ilays waa wargays madaxbanaan oo toddobaadkii … filearbaca 01 april 2009 caddadka 18aad,...

8
ARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO ILAYS INTERNET GSM SMS MASSAGE E-ADEEG OUR SERVICE OUR SERVICE EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2AAD Degmada Caluula, Baahida Wadada iyo Baahida Maamulku waa Isugu Mid…..!!! “Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Wada Qorshe lagu kicinayo Maamulada Degmooyinka Puntland” Ciiidamada Booliska , ayaa maalma- han caadaysatay in ay suxufiyiinta bulshada u adeega kula kacaan ha- gardaamooyin isugu jira xarig iyo cagajuglayn oo dhibaatooyin badani ka soo gaareen weriyayaasha lagula kaco falalka ka soo horjeeda xeerarka iyo shuruucda Puntland u yaala ee qeexaya xoriyatul qawlka iyo in sax- aafadu xortahay. Tacadiyada iyo xariga ciidamada Am- maanku caadaysteen ee ay kula ka- caan suxufiyiinta kala duwan ee dal- ka, waxa u dambeeyey iyada oo isniin 2 sanno xarig ah lagu xukumay weri- ye Jaamac Ayaanle Ismaaciil (Feyte) oo wararka ku faafin jiray Boga inter- netka ee Laasqory.net, halka muddo gaaban 26 bishii Marso, 2009, Bool- isku ay hayeen C/qani Xasan dhagjar oo u shaqeeya Wakaalada Wararka ee reuter iyo Horseedmedia inkastoo markii dambe la sii daayey. Waxaa iyaduna jirta, Cagajuglayn joogta ah oo ciidamada Ammaanku ay kula kacaan Weriyaasha howla- hooda gudanaya, waxaana suxu- fiyiinta mararka qaarkood loo diidaa in wararka dowlada faafiyaan Abwaan Hadraawi, mar wax laga waydiiyay suxufiyiinta Somalida wax- aa yiri“Raga saxaafaduna badi waa ragdhalinyaro ah oo wali ay u dhiman- tahay aqoon iyo waayo aragnimo iyo dadaaal aan dadaal kale ku tiirsanayn, waxaa haysata qorsho la’aan iyo qa- lab la’aan ,waxaa haysata fadqalalo iyo faramarnaan ,waxaa haysata caa- didis iyo caga juglayn kaga imanaysa dhinaca dawlada wali ma saldhigin umana saahidin xilka iyo masuuliyada hortaal ee ay kali ku yihiinHagar Daamada Lagu Hayo Suxufiyiinta FAROOLE :-MADAXDA CIIDAMADA AMNIGU WAA IN AY U HOGGAANSAMAAN AWAAMIIRTA DOWLADA “Caqabadahaas, raga howsha haya xagooda ayay ka socotaa, Hadde Badhi cunne soo bixi doone” Madaxweyne C/raxmaan Faroole AWEYS OO KA FAKADAY ERITERIA SHARIIF OO KU SOO HUNGOOBAY SHIRKII CARABTA FAQIDAADA CAYAARAHA EEG BOGGA 5AAD Kulankii ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Bosaso, Puntland EEG BOGGA 3AAD EEG BOGGA 4AAD

Upload: others

Post on 27-Oct-2019

0 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

ARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

Caddadka 18aad Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 , Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 ILAYS

INTERNETGSM

SMS MASSAGEE-ADEEG

OUR SERVICE OUR SERVICE

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 2AAD

Degmada Caluula, Baahida Wadada iyo Baahida Maamulku waa Isugu Mid…..!!!

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Wada Qorshe lagu kicinayo Maamulada Degmooyinka Puntland”

Ciiidamada Booliska , ayaa maalma-han caadaysatay in ay suxufiyiinta bulshada u adeega kula kacaan ha-gardaamooyin isugu jira xarig iyo cagajuglayn oo dhibaatooyin badani ka soo gaareen weriyayaasha lagula kaco falalka ka soo horjeeda xeerarka iyo shuruucda Puntland u yaala ee qeexaya xoriyatul qawlka iyo in sax-aafadu xortahay.

Tacadiyada iyo xariga ciidamada Am-maanku caadaysteen ee ay kula ka-caan suxufiyiinta kala duwan ee dal-ka, waxa u dambeeyey iyada oo isniin 2 sanno xarig ah lagu xukumay weri-ye Jaamac Ayaanle Ismaaciil (Feyte) oo wararka ku faafin jiray Boga inter-netka ee Laasqory.net, halka muddo gaaban 26 bishii Marso, 2009, Bool-isku ay hayeen C/qani Xasan dhagjar oo u shaqeeya Wakaalada Wararka ee reuter iyo Horseedmedia inkastoo markii dambe la sii daayey.

Waxaa iyaduna jirta, Cagajuglayn joogta ah oo ciidamada Ammaanku ay kula kacaan Weriyaasha howla-hooda gudanaya, waxaana suxu-fiyiinta mararka qaarkood loo diidaa in wararka dowlada faafiyaan

Abwaan Hadraawi, mar wax laga waydiiyay suxufiyiinta Somalida wax-aa yiri“Raga saxaafaduna badi waa ragdhalinyaro ah oo wali ay u dhiman-tahay aqoon iyo waayo aragnimo iyo dadaaal aan dadaal kale ku tiirsanayn, waxaa haysata qorsho la’aan iyo qa-lab la’aan ,waxaa haysata fadqalaloiyo faramarnaan ,waxaa haysata caa-didis iyo caga juglayn kaga imanaysa dhinaca dawlada wali ma saldhigin umana saahidin xilka iyo masuuliyada hortaal ee ay kali ku yihiin”

Hagar Daamada Lagu Hayo Suxufiyiinta FAROOLE :-MADAXDA CIIDAMADA AMNIGU WAA IN

AY U HOGGAANSAMAAN AWAAMIIRTA DOWLADA“Caqabadahaas, raga howsha haya xagooda ayay ka socotaa, Hadde Badhi cunne soo bixi doone”

Madaxweyne C/raxmaan Faroole

AWEYS OO KA FAKADAY ERITERIA

SHARIIF OO KU SOO HUNGOOBAY SHIRKII

CARABTA

FAQIDAADA CAYAARAHAEEG BOGGA 5AAD

Kulankii ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Bosaso, Puntland EEG BOGGA 3AAD

EEG BOGGA 4AAD

Page 2: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

2ARBACA 01 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA AWEYS OO KA

FAKADAY ERITERIA

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo in mudo ah ku sugnaa magalada Cas-mara ee dalka Eritrea ayaa lagu soo warramayaa inuu ka baxsaday.

Sheekh Xasan Daahir Aweys wax-aa la sheegay inuu ku baxsaday baabuur isagoo ka gudbay xuduudka ay wadaagaan Suudaan iyo Eritrea.Waxaana la sheegay in ciidamada Suudaan ay xadka ka kaxeeyeen.

Sheekh Aweys waxa uu hogaamiye u ahaa qeyb ka mid ah Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu dhi-say Eritrea kaasoo labo u kala jabay ka dib markii Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qeyb ka mid ah Isbahay-sigaasi ay go’aansadeen inay wada-hadalo la galaan dowladda kmg ah.

Waxaa uu magaalada Khartuum kula kulmi doonaa madaxweynaha dalka Suudaan Jeneral Cumar Xasan al-Bashiir, ka dibna la filayo inuu u duulo dalka Soomaaliya oo uu kaga dhowaaqi doono inuu taageersan ya-hay dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Aweys oo ku jiraa liiska ar-gagixisada, ayaa la filayaa in uu dib ugu laabto somalia, wadahadalana la yeesho sh.shariif

SIILANYO:- UMA AQOONSANI RAYALE MADAXWEYNE

Gudoomiyah xisbiga Kulmiye ayaa ku gacan-sayray go’aankii Sabtidii 28,marso, 2008 uu Golaha Guurtida Jamhuuriyadda iskeed isu taagtay ee Somaliland ku gaadhay in ay mud-do-kordhin u sameeyaan maamulka madaxwayne Daahir Rayaale iyo k/xi-geenkii Axmed Yaasiin

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Max-amuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in xisbigiisu aanu aqbalayn go’aanka Golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay in uu yahay sharci-darro.

Axmed Siilaanyo oo la hadlay Isniinta Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa Golaha Guurtida ku eedeeyay in iclaaminta xilliga doorashada ayan ahayn mid sharciyan iyagu leeyihiin, balse waxa uu sheegay in kaliya laga sugayay in ay xukuumadda xilli mu-cayn ah u kordhiyaan.

Go’aanka xaddidida xilliga la qa-banayo doorashada ayuu guddoomi-yuhu ku sheegay in ay tahay mid u taal guddiga doorashooyinka

Guddoomiye Siilaanyo ayaa ku doo-day in Somaliland ayan ka jirin

dhibaato ammaan oo sababi karta in aan la qaban doorashooyinka lagu ballansanaa.Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya 6-da April ayan aqoonsanayn shar-ciyadda xukuumadda madaxwayne Daahir Rayaale.

Guddiga Doorashooyinka Soomaalil-and ayaa sheegay in sababo farsa-mo iyo kuwo dhaqaale dartood ayan doorashadu ku dhici karin xilligii markii hore loo asteeyay oo ku beeg-nayd shalay 29-kii March ee shalay ahayd.Taa badalkeeda ayuu gud-digu soo jeediyay in la qabto door-asahda madaxwaynenimada31-ka bisha May ee sannadkan 2009-ka.Si kataba ha ahaatee, Golaha Guurtida ayaa ugu dambayn xilliga Doorasha-da u asteeyay 29-ka September ee sannadkan 2009-ka.

Somaliland ayaa Soomaaliya in-teeda kale gooni isaga taagtay san-nadkii 1991-kii, inkasta oo ayan wax aqoonsi ah ka helin caalamka.Tan iyo intii la dhisay Somaliland waxa laga hirgaliyay dhowr doorasho oo isugu jira kuwo dhaqan iyo kuwo waafaqsan nidaamka dimuqraadiga ah ee ay ku tartamaan xisbiyada ti-radada badan.

Madaxweyne Shariif Sheekh Ax-med ayaa markii ugu horey-

say ka hor hadlay hoggaamiyaasha Carbeed ee wada xaajoodyada ku lahaa magaalada Doha ee dalka Qa-dar, wuxuuna ujeediyey khudbad ku aadan xaalka dalka Soomaaliya,

Madaxweynaha dawladda Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hor dhi-gay shirkii dalalka Carbeed codso ta-ageero maaliyadeed oo la siiyo daw-ladda Faderaalka Soomaaliya,iyadoo laga taageerayo dhinacyada dibu dhiska dalka, soo celinta kal dan-bayntii dalka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyn Shariif Axmed ayaa sheegay in dawladiisu mudadii ay jir-tay wax weyn ka qabatay magaalada Muqdisho, oo ah udub dhexaadka dhibaatada dowlad la’aanta somalida haysata, isagoo cadeeyey in ay hada wadaan dhismaha ciidamadii millat-eriga iyo booliska

“ Waxaan idinka baahanaha hadii aan nahay dawladda faderaalka ee Soomaaliya in aad naga taageertaan waxyaabaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin sidii aan dib ugu dhisi

laheyn Soomaaliya, ammaankee-dii usoo celin laheyn iyo dhaqaale aad nagu taageertaan maxaa yee-lay waxaan ubaanahay in dhaqaale badan aan helno dalkeenuna ma laha, dhaqaalaha aan ubaanahay” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.

Shariif wuxuu ka codsaday dawlad-daha carbeed in ay isku dayaan in kooxaha wali ka dagaalamaya dal-ka Somaliya ay la hadalsiinayaan dawladda Faderaalka ee Somaliya, isagoo sheegay in ay lagama maar-maan tahay in kooxahaasi laga mid dhigo dawladda Soomaaliya, si loo gaaro buu yiri “ xasilooni waarta oo ka dhacda dalka aan daganaan-shaha badan ka jirin ee Soomaaliya” Ayuu yir Shariif Sheekh Axmed.

Hadalkan oo ah kii u horreeyey oo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka horjeediyo madaxda dalalka car-beed tan iyo markii lagu doortay dal-ka Jabuuti, waxaase la sheegayaa wadamada Carabtu inaysan ahmiyad weyni siinin somalida, waxaana lagu xiray shuruudo, markii ay dalbadeed lacag gaaraysa 40 million oo dollar lixda billood ee soo socota

Suxufi Jaamac Feyte Oo 2 Sanno Lagu xukumay

Maxkamadda Degmada Bosaso ayaa isniintii 2 sanno oo xariga ku xu-kuntay suxufi Jaamac Ayaanle feyte oo wararka ku faafin jiray Bogga In-teretka ee Laasqorey.net, kaas oo muddo a4 maalmood ah ku xidhnaa saldhiga bartamaha ee BosasoJaamac ayaanle Feyte waxa lagu eedeeyay faafinta war been abuur ah iyo aflagaado Madaxweyne, taas oo ay ku soo eedeeyeen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Taliska Ciidan-ka Daraawishta ee Gobolka Sanaag.

Suxufi Jaamac ayaanle feyte ayaa si kedis loo geeyay Maxkamada, isagoon fursad loo siin in uu qab-sado qareen u dooda.Xeer ilaaliyaha Gobolka Bari axmed Taaran oo loo soo gudbiyay Dacwada Maalintii Isni-inta, oo ahayd isla maalintii la maxka-madaynayay Suxufi Feyte, waxaa uu soo jeediyay in 3 sanno lagu xukumo, isagoo maxkamada hordhigay War-bixino laga soo saaray Laasqoray.net.

Garsooraha Maxkamada Maxamed Cabdi aware ayaa waydiiyay Suxufi fayte inuu qoray wararkan iyo inkale waxaana uu ku jawaabay “MAYA” haddana waxaa la waydiiyay in uu shaqeeyo Boggan iyo inkale waxaa-na uu ku jawaabay “HAA” waxaana loo raaciyay su’aal kale oo ahayd cidda qortay Maqaaladan, waxaana uu ku jawaabay “Waxaa qoray Suxufi kale oo jooga Hargaysa”

Garsooraha Maxkamada ayaa shee-gay in qoraaladani ay Caddayn ugu filan yihiin in uu suxufi Jaamaca Feyte Galay Dambigaas, waxaana uu ku xukumay 2 sanno oo xarig oo uu rafcaan ka qaadan karo.

Guddoomiyaha Dallada Suxufiyiinta ee MAP oo xarruntoodu tahay Garowe ayaa canbaareeyay Xariga iyo xukun-ka lagu riday Jaamaca, waxayna ku til-maameen go’aanka Maxkamada mid Caddaalada darro.waxaa sidoo kale barnaamijyo iyo wararba ka sameeyay Xariga suxufi feyte Warbaahinta Max-aliga ee puntland, sida TV-ga ETN, Idaacada Daljir, Idaacada Horseednet iyo Idaacadaha Iyo TV-ga SBC.

bayntii dalka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyn Shariif Axmed ayaa sheegay in dawladiisu mudadii ay jir-tay wax weyn ka qabatay magaalada Muqdisho, oo ah udub dhexaadka dhibaatada dowlad la’aanta somalida haysata, isagoo cadeeyey in ay hada wadaan dhismaha ciidamadii millat-eriga iyo booliska

“ Waxaan idinka baahanaha hadii aan nahay dawladda faderaalka ee Soomaaliya in aad naga taageertaan waxyaabaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin sidii aan dib ugu dhisi

Maamulka Wargayska Ilays, Waxaa Uu raali gelin ka bixinayaa Maqaal ku soo baxay Cadadkii 16aad ee 25 marso, 2009, ka soo cinwaankiisu ahaa, Ma ogtahay in la Ogaan Karo Wadanka aad joogtid Marka aad Qof u dirtid??..

Maqaalkaas Waxaa sheegtay in Uu soo qoray, Maxamuud Xasan Maxamed oo emailkiisu yahay [email protected], Hase yeeshee waxaaa maqaalkaas asal ahaan lagu daabacay Somalitalk oo Xuquuqdiisa iska leh.

Akhristayaasha Maqaalada u soo qora ilays waa in ay ka fogaadaan falalka noocan oo kale

SHARIIF OO KU SOO HUNGOOBAY SHIRKII CARABTA TAARIIKHDA J.CARABTA

Ururka jaamacada carabta waa urur ay kumidaysanyihiin dowladaha carabta ah ,waxaana la aasaasay 1945, Caasimada masar ee Qaa-hiro .

waxaan ka mid ahaa ujeedooyinkii loo dhisay ururka. 1.In la difaaco xoriyada iyo madax banaanida xubnaha wadamada ku jira ururka 2.In laga saaro meesha awood isu sheegashada dowladaha ururka ka tirsan iyo in lamideeyo,lagana saaro kala qaybsanaanta iyo in laga soo horjeesto jiritaanka Israel

4. in la dhiso dowlad falastiini leeda-hay.taasoo ahayd udub dhexaadka ururka iyo sababihii loo dhisay.Waxaa kamid ahaa wax yaabihii ururku qabtay xiligaa

1989, saddex dowladood oo katirsan ururku ay xabad joojin kasameeyay dagaalkii sokeeye ee lubnaan ka-socday wakhtigaa.1990 waxa uu ururku ku dhowaa-day in uu ansixiyo Heshiis ciidamo carbeed oo taageera dowlada ma-raykan si looga hortago sadaam, dagaalkii uu ku qaaday kuweit, laakiinse waxaa ku kala qaybsamay xubnihii ururka ee wakhtigaas.

31, Marso, 2009 Horseedmedia.Isniin, 30,Marso,2009

Page 3: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

ARBACA 01 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 3

Call forwardingSi aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#Callback on busySidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale adiga:Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :Ogaansha waqtigaFadlan garaac: #*32

GOLIS LANDLINE FEATURESSidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta

�Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected] [email protected] �dabadeed dir fariinta.NB: dal iyo Dibadba waa isku midCALLCONFERENCESidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay

CallwaitingSi aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#Sidee laysaga xiraa adeegan #58# Wakeup timeSidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac usaale:

1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Max-amuud (Faroole) ayaa

30,Marso,2009 (Habeen Horre)Kullan Casho ah, Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Ganacsatada, Isimada, Nabadoonada iyo dadka ay ka tal-ladu ka go’odo,

Madaxweyne Faroole oo ay wehe-liyeen Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Siciid Samatar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayuu xogwaran kaga siiyay Safarkii dhowaan uu ku tegay dalalka ethiopia iyo Jabouti, Am-maanka , Dhaqaalaha iyo Barnaami-jyada dowladu ku doonayso isbedel lagu sameeyo dhammaan qaybaha kale duwan ee Dowladda.

Md. Faroole oo arrintaas ka hadlaya-na waxaa uu yiri” waxaan galabta idi-inku yeernay, idiinkoo ah Madaxdii,Isimadii,Ganacsatadii,Nabadoonadii iyo Aqoonyahanadii deegaanka maanta aynu joogno (Bosaso),inkastoo rag badan ay maqan yihiin oon tabayo, marka horre in la kala warhelo, oo dadka wax ku oolka u ah bulshadu ay helaan warka rasmiga ah ee dowlada, wixii ay qabatay iyo waxa ay qorshaynayso. Anniga iyo waftii ay hoggaaminayo safar ayaan ugu ambabaxay Wadamada deriska ah ee Jabouti iyo Ethiopia,11kii Marso ee 2009, ka dib markii Casuumad rasmi ah aanu helnay. Waxaanu kala soo hadalnay arrimo badan oo ammaanku u horreeyo, waxaanu kaloo kala soo hadalnay ganacsiga, Ethiopia waxaa inooga yimaada badeecooyin oo ay ka mid tahay Khudaarta iyo Geedkan Qaadka ee dhibaatada faraha badan innagu haya.waxaynu ka soo qaada-naa xoolaha nool, innaguna waxaynu geynaa Badeecada killinka 5aad ee somalida, laakiin

ganacsigaas waxaa uu ahaa mid aan rasmi ahayn (Informal), hase yeeshee waxaa uu noqon doonaa ganacsi rasmi ah, dhowaan wufuud ayaan isdhaafsan doonaa”

Warbixintii safarkiisa ka dib, madax-weyne Faroole, waxaa uu guda galay Meelaha ay marayaan howlihii xu-kumadiisu, waxana uu yiri “waad ka warhaysaan oo billowgiiba waxaan ku dhawaaqnay inaanu xooga saari doono laba arrimood oo kala ah Am-niga iyo Dhaqaalaha, Tallaabooyinkii ugu horreeyay oo aan mudnaanta siinay waxaa ka mid ahaa samayn-ta Guddi soo tirakooba ciidamadii Daraawiishta iyo Booliska , Guddi dhaqaalaha ka soo taliya oo ka koo-ban Aqoonyahano iyo Macalimiinta Jaamacadaha wax ka dhiga, lana tashada ganacsatada iyo wasaa-radda maaliyada, Guddi soo tirakoo-ba shaqaalaha dowlada, sidaad ka warhaysaana shaqaalaha iyo dakh-liga dowlada soo gala isma dabooli karaan, muddo saddex biloodna ay dowladu ku soo diyaariso Misaa-niyad cusub , Maadaama sannadkii horre misaaniyad aan la diyaarin, oo misaaniyada dowladu hadda ku dhaqanto ay tahay tii 2008dii, bisha april Barlamaanka dib loogu celiyo, oo markaas Misaaniyada cusub la sameeyo.oo dakhliga iyo kharajku isleekaadaan, iyadoo xagii khara-jka laga dhimayo tirada ciidamada iyo shaqaalaha la dhimayo, xagana dakhliga wixii baaqday, canshuurihii baaqday la qaadayo, maxaa yeelay adeeg badan baa lanaga sugayaa, niyad badana waa loo hayaa in xu-kuumadu waxqabato,waxa aanu afka ka sheegnay iyo waxa dadku doonayaan waa iswaafaqsan yihiin.laakiin wixii wax lagu qaban lahaana waa Dad iyo Maaliyada, dadku waa in la tayeeyo, haddii ay ahaan

lahaayeen Askar iyo shaqaale kale oo laga soo reebo dad yar oo shaqa-yn kara, arrintaas waa adag tahay,

Caqabado badan baana ka jira, dad farabadan oo ciidamo aan jirin lacag ku qaata, waa adag tahay in la jiiro, ciidankii Daraawiishta waa la dhamaystiray, xeryo ayaa loo sa-meeyay, waana la tababarayaa, wixii aan ogolayn nidaamkaas rasmiga oo jira, iyagaa iska cararay, looga-mana dabcin, sidaasna waxaa ku samays maya ciidan tayo oo dalka amnigiisa hanan kara, tiro kasta ha noqdeen,mushaharkiisana waa la bixin karaa, ciidamada Boolisku weli goobahoodu waa joogaan, iyaga laft-igooda caqabada ayaa ka jira, caqa-badahaas, raga howsha haya xa-gooda ayay ka socotaa, waana soo dhamaystirnay, waxaanan u gudbi doonaa inaanu wixii sax ka soo saa-rno, madaxdooduna ay noqdaan, Madax u hoggaansanta awaami-irta dowlada, oo nidaamka cusub iyo sida barnaamijka dowladu yahayna aqbala oo ku shaqeeya, qofkii aqbali waayana (Hadde Badhi cunne soo bixi doone), isagana tallaabo ku haboon oo sharciga waafaqsan ay-aanu ka qaadi doonaa, waxaanan ka bilaabi doonaa magaaladan Bosaso, kana tegi mayno ilaa aan dhamay-stirno, dadka reer puntland waa in ay ogaadaan oo gacan ka gaystaan.

Madaxweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri” Bosaso waa magaalo Istaratiiji ah, waxaana isu-gu yimid dadkii degaankan u dha-shay ee koonfur ka soo barakacay, oo nolol iyo ganacsigaba ka samay-stay, waxaana ka daba yimid dadkii koonfur looga soo tegay, dad kale oo gobolo kale ka yimidna ay degeen oo aanu aqbalnay, runtiina miisan

ku ah dhaqaalaha dalka, soma-linimada darteedna aanu ku ogo-laanay, kuna baraaray, intaba wax-aan rajaynaynaa in nabada ku wada noolaadaan , wixii nabadagelyo xumo la yimaadan tallaabo ayaa la qaadayaa”

Madaxweyne Faroole waxaa uu ku soo gunaanaday Hadlkiisa, sida uu uga xun yahay in Dagaalada Beelaha reer puntland dhexmaray ay dowlada ka leexiyeen barnaami-jyo badan oo horumarin iyo isbedelo lagu samayn lahaa ciidamada iyo Dowlada, isagoo arrintaas ka had-layana waxaa uu yiri” Haddii maalin walba wiilal yar yar oo dadka xaba-do iskaga furayaan oo laynaya iyo odoyaal u hiilinaya, haddee arintaasi waxay noqonaysaa mid lug jiid ku ah Amniga iyo Maslaxadii dalka, dhac-dooyinkaasina maa aha kuwa loo dulqaadan karo, waana in wax laga qabtaa.qofka xunna la iska qabto.waxaa jira Beelo hub iska samay-stay oo tikniko iyo hub haysta, wax-aana u soconaa nidaam ah inaysan jiri doonin beel hub iska haysata, hub dowlad baa lahaan karta, dad ma la-haan karo, ha la mideeyo hubka, oo ha la’isku keeno, nin weliba qorigiisa uu haysto ha keeno si heshiis lagu yahay, oo dalka ciidankiisa amniga kalsooni lagu qabo, oo la isku dhafo ciidamada, taas ayaanu codsanay-naa”

Kulankaas, waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka amniga puntland C/laahi Siciid Samatar oo ka codsaday odoyaasha iyo nabadoonada inay ciidamada u gacan baneeyaan la dagaalanka Burcada iyo Dambiilay-aasha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isna hadal kooban ka jeediyay kulankaas ka dhacay madaxtooyada, waxaan si gaar uga hadlay abaaraha ka jira degaamada p/land, waxaana uu ka codsaday ganacsatada in ay gacan ka gaystaan sidii biyo loo gaarsiin la-haa dadka iy xoolaha

FAROOLE :-MADAXDA CIIDAMADA AMNIGU WAA IN AY U HOGGAANSAMAAN AWAAMIIRTA DOWLADA

Page 4: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

ARBACA 01 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 4Islaamka iyo Reer

Galbeedka Aragti Taariikheed.

QAYBTII 7AAD

W.Q.Almis Yahye Ibrahim

Ma U Jeesannaa Qiblada Dawladnimada?

W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)

Dawlad waxaan u naqaanaa, sida abwaannadu ku heeseen, iney

tahay sidii hashii “maandeeq” oo inta darartay caanaheedii lagu heshiin waayay, dabadeedna inta dusheeeda lagu diriray meel aan muuqan oo aan la garaneyn laga dhaawacay. Si had-aba loo daweeyo hashaas, waxaa la garan waayay cudurka haya. Sidaas darteed, ayaa waxaa munaasab ah in la xusuusto oraahda Somaalidu ku maahmaahdo ee ah: “Hashu maan-keyga ayey qadaye ma masaarey liqday”. Maahmaahdaan waxaa la soo xasuustaa marka la arko waxy-aabo lagu wareero oo aan xalkooda la garaneyn. Sidaas oo kale waaye xaalka Somaaliya. Sedexda eray ee kala ah dib-u-heshiisiin, xukun qay-bsi iyo dawladnimo ayaa Somaaliya la hadal hayay mudoo 18 sano ah. Waxaa kale oo si isdaba joog ah loo dhisaa dawlad KMG, hadana mid kale oo KMG, hadana kumeel-gaarka ku-meelgaarkiisa. Waa arin lala yaabo oo la fahmi la’yahay oo ay ku wareereen aqoonyahaanada iyo siyaasiyiinta. Haseyeeshee, sidaas ma wada aha Somaaliya, waxaa sidaas ka bedelan gobollada qaar. Dib-u-heshiisiintu waxey muddo yar ka guuleysatay Somaliland iyo Punt-land, xukun qeybsi ku dhisan beel-nimo wuxuu ka hirgalay labadaas meelood, waxaana shacabka la-badaas maamul ujeesteen dhanka dhismaha maamul dawladeed. Dib-uheshiisyadaas waxaa lagu qabtay dalka gudihiisa, waxaa ka qeybgalay madaxda beelaha runta ah, waxaa laga adkaaday qabqablayaasha jab-hadaha, waxaan talada ka qeybga-lay waxgaradka deegaanadaas oo dhan. Shirarkaas waxaa ku yaraa faragelinta shishiye, waxaan sal looga dhigay dhaqanka dadka iyo heerka noloshooda.

Dhanka koofurta Somalia, waxaa meel daran mariyay qabqablayaasha jabhadaha oo kala adkaan waayay, lagana adkaan waayay. Waxaa tabar daraaday doorkii madaxda dhaqa-nka iyo abaabulka waxgaradka. Qabqablayaasha jabhadaha waxaa xoojinayay, gacan saarna la lahaa hay’adaha dawliga ah oo diiday iney la falgalaan ruux aan hubeysneyn oo aan dagaal ooge aheyn. Dib-u-heshi-intii Carta ee 2000 waxey bedeshay oo ay dhabarka ka jebisay istraati-jiyadii loo dhigay in lagu wiiqo So-maliya. Waxey ka gudubtay qabqa-ble dagaal, waxeyna awood buuxda siisay sacabooleyda Bulshada Ray-idka ah. Shirkii Carta ka hor, waxaa miiska saarnaa dhismaha maamul beeleedyo ku saleysan fikirka “build-ing block” oo khatar ku ahaan kara jiritaanka iyo midnimada

qaranka Somaaliyeed. Shirkii Carta waxaa lagu soo dhisay dawlad qaran iyo baarlamaan lagu soo xulay 4.5 oo madaxda dhaqanku soo xuleen. Nasiib daro, mucaradada Itoobiya iyo Jabhadihii hubeysnaa, dhacdadii 9/11 iyo mashruuca la dagaalanka argagixisada iyo tabar daridda iyo talo-xumidda madaxada dawladdu waxey sababtay in la fashiliyay xu-kuumadaas. Waxaa lagu bedelay dawladii hore dawlad cusub oo qa-bqablayaasha Jabhaduhu soo xu-leen, dawladda Itoobiyana gabaad u tahay. Laga soo bilaabo 2000, waxaa dalku yeeshay dawlad qaran iyo sedex madaxweyne oo labo ka mid ah xukumadooda lagu fashiliyay meel dhexe, ugu dambeystiina wax-ey ku waayeen jagadooda.

Madaxweynihii Carta lagu soo door-tay Mudane Cabdiqaasin Salaad wuxuu magacaabay sedex Ra’isul wasaare oo labadii hore ay dagaal ku kala tageen. Sedexdaas waxey kala ahaayeen Dr. Cali Khalif, Mu-dane Xassan Abshir Faarax iyo Mudane Moxamed Cabdi Yusuf. Si-doo kale, madaxweynihii lagu soo doortay dalka Kenya 2004 mudane Cabdullahi Yusuf wuxuu maga-caabay sedex Ra’isul wasaare oo ay labadii hore dagaal ay ku kala tageen. Sedexdaas ra’isulwasaare waxey kala ahaayeen Profesor Cali Moxamed Geedi, Mudane Nur Xas-san Xussein iyo Mudane Moxamed Moxamud Gacmadheere.

Waxaa intaas la jirta, in markii ugu dambeysay baarlamaankii Carta la kala jibiyay, lana kala tuuray si loo dhiso baarlamaan cusub oo ay soo xulaan qabqablayaasha dagalka. Si arinkaas loo suurageliyo, waxan xukuumadoodii ka soo horjeestay Gudoomiyihi baarlamaanka Cab-dalla Derow Isaaq iyo Ra’isul wasar-ahi Mudane Xassan Abshir Farax. Sidaas oo kale, si loo kala tuuro xu-kuumadda iyo baarlamanka TFG-da waxaa la kala jebiyay Ra’isulwasaare Nuur Xassan Xussein, Gudoomi-yaha Baarlamaanka iyo madaxwey-naha. Laba kooxoodba waxey isku baheysteen ka hor-imaadka madax-weynayaasha si aan waafaqsaneyn Axdiga qaranka, labada madaxwey-nana waxey u dhaqmeen si aan ku habooneyn madaxtinimadooda.

Waa markii sedexaad, laga soo bi-laabo 2000, oo dib-u-heshiin lagu soo dhisayo dawladda qaranka Somaliy-eed. Waxaa la sameeyay baarlamaan la isku karkaray oo tiradiisu gaar-eyso 550 xubnood iyo xukuumad sal balaaran oo sida muraayadda oo kale la iska wada arkayo

La soco cadadka Xiga.

Degmada Caluula, Baahida Wadada iyo Baahida Maamulku waa Isugu Mid…..!!!

Tan iyo markii dhidibada loo taa-gay Maamul Goboleedka Puntland 1998dii waxaa abuurmay degmooyin tiro badan oo maamuladii isaga dan-beeyey ay magacaabeen, iyadoo aan loo eegin shuruudaha degmo lagu qaadan karo, sida joqoraafiga, xuduudaha, dhaqaalaha, tirade dadka ku nool iwm

Magacaabista degmooyinka cusub ee aan loo meel dayin waxay wi-iqday hanaankii maamul ee lagu horumarin lahaa degmooyinkii horay u jiray oo xuduudahoodii la goos-goostay, waxaynu tusaale u soo qa-adan karnaa degmada Iskushuban oo hareer walba degmo cusub laga dhigay, Xaafuun, Ufeyn, Rako iyo Baargaal, dabadeedna degmada Iskushuban noqotay durbaan koo-ban oo aan gacmo, madax iyo lugo toona laheyn.

Si haddaba horumar looga gaaro cu-leyska degmooyinka Puntland ka jira oo loo aanayn karo horumar la’aanta geyiga Puntland ragaadiyey waxaa haboon in la is weydiiyo habka ugu haboon ee dhibaatada maamul xumo ee degmooyinka ka jirta wax looga qaban karo?

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Si-ciid Kashawiito oo su’aashaas ka jawaabayana wuxuu yiri “Maadaa-ma la sugayo nidaamka asxaabta in looga gudbo maamuladii horay u jiray, waxaa lama huraan ah in qiim-eyn lagu sameeyo degmooyinka tira dhaafka ah ee hadda jira, xuduudana loo sameeyo iyo in nidaam maamul oo shaqeeya laga hirgeliyo sida ugu dhaqsaha badan.”

Wuxuu kaloo intaas ku daray “Wax-aanu Dowladda u bandhigi doo-naa barnaamij tijaabo ah oo haddii hirgelintiisa ay iska kaashadaan si wadajir ah Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Ammniga, Kal-luumeysiga, Dekeddaha, Xanaana-da Xoolaha, Deegaanka iwm guul laga gaari karo hirgelinta nidaam

maamul oo ka hana qaada degmooy-inka Puntland.”

Wejiga koowaad ee hirgelinta bar-naamijkan ayuu Agaasimuhu ku sheegay in ay ugu tala galneen degmada Caluula oo ay ku xusheen baaxada deegaanka, tirade dadwey-naha ku dhaqan, baaxada dhaqaale ee laga soo saari kara iyo degmada oo ku taal dhul aad u durugsan, oo jid xumo ay go’doomisay.

Caluula waxaa ay ku taal xeebaha ku teedsan badda Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya oo ah xeebo aad u balaaran, si mug lehna looga kalluumeysto.

degmadu waxay leedahay khayraad kale oo dhulka ugu hodansan G/Bari dhinaca Maydiga, Beeyada, Beeraha Timirta iyo xoolahana noolba.

Dhul beereedka Timirta ee degmada Caluula ayaa gaaraya 13 goobood oo ay ku yaalaan 1.5 Milyan oo geed oo Timir ah, waxaa kaloo degma-du caan ku tahay wax soo saarka Maydiga sanadkiina waxaa ka soo go’i kara 2500 Kiintaal oo ah Maydiga ugu qaalisan uguna tirade bdan.

Xoolaha nool ee degmada ayaa isugu jira Geel iyo Ari, waxaana jira doonyo aan tira badneyn oo mar-sooyinka xeebaha Caluula sanadki-iba dhowr goor xoolo ka qaada, iyo doonyo Khaliijka Carabta badee-cado kala duwan ka soo waarida oo marsooyinka degmada Caluula laga rogo, wakhtiyada qaarkood.

Guud ahaan degmada Caluula ayaa haddii maamulkeeda la kiciyo ay su-urto geleysaa in horumar laga gaaro dhibaatooyinka ragaadiyey horumar-ka bulshada, maadaama degmada Caluula ay ku jirto degmooyinka ugu liita dhinacyada waxbarashada, caaf-imaadka iyo biyaha, dhinaca kalena waxaa uu Maamulka DGPL uga su-urta geleysa in uu ka abuuro deg-madaas ilo dhaqaale oo xoog leh.

Gawaairada loo yaqaano 4W oo maraysa Wadada Caluula Loo Maro

Page 5: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

ARBACA 01 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER SHEEKOOYIN 5Nabar Aan Dawoobeyn.W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays

QAYBTII 6AAD

Markey dhammaysay aqrinta dhambaalkaas, islamarkaana

ku qanacday qaabkii ay u qortay, intey sariirta cabbaar kolba dhinac isugu rogrogtey bay misana is-tustay in ay ka wardoonto golihii internetka bal inuu Shirwac wax uun jawaab ah usoo diray iyo in kale. Waxay naf-teeda ku dhiirrigelisey in aysan mar-na calaamadaha quusta isu sawirin tan iyo inta ay kasoo taabanayso xe-erada salkeeda. Intey labisatey bay albaabka guriga ka baxday. Cab-baar markey socotey bay lugaha qaadi kari weydey. Waxay dareentay tabardarro iyo madax wareer. Intey gawsaha qaniintey, labada lugoodna dhulka ku adkaysatay bay si tartiib ah u luudday.

Markey gaartey golihii internetka intey kursi bannaanaa cabbaar ku nasatay bay dul fariisatey mid ka mid ah kombuyuutarradii golaha yiil. Ugu horreyn, waxay gashay khadkii MSN-ka ee Internetka. Nasiibdarro, Shirwac kuma uusan jirin. Dabadeed, waxay furtay sanduuqeedii dham-baallada. Waxay indhaheedu qab-teen dhambaal cusub oo isla galabta kusoo dhacay. Indhaheedii bay ru-maysan kari weydey. Ma dhab baa, ma dhalanteed baa, mise iyadaa is moodsiisey. Illeyn farxadi waa nax-din. Waxaa dhambaalka soo diray gacaliyeed Shirwac. Waa dham-baal ku taariikhaysan in isla gal-abta lasoo diray. Intey dhambaalkii si halhaleel ah ku furtay bay aqris ku boobtay iyadoo aad mooddo in jannadii loogu bishaareeyey. Wax kastaba ha dheceene, mar haddii uu soo jawaabay waa Ilaah mahad-diis,” bay niyaddeedii kacsanayd ku qaboojisey.

Gacaliso,

Salaan dabadeed, waan caafimaad qabaa. Waan ka xumahay in aad igu jahawareertay. Waan dareemi karaa welwelka iyo walaaca ay kugu beer-tay war la’aantaydu. Galabta ayaan helay dhammaan dhambaalladii aad ii soo dirtay.

Gacaliso, seddexdii cisho ee aan kala war la’ayn waxaan ku xirnaa saldhigga booliiska ee magaaladan aan degganahay. Habeenkii isugu keen dambeysey ayaa askar booliis ahi gurigayga iga kaxaysteen. Wax-ay igu qaldeen nin dambiile ah oo ay ku raadjoogeen. Hase yeeshee, baaritaan dheer kaddib, waxaa u caddaatay in aanan ahayn ninka ay doonayeen. Gacaliso, muddadii aan xirnaa, xitaa waxaa la ii diiday in aan taleefan dirsado.

Gacaliso, waan ka xumahay dhibaatadii ku gaartey maalmihii aan xirnaa. Waan hubaa in aad dareemi karto in aniguba dhibaato taas la mid ah aan la ildarnaa.

Gacaliso, waxaan ku tasbiixsadaa magacaaga shanta xaraf ka kooban...Waxaad tahay iftiinkii naftayda...Aayihii noloshayda...Ilbiriqsi kasta waxaa i hor imaanaya muqaalkaa-ga...Codkaagu waa sahayda safarka dheer ee aan ugu jiro hanashadaa-da...Sideen kuu halmaamaa!!!

Gacaliso, waxaad tahay hoggaankii noloshayda...Farxaddii naftayda...Waxaan kuu hayaa jacayl aandhammaanayn...Mid aan gaagax-ayn...Mid ila noolaan doona inta aan dunida joogo...Mid ila geli doo-na iilka...Gacaliso sideen kuu hal-maamaa!!!

Gacaliso, caawa xilligeennii ayaan kula soo hadli doonaa, waxaanse kuugu sii bishaareynayaa in berrito aan kasoo dhoofi doono Mareykan-ka, Dubai ayaan habeennimadii se-exan doonaa, maalinta xigtana waan kula joogaa.

Gacaliyahaa Shirwac Minneapolis, USA

Tiro ka toban jeer bay Idman dham-baalkii aqrisay. Illeyn farxadi waa naxdin. Intey compuyuutarkii iska xir-tay bay gurigoodii abbaartay. Markan socodku dhib kuma hayo. Tallaabadii ay la kufaa-kacaysey haatan waxay isu beddeshey rucle-orod. Lugihii ay qaadi kari la’ayd haatan iyagaaba tallaabada hoosta ka boobaya. Sidii baabuur xakamaha goostay bay is-qaban kari weydey. Markey gashay albaabkii gurigooda iyadoo aan meel kale ku leexan intey taleefanka ku boodday bay wacday saaxiibteed Hodon. Warkii farxadda lahaa ee kusoo kordhay bay duuduub ugu dhiibtey. Wixii caawa soo kordhana waaba loo wada joogaa, bay intaas ugu dartay. Waa innoo berrito iyo is-arag xiiso leh baa lagu ballamay.

Markey taleefanka dhigtay intey ca-shaysay bay qolkeedii gashay. Wax-ay ahayd goor fiid ah. walaalaheed qolka

fadhiga bay filim ku daawanayeen. Caawa waa habeenkii ugu dam-beeyey oo iyada iyo Shirwac ay wada hadlaan. Waxaa xigi doona kulan fool-ka-fool ah oo ay berri dambe ku kulmi doonaan garoonka diyaarada Gaalkacyo.

La Soco Cadadka Xiga

Xulka heysta horyaalanimada Koobka Adduunka ee Italy ayaa

natiijo macquul oo u soo bixitaanka koobka aduunka ee 2010 ka soo hooyay , kulan uu la yeeshay Mon-tenegro

Andrea Pirlo o goal rigoore ah dhaliyay 11th minute iyo Giampaolo Pazzini oo goalkisii ugu horeeyay oo caalami ah dhaliyay markii uu u saftay kulankiisii ugu horeyay Italy ayeey waxey 2-0 kaga tilaabsatay Montenegro

Germany ayaa dardartay Liechten-stein oo 4-0 u dhiibtay, Spain waxey Turkey kaga taqalustay 1-0, France natiijo taasi la mid ah 1-0 waxey kaga gudubtay Lithuania, Holland waxay Scotland u dhiibtay 3-0, Klaas-Jan Huntelaar, Robin van Persie and Dirk Kuyt ayaa goalasha u kala dhaliyay Netherlands taasoo ay ku xoojisay u soo bixitankeeda koobka aduunka. halka England ay Slovakia 4-0 u dhi-ibtay.

Qaarada Koonfurta America, ciyaarihii dhacay waxaa ka mid ahaa Argentina oo Venezuela 4-0 ku quusisay, Diego Maradona’ayaa kulankaani wuxuu u ahaa kiisii ugu horeeyay oo caalami ah oo uu xulka dalkiisa hogaamiyo, Uruguay ayaa Paraguay kaga taqa-lusatay 2-0 halka Colombia ay Bolivia 2-0 ku dhaaftay.

Waqooyiga Iyo Bartamaha Ma-raykanka, ayaa ciyaarihii ka dhacay maraykanku wuxuu 2-2 la dhaafi waayay El Salvador, Mexico ayaa Costa Rica 2-0 ku hadaafisay, Trini-dad and Tobago ayaa 1-1 waxey ku kala qaateen dhibcihii Honduras.

Italy waxey Group 8aad ku hogaamineysaa 13 points, 2 dhibcood waxey ka sareysaa Ireland , taasoo 1-1 la ag fariisatay Bulgaria. The Az-zurri waxey arbacada la ciyaari doon-taa Ireland magaalada Bari ayeeyan ciyaartaasi ka dhici doontaa.

Germany ayaa Group 4aad waxey ku sidaa hogaankiisa 13 points, 4 waxey ka sareysaa xulka kaalinta 2-aad ee Russia, kaasoo Azerbaijan 2-0 ku di-ray goalasha waxey ka kala heshay Roman Pavlyuchenko and Konstan-tin Zyryanov.

Xulka Haysta Horyaalnimada Urub ee Spain ayaa kordhisay record-keeda aan waliga laga adkaan taasoo gaar-eysa 30 kulan oo aan dhulka la dhi-gin laga soo bilaabo bishii November 2006.

Spain ayaa 6 dhibcood waxey ku hogaamineysa Group 5naad oo ay ka sareyso Bosnia-Herzegovina, taa

soo Belgium 4-2 ku dhifatay. Turkey oo ay ugu danbeysay 55-sano ka hore in ay ka adkaato Spain, ayaa u dhaadhacday kaalinta 3-aad . wax-eyna haatan wada balansan yihiin Spain oo ay arbacada ku ciyaari doo-naan Istanbul

France ayaa ayaa Group 7aad wax-ey kaga jirtaa kaalinta3-aad , iya-doo 7 dhibcood ka sareysa, kooxda hogaamineysa group-kaasi ee Ser-bia 3-2 ku daartay Romania.

Holland ayaa Group 9aad waxey ku hogaamineysaa 12 points, waxaana soo raaca Scotland and Iceland . The Dutch waxayna Caawa marti gelin doontaa Macedonia , halka Scotland ay la ciyaarayaan Iceland.

Portugal ayaa 0-0 la dhaafi waayay Sweden. halka Denmark ,ay 3-0 ku dhufatay Malta, Hungary ayaa 1-0 kaga gudubtay Albania, hogaanka Group One waxaa min 10 dhibcood ku hogaaminaya xulalkasi , halka Portugal , Sweden iyo Albania ay wada leeyihiin min 6 dhibcood.

Argentina ayaa group-keeda waxay ku jirtaa kaalinta 2-aad , iyadoo 19 dhibcood leh, 4 dhibcood waxey ka danbeysaa Paraguay taasoo 2-0 looga badiyay Uruguay ayaana ka badisay. Barzilna kaalinta 4aad wax-ayna 1-1isla dhaafi waayeen xulka eEkwator

Kulamada Maanta Dhacaya ee loogu soo baxaya koobka Adduunka ee 2010 oo lagu qabanayo Koonfurta africa waxay kala yihiin sidan

QAARADA URUB

Andorra v Croatia, 6, 19:30 Austria v Romania, 7, 19:30 Bosnia-Hercegovina v Belgium, Bulgaria v Cyprus, 8, 16:00 Czech Republic v Slovakia,Denmark v Albania, 1, 19:15 England v Ukraine, 6, 20:00 Estonia v Armenia, 5, 16:00 France v Lithuania, 7, 20:00 Georgia v Montenegro, 8, 18:00 Greece v Israel, 2, 19:30 Netherlands v FYR Macedonia, Hungary v Malta, 1, 18:00 Italy v Rep of Ireland, 8, 19:50 Kazakhstan v Belarus, 6, 15:30 Latvia v Luxembourg, 2, 16:30 Liechtenstein v Russia, 4, 18:30 Northern Ireland v Slovenia, Poland v San Marino, 3, 19:30 Scotland v Iceland, 9, 20:00 Switzerland v Moldova, 2, 19:30 Turkey v Spain, 5, 19:00 Wales v Germany, 4, 19:45

FALLANQAYNTA CAYAARAHA ISREEB-REEBKA KOOBKA ADDUUNKA

IYO KULAMADA CAAWA DHACAY

Page 6: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

ARBACA 01 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6Koboca Islaamiyiinta Somalia

( Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.Qormadda 13aad.

Garabkii Hubaysnaa ee Islaamiyiinta.

Ururadii Islaamiga ahaa ee ka jiray Soomaaliya, ma aysan ahayn kuwa hubaysan. Hawsha ugu weyn ee ay hayeen ururadaasi waxay ahayd fidinta dacwada diinta iyo ku baraa-rujinta dadka ku dhaqanka sharee-cada Islaamka, kamana marayn in la gaaro dawlad Islaami ah inay xu-kunto Soomaaliya.

Ma ahan arrin sahlan marka la doonayo in isbedel la sameeyo in meesha laga saaro in la helo awood fal geli karta oo difaacada kooxaha isbedelka samaynaya. Islaamiyiinta ayaa fikirkoodu ahaa in Soomaaliya laga dhaliyo isbedel, ha ku yimaa-do awood,amaba ha ku dhasho si aan awood ahayn. Tan iyo waqti-gii ka dambeeyey 1978-dii xilligaas oo Soomaaliya ku guuldaraysa-tay dagaalkii ay la gashay Itoobiya gobolka Ogaadeenya waxaa faraha ka sii baxayey awooda dawladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, taas oo isku hayn kari wayday qaranimadii Soomaaliya, waxaana bilaawday kala daadasho ku timid ciidamadii qarankaas noocyaday ahaayeen gebi ahaantoodba. Durba waxaa abuurmay mucaarad hubay-san oo qabiil ku abtirsada, kuwaas oo wiiqay awoodii ciidan ee dalku lahaa.

Islaamiyiintu ma ahayn kuwa ku de-gdegayey inay awood ciidan samay-staan; balse waa ka muuqanaysay inay xusulduub ugu jiraan awood inay ciidan yeeshan, ururka Al-Ittix-aadna waxaa uu ahaa mid ku hami-yayey inuu awood ciidan samaysto. Waayo xubnaha ka mid ka ahaa Al-Ittixaad Al-Islaam ee ka tirsanaa cii-damadii qalabka siday ee Soomaa-liya, waxay u muuqanayeen kooxda degdegaya oo baahi weyn u qabay mar uun inay awood helaan oo xoog wax ku qabsadaan.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa ku jirtay Sideetamaadkii isbedel weyn oo khalkhal gelinayey Qaranimadii Soomaaliya, xoogagii mucaaradka ahaa ee SNM ayaa ka soo talaabay Xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya May 1988-kii iyagoo soo ji-iray difaacii ciidamadda Soomaaliya, gudahana u soo galay magaalooyin-ka Burco iyo Hargaysa. Dagaaladaa-si waxay ahaayeen kuwa si weyn lagu riiqday labada dhinacba, waxaa kaloo jirtay in dhalinyaro ka tirsanaa Al-Ittixaad ee Beelaha Isaaq soo jeediyeen fikir ah in lagalo Jihaad si loo badbaadiyo shacabka Soomaa-liyeed ee sida arxan darada ah loo gumaadayo. Hase ahaate go’aankii

hogaanka Al-Ittixaad ayaa noqday inaa la dhex gelin dagaalka u dhex-eeya Dawladda Siyaad Barre iyo Mucaaradka la dagaalmaya. Uma riyaaqaan xubnihii reer Waqooy-igu go’aankaas, waxayse aqbaleen si kala dambayn ah go’aankaas maadaama uu ka soo fulay hogaan-ka Dhaqdhaqaaqa, mana aysan ge-lin dhalinyaradii Islaamiyiinta ahaa ee Beelaha Isaaq dagaalkii SNM la gashay dawladii Siyaad Barre.

Arrimahaas is xushan iyo dhaaawaca soo gaaray ciidamadii Soomaaliya ayaa ku dhaliyey in Al-Ittixaad Al-Is-laam Feb 1989-kii ku naaloodaan dhismaha garab hubaysan oo uu yee-sho ururkoodaasi, waxaana madax looga dhigay inuu hogaamiye u noqdo Col.Maxamuud Ciise (Abu-Muxsin) oo ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamadii xoogga dalka Soomaa-liyeed. Khudbadiisii ugu horeysay ee uu u jeediyey gudigii fullinta ee Al-It-tixaad waxaa uu ku soo bandhigay sida Muqdisho gacanta loogu dhigi karo qaab awoodeed ahaan, isagoo si khibradaysan oo askarinimo uga tala bixinaya xaaladda uu markaas ku sugnaa ciidanka dawladii markaas jir-tay. Shaki kuma aanu jirin in saraakiil badan oo ka tirsanaa Nabadsugida, Booliska iyo noocyada kala duwan ee Ciidamada Dawladu xubno ka ahaayeen Al-Ittixaad Al-Islaam, wax-aana muuqanaysay awooda ciidan ee isa soo taraysay waqtigaas ee Al-Ittixaad iyo dhowr dil oo qorshay-snaa , kana dhacay Muqdisho oo loo aanaynayey inay fuliyeen garabkii hubaysnaa ee Al-Ittixaad. Waxaana ugu caansanaa dilkii lagu khaarijiyey Baadarigii Kaniisada weyneyd ee Muqdisha Bishop Pietro Salvatore Colombo 09 July 1989-kii dilkaas oo dusha looga tuuray fulintiisa ciidama-dii Nabad Sugida Soomaaaliyeed (NNS-ta) xubno ka mid ahaa oo ka tirsanaa Al-Ittixaad. Waxaase dadka qaarkii wariyaan inuu amray dilkaas Maxamed Siyaad kolkuu Badarigaasi dhaliilay dawladii Kacaanka ahayd.

ma ahan in la leeyahay Al-Islaax waxaa u laabnaa gacmaha. Inkastoo Al-Islaax aaminsan yihiin in awooda lagu gaaro iyadoo lagu soo baxay doorashooyin, haddana mararka qa-arkood taageerayaashooda ayaa ka qayb qaata kacdoonada dhiigu ku daato ee laga hor imanayo maamul jira. Waxaa Al-Islaax lagu xusuustaa kacdoonkii ka dhacay Masjidka Sheikh Cali Suufi sanadkii 1989-kii ee lagu laayey dad badan inay iyagu soo abaabuleen. Sababtaas ayaa la oran karaa ururkasta oo Islaami ahi

kama mara in kacdoon la galo lana samaysto garab militari.

Garabka hubaysnaa ee Al-Ittixaad ayaan si muuqata dibada isa soo dhigan, hase ahaate waxaa uu wax ka waday hawlaha lagu khalkhal gelinaayey amniga gudaha gaar ahaan Muqdisho oo ahayd halka qalbiga u ah Dawladii Siyaad Barre oo waqtigaas ku jirtay maalmihii ugu dambeyey ee xukunka, waxaana la xoojiyey hawlaha garabkii hubaysa-naa ee Al-Ittixaad,iyadoona meesha laga saarin u diyaar garowga ha-nashda awood dalka.Waxaa Muqdi-sha gudaheeda laga sameeyey goo-bo lagu tababaro dagaalyahanada Al-Ittixaad, iyadoo la arkayey in da-gaalku imin doono Muqdisho. Xubno ka tirsanaa Saraakiisha ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kana mid ahaa hogaanka Al-Ittixaad ayaa waxaa sahan loogu kala diray gobo-ladda dalka kuwaas oo u arkay Hi-iran iyo Bari inay Istaatiijiyo ahaan Ururku u degi karo siday Al-Ittixaad ugu soo gudbiyeen warbixin ahaan Cabdicasiis Guureeye iyo Xasan Mahdi . Waa lagu gacan sayray iya-doo la tixgelinaayo go’aankii 1988-dii la qaatay ee ahaa inaan la dhexgelin dagaalka Soomaaliya ee qaabka qa-biilka ku socda

LA SOCO ARBACADA XIGTA

XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]

ISHA WWW.SOMALITALK.COMQore: Eng. Maxamed Cali Aadan | Minneapolis, USA | June 18, 2003

Qoraalkan aan cinwaanka uga dhig-nay “Xuquuqda Qoraalka [Copy-right]” waxa uu ka kooban yahay afar qaybood oo xiriir ah, waana mid aan ugu talo-galay wacyi gelin guud ee shacabkeena, gaar ahaan qorayaa-sha Soomaaliyeed. Waxaa sababay qoraalkaan in aan soo qoro waa kaddib markii qorayaal badan oo Soomaaliyeed ay soo bandhigeen wadada ay hadda kusocoto sax-aafada Soomaaliyeed oo u janjeerta in xadgudub weyn lagu sameeyo qoraalada, iyo in ay haboon tahay in arinaas wax laga qabto inta ayasan faraha ka bixin. Waxaana qoraalkan kaga hadli doonaa qodobada ay ka-mid yihiin:•Qiimaha iyo waxtarka Qoraalada •Kuxadgudbida iyo Tuugaysiga Qoraalada •Bililiqada Qoraalada

•Copyright iyo Islaamku wuxuu ka qabo •Xeerarka Xuquuqda Qoraalada •Noocyada Minguurinta

MAHAD CELINMahad oo dhan waxaa leh Allaah oo noo fududeeyey in qoraalkani idin soo gaaro, Allah oo inoo fududeeyey in aan qoraal ku xiriirno. Waxaa kale oo mahad u jeedinayaa intii igala qayb qaadatay cilmi baaristan ama aan qoraladooda wax kasoo xigtey oo ay kamid yihiin: Cabdulfatah M. Cabdulle (Canada), M.M. Ciise (Soomaaliya), C/Raxaan Ceynte (USA), Faysal ciise (Kenya), Yuusuf Cali (Soomaaliya), Ibraahim Saalax (Denmark), Fahad Yaasiin (Kenya), Ciise Dhollowaa (Australia), Cusmaan Bilaad (USA), Maxamuud Y. Garre (UK) iyo Max-amuud Wardheere (USA). Waxaan kale oo u mahadcelinaya akhristay-aasha SomaliTalk.com oo in badan noosoo tebiya talooyin wax ku ool ah. Waxa kale oo aan u mahad celinay-aa bahda SomaliTalk.com oo gacan weyn iga siiyey soo saaridda qoraal-kan.

QIIMAHA QORAALKA:Waxaan inbadan ka dahsoonayn faa’iidada uu leeyahay qoraalku, haddaba haddii aan inyar ka xusno faa’iidooyinka qoraalka waa:•Qoraalada waxaa laysku gaarsiiyaa cilmiga kuwaas oo qofka faa’iido u yeelan kara. •Waxaa qoraalada laysku gaarsiiyaa wararka, taas oo qofka uga digi karta halis ama u sheegeysa war farxad leh. •Qoraaladu waxay noqon karaa dhax-al loo gudbin karo jiilasha soo socda, si ay uga qaataan taariikh iyo cilmi dhaxal gal Qiyaas in qof ehel-kaaga ah uu kuu-soo diro warqad, laakiin aadan ga-ranayn sida loo akhriyo, markaasna aad u baahatid qof kuu akhriya isla mar ahaantaana kuu qora jawaabta, qiyaas hadaba qofka warqadii laguu soo diray kuu akhrinaya in uu nuxurkii ku qornaa warqada ogaanayo inta adigii ay kusocotey aadan ogaan.... Taas waxay kuu muujineysa qiimaha ay kuu yeelan karto in aad baratid sida wax loo qoro loona akhriyo, maalinta aad baratid ayaad dareemi kartaa qi-imaha rasmiga ah ee qoraalka.

Dhanka kale qoraalku waa maal, tusaale haddaan taas ka bixino: Mar-ka la bilaabayo ganacsi waxaa lagu bilaabaa in la dejiyo qorshihii ganac-sigaas oo qoraal ah, kaddibna inta ga-nacsigaas shirkada ku ah ayaa qoraal-ka kala saxiixda, qoraalkaasi waxa uu noqonayaa qaybta ugu muhiimsan ee maalka, waayo qoraalkaas ayaa ah kan wax lagu kala qaybsanayo, isla markaana lagu salaynayo saamiga uu qofkasta oo saxiixay warqadaas kuleeyahay shirkada la asaasayo.Mar haddii aan isla fahamney qiimaha qoraalka iyo in qoraalku yahay maal, kawaran haddii qoraalka lagu xad-gudbo ama la xado adigoo aan wax talo ah lagaa weydiin.

Page 7: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

TOWFIIQ COMMERCIAL CENTER

KALA XIRIIR SHIRKADA GANACSIGA EE TOWFIIQTELL:- 821111/16, OFFICE =825055/790003/790000

FOODSTAFF BUILDING=823018BUILDING MATERIAL =826107

Page 8: ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII … fileARBACA 01 APRIL 2009 Caddadka 18aad, Tell:-90712246/66712246 Email:-ilaysnewspaper1@gmail.com Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN

Buugta Akhriska Buugta Iibka

& Adeegyada Bulshada

Receipt Vouchers Payment

Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards EnvelopsStickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY

www.telcompuntland.com [email protected]

OGAYSIIS

Office Stationery

Office furnitures

Electronics and Satellite Digiitals

Renting Cars % For Selling

JOWLE ENTERPRISES

Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan macaamiisha shirkada Telcom Puntland In shirkaddu samaysay qiimo bedel, Qiimaha gudaha puntland

Qiimaha daqiiqadii Mobile-ka ee Puntland Gudaheeda waa sidan

�Maalinkii 6:00 AM to 6:00 pm Qiimaha halkii daqiiqo waa 0.01 cents/min ( hal cent) sidiisii hore

�Habeenkii 6:00 pm to 6:00 AM qiimaha halkii daqiiqo waa 0.005 cent ( nus cents ) halka uu markii hore ka ahaan jirey lacag la’aan

�Qiimaha fariimaha qoraalka ee dibadda loo dirayo waa $0.10 cents/SMS ( Toban cents halkii fariin)

Sms-ka Local Puntland macaamiishu waxa ay isugu diri karaan lacag la’aan

Qiimayaasha Dibadda iyo Somalia waxba isma bedelin waa sidoodii hore

Qiimaha cusub waxa uu dhaqangalay 16/03/09

Mahad sanidinMarketing DepartmentTEL

COM PUNTLA

ND

Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose: Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com

For more information please contact Manager of Jowle Interprises 797111