warbixin ku saabsan bypass – qalliinka khaanadaha ... · wejiga iyo timaha hor maydh. jidhka oo...

9
WAA MAXAY WADNA QABSINKU (Angina Pectoris): Xididada wadnaha oo yaraada ama xidhma waxa ay sababaysaa in muruqa wadnaha dhiig yari soo gaadho, ka dibna oksijiin yar. Tani waxa ay keensan kartaa xanuun (angina pectoris), gaar ahaan haddii la isku taxa lujiyo. WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA: QALLIINKA BY-PASS: Qalliin halka la gelinaayo xididada dhiiga ee cusub, kuwaas oo dhiiga dhaafinaaya meesha ciriiriga ah ama xidhan. QALLIINKA KHAANADAHA: Qalliin lagu bedelaayo khanadaha buka, qaar la sameeyey ama noole kale laga soo qaaday. Mar marka qaar khaanad wadne oo xanuusanaysa ayaa la hagaajin karaa. WAA SIDEE QALLIINKA BYPASS: Suuxitaan buuxa ayaa lagu siinayaa. Dhaktarka qalaaya xidid koobe ah ayuu oo bypass loo isticmaalaayo ayuu ka soo qaadayaa lugta. Laabta ayaa la furayaa iyada oo lafta laabta dhererka loo jeexaayo. Dhaktarku waxa uu xagga gudaha laabta ka banaynayaa xididka halbawlaha. Waxa lagugu xidhayaa mashiin qabanaaya shaqadii wadnaha iyo sambabada muddo, inta uu dhakhtarku ka tolaayo xidida dhiiga ee cusub. MAALINTA KA HOREYSA QALLIINKA: - Waxa aad warbixin ka helaysaa dhakhtarka qalliinka, suxiyaha, murqo kala saaraha iyo xanaanisada. - Haddii aad gadh leedahay waa in la xiiro. Tan, iyada oo laga baqaayo infakshan. - Iska tirtir wixii xamuurad ah ee marsan faraha. Cidiyaha waa in la jaro, lana nadiifiyo. - Ku maydho saabuunta disha jermiska intaanad seexan ka hor. - Soon laga bilaabo saacaddu marka ay tahay 24, ha cunin oo ha cabin wixii intaa ka dambeeya. - Waxa laguu soo bandhigi kiniinka hurdada.

Upload: others

Post on 14-Jan-2020

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

WAA MAXAY WADNA QABSINKU (Angina Pectoris):Xididada wadnaha oo yaraada ama xidhma waxa ay sababaysaa in muruqa wadnaha dhiig yari soo gaadho, ka dibna oksijiin yar. Tani waxa ay keensan kartaa xanuun (angina pectoris), gaar ahaan haddii la isku taxa lujiyo.

WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA:

QALLIINKA BY-PASS:Qalliin halka la gelinaayo xididada dhiiga ee cusub, kuwaas oo dhiiga dhaafinaaya meesha ciriiriga ah ama xidhan.

QALLIINKA KHAANADAHA:Qalliin lagu bedelaayo khanadaha buka, qaar la sameeyey ama noole kale laga soo qaaday. Mar marka qaar khaanad wadne oo xanuusanaysa ayaa la hagaajin karaa.

WAA SIDEE QALLIINKA BYPASS:Suuxitaan buuxa ayaa lagu siinayaa. Dhaktarka qalaaya xidid koobe ah ayuu oo bypass loo isticmaalaayo ayuu ka soo qaadayaa lugta. Laabta ayaa la furayaa iyada oo lafta laabta dhererka loo jeexaayo. Dhaktarku waxa uu xagga gudaha laabta ka banaynayaa xididka halbawlaha. Waxa lagugu xidhayaa mashiin qabanaaya shaqadii wadnaha iyo sambabada muddo, inta uu dhakhtarku ka tolaayo xidida dhiiga ee cusub.

MAALINTA KA HOREYSA QALLIINKA:- Waxa aad warbixin ka helaysaa dhakhtarka qalliinka, suxiyaha, murqo kala saaraha iyo xanaanisada.- Haddii aad gadh leedahay waa in la xiiro. Tan, iyada oo laga baqaayo infakshan.- Iska tirtir wixii xamuurad ah ee marsan faraha. Cidiyaha waa in la jaro, lana nadiifiyo.- Ku maydho saabuunta disha jermiska intaanad seexan ka hor.- Soon laga bilaabo saacaddu marka ay tahay 24, ha cunin oo ha cabin wixii intaa ka dambeeya.- Waxa laguu soo bandhigi kiniinka hurdada.

Page 2: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

MAALINTA QALLIINKA:

SARIIRTA:- Xanaanisada ayaa daawo ku siin. Daawooyinkaaga waxa ha ka qaadan.- Meesha qalliinka, lugta iyo labada lugood halka ay iska galaan waxa xiiraaya xanaanisad/xanaaniyaha.- Kadibna haddana waxa aad ku maydhanaysaa saabuunta disha jermiska.- Saacad ka hor qalliinka waxa lagu siinayaa daawo irbad ku dejisa.

QAYBTA QALLIINKA:Qalliinku waxa uu qaadanayaa 2-2 1/2, bilaw ilaa dhamaad

QAYBTA DEGDEGGA:- 24ka saacadood ee ugu horeeya waxa aad jiifaysaa qaybta degdegga.- Marka aad toostid ee aad neefsan kartid, waxa lagaa saarayaa tuubada hawomareenka kaaga jirta, mashiinka hawada waa la xidhayaa.- Labo tuubo ayaa la dhigay, hoosta lafta laabta si ay dhiiga wadnaha agtiisa uga duwaan. Kuwan waxa laga furayaa subaxa dambe.– Haddii wadnahu garaaco qunyar ama si aan joogto ahayn, waxa lagu xidhayaa pacemaker(caawiyaha wadnaha) ku meel gaadh ah oo lala xidhiidhsiinaayo biro yar yar oo wadnaha ku xidhan oo jidhka intiisa kalena la raaciyey.

Page 3: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

MAALINTA QALLIINKA DAMBAYSA XAALADDA CAADIGA AH

Maalinta 1aad- Caadiyan qalliinka kadib waxa aad ku soo noqonaysaa sariirtaada- Hadafka maalintaasu waa in aad kursi ku fadhidid marka xilliga cuntada iyo murqo kala saarka.- Maalintaa laba jeer ayuu qolkaaga kuugu iman doonaa murqo kalsaaruhu.- Iyada oo ay muddo udhaxaysa ayaa lagu siinayaa dawada kaarjebinta. Waa caadi in aad dareentid xanuunka dhaawaca - Dareemo in murqu isgaleen iyo jidhka oo xanuuna. Xanuunku waa kordhi karaa marka qufaca iyo shaqada. Sidaa owgeed waa muhiim in qofku uu kaarka isdaweeyey si aad si fiican hawada u qaadatid, koru soo saartid malaxda dhadhaqaaqaaguna ugu wanaagsanaado. Si looga hortago xanuunka dhaawaca marka qufaca iyo shaqada waxa aad si fiican u taageeraysa lafta laabta.-Siidhiga -PEP- waxa la isticmaalayaa saacad kasta oo uu qofku soo jeedo, subax ilaa habeen. Neefso mid dheer oo qunyar ah, afuufna. Hadafku waa 10 afuuf x 3 maalin kasta. Qufac ama taageer afuufka 10aad kadib.- Waa muhiim in aad si fiican waxu cabtid, qiyaastii 2 liter maalmaha ku xiga.

Page 4: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

Maalinta 2aad.- Kateeterka kaadida dadka intooda badan waa laga saaraa.- Maalinkasta waa lagu miisaamayaa si loo eego in uu miisaankaagu uu hoos u dhacay, dheecanka jidhka owgii.- Ilaalo bilaa xadhig ah wadnaha ah ayaa lagu siinayaa- Sida caadiga ah waxa aad awoodaysaa in aad in kabadan soo jeedid oo markaa aad kursi ku fadhiisan kartaa ama aad daaradda socsocon kartaa. - Murqo kala saaree 1-2 ganger maalintii, kadibna marka loo baahdo ilaa inta laga dhoofaayo.- Murqo kala saareeha (wehiliso xanaanisada) ka soo tooska sariirta ayey kaa caawinayaan waaxaanay ku barayaan sidii aad sariirta uga soo kici lahayd adiga oo aan wax culays ah gaarsiin gacmaha. Lafta laabta 2 ayaa loo kala qaybiyey, markaa waxa laga soo qaadayaa in ay jabantahay.- Sharabaadka adkeynaaya, maalintii ayaa la isticmaalaya maalinkasta. Intaanad habeenkii seexan waxa kaa furaysa xanaanisada.

Maalinta 3aad.- Waxa laguu ogolyahay in aad maydhatid. - Dhaawaca qiimayn ayaa lagu samayn marada waa lagaa bedeli.- Jimicsi iyo jimicsigaa. gaarka aha- Murqo kala saaraha ayaad jaranjarta la soconaysaqa.

Page 5: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

WIXII INTAA KA DAMBEEYA:In shaqada lakordhiyaa mid la sugaayo. Adiga ayaa mas´uuliyadeeda qaadaaya jimicsi la imaatanka iyo shaqada

KU DADKA KHAANADAHA LAGA QALAY:- Kadib qalliinka khaanadaha samayska ah, isticmaalka MAREVAN waa lagama maarmaan. Tani waa daawayn cimriga ah. Waa caadi in la maqlo “qardhab qardhab”, muddo kadib way baabi´i- Khanadaha laga sameeyey noolaha, sida caadiga ah uma baahna daawinta MAREVAN.

ILKA DAAWINTA DADKA KHANADAHA LAGA QALAY:Bukaanka lagu sameeyey qalliinka khaanadaha, intaan hawlgalka weyn ilkaha la samayn waxa la siinaya antibiotikk. La hadal dhakhtarkaaga/dhakhtaarkaga ilkaha

CARJAWDA PACEMAKERKA:- Carjawda pacemakerka dhakhtarka ayaa saaraaya maalin ka hor guri ku noqod kaaga.

BIXITAANKA: - Joogitaankaaga Feiringklinikken waxa aad tegaysaa Cusbitalka deegaanka .- Gaadiidkaaga, adiga iyo qaraabadaada anaga ayaa isku dibu ridayna..- Guri ku soo noqoshada waxa ku dhacaysaa taxi baska caafimaadka, ambalaas ama diyaarad.- Waxa la soo raacinayaa qoraal ay ku qoran tahay waxa la sameeyey iyo hawlgallada hadhay.

Page 6: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

SAAMAYN LABAAD IYO ADAYGYADA ISKU XIDHAN EE IMAN KARA:- 24ka saacadood ee ugu horeeya, in meesha qalan dib loo furo si dhiiga looga joojiyaa waa mar iyo dhif.- Caadi weeyaan in dhiig ku ururo wadnaha iyo sambabada oo laga shubo .- Haddii wadnagaraacistu yaraato ama ay joogto noqon weydo waxa lagama maarmaan noqon karta carjawda pacemakerka in si ku meel gaadh ah iyo mid noolosha oo dhanba lagugu xidho. - Mar iyo dhif ayaa waxa iman kara in infakshan ku yimaado meesha qalliinka ee laabta ama lugta.- Adaygyada isku xidhan badan kooda waxa lagaga hawlgalaa cusbital gaar ah Mar marka qaar waa in aad ku soo noqotid Feiringklinikken hawlgal owgii.

MARKA AAD GURIGA TIMAADID

SAMBABADA:- Dheecaan iyo qoyaan laabta kaaga jiraa ayaa dareen ku qaadsiin kara ah in aad culustahay- haddii aad shaqo qabatidna aad xiiqayso.- Waxa aad wadaysaa in aad neefsatid – iyo tabobar qufaca ah inta aad isleedahay baahi baad uqabtaa.

KAAR/LAFTA LAABTA:- Kaarka laabta sida caadiga ah wuu joogsadaa 2-4 wiig kadib.- Kaarku waxa uu ku iman karaa lafta laabta, qoorta/garabka iyo feedhaha.- Kaarjebin qaado haddii aad u baahatid. Waa muhiim in aad si xor ah oo buuxda u neefsatid.- Lafta laabtu waxa ay ku soo baxaysaa 8 wiig gudahood. Haddii arrimaha khatarta wata sida, da weyni, macaan, osteoperose(xanuunka lafaha,), misaan culus ama sigaar, 12 wiig ayeey qaadan kartaa ilaa inta ay laftu bogsanayso. Mudadan waxa aad iska ilaalisaa dhaqdhaqaa kediska ah iyo qaadis wixii ka badan isku darka 5 kiilo..- Haddii aad si kedis ah u heshid xanuun daran oo lafta laabta kaaga yimaada waa in aad dhakhtar la xidhiidhid. GARAACITAANKA WADNAHA:- Dadka qaar waxa ay helaan (atrieflimmer), waxa weeyaan garaacid dhakhso ah oo aan joogto ahayn. Haddii ay dhacdo inta aad dhakhtarka ku jirtid waxa laguu bilaabayaa daawayn. Haddii ay kugu dhacdo kadib marka aad guriga timaadid, dhakhtarka la xidhiidh

Page 7: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

MEESHA DHAAWACA/QODOBKA:- Meesha dhaawaca ah waxa lagu tolayaa, duno iska baaba`aaya.- Dunta birta ah ee laabta lama saaraayo.- Halkii lafta laabta hoosteeda ee ay tuubooyinku ku jireen, dun baa laga saarayaa 10-12 cisho kadib. La xidhiidh dhakhtarkaaga joogtada ah si arrintan loo sameeyo.- Haddii koonayaasha meesha dhaawaca ay bararaan, kululaadaan oo ay meeshu casaato, waxa ay noqon kartaa infakshan. Markaa waa in aad dhakhtar la xidhiidhid!

LUGTA XIDIDKA LAGA SAARAY:- Haddii lugtu bararto waxa sharabadka cadaadinaaya ayaa weli maalintii la isticmaalayaa.- Way fiicantahay in lugta meel sare la saaro.- Iska ilaali in lugaha adiga oo fadhiya iswaydaarisid- Lugta si caadi ah ayaa loo isticmaalayaa.

KAAR/XUMMAD:Haddii xummaddo ay ka badan tahay dhakhtarka ayaa lala xidhiidhayaa.

RAYAKSHANKA MASKAXEED:Dabeecaddu way isbeddeli kartaa, waa caadi in qofku mudada ugu horeysa uu nijadjabsan yahay, dulqaadkiisu yar yahay, xanaaqaayana. Inyar inyar bay u tegi. Haddii murugada iyo cadhada badani kugu bataan –dhakhtar la xidhiidh.

Page 8: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

GALMADA:- Dib baad u soo celin kartaa galmada marka aad rabtid ee aad kari karaysid. 8da wiig ee ugu horeeya lafta laabta ilaali.

BAADKA/XAMAAMKA IYO KULAYLKA:- Si caadi ah ayaad u maydhan kartaa.- Berkedda lagu maydho iyo dabaasha waxa aad la sugaysaa ilaa lafta laabtu ay ka bogsanayso(8wiig)- Kulayliyaha waxa aad geli kartaa marka qodobku bogsado

NASASHO IYO ISBAXNAANIN:- Haddii aad rabtid joogitaan ah nasasho qalliinka kadib, waan kugu caawin karnaa inta aad joogtid dhakhtarka. Feiringklinikken waxa uu leeyahay qayb wadna baxnaanin ah oo aad dalbin kartid adiga oo dhakhtar u sii maraaya.

CADDAYNTA XANUUNKA:Waa caadi in qofka loo qoro caddayn xanuuneed oo ah 6 wiig ilaa 3 bilood.

DAAWOOYINKA:-Inkasta oo ay jiraan daawooyin aad yarayn kartid oo aad u qaadatay wadna xanuunka, se dadbadani waxa sii wadi doonaan daawadaa wadna xanuunka. Wixii beddel dhakhtar ayaa samaynaaya ee adigu weligaa iska ha u samayn.

BAABUUR WADIS:Lix wiig iska sug. Markasta suunka isticmaal!

KOONTROOL IYO LA SOCOD DAMBESida caadiga ah dhakhtarkaaga deeganka ayaa kuugu yeedhaaya koontarool. Haddii aad u baahantahay la socod intaa dheer, la xidhiidh dhakhtarkaaga joogtada ah.

Page 9: WARBIXIN KU SAABSAN BYPASS – QALLIINKA KHAANADAHA ... · Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh Galka ka jeex biyana ka buuxi. Jidhka oo dhan si fiican ku

QAABKA MAYDHASHADA

SIDAN BAAD U MAYDHANAYSAA HABEENKA IYO SUBAXA QALLIINKA KA HOREEYA

DESCUTAN waa rabadh lagu shubay saabuun bakteeriyada disha, lana isticmaalaayo maydhashada ka horeysa qalliinka .FG! Wejiga yaan lagu isticmaalin.

Wejiga iyo timaha hor maydh. Jidhka oo dhan si fiican u maydh

Galka ka jeex biyana ka buuxi.

Jidhka oo dhan si fiican ku maydh rabadhka, qorta ilaa hoos. Marka hore qaarka sare, dabadeedna lugaha, kadibna hoosta Ku sii feejignow, kilinkilooyinka iyo labada lugood dhexdooda. 3 daqiiqdood sidaa ha ahaato intaanad biyo iskaga rogin. Ku sii feejignow xundhurta!

Tuwaal/shukumaan qalalan isku qalaji. Marka ugu dambaysana xagga hoose masax. FG! Bodylotion/kiriim ha is marin. Nigis iyo shaati nadiif ah xidho.

Haddi jidhka finan kaa soo baxeen ama finan ama aad dhaawac ku leedahay u sheeg xanaanisada!

Kabo la`an haku socon dhulka. Isticmaal dacas nadiif ah!

Xasuuso cadayashada!