wargayska ilays toddobaadkan waxaa lagu … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. ololahan oo si...

8
ARBACA 15 APRIL 2009 Caddadka 22aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY GAROWE, MADBACADDA HORYAAL AYAA DAABACDAY INTERNET GSM SMS MASSAGE E-ADEEG OUR SERVICE OUR SERVICE Ilaysnewspaper Founder C/shakuur Mire Aadan Ilaysnewspaper Editor Omar Siciid Moh’ed E:- [email protected] EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2AAD ILAYS Faroole iyo Sharmarke oo Gaari Doona Nairobi. W arar la xaqiijinayo oo ka kala imanaya Madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxtooyadda Punt- land ayaa xaqiijinay in Ra’iisul Wasaare Curmar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ay casumaad ka heleen Safiirka Maraykanka u fad- hiya Nairobi.Weli lama hayo faahfaahin dhaafsiisan Casumaadaas. Waxaase soo baxay warar sheegay in labadan masuul lagala hadli doono waxyaabo ku taxaluqa dhinaca amniga iyo si- yaasadba. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa sax- aafada caalanku aad uga hadlaysay dardarta ay la soo baxeen burcad- badeedka Soomaalida oo ruxay marin biyoodka gacanka Cadmeed iyo Bad- weynta Hindiya ee xeebaha Soomaa- liya kulaala. Taaso oo khalkhal gelisay isu socdka ganacsiga caalamka oo Soomaaliya marin muhiim ah u tahay. Waxaa soo baxay warar dheeraad ah oo iyana sheegay in Maraykanku uu doonayo inuu baritaaro maamuladda Soomaaliya ka jira si loo hakiyo- falalka Burcadbadka oo halis sii kordhaysa ku ah Caalamka. Waxaa loo dhagtaagayaa waxa ka soo baxa kulanka masuuliyiinta Soomaaliya iyo Maraykanka ku dhexmaridoona Nairobi Kenya waxa ka soo baxa. Waxaa kaloo Raiusul Wasaare Cumar kala hadli doonaa heshiis Is-Afgarad ama is-faham oo ay xu- kuumadiisa, Dowlada Kenya la saxiixdeen isla markaasna Qoraal- ka loo bixiyey Is-Afgaradka, waxaa si qeexan uga muuqda in badda u dhaxaysa labada dal la geliyey “muran”. Taas oo loo fahmi karo in Dawladda Soomaaliyeed ay Kenya la afgararay in Badda Soomaaliya “Muran” la geliyo. Waana kelmedda ay Kenya raadinaysay inay u gudbi- sato Qaramada Midoobay. Weli lama xallin calaamadinta qal- foofka qaaradda (badda) u dhax. aysa Kenya iyo SoomaaliyaArrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinay- aa “MURAN BADEED”. Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu qiray in ay raa- dinayaan “WAX BADSI” iyo in loo baahan yahay in arrinta loo sa- meeyo guddi. Haddaba su’aashu waxay tahay maxaa guddi loo samayn waayey ka hor inta aan heshiiska (is-afgaradka) lala gelin Kenya, si ay ula xaajoodaan. labada Masuul waxaa saaran cu- lays xoog leh, Madaxweyne Fa- roole waxaa Dadweynaha punt- land iyo Beesha Caalamkuba ku cadaadinayaan in uu wax ka qa- bto Burcad badeeda, Halka Md, Sharmar’ke dowladiisa ay Cadaa- dis kaga imaanayso Islaamiyiinta iyo dad kale oo ka caraysan heshi- iska lala galay kenya Xukuumadda Riyaale Oo Ku Hawlan Olole Ay Ku Doonayso Inay Iskaga Hor Keento Beelaha Gaagaab:- Waan isdifaacayaa Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay... EEG BOGGA 7AAD BIDIX, RA’ISUL WASAARAHA SOMALIA CUMAR , BIDIX,MADAXWEYNAHA PUNTLAND,Md,FAROOLE MADAXWEYNAHA OBAMA OO KU GOODIYAY IN UU DABAR GOYN DOONO BURCADA EEG BOGGA 3AAD

Upload: vantuong

Post on 12-Mar-2019

244 views

Category:

Documents


1 download

TRANSCRIPT

Page 1: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

ARBACA 15 APRIL 2009 Caddadka 22aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh

WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY GAROWE, MADBACADDA HORYAAL AYAA DAABACDAY

INTERNETGSM

SMS MASSAGEE-ADEEG

OUR SERVICE OUR SERVICE

Ilaysnewspaper FounderC/shakuur Mire Aadan

Ilaysnewspaper EditorOmar Siciid Moh’ed

E:- [email protected]

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 2AAD

Caddadka 22aad Caddadka 22aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 , Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000

Ilaysnewspaper FounderIlaysnewspaper FounderIlaysnewspaper FounderIlaysnewspaper FounderC/shakuur Mire Aadan

Ilaysnewspaper EditorOmar Siciid Moh’ed

E:- [email protected]:- [email protected]

Faroole iyo Sharmarke oo Gaari Doona Nairobi.

Warar la xaqiijinayo oo ka kala imanaya Madaxtooyada

Soomaaliya iyo madaxtooyadda Punt-land ayaa xaqiijinay in Ra’iisul Wasaare Curmar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ay casumaad ka heleen Safiirka Maraykanka u fad-hiya Nairobi.Weli lama hayo faahfaahin dhaafsiisan Casumaadaas. Waxaase soo baxay warar sheegay in labadan masuul lagala hadli doono waxyaabo ku taxaluqa dhinaca amniga iyo si-yaasadba.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa sax-aafada caalanku aad uga hadlaysay dardarta ay la soo baxeen burcad-badeedka Soomaalida oo ruxay marin biyoodka gacanka Cadmeed iyo Bad-weynta Hindiya ee xeebaha Soomaa-liya kulaala. Taaso oo khalkhal gelisay isu socdka ganacsiga caalamka oo Soomaaliya marin muhiim ah u tahay.Waxaa soo baxay warar dheeraad ah oo iyana sheegay in Maraykanku uu doonayo inuu baritaaro maamuladda

Soomaaliya ka jira si loo hakiyo-falalka Burcadbadka oo halis sii kordhaysa ku ah Caalamka.

Waxaa loo dhagtaagayaa waxa ka soo baxa kulanka masuuliyiinta Soomaaliya iyo Maraykanka ku dhexmaridoona Nairobi Kenya waxa ka soo baxa.

Waxaa kaloo Raiusul Wasaare Cumar kala hadli doonaa heshiis Is-Afgarad ama is-faham oo ay xu-kuumadiisa, Dowlada Kenya la saxiixdeen isla markaasna Qoraal-ka loo bixiyey Is-Afgaradka, waxaa si qeexan uga muuqda in badda u dhaxaysa labada dal la geliyey “muran”. Taas oo loo fahmi karo in Dawladda Soomaaliyeed ay Kenya la afgararay in Badda Soomaaliya “Muran” la geliyo. Waana kelmedda ay Kenya raadinaysay inay u gudbi-sato Qaramada Midoobay.Weli lama xallin calaamadinta qal-foofka qaaradda (badda) u dhax.

aysa Kenya iyo SoomaaliyaArrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinay-aa “MURAN BADEED”.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu qiray in ay raa-dinayaan “WAX BADSI” iyo in loo baahan yahay in arrinta loo sa-meeyo guddi. Haddaba su’aashu waxay tahay maxaa guddi loo samayn waayey ka hor inta aan heshiiska (is-afgaradka) lala gelin Kenya, si ay ula xaajoodaan.

labada Masuul waxaa saaran cu-lays xoog leh, Madaxweyne Fa-roole waxaa Dadweynaha punt-land iyo Beesha Caalamkuba ku cadaadinayaan in uu wax ka qa-bto Burcad badeeda, Halka Md, Sharmar’ke dowladiisa ay Cadaa-dis kaga imaanayso Islaamiyiinta iyo dad kale oo ka caraysan heshi-iska lala galay kenya

Xukuumadda Riyaale Oo Ku Hawlan Olole Ay

Ku Doonayso Inay Iskaga Hor Keento Beelaha

Gaagaab:- Waan isdifaacayaa

Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku

dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay...

EEG BOGGA 7AAD

BIDIX, RA’ISUL WASAARAHA SOMALIA CUMAR , BIDIX,MADAXWEYNAHA PUNTLAND,Md,FAROOLE

MADAXWEYNAHA OBAMA OO KU GOODIYAY IN UU DABAR GOYN DOONO BURCADA

EEG BOGGA 3AAD

Page 2: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

2ARBACA 15 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

Qaybta dumarka ee Shirkada Is-gaarsiinta ee Telcom ayaa jim-

cihii 10,april Xaflad ku qabtay Hoolka Shirarka ee dhismaha Amal Plaza.

Xafladan oo ujeedadeedu ahayd, soo bandhigida, waxqabadka shirka-da Telcom iyo qaybta ay dumarku ku leeyihiin horumarka shirkada, waxaa ka soo qaybgalay Madaxda shirkad-da Telcom,Dumarka ka shaqeeya Qaybta dumarka ee shirkada Telcom, Haweenka Ganacsatada gobolka iyo Masuuliyiin iyo martisharaf kale.

ug Horrayn waxaa Xafladda ka had-lay Maareeyaha Shirkada Telcom C/rashiid wacays ayaa amaan iyo bogaadin ujeediyay dumarka,waxuu kaloo umahad celiyay dadkii ku-bogaadiyay in ay sameeyaan xu-run laga shaqaalaysiiyo dumarka, oo howlaha is gaarsiintana ufu-daydiya dumarka, waxuuna shee-gay in ay tixgelin wayn uhayaan dumarka,waxuu kaloo dumarka ub-alan qaaday in ay saami ka siinay-aan saamiyada shirkada kuwaasoo gaaraya 1,000 ilaa 50,000 taasoo uu ku tilmaamay in shirkadoodu aanay isku koobayn faa’iidada iyaga kaliya oo ay dadka ood hana ufuran tahay.

Waxaa kaloo xafladda ka hadashay fardowso siciid maxamed oo ku had-laysay magaca gabdhaha soo qaban qaabiyay xaflada iyadoo ka sheekay-say wax qabadka shirkada intii ay shaqaynaysay iyo waxyaabaha ay shirkadu uqabato bulshada oo ah dhinaca isgaarsiinta sida gsmka, landlinka iyo internetka oo noocya kala duwan oo casriya.

Waa Markii u horraysay oo qaybta dumarka ee shirkadda Telcom ayaa qabtaan Kullan ama Xaflad lagu soo bandhigayo howlaha shirkada tel-com qabato, waana xafladii u hor-raysay oo koox dumar oo shirkad noocan oo kale ay qabtaan, iyadoo la ogyahay macaamiisha ugu badan ee shirkadaha isgaarsiintu in ay yi-hiin dumar.

Qaybta Dumarka Ee Telcom Oo Kullan Qabtay

Jimce,10, April, 2009W/Q:Xuseen Xasan Xuseen(obama)

Xukuumadda Riyaale Oo Ku Hawlan Olole Ay Ku Doonayso Inay Iskaga Hor Keento Beelaha

Hargeysa, April 14, 2009 -

Xukuumadda uu hoggaamiyo Daahir Rayaale ee wakhtigee-

dii dhamaaday ayaa ku hawlan maalmahan dambe sidii ay u dhaqd-haqaajin lahayd waxyaabo dhalin kara xiisado iyo isku dhac beelaha dhexdooda ah, kuwaas oo khatar gelin kara nabadgelyada iyo xasi-loonida Somaliland.Labadii todobaad ee u dambeeyey waxa si weyn isku soo taraya hadalo ka soo yeedhaya masuuliyiin ka tir-san xukuumadda, xisbiga UDUB iyo madaxdhaqameedyo ka soo jeeda beelaha qaarkood, kuwaas oo soo fadhay boogo iyo nabaro hore oo ay dadka Somaliland ka heshiiyeen, iyaga oo food-saaro uga dhiganaya dufaaca xukuumadda Rayaale ee sharciyadeeda lagu muransan ya-hay.

Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey todo-baadadii la soo dhaafay hadalo ka soo yeedhaya masuuliyiinta xukuu-madda iyo dad ay iyadu soo abaa-bushay, kuwaas oo abuuraya naxli iyo colaad hor leh, si ay bulshada uga majaro habaabiyaan la socodka xaaladda siyaasadeed iyo khilaafka cakiran ee dalka ka taagan.

Talaabooyinkan ay xukuumaddu ku doonayso inay indhaha rayul caam-ka kaga jeediso fishilaada ay ku fashilantay xilkii ay ummaddu u ig-matay, si ay cimri dherer uga dhigato si ay kursiga ugu sii negaan lahayd ayaa waxa ay u adeegsanaysaa malaayiin lacag ah si ay isaga hor keento qaar ka mid ah beelaha So-maliland ee walaalaha ah, iyada oo aanay xukuumaddu Af iyo Adin mid-na ka geysan deminta shaqaaqada colaadeed ee dhawaan ka dhacday galbeedka Somaliland, taas oo ay iskaga hor yimaadeen laba beelood oo ka mid ah deegaanada u dhex-eeya Gebilay iyo Baki.

Xukuumadda uu madaxda ka ya-hay Daahir Rayaale ee muddadii ay shacbigu u doorteen inay xilka hay-so ay kaga ekayd 15-kii May 2008 ee la soo dhaafay, ayaa sanad ay ku heshiyeen asxaabtu oo ay go-laha guurtidu sharciyeeyeen uu isna kaga ekaa 6-dii April 2009, iyada oo hawshii loogu kordhiyey mud-dadaasi sanadka ahayd oo ahayd inay dalka ka hirgeliso doorasha-da madaxtooyada ku fashilantay kadibna ay komishanka iyo guurtidu ay si indho la’aan ah ay ugu kord-hiyeen muddo kale oo lix bilood ah, taas oo ay Asxaabta mucaaridku si weyn gaashaanka ugu dhufteen, isla markaana ay sheegeen in aanay u aqoonsanayn Rayaale iyo xukuuma-

fadhiya, waxaana ay taasi dhalisay khilaaf siyaasadeed oo aan ilaa iyo hadda maaro loo hayn.

Xukuumadda Rayaale ayaa waxa ay kaga jawaabtay diidmada Mucaarid-ka inay bilawdo olole ay ku doon-ayso inay ku abuurto iska hor-imaad iyo inay dadku kala shakiyaan, si ay uga jeediso dadka xaqiiqada iyo ku tumashada shuruucda dalka, isla markaana ay doonayso inay awood ku muquuniso mucaaridka, taas oo horseedi karta inay dadku xamili waayaan cadaadiska iyo cabudhinta xukuumaddu ugu adeegsanayso cii-damadeeda Boliiska sidii ka dhacday 6-dii April in rasaas ooda lagaga qaa-do masuuliyiinta sar-sare ee Kulmiye iyo taageerayaashooda, taas oo aan ilaa iyo hadda xukuumaddu aanay garawshiiyo ka bixinin.

Sidoo kale waxa ay xukuumaddu xoog ku gashay Xafiisyada xisbiga kulmiye ee gobolka Togdheer, iyadoo xabsigana u taxaabtay masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Saaxil, waxa kale oo ay xukuumaddu fala hanjabaad iyo handedaad kula kacday gud-doomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo todobaadkii hore booqasho ku tagay gobolka Gebilay, arimahaasi oo dhami ayaa waxa ay ka mid yihiin ololaha ay xukuumaddu ku doonay-so inay ku cabsi geliso Mucaaridka, waxaanay talaabooyinka noocaasi ahi dhalin karaan Kacdoon dadw-eyne oo wax yeeli kara Xasiloonida iyo deganaanshaha Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee talaabooy-inkan ay xukuumaddu ku doonayso inay ku sii adkaysato xukunka ayaa u muuqda astaamaha nidaamyada kaliditaliska Afriaka oo marka ay ku fashilmaan hogaanka ummadda mi-ciinsada inay dadweynaha iska hor keenaan iyaga oo adeegsanaya qabyaalad iyo kala qaybinta dadka, taas oo marka danbe galaafata lafa-hooda

XIGASHO:- Haatuf

Duqii Degmada Qardho Cismaan Buux oo Is casilay

Isniin, 13 April, 2009Qardho:-Duqii Degmada Qardho Cismaan Buux Cali ayaa iska casi-lay Xilkii Gudoomiyenimada ee magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Md,Cismaan Buux Cali ayaa is casila adiisa ka sheegay in uu fulin waayay balan qaadyadii uu bulshada Magaalada Qardho u qaaday sidaas darteena uu u banaynayo booskiisa cid ku soo baxda xilka uu ka degay.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Putland Maxamed Cali yuu-

suf “Gaagaab” ayaa gaashanka ku dhuftay, hadalmaxkamada gobolka bari ka soo baxay oo ahaa in uu wa-siirku qaatay lacag gaadhaysa boqol iyo labaatan kun oo doolar ah oo laga qaaday koox Burcad badeed sannadkii Horre.

Maxamed Cali Yuusuf oo ay la xiri-irtay Idaacada BBC qeybteeda afka somaliga ayaa ugu horeyn iska fo-geeyay eedaynta loo soo jeediyay oo ahayd in lacag dhan 120 kun oo Dollar uu ka qaatay Budhcad badeeda isla markaana lagactaas ay tahay mid isaga ku maqan wuxuuna sheegay in eedaynta loo soo jeedi-yay ay tahay mid aan jirin ama been abuur ah wuxuuna yiri isagoo arinta-as ka hadlaya “ Maxkamaddu waxa ay sheegtay in niman budhcad ah ay igu wareejiyeen lacag 120 kun oo Dollar ah arintaas arin jirta ma ahan budhcadu lacag iguma wareejin iima keenin mana arag waxaa kale oo ay sheegeen in Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse uu 120 Kun isaguna igu wareejiyay iyada laftir-keedu waa been wax ka jiraan ma jiraan” Gaa gaab waxa uu qiray in ay jir-tay lagac 50 kun oo dollar ah oo ay ciidamada Amniga Puntland ku soo wareejiyeen xili ay magaalada Qardho ka qabanayeen Budhcad badeedaas wuxuuna yidhi isagoo arintaas ka hadlaya “lacag Konton wax dhiman ah ayaa waxaa igu wa-reejiyay Wasiirka Amniga oo ii shee-gay in ay ka soo qaadeen niman budhcad ah oo ay qab qabteen kuna qabteen Magaalada Qardho iyadii-na sida ay wasaaraddu u sheegtay Maxkamada ayay jirtaa wixii kale ee Madaxweynaha hore laga sheegay ee ay nimankaas ku dacwoonayan waa been abuur”

Maxamed Yuusuf Cali (Gaagaab) oo ahaa Wasiir Awood Badan afar-tii Sanno ee Tegtay, waxaa uu ka mid ahaa Kaadiriintii Xisbiga Hanti wadaaga Kacaanka, waxaa madax iyo qoraaga ka soo Noqday Wargay-skii Ogaal ee afka Xisbiga ku hadli jiray.

Xilligii Burburka, waxaa ka mid ahaa xubnihii sarsare ee Jabhadii SSDF, Markii la asaasay Maamulka Punt-land waxaa uu ka mid noqday Bar-lamaanka, Dhamaadkii Sanadkii 2004-ta waxaa uu noqday Madax-weynaha Ku xigeen dalka isagoo la shaqeeyay Maxamed Cabdi Xaashi , madaxweynihii Hore ee puntlad, Markii Madaxweyne Cadde Muuse Xilka uu qabtay waxaa u u maga-caabay wasiirka Maaliyada.

Gaagaab:- Waan isdifaacayaa

Page 3: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

ARBACA 15 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 3

Call forwardingSi aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#Callback on busySidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale adiga:Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :Ogaansha waqtigaFadlan garaac: #*32

GOLIS LANDLINE FEATURESSidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta

�Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected] [email protected] �dabadeed dir fariinta.NB: dal iyo Dibadba waa isku midCALLCONFERENCESidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay

CallwaitingSi aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#Sidee laysaga xiraa adeegan #58# Wakeup timeSidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac usaale:

1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#

Hawlgal ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska ee dalka Ma-raykanka ayaa 13 ,April, 2008

lagu soo badbaadiyey Kabtanka Ma-raykan ah oo ay koox burcad Bad-deeda Somalia ku haysteen Afduub muddo afar maalmood ah xeebaha Somalia ee Badweynta India, iya-da oo ay ciidanka Maraykanku ay halkaas ku dileen saddex ka mid ah burcad baddeeda afduubka ku haystay kabtankii markabka oo ay toddobaadkii hore burcad baddeeda Somalidu gacanta ku dhigeen.

Ciidamada badda ee dalka Mar-eykanka ee ku sugan xeebaha So-malia ayaa xoog ku soo furtey Capt. Richard Phillips,waxayna cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Navy Seals-ka loo yaqaanno, gaar ahaan kuwooda loo tababaray shiish-wa-naagga aan shish aan caadi ahayn ku dileen Burcada, iyagoo amar si toos u siiyey Madaxweyne Obama, oo ahaa inay xoog isticmaalaan had-dii ay dareemaan inuu kabtanku hal-is ku jiro,

Capt. Richard Phillips ayaa lagu hayay dooni nooca yar yar ah oo kooxaha burcad baddeedku ay la-haayeen, halkaas oo ay ku heysteen 3-nin oo ku hubeysan qoryaha fudud ee AK-47-ka, Baasuukayaal iyo qo-ryaha boobaha.

Burcad Baddeeda ayaa kabtanka Maraykanka ah kala degay markab kuwa xamuulka ah oo laga lahaa dalka Denmark, balse la sheegay inuu u kiraysnaa shirkad Maraykan ah, kaas oo ay saarnaayeen 21-Shaqaale ah oo intooda badani ay u dhasheen dalka Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa

sheegtay in ciidamada Maraykanku hawlgal ay ka fuliyeen xeebaha bad-weynta Hindiya ay ku dileen saddex ka mid ah burcad baddeedii haysatay Captain Phillips, isla markaana ay isaga oo bad qaba ay soo badbaadi-yeen, sidaana waxa TV-ga CNN u sheegay Saraakiisha ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan xee-baha Somalia.

Hawlgalkan ay ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ku soo furteen Captain Richard Phillips ayaa ahaa mid si feejigan loo qaaday, loona qorsheeyay, waxaa la sheegay inuu bilaabmay fiidkii habeenimadii Axa-da markay saacada Afrikada Bari ahayd 7:19 daqiiqo, kaas oo qaatay muddo yar.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mar-eykanaka oo ka warbixiyay sida uu hawlgalkani u dhacay ayaa sheegay inay arkeen dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo burcadu ay wadeen, iya-doo markaa ay burcad baddeedku ogolaadeen inuu lawada hadlo,Balse markii ciidanka meesha fog wax ka toogta ay liishaamaan Burcadii doonida saarnayd,taas oo ay

markiiba toogteen saddex ka mid ah burcadii haysatay captanka, wax-ayna gacanta ku hayaan burcadkii Afraad oo sida ay sheegeen Sara-akiihsa Maraykanku lagu maxkama-dayn doono dalka maraykanka

Howl galka lagu soo furtay Kabtank-an oo 53-jir ah ayaa ka dambeeyay markii ay bur bureen wada hadalo u socday Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo Odayaal Somali, ku-waas oo isku deyayey inay gacan ka geystaan sii daynta Kabtankaas.

Shacabiga Mareykanka ayaa aad u soo dhaweeyay howl-galkan, lagu soo furtay ninkaas maraykanka ah ee ay burcada Somalida ahi afarta maalmood ku haysteen badweynta dhexdeeda, iyaga oo ku tilmaamay guul uu Mareykanku gaaray, iyadoo ay jiraan hanjabaado xoog leh oo xilligan ka soo yeereysa kooxaha burcad baddeedka, kuwaas oo qa-arkood ku hanjabay inay dilayaan Shaqaalaha reer galbeedka ah ee ay gacanta ku hayaan.

Howlgal-kani wuxuu ahaa kii u hor-reeyay ee ciidamada Millateriga

Maraykanku ay Qaadaan Tan iyo Markii Madaxweyne Obama xilka loo dhaariyay. Waxaana Washington looga arkaa inuu madaxweynuhu ku guuleystay. waxaana uu markii kabtanka lasoo badbaadiyey, soo saaray hadal kooban, kaas oo uu ku sheegay inuu dadka maraykanka la wadaagayo farxadda iyo reynreyn-ta. Wuxuuse intaas raaciyey inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa, loona tirtiri lhaa bur-cad-badeedda ka qaraabta xeebaha Gacanka Cadmeed iyo badwaynta Inida,

Mareykanka iyo dowlahada Reer urub waxaa ka jooga Maraakiib Da-gaal oo Farbadan, hase yeeshee Ma cadda waxa ay ka qaban karaan biyo ay baaxaddoodu kor u dhaaf-eyso shan kun oo km, oo ay ka qow-leystaan boqollaal burcad-badeed ah. howlgalka Mareykanka, waxaa ka sii horreeyay mid ay Faransiisku-na kusoo furteen saddex qof oo laga heystay isla toddobaadkan,

Xoog ku soo furashada, dadka iyo Maraakiibta lagu afduubto Badda somalia waxaa ogolaaday Golaha Ammaanka ee QM bishii December ee sannadkii horre, xitaa haddii la geysto barriga Somalia.

Haddaba Inkastoo Maraykanka iyo Fransiisku ay ku guulaysteen Howlgaladoodii,haddana burcaddu waxay wali heystaan 19 markab, iyo in ka badan 200 oo shaqaalihii mara-akiibtaas ah.waxaana jira Boqolaal burcad oo qorshaynaysa in ay soo afduubtaan Maraakiib hor leh,

Arrintu Siday doonto ha ahaatee, Maalmaha Burcadu waa kuwa tir-san, waxaana laga yaabaa in lagula dagaalamo Magaalooyinka,Tuulooyinka iyo dhulka xeebaha somalia, waxaana la gudboon dadka somali-yeed in ay ka sifeeyaan dhulkooda burcadda,

MADAXWEYNAHA MARAYKANKA OO KU GOODIYAY IN UU DABAR GOYN DOONO BURCAD BADEEDA SOMALIDA

Midig,Cpt Rishard Philips, Bidix Markabkii uu kabtanka ka haaa

Xigasho:-WW

Page 4: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

ARBACA 15 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 4

1 8 6 9 3 7 4 2 5

2 5 3 6 1 4 8 7 94 7 9 5 2 8 1 6 36 9 7 3 4 5 2 1 83 2 1 7 8 9 6 5 48 4 5 2 6 1 9 3 79 1 2 8 5 3 7 4 6

7 3 4 1 9 6 5 8 2

5 6 8 4 7 2 3 9 1

Shax Erayeed

Gudub

1.Socdaal4.xay5.Xawaashaysan

Hoos1.korka qofka2. Bisayl dhaaf3.dheehdoo6.Aargudasho

Adiga oo raadinaya erayada Macnahooda hoos lagu muujiyay, Gudub ama Hoos ku buuxi erayada aad isleedahay waa sax godadka. Marka horre ka shaqee erayada fudud ama aad garanayso, tirada sharax-aada ku hortaal waa tirada xarfaha godadka gelaaya.

SudokuSodaku waa halxiraale xisaab ku dhisan oo adduunka oo dhan caan ku noqotay, markii hore wuxu ka soo baxay wadanka maraykanka hase ahaatee waxaa soo caan-bixiyay dalka Japan.

Halxiraaluhu wuxuu ku dhisanyahay 9x9god oo usii qaybsama 3x3 si aad u xaliso halxi-raalaha waa inaad 9ka god ee jiifka ah iyo 9ka god taaga aad galiso tirade udhaxaysa 1-9 .Sadarna Tiro mar ka badan lama gelin karo.

Xalkii Sudokii Caddadkii Horre

W/D:- Maxamuud Yuusuf (Maxkoof)

1 3 6 2

4

5

Halxiraalihii Cadadkii Horre Horre

2 3 8 9

1 95 7 3

9 2 73 6 8

6 3 22 6 3

9 5 2 4 69 4

Halxiraalaha Sudoku waxaa kordhinayaa fahamkaaga, fadlan

Haddii aad ka shaqaysid Jawaabta ku soo hagaaji xafiiska wargayska oo ku yaala Amal Plaza Qolka

115 ama emailka:-

Ilaysnewspaper1@ gmail.com

x a n n a n y o o la b a af a l l a n c qa a a ua r r a d a n rr q

iyo

FALLANQAYNTA CAYAARAHA HORYAALADA WADAMADA INGRIISKA ,

SPAIN IYO TALYAANIGA

LONDON, Cayaaryaha Federico Macheda oo 17 jir u ayaa bad-baadiyay Manchester United markii labaad, ka dib markii uu u dhali-yay kooxdiisa goalkii guusha ee 2-1 ay kaga adkaadeen Sunderland ,Guushaasina waxay neefta ka soo tuurtay Tababaraha Munchester sir Alex ferguson oo ka xanaaqsa-naa Barbardhicii uu la galay kooxda Port.

Liverpool ayaa iska meertay Ceebtii ay kala kulantay Horyaalka Urub, waxayna 4-0 u dhiibtay Blackburn Rovers, 2 ka mid ah goolasha wax-aa u dhaliyay Fernando Torres.

Chelsea ayaa si dirqi ah 4-3 ugu badisay kooxda Bolton.

Munchester oo hal kulan u harsan yahay ayaa dib hoggaanka u qaba-tay iyadoo leh 71 dhibcood, Liver-pool oo ku soo xigta waxay leedahay 70. Chelsea oo 3-ad ku jirta ayaa leh 67 , Arsenal oo booska 4-aad ku jirta ayaa leh 61 markii ay 4-1 ku qaariji-say Wigan Athletic.

Newcastle United ayaa dhibicdii ugu horeysay heshay iyadoo uu wato tababaraha ku meel gaar ka ah ee Alan Shearer markii ay 1-1 la ga-shay Stoke City ,

HORYAALKA SPAIN

MADRID.Weeraryahanka reer Bar-cilona Iniesta oo mid ka mid ah dhaliyay goolasha,mid kalana dhi-gay ayaa Barcelona u suurtagaliyay iney Recreativo Huelva 2-0 kaga badiso, Guushaas waxay Barcilona u fududaysay in ay sii hayso Hog-gaanka Horyaalka spain, waana Guushii 6-aad oo xariir ah , iyadoo kaalinta 2-aad ay ku jirta kooxda Real Madrid. Barcelona hadda wax-ay leedahay 75 dhibcood.

Barcilona waxay toddobadkii horre, kullan ka tirsanaa Koobka Horyaalka urub la yeelatay kooxda Byer Mu-nich, waxay ku burburisay 4-0.

Kooxaha Sanadkan la qaban laaya-hay waxaa ka mid ah,Malaga oo Kaalinta 4-aad dooneysa ayaa kul-lankii ay iskaga horyimaadee Villar-real waxay kaga adkaatay 2-0.

Villarreal, waxay leedahay 48 dhib-cood, waxayna ku jirtaa Kaalinta 4-aad waxayna 2-dhibcood ay ka sar-eysaa Malaga iyo Valencia.

HORYAALKA TALYAANIGA

MILAN:-kooxda horyaalka Talyaan-iga hogaamineysa ee Inter Milan Waxaa jalaafo u dhigtay kooxda Pal-ermo, waxayna galeen Barbardhac 2-2. halka Lazio oo guuldarooyin la luudeysa ay AS Roma 4-2 ku diira-tay iyadoo ciyaartaasi 3 calaamada gudduudan lagu bixiyay .

AC Milan ayaa 1-0 dirtay kooxda yar , goolkaas waxaa u saxiixay Clarence Seedorf oo daqiiqadii 53rd- dhaliyay ,waxayna ku jirtaa Kaalinta 3aad.

Guushaas waxay nafis siisay Tabab-are Ancheloti oo maalmaha uu saa-rnaa Cadaadis looga dalbanayay in uu iscasilo.

Fiorentina ayaa 2-1 waxey kaga taqalusatay Cagliari ,

HORYAALKA INGRIISKA

KOOBKA HORYAALKA URUBKooxda Difaacaynasa Koobka Hory-aalka Kooxaha Qaarada ee (cham-pion League) ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii u horraysay ee ingriis ah ee ka soo badisa kooxda Porto gurigeeda.

Kullankii 8-da Bishan April ka dha-cay Garoonka Old-Traford waxaa uu ku dhamaaday Barbardhac -2-2, waxaana Barbardhacaa aad uga xa-naaqay Alex ferguso, waxaana Can-naan u soo jeediyay difaaca koox-diisa, oo daqiiqadii 89 laga dhaliyay goolkii barbardhaca.

Cayaaraha kale , Kooxda Arsinal waxay garoonkeeda Emaraatis ku marti gelin doontaa kooxda villarial oo ciyaartii toddobaadkii 1-1 islad-haafi waayay

Page 5: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

ARBACA 15 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER SHEEKOOYIN 5Nabar Aan Dawoobeyn.W.Q. Cabdulqaadir M. WacaysQAYBTII 10AAD( QAYBTII U DAMBAYSAY)

Tiirka Koowaad ee Dawladni-mada: Muwaadinnimo

W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)Qaybtii 2aad

Muwaadinka fiican waa qof u hogaansama qaanuunka daw-

ladda oo aan sharciga jebin. Waa qof bixiya qaaraanka dawladda (cans-huurta) oo aan la’aanteed dawlad la noqon karin. Waa qof shaqeysta oo naftiisa iyo qoyskiisa masruufa. Waa qof kaalmeeya inta ka tabarta daran oo gaarsiiya mucaawino. Waa qof aan khiyaanin waddankiisa oo aan ka shaqeyn danaha dawlado kale oo cadaw la ah dalkiisa. Waa qof xoog-ga saara inuu iibsado waxyaabaha dalkiisa laga sameeyo ama laga soo saaro si uu u kobco dhaqaalaha dalki-isu. Waa qof xor ah, sheega waxy-aabaha runta ah, taageera waxy-aabaha saxda ah, kana soo horjeesta waxyaabaha khaldan. Muwaadinka fiican waa qof iskaashi la leeyahay dadka uu la wadaago fikirka, shaqa-du ka dhexeyso iyo kuwa dariska la ah. Muwaadinka fiican waa qof aan wax xadin, wax boobin, been aan sheegin, wax aan khiyamin, qoyskiisa si fiican udhaqda, caruurtiisa bar-baariya. Muwaadinka fiican waa qof ixtiraama xornimada, dareenka iyo qaab nololeedka muwaadiniinta kale iyo aadamiga oo dhan. Ugu dam-beyntii, muwaadinka fiican waa qof leh dhaqanka iyo akhlaaqda fiican ee diinta Islaamku na fareyso.

Muwaadinka xun, waa qof nuxnux leh, hadal ku nool ah oo inta shaqey-sata ku dul nool. Ku dulnoolaasho ku dhisan tuugsi, khiyaano ama boob. Kuwaas qaarkood, waxey isku hay-staan iney dadka ka diin badan yihiin, ka waxgaradsan yihiin, kana nasab sanyihiin. Waxey isku haysataan iney yihiin libaax dadka kalena waa waxba. Kuwaas agtooda, dadku ma aha muwaadiniin siman oo dadka waxaa ugu fiican reerahooda, xaqna u leh iney reeraha kale xukumaan, xoog ama xeelad. Kuwaas qaarkood, dadku Muslim uma wada aha ee waa in loo kala saara sadexdan “M” mid-kood: mu’min, munaafaq iyo murtad. Sidaas darteed, dadku ma aha mu-waadiniin siman. Sidee loo simi karaa muslimka fiican, munaafaq iyo mur-tad? Muwaadinka xun waa sharci je-biye, qaraan-diidka dawlada iyo qoys burburiye. Muwaadinkaas dhaqanki-isu xumaaday wuxuu culeys joogto ah ku yahay muwaadiniinta fiican, dhaqan celinna ka sugayaa asaga oo aan luminin muwaadinnimadiisa.

Hadba waxaan aheyn muwaadin-nimo dawlad Somaaliyeed kuma sameysmeyso. Dawlad waxaa sal u ah muwaadinnimo loo simaya-hay xuquuqda iyo waajibadka. Ruux kasta oo muwaadin ah ayada oo aan loo kala saarin mid fiican iyo mid xun, waxey u siman yihiin qaanuunka

hortiisa. Ilaalin qaanuunkaas waxaa ka mas’uul ah hay’adda garsoorka ee dawladda. Somaaliya, qaanuunkaas waa inuusan khilaafin mabaadi’da Islaamka oo ku dhisan fahamka dhedehxaadka ah oo ka fog seef-la-boodnimada (tadarufka). Dawladda Somaaliyeed, ugu horeyntii waxaa laga sugayaa iney sugto nabad galyada muwaadin kasta. Waxaa dawladda looga fadhiyaa xaqiijinta ujoodooyinka waaweyn ee sharee-cada Islaamka oo ah: Ilaalinta iyo badbaadinta nafta, maalka, sharafta, diinta iyo caqliga muwadiniinta. Haw-shaas waxaa laga rabaa dawladd ee ma aha mid laga sugaayo koox siyaasadeed. Caadifo diineed ama mid reereed aan sal sharci ah laheyn oo lagu hawlgalo waxaa u dambeey-sa shanlaay iyo calaacal. Waxey ku biyo shubteen, inta badan, arin owr ku kacsi siyasadeed ah, oo dabay-aaqadeedana taageerayaashu farta qaniinaan.

Fikirka muwaadinimada waxaa asaa-ska u dhigay “Dastuurgii Madiina” oo Nabigeenaa (saw) oo ku dhaqay dadka kala diinta iyo kala dhaqanka ah ee deganaa Madiina markii uu halkaas u haajiray. Waxaa muuqata in muwaadinnimada iyo dawladni-mada uu isku xiray Nabigeena sub-an (saw). Waxaa kale oo la hubaa in asaaska loo dhigayay “umadd” ku dhisan mabaadi’da Islamka oo ka gudubta qaabka reernimada. Mu-waadinimadu ma diideyso in dadku ay yihiin qabiilo iyo degaanno dana-hooda ka shaqeeya ayaga oo aan ku xad gudbeyn muwaadiniinta kale iyo dastuurka qaranka. Muwadinimada ayaa ah unuga koobaad iyo salka dawladnimada wanaagsan (good governance), waxey ku dhisan in dalka xukunkiisa loo simanyahay, loo tartamo, xisbigii ama ruuxii hela codka dadka intiisa badan, talada loo dhibo muddo xaddidan. Hadii uu hawsha uga soo bixi waayo sidii la rabay, waa in lagu ridi karo tartan kale, bedalkiisana ruux kale la door-an karo. Sidaas ayaa shacabku wux-uu ku soo dhacsan karaa awoodiisa, wuxuuna qasbi karaa inuu xukumo ruux ay raalli ka yihiin oo kaliya. Arinkaas waxaa lagu magacaabaa “demoqaraadiyad” ama “shura” oo nuxurkooda siyaasadeed isku mid yahay. Muwaadiniinta waxaa ka mamnuuca iney xukunka iska boo-ban, xoogna isku xukumaan, haddi ay dhacdana, waa xaalad jiro ah oo aan horseedeen bulsho caafimad qabta oo horumarta. Intaas ma isla fahamnaa?

Idman markey dhegaheedu ku dheceen eraygii ahaa ‘Wuu geeri-

yooday’ bay af labadii dhawaaqday. Intey taleefankii iska tuurtay bay dhulka isku dhufatay. Intey maryaha tuurtay bay billowday in ay timaha iska rifto. Hooyadeed iyo walaala-heed ayaa durba qolkeedii kusoo orday. ‘Alla hoogey oo ba’ayeey’ waxaan ahayn ayaa afkeeda laga waayey. Waxay la collowday noloshii adduunka. Waxay niyadda ka jecley-satay in ay iska dhimato. Waxaa ka dhumay hankii iyo qabkii gabarnimo ee ay gabdhaha kale kaga sooc-nayd.

Hooyadeed iyo walaalaheed mar-key ku noogeen celcelinteeda bay taleefan u direen saaxiibteed Hodon. Deriskii xaafadda oo dhan ayaa baroorteeda ku soo baxay, daarad-dii guriga bay durba soo buuxiyeen iyagoo la yaaban belaayada kusoo boodday Idman oo ay ku yiqiineen degganaan iyo dhib yaraan. Malaha Jin baa asiibay, bay qaarkood hoosta ka lahaayeen, halka qaar kalena ay la ahayd in laga raacay oo ay isha geliyeen nimanka tirada badan ee had iyo goor ku gaafwareegi jirey.

Wax yar kaddib Hodon oo uu la soc-do walaalkeed oo takhtar ah ayaa gurigii soo galay. Hodon intey saa-xiibteed garabka qabatay oo marya-heedii ku celisay bay sariirteedii ku seexisay. Dabadeed, takhtarkii ayaa ku muday cirbad hurdo degdeg ah u keeneysa. Hodon intey saaxiibteed dhinac seexatay bay weydiisey sida ay wax u dheceen, kaddibna wax-ay warkii si tartiib ah ugu gudbisey hooyadeed. Markey xaaladdu deg-tey bay deriskii xaafaddu guryahoodii isaga laabteen iyagoo weli yaabban. Xaaladda cusub ee kusoo korortay Idman waxaa la socdey Hodon iyo hooyadeed oo keliya, waxayna laba-dooduba ku heshiiyeen in aysan cid kale u sheegin.

Muddo laba bilood ah bay ku jirtey xaalad u dhaxaysa nolol iyo dhi-masho. Caafimaadkeedii ayaa xu-maaday. Waxaa la huwiyey bustaha dhaxanta laga galo. Aabaheed iyo walaasheed oo Dubai iyo Nayroobi kala joogey xitaa waa loo yeeray si ay gunaanadkeeda goobjoog uga noqdaan. Saaxiibteed Hodon iyo hooyadeed ayaa daqiiqad kasta dul-taagnaa. Maalin kasta waxaa la gey-nayey takhtar cusub oo daawooyin hor leh usoo qorayey. Nasiibdarro, dawooyinkii sida cuntada loogu dirqi-nayey waxba kama aysan beddelin xaaladdeeda caafimaad.

Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuxuu u ekaaday sidii geed dherey oo ay caleemuhu ka daateen. Mida-bkeedii ayaa doorsoomay. Waxay u ekaatay sidii qof uu xagaagii Boo-saaso dillooday, wax uga miciinana weydey. Qofkii laba bilood kahor aqoon jirey wuxuu haatan ka shaki-nayaa in ay iyadii tahay iyo in kale.Waxay ka samirtay noloshii, waxay-na niyadda ka jecleysatay in ay iska dhimato. Daqiiqad kasta waxaa hor imaanayey gacaliyaheed Shirwac oo ku leh ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’. Inkastoo sawirradiisii iyo dhambaalladii ay is dhaafsan jireen ay Hooyadeed iyo Hodon ka jeexje-exeen, misana waxaa keydka xusu-us-dhawrka maskaxdeeda ku duub-naa eray kasta oo ay is yiraahdeen, waxaa ku keydsanaa sawirradiisii, iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen. Isagoo qosla-ya oo ku leh ‘Idman, waan ku jecla-hay’ ayuu mar kasta horteeda kasoo muuqanayey.

Idman hooyadeed iyo saaxiibteed Hodonba waxay Idman ku tijaabi-yeen waddo kasta oo ay ku samir-siin karayeen. Kor iyo hoos bay wax ugu sheegeen. Waxay xusuusiyeen in nolosha adduunyadu tahay mid kooban, qof kastana uu dhimanayo. Waxay uga sheekeeyeen sheekoo-yin la mid ah tan iyada ku dhacday. Waxay kula taliyeen in ay iska illowdo wixii dhacay, nolol cusubna billowdo. Nasiibdarro, wax guul ah kama ay-san gaarin. Idman weli sideedii bay u tahay maqane-jooge, weli sideedii bay iskula hadleysaa, weli sideedii bay hurdada uga caagan tahay, weli sideedii bay cuntadu ugu dhadhami la’dahay, weli sideedii bay hadalka uga maagan tahay, weli sideedii bay sariirta ugu urursan tahay.

Idman cudurka hayey ma ahayn mid muuqda, wuxuuse ahaa mid ka xan-uun badan cudurrada muuqda. Wax-ay ka jirranayd niyadda. Muraayaddii qalbiga ayaa jabtay, firirkeedii ayaa ku faafayey xubnaha jirkeeda iya-goo sii dhex marayey halbowleyaa-sha iyo xididdada yar yar ee dhiigga qaada. Nabar aan dawoobeyn ayaa wadnaha kaga yiil. Dhaawac aan la dhayi karin ayaa gaarey. Waxaa dhu-may hankii iyo qabkeedii qofnimo. Waxay aamintay in daaqadihii mus-taqbalkeedu ay soo xirmeen. Waxay rumaysatay in ay nasiibdaran tahay. Waxay iska dhaadhicisay in aysan weligeed heli doonin qof Shirwac oo kale ah, ama qof Shirwac booskiisii u buuxin kara.

EEG BOGGA 7AAD

Page 6: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

ARBACA 15 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6Koboca Islaamiyiinta SomaliaIsmuujintii Awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya

Cutubka LabaadW.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.Qormadda 15aad

Hogaamiyaayaasha Al-Ittixaad dagaalka lagaga hortagayey Gen.MFCaydiid waxay u arkayeen fur-sad qaali ah gelitaanka dagaalka iyo inay degaankaas ka abuuri karaan awood Islaamiya oo waqtiga dambe hanata wadanka Soomaaliya oo xil-ligaas ku jiray biloowgii dagaalka so-keeye. Waxaa jiray khilaaf aan soo shaac bixin ee u dhexeeyey rag da-gaalka Islaamiyiinta hogaaminayey gaar ahaan labada nin ee ciidama-dda Al-Ittixaad goobta dagaalka masuulka uga ahaa Faarax Xasan (Waji Xun) iyo Cabdulaahi Raabi Kaahin.

Dagaalkii Araare waxaa ku gacan sareeyey Islaamiyiinta oo si adag isaga caabiyey duulaanka xoogagii USC-da. Islaamiyiinta ayaa waxaa dhabar wareemay xoogagii ka soo horjeeday USC-da ee uu hogaami-nayeey Gen.MSMorgan oo iyagu is tusay hadii Islaamiyiintu guulay-staan inaan gacani wax ugu jireyn laga saari doono degaanka si isku mid ah iyaga iyo USC-daba. Waxay ka doorbideen guusha Islaamiyiinta inay magaalda Kismaayo gacanta u gasho Gen.MFCaydiid .

Kooxaha sida fog daacadda u ahaa Gen.M.S Morgan ee ka barbar da-gaalamayey Islaamiyiinta waxay ba-neeyeen aagii ay difaaca uga jireen si aanay u guulaysan Islaamiyiinta oo dagaal gacmaha la isula tegey kaga soo horjeeday ciidamo lagu qiyaasay 2000 (laba kun) oo dagaal yahan iyo in ka badan 120 (boqol iyo labaatan)gawaarida tiknikada dagaalka ah. Iyadoo tiradda Is-laamiyiinta ee waqtigaa dagaalka ku jirtay lagu qiyaasay 500 (shan-boqol). Xooga kale ee u harsanaa Al-itixadad waxaa laga dhigay kayd ciidan. Islaamiyiinta dagaalka kula jiray USC-da waxaa hogaaminayey xubno ay ka mid ahaayeen Col.Max-amuud Ciise (AbuuMuxsin), Ibraa-him Afgaani, Col.Cabdulqaadir Ma-callin, Col.Faarax Xasan (Weji xun). Xasan Mahdi, Cabdulaahi Raabi

Fikirkii Gen.MSMorgan ee ahaa in la jebiyo kooxihii islaamiyinta (Al-Ittix-aad) ka dagaalamay aagaas waa uu guulaystay. Waa laga gacan sareey-ey Islaamiyiintii Al-Ittixaad. Waxaa dagaalkii Araare kaga geeriyooday Al-Ittixaad inta u dhexeysa Konton ilaa Lixdan dagaal-yahan,waxaana kaga dhaawacmay inta u dhexeysa 110 ilaa120 dagaalyahan. Sidoo kale waxaa USC-da soo gaaray

dhimasho iyo dhaawac intaas ka fara badan. Waxaan dagaalkaas Gen.MFCaydiid uga hooseeyey hogaa-mintiisa Col.Cabdi Qaybdiid. Waxaa la arkayey inuu jiro qorshe miday-san oo ay qabeen hogaamiyayashii dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya horkacayey. Kana soo wada horjeed-aan kooxaha Islaamiyiinta ah. Gen.MFCaydiid iyo maleeshiyaadkii uu hogaaminayey waxay Kismaayo soo galeen 25 Aprile 1991-dii. Iyagoo soo jiiray difaacii dagaalyahanadii Al-It-tixaad oo dagaalka ay uga bexeen qabiilooyinkii ka feer diriraayey ee la haybta ahaa.

Soo gelitaankii USC-da ee Kis-maayo. wax yar ka hor waxaa de-keda Kismaayo ka furtay Markab lagu magacaabi jiray M/V Kuanda. Kaas oo u raraa hay’adda ICRC da. Waxaa Markabkaas xoog ku kax-aystay dagaalyahanadii Al-Ittixaad, waxaana Dekedda Kismaayo mark-abkaas ka raacay ilaa 600(lix boqol) qof oo u badnaa Al-Ittixaad iyo taag-eerayaashooda. Waxay Al-Ittixaad ku rarteen Markabkaas hubkoodii intiisii badnayd. Iyagoo hubkaas kala de-gey Markabka kolkii uu gaaray Raas-Kambooni.

Ras-Kambooni ayaa noqotay saldhiga ay isku urursadaa xoogagii Islaamiyiintu ee ka soo jabay Kis-maayo. Iyadoo si dhaqso ah qaab ciidan isugu habeeyey. Waxaa jiray dagaalyahano ka tirsanaa Al-Ittixaad oo dhaawac ahaa doonyo loogu qaa-day Boosaaso. Waxaa Doon lagu magacaabi jiray Nabiyuu-Bismilaaha keentay 24 Aprile 1991-kii dhaawicii Islaamiyiinta dekadda magaaladda Boosaaso .

Runtii dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu shaki soo kala dhex geli-yey kooxaha Islaamiyiinta oo u kala miirmay si muuqata qabiilooyinkii ay ka soo jeedeen. Waxaa soo shaac baxay kala qaybsanaatoodaa. Iya-doo kooxiba kooxda kale ku eeday-say inay xadgudub sameeyeen ku aadanaa dhinaca mowaaqifa ahayd inay dhex ka noqdaan dagaalka qa-biilooyinka u dhexeeyey. Waxaa in-taas barbar socotay barabugaanda dagaal oogayaashu ku hayeen inay Soomaaliya ka soo shaac baxo fikir kale oo ka duwan tan ay aaminsan yihiin ee ahayd in Soomaalidu qabiil qabiil u kala haysataan. Sheikh Cabdiraxmaan Abtiyoow, sheikh Saciid Gurey, Cali Wajiis iyo xubno kale ayaa si furan waxay gaar

uga istaageen Al-Ittixaad, Qolyahan ayaa waxay gocanayey arrimo is qabqasi ahaa oo horay u jiray, kuna saabsanaa Safar ay Sudan ugu kici-timeen xubno ururka ka mid ahaa iyo qaybsigii golaha Shuuradda, doodooda ayey ku saleeyeen inaan hogaanka Al-Ittixaad isku ogayn in laga qayb galo dagaal qabiil. Waxay carabka ku adkaynayeen inuu jiray go’aan ururku isku raacay 1988-kii kaas oo ka hor istaagay in da-gaalyahano Al-Ittixaad ahi ka barbar dagaalamaan SNM, sidaas darteed dagaalka Araare waxaa uu ahaa mid khalad ah in Al-Ittixaad magaceeda lagu galo. waxayna Ururkoodii cus-baa kooxdaasi ugu wanqaleen magaca Ansaaru Al-sunna. Nasiib daro ururkaasi ma sii waarin, wax-aana sabab u noqday Sheikh Cali Wajiis oo burburiyey.

Magaalada Muqdisho ayaa tageer-ayaasha USC-du waxay Islaamiyiin-ta u arkayeen inay yihiin kuwa u adeegay qabiil iyaga cadow u ahaa. Waxaa maalmahaas caan noqotay kooxaha Islaamiyiinta ah oo qa-biil qabiil ciidamo u samaysanaya. Halkay waqtigii hore ka ahayeen kuwa isku duuban oo mid ah. Da-gaalkii Araare waxaa keliye ee laga bartay ayaa ahayd sida fudud ee ko-oxaha Islaamiyiinta ah u degdegaan iyagoon qorshaynsan istaraatijiyad ay u dhan yihiin. Waxaa kaloo Al-Ittixaad lagu amaanaa sida geesi-nimadda lahayd ee ay dagaalka uga qayb qaataan goobaha la iskaga horyimaado.

Islaamiyiinta ayaa iyagu ka gilgi-sha hadaladda siyaasad ahaan lagu durayo amaba lagu dhaleecaynayo afkaartooda. Dagaalkii ka dhacay Araare Islaamiyiinta ku abtirsadda qabiilka Daaroodka ayaa la yiraah-daa inay si qabiilinimo ah dagaalkaas uga horyimaadeen USC-dii

Gen, Maxamed Siciid Xirsi (Morgan)

Gen.MFCaydiid oo baacsanayeey ciidamadii qabiilka Daaroodka ee sida awooda ah ku tegey daafaha magaaladda Muqdisho. Iyagoo qa-rka u saaraa inay qabsadaan caasi-madda Soomaaliya Muqdisho.

Su’aal la isweydiin karo ayey noqo-tay. Maxay Islaamiyiinta Kismaayo ku sugnaa u hor istaagi waayeen cii-damadda Daaroodka ee duulaanka ku soo ahaa Muqdisho iyo beelaha Hawiye? Maxay labadda ciidan ee dagaalamayey u kala dhex geli-waayeen?

Xubno aan ka soo jeedin Islaamiyiin-ta Daaroodka oo aan arrimahan wax ka weydiiyey ayaa sheegay in da-gaalkii Araare loo wada dhamaa. Marka laga eeggo xagga qabiilooyin-ka Soomaalida iyo unugyadda ay ka koobnaayeen xooggaga Islaamiyiin-tu dagaalka ku jiray. Inkastooy si balaaran u shaacday in Islaamiyiintu fikirka qabiilku soo kala dhexgalay.Mid ka mid ah aqoonyahanadda Is-laamiyiinta oo ku sugnaa Boosaaso ayaan weydiiyey waxa ka jira in qaab qabiil Islaamiyiintu u kala qaybsa-meen dagaalkii 1991-kii ka dhacay Araare? Wuxuuna iigu jawaabay

’’Arrintaasi sax ma ahan, qabiil qa-biilna Islaamiyiintu uma kala qayb-samin.’’ Waxase jiray ayuu yiri ’’ In lagu degdegay in la galo da-gaalkii Araare xilligaas’’. Ibraahim Afqaani ayaa si kale, isna u dhigay dagaalkii Araare. Mar uu tegey Sanadkii 1991-kii magaaladda Nairobi,Kenya. Isagoo sheegay in fikir ahaan lagu kala qaybsanaa da-gaalkii Araare, ayna jirtay sinbiriirix-asho qabiil ee dhinaca dagaalkaas sida loo maamulay. Waxaa xusid mudan in Ibraahim Afqaani uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii dagaal-ka Araare Islaamiyiinta iyo USC-da Gen.MFCaydiid iskaga horyimaa-deen goobtaas. Al-Ittixaad oo keliya ma la oran ka-rayn waxay amaamudayeen ciidan u gaar ah. Waxaa jiray burburkii Xuku-madii Maxamed Siyaad wax yar ka dib Feb 1991-kii inay kulan isugu yimaadeen koox isku magacawa-day Kulanka Cullimadda Islaamka Soomaaliyeed (Majmaca Cullimaa Islaam Soomaal) waxaa horseed u ahaa ururkii Tajamacul Islaam. Madax ayaa waxaa u noqday Sheikh Maxamed Macallin. Waxaana xubni-hii saxiixay ee hormuudka u ahaa ka mid ahaa 1- Sheik Xassan Cali Cala-sow (Sheik Xassan Cade) 2- Sheik Maxamed Sheikh Cabdisalan (Sheik Maxamed Guud) 3- Sheik Cabdulahi Minhaaj 4- Sheik Nur Barud Gurxan, 5- Sheik Maxamuud Cawale 6- Sheik Muuse Cagaweyne 7- Sheik Xuseen Calasow Basey 8- Sheik Cabdulahi Cumar Nuur 9- Sheik Cabdisalan Xuseen Cali 10- Sheik Cumar MA-callin Nur LA SOCO CADADKA ARBACADA

Page 7: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

ARBACA 15 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER 7Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku

dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay...•Tarjumadii: SomaliTalk.com | April 8, 2009l 8, 2009

Heshiiskii Is-Faham ee ay April 7, 2009 magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Wasiirka Qorshaynta Qa-ranka iyo Wadashaqaynta Caalami-ga ah ee DFKMG, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wa-siirka Arrimaha Didabadda Kenya Moses Wetang’ula , oo ku saabsan xadaynta badda u dhaxaysa laba-da dal hoos ka akhri (FG: Sida ka muuqata waraaqaha Af-Ingriiska ah waxaa ku astaysan calaamadda Ke-nya, taas oo daliil u ah in Kenya soo diyaarsatay qoraalka oo markaas ka saxiixatay DFKMG. Sidoo kale xusu-usnow waraysigii wasiirku bixiyey in uu kaga hadalay in arrintu aysan xad ku saabsanayn isagoo aan fahmin qoraalka, ama islahaa heshiiskan shacabka Soomaaliyeed ma arki doonaan.)

QORAAL RASMI AH OO IS-FAHAM AHOO DHEXMARAY DAWLADDA FEDERAALKA KU-MEELGAARKA EE JAMHUURI-YADDA SOOMAALIYA IYO DAWLADDA JAMHUURIYADDA KENYA

OO MIDKASTA UU QIRAYO DI-IDMO LA’AAN KU SAABSAN IN AY GUDDIGA XADAYNTA QALFOOF-KA QAARADDA U GUDBISAN KARAAN (MACLUUMAADKA) KU SAABSAN XADKA DHANKA BAD-WEYNTA KA XIGA QALFOOFKA QAARADDA FOGAAN KA DURUG-SAN 200 MAYL BADEED

Qoraalka rasmiga ah ee is-afga-radka dhex maray Dawladda Feder-aalka Kumeelgaarka ee Jamhuuri-yadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya waxa uu mid-kasta (Dalkasta) u ogolaanayaa si diidmo la’aan ah in ay ku gudbistaan xadaynta cabbirka Qalfoofka Qa-aradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, oo u gudbiyaan Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda.

Dawladda Federaalka Kumeelgaar-ka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Ke-nya, iyagoo ka duulaya wada shaqa-ynta iyo isfahamka labada dhinac waxay isku raaceen in ay dhamay-stiraan Qoraalkan Rasmiga ah ee Is-fahamka.

Weli lama xallin calaamadinta qal-foofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuri-yadda Soomaaliya (oo wixii qoraal-kan halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Labada Dal ee Xeebta”). Ar-rinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED”. Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/So-malia) waxay muujinaysaa aag is-dul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.”

Labada Dal ee Xeebta (Kenya/So-malia) waxay ku baraarugsan yi-hiin in samaynta xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, waa mid aan caqa-bad ku ahayn (ama ka hor imanayn) su’aasha ku saabsan xadaynta qa-lfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka leh xeebaha iska soo hor-jeeda ama isku dhinac yaal. Inkasta oo Labada dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imana-ya aagga muranka ku jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl badeed, iya-doo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya). Iyagoo halkaas ka duulaya labada dal ee xeebta waxaa ka go’an in ay wada shaqeeyaan si ay u ilaa-liyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xaadaynta cabbirka Qalfoofka Qa-aradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed

Ka hor 13ka May 2009 Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jam-huuriyadda Soomaaliya waxay ku talo jirtaa in ay Xoghaynta-Guud ee Qarammada Midoobay (QM) u gud-biso akhbaar hordhac ah oo muuji-naysa xadka ka baxsan qalfoofka qa-aradda meel ka durugsan 200 mayl badeed. Macluumaadkaas ay gudbi-nayaan waxaa dhici karta inay ka mid tahay aagga lagu muran san yahay. Taas (macluumaad gudbinta) waxa KELIYA ee loola jeedo waa in ay tahay in ay ka gaaraan waqtiga lagu xusay qodobka Article (4) ee Annex II ee Xeerka Qarammada Midoobay ee Badaha (UNCLOS). Waxaa shardi ah in taasi (gudbinta macluumaadka Soomaalidu u gudbiyaan UN-ta) ay-san caqabad ku noqon halka ay la-bada dal (Kenya/Somalia)

ka taagan yihiin arrinta la xiriirta MU-RAN BADEEDKA XUDUUDAHA ee u dhaxeeya labadooda, islamarkaasna waa in aysan caqabad ku ahaan xa-daynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee aagga lagu muransan ya-hay, oo uu ku jiro xadaynta qalfoof-ka qaaradda wixii ka fog 200 mayl badeed. Is-fahamkaan waxaa ku cad in Jamhuuriyadda Kenya aysan di-idanayn in aagga lagu muran san ya-hay ay Jamahuuriyadda Soomaaliya ku dari karto akhbaarteeda hordhaca ah ee muujinaysa xuduuda xadayn-ta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durug-san 200 oo mayl badeed.

Labada dal ee Xeebta (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in waq-tigii ku haboon in mid kasta si gooni-diisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qa-aradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Guddiga”), marka Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 2009,waxaana dhici karta in (xogta la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan yahay, iyagoo Gud-diga (QM) weydiisanaya talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qa-lfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta xuduudaha badda ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay ogo-laanshahooda ku bixiyeen in Guddi-ga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira. Macluumaadka loo gudbi-yay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qa-lfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed.

Calaamadinta xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona ladaba dal ee xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka baaraan degidda) macluumaadka sida kala goonida ah ay ugu gudbiyeen labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaa-liya)

oo Guddiga (QM) ay talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xee-bta (Somalia/Kenya) ee ku saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qa-aradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeedQoraalkan Rasmiga ah ee is-faham-ku waxa uu dhaqan galiyaa marka la saxiixo

WAXAA GOOB JOOG AHAA, saxi-ixayaasha hoose ee ay u xilsaareen dawladahoodu in ay u saxiixaan Qoraalkaan Is-afgaradka.

OO KA DHACAY Nairobi, 7dii April, Laba kun iyo sagaal (April 7, 2009), waa laba nuqul oo ku qoran Af-In-giriisi, oo labada nuqulba isku si loo saxiixay.

Waxaa Matalayey Dawladda Fed-eraalka Kumeelgaarka ah ee Jam-huuriyadda Soomaaliya, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wars-ame iyo Wasiirka Qorshaynta Qa-ranka iyo Wadashaqaynta Caalami-ga ah

Waxaa matalayey Dawladda Jam-huuriyadda Kenya Mudane. Moses Wetang’ula , EGH, MP,Wasiirka Ar-rimaha Didabadda

Wasiir aan aqoon waxa uu saxiixay

Page 8: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU … · sharciyadeeda lagu muransan ya-hay. Ololahan oo si weyn loogu adeeg-sanayo warbaahinta dawladda ayaa si isdaba joog ah u baahinayey

Buugta Akhriska Buugta Iibka

& Adeegyada Bulshada

Receipt Vouchers Payment

Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards EnvelopsStickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY

www.telcompuntland.com [email protected]

OGAYSIIS

Office Stationery

Office furnitures

Electronics and Satellite Digiitals

Renting Cars % For Selling

JOWLE ENTERPRISES

Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan macaamiisha shirkada Telcom Puntland In shirkaddu samaysay qiimo bedel, Qiimaha gudaha puntland

Qiimaha daqiiqadii Mobile-ka ee Puntland Gudaheeda waa sidan

�Maalinkii 6:00 AM to 6:00 pm Qiimaha halkii daqiiqo waa 0.01 cents/min ( hal cent) sidiisii hore

�Habeenkii 6:00 pm to 6:00 AM qiimaha halkii daqiiqo waa 0.005 cent ( nus cents ) halka uu markii hore ka ahaan jirey lacag la’aan

�Qiimaha fariimaha qoraalka ee dibadda loo dirayo waa $0.10 cents/SMS ( Toban cents halkii fariin)

Sms-ka Local Puntland macaamiishu waxa ay isugu diri karaan lacag la’aan

Qiimayaasha Dibadda iyo Somalia waxba isma bedelin waa sidoodii hore

Qiimaha cusub waxa uu dhaqangalay 16/03/09

Mahad sanidinMarketing DepartmentTEL

COM PUNTLA

ND

Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose: Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com

For more information please contact Manager of Jowle Interprises 797111