telesom newsletter issue 17 - july 2013

32

Upload: telesom-company

Post on 28-Dec-2015

156 views

Category:

Documents


0 download

DESCRIPTION

Welcome to our issue 17 Telesom newsletter. Here you will find our social responsibility activities, staff training, health articles, islamic articles and many more information regarding telesom best contributions.

TRANSCRIPT

Page 1: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013
Page 2: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

3

4

8

9

10

11

12

13

16

17

20

23

26

28

31

Weedha Tafatiraha..............................................

Xa�adii Abaal-Marinta Shaqaalaha Telesom.....

Shirkadda Telesom Oo Casho Sharaf U Samaysay Boodhka Cusub Ee Sonyo.................

Maal-Galintii Dhakhaatiirta Qaliimo Kala Duwan Ka Fulisay Dhakhtarka Hargeysa...........

Telesom oo ka qaybgashay Shirar Caalami ah

Xarunta Telesom Ee Gabilay Oo Olole Nadaafadeed Ka Fulisay Gabilay........................

Shirkadda Telesom Oo Adeegyo Cusub Soo Bandhigtay Sanadka 2013...........................

Astaamaha Cudurka Macaanka Lagu Garto......

Baro Mid Kamida Shaqaalaha Telesom..............

Tababaro Kala Duwa Oo Xa�iskaShaqada Iyo Shaqaalaha Qabtay.......................

Maxaad Ka Taqaanaa Adeega Dhambaal...........

Faa’iidooyinka Caa�maad ee Timirta................

Xalaal Quute Qaybtii 2-aad.................................

Moobaylkii Ugu Layaabka Badnaa...................

Adeega ZAAD IVR Iyo Dadka Araga Naafada Ka Ah..........................................

Page 3: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

3

WEEDHA TIFATIRAHA

Marka hore mahad balaadhan waxaa iska leh Ilaaha weyn ee inaga dhigay umadda Islaamka, nabad iyo nimcooyin badana inoogu deeqay. Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato

Rasuulkeenii Muxumed ahaa.

Intaasi ka dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idin la waddago xogta uu xambaarsan yahay wargayskan saddex-bilood laha ee Telesom. Cadadkeenan 17-aad waxaanu ku soo qaadan doonaa, wax qabadyaddii Shirkadda Telesom ee gobolada dalka, barnaamijyo caafimaad, diiniya iyo sugaan.

Wixii macluumaad iyo barnaamijyo ah fadlan noogu soo hagaajiya ciwaanada

Telesom Salaama Tower, Khairia Street Tel:+252-522383

Email: [email protected] www.telesom.net

Mohamed Ibrahim Eidtor-in-Chief

1. Cabdisalaan Ismacil Nuur2. Eng. Faarah Sugaal Guure3. Cabdiwahaab Maah4. Cadnaan Daahir Muxumed5. Maxamed Cabdi Darbo

Guddida Tifatirka

Page 4: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

4

Wasaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kordhintii Lambarada Ee Shirkadda Telesom Oo

Dadku Ku Jahwareereen

Hargeisa [Telesom Newsletter-09 May, 2013] - Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa tafaasiil ka

bixisay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mudane Xasan Cumar Hoorri, ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku sharxayo fureyaasha cusub ee ay soo kordhisay shirkadda TELESOM waxa uu u dhignaa sidan.

“Shalay, 8dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga 063 taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku w a c y i g e l i n a y s a y isbedelkan soo kordhay. Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka. Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.

Ilaa hadda dalkeena waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa inoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka. Haddaba iyada oo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen Wasiirka iyo madaxda Waaradda Boosaha & Isgaadhsiinta, mar labaad,

waxaan halka ka cadeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarka 063 islamarkaana in aanu waxba u dhimmayn qarannimada Somaaliland taasoo dhammaanteen aan u wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda. Wasaaraddu waxay hore farta ugu godday adeegsiga furaha dal (252) ee ilaa hadda aan la wadaagno Somaaliya kasoo haddii aanu si dhakhso ah looga xadhig furan, dhowaan, keeni doona inaga xidhaan xukuumadda Somaaliya ama in ay innagu cashuuraan.

Sidaa darteed, waxay wasaaraddu hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15-ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh

mudnaanta kowaad ee dalka. Allaa Mahad Leh.”

Xasan Cumar HooriAgaasimaha W.Isgaadhsiinta

Page 5: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

5

Hargeisa - [Telesom Newsletter - 20 May, 2013) - Shirkadda Isgaadhsiinta

Casriga ah ee Telesom ayaa si wayn uga qayb qaadatay dabaal deggii xuskii 18 May ee 2013. Xuskan oo ahaa kii ugu waynaa ee abid Somaliland qaranimadeeda sidan

oo kale looga xuso. Xafladdan waxaa ka soo qayb galay kumanaan kun oo ciidamada qalabka sida oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan iyo maalaayin qof oo dadweynaha Somaliland ka mid ah oo si wayn u muujiyadda Qaranimadda Somaliland. Shirkadda Telesom ayaa suurto galisay in si toos ah looga daawado gudaha dalka iyo daafaha aduunka Xafladda 18 May 2013 oo ka socotay xarunta madaxtooyada maalinimadii iyo habeenimadii.

Dhanka kale dhamaan xarumaha shirkadda Telesom ay ku leedahay goboladda dalka ayaa si wayn loogu soo bandhigay astaamaha 18 May. Sidoo kale waxa baddi la fasaxay

shaqaalaha shirkadda Telesom marka laga reebo tiro kooban oo heegan ugu jiray in ay bulshadda u fidiyaan adeegyadda aasaasiga ah ee dadweynuhu u baahan yihiin. Shirkadda Telesom waxay sidoo kale samaysay qiimo dhimis 50%, taas oo u suurto galisay in bulshaddu

si fiican oo hufan u wadda hadli karaan.

S h i r k a d d a Telesom waxaa kale oo ay xoogga saartay oo ay kor u qaaday tayadda isgaadhsiinta iyo adeegyadda kale ee ay s h i r k a d d u b u l s h a d d a w e y n t a Somaliland u

fidiso, waxaanay bulshaddu si wayn uu la dhaceen adeegyadaa shirkadda Telesom. Dadweyne aad u tiro badan ayaa si fudud oo xawaarihiisu sareeyo uga daawanaayey xuska 18 May mareegaha wararka iyo shabakaddaha bulshadda sida facebook-ga oo ay dadku links live-ka ah ay iska waydaarsanaayeen.

Maamule Ku-xigeenka Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka waramay dareenkiisa ku saabsan xuska dabaal-degga maalinta 18 May iyo sida Shirkadda Telesom uga qayb qaadatay baahinta maalintan isagoo ka waramaya waxaa u yidhi, “Run ahaantii maanta shucuurtaydu

aad bay u kacsan tahay, waa maalin si wayn loo xusay. Waa maalin aan loo kala hadhin oo shacabkeenu si wayn uga soo qayb galay. Shirkad ahaan waxaanu u hambalyeynaynaa shacbiga Somaliland ee u soo baxay xuska sanad-guuradda 22-aad ee 18 May anagoo u rajaynayna ictiraaf iyo horumar lagu badhaadho. Shirkaddu si ay ula qaybsato dareenka shacbi weynaha Somaliland ee ku kala nool dunida oo dhan, waxaanu u suurto galinay in ay si toos ah ula socon karaan xuska 18 May dhinacyada Telefishanada iyo shabakadaha wararka. Sidoo kale waxaanu ku dadaalnay in aanu xoojino adeegyaddii kale duwaan ee xaga Internet-ka, ZAAD-ka iyo xaga hadalkaba. Si aanu bulshadda ugu fudaydino hawlaha culusayska badan ee ay maalintan oo kale leedahay”.

Barnaamijyadda baahinta Tooska ah ayaa inta badan saamayn ku yeesha isticmaalka Internet ee bulshada balse shirkadda Telesom arintaasi way ka hor tagtay, waxaanay suuro galisay in si toosa ahna loo daawo, sido kalena ay bulshadu hesho internet aan hakad iyo dib u dhac toona aan galin hawl maalmeedkooda muhiimka ah.

Shirkadda Telesom oo Si wayn uga Qayb-qaatay Xuskii 18 May 2013

Page 6: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

6

Mashaariicda Telesom Ka Fulisay Hawlaha Danta Guud Qaar ka Mid ah Gobolada

DalkaGobolada Dalka [Telesom

Newsle t te r-Mar-June 2013] – Shirkadda

Telesom oo ah shirkadda had iyo goor u heelin ka qayb-qaadaha hawlaha Horumarinta danta guud ee dalkaa ayaa sadexdii bilood ee (Mar-June 2013) dalka ka fulisay mashaariic danta guud ah oo ay shirkaddu ku caawisay hawlaha danta guud ah. Mashaariicda ay shirkaddu ka fulisay magaalooyinka Hargaysa iyo qaar ka mid ah gobolada waxaa ka mid ahaa.

Goblka Maroodi-jeex

Shirkadda Telesom ayaa cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa ugu deeqdan lacag dhan $20,000 lacagtaasi oo loogu talo galay in dayactir iyo dib u dhis laga sameeyo dhismayaal ka mid ah cusbitaalka weyn ee magaalada Hargaysa. Telesom ayaa lacagtan ku wareejisay guddida cusbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa.

Dhanka kale Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale waxay lacag dhan $5,000 ku wareejisay guddida xaafada Sheekh Nuur.

Gobolka Awdal

Xarunta Xariirad: Shirkadda Telesom ayaa lacag dhan $5,000 ku wareejisay Guddida Dhismaha ee Cusbitaalka magaalada Xariirad. Xafladda lagu wareejinaayey lacagtan deeqda ah ee shirkadda Telesom bixisay waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Telesom ee xarunta guud ee Hargaysa iyo xarunta Xariirad, iyo sidoo kale guddida cusbitaalka Xariirad iyo qaar ka mid ah masuuliyiin dawladda ee magaalada Xariirad.

Page 7: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

7

Burco - [Telesom Newsletter - 14 May, 2013] - Shirkadda Telesom ayaa Toban Kun oo Doolar ($10,000) ku wareegay guddida dhismaha dugsiga Qoryooley.

Xafladda lagu wareejiyey lacagtan deeqda waxaa ka soo qayb galay Gudidda dib-u-dhiska iskuulkasi, Madaxda Shirkada Telesom, Cuqaal, Aqoonyahano, Culimo Awdiin iyo Marti sharaf kale.

Dugsigan laga hirgelinayey degmada Qoryaale ayaa ah Dugsi ay wax ka bartaan 70 arday kuwaasi oo ka kala yimi dhamaanba degaanada bariga Somaliland. Munasibadii ay shirkada Telesom ku Warejinaysay deeqda ay ugu talo gashay dugsigaasi waxa ka soo qayb galay maamulaha dugsigaasi sheekh Jaamac Cali Cabdile oo halkaasi ka hadlay ayaa shirkadda Telesom ku ammaanay doorka fiican ee ay kaga qayb-qaadatay dhismaha iyo dhammaystirka dugsigani. Waxanu sheekhu soo bandhigay waxyabihii u qabsoomay mudadii uu socday dhismaha dugsigani iyo waliba carqaladaha ka horyimi mudadii la waday dhismahiisa, isagoo bulshada reer Somaliland na ugu baaqay inay ka qayb-qataan dhismaha iskuulkani oo uu sheegay inuu faa’iido badan u leyahay bulshada degaamada bariga Somaliland. Jaamac Xaji Ahmed oo ka mid ah gudida iskuulkani ayaa ka sheekeeyay qiimaha uu dugsigani u

leeyahay guud ahaanba ummada reer Somaliland, waxaanu Jaamac usoo jeediyay bulshada qaybaheeda kala duwan inay kaalin buuxda ka gaystaan dhismaha dugsigani.

Maamulaha Shirkadda isgadhsinta Telesom ee gobalka togdheer Maxamuud X.Ibraahin Maxamud oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay shirkada Telesom mar walba diyaar u tahay horumarka Somaliland, isla markaasna meel ay wax ku darsato ugu jeceshay goob waxbarasho ama aqoon iyo cilmi yaalo.

Waxa iyaguna muunasibaddan ka hadlay gudomiyaha degmada qoryaale Bile Jaamac Muuse iyo Caaqaal tiro badan oo dadka degaankaasi ah, waxaanay dhamaantood shirkadda Telesom ku hambalyeeyeen kaalinta ay kaga jirto horumarka dalka.

Mana aha markii u horeysay ee shirkadda Telesom ka qayb qaadato qaadhaanka dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta deegaamada hoos yimaada gobolkani Togdheer, waxana uu dhismaha Dugsigasni imminka ku dhowyahay Dhammaad.

Shirkadda Telesom Oo Maal-galisay Duqsiga Degamadda Qoryaale

Page 8: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

8

Qaar Ka mid ah Barnaamijyadda Xarunta Telesom Laascaanod Qabatay

Laascanood [Telesom Newsletter – 21 June 2013] –Xarunta Telesom Laascanood ayaa

saddexdii bilood ee u dambeeyey, waxay magaalada Laascaanood ka fuliyee barnaamijyo kala duwan oo isku jiray taageero dhaqaale oo ay shirkaddu u fidisay xafladdihi xidhitaanada Iskuulada sare, doodo iyo tartarno lagu qaybtay Jaamacadda Nugaal

Xafladahaasi waxaa ka mid ahayd xaflad ay si heer ah u soo agaasimeen

ardayda dugsiga sare ee Muuse Yuusuf , oo ay ka soo qayb galeed qaybo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee dugsiga Muuse Yuusuf, shirkada is gaadhsiinta ee Telesom, Ururka SCOLA, aqoonyahano iyo masuuliyiin waxbarashada ee gobolka Laascaanod.

Xafladasi waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa maamulaha Telesom Laascaanod Md. Cabdirsaaq Axmed Warsame waxaanu xusay in shirkadda Telesom ay run

ahaantii ka go’an tahay dhiir galinta waxbarahsadda, sidoo kalena waxaa uu tilmaamay adeegyada caawiya waxbarashada ee ay Telesom u soo kordhisay bulshada.

Dhanka kale waxaa sidoo kale shirkadda Telesom Laascaanod ay maal-galisay xafladdii sanad Dugsiyeedka Macadka Caa’isha ooa ay ka qalin jabiyeen hablo aad u tiro badan.

Page 9: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

9

Page 10: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

10

Shirkadda Telesom oo Casuumad u Samaysay Shaqaalihii ka Hawl-galay Baahintii Tooska ahayd ee 18 May iyo Ciyaarihii Gobolada Dalka

Hargeysa [Telesom Newsletter – 27 June, 2013] – Maamulka shirkadda

Telesom ayaa casuumad u sameeyey shaqaalihii kala duwanaa ee ka hawl-galay baahintii tooska ahayd ee shirkadda Telesom sanadkan kaga qayb-qaadatay xuskii 18 May iyo Ciyaarihii Goboladda ee qaybsoomay bishii June. Xafladan maamulka Telesom ku maamuusay shaqaalihii kala duwanaa ee ka qayb qaatay hirgalinta barnaamijkan ayaa ka dhacday hutel Safaari ee magaalada Hargaysa.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen maamulaha hawl-galinta Telesom Md. Ciise Maxamud Faarax, maamule ku-xigeenka Hawl-

galinta Eng. Muuse Cali Cige, Maamulaha Waaxda Horumarinta Ganacsiga Md. Cabdsilaan Ismaacil Nuur, Maamulaha Waaxda IN-ka Md. Maxamud Cabdiraxman Gadhyare, Maamulaha Qaybta Horumarinta Gobolada Md. Cali Maxamed Saalax (Cajab), Maamule Ku-xigeenka Qaybta MPR-ka Md. Maxamed Cabdi Darbo, Maamule Ku-xigeenka Qaybta HRD Md. Mustafe Askar iyo shaqaale ka kala socday qaybaha IN-ka, R&D, MPR-ka, Injineerkinka iyo Landline-ka.

Maamulayaashan kor ku xusan ayaa dhamaantood waxay shaqaalaha Telesom ee ka hawl-galay baahinta barnaamijyaddii 18

May iyo Ciyaarihii goboladda ku amaanin sidii hawl-karnimadda lahayd ee shaqaaluhu uga hawl-galeen baahintaais tooska ah. Waxaanay si guud u tilmaamay in shirkadda Telesom shaqaaleheedu ay ku wadda guulaysteen baahinta barnaamijyaddasi. Maamulka ayaa tilmaamay in shaqaalahu markay hawl wayn qabtaan in ay haboontay in la bogaadiyo laguna amaano dadaalka ay sameeyeen.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah shaqaalaha Qaybaha kala duwan ee ka qayb qaatay baahintii tooska ahayd ayaa iyadaguna dhankooda ka muujiyey dareenkooda ku aadaana hawshaa ay qabteen iyo waxyaalihii ay kala kulmeen.

Page 11: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

11

Gabilay - [Telesom Newsletter -june 2013 ] - Shirkada isgaadhsiinta Telesom Gabiley ayaa maalgalisay tartanka quranka kariimka ah

ee lagu qabtay Masjid Nuur Magaalada Gabiley, Tartankaas oo ka socday bisha barakaysan ee ramadaan masaajidkaasi waxa ka qaybqaatay todabaatan iyo dheeraad arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Gabiley.

Munaasibadii khatinka tartanka quraanka kariimka ah oo lagu qabtay Masjid Nuur Magaalada Gabiley waxa ka soo qaybgalay gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case), Maamulaha Shirkada Telesom Gabiley Sh Maxamed Muumin Aaden, Culumaa’udiin tirabadan oo ka tirsan culimada Gabiley iyo ardayda ku tartamaysay Tartankaasi quraanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.

Dhamaan ka soo qaybgalayaashii Munaasibadan ayaa uga mahadceliyay shirkada Telesom gacanta muhiimka ah ee ay ka gaysato wax ka qabashada arimaha bulshada Somaliland gaar ahaan xifdiga quraanka kariimka ah.

SHIRKADA TELESOM OO MAALGALISAY TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH OO LAGU QABTAY GABILEY IYO

ARDAY TIRA BADAN OO KASOO QAYB GASHA TARTANKAASI

Page 12: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

12

Shirkada Telesom Oo Maalgalisay Kulan Dood Cilmiyeed Iyo Wacyi galinta Tahriibka Dhalinyaradda Ku Saabsanaa

Berbera [Telesom Newsletter- 24 June, 2013] - Kulan balaadhan oo isugu jiray

dood cilmiyeed iyo wacyigalin, kuna saabsanaa aafada ay tahriibtu ku hayso dhalinyarada reer Somaliland ayaa lagu qabtay Hoolka jaamacada badda ee Berbera 24-kii June 2013. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga akhristayaasha ee Berbera Readers Club, islamarkaana ay maalgalisay Shirkadda Telesom.

Kulankan waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), Xil. Maxamed Faarax Qabile, Xooghayaha Dawlad Hoose Suhayb Maxamed Cali, Qaar ka mida xildhibaanada golaha deegaanka degmada Berbera, madaxda laamaha dawlada ee gobolka saaxil, aqoonyahno, ganacsato, culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka saaxil.

Kulankan ugu horayn waxa furay Gudoomiyaha Naadiga Berbera

Readers Club Maxamuud Maxamed jaamac, wuxuuna sharax kooban ka bixiyey ujeedada mawduucan lagaga hadlayo, wuxuna hadadalka ku soo dhaweeyey xubno dhaliyarada aqoonyahanka ka mid ah oo dooda ka qayb qaadanayay. Shabcaan Cabdilaahi Cilmi oo isagu madasha ku soo bandhigay xog ururin uu ku soo sameeyey sababaha ugu wayn ee ay dhalinyarada gobolka saaxil u tahriibaan, wuxuuna ku sheegay, dhalinyarada tahriibta inay u badanyihiin, kuwa aan aqoontooda diineed dhisnayn,

Dhanka kale, waxa isna halkaasi ka hadlay Maamulaha Shirkada Telesom ee Berbera Sh.Mustafe Cali Cumar, wuxuuna ku dheeraaday Shareecada islaamku waxay ka qabto tahriibta wuxuuna sheegay in culimada islaamku isku waafaqsan yihiin tahriibku inuu yahay shay xaaram ah, wuxuuna dhalinyarada u soo jeediyey inay dhulkooda aaminaan oo ay ka shaqystaan, wuxuuna intaas ku daray in shirkada TELESOM ay ka qayb qaadato shaqo abuurka maantana ay ka

shaqeeyaan kumanaan dhalinyaro ahi, dhamaantoodna ay ku yimaadn imtixaan si cadaalad ah loo qaaday.

Ugu dambayna waxa munaasibadaas soo xidhay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr.Sacad Cali Shire. Wuxuu wax badan uga waramay dhalinyarada duruufaha nololeed ee yaala wadamada Qurbaha oo uu muddo dheer ku noola, Dhalinyarada wuxuu kula dardaarmay inay dadaal wixii quluubtooda ku jira ee ay ku hamiyaana ay gaadhi doonaan. Wuxuu qiray inay shaqo la’aan badani ka jirto wadanka, lakiin taas xalkeedu aanu ahayn inay badaha isku guraan. Dr. Sacad wuxuu hogo tusaaleeyey siyaabo badan oo shaqo abuur lagu samayn karo dhalinyarada.

Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u qurxoon, dadwaynihii madashaa fadhiyey aad ula dhaceen mawduuca laga hadlayay oo ahaa mid aad mihiim ugu ah bulshada xiligan xaadirka ah.

Page 13: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013
Page 14: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

14

Shirkadda Telesom a oo Barnaamijyo badan ka Fulisay Booram

Boorama [TLS-Newsletter – 03 July, 2013] - Shirkadda Telesom Laanteeda Boorama ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyey waxay adeegyo badan iyo caawimooyin

kala duwan ugu deeqday macaamiisheeda ku sugan magaalada Boorama iyo Agagaarkeeda. Maamulaha Xarunta Telesom ee Borama Md. Cabdiqadir Adam Nuur ayaa si wayn uga dhex muuqday taageeradda shirkadda Telesom la barbar taagan tahay bulshada ku nool magaalada Boorama iyo nawaaxigeeda.

Shirkadda Telesom Borama ayaa ka fulisay mashaariic kala duwan oo ay ka mid ahaayeen dayactir iyo qurxin ay shirkaddu ku samaysay l a a m i y a d d a ku yaalama m a g a a l a d a B o o r a m a .

Shirkadda Telesom waxay sidoo kale Kaabadhaha-nasashada ka samaysay qaar ka mid ah Jaamacada, Iskuulada, cisbitaalada iyo meelaha ay dadku ku nastaan ee magaalada Boorama.

Maamulaha Xarunta Telesom Boorama Md.Cabdiqaadir Adam Nuur ayaa kala qayb galay saddexdii bilood ee u dambeeyey ilaa iyo sideed iskuul xa f l adahood i i . D h a m a a n xafladaasi oo ay maal-galisay s h i r k a d d a T e l e s o m , waxaanay ardayda Iskuuladaasi lagu g u d o o n s i i y e y amaal-marino kala duwan.

Dhanka kale, xaflad lagu qabtay hotel Rays ee magaalada Boorama oo abaal-marino lagu gudoonsiinaayey 10-kii qof ee ugu wax-qabadka wanaagsanaa magaalada Boorama ayaa waxaa ka mid ahaa maamulaha Telesom Boorama Md. Cabdiqaadir Adan, ka dib markii uu hormuud ka noqday barnaamijyadda Horumarinta gobolka awdal oo uu shirkad ahaan iyo shaqsi ahaanba kaga qayb qaatay.

Page 15: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013
Page 16: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Ugu dambeyn waxaa madasha ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay mihiim tahay in la kobciyo lana ilaaliyo tayada uu leeyahay afkeena iyo dhaqankeena suuban oo ay muhim tahay in laga wada shaqeeyo waxaa kale oo uu carabka ku dhuftey Eng.Faysal Cali Waraabe sida ay muhiimka u tahay in xaruntani ay ka hawl gasho wadankeena Somaliland isaga oo u mahad naqay gudida qaban qaabada xaflada ku soo casuumtey xisbi ahaana soo dhaweynayaan.

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

16

Telesom oo Maalgalisay Xafladda Gardaadinta Xarun Cusub ee Suugaanta

oo la gufeynaayey gabayadii kale ee dalka taallay oo u badnayd mid maadiya iyo mid duleed oo nolol lagu raadinayay, sidaana waxaaa ku lumay aayihii, aqoontii soyaalkii iyo dhaxalkii ma-guuraanka ahaa ee dadka iyo dalku lahaa oo ah afka dhaqanka, fanka iyo sugaanta waxay taariikhdu ina bartey in umadda aan lahayn oday-ka sheekeeya ama ka goblanta dhaqan iyo taarikh ay lahayd ay ummaddaasi hayso dhabbihii tasowga iyo is-waagi”.

Abwaan Yusuf Shaacir oo isna ka mid ah aasaasayaasha ururkan ayaa umahad naqay dadkii munaasibadaas ka soo qayb-galay waxaanu sheegay in xaruntani tahay mid isku xilsaartey ka shaqeynta dhowridda hiddaha iyo dhaqanka Somaliland, isaga oo xusay in xaruntani tahay mid hanaqaadaysa oo ku tiirsan shacabka reer Somaliland iyo ganacsatadda. Waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay Shirkadda TELESOM oo gacan ka geysatey qabsomida xafladda lagu daah-furey ururkan suugaanta.

Hargeisa [Telesom Newsletter – 26 June, 2013] Shirkadda

Telesom ayaa maal galisay xafladdii gardaadinta ururka Dhaqanka, Fanka & Sugaanta. Munaasibaddan ayaa ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaana ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, shirkadda Telesom, Salaadiin, Aqoonyahano, Hay’addo caalamiya, kuwa waddaniga iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ururkan oo uu aasaase ka yahay Boobe Yusuf Ducaale, Maxamed Shugri iyo dhawr qof oo kale. Ururkan ayaa ah ururkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga aasaaso Somaliland. Boobe Yusuf ayaa ka hadlay ujeedada ururkan loo aasaasay waxaanu yidhi, “Muddo ku dhow rubuc qarni looma dhaqaaqin, ama il naxariis leh laguma eegin dhaxalkii ugu mudnaa ee ay ummadani lahayd oo ah afka, dhaqanka, fanka iyo sugaanta. Rubuc

qarnigaasba waxaa la kabaayey

Page 17: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013
Page 18: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

18

TELESOM oo Lagu Amaanay Hir-galinta Adeega ZAAD

Hargeysa [Telesom Newsletter-29 June, 2013] - Warbixin uu

diyaariyay ururka GSMA, oo ah urur ay ku bahoobeen shirkadaha ka shaqeeya shabakadda isku xidhka mobiladda ayaa si qoto dheer uga hadashay hirgelintii, hababka uu ku guulaystay iyo isticmaalka adeeg

ZAAd ee shirkadda TELESOM. Warbixinta waxa lagu xusay in Shirkadda TELESOM ay tahay hogaamiyaha shirkadaha isku xidhka shababkada mobilka Somaliland, una adeegto macaamiisha ugu badan Somaliland oo u dhiganta

85% suuqa adeega mobilka Somaliland.

Shirkadda TELESOM ayaa sanadkii 2009 waxay soo kordhisay adeeg cusub oo la magac baxay ZAAD ayaa noqoday kii ugu horeeyey ee wadanka Somaliland adeega maaliyadeed looga isticmaalo. Wakhtigaa intii ka dambeysay adeegan waxa uu noqoday mid hanaqaaday. Bishii June 2012, in ku dhow 40% macaamiisha isticmaasha adeega GSM-ka waxay isticmaalaan ama iska diwaan geliyeen isticmaalka adeega ZAAD.

Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in TELESOM ay cashar

ka baratay, khibradii iyo hababkii ay ku guuleysteen shirkaddaha ka shaqeeya adeega maaliyadeed ee wadamadda jaarka ah, waxaanay ku dabaqeen casharaddan habka dhaqan dhaqaale ee Somaliland, taasi oo u sahashay in adeegani guulaysto. Macaamiisha adeega ZAAD ee TELESOM waxa ay isticmaalaan celcelis ahaan 30 jeer bishii, tani waxa ay tilmaamaysaa in sideed goor iyo badh ay Somaliland ka sareyso celceliska caalamka.

Adeega ZAAD ee TELESOM waxa uu ka mid yahay GSMA-ka adeega maaliyadeed ee mobilka, waxaana loo aqoonsaday ka ugu wanaagsan adeega maaliyadeed ee caalamka. Dhanka kale waxa ay warbixintu intaa ku dartay in sanadkii 2012-kii adeeg TELESOM ZAAD services uu ururka caalamiga ee ay ku bahoobeen shirkadaha isgaadhsiintu ee GSMA uu u aqoonsaday in shirkadda TELESOM ay ka mid tahay shan shirkadood ee ugu horeeya aduunka Mobile money transfer (MMT). Guntii iyo gebogabadii war-bixinahani waxa ay tilmaamtay guul balaadhan oo u soo hooyatay Somaliland iyo shirkadda TELESOM-ba, waxaanay arrintani tilmaamaysaa xawliga ay shirkadda isgaadhsiinta TELESOM ku socoto marka la barbardhigo shirkaddaha

dhigeeda ah ee ka jirra caalamka.

Page 19: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013
Page 20: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

20

MAXAAD KA TAQAANAA ADEEGYADA SALAAM FINANCIAL SERVICES?Diyaariye: Mustafe Maxamed Xasan, Madaxa Suuq-geynta SFS

Salaam Financial Services waxaay u shaqaysaa sida Bangi Caalami ah ama Haya’ad Maaliydeed oo ku salaysan Shareecada Islaamka. Salaam

Financial Services inkasta oo la aasaasy sanadkii 2010 haddana waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinca adeegyada ah oo dalka ku cusub iyo balaadhinta xarumaha shirkada. Hadaba waa kan adeegyada Salaam:

1. Xisaab Furasho: Salaam waxaad ka furan kartaa dhamaan noocyada Xisbaadka ama dhigashada sida Xisaabta Kaydka ah (Saving Accounts ) iyo Xisaab Qulqulka ah (Current Account ). Waxa kale oo Salaam laga furan karaa labada xisaabood ee kala ah Shaqsiga iyo shirkadda /Hay’addaha.

2. Adeega KAAFI: Waxa jira adeegyo aad

lacagta kula bixi karto oo ay ka mid yihiin, oo ku sahlaya lacagta Akownkaaga Salaam ku taal inaad Moobaylkaaga ZAAD ahaan aad ka isticmaashid oo aad kala bix kartid kuna dhigan kartid.

3. Mishiinka Lacag La Bixid (Automatic Teller Machine ATM): Kaasi oo laguugu diyaariyay Farasmagaalaha Caasimada Hargeysa iyo Hudheelada waaweyn.

4. Maalgashiga: Si ay Salaam uga qayb

qaadato horumarka iyo Koboca dhaqaalaha Bulshada waxay Macaamiisheeda u samaysaa Maalgashi kaasi oo ku salaysan Shareecada Islaamka sida (Muraabaxa, Mushaaraka, Mudaarabah, iyo Istinaacah)

5. Lacag Dirid : Salaam waxay lacag kuugu diri kartaa Bangi kasta oo aduunka ah waanay kaaga soo wareejin kartaa (Account to Account Transfer). Dhanka Salaam waxay kale xidhiidh dhow oo toosa ah la leeyihiin Bangiyada kala ah:

1. COMMERZEBANK

2. BARCLAYSBANK

3. ASY KTILIM BANK

4. NOOR ISLAMIC BANK

5. Iyo Waliba Bangiyo kale oo Caalmi ah.

4. Online Prepaid Card: Waa adeeg kuu sahlaya inaad Mareegaha iyo Suuqyada internetka wax kaga iibsan karto sida (inaad Buugaag ku soo iibsato, inaad lacag Jaamacdeed iskaga bixiso iyo inaad ku bixiso Qaadhaan Shir Caalami ah oo aad ka qaaybgaleyso imw)

5. E-banking: Waa adeeg aad kala socon karto dhaqdhaqaaqa xisabtaada kuna ogaan karto Hadhaagaga adiga oo isticmaly Internetka si Online ah.

Waaxaha Bangiga

1. Waaxda Daryeelka Macaamiisha

2. Waaxda Maalgalinta

3. Waxda IT-ga

Page 21: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

21

MAXAAD KA TAQAANAA ADEEGYADA SALAAM FINANCIAL SERVICES?Diyaariye: Mustafe Maxamed Xasan, Madaxa Suuq-geynta SFS

4. Waaxda Suuq-geynta

5. Waax Qasnada

6. Xarumaha Goboladda

1. Xarunta Guud Hargaysa

2. Laanta Boorama

3. Laanta Tog wajaale ( dhawaan ayaa la furay)

4. Laanta Berbera

5. Laanta Burco.

Page 22: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

22

Tababaradda La Siiyey Shaqaalaha Kala duwan ee Shirkadda Telesom

Hargeysa [Telesom Newsletter- April-June 2013] – Qaybta

Shaqadda iyo Shaqaalaha oo hadyo goor u heelin, daryeelka, kobicinta, kor u qaadida tayadda iyo aqoonta shaqaalaha ee shirkadda Telesom ayaa bilihii

ugu dambeeyey waxay tababaro kala duwan u qabatay shaqalaha kala duwan ee shirkadda Telesom

Tababaradda Qayta Shaqadda iyo Shaqaaluhu bixiyeen waxaa ka mid ah: Network Security Training. Tababarkan waxa loo qabtay shaqaalaha qaybaha NIS, ISP, R&D, ICT, Zaad & EVC, Eng-ka iyo IN. Tababarkan waxaa lagu qabtay Hargeisa waxaa uu socday mudo dhan 12 maalmood.

Sales Basics, Networking & Cisco routers: Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka tirsan qaybta Iibka ee xarunta Telesom Laascaanood, waxaana la siiyey shaqaalaha xarunta Laascaanod.

Tabaradda ay qaybta Shaqadda iyo shaqaaluhu bixisaa kuma koobna oo kaliya shaqalaha, balse sidoo kale

waxaa la siiyaa maamulayaasha shirkadda. Tabababar ku saabsan wacy galinta amaanka maamulka shaqadda ayaa loogu qabtay maamulayaasha Telesom ee gobolada iyo xarunta guud ee Hargaysa.. Waxaanu socday muddo laba cisho ah.

Waxaa sidoo kale oo shaqaalaha

qaybaha Sales, ZAAD, IR, Supply Chain & Landline la siiyey tababar ku saabsanaaa lacagta loo maamulo, war-bixin diyaarinta,

xirfaddaha xidhiidhka, daryeelka macaamiisha, iyo sida wakhtiga loo maareeyo. Tababarkan oo soday muddo saddex maalmood ah, waxaana

lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Security Policy& Awareness Trainings ee sites-ka: Tababarkani waxa loo qabtay shaqaalaha Sites-ka Boorama, wajaale, Gabiley, Berbera, Burco iyo Laascaanood. Tababarkan waxaa loogu qabtay xarumahooda waxaa uu socday mudo dhan 10 cisho 22/06/2013-02/07/2013.

Tababarka Illaalada ee Dabdhaliyayaasha & Wacyi-galinta Balwada:Tababarkan waxa loo qabtay shaqaale ka tirsan Waaxda Illaalada. Tababarku waxa uu socday muddo saddex maalmood ah. Tababarkan waxa lagu qaatay duruus la xidhiidha dabdhaliyayaasha.

Tababarka Madaxda Illaalada ee Amaanka guud & Maamulka: Tababarkan waxa loo qabtay shaqaale ka tirsan Waaxda Illaalada gaar ahaan Xabaadhayaasha sites-ka (Berbera, Boorama, Burco, Wajaale, Gabiley, Laascanood iyo Hargeysa). Tababarku waxa uu socday muddo

saddex maalmood ah. ababarkan waxa lagu qaatay duruus la xidhiidha Amaanka guud iyo Maamulka.

Page 23: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013
Page 24: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

24

Baro Mid ka Mid ah Hormoodka Shaqaalaha Telesom

Qormadeenii taxanaha ahayd ee baro mid ka mida horumoodka Telesom, waxaynu ku soo

qaadan doonaa Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali (Shabeel) oo ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala xarunta guud ee shirkadda Telesom ee Hargeysa.

Md.Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali

(Shabeel) waxa uu ku dhashay Jamhuuriyada Somaliland. Caasimada Hargeysa sanadkii 1982-kii, Cabdirisaaq (Shabeel) waxa uu ku dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe Madarasatul Al-furqaan, wuxuu dugsiga sare ka dhamaystay Abu-hureyra secondary school. Sanadkii 2009 Cabdirisaaq Cabdilahi waxaa uu shahaada BBA Degree ka qaatay Jaamacada Hargaysa, kuuliya maaraynta ganacsiga qaybteeda maamulka. Dhanka kale xaga waxbarashada dadban, Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali waxa uu maadooyin badan ka dhigtay iskuulada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.

Md. Cabdirisaaq Cabdilahi waxaa uu shaqada shirkadda Telesom ku soo biiray bishii November 4-dii, 2004, waxaanu soo qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Amaanka, Xog-haye, Qaabile. Wakhtigan xaadirka ah Cabdirisaaq waxaa uu ka

tirsan yahay qaybta Supply Chain-ka waxaanu madax ka yahay laanta Iibka Gudaha iyo Dibadda. .

Md. Cabdirisaaq Cabdilahi Intii uu shaqada joogay waxa uu sameeyay horumar farabadan oo la taaban karo, taasna waxaa inoo cadaynaya shaqooyinka kala duwan ee uu soo qabtay intii uu joogay shirkadda iyo darajooyinka uu ka gaadhay horumarkaas uu sameeyay waxa uu ku mutaystay abaalmarino iyo shahaadooyin la gudoonsiyay sanadihii 2009 iyo 2010. Sidaas daraadeed, markii uu maamulka Xafiiska shaqada & shaqaaluhu arkay kartida & dadaalka uu muujiyay Md. Cabdirisaaq Cabdilahi waxa uu mudadii uu shirkadda u shaqaynayay qaatay tababaro farabadan, kuwaas oo iskugu jiray qaybo kala duwan oo la xidhiidha masuuladihiisa shaqo ee uu markaa

hayay hadaba tababaradaas waxaa ka mida:

1. Maamulka Hantida iyo Iibsiga

2. CCNA and CCNP ( Switching)

3. Wax-soo-iibinta iyo Kaydinta Alaabada

4. Warbixin Diyaarinta

5. Maamulida Wakhtiga Time Management

6. Koox Wadda-shaqaynta

7. Maaraynta Maaliyadda

Gebogebadii Md. Cabdirisaaq Shabeel oo kaliya maaha shaqaalaha kor u qaaday aqoontooda, xirfadooda & horumarkooda shaqo ee waxaa jira shaqaale badan oo aanu mid mid ugu soo qaadan doono caddada soo socda ee wargayska Shirkadda Telesom.

Page 25: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Fadlan nagala soo xidhiidh Wixii Faahfaahina

Telesom Media Office

Email: [email protected]

Tel: +252-522383

www.telesom.net

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

25

Gabaygan la magac baxay Astaamaha

M a a m u l a h a W a n a a g s a n , waxaa alifay Xaaji Maxamud Xaaji Ibraahim Maxamud, oo ah maamulaha Telesom Burco. Xaaji Maxamud ayaa gabay alifay 17 June 2013.

Waxaanu kaga hadlayaa waxa looga baahan yahay maamul iyo maamule. Gabaygiisiina waxa uu ku bilaabay sida tan:

1. Mustafoow madasheena Maalmihii inna dhaaafay Maamul baa la dhigaayoo Ninba qaab u macneeye Bal aan maandhe sifaynee Maamul waa odayayn.

2. Madax duunyo u baahani Hadday soo martiyaan Madduun maaha bakhayla.

3. Kolka maaro la waayo Xaalku meel adag joogo Mindi weeye wax goysa.

4. Keligii ma mudhleeyo Shaqaalaa kama maarmo Waa horjooge macquul ah.

5. Ismargaagshe aftaagoo Ku masquulay naftiisa iyo Mintid maaha istiila.

6. Haddiise maayad kacdooniyo Mooshin xoogi yimaado Miskiin maaha diciif ah.

7. Maslaxad gaara ma dhawrto Midh jeclaysi ka dheer Eexana waa ka mamnuuc.

8. Mandarkiisiyo joogga Waa innaan laga maaginoo Maryo fiican xidhaa (haybad).

9. Mawduuc weeye ballaadhanoo Murti koobi karayne Maarayn baa u astaan ah.

Gabay: Astaamaha Maamulaha Wanaagsan

Page 26: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

26

Macnaha Xaj & Cumro: Macnaha xajku waa “ujeedo” (Qasdi).

Macnaha Shareecadu uga jeedaa waa Gudashada Camalada xajka adigoo ilaahay ugu dhowanaya” Macnaha Cumradu waa “Siyaaro”

Xukunka Xajka: Xajku wuxu waajib ku yahay qof kasta oo muslim ah, Xor ah, awoodina karaya, qaan gaadh ah, miyir qaba oo Awoodi kara maaliyad ahaan. Ilaahay ayaa quraankiisa ku yidhi: “Ilaahay wuxu idinku leeyahay xajka baytkiisa, Qofkii karaya”. [Aala-Cimran: 97]. Xajku hal mar ayuu qofka ku waajib yahay cumrigiisa oo dhan, haddii uu sii kordhsado waa siyaado khayr u ah oo ilaahy uu ugu dhowaanayo.

Xukunka Cumrada: Culimada iyo Saxaabaduba way isku khilaafeen Cumrada . Waa waajib waxa qaba: Cumar Bin Khadaab, Ibni Cabaas, Jaabir & Ibnu Cumar , Daa’uus, Mujaahid, Shaafici , iyo Axmed Bin Xanbal. Waa sunne adag waxa qaba: Ibn Mascuud, Maalik iyo Abu Xaniifa.

Isku dhiirinta Xajka & Cumrada

Ilaahay iyo Rasuulkiisuba aad ayey

inoogu dhiiri geliyeen Xajka iyo Cumrada, waxayna ku sheegeen Fadli aad u balaadhan, oo Rasuulku (SCW) ku tilmaamay Axaadiis badan. Ilaahay Xajka iyo Cumarada ku dhaafo dambiyada, Janadda lagu galo, Faqriga Ilaahay kaga kaxeeyo,

• Dambi dhaaf: Nebigu (SCW) Wuxu yidhi:. (Qofka xaja ee aan Af-xumoon , fisqina ku dhicin, wuxu soo laabtaa isagoo sidii hooyadii ku dhashay ah) ) (Denbi ka madhan)

Xajka Qaybihiisa

• Ifraad (Waa inuu xaj kelii ah xidhto)

• Qiraan (Waa inuu xaj iyo Cumro hal mar wada xidhto)

• Tamatuc (Marka hore Cimro ayuu la imanayaa ,kadib ayuu Xajka la imanayaa)

Qofka xajka iyo Cumrada wada guta (Qiraan, Tamatuc) Waxa ku waajib ah inuu neef gawraco, shukri naq uu ilaahay ugu shukriyayo , inuu safar keli ah xaj iyo cimro wada sameeyey. Qofka Neef uu qalo waaya waxa laga rabaa inuu Soomo Sadex casho oo uu makka ku soomo, iyo Todoba casho oo beledkisii ah.

Arkaanta Xajka iyo Cumrada

Arkaanta Xajku waa:

• Ixraam (ka Xidhasho goobta loo asteeyey).

• Carafo oo uu istaago

• Dawaaful Ifaada

• Sacyi Safa & Marwa dhexdooda

Arkaanta Cumrada

• Ixraamka( ka Xidhasho goobta loo asteeyey).

• Dawaaf Kabcada

• Sacyi Safa & Marwa

Camalka Cumrada

1- Markaad timaado goobta laga xidhdo qubayso, xidho dharka ixraamka, gabadhu waxay doonto ayey xidhanay, ku dhawaaq Cumro (labayka allahuma Cumra), mac-naheedu waa ilaahoow ku ajiibey. Waxad ajiibtey yeedh-madii nebi Ibraahim dadka ugu yeedhay inay Xajka iyo Cumrada yimaadaan.

2- Markaad makka soo gaadho kabcada dawaaf 7 (Todoba) jeer, waxad ka bilaabay dhagaxa madow, isagayna ku dhamaanay halka dawaaf, markaad dhamayso laba rak-cadood ku tuko maqamka ibraahim dhabarkiisa, ama meel udhow haday kuu suura gasho.

3- Markaad laba rakcadood ka baxdo tag turuga Safa oo bilow Sacyigii, waxad ka bilaabay Safa waxad ku dha-maynay marwa ( markaad safa ka tagto ee Marwa tagto waa kow, markaad safa ku soo noqotona waa laba).

4- Markaad Sacyiga dhamayso u tag rayiislaha oo timaha gaabi

Page 27: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

27

5- Cumradii waa kuu dhamaatay ee xalaal baad tahay.

Camalka Xajka

1- Maalinta bishu Sideed tahay Subaxeeda Xidho Xajka halkaaga ka xidho. Dheh ‘labayka xajjan, Allahuma Labayka”

2- U baqool Mina oo ku tuko Duhur,Casar, Maqrib, Cishe iyo Subaxba, adigoo gaa-binaya saladaha afarta ah.

3- Marka Libdhadu (Qoraxdu) soo baxdo, u baqool dhinaca buurta Carafa, oo ku tuko Duhur & Casar wada Socda (la soo hor mariyey) oo la gaabiyey laba laba rakca-dood, halkaa(Carafo) joog ilaa maqribka adigoo ducada badinaya, dikriga badinaya, ilaahay isu dhuldhigaya, oo qibladana u jeeda.

Hadii carafa istaageedu ku dhaafo xajkii wuu ku dhaafay , wuxuna ku eg yahay intaan qoraxdu soobixin, maalinta tobnaad.

4. Marka Qoraxdu dhacdo u baqool dhinaca Musdalifa oo ku tuko Maqribka ,Cishaha, iyo Subaxa, halkaa joog, marka Qoraxdu ku dhowaato inay soo baxdo, u baqool Mina markaad timaado sidan yeel:

4.1. ku tuuro todoba quruurux ah kaabada Caqaba, mid mid u tuur , mid kastana takbiiro. Jamratu caqaba waa Kaabada makka ugu

xigta sadexda jamaro.

4.2. Gawrac hadiyaga (Neef), Hadyigu waa ku waajib Qofka Tamatuc ama Qiraan sameeyey.

4.3. Timaha Xiir ama gaabi, Xiirista ayaana fadli badan, nebigi (SCW) Sadex jeer ayuu u duceeyey kuwa xiiray.

5. Makka ku soo laabo oo kabcada dawaaf (Dawaafu Ifaada), ka dib Sacyi Safa & Marwa todoba jeer.

6. Ku noqo Mina oo u hoyo labada habeen ee kow iyo tobnaadka iyo laba iyo tobnaadka.

7. Tuuro jamraadka Sadexda ah labada maalmood ee 11, 12 aadka, marka qoraxdu iilato, ka bilow Tan kuugu soo horaysa ee makka ugu fog, (Jamaratul Uulaa), dabdeed tan dhexe, dabadeed tan ugu dan-baysa ee (jamaraul caqaba). Mid kasta waa todoba Quruurux ah oo mimid loo tuuranayo. Labada jamaro ee hore mid kasta qiblada u jeeso uu ducayso.

8. Maalinta laba iyo tobnaad markaad dhagxaanta tuurato, hadii aad doonto waad iska degdegi kartaa, mina ka carow inta aan qoraxdu kuugu dhicin, hadii aad doontona u hoyo waana sida fadliga badan oo maalinta sadex iyo tobnaad tuuro dhagxaantii sidii aad samaysay maalintii laba iyo tobnaad.

9. Hadii aad doonayso inaad diyaarada dib raacdo inta aanad

ka bixin makka kabcada dawaaf todoba jeer (Dawaaful Wadaac), gabadha xaydka lehi ma dawaa-fayso Kabcada.

Waxyaalaha Xajka buriya

• Gaaloobid (diintuu caayo, rasuulka, malaaigta ).

• Galmo

Maxaa Xajka la diidey.

1- Inuu wax macsi ah sameeyo .

2- Inuu Muslimiinta dhibo.

3- In aanu timaha iyo Cidiyaha iska gurin ama subkin.

4- In aanu Cadar marsan inta uu Ixraamka ku jiro.

5- In aanu ugaadha & Xay-awaanka xaramka dilin.

6- In aanu xaaskiisa taataaban ama shukaansan.

7- In aanu Cidna u guurin isna guursan.

8- In aanu dhar tolan oo jidhka koobaya xidhan.(Ragga keliya)

9- In aanu madaxiisa daboolin (Ragga keliya)

10- In aanay niqaaban ama qafa-ziin xidhan.

Page 28: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

28

Eksimada Maxay tahay? Diyariye: Dr. Mustafe

Atopic eczema (oo badanaa loogu yeedho eksimada carruurta ama eksima keliya) waa maqaarka oo caabuqa ama

jiradda kaas oo keena qalayl, guduud iyo furuuruc dusha ah badanaana cuncun leh.

Maqaarka midabka yeesha badanaa wuxuu noqdaa beerbal ama kaffee, maqaarka inuu qolfa yeeshana

waxay noqotaa caadi. Wuxuu noqon karaa mid dheecaan ka soo baxa oo qolfa leh. Wuxuuna ku dhici karaa carruurta yaryar oo da’doodu tahay 2-4 bilood. Eksimadu badanaa waa ka soo ba’daa ilmaha markuu ilmuhu soo koraba.

In kastoo aan sababta la ogayn, waxaa badanaa la ogyahay inay la xidhiidho xasaasiyada neefta iyo sanboorka. Waxay u badan tahay in ilmuhu yeesho eksimo haddii xubnaha kale ee qoysku ay qabaan eksimada, neef ama xumad. Xaggee ku dhacdaa?

Eksimadu waxay ku bilaabataa dhallaanka yaryar. Waxayna badanaa ka muuqataa dhabanada ugu horrayn taas oo caabuq noqota oo qalasha. Waxaa laga yaabaa in maqaarku guduudan yahay ama midab yeesho sida beerbal, kaffee ama cadaan. Dabadeedna waxay ku dhici kartaa wajiga iyo maqaarka sare. Markuu ilmuhu sii waynaadaba waxay ka muuqataa jirka, gacmaha, kalabaxyada iyo ruugaga gadaashooda. Waxay kaloo ka muuqataa canqawga iyo suxulka. Wajigu badanaa

wuxuu baabaáa markuu ilmuhu koro, laakiin furuurucu wuxuu ka sii muuqdaa dhagaha

gadaashooda iyo wareegga indhaha

Maxaa sababa?

Sida kor lagu soo sheegay wuxuu xidhiidh la leeyahay xasaasiyada, laakiin xaalladaha badankood ma jiro wax la oran karo eksimada ayuu sababaa. Dhowr shey ayaa keeni kara inuu ka sii daro:

• Iyadoo la taabto wax la dhibsanayo ama waxyaallaha qalayl keena sida saabuunta, kiimikada wax lagu dhaqo iyo shaambooga.

• Hawada qabow marka maqaarku qalayl noqdo

• Infakshan bakteeriyada keento oo isaga ka sii eksimada

• Welwel.

In kastoo, dad badani ka cabsi qabaan in waxyaalla cuntada ku jiraa sii holciyaan, carruurta badankeed aad ayey ugu adag tahay in la muujiyo in cunta gooni ahi keento dhibaatada.

Sidee looga hortagaa laguna daaweeyaa? Waxyaallaha laga fogaanayo:

1. Salaaxida iyo xoqida maadaama cuncunka iyo furuurucuba ay kaga sii daraan.

2. Saabuunta, kiimikada wax lagu dhaqo iyo wixii barafuun leh maadaama ay qalajiyaan maqaarka.

Page 29: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013

May - July 2013 ISSUE 17

29

3. Dhaqida badan ee jirka marba hadday biyuhu qalajinayaan maqaarka.

4. Muddo ku jirida biya kulul ayaa siyaadinaya isla markaana qalajinaya maqaarka.

5. Hawada oo aad u kulul ama aad u qabow.

6. Qaadashada dhar ku xanxantaynaya sida dharka dhogorta ka samaysanQaadashada, hu

washada ama dhigashada wax dhogor ka samaysan sida bustaha, kaarbitka iyo maqaarka idaha. Waxyaallaha la Samaynayo:

1. Ku qubayso saliid halkii aad kaga qubaysan lahayd saabuun.

2. Is mari kareemka maqaarka jilciya, sida sor-bolene ama kareemka aqueous cream si joogta ah, khaasatan qubayska ka dib.

3. Qubaysiga ka dib qalajinta jirka adoo tartiib u marinayaa shukumaanka.

4. Dharka iskaga bixi qol diirimaada xilliga qaboobaha.

5. Xilliga kulaylaha sariirta ka dhig mid qabow.

6. Gasho dhar cudbi ah oo kaa waaweyn (ama cudbi/synthetic isku jira).

7. Ka goo astaanta dharka ku dhegan sida magaca ama awaamiirta

Haddii jiradani (atopic eczema) ay aad u xuntahay dhakhtarku wuxuu kuu qorayaa kareemka cortisone si aad u mariso maqaarka. Guud ahaan, kareemka cortisone oo awoodiisu hoosayso ayaa la isticmaalaa

marka eksimadu ay kacsan tahay markay

degtona, waa la joojiyaa. Kareemka maqaarka jilciya ayaa la sii marinayaa, xataa marka

maqaarku wanaagsan yahay. Haddii infakshan ku dhaco, daawada lagula dagaalamo infakshanka ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto. Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawada dejisa cuncunka, khaasatan haddii ay dhacayso habeenimada ayna keenayso hurda laáan. Doorka cuntada ee daawaynta eksimadu ma cada carruurta badankeedna natiijadu waa mid aan fiicnayn. In kastoo aanay dhib keenayn in la raadiyo aragtida ku saabsan cuntada, waa inuu ahaadaa qof aqoon fiican u leh fahmida eksimada, iyo fahmida cuntada ilmuhu u baahan yahay.

Page 30: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013

Issue 17April - June 2013 May - July

2013 ISSUE 17

30

DJIBOUTI Djibouti Telecom

FRANCE SFR

BELGIUM Belgacom

SAUDI ARABIA Mobily

UNITED STATES AT & T

KENYA Safari

QATAR Qtel

ETHIOPIA ETC

CANADA ROGERS

CANADA FIDO

KUWAIT VIVA

UAE ETISALAT

Egypt Vodafone Egypt

ECONET WIRELESS ECONET WIRELESS BURUND BURUND

Portugal Vodafone

Italy Vodafone

$2.1

$3.25

$4.30

$2.37

$ 3.1

$2.50

$2.26$1

$2.9

$2.9

$4.0

$2.05

$2.90

$2.81

$3.5

$0.87

$0.30

$0.99

$0.90

$1.30

$1.02

$2.50

$0.5

$1.24

1.24

$2.7

$0.30

$0.75

$0.30

$0.30

Outgoint ToTelesomOperator Incoming From

Telesom

*Rates of other calls within visited country are charged di�erently based on call type (call to other countries, call to satellite,)

Page 31: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013
Page 32: Telesom Newsletter Issue 17 - July 2013