tirsiyada soo socda ka filo qoraal-
TRANSCRIPT
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj 2012 / Vol. 1, No.1, March 2012
Gorfaynta buugaagta Gorfaynta buugaagta Gorfaynta buugaagta Gorfaynta buugaagta / Bookreviews ……………………………………..…..…………...53
Waraysi / Waraysi / Waraysi / Waraysi / Interviews ………….……… 84
Tirsigan / In this issue
Ereyga quraarka
2
Waxtarka Carrabka iyo dibnaha
4
Xasilloonidarrada far Soomaalida
19
Hal-xidhaale
24
Baaxadda Suugaanta Haweenka
35
Waraysi beri hore lala yee- shay Dr. Georgi Kapchets
45
Murtida Maanta
Wixii hal tasoobey
Haddaan hal-abuurku
Halaanhal ku sheegin
Hoyooyin ku heesin
Inuu afka hooyo
Hobaaq ku dhacaayo
Ayaan hadda sheegay
Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo
� Hab dhaqanka dibgalayaasha ‘le’, ‘ley’, iyo ‘ey’
� Habkii ay Soomaalidu isu daweyn jirtey
� Waraysi xiiso badan oo ay HERER la yeelatay
Dr. Georgi Kapchits
� Tabaallada iyo hagardaamada ay ganacsatadu
afka ku hayso, iyo
� Run nin sheegaa godob waw halis
HERER
Warsidaha Afka, Diinta, dhaqanka, Dhaqaalaha,
Siyaasadda iyo Waxbarashada
Tirsiyada soo socda ka filo qoraal-Tirsiyada soo socda ka filo qoraal-Tirsiyada soo socda ka filo qoraal-Tirsiyada soo socda ka filo qoraal-
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 479-6079
Bogga 2aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
HERER (ISSN 1929-1272) is an independent literary, cultural, political, and social Journal in Somali.
It is printed monthly, both ,in Ottawa (Canada) and Hargeisa (Somaliland)
Copyright © 2012
by
All rights
reserved. This
publication or parts of it may
not be reproduced, stored, or
transmitted in any way without
prior permission
from the
Editor.
ISSN 1929-1272
Published by
HAL-AQOON PUBLISHERS.
Qoraallada dhammaan
waxa lagu soo
hagaajinayaa:
HERER
861 Karsh Drive
Ottawa, Ontario
K1G 4T9
C A N A D A
Tel. (613) 247-0459
Soomaalilaand
Tel: 2522-479-2393
E-mail:
Or
GOLAHA QURAARRADA
EDITORIAL BOARD
Quraarka Guud (Editor-in-Chief ) Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo”
Xayeysiiska iyo suuqgenta
(Advertising & Marketing)
Maxamed Cabdiraxmaan
Guuleed M. Yuusuf
Xoghaye ( Secretary )
Kawsar M. Faarax
Associate Editors
Xasan Cabdi Madar
Maxamed Caddaani
Axmed Aw Geeddi
Khaalid Jaamac Qodax
Hal-shaxanka (Graphics)
Herer graphics
Golaha Talabixinta
(Advisory Committee)
Dr. Georgi Kapchits
Dr. Maxamed Nuux Cali
Maxamed X. Dhamac “Gaarriye”
Maxamed I. Warsame “Hadraawi”
Jamaal Cabdi Gaboobe
TUSMO / Contents
Ereyga Quraarka ( Editorial )...........….…............................................................ 5
Qoraallo / Articles
� Waxtarka Carrabka iyo Dibnaha……………......Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo 9
� Buug la rifay, rifay, rifay……………………………......……... Khaalid Qodax 17
� Hal-bixinta reyada kombuyuutarka……………………..Fu’aad Sh. Abu Bakar 18
� Xasilloonidarrada Far Soomaalida………...……Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo 19
Gorfaynta buugaagta: / book reviews
� Waa kan buuggii aan sugayey 24 sano……..……….....….Dr. Georgi Kapchits 28
Hal-xidhaale / Crossword…………………….………...…………………….....34
Dhaqanka iyo suugaanta / literature and culture
� Baaxadda suugaanta haweenka Soomaaliyeed…Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo 35
� Maxay ku kala duwan yihiin maahmaahda, odhaahda iyo hal-haysku
……………………………………………. ……………... Dr. Georgi Kapchits 52
� Dawo raadis ……………………...……………….…..…...Xasan Cabdi Madar 44
Waraysi / Interview
� Waraysi xiiso badan oo ay Hal-aqoon la yeelatay Dr. Georgi Kapchits 10 gu` ka
hor ……………………………………………………………………………...…… 45
Bogga 3aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Bogga 4aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
EREYGA QURAARKA
K adib kuurgal aanu u gallay wargeysyada iyo warsidayaasha dalka ka soo baxa
waxaannu u kala saarray:
1. Wargeysada (news papers) oo aan midna ka badnayn 8 bog. Waxay ka
siman yihiin werinta yooyoontanka madaxda iyo tebinta naca iyo naxliga ka
dhex aloosan siyaasiyiinta iyo xubnaha golayaasha guurtida, mudanaaysha iyo saddexda
xusbi qaran. Lacag looma huro oo lama iibsado. Qof kastaa intuu bogga sare isha mariyo
ayuu yarka iibinaya ku celiyaa oo yidhaa maanta waxba sheegimayso. Xayeysiisyada inta
badan waxa loo qoondeeyaa bogga u dambaya, cid gaadha oo danaysaana ma jirto taya
xumida sawirrada awgood. Tayada afka iyo higgaaddiisa toona dan lagama galo oo
xaalku waa iga gee. Dalkana dibadda ugama baxaan.
2. Warsidayaashu ( magazines and journals) dhanka tayada sawirrada, iyo muuqaal wanaagga
aad bay uga wanaagsan yihiin kuwa kor ku xusan. Hayeeshee, tayada qoraallada lagu soo
saaraa waxba kama duwana kuwa lagu soo saaro wargeysada. Wax nuxura ma laha. Wax
laga taransadaana ma jirto.
Sidaasi awgeed dad badan oo wax qora ama curiya ayaa ka maaga inay hawl qabadkooda ku
soo saaraan wargeysyada iyo warsidayaasha dalka, ayaga oo dareensan in aanay jirin
meel u qalanta oo ay qoraal-ladooda ku soo bandhigaan.
Baadhistaa kadib, waxa haddaba muuqata in la gaadhay xilligii midhkaa laga gudbi lahaa,
loona gudbi lahaa helidda warsidayaal iyo wargeysyo goldaloolooyinkaasi daboola. Si-
daasi darteed, soosaarayaasha Hal-aqoon (Hal-aqoon publishers) waxay go'aansadeen in
la soo saaro warside la yidhaa 'HERER'. Sida aannu filayno inaad ka warqabtaan ma
...eeg bogga 7aad
Afeef:
XXXXubnaha Golaha Quraarrada HERER marna daanyaqaad uma aha, loomana
aanayn karo, aragtiyaha maansooyinka iyo qoraallada ku soobaxa warsidahan.
Aragtiyaahaasi waxay kolkasta gaar u yihiin hal-abuurrada iyo qorayaasha soo
gudbiya qoraalladooda si ay dadweynaha ugu soo bandhigaan. Waxaanuse daw u
leennahay inaannu quraarro higgaadda ereyada, iyo qoraalladaba, annaga oon
waxba ka beddelidoonin ujeeddada sabada oo nagu yar awgeed. Wixii qoraallo ah
ee xambaarsan af lagaaddo ama wax ka baxsan asawda iyo anshaxa saxaafadda
ma soo saaridoonno, mana u celin doonno ciddii soo gudbisey.
Ereyga quraarka Bogga 5aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Waxay soo saaraan warsidayaasha
Hal-aqoon iyo Herer . Hal-aqoon waa warsidaha suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed Sumad-
deeduna waa ISSN 1492-4110 Waana xilliile. Herer iyana waa warsidaha afka,
dhaqanka, dhaqaalaha, diinta, siyaasadda iyo waxbarashada
Sumaddeeduna waa ISSN 1929-1272
Waana bille
Xidhmadii 1 aad
Tirsigii 1 aad Tirsigii 2 aad
iyo Tirsigii 3 aadayaa meel la isugu geeyey oo hal buug layskaga dhigey.Haddii aad haddaba danaynayso nagala soo xidhiidh
861 Karsh
Drive,
Ottawa,
Ontario,
K1G 4T9,
C A N A D A
Tel. (613) 274-0543
(2522) 497-2393
(2522) 953-9966
e-mail: [email protected]
E-mail: [email protected]
Bogga 6aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Ereyga quraarka Bogga 7aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
...ka timid bogga 5aad
gaalamadax kasta oo adduunka ah waxa ka soo baxa warside ama wargeys xambaarsan ma-
gaca magaalada sida London Times, Ottawa Citizen, Washington Post, iwm. Sidaasi awgeed
baanu magaca labaad ee magaalada ugu bixinnay warsidahan isaga ah. Waxa haddaba iswey-
diin leh muxuu warsidahani kaga duwanaan doonaa kuwii hore ee soobixijirey? Muxuuse soo
kordhinayaa?
Wuxu soo kordhindoonaa haddii Eebbe nala qabto oo aannu taageeradiinna helno:
1. Kor u qaadista tayada afka, kaasi oo ay ardaydu, heer kasta ha ku jiraane, ka korodhsan-
doonaan afkii ay ahayd inay ku hadlaan. Tusaale ahaan, waxay ka baran inaan caanaha la cab-
bin ee la dhamo. Shaahana aan la cabbin lana qudhqudhun ee la firiqsado. Waxanu u tilmaami
inaan la gaadhin waqtigii qadada ee la gaadhay xilligii hadhimada. Waxa kale oo aannu til-
maami inaan la cashayn ee la xiraado. Xilliga bisha Soonna aan la suxuuranne la hiraabto.
2. Sidii af Soomaaliga loo qoray, suugaan ururin mooyee looma dhaqaaqin horumarinta afka , wax
badanna lagama oga dhismaha iyo hab-dhaqanka xubnaha iyo waaxyahiisa. Sidaasi awgeed
waxanu dadweynaha, gaar ahaan aqoon yahanka iyo inta afka danaysaba, u soo badhigi qor-
taallo cusub oo arrimahaasi ku saabsan.
3. Dhanka Siyaasadda, qoraallada aanu soo saaridoonnaa waa qaar ku salaysan waxa loo yaqaan
dhaliil-wax-dhiseedka (constructive criticism). Ama dawlad ha la dhaliilo ama ganacsato, ama
dadweynahaba e waxannu ku dadaali inaanu soo gudbinno qoraallo wax toosinaya oo aan
wuxuun dhaliilin. Haddii wax la dhaliilana, la sheegidoono wixii dhaliishaasi lagu toosin la-
haa.
Dhanka diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka waxad ku arki doontaan
isbeddel weyn oo aad uga tayo iyo nuxurba badan oo wax laga taransan doono. HERER wuxu
noqondoonaa warside ka diiwaan gashan dalka Kanada. Wuxu leeyahay sumadda warsi-
dayaasha loo qoondeeyo ee loo yaqaan ISSN (International Standard Serial Number). Kaasi
oo faraya soosaarayaasha in tirsi kasta oo soobaxa laba dheeg (two copies) oo ka mid ah la
dhigo hoyga lagu kaydsho buugaagta dalka Kanada.
Hadal iyo dhammaantii, haddii aanu helno taageeradiinna, xayeysiisyada iyo qoraallada ku soo-
baxidoona HERER waxay noqon qaar aan ku koobnaan doonin dalka gudihiisa ee gaadhi-
doona daafaha adduunka. Waxana hawl wadeennada HERER talo iyo toosin heegan ula ah
aqoonyanno Sokeeye iyo shisheeyaba leh oo daafaha adduunka kala deggen.
Waxan filayaa inay intaasi idinkaga filantahay himilada iyo yoolka ay higsanayaan hawl wadeen-
nada warsidaha HERER. Waxanunu aad u dhawraynaa taageeradiinna, dhan kastaba, sidii aan
u gaadhilahayn himiladaasi.
Murtida Bishan
Af Qalaad Aqoontu Miyaa
Baro abwaankaaga
Bogga 8aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Haddii aad tahay qurba jog
waxad buugga ka heleysaa de-
gelka sumaddiisu tahay
www.lulu.com
Haddii aad dalka gudihiisa joog-
tana waxad ka heleysaa Har-
geisa Pc center oo aad kala soo
xidhiidhi karto
Tel: 252-2-4466375
*
\ /
HERER
/ \
/ * * \
wuxuu soo dhoweynayaa
si gaarana u danaynayaa,
diyaarna u yahay,
in uu
kor
u qaado
codka maansooleyda
haweenka Soomaaliyeed
een weli la maqal. Haddii
aad haddaba inuun
rabtey in
aragtidaada
la maqlo ama aad
hayso buraanbur
ama maanso
kale oo
aad
u bogtey oo ay tirisey
haweeney
Soomaaliyeed
jeceshahayna in
lugula maqlo,
waxaannu
kugu
soo
dhoweyneynaa gacmo furan .
Nagalana soo xidhiidh
Addresskan:
HERER Journal
861 Karsh Drive
Ottawa,
Ont.
K1G 4T9
Tel: (613) 274-0543
Tel: (2522)4794-2393
E-mail :
ISSN 1492-4110
Waxtarka carrabka iyo dibnaha Bogga 9aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
W/Q Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’
Suuradda 90aad ee Quraanka, Al-Balad
1. Hordhac:
Xubnaha afka dadku way farabadan yihiin.
Hawlo kala duwanna way fuliyaan.
Xubnaha ugu yaryar ee ugu taabbud-
sanna waxa ka mid ah dibnaha iyo
carrabka. Noole farabadan baa
midhkaa dadka la wadaaga sida duun-
yada iyo dugaagga. Qaarkood dadka
ka carrab iyo dibnaba waaweyn. Hay-
eeshee, Eebbe dadka oo qudha ayuu
ugu manna sheegtay sida ku cad
Aayadda 9aad iyo ta 10aad ee Suurat
Al-Balad ee Quraanka. Waxa haddaba
isweydiin leh sababta uu Weynu-hu
dadka ugu manna sheegtay. Si aan
haddaba arrintaa uga baaraan degno
waxa lagama maarmaan ah inaan si
qoto dheeriya uga hadalno hawlaha ay
dibnaha iyo carrabku dadka u qabtaan
iyo waxa ay kaga duwan yihiin kuwa xoolaha
ama dugaagga. Intaanan arrintaa wax ka od-
han bal aan marka hore wax yar ka idhaahdo
sida ay Sheekhyada qaar u qeexaan Aayada-
haasi.
A. Kitaabka Quraanka ee ujeeddadiisa lagu hal-
tebiyey af Ingiriisiga waxa Aayadahaasi loo
qeexay sidan hoos ku xusan:
Qoraallo / articles Qoraallo / articles Qoraallo / articles Qoraallo / articles
Waxtarka Carrabka iyo Dibnaha
Aayadaha 8aad, 9aad, iyo 10aad ee
Suuradda Al-Balad
Bogga 10aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
B. Kitaabka Quraanka ee ujeeddadiisa lagu qeexay af Carabiga waxa isna Aayaddaasi loo qeexay
sidan soo socota:
C. Kitaabka Quraanka ee ujeeddadiisa lagu hal-tebiyey af Soomaaligana waxa isna Aayaddaasi loo
qeexay sidan hoos ku xusan:
Saddexda kitaaba si isku mid ah baa loo qeexay Aayadda. Waxayna ku salaysan tahay ujeeddada
guud. Taasi oo aan wax badan ka sheegaynin taabbudnimada ku duugan. Si aan u muujinno murtida
ku duugan Aayaddaasi waxan si faahfaahsan u eegi hawlaha iyo waxtarka dibnaha iyo carrabkaba.
2. Dibnaha (Bushimaha):
Aan ku bilaabee dibnuhu sida ku qeexan abwaankii uu qoray Yaasiin
Keenadiid (1976), dibnuhu: waa labada cad ee ilkaha iyo cirridka
korkooda ku yaal ee kolkii laysku qabto afka daboola.
Dibno
Erayo badan baa dibnaha la’aantood aan afafka ku jireen. Dibnuhu kolka ay dib u faydmaan, ilku-
huna aanay muuqan Soomaalidu waxay u taqaan muusood.
Waxtarka carrabka iyo dibnaha Bogga 11aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Haddii ay ilkuhu wax yar muuqdaanna waa
dhool-bidhin. Ilka caddayntuna waa kolka ay
dibnuhu wada faydmaan ee ay foolashu wada
muuqdaan. Waxyaalo kale ayay dibnuhu hal-
beeg u yihiin. Dibnaha oo la furiwaayaa waa
aammusnaan. Hadal yari iyo dhawrsanaan
baanay tilmaan u yihiin. Haddii la buurana
cadho ayay astaan u noqdaan. Maahmaah
Soomaaliyeed baana tidhaa: gafuur cadho nin
leh buu ku yaal. Dibinta hoose oo qudha kolka
la qaniino qamuunyaa la dhahaa. Ciil iyo calool
xumo raagtay baanay astaan u tahay. Hawlaha
ay dibnuhu qabtaanna waxa ka mid ah:
2.1 Nuugista: Dibnaha la’aantood ilmo yari
ma noolaadeen haddii aanu hooyo
naaskeeda caano ka nuugin. Qof harraad
hayaa moqor biyo kama cabbeen. Shaah
kulul lama firiqsadeen, dabna inta dun-
qulaal la saaro oo la afuufo ma bel-
beleen. Taabbudnimada dibnaha waxan
ka heleynaa sheeko-dhaqameedka Soo-
maalida. Sheekada dhurwaagii nirig-ta
yar labada faruuryood ka goostay
hooyadeedna candhada ka cunay baa
laga hayaa inuu yidhi: Maxay ku nuug-
taa ama ka nuugtaa?
2.2 Dahaadh: Dibnuhu waxay dabool u
yihiin afka. La’aantood cayayaan kastaa
waa innaga gelilahaa, dhareerkuna waa
innaga quban lahaa.
2.3 Quruxda: Quruxda dadka qayb weyn
bay dibnuhu ka qaataan. Qof qof la
dibno ihina ma jiro. Taasina waa ta
keentay in sida faraha ay denbi baadha-
yaashu dibnahana u adeegsadaan kolka
la rabo in la caddeeyo gaboodfal lagu
kacay haddii la helo weel uu gabood fale
wax ku cabbay. Dhaqankeenna dibnaha
waaweyn iyo kuwa yaryartoona qurux
looma arko . Hayeeshee, kuwa buuxa ee
madmadow inanta leh waxa loo arkaa
inay dumar wax dheertahay. Inan ragna
wuxu u tartamaa sidii uu inantaa u taabi-
lahaa. Maansooyin badan baa quruxda
iyo waxqabadka dibnaha ku soo arooray.
Waxana ka mid ah kuwa yidhaa:
� Dibnaheeda dugulka ah
� Nimaad qali qamuunyada ka dhawr,
foolashana u qaawi
� Nin ilko dheeri hadduu dhintana inuu
qoslayaa la moodaa
2.4 Dhunkashada: Dibnaha la’aantood
ereyga ‘dhunkasho’ ma jireen. Waxana
lagu muujiyaa dareen hoosaad
Soomaalidu u taqaan kalgacal. Laba qof
oo is dhalay haddii ay kala dhoofayaan
way isa sii sagootiyaan. Dareenkoodana
waxay ku muujiyaan dhunkasho.
Ayaga oo kala baaday had-
dii ay isu soo noqdaan ama
meel ku kulmaan xiisa-
hooda dhunkasho ayay ku
caddeeyaan Dad badan oo
dal-tabyooday baa markay
dalkooda ku noqdaan kal-
gacalka iyo xiisaha ay ciid-
dooda u qabaan ku muuji-
yada dhulka oo ay dhunka-
daan.
Kitaabka Quraanka ayay dad badan oo Muslin
ihi dhunkadaan, taasi oo tilmaan u ah kal-
gacalka loo qabo hadalka Eebbe.
2.5 Foodhida (foorida):
Dadka mooyee duunyadu ma foodhido.
Waxaanay foodhidu ka mid tahay haw-
laha ay dibnuhu dadka u qabtaan. Sida
laga wada warqabo foodhidu qayb weyn
bay ku leedahay maaweelada, madaddaal-
ada iyo xidhiidhka. Geeljire kolka uu geel
carraabinayo ama adhijirtu ay adhi mayra-
cayso foodhiday isku maaweeliyaan.
Dhawrsiyoob baana loo foodhyaa. Wax-
ana ka mid ah foodhigaallada. Qof kaa
durugsan foodhi uun baa kuu soo jedin
karta. Hadda oo la magaaloobay,
muusigga ayay qayb weyn ka
qaadataa.
Hawlaha dibnuhu qabtaan ma yara. Waxa
ka mid ah kaalinta ay hadalka ku leeyihiin.
Tusaale ahaan samaynta xarfaha qaar.
2.6 Xarfaha ay labada dibnood
wada sameeyaan (Bilabials):
Kolka ay carruurtu hadal baranayso
labada dhawaaq ee ay ugu horbartaan
waa labada xaraf ee ‘b’ iyo ‘m’.
Waxana af Ingiriiska lagu yidhaa
‘Bilabials’.
Labadaa
xaraf waxay
ku jiraan
erayo fara-
badan. Qaar
way u hor-
reeyaan sida
Marwo,
mataan, ballan, iyo baabuur. Qaar
bay dhexda ugaga jiraan sida lam-
maan, hamuum, laba, iyo soobax,
iwm. Qaar kalana way ugu dam-
beeyaan sida laab, roob, ham, iwm.
Afka Ingiriiska xarafka ‘p’ ayaa ka
mid ah xarfaha ay labada dibnood
sameyaan sida ‘people’, ‘pen’, iwm.
Dibnaha iyo carrabka la’aantood, xarfaha
‘w’, ‘o’ , ‘oo’ iyo ‘u’ ama ‘uu’ may
samaysmeen. Erayada xarfahaasi u
horreeyaan waxa ka mid ah: war,
wegen, woqooyi, waayeel, ood, olol,
or, ubad, ugbaad, iyo uub iwm. Kuwa
ay dhexda kaga jiraanna waxa ka mid
ah: hawl, mawliid, qorrog, bottor,
food, hub, lug, huur, iwm. Erayada
qaar baa xarfahaa ku dhammaada
sida: law, farlaw, saw, aabbo, fardo,
hunnuuhunnuu, iwm.
Xarfaha ay dibnaha iyo ilkuhu
wada sameeyaan (Labio-dentals)
Waxa kale oo jira xarafo ay dibnaha iyo
ilkuhu wada sameeyaan. Tusaale ahaan
kolka ay dibinta hoose iyo ilka sare is
qabsadaan waxa samaysma xarafka ‘f’ ee
af Soomaaliga iyo ka kale ee
‘v’ ee ku jira afka Ingiriiska.
Waxana loo yaqaan
‘labiodentals’.
Cudurrada dibnaha ku dhaca iyo
iimahooda:
Sida waaxyaha iyo
xubnaha jidhka ayey
dibnahana ugu dha-
caan cudurro. Dibin
dillaaca, iyo bar-
raaqada ayaa ka mid
ah xanuunnada dib-
naha ku dhaca.
Waxa jirta qaab
darro dibnaha ku
dhacda oo ay dadka
qaar ku dhashaan,
taasi oo loo yaqaan faruur. Dadka faruurani
ereyo badan oo ay ku jiraan xarfihii aynu soo
sheegnay ee aynu nidhi waxa sameeya dibnaha
ma karaan ama si qumman uguma dha-
waaqaan. Labkii iintaa ku dhasha faruur baa
lagu naanaysaa, dheddiggana faruuro.
Dibinta hoose ee sida awrka hoos ku sawiran
hoos u laallaadda waxa la yidhaa dacay. Haddii
halka ay gadhka iyo dibintu iska galaan hoos u
riixantahay qabbin baa la yidhaa.
Dibnaha xoolaha waxa la
yidhaam faruuryo. Nolo -
shoodana kaalin weyn bay
kaga jiraan. Sida kuwa
dadka ayay cunidda iyo
cabbiddaba uga kaaliyaan.
Faruuryaha la’aantood ri’yuhu
Bogga 12aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
geed may saaloosheen. Geeluna laan geed dheer
ku taal muu laaceen.
Siday doontaba ha ahaatee, geelu dibnahaasi
uma adeegsado, dareemo gaar ah sida qosolka,
kalgacalka, cadhada iyo dhool-bidhinta. Geel
foodhyayana cid aragtay lama hayo. Ayagoo isu
qoslayana lama sheegin.
Carrabka:
Af Carbeedka Erayga
‘Lisaan’ laba ujeeddo ayuu
leeyahay. Ujeeddada hore
waa Carrab. Midda labaadina
waa af. Ujeeddo kastaana
taabbudnimadeeda ayey
leedahay. Sidaasi awgeed bal
aan ku bilawno carrabka iyo
hawl qabadkiisa:
Carrabku wuxu isna ka mid
yahay xubnaha ugu hawsha badan xubnaha afka.
Wuxuna ka samaysan yahay muruqyo u hawl
yareeya dhaq-dhaqaaqiisa kolka la hadlayo iyo
kolka wax la cunayaba. Hawlaha uu qabtana
waxa ka mid ah:
Calalinta:
Carrabku kaalin weyn buu ka qaataa calalinta
cuntada. Kolka ay ilkuhu cuntada raaminayaan
carrabkuna wuu rogrogaa, si inta aan la liqin ay
cuntadu u jilicdo. Wixii cunto ah ee ku hadha
afka guduhiisa ama ku dhega ilkahana wuu ururi-
yaa.
Dhadhanka:
Hawsha uu carrabku qabto
waxa ka mid ah jaadadka
dhadhanka oo lagu kala
ogaado. Waxana ka mid ah
jaadadka dhadhanka la
yaqaan sida sawirka ku
cad: qadhaadhka,
dhanaanka,
macaanka, iyo dhandhanka cusbada.
Dhandhanka caanaha xooluhu dhawr heer
bay kala leeyihiin, kuwaas oo kala ah: dhay,
il-qaad, jinaw, mayac, may dhanaan
(suusac), karuur, iyo kalbaa.
Carrabka iyo afka:
Afafka qaar buu ereyga carrab la mid yahay
af sida af Carabiga iyo af Ingiriisiga. Taas-
ina waa ta keentay inay dadka afka Ingiri-
iska ku hadlaa afkooda hooyo ugu yeedhaan
‘mother tongue’. Carabtuna ay afkooda
hooyo ugu yaqaanaan ‘Lisaanun Carabiyi’.
لسانعربيXeel-dheerayaasha co-
daynta afafku carrabka
ayey ku halbeegaan sida
ay dhawaaqyada afku u
samaysmaan. Tusaale
ahaan, kolka carrabka
caaradiisu taabato ilkaha
sare waxa samaysma
xarafyada kala ah ‘t’, ‘d’,
waxana af Ingiriiska la gu
yidhaa dental.
Kolka ay caarada
carrabku kala dhex-
gasho ilkaha sare iyo
kuwa hoosana waxa
samaysma dhawaaqa
‘θ’ ee ku jira ereyga
‘think’ iyo ‘∂’ee ku
jira ereyga ‘then’
waxana loo yaqaan
inter-dentals.
Kolka uu carrabku
taabto dhanxanagga
hortiisa iyo ilkaha
sare guntooda waxa
samaysma xarafa
kala ah ‘ t, d, n, l, s,
z’. Waxana loo
yaqaan alveolar.
Waxtarka carrabka iyo dibnaha Bogga 13aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Carrab
Bogga 14aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Kolka uu carrabka
afkiisu taabto dhan -
xanagga intiisa dambe
waxa samaysma xarfaha
kala ah ‘sh, ch, j, iyo r’.
Waxana loo yaqaan post
-alveolar.
Kolka ay carrabka intiisa
dhexe cadaadiso dhan-
xangga waxa samaysma
xarafka ‘y’. Waxana loo
yaqaan palatal .
Kolka ay carrabka gun-
tiisu cadaadiso dhan-
xanagga qaybtiisa dambe
ee jilicsan waxa
samaysma xarfaha kala ah
‘k, g, ng’. Waxana la yid-
haa velars.
Kolka ay carrabka guntiisu
cadaadiso hilib-dalqaha
waxa samaysma dhawaaqa
‘q’. Waxana afka Ingiri-
iska lagu yidhaa uvular.
Kolka uu carrabku riixo
ama cadaadiyo qalaan-
qulshaha waxa isna
samaysma dhawaaqa
‘kh’. Waxana loo ya-
qaan pharyngeal.
Kolka ay carrabka caaradiisu kor u
laabanto ee inta uu codku istaago
haddana siideysmo
waxa samaysmo
xarafka ‘dh’. Waxan
loo yaqaan
‘retroflex’.
Iimaha carrabka: Iimaha carrabka waxa
ka mid ah carrab la’aanta. Waana
kolka uu qof si fiican ugu dhawaaqi
kariwaayo dhawaaqyada afka uu ku
hadlo. Qofka iintaasi leh waxa loo
yaqaan carrablaw ama carrabey sida
Salaan Carrabey.
Carrab jalqo: Tanna waa iin kale oo car-
rabka ku dhacda oo qofka qaba uu
hadalka si aan caadi ahayn uu ugu
dhawaaqo.
Maahmaahaha Soomaaliyeed qaar baa
lagu tilmaamaa iimaha carrabka iyo
dibnaha. Waxana ka mid ah ta tidhaa:
Carrab dalab leh lug dalab leh laga
garan og (ama laga arki og). Waxa
hadda isweydiin leh sida uu carrabku
dalab u yeelan karo? Ugu horrayn
dalab wadartiisu waa dalbo. Badi-
yaana lugaha ayaa yeesha. Waana
kolka ay labada jilib isa soo eegaan.
Haddii aan si kale u idhaana ay isu soo
dhowaadaan. Jilib qudhihi kolka uu
dhinaca ka kale u janjeedhsama waa
dalab. Haddaba carrabku dalbo ayuu
yeeshaa inkasta oo aanu dhinac u lee-
xan ama u qalloocsamin sida lugta.
Waana kolka uu hadal qof lagu yidhi
la dareemo in ujeeddo gaar ah laga
leeyahay oo aan hadalkaasi si daacad
ah loo odhan. Maahmaahduna waxay
tibaaxaysaa in hadalka qallooca laga
arki ogyahay lugta dalabta leh. Halkan
ujeeddadii erayga carrab waxay noqo-
tay hadal.
Waxtarka carrabka iyo dibnaha Bogga 15aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Ta kalana waxay tidhaa: “Nin ilko dheeri had-
duu go’ayna inuu qoslayaa la moodaa”.
Waxaanay tilmaamaysaa in dibnaha haw-
shooda ay ka mid tahay in ay afka
daboolaan ilakahana qariyaan. Haddii ay
dibnuhu dib u faydmaan oo ilkuhu muu-
qdaanna waxa la yidhaa qosol. Sidaasi
awgeed, baa loo leeyahay, iska daa qof
nooloo, haddii qof ilko dhaadheeri geeri-
yoodo waxa la moodayaa inuu qoslayo.
Gabagabo:
Guntii iyo gabagabadii, waxa innoo caddaatay
in dadku dibnaha iyo carrabka u adeegsa-
daan hadalka, calalinta, dhadhanka, cab-
bidda iyo waxyaalo badan oo aanay
xooluhu u adeegsan kuwooda. Taasina waa
ta keentay inuu Eebbe innoogu man-
nasheegtay.
Raadraac
Kitaabka Quraanka ee ujeeddadiisa loo haltebi-
yey af Soomaaliga
Kitaabka Quraanka ee ujeeddadiisa loo
haltebiyey af Carabiga
Kitaabka Quraanka ee ujeeddadiisa loo
haltebiyey af Ingiriiska Carabiga
Victoria Fromkin, Robert Rodman, Neil
Hultin and Harry Logan. An Introduc-
tion to language, Harcourt Canada,
Toronto, Canada, 2001.
Dale, Philip S. Language development,
structure and function, University of
Washington, Seattle, 2edition, 1976.
O’Grady, William, Dobrovolsky, Michael.
Contemporary linguistic analysis: An
introduction, University of Calgary,
Copp Clark Pitman Ltd., Toronto,
1987.
www.google.com
Buugaagta uu Dr. Georgi Kapchits
qoray waxa ka mid ah:
Waxaa la yidhi _ sheekooyin hidde ah. Buuggan oo ka soo baxay
Cologne, 1996kii wuxuu qoraagu ku soo ururiyey 217 sheeko oo
Soomaaliyeed. Waxa si habsamiya loogu gorfeeyey buuggan Warsi-
daha Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Hal-aqoon kana soo
baxa magaaladan Ottawa tirsigiisii 1aad ee xidhmada 2aad.
Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed – The Dictionary of Somali Proverbs. Wuxuu soo baxay 1998kii.
Waxaad ka helaysaa lix kun oo maahmaahood. Waa ururinta ugu
badan ee ilaa hadda la sameeyey. Dr. Georgi wuxuu sheegey intii ka
danbeysey soo bixiddii buuggaasi in uu soo ururiyey 9,000 oo maah-
maahood oo kale, kuna talo jiro inuu buug cusub iskaga soo wada
dhigo dhigo.
Bogga 16aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Buug la Rifey Rifey Rifey!
Khaalid Jaamac Qodax
T an iyo intii aan hawsha qoridda ku
dhex jirey, waxa aan maalin walba
arkaayey dhacdooyin badan oo iga
yaabiya. Waxa tiraba dhawr jeer aan la kulmey
buugaag aan akhriyey ama maqaallo aan si fii-
can uga bogtey akhrintooda, oo cid kale ku
magac iyo maamuus doonatey. Goobaha iyo
madalaha lagu faafiyey, ma aha oo keliya de-
gellada internetka Soomaali-da, ee xataa
waxaan goob joog uga ahaa warsidayaal badan
oo dalka ka soo baxa, oo tiraba dhawr jeer
buugaag ay soo qaateen aan xusin, sheeginna
buugaagta ay ka soo qaateen mawduuca ay
qorayaan. Dhacdooyinkaasi waxa ay igu noq -
deen yaab iyo fajac. Waxa aan wali maankeyga
ka bixin sida foosha xun ee aan ula kulmey
dhacdooyinkaasi aqoondarrada badani ku
dheehneyd.
Waxana qoraalkan igu dhaliyey oo aan jec-
leystey inaan idinkula wadaago buugga
Sirta Guurka ee uu qorey qoraaga caanka
ah ee Xasan Cabdi Madar oo noqdey
buuggii inta buugaag ama qoraallo la
rifaayey aan arko kii iigu soo noqnoqodka
badnaa. Tiraba buuggan waxa aan ku
arkey meelo kala duwan oo lagu qorey.
Xataa loogu qorey meelahaasi sida
buugga hadalka iyo hawraartu ugu qoran
tahay, iyada oo aan la sheegin qoraha iyo
buuggaba. Tiro kuma soo koobi karo inta
aan wargeys iibsadey, degel furtey, war-
side la ii dhiibey, oo aan si toos ah ugu
arkey mawduucyo uu qoraha buuggaasi si
faahfaahsan bulshada ugu sheegey buug-
giisa, oo ummaddu ay og tahay, ay ugu
qoreen sidii qorahaasi u soo bandhigey
iyada oo aanney jirin meel ay ku xuseen,
ama sheegeen in qoraalkaasi ay ka soo
xigteen buugga Sirta Guurka
Waxa aan isweydiiyey dhawrkaa jeerba wey-
diimo isku mid ah. Waxase aan warcelin-
tooda ka heli waayey maankeyga. Su’aali-
hii ugu badnaa ee igu soo dhacey waxa
ugu mudnaa; ma waxa aan la ogeyn
xeerka iyo shuruucda qoraalka? Ma ula
kac ayey sidaa u yeelleen? Ma aqoon da-
raa haysa? Ma cid kale ayaa qoraalkan
ugu soo dirtey, si ka duwan sida aan anigu
u haysto? Iyo kuwo kale oo badan. Intaba
jawaabta maankeygu isiinaayey ayaa
ahayd mid isku mid ah.
Waxase iyaduna meesha ku jirta, weydiinta ah;
maxaa keeney in buuggan sidan loo rifo?
Muxuu buuggani kaga duwan yahay
buugaagta kale? Buuggan oo ka mid ah
buugaagta aan ugu jeclahay dhiga-
nayaasha Soomaaliyeed, waxa uu yahay
buug fudud, oo waayaha, iyo qaabka
nolosha oo dhammi ay ku jiraan. Waa buug
guudmar kooban ku sameynaya; guurka,
nolosha kelinimada, guurkii hore ee
Soomaalida, dhibaatooyinka guurka maanta,
jacaylka, iyo habka isxulashada ee lamaa-
naha.
Buuggan oo ah mid aad u xiiso badan oo aan qud-
haydu dhawr jeer ku noqnoqday akhrintiisa
ayey ahayd inay dadaasi xusaan magaca
qoraha iyo magaca buugga ay ka soo xig-
teen intaba. Hase ahaatee, waxay u muuqtaa
in dadka falalkaasi ku kacay ay yihiin qaar
aan qoraha iyo cid kalatoon libin u oggo-
layn.
Waxa kale oo aad mooddaa in falkan foosha xumi
uu faraha ka baxay, loona baahan yahay in
si degdeg ah wax looga qaban. Si aanay
haddaba taasi inooga noqon dhaqan xumo
joogto ah maxaa habboon in la yeello?. Waa
iska caddahay waxa ay tahay in la
sameeyaa. Haddii aad u fiirsato ama
dhugato, bar walba, wargeys kasta, iyo buug
kasta cid ayaa ku qoran oo masuul tafaftire
ka ah. Maxay tahay shaqada qofkaasi? Ma
og yahayse qofkaasi masuuliyaddaasi in if
iyo aakhiraba lagala xisaabtami doono?
Waxa aan odhan karnaa in la xoojiyo, oo
foojignaan badan loo yeesho iska ilaalinta
qoraal ergis ama rifiddaasi iney tahay ta
keliya ee lagu soo celin karo wanaaggii iyo
sharaftii qoraayada warsidayaasha ama deg-
gellada. Dunida waxa jira sharci kaa reebaya
wax inaad siduu yahay u soo qaadato, waxa
jira sharci kuu diidaaya wax badan oo aad
soo cantoobato. Sidaa si leeg ayaa dhaqan
ahaan iyo sharci ahaan aynaan inaguna u
lahayn ineynu ku talax tagno arrintaas
foosha xun. Waa waajib iyo xil saaran qofka
Buug la rifay Bogga 17aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
tafaftiraha ah inuu eego, hubiyo, qeexo,
sheego, wax kasta oo ay tahay in laga
foojignaado, haddii kale magaca iyo maa-
muska uu sheeganayaa waa waxba kuma
taal. In magaca iyo sharafta qoraalka la
dhawro waxa ay tahay shaqada koowaad
ee qofkaasi, isaga oo raacaya nidaamka
caalamiga ah iyo kan dadkeennu ku
dhaqmaanba.
Qoraal waad xigan kartaa, waxna waad ka soo
qaadan kartaa, adiga oo aan ku xadgud-
beynin nimaadka u dejisan arrintaasi.
Waxa aad sheegi qoraha, bogga, iyo
buugga aad xiganeyso waxa uu yahay,
waxa aad sheegi kartaa shirkadda iyo
wakhtiga la daabacey iyo meesha lagu
daabaceyba. Waxa jira aqoon dheeraad ah
oo arrimahaas ku saabsan oo u baahan
iney daraaseeyaan dadka tafaftirayaasha
ahi. Haddii kale waxa hubaal ah iney
dadka soo dhex dhigi doonaan wax aan
laga qaadan karin oo sida buuggaasi aan
soo sheegey qoraallo looga soo qaatey, ay
iyaguna ugu buuxsan doonaan halka ay
wax ku qorayaan, taasi oo niyad jab iyo
fool xumo badan ku keeni karta waxqa-
badkooda
Qoraha buuggaasina waxa aan leenahay iska
samir inta ummaddaadu baraneyso shar-
ciga qoraalka, hana ka caajisin kaalintii
aad ugu jirtey bulshadan ee u heelanaanta
qalinka iyo qoraalka ahayd. Aniga oo ku
kalsoon in maalin uun wax isbeddali
doonaan. Sidaa si leeg ayaan qorayaasha
kale ee Soomaaliyeed iyagana ugu leeya-
hay inta aan qoraha buugga Sirta Guurka
aan idhi uun.
Bogga 18aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Habeen iyo dharaar, Hadalladaan dhisnaa, Afkeenna hooyo oo, Horumaraan ku hamminaa, Hoggaaminnaa, Had iyo jeer habnaa, Oo waan hagaajinnaa, Ma hagrannee, Waan u hawl-galnaa
Bulsho kasta oo aduunka ku nooli waxay
leedahay af ay ku abtirsato kagana du-
wan tahay ummadaha kale. Afku wuxuu
la jaanqaaada lana kobcaa horumarka ay
bulshadu ka samayso dhinacayada kala
duwan ee hawl maalmeedka sida
dhaqaalaha, waxbarashada, siyaasadda,
iwm. Sidoo kale wuxuu la hanaqaadaa
isbeddelada ku yimaadda dunida ku
xeeran. Haddaad dib u jaleecdo buugaagtii
dugsiyada lagu dhigan jiray waxaad daree-
maysaa in dadka af celinta ku sameeyey ay
si xeel-dheer oo fiican u yaqaanneen
afkooda hooyo iyo dhaqankoogaba. Sidaa
si la mid ah waxay u garanayeen aqoonta
ay ka af celinayeen. Markaad u fiirsato
eraybixintii xisaabta, waxaad fahmaysaa
siday dhaqan keenana u soo noolaynayeen,
aqoonta xisaabtana u gudbinayeen. Waa
laba hawlood oo laysku lifaaqay. Bal ka
feker xidhiidhka dhaqameed ee ka
dhexeeya erayadan iyo qaybta xisaabta ee
ay ka af tebinayaan:
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Jeedshe(Directrix) Kulmis (Focus)
(Xisaabta Fasalka Saddexaad ee dusiga sare)
...eeg bogga 23aad
Hal-bixinta Ereyada Kumbuyuutarka
Fu’aad Sh. Abu Bakar
Bahda Mareegta Farshaxan
1. Shibbanayaasha:
a) DH............. R
Adhi ............ Ari
Foodhi.......... Foori
Yidhi ............Yiri
Cadho ..........Caro
Gabadh ........Gabar
b) B............. M
Laba ........... Lama
Habeen .......Hameen
Toban .........Toman
Tabar .........Tamar
C) C .......... Q
Candhuuf ......... Qandhuuf
d) D ........... dh
Bud ........ Budh
e) X ......... Kh
Xaako ......... Khaakho
f) M .......... N
Xasilloonnidarrada far Sopomaaliga Bogga 19aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
XASILLOONIDARRADA
FAR SOOMAALIDA
Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo” [email protected]
A fna ma taabbagalo haddii qoraalkiisu aanu xasilin. Xasilloonidarrada dhi-gaalkuna waa dhibaatada ugu weyn ee hadda af Soomaaliga haysata. Dad badan oo qoriddiisa xiiseeyana waa arrin walaac ku haysa. Waxaan hadd-
aba qoraalkan wax yar kaga ifini arrintaa aniga oo u kala saaridoona dhibaato ka taagan xagga dhawaaqa iyo mid ka aloosan dhinaca qoraalka. Waxa kale oo aan isku deyi inaan tilmaan yar kabixiyo sida ugu habboon ee loo maarayn karayo
dhibaatooyinkaa iyaga ah. 1972kii waxa la qaatay in af Soomaaliga xuruufta laati-inka lagu qoro. Hayeeshee lama guddoomin in isku si loo qoro. Waxan ujeedaa lama qeexin sida loo kala duwayo qoraalka iyo hadalka. Arrintaasina, runtii,
waxay dhalisay in qofkastaa Afka u qoro sida uu
isagu ugu hadlo. Tusaale ahaan
Shimbir .......... Shinbir
Sambab ..........Sanbab
Dambe ........... Danbe
Gambo ............Ganbo
g) J ........... Y
mooji .......... mooyi
jaxaas......... yaxaas
2. Shaqallada:
a) I ........ U
Dib ......... Dub
b) O ........... A
Gobol ......... Gabal
c) U ........ I
Dhufasho ........ Dhifasho
d) A ............. I
Tallaabo ......... Tillaabo
Arrintani runtii waxay dhibaato xoog leh ku
haysaa dad badan oo afka barta oo
shisheeye iyo sokeeyaba leh. Dhab
Caanagaleen - Caano-galeen.
Furayaal - Fure-yaal.
Indhakuul - Indho-kuul.
Kaaliyayaal - Kaaliye-yaal.
Qaansaroobaad - Qaanso-roobaad.
weriyayaal - weriye-yaal.
Waxa tilmaan gaar ah ayana mudan ereyada
isku dhigmada ah hayeeshee kala dhi-
hidda ah oo ay adagtahay in la kala
saaraa. Tusaale ahaan:
Addoon - Addoon
Awr - Awr
Baqal - Baqal
Baraarug - Baraarug
Beer - Beer
Curad - Curad
Dameer - Dameer
Diin - Diin
Fool - Fool
Gar - Gar
Gool - Gool
Inan - Inan
Raran - Raran
Haddii erey kasta oo ereyadaasi ka mid ah
qodobkiisa la raaciyo si hawlyar baa loo
kala garan karaa sida:
Addoon(-ka) - Addoon(-ta)
Awr(-ka) - Awr(-ta)
Baqal(-ka) - Baqal(-sha)
Baraarug(-ga) - Baraarug(-ta)
Beer(-ka) - Beer(-ta)
Curad(-ka) - Curad(-da)
Dameer(ka) - Dameer(-ta)
Diin(-ka) - Diin(-ta)
Fool(-ka) - Fool(-sha)
Gar(-ka) - Gar(-ta)
Gool(-ka) - Gool(-sha)
Inan(-ka) - Inan(-ta)
Raran(-ka) - Raran (til.)
Waxa, haddaba, jirta kol aanay ereyadaasi
qaadan karin qodobbo oo ay adagtahay
in la kala saaraa. Kolkaasi oo ah kolka
ay ereyadu weedho ku jiraan. Tusaale
ahaanna, dhibaatadu maaha mid af
Soomaaliga keli ku ah ee waa mid ay afaf
badani soo mareen kana soo gudbeen loona
baahan yahay inaynu dhugmo gaar ah u yee-
lanno. Waxa afafkaa ka mid ah af Carabiga.
Tusaale ahaan, dalalka gacanka carabta,
dadku xarafka Kaaf ‘ك’ waxay ugu dha-
waaqaan Jiim ‘ج’. Marka ay isbariidi-
nayaanna waxay yidhaahaan ‘Jeef xaalaj? جيف-Hayeeshee kolka ay qoraal noqoto wa .’حالج
xay qoraan ‘Keef xaalak?كيف حالك’. Dalka
Masar dadkiisu xarafka‘Qaaf ق ’ waxay ugu
dhawaaqaan ‘A أ ’ Marka uu haddaba qof
Masriyihi doonayo inuu kugu yidhaa ‘waxan
ku leeyahay’ wuxuu ku odhanayaa ‘A’ullak’.
Hase ahaatee kolka uu qoraal maago waxa uu
qorayaa ‘Aqullak أقلك’.
Afka Ruushka haddaan dhankiisa eegno sidaas oo
kale ayaan aragtidan mid la mid ah ugala kul-
maynaa. Tusaale ahaan dadka u dhashay ama
ku barbaaray jamhuuriyadda Ukraa’iin xaraf
ka ‘g’ waxay ugu dhawaaqaan ‘H’. Kolka uu
qof doonayo inuu ku yidhaa ‘waxan ku hadlaa
af-ruush’ wuxuu ku odhanayaa ‘Yaa habaa -
ruu baa Ruski’. Hayeeshee kolka ay qoraal
tahay waxa uu qorayaa ‘Yaa gafaaruu baa
Ruski’.
Γ ( ga ) = H ( ha )
Af-ingiriiska qudhiisa aragtidan oo kale waan
kala kulmaynaa. Tusaale ahaan magaalamad-
axda Kanada dadka reer Kanada waxay ugu
dhawaaqaan ‘Odhowa’. Hase ahaatee kolka la
qorayo waa ‘Ottawa’. Ereyada kala ah
‘bottle’, ‘Bottom’ iyo ‘Butter’ waxay ugu
dhawaaqaan ‘Bodhol’ , ‘Bodhom’ iyo
‘Badhar’.
Sida aan haddaba soo tibaaxay, xasilloonidarradu
dhawaaqa oo qudha kuma koobna ee qoridda
lafteeda way saamaysaa. Waxa iyana loo baa-
han yahay in si uun laysku raaco si qoraalku
isku mid u noqdo. Tusaale ahaan:
Barayaal - Bare-yaal.
Biyamareen - Biyo-mareen.
Bogga 20aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
ahaan, haddii la yidhaa:
Xaddiyo inan bay ummushay.
Geeddi baa gool dilay.
Shukri waa curad.
Cali dameer buu fuulay.
Baqal baan arkay.
Weedha hore lama kala garan karo inay
Xaddiyo gabadh ummushay iyo iney
wiil ummushay. Midda labaadna lama
sheegi karo inuu Geeddi awr gool ah
dilay iyo inuu baranbarqo dilaytoona.
Shukri ma curaddii reerkaa mise waa
curadkii? Cali muxuu fuulay ma
dameerkoodii mise dameertoodii?
Aniga qudhaydu maxaan arkay ma
baqalkii la cunayey mise baqashii gam-
maanka ahayd?
Ereyada shaqalka culus iyo kuwa sha-qalka
fudud baa qudhoodu u baahan in
qoraalka lagu kala qeexo sida:
Dul(-ka) - Dul(-sha)
Duud(-da) - Duud(-ka)
Daaf(-ka) - Daaf(-ta)
Duulid(-da) - Duulid(-da)
Maagid(-da) - Maagid(-da)
Sugid(-da) - Sugid(-da)
Tuur(-ka) - Tuur(-ta)
Tusaalooyinkii hore (kuwa dhawaaqyada)
waxa innooga dhuroobey iney jiraan
dad badan oo dhibaatooyinka aan ka
cabanayno soomaray oo aan la wa-
daagno. Hayeeshee ay si habboon oon
turxaan lahayn u maareeyeen. Waxa
kale oo halkaa innooga muuqata in afkii
loo kala saaray mid qoraalka u goon-
niya oo laga simanyahay iyo mid ha-
dalka u gaar ah oo qofkastaa u hadlo
sida uu isagu jecel yahay. Waxa kale oo
tilmaan mudan in la sheego inaanay
dadkaasi afkooda kala sheeganin ama
kala xigteysanin. Haddaba, sida keliya
ee uu af Soomaaliguna dhibaatadaa
kaga bixikaraa waa iyada oo afka loo
kala saaro sida afafkaa aan soo tilmaamay:
a) Af qoraalka u gaar ah, iyo
b) Af hadalka u goonniya (af-guri ).
Midhkaas oo aan ula jeedo inaan qof waliba u
qorin afka sida uu isagu ugu dhawaaqo ee uu
Af-soomaaligu noqdo, sida afafka kale, mid
si loo wada qoro.
Waxa haddaba isweydiin leh sida loo xulanayo
dhawaaqa la qaadanayo. Qof ahaan waxa
aniga ila qumman in laba arrimood mid la
yeelo. Waa ta koobaade in la qabto guddi-
aqooneed afka aqoontiisa ku talax tagtay
kana kooban dhammaan gobollada Af
Soomaaliga lagaga hadlo. Guddidaas oo
xilkeedu noqon doono inay inoo soo xusho
dhawaaqa aan qoraalka u qaadandoonno
ayaka oo ka eegaya dhinacyo badan sida:
naxwaha, dhaqaalaha, afka quruxdiisa iyo
weliba aragtiyo kale oo laga yaabo iney
jiraan hayeeshee aanan hadda haabka ku
hayn. Waa ta labaade in tirakoob la sameeyo
oo dhawaaqa loo bato qoraalka loo qaato
iyada oon loo arkayn, kii la doonaba ha la
qaatee, in dhawaaqa la qaataa ka wanaag
sanyahay kuwa kale een la qaadan.
Tusaalooyinka dambe dhawr aqoonyahan baa
isku deyey iney wax ka qabtaan. Tusaale
ahaan Dr. Yaasiin C. Keenaddiid wuxuu ku
adeegsaday buuggiisa la yidhaa Qaamuuska
Af Soomaaliga (1976) astaantan soo socota:
Dulº (-ka)
Duuf° (-ka)
Duudsi°(-ga)
Duulidº (-da)
Sugidº (-da)
Maagidº (-da)
Tuur° (-ka)
Waxa ayana astaanta hoos ku qoran ku adeegsa-
day buugga la yidhaa Dizionario Somalo-
Italiano (1985) aqoonyahannada kala ah
Ciise Maxamed Siyaad, Agostini, Francesco,
and Annarita Puglielli:
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Xasilloonnidarrada far Sopomaaliga Bogga 21aad
Dul(-ka)
Duuf (-ka)
Duudsi(-ga)
Duulid (-da)
Sugid (-da)
Maagid (-da)
Tuur(-ka)
Aniga qudhaydu waxan damcay inaan ku
adeegsado buugga la yidhaa Abwaan cusub
oo af Soomaali iyo af Ingiriisiya (1995)
astaan ka geddisan kuwa aan sheegay.
Tusaale ahaan:
_ Dul (-ka)
_ Duuf (-ka)
_ Duud(-da)
_ Duulid (-da)
_ Sugid (-da)
_ Maagid (-da)
_ Tuur(-ka)
Haseyeeshee, markii aan ogaaday iney jiraan
aqoonyahanno arrinka dhaaday iskuna
deyey iney hortey wax ka qabtaan ayaan
go’aansaday inaan uga hadho kalana doorto
labadaa astaamood ee ay adeegsadeen.
Waxanan qaatay midda dambe, iyada oo ay
ujeeddadaydu ahayd inaan lays barbar
cararin, qof walibana doonin in la yidhaa
isaga ayaa tiisii la qaatay. Haddii aragtiyo
kale la keenayana waa arrin furan.
Astaamahaasi waxay gaar u yihiin, sida muu-
qata, ereyada shaqalladoodu culusyihiin iyo
kuwa la dhigidda ah oo qudha, kuwaasi oo
ayana u baahan in la mideeyo. Kuwa isku
dhigidda iyo kala dhihidda ah een soo til-
maamayna waxa habboon oo lagama maar-
maan ah in ayana astaamo kuwaa la mid ah
ama ka geddisan lagu adeegsado. Tusaale
ahaan:
Xaddiyo ínan (wiil) bay ummushay.
Xaddiyo inán (gabadh) bay ummushay.
Geeddi baa gòol (awr) dilay.
Geeddi baa góol (baranbarqo) dilay
Shukri waa cúrad.
Shukri waa curád.
Damèer baan fuulay.
Daméer baan fuulay.
Báqal baan arkay.
Baqál baan arkay.
Hadal iyo dhammaantii, qoraalkan kooban
waxaan kaga soo hadlay qaar ka mid ah
xasil-loonidarrada ka jirta af-soomaali
ga, aniga oo tusaalooyin ka bixiyey, til-
maamayna sida ugu habboon ee loo
maarayn karayo. Waxan soo bandhigay
aragtida ah in afka, sida afafka kale, loo
kala saaro af qoraalka u gaar ah (si afka
iskusi loogu qoro) iyo mid hadalka u
goonniya (si uu qof kastaa ugu hadli karo
dhawaaqa jiiddiisa u gaarka ah). Waxa
kale oo aan tibaaxay iney jiraan ereyo ay
adagtahay in lagu kala saari karo dhanka
qoraalka oo ayana u baahan wax ka qa-
basho. Aniga oo aragti ahaan tilmaamay
sida ay iila muuqato in wax looga qaban
ka-rayo. Haddii aan, haddaba, arrimahaa
iyo qaar badan oo kale wax laga qaban
waxa hubaal ah inuu afku sidaas u mu-
rugsanaandoono murankuna u jiridoono.
RaadraacRaadraacRaadraacRaadraac
Abraham,R.C.1964,Somali-English Diction -
ary, London: University of London Press
(reprinted in 1968 ).
Agostini,Francesco, Annarita Puglielli and
Ciise Moxamed Siyaad (Eds.) 1985 Dizi-
onario Somalo-Italiano Rome: Coopera-
zione Italiana allo Sviluppo.
Andrzejewski, B. W., The development of a
national orthography in Somalia and the
modernization of the Somali language,
Horn of Africa ( journal ), Vol.1 No.3,
July / September 1987.
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Bogga 22aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo",
Abwaan Cusub oo Af-soomaali iyo Af-
ingiriisiya: A Modern Somali-English
Dictionary, printed by Ottawa Roman
Catholic Separate School Board, 1995.
xxix,468 pp.
___Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddoo
yin ka magac-yada iyo Naanaysaha
Soomaaliyeed, published by the author,
Ottawa, September 1998. 1st edition. x,
209pp.
Cabdiraxmaan C. Mansuur iyo Axmed
Cabdullaahi A., Qaamuus Af Talyaani-
Soomaali, Daa bacaaddii Koowaad,
1985. xii,180pp.
Cabdiraxmaan Ciise Oomaar iyo Siciid
Warsame Xirsi, Af-garad: Qaamuus
Ingiriisi-Soomaa -li/English-Somali Diction-
ary, Mogadisho.
D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cus-
maan, Abwaan Urursan Af-soomaali iyo
Ruusha, Ruush iyo Soomaaliya, Moscow,
1969. 319pp.
Luling, Virginia, Somali-English Dictionary,
Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi,
605pp.
Maxamed Cabdi Maxamed, Eraybixin
Soomaali-Faransiis/Lexique Somali-
Francis, Besancon, 1987. ix, 128pp.
____Dictionnaire Francis-Somali/Qaamuus
Faransiis-Soomaali, 2vol. Paris, 1986. ix,
598pp.
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Xasilloonnidarrada far Sopomaaliga Bogga 23ad
indhasaabayna dib u soo nooleeyey Cabdi
-raxmaan C. Faarax “Barwaaqo” oo
qalinkiisa iyo waqtigiisa u huray siduu
eray bixintaa innooga haqab tiri lahaa
markuu qoray buug dhan oo ka hadlaya
eraybixinta aqoonta Computer-ka oo uu
ugu magac daray: “Hal-bixinta Erayada
Kombiyuutarka”. Bishii hore (January
2008) waxa, haddaba, ii suurtogashay
inaan akhriyo buuggan inkastoon isaga oo
gacanta lagu hayo aan si kor ka xaadis ah
u dulmaray horraantii sannadkii 1991kii
annagoo ku sugan magaalada Diredawa
ee carriga Itoobiya. Markaasi oo uu
qoruhu talowadaag kala yeelanayey ab-
waan Maxamed Ibraahim Warsame
“Hadraawi”.
Buuggani wuxuu ka kooban yahay ugu
yaraan toban cutub. Waxaanu si qoto
dheer ugu talax tagey dhinacyo badan oo
Kombuutarka ah, taasoo innoo fududay-
naysa barashadiisa oon u baahneyn qofku
inuu af qalaad yaqaano.
...eeg bogga 27aad
...ka timid bogga 18aad
Ama bal u fiirso xeerkii saddexaad ee Keplar
marka af tebin qurux badan lagu
sameeyey:
“Majiiraha meerayaashu waa goobo qabaal ay
qoraxdu bar kulmis u tahay”
Tani waxay si qiimo leh u suurtogalisay in
si fudud loo qaybi karo loona baran karo
macnaha xeerkaasi gudbinayo, iyadoo
arday kastaa fahmayo ujeeddada xeerka
awoodna u helayo inuu isticmaalo afkiisa
hodanka ah ee aqoonyahankeennu ku soo
gudbiyey.
Ragga aynu u tirino dadaalkaa waxaa ka
mid ahaa Xasan Aw Daahir (iminkana
Professor ka ah Jaamacada Camuud),
Bashiir Faarax Kaahiye (IHUN), iyo
kuwo kale oo badan. Hase yeeshee, u
fiirsasho la’aanta arrintaasi waxay hana-
siisaa dad badan inay yidhaahdaan eray
bixin looma heli karo aqoonta cusub sida
tan Computer-ka, waxaase arrintaa si la
yaab leh u gorfeeyey dadaalkaa la iska
Bogga 24aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
3. Utun.
5. Talo iyo wax la mid ah oo loo baahan yahay
7. Dhibic madaw oo oogada dadka ku dhigta.
8. Wuxu la mid yahay ereyga 2aad.
9. Tulud geel ah oo dheddig.
10. Shaqal dheer.
11. Beer ama samee.
15. Caanaha laysku biiriyo habeenka reerku loxoska
yahay
16. Dareeraha cad ee xoolaha laga maalo..
17. Shaqal dheer.
20. Dhenged.o
22. Sixir.
23. Badh; qayb.
25. Aroortii kolka ay cadeeddu dhulka diiriso.
27. Ka warqaba.
29. Cod bixin; doorosho
30. Kuus ciid ah ama sonkor ah.
33. Bulaan; buuq iyo sawaxan.
Singudub:
1. Hadalka kolka la kala asooro
mid ka mid ah qaybihiisa .
4. Hu’; maryaha la xidho,
6. Dhawaaq kolka wax lala yaabo
lagu dhawaaqo.
7. Dhul bannaan oo aan geedo
lahayn.
9. Baro waa weyn oo dumarka
dhabbannada kaga dhiga..
12. Ereyga hooyo kolka la adeeg-
sanayo erey kale oo lagu
ladho.
13 Isla weyni, kibir (ereygu ma-
gacna wuu noqdaa.)
14. Magaca Ururka Qaramada
midawday ee afka Ingiriiska
kolka la soo gaabsho..
16. Dhawaaqa ka mid ah hig-
gaadda af Soomaaliga oo aan
higgaadda af Ingiriiska ku
jirin.
18. Dhawaaqa xarafka ‘m’.
19. Erey kale oo loo yaqaan
gaadhiga.
21. Oori, maranti; xaas.
24. Ilmaha kolka xoog lagu seexi-
nayo ama kolka timaha dib loo
seexiyo
26. Harraadka.
28. Neefka kolka haragga la saaro
ludka mooyee inta soo hadha.
32. Qalin wax ku dhigid.
34. Geela kolka la lisao xumbada
caanaha kor marta.
Qoton : 1. Magaalamadaxda S/Laand.
2. Dhawaaq kolka wax lala yaabo
lagu dhawaaqo.
Hal-xidhaalaha 1 aad
Furaha hal-xidhaalaha kala soo tir-
siga dambe
1 2 3 4 5
6
7 8 9 10 11
12 13
17 18 14 15
19 16 17 18
19 20
21 22 23
24 25 26 27
28 29
30
32 33
34
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Maxay ku kala duwan yihiin …. Bogga 25aad
D ad badan baan kala aqoon ama ay ku
adagtahay kala saaridda hal-hays-ka,
odhaahda iyo maahmaahda. Taasina
waa ta keentay in dhawaa-nahan ay soo
baxaan dad sheegaya inay maahmaaho
sameeyeen .
Si aan arrintaa uga niib gaadhno waxan ku
dadaallay inaan arrintaa wax ka weydiiyno
Prof. Georgi Kapchits oo ah aqoon yahan u
dhashay dalka Ruushka kuna xeel dheer
aqoonta maahmaahaha, gaar ahaanna kuwa
Soomaalida. Isaga oo arrintaa ka warceli-
nayana wuxu yidhi:
“ Haddii la soo koobo, Maahmaahdu waa
weedh murti leh oo la wada yaqaanno,
misna XIDHAN. Waxayna u kala baxdaa
saddex jaad:
A. Mid sarbeeb leh (Geel aan gaawo loo hayn
lama godlo),
B. Mid aan sarbeeb lahayn (Caado la gooyey
cadho Allay leeahay);
C. Mid ay dulucdeedu mugdi tahay, hadii aan la
aqoon sheekada ka dambeysa (Tuugow, hil-
laaca yaa kula ogaa?)
Odhaahduna waa weedh murti leh oo la wada
yaqaanno, misna FURAN (wax laga beddeli
karo ama lagu dari karo). Iyana waxay u
kala baxda saddex jaad:
A. Mid sarbeeb leh (Markii geel loo hee-
suu dameerro u heesaa ---> Markii
geel loo heesuu Barwaaqo dameero u
heesaa);
B. Mid aan sarbeeb lahayn, tusaale ahaan:
Gaabni iyo gacan maroodi waxba
ugama dhexee-yaan ---> Barwaaqo
gaabni iyo gacan maroodi waxba
ugama dhexeeyaan);
C. Mid ay dulucdeedu mugdi tahay, hadii
aan la aqoon sheekada ka dambeysa
(Maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa?
---> Georgi wuu ku dhacay Bar-
waaqo, markaasuu dabadeedna ku
yidhi: Muxuu ku nuugaa ama ka
nuugaa?)
Halhayskuna waa weedh murti leh oo la
wada yaqaanno, uuna HEBEL yidhi:
Findhicil ma xaraan baa mise waa
xalaal?”
Anna waxan intaa ku darayaa oo aan ra-
baa inaan caddeeyo inaan maahmaaha
iyo odhaahaha midna la samayn, lana
aqoon ciddii samaysay ama tidhi.
Waa murti ka dhalatay bulshada kuna
dhisaalan waayo aragnimadeeda, ga-
rashadeeda iyo ilbaxnimadeeda in-
taba. Halhayskuse sida uu Prof.
Georgi sheegay waa murti la yaqaan
qofkii yidhi. Sidaasi awgeed, dadka
dhowaanahan sheegaya inay maah-
maaho sameeyeen waxa habboon
inay yi-dhaahdaan murti baannu soo
kordhinney. Qaadashadeedana u
dhaafaan dadweynaha.
Maxay ku kala duwan yihiin hal-hayska, odhaahda iyo maahmaahdu?
Bogga 26aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Baadi-sooc waxa uu kow u yahay taxane buugaaga ah oo loogu magacdaray Madhxiye. Himilada
taxanahan laga leeyahay waa in weel lagu kaydiyo loo sameeyo suugaanta maanta dhalanysa ee hal-
abuurayaasheedu ku jiro ama ku jirto xilligii wax soo saarka. Ka eeg faah-faahin dheeraad ah iyo
buugaagta soo socota ee taxanahanba www.redsea-online.com/madhxiye.
“Baadisooc waa baal milicsiyeed ka mid ah suugaantii Abwaan Axmed Aw Geeddi uu sannadahan
dambe oo dhan naga durduursiin jiray fagaarayaasha lagu soo bandhigo fanka iyo suugaanta ee
caasimadda Somaliland ee Hargeysa."
Cabdalla Xaaji Cusmaan, qaybta
dhaqanka, suugaanta iyo kaydka R.T.D., Jabuuti
“Axmed Aw Geeddi is a prominent young poet living in Hargeysa whose poetry is often to be heard
performed to music on the cassette players, radios and televisions of the city. I have translated four of
his well known recent poems Berri Soomaal ‘Land of the Somalis’ and Sumalow Darbane ‘Oh Able
Ram’, Turwaa and Dumar waa ma dhaafaan”
Dr. Martin Orwin, Lecturer in Somali and Amharic, School of Oriental
and African Studies ‘SOAS’, University of London
Qoraha/ Iskudbariddaha buuggasi, waa Khaalid Jaamac Qodax waxa uu ku dhashay Hargeysa
1982kii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ku dhammeystey dugsiga Faarax Oomaar. Waxa uu sannad-
kii 2008-ka ka qalin jabiyey Jaamacadda Hargeysa, kana qaatey Darajada koowaad ee maamulka iyo
maareynta. Waa xubin ka mid ah Naadiga Akhristayaasha Hargeysa. Waxa uu hadda daggen yahay
caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Khalid Jaamac Qodax
Baadi-sooc - suugaan dhiganaha Axmed Aw Geeddi
Ponte Invisibile, Pisa, 2011
ISBN: 88-88934-26-X AEN 88-Suugaan
Diihaal-reeb Bogga 27aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
...ka timid bogga 23aad
Oggoli oo waxbarashadu wey egtehee
Af gumaysi ayeynu addoon u nahee
Ammankaag iyo yaab argaggax
Aboowe macaanow hooy
ii sheeg maxaa kuu daran
Abaaye macaaney hee
waan asqaysanehee ku aaway?
Af qalaad aqoontu miyaa? Cali Sugule 2
Buuggani wuxuu si la yaab leh u soo bandhigayaa
eray bixin aad u la yaab leh oo si xeeldheer
kuu baraysa dhaqankeenna qotada dheer. Run-
tii markaan akhriyey waxaan aad ugu farxay
in ay jiraan dad u heellan horumarinta afkeena
hooyo, una huraya inta mudan oo dhan sida
waqtiga iyo maalka .
Markaad si heersare ah ugu fiirsato abwaan-
nada nool, ka sokow curinta maansooyinka
lagu yaqaan, waxay soo nooleeyeen dhaqankii
ummaddani laheyd sugeenna inuu sii jiro. Si-
doo kale ayuu qoraha buugganina (Barwaaqo),
ka sokow u tafaxaydashada iyo sugidda inuu
afka Soomaaligu la hanaqaadi karo aqoon
kasta dhinaca eraybixinta, wuxuu soo noolay-
nayaa dhaqankeennii suubanaa. Waxaanu inna
barayaa hab nololeedkii ka jiray miyiga.
Waxaa si la yaab leh ii soo jiidatey siduu ugu
xulay eraybixinta isagoon ka tegayn macnihii
uu xanbaarsanaa erayga laga af celinaya
taasoo had iyo jeer dhacda marka la
sameynayo af tebin (but nothing gets lost in
translation in this book).
Qofka inuun isku dhibay barashada computer-
ku wuxuu garanayaa weeleeyaha computer-ka
loo yaqaan Hard-drive. Haddaad soo iibsato
oo uu kuugu yimaaddo sifo ah “unformatted”
ma isticmaali kartid. Cabdiraxmaan Barwaaqo
markuu eegay arrintan ayuu dhaqankeennii
dib ugu noq-day, ogaadayna inaan weelka
qabada ah la adeegsan, waxna lagu shuban,
lana yidhaa ‘Gocayo’. Sidaa darteed ayuu
qoruhu eraygaa gocayada ugu adeegsadey ka
falcelinta erayga ‘unformatted’. Marka
loo diyaarinayo weeleeyahana –Hard
drive- in la siticmaalo waa la format-
gareeyaa. Isaga oo arrintaa Soomaali-
yeynaya wuxu yidhi qoruhu, “ Kolka
haan ama gorof iwm., laga saarayo
gocayanimada waa la agloolaa, ama
waa la xooleeyaa ama waa la layeeyaa
qofba sida uu u yaqaan.” Erayada
xoolaynta, layeynta ama aglooliddu
dhamaantood waa isku macno. Hase
yeeshee degaanno kala duwan baa
lagu kala adeegsadaa. Sidaa darteed
buu quruhu ereyada isugu macneeyey:
Format - Aglool. Formatted - Agloolan. Formatting - Agloolid. Reformat - Dib u aglool Unformatted - Gocayo ah.
Qoruhu isagoo tusaale kale inna siinaya
wuxuu yidhi: Inta aynaan weli ka soo
geddoomin xaggii miyiga, xadhig
kolka la soohayo, ninkii arkay ragye,
hadba laag baa gaabata markaasaa tu
kale (laag kale) oo hor leh lagu da-
bakaraa. Sidaas baana xadhigga hadba
dhererka la doonayo lagu gaadhsiiyaa.
Dabakariddaa,haddaba, waxa loo
yaqaan "nudid". Laag ta wax lagu nu-
dayana “nud” baa la yidhaah. Kumbu-
yuutarkana sidaas oo kale ayaa kolka
meeris (text) lagu qoro hadba loo da-
bakaraa oo wixii ka dhiman loogu
daraa. Taas oo iyana loo yaqaan
"Appending". Labadaa arrimoodba
sidaa ayey isugu dhigmaan oo si hawl
yar la isugu hal-tebin karaa. Ere-
yaduna waxay isugu dhigmayaan si-
dan :
Append - Nud. Appended - Nudan. Appending - Nudid.
Waxaan kusoo gabagabeynaynaa inuu
...eeg bogga 31aad
Bogga 28aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Tel: 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 479-6079 , 1-613- 247-0549,
reyso tirinta gabayada. Wax cir ka soo
dhac ah ma aha in John W. Johnson uu
Shirkii 8aad ee cilmibaarista Soomaaliy-
eed ee lagu qabtay Hargeysa sannadkii
2001dii uu ka soo jeediyey warbixin uu
magac uga dhigay "A Comparison of the
Oral Poetic Styles of Performance be-
tween Somali and Mande Traditions: To-
ward a Unified Theory of Oral Poetic
Composition".
Haddaba ka dib markii aan ogaaday magac-
bixintu sida ay ugu muhimsan tahay
Mandinka ayaa waxaan is idhi: "Malaha
Soomaalidu taa kagama duwana e hubso!"
Taasina waxay keentay inaan baadhitaan
ku sameeyey maahmaahihii waagaas
gacanta iigu jiray oo ay ka mid ahaayeen:
Magacaaga wax badan baa yaqaaan,
muuqaagana wax yar baa yaqaaan
(Xasan Yacquub "Baabraqiis". Waari
mayside war ha kaa haro. Xamar, 1974)
iyo Magac iyo masiibo maalin bay dha-
caan oo aan ka bartay "Qonof". Maah-
maahda koowaadi waxay soo qaadday
qaayaha aan la soo koobi karin ee magacu
uu leehyahay, midda labaadina waxay
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Waa kan buuggii aan sugayey`24ka gu’
Gorfaynta
buugaagta
SSannadkii 1978kii saaxiibkay Khaliif Nuur
Cali ‘Qonof’ oo waagaas wax ku bara-
neyey Moosko wuxuu hadiyo ii siiyey
s h e e - k a d a l a y i d h a a h d o
“Roots” ("Xididdo") ee uu qoraaga
mareykanka ah Alex Haley dib ugu raad-
raacay asalkiisii. Sheekada wuxuu ku
bilaabay sida soo socota: "Early in the
spring of 1750, in the village of Juffure,
four days upriver from the coast of The
Gambia, West Africa, a manchild was
born to Omoro and Binta Kinte…By an-
cient custom, for the next seven days,
there was but a single task with which
Omoro would seriously occupy himself:
the selection of a name for his firstborn
son. It would have to be a name rich with
history and with promise, for the people
of his tribe – the Mandinkas – believed
that a child would develop seven of the
characteristics of whomever or whatever
he was named for."
Mandinka (Mande) iyo Soomaalidu inkastoo
ay kala fog yihiin, haddana waxyaalo
farabadan bay wadaagaan, ayna ugu hor-
DrDr. George Kapchits baa gorfayntan ku sameeyey buugga la yidhaa Magac Bilaash uma
baxo: Ujeeddooyinka magacyada iyo naaneysyada Soomaaliyeed oo uu qoray Cabdirax-
maan Faarax Barwaaqo. Sida uu magaca buuggu tilmaamayo waxa uu wax ka iftiiminaya
aqoonta magacyada Soomaalida iyo sidii ay dadka Soomaaliyeed magacyada ula bixijireen.
Aqoonta magacyada Soomaaliyeed buuggaasi hortii waxay ku sugnayd, sida Dr. Kapchits
tilmaamay, xaalad ah cidna uma maqna ceelna uma qodna.
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Waa kan buuggii aan ugaayey 24ka gu` Bogga 29aad
muujisay in Soomaalidu ay isku si u
eegaan qofka magaciisa iyo sharaftiisa.
Waxaan tegey maktabadda Moosko ugu
weyn ee laga helo buugaagta adduunka oo
dhan ka soo baxda. Dabadeed waxaan
weyddiistay buug aan ka baran kari lahaa
caadooyinka magac bixinta dadka soomaa-
-liyeed. "Buugga aad dooneyso weli lama
qorin", baa la igu yidhi.
"Omoro then walked out before all the assem-
bled people of the village. Moving to his
wife’s side, he lifted up the infant and, as
all watched, whispered three times into his
Haddaad danaynayso Abwaankan codsigaaga ku
soo hagaaji:
A.A.Farah “Barwaaqo”
861 Karsh Drive,
Ottawa, Ontario
K1G 4T9
C A N A D A
Tel. (613) 247-0459
e-mail: [email protected]
Ama
son’s ear the name he had chosen for him.
It was the first time the name had ever
been spoken as this child’s name, for
Omoro’s people felt that each human be-
ing should be the first to know who he
was."
Maalin ka mid ahayd maalmihii xagaagan 2002
da, waxaa Kanada iga soo gaadhay buq-
shad uu ku guda jiray buug. Baalkiisa kore
ay ku qornayd: C. C. Faarax "Barwaaqo".
Magac bilaash uma baxo: Ujeeddooyinka
magacyada iyo naaneysyada Soomaaliy-
eed. Ottawa, 1998.
Markaasaan idhi, "Waa kan buuggii aan
sugeyey 24ka sano!".
Markii aan furay buugga oo aan arkay tusmadiisa
waxaan gartay inaanan ka quusan doonin.
Sida la ogsoon yahay cilmi waliba wax-
ururin iyo wax-kala-soocid (classificasion)
ayuu ka bilaabmaa.
Xaaladdii uu ku sugnaa cilmiga u qaabbilsan ma-
gacyada soomaaliyeed ee gaarka ah (Somali
onomastics) Barwaaqo ka hor waxay la mid
ahayd tii ay ku maahmaaheen raggii hore:
Cidna uma maqna, ceelna uma qodna.
Qoraagu eber ayuu ka bilaabay shaqadiisa,
waaya-aragnimona ma uu lahayn. Hase
yeeshee jago toos ah ayuu u dhaqaaqay. Ma-
gacyadii iyo naanaysihii gacanta ugu jirey si
habboon ayuu isugu dubbariday:
* Magacyadii hore iyo hababkii loola bixi
jirey;
* Magacyada cusub ee hablaha iyo dhibaa-
tooyinkooda;
* Naaneysaha Soomaalida iyo ulajeed-
dooyinkooda:
* Naaneysaha iinta qofka wax ka sheega;
* Naaneysaha meheradaha la xidhiidha;
* Naaneysaha midabka la xidhiidha;
* Naaneysaha meesha iyo jiidaha la
xidhiidha;
* Naandeysaha ereyada halhayska loo
leeyahay tilmaama.
Qaybta kowaad ee buugga waxaan ka ogaaday in
magac-bixintu aysan ahayn wax hawl yar.
Waalidku waxay ku dadaali jireen in cunug
walba loo bixiyo magac u qalma. Laba hab
ayay magac-bixintu ku tiirsanaan jirtey:
habka kitaab-furka iyo habka magac-
soomaali-bixinta, sida uu u dhigay
qoraagu.
Habka hore diinta islaamka ayuu ku saleysan
yahay. Xataa maanta xaasas badan ayaa
cuskada habkaasi, ayagoo wiilasha u
dhasha u bixiya magacyo carabi ah, sida
Cabdillaahi, Cabdiraxmaan, Maxamed,
gabdhahana Aamina, Faadumo (Faay),
Maryan iwm. Waxaa xiise weyn leh
siduu qoraagu u raadraaco magacyada
carabiga ah taariikhdooda (Ninkii ugu
horreeyey ee rumeeyey Nebi Maxamed
iyo Diinta Islaamka ayaa la odhan jirey
Abubakar Al-siddiiq; Ninkii u horreeyey
ee Eedaanka kor ugu dhawaaqa ayaa la
odhan jirey Bilaal Bin Rubaax).
Habka labaadi waxa uu ku saleysan yahay
dhaqankii hore ee soomaaliyeed, buu ina
xasuusiyay qoraagu. Magac-bixinta
waxaa loo tixgelin jirey:
- iimaha uu ilmuhu ku dhasho: Barre, Xaad,
Dhoorre;
- xilliga uu ka dhasho: Colaad, Geeddi,
Waasuge;
- midabkiisa: Sugulle, Meygaag, Cad-
daawe.
Waxaa loo cuskan jirey saadaal ama duco:
Samatar, Warsame, Geelle.
Ilmaha waxaa loo bixin jirey magac ammaan
ah: Dhaqane, Qummane, Shuuriye.
Waxaa jiri jirey tobannaan siyaalood oo kale
oo la xidhiidha magac-bixinta oo uu
qoraagu soo ururiyey, soona bandhigay:
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Bogga 30aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Waa kan buuggii aan ugaayey 24ka gu` Bogga 31aad
V * / \
* * Warsidaha HERER Waa warsidihii u horreeyey ee
jaadkiisa ah ee ka soo
baxa woqooyiga Ameerika
Iyo Geeska Afrika
E-mail: herer_09@Yahoo
...ka timid bogga 27aad
buuggani yahay mid si hagar la’aa-need loo haqabtiray, looguna farayareystay, kuna
habboon yahay inuu qof kastaa dhigto qolka buugaagta kaydkiisa -Library-. Waa
buug dib inoo xasuusiyey hawlqabadkii dadkii innaga horeeyey ee af celiyey
buugaagtii dugsiyada lagu dhigan jiray, sidoo kale wuxuu innagu dhiirrigalinayaa
barashada afkeenna hodanka ah. Waxanu inna farayaa in aynu siinno waqti aan ku
barano inta aynaan la soo boodin aqoonta cusub lama socon karo oo buugan
horteena yaala ayaa si xarago leh u beeniyey.
Buuggan iyo buuggiisii hore ee Mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi
Dhamac “Gaarriye” waxaa laga heli karaa oo laga dalban karaa mareegtan:
http://www.lulu.com
Sidaa iyo akhris wanaagsan
Fu,aad Sh.
Kediye: Magacan waxay isku ujeeddo dhow
yihiin Mire. Hayeeshee kan xilli u gaar ihi
ma jiro. Markaa wiil kasta oonay hooyadii
fooshiisa filayn waa loo baxshaa magacan.
Dulucduna waa tiiyoo wiilka lagu til-
maamayo inuu yahay kii ku kediyey
xanuunka iyo foosha hooyadii iyada oon u
diyaar ahayn.
Dheeg: Waxaa magacan loo baxshaa wiilka
aabbihii aad ugu ekaada een aabbihii laga
garan. Dulucduna waa tiiyo lagu sheegayo
inuu wiilku yahay ku aabbihii laga soo
jeexay ama laga soo dheegay oo isaga oo
kale ah.
Naaneystu waa magac aan laysugu wan qalin
(!), ha yeeshee dheeraad ah oo loo bixiyo
ragga iyo dumarkaba. Iskama baxdo ee
sida magaca ayay ujeeddo leedahay, buu
yidhi qoraagu. Wuxuu naanaysaha u kala
saaraa shan qaybood:
• Naaneysaha iinta qofka wax ka sheega:
Ganey, Lugey, Galaal;
• Naaneysaha meheradaha la xidhiidha:
Askari, Biyoole, Kabatole;
• Naaneysaha midabka la xidhiidha: Cawl,
Cadde, Dhuxul;
• Naaneysaha meesha iyo jihada la
xidhiidha: Galbeedi, Muqdishaawi, Us-
teeliye;
• Naaneysaha ereyada halhayska loo leeya-
hay tilmaama: Yacniile, Guri barwaaaqo
(Nin aad taqaannid ‘yaad tahay?’ lama
yidhaahdo!), Gudh moonnig (!)
Waxaan la yaabbanahay sida qumman ee cad
uu qoraagu wax inoo fahamsiiyo.
Waxaan la sii yaabbanahay aqoonta uu u
leeyahay dalka Soomaaliya dabiicaddiisa
iyo dhaqankiisa. Markii aan buuggiisa
akhrisaneyey ayaan marar badan is
weyddiiyey su’aal ah: Oday isagu ma
wax-walba-ogaal baa, mise waa Alla-ka-
yare?
…Reer ama qoys haddii carruur badani ka
noqoto oo wiil kale u dhasho ayaa wiil-
kaa cad yar, labada dhegood mid ahaan,
laga jaraa… Wixii lab ee wax sooc ah ku
biiraa waa dhafe. Waayo isagu waa keli,
waana kii wixii badnaa ee sooca ahaa
tilmaantii soocnimada ka qaaday.
Dhafana waxaa loo bixiyaa inanta, ka
daba dhalata wiilal farabbadan…Reer
miyigu kolka ay yaalliin hab aan muran
lahayn ayay u degaan guryaha. Taas oo
ah in qoys kastaa meel gaar ah uu ka
dego guri kasta oo la dego. Meeshaas
ayaana la yidhaa Tusmo…
‘Magac bilaash uma baxo’ waa qaamuus oo
kale oo fasira ereyada soomaaliyeed
macnahooda, ayna ka mid yihiin kuwa
aan la wada aqoon:
Cawilaaddu waa marka wax kaa lumay mee-
shiisii wax kale kuu soo galaan…
Caynaanadu waa badbaado ama na-
badgelin…Ayaanku waa hoodada, doo-
birta, cawada iyo habeen-dhalad-
nimada… Balfintu waa kolka waran la
soo riddeeyey gaashaan layskaga leex-
sho… Baarku marka hore waa geedka
korkiisa sare ay laamuhu ka baxaan.
Marna waa timaha kuruska geela ka
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Bogga 32aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
baxa. Marka saddexaadna waa timaha
afkooda hore...
Waxyaalaha uu Barwaaqo buuggiisu igu
soo jiito waxaa kaloo ka mid ah in laga
baran karo maansada soomaaliyeed:
buraanbur (bb.62,82), gabay (bb.64,
143, 144) iyo rag gabayaa caana ah
sida: Sayid Maxamed Cabdalla Xasan,
Cabdillaahi Suldaan ‘Timo-cadde’,
Cali Jaamac Habiil, Cali Xuseen Xirsi.
Buuggan waxaan ka helay magacyo farab-
badan oo aan illaa waa hore dooneyey
in aan ka sal gaadho dulucdooda.
Waxaa ka mid ah Looge (Looge, looba
joogee!), Qawdhan (Qawdhan iyo
Qoran!), Ceebla’ (Wiil-Waal minyara-
diisii!)
‘Magac bilaash uma baxo’ waa buug uu u
baahan yahay qof kasta oo Soomali ah
oo raba inuu korodhsado aqoonta uu u
leeyahay afkiisa iyo dhaqankiisa iyo
ruux walba oo ajnebi ah oo ku dhaca
inuu barto afka, suugaanta iyo
caadooyinka soomaaliyeed.
Waxaan qoraaga u toosineyaa inuu sii
wado shaqadii uu hore u bilaabay oo
midhihii ka soo baxay qaarkood uu
innoo soo bandhigay. Mahadsanid,
Barwaaqo!
“Out under the moon and stars, alone with
his son that eighth night, Omoro com-
pleted the naming ritual. Carrying
little Kunta in his strong arms, he
walked to the edge of the village, lifted
his baby up with his face to the heav-
ens, and said softly, "Behold – the only
thing greater than yourself."
Dr. Georgi Kapchitis, Moscow. No-
vember 28, 2002
________
(1) Qoraalkani waxa uu hore ugu soo baxay degel-
lada kala ah: www.somalitalk.com,
www.farshaxan.com, www.aftahan.com,
www.somalipress.com, warsidaha Hal-aqoon,
xidhmadii IIaad, tirsigii 3aad, 2002.
Waa kan buuggii aan ugaayey 24ka gu` Bogga 33aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
V *
/ \ * *
Warsidaha HERERWarsidaha HERERWarsidaha HERERWarsidaha HERER
Waa warsidihii u horreeyey ee
jaadkiisa ah ee ka soo
baxa woqooyiga Ameerika iyo Geeska Afrika
E-mail: [email protected]
Bogga 34aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
BBBB uugga la yidhaa "First Foot-steps in
East Africa" ee soo baxay 1894kii
waxa lagu sheegey in ay dadka
Soomaaliyeed wada gabayaa yihiinl.
Tan iyo xilIigaasna reer galbeedku
waxay Soomaalida u yaqaanneen iney
yihiin dad wada maansooda.
Rijard Beerton, (qoraaga buugga) oo ah
ninkii ferenji ee u horreeyey ee cagaha
soo dhigay carrada Soomaaliyeed, muu
kala sheegin ragga iyo dumarku sida ay
u kala suugaan badan yihiin. Ha-
dalkiisiina lagama dhadhansankaro iney
ragga Soomaaliyeed ka suugaan badan
yihiin dumarka iyo in kale. Hayeeshee,
sida ka muuqata suugaanta la ururshay,
intii farta la qoray, waxaad dareemay-
saa, ama runtuba tahay, in ay kaalintii
haweenku meesha ka maqantahay.
Runtiina waa arrin tilmaan u no-
qonkarta inaanay haweenku maansoon.
Waxa, haddaba, isweydiin leh waxa
loo ururin waayey ama laysugu hawli-
waayey soo ururinta suugaanta iyo
murtida haweenka Soomaaliyeed? Had-
dii ay raggu hagradeense maxaa loo
waayey haween u daddaabbaxidha soo
ururinta suugaanta haweenka? Sida ragga,
haweenka Soomaaliyeed suugaantooda
utun iyo uurxumo kuma beeraan, beelana
iskuma jebshaan. Hayeeshee, abaabul iyo
dhiir¬rigelin dagaal way u adeegsadaan.
Cadaadis, cabbudhin iyo cagajugleyn lagu
hayana dhaaxay iskaga deeddifeeyeen.
Markay wax qoonsadaan dareenkooda way ku
tilmaamaan. Hawl kolka ay hayaanna way
isku maaweeliyaan. Gabayga ka sokow,
hees hawleedda iyo hees ciyaareeddaba
qayb libaax bay ku leeyihiin. Buraan-
burka, suugaanta Sitaadka, ta Saarka iyo
ta maaweelada ubadka midna looguma
tago. In kasta oo aan qoraal keliya lagu
soo koobikarin suugaanta haweenka
Soomaaliyeed, waxaan kan ku eegi
baaxadda suugaanta haweenka Soomaali-
yeed iyo sida ay u tahay waxaan la cab-
budhin karin, cagta hoosteedana la gelin
karin. Waxa kale oon wax kaga taataaban
qaar ka mid ah badaha aan looguba te¬gin
….eeg bogga 36aad
BAAXADDA SUUGAANTA
HAWEENKA SOOMAALIYEED KA
WEYN WAX LA CABBUDHIYO OO
CAGTA HOOSTEEDA
LA GESHO
Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo”
Dhaqanka iyo
Suugaanta
Dhaqanka iyo suugaanta Bogga 35aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Ma soo gaadhey geyigoo
Inta uu gu’ roob helay
Ku guduutey doogoo
Ubax garan gun iyo baar
Gedefyada ka lulayoo
Intu dharab gardaadsadey
Rayskii ku gororoo
Cosobki is galaaloo
Geesaha xareed daray
Oo geed midhcaan iyo
Hohob gaajo biisiyo
Gomoshaha macaan iyo
Dhafaruur gaboodliyo
Sabkax guri ku taalliyo
Gacayriyo xangeeyada
Carruuruhu gurtaanoo
Lays nacay gasiiniyo
Guri hadhimo loo tago?
Dhulku wuu gabloolee
Gob mar buu ahaanjirey
Ma soo gaadhey geyigoo
Geliyada ugaadhiyo
Garanuugi daaqdoo
Biciid gubad jecleystiyo
Cawl gaaf wareegtiyo
Deerada gayootiyo
Adeeryada golmadhaniyo
Goodir buur salooshiyo
Gorayada saqaaftaa
Ama aar gaboodliyo
Shabeel gaatamaayiyo
Guduudane dhabcaaliyo
Harimacad gurxama iyo
Wiyil cadho gadoodiyo
Maroodiga gurguurtaa
Boqolaal kun gaadhaan
Ma soo gaadhey geyigoo
Geed joogayaashiyo
Guurtidu u talisoo
Guddoon kuna mid qudha yahay?
Ma soo gaadhey geyigoo
Dadku ruux gudoonshiyo
Geesi laga danbeeyiyo
Birma geydo leeyahay
Ma soo gaadhey geyigoo
Raggu uu xil gudan karo?
Gabdhuhuna xishoodaan?
Ma soo gaadhey geyigoo
Dadku yahay geyaan iyo
Gacal kala xishoodiyo Ma huraan is garabsada?
...eeg bogga 46aad
GEED JOOGE
Axmed Aw Geeddi
S oomaalidu waxa ay lahayd dhaqan baadi-sooc ah, intii aanu is badalin gayigu,
agab wal oo aydoonaana ama u baahdaanba meel kale uma raadsan jirin ee
iyaga ayaa gacantooda ku sameysan jiray. Xilli baa jirey geyiga Soomaalidu
degto, deegaan ahaan, uu hodan ahaa oo ugaadha, xoolaha iyo dhirtu is lee-
geyd, dadku dhaqnaa oo qoysasku dhisnaayeen. Qofkastaa kaalin uu buuxiyo
oo lagu og yahay ayuu lahaa. Raggu kaalin mudan ayuu lahaa. Dumarku milgo iyo maa-
muus iyo mee -qaamba baray ragga dheeraayeen. Waa la kala soocnaa, oo noloshu dhad-
han lahayd. Dadku xishood iyo sarriig ayaa hu’u ahaa. Ciddii debedda uga timaaddaana wey ku majeeran jirtey.
Noloshaa ayay goconeysaa jiiftadani, waxaaney tidhi;
CAAQILLADAII KU XIGEY?
Sida buraanburka ka muuqata Hooyo Xabiiba
inanteeda ayey la hadlaysey, hayeeshee
waxay si sarbeeba gaashaanka ugu dhu-
fatay arrintii lagu dhaleecaynayey ee
wiilal dhalid la’aanta. Waxay tilmaantay
iney hore wiilal u dhashay hayeeshe ay
ka noqdeen (dhinteen). Waxaanay raggii
weydiisay iyada oo xujeyneysa waxa ay
wedka uga celin waayeen haddii ay ay-
agu awood intaa leeg lahaayeen. Waxa
kale oo ay qirtay inaanay iyadu ka xu-
mayn dhalashada inanteeda, wixii uu
Eebbe siiyeyna ay ugu mahadnaqayso.
.
Hooyo Xaliimo Muxumad Madar ayaa iyana
gaashaanka ku dhufatay kolkii ay eedi
kaga timid dhanka xigaalka iyada oo
dareensiinaysa dadkan Deeqa dha-
lashadeeda ka xumi inaanay ahayn ayaku
kuwa risiqa loo weydiinayo ee uu Eebbe
risiqeeda gacanta ku hayo. Meeshana
waxa ku jira nacayb ama jeclaysi la'aan
ka timid xagga xigaalka. Waxa kala oo
ay dareensiineysaa halka ay iyada ka
taagan tahay. Hadal iyo dhammaantii
waxay Hooyo Xaliimo 2 tidhi:
DADKUNA WUU KUU DUDAA
DEEQA XAAJIYEEY
DALAYSEY HOOYO ANNA
WAAN KU DAAWADAA
MURAAYAD SIDEEDII BAAN
MAASHAN KUGU HAYAA
SABAAD BAAD II TAHOO
KAAMA SEEXAN KARO
WAXAAN DUMARKOO HURDANA
KUUGU HEESAYAA
DADKOO XEESDAYNA WAXAAN
KUUGU SELELAYAA
Bogga 36aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
...ka timid bogga 34aad
iyo sida ay suugaantooda u adeegsadaan .
Hab nololeedka Soomaalidu ku dhaqmijirtey,
haddana badideed ku dhaqanto, oo reer-
guuraa u badnaa awgeed, ayaa sida loo
kala rag badanyahay laysu muquunin
jirey. Haweenka waxa loo arki jirey iney
ahaayeen soo saarka wiilasha. Hooyaba
hooyada ay ka wiilal-dhalid badan tahay
ayaa laga jeclaa. Middii aan hablo
mooyee wiilba hoosteeda laga soo jiidin
waa lala guursan jirey ama waaba la furi-
jirey. Colaad gaara ayaa loo qaadijirey
iyada oo layska indha-tirayo xanuunkii ay
soo martay iyo culayskii ay sagaalka
bilood la soo kacaakufeysey.
Hab nololeedkaasi ayaa ragga ka indhasaabay
dareen-diineedkii ahaa in ubadku yahay
deeq uu Eebbe bixiyo, noole kalana aanu
awood u lahayn abuuridda dheddig iyo
labtoona. Hooyo Xabiiba Yuusuf Cali oo
arrintaa lagu dhaleeceeyey ayaa tirisay
buraanburkan soo socda tiiyoo inanteedii
la hadlaysana waxay tidhi:
SHUKRI WAXAAN KUU IDHI EEN
SHAALKA KUUGU XIDHAY
WAA SHISHEEYIYO SOKEEYABA
DAD KAA WADA SHAKIYEY
SARARAHAYGA GO’AYIYO
SAAFTINTAYDA MAQAN
AYAAN KAA URINAYAA EE
ANIGU KAAMA IRDHIYIN
WIIL HADDAY DOONAYAAN
WEDKA MAY KA OOLI-
YAAN ABUURKA MIYAAN LAHAA
OON ILAAH AHAA
MAXAY II CAAYAYAAN
BILLAAYOOD U AYDAY BAAN
AMINAAY LAHAA
KUWAN KU DIIDAYAA DAHABOOY
HADDAAD I GARAN
MA DAAYIN BEY KUU YIHII DEEQDA
KUU XAWILEY
HORTA MAXAY KUUGU DUDI
DAHABO XAAJIYEEY?
Labadaa buraanbur dhawr arrimood ayey ka siman yihiin. Ta u horreysaa labada magacba waxay
tilmaamayaan dhego-ku-hadal. Hooyo Xabiiba waxay inanteeda u bixisay “Shukri” oo ay uga
jeeddo iney Eebbe ugu mahadnaqayso deeqda uu siiyey.
Hooyo Xaliimo iyana waxay ragga u sheegeysaa sida ay inanteedu u deeqday iyada haddii ayagu
saluugsanyihiin. Labada buraanburba waxay ka simanyihiin oo ay muujinayaan sida uu
dareenka diintu ragga ugu yaryahay. Waxa kale oo ay muujinayaan awood la’aanta ragga.
Dumarku suugaantooda kuma cawdaan oo qudha ee abaalna wey ku ceshaan. Xaawa Cabdillaahi
Gasle 3 oon filayno inay hadda ku nooshahay magaalada Gabiiley ee Dalka Soomaalilaand
ayaa tirisay buraanburkan soo socda. Xaawi iyada oo indho la’ ayey u qaxday xeradii
qaxootiga ee Dulcad (dalka Itoobiya). Halkaasi oo ay kula kulantay dhakhtar Soomaaliyeed
oo cudurrada indhaha wax ka yaqaan. Dr. Saleebaan Cabdillaahi Faarax oo ah dhakhtarkii
arkay Xaawa ayaa ii sheegey iney Xaawi u qaadan weydey kolkii uu u sheegey inuu indha-
heeda wax ka qaban karayo. Dhakhtarku waxa uu intaa ku daray, “Markii aan arrintii u muu-
jiyey ugana sheekeeyey sida aan rabo inaan wax uga qabto waxa ay Xaawi ka walaacday
dhankii jeebadda!” Dhakhtarku wuxuu dabadeed u sheegay inaan waxba looga baahnayn had-
dii ay doonayso in wax loo qabto. Arrintaasina waxay noqotay arrin ay Xaawi liqiweydey.
Hadal iyo dhammaantii, Dr. Saleebaan wuu fuliyey ballantii uu uqaaday Xaawa, waxaanu ku
guuleystey ishii u horreysey oo uu ugu jeexay xeradii qaxootiga ee Dulcad. Saddex bilood ka
dib, markii Hargeysa laga saarey ciidammadii Siyaad Barre, ayey Xaawi ugu timid Dr. Salee-
baan magaalada Hargeysa halkaasi oo tii kalana loogu jeexay. Dhawr toddobaad kadib ayey
Xaawi u boqooshay dhanka Gabiiley iyada oo labadeedii laxaadba qabta.
Ammin saddex gu’ ku dhowaad ah ayaanay Xaawa iyo Dhakhtarku wax war ah kala helin. Dhanka
dhakhtarka waxay ula mid ahayd dadkii tabaalaysnaa ee uu dawayn jirey. Hayeeshe dhanka
Xaawa arrinku intaa waa kala cuslaa. Bishii diisambar ee 1993kii ayey Xaawi ku soo laabatay
Hargeysa. Markiibana waxay ku dhaqaaqday iney haybsato gurigii Dhakhtarka. Kolkii ay
gurigii timid goor fiid ah waxa loo sheegey inaanu dhakhtarki weli soo hoyan. Xaawina
waxay go’aansatay iney guriga ku sugto. Habeennimadii, kolkii uu Dhakhtarki soo hooydey
ayuu gurigii ugu yimid Xaawa oo fadhida. Markuu isha ku dhuftayna wuxuu uqaatay in
xanuunkii Xaawa ku soo labakacleeyey. Arrintu siday doontaba hawdhacdee, cabbaar markii
Baaxadda suugaanta haweenka Bogga 37aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
lays warsaday waxay Xaawi af buuxa ku
tidhi, “Abaalkii aad igu lahayd maan il-
laawin. Lacagna ma sido oo waa sidaad
igu ogeyd. Hayeeshee dhawr erey baan
odhanayaa ii keen rikoodh.” Waxaanay
tidhi:
Herer walaal kumalahayn
wiilna kuma ogeyn
Ee igama hoogow adaan
haybsigaa ahaa!
Aniga oon baranba kii
ila barbaadayow
Igama hoogow adaan
haybsigaa ahaa!
Waxaan la socdaana
waa duciyo salaan
Ee igama hoogow
adaan haybsigaa ahaa!
Ee Salaamu calaykum
reer sabad wanaagsanow
Salaamu calykum kii
layga siiyayow
Waarimaynee Rabbigu
waayo badan ku daa!
Malaggu kuu aakhir kii
ii miciinayow
Ii dhammeeyow Rabbigu
wax kuuma dhimo!
Saddexda sannadood ee
dhulku saamalayl ahaa
Suleemaanow ka qaday
kaan sugey lahaa
Walaalkay baa qaldhabayey
oo qalbigaa idiley
Haddana quusatayoon
quusi iigu jirin
Eeddoy cudurbaa dib
idhigaye Daahirow
Kaama ooleene waan
Bogga 38aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
kuu imimanlahaa!
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Bariidada iyo ducada
waan badbadin lahaa
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Waa horaan Hererey
haheeyo odhanlahaa!
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Ninkii cudur naafiyaan
cararin Daahirow
Ee dhawaaquu yidhi ninkaan
dhigine qaadayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Ninkaan ereygii ka baxay
kala dhantaalinow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Ninkii qawlkii ka baxay
qaayo geliyayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Jawaabtiisii ninkii
ii johoradeeyayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Wiilkii layga qaaday
wiilkan laygu dooriyow
Ilahay ii soo diree
ii dadaalayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Aakhirana reer
aduunyadana reero noqo
Oo adiyo waalidkaaba
Jannadii ku waarigtaan!
Xaawi waxay caddaysey inaanay Hargeysa u
iman dan gaar ah, magaaladana cid ku
lahayn. Hayeeshee waxa u weyn ee ay
u socotay uu ahaa iney abaal celiso.
Midduu kalgacal haleelaa ka kama waabatee
way ku tilmaantaa. In kasta oo aan la
aqoon ciddii tirisay waxa ka mid maan-
sooyinka kalgacal lagu tilmaamay
maansadan hoos ku qoran. Waxaanay
tidhi haweenaydaasi4:
Subeeciyad wiil benderi
baadhashow tegow
Kaatun feyruusiyoo kuman
la siiyayow
Miyaan masaalkaa helayaa,
mar la i tusyow?
Dallaayadi waa jabtaa,
biraha duubanow
Dahabka Nayroobi oo daacad l
oo tumow
Shamsada oo soo baxdiyo
shaaca waaberow
Miyaan masaalkaa helayaa,
mar la i tusyow?
Kolka inan la arooso waanada kalama ma-
suugaan. Xilkay qaadday ee reerka iyo
hawlaha ku soo fool leh sidii ay u
hanan lahayd iyo sida ay saygeeda iyo
xigaalkiiba u xaslan lahayd way hoga
tusaaleeyaan. Buraanburka hoos ku
qoran oo arrimahaasi iyo qaar kalaba
tilmaamaya waxaan ka soo dheegannay
cajalad laga soo duubay aroos lagu qab-
Baaxadda suugaanta haweenka Bogga 39aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
tay magaalada Hargeysaa gu’gan
dhexdiisa. Waxaanay tidhi:
Bilicda gurigaaga ehelkiisu
haw bogaan
O naag xun waa lagu bukoodaaye
baarri noqo
O hunbanni waa laga fogaadaaye
feejignow
Naa sayga oo shaqo ka yimid
sawdka laguma gubo
Sufur qabaw baa biyaha
loogu sii shubaa
Ubadka waa laga sabaa
lagana seexiyaa
O subag sixina baa cuntada
loogu sii daraa
O Sariirtuu seexanaayaa
la saxartiraa
Sanqadha waa laga yareeyaa
markuu saldhigo
Soddohdu waa hoos qabaw
waana lagu hirtaa
Haddaanay kaa hoyanin waa
hoyga lagu gam 'aa
Naawaanahilwkaagiiiyo
hooyadaa labaad
Inanna kii hooyo leh ayey
hibadu saaranatay!
Halgankii gobonnimada lagu kicinayey gu-
meystayaashii reer Yurub kaalin xoog
leh ayey ka qaateen dhanka abaabulka,
dhiirigelinta iyo suugaan ku dirirkaba.
Xaliimo Shabeel oo ka mid ahayd xubninhii
firfircoonaa ee SYL ayaa laga hayaa
buraanburkan hoos ku qoran iyada oo
tilmaamaysey go’aanka la qaatay iyo
kaalinta ay ka qaadandoonaan intaba.
Waxaanay ku bilowday:
Go'aan baan gaadhnay isticmaarka
inaan gubnaa
Sharduu naga guuro gaashaanka
waa la hayn
Guhaad iyo ciil nin qaba yaa
wax gaysan jiray
Sharduu naga guuro gaashaanka
waa la hayn
Haweenka Soomaaliyeed waa hawl kar. Haw-
sha reerka badidiisna ayagaa qabta. Inta
ay hawshaa ku jiraan way is maaweeli-
yaan oo is madaddaaliyaan. Sidaasi aw-
geed ayaan hees hawleedda, sidii aan soo
sheegey, dumar looga bursan. Haddii rag
geel waraabintii u heesay, ayana heeryo
samaynteed, iyo hawl kale ku foog-
naanteedba way u halaanhalaan. Heesa-
haasi wey isku maaweeliyaan, wey ku
xifaaltamaan, aragtiddoodana wey ku
gudbiyaan. Kolka ay kebedda samay-
nayaanna waxay yidhaahdaan:
Koronkor cunimaynoo
Kariba maynnee
Karuur geel ma lahayaa?
Naagta Kebeda leheey
Kaalin daraneey
Adaan Kayd Hore u dhigan
Cawska kolkay samaynayaanna waxay
yidhaahdaan ayaka oo isku maawee-
linaya:
Cawskanow sabool diidow
Waqaan suuqa lagu dhiginoon
Soddon lagugu baayicinoon
Yaa sameeyey lagu odhan!
Xilliga roobabbowga kolka adhigu garage
roodo hablaha adhijirta ah ayaa iyana ku
heesa:
Deylo deyloow hobihoo
Deylo wacaneey hobihoo
Xasan waa kane hobihoo
Yuu xanaaqine hobihoo
Yuu ku xawdine hobihoo
Xasil oo daaq!!
Caanaha kolka ay lulayaanna waxaay yid-
haahdaan:
Caanow Hiyow Heedhe
Haanteeydu waa ceeb1a’
Waa ceebla’ caga toosan
Waa naag cas oo gaaban.
Juguc..juguc..juguc..
Haanteeydu waa gaari
Waa gorof aan xooleeyey
Oon geed ka soo qaaday
Gacalkayna ima siinin
Juguc..juguc..juguc..
Hadhuudhka markay tumayaan ayaka oo ragga xi-
faalaynaya, gaar ahaan qorqodayaasha, waxay
yidhaahdaan5:
Qamareey, Qorqode waa qayliyaa
Naa muxuu yidhaa?
Wuu qayliyaa oo qalax tamaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa ri'da qal oo qari buu yidhaa
Bogga 40aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Naa muxuu yidhaa?
Naa qiiqu yuu bixin buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Qoolaabka dheeree buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa kubadu waa kurus buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa malawad waa miid buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa xiidan waa xubin buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa qoran qoryo u diro buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa dhiigga dhagax saar buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa kabahayga kaadka dhig buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Qoladiinna tuurtuur buu yidhaa!
Heesaha dhallaanka lagu maaweeliyo dumarka
uun baa tiriya. Waana qaybaha ay ragga
dheer yihiin. Hooyo dhallaankeed u
heeseysa la arag. Aabbo u heesayase
lama hayo. Heesaha ay wiilasha ugu hee-
saan waxa ka mid ah6:
Hobeeya hobeey hobeeya
Hobaaladu dhawrtayoowa
Waar ma geelii baa arooray?
Arooroo oon ku raagay?
Waar ma aabbahaa baa socdaalay?
socdaaloo socod ku raagay?
Waar ma naasii baa gabnoobey?
Gabnoobood godol ka weydey?
Waar ma reerkiinnaa sabool ah?
Sabooloon subag ku siinnin?
Maxaad la sammaamuraysaa?
Hablahana waxay ugu heesaan:
Hobeeya hobeey hobeeya
Hobeeyadu dhawrtayeeya
Sidii bilaneey bil dhalatay
Bil dhalatoo beeli aragtay
ama sidii biladayaha adari
laguu soo wada baxaanbax!
Kolka ay xaajo murugto, ama talo faraha ka
baxdo sida hadda taagan, waxbay ku
tilmaamaan. Maansadan hoos ku
qoran oo laanta Af-soomaaliga ee
idaacadda BBCda laga siidaayey
aadna loo xiiseeyey waxay ifisay
dareen loo baahnaa in haweenka
Soomaaliyeed laga helo. In badan bay
haweenku ka aammusnaayeen fa-
laaddada gurracan ee ay ragga
Soomaaliyeed ku kacaan. Hayeeshee
kolkii ay u adkaysan kariwaayeen,
wixii hoos iyo saraba loogu sheegayna
dheg u jalaqsiin waayeen, Nimco
Aadan Hurre ayaa galkii seefta ka
saartay. Iyada oon waxna dhimin
waxna dhaafin, ragna ka xarrago qaa-
datay, waxay tidhi7:
Abwaannada xilligiyo
Xifaaleeyey waayaha
Mid waliba xiskiisiyo
Xusbadee garaadkii
Maansadana la xiisee
Xaq hadday ka hadashee
Aniguna xogtaydii
Xuubka aan ka qaadoo
Xuso garashadaydoo
Xaqiiqadana taabtee
Xarakada adduunkiyo
Xalka nolosha aadmigu
Waxa ay ku xidhanyiin
Baaxadda suugaanta haweenka Bogga 41aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Xikmad Eebbe weeyoo
Xukunkiisa weeyaan!
Xadhigiyo hoggaankiyo
Sida loo xallilayana
Raggaa loo xilsaaruu
Ku xawiley Ilaahay!
Bal haddaba xadgudubkiyo
Xumaantiyo dulmigan jira
Inta aan Xakiimkeen
Idinkala xisaabtamin
Aan idin xasuus-shee
Xillimaad raggaygow
Xaqu siduu ahaa iyo
Xeerkii Islaamkiyo
Xadiiskiyo Quraankiyo
Diinta nagu xukumasaan?
Xaqiiq dawladdeenuna
Weli waa xalkiiyoo
Xigto iyo qabiilbey
Kuraasidu ku xidhantee
Dawladdii xulka ahayd
Xillimaad dhisaysaan ?
Xillimaad raggaygow
Xeer lagu ciqaabiyo
Xabsi loo taxaabiyo
Sharci xidha la helayaa
Kuwan shicibka xadayee
Xoolihii dadweynaha
Xaabxaabsanaayee
Madaxdana la xulifa ah?
Masuulkii xanaaqee
Markii lala xisaabtamay
Is xaamxaamtayee yidhi
Waar ma Xaramki baan gubay
Inyar baan xantoobtee!!
Xillimaad raggaygow
Bogga 42aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Xarumaha waxqabadkiyo
Geyneysaan xafiisyada
Mudanayaal xariiroo
Xilkasoo waddaniyoo
Xirfad iyo aqoon loo
Xalaal quutayaaloo
Cadligana ku xeeldheer?
Xillimaad raggaygow
Xaafadaha qabiilkiyo
Dilka iyo xasuuqiyo
Xabbadda iyo aanada
Ka xoroobaysaanoo
Inta aydin xoortaan
Nabad lagu xasiliyoo
Qarannimo la xaalayn?
Xillimaad raggaygow
Dumarkiinnan xayadiyo
Xishoodkii ka tegayee
Kolkay xilo-xumaysteen
Waxba xeerin waayee
Diidey xaawaleynimo
Inta aa xaraysaan
Nimanyahow xaslanaysaan?
Xillimaad raggaygow
Xamasta iyo maatada
Xannaanaynaysaanoo
Xuquuqdoodii helayaan?
Xillimaad raggaygow
Macsidiyo xumaatada
Xaaraanta beenta ah
Ka xishoonaysaanoo
Xasanaadka falaysaan?
Xillimaad raggaygow
Xabaasha iyo iilkiyo
Xisaabtii Qiyaamaha
Naaraha xanuunka leh
Aad xasuusanaysaan
Janno xoogsanaysaan?
Hubaal waxa ah inaan xujadaasi weli laga
warcelin, diyaarna loo ahayn in laga
warceliyo. Ha la diido ama yaan la
diidine, inta warcelintaasi laalantahay,
wanaagga la doonayaana wuu lunsanya-
hay!
Sitaadka rag shaqo kuma leh. Suugaanta si-
taadka iyo ciyaartiisaba haweenka ayaa
iska leh, kolka ay tumanayaan waxay
yidhaahdaan:
Sitaay Faadumo Nebaay
Sawjaddii Calaay
maalinta bacadka kulul
Biyo qabaw na sii
Oo maalinta lays xisaabayo
Adigu noo xil qari!
Ugu dambayntii, qoraalkan waxan si kor
¬xaadis ah ugu eegey baaxadda suugaan
-ta haweenka Soomaaliyeed iyo siyaa-
baha kala duwan ee ay u adeegsadaan.
Waxan tilmaamay iney jiraan dhinacyo
weli dihin, sida suugaanta Saarka, iyo
hees-ciyaareedda, oo aanan ka hadal.
Waana marag ma doon inaan qoraal iyo
laba iyo in u dhow toona lagu soo koobi
karin baaxadda iyo murtida suugaanta
haweenka Soomaaliyeed, aad baanay
uga weyntahay wax la cabbudhiyo oo
cagta hoosteeda la gesho.
Raadraac
1. Burton Richard. First Footsteps in East
Africa:or An Exploration of Ha-
rar.Edited by his wife, Isabel Bur-
ton,Tylson and Edwards, London, 1894.
2. Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”. Ma-
gac Bilaash Uma Baxo:ujeeddooyinka
magacyada iyo naanaysaha Soomaaliy-
eed. Ottawa, 1998.
3. Xaawa Cabillaahi Gasle. Cajalad ay ku
duubtay Hargeysa, 1993.
4. Andrzejewski, B.W. and Lewis, I.M. Somali
Poetry: An Introduction. Clarendon
Press, Oxford, 1964.
5. Maxamed Cabdi Maxamed. Ururin
Qoraallo la Xulay. Besançon, 1989
6. Hal-abuur
7. Hal-aqoon: warsidaha Suugaanta iyo
Dhaqanka Soomaaliyeed, tirsiga 3aad,
xidhmada 1aad, Ottawa, 2000.
8. Laanta Af -soomaaliga ee BBCda.
Baaxadda suugaanta haweenka Bogga 43aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Nin ku dilay hadh kuuma jiido
Bogga 44aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Ma danaysan Kaysoow
Kama daalin hawshii
Maan gabin dadaalkii
Ma dayicin waxqabadkii
Dookhayga maan bogan
Dareenkaygu ima hodin
Ma dal doorsan waayaha
Gaari dumar ma caashaqin
Hurdo gogosha maan deyin
Dawo raadis baan ahay
Dawladdii bukootiyo
Dalka maamulkiisii
Wax damiirka lagu dhayo
Dadnimada habowdiyo
Doonistii hungowdiyo
Wax dareenka lagu xalo
Waxan daydayayaayaa
Boogaha daloolee
Hurgumadu dilootiyo
Hub qabiilka lagu dilo
Dacow iyo dhurwaa baan
duunyada ka hirayaa
Ma daloolin ciiddii
Dalagga iyo beertii
Dibigii ku maan qodin
Durdurradi aqooneed
Dawliskii kumaan ridin
May doogsan beeshii
Ma daryeelin ubadkii
Uma dirin waxbarashada
Dibjirkii ma hagar bixin
Weli qaranku muu degin
Kuwii aan dirsaday iyo
Hoggaankii la doortaa
Maatadi dayacayoo
Camalkii dugaaggiyo
Isma doorin dhaqankii
Lama daynin eexdii
Lama deyrin xumihii
Damaciyo hungurigii
Wuu goostay dabarkoo
Dibdis awrka lama odhan
Waa dayro noloshii
Xiddigaha dusheeniyo
Dayaxaan ka faashaa
Duul hore u maray iyo
Duni iga fogaataan
Daymada la raacaa
Waxan deydayaayaa
Degel lagu xasilo iyo
Guul aan ku diirsado
Qalinkiyo dawaaddii
Waxa ay dul joogaan
Taariikh dayacantiyo
Duul aan ka baranayn
Dalambaabigii shalay
Ummad uu dirkeed ba’ay
Meel aan degmada furo
Diiraddaydu may qaban
Adiguna darmaanow
Waxad igu dilaysaa
Qalin dawlad waayiyo
buugaag la daabaco
Dawo raadis
Xasan Cabdi Madar
Maansadan dawo raadis waxa tiriyey qoraaga caanka ah ee Xasan
Cabdi Madar, waxa uu u bixiyey Dawo Raadis. Waxay til-
maamaysa waayaha iyo waaqiciga jira. Isaga oo
curiyuhu arrintaa inoo faahfaahinaya
waxa uu yidhi
Waraysigii Georgi Kapchits Bogga 45aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
WARAYSIYO INTERVIEWS
Waraysi ay Hal-Aqoon 10 gu` ka hor
la yeelatay Dr. Goorgi L. Kabjits
D r. Georgi L. Kapchits waa aqoonyahan u dhashay dalka Ruushka si la yaablena ugu
hadla afaf farabadan oo uu Af-soomaaligu ka mid yahay. Wuxuu ka shaqayn jirey
laantii af Soomaaliga ee Raadyow Moosko. Waxaanu soo dayn jirey qor-mayaal
xiiso badan oo uu ka mid ahaa qormaha la odhanjirey: waraaqo ayaan idinka sugayaa.
Waxaannu, haddaba, kanshe u helnay inaannu waraysi la yeelanno si uu uga war ramo
hawlaha badan ee uu qabtay iyo kuwa kale ee uu hadda ku hawlan yahay. Waxaanu
waraysigi u dhacay sidatani:
Hal-aqoon: Dr. Georgi, ugu horrayn wa-xaan
jeclaan lahaa inaad warbixin kooban naga
siisid mahadhadaada?
Georgi: Haddii la soo koobo, waxaan ku dhashay
Midowga Soofiyeeti sannadkii 1939kii. Intii u
dhexeysay 1967kii iyo 1994kii waxaan ka
shaqeeyey Laanta af-Soomaaliga ee Raadiyow
Moosko.Kaddib markii la xiray Qaybtii Afrika
ayaa waxaaan u gudbay Qaybta wararka oo
aan faalleeye ka ahay. Mararka qaarkood
waxaan af-Soomaaliga ka dhigaa Jaamacadda
Moosko iyo Jaamacadaha ka furan Berliin.
Xaas wanaagsan baan leeyahay. Waxay ii dhashay
laba gabdhood. Waxaan kaloo leeyahay laba
gabdhood oo ay sii dhaleen. Ninkii seexdaa
saciis dibi dhalay!
Waxaa kaloo la yidhi: Cimrigaaga oo dheeraadaa
cajab buu ku tusaa. Intii aan noolaa waxyaalo
badan oo farxad leh iyo waxyaabo balaayo ah
ayaan marqaati u noqday. Inkastoo aan yaraa,
haddana aad baan u xasuusan ahay siday u
wada ooyeen dumarku 9kii May ee 1945kii ee
uu dhammaaday dagaalkii lagala hor jeeday
Jarmalka. Intoodii yarayd waxay la ooyeen
farxad, maadaama nimankoodii ay
badbaadeen. Badan kooduse waxay u
baroorteen nimankoodii la dilay.
Hooyaday kuwii dambay ka mid
ahayd.
Hal-aqoon:
Goormaad
bilowdey
barashada Af-
soomaaliga?
Sideedse ku
bilowdey?
Yaana kuu dhigi
jirey?
Georgi: Af-Soomaaliga barashadiisa wa-
xaan bilaabay gu’gu kolkuu ahaa
1964 -kii, kolkaasi oo aan arday ka
ahaa Machadka Afafka Bariga ee ka
tirsan Jaamacadda Moosko. Maalin
maalmihii ka mid ahayd ayuu nin
xooga iga da’ weynaa igana dheeraa
intuu soo galay fasalkii ay wax ku
baraneysay kooxdii aan ka midka
ahaa yidhi: ‘Magacayga waxa la
yidhaahdaa Aleksander Jolkofski. Kol
dhoweyd waxaan bilaabay baadhi-
taanka af-soomaaliga. Yaa raba inaan
macallin u noqdo oo aan baro afkay
Dr. Georgi Kapchits oo
Bogga 46aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
...ka timid bogga 25aad
Ma soo gaadhey geyigoo Gar jilleed la necebyoo Ninka ganafka taagana
Geed qudhaanjo lagu xidho?
Ma soo gaadhey geyigoo Dadku yahay gob soocoo Gunnimada ka faanoo Garashiyo sarriig badan?
Ma soo gaadhey geyigoo Dadku cunin ganboorkiyo Dhirta geed qalaadka ah?
Ma soo gaadhey geyigoo Gool-moon basaastiyo Marti goor xun kuu timi Gurgurshaaga loo qalo Iyo gibil ma diidaan?
Ma soo gaadhey geyigoo Ninka caydh la golongoley Ama guunyo laga dhacay Loo gooyo xoolaha?
Ma soo gaadhey geyigoo Murti gibil la saariyo Geeraar sarbeebliyo Gabaygu u farriin yahay?
Ma soo gaadhey geyigoo Gaadiid dhammaantii Awr gaal u mudan yahay?
Ma soo gaadhey geyigoo Kaba fay-gammuuriyo Raggu laba go’ qaataan?
Ma soo gaadhey geyigoo Saddex qeyd garaara leh Dumarkuun u gaar tahay?
Ma soo gaadhey geyigoo Gelbiskiyo mashxaradaha Gammaan naaxey loo waco Iyo shuqul gobaadeed?
Ma soo gaadhey geyigoo Gudin iyo hangooliyo Garab qaad muhiim yahay?
Ma soo gaadhey geyigoo Gorof iyo sibraariyo
Gaawuhu u weel yahay?
Dadku wuu gabloolee
Gob marbuu ahaan jirey
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
ku hadlaan dad reer guuraa ahi?’ Anigu
intii aan istaagay ayaa waxaan ugu
warceliyey:‘Anaa raba!’ Ridu lugteeda
ayey shabeel ku doonataa!
Gu’gii 1971kii Jolkofski oo ah nin aad u karti
badan oo ku xeeldheer aqoonta afafka iyo
suugaantu wuxuu qoray buugga la
yidhaahdo ‘The Somali Syntax’ ee waxtar
aan la soo koobi karin ku kordhiyey
baadhitaanka naxwaha Soomaaliyeed.
Gu’gu markuu ahaa 1979-kii macallinku
wuxuu u qaxay dalka Maraykanka. Immin-
ka wuxuu brofesor ka yahay Jaamacadda
Kalifoorniyada Koonfureed, wuxuuna
dhigaa suugaanta Ruushka. Ayaandarro af-
Soomaaliga wuu ka fogaaday.
Hal-aqoon: Waxaan filayaa inaad af-
soomaaliga barashadiisa bilowdey intaan la
qorin. Sideed haddaba u baratay? Farteedse
adeegsan jirtey?
Georgi: Sidaynu og nahay xuruufta af-
Soomaaliga waxaa la oggolaaday 1972kii.
Hase ahaatee aqoonyahannadii Soomaali-
yeed iyo kuwii shisheeyaha ahaaba ilaa
waa hore bay wax ku qori jireen af-
Soomaaliga, ayagoo adeegsanayey farta
Laatiinka. Waxaa in la xuso mudan Leo
Reinisch (‘DieSomali Sprache’, 1900),
C.R.V.Bell (‘The Somali Language’,
1953), M.M. Moreno (‘Il Somalo della
Somalia’, 1955), Muuse Xaaji Ismaaciil
Galaal iyo B.W. Andrzejewski (‘Xikmad
Soomaali’,1956 ), E.Cerulli (‘Somalia’,
1959 ), R.C. Abraham ‘Somali-English
Dictionary’, 1962; ‘English-Somali
Dictionary’, 1967), Shire Jaamac Axmed
(‘Gabayo, Maahmaah iyo Sheekooyin
Soomaaliyeed’, 1965; ‘Iftiinka Aqoonta’,
1966-1967), Axmed Cartan Xange
(‘Qaran iyo Qawdhan’, 1967). Awrba
awrka ka horreeya buu saanqaadkiisa
leeyahay!
Buugaagtaa aan soo sheegay iyo kuwa kale
ayaan wax ka baran jiray. Waxaa kaloo
jirta in xilligii Muqdisho iyo Moosko loo
haystay ‘laba mataano ah’ xarunta
Midowga Soofiyeeti ay waxbarasho u
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
joogeen ardo badan oo Soomaaliyeed.
Qaarkood oo uu ugu horreeyey Axmed
Cartan Xange aad baan ula saaxiibay. Sida
af-Soomaaliga loogu hadlo ayagaan ka
bartay. Ayagana waxaan ka kaalinjirey
siday u baran lahaayeen afka Ruushka.
Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan!
Hal-aqoon: Dr. Georgi, intaanad barashada af-
soomaaliga bilaabin aqoontaadu maxay
ahayd?
Georgi: Intaanan bilaabin barashada af-
Soomaaliga waxaan baran jirey afka
Ingiriiska iyo afka Amxaarka. Waqtigan la
joogo afka Ingiriiska aad baan u adeeg-
sadaa. Afka Amxaarka oo ay iigu dambey-
sey 1967kii ‘bejjerash resaxu’ (waan
iloobay), inkastoon si fiican ugu hadli
jirey. Fuulmo waa faro-ku-hayn!
Hal-aqoon: Af-soomaaliga iyo af-ruushka
mooyaane, immisa af oo kale ayaad
taqaan?
Georgi: Afar af baan ku hadli karaa. Af-Ruush-
ka iyo af-Soomaaliga mooyaane, waxaan
ku hadlaa afka Ingiriiska iyo afka Ukra’iin-
ka (Jamhuuriyadda Ukra’iin dhan-keeda
galbeed baan ku ababay). Buugaagta iyo
qoraalladana waxaan kaloo ku akhrisan
karaa afka Faraansiiska iyo afka Jarmalka.
Hase ahaate kuma hadlo.
Hal-aqoon:Afafkaa dhammaantood wax ma
ku qortaa?
Georgi: Waxaan wax ku qoraa saddex af oo
kala ah: afka Ruushka, afka Soomaaliyeed
iyo afka Ingiriiska.
Hal-aqoon:Barashada af-soomaaligu ma ka
adag tahay barashada afafka kale?
Georgi: Waxaan u haystaa af-Soomaaliga
afafka ugu adag adduunka. Waa af hodon
ah oo soo jiidasho leh. Hase-ahaatee waa
mergi oo kale oo hadba dhanka loo jiido
ayuu u jiidmaa! Ammin dhan 40 gu’ iyo in
ku dhow ayaan baranayey afkiina hooyo,
hase yeeshee kama aan sal gaadhin weli.
Naxwaha af-Soomaaliga mid uu qof
shisheeye ahi si fudud u baran karo ma
aha. Aad buu uga duwan yahay afafka
Yurub looga hadlo. Shisheeyaha waxaa
dhiba waxyaalo farabbadan oo gaar u ah af
-Soomaaliga. Dhinaca dhawaaqa waxaa ka
mid ah shibbaneyaasha dh, q, c, x, kh, iyo
h, shaqallada gaaggaban iyo kuwa dhaa-
dheer, kuwa xirxiran iyo kuwa furfuran ee
tiradoodu ay tahay 20 haddii laysku daro!
Dhinaca dhismaha afkana, erayadu siday u
kala horreeyaan mooyaane wax lala yaabo
waxa ah sida ballaadhan ee loo adeegsado
saxarrada ujeeddooyin koodu uu kala
duwan yahay ee kala ah: u, ku, ka, la, soo,
sii, wada, kala, hoos, ag, hor, dhex, dul,
ha, ma iyo kuwo kale, weliba
magacuyaallada kala ah: La, i, ku, na, ina,
idin, is, kay, kaa, kaya, keen, kiin oo meelo
u kala gaar ah ku leh tixda.Tusaale ahaan:
Waa in laykala (la+is +ka+la!) soo wada
dhex hadlaa. Waa hoog iyo balaayo!
Hal-aqoon: Afafka maxaad ku kala
jeclaysataa?
Georgi: “Waalidku carruurta ma kala jecla ee
iyagaa is kala jecelsiiya”, baa la yidhi.
Afafku waa sidaa oo kale. Anigu waxaan
doorbidaa afafka adag, siiba af-
Soomaaliga.
Hal-aqoon: Waxaan had iyo jeer maqalnaa
afafku way kala hodansan yihiin. Arrintaa
maxaa ka jira? Sideese lagu ogaadaa baad
u malaynaysaa? Af-soomaaligu, arag
tidaada, hodan ma yahay? Haddii aad
leedahay waa hodan, maxaad ku
taageeraysaa aragtidaa iyada ah?
Georgi: Run weeye in la maqli karo in ay
jiraan afaf hormarsan iyo kuwa dib u
dhacsanba. Ilama aha taasu in ay sax tahay.
Af kasta fekrad la arkaba waa lagu muujin
karaa. Dad walibana wuxuu leeyahay
Waraysigii Georgi Kapchits Bogga 47aad
Bogga 48aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
heeso, sheekooyin iyo maahmaahyo xiise leh.
Laakiin af ho- don ah oo keli ah ayaa lagu
tirin karaa gabayo. Sidaas darteed shaki ma
leh af-Soomaaligu inuu hodon yahay. Rich
ard Burton ee booqday Soomaaliya sannadkii
1854kii wuxuu qoray in ‘dalka ay ka
buuxaan rag wada gabayaa ahi’.Tan iyo
waqtigaa Soomaaliya isma beddelin. Dadkii
aan Hargeysa kula kulmay sannadkii tegey
badhkoodu wa-xay ahaayeen gabayaa,
badhkii kalana waxay is moodayeen in ay
yihiin.
Hal-aqoon: Dad badan oo af-soomaaliga yaqaan
ayaan waxba ku qorin. Maxaad adigu ku
jeclaatay inaad af-soomaaliga wax ugu
qorto?
Georgi: “Abaal nin gala waa la arkay, nin gudase
lama arag”, baa yidhi. Abaal -dhac waxaan u
haystaa dembi aan la dhaafi karin. Abaalkii
ay ii galeen Soomaali badan oo aan afkooda
hooyo ka bartay baan hadda gudayaa. Abaal
raaga rag baa leh...
Buug walba oo aan qoro waxaan u hibeeyaa
macallimiintayda mid ka mid ah. Buugga
sheekooyinka soomaaliyeed waxaan u
hiibeeyey “ciddii aan ka baran jirey, ilaa
imminkana ka barto afka Soomaaliga”.
Hal-aqoon: Immisa buug baad ilaa hadda af-
soomaali ku qortay? Magacyadooda iyo
waxa ay ku saabsanyihiin wax ma iiga sheegi
kartaa?
Georgi: Waxaan af Soomaaliga ku qoray laba
buug oo kala ah “Waxaa la yidhi-Sheekooyin
hidde ah” (1996) iyo “Qaamuuska
maahmaahyada Soomaaliyeed”(1998).
Buugga koo waadi wuxuu ka kooban yahay
217 sheeko oo ay ka mid yihiin kuwo taxane
ah kuna saabsan Arraweelo, Wiilwaal, Cigaal
Shidaad, Yoonis Tuug, Siyaad Dharyo
Dhoobe, Ina Sanweyne, Huryo iyo Kabacalaf
iyo kuwa kale oo qaarkood aan marna la
daabicin. Sheekooyinka Soomaaliyeed way
xiise iyo murti badan yihiin. Qaarkood mar
kaad akhrisatid afka ma aad kala qaadi
weydo, adoo aad ula yabban xikmadda ku
jirta. Mararka qaarkoodna waa aad
qososhaa ama waa aad oydaa. Bal eega:
Wiil baa nin soo martiyey. Kolkuu soo
martiyey wuxuu siiyey saan uu ku seexdo,
mana soorin. Kabacdi dhurwaa baa
yimid, yarkii ayuu qaatay. Dadkii kale oo
dhammi way kaceen, waxayna
yidhaahdeen:
- Wiilkii dhurwaa baa qaatay!
Waa la rooray. Ninkii uu aqalkiisa joogay
yaa ugu horreeyey. Dhurwaagii ayuu
budh ku dhuftay oo wiil-kii ka riday,
kaddibna soo qaaday oo aqalkiisa
keenay. Wuxuuna ku yidhi:
Wiilkaygiyow, inkastoon ku qadiyey,
dhurwaagii ku qaatay haddaan kaa riday,
sow macruuf kuuma sameyn? Wuxuu
yidhi: Macruuf iima sameyn. Waayo
afkaaga ma ahe af kaleeto inay wax
galaan yaadan rabin. Dhurwaaga i
qaatay isaguna inuu qado baad rabtay!
Waa yaabka yaabkii iyo amakaag!
“Qaamuuska maahmaahyada Soomaaliyeed”
waa buug ka kooban in ku dhow 6 kun oo
maahmaahood oo la hubo. Badankood
waxaan ka helay dhegeysteyaashii
Radiyow Moosko oo aan u sii deyn jirey
barnaamijyo suugaaneed. Boqollaal
maahmaahood waxaa ii soo diray Cumar
Cabdi Sheekh, Cabdirashiid Axmed
Sheekh, Cabdiraxmaan Axmed Aadan,
Xuseyn Cali Aadam, Yuusuf Cabdi Naser
iyo dhegeysteyaal kale oo aan mahad kal
iyo laab ah u celinayo. Maahmaahyadu
waxay ku kala daabacan yihiin lahjado
farabbadan oo af-Soomaaligu uu u kala
baxo. Tusaale: Luuq-luuq-maroow laasin
laamigaas tagaa.
Hal-aqoon: Ma laga yaabaa inaad qaar kale
soo saarto? Haddii ay jiraan, wax ma iiga
sheegi kartaa?
Georgi: Haa, waa ay jiraan. Imminka waxaan
soo gabagabeynayaa buugga shanaad ee
ka kooban 3da boqol (300) ee maahmaahood ee ugu caansan dhaqanka Soomaaliyeed ee
casriga ah. Maahmaahyadaas oo aan ku helay tijaabooyinkii gaarka ahaa ee aan ku kala qabtay
dalalka Jarmalka iyo Denmark waa kuwa barashadoodu ay khasab ku tahay qof kasta oo
Soomaali ah oo da’ yar hadduu rabo inuu si fiican ugu hadlo afkiisa hooyo iyo arday walba oo
shisheeye ah oo isku xilqaama barashada afkiina hooyo. Maahmaah kasta oo buuggan ku jirta
waxay ku kala daabacan tahay af-soomaaliga iyo afka ingiriiska. Tabaabushaynta buuggan ee
dhinaca afka ingiriiska waxaa gacan weyn iga siineysa Sheila Andrzejewski. Maahmaahyada
caanka ah mooyaane akhristuhu wuxuu buuggan ka ogaan doonaa siday aqoonta loo leeyahay
maahmaahyadu ugu xidhan tahay qofka da’diisa, tacliintiisa, hadduu lab yahay ama hadday
tahay dheddig iyo waxa la midka ahba. Buuggan ee aan ka shaqaynayey muddo dhowr sano ah
wuxuu soo bixi doonaa sannadkan. Maahmaahda qudh ah oo ay yaqaannaan dadkii aan
tijaabiyey boqolkiiba boqol waa ‘Aabbe, kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa’. Oh father,
save me from the small one, the big one I shall manage myself. Said when somebody is unable
to solve a small problem, but thinks he can deal with a big one, or when somebody is trying to
palm off on to someone else the solution of a problem he cannot solve himself.
This goes back to a story about a boy who was often beaten up by other boys of his age. One
day the boy and his father encountered one of his attackers, who had a bigger fellow with him.
The victim, realising that if it came to blows he would not be able to beat the boy of his own
age, but that the big fellow would scarcely want to fight with him, pronounced these
words,which became a proverb.
Buugga lixaad ee aan hadda qorayo wuxuu ku saabsan yahay naxwaha af-soomaaliga, gaar ahaan
erayada ‘waa’, ‘baa’/’ayaa’ iyo ‘waxaa’ oo laga helo tixaha badankood. Fiiro gaar ah waxaan u
yeeshay habka ereyadaas loogu adeegsado maahmaahyada. Maahmaahyada ay ka maqan
yihiinna waxaan u haystaa kuwo ugu da’da weyn suugaanta soomaaliyeed: Ayax teg eelna
reeb, Tuug wax ka tuhun badan, Hadday fooli timaaddo gudaqarsiimo hadhay...
Hal-aqoon: Intii aad hawsha qoridda ku jirtey sideed gacan uga heshay dadka Soomaaliyeed?
Georgi: Ceel nin tooxsaday isna ku caddiban, cuudna ma cokana, baa la yidhi. Haddaad furtid
buug walba oo aan qoro waxaad gogoldhiggiisa ku arki doontaa tobannaan qof magacyadood.
Qof walba oo Soomaali ahi hadduu hubsado in aad jeceshahay afkiisa, murtidiisa iyo
caadooyin kii-saba diyaar buu u noqdaa in uu si hagarbax ah kuu caawiyo.
Hal-aqoon: Gu’gii hore waxad qabatay Hargeysa. Waxaanad ka qayb gashay, sida igu maqaala ah,
Waraysigii Georgi Kapchits Bogga 49aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
shirkii Cilmibaadhista Soomaaliyeed. Bal wax yar iiga taataabo sida uu shirkaasi u dhacay iyo
waxa aad adigu soo bandhigtay? Socdaalkaase wax ma kaaga soo kordheen dhanka afka?
Georgi: Shirkii Hargeysa ka dhacay bishii Luulyo ee sannadkii hore mid xiise weyn leh oo si
wanaagsan u abaabulan buu ahaa. Waxaa ka qaybgalay in ka badan boqol aqoonyahan oo ka kala
socday dalal farabbadan oo dunida ka mid ah. Shirkaasi siduu u dhacay iyo waxtarkii uu ku
kordhiyey cilmibaarista soomaaliyeed waxaan ka qoray qoraal dheer oo lagu daabacay
joornaalka la yidhaahdo “Horn of Africa” (Vol. IXX, 2001) ee uu New Jersy ka soo saaro
jalahay prof. Saciid Samatar.Warbixintii aan shirkaas ku soo bandhigay waxay ku saabsanayd
midhihii ka soo baxay tijaabooyinkii maahmaaheed ee aan hore wax uga taataabtay.
Hal-aqoon: Intii aad Hargeysa joogtey sidee dadku kuu soo dhoweeyey? Markaad af-soomaali kula
hadasho si gaar ah ma u xiiseynayeen hadal kaaga?
Georgi: Hargeysa si qalbi furan baa la iigu soo dhoweeyey. Odeyaashii aan la kulmay way i garteen,
maadaama ay codkayga Idaacdda Moosko ka dhegeysan jireen. Dhallinyaraduna intii ay la
yaabeen ‘gaalka’ afkooda hooyo ku hadlaya ayey igu dhegdhegeen oo way i raaci jireen. Marna
iloobi maayo shir aan la yeeshay ardo badan oo Jaaacadda wax ku barata. Ammin hal saac iyo in
ka badan ah ayaannu af-Soomaaliga ku wada hadleyney. Waxaana khasab igu noqotay in aan ka
warceliyo weydiino aan ka yarayn intaan hadda uga warcelinayo ‘Hal-aqoon’. Aan wada
hadalno waa aan heshiinno, baa la yidhi. Aad baan ula heshiiyey ardadii oo igu martiqaadday in
aan maalin uun u imaaddo oo aan si tifaftiran ugaga warramo baadhitaanka aan ku hawlanahay.
Hal-aqoon: Dr. Georgi waxaad aad u jeceshahay maahmaahaha Soomaaliyeed. Miyaan odhan karaa
cilmiga kala qeexidda maahmaahaha oo aad taqaan awgeed ayaad u jeclaatay? Mise wax kale
ood ku jeclaatay baa jira?
Georgi: Barashada maahmaahyada Soomaali-yeed waxaan bilaabay intaanan weli baranin aqoonta
loo yaqaanno ‘Paremiology’ oo aan u leexday markii aan ka shaqeynayey buuggii iigu horreeyey
ee soo baxay 1983kii. Sababo farabbadan baan u bartaa maahmaahaha Soomaali-yeed. Midda
kowaadi waxay tahay in af ama dhaqan la arkaba aan laga sal gaari karin haddaanad baran
maahmaahyadiisa. Sanduuqa maahmaaheed ee dad waliba uu leeyahay kuma jiro oo keli ah tixo
qurxoon oo si fudud loo xasuusan karo ee waxaa kaloo ku jira nidaam isku dubbaridan oo
mandaq ah, kuna dhisan hab-ku-fekerkii la hormarineyey ammin kumanyaal gu’ ah. Waa taa
waxaa lagu magacaabaa ‘xikmad dadweyne’. Xikmadda dadka Soomaali-yeed in aan barto baan
dooneyey. Waxaa kaloo jirta in maahmaahuhu ay dhaqaalee-yaan hadalka, ayagoo suurto
gelineya in si kooban loo muujiyo afkaar ama xaalado ay u qalmaan. Maahmaahaha aan had iyo
jeer cuskado waxaa ka mid ah: Nin hadal badiyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kama wada
tegin!
Hal-aqoon: “Soomaalidu been wey sheegtaa beense ma maahmaahdo”, ayaa la yidhaa. Ilaa haddana
waxaad ururisey maah-maahihii ugu badnaa, haddaba, ma la heli karaa maahmaah aad odhan
karto been bey ku salaysan tahay? Hadday jirto waa tee? Sideyse been u noqotay?
Georgi: Runta maahmaahdu waa maxay? Haddii lays garab dhigo labada
maahmaahood ee kala ah ‘Fuley geesi hortii buu dhintaa’ iyo ‘Fuley habartii
ma
gablanto’ waxaa la arki karaa in ay iska soo horjeedaan. Midda kowaad waxay sheegeysaa in
fuleynimadu ay xun tahay (fuleygu dhaqso buu u dhintaa). Midda labaadina waxay sheegeysaa
Bogga 50aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Georgi: Rag waxaa ugu xun
saddex nin: nin maqan oon
la tebin, nin jooga oon la
tirin iyo nin tegeya oon la
celin; Hal soddon qadday
saddex kuma dari weydo;
Hadduu xaar xoolo lahaan
lahaa ‘ow jiljilocow’ ayaa
la odhan lahaa!
Hal-aqoon: Suugaanta iyada sidee isku tihiin?
Heesaha ama gabayada Soomaalida ma
dhegeysataa? Haddii aad dhegeysato
kuwee baa aad kuu xiiso geliya?
Georgi: Heesaha iyo gabayada waa aan
dhegeystaa mararka qaarkood. Hase ahaate
waxaan la’ahay hab ama aqoontii aan ku
garan kari lahaa boqolkiiba boqol.
Soomaaliya laba jeer oo keli ah baan
joogay: shan beri iyo shan beri. Lakiin
shan beri shiikh laguma noqdo! Xattaa
caano geel ma aan dhadhamin...
Hal-aqoon: Dr. Georgi in badan baad RM ka
shaqaysay, gaar ahaan laantii af-
soomaaliga. Yaa haddaba qormayaasha
idiin soo diyaarin jirey? Ma af-soomaali
baa la idiinku soo diyaarin jirey mise Af-
ruush?
Georgi: Wararkii iyo faallooyinkii waxaa noo
soo diyaarin jirtey Qaybtii dhexe,
qormeyaashii ku saabsanaana dalalka
afrikaanka ah noloshooda iyo siyaasad-
dooda waxaa laga heli jirey weri -yayashii
ka tirsanaa Qaybtii Afrika. Aniguna
waxaan qori jirey barnaamijyo suugaaneed.
Wax kasta waxaa lagu qori jirey afka
Ruushka, wixii aanu sii deyn jirnayna af
Soomaaliga ayaannu ku rogi jirnay.
Hal-aqoon: Sida aan ka warqabo, Dr. Georgi,
laantii af-soomaaliga ee RM waa horaa la
xidhay. Maxaa loo xidhay baad u
malaynaysaa? Ma arrin dhaqaale mise mid
siyaasadeed? Adigase hawshaadu imminka
maxay tahay?
in fuleynimadu ay wanaagsan tahay
(fuleygu marna ma dhinto).Labadan
maahmaahood (sida kuwo kale ee badani)
way iska soo hor jeedaan. Hase yeeshee
ma aha in middood ay run ku saleysan
tahay, midda kalana ay ku dhisan tahay
been. Labaduba run bay sheegi karaan,
been bayna sheegi karaan. Haddii si
habboon oo sax ah loo isticmaalo, run bay
sheegaan, haddii si aan habboonayn oo
dadban loo adeegsado been bay sheegaan.
Maahmaah waliba waxay sheegtaa run
haddii uun loo cuskado xaaladda u qalanta
ayna astaanta u tahay!
Hal-aqoon: Markaad af-soomaaliga ku had-
layso waxaan aad ula yaabaa sidaad
maahmaahaha u adeegsato. Ma jirin baan
filayaa xilligii aad adigu af-soomaaliga
baraneysey buug ama buugaag qeexda sida
loo adeegsado maahmaahaha oo laga baran
karayey. Haddaba sidaad u baratay adeeg-
siga maahmaahaha?
Georgi: Waa runtaa, ma jirin buugag aan ka
baran lahaa adeegsashada maahmaahaha,
inkastoo ay jireen ururino dhowr ah oo aan
weynayn. Waxaa in la tilmaamo mudan
“Gabayo, maahmaah iyo sheekooyin yar-
yar” ee Shire Jaamac Axmed uu soo saary
1965kii, “Madhaafaaanka murtida”(Yuusuf
Meygaag Samatar, 1973), “Maahmaahaa
saddexshub” (Maxamed Shire Maxamed,
1974), “Waari mayside war ha kaa
haro” (Xasan Yaaquub ‘Baabraqiis’,1974)
Sannadkii 1968kii maqaal xiise leh waxaa
qoray B. W. Andrzejewski (“Reflections in
the nature and Social Function of Somali
Proverbs”). Nasiibdarrase markii aan
bilaabay barashada af-Soomaaliga
qoraalladii aan tilmaamay gacanta iiguma
jirin e waxaa khasab igu noqotay in aan
maahmaahyada ka barto jalayaashaydii
Soomaaliyeed oon ku daalin jirey
weydiimihii ku saabsanaa ujeeddooyinka
ku qarsoon iyo sida loo adeegsadaba.
Hal-aqoon: Maahmaahaha aad jeceshahay wax
ma iiga sheegi kartaa?
Waraysigii Georgi Kapchits Bogga 51aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Dr. Georgi
Georgi: Laantii af-Soomaaliga waxaa la xidhay
1994kii. Wax yar kaddib waxaa la xidhay
Qaybtii Afrika oo dhan. Waxaa loo xidhay
sabab dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.
Midowga Soofiyeeti waa baaba’ay,
dagaalkii qaboobaa ee uu kula jirey reer
galbeedka wuu dhammaaday. Dalka
Ruushku wuu caydhoobay. Maalkii uu ka
dhaxlay Midowgii Soofi-yeeti waa la
xaday! Imminka waxaan ka shaqeeyaa
Qaybta wararka. Hawshaydu waa qoridda
wararka ee lagu kala hal-tebiyo afafka ay
qorma-yaasheeda ku sii dayso Idaacadda la
yidhaahdo ‘Codka Ruushka’. Nasiibdarro
waxaan ahay ‘news-writer’ e ma ahi ‘news
-maker’!
Hal-aqoon: Intii Maamulkii Soomaaliya uu
burburay, dad badan baa qaba in tayadii
afku hoos u dhacday. Arrintaa iyada ah
adigu sideed u aragtaa?
Georgi: Waxaan ka welwelsan ahay in
dhallinyaro badan oo dibedda joogtaa
Aragti-
daada ha ku
masuugin. Qoraalladaada
haba la waaban. Warsidaheen
-na ayaa u heellan!
Inaad mudh-baxdo
haddaad filayso
Qoraalladaada
ku soo
hagaaji:
HERER 861 Karsh
Drive Ottawa, Ontario,
K1G 4T9, C A N A D A
e-mail: [email protected]
Xidhmada 1aad , Tirsiga 1aad, Maaraj. 2012 / No.1, March 2012
Bogga 52aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
aysan si fiican u aqoonin afka qurxoon
ee la yaabka leh ee ay ka dhaxleen
awoweyaashood. Hal-ku-dhegyadii
badnaa ee uu Maxamed Siyaad Barre la
soo baxay badankoodu kuwo fool-xun
bay ahaayeen. Hase yeeshee waxaa
mudan in la xasuusto mid fiican: Afka
hooyo waa lagama maarmaan!
Hal-aqoon:Ugu dambayntii, Dr.Georgi,
maxaad u soo jeedin lahayd qorayaasha
Soomaaliyeed ee waraysigaagan
akhrisan doona? Maxaad adiguse ka
codsanaysaa?
Georgi:Waxaan qoreyaasha Soomaaliyeed
ugu baaqi lahaa in ay u wada guntadaan
siday u dhawri lahaayeen afka iyo
murtida Soomaaliyeed. Yaanay illoobin
murtida ku jirta maahmaahda leh:
Walaalo is jeceli waa xoolo bataan oo
xabaalo yaraystaan, walaalo is necebi
waa xoolo yaraystaan oo xabaalo bataan!
Waraysigii Georgi Kapchits Bogga 53aad
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913
Bogga 2aad Warsidaha Afka, diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo Waxbarashada
V
* / \
* * * *
WARSIDAHA HERER
Waa warsidihii
u horreeyey ee jaadkiisa ah ee
ka soo
baxa woqooyiga
Ameerika & Geeska Afrika
861 Karsh Drive,
Ottawa, Ontario
K1G 4T9
C A N A D A
E-mail: [email protected]
ISSN 1929-1272
Tel: 1-613- 247-0549, 2522-479-2393, 2522-953-9966, 2522- 441-5913