yoolka gaadh - world g18 somaliaworldg18somalia.org/pdf/score_the_goals_somali.pdf · 1 war degdeg...
TRANSCRIPT
-
1
Yoolka GaadhWaxaa la isu kaashanayaa sidii loo gaadhi lahaa Yoolka Hurumarka ee
Kunkan Sanno.
-
2
© 2010 United Nations for the English edition © 2012 United Nations for the Somali edition All rights reserved
Xuquuqda oo dhan waa la ilaaliyey meelkasta oo caalamka ah. Daabacaadan waxa la soo saari karaa bilaa ogolaanshiyo inta loo daabacayo si sax ah oon ahayn mid qaldan iyo waliba inta la xusayo taytalka kor ku xusan, madbacada iyo taariikhda la daabacay. Waxa la dhiiri galinayaa in la qaybiyo, dib loo daabaco iyo waliba in la isticmaalo dhukumantigan. Dhamaan xuquuqda iyo fasax u helida in dib loo daabaco, la turjumo amaba loo isticmaalo hab kale (kamid tahay Electronic) waa in lagaga xidhiidhaa [email protected].
Xadka iyo bandhiga buugan kama turjumayso inaba afkaarta dhinaca sharci ee Qaramada Midoobay e khusaysa wadan, dawlad, caasimad amaba goob.
Turjumaadani waa mid aan rasmi ahayn taas oo Daabacuhu aqbalaayo masuuliyadiisa.
Qaramada Midoobay waxa ay qaaday taxadir kasta si ay u xaqiijiso warbixinta ku qoran daabacaadan.Si kastaba ha aahtee, buugan la daabacay waxa loo qaybiyay damaanad la’aan nooc kastaba ah, mid qeexan iyo mid maldahanba.Masuuliyada turjumaada iyo isticmaalka buugan waa mid u taala akhristaha. Marnaba uma taalo Qaramada Midoobay wax khasaaro ah oo ka yimaada isticmaalida buugan.
MahadnaqQaramada midoobay waxa ay aad iyo aad ugu mahadcelinaysaa tabarucii kharashka iyo iskudubaridka ahaa ee ay sameeyeen wakaaladahan Qaramada Midoobay ee hoos ku xusan: Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Ururka ka hortaga Duumada (Stop TB Partnership) Barnaamijka wadajirka Qaramada Midoobay ee HIV/AIDS (UNAIDS), Barnaamijka Hurumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Waaxda warbixinta caamka ah ee Qaramada Midoobay (DPI) iyo Xafiiska ciyaaraha ee Horumarka iyo Nabada ee Qaramada Midoobay (UNOSDP, iskuduba ridaha mashruucan). Mahadnaq gaar ah waxa loo fidinaya Rod Espinosa (Qoraalka iyo Sharaxaada) iyo Shaenon Garrity (Qoraalka) waxana loogu mahadcelinayaa tabarucoodii iyo kaalmadoodii ay mashruucan ka gaysteen.
-
1
War degdeg ah. Markabkii xidigaha
kubada cagta ayaa la waayay.
Dhamaan ciyaartooyada waxa lagu waday in ay u ciyaaraan si ay u taageeraan qaramada midoobay barito. Si looyareeyo wasakhda hawada lagu sii
daayo, Ciyaartooyadu waxa ay ku safrayeen doon.
Qofna ma filaynin dabaysha xoogan ee ku dhufatay doontan.
Waxa la baadi doonay ciyaartooyadii, taageerayaashoodii iyo shaqaalihii
markabka. Nala soco…..
Hada uun bay dhacday! Markab sida toban ciyaartoy caalami ah iyo
taageerayaashoodii ayaa la soo wariyey in la waayay.
-
2
Isla markaana, xeeliga jasiirad ku taal meel
fog…….
Luis FigoWeeraryahan
dhexe
RobertoBaggio
Weeraryahan labaad
RolandoWeeraryahan
Patrick Vieira
DhexdaMichael Black
Dhexda
Markabkii wuxuu ku burburay
jasiirad! Tani waa mid aan caadi ahayn.
Daalka maxaan iskaga biiyaa…
Maxaa inooga hadhay duu-faanadii? Ma
haysanaa saad inagu filan?
Waxa aynu
noolaan karnaa 14 maalmood cunto la’aan, laakiin biyo la’aan ma noolaan karno 3 maalmood.
Waxa aynu u baahanay biyo
marka hore.
Hadii jawigu inagu
xumaado, baahideena
koowaad waa hooy aynu
galno.
-
3
Emmanuel Adebayor
Weeraryahan
Didier DrogbaWeeraryahan
RaulWeeraryahan
Zinedine Zidane
Weeraryahan dhexda
Haa Maykalaw, adaa saxa ah - hooy, cunto iyo biyo:
baahida aasaasiga ah
ee bini aadamka…
Kama degi karo doonta
kaligayHa anbanina labadiinu.
Ha warwerin
Judy, anaa ku caawin doona.
Gabadha fursad sii, Edwinaw! Iyada ayaa ku xigta kabtanka.
Haye, gabadh baa ina hogaa-
minaysa.
Qofkastaa xeeliga ha tago! Sahaydana ha eego, hadii qof dhaawacmo! Ha la ii sheego. Imika, ilaa inta aynu helayno
kabtankii, aniga ayaa xilka inoo haya.
-
4
Iker Casillas Gool haye
Maxaynu qabanaa?
Hooy aynu dhisano!
Waan gaajoonayaa!
Marka hore biyo!
Taleefankaygii ma shaqaynayo.
Qofkastaaba kulanka ha
ka soo qayb galo!
Eeg, waxaa laga yaabaa inaynaan wax badan ka aqoon sida halkan oo kale loogu noolaado, laakiin waxa aynu
naqaanaa sidaynu u wada shaqayn lahayn. Waa inaynu wada shaqayno, Araweelona
la shaqayno iyo waliba shaqaalaha kale hadii aynu doonayno inaynu caawino
rakaabka oo dhan.
-
5
Aynu diyaargarawno.
Marka hore… qofna ma u baahanyahay
kalkaalo caafimaad? Ma haysa-
naa qof dhakhtar
ah?
Waxaan ahay
neeras
Waxa aan caawin karaa cid kasta oo dhaawac soo gaadhay. Ilaa hada waxaan
filayaa inaynu fiicanay. Qofka qudha een ka warwar qabaa waa
Judy oo xaamilo ah.
Mahadsanid, Maariyey.
Hadaba maxaynu qabanaa marka hore? Cunto?
Biyo? Mise hooy?
Malaha waxaa fiican inagoo
kabtanada badalna...
Maxaynu isugu raaci waynay
waxa aynu u baahanay inaynu qabano dabadeedna isu qaybin waynay?
Fikrad fiican. Waxa aan inoo
habayn doonaa wixii inoo badbaaday
halkana xero ayaan inooga dhisi doonaa. Qofkastaaba saacada ha eegto. Waxa aynu ku kulmo doonaa
halkan ilaa galabta.
Aynu hawsha qabano!
-
6
Tani waa shaqo adag!
Halkani udubka
hayn mayso!
Sharad!, halkan waxaa laga yaabaa in aynu mudo sii joogno waxa
aynu u baahanay in aynu xoogay
adkaysano.
Haa, waxaan xasuustaa
barigaan yaraa xidhmadan, siday
u shaqaysaa talaw?
Xadhig iskugu xidh.
Maxay? Miyaad iska
leeday, gabadhyey?
Waa hogaamiyahaagii,
Edwinaw. Dhagayso gabadha tusna
ixtiraam.Dhugo,
badmaaxaw.
Alla, een... taasi runtii way
fiicantay….
Diyaar, 1,2 …--3!
-
7
Waan kusoo beegnay wakhti
fiican
Waan ka xumay Araweelooy waxaan ku
idhi…
Haa-Haa hogaamiye!
Iska ilaw. Imika ma kugu
xisaabtami karaa oo ma i aaminaysaa hada
laga bilaabo?
-
8
Aroortii danbe…
Ka kaca meesha, intani waxba maaha. Aroortii
oo dhan baan socdaa si aan biyo nadiif ah
u keeno.
Sidaa maaha, Aaliyaay. Ugu yaraan waxa aan rajaynaa
inaad wali dugsi tagi karto ood wax baran karto.
Haa, inta badan waan baran karaa. Laakiin wakhti badan uma hayo inaan layliskayga sameeyo
iyo inaan la ciyaaro asxaabtayda…
Karlos, mayaaaa!
Maaha biyo la cabi karo!
Alla eega waxaan helay!
Biyo!
James ayaa saxsan. Waxa aynu u baahanay inaynu miirno marka hore si aynu khashinka
uga reebno deetana baylino.
Waliba biyahan taagan, waxaa dhici kara in badan oo…
-
9
Kaneeecoooyin!
Ha warawerin. Kaneeco
kastaaba ma sido cudurka
duumada.
Alla maya! Waa la i qaniinay waxaan
qaadayaa cudurkii duumada.
Mary ayaa ku eegi doonta oo kusiin doonta daawo hadii loo baahdo. Duumada waa la dawayn
karaa.
Sidoo kale waxaa la iskaga
ilaalin karaa in laga fogaado qaniinyada. Sidaa darteen caawa, waxa aynu hoos seexanaynaa maro kanooco waxa kale oo
aynu is ticmaalaynaa maadada cayayaanka
didisa.
Laakiin hada aynu helo biyo
nadiif ah!
Alla, ka warama
kan? Waa caadi, Maarkaw!
Waxay ka soo
dhacayaan dhagaxaa!
Waa manbaca ugu
wanaagsan hada ee aynu rajo ka qabno marka
la eego xaalada aynu ku jirno! Laakiin wali waa
inaynu miirnaa oo kululaynaa inta
aynaan cabin horteed.
Waa biyo socda sidaa darteed inay biyuhu meel fadhiistaan way
adagtahay.
-
10
Xeeligii...
Waxa aynu u baahanay inaynu
helno sidii aynu cunto ugu heli lahayn
qofkasta.
Haye. Inakeena soo
kaluumaysanee.
Alla? Waxa ay ina tusaysaa meesha
ugu fiican ee laga kaluumaysto
jasiiradan, miya?
Dooro kooxdaada noona keen kaluunka.
Waayo… waayey
hogaamiye.
Maya. waa inaad noo keentaa kaluun badan. Mudane “anaa wax
walba aqaan”.
Haye. Sally, maxaad ka taqanaa
kaluumaysiga?
Waxa aan kaluunka ka qaataa oo
qudha dukaanka cuntada.
-
11
Saacad dabadeed.
Alla. Kaasi waa kaagii shanaad.
Waxaad tahay horyaal!
Anna, immisa kaluun ayeynu
ilaa hada haysanaa?
Hmm.. waxaynu haysanaa… Hmm.. kow… laba.. mhh...
Maxaa qaldan Anna? Miyaanaad
caadi ahayn?
Waan fiicanay. Qudha uun waxa weeye… hagaag… runtii kuma fiicni tirinta…
waan ka tagay dugsigii si aan reer-kayaga beerta uga caawiyo.
Ha warwerin! Anagaa ku bari
doona!
Waa hagaag! Waxa aynu u baahanahay inaynu ilaalino deegaankeena maxaa
yeelay waxa laga yaabaa inaynu halkan mudo
sii joogno…
Maalinta oo dhan aayaan qabankaraa
karaa! Alla. Kani wuu yaryahay. Dib baan
ugu tuurayaa.
-
12
Meel kale oo jasiirada ah.
Ii soo celi kaas!
Alla! Waan gaajoonayaa!
Araweelo waxa ay tidhi khudaartani qof kasta ayaa
iska leh.
Waaryaadheen! Maxaa halkan
ka socda?
Anaa helay khudaar-tan oo dhan imikana
wuxuu doonayaa qayb! Waxba kamuu
keenin dhankiisa! Bal hada eeg! Waa
ma shaqayste waanaad arki
kartaa.
Waxa aan u shaqeeyey sida
aad u shaqaysay! Meelihii aan eeg
eegay waxba kumay ool! Ciyaalka
adigoo kali ihi waa danaystayaal.
Wowowo! Ukaadi, Colaa-
daw. Maxaad uga jeedaa “waad arki kartaa”?
Waad garanaysaa
waxaan u jeedo…
Maya. Ma garanayo. Inagu qofna waxba kuma siinayno
inagoo u eegayna inta ay haystaan, ama siday u eegyihiin.
Waligaa ha ku fakarin dhibta qofka kale.
Raul wuu saxsanyahay. Muhim maaha halka aad ka timid ama
midabka jidhkaagu. Waynu wada leenay intan. Waanaad ogatahay wadankiina sidaas uun bay ahayd
sida ay imikaba u tahay halkan jasiirada!
-
13
Aaax!
Qunyar. Ma doonayno inay wax kugu dhacaan adiga ama
ilmahaaga.
Mahadsanid. Laakin ma rabo inaan ka hadho dadaalkeenan
badbaadada.
Mahadsanid. Ilaa inta
aan caawin karo.
Waan hubin doonaa inaanay taasi dhicin.
Caafimaad kaaga ayaa noogu muhiimsan
kooxda dhan.
Ha warwerin. Wax badan oo la qaban karo ayaa
jira adoon is daalin. Wax kasta ood u baahato,
aniguun ii yeedh.
Aad baad noo caawisay. Qof kastaaba waxa uu ku taba rucayaa awoodiisa
ama awoodeeda uun.
Qudha waxaan rabaa uun inaan jasiiradan ka baxo sida ugu
dhakhsaha badan…
-
14
Nasiib ma u yeelanay inaynu
raadiyihii helno?
May wali. Laakiin hadii aan
jajabkan meesha ka guro, waan
helaya.
Alla, siday u dhacday
inaanuu qofna ku caawin? Radiyawgu
waa ka qudha ee aynu rajaynayno inaynu ku
badbaadno!
Dadka qaar jooga halkan
baan jeclayn inay ila shaqeeyaan.
Waxa weeye… waxay ogaadeen in aan
qabo HIV.
Waxaan u sheegay markanu xeebta nimid. Waxaan doonayuun
inaad daacad noqdo. Laakiin waxaan filayaa inay dadku imika iga
fogaanayaan.
Taasi waa waali. Wax laga baqaa ma
jirto…
Inaan caawiyo ayaan rabaa, laakiin inaan AIDS ka qaado peter ma rabo! Ka waran haduu iqaadsiiyo?
Sally, kuma qaadi kartid HIVga taabashada caadiga ah ee aad
taabato dadka.
-
15
Waad la shaqayn kartaa Peter,
salaami kartaa, la cuntayn kartaa, hab siin kartaa… wax kasta ood asxaabtaada la
samayso maalin kasta!
Peter, waan ka xumahay. Maan garanayn. Sideen kuu xaal
siiyaa?
Hagaag. Ka waran hadaad iga caawiso
sidaan u heli lahaa qalabkii raadiyawga?
Hubaal!Ana
xisaabta igu dar!
Adaa na hogaaminaya!
Emmanuel iyo Michael, bilaaba inaad nadiifisaan jajabka yaala dhinaca midig ee
doonta. Sally, adiguna xaga dekeda ka bilaw!
Hana is daalin. Waxaan dhamaantiin idiinku baahanahay
inaad iga caawisaan dib u habaynta marka
aynu helno raadiyawga.
Peter…
Haa?Waan ka xumay…
Dhib maleh. Waxa weeye oo qudha in
aanaad waxba ka aqoon HIV iyo AIDS. Imika waynu
wada shaqayn karnaa si aynu halkan uga
baxno!
-
16
Habeenkaas...
Kuligiin naftiina u hanwaynaada!
Waxba maynaan haynin bilawgii, imikana waxa aynu haysanaa
cunto, dab, iyo dugsi. Eega waxaad qaban kartaan marka aad wada
baxdaan ee aad wada shaqaysaan!
Waxaynu haysanaa raadiyawgii
oo waliba ka shaqaynaya mawjada tiirada dheer.
Waxaan rajaynayaa in qof uun si dhakhso ah uga
jawaabo seenyaalaheena badbaada…
-
17
Toban casho ka dib...
Waaryaa Mark, maxaa si ah? Sideed tahay?
Aad uma fiicni. Waan “qufac” gabigaygaba
naqaskaa igu taagan oo “qufac” aad baan
u liitaa.
.......
Mi dhiig baad qufacaysaa?
In yar “qufac” ma doonayo inaan idinka nixiyo.
Naqaskaa ku taagan,dhidid,qufac dhiig leh. Dhakhtar
ma ihi laakin waxay u eegtahay inay TB ku
hayso.
Bal aan Neerasta kuu gayno ha ku
baadhee!
Alla! Miyaan dhimanayaa?
Maya, TB da waa la dawayn
karaa oo Neerastaa dawo ku siin.
Laakiin taxadir,TB waxay ku
faaftaa laydha markaa waa inaynu ka gaashaamanaa si
aan cid kale u qaadin!
Aad baad u nasiib badantahay, waanu ku dawayn.
Nasiib darrose, malaayiin qof baa u dhinta TB da waayo ma helaan
dhakhtarro iyo Isbitaalo toona.
Mahadsanid, Luis oow
Ha calaacalin, inta Araweelo ina
hogaaminayso waan hubaa inaan dhamaanteen
dhibtan si fiican uga dabaalanynee.
-
18
Waaw! Waan ciyaartay baynu ku caafi-
maadnayba intaan halkan joognay.
Jasiiradan in lagu
badbaadaa maaha wax
fududu!
Waan ogahay.
Kamaan fikirinba siday inoogu fududaatay.Waxay ku
xasuusinaysaaba siday noloshu ugu adagtahay malaayiin qof oo dunida ku
nool.
Waa run! Waxa jira dad badan
oo aan helin biyo nadiifa iyo cunto ku
filan ama waxyaabaha kalee aynu haysano.
Waa tahay! Hadii aan halkan
ka badbaadno oo jasiiradan ka tagno waxan dadaal u gali
doonaa inaan dadkaa caawiyo.
Waa sidaa! Waliba waxaan hubaa
inaynu leenahay taageerayaal badan oo
ina dhagaysan doona.
Igu xisaabtan anigana
Waar niyahow ma caawoo dhan baad
hadlaysaan uun, mise inaad ciyaartaan baad diyaar u tihiin? Waa waa xiligeedii
toban cisho ayaynu sugaynay
ciyaartane.
-
19
Xasuunaada inaan u ciyaarno
si fiican iyo niyad kooxxeed
wanaagsan!
-
20
-
21
-
22
Waan ka xumahay, kubadii wataa
biyaha inagaga dhacdee ciyaartii waynu joojinayaa...
Oo maynaan kubbad kale samaysan
karin?
Waxan u malaynayaa inaan
kubbad kale ku arkay alaabteena dhexdeeda...
Midh qunbe ah inoo soo gooya, magaaladayada mar kasta kubbad kuma
ciyaarnee. Waar dhako keena!
Arrintaa berito ayaynu ka hadliye, imika se
waxay ila tahay inaynu u baahannayay qof
waloowba inaan nasano
Yey kubadi ka luntay?
-
23
Baaqii gurmad doonka ahaa ayaanu
soo raacnay signalkiisa markaasaanu kubadan helnay markaanu soo
dhawaanay.
Waa wax wanaagsan in aan mar labaad dhamaantiin idin aragno. Ugu danbaystii idin
helnay, waxaase la moodaa inaad iska faraxsanaydeen ba.
Waa sax!Waa
la ina badbaadiyay!
Waa la gaadhay wakhtigii!
Kaalay arag! Waa si fiican siday
idiinku suurto gashay sidani?
Anigu keligay maan qaban, dhamaantayo ayaa is kaashanay...
-
24
DHAMMAAD
Waa tahay! Runtii tani may ahayn ciyaartii
xiddigahoo dhani ku jireen ee aan filayay
inaan ciyaaro!
Ha nagu ciyaarin! Laakiin wax baad ogtahay saw
maaha?
Waxan u malaynayaa inay ahayd ciyaartii ugu fiicnayd ee aan waligeen
ciyaarno
-
25
RUN AMA BEEN
TILMAAMO: run ama been kaga jawaab su’aalaha soo socda, kuwa beenta ahna sax.
Jawaabuhu waxay kuugu yaallaan bogga 29.
1. (Ballack)
Khatar ma leh inaad wax la cabto qof qaba HIV.
RUN BEEN
2. (adebayor)
HIV waxa lagu qaadi karaa dhunkashada ama taabashada qofka qaba.
Run Been
3. (baggio)
toban cisho ayaan noolaan karnaa bilaa cunto.
RUN BEEN
4. (drogba)
Duumada waxa lagaga hor tagi karaa maro kaneecada.
RUN BEEN
5. (vieira)
Edwin wuxu u tuuray kalluunkii yaraa waayo lama cuni karaynin.
RUN BEEN
6. (casillas)
Inaad maalin walba lugaysaa waxay kaa caawinaysaa cimirgaaga oo dheeraada .
RUN BEEN
7. (figo)
Hadii xummadu kaa tagi waydo macnaheedu waa inaad TB qabto.
RUN BEEN
8. (zidane)
wali waxa dunida jira qiyaastii 70 milyan oo caruur ah oo aan helin waxbarashada dugsiga hoose.
RUN BEEN
9. (Raul)
Aduunyada waxa ku nool dad badan oo gaajaysan waayo cunto dadka ku filani dhulka kama baxdo.
RUN BEEN
10. (Ronaldo)
kooxdu way badbaadi lahaayeen hadii aanay dhagaysan Araweelo oo aanay is kaashanin.
RUN BEEN
-
26
C. Araweelo: "Is deji madoonayno in adiga iyo ilmahaaga toona wax gaadhaane"
JUDY: "mahadsanid, laakiin ma doonayo in
dadka gurmadka ahi iga tagaan"
CASILLAS: "taasi dhici mayso,
caafimaadkaaga kooxdoo dhan baa mudnaata ugu
wayn siinaysa"
LAMMAANAHA ISKU HABOON
TILMAAMO: akhri sideeda yool ee horumarinta kunka sano kuna beeg muuqaalada ku haboon ee sheekada aad hadduun akhriday. Yool horumarineed kastaa wuxu yeelan karaa in ka badan hal jawaab ama waad u waayi.
JAWAABAHA KA EEG BOGGA 29.
Sanadkii 2000 Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo hogaamiyeyaasha wadamadu waxay
isla qaateen inay shiraan oo ka wada hadlaan dhibaatooyinka ugu waahayn ee dunida. Waxay
isla meel dhigeen sideeda yool ee kunka sano kuwaas oo ah 8 yool oo lagaga dhigayo dunida
meel wanaagsan marka la gaadho 2012. Hadii ay wadamada dunidoo dhami gaadhaan
yoolalkaa waxa hagaagi doonta tayada nolosha malaayiin qof.
A. Figo:
"Aad baad u nasiib badantahay, waanu ku dawayn. Nasiib darrose, malaayiin qof baa u dhinta TB da waayo ma helaan dhakhtarro iyo
Isbitaalo toona"
B. Zidane:
“Waxaynu u baahannahay inaynu ka fikirno sidii cunto loogu heli lahaa qof
kasta”.
DABAR JARIDDA SABOOLNIMADA BA’AN IYO GAAJADA.Ma jiri karaan calaalo madhani.
IN LA GAADHSIIYO WAXBA-RASHADA AASAASIGA AH HEER CAALAMI oo ilmo kastaa awoodi kari inuu wax akhriyo waxna qoro.
DARDARGALINTA SINAANTA LAMAANAHA IYO XOOGAYN-TA HAWEENKA Hablaha iyo wiilasha iyo ragga iyo dumarkuba waa inay sinaadaan.
-
27
YARAYNTA DHIMASHADA CARUURTA Marka ilmo yari bukoodo waa inuu helaa dawo badbaadisa.
DARYEELKA HOOYADA UURKA LEH In hooyooyinka uurka lehi noqdaan kuwo caafimaad qaba oo faraxsan.
IN LA XAQIIJIYO ILAALINTA DEEGAANKAIn si fiican loo daryeelo degaan-keenan yaree dhulka ah.
LA DAGAALANKA HIV/AIDS, DUUMADA IYO CUDURADA KALEIn laga hortago in dadku bukoo-daan, kuwa bukana si fiican loo daryeelo.
IN DUNIDU ISKA KAASHATO HORUMARKA“gacan u taag” dunidoo dhan oo wanaagga ka wada shaqaynaysa.
D. ADEBAYOR:"Sally eey, HIV ku qaadi maysid
dad dhex galka caadiga ah"
BALLACK: "Peter waad la shaqayn kartaa, gacan qaad,
wax la cun, hab sii.... sidaad saaxiibadaa ula dhaqanto
maalin kasta!"
E. Araweelo:"Dhamaantiin
hadaba isku bogga! Waxaynu ka bilawnay waxba la’aan imikana waxaynu haysanaa cunto, biyo, dab iyo hoy. Eega sidaad wax u
qabsan kartaan markaad dibbada u soo baxdaan ee
aad is kaashataan"
F. Araweelo: "si fiican u gunud. Giiji"
EDWIN: "maxay? Maad iska leedahay,
gabadheey?"
ROLANDO: "waa hogaamiyahaagii, Edwin
oow. Dhagayso oo ixtiraam u muuji"
G. ANNA:"Waan fiicanahay, waxa
weeyaan uun ....... een runtii kuma fiicni tirinta, waxaan
markaa doortay inaan iskuulka isaga tago oo aan
reerkayaga beerta kala shaqeeyo"
H. EDWIN:"Sidan maantoo dhan baan
samayn lahaa. Alla!! Ilmo yar baabad moodaa, baddaan
kan ku tuurayaa"
ZIDANE: "Waa sax, waa inaynu deegaan-
keena ilaalinaa, illayn halkan muddaynu sii
joogaynaaye..."
-
28
samayso qoraalo kooban oo aad soo qoroto iyo boodhadh
ay ku qoranyihiin yoolalka horumarka kunka sano oo aad ku
dhejiso gidaarada fasalkaaga
Dooro yool ka mid ah oo aad u xiisayso oo ka samee mashuurc
adiga kuu gaar ah waxaanad samaysaa wacyi galin ballaadhan
oo aad ku meel marinayso
suurto galin in Iskuulkaagu dib u isticmaalo quraaradaha,
waraaqaha iyo caagga, sadex saxaaradood oo kala midab ah
oo xashiishka loogu talo galay hadii aydaan lahayn haatan
gacan ka gayso hawlaha nadaafada ee degaankaaga ka
socda teeram kasta maalin ka mid ah u astee oo aad iskuulka
xashiishka kaga gurtaan
hadaad karayso u lugee iskuulka ama baaskiilad u sii kaxayso
waayo sidani caafimaadkaagana way u fiicantahay deegaankana
way u wanaagsantahay
cunto fiican cun, oo ah khudrad iyo midho badan iyo dux, macaan
iyo milix yar biyo badanna aad cabtaa
hadii aad maado ku fiicantahay maad ka caawisid ardayga
saaxiibkaa ah ee ay ku adagtahay
hadii aad awoodo ku deeq dharka la isticmaalay,qalabka
isboortiga, buugaagta iyo majalladaha
markaad qufacayso ama hindhisayso isticmaal masar, hadii
aanad masar haysan sacabadaada ku dabool afkaaga iyo sanka
markaad hidhisayso ama qufacayso ka dibna ku faraxalo biyo
iyo saabuun, mar kastana sidaa yeel
isku day inaad la saaxiibto qofka aad is leedahay ma heshiin
kartaan waxa laga yaabaa inaad wax badanka baratee
MAXAAD QABAN KARTAA?
In la dabar jaro saboolnimada 2015 lagu guulaysan maayo hadii aynaan
imika dhamaanteen tallaabo qaadin.Waxaanu u baahannayay taakuladaada
iyo codkaagaba si loo gaadho yoolalka horumarinta kunka sano
Dad badan baan ilaa hadda garanayn waxa ay yihiin yoolalka horumarinta
ee kunka sano, hadabaa fariinta faafi oo saaxiibadaa gaadhsii.
Waa kuwan tusaaleyaal kuu muujinaya sida aad kor ugu qaadi karayso
wacyiga bulshadaada si isbedel u yimaado.
1.
2.
3.
4.
5.
6.
7.
8.
9.
10.
TOBAN TALLAABO OO WAX QABAD:
-
29
Jawaabaha Ciyaarta “Run iyo Been” ee bogga (p.25):
1. Run: Kuma qaadi kartin HIV hadii aad la wadaagto koob qof kale.
2. Been. HIV waxaa lagu kala qaadi karaa uun dhiiga oo istaabta, galmo aan haboonayn, iyada oo la wadaago irbado sumaysan iyo xiliga xaamilada ay tahay hooyo qabta cudurka oo ugudbisa ilmaheeda.
3. Been. Waad noolaankartaa, laakiin ma hawlyara. Aduunyada, malaayiin qof ayaa badbaada iyagoo cunto yar haysta. Tan aawadeed, ma helaan faytamiinada iyo macdanta ay u baahanyihiin si ay caafimaad qab ugu joogaan. Tani waxay leedahay cawaaqin adag. Waxa ay dishaa in ka badan 6 million oo caruur ah sanad kasta.
4. Run. Duumada waa laga hortagi karaa waana la dawayn karaa. Jeermiska waxaa lagaga hortagi karaa iyada oo laga buufiyo cayayaanka guryaha iyo iyada oo la hoos seexdo marada caneecada.
5. Been. Dib ayuu u tuuray maxaa yeelay aad ayey u yartahay in la kaluumaystana maaha ilaa inta ay waynaanayso. Kaluumaysigu waa qayb wayn oo ka mid ah cunto soo saarista aduunyada. Kaluumaysiga xad dhaafka ahi waxa uu khatar galiyaa deegaanka oo dhan iyo cuntada aduunka.
6. Run. Marka aad doorato cunto nafaqo leh oo caafimaad leh iyo waliba jimicsi joogto ah, waxa aad wanaajin kartaa caafimaadkaaga waxa aanaad kordhin kartaa cimrigaaga. Hadii aanaad jidh ahaan firfircoonayn, wakhti kaama tegin! Waxa aad heli kartaa hawl gacmeed caadi ah waxa aanaad yarayn kartaa caadooyinka fadhiga ah sida TV ga oo la daawado.
7. Run. Khaasatan hadii aad dhidido habeenkii
8. Run. Tirade caruurta dugsiyada ka tagaysa waa ay sii yaraanaysaa – laga bilaabo in ka badan 100 milyan toban sano horteed ilaa 69 milyan sanadkii 2008.
Ilaa kala badh caruuntan (31milyan) waxa ay ku noolyihiin inta ka hoosaysa saxaaraha Africa, in ka badan afar meelood meelna (18milmayn) waxa ay ku noolyihiin koonfurta Eeshiya.
9. Been. Aduunku waxa uu soo saaraa cunto ku filan qof kastaba laakiin dhibtu waxaa weeye in aan loo qaybin si isleeg. In ka badan 1 bilyan oo qof ayaa ku nool in kayar 1 dollar maalintii mana awoodaan kharashka cuntada. In la kobciyo soosaaka cuntada ( iyada oo la adeegsanayo keemiko badan, dhul badana la banaynayo, biyo badana la isticmaalayo......)waxa ay saamayn wayn ku leedahay deegaanka. Sidaa darted, waxa ay u baahantahay in loo sameeyo si deegaan ahaan haboon.
10. Been. Yoolalka waxaa si fiican loo gaadhaa marka loo shaqeeyo koox ahaan. Waa in aynu is kaashanaa si aynu uga goolaysano gaajada waayo guushu waxa ay ku xidhantahay qof kasta oo inaga mid ah!.
Jawaabaha “lamaanaha isku haboon” (p. 26-27):
1-B; 2-G; 3-F; 4-None; 5-C; 6-A and D; 7-H; 8-E.
-
30
Wada jir baynu ku gaadhi
karnaa!
www.un.org/sport
Des
igne
d by
the
Publ
ishi
ng S
ervi
ces,
Uni
ted
Nat
ions
, Gen
eva.
Publ
ishe
d by
Uni
ted
Nat
ions
Ass
ocia
tion,
Wes
tmin
ster
Bra
nch.
Tran
slat
ion
by W
orld
G18
Som
alia
, Aug
ust 2
012.