may 2 2009 cadadka 11aad
TRANSCRIPT
Madaxa Wargayska :
Maxamed Raage
May 2 2009 Cadadka 11aad
Xog-Maal waa Wargays ku hadla Afkaaga
Hooyo soona baxa Bishii labo jeer.
Bogga 14aad Qeybtii 6aad
Tifaftiraha Wargayska:
Maxamed Muuse Nuur
D oorashadii guud ee dhawaan dalka ka
dhacday waxay guul aqlabiyad ah ka
raacday xisbiga talada haya ee ANC ,
iyadoo asxaabta mucaaradka intooda bad-
dan ay afka ciida dareen, hase yeeshee xisbiga DA
ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hoyiyey doorashada,
wargeyska codka Soomaalida Koonfur Afrika ee Xog-
Maal wuxuu idiin soo gudbinayaa faahfaahin
dhamaystiran oo doorashooyinka ku saabsan. Eeg
Bogaga 2 aad illaa 8aad
Qodobada Wargeyska
Digniin: Durreyga
Doofaarka oo ka di-
laacay K/Afrika– Eeg
boga 12 aad
Surwaalka kor u
qaado waad qaawan-
tahaye-eeg boga 8aad
ENGLSIH NEWS
PAGE 15
Xisbiga Isha mise kan Afka
keebaad codkaaga siineysaa?
Sheeko Xiiso leh– Eeg Boga
6aad
Soomaali kuma doorashada oga
qeybgalay— Eeg bogga 7aad
Soo saaristaan waxaa ku jira aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista Nabigeena (SCW) Ee Fadlan hadhigin meel aan munaasan u ahayn Wargayska.
Fadlan kusoo dir wixii talooyin iyo tusaale ah ooaad wargayska u hayso E-mail [email protected] ama 26 Durban road Belville Cape Town
Xog-Maal SomaliTalk
Eeg boga 16aad
Doorashadii guud ee dalkani Koonfurta
Afrika waxaa loo dareerey maalintii arba-
cada ee taariikhdu ay ku beegneyd 22-ka
April, waxaa isu diiwaangaliyey 23
malyan oo qof, hase yeeshee waxaa cod-
kooda dhiibtey 17 milyan oo kaliya,
taasoo usoo bixidda doorashada ka dhig-
tey 77.3% boqolkiiba, 3 maalmood kadib
ayaa lasoo saaray natiijadii kama dambey-
sta ahayd.
Madaxa gudiga doorashooyinka qaranka
(IEC- Independent Electroral Commis-
sion) haweeneyda lagu magacaabo Briga-
lia Bam ayaa ku dhawaaqday natii-
jada rasmiga ah oo kama dambeysta ah:
ANC waxay heshey 65.9% oo u dhiganta
11.65 milyan oo cod, waxaa kusoo xigey
xisbiga DA oo heley 16.66% boqolkiiba
oo u dhiganta 2.95 milyan oo cod, waxaa
soo raacay xisbiga Cope oo heley 7.4%
boqolkiiba oo u dhiganta 1.31milyan oo
cod, waxaa xigey IFP oo heley 4.55%
boqolkiiba oo u dhiganta 800 cod iyo
dheeraad, waxaa iyana soo raacay xisbiga
ID oo heley 0.95% boqolkiiba oo u dhi-
ganta 162 kun oo cod, halka asxaabta soo
hartay oo dhan ay isku heleen 4.56% bo-
qolkiiba oo ah ku dhawaad hal milyan oo
qof.Tirooyinka kore waxay ka turjuma-
yaan in ANC ay heshay 264 kursi, halka
xisbiga ugu soo dhow oo ah DA uu heley
67 kursi, wallow ANC ay aqlabiyad
baaxad weyn ku guuleysatay, haddane
waxay dhibco jajab ah oo isha baasheeda
ah ku lumisey 3 duleel 2 duleed ee
kuraasta baarlamaanka si ay markaasi wax
oga badali karto dastuurka dalka iyada oo
aanan cidna kaashan, tirada loo baahnaa
waa 66.66% halka ay iminka heshay
65.90%.
Xisbiga DA ee mucaaradka ah ayaa isa-
gana wallow uu codad aad u yar ka heley
doorashada marka loo eego ANC, waxa
uu sheeganayaa guul weyn, tan koowaad
waa in ay ku guuleysteen gobolka West-
ern Cape oo ay iyaga dowlad goboleedka
dhisayaan, waxaa kale oo wehliya in ay
kordhiyaan tirada codadka ay ka heleen
doorashada marka la barbardhigo
doorashadii 2004-tii, waxay horey u
heysteen 12% boqolkiiba, iminka waxa ay
heleen 16.66 boqolkiiba.
Eastern Cape
Gobolka Eastern Cape ANC waxay
heshay 1,552,676 cod, taasoo u dhiganta
68.82% boqolkiiba , waxaa soo raacay
Congress of the People (COPE) oo heley
308,439 cod oo la mid ah 13.67 % bo-
qolkiiba, xisbiga Democratic Alliance
(DA) wuxuu heley 225,310 cod oo la mid
ah 9.99 %.
Xisbiga United Democratic Movement
(UDM) wuxuu heley 93,196 cod oo la
mid ah 4.13% . halka 13-ka xisbi ee kale
ee gobolkaasi ka tartamay ay heleen wax
ka hooseeya 1%.
Free State
Gobolka Free State ANC waxay ku gu-
uleysatay 734,688 cod (71.10%) waxaa
xigey COPE oo heley 120,018 cod
(11.61 %), DA waxay heshay 119,844
votes (11.6 %), hal dhibic oo jajab ah
ayay kala horeeyaan labbada xisbi ee
COPE iyo DA.
Xisbiga Freedom Front Plus (FF+) wuxuu
heley 20,780 (2.01%). The Dikwankwetla
Party of SA wuxuu heley 11,257 cod
(1.09 %t). asxaabta 14-ka ah ee hartay ee
ka tartantay gobolkaasi waxay heleen
taageerada dadka wax ka yar boqolkiiba
hal 1%.
Gauteng Gobolka barwaaqo sooranka ah ee Gau-
teng, ANC waxay heshay 2,660,267 cod
(63.99%) , DA waxay heshay 908,616
cod (21.86%) Cope-na waxay heshay
323,327 cod (7.78 %).
Xibiga FF Plus wuxuu heley 67,660 cod
(1.63%) halka Inkatha Freedom Party ay
qaadatay 61,856 cod (1.49 %). 15 xisbi ee
hartay waxay heleen wax ka yar bo-
qolkiiba hal.
Kwazulu-Natal
Gobolkani ay meelo ka mid ah ka taliso
boqortooyada Zulu-ga, xisbiga talada
haya ANC wuxuu ka heley 2,19,516 cod
(62.95%) waxaa xigey IFP oo heshay
780,027 cod (22.40%), DA waxay heshay
318,559 cod (9.15%) halka xisbiga Mi-
nority Front ay heleen 71,507 cod
(2.05%). Cope waxay heshay 44,890 cod
(1.29%) , halka inta soo hartay oo ah 12
xisbi ay heleen wax ka yar boqolkiiba hal.
Limpopo Gobolkani miyi xigeenka ah ANC waxay
ku guuleysatay codadkii ugu badnaa oo
dhan 1,265,631 cod (84,88%) waxaa
xigey Cope oo heley 112,325 cod
(7.53%). DA waxay heshay 51,856 cod
(3.48%), halka 15-ka xisbi ee soo haray ee
gobolkani ka tartamay ay heleen wax ka
yar boqolkiiba hal.
Mpumalanga Mpumalanga, ANC waxay heshay taa-
geerada dad gaaraya 1,110,190 (85.55%),
waxaa soo raacay DA oo heshay 97,204
cod kaliya (7.49%) iyo Cope oo heshay
37,789 cod (2.91%) . asxaabta harsan oo
ah 12 xisbi iyagu waxay heleen wax ka
yar 1%.
North West obolka North West oo ah kan ugu faqrisan
dalka ANC waxay heshay 783,794 cod
(72,89%) waxaa xigey Cope 89,573 cod
(8.33%) iyo DA oo heshay 88,728 cod
(8.25%), halka United Christian Democ-
ratic Party uu heley 56,678 cod (5.27%),
12-ka xisbi ee harsan waxay heleen wax
ka yar 1%.
Western Cape Gobolkani oo ah mid jinsado baddan
waxay guusha raacday xisbiga DA oo
heley 1,012,568 cod (51,46%) waxaa
xigey ANC oo heshay 620,918 cod
(31.55%), halka Cope ay heshay 152,356
cod (7.74%) waxaana soo raacay xisbiga
Independent Democrats (ID) oo heley
92,116 cod (4.68%). Xisbiga diinta ma-
siixiga ee ACDP wuxuu heley 28,995
cod (1.47%), asxaabta hartay oo gaaraya
17 xisbi iyagu waxay heleen wax ka yar
1%.
Northern Cape Gobolkani ANC waxay qaadatay 245,699
cod (60.75%) waxaa xigey DA 50,817
cod (12,57 %). Cope waxay heshay
67,416 cod (6.67%) ID waxay heshay
9,995 cod (4.94%) FF Plus waxay heshay
5.034 cod (1.24%) halka UCDP uu heley
4,889 cod (1.21%) iyo xisbiga ACDP oo
heley 4.041 cod (1%) .
Xog- Maal
2 May, 2009 XOG-MAAL 2
Nataa’ijka heerka qaran. Natiijooyinka Gobollada
Waxaa lagu tilmaamay doorashadii ugu cadaaladsanayd qaarada
Afrika oo dhan, waxaa joogay indha-indheeyeyaal ka socday
midowga Afrika, iyo urur goboleedka wadamada Afrikada
Koonfureed ee SADC , meeysan iman dad ka socda midowga
yurub iyo UN-ka.
Dowlada dalkani waa ay diidey in lasoo dirro kormeerayaal
caalami ah, kaliya waxay ogolaatay indha-indheeyeyaal, farqiga
u dhaxeeya labbada waxay kala tahay in kormeerayaasha ay
awood u yeelanayaan in ay farogaliyaan haddii muran dhaco,
halka indha-indheeyeyaasha aysan awoodaasi lahayd, kaliyana
ay warbixin ka diyaarin karaan.
Waa dalka kaliya ee qaaradani ku yaala oo aysan iman kor-
meerayaal Yurub ka socda, haddane ka dhacday doorasho aanan
lagu murmin, waxaana taasi ugu wacan dimoqoraadiyada tabar-
gashay iyo machadyada dhidibada adag ee dalkani ka jirra sida
kan doorashooyinka.Waxaa dadkii doorashada indha-
indheeynayay ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Nige-
ria, Obasanjo., wallow taasi su’aalo laga keeney iyadoo laga
shidaal qaadanayo diiwaanka aan wanaagsanayn ee doorashooy-
inka Nigeria oo lagu murmo.
2 May, 2009 XOG-MAAL 3
Dad baddan oo Soomaali ah oo dalkani ku nool waxaa laga yaa-
baa in aysan ku baraarugsanayn nidaamka doorashada dalkani,
nidaamka wax loo doorto dalkani aad ayuu oga duwanyahay sida
dad baddan ay gudoonsadeen.
Marka hore waxa ay dadka dooranayaan ma ahan shaqsiyaad,
tusaale ahaan dadka ma doortaan cidda madaxweynaha u no-
qoneysa, ama baarlamaanka u galaysa, ee waxay doortaan xisbi,
xisbiga ayaa soo xulaya qofka baarlamaanka u galaya ama mad-
axweyne u noqonaya.
Inta aan doorashada la galin ayay tahay in xisbi kasta uu soo gud-
biyo magacyada dadka baarlamaanka u galaya, iyo shaqsiga mad-
axweynaha ugu sharaxan, kadib ay ololaha ku galaan sidaasi,
marka doorashada ay dhacdo inta cod ee uu xisbiga helo ayaa loo
turjumayaa kuraasta baarlamaanka, halkii kursi waxaa u dhiganta
50,000 cod (konton kun oo cod), tusaale ahaan haddii xisbiga
helo boqol kun oo cod, 2 xildhibaan ayaa baarlamaanka u galay,
waxayna u kala galayaan hadba sida ay diiwaanka ugu kala
horeeyeen markii xisbiga uu gudbinayay magacyadooda ka hor
doorashada.
Ogow kuraasta la dooranayo waa kuwa labbada aqal ee kala ah
kan qaranka iyo kan maamul goboleed kasta ee 9-ka gobol, ma-
gacyada la gudbinayo waa kala gaar.Soo xulista dadka baar-
lamaanka galaya ee xisbi kasta waxay ku timaadaa doorasho xis-
biga dhexdiisa ah, waxay diiwaanka ugu kala horeeyaan hadba
sida ay ugu kala codbadanyihiin laamaha xisbiga ee soo doortey.
Waxaa doorashada ka qeybgalay 26 xisbi oo heer qaran u tarta-
may iyo 156 xisbi oo heer gobol u tartamay.
Waa sidee nidaamka doorashada
dalkani, maxay dadku doortaan?
Doorashada iyo hufnaanteeda.
Wallow ay si hufan u dhacday doorashada guud ahaan, haddane
waxaa jirrey dhacdooyin dhowr ah oo carqalad galiyey hamsamida
codbixinta.
Gobolka Kwazulu-Natal Police-ka waxay qabteen sargaal ka tirsan
gudiga doorashada oo watta waraaqaha codbixinta oo 100 xabbo
gaaraya oo calaamaysan ka hor intii aysan furmin goobaha codbix-
inta, markiiba waa la xirey, maalin kadib maxkamad ayaa lasoo
taagay, meel kale sargaal kale ayaa laga dhacay dhamaan qalabkii
codeynta, meel kale saraakiisha doorashooyinka ayaa dadka u shee-
gey in ay ku codeyn karaan qalin rasaas oo aan loo baahneyn qalin
biiraha, wallow aysan jirrin sharci xadidaya isticmaalka qalmaanta,
haddane waxaa yaab ka muujisey madaxa koomishanka
doorashooyinka.
Dhacdo kale waxaa go’ay waraaqihii codbixinta, waxaa gabaabsi
noqdey sanaadiiqdii codbixinta oo buuxsamay, meelaha qaarkood
korontada ayaa go’dey ka hor intii uusan waqtiga dhamaanin,
meelo kale waxaa dhamaatay khaddii ciddida dadka loo marinayay,
meel kale waxaa laga heley sanaadiiq buuxda oo la halgaaday, la-
akiin waxay noqdeen kuwa horey loo tiriyey.
Dhacdo kale sargaal gudiga doorashooyinka ka tirsan ayaa gaari la
jiirsiiyey oo waa uu dhaawacmay, meel kale waxaa isku dhacay
saraakiisha gudiga iyo taageerayaasha ANC, dhacdo kale sargaal
sare oo ka tirsan xisbiga Cope ayaa toogasho lagu dilley gobolka
Eastern Cape.
Tirakoobyo kooban
20,000 goobood oo codbixin ayaa codka laga dhiib-
tey
5000 indha-indheeyyeyaal oo dalka u dhashay iyo
352 caalami ah ayaa doorashada la socday
55 milyan oo waraaqaha codbixinta ah ayaa la daaba-
cay,
450 tan oo waraaqo ah ayaa la’isticmaalay
97002 sanduuq oo codbixin ayaa la isticmaalay
4.5 milyan oo qalmaan ah ayaa loo direy goobaha
codbixinta
1500 litar oo qad ah ayaa la isticmaalay si loogu
sunto gacmaha codbixiyeyaasha
11 bakhaar ayaa la isticmaalay si loogu keeydiyo
agabka codbixinta
Dhacdooyinka doorashada
Jacob Gedleyihlekisa Zuma, wuxuu
dhashay 12-kii April 1942-dii, tuulada
Nkandla ee gobolka Kwazulu-Natal,
wuxuu ka dhashay qoys dabaqada
hoose ah , aabihii wuxuu ahaa Police
wuxuuna dhintey isagoo yar,
hooyadiis waxay ahayd booyaaso
reero u shaqaysa, iskuulka isagoo
maraya fasalka sedexaad ayay ayeey-
diis kaxaysatay wuxuuna noqdey lo’
jir.
1959-kii isagoo 17 ah ayuu ku biirey
African National Congress (ANC) ,
wuxuu sanadii 1962dii xubin ka no-
qdey garabkii hubeysnaa ee ANC
(Umkhonto We Sizwe) kadib markii
la mabnuucay ANC 1961-dii. 1963-dii
ayaa isaga iyo 45 kale oo tabobar cii-
dan qaadanayay lagu xirey meel u
dhowr Zeerust galbeedka Transvaal
(hadda North West).
Waxaa l a gu eedee y ey in uu
maleegayay afgambi dowlada ka dhan
ah waxaana lagu xukumey 10 sanno
oo xarig ah oo ku dhamaystey
jasiirada Robenne Island oo uu Nelson
Mandela ku xirnaa.
Kolkii la soo siidaayay wuxuu dalka
musaafuris ahaan oga tagay 1975-tii,
wuxuu tagay dalka Swaziland, kadib
Muzambique, wuxuuna halkaasi ku
qaabiley sanad kadib kumanaan
dhalinyaro ah oo baxsad ah kadib kac-
doonkii Soweto ee 1976.
Sanadii 1977 ayuu kamid noqdey
golihii dhexe ee ANC, wuxuu kaloo
soo qabtay xilal kala duwan illaa ugu
dambeyntii uu noqdey madaxa sir-
doonka ANC.
Wuxuu dalka kusoo laabtay 1990 –kii
kolkii mabnuucida laga qaaday ANC,
isla sanadkaasi ayaa loo doortey gu-
doomiyaha ANC guud ahaan iyo gu-
doomiyaha ANC ee Kwazulu-Nala
halkaasi oo uu doorweyn ka ciyaarey
dammintii rabshadihii ahliga ahaa ee u
dhaxeeyey taageerayaasha ANC iyo
IFP.
1997-dii ayaa loo doortey madax-
weyne kuxigeenka ANC shirkii Ma-
fikeng ee uu xilka madaxnimada ANC
kula wareegey Thabo Mbeki, labbo
sanno kadib 1999 ayaa loo magacaa-
bay madaxweyne kuxigeenka dalka
kolkii Thabo Mbeki uu madax-
weynaha noqdey.
Laakiin shaqadaasi waxaa laga direy
14-kii June 2005-tii markii ay soo
baxeen eedeymo la xariira musu-
qmaasuq, isla sanadkaasi ayaa sidoo
kale lagu soo oogey dacwad la xariirta
kufsi haweeney qaadsan cudurka HIV
AIDS-ka , sanad kadib markii
maxkamad la keeney wuxuu yiri
―galmada kadib waan ka qubeystey si
aan u yareeyo khatarta cudurka‖,
dacwada kufsiga ah waa lagu waayay
markii dambe.
18-kii December, 2007 ayaa shir-
weynihii ANC ee Polokwane loogu
doortey madaxweynenimada ANC
isagoo ka reeyey Thabo Mbeki oo
xilkaasi kula tartamayay, 10 maal-
mood kadib ayaa Zuma lagu oogey
dacwado musuqmaasuq ah, bishii
agoosto ee 2008-dii ayuu xaakim ku
waayay dacwadaasi kaasoo madaxda
dowlada ku eedeeyey farogalin
dacwada Zuma, taasi waxay
horseedey in Thabo Mbeki xilka uu ka
dego, hase yeeshee waxaa rafcaan
xukunkaasi ka qaatay hey’ada gar-
soorka kadibna dacwadii ayaa lasoo
celiyey, laakiin isla hey’adani oo lagu
magacaabo NPA ayaa horaantii bis-
hani ka laabatay dacwadihii Zuma loo
heystey kadib markii ay soo ifbaxeen
cadaymo hor leh oo ku saabsan in
dacwada lasoo maleegey.
Iminka isaga oo 67 jir ayuu todobaad
kadib fariisanayaa kursiga dalka ugu
sareeya, waxaa xilka madaxweyneni-
mada loo caleemo saarayaa 9-ka May.
2 May , 2009 XOG-MAAL 4
Waa kuma Jacob
Xaflada Caleemo saarka Zuma waxay ku kacaysaa R75 malyuun
9 ka May waxaa xaflada caleemo saarka lagu qabanayaa qasriga madax-tooyada ee Pretoria halkaasi oo inka baddan 4000 marti ah iyo tobonaan kun oo dadweyne ah isugu tagayaan. Waxaa la sheegey in xaflada ay ku kacayso aduun gaaraya R75 malyuun, qarashkani waxaa lagu isticmaali doonaa cuntada, amaanka, isgaarsi-inta, gaadiidka, iyo dhamaan agabka looga baahanyahay xaflada, waxaa qa-banqaabada la bilaabay bishii Janaayo ee sanadkani, 4 bilood ka hor intii aan madaxweynaha la dooranin, shirkado ayaa qandaraasyo lagu siiyey in ay adeegyadani fuliyaan. Qofkii aysan u suurogalin in uu maalintaasi xaadiro, wuxuu ka daawan karaa mid ka mid ahboqolka shaashadood ee laga taagayo dalka oo dhan. Waxaa kasoo qeybgalaya madaxda aduunka intooda baddan iyo wafuud kala duwan. Caleemo saarkii Thabo Mbeki 2004-tii waxaa ku baxay qarash intan la’eg.
Xog-Maal
Inta aan u gudo galin barnaamijka ama mowduuca
aan isla qeexno waa maxay Naas Nuujin.
Naas Nujin waxaa looyaqaan waa hooyada oo qeyb
dheecaankeeda ka mid ah u hurtaa cunugeeda
islamarkaana siisaa caanaha ka yimaada jirkeeda
kuwaas o ah nooca 1-aad e lagu quudiyo dha-
laanka inta uusan gaarin cunida (raashiinka)
caadiga ah ee eynu qaadano, hadaba qeexida
kadib eynu isla aragno aadamaha iyo waxa uuka
qabo Naas Nuujinta inagoo kadib cadeyn doona
Allaah SW waxa uuka yidhi.
Tignoolojiyada casriga ah ee aduunku maanta
gaaray waxa ay awood u waayeen ama ka caa-
jiseen in ay sameyaan amaba ay soo saaraan
caano la mid ah kuwa hooyada xaga walxaha ay
ka kooban yihiin, dhadhanka iyo waliba midabka
iyo uduga.Caanaha hooyada ayaa ah nafaqo
dhameystiran oo buuxin kara rabitaanka iyo kori-
inka cunuga, intaas waxaa dheer in ay caanaha
hooyadu ka kooban yihiin walxo badan oo kordhiya
difaaca cunuga, kuwaas oo inta badan dib u dhiga
ama ka hortaga cudarada ay ka mid ka yihiin
1) cudurka dabeysha (polio)
2) Hargab (flu)
3) Dhega xanuun (otitis)
4) Cudurada ku dhaca habdhiska Neefsashada
( Respiratory tract Infections)
5) iyo cudurada caloosha, Xiidmaha iyo marinka
cuntada (Gastrointestinal tract infections)
Waxaa waayadan danbe soo kordhayay in hoo-
yooyinku aysan nuujin ilmahooda hadii ay nuuji-
yaana aysan nuujin mudadii iyo waqtigii ku
haboonaa oo ay durbaba Mujuruc iyo masaasad ku
quudin ku bilaabaan.
Run ahaantii waxtarka caanaha hooyadu ma ahan
mid ku kooban intaas aan soo sheegnay balse
waxay kale oo leeyihiin caanaha hooyadu faa’iidoy-
inka soo socda.
1)Caanaha hooyada waxaa ku jira qaar ka mid
unugyada difaaca jirka oo uusan cunugu sameysan
Karin bilaha u horeya noloshiisa sida IGA, IGM,
IGG, sidoo kale caanaha hooyadu waxaa laga he-
laa borotiino la falgala birta jirka (iron binding pro-
teins) loona yaqaan Lactoferins, isugeyoo unu-
gyadan iyo borotiinadan waxa ay hakiyaan taranka
iyo koritaanka noocyo ka mid ah bagteeriyada laga
helo xiidmaha bani’aadmiga, bagteeriyadan ayaa
inta badan u keenta cuduro uu shubanku ugu
horeeyo caruurta la siiyo caanaha dadsameyga
(Formula Milk).
2)Saxarada ilmaha naaska la siiyo ayaa ah mid
Aysiidh ah kana kooban maado loo yaqaan Acetate
buffer, maadada Acetate buffer ee laga helo sax-
arada Ilmaha naaska la siiyo ayaa waxa ay ka
hortagaa koritaanka iyo waxyeelada Noocyo badan
oo Bagateeriyada ka mid ah oo la isku yiraahdo
Gram negative Bacteria taas oo inta badan Qatar
ba’an iyo cudura halis ah u keenta Ilmaha aan
naaska la niijin. 3) Caanaha hooyadu waxay kaloo ka kooban yihiin
macdano miisan oo aan qashin saarka ilmaha dhib
weyn u geysan Karin siiba kelyaha, meesha ay
caanaha dad sameyga ahi ka kooban yihiin
macdano fara badan oo halis gelin kara kelyaha
ilmaha, maxaa yeelay kelyaha ayaa ah xubinta
jirka u qaabilsan qashin saarka macdanaha iyada
oo raacineysa kaadida wax alaale iyo wixii ma-
caadin ah ee jirka siyaada ku ah.
4) Sidoo kale caanaha hooyada ayaa qani ku ah
dux aan dheregdhaafsaneyn (Unsaturated Fatty
acid) taas oo ka qeyb qaatada koritaanka mask-
axda iyo garaadka cunuga halka ay caanaha dad
sameyga ah aad ugu yartay dux-dani amaba aan
lagu ogeyn qaarkood.Ilamaha lagu quudiyo ma-
saasada (Mujuruca) ayaa inta badan aad u cayila
una nugul cuduro badan oo faafa marka loo barbar
dhigo Ilmaha naaska hooyadii la siiyo. Shaxdan hoose ayaan waxaan ku muujineynaa
sida ay ugu kala nugul yihiin cudarada inta badan
ilmaha ku dhaca Cunuga naaska la siiyo iyo midka
masaasada lagu quudiyo.
udurka Ama
Jirada
Ilmaha Naaska
la siiyo
Ilmaha Ma-
saasada la
siiyo
Dhega xanuun 3.7% 9.1%
Cudurada Ku
dhaca san-
badada iyo
feeraha
1.1% 5.6%
Shubanka iyo
mataga 3.5% 6.9%
Inta Goor ee
cusbitaal ama
takhtar loo
geeyo
1.1% 5.6%
Wadarta guud 8.2% 21.1%
2 May, 2009 XOG-MAAL 5
Dowlad goboleedka Western Cape waxaa
ku guuleystey xisbiga mucaaradka ah ee
DA, gobolkani waa gobolka labbaad ee ay
ku noolyihiin Soomaalida ugu baddan,
haddaba waa maxay isbadalada la filayo.
Dabcan waxaa la filan karaa isbadalo
waaweyn dhankeey ahaadaataba, dhanka
wanaagsan haddii aan ku hormarno
Soomaalida waxay filan kartaa abni ka
wanaagsan kii hore taasoo dalka oo dhan
ay la wadaagayaan, hase yeeshee waxaa
kaloo la filan karaa in waxoogaa cadaadis
ah ay Soomaalida kala kulanto maamul-
kani cusub.
Ma jirri doonto cid si toos ah u bartil-
maameedsanaysa Soomaalida, taasi
micnaheedu ma ahan in aysan bartil-
maameed ahayd, xasuuso xisbigani waxa
uu matalaa danaha ganacsiyada waaweyn
ee gobolka ama dalka, Soomaalidana waa
dad ganacsada oo waliba muhaajiriin ah,
ganacsiyada xisbigani uu matalo ma ahan
kuwa jecel howlaha ganacsiga ee
Soomaalida taasina waa mid laga wada
dharagsanyahay.
Halkaasba aan ka ambo qaadno, waxa ugu
weyn ee lagu yeeli karro waa in ganacsiga
lagaa xirraa taasina waa mid aad ugu sah-
lan maamul kasta oo yimaada iyadoo loo
marayo dariiq sharci ah, looma baahna in
la yiraahdo ―ganacsiyada Soomaalida
ayaa la xirayaa‖, kaliya waxaa lasoo
saarayaa shuruuc cusub ama kuwii hore
ee jirey ayaa si haboon loo dhaqan gali-
nayaa, tusaalaha koowaad waa shuruucda
caafimaadka iyo ganacsiga, waxaa jirta
heer nadaafadeed oo ay tahay in laga helo
ganacsi kasta haddii ay tahay in uu
shaqeeyo, waa inagiiye bal ii sheega ga-
nacsiga ay Soomaalida leedahay ee shu-
ruuda nadaafada kasoo bixi karra? Waa
dhif iyo naadir, kolka maxaa hor istaagaya
in ganacsiga lagaa xirro?.
Tusaalaha labbaad waa canshuuraadka,
ganacsi kasta waa in uu diiwaan gash-
naadaa, canshuurna bixiyaa, Soomaali aad
u yar ayuu ganacsigooda diiwaan
gashanyahay ama canshuur bixiya, hadii
la xisaabiyo intii sanno ee aadan canshuur
bixinin hantidaada oo dhan dowlada ayaa
mulkineysa.
Tusaalaha sedexaad waa soonayaasha
ganacsiga, waxaa jira shuruuc xadideysa
goobaha ganacsi loogu tallo galay iyo
goobaha deegaanka loogu tallo galay,
waxayna shuruucdaasi ka mid yihiin qor-
shayaasha magaaleynta ee magaalo kasta,
xaqiiqadu waxay tahay in ganacsiyada
inta baddan Soomaalida aysan arrinkaasi
waafaqsanayn.
Tusaale kale wuxuu yahay aqoonsiga ,
qofka ganacsi furanaya waa in uu leeya-
hay aqoonsi dal-kujoog ah, Soomaali bad-
dan ayaanan heysan sharci oo ganacsiyo
leh, tusaale kale wuxuu yahay sharci mab-
nuucaya in la dhex seexdo goobaha ga-
nacsiga ama dab lagu dhex shitto oo wax
lagu karsado.
Waxaasi oo dhan iyo waxyaabo kale oo
Soomaalida loogu marmarsoon karro ayaa
buux ah, sidaasi darteed waxaa haboon in
waxyaalaha la awoodi karro wax laga
badalo.
2 May , 2009 XOG-MAAL 6
Xisbiyada AF iyo IL!
Asxaabta doorashada ka qeybgashay waxaan ku
sheegney 156 xisbi oo heer gobol ah iyo 26 xisbi oo heer
qaran ah, ugu yaraan labbo ka mid ah asxaabta ayaa leh
astaamo iyo magacyo ku yaabgalinaya.
Midkood waxaa lagu magacaabaa ―KISS‖ , wallow ma-
gaca laga soo gaabiyey jumlad ka turjumeysa magaca
xisbiga, haddane waxaa is waafaqaya magaca soo
gaabinta marka sida uu yahay loo isticmaalo iyo astaanta
xisbiga, KISS micnaheedu waa ―shumis‖, astaanta xisbi-
gana waa af faruuryo rooseeto marsan, KISS waxaa laga
soo gaabiyey Keep it Straight and Simple Party oo micnaheedu ay tahay xisbiga toos iyo sahal ka yeelka, waxaase xusid muddan in xisbiga shumis uu afka ciida daray kadib markii uu ku guulda-raystey taasoo dabcan ka turjuntey micno ahaan
magaca xisbiga, “ haddii wax la shuminayo, ciida ayay shumiyeen” . Xisbiga kale waa New Vission ama xisbiga aragtida cusub, waxaa astaan u ah il kusoo eegeysa, dabcan magaca iyo astaanta waa kuwa is waafaqaya, waxaa laga yaabaa in aad isweeydiso “meedey ishii kale?” , sow lagama yaabo in ay daboosheen si aysan niyad jab oga qaadin natiijooyinka kusoo qormaya sabuurada weyn ee xarunta koomishanka doorashooyinka ay ka heleen dhibco aad u yar.
Madaxii hore ee sirdoonka ANC xiligii
midab takoorka, Jacob Zuma waa nin
yaqaana la macaamilka Soomaalida,
sanadkii 2008 isagoo la hadlayay ururka
jaaliyada Soomaalida dalkani ee SASA
ayuu sheegey in Soomaaaliya ay ahayd
dalka kaliya ee baasaboorkiisa ay ku
safri jireen sirdoonkii ANC oo uu isaga
madax ka ahaa, waxay u badantahay in
xitaa isaga uu ku safray baasaboorka
Soomaaliya, madaxdii jaaliyada ee la
kulantay waxay u sheegeen in sidoo
kale baasaboorka Soomaaliya ay ku
qornaan jirtey weer dhahaysa ―waxaa
loogu safri karaa aduunka oo dhan,
waxaan ka ahayn Israa’iil iyo Koonfur
Afrika‖, taasoo uu qirrey Zuma.
Xiligaasi waa mid lasoo dhaafay, hadda
waa Zuma oo madaxweyne ka no-
qonaya dalkii uu waagaasi musaafuriska
oga maqnaa, waxaa dalka jooga
Soomaali tirro baddan oo ay heystaan
dhibaatooyin aan yarayn, haddaba
maxaa laga filan karaa hogaamintiisa
dalkani.
Waxyaalaha la filan karro waxaa ka mid
ah abniga wadanka oo hagaaga taasoo
ah faa’iidada koowaad ee Soomaalida
ay heleyso, waxaa kale oo miiska saaran
in wax laga badalo sharciga dalka lagu
joogo, tusaale ahaan waxaa dhici doonta
in qaxootiga la siiyo teesarooyin (ID)
cagaaran oo laakiin ay ku qorantahay
―Non Citizen‖ ama muwaadhin ma
ahan, waxaa kale oo wax laga qaban
doonaa musuqmaasuqa diloodey xafii-
syada bixiya shuruucda, laakiin waxaa
la adkeyn doonaa waxyaalaha qaarkood.
Lama ogolaan doono qof sharci darro
dalka ku jooga, xuduudaha waa la ad-
keyn doonaa, qof kasta oo dalka dambi
ka gala waa la masaafurin doonaa, ga-
nacsiyada noocyada aan sharciga dalka
waafaqsanayn iyagana waa la mabnuuci
doonaa.
Wasaaraha arrimaha Soomaalida qus-
eysa waa tan gudaha, waxaa dhici karta
in wasiir cusub la keeno wasaarada,
sidaasina ay wax weyn isku badalaan,
waxaa la hadal hayaa Nkosasani Dala-
mini-Zuma oo ah wasiirka arrimaha
dibbada, waa haweeney qibrad baddan u
leh arrimaha Soomaaliya iyo xaaladaha
ka jirra, waxaa laga fillan karaa wanaag.
Dadka Soomaalida ah waa ay ku kala
aragti duwanyihiin Zuma, dad ayaa
qabba in Zuma uu xaaqi doono muhaa-
jiriinta, halka kuwa kale ay aaminsanyi-
hiin in wanaag uu la iman doono maa-
mulkiisa, nin ka mid ah dadka ayaa
taleefoon ku wacay wiil saaxiibkiis ah,
wuxuu weeydiiyey qofka doorashada ku
horeeya, waxaa loo sheegey in Zuma uu
ku horeeyo oo uu helayo, wuxuu had-
dane weeydiiyey in Soomaalida u roon-
yahay iyo in uu u daranyahay, waxaa
loogu jawaabay in uu ka fiicnaan doono
maamuladii hore, wuxuu yiri ―saaxiib
aan u duceyno Zuma dhamaanteen‖.
Shaqsi ahaan Zuma waa nin Afrikaani-
mada ku weyntahay, waa nin arrimaha
qaarada muhiimad gaar ah siiya, ma
ahan nin u rukuuca reer galbeedka in
baddan, mar ka mid ah intii uu madax-
weyne ku xigeenka ka ahaa dalka waxaa
lagu eedeeyey in ay lacago soo siiyeen
hogaamiyeyaasha dalalka Liibiya, iyo
Angola si uu afgambi u sameeyo, waxaa
cad xiriirka weyn ee uu la leeyahay wa-
damada Afrika badankood, gaar ahaan
Liibiya oo u ololeysa mideynta Afrika
fikirkaasi oo uu si weyn oga soo hor-
jeedey madaxweynihii Zuma ka
horeeyey.
Waa su’aal xiiso leh, waxaase kasii xiiso badan jawaabteeda oo ay jeclaan lahaayeen in ay ogaadaan Soomaalida oo dhan, laakiin ka waran haddii adiga oo dariiq socda aad aragto sawirka nin Soomaali ah oo darbiyada ku dhagan oo ay ku dul qorantahay “I doorta”? . Sawirkani waxaa la kulmay
Soomaalida Cape Town ku nool qaarkood, runtii ninka ma ahan Soomaali laakiin aad ayuu ugu egyahay, wuxuu hogaamiyaa Xisbi goboleed ka jira gobolka Western Cape oo lagu ma-gacaabo United Independent Front, si kasta oo aad u eegto waa nin aanan laga aqoonin Soomaali.
Iyadoo Soomaalida dalka joogta 98% aysan lahayn xuquuqda codeynta, iskaba dhaaf in loo codeeyee, ayaa xittaa haddii dhamaantood ay xuquuqdaasi helaan aanan laga fikiri karin in qof baarlamaanka u fariisto, sa-babtuna waxay tahay in qofka fariisto kursi baarlamaan wuxuu u baahanyahay 50,000 (konton kun) cod, Soomaalida dalka ku noolna waa 30,000 kaliya, waxaa intaasi sii dheer in beel kasta ay qof soo sharaxan doonto had-diiba qof kasta uusan isagaba isa soo sharixin. Bal malee sodon kun qof oo dhamaantood wada musharax Ah? W.Q: Cali Gacal Xasan
Xog-Maal
2 May, 2009 XOG-MAAL 7
Kumaa doorashada Soomaalida uga qeybgalay oo tartamay?
D adkeena waa dad qaxootini-m a d a a y dilootey, kolka
ay arkaan dad saf ku jirra waxay gudoonsadaan in dadkani ay raashiin u sa-fanyihiin, koodii u baahan kula yaabi meeysid in markiiba uu horey safka ka galo oo waliba uu isku dayo in uu barmuudeeyo. Maalintii 22-dii April 2009 ee dalkani K/Afrika loo dareerey goobaha codbix-inta, waxaa naloo sheegey in Soomaali baddan ay safafka galeen iyagoo aanan lahayn xuquuqda codeynta, ma ahan wax la qariibsado in qofka uusan xittaa ogeyn sababta loo safanyahay maadaamaa uusan luuqada aqoonin oo uusan fahmeeynin wararka 24-ka sac saxaafada dalka ay tabinayso. Waxaa la sheegey in sara-akiisha doorashooyinka iyo ciidamada amaanka ay safafka ka saareen dad Soomaali ah oo sitta waraaqaha qaxootiga iyo aqoonsiyo kale oo aanan u ogolaaneynin in ay codeeyaan. Caadi ahaan in qofka qaxootinimada dalkani ku yimid uu yeesho xaqqa codeynta waxay qaadanay-
saa muddo 10 sanno ah in uu dalka ku noolaado isagoo qaxooti loo aqoon-sanyahay, laga soo bilaabo maalinta qaxootinimo loo aqoonsado ee la siiyo waraaqda “Status-ka” loo yaqaano waxay tahay in uu dalka joogo muddo 5 sanno ah oo uu qaato 3 waraaqdaasi ah taasoo lab-badii sannaba mar dhacda oo mid kale lagu badalo, kadib waxay tahay in uu qofka xaraysto codsi de-genaansho rasmi ah, kolka uu helo shahaadada de-genaanshaha rasmiga ah oo loo ogolaado ayuu xaraynayaa teesaraha ca-gaaran oo ay ku qoran-tahay “non citizen”, marka uu teesarahaasi heysto muddo 5 sanno ah oo laga bilaabayo maalintii uu heley aqoonsiga degenaan-shaha rasmiga ah. Kadib wuxuu codsanayaa muwaadhinimo taasoo uu xaq u yeelanayo in uu no-qdo mudwaadhin buuxa oo heysta teesaraha cagaaran oo ay ku qorantahay “Citizen” ama muwaadhin, markaasi wuxuu leeyahay xaqqa in uu codeeyo ama loo code eyo. W.Q: C/raxmaan Nuur Jillay.
2 May, 2009 XOG-MAAL 8
“Surwaalka kor u qaado, waad qaawantahaye”
Qore: Tifaftiraha
Nin feetey daboolo lama yiraahdo, haduusan ahayn qof mi-
yir doorsoomey, doorkaagu waa in aad ka jeedsataa, laakiin
ka waran haddii uu ku dhex feedanayo masaajidka
dhexdiisa?
Malaha su’aashani waa hal xiraale?, mayeey!, haba ka
yaabin ma ahan halxiraale, waa xariiq jirta, bal dhugo
nuxurka.
Waxaa jirta maahmaah oranaysa ―dhajiga (dhaji= nooc ma-
saska ka mid ah) dhulkuu jooguu dhogortiisa leeyahay‖,
dhalinteena dhulkeey timaaado ayay la dhaqan noqotaa,
dalka Koonfur Afrika waxaa ka jirra nooc dharxirasho ah
oo dhalinta u ah noocii ugu dambeeyey ―aalta moodo‖, si la
mid ah labiskii Soomaaliya ee sideetameeyadii ee sur-
waarka lugaha holofka ah (abu elefaante) la xiran jirey, ti-
mahani la tuuran jirrey.
Labiskani qofka wuxuu xiranayaa kastuuno yar, wuxuu ka
dul gashanayaa surwaal jilbaha waxyar hoos u dhaafsan,
surwaalka waxaa suunka looga dhuucinayaa barida hoos-
teeda xagga dambe, xagga horane bisqinta dusheeda, waxaa
banaanka imanaya kastuumiyihii yaraa oo barida kala
baraya, haddii shaarka ama funaanada ay qarin lahayd
qeybtani banaan, iyaguna waa sheeyo aad u gaaban oo sinta
ku eg oo la arki karro qeyb jirka qofka ka mid ah.
Balaaqo ahaan waxaa lagu tilmaami karaa qof qaawan,
waxaad is leedahay qofkani surwaalka ayaa ka dhacaya,
qaarkood ma dhuuciyaan, waxay sameeyaan inta ay dabci-
yaan meesha aan soo sheegeyna geeyaan ayuu surwaalka
hoos usii dhacaa kolkaaseey maanta oo dhan ku mashquul-
sanyihiin kor usoo qadistiisa iyagoo geeynaya halkii ay ugu
tallo galeen si uusan u dabrin socodkooda.
Labiskaasi silica ah waxaa sida uu yahay u dabaqay dhalin-
yarro baddan oo Soomaaaliyeed, iyagoo xarago mooda,
kaaga daran masaajida ayay soo galaan iyagoo sidaasi ah,
kolkaasaa marka uu qofka suquudo ama rukuuco, coowra-
diisa oo dhan ayaa banaanka imanaysa.
Mid ka mid ah shuruudaha salaada waa in coowrada la as-
turaa, marka taasi laga soo taggo dadka gadaashiisa ku tu-
kanaya ayay salaada waswaas ka galaysaa marka rakco
kasta qof futadiisa banaanka taalo ku hor sajuudayo.
Qaar ka mid ah culumada masaajidada Soomaalida waxay
marar baddan ka hadleen arrintani, iyadoo dadka loo
sheego dhibaatada ay arrintani leedahay.
Tahniyad Arroos oo
farxad leh
Waxaan halkaan hambalyo
aroos ugu diraynaa arooska i yo a r o o s a d a k a l a a h
yuusuf max,ed ow cal i safiyo max,uud (faras) oo ni-
k a a x o o d a maanta ka dhacay magaalada mu-
qdisho anagoo kala ah
1 x useen m ax ,u u d f a r as 2 c / l a ah i max , uu d f a r as 3 max ,ed max ,uud fa ras 4 s a a l a n m ax , u u d f a r a s 5 a a d a n m a x , u u d f a r a s 6 ow abshir max,uud faras 7 ow c/raxmaan max,uud faras 8 farx i yo max ,uud faras 9 n a f i s o m a x , u u d f a r a s 10 xamda max ,uud faras 11 hodaney max,uud faras 1 2 r a a x o m a x , u u f a r a s 13 ow liibaan max,uud faras 14 faaduma cabdi f i idow 15 qadarey max,ed jimcaale 16 shari i fo cal i ib raahin 1 7 i b r aah i n s h i iq x a s an 1 9 i s m a a n c i i l c a t u u t i 20 cabdi macalin madoobe 21 muxumud xasan (burfuule) 2 2 y a a s i i n b u r f u u l e 2 3 c / l a a h i g o w s 2 4 m u x u m u d w e h e l i y e 2 5 c a l a a y x u s e e n 26 cabdi max,ed cali (cabdi cade) 27 max,ed deeqo muuse nuur 2 8 m a d i i n o j i i l e 2 9 q a a l i t e e r s a a l e 3 0 l u u l m a x , , u u d j a g n i
31 c/lahi nuur gacal
Waxaan leenahay hambalyo
hambalyo salaad iyo safiyo no-
qda kuwii loo aayo ubad qayr
qabana kala hela Wada
Noolaada oo Nabad ku Waara
ayaa Idin leenahay Aamiin
Aamiin aalahayow Aamiin
Tahniyad Aroos oo
kal iyo laab
1. Cabdulaahi Macalin Gacameey
2. Muuse Muude Afrax
3. Xaaji Abuukar Suuleey
4. Raxmo Maalin
5. Jawaahireey Sheekh Ibraahim
6. Sheekh Daahir Maxamed
Sharax
7. Mudane Sabriye
8. Sheekh Yuusuf Jirroow
9. Sh. Cabdullaahi Raceey
10. Maxamed Muuse
Cusmaan Macalin Fardax
Iyo guud ahaan ehelada iyo qaraa-
bada arooska iyo aroosada dadab
galay dhawaan oo kala ah Cumar
Xusseen Juun Carrabeey iyo
Marwo Fardoowso Nuur Max-
amed, waxay dadka tahniyada
diraya leeyihiin ―noqdo kuwii isku
waara, kala hella ubad kheyr qaba,
dalkooda, dadkooda, iyo diintood-
aba difaaca una dirira‖. lamaanaha
waxa ay ku aqal galeen xaafada
Bellville ee Cape Town,
2 May, 2009 XOG-MAAL 9
Adeega Bulshada ee Xog-
Maal
Wargeyska codka Soomaalida Koonfur
Afrika ee Xog-Maal wuxuu idiin hayaa
adeegyo bulsho ama ii dhehyo oo kala
duwan.
Xog-Maal waxa uu qiimo jabban idiinku
faafinayaa tahniyadaha arooska, hamba-
lyooyinka dhalashada, tiiraanyada tahsi-
yadaha, baafinta dadka kala maqan, ii
dhehyada iyo ogeeysiisyada, iyo
dhamaan waxyaabaha aad u baahanti-
hiin ee quseeya warbaahinta.
Xog-Maal waxa uu dhamaan adee-
gyadani idiinku qabanayaa qiimo jabban
oo ku raali galiya.
Waxaa suuro gal ah in aad isweeydi-
ineysid muhiimad ku jirta in qof aroos
galay ama ilmo u dhashay aad war-
baahinta oga tahniyadeeyso, ma jirto
hadiyad ka qaalisan oo aad qof siiso oo
aan ka ahayn in aan hawada u mariso,
qofka waxa uu dareemayaa in uu jirro
qof farxadiisa la wadaagayo, taasina
waxay keeneysaa jeceyl iyo maxabo
saa’id ah.
Wax kale oo aad bakheyl ka noqotaba,
haka noqonin in aad qof u tahniyadeey-
sid.
Kala soo xariir Xog-Maal
Email: [email protected]
Cell: 0721277344 ama 0767059384
Habeenkii talaadada oo ay
taariikhdu ku beegney 21 April,
2009, abaaro 5-tii fiidnimo ayaan ka
xaadirey xafiiska qaabilaada
qaxooriga ee Nyanga, Cape Town, si
aan usoo cusbooneysiisto shar-
cigeyga aan dalka ku joogo, waxaan
kasoo safray Johannesburg oo 1500
km u jirta Cape Town, waxaan xiliga
habeenbarka ah u tagay xafiiska waa
in aan safka sii qabsado, waxaa safka
iiga horeeyey xiligaasi 15 qof safka
aniga i quseeya.anga kama kaftamo
sharciga maba fududeysto, waxaan
ogahay muhiimadiisa.
Waxaan huwanahay buste, kartoona
waan wataa, ma malayn kartid dhax-
anta meesha ka jirta, waxaa kaaga
daran suurtagalnimada in meesha
tuugo hubeysan nagu soo weerarto,
mid ka mid ah safafka waxaa ku jirra
in ka baddan 80 dhalinyaro
Soomaaliyeed oo da’doodu u
dhaxayso 17 jir illaa 30 jir,
dhamaantood waa ay cusubyihiin.
Dadka inta baddan waa ay jiifaan,
qaarkood ayaa kooxo kooxo u taagan
oo hadal dhaadheer ku sheekey-
sanay, jidka dhanka kale waxaa
joogo koox dhalinyaro ah oo dab ku
shittey meesha si ay u kulaalaan,
wax yar kadib waxaa yimid gaardi-
yaan gaari ku jooga wuxuuna amray
in dabka la dansho, sababtuna waxay
tahay meesha waxaa ka dhow war-
shado iyo xaafado isku raran ah, hal
dhimbil haddii ay ka hulaaqdo dabka
waa masiibo qaran oo ugu horey-
galaafaneysa inteena meesha joogta.
Dhowr jeer ayuu ninka soo noqno-
qdey oo uu kolba dabka damiyey.
Waaga waxaa ka dhiman saacado
aad u baddan, hurdo lama ladi karro,
soo jeed waa lama huraan, daqiiqad
kasta oo dhaaftaba waxaa soo gur-
maya dad ay keenayaan gawaari gaar
ah oo safafka ku kala biiraya, dadka
ugu baddan waxay imanayaan marka
uu waaga soo dhowyahay, markii
goorsheegto ay isku taagtey 10 saac
aroornimo ayay yimaadeen waardi-
yeyaashii dadka kala hagi jirrey.
Markii hore tartiib ayaa la’isaga
fadhiyey, laakiin nimankani ayaa
dadka sare kiciyey, iyadoo la taa-
ganyahay ayaa safafkii la galay, isku
dayga in hortaada la galo waa
200% , dadka horey iyo gadaal ayay
isu riixayaan, isbuurasho tuu ugu
darneyd, daqiiqad kasta waxaa la’is
ku heystaa ―horteeyda ha galin iyo
waan ku jirrey‖, si kale waxbo kuma
fahamtide saacadihii waaga ka dhi-
manaa oo dhan waxaan ku dhamay-
sanay inagoo is riixeyna.
Aroortii halka saac ayay yimaadeen
saraakiishii wasaarada oo ay bilaa-
been in ay gudaha galiyaan tirooyin
cayiman oo ay safafka ka
qaadanayaan, safkeena ayay ku bi-
laabeen oo warqadaha ayay naga
aruuriyeen qof kasta oo laga qaadana
horey ayaa gudaha laga sii galinayaa,
ku dhawaad 30 qof ayaa safkeena
laga siidaayay.
Markii aan gudaha galay ayaan
arkay nin aan xalay oo dhan
horteyda ka waardiyeynayay oo gu-
daha lasoo galiyey, waan arkayay
nin waardiye ah ayuu lacag siiyey,
wax weyn ilama noqon arrinta, wax-
bana kama qaban karin, waxaan
ogahay in aan ahay qofka ugu na-
siibka baddan haddiiba aan safka ku
galay oo aanan seegin.
Cabashada ugu weyn ee dadka waa
barmuudada ama waardiyeyaasha oo
laaluush xoogan ku qaata in dadka
ay safka taloowsiiyaan, gudahana
galiyaan, la yaabi meeysid in qof
kuu sheego in uu bilooyinka safka
galayay, uusan marnaba gudaha ga-
lin iyadoo dad gadaal ka yimid ay
heleyaan waxa ay doonayaan.
Aniga taasi i beerlaxawin meeyso ,
ma ahan in aan calool adkahay,
waxaan ogahay isha ay dhibaatani oo
dhan kasoo burqatay, sabar la’aanta
Soomaalida iyo qaneecaad dara-
dooda ayaa gaarsiisey heer wixii ay
xaqqa u lahaayeen ay lacag ku bixi-
yaan, ma jirro qof 5 daqiiqa doonaya
in uu saf taagnaado, haddii xittaa
100 qof ay safka kaga horeeyaan
wuxuu doonayaa in uu noqdo kan
ugu horeeya lacagna waa uu ku bixi-
nayaa.
Dhibaatada waxay gaartey heer
aanan waxbo laga qaban karin, aniga
waan soo heley sharciga laakiin
waxaan banaanka ugu imid qaar bad-
dan oo dadkii xalay dhaxanta ila
dhafray ah oo aan waxbo helin, mid-
kood ayaan ku iri ―lo’ lugaheeda
ayay isku biyo gafisaa‖, looda waa
xoolo aad u biyo jecel marka ay
warta gasho biyaha ayay dhexjiirtaa
oo biyihii dhoobeeysaa sidaasina ku
biyo gaftaa ama calaqa fuuqsataa,
Soomaalida waa la mid.
Qore: Cabdinaasir Axmed Sh.
Bashiir (saxansoxo)
Xog-Maal
2 May , 2009 XOG-MAAL 10
N e b i g u wuxuu xanuunsanayey 18
maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa,
Xanuunkii ugu horreeyay w u x u u a h a a M a d a x -
xanuun,habeenkii isniinta ee
uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii
c u s l a a d a y .
Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax
wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna
yidhi: (Assalamu caleyka yaa
rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: 'Rasuulkii Illahey naf-
sadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii
cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay
rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa
maqlay rasuulka wuxuuna yidhi: 'soo gal Bilaal', waana
soo galay Bilaal isagoo ooyaya
Rasuulkuna (SCW) wuxuu yidhi Bilaalow xanuunkii ayaa
igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar
Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha
saaranaya, oranaya musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale
oo la mid ah. Masjidkii ay uu
galay, wuxuuna Abuubakar ku yidhi 'Nebigu wuxuu ku am-
rayaa inaad salaadda tujiso' Abuubakar markii uu arkay
mixraabkii uu Nebigu (NNKH) istaagi jiray oo faaruq ah wuu
hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana
qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qey-
ladii ayuu maqlay Nebigu
(NNKH) wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna
yidhi ' Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka
yeedhaya?' waxay tidhi Faad-umo 'Muslimiintii ayaa qeyli-
naya markey ku waayeen'.
Rasuulku wuxuu u yeedhay
Sayid Cali iyo Fadal Bin Ca-baas, weyna garba galeen
waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka bixiyay
asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dar-
daarmay asxaabtii wuxuuna yidhi: 'Waxaan idiin dardaar-
mayaa oo aan idiinku sagooti-nayaa cabsida Illahay iyo
inaad adeecdaan oo aad
amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka ta-
gayaa) adduunyada, maan-tana waa maalintii iigu dam-
baysay adduunyada iiguna h o r r e e y s a y A a k h i r o ' .
Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa,
Illahay ayaa u waxyooday
Malakul-mowt wuxuuna yidhi: 'Hoobo (u tag) xabiibkayga
(kaan jeclaa) Muxammad (NNKH) uguna tag suurad
wanaagsan una naxariiso) marka aad ka qaadaysid
nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u
gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo
l a a b o ' .
Malakul-mowt wuxuu u tagay
Nab i geena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin
reer miyi ah, wuxuuna yidhi: 'Assalamu calaykum ma soo
galaa?' Faadumo ayaa la ha-dashay oo tidhi: 'Ninyahow
rasuulkii illahay wuxuu ku
mashquulsan yahay Naf-s a d i i s a ' ! !
Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii,
waxaana maqlay rasu-ulkii.Rasuulka (NNKH) ayaa
Faaduma ku yiri: 'Ma ga-ranaysaa ninka?'. Faaduma
waxay tidhi: ' Maya' rasuulku wuxuu yiri: 'waa ninka gooya
macaanyaalka, kala geeya
(kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira
Qubuurta, ilmaha agoomeeya, naagahana carmal ka dhiga,
waxaana la yiraahdaa Malakul- m o w t ' .
Faaduma markay ogaatay in
ninku yahay malakul-mowt
ayay ooyday, waxayna tidhi: ' masiibo ayaa nagu dhacday,
waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey
ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka
imaanayey, waxaan wey-neynaa hadalkii rasuulkeena,
maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.
Rasuulku wuxuu yidhi: Faad-umoy waxaad tahay qofka
ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)'
wuxuu kaloo rasuulku yidhi:' malakul'mowdow soo gal'
wuuna soo galay mala-kul'mowt, wuxuuna yidhi.
'Assalamu calayka yaa rasuul-
lulaah' rasuulkuna wuxuu yidhi 'wacalaykum assalam
yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo
siyaarato mise inaad iga qaado nafta?'.Malakul-mowt
wuxuu yidhi: 'waxaan kuugu imi inaan ku soo siyaarto
kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii
idmi weydo waan iska no-
qonayaa! Rasuulku wuxuu yidhi: 'malakul-mowdow xag-
gee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu
yidhi:'waxaan uga soo tagay samada adduunyada', isla
markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Ne-
biga madaxiisa, wuxuuna ra-
suulku yidhi: 'miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday?
Wuxuu yidhi:'waan ogahay rasuulkii Illaahayow'.Rasuulku
wuxuu yidhi: ' iigu bishaarey illaahay agtiisa waxa ii yaala
oo karaama ah (wanaag ah)'.
Malakul-jibriil wuxuu yidhi: 'albaabada samada waa la
wada furay, malaa'igtii illaa-
hayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii
jannada waa la wada furay'. Rasuulku wuxuu yidhi: 'iigu
bishaaree siday ahaan doon-taa ummadaydu maalinta
Qiyaamaha?'.Malakul-jibriil
wuxuu yidhi: 'waxaan kuugu
bishaaraynayaa Illaahay inuu yidhi: Jannada waan ka xari-
may (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH)
galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha illaa-
hay oo dhan illaa ay um-madda Nabi Muxammad ka
galaan'.Rasuulkuna wuxuu yidhi: 'hadda ayuu diib no-
qday (wanaagsanaaday) qal-
bigaygu, igana suushay mu-r u g t i i ' .
Rasuulku wuxuu yidhi:
'malakul-mowdow ii soo dhowow'. Malakul-mowt waa
u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii
k a s o o g a a r t o
xudunta.Rasuulku wuxuu yidhi: 'maxaa darnaan badi-
yey xaraaradda (xanuunka) mowdka', wuxuu kaloo yidhi:
'malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay eegtaanka wiji-
gayga?'. Malakul-jibriil wuxuu yidhi ' Illaahay xabiibkiisi-
yow ayaa awood u leh inuu eego wajigaaga adigoo
sakaraadaya'. Aanas Binu
Maalik wuxuu yidhi: ' Nabigu markay naftu kabaxaysay
wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo
wixii ay hanatay (milkisay) g a c m i h i i n u .
Rasuulkii Illaahay wuxuu geeri-yooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah,
ama loo yaqaan mowliid. Had-dii adduuniyo lagu baaqi yee-layo qof, waxaa la dayn lahaa r a s u u l k i i I l l a a h a y : Rasuulka waxaa maydhay Sayid Cali, waxaa ku shushu-bayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la kafanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu aasay gurigiisii ee qolka Caa'isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la aasay S u u b a n a h a ( N N K H . )
Xog-Maal.
2 May , 2009 XOG-MAAL 11
Dardaarankii Nabigeena NNKH : Waxaan idiin dar-daarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmi-hiinu.
S araakiisha caafiimadka koonfur
Afrika ayaa xaqiijiyey ugu yaraan
2 qof oo la ildaran cudurka aduun-
yada kusii faafaya ee loo yaqaano Dur-
reyga Doofaarka ama ―Swine Flue‖,
cudurka oo inta la ogyahay ay u dhimatay
inka baddan 100 qof dalka Mexico oo oo
ah halka uu ka dilaacay ayay u muuqataa
in uu halkana soo gaaray. Cudurka waa mid hawada ku faafa oo la
kala qaado sidii hargabkii oo kale, ad-
uunka waxa uu ugu kala gooshayaa ra-
kaabta dayuuradaha ee booqdey wa-
damada uu ka dilaacay,labbada qof ee
iminka laga heley dalkani waa haween
booqdey billo ka hor dalka Mexico,
waxaa iminka lagu dabiibayaa isbitaalo
dalkani ku yaala. Aduunka oo dhan ayaa cabsi ku jirra
iyadoo shaashadaha ay soo bandhigayaan
muuqaalo dadka wadamada uu haleeley
oo wada afduuban oo xiran maskalaa-
tooyin afka iyo sanka lagu daboolayo. Dhanka Soomaalida dalkani ku nool, hal-
ista ugu baddan waxay foodsaari kartaa
kuwooda buufiska ku jirra ee wadamada
galbeedka u tahriiba ee dullimaadyada
isticmaala. Mar haddii dalkani laga sheegey waa wax
suurogal ah in uu u faafo si lama filaan
ah. Garoomada aduunka ayaa la dhigey
aalado heer-kul-beeg ah (Thermometer)
oo cabiraya heer kulka dadka rakaabka
ah,dadka heer kulkoodu uu aad u sareeyo
markiiba waa la baarayaa.
Astaamaha cudurka Xummad heer kulka uu ka sareeyo 30
daradajada xaraarada (kulka) Halcunka oo xaraar noqonaya ama qala-
laya Cabur sanka ah Murqaha oo xanuuna Riiraxyo (Quffac) Waxaa lagu kala qaadaa in aad qofka
taabatid ama aad u dhawaatid masaafo 2
mitir jirta ama aad guri kula noolaatid.
Koonfur Afrika wali meeysan rakibin
aalada heer-kul-beega, mana jirto daawo
gaar ah oo loo helayo aduunka oo dhan,
waxaa hadda lagula tacaalaa daawooyin
kaalmaati ah, waxaa isa soo taraysa cab-
sida cudurkani laga qabbo. Asal ahaan cudurka wuxuu ka dhashay
doofaarka la dhaqdo ee dalka Mexico,
dalal baddan waxaa la mabnuucay is-
ticmalka doofaarka, dalkani doofaar bad-
dan ayaa ku nool wallow uusan cudurka
soo gaarin. Oday Soomaaliyeed oo maqlay cudurka
ayaa yiri ―hillib doofaar cun, haddane
cudur ka qaad, waa nasiib darro weyn‖.
2 May , 2009 XOG-MAAL 12
Digniin: Durreyga doofaarka
oo K/Afrika ka dillaacay
Muuqaalka dad afka ka duub-
tey hargabka doofaarka
Heer-kul-beeg muujinaya kulka
dadka
Wargeyska todobaadlaha ah ee Jim-
caha soo baxa ee afka dheer, Mail &
Guardian ayaa soo daabacay cadadkii
maanta warbixin tibaaxaysa jir dil
xoogan oo loo geystey soomaali boqol
qof gaaraysa oo qaxooti ah iyadoo ay
daawanayaan madax sarsare.
Dhacdada waxay dhacday 24tii
Maarso, 2009, waxayna ku dhacday 95
qof oo Soomaali ah oo ku jirey xero
qaxooti oo Pretoria ku taala oo isku
dayay in ay u talaabaan dalka Bot-
swana, marka ay joogaan meel labbada
xuduud u dhaxaysa ayaa waxaa is hor-
taagay ciidamada Botswana kuwaasoo
si xun u garaacay dadka oo ay ka mid
ahaayeen haween uur leh iyo caruur.
Waxaa daawanayay safiirka Koonfur
Afrika u fadhiya Botswana Dikgang Moopeloa iyadoo ciidamada ay xoog qaxootiga ku saareen gaadiid ay leeyihiin police K/Afrika, waxaa sidoo kale goob joog ahaa saraakiil ka tirsan UNHCR iyo wasaaraha Home Affairs-ka. Dadkii markii dalka lagu soo celiyey waxaa laga qaatay waraaqahoodii, kadibna waa la xirey, markii dam-bane waxaa lagu soo siidaayay damaanad qaad iyaga laga saxiixay oo ah in aysan baxsan doonin, qaarkood waa ay saxiixeen kuwa kalan weey diideen. Hadda waxa ay ku jiraan meel Jo-hannesburg ku taala iyadoo caawi-maadii UNHCR ugu deeqdey ay ku egtahay todobaadkan, iyada oo aanan waraaqahoodii loosoo ce-linin, dadkani waxay doonayaan in dalkoodii lagu celiyo, balse waa loo diidanyahay. Qore: Hanad Maxamed Xusseen
Soomaali la jirdiley iyadoo dad
madax ah ay goob joog yihiin
"Sidii roob oo kale ayay ilintu uga
daadaneysay, dhabanadeeda oo dhan
waxaa qooyay ilmada, maxay oohin iyo
cataw soo celinayaan mar hadii uu
goolkii shabaqa ku xarooday, hore ayuu
abwaan u yiri, "Mataqaano dawgoo,
daboolbaa ka saarane, markay dalaqti-
raabey ilamada daadisaayee, doqoneey
d a b k a a b a ’ .
"Alla yaa u sheego najma in uu aqbalkii
dhacay oo ay ku soo fool leedahay fade-
exad iyo foolxumo, feysal oo qalbiga u
daj inaya najma wuxuu yi r i ;
"Macaanto waan kaa raali galinayaa wax
kasta oo aad dhib u aragto, ma garanayo
waxa aan sameeyay ilaa hada, wax
walba waxaa iga keenay gacaliso waa
jaceylkaaga, ha iga fahmin qalad, ma ahi
ruux adiga cadaw kugu ah, dhibkaaga
waa dhibkayga, hana iga dhigin qof ka-
ligii wax qasbaday, ma garanayo sida ay
maskaxdeeydu aheyd, aniga si dhab ah
ayaan kuu jeclahay, kaftan iyo beenna
igama aha, aniga oo ka war qaba in lagu
qabo ayaan hadana ku jeclahay.
"Wuxuu iska keenay ilmo been been ah,
fiq fiq fiq matalaad ah ayuu horteeda ku
s a m e e y a y .
najma inta soo hinqatay oo ilintii iska
tirtirtay ayay ku tiri gacaliye macna
malaha wax dhib ah ma dhici doonaan,
"!!!Alla dumarku qalbi jilicsanaa, raguna
qiyaameyn ogaa. !!! Soo bari gacaliye
iyo gacaliso ayaa lagu kala seexday
ayada oo la isku faraxsanyahay.
naasir asaga oo arinta sal iyo baar ula
socdo ayuu wuxuu ula hadlayay sidii qof
war moog ah oo aan waxba la socon,
waxaa la gaaray xiligii fasaxa, naasir
wuxuu xaaskiisa telfoonka uga sheegay
inuu imaan doono xili dhaw, maadama
uu waqtigu dheeraaday mudana ayan is
arag, wuxuu u sheegay inuu aad ugu
xiisay, waxay si wacan ugu diyaar ga-
rawday imaashiyaha saygeeda, waxay
diyaar gareysay oodkac iyo macmacaan
kale, uma xumayn marwo uu ninkeedu u
soo socdo, wax ay saacaduhu is gu-
raanba, naasir wuxuu ka soo degay ga-
roonka caalamiga ah ee Bole interna-
tional airport, waxaa eeraboorka si gooni
gooni ah ugu soo dhaweeyay najma iyo
qaarka mid ah saxiibadiis, soo dhaweyn
diiran kadib, najma waxay ku aragtay
ninkeeda dhaqan aysan hore uga baran
oo ah inuu markii uu afka cunnada ka
qaadaba uu magaaladiisa galo, habeenkii
wuxu imaadaa xili dambe, maalintiina
waxaa lagu diimaa aragiisa, markii ay
waydiisay waxa u diidan inuu harsado
gurigiisa, wuxuu ugu jawaabayay, ma-
caanto aniga iyo adiga waan isku dam-
beyn doonaa, waxaa igu dhagan asxaab-
tii oo dhan oo aan wali kala
bogan, naasir wuxuu si fiican u fahmay
sheekada najma inkastoo uusan wali wax
xaqiiqo ah indhihiisa ku arag intii uu
joogay, subaxnimo bilicsan saacaduna ay
abaareysay 10:30 ayay indhaha naasir
qabteen najma oo matageysa boga iyo
calooshana ku dhagan, inta u soo dha-
waaday ayuu ku yiri maxaa kuugu dha-
cay? Ma garanayo waxaanse u
maleynayaa inay qaras isaga kay kacday,
ayay tiri najma oo wali matageyso.
"Allow ceebteena iyo ceeb Muslimba
astur" naasir wuxuu u keenay Taxi da-
badeedna u kaxeeyay Cusbitaal, waxaa
uu dhaqtarkii waydiiyay wax ay isuyi-
hiin labadooda, wuxuu u sheegay inay
tahay xaaskiisa, wuxuu u sharaxay sida
loo hayo, waxaa loo diray shaybaar,
muda markii ay joogeen ayuu dhaqtarkii
u sheegay natiijada cudurka hayo bu-
kaanka, wuxuu shegaay in xanuukaan uu
yahay mid iska caadi ah oo ay haweenku
la kulmaan marka uu uurku ku cusubya-
hay, waxba ha walwalina, ha la siiyo
cuna isku dheeli tiran buuqana halaga
ilaaliyo ayuu dhaqtarkii ku yiri naasir,
wuxuu u qoray Vitamins. Mahadsanid
inta uu yiri ayuu ilinka soo dhaafay,
markii ay guriga imaadeen ayuu naasir
furay hadalkii wuxuuna yiri sidan;
"Waxaan muddo badan iska
dhagatirayay hadalo la iiga kaa sheegay, waxaan maantay ku faraxsanahay inaan guntii soo
ogaaday oo aan si waadax ah wax walba u arkay" halkaan markii u marinayo hadalka ayuu
wuxuu telfoonka ka wacay saxaabadii una sheegay inay si
deg deg ah ku soo garaan g u r i g i i s a .
markii ay asxaabtii oo dhan isugu yimaadeen gurigiisa ayuu
k a c o d s a d a y i n a y k a dhegeystaan dalqadaha na-jma, inkastoo eey saaxiibadii ka
codsadeen inuu is dejiyo shey-daankana iska naaro, hadana wuxuu ku gaabsaday in wax shaydaan iyo caro ah aysan
heyn, waxay ku jeesteen najma. waxay waydiiyeen waxa dhacay, ayadana waxay ku afgobaadsa-
tay inaysan garaneyn halka sartu ka qurunsantahay. waxaa ka soo fakatay ilmo kulul
oo ay ku tiraysay garbasaar-keeda, dhab ahaantii waxay il-madu uga socotay sidii wabi
burqaday oo kale, waxba ha isku daalin oohin iyo cataw hor-taa ayaa la ooyay, Hadii aan na-
jmoy kaa qaldanahay si sax ah uga jawaab su’aashaan.
"aniga kulamaba joogine Yaa Uurka Kuu Yeelay"?Sheeg hee ileen aniga iyo adiga isma arag
waayadaan, wax hadal ah ayaa k a s o o b i x i w a a y a y . naasirna wuxuu ku dhawaaqay inay uga furantahay Sadax
Dalaaqo, wuxuu siiyay lacag ay meher ahaan ugu laheyd. wuxuu ka soo kaxaystay
labadiisii caruur, codsi deg deg ah ayuu u dirsaday safaarada wuxuu u sheegay in xaaskiisa
eey dhimatay iyo inaysan jirin cid ilmaha ka heyneyso, si dhaqsi ah ayaa looga soo jawaa-
bay warqadiisii. La Soco cadadka xigga
W.Q: Maxamed Nuur War-
same (Keyfane)
2 May , 2009 XOG-MAAL 13
Naadiga sita horyaalnimada European Champions League Man-
cherter United, ayaa kula kuraasta todobaadyo ka hor loosii qab-
saday oo ay la yeelatay Kooxda Arsenal, waxa ay ku dirtay caro
iyo caloolyow daran oo ku habsaday Ciyaartoyda iyo taa-
geerayaasha Arsenal.
Kulanka xalay oo ahaa mid aan waxba la iskula harin ayaa Man-
cherter United oo garoonkeeda ku martigelisay Arsenal, waxa ay
ku tiri ima barane ha I ballansan, ka dib markii 1-0 ay ku suul
daartay kooxda ay isku wadanka ka dhisan yihiin ee kula
loolamaysa Premier ship-ka dalkaasi Ingiriiska.
Furintaankii ciyaarta, ayaa ciyaaryahanada Man. United waxa ay
ku bilaabeen dar dar iyo didig fajac gelisay xidigaha Arsenal,
waxaana isla daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta Gool aad u qurux
badan ku lulay shabaqa Arsenal xidiga reer Man ee J. O’shea,
ka dib Kubad koorono aheyd oo in badan ku jirtay lugaha ciyaar-
toyda labada koox.
Qeybtii hore 1-0, ayaa lagu kala tagay, balse markii la isku soo
laabtay wadatashi ka dib, ayaa xidigaha Arsenal oo in badan ku
dadaalay inay bar bar dhac ka dhigaan ciyaarta, badis iskaba
daaye ay u suurta galiwaysay, ka dib markii kulankaasi 90-kii
daqiiqo uu kusoo idlaaday 1-0 oo ay Man United u dhiibtay Arse-
nal.Dhaawac Gabagabadii Ciyaarta ayaa waxaa dhaawac aan
wali heerka uu gaarsiisan yahay la ogeyn gaaray Difaaca ay ku
tashato kooxda Manchester United, ka dib markii ay si lama
filaan ah isugu dheceen gool haye Van Dar Sar, wali ma jiro
hadal kasoo baxa Maamulka kooxda oo ku aadan dhaawaca Rio
Ferdenand.
Kulamada Xiga : Kulanka kan xiga, ayaa Todobaadka nagu soo
aadan ka dhacaya garoonka Arsenal, waxaana la ogeyn in Arse-
nal ay ka aargudan karto Naadiga Manchester United iyo in iyad-
aba daaqadda laga saari doono, balse la arki doone.
Sidoo kale todobaadka soo socda waxaa indhaha caalamka lagu
hayaa kulanka 2-aad ee Chelsea iyo Barcelona oo habeen hore
isku ag dhacay barbardhac 0-0 ah.
Maamulka kooxda juve oo ka fiirsanayo haddii uu dirayo ciyaaryahan Alex Maamulka Kooxda Kubadda Cagta ah ee Juve ayaa ka
fiirsanaayso haddii ay dirayso ciyaaryahankeeda oo weerarka ugu ciyaara Alex del piero kaas oo la sheegay in uu u hanqal taagayo in uu aado kooxda Real Madrid.
Agaasimaha juve Lucia oo u waramayay jariirada dela paba ee ka soo baxda dalka talyaaniga aya sheegay in
uu aad ugu xun yahay warkaan dhagahiisa ku soo dha-cay balse wuxuu sheegay in aysan ka suuroobin del piero in uu ka hayaamo juventus oo in muddo ah la soo ciyaaray. Warkaan aya soo baxay ka dib markii ay wargeysyada dalka talyaaniga ka soo baxa ay qoreen in del piero uu
heshiis hoose la galay real ayna soo sawireen isagoo la hadlayo mas,uuliyiin ka tirsan kooxda facda weyn ee Real Madrid.
2 May, 2009 XOG-MAAL 14
CAYAARAHA: Man. United Oo Arsenal Ku Tiri Ima Barrane, ee ha I balansan
Somalis beaten at border as SA high
commission to Botswana watched on
A group of 95 Somali refugees, including pregnant
women and children brutally beaten by Botswana’s
Military and Police forces with batons and fists as
RSA high commissioner to Botswana Dikgang Moopeloa watched on, the Mail &
Guardian reported on Friday 1st may, 2009. According to the newspapers report, the groups of Somalis were trying to return to their war-toned country because they feared further at-tacks after badly effected by May 2008 Xeno-phobic attacks.
At the time they were in no-man’s land between
South Africa and Botswana, the Botswana forces beat
the refugees and forced them into SAPS police vans,
which then drove them back to South Africa where
they were arrested and their permits taken away.
At present were also officials from the United Na-tions, South African immigration services, Na-tional Intelligence Agency and the South African Police Service. Home affairs provincial communications officer, Tsholo Jood, said a senior immigration official described how "Botswana police used sticks or batons to force the Somalis on to the South Afri-can police trucks." Jood also confirmed that Moopeloa was present, but said she did not know if he witnessed the beatings. The M&G re-ported Contacted by the newspaper Botswana government spokesperson Jeff Ramsay denied the allega-tions insisting, "There's no truth that force was used." Further, the newspaper reported that Jood said a home affairs official at the scene was so con-cerned about the beating of Halima Husain -- who was heavily pregnant -- that the official "forced" South African authorities to take her to Unit 9 clinic in Mmabatho.
Afterwards doctors told Hussein that she had a breech pregnancy and should avoid travelling, the woman sustained injuries from the head. The Botswana Press Agency described the mat-ter as "potential diplomatic headache"___ a strong term used events leading to diplomatic crises between countries. Xog-Maal understands that the Minister of plan-ning and international cooperation of Somalia Mr. Abdirahman A. Warsame was in Botswana at the time of the incident, he was attending a Japan sponsored Africa Summit. It is not clear whether he knew about it.
Refugees relieved for the smooth run of election The African refugees who are living in the coun-try expressed relieve for how the SA election were held without violence. Many of them feared that should election vio-lence happened in the country, they would have been the worst victims given the fresh memories of 2008 xenophobic attacks against them. Many of whom we spoke to expressed their hap-piness about the election, they thanked to the government and the people of South Africa for tolerance. Some of them were in jovial mood and celebrat-ing a victory for stability, they wished their home countries for the same. One group among the African refugees, the So-malis kept asking “when will our country hold free and fair election without violence?” one So-mali answered “it will be quite sometime long before we could witness such wish”.
By: Xog-Maal News Desk Team
2 May , 2009 XOG-MAAL 15
2 May , 2009 XOG-MAAL 16
W argeyskaada Xog-Maal waa
mid maalin kasta jaraya xud-
uudu cusub kana talaabaya
soohdin kasta, haddii ay ku
xiiso galiyeen qormooyinka Xuuraan,
sheekadi farxadii nolosheyda foolxumaa u
dambeysey iyo hal abuurka tifaftire Max-
amed Deeq, markani kaligaa ku noqon
meeysid ka bogoshada qoraalada dhaxal
galka ah ee uu Xog-Maal soo bandhigo.
Cape Town, Johannesburg, Rusternburg,
Pretoria iyo Port Elisaberth, midkaad
doonto ku akhriso Xog-Maal, macluu-
maadka aad ka akhrisatay oo aysan waxbo
gaasir ka ahayn waxaa kula wadaagaya
Soomaaliga jooga Chicago, Jamaica ama
jasiirada Lambadusa ee talyaaniga ama deg-
mada Xiingalool ee heysta qadka Internet-
ka.
Tani waxaa ugu wacan kadib markii sha-
bakada afka dheer ee caalamiga ah ee So-
maliTalk.com ay Xog-Maal ugu yaboohdey
in shabakada lasoo galinayo cadad kasta oo
wargeyska ah oo soo baxa, waxay taasi sah-
laysaa in aduunka oo dhan wargeyska laga
akhrisan karro isagoo ku naqshadaysan PDF
oo ah naqshad aanan waxbo laga badali
karin in aad akhriso mooyaane.
Markii ugu horeysey Xog-Maal waxaa So-
maliTalk lasoo dhigey 28-dii April, 2009,
cadadkii kan ka horeeyey ee tobnaad.
SomaliTalk.com waa shabakadii ugu horey-
sey ee Soomaaliyeed ee hawada soo gasha,
waxaa la asaasay sanadii 1999-kii, waxay
hawada ku jirtaa 10 sanno oo buuxda, waa
mid ka mid ah warbaahinta farro ku tiriska
ah ee dhexdhexeedka ka ah Soomaaliya,
waxaa loo asaasay u adeega shacabka
Soomaaliyeed iyo usoo tabinta wararka
xaqiiqda ku salaysan.
Shabakada waxa ay ku taqasustey qoraalada
la xariira macdanta Soomaaliya, shidaalka
Soomaaliya, badda Soomaaliya iyo waliba
hanganka Soomaaliya, waxaa kale oo ay
caan ku tahay faalooyinka ay soo qoraan
qorayaasha ugu sareeya Soomaaliya
qaarkood waana kuwa xambaarsan afkaar
siyaasadeed oo xeeldheer oo Soomaalinimo
iyo islaamnimo ay ka dhadhamayso.
SomaliTalk waa shabakad qaad weyn xagga
baaxada taasoo ay 100% uga horeeyso
dhamaan shabakadaha Soomaalida, arrin-
taasi dad yar ayaa fahmi karra, waayo
waxaa laga yaabaa in dadka ay u taagan-
tahay in web kasta oo ciwaan leh oo lasoo
kicin karro ay isku midyihiin kuwa kale oo
dhan, sidaasi ma ahan, SomaliTalk waxaa
ku rabikab aalado casri ah oo ka dhigaya
webka mid qaadkiisa iyo tayadiisu ay aad u
sarayaan, tusaale ahaan waxaad heli kartaa
qoraaladii la galiyey maalintii uu hawada
soo galay oo ah tobon sanno ka hor, wuxuu
qaadi karaa muuqaalo iyo maqal aad u bad-
dan oo ah illaa xadka aad dooneysid,
qoraalada PDF-ka iyo adeeg kasta oo web
laga filli karro.
Dhawaan ayuu webka aduunka oo dhan mar
kaliya hadal heyntiisa ay cirka martay kadib
markii lasoo dhigey warbixin 42 bog ah oo
ka hadlaysa xeebaha Soomaaliya oo lala
wareegayo, warbixintani waxay ahayd mid
muddo bilooyin baaritaan lagu wadday
soona bandhigtey xog aanan war laga
heynin oo si weyn loogu baraarugey.
Warbixinta waxay ka digtey dhul baddeed
ay Kenya ka goosanayso Soomaaliya, 2
maalmood kadibna arrintii si cad ayay u
dhacday markii Kenya iyo DKMG ay kala
saxiixdaan heshiis.
Tifaftiraha Xog-Maal Maxamed Muuse
Nuur iyo Agaasimaha wargeyska Cabdi-
naasir Saxansoxo oo isla markaasina ah
wakiilka SomaliTalk.com ee Koonfur Af-
rika ayaa maamulka SomaliTalk uga ma-
hadceliyey taageerada ay u fidiyeen war-
geyska.
Xog-Maal oo u talaabay shabakada caalamiga ah ee SomaliTalk.com