25 January, 2008.

Waxaa la duqeeyay idaacadda codka nabadda, faraceeda Muqdisho. Waxaana ku dhac-ay mafac ka mid ah madaafiic ay isweydaarsanayeen TFG iyo xoogagga kasoo horjeeda.

Madafcaasi wuxuu waxyeello u geystay xarunta Idaacadda, waxaana dhaawac uu ka gaar-ay mid ka mid ah maamulka Idaacadda.

Waxaa rasaas xoog leh lagu riday xarunta Idaacadda Shabelle ee Muqdisho, duqey-ntaas oo keentay waxyeello gaartay fiilooyinka iyo dhisma-ha idaacadda, laakiin cidna kuma dhaawacmin.

04 Febuary, 2008.

Idaacadda Codka Nabadda ayaa hajabaad kala kulantay kooxo Islaamiyiin ah oo ku eedeynaynay inay la shaqeyso TFG-da, kuna baaqay in talaabo laga qaado sida ay ku daabaceen Website-kooda. 01 - 02 March, 2008.

Waxaa duqeyn isku xiga lagu aqaaday Idaacadda SIMBA ee Muqdisho, iyadoo waxyeello la gaarsiiyay qolka kaydka Idaac-adda, isla markaana ay halis weyn galeen shaqaalihii xaru-nta ku sugnaa oo ku qasbana-aday inay shaqada joojiyaan. 03 March, 2008.

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa weerar ku qaaday Idaac-adaha Shabelle iyo Hornafrik, waxayna ka qaateen qalabkii ay uk shaqeynayeen qaar ka mid ah, iyagoo tacadiyo u gey-stay qaar ka mid ah shaqaali-hii xarumahooda ku sugnaa. Idaacadda Shabelle, ayaa isla maalintaas la kulantay rasaas toos loola beegsaday, Idaaca-

dda Hornafrik ayaa shaqaalihii xarunta joogay lagu amray inay dibadda u baxaan, iyagoo gacmahu u saaran yihiin mad-axa oo ay ilaalo ka hayaan ciidamo u horkacay waddo ka baxda suuqa Bakaaraha.

Ciidamada TFG waxay isla maalintaas albaabbada u lab-een idaacadaha, Hornafrik, Shabelle iyo Simba oo muddo u dhexeysa 3–5 maalmood hawada ka maqnaa, qalabka laga qaatay iyo amarkii lagu xiray dartood.

05 March, 2008.

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa si toos ah ugu hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo Idaacadaha: Somaliweyn, Banaadir iyo IQK, isagoo ku eedeeyay inay ka been abuureen maamulkiisa.

Saddexda idaacadood ayaa sii daayay warar ku saabsan xubno ka mid ah maamulada degmooyinka Gobolka Banaa-dir oo iscasilay, taasoo ka car-eysiisay Maxamed Dheere oo xilligaasi ahaa Mas’uulka ugu weyn ee ka horjeeda xorriyada saxaafadda. 08 March, 2008.

Ciidamo ka tirsan TFG ayaa weerar ku qaaday muddo saacad ku dhowna ku wareeg-sanaa idaacadda Shabelle, iyagoo doonayay inay gudaha u galaan, taasoo u suurogeli wayday. Waxayna markii dam-be isaga tageen goobta. 30 April, 2008.

Dhamaan idaacadaha ka howlgala Muqdisho ayaa loogu hanjabay inaysan baahin warar liddi ku ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamayay Muqdisho.

Qoraal digniin ah oo lagu soo qoray dhowr qodob oo idaaca-daha laga dalbanayo ayay dabley Islaamiyiin ah u qaybiy-een xarumaha Idaacadaha, iyagoo qaarka kalena ku gaar-siiyay digniintaasi dhinaca taleefoonka.

09 May, 2008.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa saddex idaacadood oo ka howlgala Boosaaso amar kusiiyay inaysan ka hadlin shaqaaqooyin ka dhacay magaaladaas.

Maamulka ayaa ku kacay falal xayiraad iyo xarig isugu jira oo ay uga horjeedaan idaacad-aha baahiyay is rasaaseyn magaalada ka dhacday, waxa-yna si toos ah digniintaas u gaarsiiyeen idaacadaha kala ah: SBC, Horseed iyo Daljir.

30 July, 2008.

Maamulka Somaliland ayaa albaabada u laabay xafiiskii TV-ga Univerasl ee Hargeysa, oo lagu eedeeyay inuu howl geliyay shaqaale aan ogolaa-sho la siin. Maamulka oo ka carooday wareysiyo laga baa-hiyay Telefishinka aya xabsiga u taxaabay wakiilkii Tv-ga ee Magaalada Hageysa.

16 November, 2008.

Ciidamada Puntland ee gob-olka Mudug ayaa weerar ku qaaday albaabadana u laabay idaacada Radio Gaalkacyo, kaddib markii ay baahisay warar ku saabasn xaaladda magaalada iyo hub maamulku ka qaaday.

Idaacadda ayaa hawada ka maqnayd muddo 3-maalmood ku dhow, waxaana sidoo kale xabsiga la dhigay agaasimihii idaacaddaas, waxaana markii dambe lagu sii daayay

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 12 -

waanwaan maamulka lala sameeyay.

10 December, 2008.

Idaacad dhawaanahan laga hirgeliyay Magaalada Baardh-eere ee Gobolka Gedo ayaa la xiray, markii kooxo Islaamiyiin ah ay amar ku bixiyeen. Ciidamada Islaamiyiinta ayaa galay xarunta idaacadda haw-adana ka saaray, waxayna ku eedeeyeen inay baahiso

waxyaabo aan ku banaanayn shareecada Islaamka, sida: heesaha iyo muusiga.

Waxaa idaacadda dib loo furay, kaddib markii ay xirnayd 2-maalmood, maamulka idaa-caduna ogolaaday inuusan sii dayn heeso iyo Muusig aan ahayn kuwa astaamaha u ah idaacadda iyo Iidhehyada. 12 December, 2008.

Islaamiyiinta ka arrimiya magaalada Kismaayo ayaa albaabbada u laabay Idaacad-da Hornafrik ee Kismaayo oo ay ku eedeeyeen inay baahiso warar ka horjeeda maamulko-oda, heeso iyo Muusig.

Idaacadda oo muddo 5-sano ah ka howlgalaysay magaala-daas ayaa weli u xiran amarka kooxaha islaamiyiinta ah.

LIISKA SHAXDA TACADIYADA LOO GEYSTAY SAXAFIYIINTA 2008

Table 1

NO. SAXAFIYIINTA LA DILAY GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Hassan Kafi Hared Ahmed Kismayo SONNA/Gedonet 28 January

2. Naasteh Dahir Farah Kismayo BBC-Somali/AP 07 June

Table 2

NO SAXAFIYIINTA LA DHAAWACAY GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Mohamed Bashir Hashi Mogadishu Shabelle Media 3 January

2. Abdi Kheyr Mohamed Jama Galkacyo Radio Galkacyo 10 January

3. Ali Muhumedd Roble Mogadishu Radio Voice of peace 25 January

4. Hussein Mohamed Goje Mogadishu SOMBA Radio 19 August

1. Mohamed Harun Ahmed Hargeisa Somaliland Space Channel

29 October

2. Jamal Abdi Mohamed Hargeisa Hegan Newspaper 29 October

3. Abdi Hamud Hargeisa Somaliland Space Channel

29 October

4. Rasmi Mohamud Mohmamed Mogadishu Somaliweyn Radio 4 december

Table 3

NO SAXAFIYIINTA LA JIR DILAY GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Abdihakim Yusuf Moalim Bosaso SBC 25 January

2. Abdirisak Yusuf Abdalla “Kambala” Mogadishu Koranik Radio 29 January

3. Mohamed Hassan Pakistan Mogadishu Radio Somaliweyn 29 January

4. Ismaaciil Tifow Xasan Mogadishu Radio Banadir 29 January

5. Mohamed Dahir Alasow Mogadishu Radio VOD 29 January

6. Guhad Sheikh Hassan Mogadishu Radio VOD 29 January

7. Mohamed Moalin “Whiteman” Mogadishu Radio Mogadishu 29 January

1. Mohamed Moalim Osman (Allman) Dinsor somalitalk.com 19 February

1. Nuh Musse Birjeb Garowe VOA Somali 27 April

2. Mohamed Yasin Garowe Radio Dalkir 27 April

2. Abdulahi Arig Mogadishu Universal TV 30 April

3. Faarah Aden Mogadishu Freelancer 30 April

4. Mohamed Dahir Salim Garowe, Puntland

Radio Garowe Editor 2 June

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 13 -

5. Abdinasir Yasin Mire Garowe Radio Garowe 2 June

6. Abdifatah Mursal Hargeisa Ogaal Newspaper 22 June

7. Faisal Mohamed Hargeisa Heegan Newpaper 22 June

8. Ahmed Nur Ibrahim Bosaso SBC 9 December

9. Said Abdilahi Jama Bosaso SBC 9 December

10. C/casiis Koronto Baidoa Somaliweyn 14 December

Table 4

NO SAXAFIYIINTA LA AFDUUBAY/ LOO HANJABAY/ LA WEERARAY

GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Mohamud Mohamed Daahir Mogadishu Radio Voice of Peace (Reporter)

17 April

2. Bisharo Maxamed Waceys Bosaso Eastern Television Network (ETN)

04 May

3. Yusuf Sheik Isse Mogadishu Radio Mogadishu 3 June

4. Ismail Muktar Omar Mogadishu Radio Mogadishu 3 June

5. Hamdi Abdulahi Hassan Mogadishu Radio Mogadishu 3 June

6. Ali Bashi Abdulahi Abdi Mogadishu Radio Mogadishu 3 June

7. Burhan Dini Farah Mogadishu Radio Mogadishu 3 June

8. Mohamed Moalim Hassan Mogadishu Radio Mogadishu 3 June

9. Sagal Said Farah Mogadishu Radio Mogadishu 3 June 10. Abdi Said Farah Mogadishu Radio Mogadishu 3 June

11. Abdi Mahad Hussein Abtidon Mogadishu Radio Mogadishu

12. Abdirahman Mohamed Hassan Hudeyfi Mogadishu Somaliweyn radio director

4 June

13. Nimca hassan Abdi Mogadishu Shabelle 10 June

14. Mucaawiye Ahmed Muse Mogadishu Shabelle 10 June

15. Abdinur Ahmed Keridye Mogadishu Universal TV 10 June

16. Khaalif Maki Xaaji Mogadishu Universal TV 10 June

17. Cali Xasan Aden

Mogadishu Universal TV 10 June

18. Cabdifitax Mohamed Ali Mogadishu Al-arabiya TV 10 June

19. Mohamed Abraham (JK) Mogadishu Universal TV 23 July

20. Basher Dirie Naleie Mogadishu Universal TV 23 July

21. Bebe Mohamed Babe Mogadishu Universal TV 23 July

22. Liibaan Abdullahi Farah ( Galkaio SBC 11 August

23. Amanda Lindhout Near Mogadishu

Freelancer journalist 23 August

24. Nigel Brenan Near Mogadishu

Freelancer journalist 23 August

25. Abdifitah Mohamed Ilmi Near Mogadishu

Freelancer journalist 23 August

26. Colin Freeman Bosaso Daily Telegraph 26 November

27. Jose Cendon Bosaso Freelancer 26 November

28. Awale Jama Salad Bosaso Freelancer 26 November

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 14 -

Table 5

NO SAXAFIYIINTA LA XIRAY GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Mohamed Shidane Daban Mogadishu Banadir Newspaper 4 January

2. Idle Moalim Umar Boosaaso Somaliweyn 5 January

3. Bashir Mohamed Abdulkadir (Al-bashir) Mogadishu Radio Somaliweyn 13 January

4. Abdirahman Mohamed Hassan (Hudeyfi)

Mogadishu Radio Somaliweyn 13 January

5. Ayanle Hussein Abdi Hiiraan BBC Somali Section 15 January

6. Cabdiraxmaan Maxamed Habbane Borame-Somaliland

Jamhuriya Newspaper 15 April

7. Shafi’i Muhidin Islow Mogadishu Radio VOP (Editor) 17 April

8. Abdikamil Yusuf Mohamud Mogadishu Radio Voice of Peace (Reporter)

17 April

9. Mohammed Ali Boston Mogadishu Radio Voice of Peace (Reporter)

17 April

10. Mohammed Kafi Ali Mogadishu Radio Voice of Peace (Reporter)

17 April

11. Ibrahim Abdi Hassan Mogadishu Radio Voice of Peace (Reporter)

17 April

12. Musse Mohamed Osman Mogadishu Somali sports journalists Chairman

17 April

13. Abdi Mohamed Ismail (Abdi Ud) Mogadishu Radio Shabelle 21 April

14. Jama Yusuf Jama (dabarani) Bosaso Horseed Media 08 May

15. Mowlid Haji Abdi Bosaso SBC Radio director 09 May

16. Osman Yusuf Dhegjar Buhodle (Somaliland)

SBC 26 May

17. Mohamud Abdullahi Farah Qardho Puntland

SBC Radio Bosaso 26 May

18. Abdulkadir Mohamed Nunow Bosaso Puntland

VOA Somali / Horsed Media

25 June

19. Abdirisak Mohamed Said Bosaso Puntland

Horsed Media 25 June

20. Mohamed Abraham (JK) Mogadishu Universal TV 23 July

21. Basher Dirie Naleie Mogadishu Universal TV 23 July

22. Bebe Mohamed Babe Mogadishu Universal TV 23 July

23. Abdulkadir Mohamed Nunow (briefly detained)

Boosaaso Horsed Media / VOA Somali

25 July

24. Mohamed Aw-aden Hargeisa Universal TV 30 July

25. Mohamed Mohamud Welcome Bosaso Radio Daljir director 17 August

26. Abdiasis Saleban Ahmed Garowe Freelancer/Jidbaale website

19 August

27. Abdighani Ismail Goh Las anod Radio Daljir director 17 September

28. Abdirizak Ana Baidoa Freelancer 31 October 29. Ali Ilyas Abdullahi Baidoa Freelancer 06 October

30. Liiban Abdulahi Faah Galkaio SBC 06 November

31. Xadith Mohamed Xadith Hargeisa Freelancer 08 November

32. Hassan Mohamed Jama ‘Jidka’ Galkaio Radio Galkaio 16 November

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 15 -

33. ABdirashid ABdulle Abikar Elder/ Galgadud

Freelancer 24 Novembar

34. Abdulahi Yasin Jama Elder/ Galgadud

Radio Shabelle 24 Novembar

35. Mowlid Abdi Abdulle Elder/Galgadud

Freelancer 24 Novembar

36. Hilal Mohamed Shueb Baidoa Warsan Radio Director 25 November

37. Abdullahi Hirsi Adde Gakacyo Radio Galkacyo 28 December

SHAXDA TACADIYADA LOO GEYSTAY WARBAAHINTA 2008 Table 1

NO. WARBAAHIN LA DUQEEYAY GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Radio Voice of Peace Mogadishu Electronic Media 25 January

2. Shabelle Media Mogadishu Electronic Media 28 January

3. Radio SIMBA Mogadishu Electronic Media 01 March

4. Radio SIMBA Mogadishu Electronic Media 02 March

5. Radio Shabelle Mogadishu Electronic Media 03 March

NO WARBAAHIN LOO HANJABAY GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Radio Voice of peace Muqdisho Electronic Media 4 February

2. Somaliweyn Radio Mogadishu Electronic Media 05 March

3. Radio Banadir Mogadishu Electronic Media 05 March

4. Radio IQK Mogadishu Electronic Media 05 March

5. SBC Radio and TV Bosaso Electronic Media 9 May

6. Horsed Media Bosaso Electronic Media 9 May

7. Daljir Radio Bosaso Electronic Media 9 May

No. Warbaahin la xiray PLACE MEDIA TYPE DATE

1. Radio SIMBA Mogadishu Electronic Media 02 March

2. Radio HornAfrik Mogadishu Electronic Media 02 March

3. Radio Shabelle Mogadishu Electronic Media 02 March 4. Radio Voice of Peace Mogadishu Electronic Media 17 April

5. Universal TV Hargeisa Electronic Media 30 July

6. Radio Voice of Peace Mogadishu Electronic Media 17 April

7. Radio Galkaio Galkaio Electronic media 16 December

8. Radio Markablei Bardere/ Gedo

Electronic Media 10 December

9. Radio HornAfrik Kismayo Kismayo Electronic Media 12 December

No. WARBAAHIN LA WEERARAY GOOBTA NOOCA Warbaahinta Taariikh

1. Radio Shabelle Mogadishu Electronic Media 05 March

SOCFEX Warbixin sanadeedka xoriyadda Saxaafadda 2008

- 16 -

SOMALI JOURNALISTS 2008 STATISTICAL REPORT

Month Journalists/ Media worker killed

Journalists wounded

Journalists jailed

Journalists kidnapped

Journalists assaulted

Journalists attacked

Grand Total

January

1 3 5 7

February

2 1

March

2 7

April

1 2

May

4

June

1 8 1 3

July

2

August

1 2 3

September

1 1

October

3 2

November

7 4

December

1 3

Sub Total 2 7 37 9 21 2 79

SOMALI MEDIA 2008 STATISTICAL REPORT

Month Media station closed

Media station attacked

Media station bombarded

Media station threatened

Media station stopped

Grand Total

January

2

February

1

March

3 1 1 3

April

1

May

3

June

July

1

August

1

September

October

November

1

December

2 2

Sub total 8 2 4 7 0 21 Wixii warbixin dheeraad ah kala soo xiriir:

Somali Coalition for Freedom of Expression (SOCFEX), Maka Al-mukarama Street, opposite of Tree Piano building, Hodon District, Mogadishu, Somalia, Telfax: +252 1 850 040 / 236 012

E-mail: [email protected] [email protected]