himilo - wordpress.com · tiirsanaynwalwal iyo dhi-baatooyinka maalin kasta qofka haysta dhacdooyin...
Post on 29-Jun-2020
26 Views
Preview:
TRANSCRIPT
Ujeedooyinka (yoolka) tarbiyada Islaam ka
W axa ugu horeya in la helo qof
Muslim ah oo jidhkiisu dhisan
yahay, xoog leh, akhlaaq leh,
aqoonleh oo awoodi kara inuu
shaqo qabto ama shaqaysan kara caqiidadiisuna
ay saafi tahay cibaadadiisuna ay sax tahay naftiis-
ana la jihaadi kara wakhtigiisana ……………..
W aa Maxay Isku-
buuqa Mask-
axdu? Dadka qaba isku-
buuqa maskaxdu waxay
isku arki karaan dhibaa-
tooyin ah xagga fikirka,
U mmada Soomalidu
waa qoomiyad
jecel amaanta iyo maa-
musida lagu maamuso
mansabyo aad u sareeya Taasi waxay keentay in
si qof loo maamuso
Niyad jabka ama isku buuqida( DEPRESSION)
Yaa Hanan kara Mansabka barefasoor
Tell: +063 24077370+ 06324504501 | himilo012@hotail.com | himilonewsletter.webs.com
EEG BOGGA 6AAD
oo loo sharfo darteed la
dhaafiyey xadkii loogu
talagalay iyo mansabka
qofka lagu maamusi karo
ee uu u qalmo. Dhulka
Soomalida degto meel
kasta ha ahaatee waxa
baryahan danbe ku soo
kordhay in qofka loogu
yeero magacyo wan-
wanaagsan oo xanbaarsan
himilooyinka dadku ay
tiigsadaan sidii ay u gaari-
lahaayeen. Mansabyada
ugu badan ee cariga
Soomalidu degto aad ugu
soo batay waxaa ka mida
in qofka ...
Qime:3000sl.sh$0.5
Wixii La Qoraa Quruuma Hadhee…Hadal Muxuu Qiimo leeyahay
HIMILO — N E W S L E T T E R—
Fu’ad Osman
Ka Akhri Gudaha
D hamaan hawl wadeenada
Himilo News Letter waxay
u hambalyeynayaan Bushra cab-
dilaahi ciise oo ku guulaysatay abaal marinta
Himilo news letter ka dib markii ay si sax ah uga
jawaabtay dhaman su’aalihii cadadkii hore ..
Hadaba si aad akhriste adiguna ugu guulaysato
su’aalaha cadadkan eeg bogga 6aad .
i imaanku waa shay daga qal-
biga qofka bini aadanka ah ,
kana muuqda falka iyo ficilka iyo
dhamaanba nolosha qofka. waa
fulinta wixii illaahay ina faray iyo
ka fogaanshaha wax walba oo
aanu ogolayn rabi. waa raacista
jidka rasuulkeena muxamed scw.
Bogga 3AAD
Bogga 4AAD
Hambalyo /=-/ Hambalyo
Bogga10aad
YAGLEEL YOOLKAAGA
BOGGA 2AAD
WAA WAX GAAL
BOGGA 5AAD
Jaceylku ma cudur baa
mise waa………….?
BOGGA 7AAD
Nabi Suleymaan oo hal ha-
been boqol xaas isu maray
BOGGA 8AAD
XIJAABKU WAA CIBAADO
EE MAAHAN CAADO
BOGGA 9AAD
Dhadhanka Iimanka iyo xiisaha nolosha
M arka aanad hammoon
ilayn noloshu waa
mooyi dabadaaye
Cabdilaahi Suldaan
(Timacadde)
Markaynu wayno yididiilada
waxaynu waynaa rabitaanka
Markaynaan lahayn rabi-
taanna waxaa inaga lunta
aragtida nolosha (himilada)
Aragti la,aanna markaan no-
qono, nolosha ayaa inaga
lunta
Markaasaan ku noolaanaa ciil
iyo murugo aynaan garanayn
xilli iyo meel ay ku dhamaan
Nooluhu dhamaantii waxa uu
isku dayaa sidii uu nolosha
ula fal gali lahaa, waana hi-
daayad iyo hanuunin Alle,
inta bad iyo beri ku jirto, inta
guurguurata iyo inta dhulka
dulsocotaaba waxay ka siman
yihiin inay nolol fayaw oo
caafimaad qabta ku
noolaadaan,Yoolku waxa
weeyaan waxa kiciya
bani’aadamka kuna kalifa
inuu yeesho aragti ku saabsan
nolosha,suurayn karana
kaalinta uu ka qaadan karo
waxaanu kaga hadli doonaa
maqaalkan sidii ay dhalin-
yaradu u astaysan lahaayeen
yoolka iyo hadafka ay
doonayaan inay gaadhaan,
iyagoo u maraya cilmi qoto
dheer iyo iimaan sal adag
YAGLEEL YOOLKAAGA marxalad kooban midna
marxalad dhexe midna
waa marxalad fog.
Haani gun bay ka tolan-
taaye, kun maylna waxa
uu ka bilaabmaa hal
mayle, waxa laga soo bi-
laabaa marka hore sidaad
naftaada u agaabayn la-
hayd ee aad aqoonteeda,
anshaxeeda, iyo asluub-
teeda u hagaajin lahayd,
marka xigtana aad waalid-
kaa iyo intii hoo iyo hiilba
kuu gaysatay intaad wax-
barashada ku jirtay aad u
nasin lahayd, intaa ka
dibna aad dadka aad la
nooshahay anfacdid had-
day noqoto qof aad ka
caawiso inaad bartid
waxaad ku dhaanto, talo
wanaagsan aad siiso,
dhiirigalin aad ku taa-
geerto Intaasi waa
aasaaska marka hore ay
tahay inaad ku baraarug-
tid, suura galna maaha
inaad ku riyootid inaad
noqonaysid hoggaamiyihii
ay ummaddani sugaysay
adigoo aan naftaadiiba soo
dhaafin, horayna dadkii
wanaagsanaa u yid-
haahdaan: “dagaal la galo
waxaa ugu adag dagaalka
aad naftaada la gashid,
markaa aad naftaada ka
soo guulaysato ayaad
nolosha hirkeedana ka gu-
ulaysan kartaa
EEG BOGGA 5AAD
bini’aadamkan adduunka
jooga oo dhami waxa uu
leeyahay yool uu doonayo
inuu xaqiijiyo, waxaase lagu
kala duwanyahay xajmiga
iyo xooga uu leegyahay iyo
waxa laga dhigto yoolku,
hamiga aad xanbaarsantahay
inta uu leegyahay ayay ku
xidhantahay yoolkaagu sida
uu noqonayo, haddii uu
kugu jiro hammi ah inaad
ummad badbaadiso kana
saarto wareerka iyo walba-
haarka haysta waxaa ku
saaran inaad inbadan eegtid
oo aad akhridid waayo arag-
nimada ay soo mareen dad-
kii dunida badalay gaar
ahaan dadkii wanaagsanaa,
Ilaahay ku xidhnaantid oo
aad waydiisatid inuu wakhti-
gaaga kuu barakeeyo imisaa
50 sanno jiray oo aan dunida
raad kaga tagin, imisaa 10
sanno oo ay ummadda wax u
qabteen la hadal hayaa oo
aan laga gayoonayn, wax
kale maaha waa ikhlaaska
waxa ay qabanayeen iyo ku
xidhnaanshaha Ilaahay.
hadaba waxaa dhacda in
dadku ay doonayaan inay
gaadhaan yoolal farabadan
oo ka dhex guuxaya mask-
axdooda, kaasi oo iskugu
jira qaar xoog u saameeya
iyo qaar kale, dadka guusha
gaadhaana wax kale ma
dheera dadka kale waxayse
ka dhabeeyeen uun waxay
aaminsanaayeen iyadoo ay u
dheertahay inay qorteen si
ay mar walba u xasuus-
naadaan. Hadaba haddii aad
tahay siyaasi,
, aqoonyahan, arday,
haween iyo wadaadba
waxaa lagaaga baahan ya-
hay inaad wax aad aamin-
santahay inay ummadda
hormar gaadhsiin karto
aad ka run sheegtid, u
oontid una rafaadid.
Lama helo wadaadoow
waxaan cidi ku haw-
shoone
Naftaa loo hanqal taagaa
waxaad hiigso leedahaye
Cabdilahi Suldaan
(AHUN)
Cilmi baadhistii YALe
University ee yoolka
1953kii waxay samaysay
jaamacadda YALE cilmi
baadhis ay ku ogaanayso
ardaydeeda ganacsiga iyo
yoolalka ay dhigteen, ar-
daydaasi oo ay wadar-
tooda ahayd 10,000 (toban
kun) waxay cilmibaadhis-
taasi soo saartay, in 93%
aanay lahayn hadaf cad ee
ay iska noolyihiin, halka
3% ay leeyihiin hadaf
waliba ay qorteen, iyadoo
la ogaaday 20 sanno ka
dib oo ku began 1973kii in
intii qoratay ee 3% ahayd
ay ka guul gaadhay oo ay
la maal noqdeen marka la
isku wada daro 97% kii
soo hadhay
SIDEE BAA LOO
YAGLEESHAA YOOL-
KAAGA?
yagleelashada yoolku
waxay ka soo tisqaadaa
fahanka iyo fiirada aad ka
haysatid nolosha iyo qaa-
babka loo sameeyo
yoolka, way kala duwan
yihiin yoolalku mid baa
Abdiqani xaaji ali
CAAFIMAAD
June, 2013 | Issue 9| Himilo 02
dareenka, ama dhaqanka.
Marka si kale loo eego,
fikirkooda, dareenkooda
iyo dhaqankooda ayaa
isku qasan. Waxay taasi
si weyn waxyeello ugu
geysan kartaa xiriirka ay
dadka kale la leeyi-
hiin,shaqadooda, iyo ku-
istareexa noloshooda.
Lahaanshaha isku-buuqa
maskaxdu waa dhibaato
ku adag qofka iyo qoy-
skaba. Laakiin, ma aha-
wax ceeb ah.
Maxaa Keeni Kara Isku
-buuqa Maskaxda?
Waxa muhiim ah in la
fahmo in qabista isku-
buuqa maxkaxdu aanuu
ahayn khalad u qofku iska
leeyahay. Marmarka
qaarkood dadku waxay
rumeystaan in isku-buuqu
ka yimaado
cadawnimo, ciqaab ama
cawri (il). Balse dhak-
haatiirtu waxay rumeysan
yihiin inay jiraan
waxyaabo keeni kara isku
-buuqa maskaxda oo ay
ka mid yihiin:
➢ Kiimiko maskaxda ku
jirta oo isku dhayli-
tiirsanaynWalwal iyo dhi-
baatooyinka maalin kasta
qofka haysta Dhacdooyin
maskaxda u xun oo qofka
soo maray
. Intaa waxaa raaca,
daaweeyuhu waxuu soo
gudbin doonaa macluumaad
bulshada, xirfadaha, waxba-
rashada iyo ururada bul-
shada iwm. Si looga di-
yaariyo bukaanka in uu
dhexgalo Daaweynta
Kooxeed
Hawalaha koox ahaan bu-kaankadu waxay bartaan iney ka doodaan isla markaana la qeybsadaan dhibaatooyinka iyo xalalka dhibaatada heysata. Daaweyn kooxeedku waxay isu keentaa awoodda kooxda taas oo ku hogaamisa kobcitaan iyo horumar Is-
ticmaalidda
daawadda:
Waxaa jira daa-
wooyin ku cawin kara
kuguna soo celin kara xaal-
adaadii caadiga ahayd ee
aad hore ugu noolayd. Daa-
wooyinkaasi waxaa loo
yaqaanaa (ANTI-
DEPRESSENTS) waxaanay
u shaqeeyaan kor u qaadida
dareen-gudbiyaasha hoos u
dhacay ee keenay in uu
qofku asiibo NIYAD
JABKA. Mudadaad is-
ticmaalaysaa waxay ku xid-
han tahay kolba sida xaal-
ada qofku ay tahay. Celcelis
ahaan waxaa la isticmaalaaa
6 ilaa 12 bilood si loo
daaweeyo NIYAD-
JABKA.Waxaa ka mida
daawooy-
inkaasi:Amytriptyline ,Flu
oxatine
Qore: Caydaruus Cilmi
Yuusuf (Indhoqanbaare)
5th year medical student
Amoud Health and science
CAAFIMAAD
Niyad jabka ama isku buuqida( DEPRESSION)
Waa dhib sidii loo garan la-
haa xaqiiqada sababaha
keena isku-buuq kasta. Mar-
marka qaarkood dhib jirka
soo gaara ayaa keeni kara
calaamooyinka cuduradda
maskaxda ku dhaca.
Isku-buuqa Maskaxda Mi-
yaa layska Dhaxlaa?Cilmi-
baadhistu waxay tilmaamay-
saa in dadka qaarkii ay dhici
karto inay dhaxal u leeyihiin
inuu ku dhaco isku-buuqa
maskaxda. Sababta oo ah
waxa jira waxyaabo badan
oo adag oo keeni kara,waa in
arrintan aad kala tashatid
dhakhtarkaaga. Mi-
yaa la kala Qaadaa Isku-
buuqa Maskaxda? Isku-buuqa maskaxdu ma
aha hargab ama jadeeco oo
kale, mana aha wax la kala
qaado. Waa Maxay Noo-
cyada Waaweyn ee Isku-
buuqa Maskaxdu?
Dhibaatooyin Walwal ah
Dhibaatada Isku-buuqa ee ka
Dambeeya Dhaawac ama
Dilis aad goob oog ka
ahayd (Post Traumatic
Stress Disorder)(PTSD)
Murugo (Depression)
Isku-buuq ah Marna Niyad-
kac Marna Niyad-jab
(Manic Depressive Distress)
Dareemidda Murugo: In la
murogoodo ama aan la far-
axsanayn waa iska caadi
marka ay wax qaldamaan/si
noqdaan ama uu qof kaa
dhinto. Dareennadaan waxay
badanaa la tagaan waqtiga
waadna ka soo fiicnaanay-
saa. Haddii dareennadaan
ay aad u daran yihiin ama ay
saameynayaan nolol maal-
meedkaaga in ka badan 2
waa lagu caawin karta.
Waa maxay Calaamadaha
lagu garto niyad
jabka? Xiisaha aad u hayso
waxyaabaha aad ku
raaxaysato oo kaa luma In
aad dareento degganaansho
la’aan .In aad in badan hu-
ruddo ama aad hurdi
weydo In aad dareento in aad
mar walba daallan tahay ama
tamar la’aan . In aad cayisho
ama caatowdo .Rabitaanka
cuntadu kaa lumo .Ay kugu
adkaato u kuurgeliddu ama
xusuustu .Aad dareento rajo
la’aan, denbiilennimo, wax
laguma-fale ama ciirsi-laawe/
maciin-laawe.Uu madaxu ku
xanuuno, calooshu ku
xanuunto
Sidee layskaga daawayn
karaa niyad
jabka?
Waxaa jira daawooyin la
isticmaalo oo qofka qaba ni-
yad jabka ku soo celinaya
sidiisii hore. Inta badan qofku
waxa uu daawo u baahdaa
hadii calaamdaha niyad jabka
ee khatartu soo ifbaxaan, sida
inuu ku fakaro inuu naftiisa u
dhameeyo ama uu
dillo.
Waxaa jira habab badan oo
loo daaweeyo qofka intaan
daawo lasiin oo u dhigma
daawada:
Dawynta-Hadalka Ah Daweynta hadalka ah waa
hab daaweyn ah oo dhista
aaminka xiriirka u dhaxeeya
dhaqtarka iyo bukaanaka.
Waxay ka caawintaa bu-
kaanka inuu sheego dhi-
baatada,xal u helisteeda, isla
markaana loo raadin lahaa
qaboojin laab-lakaca waqtiga
wada hadalka
June, 2013 | Issue 9| Himilo 03
w axbartay heer doona
waxbarashadiisa iyo
aqoontiisu ha gaar-
siisanaatee loogu yeero
mansabka ugu sareeya mansab la
gaaro marka laga hadlayo dara-
jada aqoonta qofka, darajadaasi
oo ah darajada barefasoor ama
professor. Hadaba Soomalidu in
ay cid kasta oo buug qaadatay
ama meel wax ka dhigta iskuul
ama jaamacad midkay doonto ha
noqotee ma wax ay ummada
Soomaaliyeed ka fariisatay oo
ku heshiisaybaa mise waa nooc
ka mida bililiqooyinka loo
gaystay hanti badan oo noocyo
kala duwan leh oo dhulka
Soomaaliyeed gabi ahaantiiba ka
dhacday.
Kalmada Professor maxay
micnaheedu tahay yaase
mansabkaasi hanan kara?
Professor waa mansab la gu-
doonsiiyo qofka mudo badan ku
dhex jiray xerada aqoonta wax
qorista iyo waxbarida ee taclii-
maadka sare sida jaamacadaha
ama xarumaha cilmi baarisyada
lagu sameeyo. Waa mansab laga
bixiyo jaamacadaha tacliimaadka
sare bixiya sida masterta iyo phd
da. Hadaba qofku si uu hanto
mansab jarjaro intee leeg ayuu
marayaa? Marka hore qofku waa
inuu cilmiga tacliinta sare ee
master iyo phd da hantaa, qofku
marka uu shahaadada phd da
hanto waxa uu qaadanayaa
mansabka (title) doctor ama dr.
.waa iska mansab
sharafeed. Taasina waxaan
inagaga filan aduunyada
marka qof la maamuusayo
waxaa ku filan in mudane
(sir) ma marwo (madam)
loogu yeero, waayo mansab
maamuus kaasi ka sareeyaa
ma jiro sida saxda ah.
Isku soo wada duubo
mawduucu waa mawduuc
aad in loo falanqeeyo u baa-
han qoraalo badana laga
qoro ee waxaan anigu kula
talin lahaa inta bahda u ah
aqoonta ee ay ugu horeyso
wasaarada waxbarashada
iyo tacliinta sare, jaamac-
adaha ka jira deegaanada
umada afka Soomaliga ku
hadasha, aqoonyahanada
iyo cid kasta oo jecel
sharafta iyo cisada ummada
Soomaliyeed in ay ka
feejignaadaan kana fo-
gaadaan arimahan noocan
oo kale ah ee khalkhalka
kagalin kara heerkeena
waxbarasho iyo aqoon
ahaaneed marka aynu ad-
uunyada la tacaamulayno.
Waayo waxaa wax laga
naxo ah iyada oo qof mad-
axwayne ah loogu yeerayo
professor isaga oo aan ma-
sabkaaasi gaari, waxaa wax
laga yaxyaxo ah in rag
dhalinyaro ah oo aan wali
aqoontii tacliinta sare
dhamaysan, fiilka wax
qorista iyo waxbaaristana
waxba ka garanayn loogu
yeero mansab ka da’wayn.
Umada aqoonta u saaxiibka
ahna ha ku dadaalaan sidii
ay ugu samayn lahaayeen
ummada Soomaliyeed
habka hanaanka kala
saraynta darajooyinka la
kasbado…..
dheertahay ayaa waxaa
caado ka noqotay umada
afka Soomaliga ku hadasha
meeshay doonto ha joogtee
in qofka loogu yeero profes-
sor isaga oo aan xataa hanan
aqoontii tacliinta sare looga
baahnaa ee qofka u dha-
wayn lahayd inuu noqdo
musharax professor. Dadka
qaarkood ayaa waxay ku
andacoodaan in professor
loogu yeero qofka wax
dhiga taasi oo wadama ad-
uunka qaarkood markaad
eegto run ah. Waayo wa-
damada ay ka midka yihiin
faransiiska, isbayn iyo
talyaaniga ayaa waxay ugu
yeeraan qofka wax dhiga
profesoor taasi oo ay umada
wadamadaasi ka soo jeedaa
intii aanay aqoonta cilmi
baaris sare caam noqon bare
u yaqaanay kalmadaasi oo
asal ahaan ka soo jeeda pro-
fession oo micnaheedu no-
qonaysa macalin wax dhiga
ama bare. Laakiin markaad
eegto wadamada ay
Soomalida masalaha daba
dhigato ee ay ka midka yi-
hiin Ingiriiska iyo
maraykanku kalmadaasi ma
isticmaalaan ee waxay u
isticmaalaan qofka dhiga
dugsiga sare Teacher oo
macalin ah qofka dhiga
jaamacadana lecturer oo
bare jaamacadeed noqonay-
saa. Markaa miyeynaan oran
karin umadeenu waxay gu-
daysaa gurcud madow oo
wax aanay micnaheeda ga-
ranayn oo sumcadeeni
aqoon ahaaneed meel uga
dhacaysa ayey shacbiga
Soomaliyeed ku gardaadu-
faynayaan.Dadka qaar kale
ayaa waxay ku doodaan
Yaa Hanan kara Mansabka barefasoor
Fuad yousuf Osman
oo micnaha asalkeeda hore ahaa
bare ama loogu yeeri jiray cida
dadka waxbarashada sare barta.
Maanlintaa uu qofku hanto da-
raja doctor waxa u bilaamaysa in
uu daraasado sameeyo oo uu
buug, articles iyo journals qoro
muddo dhowr sano ah. Intaa
waxa u dheer in uu bare
jaamacadeed ahaado uu arday
wax baro, arday tusaaleeyo
(supervisor) oo uu hago wak-
htiga ay daraasada sare ku jiraan
ee ay baranayaan sida aqoontii
ay barteen wax ugu soo kordhin
karaan. Waxaa laga rabaa qofka
raba inuu hanto mansabka pro-
fessor inuu culuumta uu baarin-
taanka ku samaynayo uu ka
jeediyo shirarka caalamiga
(International conferences) ah ee
dunida daafaheeda ka dhacay ee
wixii aqoon soo korordhay la
isku waydaarsanaayo, waa inuu
kharash bixiyaa si cilmigaasi uu
baaray uu ugu gudbiyo ummada
oo dadka uga aqoonta badani u
ansixin karaan uguna qanci
karaan.Wadamadu waa ay ku-
kala duwanyihiin mudada pro-
fessornimada lagu qaato iyo inta
beebaris ama joornaalis looga
baahanyahay inuu qofkaasi
qoro.Wadamada qaarkoodna
waxay ku qaadataa 15 ilaa 20
sano oo qofku ku jiro xayn-
daabka wax qorista iyo wax ba-
rista. Darajooyin ka horeeya inta
uunan qofku hanan mansabka
professor ayaa jira oo ay ka mid
tahay associate professor oo
hadii aan afkeena eraybixintu ku
yartahay aan ku micnayno no-
qonaysa musharaxa professor
ama ku sime professor.Hadaba
iyada oo dariiqa loo maro pro-
fessor ay sidaasi u
Faalanqayn
June, 2013 | Issue 9| Himilo 04
M uslimiinta caalanka
gaar ahaan dadka
soomalida ah erayga [waa
wax gaal ] waa mid aad
ugu dhex caan ah markas-
too ay arkaan shay technol-
ogy ah oo qariib ku ah waa
kalmada uhoraysee kasoo
baxda afkooda kalmadani
uma gaar ah dadka jaahili-
inta ah balse waxaa kaga
badan kii wax bartay . Eray-
gan kan ah wuxuu dulmaayaa
xaqoogana meelkaga dha-
cayaa muslimiin faro badan
xaga uu manta joogo
calaanku qayb wayn ka
qaatay sida[ibnu sinaa abii-
bakar rasii iyo ibnu khalduun
iyo qaar kaloo badan]
Technolgyigan imika loo nis-
baynayo gaalda barigii hore
waxaaba kaga khatarsanaa
muslimiinta Waxaa la
sheegaa in xiligii cabaasiyinta
boqor doonayay inuu ka
yaabiyo musliiminta uu
udiray hadayad ay ku jirto
beed ka samaysan dahab iyo
fido iyo waxyaalo faro badan
oo qaali ah ahna tech-
nologayadii u damabaysay
wakhtigaa. muslilimiintuna
waxay ugu caliyeen saacad
leh 12 daaqadood oo
markay gaadho 12ka du-
hurnimo 12ka daaqadood
ba 12 faras oo yaryar oo
kasamaysan loox kaa soo
baxayaan. Nasiib daro
markay gaadhay boqorkii
gaalada hadaydii muuba
sugin fardihii muslimiintu
ugu tala galeen , balse
waxa uu ka yaabay
saacadan dhigta haysa ee
ayna cidi wadin markiiba
wuxuu yidhi [jajabiya jin-
baa dhaqaajinayee ]taasi
waa tusaale ku tusaya hal-
kay muslimiintu ka gaad-
heen technologyaddii wak-
htigaa .Lakiin markii uu
casrigii is badalay gacantii
muslimiinta ee saraysay ay
hoosasay ,technologyaddii
gacantooda ku jirtay ayaa
Waa wax gaal. lagala wareegay ilaa la
sheego in wakhtiigii gu-
maystaha uu boqorkii
haystay wakhtigaa uu
usoo diray raadiyoo boqor
ka mid ah boqoradii mus-
limiinta ee xiligaa
haystay dabadeedna
markii loo shiday raadi-
yoogii ayuu yidhi kalmad
la mid ah tii uu yidhi bo-
qorkii gaalada ee xiligii
cabaasiyiinta [jinbaa ka
dhex hadlayee jajabiya ]
taasi waxay ku tusaysaa is
badalka wayn ee dhacay
sidaa darteedna akhriste
waxaa lagaaga baahanya-
hay inaad ku fikirto sidaa
technologyada dib ugu
soo calin lahayd gacmah
muslimiinta.
HIMILO NEWS LETTER
f uraha u ah casha-radaada aad sii jil-cisid, haddii aad heer
jaamacadeed tahayna ku dedaal inaad meel iska dhigtid aqoontaad ku dhex jirto, hana ku dhaxal siiso inaad samir iyo dedaal ku sugnaatid ilaa inta aad yoolkaaga gaadhaysid, wareer iyo suudalidse yaanay kugu seetayn.
Shanta waaxood ee
noloshaada ka mid ah had-
daad hagaajisid, waxaad
ku hantaaqsatay horumar
wanaagsan, waan kuwan
Dhanka iimaaniga ah: ku
xidhnaw Ilaahay oo si hu-
fan u gudo waajibaadkiisa
oo ay ugu horreyso sa-
laada, u samafalka
waalidka, akhrinta
quraanka haba ahaato bog
maalintii aad isha marisid
adigoo
toban baa ka mid ah fidrada, waxaana ka mid ahaa luqluqashada iyo sandaarsiga, cidiyaha oo la iska guro, timaha oo la xiiro, gadhkoo la daayo. Caqliga caafimaadka qabaana wuxu ku jiraa jidh caafi-maad qaba Dhanka xirfadaada: aqoonta aad baratay ee aad ku shaqaysan kartid oo aad kor u qaadid, sida farsamada gacanta, mac-alinimada, maamulka iyo maaraynta, cilmiga koom-buyuutarka, caafimaadka iwm, noqo qof markuu dhameeyo jaamacad ama kooras dib u eega oo naftiisa imtixaama ka hor intaanu tagin fagaaraha fulinta iyo shaqada LA SOCO CADADKA DANBE
axmed faarax axmed
YAGLEEL YOOLKAAGA
bog maalintii aad isha marisid adigoo faa,iido ka qaadanaya, dhibta iyo jiirta adduunyadana waxaa lagaga baxaa waa ducada iyo ku xidhnaanshaha Ilaahay, ka digtoonowna dabinada uu shaydaanku u dhigo bini’aadamka
Dhanka waxbarashadaada:
akhri casharada lagu soo
dhigo, ogowna waxaad
maanta baranayso beritoole
ayaad camal galin doon-
taaye, akhri oo garo dantaad
u tagayso dugsiyada iyo
jaamacaddaha, ku hadaaq
oo ku hees “waxaan u or-
dayaa, u ordayaa dugsiyada
u aada inaan waalidkay an-
faco”
Dhanka caafimaad-
kaaga: isku day inaad ka
war haysid caafimaad-
sida miisaankaaga iska
ilaali cudurada macaanka
oo orod aroorta hore, inta
uu xashiishku kuu jiro
ayuu cudurku kuu jiraa,
qofka muuminkiina waa kii
hadiyo jeer nadiif ah, oo
Nebigu (SCW) sawkii inoo
sawirayay qofka shanta
salaadood u wayso qaata
sida qof webi biyo ah uu
hor marayo oo uu maalin
walba ku maydhanayo,
markaana uu waydiiyay
saxaabadii (RC) ma ku
hadhaysaa wax wasakh
ahi? Markaasay ugu jawaa-
been may, wuxuuna ku
yidhi sidaasoo kale ayay
ka dhigantahay qofka
shanta salaadood tukada,
waxa kaloo Suubanuhu
(SCW) yidhi:
Xulasho
June, 2013 | Issue 9| Himilo 05
1.qofkii sheeg u horeeyay ee
sameeyaya Jeelka dadka lagu xidho
islaamka dhexdiisa?
2.sheeg qofkii uhoreeyay ee fuula y faras?
3.Sheeg wiilkii uhoreeyay ee Nabi Aadan
dhalay?
4.Sheeg qofka uhoreeya ee maalinta Qi-
yaamaha dhar loo galindoono?
5.Sheeg saxaabigii uhoreeyay ee ka sha-
hiida saxaabadii Ansaarta dagaalkii
Badar?
6Sheeg ninkii hadalkan yidhi: (HADAYNA
GEERIDU II IMANAYN, QAARADA
YURUB WAXAN KA DHIGI LAHAA
DHAMAAN MUSLIMIIN)?
7Imisa cisho ayuu farasku noolaan karaa
cunto la’aan?
8.Halxidhaale: (sheeg shayga midabdkiisa
loo magacdaray luuqada carabiga ahaan?
9. Halxidhaale: (Sheeg shayga dadku ay
dalbaan markuu maqanyahay, laakiin
markuu yimaado ay ka cararaan?
10. Halxidhaale: (shayga kaliya ee
xayaanka katirsan ee Afar lugood leh,
laakiin aan dabaalan Karin marnaba?
Guul iyo Nasiib Wacan
YAHYE SAXARDIID NUUR
Ujeedooyinka (yoolka) tarbiyada Is-
lam ka
Midhihii Aqoontiyo Maskaxdaada Tijaabi
Waxa ugu horeya in la helo qof Muslim ah oo
jidhkisu dhisan yahay, xoog leh, akhlaaq leh,
aqoonnleh oo awoodi kara inuu shaqo qabto
ama shaqaysan kara caqiidadiisuna ay saafi
tahay cibaadadiisuna ay sax tahay naftiisana la
jihaadi kara wakhtigiisana ku dadaala howli-
hiisan nidaamsada bulshadiisa iyo wadankiis-
ana anfaca.
Marka la helo qofkaas Muslim ka ah oo ay
wanaagsan tahay caqiidadiisa iyo tarbiyadiisa
iyo aqoontiisatuba.
Markaa qofkaasi wuxuu dooran karaa qof
wanaagsan oo ay wadaagsan karaan nolosha
kana wada shaqeeyaan tarbiyada ubadka.
Waa in la helaa guri Muslim ah oo ilaaliya
aadaabta iyo akhlaaqada islaamka dhamaan
muuqaalka nolosha guriga oo dhan.
Markala helo gurigaa Muslim ka ah waxaa la
helayaa bulsho ama umada muslim ah taas oo
faafisa wanaaga islaamku uu farayo lana da-
gaalalanta wax yaalaha xun xun ee mun
karaadka ah.
Marka la helo bulshadaa Muslim ka ah waxaa
lagaadhi karaa in la helo dawlad Muslim ah oo
fulisa sharciga Alleh ilaalisa xuquuqda shacab-
keeda; siisa wuxuu xaq u leeyahay mid kastaa.
Xuquuqda qofkuu uu leeyahay waxaa ka mid
ah inuu helo xoriyad, nabadgalyo, waxbarasho
tayo leh, shaqo iyo inuu fikirkiisa cabiri karo si
xor ah, ra’yigiisana cadayn karo iyo inuu
meeshuurabana tagi karo.
Islam ka oo sidiisa loo raaco loona fuliyo waa
shayga kaliya ee umada mideeya waxaana lagu
gaadhi karaa in la helo wax soo saar fiican iyo
in khayraadka dalka si cadaalda loo qaybsado
qofkastaana xaqiisa uu helo.
Inagu waxaan nahay umad cishadeeda iyo
sharafteedu islaamka uu yahay markaan si sax
ah Islaam ka u fahano caqiida ahaan iyo camal
ahaanba. Islaamka oo sifiican loogu dhaqmo
loona fahmo waa ka kaliya ee xalin kara
dhamaan mashaakilaadka umada ha noqoto
xaga siyaasada, dhaqaalaha ama bulshada
Ku guulayso
June, 2013 | Issue 9| Himilo 06
jaceylka noqda mid aan waligii
lagu kala harin iyadoo leys guur-
saday caruur la dhalay ilaa iyo
gabow iyo geeri la gaaro hadaba
jaceylka dhankeyga hadii aan ka
hadlo waa sun oo hadii uu
jirkaaga ku saaqo sida looga
saaro ay adagtahay in afka laga
dhaho waan ku jeclahay way
fududahaya balse markii ay
saameyntu timaado lama ogaan
karo waxa la sameynayo hadana
waxa jirta in jaceylku sanadkan
laga dhigtayba aan isku dan
gaarno ama waxa loo yaqaano ku
dhufoo ka dhaqaaq oo micna-
heydu tahay aan wada raaxey-
sano deetana aan kala tagno
ileyn ooliyada ayaa badatay hala
kala yareero
marka jaceylka sidiisaba waxaa
keena qooqa oo bata iyo shah-
wada oo kacda qofka ka dib ma
garan karo marka ay shahwada
ku kacdo ama gabar ha ahaato
ama wiil ha noqdo inta ay gu-
beyso bahashaas ma garan
karaan waxa dhacaya ama la
sameynayo
hadaba su’aasha taagan ayaa ah
jaceylku ma cudurbaa mise
waa………?” hadii uu jaceylku
yahay cudur maxaa u dawo ah
hadii uu san aheyna muxuu ya-
hay?
waliga inta uu jaceyl ku helay
hawada kaaga yimid qalbigaagii
dhaafay lafahaagii jabshay
dhuuxaagii ma u gudbay?
maxaad ka Aaminsantahay kali-
mada jaceyl?
Yaadse ku taagereysaa Jaceylka
Yaase ku diidan tahay jaceylku
hadaba jawaabta waa commenti-
geena jawaab wacan aqristiyaal
E reygan jaceyl
dadka badan kood
waxay u yaqaaniin
lamaana is jeclaada
xaga dooqa dabeecada
iyo waliba dhaqanka
hadaba waxaa dhacda
lamaane in mudo ah
isla socday tusaale
ahaan ilaa 2 – 3
sanadood taasoo ha-
dana sababaysa marka
ay is guursadaan in ay
ku kala tagaan mudo
iyagoo is ceersanaayo
taasi ma dhihi karno
waxaa qaldan ninka
ama naagta waayo
markoodii hore waxay
isu guursadeen kal
gaceylka iyo ka heli-
taan ay nafsadoodii iska
heshay badanaa waxaa
dhacda in dhalinta hada
jirta ay jeclaadaan
gabar ama gabadho ay
jeclaato wiil iyagoo ula
jeedaa waan ku jecla-
hay aan qalbiga jirin taa
oo sababa beyso labada
qof midkood in uu
saameeyo arinta ja-
ceylka ama qofka ay
dhabta ka tahay ha
ahaado ama qofka ci-
yaarta ay ka tahay ha
ahaado sidaas darteeed
Jaceylku ma cudur baa mise waa…….?
Nin maalin kuma gaartid Nina sanad kuma gaartid Nin
waligaaba ma gaartid.
1.Nin kaa faras wanaagsan maalin kuma gaartid
2.Nin xoolihiisa goofkaada mid ka doog badan daaqsa-
dayna sanad kuma gaartid
3. Nin kaa naag wanaagsana waligaaba ma gaartid
SADDEX ALEE WAA AWOODA MASE YEELO
1. Camal falan maaye ha i cadaabin
2.Xoogsan maaye xoolo isii
3.Guursan maaye ha i gablamin
SADDEX BULSHADAA KUGU NACDA
1.Xishood la aan
2.Xoolo la aan
3.Xilo la aan
SADDEX ALLE AYAA KUGU NACA
1.Salaad la,aan
2.Soon la ,aan
3. Seko la,aan
SADDEX HAWEENKA LAMA WAYDIIYO
1.Meeqa ayaad jirtaa
2. Meeqa ayaad dhashay
3.Meeqa ayaa ku soo furay
RAGGU SADDEX WAA ISKAGA MID
1. Magac
2.Magta
3.Maanka
SADDEX SADDEX LAGA JECLAADO
Ninku haduu saddex saddex ka jeclaado wuu gabooba
1.Hilib haduu garab ka jeclaado
2.Caano haduu barax ka jeclaado
3.Haween haduu garoob ka jeclaado
SADDEX WAA LAGU DADAALA
1.Diinta
2.Ducada waalidka
3.Deris xaq-dhawrka
SADDEX SADDEX LAGAMA DAAYO
1.Rag shir lagama daayo
2.dumar sheeko lagama daayo
3.Xoolana shanqar ( U-heesid ) lgama daayo
SADDEX MA GAARTID. Tusmo
June, 2013 | Issue 9| Himilo 07
B ukhaari iyo Muslim
ayaa ka wariyay Abuu
Hurayra in Nabigu (SCW)
yiri: (Suleymaan Ibnu
Daawuud wuxuu yiri:
Wallee caawa waxaan isu
marayaa todobaatan xaas oo
mid waliba qaaddo wiil far-
dooley ah oo jidka Ilaahay
ku jihaada. Saaxiibki ayaa
markaa yiri: In shaa’ Al-
laahu, mana oran
(Suleymaan). Dumarkii wax
uur ah may qaadin, hal mid
oo dhashay ilmo jeex ah
mooyee). Nabigu (SCW)
wuxuu yiri: (haddii uu oran
lahaa In shaa’ Allaah way
wada jihaadi lahaayeen).
Riwaayadaha xadiiska qaar
ayaa sheegay sagaashan
xaas, qaarna sagaal iyo sa-
gaashan, qaar kalena boqol.
Riwaayadaha qaar ayaa cad-
deeyay in cidda ku tiri Nabi
Suleymaan In shaa’ Allaahu
dheh uu yahay malak, mana
uu oran oo wuu hilmaamay.
Xaasaskii wuu isu wada
maray, mana ay dhalin hal
xaas oo qof barki dhashay
mooyee. Nabigu (SCW)
wuxuu yiri: Haddii uu Nabi
Suleymaan oran lahaa in
shaa’ Allaah ma dambaa-
been, dantiisana saas ayaa u
rajo badnayd).1.Nabi Suley-
maan wuxuu ka mid ahaa
boqorada mujaahidiinta ah,
Allena siiyay boqortooyo
weyn, uuna u sakhiray in-
siga, jinniga, ,
Nabi Suleymaan oo hal habeen boqol
xaas isu maray in lagu xaqiijiyo ahdaaf
waaweyn oo la’aanteed
aanu qiimo yeelanayn.
Waxaa ka mid ah: a) In lagu
helo ubad wanaagsan oo
diinta, waalidka iyo um-
maddaba anfaca, isla
markaana uu u sii baaqi
ahaado banii Aadamku.
Nabigeennu (SCW) wuu ku
booriyay ummaddiisa in ay
guursadaan; si uu um-
madaha kale uga dad bato
aakhiro. b) In qofku naftiisa
kaga ilaaliyo waxa Alle ka
xaaraameeyay. c) In qofku
ka haqab beelo baahidiisa
jinsiga ah d) in uu ku helo
deganaansho nafsi ah. e) in
lagu abuuro cilaaqaad bul-
sho oo dadka isku xira
(xidid iyo xigaalo). f) In
labada qof ee isu dhaxa ay is
dhammastiraan (midba kan
kale waxa ka dhiman ku
biiriyo).
10. Waxaa u bannaan qofka
in uu ka waramo waxa uu
filayo mustaqbalka inay
dhacayaan, uuna ku dhaarto
sida Suleymaan yeelay,
waxaase saaran in uu ku
xiro arrinta doonista Ilaahay
oo uu dhoho In shaa’ Allaah.
Qofkii ku dhaarta wax
mustaqbal ah, isla markaana
dhaha: In shaa’ Allaah ma
dambaabayo.
11. Nabiyaasha iyo dadka
wanaagsan sarbeeb ayay u
isticmaalaan waxyaabaha
laga xishoodo, sida nabi
Suleymaan u yiri: wallee
caawa waxaan ku soo
wareegayaa boqol xaas. Si
qayaxan uma sheegin waxa
uu samaynayo.
12.Shareecadii Nabi Muuse
waxaa ku bannaanayd in
ninku guursado dumar aad u
farabadan, shareecada is-
laamkuse ma ogola afar ka
badan.
shimbiraha iyo dabaysha.
Sida uu u jeclaa jihaadka
waxaa tusaya: a) sida uu far-
daha xoogga u saari
jiray, sida uu ugu dadaali
jiray ciidankiisa, looguna
soo bandhigi jiray ilaa uu
gaaray heer uu tabo hal
shimbir (Hud-hud) oo ka
maqnaaday. b) sida uu ugu
mamanaa jihaadka waxaa
kale oo tusaya inuu ku
dhaartay in uu caawa u gal-
moodo boqol ama in ku
dhaw oo xaasaskiisa ka mid
ah, mid walbana ay dhali
doonto wiil fardooley ah oo
jidka Ilaahay ku jihaada.
2.Muslimiintu intay jihaadka
galaan iyagu ayay haddana
waxay u halgami jireen sidii
ay u dhali lahaayeen jiilkii
mustaqbalka sii wadi lahaa.
3. Jihaadku waa meeshii ugu
sarraysay islaamka, qofkii
ku shahiidana wuxuu u
shafeecayaa todobaatan
ahalkiisa ah; sidaa darteed
ayay waalidiinta wanaagsani
ku dadaali jireen in il-
mohooda darajadaas
gaaraan, iyaguna ay uga he-
laan ajar iyo
shafeeco.4.Dhallinyarada
gaartay guurka rag iyo du-
marba, isla markaana heli
kara wax ay ku dhistaan waa
inay guursadaan. Guurkooda
in ay ku xiraan shuruud
waxay seejinaysaa ajar weyn
oo joogto ah, ummaddana
waxay ka beerdaraynayaan
ubad qiima leh oo meel
weyn u gali lahaa. Dhallin-
yaradu waa inay ogaadaan in
aysan ummadda wax weyn u
tarayn nooca sariirta ay ku
seexdaan iyo kharashka ku
baxay arooskooda ee waxa
Nabigeennu (SCW) ku
faanayo, muslimiintuna ka
faa’iidayaan waa ubadkooda.
Maxay idin la tahay inanka
ama inanta guurgalka ah oo
35-45 sano ku gaaraya doob-
iyagoon tabari u diidin
guurka?!!.ah oo 35-45 sano ku
gaaraya doobnimo iyagoon
tabari u diidin
guurka?!!.5.Ilmuhu waxay
badanaa noqdaan sida loo tar-
biyeeyo. Nabi Suleymaan
wuxuu ka rabaa ubadkiisa in
uu ka dhigo mujaahidiin far-
dooley ah. Haddaba ubadka
waa in looga sii waramo waxa
laga rabo mustaqbalka, laguna
tarbiyeeyo; si ay nafsiyan iyo
fikriyanba ugu sii diyaarga-
roobaan.
6.Qisadu waxay tusaysaa sida
dadka saalixiinta ahi u je-
claayeen inay dhalaan ubad
suuban oo jidka Alle ku ji-
haada, sida uu Nabi Suley-
maan u jeclaystay in uu dhalo
tiradaa badan ee ilmaha ah.
7.In marka la guursanayo ama
xaaska loo galmoonayo loo
niyaysto in ubad suuban laga
helo oo diinta Alle koryeela;
si qofku ajar uga helo fi-
cilkiisa ama Alle uu ugu
qaado niyadiisa wanaagsan,
illeyn ilmo Alle darti loo dha-
lay iyo ilmo aad hadhaw wax
ku dulmidid loo dhalay isku
mid ma ahee. Imaam Bukhaari
wuxuu kitaabkiisa Saxiixa ku
daray baab uu ku magacaa-
bay: Ninkii ilmo u dalba ji-
haad darti, wuxuuna wariyay
xadiiskaan.
8. Nabigeennu (SCW) wuxuu
xadiis kale ku sheegay in
ninkii xaaskiisa u galmooda
ay sadaqo u tahay. Wuxuu
kale oo yiri: wixii sadaqo ah
oo aad Alle wajigiisa ku dal-
baysid ajar ayaa lagaa siin,
waxa aad xaaskaaga afka u
galisidba ha ahaatee. Arrintaas
waxay culimadu u
daliishadeen in samaynta
walxaha bannaan ajar laga
helayo haddii Ilaahay darti
loola yimaado ama wax diintu
ku amartay loo kaashanayo.
9. Guurka diintu waxay u ji-
daysay
Sulayman xasan warsame
ma ku waano qaadan
June, 2013 | Issue 9| Himilo 08
R isaaladaan waxeey ku
socotaa aniga iyo
dhamaan gabdhaha musli-
maadka ah waxa eyna la
xidhiidhaa xijaabka, qof wal-
boo caqli lehna kama qar-
soona manta waxa dadka ind-
haha ka riday oo ah in la is
qaawiyo iyo in la laazimi
waayo xijaabka, shakina
kuma jiro taa ineey tahay
munkar weyn , waxaan
ALLE weydiisaneeynaa inuu
ku anfaco dhamaan gabdhaha
muslimaadka ah.
Walaasheeyda muslimada
aheey: dadka baadilka ku
yeedha iyo fasahaadka
waxeey isku dayayaan mar
waliba iney tashwiish gali-
yaan xijaabka sheeganayana
in uu yahay sababta gabadha
dib u dhigaya uuna yahay
waxa gabdha xoriyadeeda
xidhaya waxeyna ku dhiiri
galinayaan ineey is qaawiso
oo ay iska dhigto xijaabka,
mana doonayaan maslaxada
gabadha sida ay aaminsanyi-
hiin qaar maangaab yaal ah
oo inaga mid ahi, lakiin waxa
eey donayaan in eey bur buri-
yaan gabadha dhawrsoon-
ideeda iyo sharafteeda,iskana
ilaali in laguugu qiyaamo ha-
dalada hoosta ka buko no-
qona qof sharaf ku leh di-
inteeda kuna dhagan xijaab-
keeeda ogsoonoowna marka
waxaasoo dhan laga tago
1.C/raxman cumar Ibrahim
2.Max’ed Xusen muuse
3.C/raxman Cumar cali
4.C/kariim Max’ud xirsi
5.Max’ed Axmed C/laahi
6.Filsan Max’ed Barkhad
7.Rooda Nuur C/laahi
8.Hinda Cumar Axmed
9.Idil Cabdi Max’uud
10.c/raxman daheeye cilmi
Aamina xasan maxamed
XIJAABKU WAA CIBAADO EE MAA-HAN CAADO
ALLE iyo adeecida RA-
SUULKA (SCW) mana
ahan caado gabadha eey
xaq uleedahay ineey marka
ay doonta ka tagi karto la-
akiin waa dhawrsooni, da-
hirsanaan iyo xishood.
Walaasheeyeey markuu
ALLE ku amrayay xi-
jaabka wuxuu kula doonay
inaad noqoto gabadh daa-
hiran xifdisan waxa kale
uu kula doonay inaad
naqatid qof sareeysa ,
waayo waad garan karta
sheyga marka lagaa qariyo
iyo marka laguu soo muu-
jiyo mar walbo kan xiiso
badan.Inkastoo eey hab-
laha qaarkooda eey aamin-
sanyihiin hadeey baxdo
iyado meelahii ugu qu-
ruxda badnaa jidhkeeda ay
banaanyihiin
subxaanalaah!! !! Ay taa
ku kasban karto ineey
dadka cajabiyaan ama ay
la dhacaan quruxdeeda
balse nasiib daro taa
waxay usababtaa in ay ku
dhacaan indhaha waraba-
yaasha iyo cadawga waana
fikrad xun oo ay aamin-
sanyihiin; waayo dadka
lagama yaabo iney cunaan
xalwad dhulka ku
dhacday! Side gabadh
caqli leh nafteeda ugu raali
noqon siddaas?! Ee halkee
uu aday caqligeeeda iyo
xishoodkeedii?!.Waxa uu
yidhi abwaan Hadraaawi :
Gabdhayahow sidee waaye
Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suf karkaro maaha
Sararaha bannee maaha
Qorqor suunniyaa maaha
Dhabanada sibbaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha
Sawir iyo riyaaq maaha
Filin iyo sarcaad maaha
Saxan reer galbeed maaha
Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro maaha
Salsalaw cid kale maaha
Qof silloon ku dayo maaha
Wax sawaaban noqo
maaha
Sinta iyo lafaa duudka
Saddex goor jejebi maaha
Dhaqankaaga saydh maaha
Soomaali diid maaha
Sidaad doonto yeel maaha
Dhulka oon ku sidi waayin
Samadoo la koro maaha
Kusaliya Rasuulkiina
(SCW).
Ugu danbeeyntii maahan
diba udhac mana ahan
caado xijaabka markaan
dono aan ka tagi karno
loomana baahna gabadha
marka ay xijaabato iney
dib u dhac sameeyso oo ay
wax baran weydo madama
dhananka bada aynan
sameyn roobkabadisa adi-
gana waa inuunan ku
saameeyn dadka hadlkooda
inta uu la ekaado …. DHAMAAD...
Himilo media
group
Ku xidhnow majal-
ada himilonewslet-
ter, kuna gudbi fik-
radaada oo ku soo
dir oo maqaal-
kaaga Himilo012@hotmail.co
m
Gorfayn
June, 2013 | Issue 9| Himilo 09
Mustafe Mumin Adan
Dhadhanka Iimanka iyo xiisaha nolosha
ugu mihiimsan waxyaa-
baha qiimaha iyo dhad-
hanka usameeya nolosha
qofka bili aadanka ah.
Waxana kow ka ahaa ii-
maanka iyo camalka
wanaagsan. Iimaanka oo
ah rumaynta rabi kaligii
iyo raacitaanka jidka
toosan ayaa ah ka ugu mu-
hiimsan ee uu qofku ka
helo farxad iyo xiiso,
dhadhanna u sameeya
nolosha. Rabi baa
kawnkan abuuray , isa-
gaana og waxwalba oo uu
ku hagaagayo iyo halka
marba uu ugu talo galay
inuu maro. Isagaa abuuray
basharka ujeeduuna kala-
haa abuurkiisa. Wax
walba oo ka soo hadha
dadka oo dunidan katir-
sana waxaa loogu talo
galay inuu u adeego dadka
si uu ugu noolaado sa-
caado dunidan korkeeda.
Hadaba inuu bini aadanku
ogaado jidka toosan isla-
markaana uu raaco waa
arin aad ugu muhiima, si-
daas marka uu yeelana
waxa hubaal ah inuu
farxad iyo faanfaan, rajo
iyo rayn-rayn iyo raaxo
joogto ah ku noolaanayo
aduunka inta uu joogo,,
aakhiradana jannada dhex
mushaaxayo illaahay
idankiis. qofka ardayga
marka uu macalinka dug-
sigu ama jaamacadu u diro
cashir ee uu sifiican uga
soo shaqeeyo waxa uu
IIMAANKU HADALIYO
KAFTAN IYO ILAAQIYO
WAXAN CIDI
ARKAYNOO
DADKU LA ANFARII-
ROO
AMANKAAG AH MAA-
HEE
WAA DEEQ ILLAAHAY
ISLAAMKA UGU DE-
EQOO
KA TURJUMA ADOON-
KOO
DHAQAN IYO
AKHLAAQOO
WAXA LAGU AD-
KEEYAA
ANSHAXIYO XISHOOD-
KEE
ISAGAA IFTIIMOO
OOGADA KA MUU-
QDOO
XUMO KAA ILAASHEE
RUUX YAHOW OG-
SOONOW
AFKA YAANAY KAA
NOQON. ii-
maanku waa shay daga
qalbiga qofka bini aadanka
ah , kana muuqda falka iyo
ficilka iyo dhamaanba
nolosha qofka. waa fulinta
wixii illaahay ina faray iyo
ka fogaanshaha wax
walba oo aanu ogolayn
rabi. waa raacista jidka
rasuulkeena muxamed scw
Qoraalkan kii ka horeeyay
waxan kaga hadalnay
qodobo dhawra oo ah
kuwa
sii korodha midba midka
uu kawanaagsanyahay ar-
dayda dhexdeeda. Taasna
waxa tusaale ka wanaagsan
noqon karta qofka
biniaadanka ah marka uu
rumeeyo rabigiis ee uu
raaco rasuulkiisa Muxamed
(SCW), waxa hubaal ah in
ay ka tagayaan dhamaan
hamiga iyo qulubka, wal-
walka iyo walbahaarka,
murugada iyo maskax-
wareerka, taa badalkeedana
waxa ku soo dagaysa nax-
ariis iyo nuur, wuxuuna ku
dhexjirayaa naacaw udgoon
badan isaga oo aad udaree-
maya daganaansho iyo
dhiiranaan iyo kalsooni uu
ku qabo illaahay, waxana u
muuqata ilays iyo
iftiin ,rajo iyo
guul ,waxwalba oo uu la
kulmona iyo hawlwalba oo
uu qabanayona waxa mask-
axdiisa iyo maankiiisa uu
kuhayaa oo kuwayni waa
illaahay . Dunidu waa
maalinba nooc , mana aha
tu maalinkasta quman ama
toosane waxa dhici karta
inaad lakulanto maalmo
culaysa ama dhib leh, la-
akiin taasi ma noqonayso tu
wax kuu dhimaysa amaba
ku nusqaaminaysa iyada oo
ku xidhan xadiga culayska
iyo dhibka aad u adkaysan
karto iyo inta aad dhad-
haminkarto macaanka ii-
maanku inta uu leegyahay.
culayska iyo dhibka aad u
adkaysan karto iyo inta aad
dhadhaminkarto macaanka
iimaanku inta uu leegyahay.
markasta oo aw hoos u
dhaco iimaanka qofku waxa
yaraata macaanka iyo
xiisaha nolosha.Hadaba ha-
daad mar hore dhadhamisay
macaanka iimaanka, laakin
aad waayahan dareemi
la’dayhay, ogow inaad ka
tagtay wax wanaagsan ood
sameyn jirtay, oo ku dhad-
hansiiyey macaanka ii-
maankaas. Qoraalkan
waxaan ugu tala galay sidii
marlabaad aad usoo ceshan
leheyd macaanka imaanka
eed aad soo dhad-
hamisay.Maanta waxaan
halkan is xasuusineynaa
sidii aan ku hanan laheyn
macaanka iimaanka haddaan
marlabaad ku guuleysanno
inaan dhadhamino, iyo si-
daan ku xaqiijin laheyn ma-
caankaas.Dadka bartay cab-
bidda khamriga, ama
daroogada oo dhadhansada ,
waxay ku dadaalaan sidey
mar walba dareenkaas u heli
lahaayeen, waxayna u
huraan wax walba si ay
dareenkaas u gaadhaan ay-
agoo og inuu jar ka tuurayo,
ama inuu halaagayo.Waxaa
la soo wariyey in Bilaal
Ibnu Rabaax, Mu’addinka
Rasuulka (SCW) la
wareystay sababta uu ugu
adkeystay oo uu ugu sabray
iimaankiisa cadaabta lagu
caddibay bacaadka Makka
ee kulul wuxuu ku jawaa-
bay: ” Waxaan isku daray
xanuunka cadaabta iyo ma-
caanka iimaanka, waxaa soo
dul martay macaanka
DHADHANSO XIISAHA NOLOSHA
Eeg Bogga 11aad
Fariinta wargaysa
June, 2013 | Issue 9| Himilo 10
iimaanka” taasoo macna-
heedu yahay, in macaanka
iimaanka haduu qofku dhab
ahaan u dhadhamiyo, inuu
wax walba siisanayo, maxaa
yeelay Allah ayaa ka iibsa-
day muminiinta naftooda iyo
maalkooda oo ka iibiyay
Janno. Mar uu Rasuulku
(SCW) wareystay nin
saxaabi ah ” Maxaad ku bari-
say?” ninkii saxaabiga ahaa
wuxuu ku jawaabay ”
waxaan ku bariistay muumin
-nimo”, markaasuu Rasuulku
(SCW) yidhi, maxaa muuji-
naya iimaankaaga?” ninkii
saxaabiga ahaa wuxuu yidhi
” waxaa ii muuqda reer jan-
naadkii oo isa soo sa-
laamaya, waxaa ii muuqda
ahlu naarkii oo is eeday-
naya” rasuulkii Allah (SCW)
wuxuu markaa ku yidhi
ninkii, ” Waad haleeshayee,
ee ku mitid”rasuulku wuxuu
kaloo tilmaamay iimaanka ”
wax qalbiga ku jira oo uu
dhabeeyo waxa la sameeyo”
Hadaba waxaad is waydiisaa,
sidee baan iimaan ku helnaa,
dabadeedna u hanannaa?
Jawaabtu waxay ku xidhan
tahay hadba qiimaha uu kula
leeyahay iimaanku, taasoo
keensaneysa howshaad ku
gaadhi lahayd iimaankaas.
Waxaa lagu hantaa iimaanka:
1. Sabirka : Allah (SWT)
wuxuu yidhi ” Kuwa sabraa,
waxaa la siiyaa ajarkooga
xisaab la’aan”
2. Ixtisaab: oo macnehhedu
yahay in waxaad sameys-
neyso oodhan aad ku raadi-
neyso wajiga Allah oo qudha
3, Ducada: Taasoo ah qall-
biga cibaadada
4. Soonka Sunnada ah
5. Akhrinta Quraanka iyo ku
cibro qaadashada sheekooy-
inkiisa
rumaynana marwalba wuxu
ina faray iyo wuxu inaga
reebay, marka hadaan
raacno wuxuu inoola yimid
waajibaadkana aan gudano
xaaraantana aan xaaraan u
ictiqaadino xalaashan xalaal
shubahaadkana aan ka fo-
gaano khayraadkana aan ku
dadaalo, saasaa ah ru-
maynta rasuulkeena(scw).
(5) (rumaynta aakhiro)waxa
weeyi inaan rumayno in
laysa soo saarayo dhimasha
kadib xisaabina ay jirto,
rumaynana mizaanka iyo
abaal marinta iyo ciqaabta
iyo inay jirto jano iyo naar.
(6) (rumaynta qadarta khayr
& sharba)waa inaan ru-
mayno in wixi ina asiiba
uuna ahayn mid marnaba
inagafi lahaa, wixi ina
gafana inuuna ahayn mid
marnaba inagu dhici lahaa,
waana inaynaan odhan ha-
day saas iyo saas ahaan la-
hayd saas iyo saasbay no-
qon lahayd , hadu waxas
iyo waxaas jiri lahaana
waxaas iyo waxaas madhe-
ceen waana sidaas ru-
maynta alle iyo maa’igtiisa
iyo kutubtiisa iyo rusushiisa
iyo maalinta qiyaamo iyo
qadarta khayr iyo sharba-
kuli,isku soo wada duuboo
waxa macnuhu u dhacayaa
hadaad rumayso wax kasta
oo Allaah kaa doonay inaad
rumayso qayb ama
qayrkiiye waxaad tahay
mu,min alaah rumeyay sida
allaah leeyahay {kitaabkaa
qur,aanka ahi waxaanuu
shaki ku jiri nuu hanuuni-
nayo kuwa allaah ka
baqanaya kuwaasoo rumay-
naya qaybka} allaah ayaan
waydiisanaynaa inuu ii-
maanka inoo xoojiyo ina-
gana dhigo mu,miniin dhab
ah ah, sidoo kalena inuu
inaga dhigo kuwii hanta een
siidayn macaanka iimaanka
kuna noolaada farxad ad-
uunka aakhirona jannada.
Fariinta wargeska
6. Salaadaha oo loo dhakh-
sado, iyo ku noqnoqoshada
misjidka
7. Ku dadaalida weysoqab,
( caajiska iyo shaydaanka
ayey kaa fogeysaa)
8. Ku dadaalidda adkaarta
subaxa iyo kuwa fiidka
( Faaiido cajiib badan
ayaan ka dhaxlay)
9. Dambi dhaaf ood Allah
ka barido si joogto ah.
10. Ka fakaridda uunka,
abuurka Allah iyo yaab-
kiisa ( abuurka cirka iyo
cajaaibta dhulka) 11.
Qalbiga oo laga meydho
cudurrada( xasadka, da-
kanaha iwm) 12.
Macsida Allah oo laga tago
( macsidu wexey nusqaani-
saa iimaanka) 13.
Waalidka oo baarri loo no-
qdo. 14.
Qaraabada soke ( rixinka)
oo la xidhiidhiyo ( loo kaal-
meeyo, lagana warhayo)
waxan rabaa inaan halkan
ku soo gudbiyo qayb kamid
ah xadiithka jibriil een
wada garanayno , waana
qaybta ka hadlaysa lixda
tiir ee iimaanka
(1) wuxu yidhi nabigu(scw)
(iimaanku waa inaad ru-
mayso Alle)micneheeduna
waxa weeye inaad alle inuu
kaligii yahay rumayso qal-
biga iyo carabkaba aad ka
rumayso isuna dulayso
awaamirtiisa una hogaan
santo, go’aana aad ku
gaadho inaad u hogaan-
santo waxa uu alle ku
faray , adigoo kana fo-
gaanaya iska kibrin iyo san-
taag inaad latimaado, ha-
daad saa samayso waxad
latimid wuxu alle kugu je-
claanayo waxadna ka
dheraatay wixi cadho alle
kuso jiidi lahaa.(2)
(rumaynta malaa’igta )
waxa weeyi inaad rumayso
inta alle magac yadooda u
ku sheegay kitaabkiisa
aadna rumayso in alle
leeyahay malaa’ig kale oo
aynaan garanayn tiradooda
iyo magacyadooda alle
mooyee.
(3) (rumaynta kutubtiisa)
waxa weeyi inaan rumayno
inta alle magac yadooda
inoogu sheegay kitaabkiis
sida Towraad, Injiil, iyo
Zabuur aanna rumayno in
alle leeyahay kutub kale
oon kuwan ahayn oo ay-
naan garanayn,waxana ru-
maynaynaa Furqaan farqi-
baana u dhexeeya rumaynta
kutubahaa kale iyo keenan
Furqaan, rumaynta aan ru-
maynayno kutubta kale
waa inaan qalbiga ka qirno
in kutub alle soo dajiyay ay
yihiin iyo carabkaba, ru-
maynta aan rumaynayno
kitaabkeena Furqaana waa
inaan qalbiga iyo carab-
kaba ka qirno waxa intaa
siidheer inaan wuxu ina
farayo raacno wuxu inaga
reebayana ka hadhno.
4)(rumaynta rususha)waa
inaan rumayno inta uu alle
inoogu sheegay kitaabkiisa
magac yadooda, rumay-
nana inay jiraan rusul iyo
nabiyo kale oo aynaan
aqoon, waxaynuna rumay-
naynaa nabigeena(SCW)
Muxamad rumayntaa aan
rumaynayno nabigeenana
way ka duwan tahay ru-
maynta aan rumaynayno
nabiyada kale, rususha kale
saan urumaynayno waa
inaan qirno inay yihiin
rusul alle soo diray, amaa
nabigeena(scw)saan uru-
maynayno waa inaan qal-
biga iyo carabkaba ka ru-
mayno,
Fariinta wargaysa
June, 2013 | Issue 9| Himilo 11
Albaabada ugu wayn ee sa-caadada waxaa kamida du-
cada waalidka ee badso wanaag ufalkooda iyo wanaajintooda, balaayooy-inka halagaa awdee.
Ufiirso kuwa kaa hooseeya xaga jidhka, suurada, maalka, guriga, shaqada iyo duriyada, si’aad u
ogaatid inaad kumanyaal qof ka sarayso.
Saacad naftaada la cidloow si’aad uga fikirto umuura-haaga, naftaadana u xisaabisid, aakhiradaadana uga fikirtid, aduun-yadaadana u wanaajisid.
Safar mar marka qaarkood, si aad u cusboonaysiiso noloshaada, una soo aragto dhaqamo kale, una soo aragto nolol iyo wadamo cusub, ilayn safarku waa dhadhan kalee
Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka saciidka ahi waaka indhihiisa laabta Rabbigiina ka cabsa-day.
TAYO WAA TELESOM NASTEEXOOYIN
HIMILONEWS LETTER
HIMILO NEWS LETTER
Akhris wacan oo
faaiido badan
top related