isbarbar-dhiga qiimeeynta warbixinta khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/soomaali/sheikh comparative...

20
Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh 2013/2015 XARUNTA LA-SOCODKA KHILAAFAADKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

Upload: others

Post on 21-Feb-2020

6 views

Category:

Documents


1 download

TRANSCRIPT

Page 1: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

Isbarbar-Dhiga

Qiimeeynta Warbixinta

Khilaafka iyo Amniga

Degmada Sheekh

2013/2015

XARUNTA LA-SOCODKA KHILAAFAADKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

Page 2: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta

Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh

2013/2015

Page 3: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 1

Hordhac

Laga soo bilaabo waqtigii la asaasay Maxadku La-socoshada Khilaafka iyo Kah-hortaga Rabshadaha 2009 1 (OCVP) Xaruntu waxay la shaqaynaysay daneeyayaasha maxaliga iyo kuwo caalami ah oo xaruntoodu ku taalo Magaalada Hargeisa, Somaliland. Sidoo kale Maxadku wuxuu dhawaan xafiisyo ka furtay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho si loo cabiro ama qiiimeeyo horumarka nabad-dhisida iyo dawlad-dhisida ka jirta dhammaan gobolada Soomaliland iyo Soomaliya. Dadaalka ujeeadda leh si loo taageero barnaamij dajinta iyo siyaasad cadeynta ku salaysan maxadka, OCVP wuxuu si joogtoa ah uga fuliyaa mcluumaad uruurin heer degmo ah loogu talogalay daabacaad cilmi-baadhis ku qotonta. Daabacaadaha ‘Qiimeynta Khilaafka iyo Amniga Degmada (DCSA) oo ah muuqaalka ugu muhiimsan ee ay xanbaarsan tahay OCVP.

Warbixinta Qiimeynta Khilaafka iyo Amniga Degmada, sida ay runtu tahay, waxaa loogu talogalay in loo adeeggsado aalad si joogto ah lagu soo uruursho ama lagu darso aragtiyaha dadweyanaha iyo dadka ka shaqeeya adeeggyada amniga, calaadada, iyo maamulka; iyo sidoo kale in mararka qaarkooda la daraasad lagu sameeyo waxyaalaha dhaliya ama sababa khilaafka ka dhex dhaca degmada. Noocyadan qiimeeynta ah ayaa ah mid aad u dhaliil badan, oo aan kaliya ahayn fulinta barnaamijyada cadeynta salka ku ahyaa iyo siyaasado lagu kalsoon yahay, haseyeeshee waxaa sidoo kale loo adeeggsadaaa aalad lagu kormeero ama qiimeeyo guusha ama guuldarada qiimeynta heerka degmo.

Iyadoo ay dhaliil badan tahay sii wadida qiimeeynta arrimaha la xidhiidha amniga, calaadada, iyo maamulka si loo sameeyo siyaasdo lagu kalsoon yahay iyo in wax laga qabto – ahmiyadu waxay tahay abuurida macluumaadka la isbarbardhigo isbadalka jihyesan si loo bayaamiyo wixii suurtogala ee shaqaynaya, iyo wixii aan suurtogal ahayn ee aan shaqaynayn, gaar ahaan degmooyinka bartilmaameedka ah. Iyadoo ay jirto taageerada Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ugu talogashay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah (DFID) Soomaaliya, OCVP waxay awood u yeelatay in ay qiimeeyn heer degmada Sheekh ah ay ka sameeyaan sannadihii 2013 iyo 2015. Ujeedadda warbixintan waxay tahay si la isku barbardhigo natiijooyinka iyo dhibaatooyinka isbadalada jiheysan laga soo uruurshay shaqooyinka macluumaad uruurinta.

Taariikhda Degmada Sheekh

Sheekh waxay ka tirsan tahay demooyinka ku jira darajada -C-2 wasay ku taalaa gobolka Saaxil oo ka mida Soomaaliland. Waxay 70 km waqooyi kaga beegan tahay magaalada Burco. Marka hore, Degmada Sheekh waa dhul sare, waxay ku taalaa dhul joogiisu uu ka sareeyo ilaa 1500 mitir. Degmadud waxay ku

fadhidaa 1600 km² iyadoo maamusha 29 tuulo tirada dadkana lagu qiyaasay 40,0003. Heerkulkeedu wuxuu u dhaxeeeyaa 24 ilaa 36°C waqtiyada diiranaha ama kaliisha waxay gaadhaa 5.5 ilaa 20° C waqtiyada qaboobaha ama jiilaalka. Xadiga roobka ee ay dagmadu hesho sannadkii waxay dhan tahay

1 Shabakadda: www.ocvp.org 2 Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka (Xeer Lambar # 23/2000 wax ka badal lagu sameeyey sannadkii 2007),

xeerkaasi wuxuu u kala saarayaa degmooyinka darajada A eel eh 21 xildhibaan (marka laga reebo Hargeisa; oo ah

caasimada dalka, oo leh 25 xildhibaan), B 17 xildhibaan, iyo C 13 xildhibaan. 3 Ku-xigeenka Duqa Degmada Sheekh, Op Cit.

Page 4: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

2 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

523 mm.4 Waxay jirtay ka-hor Gumaystihii Ingiriiska qarnigii 19aad5, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan Soomaliland. Magaaladan yar waxay astaan u tahay meelaha ay ka soo ukantay waxbarashada asaasiga ah ee Soomaaliland. Dugsigii hoose ee ugu horeeyey, kulleejo ay ardaydu seexdaan ayaa dib loo cusboonaysiiyey6, dugsigan degmada Sheekh waxaa la dhisay sannadii 1945 xilligii Maamulka Militari ee Ingiriiska uu wadanku ku hoos jiray.

Hanaanka Cilm- Baadhista loo sameeyey iyo Xadidaada

Suurtogalka ah

Labadii sanno ee 2013-kii iyo 2015-kii Qiimeynta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh waxaa loo adeeggsaday Laba dariiqo oo isku dhafan ayaa la adeegsaday cilmi baadhista la xidhiidha tiro ahaan (survey) iyo cilmi-baadhista aragtida ku salaysan qualitative (interviews) si loo soo uruursho aragtida dadweynaha ku saabsan xaalada amniga, cadaalada, maamulka, iyo sidoo kale xasiloonaanta degmada. Haseyeeshee, waxaa mudan in la magac dhabo in qiiimeeyntii sannadkii 2015-kii la sameeyey; la isticmaalay aalad cilmi-baadhis casriyeysan iyo khidado/xeelado ay ka mid ahaayeen:

a) Qaacido muunaad ahaan loo qaatay oo Cilmi ku salaysan oo loogu talogalay inay ka wakiil ama ka tarjunto inta ay leeg tahay muunada degmada lagu dabakhay warbixintii sannadkii 2015-kii, sidaasi daraadeed, isugayn dhan 152 jawaab bixiye ayaa si ku nasiibina ama aan la kala soociin cilmi-baadhis loogu sameeyey. Waqtigii ay socotay shaqada cilmi-baadhistu warbixinta 2013-kii lama isticmaalin qaacidada muunaad ahaan loo qaatay oo cilmiga ku salaysan. Bedelkeedii, kooxda cilmi-baadhista ayaa si ku nasiibina ama aan la kala soocin cilmi baadhis ugu sameeyey 80 jawaab bixiye.

b) Waxaa la isticmaalay Su’aalo qoraala wax laga badalay oo jawaabahoogii la socdaan si looga dheeraado qaar ka mida su’aalaha siyaalo badan loo fasilan karo ama madmadow ku jiro oo lagu ogaaday qiimeeytii la sameeyey 2013-kii ayaa lagu isticmaalay cilmi-baadhistii 2015-kii.

c) Su’aalo cilmi-baadhis sidii hore ka habaysan – oo iskuugu jira macluumaadka tayo aragti ahaanta loo eego ayaa dib looga shaqeeyey si midba midka kale isku ceshadaan ama dhammaystir u noqdaan loona helo macluumaad qoto dheer.

d) Telefoon gacmeedyo casri ah oo wata barnaamij macluumaad uruurin kombuutarku ku shaqeeyo oo ay samaysay (ODK) ayey isticmaaleen macluumaad-uruuriyaashu si ay ugu adeeggsadaan cilmi-baadhista 2015-kii, halka 2013-kii nidaamkii macluumaad uruurinta warqada caadiga aheyd ee su’aalahu ku qornaayeen iyo qalinka loo isticmaali jiray.

Iyadoo isbadaladan ay dhinaca macluumaad uruurinta ay ka keeneen horumar dhinaca tayada, waxaa lagama maarmaan ah in la ayido inay suurtogal tahay inay saameeyn weyn ay ku yeelato awooda iyo kalsoonida uu qof isku barbar dhigi karo laba macluumaad. Si kasta ha ahatee, Iyadoo arrintan niyada

4 Macluumad meel kale laga soo xigtay. 5 Ibid 6 Hadda, waxaa ku yaala Degmada Sheekh Xarunta Tixraaca (ISTVS) iyo Kulliyada Farsamada Xanaanada Xoolaha

lagu barto oo IGAD maalgaliso

Page 5: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 3

lagu hayo, macluumaadka laga helay sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii ayaa muujin kara qaar ka mida waxyaalaha ku tusi kara inay suurtogal tahay in isbadalo jiheysani ka dhacaan jiidahan .

Ka soo qaygalayaasha Cilmi-Baadhista

Watiyadii lagu jiray sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii Qiimeynta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh, Nidaamka Muunada Ku nasiibinta ah ayaa loo adeeggsaday dhammaan xaafadaha magaaladu ay kooban tahay si loo sugo tirada muunad ahaanta loo qaatay dhammaan xaafadaha magaalada si loo sugo in muunada la qaato ay tahay mid ka tarjumaysa. Halka qiimeeynta amniga iyo khilaafku degmadu uu ahaa jawaab bixiyaasha badankoodu haween labadii sannadoodba 2013 (71.3%) iyo 2015 (55.3%), waxaa jiray saamiga ka qaybqaadashada raga ah oo aad u weynaa sannadkii 2015 (44.7%) marka la barbardhigo sannadkii 2013 (28.8%). Eeg Jaantuska 1.

Jaantus 1

Jaantus 1

Ka soo

qaybgalayaasha

lab iyo dhadig

Year

2013 2015

Dhadig 57 84

Lab 23 68

Isgugeyn 80 152

Page 6: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

4 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

Jaantus 2

Heerka kala duwanaanshaha dhammaan saamiyada la siiiyey jawaab bixiyaasha da’aha kala duwan ee u dhaxeeya labad warbixinood muqaal sidaa u weyn kaumay lahayn ragga iyo haweenka. Jawaab bixiyaasha da’doodu u dhaxaysay 30 ilaa 39 ee ka tarjumayey da’da kooxda ugu weyn ee cilmi baadhista lagu sameeyey (29.0%) sannadkii 2013, iyo ta sannadkian 2015 lagau sameeyey oo u dhaxaysa da’aha 20 ilaa 29 (30.9%). Waxaa kiray farqi kala duwaanaansho oo aan sida u weynayn kaas oo u dhaxeeyey jawaab bixiyaasha da’doodu ka saraysay 60 iyo 50 ilaa 59, sidoo kale farqi yar ayaa u dhaxeeyey jawaab bixiyaasha da’doodu ahayd 20 ilaa 29, 30

ilaa 39, iyo 40 ilaa 49. Haseyeeshee, farqiga ugu weynaa ee ka qaybqaadashada la diiwaangaliyey ama la

Page 7: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 5

qoray labadii cilmi- baadhitaanintii u dhaxaysay da’doodu waxay ka hooseeysaysay 20, xubnihii kasta ee kooxdan oo ka koobnaa 15.1% ka mid ahaa jawaab bixiyaashii sannadkii 2015-kii badalkii ama halkii ay sidaas ahaan lahayd inay matalaan kaliya 4.0% sannadkii 2013-kii (eeg Jaantuska 2). Kala duwanaanshahani dhammaan kooxaha da’n ku yeelan lahayd macluuumaadka laga soo uruurshay labad warbixinood, waxaa xusid mudan in la ogaado in la iswaafajiyo labada xoggood ee su’aalaha cilmi baadhistii kasta ee aan da’aahanta loo eegin ama darsin.

Jaantus 3

Xaalada guur ee jawaab bixiyaasha ayaa sidoo kale muujisay qaar ka mida kala duwanaanshiyaha u dhaxeeyey labada warbixinood ee sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii. iyadoo kuwa laga soo xigtay inay xaaslay ahaayeen ay ka tarjumayaan ama ka wakiil yihiin jawaab bixiyaasha badankooda ku jiray labada warbixinood, ma jirin jaantus muujinayey jawaab bixiyaasha aan xaasleyda aheyni inay ka kordheen 10.0% cilmi-baadhistii sannadkii 2013 -kii ilaa 24.3% cilmi-baadhistii sannadkii 2015-kii. Haseyeeshee, jawaab bixiyaasha la furay ama kala tagay waxay ka kordheen tiradii markii hore oo ahayed eber cilmi-baadhistii sannadkii 2013-kii ilaa 2.0% cilmi-baadhistii sannadkii 2015 -kii. Haseyeeshee, waxaa muhiima in ahmiyada ay leedahay la muujiyoi in kala duwaanshiyaha qaarkood ay saameeyn ku yeelato inta ay leeg tahay muunada kordhay ee 80 jawaab bixiye sannadkii 2013-kii ilaa 152 jawaab bixiye sannadkii 2015-kii. si kasta ha haatee, sidoo kale waxaa suurtogala in macluumaadku tilmaami ama muujin karo saamiga ama tirade furniinka ee ka jirta magaalada taas oo lagu cadeeyey cilmi-baadhista dheeraadka ah ee lagu sameeyey.

Inkastoo kala duwanaanshaha loo kuurgalay ee ragga iyo haweenka, da’da iyo xaalada guur ee cilmi-baadhista lagu sameeyey jawaab bixiyaasha ay saameeynta ku yeelatay isbadalka ku yimid inta ay leeg tahay muunadu, farqiqa ku yimid isbedeladan ayaa suurtogala in sidoo kale ay saameeyn ku yeelatay aragtiyaha iyo waayo aragnimada laga soo xigtay jawaab bixiyihii kasta kadi markii la isku keenayey labadan macluumaad.

Aragtiyaha laga qabo waxqabadka dadka ka shaqeeya

Amniga, Cadaalada, iyo Maamulka

Page 8: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

6 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

Labadii warbixinood ee 2013-kii iyo 2015-kii Qiimeeyntii Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh ujeedooyinkoodu waxay aheyd qoraal la doonayey in lagu ogaado aragtida dadweynaha ee la xidhiidha hawlgalada, waxqabadka, doorbidida iyo tayada ay leeyihiin dadka sida tooska ah iyo dadka sida dadban uga shaqeeya amniga, cadaalada, iyo maamulka, sida Booliiska, maxkamadaha, dawlada hoose, cuqaasha dadweynaha, iyo culimada – iyo sidoo kale waxyaalaha sababa khilaafka.

Dadka Maamulka Ka shaqeeya

Intii u dhaxaysay labadii warbixinood ee 2013-kii iyo 2015-kii waxaa jiray korodh laxaad leh oo ku yimid saamiga ama tirada jawaab bixiyaasha kuwaas oo tilaamaysa ka warheynta inuu jiro Gole Deegaan (2013-kii: 75.0%; 2015: 98.7%) Degmada Sheekh. Waxaa muhiima in la xuso doorashooyinkii golaha deegaanka ee lagu qabtay degmooyinka Somaliland badhtameeyihii 2012-kii halkaas oo xildhibaano Gole Deegaan cusub laga soo doortay Sheekh kuwaas oo 25 bilood ee tegay shaqaynayey. Natiijadii kasoo baxday xildhibaanad waxaa si maldahan loo odhan karaa in xildhibaanadan run ahaantii aanay ku guulaysan in xidhiid fiican oo ay kula shaqeeyaan Booliiska, xaataa aan la odhan karin si lamida ama siman ayey ula leeyihiin guud ahaan xubnaha bulshada intooda kale.7

Jaantus 4

Sidoo kale kala duwanaansho aad u weyn ayaa ku dhacay saamiga ama tirada jawaab bixiyaasha laga soo warbixiyey inay ka qaybqaateen wadatashiyada Dawlada Hoose 12 bilood ee ka-horeeyey cilmi baadhistan (2013-kii: 2.5%; 2015: 19.5%). Waxaa in badan lagu celceliyey in xidhiidhkan u dhaxeeyey Golaha Deegaanka doorashada ku yimid iyo guud ahaan dadweynaha Degamada Sheekh uu kordhay iyadoo inta badan ka soo qaybgalayaashii dood kooxeedyadu ay sheegeen marka laga reebo culumada iyo Oday Dhaqameedyada kuwaas oo sheegay inaanay jirin xidhiidh u dhaxeeya iyaga iyo Golaha Deegaanka.

7 Macluumaadka aragtida ku salaysan dadka maamulka ka shaqeeya OCVP 2015-kii ku sheegtay Qiimeyntiii Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheikh

Page 9: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 7

Jaantus 5

Waqtigii u dhaxeeyey labada warbixinood waxaa jiray korodh aad u weyn oo ku yimid boqolkiiba jawaab bixiyaasha (2013-kii: 68.8%; 2015: 81.6%) oo laga soo xigtay inay ayidsanaayeen faa’idada ay lahayd xildhibaanada la soo doortay. Korodhkani muu lahayn jaantus muujinaya sababtoo iyadoo ay jirtay kacsanaan doorashada ka-dib iyo baahid doorasho fara badan taas oo iska hor istaagtay goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee doorashooyinku inay ku dhawaaqaan in doorashadu ahayd mid si ‘cadaalada u dhacay’,8 badi dadka madaniga ahi waxay ilaa iyo hadda ay rumaysan yihiin in doorashadu ay tahay qaabka ay ku door-bidaan inay ku soo doortaan hogaamiyaashooda (eeg Jaantuska 6).

Jaantuska 6

Korodhka ku yimid qiimeeyntii 2015-kii ka warhaynta jiritaanka Golaha Deegaanka (eeg Jaantuska 4) iyo heerka ka qaybqaadashada kulanada wadatashiyada golaha deegaanka la soo doortay (eeg Jaantuska 5),

8 Wado kal leexasho: Warbixintii ay diyaariyeen Goob-joogayaasha Doorashooyinka Caalamiga ah doorashadii golaha deegaanka ee lagu qabtay 2012-kii Somaliland Progressio, 2013.

Page 10: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

8 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

waxaa weheliyey kala duwanansho cad oo lagu kala sooci karo adeeggyada ay dawlada hoose bixiso. Jawaab bixiyaashii cilmi- baadhista 2015-kii ayaa muujiyey heerka aadka u weyn ee ka warhaynta adeeggyada Golaha Deegaanka bixiyo, sida: waxbarashada, caafimaadka, nadaafada, biyaha iyo kaabayaasha (eeg Jaantuska 7). Adeeggyadan ayaa sidoo kale lagu ogaaday markii laga hadlayey arrimaha u baahan in si deg dega wax looga qabto kuwaasoo soo wajaha jawaab bixiyaasha.

Jaantus 7

Waqtigii u dhaxaysay labada warbixinood may jirin jaantus muujinayey isbadalka afkaaraha jawaab bixiyaasha ee la xidhiidha arrimaha u baahan in si deg-dega wax looga qabto – iyadoo arrinta , iyo biyo nadiifa la’aantooda iyo biyo yaraan labadooduba ay ahayeen tabashooyinka ugu sareeya ee jawaab bixiyaashu sheegeen waqtiyadii warbixintan la soo qorayey (2013: 53.2%; 2015: 88.2%), tabashooyinka la xidhiidha kaabayaal la’aan ayaa sidoo kale kor u kacay (2013: 5.1%; 2015: 27.6%). Waxaa jiray saami korodh tabashooyin la dareemi karo oo jawaab bixiyaashu ay ka wareameen kuna saabsanaan xaaladad liidata ee nidaamka waxbarashada, gaar ahaan wax dhigista maxadyada oo liidata iyo waxbarashada tacliinta sare oo aan jirin sida (Jaamacadaha, dugsiyada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha) kadib marka laga baxo dugsiyada sare, ee ku yaala degmada (2013-kii: 1.3%, 2015-kii: 8.6%). Waqtigii uu socday waraysiyada sannadkii 2015-kii lala yeeshay kooxaha kala duwan ee ka socday degmada bulshada ku dhaqan, arritna labaad ee ay sheegeen ee u baahnayd in si degdega wax looga qabato waxay ahayed marka biyaha laga yimaado iyadoon si fiican aan loo helin tayada waxbarashada. Natiijooyinkii ka soo baxayt sannadkii 2015-kii ayaa sidoo kale tilmaamay inay jireen tabashooyin isa soo tarayey oo la xidhiidhay shaqo la’aanta, xaaladad dhaqaalo daro, iyo daryeel caafimaad.

Haseyeeshee, waxay u muuqataa inay jireen waxoogaa horumara dhanka nadaafada marka, la isbarbardhigo labada warbixinood, waxaa la ogaaday inuu jiray hoos dhac guud oo ku yimid boqolkiiba jawaab bixiyaasha kuwaas oo tilmaamayey inay jireen waxyaalo badan oo u baahnaa in si degdega wax

Page 11: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 9

looga qabto bulshada dhexdeeda (2013-kii: 46.8%; 2015: 7.9%). Helitaanka korontada ama laydhka ayaa iyana horumar laga gaadhay (2013-kii: 26.6%; 2015: 5.3%). Sidoo kale, (8.8%) waxay sheegeen wado iyo buundo xumo (1.3%) waxay sheegeen dhibaartooyinka kuwa uga daran sannadkii 2013, may jirin dhibaatooyin lagu sheegay cilmi-baadhistii lasameeyey sannadkii 2015-kii. Dhanka kale marka laga eego, waxaa la sheegay gaadiid xumo iyo masaajid la’aan, oo aan lagu sheegin cilmi-baadhistii sannadkii 2013 -kii, ayey ahaayeen tabashooyinkii ay sheegeen jawaab bixiyaasha intoodii yarayd wax yar (< 1%) waqtigii cilmi-baadhista la sameeyey 2015 -kii ( eeg Jaantuska 2).

Sidoo kale waxa la oggaaday in dood kooxeedyadii loo qabtay’ dadka maamulka degmada ka shaqeeya

inay sheegeen cashuurta oo aan ku filnayn ama dakhli soo xaroodaa aanu jirin taas oo la soo sheegay

labadii waqti ee cilmi baadhista lasameeyey, haseyeeshee cashuurta guryaha aya si toosa loogu bixiyaa

si loo xaliya khilaafaadka taas oo run ahaantii jawaab bixiyaashii cilmi baadhistu aanay u arag inay tahay

arrimaha deg dega u baahan in wax laga qabto.

Jaantus 2

Arrimaha ugu badan in si deg dega wax looga qabto

2013 2015

Biyo la’aan 53.2% 88.2%

Naafad daro 46.8% 7.9%

Leydh/koronto yari 26.6% 5.3%

Wado xumo 8.8% -

Ma garanayo 7.6% 7.2%

Shaqo la’aan 6.3% 12.5%

Kaabayaasha dhaqaalaha oo aan jirin 5.1% 27.6%

Dhaqaalo xumo 5.1% 7.2%

Caafimaad daro 2.5% 3.9%

Abaar 1.3% 0.0%

Waxbarasho xumo 1.3% 8.6%

Kayn goyn/dhir jaris si loogu isticmaalo dhuxul 1.3% 1.3%

Buundooyin/biriijyo 1.3% -

Amni-daro 0.0% 1.3%

Masaajid la’aan - 0.7%

Gaadiid xumo - 0.7%

Dadka Cadaalada Ka shaqeeya

Jawaab bixiyaasha badankoodu qiimeeyntii la sameeyey labadii sanno 2013-kii iyo 2015-kii ayaa tilmaantay heerka aadka u sareeya ee ka warhaynta la xidhiidha jiritaanka maxkamada degmada, haseyeeshee waxaa jirtay hoos u dhac aad u saraysa oo la xidhiidhay heerka ka warhaynta cilmi

Page 12: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

10 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

baadhistii danbe (2013: 93.8%; 2015: 78.9%). Ka sokow hoos u dhaca la soo sheegay, waxaa jiray korodh la xidhiidhay heerka kalsoonida ee nidaamka cadaalada rasmiga ah, 84.2% ee jawaab bixiyaashu ay tilmaameen oo ay aheyd inay aad ugu kalsoonaayeen nidaamka cadaalada marka la barbar dhigo 2015-kii 67.5% 2013-kii. Eeg Jaantuska 9.

Page 13: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 1 1

Jaantus 8

Figure 9

Inkastoo saamiga jawaab bixiyaashu ay tilamameen iin oday dhaqameedyada loo adeeggsado dadka cadaalada ka shaqeeya ay hoos ugu dhaceen eber (0) sannadkii 2013 ilaa 7.2% sannadkii 2015 (Eeg Jaantuska 10) xaqiiqadan waxay la xidhiidhay xidhitaankii muddada koobnayd ee afarta bilood aheyd maxakamada degmadu ay xidhnayn ka-dib markii gacan loo gaystay Gudoomiyihii Maxkamada sida ay sheegeen Ka soo qayb galayaasha dood kooxeedyadu iyo waraysiyadii lala yeeshay dadka xogogaalka ah. jawaab bixiyaashy kumay sheegin labadii warbixinood ee sannadadii 2013-kii iyo 2015-kii in oday dhaqameedyada oo adeeggsado dadka ka shaqeeya cadaalada (eeg jaantuska 11).

Page 14: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

12 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

Jaantus 10

Figure 11

Dadka Amniga Ka Shaqeeya

Booliiska, oo taageero ka hela Guddiga Badbaadada Degmada,9 ayaa ka shaqeeya nabad-galyada asaasiga ah ee Degmada Sheekh iyadoo sidoo kale ay door kaa la mida ka ciyaaraan cuqaasha iyo dawlada hoose.10 Iskaashiga ama diyaargarowgani wuxuu si gaara ahmiyad ugu leeyahay bulshooyinka degan baadiyaha aadka uga durugsan degmada halkaas oo tirada boolisku ay xadidan tahay ama aan boolis joogin. Waxaa sigaara loo arki karaayey saami korodhka ay sheegeen jawaab bixiyaashu in booliis joogo degmada (2013-kii: 48.8%; 2015: 99.9%) intii u dhaxaysay labadii warbixinood (eeg Jaantuska 12). Arrintani waxay sii kordhisay heerka ka warhaynta jawaab bixiyaasha sheegeen inay la xidhiidhay suurtogal ahaanta xidhiidhka dhaw iyo taageerada booliiska iyo xildhibaanada degmada dhawaan la doortay inay wax ka tareen amniga dadka degan degmada.11 Haseyeshee, marka laga reebo isbsadalka jiheysan ee laga soo sheegay xaafada Dariiqada oo ah goob ay degan yihiin dad si gaara uga soo jeeda taabiciintii suufiyiinta ee Islaamka. Labada warbixinood 2013-kii iyo 2015-kii ee degmadu waay

9 Waa Guddi Nabadgalyo ay sameeyeen hayada DRC. 10 Koox- Dhaliyaro, Op Cit. 11 Waraysi dood-kooxeed lala yeeshay Dadka Maamulka ka shaqeeya , Warbixintii Degamada Sheekh OCVP 2015,

Page 15: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 1 3

muujiyeen in dadka degan xaafaduhu gaarahaan xidhiidhka ay la lahaayeen dadka sida tooska ah uga shaqeeya cadaaladu uu liitay marka la barbardhigo dadkii kale ee ku noolaa qaybaha kale ee magaalada Sheekh.

Jaantus 12

Heerka ku kalsoonaanta in booliisku yahay dadka amniga ka shaqeeya ayaa sidoo kale loo arkay in boqolkiiba uu kordhay kadib markii jawaab bixiyaashu ay sheegeen inay ‘Aad ugu kalsoon yihiin Booliiska, kor ay uga kacday 45.0% sannadkii 2013-kii ilaa 79.6% sannadkii 2015-kii, halka dadka yidhi ‘Aaad uguma kalsoonin ay hoos tiradoodu u dhacday waqti isku mida 15.0% sannadkii 2013 ilaa 4.6% jawaab bixiyaashii 2015-kii (eeg Jaantuska 13). Sidoo kale, waqtigii ay socotay labada warbixinood waxaa jiray farqi aad u weyn oo u dhaxeeyey afkaaraha ay sheegeen dadkii ka soo qaybgalay dood kooxeeyada waxqabadka la xidhiidha Booliiska ka hawlgala Degmada Sheekh. Halka Ka soo qayb galayaasha badankoodii gaar ahaan kooxihii haweenka iyo dhalinyaradu ay sheegeen inay aragti fiican u hayaan waxqabadka Booliiska, halka kooxiihii ka qaybqatay dood-kooxeedyadu sida oday dhaqameedyada iyo culimadu ay ka biyo diideen ama aanay ku qanacsanayn. Haseyeeshee, kasokow ku kala duwanaanshaha rayiga dadweynaha, waxaa jiray in booliiska loo doorbido marka la rabo in loo gudbiyo danbiyo ayadoon loo tixgalinayeyn ama loo werwerayn arrimihii marag ma doonta ah, sida cabashada dadweynaha ama muwaadiinta, runtii waxaa jiray sidoo kale korodh ku yimid jawaab bixiyaasha sannadii 2015-kii marka la barbar dhigo dadka kale ee amniga ka shaqeeya sida oday dhaqameedyada iyo culimada.

Page 16: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

14 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

Jaantus 13

Isbad-badalka Khilaafka iyo Rabshadaha

Inkastoo dawlada hoose ee degmada Sheekh lafahaanteedu aan laga soo sheegin dacwado waaweeyn oo la xidhiidhay khilaafka 12 bilood ee la soo dhaafay kadib labada qiimeeyn midkood, waxaa jiray waxoogaa ku kordhay saamiga jawaab bixiyaasha cilmi baadhista lagu sameeyey (2013-kii: 7.5%; 2015-kii: 11.2%) kaas oo ay sheegeen inay lafahaantoodu u soo joogeen khilaaf dhexmaray laba reer ama kooxood (eeg Jaantuska 14). Gaar ahaan, waxaa jiray waxooga korodha ku yimid saamiga jawaab bixiyaasha oo sheegay inay u soo joogeen khilaaf ka unkamay khayraadka dabiiciga ah sida dhulka iyo biyaha (2013: 66.7%; 2015: 70.6%), iyo rabshado la xidhiidha dhalinyarada (2013: 16.7%; 2015: 17.6%). Haseyeeshee, inkastoo si sahlan loo heli karo isticmaalka khayraadka dabiiciga ah ayaa haddana u muuqatay inay tahay waxyaalaha ugu waaweeyn ee sababta u noqda in khilaaf ka dhaco Degmada Sheekh, kaliya waxay u muuqaata inay saameeyn ku yeelato qayb yar oo bulshada ka mida; bulshada intooda waxaa laga soo sheegay in amnigu sannadkan 2015-kii uu aad uga fiican yahay marka la barbar dhigo sannadkii 2013-kii (Eeg Jaantuska 16).

Page 17: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 1 5

Jaantus 14

Jaantus 15

Page 18: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

16 | P a g e

2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh – 2013/2015

Jaantus 16

Page 19: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCOSHADA KHILAAFKA IYO KA-HORTAGA RABSHADAHA

P a g e | 1 7

Gebogabo

Isbarbardhiga macluumaadka ‘Qiimeynta Khilaafka iyo Amniga Degmada Sheekh ’ wuxuu ahmiyad u

leeyahay labada macluumaad isbadal ee midba midka kale saameeynta ku leeyahay iyo sidii loo fahmio

lahaa jihada aragtida dadweynaha la xidhiidha meelaha ay cilmi baadhistu sida gaarka u taabanayso.

Iyadoo ay jirtay qaar ka mida dhibaatooyin soo wajahaya hanaanka cilmi-baadhista loo samaynayo

marka la is barbar dhigo labadii waribixinood 2013-kii iyo 2015-kii Qiimeyntii lagu sameeyey Khilaafka

iyo Amniga Degmada Sheekh (DCSA) sabab la xidhiidha inta ay leekayd muunada loo qaatay aalada

macluumaad uruurinta wax laga badalay, isbarbardhiga macluumaadka la sameeyey ee warbixintani

waxay tilmaamaysaa tilmaamaha isbadalada jiheysan ee suurtogalka ah inay ka dhacaan arrimaha ay

tibaaxeen labada warbixinood.

Marka la eego dhanka dadka maamulka ka shaqeeya iyo aragtida dadweynaha ee ku aadan dadka

maamulka ka shaqeeya, warbixintu waxay muujinaysaa in korodh weyni ka muuqdo heerka ka

warhaynta inay jiraan Gole Deegaan iyo sidoo kale ka qaybqaadashada wadatashiyada dawlada hoose.

Haseyeeshee, tabashada ugu weyn ee jawaab bixiyaashu ay sheegeen ay aheyd inaanay jirin biyo nadiifa

labadii waqtii ee warbixinta laga soo qoray, tabashooyinka la xidhiidha sida kaabayaal aan jirin ayaa

sidoo kale aad u koradhay inay hoos u dhaceen bolqolkiiba jawaab bixiyaasha sheegay inay jireeen

nadaafad darada oo aheyd arrimaha u baahan in si deg dega wax looga qabto.

Iyadoo jawaab bixiyaasha badankoodu labadii warbixinood ee la qiimeeyey ay tilmaameen inay

heerkaka warhayntu jiritaanka gole deegaan uu aad u sareeyey degmda sheekh, sidoo kale waxa jiray

hoos dhac laxaad leh oo ku yimid heerka ka warhaynta in gole deegaan jiro waqtigii ay socotay cilmi

baadhistu sannandkan 2015. Si kastaba arrintau aha ahaatee heerka kalsoonida loo hayey nidaamka

cadaalada rasmiga ah ayaan waxba iska badalin intii u dhaxaysay labadii warbixinood. Sidoo kale waxaa

jiray korodh ku yimid saamiga jawaab bixiyaasha ka faalooday in oday dhaqameedyada loo adeeggsado

dadka cadaalada ka shaqeeya intii u dhaxaysay labada qiimeeyn.

intii u dhaxaysay labadii warbixinood, ma jirin jaanntus muujiyey inay kordheen boqolkiiba jawaab

bixiyaasha sheegay inay ka warhayaan in Booliis joogo degmadooda. Haseyeeshee, marka la isbarbar

dhigo kala duwanaanshaha xaafadaha Degmada Sheekh, xaafada Dariiqada oo ay aad u degan yaihiin

taabiciyiintii Suufiyada ayaa laga soo sheegay ina aad uga hoseeyeen ka warhayntoody marka la

barbardhigo xaafadaha kale ee magaalada ku yaala. Sidoo kale, heerka ku kalsoonaanta loo hayey in

Booliisku ay yihiin dadka amniga ka shaqeeya ayaa aad u koradhay.

Waxaa sidoo kale qoraal laga sameeyey waxoogaa isbadala ayaa ku yimid saamiga jawaab bixiyaasha

sida gaarka ah uga waramay inay u soo joogeen khilaaf dhex mara laba reer ama kooxood. Gaar ahaan,

khayraadaka dabiiciga ah ayaa ah waxyaalaha sida gaarka ah u huriya ama u sababa khilaafak ka dhex

dhaca degmada Sheekh iyagoo ay weheliyaan rabashadaha ay abuuraan dhalinyaradu iyo isku dhacyada

qoysku.

Page 20: Isbarbar-Dhiga Qiimeeynta Warbixinta Khilaafka iyo …ocvp.org/docs/2015/Soomaali/Sheikh Comparative Print...2 | P a g e 2015 Isbarbar-dhiga Qiimeeynta Warbixinta K hilaafka iyo Amniga

XARUNTA LA-SOCODKA KHILAAFAADKA IYO KA-HORTAGA

RABSHADAHA