xeerka anshaxa saxaafada ee doorashada ... aan guulaysan hab wax u dhimi kara nabadda iyo amniga...
TRANSCRIPT
(
Jamhuuriyadda Somaliland Republic Of Somaliland
Komishanka Doorashoo)'inka Qaranka. National E.lectoral Commission
XEERKA ANSHAXA SAXAAFADA EE
DOORASHADA MADAXTOOYADA EE
2017
MEDIA CODE OF CONDUCT FOR
PRESIDENTIAL ELECTIONS IN 2017
.. --
REPUBLIC OF So LAND .JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
NAnONAL ELECTORAL Coi-.JISSION GUDDIDA DooRAslfooYINKA QARANKA.
XEERKA ANSHAXA SAXAAFADA EE DOORASHADA MADAXTOOYADA EE 2017
ARAR:
1. Xeerkan Anshaxu waxa lagu dhaqi doonaa dhammaan saxaafadda gaarka ah iyo ta dawladdu maamusho xiliga doorashada Madaxtooyada ee 2017 ka. Waxa uu khuseeyaa muddada ka horeysa doorashada, doorashada dhexdeeda iyo mudada ka danbaysa doorashooyinka, waxaanu dhaqangalayaa maalinta ololaha doorashada si rasmi Komishanka Doorashooyinku ugu dhawaaqo, waxaanu ku eg yahay bil kadib maalinta doorashada.
2. Xeerkan Anshaxa waxa ku jira ararta, waxanu dejinayaa mabaadiida guud ee ka caawinaysa saxafiyiinta in ay raacaan heerarka habsimo ee ugu sareeya dhinaca xirfada saxaafada iyo gudashada xilkoooda, taas oo ah in ay bulshada siiyaan xog sugan si ay uga qayb-galaan doorashooyinka.
3. Waxa uu xooga saarayaa isla markaana dhawrayaa xaqa shakhsigu u leeyahay in uu xog sugan helo, waxa uu faahfaahinayaa waxyaabaha saxaafadu doonayso, iyo waxyaabaha saraakiisha goobta, degmada iyo booliisku ay tahay in ay sameeyaan si ay saxaafada uga saacidaan gudashada shaqadooda waxana uu laf-dhabar u yahay saxaafadu in ay iyadu is maamusho taas oo saxeexayaasha Xeerkani ka dhigeen heshiis dhaqangal ah.
4. Xeerkani waxa uu horseedayaa isfahan dhex mara Komishanka, xukuumadda, xisbiyada siyaasadda iyo saxaafadda si ay u aqoonsadaan mid kasta waxa laga rajaynayo, xuquuqda iyo masuuliyadaha hab bisayl ku jiro kaas oo horseedaya dhismaha seeska dimuquraadiyadeed ee dalka.
5. Waxa muhiim ah in aan Xeerkan qoraal ahaan uun Ia ixtiraamin, balse nuxurkiisa guud ahaan Ia ixtiraamo. Waa in aan loo tafsiirin Xeerkan si kooban si loo waxyeeleeyo balanqaadkiisa, oo ah in Ia ixtiraamo xuquuqda shakhsiyaadka, isla markaana aan loo tafsiirin si balaadhan si ay faragelin aan loo baahnayn ugu noqoto xoriyadda rayiga ama ay ka hortagto daabacaadda danta caamka ah.
6. Waxa masuuliyadi ka saaran tahay tafatirayaasha iyo baahiyayaasha in ay u adeegsadaan Xeerka waxyaabaha Ia tafatirayo ha daabacnaadeen ama ha noqdeen qaar laga heli karo mareegaha iyo mida Ia baahiyaba. Waa in ay ka taxadaraan oo ay hubiyaan in si adag ay u dhawraan dadka saxaafada wax ku daabaca, oo ay ku jiraan kuwa aan saxafiyiinta ahayni.
7. Xeerkani waxa uu aqoonsan yahay baahiyaadka gaarka ah ee dumarka, dadka laxaadka Ia' xiliga doorashooyinka iyo dumarka saxafiyiinta ahba, waxa uu waydiisanayaa saraakiisha goobaha codbixinta, saraakiisha dawlada, saraakiisha xisbiyadda iyo saxaafadu guud ahaanwaa in ay ka qayb qaataan hubiyaana in arrimaha dumarka si dhamays tiran loo baahiyo lana tixgasho sharafta iyo ixtiraamka dumarka saxafiyiinta ah in ay hawshooda fushadaan.
8. Si loo buuxiyo doorka saxaafada, ee ah in ay ilaaliso qaranka, waxa uu ka dalbanayaa saraakiisha doorashada in aanay saxafiyiinta is hortaagin isla markaana tixgeliyaan hubinta habsami u socodka doorashada.
9. Taas bedelkeeda saxaafada waxa laga doonayaa in ay ula dhaqa nto dhamaan xogaha
xisbiyada siyaasada dhexdhexaadnimo waxa na ay ka rajaynasaaa xukuumadda in ay
ku baahiyaan xogtooda saxaafadda dawladda iyo mida gaarka loo leeyahayba .
10. Xukuumaddu waa in ay ula dhaqantaa sa xaafadda dawladd a iyo ta madaxa banaan
si siman, oo ay hagayso ahmiyadda koowaad ee ah in bulshadu hesho xog sugan.
Taas bedelkeeda saxaafada waxa laga doonayaa in ay xisbiyada si siman ula
dhaqanto.
MABAADI'DA GUUD EE XEERKA ANSHAXA EE SAXAAFADDA EE DOORASHADA 2017 KA:
1. Baahinta saxaafadda wanaagsan waxa haga mihnad aqoosan ama garawsan
ahmiyadda muhimka ah ee ay bulshada u hayo iyada oo xaq bulshadu ugu leedahay
in ay hesho xog sugan oo ka tarjumaysa xaqiiqda oo sax ah si ay u qaadato go'aan
xog-ogaalnimo ku dhisan .
2. Saxaafadda wanaagsani waa mid dheeli-tiran, iskuna miisaanta afkaarta iska soo
horjeedda si ay u dheellitirto doodaha xisbiyada iyo shakhsiyaadka. Habkaasi waxa
uu dhawrayaa xaqa uu qofku u leeyahay in uu helo xog run ah.
3. Baahinta saxaafadda wanaagsani waxa ay masuuliyad iska saartaa in ay ka dheeraato
in ay bulshada fidno kala dhex-dhigto, mana tebiso war been abuur ah, ama nacayb
ka buuxo ama hadal deel-qaaf a h.
4. Haddii barnaam ij tebintiisa cidi iibsato, bulshadu waxa ay xaq u leedahay in ay
ogaato aqoonsiga qofka, xisbiga ama masuulka bixiyay lacagta barnaamijka .
5. Saxaafaddu waa in ay u dhaqantaa si masuuliyadi ku dheehan tahay iyaga oo
tebinaysa xaqiiqda isla markaana ka dhawrsanaysa in ay qaataan war marin
habaabin samaynaya, kuwaas oo ay ku jiraan sawiro, ama haddalo deel -qaaf ah,
faalo aan sax ahayn oo ka dhan ah shakhsiyaad ama xisbi.
6. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in loo dhawro noloshiisa gaarka ah iyo nolosha
qoyskiisa ee gaarka ah, gurigiisa, caafimaadkiisa iyo isgaadhsiintiisa . Baahintu waa in
ay sababayn kartaa ku-xadgudubka lagu sameeyay nolosha gaarka ah ee qofka isaga oon ogolaansho laga helin.
7. Saxafiyiintu waxa ay masuuliyadni ka saaran tahay in ay baahiyaan baahiyaadka
gaarka ah ee dumarka, dadka laxaadka Ia' , da' yarta iyo dadka laga tirada badan
yahay iyo in ay arrintaasi u soo bandhigaan hab dheeli t iran .
8. Saxaafaddu waa in ay ka fogaataa in qofka loo aaneeyo qabiilkiisa, jinsigiisa ama
xanuun maskaxiyan ah oo kale ama xaalad naafanimo.
9. Saxafiyiinta iyo sawir qaadayaashu waa in ay raacaan shuruucda xuquuqda sawirka
iyo hab-raacyadooda.
10. Saxafiyiinta waxa uu waajib ka saaran yahay in ay warka ku saabsan geedi-socodka
doorashada iyo ku dhawaaqista doorashada ay qaataan oo kaliya Komishanka
Doorashooyinka ee Qaranka.
11. Xogta aan saxda ahayn, marin habaabinta, ama qaladaadka waxa ay u baahan yihiin
in Ia aqoonsado, sixitaanka xogta Ia baahiyay/daabacay waa in loo sameeyaa sida
ugu dhakhsaha badan si looga ilaaliyo bulshadda in ay gaadhaan warbixin qaldani.
12. Waa in fursad caddaalad ah Ia siiyaa jawaab celinta xogta qaldan ee ay bixinayaan shakhsiyaad ama xisbiyo marka si macquula looga dalbado waana in Ia siiyaa waqti
3
b~s-iyo mug (space) ku fil an . Mar kasta oo hay'ad war-baahineed cid dhibane ahi ka
dalbato, hay'ada w ar-baahineedna garawsato.
13. Saxaafadu waa in aanay qaybin xog kasta oo dhaawacaysa sirta gaarka ah ee qofka,
ama sumcadooda iyo sharaftooda dhaawacaysa
14. Saxaafaddu waa in ay ka dheeraataa baahinta xog ku xad-gudbaysa dhawrsanaanta
Di inta lslaamka.
15. Saxaafaddu waa in ay ka taxadartaa in aanay baah in xog dhaawacaysa amniga
qaranka . lyada oo taas laga duulayo, saxaafadu waa in aanay baahin natiijooyinka
aan rasmiga ahayn, mala-awaalka ah, ama been abuurka ah, si ay u marin
habaabiyaan bulshada.
16. Saxaafaddu waa in ay adeegsataa taxadar badan marka ay tebinayso kiisaska ku jira
maxkamadaha, ee aan wali Ia go' aamin, si ay uga taxadaraan in ay dhaawacaan
geeddi-socodka dhagaysiga maxkamadda. Baise taasi looma tafsiiri doone in ay
xakamaynayso xaqa ay saxaafaddu u leedahay in ay ka warbixiyaan dhagaysiga
maxkamadaha .
17. Arrimaha ku lugta leh dhibaato iyo tacsi qof sao gaadhay, waa in waydiimaha iyo
habka lao waraysanayaa noqdaa mid naxariisi ku jirto oo dhibta Ia dareemi karta
dhibanayaasha.
18. Saxaafaddu waa in ay ka qayb gashaa nidaamka wacyigelinta bulshada si ay
codbixiyayaashu u helaan go' aan xog-ogaalnimo ku dhisan oo ay ugu codeeyaan
murashaxa ay rabaan.
19. Wariyayaashu waa in aanay isku dayin in ay warka ku helaan iyada oo ist icmaa laya
hab sir ah sida kamaradaha qarsoon ama qa labka wax lagu dhagaysto.
20. Saxafiyiintu waa in aanay u dabaal-degin natiijada doorashooyinka. Waa in ay u
tabiyaan hab xaqiiqo ku dhisan kana taxadaraan in ay hoos u dhigaan (yaraystaan)
xisbiyadda aan guulaysan hab wax u dhimi kara nabadda iyo amniga dalka.
XUQUUQDA IYO RABITAANKA SAXAAFADDA EE XILLIGADOORASHADDA:
1. Dhammaan saxaafadda Ia ogolaaday waa in ay galaangal macquul ah u yeelan
karaan habraaca doorashadda iyo ka-qayb galayaasheeda, kuwaas oo ay ku jiraan
maamulayaasha doorashada, goobaha doorashada, murashixiinta iyo cod
bixiyayaasha.
2. Waxa lagama maarmaan ah in saxaafaddu galaangal u yeelato xogta dawladda .
3. Saxaafaddu waa in ay awooddaa in ay warbixinteeda iyo daraasadeeda ku samayso
deegaan ka bad-qaba cabsi-gelin iyo aargoosi.
4. Saxaafaddu waa in ay xor u noqotaa in ay daboosho kana warbixiso dhacdooyinka
doorashadda iyo doorashadda ka dib hab ku dhisan xa qi iq o iyo sugid .
5. Saxaafaddu waxa ay xor u tahay in ay abaabusho barnaamijya da iyo doodaha Ia
xidhiidha doorashooyinka .
6. Saxaafaddu waa in ay awoodaa in ay si xor ah dalka u tagi karto si ay ula socoto
ololaha doorashooyinka ee Xisbiyadda qaranka ama murashixiinta una eegto sida
maamulka doorashooyinku uu uga shaqaynayo goobaha doorashooyinka;
7. Dhamaan saxaafada waa in loola dhaqmaa si isku mid ah, ha noqoto saxaafada
gaarka lao leeyahay ama ta dawladda. Tani waxa ay khuseysaa galaan-galka ay u
leeyihiin xisbiyada siyaasada, murashixiinta, goobaha doorashada iyo xogta .
4
8. Maa mulka dawladda, xisbiyadda siyaasadda iyo cidd ii kale ee ay khuseysaa waa in ay
ka waa ntoobaan in ay faro-geliyaan arrimaha saxafiyi inta iyo shaqaalaha kale ee
saxaaf ad da iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay saameeyaan doorashooyinka ay
waddaa n KDQ. 9. Si loola dagaalamo w ararka been abuurka ah, natiijada doorashada waa in Ia soo
saaraa w aqti ku haboon lana siiyaa dhamaan saxafiyiinta si looga hortago
natiijooyinka mala-awaalka ah .
10. Saxaafadda ajaanibka ah ee ka hawl -gelaysa Somaliland waxa ay leedahay baahin
balaadha n oo muhim ah, iyo dhagaystayaal waxana ay saamayn kartaa cod
bixiyayaasha . Sababtaas i awgeed, adeegyadaasi waa in lagu dhiirigeliyaa in ay ka warb ixiyaa n ololaha doorashada ee Somaliland hab qoto dheer leh, iyaga oo
tixgelinaya xeerarkooda anshaxa ee ku saabsan tebinta doorashooyinka iyo xeerkan
hab-dhaqan ee Somaliland. 11. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa lagu dhiirigelinayaa in ay Ia socdaan
tebinta warbaah inta ee doorashooyinka ee saxaafadda dibadda iyo in ay sameeyaan
hab lagula shaqayn karo oo lagu xal iyo cabashooyinka . Si looga taxadiro wararka ku
tiri-kuteenka ah ee ku saabsan natiijooyinka doorashooyinka, iyada oo Ia raacayo Shuruucda Somaliland ee Doorashooyinka, saxaafada waa in Ia siiyaa natiijada
hordhaca ah, ee heer qaran oo ay siiyaan Komishanka Doorashooyinku.
MASUULIYAADKA SAXAAFADDA WAQTIGA CODBIXINTA IYO MUDDADA KA HOREYSA:
Saxafiyiinta Somaliland waxa ay dhaqangelin doonaan Qodobada Xeerkan Anshaxa ee
soo socda waqtiga doorashadda ka horeysa, waqtiga doorashadda iyo doorashadda ka
dib:
Saxaafaddu waxa ay balan qaadaysaa:
1. In ay tabiso ololaha doorashada, muddada codaynta iyo doorasada ka dib una teb iso
hab cadaaladi ah, dheeli tiran isla markaana dhexdhexaad ah, kana madhan buun
buunin iyo u xaglin cid gaar ah.
2. In ay hubiso in warku dheeli-tirnaado noqdo dhexdhexaad isla markaana ku
salaysnaado xaqiiqda markaa taagan, ee ku jira waraysiyadda iyo doodaha kuwaas
oo saamayn ku keeni kara maanhagaha (attitude) cod-bixiyayaasha.
3. In ay ka digtoonaadaan in ay siiyaan tabin dheeraad ah ama xad-dhaaf ah xisbiyadda
ama murashixiinta qaarkood ama muxaafidka ha noqdaan ama mucaaridka ba. 4. In aanay bixin farriimo doorasho oo dhinac u xaglinaya muddada doorashada, gaar
ahaana, maalinta ka horaysa cod-bixinta, si loogu ogolaado codbixiyayaashu in ay go'aankooda ku gaadhaan iyaga oon cadaadi s saarnayn .
5. lnta suurto-gal ah, in ay si toos ah usoo tebiyaan aragtida murashixiiinta iyo
xisbiyada siyaasiga ah iyaga oo hadalkooda sidiisa usoo daynaya, oo aanay soo dayn
iyaga oo Ia jar-jaray, si loo marin habaabiyo bulshadda ama iyaga oo qof kale sharaxayo. Haddii aanu hadalku xanbaarsanayn deel-qaaf, nacayb, iyo kicin
dadweyne, oo wax u dhimi karta amniga iyo xasiloonida dalka.
6. In ay damaanad qaadaan xaqa murashaxu ama xisbiga siyaasiga ahi u leeyahay in uu
si deg-deg ah u jawaab-celiyo, haddii sidaa loo baahdo, si xuquuqdaasi loo isticmaali
karo muddada lagu jiro ololaha doorashada.
5
7. In uu hubiyo in xogta warku tahay mid xaqiiqo ahaan sugan, dhamays tiran, nuxur
ahaan khuseysa isla markaana waaqaca ku dhisan. 8. In ay isticmaalaa n erayo dhexdhexaad ah oon dhinacna u xaglinayn, tabinta
warbixinaha doorashaduna noqdaan qaar aan ku dhisnayn caaddifad iyo laab-la-kac
kana taxad iro erayada farsammo iyo tira-koobka isla markaana hubiyo in ciwaanka warku ka tarjumayo xaqiiqada iyo xogta gudaha ee warku xanbaarsan yahay.
9. In ay ka dheeraadaan in uu kiciyo/huriyo dareenka caadifadaysan ee arrimaha lagu
muransan yahay isaga oo arrimahaasi si caadifadaysan u gudbinaya.
10. In kala saara aragtida iyo fasiraada qofka, kuna koobo aragtida iyo faaladda
tafatiraha qaybta tafatiraha iyo bogga rayiga iyo barnaamijyadda. 11. In uu wixi i xayaysiis ah si cad u muujiyo isla markaana aanu ku dhex darin warka isla
markaana hubiyo in baahinta dacaayaddu waafaqsan tahay Xeerka Anshaxa ee Saxaafadda ee ay w ada qaateen Saxaafadda iyo Komishanku Doorashadu.
12. Saxafiyiinta waxa waajib ku ah in ay isbaraan qofka daacadna ka noqdaan kana caddaalad sameeyaan habka warka ay ku helayaan, u tabinayaan iyo qaabka ay usoo
gudbinayaan.
13. In ilaha warka doorashooyinka ku koobnaado ilaha rasmiga ah ee Komishanka
Doorashooyinku masuulka ka yihiin. 14. In ay aanay wax ka bedelin sawirada iyo muuqaalada si ay bulshada u marin
habaabiyaan .
15. In aanay ka qaadan wax saamaynaya shaqadiisa qof siyaasi ah ama murashax.
16. In aanay qadarka laga qaadayo dacaayada kala duwin oo midna aanay qiime jaban
siin (qiime dhimis) midna u diidin.
17. Saxaafada waxa ka reeban gabi ahaanba in ay rayiga bulshada qaado maadaama oo
aanay lahayn xirafadii iyo awoodii aqooneed ee habka lao ururiyo rayiga bulshada,
isla markaana aanu shacabku u bislayn . 18. Saxafiyiinta iyo saxaafadu waa in aanay ka hor dhicin natiijada doorashada isla
markaana aanay ka sao xigan natiijadda cid kale oon ahayn Guddida Doorashooyinka
Qaranka, taas oo abuuri karta xasilooni darro iyo kalsooni darro. 19. Saxaafadu waa in aanay sao gudbin shirarka jaaraa'id e shaqsi lagu aflagaadaynayo
ee bulshada dhexdeeda ka abuuraya nacayb sida qabyalada, cayda shakhsiga ah . 20. Muddada doorashada saaxafadu waa in aanay gudbin wararka cidi u yeedhiso ama
dano dhaqaale ha dhaafsadan ama dan qabiil ha dhafsadan waxaana waajib ah in
warka saxafigu gudbinaya noqdo mid si xor ah oo madax banaan uu ku helay kuna
dhisan xaqiiq isla markaana waafaqsan anshax wanaagsan iyo akhlaaqda suuban, ee
mihnadda saxaafada laga doonayo, waana in uu warkaasi noqda mid bulshada wax
taraya oo aan dhibi ku jirin.
MASUUUYADDA WARBAAHINTA DAWLADDA
1. lyada oo Ia tixraacayo Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee
Tixraaceedu yahay JSL/M/WM/222-5061/092017 ee 30/09/2017, iyo Qodobka 26aad 26aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada (Xeer Lr. 20-2/2005} Warbaahinta Dawladda sida Raadyow Hargaysa, TVga qaranka, iyo jaraa'idka
dawladu gacanta ku haysaa, xisbiyadda qaranku waa u siman yihiin, waana in ay
siiyaan bed, iyo waqti is-leeg ololaha xisbiyadda siyaasadda ee rasmiga ah;
6
2. Ko mishanka Ooorashooyinka Qaranku isaga oo arrintaasi kala tashanaya Wasiirka Wasaaradda arfaafi nta iyo Wacyigelinta, iyo xisbiyadda waxa uu dajin doonaa
shaxda muddaysan ee lao qoondeeyay sii deynta ololayaasha xisbiyadda qaranka ee kaltanka warar a iyo barnaamijyadda, shaxdaasi waa qayb muhim ah oo ka mid ah
Xeerkan Hab-dhaqan; 3. Shaxda muddaysan ee lao qoondeeyay sii deynta ololayaasha xisbiyadda qaranka,
waxa Komishanka Qaranku soo saari doonaa ugu yaraan 7 (todoba) cisho ka hor
bilawga ololaha doorashada ee Xisbiyadda Qaranka .
4. Gudd ida llaa linta Xeerka Hab-dhaqan saxaafaddu waxa ay si maalinle ah ula socon doonaan ba rnaa mijyadda laga sii daayo Raadyow Hargeysa, TVga Qaranka iyo
jaraa'i dka dawlada si ay u hubiyaan in ay si dhexdhexaad ah, oo dheelit iran
xisbiyadd una u siman yi hi in usoo dayaan barnaajiyadooda, waxaanay warbixintooda siin doonaan KDQ;
GUDDIDA ILAALINTA XEERKA HAB-DHAQANKA SAXAAFAOOA:
1. Saxeexayaasha Xeerkan Hab-dhaqan waxa ay isku raaceen in Ia abuuro Guddida
llaalint a Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Muddada Doorashada Madaxtooyada 2017, si lao dhaqangesho Xeerkan Hab-dhaqan ee saxaafadda, laona abuuro guddi
kormeerta si loa hubiyo fulintiisa laona gudbiyo bulshada iyo dhinacyaddaba in ay
raacaan .
2. Gudd ida llaa li nta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadu waxa ay ka kooban tahay 7
xubnood, oo ah aqoonyahano reer Somaliland oo ka kala iman doona:
a) Laba w akiil oo ay sao magacaabaan Ururka Saxafiyiinta ee SOUA;
b) Laba wa kiil oo uu sao magacaabo Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ; c) Hal waki il oo ka socda ururka Saxafiyiinta Dumarka ee WIJA;
d) Laba xubnood oo uu Komishanku ka soo magacaabo qareenadda iyo
aqoonyahanka dalka;
3. Komishanku marka uu helo magacaabista xubnaha sare ku xusan, isla markaana
hubiyo in ay yihiin dad ku sifoobay dhex-dhexaadnimo, oo buuxiyay shuruudaha u dej isan, waxa uu si rasmi ah u shaacin doonaa magacaabista Guddida .
4. Haddii xubin Guddida lao magacaabay uu Komishanku ku qanci waayo, iyaga oo
sababaynaya waxa uu ka dalban doonaa cidda sao magacooday in ay sida ugu
dhakhsaha badan usoo bedelato, isla markaana waafaqdo shuruudaha u yaala.
5. Xubnaha Guddida llaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafaddu waa in ay ku sifoobaan
dhex-dhexaadnimo, daacadnimo, hufnaan, isla markaana waa in aanay xubin
firfircoon ka ahayn xisbiyada tartamaya;
6. Xubnaha Guddidu waa in aanay noqon mulkiilayaasha rugaha saxaafada, iyo
tafatirayaashooda isla markaana waa in aanay xil ka haynin hay'adaha warbaahineed
ee ay ka tirsan yihiin mid dawladeed iyo mid madax banaan ba ..
7. Xubnaha Guddidu waxa ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Guddomiye kuxigeen iyo Xoghaye;
8. Xubnaha Guddidu wa xa ay noqon doonaan shakhsiyaad dhexdhexaad ah, khibrad
leh si ay u hubiyaan in Xeerka Ansha xa Ia fuliyo cabashooyinka Ia baadho una daabacaan natiijadooda.
7
9. Guddidu waxa ay iskood u kuurgeli doonaan qaabka ay u shaqayso saxaafada
dawladda iyo mida gaarka loo leeyahay ba waqtiga doorashada waxana ay warbixinta gungaadhkooda siin doonaan Komishanka Doorashooyinka todobaad
kasta hal mar, ama kolba sida loogu baahdo inta uu socdo ololaha doorashadu. 10. Guddidu waxa ay si joogto ah xog ku saabsan sida dhinacyadu ugu dhaqmeen Xeerka
Anshaxa u siin doontaa Komishanka Doorashooyinka. 11. Guddidu waxa ay yeelan doontaa xafiis ay hawshooda iyo kulamadooda ku
qabsadaan, isla markaana u saamaxaya xil-gudashadooda;
12. Guddidu waxa ay kulmi doonaan doorashada ka hor iyo doorashada ka dib si ay u
hubiyaan in kormeerkoodu u noqdo mid dheeli tiran oo dhexdhexaad ah si loo
wanaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya, dawlada, saxaafadda iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in ay tallo-bixin siiyaan .
13. Guddidu waxa ay tala-bixin ka gaysan doonaan habka loo suurtogelin karo doodaha khuseeya in si firfircoon loo adeegsado Xeerka Saxaafadda, Xeerkan Anshaxa taas oo
ay ku jiraan qodobada baahinta khuseeya .
14. Guddidu waxa ay tala-bixin ka gaysan doonaan qaabka loo xakamaynayo war
baahinta xisbiyadda u gaarka ah, sida bogooda internetka iyo warbaahinta bulshada
(social media), muddada ololaha doorashda iyo ku-dhawaaqista natiijadda doorashda.
15. Saxafiga ama rugta saxaafadeed ee ku gefta qodobada Xeerkan, waxa ay guddidu ka dalban doontaa in ay iskood u saxaan,
16. Guddidu waxa ay soo saari doontaa bulshadana usoo bandhigi doontaa warbixinta
todobaad leh ah, oo ku saabsan sida saxaafadu ugu dhaqantay Xeerkan Anshaxa muddada doorashooyinka, iyaga oo magac dhabi kara saxaafada ama rugaha
saxaafadeed ee ku gafa Xeerka Anshaxa .
17. cid kasta oo ku gefka Qodobadda Xeerkan Anshaxa, isna sixi wayda marka sidaa ay
ka dalbado cida ka cabanaysa ama Guddidu, talaabadda ku haboon ee laga qaadayo
waxa loo raaci doonaa Xeerka Saxaafadda (Xeer Lr. 27 /2004), iyo xeerarka kale ee dhaqan galka ah .
XUBNAHA MATALAYA SAXEEXAYAASHA XEERKANI WAXA AY SAXEEXEEN MAANTA 00 AY TAARIIKHDU
TAHAY 16/10/2017.
KOMISHANKA DOORASHOOYINKA JSL:
ENG. ABDIQAADIR IIMAAN WARSAME
GUDDOOMIYAHA KOMISHANKA OOORASHOOYINKA QARANKA EE JSl
WASAARADDA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA:
CISMAAN C/LAAHI SAXARDIID "CADAANI"
WASIIRKA WASAARADAD WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA
URURKA SAXAFIYIINTA EE SOUA:
MAXAMUUD CABDI JAAMAC
GUDDOOMIYAHA URURKA SAXAFIYIINTA EE SOUA
URURKA SAXAFIYIINTA EE WIJA:
YAASMIIN AXMED YUUSUF
GUDDOOMIYAHA URURKA SAXAFIYIINTA EE WIJA
8