somaliska sida loogu kala sooco guriga qashinkaaga · qashinka halista leh marka aad gayso...

2
Weelka cagaarka ah U isticmaal weelka cagaarka ah inaad ku riddo wixii kasta oo soo hara kadib markii aad ka soocdo baakadaha, cuntada qashinka ah iyo qashinka waxyaalaha halista leh. Tan waxa loo yaqaan qashinka guud. Tan waa la gubaa si looga helo kul iyo koronto. Tusaalayaal: • sakiinadaha • furarka • xafaayadaha xashiishka bisadda ee la isticmaalo • cadayada bacaha hilibka ee dhagdhagga leh • waraaqaha adag • haashka sigaarka tambuunada (shayada caadada la iskaga basriyo) dunta ilkaha lagu nadiifiyo • qashinka nadiifinta • qalimada khadka • kondhomyada • duubabka buuriga la ursado saliidda cuntada lagu kariyo Qashinka halista leh Marka aad gayso qashinkaaga halista leh xarunta dib u warshadaynta, waxaanu hubinaa in loo maareeyey qaab deegaanka aan wax u dhimayn. Tusaalayaal: heerkulbeegyada meerkuriga ah • haraayada ranjiga • haraayada milayaasha • qubashada saliidda waxyaalaha quruxda loo gashado guluubyada laydhka ee aan dabka badan cunin laambadaha laydhka ee dhaadheer • baatariyada Shayada leh xarig ama baatari. Tusaalayaal: • shooladaha iwm • tallaagadaha • kombiyuutarrada • suxuunta TV-ga • Taleefanada gacanta qalabka kafeega lagu sameeyo Dharka iyo maryaha Dhammaan dharka iyo maryaha, xiitaa kuwa madhay ee uskagga leh, waa in isku meel lagu ridaa. Wixii dib loo isticmaalayo iyo waxa dib loo warshadaynayo marxlad dambe ayaa lagu kala soocaa. Dib u isticmaalka Waxaad uga tagi kartaa shayada cusub ee nadiifta ah in dib u isticmaalo xarumahayaga dib u warshadaynta. Qashinka badan Tusaalayaal: farnijarka duugga ah • baaskiiladaha • mararka jajaban • qashinka beerta Marka la eego adduun cimrigiisu dheeraado Taleefan 020-63 00 63 info@gastrikeatervinnare.se www.gastrikeatervinnare.se Haraadiga qashinka Cuntada qashinka Shayada elektarooniga ah ee yaryar, baatariyada iyo guluubyada waxa lagu ridi karaa weelka EL:IN. Kuwani waxay ku yaalaan irridda ama meesha lagu ururiyo tukaano cunteed badan. Sida loogu kala sooco guriga qashinkaaga Waad ku mahadsan tahay kala soocidda qashinkaaga Tani waxay ka dhigan tahay dib ayaa loo warshadayn karaa oo loo isticmaali karaa samaynta alaab cusub! Hagaha kala soocidda ee kujira www.gastrikeatervinnare.se wuxuu wax badan kaaga sheegayaa waxa la kala soocayo iyo halka lagu kala soocayo. La geeyaa meesha dadku ka shaqeeyaan ee xarunta dib u warshadaynta Ma jiraan wax kharash ah oo dheeraad ah oo lagaa qaadayaa, qof ahaan, marka la eego u qaadista qashinka badan iyo ka halista ah xarunta dib u warshadaynta. Waxa kharashku ku jiraa ka aad ku bixiso qaadista qashinka ee guriga. Kala soocidda jaraa'iddada iyo baakadaha - fiiri dhinaca kala Weelka bunniga ah U isticmaal weelka bunniga ah cuntada qashinka ah oo kaliya. Waa inaad ka saarto wixii caag, waraaq ama baakad ah kahor inta aadan ku ridin cuntada kiishka waraaqda ah ee bunniga ah. Kaliya isticmaal kiisha waraaqda ah ee aanu ugu talogalnay cuntada qashinka ah. Cuntada qashinka ah waxa loo isticmaalaa in lagu soosaaro bayogaas (gaas) iyo bayo fertilaysar (bacrimiye). Tusaalayaal: miraha iyo khudaarta waraaqaha la isku nadiifiyo ee duuban • rootiga • kufayga kafeega lafaha hilibka iyo kalluunka • galka baradhada • ubaxyada go'an Somaliska

Upload: others

Post on 29-Jul-2020

0 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Somaliska Sida loogu kala sooco guriga qashinkaaga · Qashinka halista leh Marka aad gayso qashinkaaga halista leh xarunta dib u warshadaynta, waxaanu hubinaa in loo maareeyey qaab

Weelka cagaarka ahU isticmaal weelka cagaarka ah inaad ku riddo wixii kasta oo soo hara kadib markii aad ka soocdo baakadaha, cuntada qashinka ah iyo qashinka waxyaalaha halista leh. Tan waxa loo yaqaan qashinka guud. Tan waa la gubaa si looga helo kul iyo koronto.

Tusaalayaal:• sakiinadaha• furarka• xafaayadaha• xashiishka bisadda ee

la isticmaalo• cadayada• bacaha hilibka ee

dhagdhagga leh• waraaqaha adag• haashka sigaarka• tambuunada (shayada

caadada la iskaga basriyo)• dunta ilkaha lagu nadiifiyo• qashinka nadiifinta• qalimada khadka• kondhomyada• duubabka• buuriga la ursado• saliidda cuntada lagu kariyo

Qashinka halista lehMarka aad gayso qashinkaaga halista leh xarunta dib u warshadaynta,

waxaanu hubinaa in loo maareeyey qaab deegaanka aan wax u dhimayn.

Tusaalayaal:• heerkulbeegyada meerkuriga ah• haraayada ranjiga• haraayada milayaasha• qubashada saliidda• waxyaalaha quruxda loo

gashado• guluubyada laydhka ee aan

dabka badan cunin• laambadaha laydhka ee

dhaadheer• baatariyada

Shayada leh xarig ama baatari. Tusaalayaal:• shooladaha iwm• tallaagadaha• kombiyuutarrada• suxuunta TV-ga• Taleefanada gacanta • qalabka kafeega lagu

sameeyo

Dharka iyo maryahaDhammaan dharka iyo maryaha, xiitaa kuwa madhay ee uskagga leh, waa in isku meel lagu ridaa. Wixii dib loo isticmaalayo iyo waxa dib loo warshadaynayo marxlad dambe ayaa lagu kala soocaa.

Dib u isticmaalkaWaxaad uga tagi kartaa shayada cusub ee nadiifta ah in dib u isticmaalo xarumahayaga dib u

warshadaynta.

Qashinka badanTusaalayaal:• farnijarka duugga ah

• baaskiiladaha

• mararka jajaban

• qashinka beerta

Marka la eego adduun cimrigiisu dheeraado

Taleefan 020-63 00 [email protected]

Haraadiga qashinka

Cuntada qashinka

Shayada elektarooniga ah ee yaryar, baatariyada iyo guluubyadawaxa lagu ridi karaa

weelka EL:IN. Kuwani waxay ku yaalaan irridda ama meesha lagu ururiyo tukaano cunteed badan.

Sida loogu kala sooco guriga qashinkaagaWaad ku mahadsan tahay kala soocidda qashinkaaga Tani waxay ka dhigan tahay dib ayaa loo warshadayn karaa oo loo isticmaali karaa samaynta alaab cusub! Hagaha kala soocidda ee kujira www.gastrikeatervinnare.se wuxuu wax badan kaaga sheegayaa waxa la kala soocayo iyo halka lagu kala soocayo.

La geeyaa meesha dadku ka shaqeeyaan ee xarunta dib u warshadayntaMa jiraan wax kharash ah oo dheeraad ah oo lagaa qaadayaa, qof ahaan, marka la eego u qaadista qashinka badan iyo ka halista ah xarunta dib u warshadaynta. Waxa kharashku ku jiraa ka aad ku bixiso qaadista qashinka ee guriga.

Kala soocidda jaraa'iddada iyo

baakadaha - fiiri dhinaca kala

Weelka bunniga ahU isticmaal weelka bunniga ah cuntada qashinka ah oo kaliya. Waa inaad ka saarto wixii caag, waraaq ama baakad ah kahor inta aadan ku ridin cuntada kiishka waraaqda ah ee bunniga ah. Kaliya isticmaal kiisha waraaqda ah ee aanu ugu talogalnay cuntada qashinka ah. Cuntada qashinka ah waxa loo isticmaalaa in lagu soosaaro bayogaas (gaas) iyo bayo fertilaysar (bacrimiye).

Tusaalayaal:• miraha iyo khudaarta• waraaqaha la isku nadiifiyo

ee duuban• rootiga• kufayga kafeega• lafaha hilibka iyo kalluunka• galka baradhada• ubaxyada go'an

Somaliska

Page 2: Somaliska Sida loogu kala sooco guriga qashinkaaga · Qashinka halista leh Marka aad gayso qashinkaaga halista leh xarunta dib u warshadaynta, waxaanu hubinaa in loo maareeyey qaab

Kuwan waxa lagu kala soocaa oo lagu ururiyaa xaruntaada dib u warshadaynta, xarunta dib u warshadaynta ugu dhaw.Baakaduhu waa inay madhan yihiin waana inayna lahayn wax halis xagga fayodhawrka ah. Ha isticmaalin biyo aad u kulul ama taydh si aad ugu dhaqdo baakadaha. Waxaad kaliya u baahan tahay inaad ku dhaqdo biyo qabow ama saxanka weelka oo la isticmaalay. Uumi-biyee oo cadaadi!

Jaraa'iddada iyo baakadaha

Hagaha kala soocidda ee kujira www.gastrikeatervinnare.se waxa ku jira hage aad u faahfaahsan oo sheegaya waxa la kala soocayo iyo halka lagu kala soocayo.

Marka la eego adduun cimrigiisu dheeraado

Taleefan 020-63 00 [email protected]

BAAKADAHA BIRTA AH

Tusaalayaal:• Daasadaha birta ah• Xaanshi bireedka

aluuminiyaam• Tuumbooyinka Caviar• Kaabsuulada birta ah

Talo!U daa dhammaan baakadaha birta ah dib u warshadayn. Xiitaa shayada yaryar sida kaabsuulada, furarka, xaanshiyaha crème fraîche tubs iyo furarka la wareejiyo. Baakadaha oo dhan waa muhiim.

Isku cadaadi intii xooggaaga ah tuumbooyinka biraha ah, furka ku daa si aadan qurmuun u arag, oo ku rid tuumbada weelka baakadaha birta lagu rido. Furarka caagga ah waa la gubaa si looga soosaaro tamar marka birtu ay dhalaasho.

BAAKADAHA QURAARADDA AH

Tusaalayaal:• Dhalooyinka afka

ballaadhan• Dhalooyinka afka

dhuuban

Talo!Xasuusnaw in shayada midabka leh iyo kuwa aan midabka lahayn midba gaarkiisa loo sooco!

Furarka birta ah ee la wareejiyo waa in laga furo dhalooyinka, laakiin birta ku xiran waa lagu dayn karaa. Kurka dhalooyinka waa la soocaa birta dhalada ku xiranna si gaar ah ayaa dib loogu warshadeeyaa.

BAAKADAHA WARAAQDA AH

Tusaalayaal:• waraaqaha suuliga• baakadaha baastada• baakadaha caanaha• kiishashka sonkorta• waraaqaha hadiyadaha

lagu duubo• kartoonada kabaha• kartoonada ukunta

Talo!Kala sooc baakadaha caanaha, yoogarka iyo juuska leh furar caag ah oo la wareejiyo sidii aad ka yeeli lahayd baakadaha furarka la wareejiyo aan lahayn. Faraqa kaliya waa in furka laftiisa aad ka furto oo aad ku riddo weelka loogu talogalay baakadaha caagga. Qaybta caagga ah ee baakadda ku harta waa la iskaga tagi karaa. Waxa gaar looga sooci waraaqda marxalad dambe ee hannaanka dib u warshadaynta.

JARAA'IDDADA

Tusaalayaal:• Majaladaha• Diiwaanada• Xayeysiiska• Waraaqaha sawirka

Talo!Ka saar dahaarka caagga ah jaraa'iddada iyo agabka xayeysiiska, oo u dhaaf tan dib u warshadayn maadaama ay caag tahay.

Qardhabta waraaqaha, biraha dhuudhuuban iyo wixii la mid ah uma baahna in laga saaro jaraa'idka ama buushashka. Waxa lagu kala saaraa birlab waxaana loo diraa dib u warshadaynta birta.

BAAKADAHA CAAGGA AH

Tusaalayaal:• Kartoonada Cordial• Dhalooyinka dhaambooga• Madiibadda jiiska• Jalxadaha jaamka• Bacaha• Kiisashka siddaha leh• Baakadaha kafeega• Xaashiyaha caagga ah• Baakadaha dib u buuxinta• Weelka cuntada safaariga

Talo!Baakadaha caagga ah ee jilicsan iyo kuwa adag waxa loo ururiyaa loo warshadeeyaa si isku mid ah.

Tani waxay ka dhigtaa kala soocidda mid sahlan; uma baahnid inaad kala soocdo baakadaha caagga ah ee jilicsan iyo kuwa adag, maadaama aad dhammaan baakadaha caagga ah aad ku wada ridi karto weel isku mid ah xarunta dib u warshadaynta.

Baakadaha iyo Jaraa'iddada Ururintooda (FTI)

ka masuul ah dhammaan xarumaha dib u warshadaynta ee Sweden. Booqo www.ftiab.se haddii aad jeclaan lahayd inaad wax badan ka ogaato waxa ku dhaca baakadaha aanu dib u warshadayno.

www.ftiab.se

Hel dhawr gamboShayadan aad rabto inaad iska tuurto waxa jiri kara qaar kamid ah oo qiime u leh dadka kale. Xayeysii, ku iibi suuqa alaabta duugga ah, dadka iska sii ama urur samalfal sii.

Geesiga bey'addaWaxa ugu fiican bey'adda iyo jeebkaagu waa inaad kiraysato, samayso, amaahato, dayactirto, iibsato oo aad gaddo shayada duugga ah. Sidaas haddaad yeesho, wax qashin ah jiri maayo!

Somaliska