buugaag uu qorey saciid cali shire
DESCRIPTION
freeTRANSCRIPT
Buugaag uu qorey Saciid Cali Shire 7/2/2013 6:13:00 AM
sida Prof. Khurshid cabbiray, maanta, bangiyada Islaamku waxay ka mid yihiin nidaamyada maaliyadeed ee ugu koboca fiican, ugu faaأ¢â‚¬â„¢iidada badan
1 www.buuh.net
Meesha, 50 sano ka hor, bangiyada
Islaamku ahaayeen riyo,
sida Prof. Khurshid cabbiray,
maanta, bangiyada Islaamku
waxay ka mid yihiin nidaamyada
maaliyadeed ee ugu koboca
fiican, ugu faa’iidada badan,
looguna hadal-haynta iyo
kalsoonida badan yahay
nidaamyada maaliyadeed
ee adduunka. Dhinaca
koboca iyo faa’iidada,
bangiyadaasi waxay 30-kii
sano ee la soo dhaafay,
sannad walba, sameynayeen
koboc iyo faa’iido sare u
dhaafaysa 20% sannadkiiba;
dhinaca hadal hayntana, doodaha
la xiriira bangiyada Islaamku
waxay buuxiyeen shaashadaha
TV-yada, bogagga internetyada
iyo jaraa’idka caalamka.
Waxa intaas dheer, in nidaamka
maaliyadeed ee Islaamka maanta
lagu derso, lagana dhigo, xarumaha
cilmiga ee ugu magaca
iyo maamuuska dheer caalamka.
Hadal-haynta iyo kalsoonida
dheeriga ahi, qayb ahaan, waxay
salka ku haysaa koboca hantida
ay maammulaan iyo faa’iidada
ay sameeyaan; qayb ahaan,
aaladaha ay isticmaalaan; qayb
ahaanna siday ugu babac dhigeen
iyo siday uga soo doogeen
jaahwareerkii dhaqaale ee ku
dhuftay hey’adaha maaliyadda
caalamka sannadihii 2007-2009
iyo haraatidii jaahwareerkaas ee
2010-2011.
“Islamic banking
and finance is no longer
just a theory or a dream, in fact
it is now an emerging, evolving
reality”
Prof. Khurshid Axmed
www.buuh.net 2
Kitaabkani wuxuu ummadda Soomaaliyeed u furayaa irido iyo aafaaq
cusub oo hore uga daboolnaa. Waxaa laga yaabaa in uu u horseedo
baraarug hor leh iyo isku day hirgelinta nidaamka dhaqaale/maaliyadeed
ee Islaamka.”
Prof. Jaamac Xaaji Warsame, Jaamicadda Bariga Afrika, Soomaaliya
Horummarkaas lixaadka leh
ee bangiyada Islaamku ku tallaabsadeen
ma aha wax iska
yimid, ama sida dadka qaarkiis
moodaan, wax la soo bilaabmay
soo ifbixii bangiyada Islaamka.
Soo ifbaxa bangiyada Islaamku
wuxuu qayb ka ahaa dadaal
Islaam raadis ah (baraarug)
oo ay hormuud ka ahaayeen
siyaasiyiin, aqoon-yahanno,
culimo iyo mas'uuliyiin badan
oo isbeddel-doon ah. Dadaalladaas
xaq raadiska ahi, marka
laga soo tago wacyigelinta guud
iyo u jidbaysnaanta shareecada
Islaamka, waxyaabaha la taaban
karo ee uu ku guuleystay, mirihiisana
maanta la guranayo, waxaa
ka mid ah soo ifbaxa Bangiyada
Islaamka. Bangiyada Islaamkuna
waa qayb ka tirsan dhaqaalaha
Islaamka.
Dhaqaalaha Islaamkuna waa
qayb ka mid ah diinta Islaamka.
Islaamkuna waa diin dhammaystiran
oo buuxinaysa dhammaan
baahiyaha aadamaha.
Baahiyahaasi ha noqdeen kuwo
qofeed ama kuwo bulsho; kuwo
nafeed ama kuwo maal; siyaasad
iyo dhaqaale; qaanuun iyo
dhaqan; gudo iyo dibed. Waa
qaab nololeed dhammaystiran
oo daboolaysa caqiidada iyo
mucaamalaadka, shuruucda iyo
nidaamka. Waa qaab dhaqan
iyo ilbaxnimo, waxay leedahay
nidaam maaliyadeed iyo mid
ganacsi, nidaam siyaasadeed
iyo mid dawladnimo. Quraanka
iyo sunnuhu waa labada ilood
ee sharciga. Qiyaaska, Ijmaaca
iyo Ijtihaad-kuna waa hab lagu
turjumo quraanka iyo sunnaha
si loogala soo dhex baxo xukun.
Nidaamkaasi waa mid ku salysan
caddaalad, himilooyinkiisana
waxaa ka mid ah ciribtirka wax
kasta oo xaaraam ah. Mid ka mid
ah waxyaabaha aasaaska u ah
bangiyada Islaamka, oo ay kaga
duwan yihiin bangiyada kale waa
ku dhegganaanta shareecada
Islaamka iyo ka dheeraanshaha
wax kasta oo shareecada agteeda
xaaraam ku ah, sida ribada,
qararka iyo khammaarka.
In kastoo bangiyada Islaamka
lagu sameeyey daraasado fara
badan, lagana qoray buugaag
aad u badan oo iftiiminaya heerarkii
ay soo mareen, sida ay u
shaqeeyaan, aaladaha ay isticmaalaan,
waxa ay kaga duwan
yihiin bangiyada ku shaqeeya
nidaamka ribada, derbiyada hortaagan
iyo sida ay u wajaheen
isbeddellada caalamka sida jaahwareerrada
dhaqaale, haddana
waxaa muuqata in dadka ku
hadla luuqadda Soomaaligu weli
ka oomman yihiin cilmigaas.
Buuggan, oo intaan ka warhayo,
noqonaya buuggii u horreeyey
ee ka hadla bangiyada Islaamka,
u qoran qaab cilmiyaysan (academic)
kuna qoran af-Soomaali,
in kastoo uusan dabooli karin
baahiyaha faraha badan ee
loo qabo fahanka, guud ahaan
nidaamka maaliyadeed ee Islaamka,
gaar ahaan kan bangiyada
Islaamka, haddana waxaan
rajaynayanaa in uu noqdo tallaabo
horseed ah.
Guud ahaan buuggu afar qaybood
ayuu ka kooban yahay.
Qaybta koowaad, guudmar, waxay
ka kooban tahay afar cutub.
Cutubka 1aad wuxuu raadraac
ku samaynaysaa waqtigii ay soo
bilaabmeen bangiyada Islaamku,
ciddii bilowday, ujeeddooyinka
iyo himilooyinka bangiyadaas,
heerarkii ay soo mareen, derbiyada
horyaal, waxa bangiyada
Islaamku kaga duwan yihiin
bangiyada ku shaqeeya nidaamka
ribada, iyo mustaqbalka
bangiyada Islaamka. Cutubka
2aad, wuxuu hummaag ka bixinayaa
sida bangiyada Islaamku
ugu baahsan yihiin caalamka.
Cutubka 3aad, wuxuu lafagur
ku samaynayaa jaahwareerkii
dhaqaale ee 2007-2009 iyo sidii
bangiyada Islaamku isaga caabbiyeen.
Cutubka 4aadna wuxuu
kormar ku samaynayaa dhaqaalaha
Islaamka.
Qaybta labaad, aasaaska
nidaamka maaliyadeed ee
Islaamka, waxay soo bandhigaysaa
tiirarka aasaaska u ah
nidaamka maaliyadeed ee Islaamka.
Maaddaama caqdigu
uu gundhig u yahay adeegyada
iyo hawlaha bangiyada Islaamku
qabtaan oo dhanna, cutubka
5aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa
caqdiga beyca. Cutubka
“
3 www.buuh.net
6aad wuxuu soo bandhigayaa
ribada, qararka, maysirka iyo
khammaarka oo ka mid ah
waxyaabaha xaaraamta ah oo
bangiyada Islaamku kaga duwan
yihiin bangiyada ku shaqeeya
nidaamka ribada. Cutubka
7aadna wuxuu wax ka ifiiminayaa
muuqaalka, hawlaha ay qabtaan
iyo ahmiyadda ay leeyihiin guddiyada
culimada ah ee la taliya
bangiyada Islaamka (Sharica
boards).
Qaybta saddexaad, sidee u
shaqeeyaan bangiyada Islaamku,
waxay ka kooban tahay
saddex cutub. Cutubka 8aad
wuxuu muuqaal ka bixinayaa
sida bangiyada Islaamku hantida
u ururiyaan (deposit side)
iyo adeegyada ay u qabtaan
macaamiisha. Cutubka 9aad
iyo 10aad waxay si qoto dheer
u falanqaynayaan aaladaha iyo
nidaamyada bangiyadu isticmaalaan
markay maalgelimaha
samaynayaan. Meesha cutubka
hore ka hadlayo aaladaha ku
salaysan wax-isku-darsiga (equity
based), cutubka dambe, wuxuu
ka hadlayaa aaladaha ku salaysan
deymaha (debt based).
Qaybta afraad, hey’adaha hantida
u maammula sida waafaqsan
shareecada Islaamku, waxay ka
kooban tahay saddex cutub.
Cutubka 11aad wuxuu muuqaal
ka bixinayaa noocyada iyo aaladaha
ay adeegsadaan hey’adaha
hantida u maammula sida
waafaqsan shareecada Islaamka.
Cutubka 12aad iyo 13aad waxay
kormar ku samaynayaan labo
ka mid ah adeegyadii ugu dambeeyey
ee ku soo biira caalamka
maaliyadda Islaamka, i.e. sukukga
iyo takaaful-ka.
Buuggaani, sida labadii buug ee
ka horreeyey, “Furaha Ganacsiga
iyo Hoggaamiye”, waa buug
u qoran qaab cilmiyaysan oo
akadeemig ah (academic), sidaas
aawadeed, buuggaan waxaa loo
isticmaali karaa koorsooyinka
Bangiyada Islaamka ee jaamicadaha
iyo macaahidda sare ee
dalka. Sidoo kale, buuggu wuxuu
marjac iyo wehel u noqon karaa
dadka ka shaqeeya, daneeya,
dhiga, dhigta ama ku hawlan
siday u fahmi lahaayeen guud
ahaan nidaamka maaliyadeed
ee Islaamka, gaar ahaan bangiyada
Islaamka. Buugga waxaa
sidoo kale ka faa'iidaysan kara
xeer-dejiyayaasha, siyaasiyiinta
iyo hoggaammada maammulka
hey'adaha dawladda.
Luqad ahaan, kelmadda ‘takaaful’ waa kelmad
carabi ah oo laga soo dhambalay ‘kafala’ oo
micneheedu yahay dammaanad qaadid. Sharci
ahaan, takaafulku waa heshiis wada shaqayn, oo
dhex mara koox dad ah, ujeeddaduna tahay in ay
isu gurmadaan oo is garab galaan haddii dhibaato
soo gaarto mid ka mid ah kooxdaas heshiiska
wada gashay. Hey’adda Xisaabaadka iyo Hantidhowrka
u Qaabbilsan Bangiyada Islaamku waxay
takaaful-ka ku qeexdaa nidaam iskaashi iyo wax
isku darsi oo dadka ku bahoobay isku taageeraan
haddii mid ka mid ah dhibaato soo gaarto.
Sida, Fisher (2008), Chatterjee (2009) iyo
rag kaleba soo guuriyaan, nidaamka takaafulku in
kastoo uu weli gaban yahay, haddana, wuxuu salka
ku hayaa nidaam qaddiim ah oo Jaziirada Carabta
laga isticmaali jirey Islaamka hortiis. Nidaamkaas
oo markii dambe ay si aad ah u isticmaali jireen
ganacsatadu, siiba kuwa doomaha xammuulku,
wuxuu ahaa nidaam ay ganacsatada iyo doonyalaydu
isku caawin jireen haddii duruuf adagi ku
timaado mid ka mid ah, sida in shixnaddu qoydo,
doontu degto ama dhibaato kale soo gaarto.
Marka laga soo tago taariikhdaas hore iyo tusaalooyinkaas,
takaafulkii u horreeyey ee laga yagleelo
caalamka Islaamka waxaa laga furay waddanka
Suudaan sannadkii 1979-kii. Waxaa xigay saddex
takaaful oo sannadihii 1983-1985 laga kala taagey
waddammada Sacuudiga, Baxrayn iyo Malaysiya.
30 sano ka gadaal, Ernst & Young (2012)
waxay qiyaasaan in ugu yaraan 150 shirkadood
oo takaaful ahi ka diiwaangashan yihiin caalamka
(marka laga reebo Iiraan) ayna sannadkii 2012-kii
maammulayeen hanti madaxa la dhaafaysa US$ 12
bilyan, labadii sano ee u dambaysayna ay sameeyeen
koboc aan ka yarayn 20% sannadkiiba. Waxaa
sidoo kale la saadaalinayaa in hantidaasi madaxa
la dhaafi doonto US$ 20 bilyan ka
hor dhammaadka 2015-ka.
Si aad wax uga ogaatid
ida takaaful-ka maanta loo isticmaalo;
ceebaha takaaful-ka;
muuqaalka takaaful-ka saxda ah
iyo mustaqbalka takaaful-ka akhri
buugga Bangiyada Islaamka.
KA DALBO:
t. 44 (0) 7838236171
w. www.buuh.net
Takaaful: milicsi taariikheed
www.buuh.net 4
Waxaan kaa caawin karnaa sidaad u arki lahayd meel fog oo
tartamayaasha badidoodu aysan weli arkin - suuq dihin. Waxaan
kaa caawin karnaa sidaad ku gaari lahayd suuqaas, sidaad
ku hanan lahayd iyo sidaad ku ilaashan lahayd intaba.
Buuh Consulting waa shirkad aqoon, cilmibaaris iyo la-talin. Dhinaca aqoonta,
Buuh, waxay tababbaro heer kasta leh siisaa hoggaanka iyo maammulka sharikaadka
iyo hey’adaha Soomaalida. Dhinaca cilmibaarista, Buuh, waxay cilmibaarisyo
nooc kasta leh u samaysaa sharikaadka iyo hey’adaha Soomaaliyeed. Dhinaca la
talinta, Buuh, waxay sharikaadka iyo hey’adaha kala talisaa wax kasta oo saamayn
ku yeelan kara koboca, faa’iidada iyo jiritaanka ganacsigooda.
Wax kasta oo ku gaarsiin
kara hammigaaga,
himilooyinkaaga iyo hiraalkaaga.
t. 44 (0) 7838236171 e. [email protected] w. www.buuh.net
B
Publications
5 www.buuh.net
1963-dii ayaa bangigii u horreeyey
oo ku shaqeeya nidaamka
maaliyadeed ee Islaamka laga
furay magaalda Mit-Qamar ee
dalka Masar. Inkastoo bangigaas
markiiba irdaha la isugu dhuftay,
arrimo siyaasadeed darteed,
haddana, muddadii yarayd
ee uu shaqaynayey, sagaalkiisii
laamood, waxay soo jiiteen
macaamiil sare u dhaafaysa hal
milyan oo qof. Chapra (2001)
wuxuu tilmaamaa in bangigaas
iyo labadii isku day ee ka horreeyey,
oo midna laga hirgeliyey
dalka Pakistan midna Malaysiya,
ay dumiyeen darbigii khiyaaliga
ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa
yagleelidda nidaam maaliyadeed
oo ku salaysan shareecada
Islaamka .
Duminta derbigaas khiyaaliga ah
waxaa xigey yagleelidda bangiyo
ka baaxad weyn bangigii hore.
Bangigii u horreeyey, ‘Dubai
Islamic Bank’, waxaa laga taagey
magaalada Dubai ee Isutagga
Imaaraadka Carabta (UAE) sannadkii
1975-tii. ‘Faisal Islamic
Bank’ ayaa isna laga aasaasay
Masar iyo Suudaan sannadkii
1977-dii. ‘Islamic Bank of Jordan’
iyo ‘Islamic Bank of Bahrain’ ayaa
iyana irdaha loo furay sannidihii
1978 iyo 1979-kii. Yagleeliddii
Bangiga Horummarinta Islaamka
(IDB) sannadkii 1973-dii ayaa isna
culays weyn ku soo kordhiysey
hammigii la rabay in lagu dhiso
nidaam maaliyadeed oo ku salaysan
shareecada Islaamka.
Soo if-baxaas, bagiyada Islaamka,
waxaa dhinac socday
baraarug siyaasadeed. Tusaale
ahaan, shirkii wasiirrada arrimaha
dibedda ee dunida Islaamka
ee lagu qabtay Dakar, Senegal,
bishii Abriil ee 1978-dii, waxaa la
soo jeediyey in dunida Islaamku
si qunyar-qunyar ah u hirgeliso
bangiyo Islaami ah. Sidoo
kale, shirkii wasiirrada arrimaha
dibedda ee Islaamabaad, Pakistan
ee May 1980 waxaa la soo
bandhigay tallaabooyinkii la
qaadi lahaa si loo meel mariyo
qaraarkii 1978-dii la gaaray.
Shirkii saddexaad ee dunida
Islaamka ee lagu qabtay Makah
iyo Daaif, Sacuudi Carabiya, 1981-
kii waxaa isna la isla qaatay, si
xiriir ganacsi iyo wadashaqayn u
dhexmarto dunida Islaamka, in
dunida Islaamka dhammaan laga
hirgeliyo bangiyo Islaami ah. Sida
uu soo guuriyo Warsame (2007),
Aljeeriya, Sacuudi Carabiyo iyo
Soomaaliya ayaa hormuud ka
ahaa dadaalkaas lagu baadigoobayey
sidii dunida Islaamku
u yeelan lahayd nidaam maaliyadeed
oo waafaqsan shareecada
Islaamka.
50 sano ka gadaal, hey’adaha ku
shaqeeya nidaamka maaliyadeed
Bangiyada Islaamka:
Milicsi Taariikheed
www.buuh.net 6
ee Islaamku (Islaamic financial
system), waxay madaxa la sii
gelayaan 1,300 oo hey’adood; ku
baahsan yihiin wax ka badan 100
waddan; gacantana ku hayaan
hanti sare u dhaafaysa 2.1 triliyan
(2 trilliyan iyo 100 bilyan USD).
Sida ay soo bandhigto Ernst and
Young (2012), hantidaasi sannadka
2013-ka waxay madaxa
la dhaafi doonto $2.5 trilion,
inta ka horraysa 2017-kana
waxay madaxa la dhaafi doontaa
5 tiriliyan ($5 trillion). Meesha
bangiyada ku shaqeeya
nidaamka ribada qaar badani
suuqa ka baxeen (kaceen) , qaar
kale la qarameeyey, qaar kalena
taageero xoog badan la geliyey,
tirakoob dhowaan la soo saaray
ayaa muujisay in hantida bangiyada
Islaamku maammulaan
kobocday 25-30% sannadkiiba
intii u dhexeysay 2007-2012 .
Sidoo kale, hey’adaha ku
shaqeeya nidaamka Islaamku,
waxay soo jiiteen dhegaha
bangiyada dhexe ee dawladaha
waaweyn, sida ‘Federal Reserve’
iyo ‘Bank of England’; hey’adaha
maaliyadda ee caalamka sida,
Hey’adda Lacagaha Adduunka
(IMF) iyo Bangiga Adduunka
(World Bank); iyo xarumaha
aqoonta ee ugu magaca dheer
adduunka, sida Harvard University,
Oxford iyo Cambridge.
Waxaa iyana bogagga hore u
hibeeyey qaar ka mid ah warsidayaasha
caalamka.
Waddammo badan oo reer
Galbeed ah ayaa iyana bilaabay
in ay wax ka beddelaan shuruucdooda
iyo nidaamkooda
canshuuraha si ay u soo jiitaan
hey’adaha ku shaqeeya nidaamka
maaliyadda ee Islaamka.
Tusaale ahaan, Faransiiska,
Ireland iyo Japan saddexduba
waxay wax weyn ka beddelleen
nidaamkooda canshuuraha si ay
u fududaato in bangiyo Islaami
ah laga yagleelo waddammadooda,
saamiyada bangiyadaasna
loogu gado seyladaha
lagu gado saamiyada sharikaadkooda.
Koboca iyo faa’iidada hey’adaha
ku shaqeeya nidaamka Islaamku
waxay sidoo kale sidii birlabtii u
soo jiiteen bangiyo iyo hey’ado
badan oo reer Galbeed ah.
Tusaale ahaan, 2008-dii bangiyo
aan ka yarayn 191 ayaa furay
laamo ku shaqeeya nidaamka
maaliyadeed ee Islaamka (Islamic
window).
Waxaa sidoo kale markii u horraysay
bangiyada Islaamka laga
dhex furay waddammo aan laga
filayn in bangiyada noocaas ahi
ka hirgeli karaan. Tusaale ahaan,
Shiinaha, Japan iyo Itoobiya
saddexduba waxay bangiyadii
u horreeyey ee ku shaqeeya
nidaamka Islamka oggolaansho
siiyeen sannadkii 2009-kii.
Inkastoo hantida ay gacanta ku
hayaan hey’adaha ku shaqeeya
nidaamka maaliyadeed ee
Islaamku madaxa la dhaaafeen
USD 2 triliyan, haddana
hantidaasi aad bay u yar tahay
marka loo fiiriyo maalka adduunka
yaalla ama kan ay gacanta ku
hayaan hey’adaha ku shaqeeya
nidaamka ribadu. Waxaaba
muuqata in dhowrka bangi ee
adduunka ugu weyni, mid kasta
gooni ahaantiisa, uu uga weyn
yahay, marka la fiiriyo hantida ay
gacanta ku hayaan, bangiyada
ku shaqeeeya nidaamka islaamka
oo la isku daray. Tusaale ahaan,
meesha hantida ururtay ee
1000-ka bangi ee ugu waaweyn
adduunku gacanta ku hayaan
ay madaxa la dhaafayso $96.4
trilion. Bangiyada qaarkood, sida
Deutsche Bank hantida ay gacanta
ku hayaan waxay madaxa
la dhaafaysaa US$ 2.8 triliyan.
Dunida Islaamkana, hadda ayaa
la hadal hayaa in la sameeyo
bangigii ugu weynaa ee ku
shaqeeya nidaamka Islaamka.
oo hantida uu maammulo gaari
doonto $10 bilyan.
50 sano ka gadaal, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka
maaliyadeed ee Islaamku waxay madaxa la sii gelayaan
1,300 oo hey’adood; ku baahsan yihiin wax ka badan 100
waddan; gacantana ku hayaan hanti sare u dhaafaysa 2.1
triliyan (2 trilliyan iyo 100 bilyan USD). “
b ang iyad a islaamka
7 www.buuh.net
Waxaan oran karaa, buuggaani wuxuu soo baxay waqtigii ugu habboonaa.
Waa xilli dad badan oo Soomaali ah oo dalka gudahiisa
iyo dibaddiisaba ku nool ay xiisaynayaan in ay helaan macluumaad
la xiriira habka bankiyada Islaamku u shaqeeyaan si ay uga badbaadaan
ribada iyo waxyaabaha kale ee Shareecadu xaaraantimeeysey.
Waa xilli loo baahan yahay in dib loo yagleelo habka maaliyadda
Soomaaliyeed ka dib markuu dalku xasilo haddii Alle idmo, waxaanna
shaki ku jirin in nidaam maaliyadeed kasta oo ladhiso ay bankiyada
Islaamku mustaqbalka mug weeyn ku yeelan doonaan. Haddaba,
waa nasiib wanaag inuu hadda soo baxay buug mawduucaas si
fiican inoo ku bayaaminaya oo tixraac iyo tusaale inoo noqonaya
Buuggani waa kayd aqooneed oo tixraac u noqon doona ardada
barata dhaqaalaha iyo maaliyadda, kuwa darsa shareecada islaamka,
ganacsata iyo maalqabeennada u baahan inay maalkooda u jiheeyaan
mashaariic iyo ganacsi xalaal ah, mas’uuliyiinta maammulka
iyo xeer-dejinta iyo intii daneyneysa inay wax ka ogaadaan habka
maaliyadda Islaamka.”
Prof. Maxammad Dalmar
Guddoomiyihii (hore)
ee Bangiga Dhexe ee
Soomaaliya
Buuggan Saciid Cali Shire ee ku saabsan hannaanka ay u
shaqeeyaan baananka islaamku waxa uu salka ku hayaa laba
arrimood oo kala ah: 1) Mabaa’dida guud ee ay ku dhisantahay
shareecada islaamku si ay u dhowrto una ilaaliso danaha shanta ah
ee lagama maarmaanka ah, kuwaasoo maalku ka mid yahay; iyo
2) Aqoonta iyo xogta waayo aragnimo ee ay ku dhisan yihiin una
shaqeeyaan baananka adduunku.
Waxaynu odhan karnaa buuggani waa jaan-tus kugu jihaynaya
inaad horummar shakhsi iyo mid dhaqaale ka gaadho adduunka,
adigoon aakhiradaada dhaawicin, dhinaca kalena bulshada u
horseedaya horummar wax ku ool ah.
Sh. Cabdulqani Xuseen
Beder University, Hargeysa,
Somaliland
Bangiyada Islaamku waa buuggii ugu horreeyay ee noociisa ah oo
ku qoran Af-Soomaali, si cilmiyaysanna u qaadaa-dhigay hawlaha
bangiyada Islaamka oo dhan. Buugganu wuxuu fursad u yahay
aqoonyahanka, ganacsatada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee
doonaya inay kala bartaan mucaamalaadka dhaqaale ee ku salaysan
xalaasha iyo kan xaaraanta ah.”
Bashiir C/samad Xareed
Qoraaga: Maaraynta Sakada
SIMAD UNIVERSITY,
Mogadishu
www.buuh.net 8
Buuggaan oo ah buugii 3aad ee uu allifo Saciid Cali Shire, waxaa ku
dheehan aqoon qoto dheer oo ruux walba oo muslim ah u baahan
yahay. Runtiina ahmiyad gaar ah waxaa siinaya buuggaan, tooshka
uu ku ifiyey mucaammalaadka maaliyadeed ee kala gaddisan iyo
xeeladaha waafaqsan shareecada Islaamka ee la adeegsan karo si
looga dheeraado ribada iyo wixii la halmaala
Runtii baahi weyn baa loo qabay buuggaan oo kale, waxaana oran
karaa Saciid Cali Shire wuxuu ku soo kordhiyey maktabadaha cilmiga
hanti ma guurta ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahda biyo sacabbadaadaa
looga dhergaa. Hadaba dur-duuro aqoontaas ku qoran
afkaaga hooyo kana soo dhirin-dhirtay maskax aqoon iyo khibrad u
leh jaanibkaas.
Buuggaan cusub, Bangiyada Islaamka, waa indhofur taabanaya
meelaha ugu muhiimsan ee ganacsiga. Saciid Cali Shire wuxuu inoo
daahfuray adeegyada ganacsiga xalaasha ah, tooshna inooku ifiyey
madmadowga ka imaan kara. Waa buug anfacaaya dhammaan dhinacyada
kala duwan ee dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed, ganacsi,
shaqsi, hey’ad iyo dawlad intaba”
Waxaa la oran karaa qoraaga Mr. Shire, wuxuu daahfur rasmi ah ku
sameeyay cilmi aad muhiim u ah oo in badan oo dadka Soomaaliyeed
ka mid ah ka qarsoonaa amaba qaar badan oo kamid ah
aysanba aaminsanayn in bangiyada Islaaamiga ahi aysan xaqiiqo u
jirin amaba ayasan waxba kaga duwanayan kuwa reer galbeedka,
asagoo waliba uga haqab tiray afkoodii hooyo oo beryahaan danbe
gabaabsi ugu jira in wax lagu qoro
Buugga ‘Bangiyada Islaamku’ waa buug anfici doona jiilasha hadda
jooga iyo kuwa mustaqbalka. Waa buug anfici doona dadka ku hawlan
in ay aqoontooda kor u qaadaan, kuwa ku fekeraya in ay furtaan
Bangiyo Islaami ah iyo kuwa ku fekeraya in ay ka shaqeeyaanba”
Saciid Xaashi Warsame,
MAAT, PGD, MA
Xeeldheere cilmiga Bangiyada
Islaamka
Sh. Dayib Cali Maxamed
Guddoomiye ku xigeenka
Jaamicadda Bariga Afrika,
Cabdiraasbiid Maxamed
Cabdi,
IBA, MOD, MBA.MD,
Cafa Trading Co. Ltd
1 www.buuh.net
uuggan, oo ah buuggii
ugu horreeyey ee ka hadla
bilaabista, badbaadinta iyo
kobcinta ganacsiga, ku qoran
af-soomaali, una qoran qaab
akadeemig ah, cutubyadiisa iyo
qaabka uu u qoran yahay labadaba
waxa saldhig u ahaa saddex
arrimood: (1) cashar diyaarin
la xiriirta maaddada antrabranoornimada
iyo ganacsiga yaryar
(entrepreneurship and small
business) oo aan ka dhigi jirey
macaahid sare oo ku yaala Boqortooyada
Ingiriiska (UK) sannadihii
2001-2005; (2) daraasado
aan ku sameeyey ganacsiga
iyo ganacsatada Soomaalida
sannadihii u dhexeeyey 2001-
2008; iyo (3) waaya’aragnimo
gaammurtay oo la xiriirta la
talinta sharikaadka yar-yar iyo
kuwa dhexe oo aan ka shaqaynayey
intii ka dambaysay 1996-
dii.
Buuggan, waxaa sidoo
kale saldhig u ah, daraasad socotay
muddo labo sano ah oo
koobtay: xaaladda uu qofka
Soomaaliga ahi ku sugan yahay
inta uusan bilaabin ganacsiga;
noocyada ganacsiga ee
Soomaalidu xushaan iyo asbaabaha
ay ku xushaan; qaabka ay
fikradda ku helaan, qaabka ay u
horummariyaan iyo qaabka ay
u qiimeeyaan; asbaabaha keena
in ganacsiyada Soomaalida qaar
kobcaan, qaarna dhintaan; duruufaha
maammul iyo hoggaamin
ee soo wajaha sharikaadka
Soomalida; qaabka suuqgeynta
iyo xisaabaadka maaliyadda ay
u sameeyaan; iyo qaabka ay u
fahmaan isagana caabiyaan tartanka.
Guud ahaan saddex qaybdood
ayuu buuggu ka kooban yahay.
Qaybta 1aad, fahanka ganacsga
Buugga ‘Furaha
Ganacsigu’ waa
buuggii u horreeyey
ee ka hadla
bilaabista, badbaadinta
iyo kobcinta
ganacsiga; ku
qoran af-Soomaali;
una qoran qaab
cilmiyaysan.
B
www.buuh.net 2
yar-yar iyo antrabranoornimada
oo ka kooban afar cutub, waxay
qaadaa dhigaysaa qaabka
sharikaadku u samaysmaan iyo
dabeecadaha dadka bilaaba
sharikaadkaas.
Qaybta labaad oo ka hadlaysa
bilaabista, horummarinta, kobcinta
iyo fashilka ganacsigu,
waxay marka hore wax ka iftiiminaysaa
qaababka loo helo
fikradaha ganacsiga (qaababka
loo dhaliyo fikradaha, qaabka
fikradda loogu beddelo fursad
iyo qaabka loo miisaamo fursadda).
Waxay marka xiga wax ka taabanaysaa
qaabka loo sameeyo
qorshe ganacsi. Waxa kale oo
qaybtaasi dulmar kooban ku
samaynaysaa sida loo bilaabo
shirkadda. Labada cutub ee ugu
danbeeya qaybtani waxay faahfaahin
ka bixinayaan koboca iyo
fashilka sharikaadka yar-yar.
Qaybta saddexaad, oo daawo
u raadinaysa waxyaabaha sharikaadka
Soomaalidu ku liitaan,
waxay ka kooban tahay lix cutub:
tartanka, suuqgeynta, istaraatiijiyadda,
maaliyadda xisaabaadka,
moodeelka iyo anshaxa
ganacsiga.
Meesha cutubka tar-tanku ka
warramayo sida loo fahmo tartanka
iyo sida loo ilaashado suuqa;
cutubka suuqgeyntu wuxuu
soo bandhigayaa qaababka
loo goboleeyo suuqa, loo xusho
gobol ka mid ah, looguna mitido
gobolkaas la xushay. Wuxuu
sidoo kale wax yar ka taabanayaa
sida loo sameeyo suuq baaris
(market research). Cutubka
maaliyadda xisaabaadku wuxuu
ka waramayaa sida loo helo
maalgelin xalaal ah iyo sida loo
maareeyo maalgelintaas.
Cutubka istaraatiijiyaduna, wuxuu
guudmar ku samaynayaa
sida loo sameeyo istaraatiijiyad
shirkadda gaarsiin karta koboc.
Buuggan, oo ujeeddadiisa ugu
weyni la xirriirto, sare u qaadista
tirada iyo tayada ganacsiga
iyo ganacsatada Soomaalida,
laba kooxood ayaa si gooni ah
niyadda loogu hayey markii
la qorayey: (1) dadka ku talo
jira in ay yagleelaan ganacsi
gaarsiin kara himilooyinkooda
- himilooyinkaasi ha noqdeen
maalqabeennimo ama in ay
magac ku dhex yeeshaan mujtamaca;
iyo (2) dadka ku dhex
jira ganacsiga, laakiin, jecel in
ay wax ka beddelaan jihada ay
u socdaan iyo xawliga ay ku soconayaan
labadaba.
Maaddaama buuggu u qoran
yahay qaab akadeemig ah,
waxaa loo isticmaali karaa koorsooyinka
‘entrepreneurship and
small business management’ ee
sannadaha 2aad ama 3aad ee
jaamacadaha dalka. Waxaa sidoo
kale buugga wehel iyo saaxiib
ka dhigan kara siyaasiyiinta
iyo aqoonyahannada ku hawlan
sidii sare loogu qaadi lahaa
tirada iyo tayadda ganacsiga
Soomaalida.
Maxaa ku cusub daabacaadda
2aad
Mahad Eebbe, daabacaaddii
1aad ee buuggu: waxay gaartay
ganacsato, aqoon yahanno iyo
dadweyne fara badan oo ku kala
nool daafaha caalamka; waxaa
muqarrar ahaan looga isticmaalay
xarumo cilmi iyo aqoon oo
ku yaalla dhammaan dhulka
looga hadlo luuqadda Soomaaliga;
waxaa shaqaalohooda u
gaday sharikaad fara badan;
waxaa isticmaalay siyaasiyiin iyo
mas’uuliyiin fara badan. Daabacaadda
labaad, waxay iyadoo
ka faa’iidaysanaysa soo jeedintii
akhristayaashaas buugga ku soo
kordhisay saddex waxyaabood:
cutubyo cusub oo loo arkay in
ay muhiim yihiin; bayaamin iyo
tafatirid aragtiyaha iyo mawaadiicda
qaarkood; dib u eegis
dhanka luuqadda iyo cusboonaysiin
xogaha qaarkood.
Dhanka cutubyada, waxaan ku
soo kordhinay saddex cutub:
dowrka dowladda ee ganacsiga;
anshaxa ganacsiga iyo
moodeelka ganacsiga. Dhanka
bayaaminta iyo tafatirista,
waxaan dib u qurxin iyo dib u
qaabayn buuxda ku samaynay
dhammaan buugga. Dhanka
hagaajinta qaab qoraalka iyo
cusboonaysiintana, waxaan dib
u eegis buuxda ku samaynay isbeddellada
xogaha iyo hab dhigaalka
buugga.
Buuggaan oo ku salysan cilmibaaris socotay muddo dheer,
aqoon iyo waaya’aragnimo waa buug heer kasta oo aad
kaga jirtid ganacsiga kugu kordhinaya aqoon, ganacsigaagana
ka dhigaya mid ka dhex muuqda sayladda.” “
FU RAH A G ANACSI GA
3 www.buuh.net
003-dii ayaa shirkadda
Apple waxay soo saartay
‘iPod’ (aalad yar oo lagu
duubto laguna dhegaysto heesaha).
Isla xilligaas, waxay kaloo
soo bandhigtay adeeg ay u bixisay
‘iTunes’ oo ahaa bakhaaro
internet-ka yaalla oo heesaha
lagu kaydiyo lagagana duubto
iPodka. Apple, ku talaggal iyo
ku taloggal la’aan mid ay noqotaba,
muddo yar gudohood, labadii
aaladood ee cusbaa, iPod
iyo iTunes, waxay abuureen saylad
cusub oo muuqaal ahaan iyo
magac ahaanba wax weyn ka
beddeley shirkaddii Apple. Labadii
adeeg ee cusbaa waxay dhinac
ka noqdeen meesha dakhliga
ugu badani ka soo galo shirkadda,
dhinacna waxay sare u qaadeen
qiimihii suuqa ee shirkadda
(market capitalization). Dhinaca
dakhliga, labadaas adeeg waxay
Apple sannadkii soo gelinayeen
lacag sare u dhaafaysa $10 bilyan,
dhinaca qiimahana, meesha qiimaha
shiraddu 2003-dii uu ahaa
$1 bilyan, 2007-dii wuxuu madaxa
la sii dhaafayey $150 bilyan.
Shan sano ka gadaal, Apple,
waxay iyadoo isticmaalaysa isla
beegaalkii 2003-dii, mar labaad,
soo bandhigtay laba aaladood
oo cusub, iPhone iyo Appstores.
2012-dii oo kaliya, waxay gadeen
wax ka badan 100 milyan oo
iPhone ah, iibookoodu wuxuu
sare u dhaafayey $170 bilyan,
qiimaha sayladda ee shirkadduna
wuxuu madaxa la galay $700
bilyan.
Nasiib wanaag iyo nasiibdarro
midkii la yiraahdaba, Apple, ma
ahayn shirkaddii u horraysay oo
soo bandhigta tiknoolojiyadaas
cusub. Apple horteed waxaa jirey
laba shirkadood oo midna soo
bandhigtay aaladdaas 1998-dii
midna soo bandhigtay sanadkii
2000. Meesha, Apple ay tiknoolojiyadaas
cusub dhaqaale
iyo sumcad u soo kordhiyeen,
labadaas shirkadood, in asktoo
tiknoolojiyo ahaan aysan
ka dhicin midda Apple, haddana,
midkoodna dhaqaale iyo
sumcad kama kororsan. Waxa
tiknoolojiyada Apple ka dhigay
xiddig iftiinkeeda la higsado,
kuwii sharikaadka kalena, faa’iido
iyo sumcad laga helo iska daaye,
magacooda loo maqli waayey
ayaa ka mid noqotay mawaadiicda
ugu badan ee 20-kii sano
ee la soo dhaafay lagaga doodo
fagaarayaasha lagu barto ganacsiga.
Apple hal wax ayay dheerayd
shirkadahaas - waxay isticmaashay
moodeel ganacsi oo
wax weyn, oo la taaban karo,
ka beddelay hab-ganascisgii
muusikada iyo heesaha. Apple
waxay gadaal-gadaal u akhriday
moodeelkii ganacsiga ee Gillette.
Gillett-na waa shirkad soo
saarta sakiimaha garka la isaga
xiiro iyo mashiinno yar-yar oo la
geliyo sakiimahaas. Si Gillett ay
macaammiil joogto ah u hesho
waxay lacag la’aan ama qiime
aad u jaban dadka ku siiyeen
mashiinkii. Qofkuna, si uu u isticmaalo
mashiinka waxa khasab ku
noqotay in uu iibsado sakiimo.
Sakiimaha kaliya ee mashiinkaas
geli karaana waa sakiimaha ay
Modeelka Ganacsiga:
Aqoon dad badan ka daahan
2
www.buuh.net 4
soo saarto Gillette. Maxay sameeyeen
Apple? Apple waxay
aad u raqiisiyeen sicirkii heesaha
(sakiimihii, haddaan isticmaalno
tusaalaha Gillette) ka dibna dadkii
ayay sicir sare kaga iibiyeen
iPod-kii (mashiinkii la gelinayey
sakiimaha). Moodeelkaas cusub
ayaa loo tiiriyaa in uu Apple
dhaxalsiiyey in ay noqoto horyaalka
sharikaadka ilaa ay gaartay
heer ay noqoto shirkadda ugu
qaalisan, marka la fiiriyo qiimeheeda
sayladda; shirkadda ugu
ikhtiraac fiican, marka la fiiriyo
tirada ikhtiraacaadka ah ee ay
soo bandhigtay; iyo shirkadda
ugu magac dheer adduunka,
marka la fiiriyo hadal haynteeda
warbaahinta.
Marka laga soo tago Apple
waxaa jira sharikaad badan
oo asbaabo la xiriira habisticmaalkooda
moodeelka
ganacsiga noqday horyaalka
sayladahooda. Tusaale ahaan
Wal Mart iyo Target labaduba
waa horyaalka sayladaha tafaariiqda,
waddammada qaarkoodna
waxayba kantaroolaan 75%.
Meesha sharikaadka diyaaradaha
ee tigidhadoodu raqiiska yihiin
aan la aqoon 20 sano ka hor,
maanta waddammada qaarkood
waxay kantaroolaan 60% sayladaha
duullimaadka diyaaradaha.
Skype, intii aysan Microsoft ku
gadan $8.5 bilyanna waxay soo
jiidatay 400 milyan oo macaamiil
ah. Meesha adeegyada Google
aan 10 sano ka hor cidna aqoon,
maanta waa shirkadda labaad
ee ugu weyn sharikaadka tiknoolojiyada
caalamka. Sheekadu
kuma koobna dhowrkaan tusaale
ee waxaaba jira xogo muujinaya
in 50% sharikaadkii la yagleelay
10-kii sano ee la soo dhaafay ee
ka mid noqday sharikaadka ugu
waaweyn caalamka ama Fortune
500 in ay heerkaas ku gaareen
hab-isticmaalkooda moodeelka
ganacsiga.
In kastoo, daraasad ay dhowaan
soo bandhgtey ‘Economic
Intelligence Unit’ ay muujisay in
moodeelka ganacsigu ka mid
yahay waxyaabaha sharikaadka
u horseeda koboc iyo faa’iido,
haddana, sidaas oo ay tahay,
moodeelka ganacsigu waxaa
lagu daraa waxyaabaha loogu
aqoonta yar yahay, loogu fahanka
yar yahay, looguna isticmaalka
yar yahay.
Waa maxah moodeelka
ganacsigu?
Moodeelka ganacsigu waa laba
weedhood oo la isu geeyey:
moodeel iyo ganacsi. Ganaciga
garanay, ee waa maxay
moodeel? Moodeel luqad ahaan,
waa shay wax lagu suureeyo ama
wax ka samaysan metelaad shay
oo inta badan ka muuqaal yar
shayga lagu suureeyey. Tusaale
ahaan, arkitektiyadu (injineerada
dhismayaasha naqshadeeya) inta
aan guriga la dhisin waxay soo
bandhigaan gurigii oo moodeel
ah; dadka wax naqshadeeya inta
aysan badeecad cusub samayn
waxa ay soo bandhigaan badeecaddii
oo naqshadaysan.
Moodeelka ganacsigu waa
muuqaal sharaxaad buuxda,
oo caqli gal ah, ka bixiya: sida
shirkadi u abuuri doonto adeeg/
badeecad; u gaarsiin doonto
macaamiisheeda; ugana samayn
doonto faa’iido. Moodeelka
ganacsigu wuxuu ka jawaabaa
su’aalihii faca weynaa ee Peter
Drucker: waa kuwama macaamiisheennu?
Maxayse qiimeeyaan?
Moodeelka ganacsigu wuxuu
sidoo kale ka jawaabaa su’aalo
badan oo aasaasi ah oo khasab
ku ah in shirkad kasta is waydiiso:
sidee lacag uga samaynaynaa
ganacsigaan?
Maxad ka kororsan doontaa
cutubkaan?
Cutubkan, oo ka mid ah cutubyada
ku cusub buugga Furaha
Ganacsiga, wuxuu: marka hore
muuqaal kaa siinayaa moodeellada
loogu isticmaalka badan
yahay. iyo waaxyaha moodeelladaasi
ka kooban yihiin; wuxuu
marka xiga si tallaabo-tallaabo
ah kuu tusayaa sidaaad u samayn
lahayd moodeel ganacsi
oo shirkaddaada gaarsiiya himilooyin
aadan hore ugu hammin.
AKHRI OO ISTICMAAL.....
Ka dalbo :
t. 44 (0) 7838236171
w. www.buuh.net
Moodeelka ganacsigu waa muuqaal sharaxaad buuxda, oo
caqli gal ah, ka bixiya: sida shirkadi u abuuri doonto adeeg/
badeecad; u gaarsiin doonto macaamiisheeda; ugana samayn
doonto faa’iido. “
FU RAH A G ANACSI GA
5 www.buuh.net
Weedha, ‘anshax’, marka dadka
badidiisu maqlaan waxa maskaxdooda
ku soo dhaca: dhaqanwanaag,
hufnaan, toosnaan,
dhowrsoonaan, sarriigasho, han,
xishood, xumo ka caagid iyo
kelmado la mid ah. Qaar kale,
anshaxa waxay la xiriiriyaan waxa
garashadoodu u garawsato in
uu sax yahay. Qaar kale, anshaxa
waxay u arkaan wixii bulshadu
qummanaan u aragto. Qaar
kale, anshaxa waxay la xiriiriyaan
diinta. Qaar kalena, wixii waafaqsan
‘xeerka dahabka ah’.
Qaamuuska af-Soomaaliga ee
Yaasiin C. Keenadiid, anshaxa,
wuxuu ku macneeyaa “xeerarka
dhaqanwanaagga iyo bulshannimada”.
Qaamuuska af-Ingiriiska
ee Oxford-na mar wuxuu ku
macneeyaa “qawaacidda haga
hab-dhaqanka qof ama koox”,
marna “cilmiga lagu derso damiirka”.
Damiirkuna, waa xeerka
nagi ee qof ama kooxi ku kala
saarto khaladka iyo saxa ama
waxa xun iyo waxa fiican. Xeerarkaas
negina, in kastoo ay is
bed-beddelaan, qofkana ka soo
galaan albaabbo badan, haddana,
waxay qofka laabtiisa ku
guntamaan inta uu yar yahay.
Xuseen (1997) anshaxa wuxuu ku
qeexaa ‘xeerarka asluubta toosan
ee xukuma qofka iyo camalkiisa’.
Velesques (2002) anshaxa wuxuu
ku qeexaa “cilmiga lagu derso
damiirka dadka ama bulshada”.
Marquaes (2012) anshaxa waxay
ku qeexdaa “xeerarka haga
hab dhaqanka qof iyo bulsho”.
Markaad qeexidahaas isu keentid
waxaad arkaysaa in: anshaxu
yahay cilmi la barto; uu leeyahay
xeerar iyo qawaacid haga; uu
leeyahay mastarado lagu cabbiro;
uu yahay wax, sida iimaanka,
korna u kici kara hoosna u dhici
kara.
Anshaxa ganacsiguna waa laan
ka mid ah laamaha anshaxa oo
lagu derso xeerarka negi ee
dhaqanwanaagga iyo bulshannimada
iyo saamaynta xeerarkaasi
ku leeyihiin wax kasta oo xiriir la
leh ganacsiga. Anshaxa ganacsigu
wuxuu, sidoo kale, muujiyaa
hab-dhaqanka iyo heemaalka
gundhiga u ah go’aammada
ganacsatada. Inta badanna, sida
laga fahmayo oraahdii Einstein
ee micneheedu ahaa “nisbiyada
waxaa loo adeegsadaa Fisigiska
ee looma adeegsado anshaxa”,
anshaxa waxaa saldhig u ah hal
wax: in wax kasta oo la qabanayo
lagu saleeyo xeerarka negi ee
damiirka. Xeerarkaasna waxaa
saldhig u ah, oo qayb ahaan, ay
ku xiran yihiin anshaxa iyo damirka
ganacsadaha.
Ganacsatada, sida dayaxu uga
dhex muuqdo xiddigaha, uga
dhex muuqda sayladda ganacsiguna,
sida daraasado badani
muujiyaan, waa ganacsato leh
aasaas ma guuraan ah oo ku
salaysan xeerarkaas negi. Ganacsatadaasi
wax kasta oo ay
qabanayaan waxa ugu horreeya
oo ay ka fiiriyaan waa jaanibka
anshaxa.
Haddaan si kale u qoro, meesha
ganacsatada kale, himiladoodu,
si lagu hantaba ku kooban tahay
in faa’iido la helo, ganacsatada
anshaxa leh, himiladoodu waa in
faa’iido la helo iyadoo aan laga
gudbayn xudduudaha sugan ee
anshaxa, ama haddaan isticmaalno
oraahdii Chilon, filosoofkii
Giriigga ahaa ee noolaa 560
dhalashadii Nebi Ciise (cs) ka hor,
“meeshii khiyaamo lagu hodmi
lahaa in la khasaaraa ka roon”.
Marka la dersayo anshaxa ga-
“A merchant does better to take a loss than to make a dishonest profit”
Chilon. Greek Philosopher, 560 B.C.
ANSHAXA
GANACSIGA
www.buuh.net 6
nacsiga, saddex wax ayaa la
fiiriyaa: nidaamka, shirkadda iyo
shakhsiyaadka. Nidaamku, waa
wax ka baxsan shirkadda laakiin
saamayn mug weyn ku leh habdhaqanka
shirkadda, wuxuuna la
xiriiraa dhaqaalaha, siyaasadda,
xeerarka iyo nidaamyada bulsho
ee saamaynta ku leh ganacsiga.
Marka la fiirinayo shirkadda,
waxaa toosh lagu ifiyaa hawlaha
shirkaddu qabto, siday u
qabto, siyaasadaha haga, hab
dhismeedka, iwm. Marka laga
hadlayo shkhsiyaadkana waxaa la
fiiriyaa habdhaqanka shaqaalaha
iyo toosnaanta go’aammada ay
gaaraan, iwm. In kastoo saddexdaas
walxood mid walba goonidiisa
loo fiiriyo, haddana, xiriir
xooggan ayaa ka dhexeeya.
Tusaale ahaan, nidaamka dawliga
ahi saamyn weyn ayuu ku leeyahay
hab-dhaqanka shirkadaha
iyo shakhsiyaadka labadaba.
Sidoo kale, qorshaha, xeerarka
haga, hab-dhismeedka iyo hannaanka
maammul ee shirkaddu
saamayn weyn ayuu ku leeyahay
hab-dhaqanka shakhsiyaadka.
Dhinaca kalena, waxaa la oran
karaa, maaddaama bulshadu
ka kooban tahay dad isu tegey,
haddii, anshaxa dadkaasi hagaago,
waxaa hagaagaya anshaxa
hey’adaha iyo sharikaadka ay
dadkaasi yagleelaan ama ka
shaqeeyaan. Marka sharikaadku
noqdaan kuwo nidaamkooda
maamul iyo hoggaaminna salka
ku hayo anshaxna waxaa dhisma
nidaam dawli ah oo hagaagsan.
Dhinac kasta oo laga bilaabo, i.e.
kor ama hoos, waxaa maanta la
isku raacsan yahay in ummaddii
aan lahayn xeerar negi iyo xudduudo
anshax oo aan la tallaabi
karin nidaamkooda dawliga ahi
noqdo mid ku salaysan laaluush,
musuqmaasuq iyo isdabammarin;
hab-dhaqanka sharikaadkoodu
wuxuu noqdaa kuwo aan
u nixin dad iyo bey’ad toonna
ee ka fekera jeebkooda; shakhsiyaadkuna
waxay noqdaan kuwo
sidii duurjoogtii siday u kala xoog
badan yihiin isu ugaarsada.
Maxaad ku baran doontaa
cutubka Anshaxa Ganacsiga?
Cutubkani, in kastoo uu marka
hore dhinacyo badan nalal
kaga shidayaa weedha anshaxa,
haddana, nalka ugu iftiinka weyn
wuxuu kaga shidayaa dhinaca
Islaamka. Wuxuu qaadaa
dhigayaa ahmiyadda Islaamku
siiyey guud ahaan anshaxa, gaar
ahaan anshaxa ganacsiga iyo
martabadda la gaarsiiyey ganacsadaha
anshaxa fiican. Wuxuu sidoo
kale cutubkaani ka hadlayaa
asbaabaha keena in anshaxa
ganacsatadu, marmar, xumaado
iyo sida loo dawayn karo.
Maaddaama ay jiraan sharikaad
markii la yagleelayey aan anshaxa
siin ahmiyadda uu lahaa,
wuxuu sidoo kale cutubkaani
muuqaal fiican kaa siinayaa
sidaad ganacsigaaga uga dhigi
lahayd mid anshax ku salaysan
ama sidaad u Islaamayn lahayd
(Islamization of business).
Waxaa maanta la isku raacsan yahay in ummaddii aan
lahayn xeerar negi iyo xudduudo anshax oo aan la tallaabi
karin nidaamkooda dawliga ahi noqdo mid ku salaysan
laaluush, musuqmaasuq iyo isdabammarin. “
FU RAH A G ANACSI GA
• Si cilmiyaysan kuu fahansiinaya
sida loo helo fikrad ganacsi, sida
loo horummariyo iyo sida loogu
beddelo ganacsi shaqaynaya;
• Si fiican kaaga haqab tiraya
sidaad ku xulan lahayd ganacsi
samayn kara koboc iyo faa’iido
fiican, iskana caabbin kara tartanka;
• Tallaabo-tallaabo kuu tusaya
sidaad u samayn lahayd moodeel
ganacsi, qorshe ganacsi,
qorshe suuqgeyn, qorshe maaliyadeed
iyo mid istaraatiiji ah;
• Daawo u raadinaya waxyaabaha
ganacsatada Soomaalidu ku
liitaan sida: istaraatiijiyada,
tartanka, maaliyadda iyo suuqgeynta.
Buugga Furaha
Ganacsigu waa buug:
7 www.buuh.net
n kastoo, ganacsatadu yihiin
dadka qaata go’aanka
yagleelidda, kobcinta ama
soo af-meerista ganacsiyada,
haddana, siyaasadaha dawladdu
saamayn wayn ayay ku yeeshaan
dhalashada, koboca iyo fashilka
ku yimaada ganacsiyada yaryar
intaba. Meesha siyaasadaha
qaarkood dhiirrigeliyaan ganacsiga
iyo ganacsatada, kuwo kale
way dabraan ama niyad jab ayay
ku ridaan qof kasta oo ama ku
hamminayey ama ku dhex jirey
ganacsiga. Sidaas aawadeed,
waxaad arkaysaa in dawladaha
oo dhammi leeyihiin siyaasad
qeexan oo ku wajahan sidii ay
sare ugu qaadi lahaayeen tirada
iyo tayada ganacsiyada yar-yar.
Ujeeddada ugu weyn ee ka
dambaysa siyaasaddaasina waa
sidii waddan walba u noqon
lahaa meesha ugu fiican ee laga
yagleelo ganacsi. Si loo gaaro
himiladaasna waxaa muhiim ah
in dawladuhu soo bandhigaaan
siyaasad garab iyo gaashaan u
noqota ganacsiga iyo ganacsatada
oo aysan soo bandhigin
siyaasad niyad jab ku noqota
ganacsatada.
Meesha dhaqaalayahannada
qaarkood, siiba kuwa u dooda
suuqa xorta ah, ay ku doodaan
in dawladdu aysan wax faragelin
ah ku samayn ganacsiyada yaryar,
qaar kale waxay arkaan in
dawladda ay mas’uuliyad adagi
ka saaran tahay ganacsiyada yaryar.
Meesha kooxda hore aamminsantahay
in suuqu noqodo
meesha kala saarta ganacsiga
iyo ganacsatada, kooxda dambe
waxay ku dooddaa in siyaasadda
dawladdu saamayn weyn
ku yeelan karto caafimaadka
iyo waxtarnimada sharikaadka
yar-yar. Saddexda asbaabood oo
dawladda khasab kaga dhigaysa
in ay la timaado siyaasado saalix
u ah ganacsiga iyo ganacsatada,
kooxdaasina ku doodaan waxay
kala yihiin:
Dawladdu waxay dejisaa
xeerarka:
Xeerarka iyo shuruucda dawladdu
dejiso ayaa qeexa nidaamka
ganacsi ee waddan, muuqaalka
sharikaadka, xudduudaha ganacsiga
iyo ganacsatada, hab
socodka hawlaha goobaha
ganacsiga, iwm. Sidoo kale,
dawladdu waxay dejisaa xeerarka
xaddida: xuquuqda shaqaalaha
iyo goobaha shaqada, xuquuqda
macaamiisha, xuquuqda
dhismayaasha iyo bay’adda,
waxyaabaha ka hor imaanaya
caafimaadka, waxyaabaha khatar
gelinaya nolosha mujtamaca,
ruqso siinta, iwm. Maaddaama
xeerarkaasi xakamayn karaan
ama dar-dar gelin karaan yagleelidda
iyo koboca sharikaadka
yar-yar, siiba waqtiyada hoos-udhaca-
dhaqaale, waxaa muhiim
ah in dawladuhu si feejignaan
leh dib ugu fiiriyaan xeerarkooda
iyo shuruucdooda ganacsiga.
Sida ay daraasado badani muujiyaan,
fiiri Bangiga Adduunka
(2011), tirada, tayada iyo noocyada
sharikaad ee ka abbuurma
waddan, qayb ahaan, waxay
ku xiran yihiin darbiyada (xeerarka)
dawladahaasi hor dhigaan
shacabkooda. Dawladdii xeerar
adag hor dhigta shacabkeeda,
waxa yaraada sharikaadka ka
dhex abuurma. Dawladdiise
DOWRKA Dowladda iyo
Ganacsiga Yar -yar
I
1
www.buuh.net 8
fududaysa xeerarkaas waxa bata
sharikaadka cusub ee la yagleelayo.
Tusaale ahaan, meesha qofkii
raba in uu shirkad cusub ka
abuuro waddanka Yugaandha uu
hortegayo 45 hay’adood, buuxinayo
65 xeer oo kala duwan,
uuna la xiriirayo 254 waaxood oo
kala duwan; Kenya ay qaadato
32 cisho in qofi shirkad cusub
diiwaangeliyo; Burundina ay
qaadato 2 bilood in qofku beddelo
magaca shirkaddiisa; Ruwaanda
qofkii raba in uu shirkad
cusub yagleelo waxa uu tegayaa
laba xafiis oo kaliya, waxayna
ku qaadataa laba maalmood.
Isbeddellada muga weyn ee
Ruwaanda ku samaysay xeerarkeeda
ganacsiga yar-yar waxay
Ruwaanda dhaxalsiisay in ay ka
mid noqoto waddammada ugu
fiican ee ganacsi laga yagleeli
karo Africa. Tusaale ahaan, 2010-
kii oo kaliya Ruwaanda waxay
soo jiidatay maalgelimmo sare u
dhaafaya USD 1.1 bilyan .
Dhinaca Soomaaliya, daraasad
dhowaan lagu sameeyey
Hargeysa ayaa muujisay in qofka
shirkad cusub oo xudduud leh
(LTD) diiwaangelinayaa in uu la
kulmo shan hey’adood, buuxiyo
11 xeer, ku qaadato 29 maalmood,
uguna kacdo kharashka
ugu badan caalamka. Waqtiga
dheer ee ay qaadato, kharashka
sare iyo tirada xeerarka la buuxinayo
waxay Hargeysa ka dhigtay
meelaha ganacsiyada ugu yar
laga diiwaangeliyo adduunka.
Marka la fiiriyo tirada sharikaadka
diiwaangashan, 1000-kii qofba
waxa ku soo aadaya 0.4 ganacsi,
meesha Afrika inteeda kale tiradaasi
celcelis ahaan tahay 1.2
ganacsi 1000-kii qofba.
Arrinta kore, i.e. in isbeddel la
taaban karo ku imaanayo tirada
iyo tayada sharikaadka laga
yagleelayo waddan haddii isbeddel
lagu sameeyo xeerarka iyo
shuruucda ganacsiga iyo sharikaadka
ma aha arrimo ku kooban
Afrika oo kaliya. Sida uu soo
guuriyo ‘Doing Business 2012’,
waxaad arkaysaa: in isbeddel yar
oo nidaamka diiwaangelinta ah
oo Dawladaha Hoose ee Mexico
sameeyeen uu sare u qaaday 5%
shirkadaha laga diiwaangelinayo
waddankaas; in isbeddel yar
oo Hindiya ku samaysay xeerkii
‘License Raj’, xeerka diiwaangelinta,
ay sharikaadka cusub ee
samaysmaya sare u kaceen 6%;
in asbaabo la xiriira hey’adaha
maammula diiwaangelinta, oggolaansho
siinta iyo kormeerka
sharikaadka oo hal meel la isugu
keenay (one-stop-shop) ay sharikaadka
cusub ee samaysmaya
waddanka Colombia sare u
kaceen 5.2%, meesha waddanka
Bortuqaalna ay sare u kaceen
17%.
Dawladda oo soo bandhigta
xeerar u debecsan yagleelidda
iyo koboca sharikaadka yar-yari
sare uma qaado tirada sharikaadka
oo keliya ee waxay sidoo
kale wax weyn ka beddeshaa
muuqaalka mustaqbal iyo heerka
horumar ee dawladaha. Tusaale
ahaan, waddanka Singabore oo
10-kii sano ee la soo dhaafay,
asbaabo la xiriira isbeddello
waaweyn oo dawladdu ku samaysay
xeererka sharikaadka,
ahaa waddanka ugu fiican adduunka
ee laga bilaabo ganacsi
cusub, maanta waa hormuudka
caalamka dhinaca horumarka iyo
tiknoolojiyada. Meesha dakhliga
soo gala qofkii uu 1965-tii ahaa
$500, 2012-kii wuxuu madaxa la
dhaafayey $56,500. Sidoo kale,
isbeddello waddanka Vietnam uu
ku sameeyey xeerarka sharikaadka
yar-yar 2003-dii, sharikaadka
yaryari waxay abuureen wax ka
badan 10 milyan oo shaqo.
Dawladdu waxay mas’uul ka
tahay dhaqaalaha:
Dhaqaaluhu waa laf-dhabarta
jiritaanka ummadaha, aasaaska
dawladnimo iyo iftiinka nolosha.
Dawladdu dhaqaalaha waxay
ka ururisaa shacabka, waxayna
dib ugu celisaa shacabka. Sidaas
aawadeed, siyaasadda canshuuraha,
lacagta, daymaha iyo
maalgelimahu waxay saamayn
ku yeeshaan go’aanka yagleelidda
ganacsiyo cusub. Tusaale
ahaan, canshuuraha oo si aad ah
sare loogu qaado waxay niyad
jab ku keenaan dadka jecel in
ay yagleelaan ganacsi cusub.
Meesha, waddammada faqriga ah, sharikaadka yar-yari
yihiin aaladda ugu muhiimsan ee lagula dagaallamo faqriga
iyo dib-u-dhaca, waddammada koboca dhaqaale samaynaya
(emerging economies), sharikaadka yar-yari waa
mashiinka horummarka iyo casriyaynta. “
2
FU RAH A G ANACSI GA
9 www.buuh.net
Sidoo kale, helitaanka lacagaha
deymaha ah oo ciriiri gala ama
kharashaadka deymaha oo sare
u kaca waxay cabsi ku furaan
dadka niyadda ku haya in ay
yagleelaan shirkad cusub.
Maaddaama sharikaadka yar-yari
qayb weyn ka qaataan dhaqaalaha
iyo horummarka, sida shaqoabuurista,
ikhtiraaca iyo koboca
dhaqaale, waxay qayb weyn ka
yihiin nidaamka dhaqaale ee
dawladda. Arrimahaasi, sida middii
hore waxay waajib dawladda
kaga dhigaysaa soo bandhigista
siyaasad dhiirrigelin iyo niyad
dhis u samaysa ganacsatada iyo
ganacsiyada yar-yar.
Dawladda iyo qorshaha
mustaqbalka:
Dawladuhu waxay dejiyaan
qorshayaal saamayn weyn ku
yeesha bilaabista iyo kobcinta
ganacsiyada. Qorshayaashaasi
waxay noqon karaan kuwo
heer waddan, heer gobol ama
heer degaan. Waxay noqon
karaan kuwo la xiriira muuqaalka
dhaqaale iyo horumar ee degaan.
Waxay sidoo kale noqon
karaan kuwo istaraatiiji ah. Mid
ay noqotaba, qorshayaashaasi
saamayn weyn ayay ku yeeshaan
bilaabista iyo kobcinta ganacsiga.
Tusaale ahaan, dawladuhu, si ay
u hirgeliyaan qorshayaashooda
mustaqbalka waxay bixiyaan
qandaraasyo, deeqo, daymo,
macluumaad, iyo waxyaabo kale
oo dhammaantood saamayn
toos ah ku yeesha ganacsiyada
yar-yar. Dawladuhu waxay sidoo
kale mas’uul ka yihiin waxyaabo
kale oo saamayn toos ah iyo
mid aan toos ahaynba ku yeesha
ganacsiyada. Tusaale ahaan,
waxbarashada iyo xirfadaha;
cilmibaarista; suuqgeynta; iyo
heshiisyada caalamiga ah.
Sidoo kale, maaddaama dawladdu
mas’uul ka tahay dejinta
istaratiijiyada mustaqbalku,
waxaa dawladda waajib ku ah
in sharikaadka yar-yari ay qayb
weyn ka noqdaan istaraatiijiyadda
mustaqbalka ee dalka.
Tusaale ahaan, marka la dejinayo
istaraatiijiyadda ku aadan sidii
awoodda tartanka ee dalka sare
loogu qaadi lahaa ama loo soo
jiidan lahaa maalgelimo, waxaa
muhiim ah in istaraatiijiyaddaasi
il gaar ah ku eegto sidii ganacsiyada
yar-yari qayb uga noqon
lahaayeen istaraatiijiyaddaas.
Bennett (2006) wuxuu ku daraa
asbaab afraad oo khasab ka
dhigta in dawladdu gacan
hagar la’aaneed siiyaan ganacsiyada
yar-yar. Wuxuu yiraahdaa
waxa jira caqabado badan, oo
haddaan dawladdu faragelin ku
samayn, cimri deg-deg ku rida
sharikaadka yar-yar. Haddaan fiirino
asbaabtaan, waxaad arkaysaa
in sharikaadka yar-yari aysan
lahayn awood ay ku maalgeliyaan
ama ku hormariyaan wax
kasta oo qayb ka noqon kara
horummarkooda mustaqbalka.
Tusaale ahaan, sharikaadka yaryari
ma laha awood ay ku soo
saaraan xirfadlayaal dabooli kara
baahidooda; sida sharikaadka
waaweyn, ma laha awood, ay
ku shaqaaleeyaan dad khubaro
ah; mana awoodaan in ay soo
gataan dhammaan adeegyada
ay u baahan yihiin, sida la talinta
iyo macluumaadka. Maaddaama
awoodda sharikaadka yar-yari si
aad ah u xaddidan yihiin, waxaa
dawladda waajib ku ah in ay soo
bandhigaan siyaasado garab iyo
gaashaan u noqon kara ganacsatada
iyo ganacsiyada yar-yar
sida shuruucda oo qaar laga
fududeeyo, la talin iyo macluumaad
siin.
Maxaad ku baran doontaa
cutubka Dawladda iyo ganacsiga
yar-yar?
Cutubkaan, dawladda iyo ganacsiga
yar-yar, wuxuu marka hore
sharaxaad kooban ka bixinayaa
dowrka dowladda ee ganacsiga
yar-yar, wuxuu sidoo kale wax
ka tilmaamayaa sida dawladuhu
garab iyo gaashaan ugu noqon
karaan sharikaadka yaryar.
Waxaad si fiican u fahmi doontaa
sida dawladuhu u diyaariyaan
una hirgeliyaan siyaasadda
ganacsiga iyo sida loo hubiyo
in siyaasadahaasi horseedeen
himilooyinkii loo astay.
Ka dalbo:
t. 44 (0) 7838236171
Sharikaadka yar-yari ma laha awood ay ku soo saaraan xirfadlayaal
dabooli kara baahidooda; sida sharikaadka waaweyn,
ma laha awood, ay ku shaqaaleeyaan dad khubaro ah; mana
awoodaan in ay soo gataan dhammaan adeegyada ay u baahan
yihiin, sida la talinta iyo macluumaadka. “
3
FU RAH A G ANACSI GA
www.buuh.net 10
Waa hubaal haddii aad
akhridid, fahantid, ka dibna
hirgelisid fikradaha buuuggaani
xambaarsan yahay in
aad awood u yeelan doontid
in aad hesho fikrado ganacsi
oo taabbagal noqda.
Furaha Ganacsigu waa buug
ku salaysan cilmibaaris socotya
muddo dheer, aqoon
iyo waaya’aragnimo. Waa
buug heer kasta oo aad kaga
jirto ganasiga kugu kordhinaya
aqoon, ganacsigaagana
ka dhigaya mid ka dhex
muuqda sayladaha ganacsiga.
Dad ka yar 1% ayaa heli
kara fikrad ganacsi oo
taabbaggal noqota.
Ma ka mid tahay dadkaas yar?
t. 44 (0) 7838236171
w. www.buuh.net B
Publications
Ka dalbo:
1 www.buuh.net
eesha, waqti dhow ka
hor, sumcadda waddan
lagu lammaanayn jirey
tirada gantaalaha iyo madaxyada
nukliyeerka ah ee waddankaasi
haysto, sida laga fahmayo
oraahda Larry Summers,
madaxii Jaamacadda
Harvard, mustaqbalka
ummadeed, maanta,
waxaa lagu lammaaneeyaa
tirada iyo
tayada hoggaamiyayaasha
ummaddaasi soo saarto iyo
heerka hal-abuur iyo ikhtiraac
ee sharikaadkooda iyo aqoon
yahannadooda. Ummaddii soo
saarta hoggaamiyayaal iyo
kaadir tayo leh, saami fiican ayay
ku yeelan doontaa mustaqbalka,
ummaddii ku guul daraysatana
meel ugama bannaana adduunka,
mana eedayn doonaan
naftooda mooyee cid kale.
Oraahda Larry iyo kuwa la midka
ahi waxay keeneen in si weyn
loogu baraarugo ahmiyadda ay
leedahay iyo baahida loo qabo
fahanka hoggaaminta. Niyad jab
iyo kalsooni xumo lagala kulmay
hoggaamiyahaasha sharikaadka
waaweyn, hey’adaha dawliga ah
iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo
siyaasiyiinta, siiba xilligii jaahwareerka
dhaqaale ee adduunka,
ayaa sidoo kale saldhig u ahayd
in lagu baraarugo arrintaas.
“In this century,
nothing will matter more
than the education of future
leaders and the development of
new ideas”
Larry Summers,
President of Hardvard
University
M
www.buuh.net 2
Waxaaba la gaaray heer, sida uu
cabbiro Lee Iacoca, la is waydiiyo,
aaway hoggaamiyayaashii
dadka dhiirrigelin jirey, dhaqaajin
jirey, niyaddooda bili jirey, mujtamacana
ka dhigi jirey mid meel
fog higsanaya; aaway hoggaamiyayaashii
sharafta, qiyamka,
dadnimada iyo kartida ku astaysnaa;
aaway hoggaamiyayaashii
amalka shacabka noolayn jirey;
aaway hoggaamiyayaashii?
Aaway hoggaamiyayaashii?
Isaga gadaashiisna uu waayeel
93 jir ah oo muddo badan ku
soo dhex jirey siyaasadda Faransiiska,
Stephane Hessel, uu dhallinyarada
Faransiiska ugu baaqo
in ay hurdada ka kacaan oo ka
damqadaan jihada khaldan ee
guud ahaan caalamka, gaar
ahaan dalkooda loo hoggaaminayo
.
Inkastoo, adduunka oo dhammi
baahi weyn u qabo in ay
fahmaan hoggaaminta, haddana,
Soomaalidu, baahi ka badan
baahida ummadaha kale u
qabaan ayay u qabtaa. Waayo,
dhammaan dhibaatooyinkii soo
maray Soomaaliya 500 sano ee
la soo dhaafay waxay salka ku
hayeen hoggaan xumo. Tusaale
ahaan, Soo gelitaankii gumaysiga
iyo qayb‐qaybintii geyiga
Soomaalida labadaba waxaa
saldhig u ahaa hoos-u-dhac ku
yimid tayadii hoggaamiyayaashii
Soomaalida. Sidoo kale, faqriga,
gaajada, jahliga, inxiraafka caqiidada,
dagaallada micno‐darrada
ah, miyir‐gaddoonka mujtamaca,
xaalufinta degaammada,
qashinka lagu aasayo dhulka
Soomaalida, dhammaan waxaa
mas’uul ka ah dad aan u qalmin
hoggaamin ummadeed, dad
aan samayn karin hiraal qaran,
dad aan qiyam iyo sharaf midna
lahayn oo marooqsaday masiirkii
ummadda.
Hoos-u-dhaca tayada hoggaanka
siyaasadda ee Soomaalida
waxaa si fiican looga daalacan
karaa tirakoobyada iyo shaxaha
is bar-bar-dhigga caalamka ee ay
soo saaraan: hey’adda la dagaallanka
musuqmaasuqa, taxanaha
dawlad wanaagga iyo kan dawladaha
fashilmay. Meesha, liiska
musuqmaasuqa iyo taxanaha
dawladaha fashilmay, laga soo
bilaabo markii liiskaas iyo taxanahaas
la bilaabay, Soomaaliya ay
ahayd waddanka ugu horreeye,
liiska dawlad wanaagga waxay
ahayd waddanka ugu hooseeya.
Waxaa sidoo kale la yaab leh,
meesha waddammo badan
oo ay soo wajaheen duruufo
la mid ah kuwa soo wajahay
Soomaaliya, sida Libeeriya iyo
Ruwaanda, ay asbaabo la xiriira
hoggaan wanaagsan, isbeddello
la taaban karo ka sameeyeen
dhanka musuqmaasuqa iyo
dawlad wanaagga, maantana
yihiin bidhaan hummaagooda