teetanaha dhalaanka iyo hooyada

4
DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALAANKA DOTTOR ABUUKAR NUUR XUSEYN TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA TEETANAHA HOOYADA IYO DHALAANKA

Upload: dottor-mataan

Post on 15-Apr-2017

68 views

Category:

Health & Medicine


4 download

TRANSCRIPT

Page 1: Teetanaha dhalaanka iyo hooyada

DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALAANKA DOTTOR ABUUKAR NUUR XUSEYN

TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA

TEETANAHA HOOYADA IYO DHALAANKA

Page 2: Teetanaha dhalaanka iyo hooyada

TEETANAHA DHALAANKA IYO HOOYADA

Somalia is among the Countries with the worst healthIndicators in the World

Breakthrough in the fight against Tetanus:Over half of 59 high priority country have achieved great success.

Fiiri Gaar : 2 Doolar ayaa ku filan in Hooyada iyo Dhalaankeeda laga Talaalo cudurka Teetanaha.

Teetanaha Dhalaanka iyo Hooyada.

Teetanaha waa cudur halis ku ah nolosha Hooyada iyo cunuga xilliga dhalmada, wuxuuna ka mid yahay sida Soomaalida ay u taqaan lixda cudur ee dilaaga ah, waa cudur aan daawo u gaar ah lahayn, sida cudurrada kale ee dilaaga ah waxaana looga hor'tagi karaa oo keliya iyadoo la adegsado Talaalka. Teetanaha wuxuu cudurada kale ugu duwanyahay, waa cudur aan leysku gudbin oo saameeya keliya qofka uu ku dhaco. Wadamada horay u maray waxay ku guulaysteen in ay ka ciribtiraan Teetanaha iyo cudurro kale wadamadooda guushaas oo ay ku gaareen iyagoo si balaaran u adeegsaday ilaa iyo haatana adeegsanaya Talaalka.

Hase ahaatee Teetanahu wuxuu fara kulul ku haayaa Wadamada saboolka ee Dunida seddexaad.Waxaa la xaqiijiyay in wadamadaan daqiiqad kasto ay u dhintaan Teetanaha caruur tiradooda lagu qiyaasay 10, halka 170 Milyan oo isugu jira caruur iyo dumar ay qatar ugu jiraan in uu Teetanaha saameeyo.

2 arimood oo muhiim ah ayaa sabab u ah in Teetanahu u sameeyaa dhalaanka iyo hooyada xilliga dhalmada.

Page 3: Teetanaha dhalaanka iyo hooyada

1) Hooyada aan markeeda hore qaadan Talaalka Teetanaha waxay qatar ugu jirtaain cudurkaan dilaaga ah ay u dhimataa xilliga dhalmada sidoo kale teetanaha wuxuu halis ku yahay nolosha cunuga goortuu dhasho maadaama uu jirkiisa haysan unugyadii ka difaaci lahaa Teetanaha bilooyinka ugu horeeya ee noloshiisa.

2) Markuu cunuga dhasho goorta xudunta laga jarayo oo badi loo isticmaalo aalado aan nadiif ahayn (unsanitary) siiba baadiyaha, tuulooyinka iyo dumarka guryaha ku dhala oo an haysan gargaar Caafimaad oo wanaagsan.

Inta u dhimata cudurka Teetanaha sanadkiiba waxaa lagu qiyaasaa boqolaalo kun oo isugu jira Dumar iyo Dhalaankooda, dhimashadaan tirada badan waxaa looga guulaysan karaa in dumarka ku jira da'da dhalmada la wada Talaalo, hadii ay midaa adkaato in lagu dadaalo in xilliga uurka hooyada laga Talaalaa Teetanaha isla markaana ay awood u yeelan karto in ay Dhalaankeeda u gudbiso unugyada ka difaaca Teetanaha.

Waxaa hubaal ah in Aduunka ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka Teetanaha Dhalaanka iyo Hooyada guul weyn oo la taaban karo laga gaaray iyadoo lagu dhawaaqay in 2015 gudaheeda Teetanaha Dhalaanka iyo Hooyada laga ciribtiro Aduunka.1988 iyo sanadihii ka horeeyay waxaa sanad kasta u dhiman jiray Teetanaha 787.000 oo Dhalaan ah.Laga bilaabo 1999 waxaa lagu guulaystay in 52 Dal laga talaalo 118 Milan Dumar kujira da'da dhalmada.2000 dhimashada la xiriira cudurka Teetanaha hoos ayuu u soo dhacday iyadoo 200.000 (dhimashada) soo istaagtay sanadkii.2010 dhimashada Teetanaha lala xiriiriyo waxay timid 58.000 oo dhalaan sanadkii.

Page 4: Teetanaha dhalaanka iyo hooyada

Waa guul weyn u soo hoyatay Aduunka waana farxad in kumanaan Dhalaan iyo Hooyadood laga badbaadiyay cudurka dilaaga ee Teetanaha.

Inkasto ay guushaan jirto haddana 28 Dal oo hails ugu jirto Cudurka Teetanaha ayaa weli la dhutinayo in ay ku guulaystaan la dagaalanka Teetanaha, guul darsadaasi oo ay sabab u yihiin dagaalo, amni xumo, siyaasad xumo, musuqmaasuqyo iyo dhaqaaloxumo.

Dowladaha ku guulaystay in Dalkooda ay ka cirib tiraan Teetanaha Dhalaanka iyo Hooyada waxaa ka mid ah: bangladesh, Burkina Faso, Burundi, Camerun, Cina, Comore, Repubblica del Congo, Costa d’Avorio, Egitto, Eritrea, Ghana, Guinea Bissau, Iraq, Liberia, Malawi, Mozambico, Myanmar, Namibia, Ruanda, Senegal, Sudafrica, Tanzania, Timor Est, Turchia, Uganda, Vietnam, Zimbabwe e Zambia.

Dalalka weli ku howlan la dagaalanka Teetanaha Waa ka mid ah: Afghanistan, Angola, Cambogia, Repubblica Centrafricana, Ciad, Repubblica Democratica del Congo, Guinea Equatoriale, Etiopia, Gabon, Guinea, Haiti, India, Indonesia, Kenya, Laos, Madagascar, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Pakistan, Papua Nuova Guinea, Filippine, Sierra Leone, Somalia, Sudan, Sud Sudan e Yemen.Talaala caruurtiina, Talaala gabdhihiin yar-yar, Talaala Dumarka ku jira da'da dhalmada.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn.

https://youtu.be/5ng9Two9u4Y