toddobaadle lagu daabaco london- khamiis kasta weekly · pdf fileoran, kii yarastayna kama...

13
Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Tirsi 351 15 Nofember 2012 Free Weekly Magaalada London waxaa ka dhacay xaflad si weyn loogu maamuusay 40-guurada qoraalkii af-Sooomaaliga, waxaana 27kii Oktoobar 2012, xarunta Camden Centre loogu dabaaldegay guushii qoraalka Af-Soomaaliga laga gaarey. Taas oo ay ka qaybgaleen xeeldheerayaal xagga afka, suugaanta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed. Dhabaal 'Farriintii Moosko' - eeg bogga 3aad. Xafladdii Camden Centre, muuqaallo- eeg bogga 4aad. Taariikhda qoraalkii af-Soomaaliga, Eeg bogga 6aad & 7aad. Faallo bogga 10aad Xuska 40-Guurada qoraalkii Af-Soomaaliga Baarlamanka oo kalsooni buuxda siiyey Xukuumadda Cusub Guusha Obama

Upload: vuongthuan

Post on 18-Mar-2018

227 views

Category:

Documents


5 download

TRANSCRIPT

Page 1: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta

Tirsi 351 15 Nofember 2012 FreeWeekly

Magaalada London waxaa ka dhacay xaflad si weyn loogu maamuusay 40-guurada qoraalkii af-Sooomaaliga, waxaana 27kii Oktoobar 2012, xarunta Camden Centre loogu dabaaldegay guushii qoraalka Af-Soomaaliga laga gaarey. Taas oo ay ka qaybgaleen xeeldheerayaal xagga afka, suugaanta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed. Dhabaal 'Farriintii Moosko' - eeg bogga 3aad. Xafladdii Camden Centre, muuqaallo- eeg bogga 4aad. Taariikhda qoraalkii af-Soomaaliga, Eeg bogga 6aad & 7aad. Faallo bogga 10aad

Xuska 40-Guurada qoraalkii Af-Soomaaliga

Baarlamanka oo kalsooni buuxda siiyey Xukuumadda Cusub

Guusha Obama

Page 2: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

BOGGA 2 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

Golaha Baarlamanka oo kalsooni siiyey 'Ansixiyay' Xukuumadda Cusub

Talaado, November 13, 2012 (Mogadishu) — Xubanaha Baarlamanka ayaa maanta si aqlabiyad ah u ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana kulanka codka loogu qaadayay xukuumadda soo fadhiyey 225 Mudane. Waxaa ogolaatay 219 mudane. Waxaa diiday 3 mudane, waxaana ka aamusay 3 mudane.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda cusub ay heshay kalsoonidii, iyadoo Xukuumadda maanta la ansixiyey ay noqonayso xukuumaddii ugu tiro yarayd, tan iyo markii Soomaaliya xornimada qaadatay 1960.

Ra'iisal Wasaare Saacid wuxuu xukumadda maanta la ansixiyey soo dhisay, 4tii bishan Nofembar, waxayna ka kooban tahay 10 Wasiir oo ka kooban- Magacyada iyo xilalka:

1. Marwo Fowsiyo Yuusuf X. Aadan Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda.

2. Mudane Cabdulahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.

3. Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

5. Mudane Cabdulahi Ciil Mooge Xirsi, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

6. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Dalka.

7. Mudane: Muxyidiin Maxamed Kaalmooy, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.

8. Marwo: Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada.

9. Mudane: Maxamuud Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

10.Mudane: Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Qorsheynta.

Ra'iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdon iyo Golihiisa Wasiirada - Maalintii Kalsooni-siinta, 13kii November 2012

Page 3: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

BOGGA 3 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

Gacaliyaal, W a x a a n i d i i n k u h a m b a l y e y n a y a a sannadguurada 40aad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyey qoraalkii af-Soomaaliga. Aad baan uga xumahay in aan ka qayb geli waayay shirka ku beegan munaasabaddan weyn ee uu qabanqaabiyey wargeyska “Kasmo”. Sababta aan idiinku soo biiri waayay waa fiisihii aan safaaradda Ingriiska uga furan Moosko ka dalbaday saddex toddobaad ka hor oo ay ka seexatay.

Haddi i aan iman lahaa London ayaa waxaan ka hadli lahaa Shire Jaamac Axmed ee aan bartay sanooyinkii

lixdameeyihii ee qarnigii la soo dhaafay intii uu wax ku baraneyey Jaamacadda Moosko ee aan anigu arday ka ahaa. Dabadeedna in muddo ah ayaannu ka wada shaqayney Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda Moosko. Shire Jaamac Axmed waxaan u haystaa macallimiintii aan ka bartay afka iyo murtida Soomaaliyeed mid ka mid ah. Isagaa igu abuuray, jacaylka aan u hayo afka Soomaaliga ah mooyaane, maahmaahaha iyo sheekooyinka hiddaha ah ee raggii hore laga dhaxlay. “Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yiri” waa maahmaahdii iigu horreysey ee aan ka maqlay Shire. Tii labaad waxay ahayd “Nin hadal badiyey ma wada oran, kii yarastayna kama

wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed dabiicaddiisii. Ma uu hadal badnayn ee wuu hawl badnaa. Mirihii ka soo baxay hawlihiisii hal-abuurnimo lama soo koobi karo.

Waxaan culays saarayaa wixii uu qabtay intii uu weli da’ yaraa, kana welwelsanaa farla’aantii haysatey afkiisa hooyo. Shire Jaamac Axmed shaki kama uu qabin in farta Latiinku ay ku habboonayd q o r i d d a a f - S o o m a a l i g a . Sidaas daraadeed ayuu isku taxallujiyey siduu fartaasi ugu waafajin lahaa shaqallada gaaggaban, kuwa dhaadheer iyo shibbaneyaasha aad uga duwan kuwa laga helo afafka lagaga hadlo Yurub. Shire Jaamac Axmed hibadiisii, tacliintiisii iyo hawlkarn imadi i s i iba ayaa keenay miro la yaab leh. Xuruufta af-Soomaaliga ee uu isagu alkumay baa saldhig barakeysan u noqday horumarinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Si looga jawaabo su’aasha ah: “Goormuu Shire Jaamac Axmed la soo baxay xuruufta i m m i n k a l a g u q o r o a f -Soomaaliga?” waxaa ku filan in laysu fiiriyo buuggiisa la yiraahdo “Gabayo, maahmaah iyo sheekooyin yaryar” ee soo baxay sannadkii 1965kii iyo nuqulkii ugu horreeyey tirsiyada taxanaha ah ee uu magac uga dhigay “Iftiinka aqoonta”, lana daabacay sannadkii 1966kii. Dhinaca qoraalka haddii laga eego xaraf keliya bay ku kala duwan yihiin. Waa CH iyo X (CHasan/Xasan). “Markii rays dhoobmaa talo dhoobantaa!” Shire Jaamac Axmed taladiisii waxay dhoobantay sannadkii 1966.

Shire Jaamac Axmed wuxuu inooga tegey qoraallo aan yarayn. Kuwii aan kor u xusay mooyaane waxaa ii hor yaalla “An Elementary Somali Drill Book” ee uu la qoray Charles Kozoll iyo laba qiso oo kala ah “Rooxaan” iyo “Halgankii nolosha”. Waxaad mooddaa in qisooyinkani ay muujiyaan dhibaatooyinkii uu soo maray qoraagu intii uu weli ahaa wiil yar.

Shi re Jaamaca Axmed waxtar lama il loowaan ah ayuu ku kordhiyey u r u r i n t a i y o f a a f i n t a maansada, maahmaahaha iyo sheekooyinka hiddaha Soomaaliyeed. Nuqulka lixaad ee “Iftiinka aqoonta” wuxuu ku saabsan yahay Wiil-Waal (Garaad Faarax G a r a a d X i r s i G a r a a d Hantun”. Nuqulkan arartiisa Shire Jaamac Axmed wuxuu ku yiri: “Dadka Soomaalidu geesigii Wiil-Waal wuu jecel yahay. Qof walba oo Soomaali ahi wuxuu jecel yahay inuu sheekadiisa dhegeysto”.

Haddii sidaasi ay tahay, anigu waxaan doonayaa farr i intayda gaaban in aan ku soo gebaggabeeyo sheekooyinka ku saabsan Wiil-Waal mid ka mid ah. Waxaa la yiraahdaa “Leg iyo mud iyo kurus”.

Waxaa la yiri: Abaar xun ayaa dhacday intii Wiil-Waal xukunka haystay. Dadku geel keli ah ayuu ku noolaa. Hilib keli ah ayaa la cuni jirey. Neef geel ah markii la qalaba Wiil-Waal waxaa loo geyn jirey saddex cad: leg, mud iyo kurus. Saddexdaas cad ayaa Wiil-Waal iska lahaa.

Haddii intii waqti ah saas lagu jiray ayaa maalintii dambe raggii arrin u fariistay. Waxay yiraahdeen:– War sidani nama qabatee oo Wiil-Waal saddexdaas xubnood iskuma heli karee maxaan samaynaa?Dhammaantood waxay ku heshiiyeen in taasi aynan qaban karin. Intaas waxay kaloo raacsheen in ay u sheegaan Wiil-Waal qaybta hilbaha inay ka xun yihiin. Taladii markii ay ku heshiiyeen ayaa la yiri:– Haddee haddaan taladii meel isla dhignay oo isku wada raacnay ayaa Wiil-Waal hadalka u sheegaya?

Raggii haddana wuxuu ku heshiiyey in hadalka orahdiisa saddex nin loo saaro. Nin keli ah hadday u saaraan waxay ka baqeen in uu Wiil-Waal dilo. Hadalka Wiil-Waal loo jeedin lahaa wuxuu ahaa tixdan: ‘War, Wiil-Waal, hilbaha saddexda xubnood iskuma heli kartid!’ Markaasay yiraahdeen:– Ninka hore waa inuu y i r aahdaa : ‘War, Wi i l -Waal.’ Ninka labaadna waa inuu yiraahdaa: ‘Saddexda xubnood.’ Ninka saddexaadna waa inuu yiraahdaa: ‘iskuma heli kartid!’

Sidaas ayaa tashigii ku dhacay. Markaasaa nimankii hadalka oran lahaa la soo saaray. Waxay u yimaaddeen Wiil-Waal. Markaasaa ninkii hore ku yiri Wiil-Waal:– War, Wiil-Waal !Markaasaa ninkii labaadna ku yiri:– Saddexda xubnood…Ninkii saddexaadna intii uu dhihi lahaa ‘Iskuma heli kart id!’ ayuu wuxuu ku yiri Wiil-Waal markuu soo dhugtay: – Xubin kale laguugu dar!

Dr Georgi Kapchits - (Farriintii Moosko:-27 Okt. 2012).

Farriintii MooskoNin aan laga horreyn

Page 4: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

Shire Jaamac Axmed

BOGGA 5 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012 BOGGA 4 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

Xuska 40-Guurada qoraalkii Af-Soomaaliga

Magaalada London waxaa ka dhacay xaflad si weyn loogu maamuusay 40-guurada qoraalkii af-Sooomaaliga, waxaana 27kii Oktoobar 2012, xarunta Camden Centre loogu dabaaldegay guushii qoraalka Af-Soomaaliga laga gaarey. Taas oo ay ka qaybgaleen xeeldheerayaal xagga afka, suugaanta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ahaa Prof Cabdalla Mansuur oo ka socday Jaamacadda Roma, Martin Orwin oo ka socday SOAS ee Jaamicadda London Unversity, Axmed F. Cali Idaajaa oo ka yimid Nairobi iyo Georgi Kapchits oo u dhashey dalka Ruushka, kuna hadla, waxna ku qora af-Soomaaliga Wuxuu ka shaqeeyaa Radio Moosko.Munaasabaddaas waxaa isaguna ka soo qayb-galay qoraa iyo gabyaa weyn oo lagu magacaabo Rob Ingilis. Waxaa kaloo ka soo qaybgalay fanaaniin waaweyn, ayna mid

ahayd Maryan Cali Muuddeey oo si toos ah heestii Alif- la kordhobey halkaas ugu luuqaysey. Waxaa kaloo fanaaniinta ka mid ahaa fanaanka weyn, waa Maxamed Macloow Nuur, Cabdirasaaq Gaadaco , Xuseen Shire iyo Hibaaq Maxamed. Abwaan Cabdullaahi Bootaan iyo Rob Ingilis oo isla jiray

ayaa gabayo soo bandhigay. Wiil 9 sano jir ah oo lagu magacaabo Anas Cabdikariim ayaa goobta wac-darro ka dhigay, wuxuuna halkaas Soomaalida ugu qaaday gabayga caanka ah ee ‘Dugsi Ma leh qabyaaladi, waxay Dumiso mooyaane’ ee uu 40-sano ka hor Cabdullaahi Suldaan Timacadde tiriyey.

Diyaarinta xuska 40-guurada w a x a a i s k a k a a s h a d a y Wargeyska Kasmo iyo hey’adda Soohan Somali Arts, waxaana taageerayey H e y ’ a d d a H I R D A e e saldhiggeedu yahay dalka Netherlands, Jaamacadda Roma Tre, SOAS oo qayb ka ah Jaamacadda London iyo British Library.

Bidix: Maryan Cali Muuddeey, Axmed Faarax Cali Idaaja, Khalid Macow Cabdulqaadir , Cabdalla Mansuur Waxaa kaloo gacan deeqsinimo ka geystan dad kala duwan oo aan halkan lagu soo koobi Karin magacyadooda.Xuska 40-guurada qoraalkii a f - soomaa l iga , middan London ka dhacday mooyee, waxaa socda abaabul lo munaasabado waaweyn oo tan ugu soo horreysaa 17ka November ka ka dhacayso magaalada Nairobi, waxaana ku xigi doona xus weyn oo si taariikhi ah looga diyaarinayo magaalada Muqdisho. Kaas oo ay iska kaashanayaan hey’adda IIDA, Soohan iyo Kasmo. Markaas, sida xornimada dad ugu soo halgameen oo magacyo taar i ikhda Soomaaliya ku xusan ay u jiraan, ayaa qoraalka af-Soomaaliguna u leeyahay dad u soo halgamay iyo geesiyaal markii dambe libintii gaaray, kuwaas oo lagu soo bandhigay, bandhig (Exhibition) dhowr toddobaad socday oo lagu

Xuseen Shire

Dr Martin Orwin,

Page 5: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

BOGGA 5 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

Xuska 40-Guurada qoraalkii Af-Soomaaliga

qabtay magaalada London, xarunta 90 Cromer Street. Wa x y a a b i h i i l a g u s o o bandhigay waxaa ka mid ahaa- Eeg bogga 6aad iyo 7aad ee taariikhda qoraalkii af-Soomaaliga.

Ujeedooyinka loo xusayo 40-guurada:-

1. In dib loo milicsado wixii ka horreeyey 1972 (Xilligii ayan Soomaaliya lahayn af qoran oo rasmi ah), lana bogaadiyo dadkii kaalinta weyn ku lahaa qoraalka farta Soomaaliga.

2. In dadka Soomaaliyeed ee aan la socon dedaalkii iyo naf-hurnimadii weyneyd ee loo soo galay qorista afka Soomaaliyeed, ayna helaan xog muhiim ah oo ku saabsan afka aynu maanta qorano.

3. In loo dabaaldego oo la weyneeyo guushii laga gaaray , qoraalka afka Soomaaliga iyo mirihii ka dhashey.

Ugu dambeys, iyadoo xuskii dabaaldegga 40-guurada London soo dhamaadey, loona sii diyaar-garabooyo xusaska lagu qaban doono Nairobi iyo Muqdisho, Wargeyska Kasmo iyo Soohan Somali Arts, waxay bogaadinayaan, una mahadcelinayaan cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelintii hawshii lixaadka lahayd ee 40-guurada looga dabaaldegay London. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Dr Martin Orwin, Prof Cabddala Mansuur, qoraalka Axmed F. Cali Idaajaa, Rob Inglis, Maryan Cali Muuddeey iyo Dr Georgi Kapchits.

Wa x a a n s i g u u d u g u mahadcelinaynaa warbaahintii kala duwaneyd ee baahisay xuskii 40-guurada, sig aar ah TV-ga Qaran (SNTV) oo isagu toos oo “live”u baahinaysey munaasabadda.

Guddoonka Wargeyska Kasmo

Bidix: Abwaan Cabdullaahi Bootaan Xasan, Rob Ingilis iyo Anis Abdikariim

Cabdullaahi Bootaan, Cabdulqaadir Shire iyo Khalid Macow Cabdulqaadir

Page 6: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

Cayaaraha Olympic-da iyo Rio 2016 BOGGA 6 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012 Taariikhdii Qoraalka Af-soomaaliga oo Muuqaal ah

Fartii Qaadigii Booramesoo saaray, 1933

Fartii Cusmaaniya,soo saaray, 1922

Soo saaray Far ta Laatiinka la adeegsado, 1961

F a r C a r a b i l a adeegsanayo, soo saaray 1960

Page 7: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

Cayaaraha Olympic-da iyo Rio 2016 BOGGA 7 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012 Taariikhdii Qoraalka Af-soomaaliga oo Muuqaal ah

Soo saaray far carabi la adeegsanayo, 1952 Soo saaray fartiisa

Kaddariya, 1952

Fartiisa Kontonbarkadliyasoo saaray dhamaadkii Kontomaadkii

Golaha Sare ee Kacaanka, 21kii Oktoobar 1972

Fadhi Guddigii Af-Soomaaliga 1972

Page 8: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

BOGGA 8 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

Page 9: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

Kasmo Newspaper

TEL: 02035 568 723

Mobile: 0795 797 4885

Xadka Riddada: Maxaa ka run ah?

Saciid A. [email protected]

Qaybtii 17aad

10- Riddada iyo Siyaasadaynta Diinta:

BOGGA 9 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

0 2 0 3 5 5 6 8 7 2 3 0 7 9 5 7 9 7 4 8 8 5

Newspaper

i n f o @ k a s m o n e w s p a p e r . c o m

Akhristow bal isweydii diintaadu waxay noqon lahayd haddii aad ku dhalan lahayd Mumbey, ama Tookiyo, ama Moosko, ama Rooma, Ama Tal-Abiib, waaridkaana asal ahaan ka soo jeedi lahaa ummadaha dhulalkaas dega. Sidoo kalena aan isweydiinno waxay noqon lahayd diinta wadaaddada diimaha kala duwan haddii qolo kastaa ka soo jeedi lahayd dhul aan ahayn midka qadartu ku abuurtay.Tusaale ahaan, soo ma dhici kari lahayn in wadaaddada buudigu yahuud noqdaan, kuwa yahuudduna masiixi, m a s i i x i g u n a m u s l i m , muslimkuna diinti i kale ee la doono, cawaantuna muslimiin muwaxidiin ah. Run ahaantiina, waa dhif iyo naadir in dunida laga helo ruux haysta diin uu qaatay ka dib markii uu ku qancay xaq nimadeeda.

Ummadaha kala aamminsan diimaha iyo dhaqamada kala duwanina waxay nabad iyo xasillooni ku wada noolaan karaan haddii qolo kastaa qaddariso diinta iyo dhaqanka qolada kale. Dhibka iyo isku dhacanu waxay imaanayaan marka qolo tiraahdo annagaa saxsan inta kalena waa khaldan yihiin, annagaa ilbax ah inta kalena waa cawaan, annagaa Eebbe na doortay inta kalena ibliis baa durbaan u tuma, annagaa xaqa haysanna inta kalena waa baadil, annagaa jannada galayna inta kalena naartaa loo dareerinayaa, ,

Qof walba iyo ummad kastaa waxay xaq u leeyihiin inay diintooda iyo dhaqankooda u arkaan kuwa xaqa ah, laakiin isla markaa waxaa waajib ku ah inay ixtiraam iyo qaddarin u muujiyaan diimaha iyo dhaqamada kale. Qofna kuma khasbana inuu rumeeyo diin iyo dhaqan uusan rabin, laakiin qof waliba wuxuu ku khasban yahay inuu tixgeliyo dhammaan diimaha iyo dhaqamada ummadaha kala duwan. Waxaa cid kasta u bannaan inay isla weynaato, laakiin waxaa cid walba ka reebban dhayalsiga dhaxalka ummadaha kale.

Sidaa darteedna, islaamku m u s l i m i i n t a w u x u u k a reebay in ay wax cay ama aflaggaaddo ah u geystaan diimaha dadyowga kale, oo tusaale ahaan quraanku wuxuu muslimiinta ku leeyahay: " Ha caayina waxay caabudayaan Eebbe sokodiis, oo ay markaas iyana aflaggaadeyn Eebbe cadownimo iyo cilmi la'aan, sidaasaan ummad kasta ugu qurxinay camalkeeda." [Al-Ancaam: 108]. Su'aasha loo baahan yahay in qof walba oo muslim ahi isweydiiyaana waxay tahay: m a a n t a h a b d h a q a n k a muslimiintu ma ka tarjumayaa macnaha aayaddaas mise maya?

A b b a a r a h a , d h a m m a a n dalalka adduunka, siiba kuwa reer galbeedka marka lagu daro Faatikaanka waxaa ku yaal masaajid waaweyn iyo mawlacyo muslimiintu ku cibaadaystaan, islaamkana ku bartaan. In badan oo ka mid ah masaajiddaas iyo mawlacyadaasna waxaa lagu aflagaaddeeyaa siyaasadaha iyo dhaqamada ummadaha dalalkaas ku dhaqan. Su'aasha isweydiinta u baahnina waxay tahay: dunida islaamka ma ka jirtaa dowlad qura oo fursad noocaas oo kale ah siisa diimaha kale.

Jaamacadaha dalalka Biritan, F a r a n s i i s k a , J a r m a l k a , Talyaaniga, Isbaanishka, Ruushka, Maraykanka, Kanada, Ostaraaliya, Jabbaan,

S h i i n a h a , H i n d i y a , i y o kuwo kale oo badani waxay leeyihiin qaybo lagu dhigo diinta islaamka [= shareecada, taariikhda iyo ilbaxnimada islaamka) iyo xarumo lagu baaro laamaha kala duwan e e a q o o n t a i s l a a m k a . qaybahaas iyo xarumahaas cilmibaariddana waxaa ka hawl-gala aqoon-yahanno muslimiin ah, sannad walbana waxaa cilmi-baarid iyo inay duruus ka bixiyaan u taga boqollaal kale.

Su'aasha ay tahay in muslim waliba isweydiiyaana waxay tahay: dunida islaamka ma ka jiraan jaamacado lagu dhigo diin aan islaamka ahayn, muslimiintuse ma oggolaan karaan in aqoon-yahanno aan muslim ahayni ay jaamacadaha dunida islaamka ka dhigaan maaddada diinta, gaar ahaan diinta islaamka. Jaamacadaha dunida islaamkuse diyaar ma u yihiin inay miisaaniyad gaar ah u qoondeeyaan barashada iyo baaridda diimaha Buudiga, Hinduusiga, Yuhuudiyadda, Kirishtanka, …iwm.

Muslimiinta ku dhaqan dalalka reer galbeedku waxay xaq u leeyihiin inay samaystaan ururro iyo jamciyado, inay yeeshaan qalab warbaahineed, inay faafiyaan oo daabacaan qoraallada ku saabsan diinta is laamka s ida: kitaabka quraanka, kutubta tafsiirka, xadiiska, siirada … iwm., inay helaan hilib xalaal ah, inay furtaan bangiyo islaam ah, iyo arrimo kale oo badan oo ka tarjumaya diintooda iyo dhaqamadooda. Haddaba, aan isweydiinnee dadyowga diimaha kale haysta ee ku dhaqan dunida islaamku ma heli karaan xuquuq taas la mid ah.

H a d d a b a , m i y a a n l o o baahnayn in muslimiintu i s - g a r w a a q s a d a a n , o o fahmaan xikmadda ku jirta maahmaahda Soomaaliyeed

ee tiraahda: "Gaalka dil gartiisana sii !!". Miyaan la gaarin waqtigii diinta loo arki lahaa inay tahay xaq ka mid ah xuquuqda aadanaha, oo qof walba faraha looga qaadi lahaa inuu qaato diinta uu doono, Ilaahiisna si xor ah u caabudo, haddii uusan ku xad gudbayn qaanuunka, isla markaana wax u dhimayn amniga iyo anshaxa guud. Waxaa la wariyey in nin Kirishtaani ahi uu u yimid halyeygii Hindiga ahaa ee Mahatmaa Gaandi isaga oo weydiinaya su'aasha ah: ii sheeg sidaan ku qaadan karo diinta Hinduusiga. Gaandina ninkii wuxuu ku yiri: "Waxba hinduusi ha noqon, laakiin noqo kirishtaan suubban!". Waxayna u muuqataa, in haddii qofka Mahaatma Gaandi u tagey uu noqon lahaa buudi, ama yahuudi, ama muslim, ama diintii kale ee la doono, in jawaabta Gaandi noqon lahayd hayso diintaada, laakiin noqo muumin wanaagsan. Diimuhu waa kala magac iyo muuqaal duwan yihiin, laakiin nuxurkoodu waa isu dhow yahay, waana in ruuxu xaq dhawro dhammaan noolaha kale, isaga oo garwaaqsanaya in dhammaantood uu uumay Rabbi keli ahi, ayna jirto xikmad loo uumay. Waana in la ogaado "in murtadku uusan ahayn kan dabka ku gubta, balse murtadku uu yahay kan dabka huriya ".

12- Gunaanad:Isku soo duuboo, islaamku riddada wuxuu u arkaa dhaqan xun oo caro Alle iyo ciqaab aakhiro lagu galabsanayo, laakiin marna ma jideyn ciqaab aadane oo murtadku adduunyada ku mutaysanayo. Muslimiintuna waa in ay ogaadaan in maanta la joogo xilligii naqdinta iyo kala hufidda lagu samayn lahaa fikradihii laga dhaxlay culumadii islaamka ee noolaa qarniyadii dhexe, oo laga tuuri lahaa wixii aan aasaas xooggan ku qotomin, isla markaana aan la jaanqaadi karin baahida bulshada qarniga 21-aad. Inkasta oo anqaasta culumadu ay ka fadli badan karto dhiigga shuhadada, haddana marna anqaastu ma aha waxyi Eebbe oo aan la beddeli karin. Waana in mar walba xisaabta lagu darsado in Eebbe nebi Muxamed (SCW) u soo diray si uu naxariis ugu noqdo caalamiinta, laakiin uusan u soo dirin si uu u warjeefo caalamiinta. Eebbana wuxuu yiri: " Ciddii disha naf aan naf (dilin) ama fasaadin dhulka wuxuu la mid yahay inuu dilay dadkoo dhan, ciddii naf nooleeyana wuxuu la mid yahay isagoo dadkoo dhan nooleeyey" [Al-Maa'idah: 32]. Nebiguna (SCW) wuxuu noo-sheegay in muslimiinta uu ugu wanaagsan yahay "kan dadku [= muslim iyo gaalaba] ay ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa", wuxuu kaloo noosheegay in diintu tahay akhlaaq wanaag [= Addiinu xusnu al-khuluq".Eebbow na solansii !!!Saciid A. [email protected]

Page 10: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

Maxaa loo xusayaa 40-guurada? Habeenkii 27kii Oktoobar 2012, magaalada Lon-don waxaa ka dhacay xus weyn.

Boqolaal ka mid ah Soomaalida London iyo meelo ka baxsanba, waxay isugu yimaadeen xarun lagu magacaabo Camden Centre.

Dadkaas meesha isugu yimid oo qaarkood safar uga yimaadeen dalal dibedda ah, hal arrin oo keliya ayaa kulmisay: in loo dabaaldego 40-guu-radii ka soo wargeetay markii 1972 la go'aansaday hirgelinta qoraalkii Af-Soomaaliga.

Hase ahaatee, su'aasha sare waxay u baahan tahay in laga jawaabo.

Hey'adihii abaabulay xuska 40-guurada, waa Soohan Somali Arts iyo Wargeyska Kasmo, waxay ku sheegeen ujeedada Xuska 40-guurada, sidan:-

1. In dib loo milicsado wixii ka horreeyey 1972 (Xilligii ayan Soomaaliya lahayn af qoran oo rasmi ah), lana bogaadiyo dadkii kaalinta weyn ku lahaa qoraalka farta Soomaaliga.

2. In dadka Soomaaliyeed ee aan la socon dedaalkii iyo naf-hurnimadii weyneyd ee loo soo galay qoris-ta afka Soomaaliyeed, ayna helaan xog muhiim ah oo ku saabsan afka aynu maanta qorano.

3. In loo dabaaldego oo la weyneeyo guushii laga gaaray qoraalka afka Soomaaliga iyo mirihii ka dhashey.

Markaas, sida loogu dabaaldegey, oo loo weyneey-ey 40-guurada qoraalkii af-soomaaliga, waxaad mooddaan in laga dhigayo in ay la martabad tahay madaxbanaanidii qarameed, madaxbanaanidii gumeysiga laga xoroobay.

Haa waa run, in afka la qoray kama mudnaan yarayn in calan la qaatay, waxaana, sida xorni-madu dad u soo halgamay oo taariikhdu xusto u leedahay, uu qoraalka af-soomaaliguna leeyahay dad u soo halgamay iyo geesiyaal markii dambe libintii gaaray.

Sidaas darteed, 40-guuradan iyo sanado dambe oo imaan doona waxay mudan yihiin in la xuso, la weyneeyo qoraalkii af-soomaaliga.

Mar walba waa la xusi doonaa af-soomaaliga, cid-dii ka soo shaqaysey iyo kuwii hirgeliyey.

BOGGA KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012 10

May be this time for the first timeSomalia will have a real parliament.

May be this time for the first timeSomalia will have a popular president.

May be this time for the first timeSomalia will rise from the ashes.

May be this time for the first timeSomalia will have an everlasting peace.

May be this time for the first timeSomalia will stand on its feet.

May be this time for the first timeSomalia will strongly be united.

May be this time for the first timeSomalia will highly be respected.

May be this time for the first timeSomalia will become a great country.

Maxamed Maxamuud Xandulle, Somali Ambassador, Moscow

Somali song for dhalinta

jaaliyadaha

www.k

asmone

wspape

r.com

Page 11: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

BOGGA 11 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

Waqt igu wuu soconayaa , taariikhdu way qormeysaa, adduunyadu waa gelinba ceyn, aadanuhu wuu dhalanayaa, wuuna dhimanayaa, dadku waari maayaan, wax baase ka haraya, samaan iyo xumaan tii ay noqotaba xusuus baa jireysa diiwaanka ku xarriiqanta. Waa dabeecadda nolosha in lagu soo hal-qabsado beri hore waxaa jiray, tiiyoo laga gaabsado waxa taagan ee isu tilmaanka iyo ku dayashada mudan. Soomaalida loogama baran qof aan dhiman inay wanaaggiisa sheegto, haa loogama baran qof nool inay ku ammaanto waxqabadkiisa.

Ummaddeenna wuxuu Alle ku galladay dad xulanti ama kaalin-qaad ah oo garaad badan. Balse waxaa jira shakhsiyaad dhaliilo iyo ceebaal u raadiya qofkii dedaal u gala wax u qabashada bulshada, waxayna ku suntaan dabeecado iyo hab-dhaqan aan ka suuroobin. Markii la magacaabay raysul wasaaraha waxay ku eedeeyeen inuu yahay nin ay xaaskiisa daaha gadaashiisa ka hagto, illeen waa ummad garaad beeshaye, maxaa mudane iyo marwadiis is-

maamulkooda iyo is-hagistooda ceeb ka dhigay?. Kaba darane qofta ay farta ku fiiqayaan waa Dr. Caasho Xaaji Cilmi, oo ah aqoonyahan hoggaanka u haysa hablaha nabadda iyo hurumarka soomaaliya u heellan.

Waxaa ka mid ah xildhibaan Dr. Asha Haji Elmi oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo qeyb ka qaadatay nabadda, dib-u-heshiisiinta, horumarka, caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka iyo sidii ay haweenka Soomaaliyeed saami fiican uga heli lahaayeen awood-qeybsiga hay’adaha dowladda, carruurtuna ay u heli lahayd daryeel, waxbarasho iyo xuquuq dhammeys t i ran , waxayna arrimahaas ku bixisay waqti iyo dhaqaale badan.

Waa waddaniyad daacad ah oo ka hufan eex, caddaalad-darro iyo qabyaalad. Waa geesiyad dhiirran oo awood u leh inay runta ka hadasho marka aanay in badan oo bulshadeenna ka tirsani sidaa u bareeri karin. Waa codka rajada dhiirrigeliya oo ku guubaabiya haweenka iyo aqoonyahannada inay midnimo iyo iskaashi ku

dhisaan qarannimo taam ah.Doorka haweenkaX i l l i a a n a y d u m a r k a Soomaaliyeed qeyb ka ahayn geeddi-socodka nabadda ayay Caasha Xaaji Cilmi u istaagtay dedaal ay ku doonaysay in haweenka wax laga wadaajiyo talada dalka. Waxay qeyb ka ahayd shakhsiyaadkii u dhaqdhaqaaqay in dumarka soddon boqolkiiba laga siiyo baarlamaanka Soomaaliya.Haweenka waxaa u soo hoyatay guul weyn oo taariikhi ah mar haddii ay xukuumadda Soomaaliya ku yeesheen labo wasaaradood oo waaweyn oo muhiim ah.

“Qofta haweeneyda ah wax ay dhashay iyo wax iyada ka farcamay bay leedahay ee tol iyadu ma leh, qabiil ay sheegatana ma leh” ayay tiri Caasha mar ay ka hadleysay dhibaatada dagaallada ka soo gaaray dumarka, fikraddaas oo ah meesha ay ka keentay inay haweenku qabiil yeeshaan, kaas oo arrinta ugu weyn ee uu ka shaqeeyo ay tahay nabadda.

Nolosheeda iyo waxqabadkeeda oo dhan waxay u hibeysay sidii ay dedaalkaas uga miro-dhalin lahayd. Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2000 (Shirkii Carta) waxay Caasha gaysay fikradda ah inay haweenku noqdaan beesha lixaad si ay fursad ugu helaan ka qeybgalka horumarka iyo siyaasadda dalka min degmo ilaa heer qaran. Soomaalidu waxay markaas wax ku qeybsanaysay afar beelood iyo bar oo u dhigmi karta shan beelood.

Waxay sanadkii 1992-kii wax ka aasaastay, isla markaana ay madax ka noqotay Ururka Badbaadinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed (Save the Somali Women and Children – SSWC). Waxay waxbarasho lacag la’aan ah u fidisay gabdho

yaryar oo Soomaaliyeed. Waxay u dooddaa xuquuqda dadka dulman, gaar ahaan haweenka. Waxay maalgelisay xarumo ka shaqeeya caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.SiyaasaddaCaasha Xaaji Cilmi waxay bishii January ee sanadkii 2004 ahayd haweenayda keliya ee wax ka guddoomisay wejigii ugu dambeeyey ee shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya, iyadoo ahayd haweenaydii ugu horreysay ee wax ka saxiixday heshiiskii nabadeed ee shirkaas lagu gaaray.Waa siyaasiyad aaminsan inaan qalalaase lagu raadinin isbeddel. Caasha waxay ka mid noqotay baarlamaankii KMG-ka ahaa ee Soomaalida loogu dhisay Kenya 29-kii August 2004, waxayna xilkaas haysay tan iyo sanadkii 2009.

Hadda waxay xubin ka tahay baarlamaanka Soomaaliya loo dhisay bishii August, 2012 kaasoo sida uu qorshuhu yahay shaqeynaya afarta sano ee soo socota. Waa baarlamaankii ugu horreeyay oo rasmi ah wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Aragtideeda siyaasadeed ee colaadda Soomaaliya mar ay cabbirtay waxay tiri “anigu w a x a a n i r a a h d a a d a d k a Soomaalida ah ma dirirsanayn ee siyaasado ayaa diririsanaa, siyaasadihii baana loo adeegsaday inay cadaawad dhex marto”.

NabaddaCaasha waxay rumeysan tahay nabad in la dhiso inay u baahan tahay geesinnimo. Muddadii ay burburka ku jirtay Soomaaliya waxay u dhaqdhaqaaqaysay in la helo xasillooni iyo nabad, dedaal dheer bayna arrintaas u gashay waana tan keentay in sanadkii 2001 uu Xiriirka Nabadda Adduunka ( In t e rna t i ona l Federation of World Peace) u

Caasha X. Cilmi: waddani xilkasnimo, karti, aqoon

iyo hufnaan lehmagacaabo ergay-nabadeed.Sanadkii 2003 waxaa Caasha la guddoonsiiyay abaal-marinta la siiyo dadka u soo halgamay nabadda ee wax wanaagsan u qabtay bulshadooda.Caasha waxaa sanadkii 2005 ay ka mid noqotay kun gabdhood oo loo xushay in laga dhex doorto qofkii la siin lahaa billadda Nobel Peace Prize.ShakhsiyaddaWaa hooyo Soomaaliyeed oo leh karti iyo hufnaan, waxay hooyo u tahay soona barbaarisay qaar ka tirsan dhallinyarada ugu tayada iyo tacliinta badan Soomaaliya. sidoo kale, waxay aasaas u tahay qoys guuleystay marka loo eego heerka aqoonta carruurteeda iyo saygeeda oo hadda ah raysul wasaaraha Soomaaliya, waa halka laga yiraahdo (Nin kasta oo guuleysta waxaa guushiisa ka dambeysa haweenay wanaagsan oo garabkiisa taagan).

Waxay kaalin firfircoon uga jirtaa dedaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo dhinacyada siyaasadda iyo arrimaha bulshada.Dr. Caasha Xaaji Cilmi waxay ka qalinjebisay kulliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay shahaadada mastarka ka qaadatay qeybta maamulka ganacsiga ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Mareykanka (US International University) – Laanteeda Nairobi.

Caasha waa halyey ay ku daydaan dhallinyaro badan oo jecel inay diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxtaraan oo kaalin libaax ay ka qaataan halganka iyo ruclaha loogu jiro tartanka dhinaca horumarka ee dunida. Allow dhowr oo guulee Caasha iyo inta la midka ah….Aamiin.W.Q: Khaliif Cali Guure.12/11/2012

Caasho Xaaji Cilmi- Marwada Ra'iisal Wasaare Saacid

Page 12: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

BOGGA 12 KASMO Tirsi 351 15 Nofember 2012

40 Gu

urada

Qoraa

lkii Af

-Soom

aaliga

Page 13: Toddobaadle lagu daabaco London- khamiis kasta Weekly · PDF fileoran, kii yarastayna kama wada tegin”. Waxaad mooddaa in maahmaahdani ka muuqaato siday ahayd Shire Jaanac Axmed

360mm x 289mm