review by robert cornall ao into the events of 16-18 february 2014
TRANSCRIPT
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
0
WARBIXIN KU SOCOTA XOGHAYAHA
WAAXDA SOCDAALKA IYO ILAALINTA XUDUUDAHA
ROBERT CORNALLO AO
23 MAY 2014
Turjumaadda Af Soomaaliga ee hoos ku qoran ee warbixinta Ingirrisiga ah ee, “REVIEW INTO THE EVENTS OF 16 – 18 FEBRUARY 2014 AT THE MANUS REGIONAL PROCESSING CENTRE”, waxa turjumay turjubaan mihnadle ah oo karti leh oo u turjumay sidii ugu fiicneyd illaa xad aqoontiisa. Haddii ay yimaaddaan wax su’aalo ah oo ku saabsan nuqulka warbixintan la turjumay, kaas oo dadka si xushmad ah loo siiyo, fadlan dib ugu noqo warbixintii Af Ingirrisiga ee orijinaalka ahayd, taas oo ah dhukumantiga rasmiga ah ee ka soo baxay Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA
EEGISTA DACWADAHA EE MANUS
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
1
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA
EEGISTA DACWADAHA EE MANUS
TUSMADA
Shuruudaha Tixraaca 2
Dulmaris Hawlfulineed 4
Talo Soojeedin 14
Qaybta 1aad: Hawlgalin 16
Qaybta 2aad: Qabanqaabooyinka Sharci Iyo Kuwa Maamul Ee Xarun Goboleedda Manus Ee
Eegista Dacwadaha 17
Qaybta 3aad: Xarun Goboleedda Manus Ee Eegista Dacwadaha 23
Qaybta 4aad: Habraaca 27
Qaybta 5aad: Ka Hor 16 – 18‐Kii Bisha February Sannadka 2014 31
Qaybta 6aad: Sabti, 16 February 2014 47
Qaybta 7aad: Isniin – Salaasa, 17 – 18 February 2014 54
Qaybta 8aad: Geeridii Reza Barati iyo Dhaawacyadii Kale ee Cuslaa 71
Qaybta 9aad: Qoraalkii Shirkadda G4S Soo Gudbisay 80
Qaybta 10aad: Qiimayn 92
Qaybta 11aad: Talo Soojeedin 97
Qaybta 12aad: Gunaanad 119
Qaybta 13aad: Mahadcelin 121
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
2
Shuruudaha Tixraaca DIB U EEGISTA DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN
GOBOLEEDDA EEGISTA DACWADAHA EE MANUS
Laga soo bilaabo Axaddii 16‐kii February ilaa Salaasadii 18 February 2014, laba dhacdo oo waawayn ayaa
ka dhacay Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus (RPC), waxana dhacdooyinkaa ka mid ahaa
rabshado iyo waxyeelo soo gaadhay dhismaha xarunta iyo dhimashada hal qof oo ka mid ah dadkii
Xarunta loo soo gudbiyay.
Tiro ka mid ah dadkii Xarunta loo soo gudbiyay ayay xidheen booliska dalka PNG tiro kale oo dad ahna
waxa soo gaadhay dhaawacyo ay qaarkood khatar yihiin, kuwaasoo soo gaadhay intii ay socdeen
dhacdooyinku, waxana ay dadkaasi u baahdeen daawayn caafimaad oo ka baxsan goobta. Dhacdooyinku
waxay ahaayeen fiintii ama halkii ugu sarraysay ee muddo dheeraatay oo ay mudaharaadyo joogto ahi
ka socdeen Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus (RPC).
Xoghayaha Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha, Mudane Martin Bowles PSM, ayaa bilaabay dibu
eegis looga dan leeyahay in baadhitaan lagu sameeyo warbixinna looga soo diyaariyo arrimaha ugu
doorka roon ee ku xeersan dhacdooyinka isla markaana ka soo hormaray dhacdooyinkaas, gaar ahaan:
In si sax ah loo go’aamiyo xaqiiqooyinku waxay ahaayeen
In la hubiyo in xaqiiqooyinkaas ay hesho hay’ad kastaa si loo qaado tallaabo kasta oo arrinkaa ka
dhalan karta
In la hubiyo in waaxda loo gudbiyo oo ay hesho talooyin cad oo ku saabsan wax kasta oo
wanaajin ah oo la hirgalin karo oo wax ka tari kara maaraynta dhacdooyinka laga yaabo in ay
mustaqbalka dhacaan.
Dibu eegistan waxa diyaarinteeda lagala kaashan doonaa xukuumadda dalka PNG.
Waxa ka mid noqon doonaa dibu eegistan, laakiin se aysan ku koobnaan doonin, in la qiimeeyo:
Falalkii ammaanka jabiyay ee dhacay
Kala cadaanta doorarka iyo masuuliyadaha la xidhiidha maamulitaanka ammaanka xarunta iyo
waliba maarayntii dhacdada
Xogaha sirdoonka ee la xidhiidha waxyaabihii ka soo hormaray iyo waliba sababihii horseeday in
ay bilaabmaan mudaahraadyo nabadgalyo ah kadibna ay xigaan kuwo rabshado watay
In jawaab celinta dhinacyada ugu doorka roon ee ay arrintu khusayso iyo adeeg bixiyayaashu ay
ahayd mid habboon
Awoodda adeeg bixiyayaashu ay u lahaayeen in ay maareeyaan dhaqdhaqaaqyada
mudaaharaadka ee xarunta ka dhex socday
Arrimaha xaga nidaamka ee la xidhiidha maaraynta dadka Xarunta loo soo gudbiyay, oo ay ku
jiraan dadka khatarta ku ah xarunta
Wax kasta oo kale oo loo arko in uu yahay lagama maarmaan.
Caddayn ama daliil kasta oo laga yaabo in uu caddayn u yahay in fal dambiyeed uu dhacay oo dibu
eegistan lagu helo waxa loo gudbin doonaa hayadaha arrinka ku shaqada leh. Waxa suurtagal ah in dibu
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
3
eegistani ay soo jeediso talooyin si loo xoojiyo qabanqaabooyinka ka jira xarunta isla markaana looga
hortago in ay mustaqbalka dhacaan dhacdooyin tan oo kale ah.
Dibu eegistu dhakhso ayay u bilaabmaysaa warbixinna waxa ay u gudbinaysaa Xoghayaha Waaxda
Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha bisha April 2014 ama wakhti kale oo laga wada hadlo, iyada oo ay
tahay in warbixin ah horusocodka suurtagalay la soo gudbin doono 31 March 2014.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
4
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA
EEGISTA DACWADAHA EE MANUS
DULMARIS HAWLFULINEED
Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus
Xarun Goboleedda Manus Ee Eegista Dacwaduhu waa xarun goboleed ah dalka Papua New Guinea oo
lagu eego dacwadaha kuna taala Saldhigga Ciidamada Badda ee Lombrum waxaana maamula Gacanhaye
ay soo magacawday xukuumada dalka PNG (Papua New Guinea). Dawladda Australia iyaduna waxa ay ka
masuul tahay shaqaalaha bixiya adeegyada daryeelka bulsheed iyo adeegyada caafimaad iyo adeegyada
saldhigga (oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo cuntada iyo nadaafada iyo ilaalada) ee xarunta dhexdeeda
laga bixiyo, waxaana ay sidoo kale bixisaa dhammaan kharashka kale ee Xarunta oo uu ku jiro kharashka
joogtada ah iyo ka aan joogtada ahayn.
Heshiiska ay kala saxeexdeen Xukuumadda Australia iyo shirkada bixisa adeegyada saldhigga, oo lagu
magacaabo G4S Australia Pty Ltd, wuxuu dhigayaa in 50% (boqolkiiba konton) ka mid ah saraakiisha
ammaanku ay noqdaan muwaadiniin u dhashay dalka PNG ama ay ahaadaan kuwo la shaqeeya shirkad
ganacsi oo maxalli ah. Adeegyada kale (sida cuntada iyo nadaafada iyo beerista dhirta) shardigu waxa
weeye 75% (boqolkiiba shan iyo todobaatan).
Xarunta waxa dib loo furay dabayaaqadii sannadkii 2012 si ay u noqoto xarun ku‐meel gaadh ah oo
ammaankeedu hooseeyo oo ku taala dal shisheeye oo Australia ka baxsan oo dacwadaha
magangalyadoonka lagu eego, waxaana markii hore degenaa rag iyo dumar iyo caruur. Laakiin ka dib
markii la sameeyay is badal wayn oo xagga siyaasadda maamul ah, waxa uu Ra'iisul Wasaarihii waagaa
talada hayay Mudane Kevin Rudd ku dhawaaqay 19‐kii bishii July in dadka la gudbiyay ee loo diray
Jasiiradda Manus la dajin doono dalka PNG, oo aan Australia la dajin doonin, waa haddii la go’aamiyo in
ay dadkaasi yihiin qaxoonti.
Ka dib ogaysiiskaas:
Dadkii Xarunta loo soo gudbiyay ee wakhtigaa joogay Xarunta Manus waxaa loo qaaday meel
kale
Dadkii la soo gudbiyay ee iyagu ugu horeeyay dadka siyaasadda cusub lagu dabiqi doono waxa
ay soo gaadheen Xarunta 1‐dii bishii August 2013, sidoo kale
Tirada dadka Xarunta loo soo gudbiyay ee Xarunta joogay si dhakhso ah ayay u korodhay oo
halka ay ka ahayd 350 ilaa 400 oo rag ah oo degenaa hal xero, waxa ay tiradu gaadhay 1,340 oo
ah rag aan xaas wadan oo la soo gudbiyay oo ku kala jira afar xeryood (oo lagu kala magacaabo
Delta, Foxtrot, Mike iyo Oscar) markii ay dheceen dhacdooyinka baadhitaanku ku socdo.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
5
Tani waxa ay horseeday isbeddel aad u wayn oo ku yimi dabeecaddii Xarunta iyo khatarta la xidhiidha
Xaruntaas.
Ka hor bishii August sannadkii 2013, dadka Xarunta loo soo gudbiyay ee joogay Xarunta Manus waxa ay
inta badan ahaayeen dad nidaamka u hogaansan sababta oo ah waxa ay ogsoonaayeen in wakhti uun uu
ka xigo marka la gayn doono dalka Australia haddii la aqbalo dacwaddooda qaxoontinimo. Haseyeeshee
hadda waxa ay noqotay in tiro badan oo dadkaas ah la dajiyo Xarunta, iyada oo degenaanshohooduna
uu ku saleysanaan doono go’aan ah in aysan waligood Australia iman doonin.
Jawaab celinno degdeg ah
Isbeddelka ku yimi siyaasadu wuxuu kalifay in la sameeyo jawaab celin degdeg ah.
Ficil ahaan waxa dhakhso loo kordhiyay tirada xerooyinka ku yaala Xarunta si ay u qaadaan dadyowga
cusub ee dhawaan yimi. Dhamaadkii bishii August 2013‐kii, waxa ay xarunta Oscar diyaar u noqotay in ay
dadku galaan, waxana sidoo kale la diyaariyay dhulkii laga dhisi lahaa xerada Mike, xeradaas oo la
dhammays tiray lana degay ka hor dhammaadkii sannadkaas.
Laakiin waxa dhakhso u soo galay xilligii kala‐guurka ka dib markii ay xukuumadu soo saartay amar ah in
la qabto doorashooyin 5‐tii bisha August sannadkii 2013, markaa wax horumar ah oo la taaban karo oo
la xidhiidha siyaasada iyo arrimaha dhaqaale lama samayn ilaa ka dib markii ay dhammaadeen
doorashooyinku 7‐dii bisha September 2013.
Wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaarada Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ayaa
hirgaliyay hawlgalka loogu magic daray ‘Operation Sovereign Borders’ (Hawlgalka Xuduudaha Madaxa
Bannaan) 18 bisha September sannadkii 2013. Hay'adda Guddi Hawleedka Wadaagga ah ee uu madaxa
u yahay Sarreeye Guud Angus Campbell DCS AM ayaa Xarunta Manus ka samaysay warbixin ah Dibu
Eegis Xagga Ammaanka ah, taasoo qayb ka ah hawlgalka ‘Operation Sovereign Borders’ (Hawlgalka
Xuduudaha Madaxa Bannaan) lana sameeyay 14 – 18‐kii bisha October sannadkii 2013.
Xukuumaddu waxa ay aqbashay qiimayntii ay soo saartay Guddi Hawleedka waxaana ay qoondaysay
maalgalin si loo fuliyo talo bixintii guddida. Guddi Hawleedku waxa ay bil kasta soo saartaa warbixin‐
bileedyo cusub oo ku saabsan wax ka qabashada khataraha xaga ammaanka ah ee ugu muhiimsan.
Laga soo bilaabo dabayaaqadii bisha September sannadkii 2013, waxa ay xukuumadu si firfircoon
xukuumada PNG ugala shaqaynaysay dedejinta go’aan ka gaadhista xaalada qaxoontinimo iyo hawlaha
dib u dejinta iyo waliba xalinta arrimaha kale ee muhiimka ah ee saamaynta ku leh Xarunta.
Wada‐shaqayntani waxa ay isu baddashay mid rasmi ah taana waxa saamaxay kulamo bil kasta
qabsooma oo dhexmara Golaha Wasaaradeed Ee Wadajirka Ah Ee Dawladaha PNG Iyo Australia,
kulamadaas oo ay goob joog ka noqdaan Wasiirka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Australia iyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Australia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee PNG iyo
Wasiirka Caddaalada ahna Xeer‐ilaaliyaha Guud ee PNG. Shirkii saddexaad ee Golaha Wasaaradeed
waxa uu ku qabsoomay magaalada Port Moresby 8‐dii bisha May sannadka 2014.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
6
Warbixintan Dibu Eegista ah
Ujeedada Dibu Eegistan loo bilaabay waxa ay ahayd in baadhitaan lagu sameeyo warbixinna laga soo
saaro arrimaha ugu doorka roon ee horseeday isla markaana ku gadaaman laba dhacdo oo culculus oo
ka dhacay Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18‐kii bisha
February sannadka 2014 ka dib muddo dheeraatay oo ay socdeen mudaharaadyo joogto ah.
Dhacdooyinka waxa ka mid ahaa rabshado iyo dhimashada hal qof oo ka mid ah dadkii Xarunta loo soo
gudbiyay iyo dhaawacyo kale oo u baahan daawayn caafimaad iyo waxyeelo soo gaadhay dhismaha
Xarunta iyo xadhiga dhawr ka mid ah dadkii Xarunta loo soo gudbiyay oo ay xidheen booliska dalka
Papua New Guinea.
Ka hor 26‐kii bisha January sannadka 2014
Waxa muhiim ah in la xuso in qaar badan oo ka mid ah dadkii Xarunta loo soo gudbiyay ay Dib U
Eegistan u sheegeen in aysan ka qayb galin mudahraadyadii iyo rabshadihii. Shirkada G4S ayaa iyaduna
dhineceeda xaqiijisay hadalkan iyadoo taa ku caddaynaysa in 400 oo qof oo kaliya, ama 30%, oo ka mid
ah dadkii Xarunta loo soo gudbiyay ay ka qayb galeen mudahraadyadii dhacay intii u dhaxaysay 17‐kii
ilaa 18‐kii February sannadka 2014.
Warbixinnaha sirdoonka ee ay diyaarisay shirkada G4S waxa u muuqday xiisado sii badanaya oo ka
dhacay Xarunta ka dib Maalinta Madaxbannaanida Australia waxaana ay si sax ah u saadaaliyeen in ay
dhacaan mudahraadyo daran qiyaastii maalinta 16‐naad iyo 17‐naad iyo 18‐naad ee bisha February
sannadka 2014. Dhinaca kale warbixinnaha sirdoonku waxa ay xuseen in ay jireen qaar ka mid ah dadka
Xarunta loo soo gudbiyay oo iyagu diyaarinayay hub gacanta lagu sameeyey si loogu adeegsado qaska la
filayay in uu dhaco.
Xiisadihii isa soo tarayay waxa ay gaadheen heer ay qarxaan ka dib kulan dhex maray hoggaamiyeyaasha
bulshooyinka oo ka kala socday dhammaan xeryaha kala duwan iyo saraakiisha socdaalka ee dawladaha
PNG iyo Australia galabnimadii maalintii Sabtida 16‐kii bisha February ee sannadka 2014.
Inta uu kulankaasi socday waxa dadka Xarunta loo soo gudbiyay loo gudbiyay jawaabo rasmi ah oo ku
saabsan su’aalo ay hore u soo bandhigeen 5 bisha February sannadka 2014 oo ku saabsanaa go’aaminta
xaalada qaxoontinimo iyo jadwal waqtiyeedyada iyo hawlaha dibu dejinta. Waxa ay dadka Xarunta loo
soo gudbiyay dareemeen in aan wax macluumaad ah oo cusub lagu siinin kulankaas dhacay maalinta
Sabtida ka dib markay 12 maalmood sugayeen oo aan isla markaana su’aalohoodii si lagu qanci karo
looga jawaabin.
Axad, 16 February 2014
Niyadjabkii iyo cadhaddii dadka Xarunta loo soo gudbiyay ku dhacay ka dib kulankaas waxa ay
horseedeen qas iyo rabshado ka dhacay xerada Oscar iyo mudahraadyo sawaxan leh oo habeenimo ka
dhacay xeryaha Foxtrot iyo Mike.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
7
Qiyaas ahaan 30 ilaa 35 ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay ayaa ka fakaday xerada Oscar ka dib
markii albaabada la furay si cashadu ay usoo gasho, laakiin waxa soo qabtay oo soo celiyay ciidamada
ilaalada. Ciidamada ilaalada ee shirkada G4S sidoo kale waxa ay galeen xerada Oscar waxaana ay
weerareen dadka Xarunta loo soo gudbiyay, taasoo keenta waxyeelo jidh ahaaneed iyo waxoogaa
waxyeelo ah oo gaadhay hantida.
Ka dib markii lagu soo celiyay xerada, mid ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay ayaa waxa xagga
dambe ka soo weeraray muwaadin u dhashay dalka PNG oo aan haybtiisa la aqoonsan oo ka mid ah
ciidanka ilaalada ee shirkada G4S, kaasoo qoorta ka jeexay sababayna dilaac dhererkiisu yahay 10 ilaa 12
santimitir oo dhuunta ah. Ninka dhaawacu ku dhacay wuu bogsaday aad ayaanuu u nasiib badnaa
sababtoo ah inkasta oo dilaaca ama jeexitaanku uu hoos u dhaafay maqaarka qoortiisa oo uu sababay
nabar ballaadhan, laakiin wax nabar hoose ahi muu jirin.
Siddeed ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay booliska dalka PNG ayaa soo xidhay eedaynna u soo
jeediyay ka qayb galka ay mudaahraadka ka qayb galeen awgii.
Isniin – Salaasa, 17 – 18 February 2014
Maalintii Isniintii jawiga Xaruntu wuxuu ahaa mid kacsan laakiin maysan jirin wax mudaahraadyo ah
maalinimadii. Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa iyagu diiday in ay tagaan xeryaha maalintaas, adeeg
bixiyayaashuna kumay qasbin inay tagaan. Ururka Kiristaanka ah ee daryeelka loona yaqaano Salvation
Army oo isagu bixiya adeegyada daryeelka ayaa furay makhaayadaha ama goobaha cuntada, laakiin wax
barnaamijyo ah muusan qabanqaabin.
Maadaama la filayay in ay dhibaato kale dhacdo, shirkadda G4S waxa ay qaaday talaabooyin ka hor tag
ah iyadoo isku dayaysa in ay yarayso dhibaatooyinka la filayay galinkii dambe ee maalintaas.
Talaabooyinkaas waxa ka mid ahaa faaruqinta baaldiyada qashinka lagu rido saacad kasta si aan looga
dhigin weel dab lagu rido oo la dhaqaajin karo, iyo in Xarunta laga saaro dhammaan weelka iyo
gawaadhida iyo faylasha iyo waxyaabaha kale, marka laga reebo kuwa lagama maarmaanka ah.
Galabnimadii 17 February 2014, waxa dhacay mudaahraad rabshado watay oo ay dhigeen qaar ka mid
ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay ee jooga xeryaha Mike iyo Oscar iyo Foxtrot (dadka Xarunta loo soo
gudbiyay ee iyagu joogay xerada Delta kamaysan qayb galin). Ka hor intuusan bilaabmin qasku,
dhammaan shaqaalaha aan lagama maarmaanka ahayn waxa laga saaray Xarunta.
Mudaahraadka rabshadaha watay waxa dhacdooyinkiisa ka mid ahaa xayndaabyada oo la riday; iyo
waxyeelo loo gaystay hantida; iyo dhaawacyo soo gaadhay dadka Xarunta loo soo gudbiyay iyo
shaqaalaha bixiya adeegyada Xarunta labadaba.
Kooxaha Wax Ka Qabashada Dachdooyinka ee taabacsan shirkada G4S (kuwaas oo loo yaqaano IRTs)
ayaa iyagu intii karaankooda ahayd isku dayay in ay xakameeyaan mudaahraadka iyo in ay dadka
Xarunta loo soo gudbiyay waxyeelo ka ilaaliyaan iyo in ay Xarunta iyo dhismayaasheeda ilaaliyaan.
Hasayeeshee kooxaha IRTs ma aysan haysanin wax hub ah. Waxa ay haysteen kaliya qalabka la isku
difaaco (sida koofiyado bir ah iyo dhar iyo gaashaammo). Waxa ay qaban karayeen wuxuu noqday wax
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
8
kooban ka dib markii la jabiyay xayndaabyadii ee ay iska hor yimaadeen dad tiro badan oo ka mid ah
dadka Xarunta loo soo gudbiyay oo iyagu isku dayayay in ay soo jiidhaan.
Kooxaha IRTs‐ka kooxdii iyadu horjoogtay albaabka wayn ee laga soo galo xerada Mike iyada aakhirkii
waxa khasab ku noqotay in ay dib u gurato oo ay marto waddada Route Pugwas (oo ah waddada
hormarta Xarunta) oo ay ku soo laabato albaabka lagu magacaabo Gate 1. Guutada wareegta oo iyadu
ah qayb ciidan oo ka mid ah Booliska Boqortooyada Papua New Guinea isla markaana saldhig joogto ah
ku leh meel ka baxsan Xarunta, ayaa iyadu hor joogtay albaabada aagga cagaaran ee u dhexeeya xeryaha
Foxtrot iyo Mike.
Waxa la moodayay in guutada wareegtaa ay kaliya ka masuul tahay la tacaalista khataraha ka baxsan
Xarunta, ee aysan ka masuul ahayn wax ka qabashada qaska Xarunta gudeheeda ka dhaca, laakiin Dibu
Eegistani waxa ay xusaysaa in ay dambi tahay dalka PNG gudihiisa in xubin ka mid ah Ciidanka Boolisku
uusan daminin mudaahraad ka socda meel isaga ka ag dhaw haddii uusan haysanin sabab lagu qanci
karo.
Ka dib markii kooxaha IRT‐du ay tageen ayay guutada wareegtaa iyadoo aan wax digniin ah siinin
shirkada G4S wax qorshe ahna la samayn shirkadda ay soo jiidhay xayndaabkii gudahana u soo gashay
xerada Mike. Maadaama shirkada G4S aysan wakhtigaa wixii ka dambeeyay haynin habayaraatee wax
koox ah oo ka mid ah kooxaha wax ka qabashada dhacdooyinka, Warbixintan Dibu Eegistan ahi intaa ka
bacdi wixii dhacay sifayntiisa waxa ay ku salaysay wararka ay soo tabiyeen dadka Xarunta loo soo
gudbiyay iyo waliba warbixinaha caafimaad iyo daloolada ay samaysay rasaastii dhacday iyo natiijada
iska cad ee ka dhalatay qaska.
Warbixintan Dibu Eegista ah waxa lagu wargaliyay in muwaadiniin u dhashay dalka PNG iyo dhawr qof
oo ajnabi ah oo qaarkood lagu sheegay in ay ka mid yihiin shaqaalaha adeegyada bixiyaa ay guutada
wareegta u raaceen xerada Mike ka dibna ay bilaabeen in ay garaacaan dadka Xarunta loo soo gudbiyay.
Wakhti yar ka dib, mid ka mid ah kooxaha IRT‐da oo joogtay xayndaabka u dhexeeya xerada Foxtrot iyo
xerada Mike (xayndaabkaas oo ah xayndaabkii lasoo jiidhay) ayaa iyada ay ka fakadeen xubnihii ku jiray
kooxdaas ee ka soo jeeday dalka PNG, kuwaas oo iyaguna sidoo kale xerada ku kala firdhay.
Muwaadiniinta reer PNG, mararka qaarkoodna dadka ajnabiga ah iyo booliska ayaa galay qolalka
hurdada ee ku yaalay xerada Mike oo soo jiiday dadka Xarunta loo soo gudbiyay si debedda loogu
garaaco. Qaar ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay ayaa sheegay in ay sigaar laaluush ahaan u
bixiyeen si looga daayo garaacista, sigaarkuna waxa uu ka dhigan yahay lacagta Xarunta. Sidoo kale waxa
ay dadka Xarunta loo soo gudbiyay sheegeen in dadka qolalka soo galay ay xadeen hantidoodii shakhsi
ahaaneed.
Boolisku waxa ay rideen gaaska dadka ka ilmaysiiya, kaas oo ku dhacay goobta Maamulka isla markaana
aan wax saamayn ah ku yeelanin xakamaynta kacdoonka. Guutada wareegtaana sidoo kale waxa ay
ridday tiro aan la hubin oo rasaas ah, kuwaas oo qaarkood gidaarada dhismayaasha dalooliyeen kagana
beegmeen meelo joogoodu la siman yahay qofka laabtiisa, qaar kalena waxa lagu riday dhismayaasha la
daganyahay.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
9
Natiijada ka dhalatay faragalinta boolisku waxa ay noqotay in uusan mudaahraadkii ka socday xerada
Mike sii soconin wakhti intaa kasii dheer shirkada G4S iyaduna waxa ay awooday in ay dib u gasho
xerada oo ay dib u hirgaliso waxoogaa nidaam ah isla markaana ay gacan ka gaysato in dadka
dhaawacmay loo qaado goobta kala soocida dadka dhaawacan ee laga dul dhisay marsho biyeedi ku ag
yaalla doonta magaceedu yahay Bibby Progress, taas oo ah hoy ay dagaan shaqaaluhu oo ku xidhan
meel dhawr boqol oo mitir u jirta.
Dhinaca kalena G4S waxa ay awooday in ay dib u soo ceshato gacan‐ku‐haynta xaalada labada xero ee
Foxtrot iyo Oscar.
Mudaahraadku wuxuu soo afjarmay saacadihii hore ee aroornimada maalintii dambe shaqaalaha G4S
iyaguna habeenka intiisa badan waxa ay ka shaqaynayeen in ay dadka Xarunta loo soo gudbiyay dib ugu
celiyaan xeryaha iyo in ay sameeyaan meelo si ku meel gaadh ah loo seexdo oo ku yaala xerada Mike
maadaama qolalka seexashadu aysan ahayn kuwo la isticmaali karayay.
Dibu Eegistani waxa ay xusaysaa in intii mudaahraadku socday ay kooxaha IRTs ka ee taabaacsan
shirkada G4S ay si geesinimo leh u dhaqmeen oo ay khatar badan naftooda galiyeen si ay qaar badan oo
ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay waxyeelo uga ilaaliyaan. Waxa ay boqolaal ka mid ah dadka
aan iyagu mudaahraadka ku jirin ka soo saareen saddexda xero ee qasku ka socday waxaana ay geeyeen
goobo ammaan ah oo kala ah labada xeryood ee Bravo iyo Charlie iyo Saldhigga Ciidanka Badda ee
soccer oval ee labada xeryood u dhaw.Ka dib dhacdooyinkaas, muwaadiniinta reer PNG ee u shaqeeya
adeeg bixiyayaasha looma ogolaanin in ay galaan xeryaha walina dib looguma soo celinin hawlaha
caadiga ah ee Xarunta.
Dhaawacyada
Dhaawaca ugu xumaa waxa uu ku dhacay Reza Barati. Mudane Barati waxa ku dhacay dhaawac
maskaxda ah oo ay sababtay garaacis waxshinimo ah oo ay u gaysteen dhawr ka mid ah dadkii soo
weeraray, waxaanuu dhintay dhawr saacadood ka dib.
Warbixintan Dibu Eegista ah waxa lagu waraystay goob‐jooge markhaati ka ahaa weerarkii ku dhacay
Mudane Barat. Wuxuu yidhi weerarka waxa hoggaaminayay nin reer PNG ah oo haybtiisa la aqoonsaday
isla markaana u shaqeeya ururka Salvation Army, sidoo kalena wuxuu magacaabay dhawr goob‐jooge oo
kale oo uu sheegay inay warbixintiisa xaqiijin karaan.
Waxa iyagana laba dhaawac oo halis ahi soo gaadheen mid ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay
oo isaga ishu ka soo dhacday sababtuna ay ahayd garaacista ku dhacday iyo mid ka mid ah dadka
Xarunta loo soo gudbiyay oo isaga badhida laga toogtay, rasaastiina ay fadhiisatay misigtiisa midig.
Mudane Barati iyo labada nine ee kale waxa lagu daaweeyay goobta kala soocida dadka dhaawacan ka
dibna waxa loo diray cisbitaalka magaalamadaxda gobolka ee Lorengau.
Intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18 February 2014, shirkada fidisa adeegyada caafimaad oo lagu magacaabo
IHMS (Shirkada Caalamiga Ah Ee Adeegyada Caafimaad) waxa ay daawaysay ugu yaraan 69 qof oo ka
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
10
mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay, waxaana ay ka dawaysay dhaawacyo kala duwan oo ay ka mid
yihiin jabniin iyo cad‐go’. Siddeed ka mid ah dadka dhaawacmay waxa loo qaaday magaalada Port
Moresby halka midna loo qaaday Australia si uu u helo daawayn caafimaad oo takhasus ah.
Shaki kuma jiro in qaar ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay ay ku dhaceen dhaawacyo fudud
laakiin aysan raadsanin daawayn caafimaad. Qaar ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay waxa ay
warbixintan Dibu Eegista ah u sheegeen in dhaawac soo gaadhay balse ay sababo shakhsi ahaaneed
awgood u go’aansadeen in aysan shirkadda IHMS ee adeegyada caafimaad bixisa u tagin. Maalmihii ku
xigay dhacdooyinka baadhitaanku ku socdo dad kale ayaa soo doontay daawayn, siiba in laga daaweeyo
xanuunka walaaca ka dhasha dhibaato qofka soo gaadhay ee loo yaqaano Post Traumatic Stress
Disorder.
Ka dib dhacdooyinkaas, shirkadda IHMS waxa ay isla markiiba keentay sagaal dhakhtar oo kale oo ah
dhakhaatiirta caafimaadka maskaxda si loola tacaalo hawsha dheeraadka ah ee timi.
In kasta oo ay jireen dhaawacyo xaga jidhka ah oo soo gaadhay shaqaalaha adeegyada bixiya, mid kaliya
ayay shirkada G4S ku sifaysay in uu dhaawac khatar ah qabo.
Waxyaabaha sababay dhacdooyinka
Dhacdooyinkii dhacay intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18 bisha February sannadka 2014 waxa ay ahaayeen
kuwo ka dhashay xiisado isa soo tarayay oo ka jiray Xarunta iyo waliba niyadjabka iyo welwelka ay
dareemayeen dadka Xarunta loo soo gudbiyay oo ay sabab u ahayd:
Cadhada ay ka cadhoodeen keenista dalka Papua New Guinea la keenay
Cadhada ay ka cadhoodeen siyaasadda ah in haddii loo aqoonsado in ay qaxoonti yihiin la dajin
doono dalka PNG oo aan Australia la dajin doonin
Niyadjabka ay ka qaadeen dib u dhaca ku yimid go’aaminta xaaladooda qaxoontinimo iyo war
la’aanta ay ka war la’aayeen wakhtiga laga yaabo in la gabagabeeyo go’aamintaas
Cadhada iyo niyadjabka dheeraadka ah ee ay dib u dhacaas ka dib ka qaadeen hubaal la'aanta ku
gedaaman mustaqbalkooda, siiba taas oo ay ka mid tahay hubaal la'aanta aan la hubin muddo
intee leeg ayaa lagu hayn doonaa Xarunta Manus, iyo
Niyadjabka ka dhashay war la’aanta ka haysay in haddiiba la dajiyo dalka PNG macnaha ay
dajintaasi u yeelan karto iyaga iyo qoysaskooda.
Sababahaas ugu doorka roon waxa sii xumaysay colaada ka dhex abuurantay qaar ka mid ah dadka
Xarunta loo soo gudbiyay iyo muwaadiniinta reer PNG ee ka shaqeeya Xarunta iyo dadka ka tirsan
bulshada maxaliga ah ee iyaga taageera.
Qaar ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay ayaa dadka reer PNG ee Xarunta ka shaqeeya ula
dhaqmay si bilaa ixtiraam ah oo ay cunsuriyadi ku jirto dalkoodana way dhaleeceeyeen. Warbixintan
waxa lagu soo wargaliyay in dadkaasi ay si marba marka ka dambaysa sii xadgudbaysa cay iyo
hanjabaado isu waydaarsanayeen muwaadiniinta reer PNG (oo kala ah shaqaalaha Xarunta iyo
muwaadiniinta dalka PNG ee xayndaabyada ku soo xeersamayay). Waxa ay markaa dadka dalka u
dhashay ka jawaabeen daandaansigaas Warbixintana waxa loo sheegay in qaar ka mid ah muwaadiniintu
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
11
ay iyagoo gacmohooda ku tilmaamaya samayn jireen xarakaad ay uga jeedaan waanu idin gawrici
doonaa.
Dhanka kale waxaa jiray sababo kale oo iyaguna ka qayb qaatay in ay lunto gacan‐ku‐hayntii Xaruntu
intii ay socdeen dhacdooyinku iyo intii uu socday qaskii habeenkii labaad:
Qabanqaabooyinka muuqda ee xagga ammaanka ah ee laga hirgaliyay Xaruntu (xayndaabyo aan
ku filayn iyo nal ama laydh aan ku filayn iyo kamaradaha ku shaqeeya hanaanka CCTVoo aan
iyagu jirinba) ma aysan ahayn kuwo dabooli kara baahida loo qabo in la maamulo tiro badan oo
ka mid ah dadka Xarunta loo soo gudbiyay oo aan nidaamka u hogaansanayn, iyo
Iyadoo aysan kala caddayn doorarka iyo masuuliyadaha Ciidanka Bilayska Boqortooyada Papua
New Guinea ee saldhiggiisu yahay Lorangau iyo guutada wareegta ee saldhiggeedu yahay
Xarunta Eegista Dacwadaha Ee Manus iyo iyadoo aysan caddayn isku duwidda hawlohooda iyo
shirkadda G4S.
Kulanka dhacay galabnimadii 16‐ka February 2014 waxa uu meel isugu keenay dhammaan sababahaas
oo waxa uu gaadhsiiyay marxalad ay xaaladu qaraxdo. Kulankaas – iyo qanacsanaan la'aanta ay dadka
Xarunta loo soo gudbiyay ku qanci waayeen jawaabaha la siiyay – waxa uu kalkaaliyay dedejinta
dhacdooyinkii kulankaas xigay.
Marka la eego sababaha isku dhafan ama arrimaha doorka ka ciyaaray dhacdooyinkii dhacay intii u
dhaxaysay 16‐kii ilaa 18‐kii bisha February sannadka 2014, saraakiil waaxeedyada iyo adeeg bixiyayaasha
ku sugan Xaruntu waxa ay u dhaqmeen si habboon markii ay xiisaddu kor u kacday ee ay dhacdooyinku
biloowdeen inkasta oo ay qaar ka mid ah dadka u shaqeeya adeeg bixiyayaashu ku kaceen falal
dambiyeedyo iyagoo u dhaqmayay si iskood ah oo ka soo horjeedda dhammaan tilmaamihii ay siiyeen
dadka ay u shaqeeyaan isla markaana jabiyay shuruudaha shaqada. Masuuliyadda falal dambiyeedka
sababay dhimashada iyo dhaawaca iyo khasaaraha hantida shakhsiyeed ama waxyeelada soo gaadhay
dhismayaasha waxa dhabarka u ridanaya dambiilayaasha, oo ay ku jiraan dadyowga ajnabiga ah iyo
dadka Xarunta loo soo gudbiyay. Waa in arrimahaas uu boolisku baadhitaan ku sameeyaa halkii ku
habboonna waa in boolisku soo oogaa dacwado la xidhiidha arrimahaas haddii caddaymaha gacanta
lagu hayaa ay taageerayaan in tallaabada noocaas ah la qaado. Warbixintan Dibu Eegista ahi waxa ay ka
war qabtaa in baadhitaannada booliska ee Gobolka Manus ay imika marayaan marxalad horraysa.
Ma aha suurtagal in farta lagu fiiqo hal sabab oo haddii loo maarayn lahaa si ka duwan sidii loo
maareeyay uu dhici lahaa dhaawac ama waxyeelo intan ka yar, mana aha suurtagal in si toos ah dhinac
ama dhawr dhinac oo ka mid ah dhinacyada arrinku khuseeyo dusha looga rido eedda horseedista
dhacdooyinka.
Waxa lagu doodi karaa in haddii guutada wareegtaa ay debedda ka joogi lahayd Xarunta aysan dhacdeen
in dadka Xarunta loo soo gudbiyay ay soo weeraraan muwaadiniinta reer PNG iyo qaar ka mid ah
dadyowga ajnabiga ah ee iyagu gudaha u soo galay xerada Mike iyagoo la socda bilayska markii ay soo
jabiyeen xayndaabkii. Laakiin in natiijo noocaas ah la gaadho oo arrinka sidaa loo sababeeyaa waxa ay u
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
12
baahantahay in aad loo rogrogo oo aad loo male‐awaalo wajiga dambe ee ay yeelan lahaayeen
dhacdooyinkii dhacay intii u dhaxaysay 17 ilaa 18 February 2014 haddii ay dhacdooyinkaasi sii socon
lahaayeen iyagoo aan laga hor tagin.
Fursadda ugu wacan ee saamixi karta in ka hor tag lagu sameeyo dhacdooyinka noocan ah si aysan
mustaqbalka u dhicin waxa ay ku jirtaa in wax laga qabto dhammaan sababaha horseeday dhacdada si
loo yareeyo amaba xitaa meeshaba looga saaro asbaabta doorka ku lahaa in xiisadda ka curatay Xaruntu
ay gaadho heer khatar ah oo isla markaana loo hubiyo in nidaamyada ammaanka ee muuqdaa ay yihiin
kuwo sidii hore si ka wacan ugu dhigma qiimeynta khatarta Xarunta ka jirta haddiiba uu wax qas ahi
dhaco. Warbixintan Dibu Eegista ah talooyinka ay soo jeedinaysaa waxa ay ujeedadoodu tahay in
arrimahaas wax laga qabto.
Baadhitaanka
Intii uu socday baadhitaanku, Warbixintu waxa ay waraysi la yeelatay saraakiil waaxeedyada iyo
masuuliyiinta adeeg bixiyayaasha iyo shaqaalaha intaba, waxaana ay aragtay boqolaal warbixinood iyo
waraaqo kale oo dhammaantood la xidhiidha baadhitaanka.
Warbixintu waxa ay qabatay afar fadhi oo min laba saacadood ah oo su’aalo iyo jawaabo ah oo ay la
yeelatay hogaamiyayaasha bulshooyinka kala duwan ee ku sugan xero kasta oo xeryaha ka mid ah,
waxaana ay waraysi gaar ah la yeelatay afar ka mid ah dadka loo soo gudbiyay Xarunta, waxaana soo
gaadhay 270 qoraal oo ah sharraxaad ku saabsan wixii ay shakhsi ahaan la kulmeen dadkaasi, waxaana
qoraaladaas soo gudbiyay ama magacooda lagu soo gudbiyay in ka badan 300 oo qof oo ka mid ah
dadka loo soo gudbiyay Xarunta.
Tallaabooyinka kale ee xukuumadda
Saraakiil waaxeedyadu waxa ay in muddo ahba hagitaan iyo talobixin iyo caawimo intaba u fidinayeen
masuuliyiinta reer PNG, kuwaas oo ku saabsan eegidda iyo go’aan ka gaadhidda dacwadaha
qaxoontinimo, waxaana wargalintii ugu horraysay ee natiijooyinka hordhaca ah ee dacwadaha
qaxoontinimo la gudbiyay wiigii bilaabmay 28 April 2014.
Dhinaca kale waxa si habsami ah u socota diyaarinta siyaasadaha iyo habraacyada dawlada PNG ee la
xidhiida dib u dejinta.
Bishii December sannadkii 2013, waxa ay xukuumaddu sharci garaysay kaalmooyinkii dhaqaale ee hore
loogu fidin jiray Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus oo ay si rasmi ah ugu soo dartay
Odoroska Dhaqaale iyo Ka Maaliyadeed Ee Badhtamaha Sannadka. Wakhtigan xaadirka ah waxa u
suurtagalay Waaxda in ay aad u kordhiso maalgalinta Xarunta ee sannadka hadda socda, waxaana ay
maalgalintaasi ka badan tahay kharashka la qiyaasayo mustaqbalka.
Madmadow la’aanta la xidhiidha arrimaha dhaqaaluhu waxa ay u saamixi doontaa Waaxda in ay
hirgaliso horumarin badan oo lagu sameeyo dhismayaasha Xarunta taasoo waafaqsan Warbixinta
Ammaanka ee ay soo saartay Hay'adda Guddi Hawleedka Wadaagga ah.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
13
Horumarinta lagu samayn doono dhismayaasha waxa ka mid ah xayndaabyada oo la hagaajiyo, nalka
ama laydhka oo la wanaajiyo, kamaradaha hannaanka CCTV oo la rakibo, xarunta loojistikada (agabka
iyo gaadiidka) oo debedda looga saaro xeryaha ay daggan yihiin dadka Xarunta loo soo gudbiyay,
guryaha loo hoydo oo la wanaajiyo iyo xarun caafimaad oo cusub oo laga sameeyo Xarun Goboleedda
Eegista Dacwadaha Ee Manus iyo xarun cusub oo ay dagaan dadku kadib marka ay dhammaato
qiimaynta dacwadda qaxoontinimo, xaruntaasina waxa ay ku taalaa Bariga Lorengau.
Bishii March sannadka 2014, xukuumaddu waxa ay midaysay masuuliyadda iyo maamulka adeegyada
aasaasiga ah ee la xidhiidha ammaanka iyo samafalka iyo daryeelka waxaana ay adeegyadaas hoos
gaysay shirkad kaliya oo bixisa adeegyada dhammaantood, taas oo magaceeda la yidhaahdo Transfield
Services, isla markaana adeegyada ka bixin doonta Xarumaha Goboleed ee Eegista Dacwadaha ee
Manus iyo Nauru labadaba.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
14
TALO SOOJEEDIN
Talada 1‐aad: In la badhitaaro oo la taageero baadhitaanka ay wadaan Booliska Boqortooyada Papua
New Guinea ee ku saabsan dhacdooyinkii dhacay intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18‐kii bisha February
sannadka 2014. Warbixintani waxa ay soo jeedinaysaa in macluumaadka hoos ku dhigan loo gudbiyo
Booliska Boqortooyada Papua New Guinea:
145‐ka dhigaal ee jawaab‐celinaha ah ee ay ku dhigan yihiin eedaymaha ay soo jeedinayaan
dadka loo soo gudbiyay Xarunta ee ay ku sheegayaan in loo gaystay fal dambiyeed amaba ay
markhaati ka ahaayeen falal dambiyeedyo dhacay intii ay socdeen dhacdooyinka baadhitaanku
ku socdo.
Qoraalladii laga sameeyay waraysiyadii lala sameeyay labada qof ee ka midka ah dadka loo soo
gudbiyay Xarunta, labadaa qof oo kala ah ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ iyo ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐, iyo
Diiwaannada waraysiyadii laga qaaday shaqaalaha caafimaad ee shirkadda IHMS.1
Talada 2‐aad: In shirkadda Transfield Services laga caawiyo maareynta daryeelka dadka loo soo gudbiyay
Xarunta mararka qaarna laga caawiyo wax ka qabashada dhaawacyada jidheed ama kuwa maskaxeed ee
ay dadkaasi kala kulmeen dhacdooyinkii dhacay intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18‐kii bisha February
sannadka 2014. Warbixintani waxa ay ku talinaysaa in macluumaadka hoos ku xusan loo gudbiyo
shirkadda Transfield iyada oo ay shirkaddu ilaalinayso asturnaanta dadka loo soo gudbiyay Xarunta isla
mar ahaantaana ay ilaalinayso sir ahaanta xogta ama macluumaadka shakhsiyeed ee u gaarka ah
dadkaas ashkhaastooda:
Warbixinta Koobaysa Dhammaan Foomamka Jawaab‐Celinta ah ee Dadka Xarunta Loo Soo
Gudbiyay ee Warbixintan Dibu Eegista ahi ay diyaarisay
Dhammaan Foomamaka Jawaab‐Celinta ah ee Warbixintan Dibu Eegista ahi ay ka heshay Dadka
Xarunta Loo Soo Gudbiyay
Warbixinno kooban oo ku saabsan fadhiyadii su’aalaha iyo jawaabaha ahaa ee ay Warbixintan
Dibu Eegista ahi la yeelatay madaxda bulshooyinka ku sugan dhammaan xeryaha, iyo
Diiwaannada waraysiyadii laga qaaday shaqaalaha caafimaad ee shirkadda IHMS.
Talada 3‐aad: In talaabooyinka hadda la qaaday iyo wixii kale ee hindisayaal ah ee wax ka tari kara
dedejinta gabogabeynta hawlaha go’aaminta xaaladda qaxoontinimo iyo hawlaha dib u dejinta sida ugu
dhakhsaha badan loo hirgaliyo wixii taakulayn ah ee munaasibka ahna arrintaa laga gaysto.
________________________ 1 Macluumaadkan waxa loo gudbiyay Ku‐xigeenka Guddoomiyaha Booliska Mudane Kauba oo jooga magaalada Port Moresby taariikhda oo ah 7 May 2014
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
15
Talada 4‐aad: In Xukuumadda Papua New Guinea laga codsado in ay dhaqan galiso awoodo qaanuuni ah oo ay yeeshaan bixiyayaasha adeegyada saldhigga iyo adeegyada ammaanka awoodahaas oo la mid ah kuwa wakhtigan xaadirka ah ka jira Australia. Talada 5‐aad: In shirkadda Transfield Services (iyo shirkadda Wilson Security) iyo Booliska Boqortooyada Papua New Guinea ee gobolka iyo guutada wareegtaa ay dhammaantood si cad u go’aamiyaan isla markaana ay fahmaan kaalinta u gaarka ah mid kasta oo iyaga ka mid ah iyo masuuliyadaha ka saaraan ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta ee Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus (taas oo ay ku jirto in la isla meel dhigo hannaan ku saabsan soo gudbinta iyo soo celinta dhacdooyinka ka baxsan gacanta shirkadda bixisa adeegyada saldhigga iyo ammaanka iyo in laga heshiiyo heerarka xoogga ama awoodda ay tahay in la adeegsado). Talada 6‐aad: In ay Waaxdu dib u eegis ku samayso khatarta ku jirta hawlaha Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacawadaha iyo in la sii wado xoojinta habraacyada Xarunta u yaala ee la xidhiidha maaraynta khataraha iyo xoojinta agabka muuqda ee ammaanka ee Xarunta. Talada 7‐aad: In Waaxdu ay dhiirigaliso oo ay taageerto hindisayaasha ay soo jeediso shirkadda Transfield Services si loo ballaadhiyo fursadda ka dhalatay baddalaada la baddalay adeeg bixiyayaasha, iyadoo ay ujeedaduna tahay in la soo celiyo kalsoonidii iyo wadashaqayntii ka dhaxaysay adeeg bixiyayaasha iyo dadka Xarunta loo soo gudbiyay. Talada 8‐aad: In shirkadda Transfield ay si taxadir leh uga baaraan‐degto dhammaan xogaha iyo macluumaadka si waafaqsan Talada 2‐aad loogu soo gudbiyay shirkada si loo kala hubiyo in shirkaddu ay si kama’ ah u shaqaalaysiisay shaqaale loo aqoonsaday in ay weerareen dadka Xarunta loo soo gudbiyay muddadii u dhaxaysay 16 – 18‐kii February 2014 iyo in kale, haddii ay taasi jirtana in shaqaalahaas si habboon loola dhaqmo (taas oo ay ku jirto in la eryo shaqaalahaas). Talada 9‐aad: In Waaxda iyo shirkadda Transfield Services ay wanaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dadka Xarunta loo soo gudbiyay, taas oo ay ku jirto in la hirgaliyo talooyinka dhawrka ah ee ku qeexan Qaybta 11.7‐aad ee Warbixintan. Talada 10‐naad: In Waaxdu ay abuurto barnaamij dhamaystiran oo socon doona oo ku saabsan xidhiidhka bulshada maxaliga ah si bulshada si waafi ah looga warramo Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha iyo faa’idooyinka tooska ah ee ay u leedahay bulshada jasiiradda Manus. Talada 11‐naad: In shirkadda Transfield ay ka baaraan‐degto talooyinka lagu xusay warbixinaha kale ee xaaladda ku saabsan iyo waxyaabaha horumarinta ah ee lagu soo kordhin karo Xarunta iyo in ay shirkaddu fuliso wax kasta oo ay u aragto in lagu wanaajin karo hawlaha daryeelka haddii ay waxyaabahaasi yihiin kuwo la fulin karo. Talada 12‐naad: In shirkadda Transfield ay dadka Xarunta loo soo gudbiyay ka caawiso sidii loogu magdhabi lahaa alaabtooda gaarka ah ee ka luntay ama laga xaday intii ay dhacdooyinku socdeen. Talada 13‐naad: In shirkadda Transfield ay hirgaliso barnaamij tababar ah oo dhammaystiran oo socon doona oo ay u fidiso shaqaalaha u dhashay dalka PNG si kor loogu qaado aqoontooda xirfad ahaaneed looguna wanaajiyo fursadohooda shaqo ee mustaqbalka.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
16
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18‐KII FEBRUARY KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA
EEGISTA DACWADAHA EE MANUS
Qaybta 1aad. Hawlgelin
Wasiirka Socdaalka iyo Ilaainta Xuduudaha, Mudane Scott Morrison MP, waxa uu ku dhawaaqay
diyaarinta Dibu Eegistan madaxa bannaan 21‐kii February sannadka 2014.
Ku dhawaaqista Wasiirka ka dib, Xoghayaha Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha, Martin Bowles
PSM, ayaa igu hawlgaliyay in aan Warbixintan bilaabo.
Ujeedada Dibu Eegistan loo bilaabay waxa ay ahayd in baadhitaan lagu sameeyo warbixinna laga soo
saaro arrimaha ugu doorka roon ee horseeday isla markaana ku gadaaman laba dhacdo oo culculus oo
ka dhacay Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18‐kii bisha
February sannadka 2014 ka dib muddo dheeraatay oo ay socdeen mudaharaadyo joogto ah.
Dhacdooyinkaa waxa ka mid ahaa rabshado iyo dhimashada hal qof oo ka mid ah dadkii Xarunta loo soo
gudbiyay iyo dhaawacyo kale oo u baahday daawayn caafimaad iyo waxyeelo soo gaadhay
dhismayaasha Xarunta iyo xadhiga dhawr ka mid ah dadkii Xarunta loo soo gudbiyay oo ay xidheen
booliska dalka Papua New Guinea.
Dibu Eegistu dhakhso ayay u bilaabantay.
Warbixintii ku saabsanayd horusocodka suurtagalay ee loo baahnaa 31‐kii March 2014 waxa 25‐kii
March 2014 loo gudbiyay Xoghayaha kadib markii aan ka soo laabtay Jasiiradda Manus. Dibu eegista
waxa la dhamaystiray bisha May sannadka 2014 waxana ku jira talo soojeedin waafaqsan Shuruudaha
Tixraaca.
Waaxdu waxa ay ii fidisay hawl fududayn in taageero intii ay socotay Dibu eegistu, gaar ahaanna waxa i
caawiyay shan sarkaal waaxeed.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
17
Qaybta 2aad. Qabanqaabooyinka Sharci Iyo Kuwa Maamul Ee Xarun Goboleedda Manus Ee Eegista
Dacwadaha
2.1 Qabanqaabooyinka sharci
Go’aankii Xukuumaddii hore ee dhigayay in dib loo furo Xarun Goboleedda Manus ee Eegista
Dacwadaha waxa ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Julia Gillard MP iyo Wasiirka Socdaalka iyo
Arrimaha Dhalashada, Chris Bowen MP, markii ay taariikhdu ahayd 8‐dii bishii September 2012. War
saxaafadeedkoodu wuxuu u dhignaa sidan:
Ra’iisul Wasaare Julia Gillard iyo Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Dhalashada, Chris Bowen
waxay maanta ku dhawaaqeen in Australia iyo Papua New Guinea ay kala saxeexdeen Heshiis is
Afgarad (MOU, Memorandum of Understanding) oo la xidhiidha xarun lagu eego dacwadaha
magangalyo oo ah Jasiiradda Manus….
Heshiiska is Afgarad (MOU, Memorandum of Understanding) ee dhex maray Xukuumadda Dawladda
Madaxa Bannaan ee Papua New Guinea iyo Xukuumadda Australia, isla markaana ku saabsan in
dadka loo Gudbiyo Laguna Eego Dacwadohooga Dalka Papua New Guinea iyo Arrimaha la Xidhidha
waxa ay ujeedadiisu ahayd in la suurtagaliyo iskaashi labada dhinac ah si wax looga qabto tahriibinta
dadka iyo muhaajirnimada aan caadiga ahayn ee ka jira mandaqadda Aasiya iyo Baasifigga.
Heshiiskan waxa qayb ka ah in dalka Papua New Guinea uu aqbalay in uu martigaliyo xarun
dacwadaha magangalyo lagu qiimeeyo oo ku taala Gobolka Manus amaba meel kale oo ka mid ah
Papua New Guinea.2
Markii ugu horraysay ee dad magangalyo doon ah loo gudbiyo Jasiiradda Manus waxa ay ahayd 21‐
kii November sannadkii 2012. Laga soo bilaabo wakhtigaa ilaa bishii July ee 2013, Xarun Goboleedda
Qiimaynta waxa wakhtiyo kala duwan dagay rag aan xaas wadan iyo kooxo ka kooban qoysas.
Siyaasaddii hagaysay adeegsiga Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwaduhu waxa ay
isbeddeshay 19‐kii July 2013 markii ay labada Ra’iisul Wasaare ee kala ah Kevin Rudd iyo Peter
O’Neil ay kala saxeexdeen Heshiiska Dib U Dejinta Goboleed ee Dhexmaray Australia iyo Papua New
Guinea kuna saabsanaa iskaashi laba‐geesood ah oo dheeraad ah oo lagula dagaalamo tahriibinta
dadka.
War‐saxaafadeedka shaaciyay siyaasadda cusub waxa uu dhigay:
2 Baaragaraafka 12aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
18
Laga bilaabo maanta dadka magangalyo‐doonka ah ee halkan dooni ku yimaadda iyaga oo aan
fiise haysanin waligood Australia la dajin maayo. Sida uu dhigayo heshiiska cusub ee dalka
Papua New Guinea lala saxeexday – Heshiiska Dib U Dejinta Goboleed – dadka iyagoo aan fasax
haysan yimaadda waxa loo diri doonaa dalka Papua New Guinea si qiimayn loogu sameeyo
haddii ay caddaato in ay qaxoonti yihiinna waxa la dajin doonaa halkaas.
Natiijada ka dhalatay isbeddelkan ku yimi siyaasaddu waxa ay noqotay in dadkii loo gudbiyay Xarun
Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus dhamaantood loo qaado Australia ugu dambayn 25‐kii bishii
July 2013 marka laga reebo 26 qof oo ka mid ah dadki Xarunta loo soo gudbiyay oo lagu soo eedeeyay fal
dambiyeedyo ka dhashay anshaxooga intay ku sugnaayeen dalka Papua New Guinea. 26‐kaa nin mar
dambe ayaa Australia loo qaaday.
Heshiis is Afgarad (MOU, Memorandum of Understanding) oo dhex maray Xukuumadda Dawladda
Madaxa Bannaan ee Papua New Guinea iyo Xukuumadda Australia, kuna saabsan in dadka qaarkood loo
gudbiyo laguna eego dacwadohooga lana dajiyo Dalka Papua New Guinea iyo Arrimaha la Xidhidha
heshiiskaas ee taageeraya Heshiiska Dib U Dejinta Goboleed ayaa la saxeexay 6‐dii August 2013.
Heshiiskan is Afgarad MOU wuxuu baddalayaa Heshiiskii is Afgarad MOU ee la saxeexay 8‐dii September
2012.
Heshiiska is Afgarad MOU ee sannadka 2013 wuxu dhigayaa:
Dhinacyadu waxa ay gaadheen is‐Afgaradkan guud ee ku saabsan qorshe ah gudbin iyo qiimayn iyo dibu
dejin, halkaas oo ay Australia soo Gudbin doonto dad u dalka Papua New Guinea si loo qiimeeyo
dacwadaha magangalyo‐doon ee laga yaabo in dadka halkaa loo gudbiyay ay qabaan dalka Papua New
Guinea ayaana dhulkiisa dajin doona Dadka La Soo Gudbiyay kuwooda ay Papua New Guinea go’aamiso
in ay yihiin qaxoonti.3
Heshiiska is Afgarad MOU waxa uu sidoo kale xusayaa:
Papua New Guinea waxa ay marti galin doontaa Xarun ama Xarumo Eegista Dacwadaha ah oo
ku yaala Gobolka Manus waxana suurtagal ah in Xarumo Dacawad Eegiseed oo kale ay marti
galiso Papua New Guinea ujeedooyin la xidhiidha Heshiiskan is Afgarad (MOU) awgiis4
Papua New Guinea waxa kale oo suurtagal ah in ay Dadka Xarunta Loo Soo Gudbiyay u marti
galiso hab kale oo waafaqsan qorshayaal kale, sida qorshayaal bulsheed, kuna marti galiso
goobo kala duwan oo ka tirsan Papua New Guinea5, iyo
Xukuumadda Papua New Guinea waxa ay ballan qaadaysaa in Dadka Xarunta Loo Soo Gudbiyay
ee Papua New Guinea ku soo gala hab waafaqsan Heshiiskan is Afgarad MOU ee ay go’aamiso
in ay yihiin qaxoonti ay u suurtagaliso in ay dagaan dalka Papua New Guinea.6
3 Bogga 2aad 4 Baaragaraafka 11aad 5 Baaragaraafka 12aad 6 Baaragaraafka 13aad 7 Baaragaraafka 6aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
19
Heshiiska is Afgarad (MOU) wuxuu dhigayaa in Xukuumadda Australia ay bixin doonto dhamaan
kharashaadka la gali doono ee waafaqsan Heshiiskan is Afgarad MOU7
Siyaasadda la xidhiidha qiimaynta dacwadah iyo dibu dejjinta waxa taageeray labada xisbi ee waawayn
ka hor doorashooyinkii federaalka ee dhacay bishii September 2013.
Ka dib doorashooyinka, xukuumaddii la doortay waxa ay samaysay isbeddello muhiim ah oo dhawr oo ay
ku samaysay siyaasadda ilaalinta xuduudaha, waxaana ka mid ah isbeddeladaas:
Arrimaha socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha waxa la hoos geeyay Wasiir kali ah iyada oo la
raacayo Qorshayaasha Maamul ee dib loo habeeyey, sidoo kale
Wasiirka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduuduhu waxa uu dhaqan galiyay hawlgalka Operation
Sovereign Borders (Hawlgalka Xuduudaha Madaxa Bannaan), kaas oo ah hawlgal uu
hogaaminayo ciidanku oo lagu sugayo ammaanka xuduudaha isla markaana ay maamusho
Guddi Hawleed Hay’ado Wadajir Ah ka kooban oo uu madax u yahay Sarreeye Guud Angus
Campbell DCS AM, taariikhdu markay ahayd 18 September 2013.
Siyaasadda ah in dadka lagu eego dacwadohooda lana dajiyo dal shisheeye waxay kasii mid ahayd
hawlgalka Operation Sovereign Borders (Hawlgalka Xuduudaha Madaxa Bannaan). Warbixintii hawlgalka
Operation Sovereign Borders ee uu soo saaray 30 September 2013, Wasiir Morrison waxa uu ku
sheegay:
Iyada oo aan sii wadi doono in aan taageeradaas fidino anaga oo adeegsanayna
barnaamijkayaga dalka debeddiisa ka jira, qof kasta oo isku daya in uu sharci darro ku soo galo
Australia …… oo sharci darro ku yimaadda dooni, la dajin maayo Australia sida ay dhigayso
siyaasadda xukuumaddu. Dadkaas waxa loo gudbin doonaa Jasiiradda Manus ama dalka Nauru
halkaas oo lagu eegi doono dacwadohooga, hadii la ogaado in ay yihiin qaxoontna waxa la dajin
doonaa dal aan ahayn Australia.
Mawqifkan waxa lagu sii xoojiyay bayaankii rasmiga ahaa ee la soo saaray ka dib Madasha Wasaaradeed
ee Papua New Guinea iyo Australia ee 22aad ee lagu qabtay Aqalka Golaha Wakiilada ee magaalada
Canberra 11‐kii December 2013. Bayaankaas waxa ay Xukuumadda Australia mar labaad ku sheegtay in
ay fuliso Heshiis Goboleedka Dibu Dejinta waxaana ay soo dhawaysay hoggaaminta adag ee dalka Papua
New Guinea uu hoggaaminayo la dagaalanka tahriibinta dalka ee mandaqadda, gaar ahaan arrimaha la
xidhiidha dhaqan galinta Heshiis Goboleedka Dibu Dejinta.8
2.2 Qabanqaabooyinka maarayneed
8 Baaragaraafka 16aad 9 Baaragaraafka 9aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
20
Heshiiska is Afgarad ee la saxeexay 6 August 2013 waxa uu dhigayaa tallaabooyin xaga maamulka la
xidhiidha oo dhaqangalinaya ujeedooyinka Heshiiska is Afgarad MOU ee ay go’aamiyeen dhinacyada
qaybta ka ah heshiisku.9
Laakiin maadaama aan la go’aamin talaabooyin dheeraad ah, Qabanqaabooyinka Maarayneed ee
magaca Xukuumadda PNG lagu saxeexay 23 April 2013 iyo magaca Xukuumadda Australia 30 April 2013
iyadoo la raacayo Heshiiskii is Afgarad MOU ee hore ayaa ahaaday kuwo dhaqangalkoodu uu sii socdo.
Qaybta 3aad ee Qabanqaabooyinka Maarayneed waxa ay dhigaysaa Qabanqaabooyinka ka jira Xarunta
Jasiiradda Manus ee Ku‐meel Gaadhka ah ee Eegista Dacwadaha. Qodobada ugu doorka roon waxa
weeyaan:
3.1 Xarunta waxa dhisi doonta Australia waxaana maamuli doona Maareeyaha, waxaana
caawin doona adeeg bixiyayaal heshiis lala galay. Xukuumadda Australia ayaa ka masuul ahaan
doonta maamulista heshiisyada.
3.8 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka PNG ayaa si waafaqsan faqradda 15D ee
Xeerka Socdaalka ee la soo saaray sannadkii 1978‐kii u magacaabi doona sarkaal fuliya
ujeedooyinka Xeerkaas isla markaana noqda Maareeyaha Xarunta.
3.9 Maareeyuhu waxa uu hawlaha la xidhiidha maamul‐maalmeedka iyo gacan ku haynta
Xarunta u wakiilan doonaa Maareeye Hawlfulineed.
3.10 Xukuumadda Australia waxa ay magacaabi doontaa masuul reer Australia ah si uu u noqdo
Isku‐dubarridaha oo uu ula shaqeeyo Maareeyaha Hawlfulineed oo uu uga caawiyo maaraynta
iyo gacan ku haynta Xarunta.
3.11 Isku‐dubarridaha reer Australia waxa uu masuul ka noqon doonaa maaraynta dhammaan
masuuliyiinta reer Australia iyo adeeg bixiyayaasha. Waxa taa ka mid ah in uu hubiyo in
dhammaan qandaraaslayaashu ay u fidiyaan adeegyadooda si waafaqsan jaangooyooyinka
lagu qeexay heshiisyada lala galay. Sidaa waxa la samayn doonaa iyada oo ay Isku‐dubarridaha
iyo Maareeyaha Hawlfulineed ka dhex jirto wada‐shaqayn iyo xidhiidh dhaw.
Markii ay dhaceen dhacdooyinka uu baadhitaanku ku socdo, Maareeyaha waxa ahaa Sarkaalka Koobaad
ee Socdaalka ee dalka PNG, Mudane Mataio Rabura, Maareeyaha Hawlfulineedna waxa ahaa Jeffrey
Kiangali halka uu Wilson Kuve isna ahaa Kalkaaliyaha Maareeyaha Hawlfulineed. Isku‐dubarridaha reer
Australia isna waxa ahaa Anthony Kneipp, kaas oo ah sarkaal waaxeed.
10 Heshiisku waxa uu dhigayay in shirkadda G4S looga baahan yahay in ay hawlgaliso shaqaale dalka PNG u dhashay oo ay u shaqaalaysiiso si toos ah ama iyada oo u maraysa ganacsiyo dalka PNG laga leeyahay oo aysan tirada shaqaalahaasi ka yaraanin: 50% (boqolkiiba konton) ka mid ah shaqaalaha amaanka iyo 75% (boqolkiiba shan iyo todobaatan) ka mid ah shaqaalaha adeegyada kale ee xarunta.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
21
Markii Xarunta Eegista Dacwadaha ee Manus dib loo furay, xukuumadda Australia waxa ay heshiisyo la
gashay adeegbixiyayaashan hoos ku xusan:
Heshiis taariikhdiisu ahayd 1 February 2013 ayaa lala galay shirkadda G4S Australia Pty Ltd si ay
u fidiso adeegyada hawlfulineed iyo kuwa dayactirka oo ay ku jiraan hawlaha ilaalada iyo
ammaanka (G4S iyaduna waxa ay qandaraas‐hoosaad la sii gashay shirkadda Loda Security oo ay
kala heshiisay bixinta qaar ka mid ah adeegyada ammaanka, iyo shirkadda Eurest oo ay kala
heshiisay bixinta adeegyada cuntada iyo shirkadda Spic ‘n Span oo ay kala heshiisay bixinta
adeegyada nadaafadda, waxaana ay inta badan adeegsanaysay shaqaale u dhashay dalka PNG si
loo oofiyo shardiga dhigaya in shaqaale dalka PNG u dhashay la shaqaalaysiiyo ee ku jira
heshiiska shirkadda lala galay)10
Heshiis Hordhac Ah oo ku‐meel gaadh ah o dhaqangal ahaa laga bilaabo bishii October 2012 iyo
heshiis kale oo kaa ku xigay oo taariikhdiisu ahayd 1 February 2013 ayaa lala galay ururka The
Salvation Army (New South Wales) Property Trust si ay u fidiso adeegyada daryeelka iyo
taageerada oo ay ugu fidiso dadka loo gudbiyay dalka Nauru iyo Xarun Goboleedda Manus ee
Eegista Dacwadaha, iyo
Heshiis Hordhac Ah oo ku‐meel gaadh ah o dhaqangal ahaa laga bilaabo 12 bishii September
2012 iyo heshiis kale oo kaa ku xigay oo taariikhdiisu ahayd 29 January 2013 ayaa lala galay
shirkadda International Health and Medical Services Pty Limited si ay adeegyada caafimaad ugu
fidiso dadka loo gudbiyay dalka Nauru iyo Jasiiradda Manus.
Maadaama ay jireen qoysas degenaa Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus markii ugu
horraysay ee la furay, waxay Xukuumaddu sidoo kale Heshiis Hordhac Ah la gashay hayadda Save the
Children ee Australia. Heshiiskaasi waxa uu dhaqangal ahaa laga bilaabo 10‐ bishii October 2012 ilaa
markii muddadiisu dhammaatay 31 July 2013 kadib markii dhammaan dumarka iyo carruurta laga saaray
Xarunta.
Markii ay dhacdooyinku dhaceen bishii February 2014, waxa socday kala‐baddal lagu samaynayay
adeeg‐bixiyayaasha.
Taariikhdu markay ahayd 29 January 2014, shirkadda Transfield Services (Australia) Pty Ltd ayaa
shaacisay in heshiiskii ay la gashay Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee ku saabsanaa
maaraynta goobaha dalka debeddiisa ah ee dacwadaha magangalyo lagu qiimeeyo si ku‐meel gaadh ah
muddadiisa loo kordhin doono. Shirkadda Transfield hore ayay adeegyo uga bixisay dalka Nauru.
Imikana waxay sidoo kale masuul ka noqon doontaa adeegyada daryeelka iyo adeegyada saldhigga
(kuwaas oo ay ku jiraan maareynta xaaladaha, ammaanka iyo ilaalada) in ay ka bixiso Jasiiradda Manus.
Xukuumadda Australia waxa ay dhamaystirtay heshiiskeeda cusubaa ee ay la gashay shirkadda Transfield
Services 25 March 2014.
11 Inta la dhisayo xarunta rasmiga ah ee la qorsheeyay
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
22
Wareejinta adeegyada daryeelka laga wareejiyay The Salvation Army ee loo wareejiyay shirkadda
Transfield Services waxa ay bilaabantay 17 February 2014. Shirkadda Transfield Services waxa ay si
buuxda ula wareegtay masuuliyadda bixinta adeegyadaas 22 February 2014.
Wareejinta adeegyada saldhigga iyo ammaanka laga wareejiyay shirkadda G4S ee loo wareejiyay
shirkadda Transfield Services (iyo shirkadda ay qandaraas‐hoosaadka la gashay ee Wilson Security) waxa
ay bilaabantay 10 March 2014. Shirkadda Transfield Services waxa ay si buuxda ula wareegtay
masuuliyadda bixinta adeegyadaas 28 March 2014.
Natiijada qabanqaabooyinkan isku dhafka ahi waxay noqotay in maamul‐maalmeedka Xarun
Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha ay maarayso dawladda PNG iyo adeeg‐bixiyayaasha ay
hawlohooda isku dubaridaan saraakiisha Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha. Qabanqaabadan
iskaashiga ku dhisani waxa ay ka muuqataa diiwaannada kulamada joogtada ah ee lagu qabto Xarunta
iyo jawaab‐celinaha wadajirka ah ee lagaga jawaab celiyo walaacyada xaga maamulka ee yimaadda iyo
dhacdooyinka dhaca markii in muddo ah la joogo.
2.3 Qabanqaabooyinka lala sameeyay booliska dalka Papua New Guinea
Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea waxa uu masuul ka yahay nabadsugidda dalka Papua New
Guinea.
Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea (RPNGC) waxa uu saldhig boolis ku leeyahay Lorengau,
caasimadda Gobolka Manus. Booliska gobolku waxa uu masuul ka yahay hawl‐maalmeedka ilaalinta
nabadgalyada Jasiiradda Manus, oo uu ay ku jirto Xarunta Eegista Dacwaduhu.
Dhaqdhaqaaqyada ilaalinta nabadgalyada ee laga yaabo in ay markii in muddo ah la joogaba ka dhacaan
Xarunta Eegista Dacwadaha waxa ka mid ah fulinta waarannada ama amarrada baadhitaanka iyo
baadhista falal sharci darrada ah, sida weerarrada ama waxyeelooyinka loo gaysto hantida.
Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea (RPNGC) waxa uu sidoo kale Xarunta Eegista Dacwaduhu
saldhig uga sameeyay guuto wareegta, taas oo doorkeeda iyo masuuliyadeheeda qaybaha dambe ee
Warbixintan lagaga hadli doono.
Go’aamada la xidhiidha nooca iyo tiradaciidamada booliska ee ku sugan Jasiiradda Manus waxa ka
masuul ah Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea (RPNGC). Mawqifkaas Wasiir Morrison ayaa ku
caddeeyay shir jaraa’id oo la qabtay 21 February 2014:
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
23
Heshiiska lala galay booliska dalka PNG waxa weeyaan in ay Xukuumadda Australia lacag bixiso
oo ay siiso Booliska dalka PNG ee magaalada Port Moresby. Hawlaha la xidhiidha cidda iyo waxa
uu yahay ciidanka lagu fidinayo Jasiiradda Manus waa hawl u taala Booliska dalka PNG, ee
maaha hawl u taala Xukuumadda Australia xawaaladohooga iyo waxyaabaha kalena waxa u
dira dira Booliska PNG ee magaalada Port Moresby. Markaa waa sidaas sida
qabanqaabooyinkaas loo sameeyaa. Haddaynu ka hadalno meesha ciidamadu ku sugan yihiin
iyo dhawaanshaha ay xarunta ka ag dhawyihiin, arrimahaasi waa arrimo lagu go’aamiyo si
waafaqsan awoodda Booliska PNG.
Qaybta 3aad. Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha
Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwaduhu waxa ay ku taalaa Saldhigga Ciidamada Badda ee
Lombrum ee ku yaala Jasiiradda Los Negros (in kasta oo Xaruntu meesha ay ku taalo caadi ahaan loo
yaqaano Jasiiradda Manus). Jasiiradda Los Negros waxa ay qayb ka tahay Gobolka Manus waxana ay
toos ugu xigtaa Jasiiradda Manus, waxana kala qaybiya marin biyeed dhuuban oo ballaciisu la mid yahay
wabi yar.
Xaruntu waxa ay madaarka maxaliga ah u jirtaa masaafad uu gaadhigu saacad badhkeed u socdo.
Wadada tagta Xaruntu waxa ay ku sugan tahay heerar kala duwan oo dayactir ah inteeda badanna
laguma socon karo xawaare sare ama joogto ah, sababtuna waxa weeyaan godadka iyo wadada
qaybeheeda aan samaysnayn. Safarka lagu tagayo Xaruntu waxa uu sii dhex maraa kaymo ay si teel‐teel
ah dadku u deggen yihiin, oo mararka qaarkoodna waxa la raacayaa qarka ama geftinka Badda Bismarck.
Safarka loogu kala gooshayo caasimadda gobolka iyo Xaruntu waxa uu qaataa qiyaastii 40 daqiiqadood
ama in ku dhaw. Marka aad ka gudubto Jasiiradda Manus ee aad u gudubto Jasiiradda Los Negros,
wadada ka timaadda Lorengau waxa ay ku darsantaa wadada ka timaadda madaarka.
Qarnigan bilawgiisii, Xarunta Manus dawladda Australia ayaa u adeegsan jirtay goob ku‐meel gaadh ah
oo lagu eego dacwadaha ka dibna way xidhay, sababtoo ah wax faa’ido ah oo intaa dhaafsan muusan
lahayn waagaas.
Markii Xarunta dib loo furay dabayaaqadii sannadkii 2012, heshiisyada lala galay Xukuumadda PNG waxa
ay aragtidoodu ahayd in Xaruntu ay noqoto xarun ku‐meel gaadh ah11 oo ammaankeedu hooseeyo oo
lagu eego dacwadaha dadka xaruntaas loo soo gudbiyo, haddii dadkaas la ogaado in ay qaxoonti yihiinna
la dajiyo Australia.
12 Warbixinta Dibu Eegista ah ee Nauru 2013 – Waa Warbixin iyo Natiijooyin faahfaahsan oo laga diyaariyay Dibu Eegistii lagu sameeyay dhacdadii 19‐kii July 2013 ka dhacday Xarun Goboleedda Nauru ee Eegista Dacwadah, 8‐dii November 2013, bogga 13aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
24
Jadwalka 1.1.5 ee heshiiska lala galay shirkadda G4S taariikhdiisuna tahay 1‐dii February 2013 waxa uu
dhigayaa:
Xarun Goboleedyada Eegista Dacwaduhu waa xarumo ilaalintoodu hoosayso waxaanay Dadka
La Soo Gudbiyay u fasaxayaan xorriyad ilaa heer ah. Is‐dhexgalka bulshada maxaliga ah waa la
dhiirigalin doonaa.
Dadka La Soo Gudbiyay in ay bulshada maxaliga ah shaqo ka dhex helaan iyo Dadka La Soo
Gudbiyay xidhiidhka ka dhaxayn doona muwaadiniinta dalka PNG iyo maaraynta Dadka La Soo
Gudbiyay kuwooda khatartoodu sarrayso waxaas oo dhammi waa arrimo ay tahay in laga
baaraan dago marka ay Waaxdu mawqif ka istaagto arrimahaas.
Sidaa awgeed, Dadka La Soo Gudbiyay waxa ay awood u yeesheen in ay u baxaan safarro gaagaab, sida
in ay booqashooyin ku tagaan magaalooyinka ama ay dabbaal tagaan, tallaabooyinka xagga ammaanka
ah ee muuqda ee Xarunta heerkooduna waxa uu ahaa mid aad uga hooseeya goobaha dadka lagu hayo
ee dalka gudihiisa ah.
Farqigaasi waa mid qofka isla markaaba u muuqanaya marka uu soo cagadhigto. Xayndaabyadu waxa ay
ka samaysan yihiin siligyo shabag ah oo lakab kaliya ka kooban dhererkooduna ka yaryahay laba mitir oo
aayar ay tuuri karaan koox rag ah oo go’aansaday in ay sidaa yeelaan. Dhinaca kale ma jiraan
kamaradaha ku shaqeeya hannaanka CCTV. Dadka Lasoo Soo Gudbiyay kuwaada dhaqankoodu
xunyahay amaba sababo kala duwan awgood u baahan in ay ka fogaadaan goobaha ay caadi ahaan
daggan yihiin way yar yihiin xarumaha dadkaasi si gooni ah ugu noolaan karaan. Dhanka kale goobaha
muhiimka ah (sida xarunta korontada) waxa ay ku dhex yaalaan xeryaha dadka xarunta loo soo
gudbiyay, markaa waxyaabaha laga warrami karaa way badan yihiin.
Warbixintiisii ku saabsanayd qaskii ka dhacay Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Nauru, Keith
Hamburger AM waxa uu xusay:
Si ay fikradda “xarun furan” (oo aan xaddidnayn) ay u noqoto mid taabagasha, waa in dadka
xaruntaas dagani ay noqdaan kuwo intooda badani ay u hoggaansan yihiin duruufaha jira.
Marka la eego caddaymaha loo soo gudbiyay dibu eegista, Markii ay saraakiisha DIAC
go’aaminayeen in “xarun furan” laga hirgaliyo Nauru, waxa ay fahansanaayeen in xaruntu ay
noqon doonto Xarun Eegista Dacwadaha ah oo aysan noqon doonin Xarun Dadka Lagu Hayo.
Waxa ay famhmeen in ay qayb ka noqonayso xaruntu Xal Goboleed oo lagula tacaalayo
dhibaatada tahriibiyayaasha iyo magangalyo‐doonka.12
Isla fikraddaas odhanaysa waa in ay dadka la soo gudbiyay noqdaan kuwo hoggaansan ayaa sidoo kale
khusaysa Xarunta Manus. Walaacyada laga qabo heerka ammaanka Xarunta Manus waxa sidoo kale
xoojiyay qiimayn xaga khatarta ah oo dhawaan ay shirkadda KPMG u diyaarisay Waaxda Socdaalka iyo
13 Jadwalka 1aad, Qaybta1aad, Baaragaraafka 1.14aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
25
Ilaalinta Xuduudaha iyo mid kale oo ay shirkadda C5 Management Solutions u diyaarisay shirkadda
Wilson Security.
Dibu Eegistu waxa ay sidoo kale xusaysaa in heshiiska cusub ee lala galay shirkadda Transfield Services
aysan ku jirin faqrad la mid ah Jadwalka 1.1.5 ee ku jiray heshiiskii lala galay shirkadda G4S. Taa
beddelkeedu waxa weeyaan heshiiska Transfield lala galay waxa uu dhigayaa:
Kaabayaasha ammaanka ee goobaha hadda jira waa la wanaajin doonaa qabanqaabooyinka
xagga ammaankana waa la xoojin doonaa si loo yareeyo khatarta waxyeelada ka dhalan karta
qas baaxad wayn oo la mid ah kii 19 July 2013 ka dhacay dalka Nauru. Adeeg Bixiyaha waxa
laga sugayaa in uu diyaariyo siyaasado iyo habraacyo lagu badhitaarayo wanaajinta ammaanka
laguna yaraynayo xiisadaha ka dhici kara Xarumaha Eegista Dacwadaha ee Dalalka Shisheeye
(OPCs).13
Ka dib ku dhawaaqistii lagu dhawaaqay in xarunta Manus dib loo furi doono bishii September 2012,
Ciidamada Difaaca Australia ayaa loo xilsaaray in Xarunta si dhakhso ah dib loo hirgaliyo. Qaar ka mid ah
xarumihii hore u jiray dayactir ayaa lagu sameeyay waxaana xaaladdoodii lagu soo celiyay mid la
adeegsan karo. Waxa sidoo kale la taagay teendhooyin ciidan si loo dego. Guryo la’aanta ka jirtay
Xarunta awgeed, shaqaalaha Waaxda iyo adeeg‐bixiyayaasha shaqaalohoodu waxay muddo gaaban oo
ka dambaysay 19 July 2013 ku noolaayeen doonta HMAS Choules (taas oo ah doonyaha loo yaqaano Bay
Class Landing Ship Dock oo ay ku yaalaan goobo ay ku noolaan karaan dhawr boqol oo qof) taasoo ku
xidhnayd masaafo wax yar u jirta xeelliga.
Bishii July 2013, waxa qoysaska laga wareejiyay Jasiiradda Manus, waxaana Xarunta ku hadhay kaliya rag
aan xaasas wadan. Waxay raggu u wareegeen halkii markii hore la odhan jiray xerada Qoysaska (imikana
la yidhaahdo xerada Foxtrot).
Dhammaadii bishii August 2013, waxa la dhammaystiray dhismaha xerada Oscar ee gidaarrada adag leh
waxaana laga dul dhisay garoonkii kubadda ee hore u ahaa goobta Xarunta u gaarka ah ee lagu
jimicsado. Goobtii ay deggenaayeen ragga aan xaasaska wadan waa la banneeyay waxaana loo
diyaariyay in laga dhiso xerada cusub ee Mike taas oo la dhammaystiray dhammaadkii 2013.
Dhismayaasha Xarunta badankooda waxa loo dhisay qaab kala qaybsan oo sida kontaynarrada oo kale
ah kaas oo ah qaab aad looga isticmaalo warshadaha ku yaala meelaha fogfog sida goobaha qodista
macdanta iyo dhismaha looguna talagalay in la dajiyo shaqaale wareega oo kolba meel taga.
Haddi la soo kobo, waxa imika Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha ku yaala afar xeryood
markay taariikhdu ahayd 15‐kii February 2014:
Xerada Delta waxa dagganaa 252 rag ah
Xerada Foxtrot waxa dagganaa 329 rag ah
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
26
Xerada Mike waxa dagganaa 417 rag ah oo ku jiray dhisme cusub oo naqshaddiisa iyo
istaandarkiisuba ay la mid yihiin xero ku taala goob macdanta laga qodo oo Australia ah
waxaana dhismahaas cusub dhistay shirkad la yidhaahdo Red Seas, iyo
Xerada Oscar waxa dagganaa 339 rag ah oo ku jiray dhisme taambuug ah oo dhawaan la dhisay
oo gidaarro adag leh oo leh musqulo kala go’an iyo meelo lagu waysaysto oo ay dhistay
shirkadda Toll Logistics.
Sidoo kale waxa jira goobo maamul iyo qolal waraysiyada loogu talagalay iyo rug caafimaad iyo meel ay
shaqaaluhu wax ku cunaan iyo laba xero oo yaryar (oo kala ah Charlie iyo Bravo). Xerada Charlie waxa
deggan dadka la soo gudbiyay ee go’aansaday in ay dalkoodii hooyo ku laabtan halka xerada Bravo iyada
loo adeegsado ujeedooyin kala duwan (sida qol sugitaan oo ku dhagsan rugta caafimaad).
Saddex nin ayaa ku jiray xerada Charlie, taas oo tirada guud ee dadka la soo gudbiyay ka dhigaysa 1,340
qof.
Wali guryo ay dagaan shaqaaluhu kuma yaalaan Xarunta. Shaqaalaha Waaxda iyo shaqaalaha adeegyada
bixiya iyo waliba dadka muddada gaaban xarunta booqashada ku yimaaddaa waxa ay ku noolyihiin
dooni saddex dabaq ah oo la dago magaceedana la yidhaahdo Bibby Progress oo ku xidhan decked
dhawr boqol oo mitir u jirta Xarunta.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 kii FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
27
Qaybta 4aad. Habraaca
Markii ay bilaabantay Warbixinta Dibu Eegista ahi, waxa aan diyaariyay qorshe afar qaybood ka kooban
oo baadhitaanka aan ugu talagalay, kaas oo sida soo socota loo fuliyay:
Marxaladda Koowaad (24 February ilaa 11 March 2014) waxa ay ku saabsanayd dhammaystirka
qabanqaabooyinka maarayneed, iyo in si hordhac ah looga baaraandago dhukumentiyada ama
qoraalada ay Waaxdu keentay (sida warbixin‐xaaladeedyada iyo warbixinaha sirdoonka iyo
warbixinaha maalinlaha ah iyo warbixinaha caafimaad iyo agabka warfaafineed), iyo in la qabto
su’aalo weydiin iyo waraysiyo, iyo in loo diyaar garoobo in booqasho lagu tago magaalada Port
Moresby iyo Xarun Goboleedda Manus ee Eegist Dacwadaha
Marxaladda Labaad (12 ilaa 18 March 2014), Dibu Eegistu waxa ay la‐tashi la samaysay
Wasiirada iyo masuuliyiinta ku sugan magaalada Port Moresby14 iyo dadka xarunta loo soo
gudbiyay iyo shaqaalaha Waaxda iyo shaqaalaha adeegyada bixiya ee iyaguna ku sugan Xarunta
Manus
Ka dib ku soo noqoshadii Australia, Marxaladda Saddexaad (19 March ilaa 4‐ April 2014) waxa ay
ku saabsanayd dhammaystirka waraysiyada, iyo dibu eegista dhukumentiyadii loo soo gudbiyay
warbixinta, iyo in layman ama khadad kale oo baadhitaan ah la sameeyo, iyo in la bilaabo
diyaarinta qabyo‐qoraalka Warbixintan, iyo
Marxaladda Afraad (laga bilaabo 5‐ April 2014 ilaa dhammaadka hawsha), kooxda ku hawlanayd
Dibu Eegistu waxa ay dhammaystirtay qiimaynta dhammaan waxyaabaha ama agabka la soo
uruuriyay intii uu baadhitaanku socday, waxaanay kulamo dheeraad ah la yeesheen Wasiirada
iyo masuuliyiinta dalka PNG. Sidoo kale waxa aan Wasiirka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha
kala hadlay dibu eegista ammaanka (Force Security Review) iyo qabanqaabooyinka la xidhiidha
Madasha Wasaaradeed ee Saddexaad15, taas oo aan anigu kaga qayb galay magaalada Port
Moresby 8 May 2014. Intaa kadib Warbixinta waa la dhammaystiray waxaana loo gudbiyay
Xoghayaha.
14 Dibu Eegistani waxa ay ka mid tahay dhawr baadhitaan oo lagu sameeyay dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February 2014. Baadhitaanada kale ee lagu qabtay PNG waxa kamida dibu eegis uu sameeyay Sarkaalka Koowaad ee Socdaalka, iyo dambi baadhis uu sameeyay Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea iyo dambi baadhis lagu sameeyay sababta dhimashadii dhacday. Si looga hortago in macluumaadku ay soo noqnoqdaan ama ay isdhexgalaan, waxa ay labada Xukuumadood ku heshiiyeen in natiijooyinka ku cad Dibu Eegistan labada Xukuumadoodba loo gudbiyo. 15 Madasha Wasaaradeed waxa aasaasay Wasiirka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudah iyo dhiggiisa dalka PNG si loo maamulo dhaqangalinta go’aaminta xaaladda qaxoontinimo iyo geedi‐socodka dibu‐dajinta iyo arrimaha la xidhiidha. Madashu waxa ay kulantaa bil kasta, waxaana goobjoog ka noqda Wasiirka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marwo Julie Bishop MP iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee PNG iyo Wasiirka Caddaalada ahna Xeer‐ilaaliyaha Guud ee dalka PNG.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
28
Taariikhdu markii ay ahayd 5 March, waxaan qoraal u diray adeeg‐bixiyayaasha iyagu Xarun Goboleedda
Manus ee Eegista Dacwadaha ka shaqaynayay wakhtigii ay dhacdooyinka baadhitaanku ku socdaa
dheceen ama muddadii ka horraysay dhicitaankooda, kuwaas oo kala ah: shirkadda G4S Australia Pty
Ltd, shirkadda International Health and Medical Services Pty Limited iyo ururka The Salvation Army (New
South wales) Property Trust.
Waraaqahaas aan diray, waxaan kaga codsadayay adeeg‐bixiyayaasha in ay la shaqeeyaan Dibu Eegista
oo ay soo gudbiyaan magaca sarkaalka koowaad ee Xarunta u jooga ee awoodi kara in waraysiyo lala
sameeyo shaqaalaha iyo liiska shaqaalaha iyagu shaqaynayay intii ay socdeen dhacdooyinkii dhacay
muddadii u dhaxaysay 16 – 18 February 2014 ee iyagu si dhab ah oo gacantii koowaad ah uga warrami
kara dhacdooyinkaas.
Intaa waxa dheer, waxa aan ka codsaday shirkadda IHMS in ay soo gudbiso xog faahfaahsan oo ku
saabsan dadkii laga daaweeyay dhaawacyadii ka dhashay dhacdooyinka, taas oo ay ku jirto nooca
dhaawacyada iyo sababta keentay waa haddii sababtaas la la ogyahay.
Adeeg bixiyayaasha waxa loogu baaqay in ay diyaariyaan qoraal oo ay qoraalkaas u soo gudbiyaan Dibu
Eegista, qoraalkaas oo ku saabsan dhacdooyinka, isla markaana ay soo gudbiyaan talooyinka lagu xoojin
karo qabanqaabooyinka ka jira Xarunta Eegista Dacwadaha loona yareeyo suuragalnimada dhacdooyin
kuwaa la mid ah amaba looga hortago in ay dhacaan dhacdooyinkaasi.
Waxa aan shirkadda Transfield Services u diray qoraal arrimahaas oo kale ka hadlaya, in kasta oo aysan
shirkaddu la wareegin bixinta adeegyada daryeelka iyo maaraynta xaaladaha ee Xarunta ilaa 22‐kii
February 2014 halka aysan la wareegin bixinta adeegyada ammaanka (adeegyadaas oo ay bixintooda
qandaraas‐hoosaad kula heshiisay shirkadda Wilson Security) ilaa 28‐kii March 2014.
Sidoo kale waxa aan:
Waaxda ugu baaqay in ay soo dirto qoraal haddii ay sidaa jeceshahay, sidoo kale
Waxa aan laba jeer la hadlay Mudane Ian Rintoul oo ah Afhayeenka ururka Refugee Action
Coalition waxaanan waydiiyay in isaga ama saaxiibadii ay ii sheegi karaan magacyada qaar ka
mid ah dadka xarunta loo gudbiyay oo uu garanayo, kuwaas oo ay faa’ido yeelan karto in aan la
hadlo marka aan booqdo Xarunta Manus, laakiin wax jawaab ah kama aanan helin codsigaas.
Intii Dibu Eegistu ay socotay, waxa i soo gadhay:
Diidmadaas oo gaboobayG4S oo taariikhdiisu ahayd 16April 2014
Gudbinno gaabanoo ka yimi ururka The Salvation Army iyo sharkadda Transfield Services
Tafaasiishii aan ka codsaday sharkadda IHMS, iyo
Warbixin kooban oo qoraal ah oo ka timid Waaxda oo ku saabsan Go’aaminta Xaaladda
Qaxoontinimo, iyo Dibu Celinta, iyo Masaafurinta iyo Dejinta.
Macluumaadka soo gaadhay Dibu Eegista eek u saabsanaa dhacdooyinku waxa ay badankoodu ku jireen
waraysiyo rasmi ah, baadhitaan lagu sameeyay diiwaannada Xarunta iyo diiwaanno kale oo
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
29
dhacdooyinka la xidhiidha, iyo kulamo su’aal iyo jawaab ah oo lala yeeshay dadka la soo gudbiyay iyo
foomamka jawaab‐celinta ah ee hoos ku xusan.
Kulamada ku qabsoomay dalka PNG si gaar ah ayay muhiim u yihiin.
Maadaama ay Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwaduhu ay tahay xarun ka jirta dalka PNG,
Xukuumadda dalka Papua New Guinea si dhaw ayay ugu lug leedahay dhawrka baadhitaan ee socda ee
lagu wado dhacdooyinkii dhacay 16 – 18 February 2014. Sidaa awgeed, waxa muhiim ahayd in aan la
kulmo oo aan warbixin kooban ka siiyo Wasiirada iyo masuuliyiinta dalka PNG Dibu Eegistan.
Waxa aan la kulmay Mataio Rabura, Madaxa Xafiiska Socdaalka PNG ahna Maareeyaha Xarunta, markii
uu joogay magaalada Canberra 11 March 2014. Markay taariikhdu ahayd 13 March 2014, waxa aan
magaalada Port Moresby kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka, Mudane Rimbink Pato
OBE MP iyo Wasiirka Caddaaladda ahna Xeer‐Ilaaliyaha Guud, Mudane Kerenga Kau MP, iyo Madaxa
Shaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Isaac Lupari, iyo Ku‐xigeenka Taliyaha Booliska,
Simon Kauba.
Dibu Eegistu waxa ay booqatay Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus 14‐ ilaa 18 March 2014
halkaas oo aan ku qabtay dhawr waraysi oo aan la yeeshay saraakiisha Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta
Xuduudaha iyo waliba shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha adeegyada bixiya. Waxa aan sidoo kale la
kulmay Kalkaaliyaha Maareeyaha Hawlfulineed oo u dhashay dalka PNG, Mudane Wilson Kuve, kaas oo
aan kula kulmay Xarunta Manus, iyo La‐Taliyaha Hawlfulineed ee Badhasaabka Gobolka Manus, kaas oo
aan kula kulmay magaalada Lorengau.
Dadka xarunta loo soo gudbiyay afar siyaabood ayaan ula shaqeeyay:
Ta koowaad, waxa aan waraystay afar kamid ah dadkaas oo aawood u lahaa in ay i siiyaan macluumaad
xaddidan oo la xidhiidha Dibu Eegistan. Waxa ka mid ahaa dadkaas nin goob‐joog ka ahaa weerarkii
lagula kacay Reza Barati, kaas oo hore u diiday in uu booliska la hadlo iyada oo uusan goob joog ahayn
qareenkiisa Australia u dhashay, waxa kale oo ka mid ahaa dadkaas ninkii qoorta laga jeexay isaga oo
jooga xerada Oscar fiidkii 16‐ February 2014. Kulamada aan la yeeshay dadkaas waxa ay dheceen iyada
oo qof turjumaan ah oo kaliya uu goob‐joog ahaa.
Ta labaad, waxa aan afar kulan oo su’aal iyo jawaab ah oo min laba saacadood ah la yeeshay madaxda
bulshooyinka kuwaas oo matalayay koox kasta oo luqad gaar ah ku hadasha, waxaanan kula yeeshay
kulamadaas mid kasta oo ka mid ah afarta xeryood ee la dagan yahay iyada oo ay goobjoog yihiin dadka
turjumaannada ah ee loo baahanyahay. Kulamadaas waxa kasoo qayb galay 18 ilaa 24 dad ah (oo ay ku
jiraan ilaa siddeed turjumaan oo goob‐joog ka ahaa kulan kasta).
Ta saddexaad, intay kulamadaasi socdeen, waxaanu qaybinay fooman jawaab‐celinaha loogu talagalay
waxa aanan ugu baaqnay dadka xarunta loo soo gudbiyay ee kulamada joogay in ay buuxiyaan
foomamkaas oo ay aniga igu soo celiyaan haddii ay rabaan in ay iisoo gudbiyaan warbixintooda shakhsi
ahaaneed. Sidoo kale waxa loogu baaqay in ay foomamka u qaybiyaan dadka kale ee xarunta loo soo
gudbiyay ee xeryohooda ku sugan. Sidaa awgeed, Warbixintan waxa soo gaadhay tiro badan oo ah
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
30
foomamka jawaab‐celinta ka hor intii aannaan ka tagin Jasiiradda Manus. Guud ahaan, Dibu Eegistu
waxa ay eegtay 270 warbixinood ama faalo oo ka yimid in ka badan 300 oo qof oo kamida dadka xarunta
loo soo gudbiyay (sabaabtoo ah qaar kamida foomamka jawaab celintu waxay ka socdeen dhawr qof
ama koox bulsho kaliya kasoo jeeda).
Ugu dambayntii, kadib markay dadka xarunta loo soo gudbiyay sidaa iigu baaqeen, waxaan indha‐
indhayn ku sameeyay xerada Mike, halkaas oo ay i tuseen dalooladii ay rasaastu samaysay ee muuqday
marka debedda laga eego dhismayaasha iyo waliba raadadkii iyo godadkii kale ee ay rasaastu kaga
tagtay dhismayaasha iyo makhsinnada la seexdo gudohooga.
Dhawrka kulan ee aan la yeesha saraakiisha shirkadda G4S waxa ay codsi iyaga ka yimi kadib
qabsoomeen iyada oo ay joogaan dadyow kale (oo ay kamid yihiin Alistair Nicholas oo ka tirsan
shirkadda Weber Shandwick iyo Bill Neill oo jooga dalka PNG kana tirsan shirkadda Ashurst Lawyers) sida
ku xusan diiwaannada waraysiga.
Laba xunood oo kamid ah xubnaha Dibu Eegista ayaa iga caawiyay qabashada afarta kulan ee aan la
yeeshay hoggaamiyayaasha bulshooyinka. Sidoo kale waxa ay diyaariyeen qoraalladii afartaa kulan iyo
waliba qoraalkii waraysigii aan la yeeshay Chris Manning, Agaasimaha Guud ee shirkadda G4S u
qaabilsan Adeegyada Socdaalka.
Dhammaan waraysiyada aan telefoonka ku yeeshay waxay ahaayeen wada hadallo laba qof ku kooban
(oo kala ah aniga iyo qofka kale oo aan sameecadda codka dheer ahayn) waxaanan isla markiiba
diyaarinayay dhigaal qoran oo waraysiga ku saabsan mar kasta oo aan waraysi dhammaystiro.
Marka laga reebo waraysiyada lala yeeshay dadka xarunta loo soo gudbiyay (sababtoo ah waxa jiray
dhibaatooyin xagga is‐fahamka ah), dhigaallada qabyo‐qoraalka ah ee laga sameeyay waraysiyada waxa
loo gudbiyay mid kasta oo kamida dadka la waraystay markasta oo ay sidaasi suurtagal ahayd si qofku uu
u ansixiyo dhigaalladaas una qiro in ay yihiin kuwo dhab ah (ama si sixitaan ama wax ka baddal loogu
sameeyo qoraalladaas haddii loo baahdo).
Intii u dhaxaysay 29‐kii ilaa 30‐kii April iyo 6‐dii ilaa 7‐dii May sannadka 2014, waxa aan diyaariyay
natiijooyinkii iyo talooyinkii Dibu Eegista ee kasoo baxay kulamadii aan la yeeshay Wasiirrada iyo
masuuliyiinta sarsare ee dalka PNG. Waxaan goob‐joog ka noqday Madal Wasaaradeeddii Saddexaad ee
dhacday 8‐dii May 2014 waxaanan halkaa ka jeediyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan
Warbixintayda. Dhammaan kulamadaasi waxay ka dheceen magaalada Port Moresby.
Waxa muhiim ah in la xuso in aan soo bandhigay wixii ay ii sheegeen dadkii aan waraystay iyo wixii
dadka xarunta loo soo gudbiyayba ay iigu soo udbiyeen foomamkii jawaab‐celinta ahaa. Laakiin
iskumaan dayin in aan hubiyo run ahaanshaha ama saxsanaanta wararka aan ka helay ashkhaasta marka
laga reebo in aan wararkaas barbar dhigo dhammaan macluumaadka kale ee Warbixintan Dibu Eegista
ah gacanta ugu jiray.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
31
Qaybta 5aad. Ka Hor 16 – 18 February 2014
Kahor intaan laga hadal waxyaabihii horseeday dhacdooyinkii dhacay 16 – 18 February 2014, laba qodob
oo muhiim ah ayay tahay in la xuso.
5.1 Dadka xarunta loo soo gudbiyay dhammaantood kamay qayb galin dhacdooyinkaas
Qodobka koowaad waxa weeyaan, in kastoo ay dadka xarunta loo soo gudbiyay dhammaantood ay shaki
la’aan ka warwarsan yihiin muddada wakhtiga ay joogi doonaan Xarun Goboleedda Manus ee Eegista
Dacwadaha iyo meesha mustaqbalka la dajjin doono (haddii la go’aamiyo in ay yihiin qaxoonti), laakiin
dadka xarunta loo soo gudbiyay kama midaysna xaaladda imika taagan sida looga jawaab celinayo.
Sidoo kale waxaa jira kala duwanaansho xagga dhaqanka iyo dabeecadda iyo habdhaqanka ah oo u
dhexeeya dadka xarunta loo soo gudbiyay ee kasoo kala jeeda jinsiyado iyo isiro kala duwan, kuwaas oo
horseeday xiisado iyo khilaafaad iyo cadaawad ka dhex abuurmay.
Qaar badan oo kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay may taageerin manay ka qaybgalin
mudaahraadyadii horseeday dhacdooyinkii dhacay 16 – 18 February 2014. Intooda badani may rabin in
ay ku lug yeeshaan arrimahaas kamanay qayb galin qaskii saddexdaas maalmood socday. Qaarkood
sababta kaliya ee ay uga qayb galeen mudaahraadyadaas iyo qaskaas waxay ahayd handadaad loo
gaystay iyo qasab ay qaar kale oo kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay ku qasbeen in ay sidaa
yeelaan.
Dadka xarunta loo soo gudbiyay ee ku sugan Xerada Delta qofna kamuusan qayb galin dhacdooyinkii
dhacayay wixii ka kahorreeyay ama wixii dhacay habeenkii ay dhacdada wayni dhacday (17 – 18
February 2014). 16
Qaar kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay ayaa u tagay shaqaalaha ilaalada qaabilsan ee shirkadda
G4S maalinimadii 17 February 2014 (kuwaas oo ay ku jiraan dadka xarunta loo soo gudbiyay ee dagan
xerada Oscar saacaddu markay ahayd 1702, shanti galabnima iyo laba daqiqadood) waxaanay
codsadeen in laga saaro xeradooda oo la geeyo meel amaan ah. Waxa sidoo kale jiray qaar kale oo
ilaalada shirkadda G4S ka dalbaday kana helay caawimo intii ay dhacdooyinku socdeen habeenkaas si ay
rabshadaha uga fogaadaan.
Dadka xarunta loo soo gudbiyay qaar kamida ayaa ku nagaaday qolalkooda si ay uga fogaadaan
dhibaatada intay socdeen dhacdooyinku laakiin si kasta ha ahaatee waa la weeraray.
16 Eeg qoraalka waraysigii lala yeeshay Anthony Kneip, bogga 4aad, sadarrada 2aad iyo 3aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
32
Habdhaqannadaas kala duwan waxa laga dheehan karaa faalooyinkan muunadda ah ee lagu qoray
foomamka jawaab‐celinta ee loo soo gudbiyay Dibu Eegista markii aanu booqanay Xarun Goboleedda
Manus ee Eegista Dacwadaha.
Muddadii ka horraysay dhibaatada ee ay maalin kasta socdeen mudaahraadyadu, aad ayaan u
argagaxsanaa oo aad ayaan u kacsanaa, waxaanan fadhiyi jiray qolkayga sababtoo ah maan rabin in
aan ku biiro mudaahraadyada…. Laakiin markii ay dhibaatadu bilaabantay 16‐kii February, waxaan
joogay qolkayga kaddibna waan soo baxay oo mid kamida askarta ayaa igu yidhi tag goobta cuntada,
halkaasaanan tagay. Aad ayaan u cabsanayay sarkaalkuna kaadh ayuu iga qaaday oo waxa uu igu
celiyay xerada Bravo. Waxaan halkaa joogay ilaa 4.00 (afartii habeenimo) kadibna waxaan kusoo
laabtay xerada Oscar. Haddana maalintii 17‐kii February markay dhibaatadu ka bilaabantay xerada
Mike, mar labaad ayaa la I geeyay xerada Bravo habeennimadii. Markay xabaddu bilaabantay, waxay
saraakiishu na geeyeen goobta la yidhaahdo “oval”. Dhawr saacadood ayaan halkaa joogay. Markaan
kasoo noqday halkaa ee aanan wali galin xerada Oscar, waxaan u sheegay mid kamida saraakiisha in
aanan ammaan ku ahayn xerada Oscar sababtoo ah waxa jooga dad cadhaysan, markaas ayay
saraakiishu i geeyeen xerada Charlie, 7‐dii bisha March na meel ayay iiga diyaariyeen xerada Delta
sidaasaanan halkan ku imid: ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐, Xerada Delta
Ka hor maalintii dhacdadu dhacday, waxaan la hadalnay shirkadda G4S iyo TSA17 waxaanan u sheegnay
in aanaan qayb ka ahayn dhaqdhaqaaqa mudaahraadyada. Markaa TSA ayaa nagu tidhi codsi qora aad
ku sheegaysaan in aydaan qayb ka ahayn mudaaharaadyada halka ay G4S iyaduna nagu tidhi haddii ay
wax dhacaan qolalkiina jooga. Waxaanu raacnay oo aanu ku dhaqannay amarradii la nasiiyay oo
waxaannu qornay codsi sidoo kalena qolalkayaga ayaannu ku jirnay maalintii ay dhacdadu dhacday: ‐‐‐‐‐
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐, Xerada Mike, waxa saxeexay 20 kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay
(lambarrada doonyaha waa lasoo raaciyay)
Maalintii ay dhacdadu dhacday, qolkayga ayaan joogay; waligay kamaan qayb galin mudaaharaadyada,
cid kalena imay siinin wax digniin ah, qolkayga ayuumbaan iska joogay waxaanan ka fekerayay
ammaankayga sababtoo ah arrinka waxba igama galin: ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐, Xerada Delta
Sidaad ogtihiin markaynu ka hadalno dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay Manus, dhammaantayo
cadaadis iyo xoogsheegasho ayaa nagaga socday dad iyagu rabay in aanu ka caawinno sidii ay u waajihi
lahaayeen Australia iyo dalka Guinea. Anigu waan diiday in aan taa ku raaco kadibna qolkayga ayay soo
galeen waxaanay burburiyeen dhammaan qalabkii yaalay gurigayga: ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐,
Xerada Delta
Ma dareensanin in aanu halkan ammaan ku nahay. Runtii waanu ka cabsanaynaa in aanu dhammaan
goobaha dhexs socono, goobahaas oo ay ku jiraan hudheelada cuntada iyo musqulaha iyo fasallada iyo
wixii lamida. Runtii waannu ka cabsanaynaa inaanu la hadalno dadyowga kasoo jeeda dalalka kale.
Maadaama aanaan ka qaybgalin mudaaharaadyadii halkan ka dhacay, dadyowga kasoo jeeda dalalka
kale way noo cadhoonayaan: ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐, Xerada Foxtrot
17 The Salvation Army
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
33
Anigu waxaan ka soo haajiray dal aan xassiloonayn waxaanan rabaa in ay Xukuumadda Australia iga
caawiso in aan la ii gaysan wax weerar ah Manus dhexdeeda, sababtoo ah waxaa jooga dad badan oo
dadka u xoog‐sheegta oo marar badan igu yidhaahda naga caawi sidii aanu u waajihi lahayn Australia
iyo Guinea, waxaanay iigu hanjabaan in ay i dili doonaan haddii aanan codsigooda fulin: ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐, Xerada Delta.
5.2 Cadaawadda ka dhaxaysa dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo muwaadiniinta reer PNG ee Xarunta
ka shaqeeya
Qodobka labaad waxa weeyaan waxaa jiray muddadaas cadaawad sii kordhaysay oo u dhaxaysay qaar
kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo muwaadiniinta reer PNG ee ka shaqeeya Xarunta. 18
Dadka la waraysay midkoodna muusan bixinin sharraxaad cad oo ku saabsan xiisaddan sii kordhaysay ee
u dhaxaysay labada kooxood. Sababaha laga yaabo in ay cadaawaddaas horseedeen ee loo sheegay Dibu
Eegista qaar kamida ayaa hoos ku xusan.
Marka la eego aragtida dadka xarunta loo soo gudbiyay (gaar ahaan iiraaniyiinta), maysan rabin in ay
joogaan dalka PNG, dalkaas oo ay u arkayeen dal soo koraya oo heerka macheeshaddiisu ay ka hoosayso
heerka maceeshadda iyo fursadaha dhaqaale ee dalkii ay kasoo tageen.
Markii aan kulamada la qaatay dadka xarunta loo soo gudbiyay, qaarkood ayaa dalka PNG ku tilmaamay
kalmado aflagaaddo ah. Waxay ka faaloodeen heerka dambiyada iyo baahsanaanta cudurka AIDS ka
waxaanay sheegeen in aysan bulshada reer PNG soo dhawayn doonin dhexdoodana ku dareemi doonin
inay ammaan yihiin. Ugu yaraan mid kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay ayaa dalka PNG ku sheegay
in uu yahay ‘dal cawaan ah’.
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ (kaas oo aan ugu yeedhi doono Mudane T1) waxa uu yidhi:
Laakiin Xukuumadda Australia waxa ay na keentay dal dadkiisu ay boqolkiiba 70 qabaan
cudurka HIV (aydhis) oo boqolkiiba 65 ay qabaan cudurka Qaaxada (TB) iyo cudurka kaneecada
iyo cudurrada kale. Wali waxay ku jiraan noloshii qabaa’ilka caasimaddooduna waa magaalada
labaad ee ugu ammaanka daran adduunka oo dhan.
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ waxa uu yidhi:
….. iyada oo aan ka fiirsanin cawaaqibka dhalan kara, waxay Xukuumadda Australia noo dirtay
dal dadkiisu aysan lahayn taariikh wanaagsan oo ka arradan dhaqanka la noolaanshaha dadka
ajnabiga ah iyo dadka saboolka ah…. Xalka ugu horreeyaa waxa weeyaan in dadka
taariikhdoodu sidaa tahay – ee boqol sannadood ka hor hilibka dadka cuni jiray .... muddo
gaaban wax lagu baro oo ay bartaan dhaqanka la noolaanshaha dadka ajnabiga ah; iyo in
cudurka AIDS ka iyo tuugnimada iyo boobka laga maydho dalkan…
18 Ogow in Dibu Eegistu ay xog ku saabsan cadaawadan ay ka heshay waraysiyadii iyo qoraalladii ay soo gudbisay shirkadda G4S. Laakiin qiimayntii xaga sirdoonka ee ay diyaarisay G4S isla markaana ay aragtay Dibu Eegistu cadaawaddaas umay aqoonsan inay ahayd mushkilad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
34
Dadkaas xarunta loo soo gudbiyay way xaqiri jireen shaqaalaha u dhashay dalka PNG ee iyagu Xarunta ka
shaqeeya waxaanay u arkayeen dad ka aqoon yar kana xirfad yar iyaga. Dadka u dhashay dalka PNG ayaa
iyagu noqday bartilmaameed ay dadka la soo gudbiyay ku began niyadjabka ka haystay xaaladdooda ay
hadda ku jiraan.
Sida uu sheegay mid kamida saraakiisha shirkadda G4S, waxay ra’yigooda ku muujin jireen ixtiraam
la’aan ay kula dhaqmaan muwaadiniinta dalka PNG oo si joogto ah ay uga xanaajiyaan, tusaale ahaan
iyagoo kaga xanaajinaya:
In ay Gundhiyaan calaamadaha aqoonsiga ama darajada iyo qalabka ku yaala labiskooda
In ay u hanjabayaan si ay u cabsi galiyaan isla markaana ay Xarunta u soo galiyaan waxyaabo
mamnuuc ah, iyo
In ay dhulka qashin ku firdhiyaan iyadoo la nadiifinayo.19
Qaar kamida dadka la waraystay ayaa ka faalooday habdhaqanka iiraaniyiinta ee iskala qabwayn dadka
kale ee kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo shaqaalaha u dhashay dalka PNG, waxaanay ku
sifeeyeen iiraaniyiinta inay yihiin dadka Xarunta dhexdeeda dadka kale ugu cagajugleeya. Dadk kamida
dadkii aan la hadlay qaarkood ayaa sheegay in iiraaniyiintu ay cunsuriyad kula dhaqmaan dadka u
dhashay dalka PNG.
Mid kamida shaqaalaha shirkadaha adeegyada bixiya ayaa ii sheegay in iiraaniyiinta iyo ciraaqiyiinta
xarunta loo soo gudbiyay ay si gaar ah cunsuriyad ugula dhaqmaan muwaadiniinta reer PNG (waxaana
uu sheegay in ay adeegsadeen kalmado la mid ah dadka geedaha iska lula ee ku leexaysta iyo dadka
cuna hilibka dadka).
Qoraalka waraysi aan la yeeshay mid kale oo kamida shaqaalaha shirkadaha adeegyada bixiyaa wuxuu
xusay faallooyinkan:
Qaar kamida iiraaniyiinta ayaa cunsuriyad kula dhaqma shaqalaha reer PNG oo isla markaana
xaqira oo aad iyo aad arrinkaa u dareensiiya. Dadka waddanka u dhashay waxay
habdhaqankaas u arkaan inuu yahay mid ixtiraam darro ku ah iyaga iyo dalkooda. Dadka dalka
u dhashay waxay qabaan in halka ay dadka xarunta loo soo gudbiyay rabin inay joogaan dalka
PNG, PNG iyaduna dhineceeda ma rabto.
Qaar kamida iiraaniyiinta ayaa u caga‐jugleeya dadyowga kale ee isirrada kale ka soo jeeda ee
ku sugan Xarunta, qofka la waraystayna waxa uu qabaa in arrinkaasi ku keeno dadka xarunta
loo soo gudbiyay ee caga‐juglaynta loo gaysto dhibaato aad u wayn. Cadaawadda ka dhex
abuurantay dadka deegaanka iyo dadka xarunta loo soo gudbiyay, jawaab‐celintii ay
muwaadiniinta reer PNG ka jawaab celiyeen dhacdooyinkii 17‐kii February 2014 waxay ahayd
mid shakhsiyaysan ee kumay koobnayn jawaab‐celin xirfadeed.
19 Eeg qoraalka waraysiga lala yeeshay sarkaalka CD ee shirkadda G4S
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
35
Darren Boyed, oo ah Maareeyaha Guud ee Heer Gobol ee shirkadda G4S, ayaa arrinkaa waafaqay:
Aragti guud ayaa ka jirta Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwdaha oo uu ka maqlay dad
badan oo aragtidaas sheegaya, aragtidaas oo ah in iiraaniyiinta ku sugan Xaruntu ay inta badan
u dhaqmaan si ay cagajuglayni ku jirto markay joogaan xeryohooda. Arrinkaas waxa laga
dheehan karaa warbixinaha sheegaya in ay isku dayeen inay “ku joogsadaan” dadka kale ee
xarunta loo soo gudbiyay waxaanay marar badan muujiyaan habdhaqan isla‐qabwayni iyo
cunsuriyadi ay ku dheehantahay oo ku wajahan dadka kale ee xarunta loo soo gudbiyay iyo
muwaadiniinta reer PNG.20
Marka la eego ra’yiga muwaadiniinta reer PNG, way ka cadhoodeen sida bilaa ixtirraamka ah ee loola
dhaqmayo waxaanay qaateen fikradda ah, sida kor lagu xusay, maadaama aysan dadka xarunta loo soo
gudbiyay doonayn in ay joogaan dalka PNG, dee iyaguna markaa ma rabaan inay dadkaasi halkaa
joogaan. Qaar kamida dadka xarunta loo soo gudbiyay ayaa sheegay in muwaadiniinta reer PNG ay
dhaqanka noocaas ah ee lagu samaynayo ay kaga jawaab celiyeen in ay ku yidhaahdaan ku noqda
meeshii aad ka timaaddeen, iyo in ay iyagoo gacmohooda ku tilmaamaya sameeyaan xarakaad ay uga
jeedaan waanu idin gawrici doonaa uguna hanjabaya waanu idin weerari doonaa.
Manus maaha Gobol hanti leh dad badan oo kamida dadyowga deegaankuna waxay ku nool yihiin
xaalado qallafsan. Waxaa warbixintan dibu eegista ah lagu wargaliyay in muwaadiniinta reer PNG laga
yaabo in ay ka xanaaqeen nolosha tooda ka wacan ee ay ku nool yihiin, iyo cuntada saddexda wakhti loo
diyaariyo maalintii iyo daryeelka caafimaad ee diyaarka u ah.
Wax kasta sababuhu ha ahaadaane, cadaawaddani waxay qayb ka ahayd jawiga kacsan ee kasii darayay
ee ka jiray Xarunta laga soo bilaabo Maalinta Madaxbannaanida Australia. Waxa arrinka sii murgiyay
dhaqan si gaar ah xadgudub iyo ixtiraam darro u ahaa oo ay ku kaceen qaar kamida dadka xarunta loo
soo gudbiyay taariikhdu markay ahayd 17 February 201421, kaas oo huriyay nacaybkii u dhexeeyay
labada kooxood isla markaana dhaqankaas oo sida uu Darren Boyd oo ka tirsan shirkadda G4S uu ku
sheegay waraysigiisa sii kordhiyay heerka iyo darnaanta dagaalkii dhacay.22
5.3 Muddadii ka horraysay dhacdooyinka
Iyada oo ay taariikhdaasi jirto, qalalaasihii gaadhay heerkii ugu sarreeyay markay dheceen dhacdooyinkii
dhacay 16 – 18i February 2014 waxa suurtagal ahayd in ay bilaabmaan bishii December 2013 markii si
wayn la isula dhex maray war kutidhi‐kuteen ah oo sheegaya in marka la gaadho ciidda masiixiga ee
Christmas‐ka cafis la fidin doono. Waxa cad in la filayay in cafiskaas ay natiijadiisu noqon doonto in
dadka xarunta loo soo gudbiyay Australia la keeni doono.
Warbixin‐bileedda sirdoonka ee shirkadda G4S ee soo baxday bishii January 2014 waxay xustay:
20 Eeg qoraalka waraysiga, bogga 3aad 21 Tafaasiisha habdhaqankan waxa lagu xusay Qaybta 7aad iyo meelo kale oo ka mid ah Warbixintan 22 Eeg qoraalka waraysiga, bogga 2aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
36
Dadka xarunta loo soo gudbiyay waxa soo gaadhay war sheegaya in laga yaabo in siyaasadda
Xukuumadda Australia ay isbeddesho. Macluumaadkaas waxa MIRPC23 usoo gudbiyay Dadka
xarunta loo soo gudbiyay ee iyagu xidhiidhka la lahaa qoysaskooda oo ku sugan dalalkoodii
hooyo. Danaynta ay saxaafaddu danaysay warbixinnadii ay soo saartay hayadda UNHCR iyo
hayadda Amnesty International (ka hor iyo ka dib soo saaristii rasmiga ahayd ee labadaa
warbixinood) ayaa miisaan iyo ahmiyad dheeraad ah siisay in uu dhici karo isbeddel. Dadka
xarunta loo soo gudbiyay qaar kamid ah oo kasoo jeeda dalal iyo dhaqamada qaarkood ayaa
isku xidhiidhiyay arrimahaas, taasaana keentay in laga sheekeeyo in ay dhici karto in cafisyo la
bixiyo ciidda Christmas‐ka. 24
Anthony Kneipp waxa uu ahaa Isku‐Dubbarridaha Waaxda U Qaabilsan Xarunta laga bilaabo November
2013 ilaa 23 February 2014. Waxa uu Warbixinta u sheegay:
Sida aan anigu qabo, waxay ahayd… kutidhi‐kuteen ka bilaabantay dalka gudihiisa waxaanan
qabaa in kutidhi‐kuteentaas ay qayb wayn ka qaadatay in dalal badan oo kamida dalalka ay
kasoo jeedaan dadka xarunta loo soo gudbiyay uu cafiska noocaas ahi dhaqan u yahay.
Xukuumadohooga maaha wax qayrul‐caadi ku ah in ay bixiyaan cafis xilliyada loo dabaal
dagayo fasaxyada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa diimeed… 25
kutidhi‐kuteentu way sii socotay inkasta oo uu Wasiir Morrison booqasho ku tagay Xarunta 26‐kii
September 2013 oo uu bixiyay farriin cad oo odhanaysa in dadka xarunta loo soo gudbiyay ay joogi
doonaan Xarunta ilaa inta ay ama dhulkoodii hooyo ku noqonayaan ama la dajinayo dal aan Australia
ahayn.
Maareeyaha Qandaraasyada ururka The Salvation Army u qaabilsan Xarun Goboleedda Eegista
Dacwadaha ayaa Warbixinta u sheegtay in saraakiisha daryeelka iyo maaraynta xaaladuhu ay isku
dayeen in ay burburiyaan kutidhi‐kuteentaas. Waxay mar labaad ku celiyeen farriintii uu Wasiirku u diray
dadka xarunta loo soo gudbiyay, laakiin waxay saraakiishu dareemeen in aan la rumaysanin.
Maareeyaha Qandaraasyadu waxay waraysigeeda ku tilmaantay in ay jireen sababo kale oo ka qayb
qaatay dareenka guud ee xasillooni darrada ah ee ka dhex jiray dadka xarunta loo soo gudbiyay xilligaas:
Ha ugu muhiimsanaatee, maysan jirin wax macluumaad ah oo ku saabsan habka go’aaminta
xaaladdooda qaxoontinimo ama haddiiba la dajiyo dalka PNG macnaha ay dajintaasi u yeelan
karto iyaga iyo qoysaskooda, iyo
Dadka xarunta loo soo gudbiyay kuwooda iyagu Xarunta muddada ugu dheer joogay ayaa wakhti
yar ka hor loo wareejiyay xerada cusub ee wayn ee Mike, taasoo marka la eego siday ugu
muuqato in ay tahay xarun joogto ah oo aan ku‐meel gaadh ahayn galisay dadka xarunta loo soo
gudbiyay dareen ah in ay waligood halkaa sii joogi doonaan.
23 Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus 24 Bogga 4aad 25 Qoraalka waraysiga, bogga 3aad, sadarka 4aad ilaa 7aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
37
Marka laga tago sababahaas horseeday welwelka iyo qanacsanaan la'aanta iyo xaaladda kacsan,
Maareeyaha Qandaraasyadu waxay muujisay ra’yigeeda shakhsiga ah ee ay ku qabto in laba arrimood
oo kale ay qayb ahaan horseedeen dhacdooyinka:
Ugu horrayn, waxaa jira kala duwanaansho xagga heerarka guryaha ee dhismayaasha kala
duwan (tusaale ahaan, xeryaha qaarkood oo kaliya ayaa meelaha qaarkood ku leh hawo
qaboojiyaha, xeryaha qaarkood oo kaliya ayaa iyaguna si toos ah internet‐ka iyo tilifoonka u heli
kara, halka xerada Delta ay saxmad tahay oo iftiinka cadeeda ee soo gaadhaa uu yaryahay, iyo
waxyaabo kale oo lamida), iyo
Inkasta oo ay dadka la soo gudbiyay ogaayeen in laga bilaabo 13 December 2013 uu sii
dhamaanayay qandaraaska ururka The Salvation Army, magacaabista la magacaabay shirkadda
bixin doonta adeegyada daryeelka iyo maaraynta xaaladaha lama iclaaminin ilaa bilawgii ama
badhtamihii bisha February 2014, taasina waxay abuurtay hubaal la'aan dheeraad ah oo ku
xeersan xaaladdooda.
In kasta oo aysan waxba ka rumoobin kutidhi‐kuteentii ku saabsanayd cafiska, waxay dadkii Warbixintani
waraysatay guud ahaan isku raaceen in Xaruntu ay dagganayd muddadii ciidda Christmas‐ka ilaa
Maalinta Qarannimada Austrlia. Istaraatiijiyadaha loogu talagalay in ay yareeyaan inta jeer ee laga yaabo
in arrimuhu dhiida gaadhaan oo ay qadhaadhaadaan waxa kamid ahaa in la soo bandhigo aflaam
dheeraad ah oo la kordhiyo isticmaalka ciyaaraha iyo hawlaha kale iyo dhismaha hoosas dheeraad ah oo
la hadhsado iyo in ay dadku u baxaan safarro gaagaaban oo ka baxsan Xarunta. 26
Warbixinaha maalmeedka ah iyo warbixinaha kale ee la soo saaray intii u dhaxaysay bisha December iyo
dhammaadka January ee la indha‐indheeyay intii lagu jiray diyaarinta Warbixintan waxay ay
xaqiijinayaan in Xarunta uu heerka khatarteedu ahaa mid hooseeya ama heerka khatarta ee Cagaaran27
ilaa 31‐kii January 2014 markii Warbixinta Maalinlaha ahi ay xustay in heerka ammaanka ee Xaruntu uu
yahay Hurdi ama Jaalle jawiguna oo waxoogaa yara kacsan yahay. 28
Ma cadda sababtu laakiin Maalinta Qarannimada Australia waxay ahayd bilawga muddo dheeraatay oo
ay socdeen mudaaharaadyo horseeday dhacdooyinkan baadhitaanku uu ku socdo. Dadka waraysiga lala
yeeshay waxa ay Warbixinta u sheegeen in xiisadda ka jirtay Xaruntu ay si wayn u korodhay kadib
taariikhdaas.
Warbixin‐bileedda shirkadda G4S ee la soo saaray bishii January 2014 waxay iyadoo ka hadlaysa
Maalinta Qarannimada Australia ay xustay:
26 Eeg Warbixin‐Bileedda Shirkadda G4S ee Sirdoonka ee bishii January 2014, bogga 6aad 27 Cagaar macnihiisu waxa weeyaan Xaruntu way daggan tahay, wayna yartahay suurtagalnimada in ay dhacaan mudaahraadyo ama qalalaase rabshado wataa, laakiin ma jiro war sirdoon oo tilmaamaya in arrimahaasi dhakhso u dhici doonaan 28 Huruud macneheedu waxa weeyaan Xaruntu xoogaa ayay kacsantahay, waxana jiraa xoogaa warwar ah, warka sirdoonkuna waxa uu dhigayaa in ay dhici karaan mudaahraadyo ama qalalaase rabshado wataa, laakiin hubaal maaha in arrimahaasi dhakhso u dhici doonaan
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
38
Mudaaharaadka dhabta ah waxa uu ekaa mid si xun loo qorsheeyay oo wakhti gaar ah loogu
talagalay. Calamada ama boodhadku29 ma aysan dhamaystirnayn Dadka Xarunta Loo Soo
Gudbiyayna iyagaa iskood isu xaddiday go’aansadayna in uusan mudaaharaadku dhaafin
bartamaha xerada Oscar. May jirin xeryo kale oo ku soo biiray lamana isku dayin in xeryaha kale
taageero laga helo.30
Mudane Kneipp waxa uu yidhi:
Markaa Maalinta Qarannimada Australia waxa ay ahayd maalin uu mudaahraad nabdooni ka
dhacay xerada Oscar. Mudaahraadkaasi waxa…. ka qaybgalay tiro kamid ah dadka xarunta loo
soo gudbiyay oo is‐uruursaday kuna dhawaaqayay xorriyad inay rabaan… waxay tirada dadku
ahayd mid yar ilaa xad. 31
Warbixin‐Bileedda Shirkadda G4S ee Sirdoonka iyaduna waxa ay sidoo kale xustay:
Hindisayaasha kale waxa ka mid ahaa in la qorsheeyo kulamo ay hoggaamiyayaasha la cayimay
la yeeshaan dhammaan dhinacyada arrinku khuseeyo, kuwaas oo ay ku jiraan DIBP32.
Kulamadaasi waxay horseedeen in qasku uu dago, oo ay arrimuhu isku baddalaan in fiidkii uun
ay wax dhacaan. Xerada Delta wali waxa weeyaan xerada kaliya ee aan ku biirin. Waxa jira
warar sheegaya in wali qas dheeraad ah la qorshaynayo waxana la soo bandhigay jadwal
tilmaamaya in ay wax dhici doonaan intay u dhaxaysa 15‐ka ilaa 20‐ka… taas oo ku xidhan kolba
waxay noqoto natiijada ka soo baxda kulamada lala yeelanayo DIBP. 33
Mudane Kneipp waxa uu xaqiijiyay in mudaahraadkii u horreeyay ka dib ay mudaahraadyadu si maalinle
ah usii socdeen:
Waxa uu arrinku ahaa mid maalinle ah, haa, waxana uu bilaabmay casar gaaban, waxaanan u
malaynayaa in uu markii hore dhici jiray ilaa 3.00 (saddexda) galabnimo oo kadibna uu u
wareegay 5.00 galabnimo haddana kaddibna uu u wareegay inta u dhaxaysa 9.00 ilaa 10.00
habeenimo. … Markaa markay mudaahraadyadu sii socdeen, waxa iska caddayd in ay ku
bilaabmeen in ay dadku ku dhawaaqaan cabashooyinkooda kadibna waxay adeegsadeen
durraaxadaha ama go'yaasha sariiraha oo waxay ka dhigteen boodhadh ama calamo waxaanay
durraaxadaha ku qoreen dhawr cabasho…. Durraaxadaha waxa inta badan ku qornaan jiray
waxyaabo ay kamid yihiin ‘Xorriyad’.34
Jawiga kacsan ee marba marka ka dambaya sii xumaanayay awgii, waxa la qabtay kulan dhacay 5‐ti bisha
February 2014 kaas oo dhex maray maareeyayaasha Xarunta iyo hoggaamiyayaasha bulshooyinka si loo
caddeeyo walaacyada ka dambeeya mudaaharaadyadooda. Walaacyadaas waxa la isugu geeyay 11
29 Waxa weeyaa boodhadhka lagu qoray durraaxadaha 30 Bogga 5aad 31 Qoraalka waraysiga, bogga 3aad, saddarka 14aad ilaa ka 16aad 32 Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha 33 Bogga 6aad 34 Qoraalka waraysiga, bogga 4aad, saddarka 40aad ilaa ka 42aad iyo bogga 5aad, saddarka 19aad ilaa ka 25aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
39
su’aalood oo ay Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee PNG iyo Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta
Xuduuduhu ay ogolaadeen in ay 12 cisho gudohood kaga soo jawaabaan.
Warbixin‐maalmeedka email ahaan lagu diray 5‐tii bisha February 2014, Kalkaaliyaha Maareeyaha
Xarunta, Katrina Neuss, waxa ay Waaxda ku wargalisay in ay:
... la kulantay hoggaamiyayaasha bulshooyinka maanta si loo diiwaangaliyo loona soo gudbiyo
su’aalohooda. Qoraal kooban oo su’aalahaas ku saabsan ayaa loo gudbiyay magaalada
Canberra si jawaab looga helo.
Warbixinaha xaga sirdoonka ee shirkadda G4S waxay ay xusayaan xiisado iyo mudaaharaadyo kor u sii
socday ilaa 12‐kii bisha February 2014 intii ay dadka xarunta loo soo gudbiyay sugayeen jawaabo inay ka
helaan su’aalohoodii.
Warbixinta toddobaadlaha ah ee qiimaynta wararka sirdoonka intii u dhaxaysay 3‐dii ilaa 9‐kii bisha
February 2014 waxay xusaysaa:
Waaran ama amar baadhitaan oo cayiman ayaa laga fuliyay xerada Oscar 9‐kii bisha February si
loo raadiyo alaab koontarabaan ama sharci darro ah, iyo hub suurtagal ay tahay in uu xerada
yaalo iyo si wax looga qabto yaraynta xiisadda ka aloosan Xarunt Eegista Dacwadaha ee Manus.
Waxa la helay tiro ah alaab koontarabaan ah oo ay ku jiraan qarxisoyinka sigaarka lugu shito iyo
daawooyin laga shakisan yahay in ay sharci darro yihiin, laakiin lama helin alaab loo isticmaali
karo hub ahaan. Baadhitaanku waxa uu u dhacay si qumman oo waafaqsan sidii loogu talagalay
waxaanuu gacan ka gaystay in dib loo aasaaso waxyaabaha lagu cabbiro ama lagu jaangooyo
filashooyinka xaga habdhaqanka ee xeradaas. Taasina waxa sidoo kale la filayaa in ay saamayn
wanaagsan oo si isku daba xigta u dhacda ku yeelato dhamaamba qaybaha kala duwan ee
Xarunt Eegista Dacwadaha ee Manus.
Warbixinta Qiimaynta Sirdoonka ee shirkadda G4S ee soo baxday 10‐kii February 2014 waxay xustay:
Wararka sirdoonku waxay tilmaamayaan in ay dhici doonto dardargalin la dardargaliyo qaska
iyo qalalaasaha maalmaha ku xigi doona kulanka DIBP (5‐ta February 2014) haddii kulanku ku
fashilmo in uu xalliyo dhibaatooyinka dadka xarunta loo soo gudbiyay ee ku sugan xerada
Oscar…. Warar ka imanaya ilo kala duwan ayaa wali la soo bandhigayaa oo sheegaya in ay
mudaaharaadyadu sii socon doonaan oo ay ku gunaanadmi doonaan dhacdo intan ka wayn.
Muddo laba toddobaad ah ayaa loo aqoonsaday in ay suurtagal tahay in ay muhiim tahay,
markaa wali maalmaha ka horreeya 17‐ka iyo 18‐ka bisha February 2014 diiradda ayaa si gaar
ah loogu hayaa. 35
35 Bogga 3aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
40
Intii lagu guda jiray muddadii ka horraysay 17‐k February 2014, shaqaalaha G4S waxay xeryaha ka
uruuriyeen dhagaxaanta fudud si loo yareeyo walxaha loo adeegsan karo hub ahaan hadiiba uu qas
dhaco hadhow. 36
Intii lagu jiray kulankii su’aalaha iyo jawaabaha ahaa ee ka dhacay xerada Mike, waxay dadka xarunta lo
soo wareejiyay xaqiijiyeen in uruurinta dhagaxaantu ay dhacday qiyaastii usbuuc ka hor intaysan
dhacdooyinku dhicin.
Warbixinta Qiimaynta Sirdoonka shirkadda G4S ee 12‐ February 201437 waxay intaa raacisay:
… sidoo kale waxa la soo wariyay macluumaad … ka yimid shaqaalaha xerada Oscar, kuwaasoo
tilmaamaya in dadka xarunta loo soo gudbiyay ay beegsan doonaan shaqaalaha ajnabiga ah oo
ay rabshado ku beegsan doonaan 16‐ka iyo 17‐ka iyo 18‐ka bisha February. Wararku waxay
sheegayaan in ay ku talajiraan in ay is hubeeyaan oo ay rabshado ridaan. Intaa waxa dheer,
waxay ku talo jiraan in ay jabiyaan xayndaabka si ay u horseedaan natiijo aan wali la go’aamin.
Intaa waxa dheer, waxay ku talajiraan in ay isku‐dubarridaan dhawr baaq oo dhawaaqyo ah oo
la samayn doono wakhtiga la sheegay in ay dhacdo dardar galintu si loogu babac dhigo
shaqaalaha ku sugan dhawr xeryood. Wararku waxay sheegayaan in si buuxda ay uga
warqabaan Ciidamadda Gaarka ah ee Booliska wax dhibaato ahna kuma hayso in ay suurtagal
tahay in lagala hor iman doono xoog ama awood dhimasho horseedi karta. Waxa socota hawl
degdeg ah oo looga dan leeyahay in lagu ogaado xaqiiqada dhabta ah ee macluumaadkan.
Warbixin‐maalmeedyada iyo Warbixinaha Qiimaynta Sirdoonka ee G4S waxay sheegayaan in aysan wax
mudaaharaadyo ahi dhicin 13‐kii iyo 14 iyo 15 bisha February 2014.
Waxa jira dhawr warbixinood oo kamida Warbixinaha Dhacdooyinka oo ay soo saartay G4S oo sheegaya
in iska hor‐imaadyo ay dhex mareen mid kamid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo mid kamid ah
dadka adeegyada bixiya intii lagu jiray nuskii hore ee bisha February 2014. Mid ka mid ah warbixinahaas
ayaa soo jiitay danaynta warbaahinta Australia qaarkeed Wasiirkuna waxa uu taa kaga jawaabay in
Warbixintani ay sidoo kale dhacdadaas baadhitaan ku samayso.
Dhacdada laga hadlayaa waxay dhacday 14 February 2014. Warbixintan kban ee ku saabsan dhacdadu
waxay ku salaysan tahay Warbixinta Dhacdooyinka ee lambarkeedu yahay MI0570. 38
Abbaaro 1230 (laba iyo tobankii iyo badhkii duhurnimo) ee jimcihii ay bisha February ahayd 14
sannadka 2014, ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ oo kamid ah dadka xarunta loo
soo gudbiyay ayaa waxa uu joogay goobta cuntada ee xerada Oscar. Waxa uu taagnaa miiska
cuntada waxana uu cunto ka qaadanayay mid kamida shaqaalaha Eurest39oo isagu u dhashay
36 Eeg qoraalka warayigii lala yeeshay sarkaalka AB ee ka tirsan shirkadda G4S 37 Taariikhda qiimayntan xaga sirdoonka ahi waa 11‐ka February 2014 laakiin waxay u muuqataa in run ahaantii ay ku saabsan tahay 12‐ka February 38 Ogoow in qoraalkan laga soo xigtay Warbinta Dhacdooyinka wax‐kabaddal lagu sameeyay si looga tirtiro macluumaadka askhaasta ay ku saabsan tahay 39 Bixiyaha adeegyada cuntada
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
41
dalka PNG halka uu ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ oo kamida saraakiisha G4S arkay in uu labada nin dhex
marayay muran kulul.
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ waxa uu arkay ninka dadka xarunta loo soo gudbiyay kamidka ah oo dhinac u riixaya
miisaska cuntada, kadibna hore ugu foorarsanaya ninka shaqaalaha ah oo wajiga ka dhirbaaxaya
isaga oo baabacadiisu ay kala furan tahay. Ninka shaqaalaha ahina isla markiiba wuu ka
aargoostay oo isagoo feedh duubtay ayuu ninka dadka xarunta loo soo gudbiyay kamidka ah
daanka bidix ka feedhay.
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ ayaa soo kala dhex galay. Waxa uu ku dhawaaqay: “Idinku filan! Joojiya waxan!”
isagoo cod dheer oo faseex ah ku hadlaya kadibna wuxu soo dhuftay oo soo jiiday ninka dadka
xarunta loo soo gudbiyay kamidka ah isaga oo gacantiisa gacanta ninka ku wareejinaya oo
xannibaad ku samaynaya.Intaa kadib ninka dadka xarunta loo soo gudbiyay kamidka ah ayuu ka
gacantiisa gacanta ninka ku wareejinaya oo xannibaad ku samaynaya.Intaa kadib ninka dadka
xarunta loo soo gudbiyay kamidka ah ayuu ka saaray goobta cuntada waxana loo kaxeeyay rugta
daryeelka caafimaadka, halkaas oo lagaga daweeyay jeexdin yar oo kaga dhacday daankiisa
bidix.
Ninka dadka xarunta loo soo gudbiyay kamidka ahi waa uu diiday in wax daryeel caafimaad ah
loo fidiyo, laakiin waxa uu sheegay in wajigu uu xanuunayo.
Labada nimba waxay soo bandhigeen hadalo is khilaafaya oo ku saabsan siday wax u dheceen
waxana lagu booriyay inay soo gudbiyaan qoraallo ku saabsan sababta dhacdada. Ninka
shaqaalaha ah waa laga saaray xerada Oscar waxana ku socda baadhitaan gudaha ah. Ninka
dadka xarunta loo soo gudbiyay kamidka ah markii hore gooni ayaa loo saaray, laakiin markii
dambe waxa lagu soo celiyay xerada Oscar halkaas oo habdhaqankiisa ay kula socon doonaan
shaqaalaha G4S.
Laba dhacdo oo kale oo yaryar oo cuntada la xidhiidha oo dhacay wakhtigan wakhti ku dhaw (oo
midkood dhacay aroornimadii 16‐kii February 2014) ayaa ka aloosmay khilaaf ka dhashay xaddiga
cuntada. 40
Kadib kulankii dhacay 5‐tii February 2014, Hayadda PNG ee Adeegyada Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo
Waaxda ayaa ka wada shaqeeyay oo diyaariyay jawaabiha su’aalihii ay soo gudbiyeen dadka xarunta loo
soo gudbiyay. G4S waxay ii sheegtay in aan lagala tashan jawaabahaas.
Qiimaynta Sirdoonka ee shirkadda G4S ee soo baxday 15‐kii iyo 16‐kii February labaduba waxay dhigeen:
Shayga ugu muhiimsan ee dhiirigaliyay in ay mudaaharaadyada Xarunta ka dhexd socdaa ay
deg‐deg u kordhaan wali waxa weeyaan jawaab celintii ay bixiyeen Waaxda Socdaalka iyo
Ilaalinta Xuduudaha iyo dawladda PNG ee ay kaga jawaabeen su’aalihii ay Dadka xarunta loo
40 Eeg Warbixinta Dhacdooyinka ee G4S MI0567 iyo MI0577
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
42
soo gudbiyay soo bandhigeen 5 February 2014 markii ay la kulmeen Waaxda Socdaalka iyo
Ilaalinta Xuduudaha; kulanka waxa la qorsheey ay in uu dhaco 16 February 2014.
Kulanka dabagalka ah ee lala yeesha dadka xarunta loo soo gudbiyay waxa uu dhacay 16‐kii February
2014 sida lagu xusay labada warbixinood ee Qiimaynta Sirdoonka.
Waxa ay isla garteen Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha iyo Hay’adda Adeegyada Socdaalka iyo
Jinsiyadda ee dawladda PNG in Jeffrey Kiangali, Mareeyaha Hawlfulineed ee Xaruntu, uu yahay qofka
ugu munaasibsan ee dadka xarunta loo soo gudbiyay jawaabaha siin kara.
Qorshuhu waxa uu ahaa in uu su’aalaha hore loo soo diyaariyay cod dheer ku akhriyo oo uu kulankuna
dhaco dhammaadka. Su’aalaha iyo jawaabaha oo qorani hoos ayay ku qeexan yihiin.
JAWAABHA LAGA BIXIYAY SU’AALIHII DADKA LA SOO GUDBIYAY
1. Miyuu jiraa hannaan? Muxuu yahay?
Hadii la soo gaabiyo, hannaanka waxa ka mid ah:
a. Waraysiyo hordhac ah oo lala yeesho dadka la soo gudbiyay – si loo helo macluumaad
ku saabsan adiga iyo safarkaad soo martay.
b. Waraysiyada Bixiyaha Caawimada Dacadaha Qaxoontinimo – si lagaaga caawiyo
dhokumenti garaynta ama qoraal ku caddaynta dacwaddaada qaxoontinmo
c. Waraysiyada Go’aaminta Xaaladda Qaxoontinimo – si loo helo macluumaad dheeraad
ah si Xukuumadda PNG looga caawiyo sidii ay u qiimayn lahayd in aad qaxoonti tahay
iyo in kale
d. Dibu Eegis – qiimayn madaxbannaan oo lagu samaynayo dacwadahaaga iyo dibu eegis
lagu samaynayo qiimaynta hordhaca ah ee dadka la qiyaasay in aysan ahayn qaxoonti
e. Go’aamin – go’aanka kama dambaysta ah ee xaaladdaada qaxoontinimo oo uu soo
saarayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka PNG.
Dadka la go’aamiyay in ay yihiin qaxoonti waxa loo fasixi doonaa in ay dagaan dalka PNG.
Dadka la go’aamiyay in aysan ahayn qaxoonti waa in ay ku laabtaan dalkoodii hooyo ama dal kale oo ay
xaq u leeyihiin in ay daganaadaan muddo dheer.
2. Muddo intee leeg ayaanu halkan joogaynaa?
Xor ayaad u tihiin in aad ka tagtaan dalka PNG oo aad ku laabtaan dalalkiinii hooyo ama dal kale oo
aad xaq u leedihiin in aad daganaataan muddo dheer. IOM41way idinka caawin kartaa arrintaas.
Hadii aad doorataan in aad halkan joogtaan, wakhti dheer ayay qaadan doontaa. Ma jiro jadwal
ama qorshe xaga wakhtiga ah oo xaddidan oo dhigaya muddo intee leeg ayaad joogi doontaan
Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha. Dacwadihiina waxa loo eegi doonaa sidii aad ugu
41 The International Organization for Migration (Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka)
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
43
soo kala horrayseen imaatinka mana jirto cid ciddda kale laga doorbidayo inta ay socoto hawshan
qiimaynta dacwadaha qaxoontinimo.
3. Goorma ayaanu heli doonaa xorriyadayada?
Xor ayaad u tihiin in aad ka tagtaan dalka PNG oo aad ku laabtaan dalalkiinii hooyo ama dal kale oo
aad xaq u leedihiin in aad daganaataan muddo dheer. IOM way idinka caawin kartaa arrintaas.
Hadii aad doorataan in aad halkan joogtaan, wakhti dheer ayay qaadan doontaa. Ma jiro jadwal
ama qorshe xaga wakhtiga ah oo xaddidan oo dhigaya muddo intee leeg ayaad joogi doontaan
Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha. Dacwadihiina waxa loo eegi doonaa sidii aad ugu
soo kala horrayseen imaatinka mana jirto cid ciddda kale laga doorbidayo inta ay socoto hawshan
qiimaynta dacwadaha qaxoontinimo.
Ka dib 30 cisho oo karantiil ah, waxa la idiin fasixi doonaa in aad meel ka baxsan Xarunta aad ugu
baxdaan hawlo idinka oo la idin la socdo.
4. Dadka xarunta loo soo gudbiyay ee dalal kale iyaga oo jooga loo aqoonsaday in ay yihiin
qaxoonti ma la siin doonaa muhiimadda qiimaynta dacwadda qaxoontinimo?
Maya. Dacwadihiina waxa loo eegi doonaa sidii aad ugu soo kala horrayseen imaatinka mana jirto
cid ciddda kale laga doorbidayo inta ay socoto hawshan qiimaynta dacwadaha qaxoontinimo.
Haddimeel kale lagaaga aqoonsaday in aad tahay qaxoonti, dhokumentiyadaada waxa loo gudbin
doonaa hayada UNHCR si loo hubiyo. Waa in aad ku war galisaa Bixiyaha Caawimada Dacadaha
Qaxoontinimo haddii meel kale lagaaga aqoonsaday in aad tahay qaxoonti.
Haddii aad xaq u leedahay in aad muddo dheer degganaato dalkii lagaaga aqoonsaday in aad tahay
qaxoonti, xor ayaad u tahay in aad dalkaa ku laabato.
5. Muxuusan u jirin iskaashi lala leeyahay dalka PNG?
Xarunta waxa maamusha Xukuumadda dalka PNG waxana ay Xaruntu hoos timaaddaa sharciga
dalka PNG halka ay Xukuumadda Australia bixiso taageerada hawlfulineed iyo ta dhaqaale.
Masuuliyiinta Xukuumadda PNG markasta way joogaan waxaanay leeyihiin maamulka iyo gacan ku‐
haynta Xarunta.
Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo u baahan in aan wax ka ogaado, fadlan ha
6. Dadka la soo gudbiyay qaar kamid ah muddo ka hor ayaa la waraystay. Maxaa ku dhacay
hawshayadii socotay? Waa maxay xannibaadani?
Hawsha Go’aaminta Xaaladda Qaxoontinimo waa hawl adag oo dheer. Ma jiro jadwal ama qorshe
xaga wakhtiga ah oo xaddidan oo dhigaya muddo intee leeg ayaad joogi doontaan Xarun
Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha. Dacwadihiina waxa loo eegi doonaa sidii aad ugu soo
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
44
kala horrayseen imaatinka mana jirto cid ciddda kale laga doorbidayo inta ay socoto hawshan
qiimaynta dacwadaha qaxoontinimo.
Xor ayaad u tihiin in aad ka tagtaan dalka PNG oo aad ku laabtaan dalalkiinii hooyo ama dal kale oo
aad xaq u leedihiin in aad daganaataan muddo dheer. IOM way idinka caawin kartaa arrintaas.
7. Yaa naga masuul ah inta aanu joogno halkan oo ah Jasiiradda Manus, ma dalka PNG mise
Australia? (Dadka la soo gudbiyay ee iyagu magaalada yimid)
Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha waxa lagu hirgaliyay si waafaqsan sharciga dalka
PNG Xukuumadda PNG ayaana masuul ka ah maamulka, maaraynta iyo gacan ku‐haynta Xarunta.
Xukuumadda Australia waxa ay bixisaa taageerada dhaqaale iyo ta hawlfulineed, taas oo ay ku jirto
taageerada la soo mariyo qandaraaslayaasha lala heshiisyay ee bixiya adeegyada, sida shirkadda
IHMS, ururka The Salvation Army iyo shirkadda G4S.
8. Maxay waaxda socdaalku ugu diidday warbaahinta in ay na waraysato?
Xakamayn adag ayaa lagu soo rogay galitaanka Xarunta si loo ilaaliyo gaar‐ahaanshaha iyo haybta
iyo sharafta dhammaan dadka halkan dagan.
9. Ma qaadi doontaa Xukuumadda Australia masuuliyaddayada dhibaatooyinka xaga maskaxda
ee na haysta?
Xukuuadda Papua New Guinea ayaa ka masuul ah Xarunta Manus RPC. Laakiin Xukuumadda
Australia waxay qandaraas ama heshiis la gashay adeeg‐bixiyayaal si munaasib ah u tababaran oo
khibrad leh kuwaas oo ay kala heshiisay in ay dadka daggan Xarunta Manus RPC u fidiyaan adeegyo,
kuwaasoo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaad iyo daryeelka caafimaad‐qabka maskaxeed. Waxa
muhiim ah in aad masuul ka ahaato caafimaadkaaga guud iyo caafimaadkaaga maskaxeed oo aad
taa kala kaashato dhakhtarkaaga. Adeegyada laguu fidiyo waxa laguugu fidiyaa si ay taa kaaga
caawiyaan.
10. Garyaqaanka shirkadda Playfair42waxa uu yidhi waxa jira dal saddexaad oo qofku dooran
karo. Maxaan dalkaa kale la noogu diri karayn?
Dadka la ogaado in ay yihiin qaxoonti waxa loo fasixi doonaa in ay dagaan dalka PNG.
Xukuumaddaha PNG iyo Australia iyo hayadda UNHCR intaba midkoodna ka caawin maayaan dadka
la ogaado in ay qaxoonti yihiin in la dajiyo dal saddexaad.
Dadka qaxoontiga ah ee aan rabin in la dajiyo dalka PNG iyagoo madaxbannaan oo iskood ah ayay
raadsan karaan dal saddexaad oo diyaar u ah in ay aqbasho oo ay dalkeeda dajiso. Xor ayaad u
tihiin in aad ka tagtaan dalka PNG oo aad ku laabtaan dalalkiinii hooyo ama dal kale oo aad xaq u
leedihiin in aad daganaataan muddo dheer. IOM way idinka caawin kartaa arrintaas.
42 Shirkadda bixisa talo‐bixinta dacwadaha qaxoontinimo
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
45
11. Maxaa loo ixtiraami waayay xuquuqdayada bini’aadamnimo?
Xukuumadda PNG waxay ka mid tahay dalalka saxeexay Heshiiska Qaramada Midoobay ee
Qaxoontiga dalka PNG na waxa ka go’an in uu ixtiraamo xuquuqdiina bini’aadamnimo, taas oo ay ku
jirto in uu si munaasib ah idiin siiyo ammaan, nabadgalyo iyo daryeel inta qiimaynta dacwadihiinu ay
socoto.
Xuquuq kasta waxa la socda masuuliyado: cid kasta waxay masuuliyadi ka saaran tahay in ay u
hoggaansamaan shuruucda dalka PNG. Haddii aad jabiso mid kamida shuruucda dalka PNG, waxa
laguula dhaqmi doonaa si waafaqsan shuruucdaas.
Sidoo kale waxau aan jecelahay in aan idin xasusiyo in dhaqankiina iyo anshaxiina aad ku
dhaqantaan inta aad joogtaan Xarunta lagu xisaabtami doono inta lagu guda jiro Go’aaminta
Xaaladdiina Qaxoontinimo. Haddii la ogaado in aad dambi gashay, waxa laga yaabaa in taasi ay
saamayn ku yeelan doonto qiimaynta dacwaddaada.
Kulankii jawaabahaas lagu bixiyay waxa uu bilaabmay 2.30 (labadii iyo badhki) galabnimo waxaana lagu
qabtay qolka cuntada ee xerada Mike. Maadaama dadka xarunta loo soo gudbiyay ee ku sugan
dhammaan xeryaha ay joogeen dad metelayaa, kulanku wuxu ahaa kulan ballaadhan oo ay goob‐joog ka
ahaayeen qiyaastii 70 qof (oo ay ku jiraan dadka turjumaanka ah).
Mid kamida ilaalada oo ka tirsan shirkadda G4S ayaa kulanka nidamiyay sharraxayna waxa dhici doona.
Intaa kadib, Mudane Kiangali ayaa la hadlay kulanka. Waa nin cod yar, marka la eego sawaxanka hadalka
ee ka dhashay tabintii ay turjumaanadu tabinayeen waxa uu lahaa, way adkaatay in la maqlo. Markii uu
mudane Kiangali dhammeeyay bixinta jawaabihii hore loo soo diyaariyay, waxa lagu boobay su’aalo,
kuwaas oo uu isku dayay kuna dadaalay in uu ka jawaabo.
Mararka qaarkood, Mudane Kiangali waxa qoraal u soo gudbinaysay Katrina Neuss oo ka tirsan Waaxda
Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Austrlia si ay uga caawiso ka jawaabista su’aal madasha ama dadka
meesha joogay ay soo waydiiyeen, taasina waxa ay horseeday doorka Australia ee Xarunta oo hubaal
la'aan (sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay) ama shaki galay. Sidoo kale
waxa muuqatay in ay jawaabuhu sababeen jahawareer sababtoo ah may ahayn kuwo waadax ah ama si
qaldan ayaa loo fahmay ama si qaldan ayaa loo turjumay.
Laakiin dadka xarunta loo soo gudbiyay si wacan ayay u fahmeen farriinta aasaasiga ah ee ahayd in
hawsha qiimaynta dacwaduhu ay qaadan doonto wakhti dheer oo laga yaabo in ay fishaan in ay xarunta
Manus RPC ku sugnaadaan muddo aan la hubin, oo laga yaabo in ay gaadho afar sannadood.
Kulanka waxa fiidyow kamarad kaga duubtay shirkadda G4S aniguna waan daawaday fiidyowgaas. Wixii
meesha laga yidhi wax aad u yar ayaa la maqli karaa laakiin dadka xarunta loo soo gudbiyay waxa
caddayd in sida jidhkooda ka muuqatay ay shucuurtoodu sii kacaysay oo ay kolba sii walwalayeen marka
uu kulanku hore u sii socdaba. Kulanka su’aasha iyo jawaabta, dadka xarunta loo soo gudbiyay dhawr
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
46
su’aalood ayay markiiba ku dhawaaqayeen, iyagoo sarajooga una gacan haadinaya Mudane Kiangali si
uu ugu soo jeesto. Markii marxaladdaas la gaadhay, kulanku wax faa’ido ah oo uu lahaa ma aysan jirin,
dadkii matalayay maamulkuna way ka bexeen.
Marwo Nuess iyada oo sifaynaysa gunaanadkii kulanka ayaa waxay waraysigeedii ku tidhi:
Jeffrey ayaa la hadlayay dadka jawaabaha uu siinayayna maysan ahayn kuway rabeen markaa
…. kolkba way sii buuqayeen. Waxa aan isku dayayay in aan ka codsado Jeffrey in uu joojiyo
su’aalaha oo uu meesha ka tago sababtoo ah waxa aan dareensanaa waxa meesha ka
dhacayay. Waxa ay run ahaantii yidhaahdeen – qaar ka mid ah dadka la soo gudbiyay ayaa igu
yidhi shib dheh sababtoo ah waxa aan ka socdaa waaxda socdaalka ee Australia xaqna uma lihi
in aan hadlo. Iyagu – markii ugu dambayntii uu Jeffrey ogolaaday in uu joojiyo su’aalaha, waxa
ay bilaabeen in ay ku dhawaaqaan ‘xorriyad’ markaasina waa markii aanu – aanu meesha ka
tagnay.43
Nuxurka cadhada dadka la soo gudbiyay ee ay ka cadhoodeen natiijada kulankan waxa uu ahaa helitaan
la’aan aysan helin jawaabo lagu qanci karo oo laga bixiyay su’aalohoodii. Qaar kamid ah dadka ayaa
sheegay faalooyin macnohoodu yahay in kadib 12 cisho oo ay jawaab sugayeen, maanta wax ay ogyihiin
oo aysan ogayn 5‐tii bishii February 2014 ma jiro. Marar kale diyaar kale diyaarba umay ahayn in ay
aqbalaan in ay kala doortaan in ay ama dalkoodii hooyo ku laabtaan ama la dajiyo dalka PNG, inkasta oo
uu Wasiirku arrinkaa u caddeeyay bishii September 2013 iyo inkasta oo ay adeeg‐bixiyayaashu farrintaas
ku cel‐celinayeen afartii bilood ee ka soo wareegay booqashadii wasiirka.
Jawaab celinta caksiga ah ee ay muujiyeen dadka xarunta loo soo wareejiyay ee ay kaga jawaab‐celiyeen
farrintaas ayaa si toos ah u horseeday dhacdooyinkii xigay habeenkaas iyo maalinnimadii dambe.
Mar la waydiiyay in suurtagalnimada in dhibaato dhacdo kulankaas ka bacdi ay horseedday in la
kordhiyo diyaargarawyada xagga ammaanka, wuxu mudane Kneipp ku jawaabay:
haa way jirtaa arrintaasi. Shirkadda G4S ayaa gaar ahaan aad uga warwarsanayd in ay
arrimuhu ka sii dari doonaan markaa si ay u awooddo in ay arrinta maarayso, waxay codsattay
in la soo gudbiyo 130‐kii shaqaalaha ahaa ee fadhigoodu ahaa magaalada Port Moresby ee isla
shirkadda ka tirsanaa markaa arrinkaas waxa lagala xaajooday Xafiiska Qaranka, sababtoo ah
arrinkaasi waxa uu wataa kharash, Xafiiskuna waa uu waafaqay.44
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan diyaargarawyada xagga ammaanka ee la kordhiyay waxay ku
qeexan yihiin Qaybta 9.3aad ee Warbixintan.
Waxa sidoo kale xusid mudan qodobadan soo socda ee uu Mudane Boyd, Maareeyahay Guud ee Xafiis
Goboleedka shirkadda G4S, ku so bandhigay waraysigiisii:
43 Qoraalka waraysiga, bogga 3aad, sadarka 29aad ilaa ka 35aad 44 Qoraalka waraysiga, bogga 11aad, sadarka 36aad ilaa ka 40aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
47
Dhacdada dadka la soo gudbiyay ayaa si wacan u qorsheeyay mudaahraadyada rabshadaha
watayna waxa kiciyay jawaabaha dadka la soo gudbiyay su’aalohoodii lagaga jawaabay 16‐kii
bishii February iyo qaabka jawaabaha loogu soo gudbiyay. Waxa ay diyaar‐garaysteen xoogaa
hub ah iyaga oo filanaya in ay dhibaato dhacdo, hubkaas oo ahaa: ulo bir ah oo la afeeyay, lugo
sariiro laga soo gooyay, daabab la afeeyay oo laga soo gooyay marawaxado, dhagaxaan iyo
caagadaha biyaha oo la buuxiyay. Mudane Boyd waxa uu ku nuux‐nuuxsaday qodobka ah in
shirkadda G4S aysan lahayn awood sharci oo u saamaxaysa in ay Xarunta hub ka baadho,
arrinkaas oo sida kaliya ee lagu samayn karaa uu yahay iyadoo la soo goosto waaran ama amar
boolis45, iyo
Cadaawadda ka dhaxaysay dadka la soo gudbiyay iyo muwaadiniinta dalka PNG ma aysan ahayn
sababta keentay ama horseeday dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February 2012 balse waxa ay
kordhisay heerka rabshaddii dhacday.
Qaybta 6aad. Axad, 16 February 2014
Waxa muhiim ah in marka hore la xuso in tafaasiisha lagu xusay warbixinaha ku saabsan dhacdooyinkii
16 – 18‐kii February 2014 ay mararka qaarkood iska hor imanayaan amaba aysan dhammaystirnayn.
Waxyaabaha kala duwanaanshaha ah waxa kamida:
Wakhtiga iyo goobta saxda ah ee ay dhacdooyinku ka dheceen
Haybta iyo tirada shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha adeegyada bixiya, iyo dadka xarunta loo
soo gudbiyay, iyo booliska iyo muwaadiniinta kale ee u dhashay PNG ee arrinka ku lug lahaa
Dadka dhawacmay iyo nooca iyo heerka dhaawaca soo gaadhay, iyo
Xaqaa’iqa kale ee ku saabsan tafaasiisha dhacdooyin gaar ah.
Sababta aysan u jirin is‐waafaqsanaan faahfaahsan waa wax la fahmi karo, marka la eego:
Jahawareerka ku xeersan dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February 2014
Xawaaraha ay dhacdooyinku ku dheceen iyo tirada dhacdooyinka Xarunta oo dhan ka dhacayay
isla wakhti kaliya, iyo
U kuurgalidda am aka warhaynta kooban ee qof kasta oo shakhsi ahi u lahaa dhacdooyinkaas.
Suurtagal maaha in Warbixintani is‐waafajiso waxyaabahaas ay dadku ku kala duwan yihiin mana aha
wax daruuri sababtoo ah wadarta guud ee caddaymaha gacanta lagu hayo waa mid aad isu waafaqsan
isla markaana ay xoojinayaan qoraallada ama diiwaannada rasmiga ah ee dhacdooyinka ku saabsan.
45 Qoraalka waraysiga, bogga 2aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
48
Kulanka lala yeeshay dadka xarunta loo soo gudbiyay waxa uu soo gabagaboobay qiyaastii 4.00 (afartii)
galabnimo 16‐kii February 2012. Dadku waxay ku laabteen xeryohoodii waxaanay natiijada kulanka u
sharxeen dadka kale ee xarunta loo soo gudbiyay.
Warbixinta Sirdoonka Xarunta ee shirkadda G4S ee bisha February 2014 waxay xusaysaa:
Jawaabihii laga bixiyay su’aalihii ay asalkii hore Dadka Xarunta Loo Gudbiyay soo jeediyeen may
ahayn kuwo si wanaagsan loo qaabilay waxaana xerada Oscar ka bilaabmay dhaqdhaqaaqii
mudaaharaadyada markii ay Dadkii Xarunta Loo Gudbiyay ee kulankaas joogay ay ku soo
laabteen xerada.
Qaskii ayaa intaa kadib xerada Oscar dhexdeeda kor u kacay markay saacaddu ahayd 18.18
(lixdii iyo siddeed iyo toban) galabnimo, waxaana qaskaa ka mid ahaa jabintii la jabiyay
xayndaabkii xerada Oscar, waxaana uu qasku intaa kaddib ku faafay xerada Mike iyo xerada
Fostrot. Shaqaalaha shirkadda G4S waxa ay xerada Oscar ka saareen Dadka Xarunta Loo
Gudbiyay ee iyagu aan arrimahaas ku lug lahayn waxana ay geeyeen xeryaha kala ah Bravo iyo
Charlie kuwaas oo looga faa’idaystay in dadka aan iyagu rabin in ay mudaaharaadka ka qayb
qaataan la geeyo meel ammaan ah oo ka fog goobaha ay xaaladdu dhiida gaadhay ee kamid ah
xerada Oscar.
Mid ka mid ah saraakiisha G4S oo Warbixintani ay waraysatay ayaa yidhi:
Markii ay Dadka Xarunta Loo Gudbiyay soo jiidheen xarunta Oscar, waxa ka hortagay qaar ka
mid ah muwaadiniinta reer PNG, kuwaas oo ahaa kuwo da’yar oo cabsanaya. Dadka Xarunta
Loo Gudbiyay way jiidheen dadkaas laakiin muwaadiniinta reer PNG ayaa weerarka la
wareegay. Waxay Dadka Xarunta Loo Gudbiyay u qabteen una carqaladeeyeen sida ciyaarta
Rugby‐da (ciyaar lagu dheelo kubbad ukun ama beed u eg, oo gacanta lagula cararo) la isu
carqaladeeyo, waanay la lagdameen, waxaanay qaateen ulo waanay u hanjabeen laakiin kuma
dhufanin ulahaas, kadibna waxay dib ugu celiyeen erada. 46
Warbixinta Dhacdada MI0580 ee G4S waxay dhigaysaa:
Abbaaro 1750 (shantii iyo konton) galabnimo ee maalintii sabtida, Saraakiisha Amaanka &
Nabadgalyada ka tirsan shirkadda G4S ayaa Baaqa Cagaarka47 ku dhawaaqay. Baaqaas waxa
xaqiijiyay Hor‐joogaha Amaanka & Nabadgalyada shirkadda G4S ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ kaas oo marayay
wadada Pugwash48. Waxa la soo wariyay in qiyaastii 30 – ilaa 35 kamid ah dadka xarunta loo
soo gudbiyay ayaa fuulay qaybta koonfureed ee xayndaabka xerada Oscar.
46 Qoraalka waraysiga lala yeeshay sarkaalka CD ee ka tirsan shirkada G4S 47 Baaqa Cagaarka – Fakad – Isku‐day Fakad 48 Wadada way nee hor marta Xarunta
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
49
Tiro ka mid ah shaqaalaha shirkadda G4S iyo saraakiisha booliska ee guutada wareegta ayaa ka
jawaab celiyay baaqa cagaarka isla markaana ku guulaystay in ay qabtaan 7 kamid ah dadka
xarunta loo soo gudbiyay oo socda wadada Pugwash. Saraakiisha shirkadda G4S iyo saraakiisha
booliska ayaa ku guulaystay in ay dadka xarunta loo soo gudbiyay dib ugu celiyaan xerada
Oscar. 6 kamid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay ayaa lagu sameeyay qiimayn caafimaad lana
siiyay oggalaansho caafimaad49 lana sii daayay si loo geeyo xabsiga booliska.
Marwo Neuss waxa ay Warbixinta u sheegta in markii ay ka tagtay xafiiska Waaxda ee ku yaala goobta
Maamulk si ay u tagto doonta ay dagantahay ee Bibby, waxa ay socod ku martay waddada gudaha50
iyada oo la socota sarkaal kale oo waaxda ka tirsan, waxaanay hor martay rugta daryeelka caafimaad.
Markay halkaa maraysay:
Markii aanu gaadhanay dhammaadka, waanu soo – soo jeedsanay waayo waxa aanu maqalay
qaylo dheer, markaasina waa markii ay kuraasta iyo dhagxanta iyo waxyaabaha kale ay ka soo
dul dhacayeen xayndaabka (xerda Oscar) kadibna waxa aanu aragnay qaar badan oo ka mid ah
dadka deegaanka – shaqaalaha G4S ee deegaanka iyo muwaadiniin ku yaacaya xaga
xayndaabyada isla markaana wax dib u tuuraya ka dibna wax badan – ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ iyo anigu
runtii waxa qasab nagu noqotay in aanu joojino dad badan oo dadka deegaanka ah oo meesha
agteeda ku nool oo ku soo yaacayay Xarunta waayo dhammaantood waxay ku hubaysnaayeen
budhad waawayn iyo qasabado ama tuumbooyin iyo waxyaabahaas oo kale waayo waxay
rabeen in ay waxa socday ka qayb galaan – runtii waxay ka fursan wayday in aanu ka hor
istaagno in ay dhex galaan. 51
Xaaladdu cirkay isku shareeray markay shaqaalaha deegaanka ee shirkadda G4S Xarunta ka soo galeen
albaabada hore iyagoo sita ulo waawayn iyo qasabado ama tuumbooyin. Markay dadka xarunta loo soo
gudbiyay hore u soo yaaceen si ay uga jawaab celiyaan khatartan, waxa la sheegay in shaqaalaha
shirkadda G4S ee ajnabiga ah ay isku dayeen in ay muwaadiniinta reer PNG ku celiyaan meesha
baabuurka la dhigto ee ka baxsan xayndaabka wareegsan oo ay dadka la soo gudbiyayna xerada ku
celiyaan. Dad dhawr ah oo markhaatiyaal ah ayaa ku waramay in muwaadiniinta reer PNG ee iyagu galay
xarunta RPC ay ahaayeen dad isku dhafan oo ka kooban saraakiisha shirkadda G4S oo dirays xidhan iyo
muwaadiniin kale oo deegaank ah una dhashay PNG.
Tiro ah markhaatiyaal goob‐joogayaal ahaa ayaa sheegay in muwaadiniinta reer PNG ay sidoo kale
galeen qolalka ku yaala xerada Oscar oo ay jabiyeen daaqadihii iyo albaabadii dadka la soo gudbiyayna
ku weerareen guryohooda.
Xerada Delta waxa ay si toos ah uga soo horjeedaa xerada Oscar. Tiro ka mid ah dadka la soo gudbiyay
ee dagan xerada Delta ayaa Warbixintan usoo gudbiyay foom jawaab‐celin ah oo ay ku qornayd:
49 Waxa bixisay shirkadda IHMS 50 Wadada Charlie 51 Qoraalka waraysiga, bogga 4aad, sadarka 15aad ilaa ka 22aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
50
Ujeedada qoraalkan waa in aan idin ogaysiino in markay taariikhdu ahayd 16‐kii February 2014
anagoo safka ugu jirna cashada meel ka dambaysa xerada Delta goor ahayd qiyaastii 6‐dii
galabnimo ayaanu maqalnay buuq aad u wayn oo ay dad badan buuqayeen waxaanan u
yaacnay albaabka Gate 1 ee xerada Delta. Markaanu halkaa gaadhnay, waxaanu aragnay dad
badan oo ah reer PNG oo xidhan dirayska G4S oo soo galaya xerada Oscar isla markaana
gacmaha ku sita ulo iyo biro iyo faladhyo jaajuur ah iyo dhagaxaan oo garaacaya dad qaxoonti
ah oo aan waxba galabasan. Dadk kale oo reer PNG ah ayaa iyaguna kusoo uruuray wadada oo
dibadda ka soo tuurayay faladhyo jaajuur ah iyo dhagaxaan. Markii aanu aragnay waxay ku
dambeeyeen dhibanayaashu, anaguna sidoo kale cabsi awgeed ayaanu qaylinay, taana waxa ka
dhalatay in ay bilaabaan in ay anagana nagu soo tuuraan jaajuur iyo dhagaxaan. Xaladdaa xun
ayaa socotay qiyaastii saacad. Wakhti xooga ah ka dib, markii ay xaaladdu dagtay, waxaanu
aragnay dad badan oo ka mid ah dadkii daganaa xerada Oscar oo dhaawacan. Markii aanu
aragnay xaaladoodaas, aad ayaanu u argagaxnay. Markaa argagax wayn ayaanu habeenkii oo
dhan ku jirnay.
Warbixinta waxa soo gaadhay tiro foomam jawaab‐celineed ah oo sheegaya wararkaas oo kale. Mid ka
mida wararkaas waxa soo diray ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ oo ku sugan xerada Oscar:
16‐kii February waxaan socday meel kamid ah xerada Oscar koolkii ay mar qudha tiro badan oo
ah shaqaalaha G4S iyo muwaadiniinta PNG ay soo galeen xerada oo ay soo weerareen. Kadi
markaan arkay, waxan tagay qolkaygii waxaanan gudaha ka arki karayay in G4S ay qaxoontiga
ku weeraraysay dhagaxaan iyo ulo bir ah oo waawayn, wakhtigaasna qolkayga ayaa sidoo kale
si daran loo soo weeraray sabab la’aan – daaqada qolkayga ayay jabiyeen. Dhacdadaa kadib, si
caadi ah uma seexdo oo xitaa marka aan seexdo, waxa igu dhaca qarow oo waxan ku riyoodaa
waxyaabo cabsi leh kaddibna waan soo toosaa…
Qasku wuxuu sidoo kale ka dhacay xeryaha Mike iyo Foxtrot. Sida ay dhigayso Warbixinta MI0580:
Markay saacaddu ahayd 1821 (lixdii iyo kow iyo labaatan) fiidnimo, Baaqa Madawga52 ayaa
lagaga dhawaaqay xerada Oscar. Mid kamid ah dadkii xarunta loo soo gudbiyay oo
dhaawacmay (waa la xaqiijin doonaa) ayaa laga saaray xerada Oscar oo la geeyay xerada X‐ray‐
ga si uu u helo daawayn caafimaad.
Hor‐joogaha xerada Mike iyo xerada Foxtrot ayaa sheegay in dadka la soo gudbiyay ay
cadhaysan yihiin oo ay si rabshad leh ula dhaqmayaan shaqaalaha G4S.
Abaaro 2100 (sagaalkii) habeenimo 2 ka mid ah Kooxaha Ka Jawaab‐Celinta Dhacdooyinka (IRT)
ayaa loo diray Soonaha Cagaaran (SC) si looga horjoogsado dadka la soo gudbiyay in ay SC soo
jabiyaan oo ay kaga yimaadaan xaga xerada Foxtrot. Dadka la soo gudbiyay ee ku sugnaa
xerada Foxtrot waxay ku guulaysteen in ay dhulka dhigaan xayndaabkii. Kooxda Ka Jawaab‐
Celinta Dhacdooyinka (IRT) waxay ku guulaysatay in ay dadka la soo gudbiyay ka horjoogsato in
52 Baaqa Madawga – Dhaawac Culus/Dhimasho
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
51
ay soo jabiyaan SC. Dadka la soo gudbiyay waxa ay soo tuureen waxyaabo dhawr ah (xashiish,
tanagyada qashinka, dhagaxaan, kuraas, miisas) kuwaas oo ay ku soo tuureen kooxda IRT‐da.
kooxda IRT‐du waxa ay dadka la soo gudbiyay ee rabshada waday ku riixday badhtamaha
xerada waxaanay sameeyeen khad ama saf difaac ah oo amaan ah. Dadka la soo gudbiyay dib
ayay u noqdeen waxaanay u dhaqaaqeen xaga albaabka Alpha 6.
Dhamaan caddaymaha ay hayso Warbixintu waxa ku cad in galabnimadii 16‐kii February 2014 ay:
Qiyaastii 30 ilaa 35 ka mid ah dadka la soo gudbiyay ka fakadeen xerada Oscar laakiin ay ilaalada
G4S qabteen oo ay dib u celiyeen iyadoo ilaalada ay caawinayaan booliska iyo muwaadiniinta
kale ee reer PNG
Guud ahaan siddeed ka mid ah dadka la soo gudbiyay waxa loo qaaday xabsiga booliska
waxaana la geeyay saldhiga Booliska Lorengau halkaasoo lagu soo oogay falal dambiyeed dhawr
maalmoodna lagu hayay53
Mudaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay xerada Oscar kaas oo lagu adeegsaday dhagaxaan
iyo walxo kale oo xerada gudeheeda iyo dibaddeedaba laga soo tuurayay waxana waxyeelo la
gaadhay hantida
Ilaalada G4S iyo muwaadiniinta kale ee reer PNG waxay galeen xerada Oscar si ay joojiyaan
qaska tiro kamida dadka la soo gudbiyayna waxa lagu dhaawacay rabshadii taa xigtay
Isku‐dhacyo rabshado leh ayaa ka dhacay xerada Foxtrot iyo xerada Mike labadaba. Dadka la soo
gudbiyay ee ku sugan xerada Foxtrot waxa ay dhulka soo dhigeen xayndaab laakiin kooxda IRT‐
da ayaa ku qasabtay in ay ku laabtaan xerada
Maamulka Xaaladaha Degdegga ah54, kaas oo ah maamulka dhexe ee Xarunta marka uu dhaco
wax qas ah, ayaa heegan galay intay dhacdadu socotay, iyo
Ugu dambayntii, Mudane Kneipp waxa uu yidhi: markaa markii…. Dadka deegaanku waxay
tuurayeen dhagaxaan dib ayaana loo soo celiyay taasina xaaladda ayay dajisay dadka la soo
gudbiyayna way joojiyeen waxay wadeen, waanay hurda tageen. Waxay ila tahay dhammaadkii
habeenka shaqaalaha G4S waxay cunayeen cunto fudud oo ah cunto karaatoon yaryar ku jirta,
sababtoo ah mudaharaadkii ayaa soo jiidhay cuntadii wax cunto ahna may cunin markaa fursad
ayay u noqotay ay cuntu ku cunaan kadibna sariirta ayay seexdeen. Dadkii dhaawacmay waa la
daweeyay… Maamulka Xaaladaha Degdegga ahna heegankii ayaa laga saaray. 55
Warbintani waxay ogaatay in Xeerarka Waaxda ee u yaala Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha kuna
saabsan Duubitaannada Maqalka iyo Muuqaalka Digital‐ka ah waxay dhigayaan:
53 Lix kamid ah dadka lasoo gudbiyay waxa loo qaaday xabsiga booliska 2000 (sideedii) habeenimo laba kalena waxa la qaaday 2151 (sagaalkii iyo kow iyo konton) habeenimo 54 Maamulka Xaaladaha Degdegga ah waxa uu wakhtigaa ka koobnaa wakiilo sare oo ka socda Hayada Adeegyada Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dalka PNG, iyo Waaxda, iyo ururka The Salvation Army iyo shirkadda IHMS waxaana guddominaysay shirkadda G4S 55 Qoraalka waraysiga, bogga 18aad, sadarka 4aad ilaa ka 13aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
52
Marka ay suurtagal tahay, waa in adeeg‐bixiyuhu uu duubaa duubitaanno maqal iyo muuqaal ah
oo ku saabsan dhamaan inta jeer ee adeegsiga awoodda (iyo waxyaabo kale) lagu talajiro isla
markaana ay suurtagal tahay in loo baahdo caddayn ama daliil muujinaya falalka shaqaalaha
shirkadaha adeegyada bixiya, sidoo kale
Waa in kamarada muuqaalada lagu duubo ama qalab kale oo wax lagu duubo loo qoondeeyaa
shaqaalaha shirkadaha adeegyada bixiya bilawga xilli kasta oo shaqada ay galayaan.
Laakiin ma jiro wax maqal ama muuqaal ah oo laga duubay dhacdadii 16‐kii February 2014.
Shirkadda IHMS waxa ay dawaysay in ka badan 25 dhaawac ah oo ay ku dawaysay xarunta daryeelka
caafimaad laakiin tafaasiisha qaar ka mid ah bukaanka lama diiwaan galin turjumaan la’aan awgeed iyo
sida dagdagga ah ee dhaawacyadooda loo daaweeyay.
Sideed iyo toban kamid ah dhaawaca ayaa u baahday daawayn caafimaad oo dheer shan ka mid ahina
habeenkaa waxay u dhexeen rugta caafimaad56. Dhaawacyada waxa ka mid ahaa jabniin lafaha ah, iyo
dilaacyo iyo miyir la'aan iyo dhaawac jug ah oo sambabada ah iyo xanuun ah qaybo kala duwan oo
jidhka ah. Hayada IHMS waxa ay dawaysay shan kamida saraakiisha shirkadda G4S kuwaasoo ay ka
dawaysay dhaawacyo ay ku jiraan diirka oo jidhka ka qaadmay, dilaacyo iyo nabarro.
Waxa aan waraystay laba kamid ah shaqaalaha shirkadda IHMS oo iyagu rugta caafimaad ka
shaqaynayay 16 – 18‐kii February 2014 laakiin wakhti yar kaddib dhacdooyinka ku soo laabtay Australia.
Mid kamid ah saraakiisha caafimaadka ayaa ii sheegay in qaar kamid ah:
… dhaawacyada ku dhacay dadka xarunta loo soo gudbiyay ay kamid ahaayeen qaar ka dhashay
garaac kaga dhacay wajiga iyo dhabarka iyo dhinaca midig ee dhibbanayaasha gachomooda.
Nabarradaasi waxay tilmaamayaan in dhibanayaashu ay sii yaacayeen marka wax lagu dhuftay
ama ay hoos u foorareen iyagoo isku dayaya in ay wajigooda iyo madaxooda ilaaliyaan iyagoo
gacanta isaga dhigaya.
Nabar khatar ah oo habeenkaa qof ku dhacay ayaa lagu sheegay in uu ahaa dillaac dhererkiisu yahay 10
ilaa 12 santimitir oo ku dhacay ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ (kaas oo aan ugu yeedhi doono Mudane
T2). Waxa aan Mudane T2 ku waraystay Xarunta Manus. Waxa uu ii sheegay iyada oo uu noo dhexeeyo
turjumaan in isaga iyo 14 kale oo kamid ah dadka la soo gudbiyay57 ay ka yaaceen xerada Oscar oo ay ka
bexeen albaabka markii la furay si uu u soo galo gaadhiga cuntadu oo uu keeno cashada.
Waxa uu yidhi ujeedadoodu waxa ay ahayd in ay tagaan kaniisadda58 oo aan tukanno Nabi Ciisena ka
barino in uu na caawiyo59 laakiin waxa qabtay ilaalada G4S waana la weeraray. Mudane T2 waxa uu ii
56 Eeg Warbixinta Dhacdooyinka MI0580 ee G4S ee ay ku jiraan macluumaadka sida tooska ah looga soo xigtay warbixin ay soo saartay shirkadda IHMS oo uu diyaariyay Maareeyaha Adeegyada Caafimaad 57 Warbixinaha rasmiga ahi waxay tirada ku qiyaaseen 30 ilaa 35 kamid ah dadka xerada loo soo gudbiyay 58 Waxa jirta kaniisad aan u gaar ahayn madaahibta kiristaanka oo ku taala Saldhigga Ciidamada Badda ee Lombrum taas oo loo adeegsado adeegyo diimeed oo kala duwan 59 Qoraalka waraysiga, bogga 2aad, sadarka 19aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
53
sifeeyay sida labada gacmoodba ay saraakiisha G4S uga xidheen ee loogu celiyay xerada Oscar. Waxa uu
qiyaasay in arrinkaasi dhacay abbaaro 6‐dii galabnimo, waayo wali iftiinka maalinta ayaa soo jeeday.
Markuu arrinku halkaa marayo, qof aan la garanayn ayaa gacantiisa saaray Mudane T2 garabkiisa bidix
kana jeexay dhuunta laga soo bilaabo dhegtiisa midig hoosteeda ilaa meel la siman dhegtiisa bidix.
Waxaan arkay nabarka wayn ee shaki la’aanna joogtada ah eek u yaalay Mudane T2 dhuuntiisa markii
aan waraysanayay.
Mudane T2 waxa uu rumaysan yahay in qofka soo weeraray uu yahay qof ah reer PNG oo u shaqeeya
shirkada G4S sababtoo ah waxa u suurtagashay in uu arko midabka diirka qofkii soo weeraray iyo in uu
darafta gacanta bidix ee shaadhkiisa u aqoonsado in ay tahay dirayska shirkada G4S. wuxuu sidoo kale
rumaysan yahay in ay jiraan dad kale oo ka mid ah dadka la soo gudbiyay joogana xerada oo weerarka
arkay.
Mudane T2 waxa caadi ahayd in uu yaabo mana uu garanin waxa dhacay laakiin dhiig ayaa meel walba
ku daatay. Qoraalka waraysigii lala yeeshay waxa uu ku sifaynayaa wixii dhacay intaa kadib, iyo sidii loo
geeyay rugta caafimaad ee shirkada IHMS ee meesha uu joogay ku dhagsanayd iyo daawayntii la siiyay.
Qoraalkan soo socda waxa laga soo xigtay qoraalka waraysigii sarkaalka caafimaad:
Markii uu yimi Xarunta dhaawaca ugu horreeyay ee uu arkay waxa uu ahaa nin dhulka yaala oo
dhuunta koone ilaa koone la jeexay60. Waxa uu maqlay qof leh ninka dhuuntiisu waxay u
muuqataa sidii oo lagu jeexay safeexad bir ah.
Inkasta oo fikraddii ugu horraysay ee uu qaatay ay ahayd in ay suurtagal tahay in ninku haysan jaanis
ama fursad badan oo uu ku badbaado, badhitaan dhow ayaa daahfuray in ninku uu aad u nasiib badnaa
sababtoo ah nabarka qotadiisu may ahayn mid uu dhiman karo.Sidoo kale waxaan waraystay
dhakhtaraddii daawaysay Mudane T2 qoraalkan soo socdana waxa laga soo xigtay qoraalka waraysigii
iyada lala yeeshay:
Ninkani waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee dhaawac ah ee la keeno rugta caafimaad ee
shirkadda IHMS 16 February 2014.
Ninkan nabarkiisu waxa uu u eekaa mid yaab leh laakiin aakhirkii wuxuu iska noqday nabar
maqaarka ah. waxa jiray dhaawacyo kan ka khatarsan habeenkaas, kuwaas oo ay ku jiraan
jabniin, shoog maskaxeed oo daran iyo dilaacyo qoto dheer oo maqaarka madaxa ah.
Dhakhtarku waxa uu yidhi, markii la keenay rugta caafimaad ee IHMS, ninku wuu dhididsanaa
waanuu argagaxsanaa waxana uu ka cabsanayay in uu dhinto. Dhaawacu waxa uu u ekaa mid
yaab leh – wuxu ahaa dilaac ballaadhkiisu leeg yahay 10 ilaa 12 santimitir oo dadban oo
dhuunta kaga yaala meel kastana dhiig ayaa yaalay. Waxa uu nabarku u dhawaa halbowlaha
carotid artery loo yaqaano iyo hawomareenka.
60 Mudane T2
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
54
Laakiin markii la nadiifiyay nabarka, waxa caddaatay in uu iska ahaa dhaawac maqaarka uun
ah. Lakabka maqaarku wuu dilaacay oo wuu bannaanaa, laakiin wax kasta oo kale sidoodii ayay
ahaayeen.Faleebo ayaa lagu xidhay, dhakhtar kale oo ka socda shirkadda IHMS ayaa isna tolay
nabarkii, bukaankana waxa lagu daweeyay antibiotics (daawada antibiotikada).Dhakhtarkii
daaweeyay ma xasuusan karo muddo intee leeg ayuu ninku ku jiray rugta caafimaad laakiin fiiro
gaar ah ayay u lahaayeen ninka si ay uga ilaaliyaan in nabarka caabuq ku dhaco.
Nabarku si aad u wacan ayuu u bogsaday. Kabuubyada ama dareen la’aanta ninka qoortiisa
waxa sabab u ah go’istii ay go’een dareemayaasha maqaarku, kuwaas oo ah kuwo aad u yaryar
oo aan caafimaad ahaan la daawayn karayn. Waxan rajaynaynaa in ay bogsan doonaan wakhti
kadib oo dareen la’aantuna ay baabi’i doonto.
Qaybta 7aad: Isniin – Salaasa, 17 – 18 February 2014
Shirkadda G4S waxa ay diyaar garaysay Qoraal Taariikhaysan (u qoran sidii taariikhdu u kala horraysay)
oo dhigaya dhacdooyinkii dhacay 17 – 18 February 2014.
Dhokumentigaasi waxa uu soo bandhigayaa guudmar dhamaystiran oo dhacdooyinkaas ah oo ku
salaysan aragtida shirkadda G4S iyo siday u dhacayeen muddo 13 saacadood ah oo ka bilaabanta Isniin
markay saacaddu ahayd 1347 (kowdii iyo todoba iyo afartan) galabnimo oo ah markii heeganka la
galiyay Maamulka Xaaladaha Degdegga ah. Qoraalka Taariikhaysan waxa uu ku salaysan yahay
diiwaanka dhacdooyinka ee Maamulka Xaaladaha Degdegga ah. Sidoo kale waxa lagu kaabay
diiwaannada waraysiyada iyo warbixinaha sirdoonka iyo warbixinaha dhacdooyinka iyo warbixinaha
shirkadda IHMS ee la xidhiidha daawaynta ay daawaysay dhaawacyadii soo gaadhay dadka intii ay
dhacdooyinku socdeen habeenkaas iyo macluumaadka laga helay saraakiisha waaxda iyo kuwa G4S iyo
kuwa kuwa shirkadda IHMS iyo kuwa ururka Salvation Army.61 Si uu sawir dhameystiran u soo baxo,
waxa sidoo kale lagama maarmaan ah in xisaabta lagu daro qoraallada waraysiyada laga sameeyay iyo
foomamka jawaab celinta ah iyo macluumaadka kale ee laga helay dadka xarunta loo soo gudbiyay.
Marka la isku wada daro, qoraalladani waxa ay noqonayaan boqollaal bog oo qoraalo ah oo ay ku
diiwaansan yihiin tiro aad u badan oo dhacdooyiin ah kuwaas oo dhacay labadaa cisho. Qaybtani waxa
ay soo koobaysaa waxay ay Warbixintani fahansantahay in uu dhacay.
61 Tafaasiil dheeraad ah ayaa lagu soo bandhigay qaybta 9aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
55
Qaybta hore ee falanqayntani waxa ay eegaysaa diiwaannada rasmiga ah iyo waraysiyada lala sameeyay
saraakiisha Waaxda Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ee Australia iyo adeeg‐bixiyayaasha iyo
macluumaadka ay labadoodu soo gudbiyeen. Qaybta labaad waxa ay ku saabsan tahay waraysiyada iyo
macluumaadka laga helay dadka xarunta loo soo gudbiyay.
Aroornimadii Isniinta 17‐kii February 2014, jawiga Xaruntu waxa uu ahaa mid dagan oo xasiloon laakiin
Mudane Kneipp waxa uu yidhi:
Markaa aroortii Isniinta waanu soo toosnay waxana aanu bilawnay in aanu qorshe diyaarino
sababtoo ah waxa jiray tuhun aad u wayn oo la tuhunsan yahay in wax kale dhici doono mar
labaad, oo ay mudaharaadyada rabshadaha wataa ay sii socon doonaan. … G4S iyo ururka The
Salvation Army waxa ay go’aansadeen in aysan xeryaha midna u dirin habayaraatee
shaqaalohooda deegaanka u dhashay … shirkadda IHMS iyaduna waxa ay bilawday in ay isu
diyaariso xaalad degdeg ah … waxana ay hubisay dhammaan qorshayaasheedii xaaladaha
degdeg ah.62
Diyaargarawyadaas wax aka mid ahaa in la hubiyo in kooxaha ka jawaab‐celinta dhacdooyinka ee ka
tirsan G4S ay diyaar u yihiin in markii loo baahdo la hawlgaliyo, iyo in la qiyaaso awoodda ama kartida
rugta caafimaad taas oo inteeda badan ay buuxiyeen dhaawacyadii ka dhashay maalintii hore
dhacdooyinkii dhacay, iyo in la hubiyo in dhamaan ururada lagu wargaliyo warbixinaha xaga sirdoonka la
xidhiidha.63
Warbixintii sirdoonka ee uu soo saaray 17 February 2014, isu‐duwaha sirdoonka ee G4S ayaa arrimahan
soo soday xusay:
SSO waxa soo gaadhay macluumaad toos looga soo xigtay ilo‐wareedyada kuwaas oo
tilmaamaya in uu dhici doono qas rabshado leh fiidnimada maanta kaas oo ka bilaabmi doona
xerada Mike kuna fidi doona xerada Foxtrot ka hor intuusan u wareegin xerada Oscar
Macluumaadku waxa ay tilmaamayaan in dhacdada caawa dhici doontaa ay noqon doonto mid
tii hore ka khatar badan sababta oo ah iiraaniyiintu waxay maalinnimada sii qorshayn doonaan
dhaqdhaqaaqyada caawa
Iiraaniyiintu waxa ay ku tala jiraan in ay isku hubeeyaan qataarro ama ulo bir ah iyo kuwo loox
ah si ay ula dagaalami karaan shaqaalaha shirkadda G4S ee dalka PNG u dhashay, iyo
Dadka la soo gudbiyay ee ku sugan dhammaantood waxa ay ka cabsi qabaan in dadka
deegaanku ay yimaadaan oo ay soo weeraraan – cabsida jirtaa waxa weeyaan ma jiraan
shaqaale ajnabi ah oo ku filan in ay daafacaan haddii arrimuhu qadhaadhaadaan ‐ TSA64.
Qoraalka Taariikhaysan ee ay soo saartay G4S waxa uu sheegayaa in xisaaddu bilaabantay in ay ka kacdo
xerada Mike Abbaaro 1347 (kowdii iyo todoba iyo afartan) duhurnimo markii shaqaale ka socda ururka
Salvation Army oo u yimi inay hawlo qabtaan si cadaawad leh loo qaabilay.
62 Qoraalka waraysiga, bogga 20aad, sadarka 3aad ilaa ka 13aad 63 Eeg qaybta 9.3 si aad u hesho tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka taxaddarka 64 TSA waxa loola jeedaa The Salvation Army
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
56
.
G4S iyo The Salvation Army labaduba waxa ay go’aansadeen in aysan shaqaalohooda dalka u dhashay u
dirin Xarunta. Waraysiga lala yeeshay Maareeyaha Qandaraasyada ururka The Salvation Army waxa uu
xusayaa:
Inkasta oo ay taladu ahayd in adeeg‐bixiyayaashu ay hawlohooda u wattaan sidii caadiga ahayd
maalinnimada, Maareeyaha Qandaraasyadu waxay ka warwarsanayd ammaanka shaqaalaha
TSA. Qaar ka mid ah shaqaaluhu waxay dareemeen in aysan ammaan ahayn… sidoo kale waxay
sheegtay in ay xeryaha ka jirtay cadaawad xoog leh.
Kadib markii ay la tashatay Psychare (taas oo TSA heshiis la gashay lana talisa), waxay
shaqaalaha iyagu dareemayay in aanay ammaan ahayn in ay maalintaa shaqeeyaan kula talisay
in ay joogaan Bibby qaarkoodna sidaas ayay yeeleen. Shaqaalihii labaataneeyaha ahaa ee iyagu
shaqaynayay waxa ay hayeen goobaha cuntada (waxaanay bixinayeen sigaarka iyo waxyaabaha
la midka ah) laakiin TSA maalintaas maysan qabanin wax barnaamijyo ama dhaqdhaqaaqyo ah.
Intii u dhaxaysay 1524 ilaa 1548, shaqaalaha G4S waxay wadahadallo la yeesheen dadka la soo gudbiyay
ee ku jiray xerada Foxtrot kuwaas oo codsaday in shaqaalaha u dhashay PNG aysan wadahadalladaas ka
qayb galin. 65
Markay saacaddu ahayd 1644 (afartii iyo afar iyo afartan), waxa xerada Oscar ka bilaabmay dhawaaqyo
ay dadku dhawaaqayaan kuwaas oo loo fahmay in macnohoodu yahay PNG ha Dhimato laakiin xeryaha
kale waxa la sheegay in ay daganaayeen. Sida ay shirkada G4S dhacdooyinka u kala horraysiisay waxay
sheegaysaa in dadka loo soo gudbiyay xarunta ee ku sugan xerada Oscar ay ku hanjabayeen in ay xerada
Delta ku tuhmi doonaan in aysan ka qayb galin mudahraadyadii maalintii hore dhacay.Abbaaro 1700
(shantii) galabnimo, diiwaanku waxa uu xusay:
Xerada Oscar ayaa ku hanjabaysa in ay xerada Delta ku tuhmi doonto in aysan ka qayb galin
mudahraadyadii maalintii hore dhacay. Faalada qoraha ee tan la socotaa waxay odhanaysaa:
xerada Oscar ayaa ugu hanjabaysa xerada Delta in ay weerari doonto.
Warbixinta Dhacdooyinka ee MI0580 waxa ay sheegaysaa in abbaaro 1702 (shantii iyo laba daqiiqadood)
galabnimo ay tiro ka mid ah dadka la soo gudbiyay codsadeen laga saaro xerada Oscar sababtoo ah ma
aysan rabin in ay ku lug lahaadaan dhaqdhaqaaqyada mudaharaadka.
Dhamaan shaqaalaha adeeg‐bixiyayaasha ee aan daruuriga ahayn waxa laga saaray xeryaha
171266 (shantii iyo laba iyo toban daqiiqo) galabnimo waxana la geeyay doonta Bibby halka
shaqaalaha deegaankana la geeyay guryohoodii.
65 Eeg Warbixinta Dhacdooyinka ee MI0580 66 Waxa suurtagal ah in ay su’aalo ka taagan yihiin wakhtiga saxda ah. Warbixin xaaladeedda Waaxda ee lambarkeedu yahay 9 waxay tilmaamaysaa in ay suurtagal tahay in wakhtigu intan ka dambeeyay oo uu ahaa 1747 (shantii iyo todoba iyo afartan) galabnimo
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
57
Diiwaanku waxa uu xusayaa in dad dheeraad ah oo kamid ah dadka la soo gudbiyay ayaa
xidhnaa kabaha lagu ordo saacaddu markay ahayd 1734 (shantii iyo afar iyo soddon) galabnimo.
Marka laga hadlayo erayada sirdoonka, xidhashada kabaha orodku waxay tilmaan u tahay in
dadka la soo gudbiyay ay isu diyaarinayaan in ay dhibaato gaystaan. Laakiin dadka la soo
gudbiyay waxay u sheegeen Warbixinta in ay rumaysnaayeen in la soo weerari dooni
habeenimada waxaanay isu diyaarinayeen inay baxsadaan.
Isla wakhtigaas (1734), tiro badan oo ka mid ah dadka la soo gudbiyay oo aaniyagu ka qayb galin
mudaaharaadyada ayaa loo wareejiyay xerada Bravo. 67
Wakhti ka horreeyay intuusan gabbalku dhicin oo uusan dhulku madoobaanin, laba kamid ah
eyda booliska ayaa socod lagu mariyay soonaha cagaaran ee u dhexeeya xeryaha Mike iyo
Foxtrot arrinkaana waxa fasaxday Waaxda waxana looga jeeday dhoolla‐tus. 68
Markii aan waraysanayay, waxa aan waydiiyay chris Manning oo ka tirsan G4S in dadka la soo
gudbiyay (gaar ahaan iiraaniyiintu) ay muwaadiniinta reer PNG kula hadlayeen aflagaaddo oo ay
ula dhaqmayeen si islawayni ay ku jirto.
Waxa uu ku jawaabay:
Dadka la soo gudbiyay waxa ay ku foorjaynayeen ‘F… PNG’ waxanay muujinayeen xubnaha
taranka. Anigu intaas ayuumbaan maqlay. Waxa jiray daandaasi aad u badan laakiin waxa
caddayd in ilaalada reer PNG iyo dadka la soo gudbiyay ay kal kalsooni bexeen. 69
Qiimaynta todobaadlaha ah ee sirdoonka ee shirkada G4S ay ka soo diyaarisay wiigii u
dhexeeyay 17‐kii ilaa 23‐kii February 2014 waxay xusaysaa:
Xerada Mike dadkii ka dhex mudahraadayay waxay isku dayayeen in ay af iyo addimba ku
weeraraan shaqaalaha iyagu dibadda ka joogay Xarunta RPC. Dhagaxaan ayaa lagu soo
tuurayay shaqaalaha dibadda joogay dadka mudahraadayaana waxay isku dayayeen in ay
caayaan muwaadiniinta reer Papua New Guinea iyagoo ku qaylinaya ‘F… you PNG’, ‘F… you
daanyeerayahay’ iyo ‘Dagaal, dagaal PNG’.
Mid ka mid ah shaqaalaha bixiya adeegyada oo aan waraystay ayaa ogaatay in bulshada PNG ay
tahay bulsho muxaafid ah. Waxay tidhi muwaadiniinta deeganku aad ayay uga argagixi
lahaayeen aadna way uga xumaan lahaayeen waxyaabaha lagu dhawaaqayay sida ‘F… PNG’ iyo
hanjabaadaha lagu hanjabayay in la weerari doono dumarka deegaanka. Dadka deegaanka ahi
aad ayay uga cadhoon lahaayeen habdhaqankaas ixtiraam darrada ah.
Sida ay dhigayso warbixin xaaladeedda Waaxda ee lambarkeedu yahay 9:
67 Eeg warbixin xaaladeedda Waaxda ee lambarkeedu yahay 9 68 Eeg qoraalka waraysigii lala yeeshay Chris Manning iyo Darren Boyd 69 Eeg qoraalka waraysiga, bogga 3aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
58
Abbaaro 1805 (lixdii iyo shan) galabnimo, G4S ayaa dadka la soo gudbiyay kula kulantay xarunta
Oscar. Dadku waxay sheegeen in siddeeda qof ee boolisku uu shalay xidhay lagu soo celiyo
xarunta OPC caawa haddii kale talaabo ayay qaadi doonaan habeen‐badhka. G4S waxay u
sheegtay dadka la soo gudbiyay inay la xidhiidhayso booliska PNG oo ay u badan tahay in
hawlaha booliska la dhammaystiri doono barri siddeeda qofna la soo celin doono. Waxay G4S ku
tidhi dadka la soo gudbiyay haddii ay sii wadaan mudahraadyada, iyaga laftoodana waxa
suurtagal ah in falal dambiyeed lagu soo oogo.
G4S waxay ka codsatay shaqaalaha deegaanka u dhashay in ay isugu yimaadaan wadada
Pugwash, taas oo ah wadada wayn ee hor marta Xarunta, si ay uga qarsoomaan oo aysan ugu
muuqanin dadka la soo gudbiyay, wakhtigu markuu ahaa 1807 (lixdii iyo todoba) galabnimo.
Abbaaro 1839 (lixdii iyo sagaal iyo soddon), waxa la soo sheegay laydhadhku (oo u badnaa
laydhadhka qolalka dibadda ka ah) ay ka bakhtiyeen xerada Mike, laakiin lix daqiiqadood
gudohood ayaa lagu soo celiyay. Dhawr jeer oo habeenimada ah ayay laydhadhku ka bakhtiyeen
qaybo kala duwan oo Xarunta ka mid ah, mararka qaarkoodna waxay taasi ka dhalanaysay
kharribaad ay dadka la soo gudbiyay kharribayeen mararka kalena sababo kale ayaa ka
dambeeyay. Tusaale ahaan, abbaaro 1941 (todobadii iyo kow iyo afartan) fiidnimo, kharribaada
laydhka waxa la soo sheegay in ay horseedeen dadka la soo gudbiyay ee ku jiray xerada Foxtrot
kuwaas oo faragalin iyo farafarayn ku sameeyay bogoska ama sanduuqa qaybiya laydhka ee
xerada ku yaala. Wakhti kale, waxa damay mashiin laydhka dhaliya sababtoo ah mid kamid ah
filtarrada ama shaandhooyinka mashiinka ayay ku gufaysmeen qashin la socday shidaal tayadiisu
hoosayso laakiin hakkadkaas markiiba waa la hagaajiyay. 70
Abbaaro 1900 (todobadii habeenimo), 46 sarkaal oo kamid ah booliska wareega ayaa joogay
Xarunta dibaddeeda iyo cutubyada K9 iyo eyeda booliska. Adeeg‐bixiyayaashu waxay
qabanqaabinayeen in cashada xeryaha la geeyo.
Qoraalka Taariikhaysan ee ay soo saartay G4S waxa uu sheegayaa in waraaq ku jirta caagad
biyood oo madhan laga soo tuuray xerada Foxtrot oo loo soo tuuray xerada Mike saacaddu
markay ahayd 2125 (sagaalkii iyo shan iyo labaatan) habeenimo. Warbixintu waxay qiyaastay in
warqaddaasi ay noqon karaysay waxa kicin doona mudaharaad laga yaabo in uu dhaco cuntada
kadib, waxaanay warbixintu xustay in dadka la soo gudbiyay ay si xaddhaaf ah u xidhnaayeen
kabaha orodka waxaanay ku talisay in aan la sii dayn ilaalada maalintii shaqaysa.
Laydhku wuxu damay 2141 (sagaalkii iyo kow iyo afartan) habeenimo markii mashiinadii dabka
dhalinayay ee yaalay wadada Pugwash ay joogsadeen G4S iyaduna isla markiiba waxay ka
warheshay dad kamid ah dadka la soo gudbiyay oo jooga xarunta Mike oo afduuban isla
markaana ku hubaysan ulo iyo dhagaxaan. Wakhtigaas, waxa lagu taliyay in kooxda eyda
wadataa ay gasho soonaha cagaaran si nimanka afduuban looga joojiyo in ay soo galaan
70 Eeg qoraalka waraysiga Chris Manning, bogga 4aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
59
soonaha cagaaran. Eydii ayaa la socodsiiyay soonaha, taasina waxa ay dhalisay in dhagaxaan iyo
shiid hadhka lagaga soo dhigo, taasoo sababtay in kooxda eydu ay isla markiiba dib u gurato.
Dadka la soo gudbiyay waxay hore u soo riixeen xayndaabkii oo ay soo galeen soonaha cagaaran
ee u dhexeeya xerada Mike iyo xerada Foxtrot. Qaar ka mida shaqaalaha G4S ayaa ku xannibmay
xaga dambe ee soonaha cagaaran, halkaas oo dhagaxaan iyo ulo lagu weeraray.
Koox kamid ah kooxaha ka jawaab‐celinta dhacdooyinka ee G4S ka tirsan ayaa soo gashay
soonaha cagaaran oo ka soo gashay xaga wadada Pugwash isla markaana dhex qaadday dadka la
soo gudbiyay si ay ugu tagaan saraakiisha ku xannibnaa dhinaca kale. Waxa ay sameeyeen
goobaab iyagoo ku gaashaaman gaashaamadooda iyo koofiyadaha birta ah ee ay gashanaayeen,
waxaanay xoog ku soo laabteen wadada wayn ee ammaanka ahayd.
Markii la jabiyay xayndaabyada, kooxda IRT‐du waxay ku dadaashay in ay xidhaan daloolka
samaysmay laakiin way u suurtagali wayday inay safka ku jiraan oo ay wakhti dheer dib u riixaan
markii lagu soo shiiday dhagaxaan ee gaashamadoodiina lala dhacay ulo iyo biro. Qoraalka
Taariikhaysan ee ay soo saartay G4S sida uu dhigayo, markii saacaddu gaadhay 2200 (tobankii)
habeenimo, waxa suurtagal noqon wayday in meelaha xayndaabka la soo dalooliyay la isku
gudbo oo la xidho sababtoo ah meelo badan ayaa la soo jabiyay xayndaabka.
Chris Manning waxa uu carrabka ku adkeeyay markii uu waraysiga bixinayay in kooxaha IRTs‐ku
kaliya ay haystaan agabka la isku ilaaliyo ama la isku difaaco (koofiyad‐bireeno, dhar iyo
gaashaamo).
Qoraalka Taariikhaysan ee ay soo saartay G4S waxa uu xusayaa in abbaaro 2151 (sagaalkii iyo
kow iyo konton) habeenimo la arkay dadka xarunta loo soo gudbiyay ee ku sugan xerada Delta
oo isku hubaynaya hubka gacmaha lagu sameeyo, iyagoo sheegaya in sababta ay sidaa u
samaynayaan ay tahay si ay isu daafacaan sababta oo ah waxa ay ka cabsi qabaan in
muwaadiniinta reer PNG ay soo gali doonaan xerada. Maadaama aan la weerarin, xerada Delta
kama aysan qayb galin mudaharaadyada ama rabshadaha.
Markii saacaddu gaadhay 2200 (tobankii) habeenimo, laydhkii ayaa ka damay xeryaha Mike iyo
Foxtrot dadka la soo gudbiyayna wakhtigaa ka hor ayay soo jabiyeen xayndaabka qaar iyaga ka
mid ah oo hubaysanina waxa ay galeen xerada Mike. Xerada Oscar, dadka la soo gudbiyay ee
halkaa ku sugnaa waxay googoynayeen furaashyada iyagoo sida ra’yi Warbixintan loo sheegay
uu dhigayo ku talojira in ay furaashyada dab qabadsiiyaan.
Markii saacaddu gaadhay 2218 (tobankii iyo siddeed iyo toban) habeenimo, dadka la soo
gudbiyay waxa ay soo jabiyeen gidaarkii ka samaysnaa dadka safka ku jira ee ay samaysay
kooxda IRT waxaanay la wareegeen gacan‐ku‐haynta xerada Mike. Kooxda IRT‐du waxay dib ugu
guratay albaabka loo yaqaano Golf 7. Markii saacaddu gaadhay 2237 (tobankii iyo todoba iyo
soddon) habeenimo, kooxda IRT‐da waxa laga saaray xerada Mike waxaana dib la isugu
uruuriyay wadada Pugwash.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
60
G4S waxa ay dib uga yeedhay dhamaan shaqaalaha SSO (ammaanka) ee ajnabiga ah ee ku sugan
doonta Bibby si ay uga hawlgalaan Xarunta.
Laydhku waxa uu ku soo laabtay xerada Mike markii saacaddu gaadhay 2220 (tobankii iyo
labaatan) habeenimo. Qiyaas ahaan nusasaacihii intaa ka dambeeyay, Qoraalka Taariikhaysan
waxa uu dhigayaa:
Waxyaabo badan ayaa kooxda IRT‐da lagaga soo tuuray xerada Mike
Dadka la soo gudbiyay ee ku sugnaa xerada Foxtrot waxa la arkay iyaga oo galaya mutulayaasha
ku yaala xerada Mike oo raadinaya hub dheeraad ah oo gacanta lagu sameeyo isla markaana
dhulka ka rujinaya birihii xayndaabka hayay
Dadka la soo gudbiyay ee ku sugnaa goobta hurdada iyo goobta cuntada ee xerada Mike wax
kasta way boobayeen waanay burburinayeen
Mutule uu leeyahay mid kamid ah shaqaalaha ilaalada ah ayay dadka mudaharaadayay
dumiyeen oo burburiyeen
Shaqaalaha IHMS waxay isu diyaariyeen in ay u wareegaan dekedda ay ku xidhantahay doonta
Bibby oo ay halkaa ka sameeyaan goob gargaar dagdaga ah, sidoo kale
Dhawaaqyadii ku tiraabayay xornimo ayaa dib ugu soo laabtay xerada Oscar.
Wakhtigaas ayaa la go’aamiyay in Maamulka Xaaladaha dagdagga ah loo kala qaybiyo laba
kooxood. G4S iyo Kalkaaliyaha Maareeyaha Hawlfulineed, Mudane Wilson Kuve, waxa la gartay
in ay ku sugnaadaan Xarunta halka Maamulka Xaaladaha dagdagga ah intiisa kalena ay u
wareegeen doonta Bibby.
Katrina Neuss waxa tidhi iyadoo sharraxaad bixinaysa:
Waxa la naga daadgureeyay xarunta rasmiga ah ee hoggaanka qiyaastii abbaaro 10.30
(tobankii iyo badhkii) habeenimo waxaana la na geeyay xarun hoggaamineed oo wareegta, taas
oo ah bas yar oo hor taagan albaabka wayn ee qofku uu imaatinkiisa ku saxeexo. Waxaanu
halkaa fadhinay 45 daqiiqadood ilaa saacad inta u dhaxaysa, waxan haystay anigu radio si aan u
maqli karo waxa meesha ka socday. Xaaladdu way sii xumaatay. Kadib waxa la noo qaaday
IHMS oo ah xagga dibadda ee wadada Pugwash. … waxannu halkaa fadhinay malaha toban
daqiiqadood. 71
Saacaddu Markay ahayd 2248 (tobankii iyo siddeed iyo afartan) habeenimo, kooxda G4S ee ka
jawaab‐celinta dhacdooyinku waxay dib ugu guratay albaabka Golf 1, waxaanay guutada
wareegta ee reer PNG kaga tagtay xerada Mike dibaddeeda. Diiwaanka waraysigii lala yeeshay
sarkaal AB ee ka tirsan G4S waxa uu sheegayaa:
71 Qoraalka waraysiga, bogga 7aad, sadarka 21aad ilaa ka 32aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
61
Markii shaqaalaha G4S dib looga saaray xerada Mike, AB waxa uu la hadlay booliska lagu soo
ururiyay meel u dhaw albaabka soonaha cagaaran, waxan uu ku yidhi shaqaalaha kooxda IRT
iyo kuwa G4S dib ayay u guranayaan. Waxa uu ku yidhi kalmado macnohoodu yahay: ‘hadii
dadka xarunta loo soo gudbiyay ay u soo baxaan waddada, waa in aad xaaladda la
tacaashaan’.72
Andrew Dewnsap73 oo ka tirsan G4S isla markaana ka qayb qaatay waraysigii lala yeeshay Darren
Boyd, ayaa yidhi (inkasta oo sida iska cad uusan qayb ka ahayn wadahadalk):
Markii uu AB arkay booliska wareega oo is hubaynaya, waxa uu ku yidhi G4S ma rabto in aad
hub adeegsataan. Jawaabta uu helay waxa uu macneheedu ahaa: ‘Haye waanan fahansanahay
in aanaan tagayn xerada (Mike)’.74
Chris Manning sida si la mid ah ayuu wax u fahmay. Waxa uu yidhi:
Wax fasax ah lama siinin booliska wareega in ay galaan Xarunta. Waxa aan fahansanahay in
ciidanku ay dul mareen xayndaabka maadaama ay albaabadu xidhnaayeen. Anagoo u marayna
sarkaalka xidhiidhiya G4S iyo booliska, waxaanu ka codsanay ‘Fadlan hubka iska dhiga’ – hub
ayaa la arkay. Sidaas ayay ahayd sidii farriinta loo gudbiyay – ‘Ha galina xerada’. Maalintaa
qorshaha waxa lala sameeyay hoggaanka booliska. 75
Hasayeeshee, Warbixinta Dhacdooyinka ee G4S ee MI0580 waxay xusaysaa in:
Abbaaro 2248 (tobankii iyo siddeed iyo afartan) habeenimo, OB ayaa ku taliyay in masuuliyadda
dibu soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta xerada Mike ay imika saarantahay Guutada
Wareegta.
Warbixintan, OB waa baaq ama kalmad sir ah oo u gaar ah hoggaamiyaha kooxda IRT ee xerada
Mike, kaas oo warbixintan loogu yeedho AB. Waxa laga yaabaa in warbixinta MI0580 aysan sax
ahayn sababta oo ah waxa ay tilmaamaysaa in sarkaalka G4S ee AB uu u qaatay in guutada
wareegtaa ay ka masuul tahay soo celinta nidaamka iyo kala dambayntee ee gudaha xerada
Mike, taasina waxa ay ka soo horjeeddaa macluumadka uu isaga iyo maareeyayaasha shirkadda
G4S ee sarsare ay siiyeen Warbixinta markii la waraysanayay.
Wakthigaas, IHMS waxa loo wareejiyay doonida Bibby dhaawacuna waxa uu bilaabmay oo uu
soo gaadhay qiyaastii 2300 ilaa 2330 (kow iyo tobankii ilaa kow iyo tobanka iyo badhkii).
72 Qoraalka waraysiga, bogga 1aad. AB waxa uu yidhi sida uu qabo faaladii uu bixiyay markii uu ka sii tagayay xerada Mike aan sinaba loogu fasiri karin in ay ahayd wareejin rasmi ah oo uu wareejiyay masuuliyadda dhacdada. AB waxa uu sidoo kale yidhi wuu ka warwarsanaa wax faragalin ah oo ay guutada wareegtaa samayso iyo waliba tabaha ama xeeladaha laga yaabo in ay adeegsato 73 Lataliyaha Guud iyo Xoghayaha Shirkadda 74 Eeg qoraalka waraysiga lala yeeshay Darren Boyd, bogga 4aad 75 Eeg qoraalka waraysiga lala yeeshay Darren Boyd, bogga 3aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
62
Qoraalka Taariikhaysan waxa uu xusayaa in agagaarka xerada Mike laga riday rasaas abbaaro
2322.
Ms Neuss iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi:
Waxa aan dareemay in IHMS la daadgureeyay. Waxay ay meesha ka saareen dhammaan
shaqaalohoodii oo dhan iyo waliba dhammaan turjumaannadaydii, kaddibna waxa aanu
maqalnay rasaasta. Isla markii ay rasaastu dhacday, waxa toos la noo geeyay doonta Bibby. …
Markii hore, waxa ay ahayd rasaas goos‐goos ah, kadibna way sii badatay markaa, haa, maanu
sii joogin. Isla markiiba waanu dhaqaaqnay. Laakiin isla markii aan tagay Bibby, cid kasta oo
meesha joogtay way ogayd in rasaas la riday sababtoo ah Bibby waa laga maqli karayay
rasaasta. 76
Ma jiro qoraal diiwaansan oo ku saabsan markii ay boolisku galeen xerada Mike laakiin qoraalka
taariikhaysan waxa uu xusayaa in booliska lagu arkay xerada Mike abbaaro 2327 qoraalka ay G4S
usoo gudbisay Warbixintan wuxu isaguna sheegayaa in rabshadi ka dhacday xerada Mike
qiyaastii wakhtigaas (taas oo qoraalka taariikhaysani uu xaqiijiyay).
Qoraalka taariikhaysani waxa uu xusayaa in koox IRT‐da G4S ah ay dad kamida dadka la soo
gudbiyay ay kaga hortageen albaabka xerada Mike ee xaga Foxtrot qiyaastii abbaaro 2329.
Abbaaro 2330, hoggaamiyaha kooxda IRT waxa ay sheegtay in ay gacanteeda ka bexeen
shaqaaleheedii ka tirsanaa kooxda ITR ee deegaanka u dhashay, kuwaas oo ku kala faafay
meelihii ka agdhawaa (waa xerada Mike).
Abbaaro 2330, 150 kamid ah dadka la soo gudbiyay oo ka yimid xerada Oscar ayaa dhex socday
waddada Route Charlie (ee u dhaxaysa Oscar iyo Delta) laakiin G4S ayaa samaysay gidaar ku‐
meel gaadh ah si ay uga horjoogsato in ay galaan goobta Maamulka oo ay u sii dhaafaan xerada
Foxtrot.
Qoraalka Taariikhaysan ee G4S waxa uu xusayaa in diiwaangalinta macluumaadku ay istaagtay
abbaaro 2337 sababtoo ah waxa loo baahday in dhawr hawlood oo daadgurayn ah laga fuliyo
albaabka Golf 1 ee xaga xerada Foxtrot, shaqaalaha ugu yarna ay joogaan meesha isla markaana
hawlaha caafimaad albaabka Golf 1 agtiisa la iskaga dubbarido.
Diiwaangalinta macluumaadku waxa ay dib u bilaabantay abbaaro 0035 waxana la
diiwaangaliyay in dad ka badan 200 oo ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay loo
daadgureeyay goobta loo yaqaano “oval”. Abbaaro 0058, diiwaanku waxa uu tilmaamayaa in
shaqaalaha G4S ay dib u galeen xerada Mike oo ay caawinayeen dadka la soo gudbiyay ee
dhaawacmay.
76 Qoraalka waraysiga, bogga 4aad sadarka 32aad ilaa
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
63
Goobaha kale ee Xarunta, dadka la soo gudbiyay waxa ay isku dayayeen in ay jiidhaan xerada
Foxtrot xaaladduna cirka ayay isku sii shareeraysay daqiiqad kasta abbaaro 0056.
Inta ka hadhsan Qoraalka Taariikhaysan waxa ay sheegaysaa sida ay u soo afjarmayeen
dhacdooyinku ilaa markii uu soo gabagaboobay Qoraalka Taariikhaysan abbaaro 0240
habeenimadii ay soo galaysay Salaasadu 18‐kii February 2014 in kasta oo wakhti kale ay
qaadatay in la soo afjaro mudaharaadyada oo la soo celiyo waxoogaa nidaam iyo kala dambays
ah Xarunta dhexdeeda.
Laakiin Warbixinta Dhacdooyinka ee MI0580 ee ay soo saartay G4S waxa ay xusaysaa siday
shaqaalaha G4S dib usoo galeen xerada Mike abbaaro 2330 kadib markii uu boolisku damiyay
mudaharaadkii ka socday xeradaas ee ay dib u gurteen, waxaanay bilaabeen in ay
daadgureeyaan dhaawaca.
Warbixintu waxa ay tilmaamaysa in boolisku ay dib u gurteen qiyaastii abbaaro 2330 habeenimo
laakiin waxa suuragal ah in qiyaastaasi aysan ahayn qiyaas boqolkiiba boqol sax ah.
Warbixinta Dhacdooyinka ee MI0580 waxay odhanaysaa:
Xerada Mike dhammaan dadka la soo gudbiyay ee ku sugnaa waxay u muuqdeen kuwo
argagaxsan oo mashquulaan. Shaqaalaha G4S ayaa ku amray dhammaan dadka la soo gudbiyay
in ay u wareegaan hoolka cuntada ee xerada Mike iyadoo aysan dhicin wax dhibaato ah. Tirada
dhaawaca awgeed, 2 ka mid ah shaqaalaha caafimaad ee shirkadda IHMS ayaa loo diray xerada
Mike si ay u kala saaraan dhaawaca. … Ku Simaha Maareeyaha G4S ee Xarunta, Mudane Perera,
ayaa qiimeeyay khasaaraha soo gaadhay xerada Mike waxana uu ku taliyay in dhammaan
dadka la soo gudbiyay la dajiyo goobaha madadaalada ee ku dhex yaala xerada Mike. …
Goobaha ay dadka la soo gudbiyay dagaan ee ka mid ah xarunta Mike, oo kala ah dhismaha
MA1 ilaa dhismaha MA8, ayaa lagu dhawaaqay in aysan ahayn goobo ku munaasib ah in lagu
noolaado khasaaraha gaadhay dhismayaasha awgeed. Dadka la soo gudbiyay ee daganaa
xerada Mike waxa la dajiyay 3 ka mid ah qolalka TV‐yada, qolalka internet‐ka iyo taleefanka,
goobta madadaalada iyo goobta madadaalada ee bannaan. May jirin cid la dajiyay qolka
cuntada.
Wararka ay soo gudbiyeen saraakiisha G4S sidoo kale waxa ay tafaasiil ka bixinayaan sida ay u
ilaaliyeen dad badan oo kamid ah dadka la soo gudbiyay oo iyagu aan dhacdooyinka ka qayb
galin oo joogay xeryaha Mike iyo Oscar iyo Foxtrot ugana ilaaliyeen in ay dhaawacyo toos ahi
soo gaadhaan, waxaanay sidoo kale ka caawiyeen in ay rabshadaha ka dhex baxaan oo ay meel
amaan ah tagaan. Marar badan, dadkaa la soo gudbiyay waxa markii hore lagu hayay xeryaha
Bravo iyo Charlie kadibna waxa loo qaaday goobta kubadda lagu ciyaaro ee Saldhigga Ciidamada
Badda taas oo toos ugu dhagsan dhinaca bari ee Xarunta.
Mudane Dewsnap waxa uu i siiyay laba tusaale oo xaddidan kuwaas oo ku salaysan doodihii uu
la yeeshay shaqaalaha.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
64
Mid kamid ah kooxaha IRT‐da ayaa xaga koonfureed kasoo gashay xerada Foxtrot si ay gacan
uga gaysato daadguraynta dadka la soo gudbiyay ee iyagu rabay in ay ka fogaadaan qaska oo
ay tagaan meel amaan ah.
Kooxda IRT‐du waxa socodkeedu ahaa saddex marxaladood. Markii hore waxa ay tagtay goobta
cuntada halkaas oo ay ku nagaadday intii ay dadka la soo gudbiyay baxayeen oo ay daba
marayeen gidaarka ilaalada ah ee ay samaysay kooxdu. Markii la amray, kooxdu waxa ay hore
ugu socotay dhismaha P Block kaas oo ay isna ku nagaadday, ugu dambayntiina markii ay amar
heshay waxa ay u dhaqaaqday oo ay ku nagaadday Foxtrot 1, halkaas oo ahayd meesha
xayndaabka xadkiisu kaga beegnaa soonaha ama aaga cagaaran. Markii rasaasta la riday,
kooxdu beerka ayay dhulka saartay si ay isaga ilaaliso.
Kooxda IRT‐da laguma amrin in ay dhaafto soonaha cagaaran xayndaabkiisa. Laakiin qaar
kamid ah xubnaha kooxda ayaa sidaa yeelay iyadoo aan amar haysanin oo ka hor imanaya
amarrada la siiyay ee dhigayay in ay halkaa joogaan. Arrinkaasi waxa uu u muuqdaa in uu
dhacay kadib markay maqleen rasaasta iyo kadib markii ciidanka booliska iyo muwaadiniinta
reer PNG lagu dhex arkay xerada Mike.
Kadib markii boolisku uu soo galay xerada Mike, tiro ka mid ah ilaalada G4S ayaa ilaaliyay dadka
la soo gudbiyay goobta bannaan ee lagu ciyaaro kubadda gacanta ee toos uga soo horjeedda
dhismayaasha la daggan yahay waxaanay isku soo xeereen oo ay goobaab galiyeen dadka si ay
u ilaaliyaan. Waxay u dhaqmeen si geesnimo leh oo dhakhso badan. Waxay sidaa yeeleen iyaga
oo naftooda galinaya khatar wayn isla markaana ku dadaalaya in ay ilaaliyaan dadka la soo
gudbiyay ee ku sugan xerada Mike. Intaa kadib, ilaalada G4S waxa ay sameeyeen laba saf oo
ilaalo ah si ay dadku si nabad ah u dhex maraan (oo markiiba qiyaastii 20 ay maraan) si ay u
gaadhaan hoolka cuntada, kaas oo ammaankiisu ka wacnaa meelaha kale. Ilaalada iyagu
hawshan ku luglahaa waxay ka koobnaayeen qiyaastii 15 ilaa 20 ah ajnabi iyo shan u dhashay
dalka PNG.
Aakhirkii waxa la daadgureeyay 304 ah dadka la soo gudbiyay oo laga daadgureeyay xerada
Mike lana geeyay hoolka cuntada si loo ilaaliyo (tirakoob ayaa lagu sameeyay tirada dadka). Ku
Simaha Maareeyaha Guud ayaa markaas isagu la wareegay maamulka caawimana ka gaystay
isku‐dubarridka hawlaha gargaarka dagdaga ah iyo kala soocitaanka bukaanka, waxaanuu
dadka ka saaray albaabka dambe oo uu geeyay wadada wayn dhaawacana waxa uu geeyay
goobta gargaarka caafimaad ee dagdaga ah ee laga ag sameeyay dekeda ku xigta doonta
Bibby. 77
Ma jiraan wax maqal ama muuqaal ah oo laga duubay dhacdooyinkii dhacay 17 – 18‐kii February
2014. G4S waxa ay soo gudbisay sharraxaaddan:
Ugu horrayn, haddii la arko sarkaal isku dayaya in uu duubo qaska waa la weerari lahaa,
77 Qoraalka waraysigii lala yeeshay Darren Boyd, bogga 4aad ilaa ka 5aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
65
Ta labaad, xubnaha kooxda IRT suurtagal umay ahayn in ay kamarad gacanta ku sidaan oo ay
adeegsadaan iyaga oo saf ku jira ay dadka ku ilaalinayaan, waayo hawshaas ayaa ka
muhiimsanayd in wax la duubo.
Imika waxa aan dib ugu noqon doonaa eegista waxyaabihii ay Warbixinta u soo gudbiyeen dadka
la soo gudbiyay.
Ka hor inta aanan sidaa yeelin, waxa xusid mudan qodobyadan hordhaca ah ee hoos ku qoran:
Wadar ahaan 1,340 ka mid ah dadka la soo gudbiyay ayaa daganaa Xarunta 15‐kii February
2014.
G4S waxa ay qiyaastay in dad ka badan 100 oo ah dadka la soo gudbiyay oo ka socda mid kasta
oo ka mid ah xarumaha kala ah Foxtrto iyo Mike iyo Oscar ayaa ka qayb qaatay mudaharaadyadii
dhacay 17 – 18‐dii February 2014, qaarkoodna waxa laga yaabaa in la qasbay oo loo hanjabay si
ay uga qayb galaan mudaharaadyada iyagoo ay hanjabaado kaga yimid dad kale oo ka mid ah
dadka la soo gudbiyay.
Sidaa awgeed, qiyaastii 70% ilaa 75% ka mid ah dadka la soo gudbiyay kamay qayb galin qaskaas
Dagaal rabista ay muujiyeen qaar ka mid ah dadka lasoo gudbiyay waxa uu ahaa ugu yaraan ka
jawaab‐celin ay kaga jawaab celinayeen dhaawacyadii ay dadka la soo gudbiyay u gaysteen
muwaadiniinta reer PNG ee ka dhacay xerada Oscar dhexdeeda habeenkii hore, oo taariikhdu
ahayd 16‐kii February 2014
Saraakiisha G4S waxa lala beegsada weeraro khatar ah oo daran laakiin waxay ka faa’idaysteen
agabka la isku ilaaliyo kaas oo hoos u dhigay dhaawacyada so gaadhay, sidoo kale
Dhamaan dhaawacyada culus ee ay daawaysay IHMS intii u dhaxaysay 16 – 18‐kii February 2014
waxay ku dhaceen dadka la soo gudbiyay guud ahaanna waxay ahaayeen dhaawacyo waafaqsan
garaacistii ku dhacday, garaacistaas oo inta badan aad u darnaa, halka Reza Barati isaga loo
gaystay garaacitaan horseeday in uu dhinto.
Waxaan sidoo kale xusayaa in dadka la soo gudbiyay ay marar badan sheegaan muwaadiniinta
G4S laakiin tacbiirtaas ama hadalkaas waxa ka mid noqon kara dad aan ku koobnayn ilaalada
balse sidoo kale ay ku jiraan shaqaalaha kale ee reer PNG ee qandaraas‐hooseedka lala galay
sida dadka adeegyada cuntada bixiya iyo dadka wax nadiifiya iyo beerwalayaasha. Dadka la soo
gudbiyay sidoo kale waxay uun ka hadlaan dadka deegaanka iyo muwaadiniinta, laakiin dadkaa
ay sheegayaan waxa ku jiri kara dhamaan muwadiniinta reer PNG ee ka shaqeeya Xarunta (oo ay
ku jiraan muwaadiniinta u shaqeeya ururka The Salvation Army) iyo dadka u dhashay jasiiradda
Manus ee Xarunta ku ag nool. Mararka qaarkood, gaar ahaan marka laga hadlayo ilaalada G4S
ee muwaadiniinta ah, dadka la soo gudbiyay waxay u hadlaan si aad iyo aad u xaddidan, sababta
oo ah shaqaalahaasi waa kuwo ay garanayaan maadaama ay joogaan xeryaha Xarunta. Marar
kale waxa dhacda in ay u hadlaan si aan waadix ahayn, taasina waa wax la fahmi karo. Sidaa
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
66
awgeed, waxa laga yaabaa in ay adkaato in si boqolkiiba boqol sax ah loo go’aamiyo cidda loo
jeedo marka ay kalmadaas caamka ah adeegsanayaan.
Intii ay socotay baadhistani, waxa iga yaabisay sida xaalad ama xaqiiqo jirta ay dhinacyada kala
duwani u fasiri karaan si aad u kala duwan. Tusaale ahaan:
Sidii hore loo xusay, markay dadka la soo gudbiyay gashadeen gabaha lagu ordo, qiimaynta xaga
sirdoonku waxay sheegtay in ay isu diyaarinayeen in ay dhibaato gaystaan laakiin iyagu waxa ay
yidhaahdeen waxa ay isu diyaarinayeen in ay is daafacaan haddii la soo weeraro oo ay noqoto
inay baxsadaan
Markii shaqaalaha G4S ay dhagaxaanta ka ururiyeen xeryaha si aysan suurtagal u noqonin in hub
ahaan loo adeegsado, dadka la soo gudbiyay waxay iyagu taa u arkeen talaabo lagu rabo in bilaa
difaac lagaga dhigo haddiiba ama marka la soo weeraro, sidoo kale
Qiimaynta sirdoonku waxay dhigaysay in dadka la soo gudbiyay ay urursanayeen hub gacmaha
lagu sameeyay si ay dhibaato ugu gaystaan hubkaas halka iyaguna ay hubkaas u arkayeen wax
ay ka heli karaan waxoogaa difaac ah haddiiba ama marka la soo weeraro.
Ninka aan ugu yeedho Mudane T1 oo isagu ka mid ah dadka la soo gudbiyay waxa uu goob‐joog
ka ahaa labada kulan ee min labada saacadood socday ee ay Warbixintani qabatay. Waxa uu
sharraxaad ka baxshay sababta ay dadka la soo gudbiyay ee ku sugnaa xerada Mike ay isugu
dayayeen in ay jabiyaan oo ay dhex maraan xerada Foxtrot intii uu qasku socday habeenkaas:
Raggu waxay ogaadeen in dadka deegaanku ay soo weerari doonaan, markaa waxay isku
dayeen – ragga dagan xerada Foxtrot iyo kuwa dagan xerada Mike – waxay isku dayeen in ay
jabiyaan xayndaabka dhexdooda yaala, sababtoo ah, sidaad ogtahay, xayndaab ayaa dhex
yaala Foxtrot iyo Mike, waxaanay isku dayeen in ay jabiyaan xayndaabka si ay u gaadhaan
xerada Mike oo isku meel u wada joogaan si wacanna ay isaga difaacaan muwaadiniinta
weerarkooda – si ay tiradoodu u badato.
Markii guutada wareegta ee PNG ay gashay xerada Mike, tiro aan la garanayn oo ah
muwaadiniinta reer PNG ayaa soo raacay iyo tiro yar oo ah ilaalada ajnabiga ah ee G4S, siday ay
sheegayaan warbixinaha laga helay dadka la soo gudbiyay.
Hore ayaan sharraxaad uga bixiyay ilaa heerka uu gaadhay wadatashiga aan la yeeshay dadka la
soo gudbiyay. Dhammaan wadatashiyadaas aan la yeeshay waxa ay ii sheegeen wuxuu ahaa mid
isku mid ah. Waxay sheegayaan nuxurkiisu waxa weeyaan:
Waxa garaacay booliska PNG iyo muwaadiniinta iyo tiro yar oo ah shaqaalaha ajaanibka ah
(laakiin qofka ajnabiga ah ee kaliya ee si cad ay dadka la soo gudbiyeen u aqoonsadeen waxa
weeyaan ilaaliye ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ oo ka tirsan G4S oo ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ ah) iyaga oo aan loo kala
eegin in ay qaska ku jireen iyo in kale
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
67
Qaarkood ayaa leh waxa ay isku qarinayeen qolalkooda, oo xitaa sariirta hoosteeda ayay galeen,
markii ay yimaadeen dadkii qolalkooda soo galay ee ay soo jiideen kadibna ay garaaceen
Qaar ka mid ah dadka la soo gudbiyay ee lagu weeraray qolalkooda waxa u suurtagashay in ay
garaacitaanka oo laga daayo ku iibsadaan sigaar – sigaarka oo ah lacagta Xarunta – waa haddii
ay nasiib lahaayeen oo ay gacanta ku hayeen waxoogaa sigaar ah
Markii ay dadka qolalkooda soo galeen ka bexeen qolalkooda hurdada, waxay qaateen wixii
alaab ahaa ee diyaar ahaa ee la qaadan karayay ee ay lahaayeen dadka qolalka dagan
Qaar ka mid ah dadka la soo gudbiyay ayaa soo gudbiyay cabashooyin rasmi ah oo ku saabsan
weerarradaas laakiin waxba lagama qaban
Qaar badan oo ka mid ah ayaa imika ku jira cabsi ay ka cabsi qabaan in weeraro dheeraad ah loo
gaysto cabsidaasina waxay saamayn ku leedahay awooda ay awoodaan in ay seexdaan, sidoo
kale
Xaaladah qaarkood, qaska iyo siiba rasaasta la riday waxay soo noolaysay dhaawacyadii hore ee
maskaxda taasina waxa ay sii kordhisay xanuunka walaaca ka dhasha dhibaato qofka soo
gaadhay ee loo yaqaano Post Traumatic Stress Disorder. Haddaan arrintaa dul istaago, waxan
xusi lahaa in IHMS ay diyaarisay sagaal dhakhtar si ay ula tacaalaan kor u kaca ku yimi tirada
dadka ka cabanaya xanuunka walaaca ka dhasha dhibaato qofka soo gaadhay ee loo yaqaano
Post Traumatic Stress Disorder wixii ka dambeeyay 16 – 18‐kii February 2014.
Waxa aanhoos ku qeexay dhawr tusaale oo muujinaya macluumaadka loo soo gudbiyay
Warbixinta, laakiin dhamaan qoraallada laga sameeyay afartii kulan ee su’aalaha iyo jawaabaha
ahaa ee aan la yeeshay hoggamiyayaasha bulshooyinka, iyo qoraallada waraysiyadii aan la
yeeshay dad gaar ah oo ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay, iyo foomamka jawaab‐
celinta ah ee ka badnaa 270‐ka foom, iyo qoraallada IHMS ee ku saabsan nooca dhaawacyada ay
daweeyeen shaqaalaha caafimaad iyo wixii uu sheegay qofkii markhaatiga ahaa ee goob‐jooga
ka ahaa dhaawacii gaadhay Reza Barati dhammaantood waxay taageerayaan hadallada dadka la
soo gudbiyay.
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐; xerada Mike) ayaa waxa uu Warbixinta u soo
gudbiyay foom jawaab‐celin ah oo macluumaadkani ay ku qornaayeen:
Si kasta ha ahaatee, habeenkaas ciidamada G4S iyo dad xidhan dirays madaw oo ilaalada ah iyo
dadka deegaanka jasiiradda Manus ayaa qolkayga isku soo shubay. Inkasta oo aan marar badan
u sheegay in aan xanuusanayo oo aan ka cabanayo dhibaatooyin xaga jidhka ah oo khatar ah,
laakiin dan kamay galin hadalkayga oo intaas oo dhan way i aflagaadaynayeen. Kadibna aad
ayay ii garaaceen, intaa kadibna madaxa ayaa i dilaacay, ishayda bidixna guntin dhiig ah ayaa
isku soo taagtay, indhaha hoostooduna jug ayaa iga gaadhay, gacantayda midigna way
burburtay, garabkayga bidixna aad ayuu u waxyeeloobay. … Waxay xadeen qalabkaygii MP4‐ka
ahaa iyo muraayadahaygii iyo alaab kale oo aan leeyahay.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
68
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐; xerada Mike) waxa uu yidhi:
Shaqaalaha deegaanka u dhashay ee shirkadda G4S ayaa daaqada qolkayga ku soo jabiyay
dhagaxaan waawayn, dhawr jeerna wajiga iyo madaxa ayay feedh iyo qasabadaha biyaha igaga
dhufteen. … askarta deegaanku sidoo kale waxay xadeen hantidaydii ku jirtay kabadhkayga
(sameecado, iPod, MP3 player, laba ah flash memory, saddex RAM iwm).
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐; xerada Mike) waxa uu yidhi:
Waxaan u sheegay in aanan anigu ku lug lahayn mudaharaadyada, laakiin imay dhagaysan oo 8
kamid ah ilaalada ayaa bilaabay in ay ii garaacaan sidii oo aan cid dilay waxaanay igu jajabiyeen
3 kursi dhabarkana way igala dhaceen waxaanay ila dheceen qasabadaha ay siteen xagooda
dambe … way i caayeen waxaanay bilaabeen in ay igaga cadhaysiiyaan kalmado xun‐xun sida
‘Ina dhillo ma waxaad rabtaa xorriyad. Hoo qaado qorriyadda hooyadii wa....ow’. Sidoo kale
booliska ayaa la socday, halka ilaalada reer Australia ay daawanayeen oo aysan xitaa isku dayin
in ay iga kaxeeyaan….
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐; xerada Mike) waxa uu yidhi:
Waxa la i garaacay habeenkii February 17‐keedii alaab badan oo aan lahaana waa la xaday.
Sidaa awgeed, waxaan dhawr jeer qoray cabashooyin, waxana la iisoo diray jawaab ah booliska
PNG ayaa cabashadaada eegi doonta. Waxa wax i yeelay Booliska iyo G4S habeenka dhacdadu
dhacday, dhamaan alaabtaydiina waa la xaday. Yaa ka masuul ah dhacdooyinkaas? Ma jirto cid
ka jawaabi karta wixii i gaadhay ee ahaa garaacitaanka iyo dhaawacyada jidhka iyo kuwa
maskaxda.
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐; xerada Foxtrot) waxa uu yidhi:
Waxa aan ku fadhiyay sariirtayda anoo jooga qolkayga, markii ay xerada soo weerareen G4S iyo
Booliska PNG oo ay soo galeen marinka guryaha hortooda, kadibna si lama filaan ah ayay u
fureen albaabka qolka booliskuna waxay rideen xabbad madaxayga dul martay, kadibna waxay
iga saareen qolka waxaanay bilaabeen in ay I garaacaan oo ay feed hila dhacaan oo ay ila
dhacaan qoriga dabadiisa oo ay la dhacaan gacantayda oo ku jirtay fiyaarada albaabka…
Mid ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay oo goob‐joog ka ahaa kulankii labada saacadood
ee su’aalaha iyo jawaabaha ahaa ee ka dhacay xerada Delta ayaa yidhi (laakiin la soco in
hadalkani uu yahay kutidhi‐kuteen)
Xerada Mike haddii ay dadku siiyaan 10 baakidh oo sigaar ah lama garaacayn. Sababtoo ah
sigaarku waa sida jeegga lacagta oo kale. Halka xabbo ee sigaarka ahi waxa la macno tahay …
waa iska sidaas. Haddii aad siiso sigaar, waxba kuma odhanayaan. Waa shayga kaliya ee aanu
isku furan karno kadibna 1 baakidh, 2 baakidh, 3 baakidh. Dadka iyagu bixiya wax ka badan 5
ama 6 baakidh may garaacin xerada Mike dhexdeeda.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
69
Warbixin kale oo saxeexan laakiin aan la aqoonsan oo laga helay mid kamid ah dadka la soo
gudbiyay oo ku sugan xerada Mike ayaa odhanaysay:
…booliska iyo dadka deegaanka iyo G4S ayaa soo galay guryaha oo jajabiyay daaqadaha si ay
dadka uga cabsiiyaan waxaanay waydiisanayeen sigaar si ay naftooda u badbaadiyaan …
waxaanay xadeen alaab badan oo aanu lahayn, alaabta la iga xaday waxa kamid ah:
sameecado dhagaha oo ah nooca Beats, saacad ah G‐Shock, iPod… kabahaygii …
Mudane T1 oo isagu ku sugan xerada Mike ayaa Warbixinta u sheegay:
Laakiin dadka deegaanku xayndaabka xagiisa dambe ayay kasoo ilaalinayeen. Iyagu (dadka
deegaanku) waxay galeen qolalkooda (qolalka dadka la soo gudbiyay) waxaanay jabiyeen
qufulada qaarkood iyo daaqadaha qolalka waxaanay dalbanayeen sigaar si ay dadku naftooda u
badbaadiyaan ama waxay xadayeen alaab badan oo ah alaabtayadii. Anigu shakhsiyan waxan
waayay sameecadaydii, iyo MP3 player, iyo iPpod, iyo saacaddaydii iyo kabahaygii.
Waxa jira hadallo badan oo kuwan oo kale ah oo laga heli karo foomamka jawaab‐celinta ah ee
ay dadka la soo gudbiyay soo gaadhsiiyeen Warbixinta.
Warbixin ay soo saartay IHMS oo ku saabsan Jasiiradda Manus, 0330, 18‐kii February 2014 oo
loo diyaariyay saraakiisha waaxda Xafiiska Qaranka ee ku yaala magaalada Canberra ayaa
xusaya:
Kooxdayada caafimaad waxay diyaarisay goob kale oo loogu talagalay in dhaawaca faraha
badan la geeyo oo ka soo horjeedda doonta Bibby Progress halkaasaanay ku eegeen kuna kala
saareen dhaawaca. Tirooyinka imika la hayaa waxay sheegayaan in aanu aragnay 70 bukkaan
ah. Waxa 70 kaas ku jiray 40 dib loogu celiyay goobaha ay daganaayeen. Inta hadhay ee 37‐ka
ahna 22 kamid ah ayay soo gaadheen dhaawacyo fudud, 13 ka mid ahna waxa soo gaadhay
dhaawacyo culus, midkoodna waxa soo gaadhay dhaawac khatar ah, midkoodna waxa uu
dhintay qiyaastii 0400 (afartii) habeenimo ee wakhtiga magaalada Sydney. … Dhaawacyada
khatarta ah waxa ka mid ah dhaawacyo furan iyo kuwo xidhan oo madaxa ah oo leh gariir ama
qalal iyo miyir‐beel, iyo dhaawac rasaas ah oo badhida ah. Waxay u eegtahay in 9 ka mid ah
dadkaas ay u baahan doonaan sawirka loo yaqaano CT Scan waxana suurtagal ah in ay u
baahan doonaan in la eego in ay u baahan yihiin qalliin xaga neerfayaasha ah.
Qoraalka waraysigii laga qaaday Maareeyaha Qandaraasyada ee ururka The Salvation Army
waxa uu dhigayaa:
Jawiga Xaruntu maalintaas Salaasada ah aad ayuu u daganaa, waanuu uba dhawaa mid cabsi
leh. Ururka TSA maalintaas muu tagin xeryaha laakiin waxay sheegtay in rasaastu ay ‘argagax
aad u wayn ku ridday dadka la soo gudbiyay’.
Waxa aan la kulmay laba ka mid ah shaqaalaha hayada Adeegyada Caawinta iyo Baxnaanashada
Dadka ka Badbaada Jidh‐dilka iyo Dhaawaca Maskaxeed, kuwaas oo iyagu la hadlay dadka
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
70
bukaanka ay ee ay u adeegayeen kulana hadlay Xarunta 18‐kii February 2014. Xerada Mike,
waxay:
… arkeen muuqaal ah mid u eeg muuqaalada goobaha dagaalka, halkaas oo dhammaan raggu
ay ahaayeen kuwo ku jira xaalad ah argagax oo iyagoo dawakhsan isla markaana jaha‐
wareersan ay hor fadhiyeen qolalkooda. … hayada STTARS dadka macmiisha u ah iyo dadyow
kale ayaa u yimid labadoodaba iyagoo raadsanaya in laga caawiyo dhaawacyo jidhka ah iyo
kuwo maskaxda ah (sanka oo jabay, nabrro aad u daran, dilaacyo, jilbaha iyo gacmaha oo
murkacday ama kala baxay, dhaawacyo madaxa ah) iyo dhibaato iyo niyad xumo. … Raggu
waxa ay muujiyeen in ay cabsi ka qabaan ammaankooda, iyo inay u cadhaysan yihiin G4S iyo
dadka deegaanka ee reer PNG/G4S iyo booliska iyo Xukuumadda Australia iyo in ay u
baahanyihiin taageero iyo in ay sida ugu dhakhsaha badan la xidhiidhaan qoysaskooda.
Ugu dambayntii, kadib kulankii labada saacadood ahaa ee aan la yeeshay hoggaamiyayaasha
bulshooyinka xerada Mike 16‐kii March 2014, waxay iigu baaqeen in aan booqdo xeradooda si
ay ii tusaan daloollada ama raadadka ay rasaastu kaga tagtay gudaha iyo dibadda dhismayaasha.
Waan booqday waxaanan u tagay 4.30 (afartii iyo badhkii) galabnimo.
Mudane T1 wuxuu ahaa qofka ugu muhiimsan ee i hagayay ama i hoggaaminayay waxan
arkayna waa sidan soo socota.
Ugu horrayn waxa la i tusay godad ama daloolo ay rasaastu kaga tagtay dhismayaasha
gidaaradooda xiga dhinaca goobaha bannaan ee xerada Mike. Meel u dhaw albaabka xerada ee
xiga dhinaca wadada Pugwash, waxa jiray:
Godad ay rasaasi kaga tagtay gidaarka dhismaha isla markaaba midigta kaa qabanaya marka aad
gasho xerada
God ay rasaasi kaga tagtay diilinta saqafka goobta madadaalada, iyo
Godad ay rasaasi kaga tagtay gidaarka dhismaha isla markaaba bidixda kaa qabanaya marka aad
gasho xerada
Godadka ay rasaastu kaga tagtay gidaarrada dhismayaashu waxa ay gidaarrada kaga beegmeen
meel jooggeedu ku beeganyahay laabta ama xabbadka nin dhererkiisu meel‐dhexaad yahay.
Dhinaca dambe ee xiga waqooyi‐galbeed ee xerada, waxa weeyaan xaga dambe ee
dhismayaasha la daganyahay ee la yidhaahdo MA1 iyo MA2, waxa ku yaalay godad rasaasi ka
tagtay oo kale oo ka muuqday dhismaha haykalkiisa, rasaastaas oo midi ay daloolisay gidaarka
una gudubtay tiirka haya jaranjarada. Godadka rasaasta midkood waxa ay gidaarka kaga
beegnayd meel jooggeedu ku beeganyahay laabta ama xabbadka mid kalena waxay dhulka ka
sarraysay mitirka marka saddex meelood loo qaybiyo laba meelood.
Kadib indha‐indhaynta aan ku sameeyay dhismayaasha dibaddooda, waxa la ii qaaday dabaqa
sare (MA2) waxaana la i tusay godad rasaaseed oo kale. Mid ka mid ah qolalka hurdada, godka
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
71
rasaastu waxa uu tilmaamayay in ay rasaasi dhismaha ka soo gashay meel in yar dhinaca bidix ka
xigta salka xakabadda daaqadda (oo ka sarraysa salka xakabadda kana hoosaysa rakadeeda
sare), kadibna ay qolka dhex martay iyada oo xaga sare u socota, kadibna ay ka baxday gidaarka
ka sarreeya rakada sare ee dhinaca (waqooyi) kale ee qolka. Intaa ka dib waxa la i geeyay qolka
hurdada eek u xiga qolkaa hore aynu u soo sheegnay waxaanan arkay meesha ay rasaastu ka
gashay siliiga qolkaas.
Mid ka mid ah dadkii ku jiray labadaa qol ayaa ii sheegay in uu ag taagnaa daaqada – oo uu ku
toosnaa halkii ay rasaastu soo maraysay – isagoo hoos u eegaya waxa dibada ka socday intii uu
qasku socday. Wali wuxuu ka argagaxsan yahay in hadii uu halkii sii taagnaan lahaa waxqti
dheer ay suurtagal ahaan lahayd in ay rasaastu ku dhacdo.
Waxa jira suqduudyo la maro oo shabag ah oo u dhaxeeya qolalka hurdada ee ku yaala dismaha
MA 1 iyo MA 2 albaabada qolalka hurdaduna waxay u furmaan xaga dibada. Dabaqa hoose (MA
1), Waxa lay tusay dhowr calaamadood oo ku yaala gidaarada kuwasoo la yidhi waa calaamado
ay ka tagtay rasaastii laga ridayay suqduudka ee ka soo dhacaysay xerada xageeda danbe.
Waxa lay geeyay qol gaar ah oo ku yaala dabaqa hoose. Waxa la ii sheegay in albabka qolku uu
furnaa oo uu suqduudka iyo isaga ay ka dhex samaysantay xagal sagaashan ah xoogaa waqti ah
ka dib marki ay boolisku soo galeen xerada ninkii I hogaaminayay waxa uu ii tilmaamay shan
meelood oo albaabka dhiniciisa guduhu uu ka diisdiismay – sadex ka mid ah meelahaasi way is
garab yaaleen oo waxay xigeen albaabka xagiisa sare labana way ka hooseeyeen oo waxay ku
beegnaayeen meel la siman jilibka – meelahaas oo la sheegy isla markaana u eekaa in ay yihiin
radad ay ka tageen rasaasihii dhacayay.
Qaybta 8aad: Geeridii Reza Barati iyo Dhaawacyadii Kale ee Cuslaa
Mudadii u dhaxaysay 16 – 18‐kii February 2014, Shirkada IHMS waxa aydawaysay ugu yaraan 96
qof. Shaki kuma jiro in ay dad kale soo gaadheen dhaawacyo fudud laakiin aysan raadsan
daryeel caafimaad. Qaar ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay Wax ay sheegeen in nabaro
soo gaadheen balse ay go’aansadeen in aysan degin rugta daryeelka caafimaad ee shirkada
IHMS walaac ay qabeen awgeed.
Waxa jiray dadkale oo iyagu soo doontay daawayn caafimad, siiba in laga daweeyo xanuunka
walaaca ka dhasha dhibaato qofka soo gaadhay ee loo yaqaano Post Traumatic Stress Disorder,
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
72
Maalmihii ka danbeeyay dhacdooyinka uu baadhitaanku ku socdo. Shaqaalaha sarsare ee
shirkada IHMS ee lagu waraystay Xarunta Manus waxa ay ii sheegeen in ay isla markiiba
hawlgailiyeen sagaal dhakhtar oo dheeraad ah oo bixiya adeegyada cafimaadka maskaxda ah ka
dib 18‐kii February 2014 si loo tacaalo bukaanka iyagu ka cabanaya xanuunka walaaca ka dhasha
dhibaato qofka soo gaadhay ee loo yaqaano Post Traumatic Stress Disorder.
Sideed ka mid ah bukaanka waxa loo qaaday magaalada Port Moresby midna waxa la geeyay
Australia si ay u helaan daaway caafimaad oo takhasusu ah.
Intaa waxa dheer, qaar badan oo ka mid ah dadka la soo gubiyay ee iyagu Warbixintan u soo
gudbiyay foomamka jawaab‐celinta ayaa waxa ay idhaahdeen in ay dhibaato ka haysato
seexashada, oo ay ku riyoodaan riyo cabsi leh isla markana ay cabsi ka haysato amaankooda oo
ay ka baqanayaan weerar kale. Mararka qaarkood welwelkani waxa uu gaadhay heer ay ku soo
waramaan inaanay haba yaraatee habeenkii seexanin, oo malintii oo kaliya ay seexdaan.
Dadka dhaawacmay intooda badan iyo dhamaan dadka ay soo gaadheen dhaawacyadad
culculus waxay ay ahaayeen dadka xarunta loo soo gudbiyay. Dadkaas afarta xaladood ee ugu
khatarsan waxa ay ahaayeen:
Reza Barati (Lambarka doonida FRT067) Kaas oo u dhintay dhaawacyadii soo gaadhay
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ kaas oo ay ka soo dhacday isha midig
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ kaas oo badhida laga toogtay, iyo
Mudane T2 kaas oo dhuunta laga jeexay.
Tafaasiisha Mudane T2 dhaawaciisa hore ayaa loogu qeexay Qaybta 6aad ee Warbixintan.
Duruufaha ku xeersan dhaawacyada kale hoosta ayay ku qeexan yihiin.
8.1 Reza Barati
Mudane Barati waxa uu ahaa nin reer iraan ah oo da’a yar kaaso oo deganaa xerada Mike.
Wuxuu ahaa nin dherarkiisu yahay qiyaastii laba mitir waxaana u ka mid ahaa dadka xarunta loo
soo gudbiyay ee bulshadaa ka soo jeeda kuwa ugu caansa. Saaxiibadiisa ku sugan xerada Mike
waxa ay sheegeen in uu ahaa nin aad u dabci qabow.
Intii uu qasku socday habeenkii 17‐kii February 2014, Mudane Barati waxa soo weeraray tiro dad
ah weerarkana waxa markhaati ka ahaa ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ Kaas oo aan ugu yeedhi doono
Mudane T3. Mudane T3 waxa uu yidhi isaga iyo Mudane Barati waxa ay ahaayeen saaxiib waxa
aanay ka wada imaadeen oo ay dooni ka soo wada raaceen dalka Indonesia.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
73
Mudane T3 booliska dalka PNG kala ma uu hadlin weerarkaas ka hor markii aan waraysiga aan
ka qaaday sababtoo ah waxa uu yidhi:
Ma dareensani in aan amaan ahay. Waxaan dareemayaa in ay rabaan in ay I dilaan.78
Mudane T3 hore ayuu u sheegay in uu booliska siin doono warbixin kaliya hadii garyaqaankiisa
reer Australia (kaas oo aan haysanin fasax uu kaga shaqayn karo dalka PNG) uu la socdo laakiin
Waaxdu way diiday in ay garyaqaanka ka bixiso kharashka si uu u tago Manus U jeedadaa
awgeed. 79
Hase yeeshee Mudane T3 wuxuu ii la hadlay si qalbi furan markii aan ka qaadayay waraysi
duuban. Wuxuu ii sheegay sida soo socota.
Wuxuu ku noolyahay oo uu degan yahay dhismaha block MA 6. Qolkiisu wuxuu ku yaalaa
dabaqa sare waxaanuu suqduudka ka soo eegi karaa dusha suqduudkaas oo ku dhex aala qolalka
kuna beegan badhtamaha xerada waxa jira jaran jarooyin bir ah kuwaas oo leh rako ku beegan
dabaqa sare taas oo ka baxsan dhismayaasha. Intii ay dhacdooyinkaasi socdeen Mudane T3
waxa uu ka daawanayay albaabka qolkiisa oo furnaa.
Waqtigaas, dadkale oo goobtoogayaal ah ayaa qolka kula jiray isaga. Mudane T3 waax uu
dadkaas ku kala sheegay in ay kala ahaayeen ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ Waxaanu sidaa
ku sheegay qoraal gacanta lagu qoray oo uu ii soo gudbiyay intii uu socday waraysigu.
Ninka goobjoogaha ah ‐‐‐‐‐ waxa la rumaysan yahay in uu yahay ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ kaas oo ku
sheegay foomkii jawaab‐celinta ahaa ee uu u soo gudbiyay Warbixintan:
Waxaan arkay dhacdadii dilkii saaxibkay waxaanan ka arkay daaqada maqsinkayga. Waxaan
arkay sidii waxshinimada lahayd ee loo dilay. Habeenkaa wixii ka danbeeyay xaladayda maskax
ahaaneed may wanaagsanayn. Habeenkii ma seexan karo, markastana waan walaacsanahay
waxaanan ku riyooday riyooyin cabsi leh, markastana waan cabsadaa.
Foomkiisa jawaab‐celinta wuxuu ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ ku sheegay:
… Maadaama aan arkay dilka saaxiibkaygii qolka ila deganaa waxa igu dhacday jidh dil xaga
maskaxda ah.
Warbixintu waxa sidoo kale soo gaadhay foom jawaab‐celin ah oo ka soo gaadhay ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐
‐‐ foomkaas oo uu ku idhi:
78 Qoraalka waraysiga, bogga 19aad iyo ka 16aad 79 Intaa kadib, Waaxdu waxa ay maalgalisay qareen ama looyar reer Australia ah oo ka shaqeeya Port Moresby si uu u yimaado Manus oo uu ka qayb galo waraysiyada booliska ee ku saabsan dhimashadii Mudane Barati ee lala yeeshay Mudane T3 iyo 10 kale oo ah dadka la soo gudbiyay waraysiyadaas oo dhacay toddobaadkii bilaabmayay 14 April 2014. Isla markii ay dadka la soo gudbiyay arkeen in uusan jirin wax laga warwaro oo ku jira ka qayb galista waraysiyada booliska, 18 kale oo ah dadka la soo gudbiyay ayaa iskeenay iyaga oo aan codsanin in qareen uu goob‐joog ahaado.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
74
Waxaan hortayda ku arkay Reza Barati oo la dilayo, Guutada Wareegta iyo G4S ayaa madaxa
kala dhacay dhagaxaan iyo ulo anaguna waanu badbaadin kari waynay saaxibkayo.
Mudane T3 wuxuu leeyahay markii ay mudaharaadyadu dhaceen, Mudane Barati waxa uu ku
jiray qolka internetka markii hore ka dibna markii rasaasta xerada Mike laga riday, Waxa uu
arkay Reza Barati oo soo fuulaya jaranjarada kuna soo socda qolkiisa. Mudane Barati waxa soo
daba galay muwaadin u dhashay dalka PNG kaas oo uu u yaqaanay isagu ‐‐‐‐‐‐ kaas oo la
shaqayn jiray ururka The Salvation Army.
‐‐‐‐‐ Waxa loo aqoonsaday in uu yahay ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ ururka The Salvation Army isaguna wuu
xaqiijiyay inuu ninkaasi u shaqaynayay. Markii aan booqday Xarunta, waxa jiray ogaysiis ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐
‐‐‐‐‐ lagu dhajiyay staanka basaska yaryar ee loo yaqaano minibus ee taga doonida Bibby
staankaas oo ku yaala albaabka wayn. Ogaysiiska waxa ku qornaa qoraal macnihiisu yahay in
haba yaraatee ninkaas aan loo ogolayn in uu soo galo Xarunta.
Mudane T3 isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu idhi:
Haa, waa ninkii isagu – markii isagu (waa Mudane Baraati ee) uu isku dayayay inuu dabaqa sare
u baxo, laba jeer ayuu ku dhuftay ul aad u dheer, markii uu soo gaadhay albaabka qolka, ee uu
isku dayayay in uu dabaqa sare u baxo hadana dhulka ayuu u dhacay. Markii uu dhulka u
dhacay, in ka badan toban sarkaal ayaa soo ag maray dhamaantoodna, madaxa ayay ka
laadeen. Anigu nimankaas saraakiisha ahwajigooda waan garanayaa. Hadii aad haysaan
sawirka wajiyada saraakiishaas habeenkaa shaqaynayay, waan garan karaa dhamaantood,
waxa ku jiray muwaadinin u dhashay dalka PNG, iyo ilaalo u dhashay dalka PNG iyo dad ajanabi
ah oo reer Australia ah. Waxay soo jabiyeen xayndaabyadii, waxaanay ka soo dul boodeen
xayndaabka ka dibna way noo imaadeen oo way na soo weerareen, ilaaladu xaga hore ayay
nagaga timi. Markii uu dhulka u dhacay, dhamaan ilaalada soo ag maray madaxa ayay ka
laadeen, kii ugu danbeeyay oo ahaa dadka u dhashay dalka PNG ‐‐‐‐‐‐, ninka la odhan jiray ‐‐‐‐‐‐,
dhagax wayn ayuu madaxa ka saaray. 80
Ma cada sidii mudane barati looga soo qaaday jaranjarada dusheeda dibno loogu celiyay goobta
banaan ee ku taala xarunta Mike badhtamaheeda.
Si kasta ha ahaatee Dinesh Perera, kaas oo ah Maareeyaha Hawlgalada Shirkada G4S ayaa
markuu xaalku halkaa marayay arinka soo dhex galay. Qoraalkan hoos ku qoran ee laga soo
xigtay waraysigiisii waxa uu ku sharaxayaa wixii uu sameeyay:
Mudane Perera iyo sarkaal kale oo ka tirsan shirkada G4S ayaa joogay albaabka way nee xerada
Foxtrot markii ay maqleen dhawaaqa rasaastii la riday abbaaro 11.26 habeenimo. Waxay ku
soo laabteen xerada Mike waxaanay soo mareen wadada wayn ka dibna waxay arkeen
80 Qoraalka waraysiga, bogga 3aad sadarka 6aad ilaa ka 18aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
75
xayndaabka xaga bidix ka xiga albaabka wayn oo la riday. Waxa jiray tiro ka mid ah dadka
xarunta loo soo gudbiyay oo dhaawacan kuwaas oo ku sugnaa xerada dibadeeda. Waxay
qiimayn ku sameeyeen xaalada laba qof oo dadkaa ka mid ah kuwaas oo u muuqday in uu soo
gaadhay dhaawac xun ka dibna waxay u direen dadkaas IHMS.
Intaa ka dib waxay fureen albaabka waxaanay galeen xerada Mike. Dadka xarunta loo soo
gudbiyay dhulka ayay fadhiyeen waxaanay ku sugnaayeen goobta cuntada iyo meel ka baxsan
dhismayaasha la degan yahay.
Reza Barati waxa uu yaalay dhulka buste dushii meel u dhaw qolka cuntada. Mudane Perera,
kaas oo haysta shahaado ah gargaarka degdega ah, ayaa eegay garaaca wadnihiisa, wajigana
ka dhirbaaxay magaciisana u yeedh yeedhay laakiin umuu jawaabayn. Waxa ay mudane Barati
dul saareen gaashaan la isku difaaco oo ay leedahay kooxda IRT waxaanay si toos ah ugu direen
IHMS oo ay saareen gaadhi ka mid ah gawaadhida adeegyada kaas oo yaala xereda meel ka
baxsan.81
Markii u Mudane Barati soo gaadhay xarunta gargaarka degdega ah ee lagu kala sooco bukaanka
kuna taala dekedad ku taala doonta Bibby, halkaas ayaa xaladiisa lagu eegay oo ay ku
daweeyeen isla shaqaalihii caafimaad ee ka socday shirkada IHMS ee iyagu daweeyay Mudane
T2 Habeenkii habeenkaa ka horeeyay.
Sarkaalka caafimaad waraysigii laga qaaday qoraalkiisa waxa ku jira macluumaadkan hoos ku
qoran eek u saabsan Mudane Barati:
Isagu waxa uu si aan joogto ahayn gacan uga gaysanayay dawaaynta Mudane Barati lagu
daawaynayay xarunta gargaarka degdega ah ee bukaanka lagu kala soocayay. Markii Mudane
Barati la keenay, wali wuu noolaa laakiin shaqaalaha caafimaad waxay dhaawacyada ku dhacay
ka garteen in aanuu badbaadi doonin.
Mudane Barati madaxiisa waxa qarxiyay dilaac kaga dhacay dhinaca bidix ee dhakadiisa. …
Sidoo kale wajiga waxa kaga yaalay meelo diirku ka qaadmay iyo garaacid taasoo tilmaamaysa
in garaacida la garaacay ay ahayd mid guud (oo aan kaliya ku koobnayn madaxa.)
Dhakhtarka daawaynayay waraysigii laga qaaday qoraalkiisu qodobadan soo socda ayuu intaa ku
darayaa:
Marki Mudane Barati la keenay xarunta gargaarka degdega ah ee bukaanka lagu kala sooco eek
u taala dekada waxay ogaatay in uu neefsanayo, wadnihiisuna inuu wali garaacayo cadaadiska
dhiigiisuna caadi buu ahaa.
Si kasta ha ahaatee, bu’da indhihiisu way taagnayd waanay balaadhatay iftiinkana kamay fal
celinayn taasina waa calaamad caafimaad ahaan aad u xun oo tilmaamasay in cadaadis badani
81 Qoraalka waraysiga, bogga 2aad ilaa ka 3aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
76
maskaxdiisa ka jiro isla markaana uu dhakada kaga dhacay dhaawac ba’an. Dhakadiisa waxa ku
yaalay dilaac furan …
Bukaanka dhiig ayaa ka socday xaga danbe ee dhakadiisa dhiigaas oo dhulka ku socday
waxaana joojiyay shaqaale caafimaad.
Mid ka mid ah kalkaaliyaasha caafimaad ayaa isagu la joogay bukaanka si uu u hubiyo in hawo
mareenadiisu ay furnaadaan si ay u suurto gasho inuu neefsado sababtoo ah cadaadiska
maskaxdiisa ka jira waxa suurta gal ahayd in uu neefsashada ka joojiyo. Dhakhtarku markii hore
wuxuu bukaanka afka ka galiyay tuumbo isagoo isku dayaya inuu tuumbeeyo. Markii uu sidaa
samaynayay, waxa jiray dhiig gudaha ah oo ka socda xaga danbe ee sanka iyo dhuunta isla
markaana gabi ahaanba xanibay aragtidii, markaa waxa qasab ku noqotay dhakhtarada in ay
iyadoon waxba arkayn tuunbada galiso. Markii isku daygaasi uu guul daraystay, dhakhtaradu
wax ay go’aansatay inay qaliin ku samayso bukaanka dhuuntisa si ay halkaa tuumbada uga
galiso oo hawo mareenkiisu u furnaado. Talaabadaasi waxay noqotay mid lagu guulaysto
Mudane Baratina intii ay camaliyadu socotay wuu degenaa.
Mudane Barati waxa loo qaday cisbitaalka waxaana la saaray ambalaas iyadoo ay la socdaan
dhakhtar iyo kalkaaliye cafimaad kale oo ka tirsan IHMS. Ambalaaska gudihiisa intuu ku jiray,
heerka garaaca wadnihiisu ayaa hoos uga soo dhacay 80 oo soo gaadhay 60 hadana 40 garaac
daqiiqadiiba, taasina waxay horseeday dhimashadiisa oo ka dhalatay wadnaha oo istaagay, isla
markaana dhakhaatirtii dawaynayay ay sheegeen in dhimashadaasi ay tahay jawaab‐celinta
heerka labaad ee caadi ahaan ka dhalata marka uu kor u kaco cadaadiska maskaxdu halka ay
jawaab‐celinta heerka koobaad ay tahay maskaxda oo uu ku dhaco dhaawac daran.
Sida uu dhakhtarka bukaanka dawaynayay uu qabo, Mudane Barati kamuu badbaadeen
nabarkan xitaa hadii uu nabarkaasi ku dhici lahaa isagoo jooga tusaale ahaan magaalada
Sydney oo isla markaana heli lahaa daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan ee magaaladaa ku
diyaarka ah.
8.1 Ninkii ka mid ahaa dadka xarunta loo soo gudbiyay ee isha midig ka soo dhacday
Iimay suurto galin in aan waraysto ninkay ishu ka soo dhacday isagoo jooga dalka PNG sababtoo ah waxa
laga qaaday Xarunta Manus si uu dad kubaro ah uga helo daawayn caafimaad oo meel kale ah.
Macluumaadka kaliya ee ay Warbixintani hayso waxay ku saabsan tahay heerka uu gaadhsiisnaa
dhaawacii ku dhacay habeenkii 17 – 18‐kii February 2014.
Markii ninkani soo gaadhay xarunta IHMS ee gargaarka degdega ah isla markaana bukaanka lagu kala
saaro, waxa caawiyay isla dhakhaatiirtii daryeelayay Mudane Barati.
Waraysigii laga qaaday dhakhaatiirta qoraalkiisu wuxuu xusayaa:
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
77
Ninka ay isha midig ka soo dhacday waxa la keenay xarunta gargaarka degdega ah si uu u helo
daryeel caafimaad. Waxa uu yidhi eegistiisa oo kaliya ayay ka muuqatay dhibanaha in lala
dhacay ul ama bir. Wajigiisu si layaab leh ayuu u bararsanaa una casaa una dhiigayay.
Dhakhtarka daawaynayay waraysigii laga qaaday qoraalkiisu fiirooyinkan soo socda ayuu intaa ku sii
darayaa:
Markii ay timi, waxa ay aragtay in dhinaca midig ee bukkaanka wajigiisu uu aad u bararsanaa
oo uu u maqaarkiisu u giigsanaa sidii durbaan oo kale waxaana wajigiisa ku talay jug
midabkeedu yahay madaw iyo buluug. Ishiisa midig waxa ku xeersanaa bararka. Bukkaanku
waxa uu dareemayay xanuun laxaad leh aadna wuu u saxariirayay. Markii ay eegtay,
dhakhtaraddu ninka ishiisa iyo dhaawaca maskaxda kaga dhacay waxay labada ka
warwarsanayd ishiisa.
Dhakhtarku waxay ka warwarsanayd in xanuunka aadka u sarreeya ee uu dareemayay ay
suurtagal noqon karto in macnihiisu yahay in ay jirto guntin dhiig ah oo ku guntantay meel ka
dambaysa godka ishu ku jirto, taas oo burburin karta dareemaha araga oo isla markaana sababi
karta in ishaas aragu ka lumo. Haddii arrinku sidaa yahay, waxa qasab ku ah dhakhtaradda in ay
samayso jeexitaan ilyarada ah oo isha dhinac kaga beegan si cadaadiska loo yareeyo.
Markii dhakhtaraddu ay isha jeexday, dhiig iyo maaddo ama walax midabaysan ayaa soo
dareeray, taas oo tilmaamaysa in bukaanka ishiisa uu dilaac ku yimi… Taa macneheedu waxay
noqotay in jeexitaanka ilyarada lagu sameeyay uusan ahayn arrin caafimaad ahaan
muhiimadda koowaad leh.
Waxay bukkaanka ka daaweeyeen xanuunka waxaana loo diray cisbitaal ku yaala Lorengau.
Dhakhataradda daawaynaysay way raacday.
Dhakhtaraddu waxay tidhi way caddayd in nabarrada ninka ku dhacay uu sabab u ahaa
garaacid ba’an oo lagu garaacay walax adag.
8.3 Ninkii dadka xarunta loo soo gudbiyay ka mid ahaa ee badhida laga toogtay
Markii guutada wareegta ee Booliska ahi ay gashay xerada Mike oo ay bilawday ridista rasaasta, ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐
waxa laga toogtay badhida. ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ wali waxa lagu dawaynayay magaalada Port Moresby markii aan
booqday Xarunta Manus, markaa waraysi lamaan yeelanin.
Si kasta ha ahaatee, macluumaadka la hayo waxa ka muuqda in aysan jirin cid arkaysay sida uu
dhaawaani u dhacay in kasta oo ay dadka xarunta loo soo gudbiyay qaarkood sheegeen in ay door ka
ciyaareen caawinta ninka markay ogaadeen in uu dhaawacmay.
Sarkaalka caafimaad eek a IHMS waxa uu igu yidhi:
Markii ninka xabadda lagu dhuftay loo qaaday goobta gargaarka dagdagga ah, dadkii
caawinayay ninku waxay ku dhawaaqayeen ‘Xabad! Xabad!’
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
78
Shaqaalaha IHMS dhakhso ayay u qiyaaseen in dhaawacu uusan ahayn mid noloshiisa khatar ku
ah, kadibna waxay u fidiyeen daawayn aasaasi ah waxaanay u direen cisbitaalka.
Dhakhtarka ninka daawaynayay qodobadan soo socda ee la xidhiidha ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ ayuu sheegay:
Ilaalada G4S ee ninkan keenay xarunta gargaarka dagdaga ah ee laga sameeyay dakadu waxay
ku dhawaaqayeen ‘Dhaawac xabadeed!’ intay soo socdeen. Waxa uu dareemayay xoogaa
xanuun ah laakiin xanuunku muu ahayn mid xad‐dhaaf ah. Bukkaanku muu garanayn waxa ku
dhacay boqolkiiba boqol laakiin eegitaankii la eegay waxa uu muujiyay in xaga sare ee
badhidiisa midig uu ku yaalay dalool laba santimitir ah oo la arki karo. Markii in muddo ah isha
lagu hayay dhaawaca ku yaalay, waxa caddaatay in uusan jirin dhiigbax gudaha jidhka ah.
Shaqaalaha caafimaad intaa kadib nabarkii ayay xidheen waxaanay ku rakibeen faleebo
dhulkaanay jiifiyeen oo waxay dusha ka saareen buste. Markii hore waxa ilaalinayay kalkaaliye
caafimaad markii dambena mid ka mid ah shaqaalaha ururka Salvation Army ka dib markii ay
caddaatay in bukkaanka xaaladdiisa caafimaad ay dagan tahay.
Markii dambe, dhakhtaradda ayaa bukkaankan iyo ninkii kale ee ishu ka soo dhacday u raacday
cisbitaalka Lorengau iyagoo saaran gaadhi four‐wheel drive ah oo xaga dambe dhinac walba ay
fadhiisan karaan shan qof. Bukkanka xaaladdiisa caafimaad aad ayay u daganayd intii safarka
lagu jiray, kaas oo qaatay qiyaastii saacad.
Sawir x‐ray ama raajo ah oo laga qaaday ninka ayaa xaqiijiyay in ninka miskaha gudahooda ay
kaga jiraan faliidho bir ah. Caafimaad ahaan, may jirin xubno ama xididdo kuwa dhiiga ah oo
wakhtigaas u muuqday in ay waxyeloobeen, markaa aad ayuu u nasiib badnaa.
Intaa kadib, waxa bukkaanka loo qaaday magaalada Port Moresby si daawayn dheeraad ah
loogu fidiyo.
Kadib dhawr qalliin oo bukkaanka lagu sameeyay magaalada Port Moresby dhexdeeda, waxa la
go’aamiyay in rasaasta ku jirtay ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ misigtiisa la iska daayo maadaama aysan ku haynin wax
dhibaato ah oo aysan keenayn khatar caafimaad oo mustaqbalka ah isla markaana ay dhibaatooyin
caafimaad ku jiraan in la isku dayo in la soo saaro.
Waxa jiray dhawr su’aalood oo ku saabsan in ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ ay xabaddu si toos ah ugu dhacday (ama
kama’ ahaan ha ugu dhacdo ama si ula kac ahe) iyo in uu faliidh ku dhacay. Warbixintani waxa ay heshay
nuqul ka mid ah ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ raajadii ama x‐ray gii laga qaaday waxaanay u gudbisay khubaro ku
takhasusay baadhista cilmiyeed ee dambiyada oo ku sugan Booliska Federaalka ee Australia si loo eego
sawirka in kasta oo ay Booliska Australia sheegeen in baadhitaannada noocan ah ee lagu guulaysto
intooda badan ay yihiin kuwa la sameeyo marka rasaasta laga soo saaro jidhka.
Booliska Federaalka ee Australia waxay ay Warbixintan u soo gudbiyeen taladan hoos ku qoran oo ah
mid ka timid shirkad ku takhasustay Eegitaanka Raadadka Hubka iyo Aaladahu Sameeyaan ee La
Xidhiidha Baadhista Cilmiyeed ee Dambiyada, taas oo lagu soo diray email ahaan 3‐dii April 2014:
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
79
Sawirrada ka muuqda raajada ama x‐ray gu waa kuwo fog marka la wayneeyana waxay u
qaybsamayaan qaybo aad u yaryar oo aad u badan.
Tayaa sawirrada iyo markii la qaadayay xagasha ay ku beegnaayeen awgeed, ma awoodo in
aan bixiyo wax ra’yi ah oo ku saabsan in rasaastu ay oogo ka soo booday ka hor intaysan jidhka
ku dhicin.
8.4 Weeraradii kale
Sida hore loogu xusay Warbixintan, Warbixinta waxa soo gaadhay 270 foom oo jawaab‐celino ah,
kuwaas oo ay Waaxdu ka soo turjuntay luuqadaha kala duwan ee ay ku qornaayeen una soo turjuntay
luuqada Ingiriisiga.
Warbixintu waxay isu gaysay liis ka kooban dhamaan foomamka jawaab‐celinta ah ee ka yimi dadka
xarunta loo soo gudbiyay, liiskaana waxa ku muujisan:
Dhammaan foomamka jawaab‐celinta ah ee ay ku qoran yihiin eedaymo ay dad ka mid ah dadka
xarunta loo soo gudbiyay soo jeedinayaan oo ay ku sheegayaan in loo gaystay fal dambiyeed
ama falal dambiyeedyo, iyo
Dhammaan foomamka jawaab‐celinta ah ee ay ku qoran yihiin bayaanno ama warar ay dad ka
mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay ku sheegayaan in ay goob‐joog ka ahaayeen falal
dambiyeedyo loo gaystay dad kale oo ah dadka xarunta loo soo gudbiyay.
Liisku waxa uu si gaar ah u koobsanayaa dhawr eedaymood oo ah weerar kuwaas oo loo soo jeedinayo
mid ka mid ah ilaalada G4S oo ajnabi ah oo la yidhaahdo ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐.
Fayl waraaqeed ka kooban dhammaan foomakaas jawaab‐celinta ah ee sida gaarka ah loo xusay iyo
waliba agab kale oo foomamkaas la xidhiidha ayaa loo gudbiyay Boolis Boqoreedka Dalka Papua New
Guinea magaalada Port Moresby 7‐dii May 2014.82
82 Eeg talo soo jeedinta 1aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
80
Qaybta 9aad: Qoraalkii Shirkadda G4S Soo Gudbisay
G4S qoraal dheer ayay u soo gudbisay Warbixintan Dibu Eegista ah 16‐kii April 2014, kaas oo qeexaya liis
dhammaystiran oo ah waxyaabaha ay G4S aaminsantahay in ay yihiin sababaha asalka ah ee horseeday
dhacdada iyo waxyaabihii dhacdada ka dhasay 17‐kii February. 83 Sababahaasi waxa weeyaan:
Isbaddalkii ku yimi siyaasadda Xarunta, kaas oo meesha ka saaray fursaddii ay dadka xarunta
loo soo gudbiyay haysteen ee u saamaxaysay in Australia la dajiyo, iyo habkii loo soo gudbiyay
saamaynaha ay siyaasaddaasi ku yeelan karto dadka xarunta loo soo gudbiyay intii uu socday
kulankii dhacay 16‐kii February 2014
Waxyaabaha xaddidaya xogta ay dadka xarunta loo soo gudbiyay heli karaan ee la xidhiidha
xaaladdooda
Dibu dhacyada ku yimi go’aaminta xaaladaha qaxoontinimo ee dadka xarunta loo soo gudbiyay
Jawiga Xarunta iyo tirada badan ee raga bilaa xaaska ah ee meesha joogay iyo koobnaanta
goobaha lagu raaxo qaato iyadoo qaxoonti dheeraad ah ay yimaaddeen
Kaabayaasha ammaanka oo haddii ay timaaddo xaalad ah in dadka la soo gudbiyay ay awood
adeegsadaan aan ahayn kuwo ku filan in xaaladda noocaas ah lagula tacaalo. Xayndaabyadu
maysan ahayn kuwo ku munaasib ah ujeedada meesha looga sameeyay, sidoo kale waxa nuglaa
qaabka loo qorsheeyay ama loo habeeyay hantida ama agabka loojistikada sida biyaha iyo
korantada iyo bulaacadaha, iyo kaabayaasha oo aan ahayn kuwo si buuxda gacanta ugu jira, iyo
kamaradaha ku shaqeeya hannaanka CCTV iyo koranto la isku hallayn karoo oo iyagu aan jirinba
Shirkadda G4S oo iyadu aan sharci ahaan awood u lahayn in ay guryaha baadhitaan ku samayso
si loo hubiyo in aan dadka xarunta loo soo gudbiyay aysan kaydin hub gacanta lagu farsameeyay
iyo walxaha la gano amaba aysan awood isticmaalin, taasina waxay ka duwan tahay xaaladda
ka jirta goobaha waaxda socdaalka australia u gaarka ah ee dadka lagu hayo ee Australia ku
yaala
Shirkadda G4S oo iyadu aan amar ku lahayn guutada wareegta ee booliska. In kasta oo G4S ay
walwal ka muujisay isticmaalka suurtagalka ah ee laga yaabo in guutada wareegta ee boolisku
83 Eeg Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 7aad iyo ka 8aad iyo faahfaahinta dheeraadka ah ee ku taala bogga 25aad ilaa ka 37aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
81
ay isticmaasho hub, laakiin talaabooyinka ay boolisku qaadeen ee ay ku jabiyeen xandyaabka
xarunta ku wareegsan isla markaana ku galeen xerada Mike habeenkii 17‐kii February waxay
ahaayeen talaabooyin aan la filayn lana saadaalin karayn, G4S‐na ma aysan lahayn xeelad ama
awood ay booliska kaga hor istaagto in ay qaadaan talaabooyinka noocaas ah, sidoo kale
Sharidiga qandaraaska ama heshiiska ee shirkadda G4S ku xidhaya in ay ugu yaraan 50%
shaqaalaha Xarunta Manus ay noqdaan dadka deegaanka, iyadoo waliba la doorbidayo in
dadkaas shaqaalaysiintooda loo maro shirkadaha ganacsi ee deegaanka ka hawlgala,
shardigaasina waxa uu shirkadda G4S sidaa ku xidhayaa in kasta oo uu jiro jawi ah in baahida
loo qabo in la yareeyo ama la furdaamiyo xannibaadaha xaga kaabayaashu ay u baahantahay
shaqaale khibrad leh. Haddii la isla meel dhigo in qaar ka mid ah shaqaalaha ammaanka ee
qandaraas‐hooseedyada lala galay ay amar‐diid sameeyeen oo booliska iyagoo la socda ay
galeen xerada Mike, arrinkaasi waa mid gabi ahaamba aan la filayn oo aan la saadaalin karayn
siday qabto G4S, waxaanuu isla markaana ka soo horjeedaa tababarkii iyo awaamiirtii la siiyay
shaqaalahaas waana wax ka baxsan waajibaadkooda. G4S waxay xusaysaa in wali ay sii
socdaan baadhitaannada booliska ee arrintaa la xidhiidha, shirkadda G4S na si buuxda ayay
wada‐shaqayn ula yeelatay dhammaan qaybaha kala duwan ee baadhitaannada booliska,
wada‐shaqayntaasna way sii wadi doontaa.
Qiimaynta ay samaysay G4S waa mid guud ahaan waafaqsan natiijooyinkii iyo go’aamadii u soo baxay
Warbixintan. 84
Qoraalka ay soo gudbisay G4S waxa ku jira 18 lifaaq oo xambaarsan xaddi badan oo ah macluumaad
dheeraad ah oo xoojinaya mawqifkeeda. Qoraalka la soo gudbiyay iyo lifaaqyadu waxay ku saabsan
yihiin dhawr arrimood oo Warbixintani ay si gaar ah u danaynayso, oo kala ah:
Qiimaynaha khatarta
Ogaysiisyadii loo soo gudbiyay Waaxda
Tallaabooyinkii taxaddirka ahaa ee la qaaday ka hor dhacdooyinka
Dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February 2014
Doorkii guutada wareegta ee Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea (RPNGC), iyo
Natiijadii ka dhalatay dhacdada ee soo baxday 17 – 18‐kii February 2014.
Arrimahaas hoos ayaynu ku eegi doonaa.
9.1 Qiimaynaha khatarta
Bishii March 2013, Chris Manning oo ka tirsan G4S ayaa sameeyay presentation (soo‐bandhig)
ciwaankiisu yahay Casharadii Laga Barta CI85 iyo Villawood kaas oo uu u soo gudbiyay Waaxda iyo Guddi
84 Si kasta ha ahaatee, eeg faalooyinka la xidhiidha qodobkmidi ka dambeeyo ee Qaybta 11.3aad iyo qodobka ugu dambeeya ee Qaybta 11.10aad 85 Jasiiradda Christmas
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
82
Hawleed Hay’ado Wadajir Ah ka kooban86. Islaydhyada (slides) lagu diyaariyay barnaamijka PowerPoint
ee soo‐bandhigaas ku jiray waxa weeyaan Lifaaqa 8aad ee ku lifaaqan qoraalka ay soo gudbisay G4S.
Soo‐bandhiggu waxa uu xusay in qoraalkii ay 31 May 2011 soo gudbisay Guddida Xuquuqal Insaanka ee
Australia uu xusay in dibu dhacyada ku yimid eegista dacwadaha qaxoontinimo iyo war‐la’aanta laga
war‐laaya’ay in wax horusocod ahi jiro ayaa horseeday in dadka xarunta lagu hayaa ay cadhoodaan, taas
oo horseedday in xarunta dadka lagu hayaa ay noqoto goob xiisadaysan oo aan daganayn, taas oo ah
xaalad ay dhacdooyinka yaryari dhakhso u ballaadhan karaan.
Iyadoo ay xaaladdu sidaas tahay, G4S waxay ku talisay in:
Aan albaabada iyo xayndaabyada shabagga ah aan laga adeegsan goobaha IDC‐yada87, siiba
kuwa heerka khatartoodu uu yahay meel‐dhexaad ama uu sarreeyo, oo la adeegsado albaabo
iyo xayndaabyo ah shabag ka samaysan waayaro ama siligyo la isku laxaamaday, amaba ka
albaabo iyo xayndaabyo ka samaysan walxo adag oo aan sida shabagga kal googo’nayn si loo
helo difaac dheeraad ah oo lagaga gaashaman karo waxyeelada ama jabinta.
Farriintan dhigaysa in dhismayaasha ammaanka ee Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwaduhu ay
yihiin kuwo aan dhamaystirnayn dhawr jeer ayaa lagu soo celceliyay.
Markii la soo jeediyay in qoysaska laga saaro Xarunta badhtamiha sannadkii 2013, G4S waxa ay
diyaarisay qoraal rasmi ah oo ku saabsan Qiimaynta Khatarta Raga Bilaa Xaaska Ah Oo Kaliya, taas oo
ku taariikhaysan 23 May 2014 (Lifaaqa 10aad). Wakhtigaas, waxa laga fikirayay in Xarunta la geeyo 400
oo rag ah.
Waxa iska cad in khatarta ku jirta maaraynta xarun ay ku jiraan ku dhawaad 400 oo ah rag laxaad qabaa
ay ka badan tahay maaraynta xarun ay ku jiraan ku dhawaad 400 oo isugu jira rag iyo dumar iyo carruur.
Mid ka mid ah khataraha ugu waawayn ee la qiyaasay waxay ahayd khatarta ka dhalan karta
mudaharaad ama dagaal waxyaabaha ugu muhiimsan ee arrintaa lagu xakkamayn karo ee la soo
jeediyay wax aka mid ahaa:
In lala xidhiidho oo lala shaqeeyo booliska deegaanka ku sugan si loo hubiyo in boolisku ay
sharciga dhaqan galiyaan
In la wanaajiyo xayndaabka ku wareegsan (in la sameeyo xayndaab la xoojiyay oo dhererkiisu
yahay 12 fuudh iyo in xayndaabka xaggiisa sare loo sameeyo xaglo si ay aad u adkaato in loo
dhaco ama loo tallaabo Goobta Maamulka)
In la wanaajiyo nalka ammaanka ee Xarunta.
Xaaladda khatartu waxay si wayn isu baddashay kadib markii isbaddalka lagu sameeyay siyaasadda taas
oo markii hore ku koobnayd in dadka magangalyo‐doonka ah dacwadohooga lagu eego dal shisheeye
markii dambena loo baddalay in dadkaas lagu kala saaro dacwadohooga lagu eego isla markaana la
86 Ogow in aysan tani ahayn Guddi Hawleedka Wadaagga ah ee Hawlgalka Operation Sovereign Borders 87 Xarumaha Socdaalka ee Dadka Lagu Hayo
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
83
dajiyo dalka PNG, isabddalkaas oo lagu dhawaaqay 19 July 2013 isla markaana ay ku xigtay ballaadhin
degdeg ah oo lagu sameeyay xarunta si ay u qaado tirada sii kordhaysa ee ah dadka la soo gudbiyay
iyada oo aan kaabayaasha lagu samayn wax horumarin ah oo la xidhiidha xaaladaha dagdagga ah.88
Qoraalkii ay soo gudbisay G4S, waxya ku sheegtay in siyaadda cusub ay:
… si firfircoon wax uga baddashay qaab dhismeedka Xarunta iyo ammaankeeda waxaanay kor u
qaadday xiisadaha ka dhex jira dadka la soo gudbiyay. G4S ma aysan helin wax fursad ah oo ay
Waaxda ugu soo gudbiso aragtiyeheeda la xidhiidha saamaynta xagga amaanka ee ka dhalan
karta isbeddelka ku yimid siyaasadda.89
G4S waxay Waaxda u soo gudbisay qiimayn cusub oo ay ku samaysay khatarta.
26 July, Chris Manning ayaa warqad u soo diray Qaybta Adeegyada Dalka Dibaddiisa ee Waaxda (Lifaaqa
6aad) taas oo ahayd jawaab uu ka jawaabayay codsi laga codsaday in dibu eegis lagu sameeyo
adeegyada ay G4S ka bixiso Jasiiradda Manus. Warqaddu waxa ay sharraxaad ka bixisay codsigaas
waxaanay u dhignayd sidan:
24‐ July 2013, Waaxdu waxay shirkadda G4S ugu baaqday in ay soo gudbiso talo‐soojeedin ku
saabsan ballaadhinta adeegyada wakhtigan xaadirka ah laga bixiyo Jasiiradda Manus si loo
xaqiijiyo hadafka ah in qaabilo 1160 qof oo ka mid ah sida sharci darrada ah u yimaadda iyagoo
badda soo maraya.90
Balaadhintan la soo jeediyay waxay ka dhignayd korodh wayn oo ku yimi xajmiga ama baaxadda Xarunta
Manus ee ammaankeedu hooseeyo halka ay sida si u dhigantana kor ugu kacday khatarta taa la socota.
Soo jeedinta shirkada G4S waxa ka mid ahaa qodobkan soo socda
3.4 Xarunta Loojistikada. Soo jeedinta kale ee muhiimka ah waxa weeyaan in la sameeyo Xarun
Loogistikada ah si wax looga qabto caqabadaha la xidhiidha balaadhinta Xarunta Manus iyo
fogaanshaheeda. Xaruntani waxay hoy u noqon doontaa hantida loogistikada muhiimka ah
sidaa awgeedna waxay u baahan tahay in la sameeyo nidaam xaga amaanka ah oo xarunta
qayb ka ah iyo xayndaabka imika jira mid ka adag.
Warqadu waxay xustay in shirkada G4S ay qabtay walaacyo aad u wayn kuwaas oo ay ka qabtay
goobaha ay ku kala yaalaan hantiyaha muhiimka ah sida xarumaha biyaha lagu sifeeyo iyadoo la
adeegsanayo hanaanka Siimowga Caksig ah (Reverse Osmosis), kuwaas oo ku dhex yaala badhtamaha
goobaha ay ku noolyihiin dadka xarunta loo soo gudbiyay.91
Waxay G4S sidoo kale diyaarisay qiimayn ay ku samaysay khatarta oo ku taariikhaysan 10 January 2014
(Lifaaqa 11aad), taas oo ay ku jireen faalooyinkan hoos ku qoran:
88 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 9aad 89 Bogga 12aad 90 Bogga 1aad 91 Bogga 6aad, baaragaraafka 7.1
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
84
Dadka loo soo gudbiyay xarunta MIOPC92 intooda badani waa dad caafimaad qaba oo jidh ahaana
awood leh, intooda badanina waa dad ay da’doodu ka yartahay 35. Waa dad taariikhdooda shaqo ay
kala duwan tahay waxaana ka mid ah askar milatari iyo barayaal jaamacadeed qaar badan oo iyaga ka
mid ihi waa dad mutacalimiin ah, oo aad u maskax badan, oo hadalkoodu qeexan yahay isla markaana
laba luqadood ku hadla. Waxay si joogto ah ugu dhiiran yihiin in loo wareejoyo Australia oo ay ka mid
noqdaan dadka Australia degan. Khatarta mid kasta oo iyaga ka mid ah celcelis ahaan way hoosaysaa,
laakiin waxa jira kooxo ku sugan Xarunta kuwaa soo marka ay midoobaan kor u qaadi kara isku dhaca
iyo daandaansiga, isla markaana hoos u dhigi kara xasiloonida iyo wada noolaashanha Xeeryaha iyo
Xarunta.
Xeryaha kala duwan ee xarunta ku yaala wax yar ayay iskaga mid yihiin. Qaab dhismeedkooda iyo
tas’hiilaadkooda iyo naqshadahooga iyo heerka amaankooga ama khatartoodu waa kuwo aad u kala
duwan. Taa natiijadeedu waxa weeyaan in xeeladaha iyo istaraatiijayadaha amaanka iyo nabadgalyada
loo baahan yahay in laga hirgaliyo xeryaha ay noqdaan kuwo aad u kala duwan sidoo kale xeryaha wax
aka jira xiisado heerarkoodu ay si joogto ah isku badbadalaan. Sidaa awgeed Isbadbadaladaasi waxay
hor seedaan in ay adkaato in la saadaaliyo ama laga hortago dhacdooyika.
Waxa aad u suurto gal ah inay dadka xarunta loo soo gudbiyay ay yihiin kuwo awood u leh jidh ahaan
inay jabiyaan ama burburiyaan kaabayaash amaanka ee xarunta laga hirgaliyay intooda badan hadii ay
helaan wax ku dhiiri galiya inay sidaa yeelaan. xayndaabka ku xeersan xarunta Mike ee la dhisay ee
dhawaan la dhamaystiray maaha wakhtiga xaadirka ah mid ku munaasib sbaahida lo qabo in dadka
meesha degan lagu xakameeyo isla markaana lagu kala sooco kooxaha kala duwan ee dadkaasi ka
kooban yihiin waxa la qiyaasay in sababta ugu wayn ee dadka xarunta loosoo gudbiyay aanay ilaa hada
u jabinin xayndaabka tayadiisu ay liidato ay tahay iyadoo dadkaasi wakhtiga xaadirka ah aanuu jirin
wax ku dhiiri galiya inay sidaa yeelaan. Xayndaabka imika jira maaha mid la isku halayn karo hadii la
rabo in la xakameeyo dhaqdhaqaaqa dadka xarunta loo gubiyay hadiiba ay go’aansadaan inay
xaydaabkaa jabiyaan93
Hadii si kooban loo dhigo, shirkada G4S waxay soo bandhigtay walaaca ay ka qabto khatatra wayn ee ku
jirta in 1400 oo ah rag aan xaasas wadan lagu hayo xarun amaankeedu hooseeyo oo ku meel gaadh ah
walaacaasna waxay dhowr jeer u soo bandhigtay Waaxda bilihii ka horeeyay dhacdooyinka ay baadhistu
ku socoto.
9.2 Ogaysiisyadii loo soo gudbiyay Waaxda
Lifaaqyada ku lifaaqan qoraalkii ay soo gudbisay G4S waxay xusayaan walaaca isa soo taraya ee shirkada
la soo guboonaaday wixii ka danbeeyay Maalinta Qaranimada Australia.
30‐kii January 2014, Chris Manning ayaa Waaxda u soo diray E‐mail u qornaa sida hoos ku dhigan:
92 Xarunta Dalka Shisheeye ee Eegista Dacwadaha ee Manus 93 Bogga 6aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
85
Si marba marka ka danbaysa u sii badanaysa ayaan uga walwalsanahay xaalada amaanka
jasiirad. Sidaad ogtihin , waxa jiray dhowr maalmood oo ay socdeen mudaharaadyo nabad galyo
leh in kastoo ay mudaharaadyadaasi ay ahaayeen kuwo nabad galyo ah, laakiin wararka
shirdoonku waxa ay imika bilaabeen in laga yaabo in uu dhici doono arin dhibaato leh oo imika
qorshihiisu socdo.
Sidaa awgeed, waxaan ku talinayaa in waaxdu ay ogolaato 30 askari oo ilaalo ah oo wakhti yar
gudahood lagaga soo diri karo POM94 loona diri karo jasiirda Manus si loo xoojiyo awooda aanu
u leenahay ka jawaab‐celinta dhacdooyinka isla markaana ay doonida Bibby u heli lahayd ilaalo
dheerad ah hadiiba loo baahdo. Ciidankaas waxaan ku xoojin karnaa 100 askari oo dheeraad ah
72 sacadoo gudahood hadii loo baahdo.95
Wakhti danbe oo isla maalintaas ah, Mudane Manning e‐mail kale ayuu u soo diray Waaxda (kaas oo uu
u diray sarkaal ka duwan kii hore). Isaga oo tilmaamaya warar sir doon ah oo wakhti aad u dhow la helay
kuwaas oo sheegaya in ay suurtagal tahay in xayndaabyada la dumiyo oo dabna la huriyo, waxa uu
yidhi:
Sababtaan u codsanayno ciidamadaas s ilaalada ah ee dheeraadka ah waxa weeyaan
kaabayaasha amaanka oo ah kuwo aad u liita … sida kaliya ee lagu furdaamin karo khatarta ka
dhalan karta kaaba yaasha tayadoodu ay liidato waxay weeyaan iyadoo aad loo kordhiyo tirada
shaqaalaha ‘si ay u ilaaliyaan xayndaabka’96
Waaxdu heer gobol iyo heer qaran labadaba codsigaas way ku eegtay isla markiibana waxay ansixisay
ilaalada dheeraadka ah ee la soo codsaday 97
Taariikhdu markay ahayd 2‐dii February 2014, Ku‐Xigeenka Maareeyaha Guud ee Shirkada G4S u
qaabilsan Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha ayaa e‐mail u diray Isku‐dubaridaha hawlaha
Xarunta ee Waaxda, Anthony kneipp:
Sidii aynu dhawaan ka wada hadalnay, waxay ila tahay in imika la gaadhay wakhtigii ay ahayd
in Waaxdu ay ka jawaab‐celiso waxyaabaha ay dadka xarunta loo soo gubiyay codsanayaan
ama dalbanayaa, waxyaabahaas oo ah kuwo aanu aragno iyagoo lagu soo bandhigayo
mudaharaad kasta oo ka dhaca xarumahaas ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada
mudaharaadyadu.
Mudaharaadyada wakhtigan ay wadaan dadka xarunta loo soo gudbiyay ma aha kuwo ku
saabsan baahi ay u qabaan barnaamijyo iyo qaban qaabin la qaban qaabiyo hawlo dheeraad ah
94 Port Moresby 95 Lifaaqa 12aad 96 Lifaaqa 13aad 97 Qoraal ay waaxdu u dirtay Xoghayaha taariikhdiisuna tahay 4 February 2014 waxa uu dhigayaa: waxanu Jasiiradda Manus u dirnay 30 askari oo dheeraad ah dhammaadkii todobaadka waxana jira 100 askari oo xoojin ah oo soo raaci doona diyaarad la soo kireeyay Salaasada 4 February, Waaxduna si soo dhawayn leh ayay u taageeraysaa. Eeg Lifaaqa 1aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
86
kumana saabsana sidoo kale duruufaha ay ku noolyihiin ama goobaha raaxada lagu qaato ee ay
tagi karaan. Lakiin mudaharaadyadu waa kuwo ku saabsan sidii ay Waaxda Socdaalka iyo
Ilaalinta Xuduudaha (DIBP) iyo Hay’ada Adegyada Socdalka iyo Jinsiyada ee dalka PNG uga heli
lahaayeen war ku saabsan waxa ku dhacay codsiyadii ay dadka xarunta loo soo gubiyay ay
direen eek u saabsanaa dibu‐dajintooda. Dadka xarunta loo soo gudbiyay waxay aniga iyo
shaqaalahayga nagu yidhaahdeen marar badan in ay fahansanyihiin in aanay Australia tagi
doonin, farriintaasina waa mid gudubtay. Laakiin imika waxa ay rabaan waxa weeyaan in ay
ogaadaan goorma ayaa la dajjin doonaa dalka PNG ama goormaa ciddii doonaysaa ay dib ugu
laaban kartaa dalkeedii. … Anigu ma qabo in ay jirto wax P&A ah ama aaryo‐qaadasho ama
dalxiis ah intuu doono ha ahaadee oo hoos u dhigi kara xiisaha ay dadka xarunta loo soo
gudbiyay u qabaan in ay helaan jawaab ka jawaabaysa su’aasha basiidka ah ee odhanaysa
goormay dadkani meeshan ka bixi doonaan. 98
Email‐ka waxa ku lifaaqnaa codsi ka yimi xubnaha bulshada, codsigaas oo ay ku yaaleen waxyaabaha ay
dalbanayaan dadku ee shirkadda G4S ay sida joogtada ah u arkaysay, kuwaas oo kala ah:
Helitaan la'aanta aan la heli karayn sharci‐yaqaanno (wararka la isla dhex marayaa waxay
sheegayaan in qaar ka mid ah dadka la soo gudbiyay saddex bilood ka hor lala kulmay ilaa
barigaana aysan waxba dhicin)
Helitaan la'aanta aan la heli karayn Shaqaalaha Socdaalka (si ay u socodsiiyaan hawlaha
Go’aaminta Xaaladda Qaxoontinimo)
Jiritaan la'aanta aysan jirin macluumaad ku saabsan waxa ku dhacay arjiyadoodii ay gudbiyeen
iyo wakhtiga laga yaabo in ay jawaabo helaan.
Waxan idinka iyo Hay’ada Adegyada Socdalka iyo Jinsiyada ee dalka PNG idinku boorinayaa in aad
wadahadal macnoleh la yeelataan dadka xarunta loo soo gudbiyay sida ugu dhakhsaha badan oo
aad isla markaana siisaan jawaabo la taaban karo oo ku saabsan su’aalaha ay soo gudbiyeen. Xitaa
haddii aydaan bixin karin jawaabo la taaban karo, waxaan anigu qabaa in la hadalka oo kaliya uu
aad wax uga tari doono hoos u dhigista xiisadaha wakhtigan jira oo uu isla markaana yarayn doono
khataraha ka dhalan kara xiisadaha noocaas ah ee ku iman kara ammaanka iyo nabadgalyada
Xarunta.
G4S waxay tidhi:
Markii hore, Waaxdu waxay aaminsanayd in sida wacan ee hawsha loo qaban karaa ay tahay
iyadoo la diido in wax wadahadal ah lala galo dadka la soo gudbiyay ilaa inta ay
mudaharaadyadu joogsanayaan, laakiin aakhirkii Waaxdu waxay waafaqday aragtida G4S
waxaana kulan99 loogu baaqay hogaamiyayaasha bulshooyinka ay ka kooban yihiin dadka
xarunta loo soo gudbiyay. 100
98 Lifaaqa 9aad 99 Waxa weeye kulankii dhacay 5 February 2014 100 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 18aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
87
9.3 Tallaabooyinkii taxaddirka ahaa ee la qaaday ka hor dhacdooyinka
Qoraalka ay soo gudbisay G4S waxa uu tafaasiil ka bixinayaa tiro tallaabooyin taxaddir ah oo ay qaaday
markii wararkii ugu horreeyay ee sirdoonka ah la helay ee sheegayay in ay suurtagal tahay in ay dhacdo
rabshad (sida xayndaabka oo la dumiyo ama dab la qabadsiiyo). 101 Talaabooyinkaas la amray in laqaado
waxa ka mid ahaa:
In la xoojiyo hawlaha soo ururinta wararka sirdoonka
Shaqaalaha dab damiska waxa lagu tababaray oo la bar hababka dab‐damiska iyo gargaarka
dagdagga ah ee la xidhiidha dab‐damiska
Dhammaan baaldiyada qashinka lagu rido saacaddiiba mar ayaa la faaruqiyay si aan looga dhigin
weel dab lagu rido oo la dhaqaajin karo
Dhamaan weelka aan muhiimka ahayn waxa laga saaray xarunta
Alaabta ku jirta sunduuqa Hantida Ammaanada ah waxa la geeyay goob amaan ah oo Bibby
dhexdeeda ah ama meel kale ah
Lix gaadhi oo kali ah oo gawaadhida lagama maarkmaanka ah ee degdegga loogu baahanyahay
ayaa la dhigay Xarunta meel ka baxsan (dhooliga ama ambalaaska yaalay rugta caafimaad)
Kooxaha ka fal‐celinta dhacdooyinku waxay qaateen tababar ku saabsan in ay ku fidaan goobo
hore loo diyaariyay oo ku yaala Xarunta iyagoo ah kooxo ka kooban siddeed, 16 ama 32
Isku dayyo aan lagu guulaysan ayaa la sameeyay si booliska dalka PNG ee gobolka ku sugan loola
yeesho wadashaqayn, sidoo kale
Faylasha iyo alaabta aan lagama maarmaanka ahayn waa laga saaray dhismayaasha maamulka
shaqaaluhuna waxay isu diyaariyeen daadgurayn degdeg ah haddii daadgurayntaas loo baahdo.
Warbixintan dibu eegista ahi waxay xusaysaa in warbixinaha sirdoonka ah ee ka horreeyay 16 – 18‐kii
February 2014 ay ahaayeen kuwo faahfaahsan oo dhammaystiran isla markaana noqday kuwo sax ah.
9.4 Dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February 2014
Qoraalka ay soo gudbisay G4S waxa uu si kooban uga hadlayaa dhacdooyinkii dhacay wixii ka
dambeeyay kulankii lala yeeshay dadka xarunta loo soo gudbiyay 16‐kii February 2014.
Macluumaadkan soo socdaa waxay xoojinayaan sharraxaadda hore loogu soo bandhigay Warbixintan.
Markii ay dadka xarunta loo soo gudbiyay ka fakadeen xerada Oscar, Baaqa Cagaarka (Fakkad)
ayaa lagu dhawaaqay. Baaqaas waxa maqlay tiro badan oo ka mid ah dadka la soo gudbiyay ee
ku sugan xerada Mike tiro badan oo iyaga ka mid ahna isla markiiba waxay bilawday
mudaharaad. Kooxdan oo tiradeedu ka badnayd 200 oo qof waxay ku dhawaaqaysay hadalo cay
iyo cunsuriyad ah oo loo jeedinayay shaqaalaha nadaafadda qaabilsan ee ka tirsan dadka
deegaanka kuwaas oo Xarunta ka sii tagayay kaddib markii wakhtigii shaqadoodu uu
dhammaaday. Hadalladaas lagu dhawaaqayay waxa ka mid ahaa ‘Waa la w… PNG’ iyo
‘Hooyadiin w…’ iyo hadallo kale oo cay iyo cunsuriyad ah oo lagu dhawaaqayay. …
101 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 18aad ilaa ka 20aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
88
Wakhti dambe oo isla fiidnimadaas ah ayay dadka la soo gudbiyay ee ku sugan xerada Foxtrot
dhulka dhigeen xayndaabkii gudaha laakiin waxa galitaanka xerada Mike ka horjoogsaday
kooxda IRT‐da. Kooxdu waxay sidoo kale ku guulaysatay inay ku ruqaansato Soonaha Cagaaran
(kaas oo ah aagga u dhexeeya labada xero ee kala Mike iyo Foxtrot) waxaanay dadka la soo
gudbiyay dib ugu celiyeen xerada Foxtrot. Intaa kadib xiisadaha ayaa xerada Mike dhexdeeda
kor u kacay oo gaadhay in dadka xarunta loo soo gudbiyay oo dhinac ah iyo muwaadiniinta iyo
reer‐baadiyaha reer PNG ee taagnaa meel ka baxsan saddexda xayndaab ee dibadda xiga.
G4S shaqaale ah kuwa amaanka oo dheeraad ah ayay dirtay si dadka deegaanka iyo
muwaadiniinta looga kaxeeyo xayndaabka xarunta ku wareegsan xaaladduna si tartiib‐tartiib ah
ayay caadi ugu soo noqotay dhammaanba qaybaha kala duwan ee Xarunta.102
Dhacdooyinkii dhacay 17 – 18‐kii February 2014 waxa si wayn loogu diiwaangaliyay qoraalka
taariikhaysan ee ay soo saartay G4S kaas oo si ballaadhan loogaga hadlay Warbixintan.
Qoraalka ay soo gudbisay G4S waxa uu xusayaa qodobadan soo socda ee dheeraadka ah:
Dhacdooyinku waxay ka dhasheen dad ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay oo u badan
rag aan xaasas wadanin oo iiraaniyiin ah oo iyagu si joogto ah oo sharci darro ah ugu
gardarroonaya dadka kale ee la soo gudbiyay iyo shaqaalaha Xarunta. Run ahaantii nimankaas
ka tirsan dadka la soo gudbiyay waxay samaynayeen oo ay kaydinayeen hub gacanta lagu
sameeyay oo keeni kara dhaawac khatar ah amaba wax dili kara. Hubkaas waxa ka mid ah
dhidibyo la afeeyay oo bir ah iyo dhagaxaan waawayn oo loogu talagalay in lagu tuuro dadka la
soo gudbiyay iyo shaqaalaha bilaa difaaca ah. Awoodda shirkadda u lahayd in ay arrinkaa ka
hor tagto waxa carqaladeeyay jiritaan la’aanta aysan jirin wax awood sharci ah oo ay shirkaddu
u lahayd in ay baadhitaanno ku samayso guryaha ay daggan yihiin dadka la soo gudbiyay.103
Waxa muhiim ah in la ogaado in rabshadda ka dhacday xerada Mike ee horseeday in ay
dhaawacyo soo gaadhaan dadka xarunta loo soo gudbiyay isla markaana uu geeriyoodo Reza
Barati ay ahayeen dhacdooyin dhacay kaliya kaddib markii guutada wareegta ee booliska ka
tirsan ay dumisay xayndaabka isla markaana ay guutadaas soo raaceen muwaadiniinta iyo reer‐
baadiyaha u dhashay dalka PNG.104
In kasta oo tirada dhaawacyada soo gaadhay dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo shaqaalaha
G4S ay dhammaantood yihiin kuwo nasiib‐darro ah oo laga xumaado, laakiin haddii aysan jiri
lahayn hoggaaminta iyo maaraynta ay ku dhaqaaqeen xubnaha shirkadda G4S u qaabilsan
maamulka Xarunta, oo aysan jiri lahayn xirfadlenimada iyo geesinamada ay muujiyeen dad
102 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 22aad 103 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 7aad 104 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 8aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
89
badan oo ka mid ah shaqaalaha ammaanka ee ka tirsan G4S, shaki kuma jiro in natiijadu ay
sidan ka sii xumaan lahayd. 105, sidoo kale
Shaki kuma jiro in tallaabadan ay qaaday G4S ay badbaadisay tiro badan oo ka mid ah dadka
xarunta loo soo gudbiyay oo ay ka badbaadisay in ay soo gaadhaan dhaawacyo dheeraad ah.
Qaar badan oo ka tirsan saraakiisha G4S ayaa waxay u dhaqmeen si ay ku jirto geesinimo aan
caadi ahayn isla markaana waxay ammaankooda galiyeen khatar wayn si ay u ilaaliyaan dadka
xarunta loo soo gudbiyay. Maalmihii ka dambeeyay mudaharaadka, dhawr ka mid ah
shaqaalahaas ayay u yimaaddeen oo ay shakhsiyan u mahad celiyeen dad la soo gudbiyay,
kuwaas oo sheegay faalooyin ay ka mid yihiin ‘waad na ilaaliseen’ iyo ‘waad na
badbaadiseen’.106
Warbixintu waxay qiraysaa in qaar badan oo ka mid ah saraakiisha G4S ay u dhaqmeen si geesinimo leh
oo ay khatar is galiyeen isla markaana ay dad badan oo ka mid ah dadka la soo gudbiyay ka
badbaadiyeen in wax la yeelo, taasna waxay ku suurtagaliyeen iyagoo dadkaas u qaaday meel amaan ah
isla markaana qaaday talaabooyin kale intii ay dhacdooyinku socdeen.
9.5 Doorkii guutada wareegta ee Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea (RPNGC)
Waxa xiiso leh in la xuso taariikhda dirista guutada wareegta loo diray Xarunta.
Qoraalka ay soo gudbisay G4S waxa uu leeyahay:
Guutada wareegta ee booliska ka tirsan waxa markii hore la keenay Jasiiradda Manus bishii
November 2012 si looga jawaab‐celiyo mudaharaadyo lagaga soo horjeedo dibu furista xarunta
Manus iyo in laga dhigo Xarun Socdaal, waxaana mudaharaadyadaas dhigay dad ka mid ah
dadka dhulka ku leh deegaankaas waxaanay ka mudaharaadeen madaarka iyo wadooyinka
taga xarunta. Mulkiilayaashu waxay xidheen dhabbada diyaaradaha ee madaarka waxaanay
jidgooyo ku sameeyeen wadooyinka, taasina waxay horseedday in la keeno guutada booliska ah
ee wareegta si loo furo meelaha xarunta laga tagi karo. Guutada booliska ee wareegtaa kamay
tirsanayn booliska deegaanka, balse waxa weeye waax military oo loo yaqaan paramilitary oo
ka kooban ciidamo xul ah oo aad u hubaysan.
Mudaharaadyada mulkiilayaashu waxay kala baaheen kadib imaatinkii guutada wareegta.
Laakiin guutada wareegtaa waxay ku nagaadday agagaarka xarunta si hawl‐socodka xarunta
looga damaanad qaado khataraha xagga dibadda kaga iman kara. 107
Sidii hore loo xusay, ilaalinta ammaanka Xarunta waxay masuuliyaddeedu saarnayd booliska gobolka ee
fadhigiisu yahay Lorengau.
105 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 8aad 106 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 25aad 107 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 784aad ilaa dhammaadka
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
90
Warbixintu waxay G4S u gudbisay tiro ah su’aalo qoran. G4S waxay laba ka mid ah su’aalahaas oo ku
saabsan doorka booliska deegaanka kaga jawaabtay sidan:
Guutada Wareegta ee Boolisku waxay ka masuul ahayd ka hortagidda faragalin Xarunta kaga
timaadda dibadda. Booliska deegaanku waxay masuul ka ahaayeen hawlaha la xidhiidha fulinta
sharciga (sida baadhitaannada dambiyada iyo qabashada iyo dacwad kusoo oogista dadka lagu
tuhmo in ay dambi galeen), laakiin
Wax booliska deegaanka ahi muusan joogin Xarunta 17 – 18 February 2014.
Iyadoo ka jawaabaysa su’aal kale, G4S waxay Warbixinta u sheegtay:
Ma uu jirin wax dood ah oo ECO108 dhexdeeda laga sameeyay oo la xidhiidha in guutada
wareegta habayaraatee marna laga codsado taageero. G4S waxay hore Waaxda ugu soo dirtay
qoraal ay ku sheegayso in ay walaac ka qabto in guutada wareegtaa ay tahay ‘mid aan waxba
laga garanayn sida u dhaqmi doonto haddii dhacdo khatar ahi timaado’ iyo in ay tahay mid aan
si wanaagsan loogu tababarin dajinta xaaladaha kacsan. Sidaa awgeed, aragtida G4S waxay
ahayd in Guutada Wareegta ee Boolisku ay dibadda ka joogto Xarunta. G4S ma aysan lahayn
awood ay ku maarayso dhacdooyinka ka dhaca Xarunta meel ka baxsan sidaa awgeedna
arrinkaasi waxay ahayd in uu noqdo mid booliska u yaala.
G4S waxay intaa raacisay in cidda kaliya ee go’aamin karta in Xarunta lagu wareejiyo booliska PNG ay
ahayd Sarkaalka Sare ee Xafiiska Socdaalka PNG maadaama uu isagu yahay Maareeyaha Xarunta Manus
RPC. 109
Ma uu jirin ciidan boolis oo gobolka ah oo awood u leh in uu xarunta wax ka qabto kaas oo diyaar ahaa
intii ay socdeen dhacdooyinka baadhitaanku ku socdo, laakiin G4S sidoo kale waxay Warbixinta u
sheegtay in ciidanka booliska deegaanka ku sugan aysan ahayn kuwo u qalabaysan amaba u tababaran
la tacaalista mudaharaadyada si kasta wax ha u dhaceene.
Laakiin waxa meesha joogtay guuto wareegta oo muhiim ah oo masuuliyaddeeda la sheegay in ay ku
koobantahay in Xarunta laga ilaaliyo khataraha debedda.
Warbixintu waxay xusaysaa in fikraddaas laga qabay doorka guutada wareegtaa ay hilmaansantahay
waajibaadka guutada sharci ahaan ka saaran daminta mudaharaadyada, waajibaadkaas oo ku qeexan
Xeerka Ciqaabta 1974 ee dalka PNG isla markaana Warbixintan xageeda dambe lagaga hadlay. 110
Guutada wareegtaa waxay dumisay xayndaabkii oo ay gashay xerada Mike iyada oo aan wax digniin ah u
dirin G4S oo wax wada qorshayn ahna la yeelanin kadibna waxay gudagashay in ay xoog ku joojiso qaska
ka socday xeradaas.
108 Maamulka Xaaladaha Dagdagga ah 109 Dibu Eegistu waxay xusaysaa in qiimaynta shirkada G4S ay qiimaysay kala qaybsanaanta masuuliyada ee guutada wareegta iyo booliska gobolku ay suurtagal tahay in ay aad u qalafsan tahay: eeg Qaybta 11.3aad 110 Eeg Qaybta 11.3aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
91
Markay sidaa yeeshay, guutada wareegtaa waxay waddada u bannaysay in dadkii joogay Xarunta
dibaddeeda – haddii si kale loo dhigana ah khatar dibadda ka timid – ay soo galaan xerada Mike oo waa
siday dadka xarunta loo soo gudbiyay hadlka u dhigeenee ay dadkaasi dilaan Reza Barati, dadka xarunta
loo soo gudbiyayna ay weeraraan oo dhaawacaan isla markaana ay xadaan hantidooda gaarka ah.
Suurtagal maaha in la qiyaaso in dhacdadii 17 – 18 February 2014 si sidan ka nabadgalyo badan oo ka
dhaawac yar loo xallin lahaa iyo in kale haddii guutada wareegtaa ay Xarunta dibadda ka joogi lahayd –
oo ay muwaadiniinta reer PNG iyagana dibadda kaga hayn lahayd – oo ay qaadi lahayd tallaabooyin kale,
kuwaas oo ay ka mid yihiin in koombooyinka gaasta dadka ka ilmaysiisaa ku jirto lagu rido xerada Mike
sidoo kalena rasaas digniin ah circa loo rido si qaska loo damiyo.
9.6 Natiijadii ka dhalatay dhacdada ee soo baxday 17 – 18 February 2014
Arrinkani waxa uu dabasocdaa aragtida qof ka shaqaynayay Jasiiradda Christmas iyo Jasiiradda Manus
markii ay mudaharaadyadu ka dheceen. Aragtidaasi waxay ku saabsantahay sida uu u jiro kala
duwanaansho aad ah oo la xidhiidha tirada iyo khatarta dhaawacyada ka dhacay Manus marka la barbar
dhigo qaskii ka dhacay Jasiiradda Christmas.
G4S ayaan faaladaas u gudbiyay waxaanay G4S ku jawaabtay in xaaladdu ay gabi ahaamba ahayd mid
dhawr siyaabood uga duwan. Sababaha ay u diiday in labada xaaladood la is barbar dhigo waxa
weeyaan:
Jasiiradda Christmas Island may joogin boolis ajnabi ah oo xarunta dibaddeeda ku sugan manay
joogin dad deegaanka u dhashay oo taageeraya booliska oo arrinka ku lug leh
Xarunta Jasiiradda Christmas waxa ku xeersanaa xayndaab ammaankiisu aad u sarreeyo waxan
sidoo kale ku rakibnaa kamaradaha ku shaqeeya hannaanka CCTV waxana ay xaruntaasi ahayd
xarun si gaar ah loo dhisay oo kaabayaasheeduna ay yihiin kuwo ku munaasib ah ujeedada laga
leeyahay
Dadka ku sugan Jasiiradda Christmas waxay filayeen in aakhirka la dajin doono Australia, oo aan
la dajin doonin dal aysan rabin in ay tagaan, markaa mudaharaadyadu waxay ku koobnaayeen
muddada ay halkaa joogeen
Ma ay joogin Jasiiradda Christmas shaqaale deegaanka ka tirsan oo isir ahaan iyo dhaqan
ahaamba aad uga duwan
Dadka deegaanka ee Jasiiradda Manus waxa noqdeen kuwo lala bartilmaameedsado aflagaado
ka imanaysa dadka la soo gudbiyay kana dhalatay cadhada iyo niyadjabka ay dadkaasi
dareemayeen, arrinkaasina waxa uu horseeday in ay colaadi ka dhex dhalato labada dhinac.
May joogin Jasiiradda Christmas kooxo u gaar ah ka jawaab‐celinta dhacdooyinka manay jirin
awood loo lahaa in hantida iyo dadka kale ee meesha ku sugnaa ay helaan wax difaac ah oo ka
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
92
difaaca dadkii mudaharaadayay. Wakhtigaas AFP (Booliska Federaalka ee Australia) kama
uusan hawlgalayn Xarunta dadka lagu haayo ee North West Point. Sidaa awgeed dadka ku
sugnaa Jasiiradda Christmas waxay xor u ahaayeen in ay siday doonaan jasiiradda u dhex
mushaaxaan una mudaharaadaa, iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin in arrinka cidi soo
faragaliso, natiijadiina waxay noqotay in uu dhasho khasaare qiimihiisu gaadhayo malaayiin
doollar. Iyadoo ay sidaa tahay, wali haddana waxa jiray dhaawacyo soo gaadhay qaar ka mid ah
dadka iyo shaqaalaha. Markii ugu dambaysay ee la qiimeeyay, khasaaraha soo gaadhay xarunta
Jasiiradda Manus waxa uu ahaa 400,000 oo kun oo doollar ugu badnaan111.
Qaybta 10aad: Qiimayn
Dibu Eegistan waxay ujeedadeedu tahay in si sax ah loo go’aamiyo waxay ahaayeen xaqaa’iqa ku
saabsan dhacdooyinkii dhacay 16 – 18 February 2014, iyo in xaqaa’iqaas loo gudbiyo hayadaha
dawladda ee ku munaasibka ah iyo in la soo bandhigo talo jeedin ku saabsan wax kasta oo horumarin ah
oo la samayn karo si ay kaalin uga ciyaaraan maaraynta dhacdooyinka mustaqbalka dhici kara.
Dhacdooyinku waxay socdeen dhawr cisho iyada oo ay jiraan duruufihii jiray wakhtigaas. Sidoo kale
waxay dhacdooyinku dheceen iyada oo ay jirto dibu‐habayn joogta ah oo degdeg ah oo lagu waday
siyaasadda iyo kaabayaasha iyo qorshaha mustaqbalka ee Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee
Manus.
Si hadaba loo oofiyo Shuruudaha Tixraaca, waxa loo baahanyahay in xaqaa’iqa la taaban karo iyo jawiga
guud ee ku xeersanaa dhicitaankooda lagu xisaabtamo marka la diyaarinayo talo soojeedinta.
10.1 Dhacdooyinkii 16 – 18‐ February 2014
Wixii ka horreeyay dhacdooyinkii dhacay 16 – 18 February 2014 iyo dhacdooyinkii dhacay saddexdaa
cisho waxa lagu sharraxay qaybihii hore ee Warbixintan.
Sharraxaaddaasi waxay sidoo kale qeexday sababta ay dhacdooyinkaasi u dheceen, in kasta oo ay G4S
qiyaastay in tiro ah 400 ama wax ku dhow oo kaliya oo ah dadka xarunta loo soo gudbiyay ee lagu hayo
Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus ay si firfircoon uga qayb galeen mudaharaadyada iyo
rabshadihii aakhirkii dhacay intii ay socdeen dhacdooyinka baadhitaanku ku socdo
Dibu Eegistu waxay falanqayn ku samaysay xogtii loo soo gudbiyay, falanqayntaasina waxa ay
xaqiijinaysaa in sababaha ugu doorka roon ee horseeday dhacdooyinku ay ahaayeen:
111 Dibu Eegistu maysan hubinin qiyaasta kharaskhan
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
93
Cadhada ay dadka xarunta loo soo gudbiyay ka cadhoodeen keenista dalka Papua New Guinea la
keenay
Cadhada ay ka cadhoodeen siyaasada ah in hadii loo aqoonsado in ay qaxoonti yihiin la dajin
doono dalka PNG oo aan Australia la dajin doonin
Niyadjabka ay ka qaadeen dib u dhaca ku yimid go’aaminta xaaladooda qaxoontinimo iyo war
la’aanta ay ka war la’aayeen wakhtiga laga yaabo in la gabagabeeyo go’aamintaas
Cadhada iyo niyadjabka dheeraadka ah ee ay dib u dhacaas ka dib ka qaadeen hubaal la'aanta ku
gedaaman mustaqbalkooda, siiba taas oo ay ka mid tahay hubaal la'aanta aan la hubin muddo
intee leeg ayaa lagu hayn doonaa Xarunta Manus, iyo
Niyadjabka ka dhashay war la’aanta ka haysay in haddiiba la dajiyo dalka PNG macnaha ay
dajintaasi u yeelan karto iyaga iyo qoysaskooda.
Sababahaas ugu doorka roon waxa sii xumaysay colaada ka dhex abuurantay qaar ka mid ah dadka
Xarunta loo soo gudbiyay iyo muwaadiniinta reer PNG ee ka shaqeeya Xarunta iyo dadka ka tirsan
bulshada deegaanka ee iyaga taageera. Colaaddaasi waxay ahayd sabab wayn oo horseedday heerka
rabshadihii dhacay intii ay socdeen dhacdooyinku iyo waliba dhaawacyadii ay dhacdooyinkaasi
sababeen, kuwaas oo ay ku jirto geeridii Reza Barati.
Dhanka kale waxaa jiray sababo kale oo iyaguna ka qayb qaatay in ay lunto gacan‐ku‐hayntii Xaruntu intii
ay socdeen dhacdooyinku iyo intii uu socday qaskii habeenkii labaad:
Qabanqaabooyinka muuqda ee xaga amaanka ah ee laga hirgaliyay Xaruntu ma aysan ahayn
kuwo dabooli kara baahida loo qabo in la maamulo tiro badan oo ka mid ah dadka Xarunta loo
soo gudbiyay oo aan nidaamka u hogaansanayn, iyo
Iyadoo aysan kala caddayn doorarka iyo masuuliyadaha Ciidanka Bilayska Boqortooyada Papua
New Guinea ee saldhiggiisu yahay Lorangau iyo guutada wareegta ee saldhiggeedu yahay
Xarunta Eegista Dacwadaha Ee Manus marka ay dhacdo in shirkadda bixisa adeegyada
ammaanka uu fareheeda ka baxo qas wayn oo ka dhaca Xaruntu, taas oo ay ku jirto habka iyo
wakhtiga ay shirkaddu masuuliyadda cid kale ku wareejinayso haddana kula soo noqonayso
masuuliyaddaas.
Kulanka dhacay galabnimadii 16‐ka February 2014 ee u dhexeeyay Maareeyaha Hawlfulineed ee Xarunta
iyo hoggaamiyayaal ka socda bulshooyinka ku sugan dhammaan afarta xeryood waxa uu meel isugu
keenay dhammaan sababahaas oo waxa uu gaadhsiiyay marxalad ay xaaladdu qaraxdo. Kulankaas – iyo
qanacsanaan la'aanta ay dadka Xarunta loo soo gudbiyay ku qanci waayeen jawaabaha la siiyay – waxa
uu kalkaaliyay dedejinta dhacdooyinkii kulankaas xigay.Marka la eego sababaha isku dhafan ama
arrimaha doorka ka ciyaaray dhacdooyinkii dhacay intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18‐kii bisha February
sannadka 2014, saraakiil waaxeedyada iyo adeeg bixiyayaasha ku sugan Xaruntu waxa ay u dhaqmeen si
haboon markii ay xiisaddu kor u kacday ee ay dhacdooyinku biloowdeen inkasta oo ay qaar ka mid ah
dadka u shaqeeya adeeg bixiyayaashu ku kaceen falal dambiyeedyo iyagoo u dhaqmayay si iskood ah oo
ka soo horjeedda dhammaan tilmaamihii ay siiyeen dadka ay u shaqeeyaan isla markaana jabiyay
shuruudaha shaqada.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
94
Masuuliyadda falal dambiyeedka sababay dhimashada iyo dhaawaca iyo khasaaraha hantida gaarka ah
ama waxyeelada soo gaadhay dhismayaasha amaba wax kasta oo kale oo jabinaya sharciga dalka PNG
waxa dhabarka u ridanaya dambiilayaasha, oo ay ku jiraan dadyowga ajnabiga ah iyo dadka Xarunta loo
soo gudbiyay. Waa in arrimahaas uu boolisku baadhitaan ku sameeyaa halkii ku habboonna waa in
boolisku soo oogaa dacwado la xidhiidha arrimahaas hadii caddaymaha gacanta lagu hayaa ay
taageerayaan in tallaabada noocaas ah la qaado.
Ma aha suurtagal in farta lagu fiiqo hal sabab oo haddii loo maarayn lahaa si ka duwan sidii loo
maareeyay uu dhici lahaa dhaawac ama waxyeelo intan ka yar, mana aha suurtagal in si toos ah dhinac
ama dhawr dhinac oo ka mid ah dhinacyada arrinku khuseeyo dusha looga rido eedda horseedista
dhacdooyinka.
Waxa lagu doodi karaa in haddii guutada wareegtaa ay debedda ka joogi lahayd Xarunta aysan dhacdeen
in dadka Xarunta loo soo gudbiyay ay soo weeraraan muwaadiniinta reer PNG ee iyagu gudaha u soo
galay xerada Mike iyagoo la socda askarta guutada markii ay soo jabiyeen xayndaabka. Laakiin in natiijo
noocaas ah la gaadho oo arrinka sidaa loo sababeeyaa waxa ay u baahantahay in aad loo rogrogo oo aad
loo male‐awaalo wajiga dambe ee ay yeelan lahayd dhacdadii dhacday intii u dhaxaysay 17 ilaa 18
February sannadka 2014 haddii qaskii ka socday xerada Mike aysan faragalinta boolisku joojin lahayn oo
uu sii socon lahaa isagoo aan laga hor tagin.
Fursadda ugu wacan ee saamixi karta in ka hor tag lagu sameeyo dhacdooyinka noocan ah si aysan
mustaqbalka u dhicin waxa ay ku jirtaa in wax laga qabto dhamaan sababaha horseeday dhacdada si loo
yareeyo amaba xitaa meeshaba looga saaro asbaabta doorka ku lahaa in xiisadda ka curatay Xaruntu ay
gaadho heer khatar ah oo isla markaana loo hubiyo in nidaamyada ammaanka ee muuqdaa ay yihiin
kuwo sidii hore si ka wacan ugu dhigma qiimeynta khatarta Xarunta ka jirta haddiiba uu wax qas ahi
dhaco.
Si kasta ha ahaatee, Dibu Eegistu waxa ay xusaysaa in inkasta oo wanaajinta ammaanku ay muhiim
tahay, kor u qaadista heerk ammaanku kaliya waxa uu wax ka qaban doonaa astaamaha xanuunka ee la
xidhiidha mushkiladaha dadka xarunta loo soo gudbiyay ee horseeday dhacdooyinkii 16 – 18‐kii February
2014 balse waxba ka qaban mayso sababta mushkiladahaas.
10.2 siyaasadda, kaabayaasha iyo qorshaha mustaqbalka
Qaar badan oo ka mid ah sababihii kaalinta ka ciyaaray dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February waxay
ahaayeen kuwo loo aqoonsaday in ay yihiin khataro jira waxaana la qaaday ama socday tallaabooyin
khatarahaas wax lagaga qabanayo.
Waxa Waaxda iyo adeeg‐bixiyayaasha qasab ku noqotay in ay u socdaan si dhakhso leh kadib markii
labada Ra’iisul Wasaare ee kala ah Rudd iyo O’neill ay soo saareen ogaysiiska 19 July 2013.
Dhinacyada kala duwan dhammaantood waxa soo foodsaaray cadaadis kaas oo khasab ka dhigay in la
oofiyo shuruudaha siyaasadda cusub. Tusaale ahaan, Maareeyaha Guud ee G4S u qaabilsan
Mandaqadda, Mudane Darren Boyd, waxa uu warbixinta u sheegay:
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
95
G4S lama siinin wax ogaysiis ah oo ku saabsan isbaddalka ku yimi siyaasadda u gaarka ah
Xarunta Manus ee uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Rudd 19‐kii July 2013. Shirkadda waxa laga
codsaday in ay soo gudbiso hindise kor loogu qaadayo bixnta adeegyada xarunta hindisahaas oo
uu saldhig u yahay korodhka tirada dadka xarunta loo soo gudbiyay uu kordhi doono ee tiradu
iyadoo ahayd 400 oo qof ay noqon doonto 1,400 sida ugu dhakhsaha badan. 112
Wakhtigii shaacinta, xerada Oscar wali may dhismeheedu muu dhammaystirnayn xerada Mike
dhismeheeduna wali muu bilaabmin. Waaxdu waxay maaraysay dibu‐habaynta sida degdegga ah loogu
sameeyay Xarunta ee baaxadda ay hadda tahay lagu gaadhsiiyay bishii December 2013.
Hasa yeeshe markii labada Ra’iisul Wasaare ay ku dhawaaqeen qorshaha cusub ee ku saabsan eegista
dacwadaha iyo hawlaha dejjinta qaxoontiga iyo in qorshahaas dhakhso loo dhaqan galin doono, dalka
PNG ma uu lahayn siyaasado iyo habraacyo iyo xeerar lagu hirgalin karo qorshahaas.
Intaa waxa dheer, maalgalinta miisaaniyadeed ee hawlaha muhimka ah ee Xarunta waxa la ansixiyay
uun 30‐kii June 2014.
In kasta oo Waaxda iyo adeeg‐bixiyayaashu ay xooga saareen baahiyaha degdegga ah ee la xidhiidha
guryeynta tiro marba marka ka dambaysa sii kordhaysa oo dadka la soo gudbiyay ah, haddana wali ma
muuqato in uu jiray wax horumar ah oo la xidhiidha xoojinta siyaadda u gaarka ah go’aaminta xaaladda
qaxoontinimo iyo hawlaha dibu‐dajjinta qaxoontiga iyo xoojinta qorshaynta kaabayaasha ka hor intii aan
kalfadhiga Baarlamaanka dib loogu dhigin doorashooyinkii 2013 awgood.
Sida xoogga badan ee ay xukuumadda cusub ee Australia xoogga u saartay ilaalinta xuduudaha iyadoo
adeegsanaysa hawlgalka Operation Sovereign Borders (Hawlgalka Xuduudaha Madaxa Bannaan) wax ka
mid ahaa in si joogto ah oo dhaw isha loogu hayo arrimaha la xidhiidha Xarunta Manus iyo xidhiidhka
wadashaynta ah ee lala leeyahay Xukuumadda PNG.
Wasiirka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduuduhu waxa uu safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago magaalada
Port Moresby iyo Jasiiradda Manus ku tagay 26 – 28 September 2013. Ujeeddada safarkaasi waxay
ahayd in Ra’iisul Wasaaraha PNG loo xaqiijiyo loona ballanqaado in Xukuumadda Australia ay ka go’an
tahay in ay sii waddo siyaasadda eegista dacwadaha magangalyo iyo hawlaha dibu dajinta iyo in lagala
hadlo horumarka laga gaadhay hawlaha go’aaminta xaaladda qaxoontinimo iyo baahida loo qabo in la
dhiso guryo dadka la dajiyo kaddib marka la dhammays tiro eegista dacwadohooga, kuwaas oo la soo
jeediyay in ay Australia ka dhisto Bariga Lorengau.
Wasiirku booqashooyin dheeraad ah ayuu ku tagay dalka PNG dabayaaqadii bishii November 2013 iyo
11 December 2013 iyo dhammaad February 2014 si uu wax uga qabto arrimo ay ka mid yihiin
ammaanka iyo guryaha iyo hawlaha dibu‐dajinta ee Xarunta.
Si ay u suurtagasho in si wadajir ah loo hore loogu wado oo isha lagu hayo siyaasadda eegista
dacwadaha qaxoontinimo iyo hawlaha dibu‐dajinta iyo waliba arrimaha kale ee la xidhiidha113, PNG iyo
112 Qoraalka waraysig, bogga 1aad 113 Sidoo kale eeg Qaybta 11.2aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
96
Australia waxa ay aasaaseen Madal Wasaaradeed kulanta bishiiba mar. Waxa kulamada madasha ka soo
qayb gala Wasiir Morrison iyo Wasiir Bishop oo iyagu Australia ka socda iyo Wasiir Pato iyo Wasiir Kua
oo iyagu PNG ka socda. Kulankii saddexaad ee u qabsoomay Madal Wasaaradeedda waxa lagu qabtay
magaalada Port Moresby 8‐dii May 2014.
Wasiirku waxa uu Hay'adda Guddi Hawleedka Wadaagga ah ee uu madaxa u yahay Sarreeye Guud Angus
Campbell DCS AM u xilsaaray in ay Xarunta Manus ka samayso warbixin ah Dibu Eegis Xaga Ammaanka
ah, taas oo qayb ka ah hawlgalka Operation Sovereign Borders (Hawlgalka Xuduudaha Madaxa Bannaan)
lana sameeyay 14 – 18‐kii bisha October sannadkii 2013.
Wasiirku waxa uu aqbalay qiimaynta ay soo saartay Guddi Hawleedku 5‐tii November 2013 waxana uu
aasaasay barnaamij socon doona oo barnaamij ka kooban hirgalin iyo dabagal isla markaana fulintiisa
loo xilsaaray Guddi Hawleedka.Guddi Hawleedku waxa ay bil kasta wasiirka u soo gudbisaa warbixin‐
bileedyo cusub oo ku saabsan hawlaha ugu muhiimsan ee wax lagaga qaban karo khataraha xaga
amaanka ah ee ugu muhiimsan ee ka jira Xarunta Manus RPC, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Xoojinta waxyaabaha lagu xakamaynayo galitaanka goobaha kala duwan iyo shuruudaha
ammaanka shakhsi ahaaneed iyo maaraynta dhacdooyinka
Xukuumadda PNG oo lagala hadlo sidii loo dadajin lahaa hawlaha waarannada ama amarrada
baadhitaanka ee la rabo in laga fuliyo Xarunta iyo in la sameeyo awood lagu maareeyo
dhacdooyinka degdegga ah, iyo
In kor loo qaado tayada kaabayaasha iyo goobaha raaxada lagu qaato iyo ammaanka.
Xukuumaddu waxay ansixisay in la maalgaliyo:
Xayndaabyada oo la horumariyo, nalka ama laydhka oo la wanaajiyo, kamaradaha hannaanka
CCTV oo la rakibo, iyo
Xarunta loojistikada (agabka, saadka iyo gaadiidka) oo debedda looga saaro xeryaha ay daggan
yihiin dadka Xarunta loo soo gudbiyay.
Bishii March sannadka 2014, Xukuumadda Australia waxa ay midaysay masuuliyadda iyo maamulka
adeegyada aasaasiga ah ee la xidhiidha ammaanka iyo samafalka iyo daryeelka waxaana ay adeegyadaas
hoos gaysay shirkad kaliya oo bixisa adeegyada dhammaantood, taas oo magaceeda la yidhaahdo
Transfield Services, isla markaana adeegyada ka bixin doonta Xarumaha Goboleed ee Eegista
Dacwadaha ee Manus iyo Nauru labadaba. Qandaraasyadii ururka The Salvation Army iyo shirkadda G4S
lama cusboonaysiin kaddib markii wakhtigoodii uu dhammaaday bishii February iyo bishii March 2014.
Xaga arrimaha maaraynta, Waaxdu waxay caawinaysay in muddo ahba waaxaha dhiggeeda ah ee dalka
Papua New Guinnea, caawimadaas oo ay ka mid tahay in doo dirista dad hageyaal ah si ay gacan uga
gaystaan hawlaha ay wadaan saraakiisha reer PNG ee ku saabsan go’aaminta xaaladaha qaxoontinimo
isla markaana ay saraakiishaa ka caawiyaan sidii ay u samayn lahaayeen qiimayn una gaadhi lahaayeen
go’aanno hordhac ah oo ku saabsan qaxoontiga.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
97
Sidoo kale waxa ay xukuumaddu sharci garaysay kaalmooyinkii dhaqaale ee hore loogu fidin jiray Xarun
Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus oo ay si rasmi ah ugu soo dartay Odoroska Dhaqaale iyo Ka
Maaliyadeed Ee Badhtamaha Sannadka ee bishii December sannadkii 2013, waxaana aad loo kordhiyay
isla markaana sii socon doonta maalgalinta loogu talagalay adeegyada ammaanka iyo samafalka iyo
daryeelka ee la qiyaasayo in loo baahan doono mustaqbalka.
Maalgalinta la kordhiyay waxa ku jira kharashka dhismaha ama dhammaystirka hawlaha horumarinta
kaabayaasha lagama maarmaanka ah (kuwaas oo ay ka mid yihiin guryaha, xarumaha, biyaha, tamarta
korantada, guryaha shaqaalaha iyo rug caafimaad oo cusub).
Madmadow la’aanta la xidhiidha arrimaha dhaqaaluhu waxa ay u saamixi doontaa Waaxda in ay
samayso qorshe mustaqbalka fog ah iyo in ay kharash badan bixiso oo ay ku bixiso waxyaabo ay ka mid
yihiin ballaadhin wayn oo la ballaadhiyo Xarunta ku taala Saldhigga Ciidamada Badda ee Lombrum iyo
dhismaha xarun cusub oo ay dagaan dadku kadib marka ay dhammaato qiimaynta dacwaddooda
qaxoontinimo xaruntaasna waxa laga dhisi doonaa Bariga Lorengau waxan loo dhisi doonaa dadka
sugaya in la dajiyo dalka PNG.
Qaybta 11aad: TALO SOOJEEDIN
Shuruudaha Tixraacu waxay dhigayaan in Dibu Eegistan looga baahanyahay in:
In wax kasta oo daliil ama caddayn ah oo ay suurtagal tahay in uu daliil u yahay fal dambiyeed oo
ay heshay Dibu Eegistani loo gudbiyo hayadaha ku habboon
In la soo bandhigo talooyin cad oo ku sabsan wax kasta oo horumarin ah oo la samayn karo si
caawimo looga gaysto sidii dhacdooyinka mustaqbalka dhici kara loo maarayn lahaa, iyo
In la soo bandhigo talooyin lagu xoojinayo qabanqaabooyinka ka jira Xarunta isla markaana
lagaga hortagayo in dhacdooyin la mid ah kuwii dhacay ay mustaqbalka soo noqdaan.
Waxa xusid mudan in waxyaabihii sababay ama horseeday dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February
2014 aysan dhacdooyinkaasi midkoodna xal u helin. Sababaha dhacdooyinkaas horseeday iyo cadhadii
iyo niyadjabkii la socday wali way jiraan laakiin waxa imika sida ugu dhakhsaha badan loo qaadayaa
tallaabooyin dhawr ah si wax looga qabto sababahaas, inkasta oo aan waxba laga baddali doonin
siyaasadda dhigaysa in dadka Xarunta loo soo gudbiyay la dajin doono dalka PNG (ama hadii suurtagal
tahay dal saddexaad oo isla mandaqadan ku yaala, laakiinse aan Australia ahayn).
Qaybtani waxay ku talinaysaa tallaabooyin la qaadi oo la xidhiidha arrimahan soo socda si loo oofiyo
shuruudaha ay dhigayaan Shuruudaha Tixraaca:
In caddaymaha ay heshay Dibu Eegistani loo gudbiyo hayadaha ku habboon
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
98
In horumar laga gaadho hawlaha go’aaminta xaaladda qaxoontinimo iyo hawlaha dibu‐dajinta
In lala xidhiidho Boolis Boqoreedka Dalka Papua New Guinea
In laga jawaab‐celiyo warbixinaha qiimaynta khataraha
In aad loo ballaadhiyo faa’idada ka dhalatay baddalaadda la baddalay adeeg‐bixiyayaasha
In la shaqaalaysiiyo shaqaale bixiya adeegyada
In la wanaajiyo xidhiidhka lala leeyahay dadka xarunta loo soo gudbiyay
In la wanaajiyo xidhiidhka lala leeyahay bulshada deegaanka
Daryelka iyo xaaladaha dadka xarunta loo soo gudbiyay
Tababarka shaqaalaha, iyo
In laga fekero diyaarinta dibu eegisyo iyo warbixino kale.
Mid kasta oo ka mid ah hawlahaas kor ku xusan hoos ayaynu ku eegi doonaa.
In caddaymaha ay heshay Dibu Eegistani loo gudbiyo hayadaha ku habboon
11.1 In caddaymaha ay heshay Dibu Eegistani loo gudbiyo hayadaha ku habboon
Sida iska cad dadka xarunta loo soo gudbiyay waxay si wayn u filanayaan in falal dambiyeedyo la
xidhiidha dhimashadii Mudane Barati cid lagu soo oogi doono haddii soo oogista dambiyadaasi ay dib u
dhacdana waxa sii kordhi doona caddaalad darrada ay dareemayaan.
Waxa jira dambiyo kale oo ay suurtagal tahay in si munaasib ah uu baadhitaan ugu sameeyo Boolis
Boqoreedka Dalka Papua New Guinea (siiba weeraradii sababay dhaawacyada lagu qeexay Qaybta 8aad
ee Warbixintan).
Warbixinani waxay soo uruurisay xaddi badan oo macluumaad ah oo laga yaabo in ay Booliska PNG si
gaar ah u daneeyaan amaba ay caawimo ka helaan.
Intii ay socdeen baadhitaannadii ay wadday Dibu Eegistani dhammaadkii bishii March, waxa Dibu
Eegistan loo soo gudbiyay macluumaad ku saabsan dambiyo laga yaabo in uu gaystay nin ka mid ah
shaqaalaha ilaalada oo ka tirsan G4S oo la yidhaahdo ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐. Isla wakhti ku
dhawaa wakhtigaas, G4S waxay Waaxda ku soo wargalisay in ay ka war heshay eedaymo ku saabsan ‐‐‐‐‐
‐‐‐‐‐‐‐‐‐ kuwaas oo ay si dagdag ah ugu gudbisay Booliska PNG. Haseyeeshee, ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ may
waraysan boolisku ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐.
Dibu Eegistu waxay soo jeedinaysaa in dhammaan macluumaadka ay heshay ee la xidhiidha eedaymaha
ku saabsan falal dambiyeedyada loo gudbiyo Booliska PNG.
Dibu Eegistu waxay xusaysaa in dhammaadkii bisha April 2014, qaar ka mid ah baadhitaannada booliska
PNG, oo ay ku jiraan waraysiyo lala yeeshay dadka loo soo gudbiyay Jasiiradda Manus, ay marayeen
meel wacan.
Talada 1‐aad: In la badhitaaro oo la taageero baadhitaanka ay wadaan Boolis Boqoreedka Dalka Papua
New Guinea ee ku saabsan dhacdooyinkii dhacay intii u dhaxaysay 16‐kii ilaa 18‐kii bisha February
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
99
sannadka 2014. Warbixintani waxa ay soo jeedinaysaa in macluumaadka hoos ku dhigan loo gudbiyo
Booliska Boqortooyada Papua New Guinea:
145‐ka dhigaal ee jawaab‐celinaha ah ee ay ku dhigan yihiin eedaymaha ay soo jeedinayaan
dadka loo soo gudbiyay Xarunta ee ay ku sheegayaan in loo gaystay fal dambiyeed amaba ay
markhaati ka ahaayeen falal dambiyeedyo dhacay intii ay socdeen dhacdooyinka
baadhitaanku ku socdo.
Qoraalladii laga sameeyay waraysiyadii lala sameeyay labada qof ee ka midka ah dadka loo
soo gudbiyay Xarunta, labadaa qof oo kala ah Mudane T2, Mudane T3, ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ iyo ‐‐‐‐‐
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐, iyo
Diiwaannada waraysiyadii laga qaaday shaqaalaha caafimaad ee shirkadda IHMS.114
11.2 In horumar laga gaadho hawlaha go’aaminta xaaladda qaxoontinimo iyo hawlaha dibu‐dajinta
Mar horeba tallaabooyin ayaa la qaaday la rabo in sidii hore si ka wacan dadka la soo gudbiyay loogu
wargaliyo hawlaha go’aaminta xaaladooda qaxoontinimo iyo dajina alka Papua New Guinea iyo in
hawlahaas la dadajiyo. Xaaladda wakhtigan wakhtigan jirta ee ku saabsan mid kasta oo ka mid ah
marxaladaha hoos ayay ku qeexantahay.
Go’aaminta Xaaladda Qaxoontinimo – xaaladda imika jirta
Habka lagu go’aaminayo in uu qofku xaq u leeyahay in la siiyo fiiso qaxoonti waxa weeyaan:
Waraysi hordhac ah oo lala yalanyo qofka la soo gudbiyay
Qofka oo loo qoondeeyo kalkaaliye ka caawiya dacwaddiisa magangalyo isla markana u
diyaariya una gudbiyaarji magangalyo‐doon
Waraysi lagu go’aaminayo in uu qofku qaxoonti yahay iyo in kale si loo qiimeeyo dacwadaha
qaxoontinimo, waxana taa ku xigta qiimayn hordhac ah oo qofka dacwadiisa lagu samaynayo
Wargalin ku saabsan qiimaynta hordhaca ah oo qofka la soo gudbiyay ka helayo sarkaal ka socda
waaxda socdaalka ee PNG
Haddii qiimaynta hordhaca ahi ay wanaagsan tahay, waxa loo gudbinayaa qiimaynta Wasiirka
Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka PNG si go’aan kama dambays ah looga gaadho, iyo
Haddii qiimaynta hordhaca ahi aysan wanaagsanayn, qofka la soo gudbiyay waxa uu codsan
karaa in dibu eegis lagu sameeyo, codsigaas oo isna sidoo kale loo gudbin doono Wasiirka
Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka PNG si go’aan kama dambays ah looga gaadho.
114 Macluumaadkan waxa loo dhiibay Ku Xigeenka Taliyaha Booliska Mudane Kauba Magaalada Port Moresby 7‐dii May 2014
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
100
Waaxdu waxay Dibu Eegista ku wargalisay in markay taariikhdu ahayd 6‐dii May 2014:
Sideed boqol iyo sideed iyo lixdan qof oo ah dadka xerada loo soo gudbiyay ayaa lala yeeshay
waraysiga hordhaca ah ee lala yeesho qofka la soo gudbiyay halka 387 qof ay wali sugayaan in
waraysigaa lala yeesho
868‐ka qof 333 ka mid ah ayaa lala yeeshay waraysiyo lagala talinayo lagana caawinayo
dacwadohooda qaxoontinimo (waraysiyadaas oo loo yaqaano waraysiyada CAPs) si diyaariyo
loona gudbiyo dacwad magangalyo‐doon. Sagaal boqol iyo laba iyo todobaatan qof ayaa wali u
baahan in lala yeesho waraysiyada CAPs. Wakhtigan xaadirka ah, mid ka mid ah adeeg‐
bixiyayaasha iyagu bixiya adeegyada la xidhiidha waraysiyada CAPs ayaa isagu imika
adeegyadaas meel xafiis ah ku bixiya halka ay laba kalena waraysiyada ku qabtaan Xarunta
Manus. Guddi‐hawleedka soo socota ee waraysiyada CAPs qaban doonta isla markaana Xarunta
Manus RPC ka bixin doonta talooyinka iyo caawimooyinka la xidhiidha dacwadaha qaxoontinimo
waxa qorshaysan in ay hawlgasho 13‐ka ilaa 21‐ka May 2014, sidoo kale
333 qof ee la waraystay, 82 ka mid ah ayaa lala yeeshay waraysiyada go’aaminta xaaladda
qaxoontinimo si loo qiimeeyo dacwadohooga qaxoontinimo.
War‐saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen 3‐dii April 2014, Mudane Scott Morrison MP, ahna
Wasiirka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha iyo Mudane Rimbink Pato MP, Wasiirka Arrimaha Dibadda
iyo Socdaalka, ayaa warsaxaafadeedkaas ku sheegay:
Wasiiradu waxay soo dhaweeyeen go’aanka uu qaatay golaha wasiirada PNG ee ogolaanaya in
qaybta koowaad ee qiimaynta hordhaca ah loogu gudbiyo dadka xarunta loo soo gudbiyo bil
gudeheed.
Wargalinihii ugu horreeyay ee ku saabsanaa qiimaynta hordhaca ah ee xaaladda qaxoontinimo waxa
Xarunta Manus dhexeeda lagu gudbiyay todobaadkii bilaabmayay 28 April 2014. Markay taariikhdu
ahayd 14 May 2014, 18 ah dadka la soo gudbiyay ayaa loo diray wargalin (sideed ka mid ah natiijadoodu
way wanaagsanayd 10 may wanaagsanayn). Arjiyadaas waxa wakhti munaasib ah go’aammo kama
dambays ah ka gaadhi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka PNG.
Sida kor ku xusan, hawsha go’aaminta xaaladda qaxoontinimo waxay qofka u samaxaysaa in dibu eegis
lagu sameeyo qiimaynta hordhaca ah haddii natiijadeedu aysan tognayn. Waraysigii 3 April 2014 waxa
uu Wasiir Morrison iyo Wasiir Pato sidoo kale sheeeen in:
Waxa socota oo la filayaa in ay dhamaato bisha April hawsha diyaarinta hannaanka dibu
eegista dadka iyaga si hordhac ah loo qiimeeyay in aysan ahayn qaxoonti.
Dalka PNG waxay samaynaysaa Guddi Dibu Eegis ah oo eegta rafcaannada ama codsiyada la soo gudbiyo
ee la rabo in dib loogu eego go’aamada ah in uusan qofku qaxoonti ahayn.
Wasiir Morrison iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Julie Bishop ayaa imika bil kasta kulan la yeesha
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka PNG iyo Waasiirka Caddaalada ahna Xeer‐Ilaaliyaha
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
101
Guud ee dalka PNG si loo dedejiyo hawlaha go’aaminta xaaladaha qaxoontinimo iyo hawlaha dibu‐
dajinta dadka la soo gudbiyay ee ku sugan Xarunta Manus.
Dibu‐dajinta – xaalada imika jirta
Siyaasadda ay Xukuumadda Australia iyo Xukuumadda Papua New Guinea ay isla meel dhigeen waxa
weeyaan in dhammaan dadka dalka PNG loogu soo gudbiyo si waafaqsan Qorshaha Goboleed ee Dibu‐
Dajinta ee isla markaana la ogaado in ay yihiin qaxoonti la dajin doono dalka PNG. Cidna Lama dajin
doono Australia.
Ilaa imika, ma jirto cid loo gudbiyay dalka PNG oo la dajiyay dalka PNG.
Adeegyada dajinta ee Papua New Guinea waxa ka mid ah in qaxoontiga wakhti hore loo fidiyo taageero
wax ku ool oo ku salaysan baahiyohooda si looga caawiyo in ay kasbadaan cilmiga iyo xirfadaha ay u
baahan yihiin si ay ugu guulaystaan in ay dalkaa dagaan oo ay noqdaan xubno firfircoon oo madax
bannaan oo qayb ka ah bulshada PNG.
Wakhtiga la dabbaqayo hindisayaashaasi waa hawl u taala Xukuumadda PNG.
Xukuumadda PNG waxay go’aamisay in hawlaha dajinta qaxoontigu ay bilaabmi doonaan kadib marka la
dhammaystiro siyaasad qaran oo hagta dajinta qaxoontiga. Siyaasadaas waxa diyaarinaya Guddi
Khubaro ah oo ka kooban khubaro bulsheed oo ku takhasusay diyaarinta siyaasadaha oo ah reer PNG.
Wixii ah hawlo mug leh oo qaxoonti lagu dajinayo PNG waa kuwo dhammaantood ku xidhnaan doona
natiijooyinka ay soo saari doonto Guddida Khubaradu iyo dhammaystirka siyaasadda qaran ee hagi
doonta dajinta qaxoontiga.
Bixitaanka – xaaladda imika jirta
Dhammaystir ahaanshaha awgeed, waxaan sidoo kale xusayaa in inkasta oo dalka PNG leeyahay sharci
fasaxaya in ay dadku si iskood ah u baxaan, laakiin haddana ma jiro hab ama hannaan qoran iyo xidhiidh
laba‐geesood ah oo Australia iyo PNG ka dhexeeya si loo taageero saaritaanka dadka ee aan ikhtiyaarka
lahayn.
Markaynu eegno waxyaabaha waajibka ah ee uu dhigayo Qorshaha Goboleed ee Dibu‐Dajintu ee ay ka
midka yihiin in ay mamnuuc tahay in qof qaxoonti ah qasab lagu masaafuriyo, waxa Xukuumadda PNG
ku waajib ah in ay hubiso in dacwadaha dadka magangalyo‐doonka ah ay iyagoo cuskana heshiisyada
qaramada midoobay ee kala duwan kaga cabanayaan in cadaadis lagu hayo ay yihiin kuwo aan qiime
lahayn ka hor intaysan awood u helin in ay dadkaas si aan ikhtiyaari ahayn dalka uga saarto.
Ka hor inta saaritaanku noqonin tallaabo la qaadi karo, waxa loo baahan yahay in la raaco hab lagu rabo:
In La hubiyo haybta iyo xuquuqda daganaanshaha
In La helo waraaqaha ama dhokumantiyada safarka
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
102
In fasax loo helo in diyaarad dad lagu qaado, iyo
In dadka la masaafurinayo loo fidiyo taageero caafimaad iyo mid xaga ammaanka ah.
Sidaa awgeed, waxay u dhawdahay in dadka magan‐galyo doonka ah ee ku guul‐darraysta in la aqbalo
dacwadohoogu ay sii daganaan doonaan Xarunta inta qorshayaashaas la hirgalinayo, taasina waxay
noqon kartaa arrin horseeda xasilooni darro.
Allan Hawke AC iyo Helen Williams AO waxay khatartan kaga hadleen Dibu Eegista Madaxa Bannaan ee
Dhacdooyinkii Ka Dhacay Xarunta Dadka Lagu Hayo ee Jasiiradda Christmas Iyo Xarunta Dadka Lagu
Hayo ee Villawood (31 August 2011):
Dadka xarunta lagu hayo intooda badan waa kuwo sharciga u hoggaansan amaba si
nabadgalyo leh u mudaharaada. Laakiin waxa jirta koox ah dadkaas xarunta lagu hayo oo iyaga
marxaladdii koowaad ay soo gaadheen go’aamo aan wanaagsanayn, amaba la diiday arjiyadii
racfaanka ahaa ee ay qorteen oo uusan jirin wax ka lumayaa haddii aynu ka hadalno
xaaladdooda qaxoontinimo. Labadaas kooxoodba waxay khatar wayn ku hayaan in Xarunta
Dadka Lagu Hayo ay si wacan u shaqayso. 115
Warbixinta Hawke iyo Williams waxay ku talisay:
Waxa aanu ku talinaynaa in Waaxda DIAC116 ay diyaariso talo ay Xukuumadda kagala talinayso
waxyaabaha ay kala dooran karto ee la xidhiidha maaraynta aan wax rajo ah ka qabin in la
aqbalo codsigooda qaxoontinimo, siiba kuwa la ogaado in aysan ahayn qaxoonti, balse kuwaas
oo masaafurintooda ay dhibaato ku jirt.
Talada 3‐aad: Dibu Eegistu waxay ku talinaysaa in talaabooyinka hadda la qaaday iyo wixii
kale ee hindisayaal ah ee wax ka tari kara dedejinta gabogabeynta hawlaha go’aaminta
xaaladda qaxoontinimo iyo hawlaha dib u dejinta sida ugu dhakhsaha badan loo hirgaliyo
wixii taakulayn ah ee munaasibka ahna arrintaa laga gaysto.
11.3 La macaamilista Booliska Papua New Guinea
Sida ay dhigayaan shuruudaha heshiiska uu la galay Waaxda, bixiyaha adeegyada ammanka ayaa ka
masuul ah ammaanka dadka la soo gudbiyay iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee ammaanka
Xarunta Eegista Dacwadaha ee Manus.
Laakiin bixiyaha adeegyada ammanku waxa uu leeyahay awoodo aad u kooban. Tusaale ahaan, G4S
waxay ku sheegtay qoraalkii ay soo gudbisay:
115 Bogga 141aad 116 Waxa loo jeedaa Waaxda waxana loogu yeedhayaa mageceedii hore ee ahaa Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
103
G4S awood uma laha in ay guryaha baadho ama ay awood adeegsato, marka laga reebo
markay nafteeda ama dadka kale difaacayso. Arrinkaasi waxa uu ka duwanyahay xaaladda ka
jirta xarumaha dadka lagu hayo ee carriga Australia ka tirsan (kwaas oo ay ku jirto Jasiiradda
Christmas), halkaas oo Xeerka Socdaalka ee 1958 uu adeeg‐bixiyaha xarunta dadka lagu hayo u
fasaxayaa in awood la adeegsado ama dadka xarunta lagu hayo la masaafuriyo ama
baadhitaan la sameeyo.117
Sidaa awgeed, G4S waxa lagama maarmaan ku noqotay in ay wadashaqayn dhow lala yeesho laanta
gobolka ee Booliska Dalka Papua New Guinea ee saldhiggiisu yahay Lorengau (tusaale ahaan in G4S
booliska ay kala shaqqayso soo saarista waarannada ama amarada baadhista Xarunta iyadoo laga
baadhayo alaab mamnuuc ah ama hubka gacmaha lagu sameeyo).
Siday G4S tilmaamayso, xaaladdu Australia dhexdeeda sidaa ayay xoogaa kaga duwan tahay, sababta oo
ah shirkada bixisa adeegyada ammaanku waxay leedahay waxoogaa sharci awoodeed ah oo kor u
qaadaya awoodda shirkada, taas oo ay ku jirto awoodda ay u leedahay in ay guryaha baaddho iyo
awoodaha kale ee ay shuruucdu siinayaan.
G4S waxay leedihii awoodahaas oo kale ay ku haysan lahayd dalka PNG dhexdiisa, waxa shirkadda u
suurtagali lahaa intii ay socdeen dhacdooyinka baadhitaanku ku socdo in ay hoggaamiyayaasha
mudaharaadyada ee la aqoonsaday ka fogayso xeryaha ay ku jiraan ee ay xassilooni darrida ka
kicinayeen kana dhiirigalinayeen. Laakiin waxay G4S sidoo kale xusaysaa in tallaabada noocaas ahi ay
noqon karto middi laba afleh sababtoo mararka qaarkood waxay kor u qaadi kartaa xasilooni darrada ka
dhex jirta inta ka hadhay dadka la soo gudbiyay.
Talada 4‐aad: In Xukuumadda Papua New Guinea laga codsado in ay dhaqan galiso awoodo qaanuuni ah oo ay yeeshaan bixiyayaasha adeegyada saldhigga iyo adeegyada ammaanka awoodahaas oo la mid ah kuwa wakhtigan xaadirka ah ka jira Australia.
Dibu Eegistu waxay aragtay in sida muuqata aysan kala caddayn masuuliyadaha G4S iyo guutada
wareegta iyo Booliska deegaanka marka ay dhacaan dhacdooyin waawayn oo degdeg ah oo la mid ah
kuwii dhacay 17 – 18 February 2014.
Inkasta oo guud ahaan la fahansanyahay in kaalinta guutada wareegta ee ka tirsan booliska PNG ay ku
koobnayd in Xarunta laga ilaaliyo khataraha xaga dibadda kaga iman kara, laakiin guutadu waxay
go’aansatay in ay Xarunta gasho 17 February 2014 iyadoo G4S aysan ogayn amaba ogolaanin. Dibu
Eegistani kama war hayso sida go’aankaas lagu qaatay amaba cidda guutada wareegta awoodda u siisay
in ay faragalin samayso.
Waxa suurtagal ah in waxyaabaha ay ku kala soocan yihiin booliska gobolka iyo guutada wareegtaa ay
yihiin kuwo aan dhab ahayn oo marin habaabin ah. In kasta oo sifaha iyo ujeedada booliska gobolka iyo
guutada wareegta ay si cad u kala duwan yihiin, laakiin labadooduba waxay qayb ka yihiin Booliska
117 Qoraalka la soo gudbiyay, bogga 41aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
104
Papua New Guinnea. Markaa waxa laga yaabaa in xaaladaha degdegga ah iyo marka ay gabi ahaamba
meesha ka maqan yihiin booliska gobolku ay guutada wareegtaa fasax ka haysato Booliska Papua New
Guinea oo ay awood u lahayd in ay damiso qaskii ka dhacay xerada Mike.118
Email ay is waydaarsadeen G4S iyo Waaxdu oo ku taariikhaysnaa 10 February 2014 waxay G4S ku soo
gudbisay qoraal kooban oo ka hadlaya kulan ay dhawaan la yeelatay ‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ oo
isagu ka tirsan guutada wareegta. Email‐ku waxa uu xusay:
‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐‐ waxa uu sheegay in amarka sharci ee ay haystaan uu ku kooban yahay in ay
xarunta ka daafacaan khataraha dibadeed. Laakiin markay noqoto khataraha gudaha, in
guutada wareegta la hawlgaliyaa waxay u baahantahay in codsi loo diro hoggaanka
(Hoggaamiyaha Booliska Gobolk, oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano PPC). Taariikh ahaan, la
xidhiidhista PPC waxa weeyaan arrin dhibaato badan oo taleefanada loo dirana lagama
jawaabo inta badan ama taleefan dambe lagama soo daba diro. Marka la eego xawaaraha ay
dhacdooyinku ku dhici karaan, waxa la filan karaa in dheef kasta oo laga faa’idi karo guutada
wareegta oo dhakhso loo hawlgaliyo uu hoos u dhigi karo dibu dhaca ka dhalan kara in
hawlgalintaa la isku dayo in fasax loo qaato.
Waxa sidoo kale muhiim ah in la xuso in Xeer Ciqaabeedka sannadka 1974 ee dalka PNG uu dhigayo:
Xubin ka mid ah Ciidanka Booliska oo isagoo aan haysanin cudur daar macquul ah hilmaama in
uu guto waajibka ka saaran daminta mudaharaad ka socda agagaarkiisu waxa uu galay dambi ah
ah misdemeanour (fal ama dambi xun oo aan sidaas u waynayn) kaas oo ciqaabtiisu tahay qofka
oo xabsi ku jira muddo aan ka badnayn laba sannadood119
Mudaharaad waxa looga jeedaa marka ay saddex dad ah ama in ka badan oo ku talojira in ay ku
dhaqaaqaan ujeedo isku mid ah ay isu urursadaan hab dadka agagaarkooda jooga ku kallifaya in
ay sababo macquul ah awgood uga cabsadaan in dadkaa is urursaday ay si rabshad leh u
khalkhal galin karaan nabadgalyada amaba ay dad kale ku kallifi karaan in ay sidaa yeelaan120,
iyo
Qofka isaga oo haysta ogaysiis macquul ah oo sheegaya in looga baahanyahay in uu xubin ka
mid ah Ciidanka Booliska ka caawiyo daminta mudaharaad hilmaama in uu sidaa sameeyo isaga
oo aan haysan cudurdaar macquul waxa uu galay dambi ah misdemeanour (fal ama dambi xun
oo aan sidaas u waynayn) oo ciqaabtiisu tahay xabsi aysan muddadiisu ka badnayn hal sano. 121
Hubaal la’aantan ka jirta kaalinta iyo masuuliyada dhinacyada kala duwan waxay u baahantahay in sida
ugu dhakhsaha badan loo caddeeyo.
Talada 5‐aad: In shirkadda Transfield Services (iyo shirkadda Wilson Security) iyo Booliska Boqortooyada Papua New Guinea ee gobolka iyo guutada wareegtaa ay dhammaantood si cad u go’aamiyaan isla markaana ay fahmaan kaalinta u gaarka ah mid kasta oo iyaga ka mid ah
118 Marka la eego qodobada Xeer‐Ciqaabeedka dalka PNG, may ahayn qasab ama looma baahnayn awood sare 119 Qaybta 203aad 120 Qaybta 63aad 121 Qaybta 204aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
105
iyo masuuliyadaha ka saaraan ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta ee Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus (taas oo ay ku jirto in la isla meel dhigo hannaan ku saabsan soo gudbinta iyo soo celinta dhacdooyinka ka baxsan gacanta shirkadda bixisa adeegyada saldhigga iyo ammaanka iyo in laga heshiiyo heerarka xoogga ama awoodda ay tahay in la adeegsado).
11.4 Ka jawaab‐celinta warbixinaha qiimaynta khataraha
Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha Ee Manus waxa dib loo furay bishii November 2012 si ay u
noqoto xarun ku‐meel gaadh ah oo ammaankeedu hooseeyo oo lagu eego dacwadaha dadka loo soo
gudbiyo dalka PNG.
Dhawr sababood ayaa ka dambeeyay heerka amaanka ee aadka u hooseeyay ee Xarunta Manus RPC iyo
xarumaha kale ee dadka lagu hayo ee ku yaala dalka gudihiisa:
Waa ta koowaade qorshayaasha lala sameeyay PNG markii xarunta dib loo furay waxa uu ku
talagalkoodu ahaa in ay xaruntu noqoto xarun ammaankeedu hooseeyo (sidii lagu sheegay
Qaybta 3aad ee Warbixintan)
Ta labaad, waxay ku taalaa goob go’doon ah
Ta saddexaad, Xaruntu markii hore waxay hoy u ahayd rag iyo dumar iyo caruur, laakiin
dhammaadkii bishii July waxa kaliya ku jiray 350 ilaa 400 oo qof oo ah rag aan xaasad wadan oo
la soo gudbiyay, iyo
Sababta ugu dambaysa ee ugu muhiimsan waxa weeyaan dadkaas la soo gudbiyay waxay
ogaayeen in intooda qaxoonti ahaan loo aqbalo loo qaadi doono Australia.
Sababahaasi waxay horseedeen in la qiyaaso in xaruntu tahay meel khatarteedu hoosayso, taasina
waxay noqotay arrin sax ah. In kasta oo ay jireen xoogaa mudaharaadyo ah oo dhacay intii u dhaxaysay
November 2012 iyo July 2013 (markii dadka la soo gudbiyay ee joogay Masiiradda Manus ay Xarunta
faaruqiyeen), laakiin may jirin mudaharaadyo rabshado wata oo la mid ah kuwii dhacay 16 – 18‐
February 2014.
Laba sababood oo muhiim ah ayaa saamayn ku yeeshay qiyaastaas la qiyaasay in khatarta xaruntu ay
hoosayso qaybtii dambe ee sannadkii 2013:
Badalaaddii la baddalay siyaasadda ku saabsan dibu dajinta ee lagu dhawaaqay 19‐kii July 2013,
iyo
Korodhkii ku yimi tirada dadka xarunta loo soo gudbiyay eek u sugnaa Xarunta, tiradaas oo
ahayd markii hore 400 haddana gaadhay 1,300 dhammaadkii sannadka, kuwaas oo
dhamaantood ahaa rag aan xas lahayn.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
106
G4S waxay warbixintan Dibu Eegista ah u sheegtay in tirada shaqaaleheedu ay kor u kacday si leeg tirada
dadka loo soo gudbiyay xarunta ee dagan halkaas laakiin may jirin wax korodh ah oo la arki karo oo ku
yimid xaga ammaanka iyadoo lagaga jawaab‐celinayo duruufahaas isbadalay.
G4S waxay codsatay in Xarunta laga hirgaliyo dhawr arrimood oo lagu wanaajinayo Xarunta, sida iyadoo
la sameeyo xayndaabyo adag iyo laydh am anal sidan ka wacan iyo kamaradaha hannaanka CCTV ku
shaqeeya in la rakibo, laakiin codsiyadaas lama aqbalin ama wali lama dhaqan galin. Waaxdu way diiday
codsigii rakkibaadda kamaradaha CCTV‐ga sababtoo ah waxa la qiyaasay in aysan ku munaasib ahayn
xarumaha ammaankoodu hooseeyo ee ku yaala Jasiiradda Manus iyo Nauru. Laakiin waa la ansixiyay
maalgalintii xayndaabka gudaha waxaana la ansixiyay bishii August 2013 sidoo kalena waxa la
qoondeeyay maalgalinta xayndaabka dibadda.
Waaxdu dhawaan ayay ayay KPMG u xilsaartay in ay xarumaha eegista dacwadaha iyo dibu dajinta ee
dalka dibaddiisa ah lagu sameeyo qiimayn xaga khatarta ah. KPMG waxay natiijooyinkii u soo baxay u
gudbisay Waaxda laakiin wali may soo gudbin warbixinteedii.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
107
KPMG waxay Xarunta ku tilmaantay in ay tahay xarunkhatarteedu aad u sarrayso iyo jawi siyaasadihiisu
isbadbadalayaan oo hawlfulineed waxana laga filayaa in ay soo jeediso in la xarunta lagu soo kordhiyo
nidaamyo ammaan oo nagi ah (tusaale ahaan kamaradaha hannaanka CCTV iyo ammaanka xuduudaha
iyo kormeeridda galitaanka iyo bixitaanka) si loo turjumo waaqaca hawlfulineed.
Intaa waxa dheer, shirkadda Wilson Security waxayhawlgalisay shirkadda C5 Management Solutions oo
ay u xilsaartay in ay samayso qiimayn aad u faahfaahsan oo xaga khatarta ah waayo Wilson Sacurity
waxay filanaysay in ay la wareegto hawlaha ammaanka ee Xarunta Manus.
Shirkadda C5 Management Solutions waxay Warbixintan u sheegtay in ay qiimayn ku samaysay
khataraha ugu waawayn ee la xidhiidha bulshada deegaanka iyo adeegyada xaaladaha dagdaga ah; iyo
kaabayaasha; iyo tababarka.
Arrimahaas ugu doorka roon ta ugu horraysaa waxay u baahantahay in si kahor‐tag ah loola shaqeeyo
dadka arrintu khusayso ee deegaanka si loo ogaado meelaha uu cadaadisku ka imanayo marka
ammaanka laga hadlayo. Sidoo kale waxa loo baahanyahay in xidhiidh dhow lala yeesho booliska iyo
adeegyada xaaladaha degdega ah ee deeganka ka jira si macluumaad la isu waydaarsado loona fahmo
siday khataraha heerkoodu sarreeyo ay isaga kaashan karaan hoos u dhimistooda.
Arrimaha ku saabsan xaga kaabayaasha waxa ka mid ah xayndaabka iyo khariidada Xarunta iyo meesha
ay yaalaan kaabayaasha muhiimka ah (oo la geeyo meel ka baxsan xeryaha dadka la soo gudbiyay) iyo
kamaradaha CCTV.
Warbixinta waxa sidoo kale loo sheegay in ay suurtagal tahay in la ogolaado in ay xaruntu xoogaa yara
furnaato laakiin wali la awoodo in qolalka Xarunta la xidho haddii loo baahdo.
Tababarku waxa uu ka koobanyahay in Kooxaha Ka Jawaab‐celinta Xaaladaha Dagdagga ah lagu
tababaro ka jawaab‐celinta wakhtiyada dhibaatooyinku ay dhacaan, taas oo ay ku jirto in la hubiyo in
kooxahaasi ay si wacan u bartaan qorshayaasha wakhtiyada dhibaatooyinka ee kala duwan ee la hirgalin
karo, iyadoo la eegayo kolba nooca dhibaatooyinka.
Mashaariicdaas ku saabsan qiimaynta khataraha iyo natiijooyinka iyo waliba talooyinka ku jira
warbixinta Hawke iyo Williams iyo Warbixinta Humburger waxay saamaxayaan fursad wakhtigii la rabay
timid oo ay tahay in Waaxdu ku diyaariso dibu‐qiimayn ku saabsan khatarta ay leedahay maaraynta
xarumeheeda eegista dacwadaha ee dalka dibaddiisa ah iyo maaraynta ay Waaxdu maaraynayso
khatartaas.
Waaxdu waxay Dibu Eegista ku wargalisay in ay waddo dibu‐qiimayn dhammaystiran oo ku saabsan
khatarta.
Talada 6‐aad: In ay Waaxdu dib u eegis ku samayso khatarta ku jirta hawlaha Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacawadaha iyo in la sii wado xoojinta habraacyada Xarunta u yaala ee la xidhiidha maaraynta khataraha iyo xoojinta agabka muuqda ee ammaanka ee Xarunta.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
108
11.5 In aad loo ballaadhiyo faa’idada ka dhalatay baddalaadda la baddalay adeeg‐bixiyayaasha
Mid ka mid ah sababaha uu waawayn ee kaalinta ka qaatay dhacdooyinkii dhacay 16 – 18 February 2014
waxa uu ahaa burbur ku yimi xidhiidhkii ka dhexeeyay dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo adeeg
bixiyayaasha. Dadka la soo gudbiyay waxay aaminsanaayeen in xeryohooda lagu soo weerari doono,
arrinkaas ay aaminsanaayeena waxa uu noqday mid rumoobay, in kasta oo ay weeraradu ka dhasheen
mudaharaadyadoodii iyo kacdoonkoodii iyo daandaansigoodii.
Sidaa awgeed, kalsoonidii iyo wadashaqayntii ka dhaxaysay dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo adeeg‐
bixiyayaashu waxa ay gaadhay heer aad u hooseeya oo horseeday in dhacdooyinka ka dib shaqaalaha
dalka PNG ee Xarunta ka shaqaynayay aan loo fasixin in ay galaan xeryaha dadka la soo gudbiyay sababo
xaga ammaanka ah awgood.
Shirkadda Transfield Services imika iyadaa la wareegtay adeegyada daryeelka iyo maaraynta xaaladaha
oo waxay kala wareegtay The Salvation Army halka ay adeegyada ammaanka iyo ilaalada iyo kuwa la
midka ahna kala wareegtay G4S.
Inkasta oo wakhtigu isku beegmay, laakiin isbaddaladaasi waxay saamaxeen fursad muhiim ah taas oo ay
heshay shirkada Transfield ku bilaabi karto bog cusub oo ah maaraynta Xarunta iyadoo uusan la soo
darsin wax culays ah oo kaga iman kara masuuliyadda dhacdooyinka ay baadhitaanka ku wado
Warbixintani.
Transfield waxay ii sheegtay in khibrada ay u leedahay maaraynta xarumaha eegista dacwadaha iyo
kuwa dadka lagu hayo ay ku ogaatay in iyadoo adeegyada kala duwan meel kaliya laga wada bixiyaa ay
ka wacan tahay iyadoo adeegyada ay bixiyaan dhawr adeeg bixiyayaal ah.
Fikradda arrintaasi ku salaysan tahay waxa weeyaan in iyadoo adeegyada kala duwan meel kaliya laga
wada bixiyaa ay dheelitir ku samaynayso tartanka mararka qaarkood ka dhex abuurmi kara shaqaalaha
daryeelka iyo ammaanka. Markay bixinta adeegyadu kala gaarka tahay, waxa dhici karta in adeeg‐
bixiyaha ka qaalibsan ama ka awoodda badan adeeg‐bixiyayaasha kale uu dhibaatooyinka dhaca habka
loo maaraynayo ka dhigo mid u janjeedha sida uu isagu aaminsanyahay.
Qaabdhismeedka shirkadda Transfield waxa uu ku salaysan yahay sarkaal ay soo magacawday oo isagu
ah Maareeyaha Hawlgallada Xarunta kaash oo isagu guud ahaan ka masuul ah bixinta adeegyada
shirkadda heshiiska lagula galay. Waxa doorkaas la qaybsada sarkaalkaas laba sarkaal oo kale oo khibrad
leh kuwaas oo si talantaali ah uga shaqeeya Xarunta Manus RPC isla markaana xasillooni ayaa halkaa ka
imanaysa. Maareeyaha adeegyada daryeelka iyo maareeyaha adeegyada ammaanku labaduba waxay
toos u hoos tagaan sarkaalka shirkadda Transfield u qaabilsan Maaraynta Hawlgallada Xarunta.
Waraysiyada aan la yeeshay Maareeyaha Adeegyada Daryeelka iyo Maareeyaha Adeegyada Ammaanku
waxay tilmaamayaan in ay hawluhu si wanaagsan oo togan ugu bilaabmayaan, sida ay labada hindise ee
soo socdaa ay tilmaamayaan.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
109
Maareeyaha Adeegyada Daryeelku waxay ku gudajirtaa hirgalinta guddiyo la‐talineed oo ay ka qayb
yihiin hoggaamiyayaasha bulshooyinka ku sugan xero kasta oo ka mid ah xeryaha, guddiyadaasina waxay
kulmi doonaan bil kasta iyadaana kulamadaas guddoomin doonta
Maareeyaha Adeegyada Ammaanku waxa uu yidhi in isaga ay la noqotay in shirkadda G4S ay muddo
dheer heerka khatarta ku haysay heerka Amber (Huruud). Heerku wali waxa uu ahaa Amber 28 March
2014 markii ay shirkadda Transfield la wareegtay bixinta adeegyada saldhigga, taas oo ahayd shan
todobaad ka dib. Talaabadii ugu horraysay ee ay shirkada Transfield qaadday waxa uu ahaa in ay isla
markiiba heerka khatarta dib ugu soo celiso Green (Cagaar).
Badalaadda adeeg‐bixiyayaashii hore lagu baddalay adeeg‐bixiye ka khibrad badan oo kalidii bixin doona
dhammaan adeegyada kala duwan waa arrin ay tahay in uu horseedo adeeg‐bixin sidii hore ka hufan oo
isku xidhan iyo maarayn guud oo Xarunta ah oo sidii hore ka hufan.
Talada 7‐aad: In waaxdu ay dhiirigaliso oo ay taageerto hindisayaasha ay soo jeediso shirkadda Transfield Services si loo ballaadhiyo fursadda ka dhalatay baddalaada la baddalay adeeg bixiyayaasha, iyadoo ay ujeedaduna tahay in la soo celiyo kalsoonidii iyo wadashaqayntii ka dhaxaysay adeeg bixiyayaasha iyo dadka Xarunta loo soo gudbiyay.
11.6 In la shaqaalaysiiyo shaqaale bixiya adeegyada
Sida uu dhigayo qandaraaskeedu, shirkadda Transfield Services waa in ay shaqaalaysiisaa shaqaale
deegaanka ah ama ay qandaraas‐hoosaadyo la gashaa shirkado deegaanka ah kuwaas oo oofinaya
Shuruudaha Shaqada isla markaana awood u leh in saamiga shaqaalaha deegaanku uu ahaado sida soo
socota:
Ammanka – 45%
Cuntada – 50%
Nadaafada – 75%
Beeraha – 75%
Sida iska cad, Transfeild (iyo Wilson Security) waxay shaqaalaysiiyeen shaqaaleh hore ugu shaqayn jiray
adeeg bixiyayaashii hore, sida G4S iyo The Salvation Army.
Si kasta ha ahaatee, qaar ka mid ah shaqaalahaas ajnabiga ah iyo kuwa reer PNG ee dib loo shaqo
galiyay waxa laga yaabaa in ay ku lug lahaayeen weeraro khatar ah ama dambiyo kale oo ka dhan ah
dadka xarunta loo soo gudbiyay intii ay socdeen dhacdooyinka uu baadhitaanku ku socdo. Sidoo kale
waxa suurtagal ah in haddii arrinku uu sidaa yahay ay dadka xarunta loo soo gudbiyay si wayn u
ogaadeen ama u ogaan doonaan in dib loo shaqaalaysiiyay.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
110
Duruufaha noocaas ahi hadday yimaadaan, waxa shirkada Transfield ku adkaan doonta – ama sidii hore
kaga sii adkaan doonta – in ay muwaadiniinta reer PNG dib uga qayb galiso hawlaha la xidhiidha bixinta
adeegyada ee xeryaha. Sidoo kale waxay taasi keeni kartaa in ay dadka la soo gudbiyay cadhada iyo
dareenka ah in la dulmiyay ee ay ka qabaan dhacdooyin dhacay ka hor intii ay shirkadda Transfield kula
dhacaan Transfield iyo fashilaada lagu fashilmay in dambiilayaasha lala xisaabtamo.
Talada 8‐aad: In shirkadda Transfield ay si taxadir leh uga baaraan‐degto dhammaan xogaha iyo macluumaadka si waafaqsan Talada 2‐aad loogu soo gudbiyay shirkada si loo kala hubiyo in shirkaddu ay si kama’ ah u shaqaalaysiisay shaqaale loo aqoonsaday in ay weerareen dadka Xarunta loo soo gudbiyay muddadii u dhaxaysay 16 – 18‐kii February 2014 iyo in kale, haddii ay taasi jirtana in shaqaalahaas si habboon loola dhaqmo (taas oo ay ku jirto in la eryo shaqaalahaas).
11.7 In la wanaajiyo xidhiidhka lala leeyahay dadka xarunta loo soo gudbiyay
Kulamadii lala yeeshay hoggaamiyayaasha bulshooyinka ku sugan afarta xeryood, hadalka sida joogtada
ah u soo noqnoqonayay waxa uu macnihiisu ahaa:
Waxanu 12 cisho sugaynay in su’aalahayagii laga jawaabo, laakiin waxa la noo sheegay in
macluumaad cusub uusan jirin. Markii aanu su’aalaha soo bandhigaynay horaanu u ogayn
jawaabahaas. Markaa maxay ahayd ujeedada wakhtiga intaa leeg la noo sugsiinayay sabab
la’aan?
Maareeyaha Qandaraasyada ee Shirkada Wilson Security waxa uu sheegay qodob sax ah markii
waraysiga laga qaadayay. Waxa uu yidhi habka ugu wacani waa in isla markaaba su’aalaha laga jawaabo,
xitaa haddii jawaabtu aysan ahayn ta uu rabo qofka su’aasha qabaa. Dibu dhigista jawaabtu waxay kaliya
sii kordhin kartaa filashada la filanayo in laga yaabo in ay jirto jawaab tii hore ka duwan ama ka wacan
waxaanay isla markaa kor u qaadaysaa cadhada iyo niyadjabka marka aysan jawaabta noocaas ahi jirin.
Si kasta ha ahaatee, sidii horeba loo sheegay, markan jawaabta ay dadka la soo gudbiyay rabeen waxay
ahayd in siyaasaddu ay isbadasho oo la keeno Australia, taasina waa jawaab aysan waligood helaynin.
Si kasta ha ahaatee, jawaabaha lagaga jawaabay su’aalaha dadka la soo gudbiyay waxay noqon karayeen
kuwo xambaarsan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habka ay tahay in la raaco, ilaa halka ay
gaadhsiisantahay iyo wakhtiga ay qaadan doonto markay ugu yar tahay qaybta hore ee habkaasi.
Dadka la soo gudbiyay waxay tilmaameen in ay jiraan macluumaad kale oo ay rabaan in ay ogaadaan,
kaas oo ah: suurtagal ma tahay in loo keeno qoysaskoodii, ma awoodi doonaan in ay shaqeeyaan, ma
awoodi doonaan in ay ka safraan dalka PNG oo ay soo noqdaan, iyo kuwaas kuwo la mid ah.
Si looga jawaabo su’aalihii dadka la soo gudbiyay ee markii hore la soo bandhigay ee ahaa 11 su’aalood
ilaa 16‐kii February 2014, waxan jecelahay in aan xuso in Maareeyaha Xaruntu, Mataio Rabura, uu
dhawaan muuqaal fiidyow kala hadlay dhammaan dadka la soo gudbiyay una sharraxay habka ay mari
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
111
doonaan ee sugaya. Muuqaalo fiidyow oo gooni ah ayaa la diyaariyay iyagoo leh cinwaan hoosaadyo ku
qoran dhamaan luqadaha lagaga hadlo Xarunta.
Qaar ka mid ah mashaakilka kale ee xaga xidhiidhka ah ee la soo bandhigay intii ay socotay Dibu
Eegistani waxa weeyaan:
Waxa muhiim ah in uu wada xidhiidhku dhamaantii ahaado mid ku qoran waraaqo rasmi ah si ay
dadku si cad ugu fahmaan in arrinku yahay hadal rasmi ah isla markaana looga hortago
macluumaadka kale ee is‐khilaafaya (iyo waliba warxumada mararka qaar) laga yaabo in ay
helaan dadka la soo gudbiyay. Dadka la soo gudbiyay waxay yidhaahdeen in qaar ka mid ah
ogaysiisyada soo gaadhay ee ku qornaa luqadooda hooyo ay ku qornaayeen waraaqo cad.
Markaa maadaama aysan waraaqahaasi ahayn waraaqaha rasmiga ah ee Hayada Adeegyada
Socdaalka iyo Jinsiyada ama waraaqaha rasmiga ah ee adeeg‐bixiyaha, markaa iyagu ma garan
karaan in ay waraaqahaasi yihiin kuwo rasmi ah iyo inaysan ahayn, sidoo kale
Farriinta lagu soo gudbinayo waraaqaha rasmiga ah waa in si joogto ah oo isku mid ah loo
xoojiyaa iyadoo isku luqad lagu soo gudbinayo marka dadka la soo gudbiyay lala yeelanayo
kulamada fool‐ka‐fool ka ah ee ay la yeelanayaan adeeg‐bixiyayaasha.
Dibu Eegistani waxay soo jeedinaysaa in Waaxda ay samayn karto in ay boodhadh ama ogaysiisyo dhigto
mid kasta oo ka mid ah xeryaha si loogu soo bandhigo farriimaha rasmiga ah iyo wararka kale ee
muhiimka ah marka in muddo ah la joogaba. Boodhadhka ogaysiisyada waa in lagu ilaaliyaa oo lagu
dahaadhaa maadada loo yaqaano Perspex.
Shirkada Transfield si wanaagsan ayay u bilawday hagaajinta xidhiidhka oo waxa ay soo jeedisay in bil
kasta ay qabato kulamo (kuwaas oo bilaabmay bishii April 2014) lala yeelanayo hogaamiyayaasha
bulshooyinka ee ku sugan xero kasta.
Tallaabo kale oo wax ku ool ah oo ay Dibu Eegistu ka war heshay waxa ay ka soo baxday eegistii ay
warbixintii ay dhawaan soo saartay hayada Amnesty International, arrinkaasina waxa uu ku saabsan
yahay saacadaha. Warbixintu waxay tidhi:
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
112
Qaar badan oo ka mid ah dadka xarunta lagu hayo ee ay la hadashay Amnesty International
waxay ka cawdeen in laga celiyay albaabada oo ay celiyeen shaqaalaha G4S amaba ay wakhti
dheer sugayeen – kaas oo mararka qaarkood ka badnaa saacad – si ay G4S u qaado, oo ay sidaa
awgeed kaga baaqdeen waraysiyo ama ballamo caafimaad. Sheegashooyinkaas waxa xoojiyay
shaqaalaha IHMS iyo kuwa bixiya daryeelka caafimaad ee maskaxda. Renate Croker waxay
sheegtay in ballamaha laga baaqsado ay inta badan sabab u tahay raga oo hurdadu la tagto
amaba iska ilaawa ballamohooda. Markii la waydiiyay in ay xeryaha ku yaalaan saacado, waxay
qiratay in aysan wax saacado ah ku oolin, oo ay baytariyadu ka dhamaadeen dhawr todobaad
ka hor kadibna saacadihii meesha laga saaray. 122
Ma muuqato in ay ay jirto sabab wanaagsan oo xeryuhu ay bilaa saacado u noqon karaan. Haddii
saacado meesha ku xidhnaan lahaayeen, waxa meesha ka bixi lahayd odhaahda ah in saacado la’aantu
ay adeeg‐bixiyayaasha iyo dadka la soo gudbiyay labadaba ay ku hayso carqalad.
Waxa jira qodob kale oo ah qodobka ugu dambeeya ee ku saabsan xidhiidhka lala leeyahay dadka la soo
gudbiyay.
Waxa aan u sheegay dadka la soo gudbiyay in Warbixintani ay yeelan doonto nuqul dadwaynuhu ay
akhrisan karaan. In kasta oo uusan shaki ku jirin in ay si kale ku ogaan doonaan, laakiin waa wax noqon
kara niyad sami ay Dibu Eegistani muujisay haddii ay shirkadda Transfield si toos ah ugu sheegto in
nuqulka noocaas ahi uu jiro isla marka la soo saaro.
Talada 9‐aad: In Waaxda iyo shirkadda Transfield Services ay wanaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dadka Xarunta loo soo gudbiyay, taas oo ay ku jirto in la hirgaliyo talooyinka dhawrka ah ee ku qeexan Qaybta 11.7‐aad ee Warbixintan.
11.7 In la wanaajiyo xidhiidhka lala leeyahay bulshada deegaanka
Jasiiradda Manus maaha gobol qani ama maal qabeen ah. Xarunta Eegista Dacwadaha ayaa ah ganacsiga
ugu wayn ee ay hasato. Xaruntu waxay mandaqada ku soo kordhisay dhaqdhaqaaq dhaqaale, shaqooyin
iyo gargaar ay Australia ku maalgalisay mandaqada. Markaa waxa la filan karaa in bulshada deegaanka
ay Xaruntu noqoto meel qiimo la leh oo ay taageeraan.
Dhinaca kale, cadhada ay muwaadiniinta reer PNG u qabeen Xarunta, ama markay ugu yartahay
cadhada ay u qabeen qaar ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay, waxay ka mid ahayd sababaha
iyagu ku kalifay in ay ka qayb qaataan weeraradii khatarta ahaa ee ku dhacay dadka la soo gudbiyay 16 –
18i February 2014 ee korka u qaaday walaacyada ay dadwaynuhu ka qabaan hawlgalka Xarunta.
Intaa waxa dheer, Dibu Eegista waxa loo sheegay in qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xarunta ku
agnool ay ka cabsi qaadeen waxa dhici kara haddii ay dadka la soo gudbiyay ka soo baxaan Xarutna
warwarkaasna waxa laga yaabaa in uu qaarkood ku kalifay in ay ka qayb galaan dhacdooyinka ay
baadhistu ku socoto.
122 Bogga 48aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
113
Haddii uu jiro barnaamij dhammaystiran oo ku saabsan xidhiidhka bulshada oo wax ka qabta wax kasta
oo cadho ama habdhaqan xun ah, waxa uu u wanaagsanaan lahaa ammaanka dadka la soo gudbiyay ee
mustaqbalka iyo in Xarunta si nidaamsan loo maareeyo.
Mar horeba waxa la qabay shaqooyin bulshada la xidhiidha, laakiin marka la eego dhacdooyinkii dhacay
16 – 18 February 2014, Dibu Eegistu waxay qabtaa in la samayn karo dadaal xoog leh si Xaruntu ay mar
labaad qayb uga noqoto bulshada Manus oo isla markaana loo hubiyo in ay bulshada deegaanku si
buuxda uga warqabaan faa’idooyinka tooska ah ee Xaruntu u yeelan karto Gobolka Manus.
Talada 10‐naad: In Waaxdu ay abuurto barnaamij dhamaystiran oo socon doona oo ku saabsan xidhiidhka bulshada maxaliga ah si bulshada si waafi ah looga warramo Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha iyo faa’idooyinka tooska ah ee ay u leedahay bulshada jasiiradda Manus.
11.9 Daryelka iyo xaaladaha dadka xarunta loo soo gudbiyay
Jawaab‐celinaha ay Dibu Eegistu sida tooska ah uga heshay dadka la soo gudbiyay iyo warbixinaha kala
duwan ee Xarunta ku saabsan waxa walaac lagaga muujiyay adeegyada diyaarka ah, taas oo ay ku jirto in
si isleeg oo cadaalad ah loo helo adeegyadaas mid kasta oo ka mid ah afarta xarumood gudeheeda.
Dhawr tusaale oo adeegyadaas la xidhiidha waxa ka mid ah: taleefanka iyo internet‐ka, tirada musqulaha
iyo qolalka qubaysiga, iyadoo aysan dadku kala asturnayn oo la isku badan yahay, iyadoo aysan jirin wax
la hadhsado ama roobka laysaga dhigo, tirada fasalada iyo goob diimeed oo lagu cibaadaysto.
Waxa jira dhawr arrin oo caqabado ah oo ka jira Xarunta Manus oo ay tahay in lagu xisaabtamo. Tusaale
ahaan, Xaruntu waxay ku taalaa goob xaddidan oo ka mid ah Saldhigga Ciidamada Badda ee Lombrum,
arrinkaasina wakhtiga xaadirka ah xaddidaad ku haysa goobaha madadaalada inkasta oo ay jirto fursad
kooban oo lagu isticmaali karo garoonka kubadda cagta ee Saldhigga Ciidanka.
Inkasta oo ay caddahay in cadhada ka jirtay Xaruntu wakhtigii ay dheceen dhacdooyinku ay ahayd natiijo
isbiirsatay oo ka dhalatay dhawr sababood, laakiin waxa muhiim ah in dadka la soo gudbiyay ay helaan
duruufo nololeed oo munaasib ah iyo hawlo ama waxqabadyo ay sameeyaan oo macno leh, taasina
waxay muhiim u tahay samaqabka iyo maskaxda caafimaad iyo waliba ammaanka guud ee xarunta
sababtoo ah waxay hoos u dhigi kartaa heerka xiisadda ka aloosan Xarunta.
Dibu Eegistii Sarkaalka Guud ee Caafimad ee Waaxdu uu diyaariyay ee ciwaankeedu ahaa Dibu Eegista
caafimaadka guud iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee Xarun Goboleedda Manus ee Eegista
Dacwadaha ee uu diyaariyay dhammaadkii 2013, waxa uu sarkaalku sidoo kale xusay in arrimaha laga
yaabo in ay horseedi karaan kor u kac ku yimaada xiisadaha ay ka mid yihiin: iyadoo aysan jirin goobo
madadaalo ah, dadka oo isku badan, nadaafadda iyo iyadoo aysan jirin taleefano iyo internet.
Sarkaalka Guud ee Caafimad waxa uu soo jeediyay:
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
114
Arrimaha la xidhiidha samaqabka dadka la soo gudbiyay waxa u baahan yihiin in la qaado
tallaabo muhiim ah oo degdeg ah – taasna waxa ku jira dadka oo isku badan, nadaafada iyo in
la helo hawlo ama waxqabadyo ay dadku sameeyaan oo macno leh.123
Qareenka Dadweynaha u qaabilsan arrimaha Commonwealth‐ka iyo Socdaalku waxa uu warbixintiisii
ciwaankeedu ahaa Is‐dilka iyo is‐waxyeelaynta ka jirta shabakadda goobaha socdaalka ee goobaha
dadka lagu hayo ku sheegay muhiimadda ay leeyihiin hawlaha ama waxqabadyada macnaha leh.
Mudane Neave waxa uu yidhi:
Khibradayadu waxay sheegaysaa in kala duwanaanshaha iyo joogtaynta iyo habboonaanta hawlaha
ama waxqabadyadu ay yihiin sababo muhiim ah oo ka qayb qaadan kara in goobta dadka lagu hayaa ay
noqoto mid caafimaad ah oo ujeedadeedu ay faa’ido leedahay. Qareenka Dadwaynuhu waxa uu sidoo
kale ka hadlay arrinta la xidhiidha isku badnaanshaha dadka. Waxa uu xusay in isku badnaanshuhu uu
saamayn ku leeyahay dadka goobta lagu hayo iyo shaqaalaha ka shaqaynaya labadaba, sababta oo ah
labaduba waxay dareemayaan cadaadis iyo in ay ku qasban yihiin in shaqaaluhuna nidaamka ilaaliyaan
dadka goobta lagu hayaana ay habdhaqanka ilaaliyaan.
Shirakada Transfield horeba waxay Xarunta ugu soo kordhisay isbeddelo xaga daryeelka ah. 124
Haddii mid‐mid loo qiimeeyo tallaabooyinkaas, waxa laga yaabaa in ay u muuqdaan kuwo aan sidaa u sii
waynayn, laakiin marka la isku wada daro waxay wax ka tari karaan in jawiga guud ee xarunta la
wanaajiyo.
Is‐bedelladaas waxa ka mid ah:
Dajinta manhaj waxbarasho oo cusub
Albaabada xeryaha gudaha oo qufulada laga furo. Albaabadu ma furna laakiin tallaabadaasi waa
mid calaamad u ah in dadka la soo gudbiyay lagu kalsoon yahay
In dharka laga dul qaado xayndaabyada si ay dadka xarunta loo soo gudbiyay ay wax uga dhex
arki karaan siliga shabaga ah, iyo
In kooxo tiro yar laga kaxeeyo xerada Delta – marka hore – si ay u socdaan xeebta ku dhagsan
xerada iyo biyaha xeelliga badda
KPMG waxay warbixinteedii ahayd qiimaynta khataraha ku sheegtay in la hirgaliyo guryo heerar kala
duwan leh si dadka loogu dhiirigaliyo habdhaqanka wanaagsan loogana abaal mariyo (tusaale ahaan in
123 Talada 6aad 124 Baaragaraafka 7.39aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
115
guryahaas laga dhigo kuwo cuntadooda karsada oo ammaankoodana aan aad loo adkayn). Soo
jeedintani waxay waafaqsantahay nidaamka shirkada Transfield ee dhigaya in ay dadku iska wakiil
ahaadaan mar kasta oo ay arrintaasi suurtagal tahay. 125
Soo jeedimaha kale waxa lagu qeexay qaar ka mid ah dibu eegisaha iyo warbixinaha ku taxan Qaybta
11.11.
Talada 11‐naad: Dibu Eegistu waxay soo jeedinaysaa in shirkadda Transfield ay ka baaraan‐degto talooyinka lagu xusay warbixinaha kale ee xaaladda ku saabsan iyo waxyaabaha horumarinta ah ee lagu soo kordhin karo Xarunta iyo in ay shirkaddu fuliso wax kasta oo ay u aragto in lagu wanaajin karo hawlaha daryeelka haddii ay waxyaabahaasi yihiin kuwo la fulin karo.
Waxa jira qodob ugu dambeeya oo ku saabsan daryeelka dadka la soo gudbiyay oo u baahan in laga
hadlo.
Foomamkii jawaab‐celinaha ahaa ee loo soo gudbiyay Dibu Eegista, qaar ka mid ah dadka la soo
gudbiyay waxa ay sheegeen in alaab iyaga u gaar ahayd laga xaday intii ay socdeen dhacdooyinku.
Alaabtaas waxa ka mid ah saacado iyo tiro MP3 ah iyo kabo iyo wax la mid ah. Shaki kuma jiro in dadka
ay qiime wayn la leedahay alaabtaas aysan sida fudud baddalkooda u heli karin.
Dibu Eegistu waxay qabtaa in ay tahay in dadaal loo galo sidii alaabtaas luntay ama la xaday loo
magdhabi lahaa.
Suurtagal maaha in la ogaado dadka la soo gudbiyay kuwooda ay wax ka lumeen iyo intay leegtahay
alaabta ka luntay, markaa ma habboona in aayar uun wax kasta oo la yidhaahdo way lumeen la
magdhabo.
Laakiin waxa suurtagal ah in shirkada Transfield qof kasta oo ka mid ah dadka la soo gudbiyay oo
yidhaahda waxa ka lumay ama laga xaday alaab intii ay socdeen dhacdooyinku ka caawiso magdhabista
alaabtaas maqan iyadoo uu kharashka isu qabo qofku (iyadoo la adeegsanayo nidaamka Xarunta ee
buundooyinka ama nidaam kale oo habboon).
Waxa arrinka laga bilaabi karaa in shirkada Transfield ay la tacaasho dadka la soo gudbiyay ee iyagu
foomamkii jawaab‐celinta ee ay u soo gudbiyeen ku soo sheegay in ay ka luntay ama laga xaday alaab u
gaar ah.
Talada 12‐naad: In shirkadda Transfield ay dadka Xarunta loo soo gudbiyay ka caawiso sidii loogu magdhabi lahaa alaabtooda gaarka ah ee ka luntay ama laga xaday intii ay dhacdooyinku socdeen.
11.10 Tababarka shaqaalaha
125 2014Eeg qoraalka ay soo gudbisay Transfield Services ee taariikhdiisu tahay 14 April 2014
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
116
Waajibaadka saaran adeeg‐bixiyayaasha ee ay dhigayaan heshiisyadu ee ah in saamiga shaqaalaha reer
PNG uu noqdo mid sarreeya waxa looga dan leeyahay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay in la
wanaajiyo fursadaha shaqo ee ka jira Gobolka Manus isla markaana laga tago wax dhaxalgal ah oo ah in
dadkaas shaqaalaha ah ay helaan mustaqbal wanaagsan oo xaga shaqada ah.
Shaqaalaysiint dadka deegaanka laga shaqaalaysiiyay Xaruntu waa wax dhinaca kale looga dan leeyahay
in lagu yareeyo haddiiba ay jirto wax cadho ah oo ay bulshadu ka qabto Xarunta iyo dadka la soo
gudbiyay ee halkaa lagu hayo.
Warbixintan Dibu Eegista ah waxay ogsoontahay in qaar ka mid ah dadka reer PNG ay shaqooyinkani
yihiin kuwoodii ugu horreeyay. Waxa iyaguna jira kuwo kale oo wakhti hore si kooban u shaqeeyay
lagana yaabo in shaqooyinkaas ay soo qabteen aysan ahayn kuwo si toos ah ula xidhiidha waajibaadka
ay ka hayaan Xarunta Manus RPC.
Sidaa awgeed in shaqaalaha la siiyo tababar dhammaystiran oo sii socdaa waa masuuliyad wayn oo
saaran shirkada Transfield. Tababarkaasi waa in ay ka mid noqotaa in dadka lagu tababaro oo la baro
siyaasadaha iyo habraacyada shirkadda Transfield iyo waliba shuruudaha farsamo ee shaqooyinka
qaarkood ay u baahanyihiin, waana in tababarka ay sidoo kale ku jirtaa shuruudaha asluubta, wacyiga
dhaqanka, iyo xirfadaha hoggaamineed oo ay dadka qaarkood yeeshaan.
Talada 13‐naad: In shirkadda Transfield ay hirgaliso barnaamij tababar ah oo dhammaystiran oo socon doona oo ay u fidiso shaqaalaha u dhashay dalka PNG si kor loogu qaado aqoontooda xirfad ahaaneed looguna wanaajiyo fursadohooda shaqo ee mustaqbalka.
11.11 Dibu eegisaha iyo warbixinaha kale
Kooxda diyaarisay Dibu Eegistan markii ay diyaarinayeen ee ay dajinayeen talooyinkan ama soo
jeedintan waxay akhriyeen dhawr dibu eegisood iyo dhawr warbixinood. Meelaha ay ku habboonyihiin
warbixinahaasi waa lagu tilmaamay Warbixintan.
Dibu eegisaha iyo warbixinaha la eegay waxa ku jira:
Warbixinta iyo natiijooyinka faahfaahsan ee Dibu Eegistii dhacdadii 19 July 2013 ka dhacday
Xarun Goboleedda Nauru ee Eegista Dacwadaha (8 November 2013): Keith Hamburger AM
Dibu Eegista madaxa bannaan ee dhacdooyinkii ka dhacay Xarunta Dadka Lagu Hayo ee
Jasiiradda Christmas iyo Xarunta Dadka Lagu Hayo ee Villawood (31 August 2011): Allan Hawke
AC iyo Helen Williams AO
Wafdiga hayada UNHCR ee loo diray Jasiiradda Manus, dalka Papua New Guinea 15 ilaa 17
January 2013
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
117
Booqashada ah korjoogteynta ee hayada UNHCR ee Jasiiradda Manus, dalka Papua New Guinea
11 ilaa 13 June 2013
Booqashada ah korjoogteynta ee hayada UNHCR ee Jasiiradda Manus, dalka Papua New Guinea
23 ilaa 25 October 2013
Warbixintii wafdigii hayada UNHCR ee loo diray Jamhuuriyadda Nauru, 3 ilaa 5 December 2012
Warbixintii ku meel‐gaadhka ahayd ee booqashadii hayada UNHCR ee dalka Nauru 18 ilaa 20
March 2013
Warbixintii labaad ee hayada ICRC ee ku saabsanayd walaacyada bini’aadamnimo ee la
xidhiidha Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus – 31 August 2013
Warbixintii saddexaad ee hayada ICRC ee ku saabsanayd walaacyada bini’aadamnimo ee la
xidhiidha Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha ee Manus – 20 February 2013
Booqashada bini’aadamnimo ee ah korjoogteynta ee xarun goboleedda eegista dacwadaha ee
Nauru 20 ilaa 23 May 2013: Laanqayrta Cas ee Australia
Arrinkani dadkii wuu burburinayaa: Xadgudubyada ka dhanka bini’aadamnimada ee ka jira
xarunta Australia ee eegista dacwadaha dadka magangalyo doonka ah ee Jasiiradda Manus,
dalka Papua New Guinea, bishii December 2013: hayada Amnesty International
Is‐dilka iyo is‐waxyeelaynta ka jirta shabakadda goobaha socdaalka ee goobaha dadka lagu
hayo, May 2013: Qareenka Dadweynaha u qaabilsan arrimaha Commonwealth‐ka iyo Socdaalka
Dibu eegista eedaymaha la xidhiidha faraxumaynaha xaga galmada iyo weerarada gardarrada
ah ee khatarta ah ee kale ee Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha, (September
2013): Robert Cornallo AO
Dibu Eegista caafimaadka guud iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee Xarun Goboleedda
Manus ee Eegista Dacwadaha: Sarkaalka Guud ee Caafimad ee Waaxda, iyo
Warbixinta guddida khubarada ee ku saabsan dadka magangalyo‐doonka ah – August 2012.
Dibu Eegistani waxay aragtay in warbixinahaasi ay aad isu waafaqsan yihiin.
In kasta oo mid kasta oo ka mid ah warbixinahaasi uu shay gaar ah xooga saarayo, laakiin hadana waxa si
cad u muuqda waxyaabo ay iskaga mid yihiin. Shayga ay guud ahaan wadaagaan waxa weeyaan
muhiimada ay leedahay in habka go’aaminta xaalada qaxoontinimo uu noqdo mid cad, iyo in wakhti
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
118
munaasib ah gudihii lagu xaliyo dacwadaha, iyo in xidhiidhku wanaagsanaado, iyo dadka xarunta loo soo
gudbiyay si wax ku ool ah loola shaqeeyo iyo in duruufaha nololeed la wanaajiyo.
Warbixinta uu Mudane Hamburger ka diyaariyay dhacdooyinkii Xarun Goboleedda Nauru ee Eegista
Dacwadaha ee dhacay 19 July 2013 waxa uu ahaa mid faa’ido gaar ah leh, marka la eego waxyaabaha ay
iskaga mid yihiin duruufihii horseeday labadii dhacdo ee ka dhacay Nauru iyo Jasiiradda Manus.
Muhiimad ahaan waxa uu Mudane Hamburger ku soo gabagabeeyey in sababaha kacdoonkii Nauru ay
ahaayeen:
Dibu dhac ku yimi hawlaha go’aaminta xaaladda qaxoontinimo
Kulan lala yeeshay Bixiyaha Caawimada Dacadaha Qaxoontinimo oo macluumaadkii lagu soo
gudbiyay si qaldan loo fahmay
Dareen socday oo niyadjab iyo hubaal la’aan ah oo ay qabeen dadka la soo gudbiyay oo iyagu si
marba marka ka dambaysa ka sii badanaysa ay hubaal la’aani uga haysay mustaqbalkooda isla
markaana ay ka niyadjabsanaayeen iyadoo aysan caddayn taariikhaha go’aaminta xaaladdooda
qaxoontinimo iyo waliba farriimaha loo dirayay dadka la soo gudbiyay oo ahaa kuwo aan is
waafaqsanayn oo aan sax ahayn
Fashilaadii lagu fashilmay in la qaado dhamaan tallaabooyinka maarayneed ee Xeerka
Magangalyo Doonka (Xarun Goboleedda Eegista Dacwadaha) ee sannadka 2012.
Xarun bannaan oo ammaankeeda la taaban karaa uu aad u yaryahay taas oo ku munaasib ah
bulsho ka kooban dad la soo gudbiyay oo nidaamka u hoggaansan oo kaliya
Markii la diyaarinayay soo jeedimaha ama talooyinka Dibu Eegistan, talooyinka Mudane Hamburger waa
lagu xisaabtamay.
Dibu Eegistu sidoo kale waxay aad u daraasaysay Dibu Eegista Madaxa Bannaan ee Dhacdooyinkii Ka
Dhacay Xarunta Dadka Lagu Hayo ee Jasiiradda Christmas Iyo Xarunta Dadka Lagu Hayo ee Villawood.
Waxa xiise gaar ah leh siday dibu eegistaasi u sifaysay waxyaabaha loo baahanyahay in laga helo
xarumaha dadka lagu hayo si ay u noqdaan xarumahaasi126. Waxyaabahaas waxa sidoo kale lagu
tilmaamay qaybo kale oo Warbixintan ah.
Sidoo kale kooxda diyaarisay Dibu Eegistani waxay daraasaysay qoraalkii loo gudbiyay Baadhitaankii
Guddida Sharciga iyo Arrimaha Dustuurka Golaha Guurtidu ay ku samaysay dhacdooyinkii ka dhacay
Xarunta Manus RPC ee lagu soo bandhigay mareegta Guddida 9‐kii May 2014.
126 Eeg bogga 5aad ilaa ka 11aad
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
119
Qaybta 12aad: Gunaanad
Warbixintani waxay intii suurtagalka ahayd go’aamisay xaqaa’iqa ku gedaaman dhacdooyinkii ka dhacay
Xarun Goboleedda Manus ee Eegista Dacwadaha 16 – 18‐kii February 2014.
Dhacdooyinkaas waxa bilaabay oo horseeday mudaharaadyada dadka xarunta loo soo gudbiyay
waxaanay horseedeen qas ballaadhan oo ay caddaatay in uu ka baaxad waynyahay awoodda shirkadda
bixisa adeegyada ammaanka kaas oo aakhirkiina la damiyay ka dib markii guutada wareegta ee Boolis
Boqoreedka Dalka Papua New Guinea ee uu saldhigeedu yahay Xaruntu ay faragalin ku samaysay.
Tiro ah dad aan fasax u haysan in ay xarunta galaan oo ah dad u dhashay dalka PNG iyo shaqaale ajnabi
ah ayaa sidoo kale dhacdooyinkaas ka qaybqaatay. Rabshadii intaa kadib dhacday, waxa la dilay Reza
Barati, halka dhawr ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay ay soo gaadheen dhaawacyo khatar ah
tiro badan oo dadkaas ka mid ahna waxa soo gaadhay dhaawacyo jidhka ah ama maskaxda ah oo u
baahday daryeel caafimaad.
Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha ilaalada ah ee shirkada G4S iyagana waxa lagu dhaawacay
dagaalka laakiin dadka la soo gudbiyay ayay dhibaatada inteeda badani ku dhacday. Waxay Dibu
Eegistan ugu muuqataa in tiro badan oo weeraradaas ka mid ah la fuliyay itnii uu sacday qasku, kuwaas
oo intooda badani ay ku dheceen dadka lasoo gudbiyay. Baadhitaannada boolisku way socdaan laakiin
wali wax dacwado ah cidna laguma soo oogin.
Caddaymaha ay Dibu Eegistani soo ururisay waxa loo gudbiyay booliska PNG, waxana la rajaynayaa in ay
booliska ka caawin doonaan markay ugu yartahay baadhitaannadooda ay ku wadaan dhimashadii
Mudane Barati iyo dhaawacyadii ugu khatarsanaa.
Wakhtigii ay dheceen dhacdooyinka baadhitaanka lagu wado iyo wixii ka dambeeyayba kalsoonidii ay
ahayd in ay ka dhex jirto adeeg‐bixiyayaasha iyo dadka xarunta loo soo gudbiyay si Xarunta
maaraynteedu ay u noqoto mid ammaan ah oo habboon ayaa si cad u gaadhay meel aad u hoosaysa,
haddii anay burburinba.
Waxa markaa ina hortaala shaqo wayn oo la xidhiidha sidii kalsoonidaas dib loogu soo dhisi lahaa si
Xaruntu ay si hufan ugu hawlgasho oo ay dadka halkaas loo soo gudbiyayna u dareemaan in ammaan
yihiin inta ay ku sugan yihiin Jasiiradda Manus.
Waxay shirkadda Transfield Services u muuqataa in ay si waaqici ah u fahansantahay doorka ama
kaalinta ay ku leedahay soo celinta kalsoonidaas iyo in ay leeday qorshe ama istaraatiijiyad lagu soo
celinayo hawl‐socodkii caadiga iyo ammaanka ahaa Xarunta.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
120
In boolisku sameeyo baadhitaan waafi ah oo ku saabsan dambiyadii lagu kacay intii ay dhacdooyinku
socdeen iyo in dalka PNG dhexdiisa lagu maxkamadeeyo falal dambiyeedyada habboon waa laba arrin
oo kaalin wayn ka qaadan kara soo celinta kalsoonidaas.
Dibu Eegistani waxay soo jeedinaysaa talooyin ujeedadoodu tahay in natiijooyinkaas la xaqiijiyo.
Haddii mustaqbalka la eego, talada ugu muhiimsan ee ay Dibu Eegistani soo jeedinaysaa waxa weeyaan
in Xukuumadda PNG iyo Hayada Adeegada Socdaalka iyo Jinsiyadda ee iyada ka tirsan ay dadajiyaan
hawlaha go’aaminta xaaladaha qaxoontinimo sida ugu dhakhsaha badan iyadoo ay Australiana ka
gaysanayso dhammaan taageerada iyo caawimada sidaas ku munaasibka ah.
Wakhtigan xaadirka ah inta lagu jiro, Dibu Eegistu waxa ay soo jeedinaysaa in la hubiyo in dadka xarutna
loo soo gudbiyay si buuxda oo joogto ah looga warramo hawlaha socda iyo sida iyaga u khuseeyaan una
saamaynayaan.
Talooyinka kale waxay la xidhiidhaan dhawr arrimood oo kala duwan oo ku saabsan sida loola
xidhiidhayo booliska PNG iyo maaraynta khatarta Xarunta iyo kaabayaasheeda ammaanka iyo daryeelka
dadka xarunta loo soo gudbiyay iyo xidhiidhka in la wanaajiyo iyo bulshada deegaanka oo xidhiidh lala
yeesho iyo shaqaalaha in la tababaro.
Sida meelo kala duwan oo Warbixintan ka mid ah lagu faahfaahiyay, waxa mar horeba bilaamay oo la
wadaa hawlaha la xidhiidha qaar badan oo ka mid ah waxyaabaha la soo jeediyay ee lagu xusay qaybta
talo soojeedinta.
Qaybta 13aad: Mahadcelin
Intii ay Dibu Eegistani socotay, waxa aan wadashaqayn niyadsami ah ka helay Wasiirrada dalka Papua
New Guinea iyo saraakiisha sarsare ee Waaxda iyo kuwa shirkada G4S iyo kuwa shirkada International
Health and Medical Services iyo kuwa ururka The Salvation Army iyo kuwa shirkada Transfield Services
iyo kuwa shirkada Wilson Security.
Shaqaalohoodu wakhti hore iyo wakhti dambeba si fur‐furan uga hadleen wixii ay ka ogaayeen
dhacdooyinkii dhacay 16 – 18‐kii February 2014 iyo duruufaha ku xeersan.
Waxa aan aad ugu faraxsanahay in dad badan oo ka mid ah dadka xarunta loo soo gudbiyay ay ka qayb
qaateen waraysiyada iyo kulamada su’aalaha iyo jawaabaha ah amaba ay soo gudbiyeen foomam
jawaab‐celin ah. Kaalintoodu waxay muhiimadda ugu wayn ku lahayd in faham dhammays tiran laga
helo sida iyo sababta ay dhacdooyinku u dheceen.
DIB U EEGID DHACDOOYINKII 16 – 18 FEBRUARY 2014 KA DHACAY XARUN GOBOLEEDDA EEGISTA
DACWADAHA EE MANUS
121
Sidoo kale waxa Dibu Eegistan caawimo badan ka gaystay xaddiga wayn ee dhokumentiyada iyo
waxyaabaha kale ah ee laga helay ilo farabadan intii ay socotay baadhistu.
Guddiga Sare ee Australia ee fadhigeedu yahay magaalada Port Moresby caawimo badan ayay Port
Moresby ugu fidisay Dibu Eegistan.
Dhamaantood waxan uga mahadcelinayaa kaalinta ay ciyaareen.
Ugu dambayntii waxa aan xusayaa qadarinta mugga leh ee aan u hayo hawl‐karnimada kooxdii Dibu
Eegista ka shaqaysay iyo taageerada heellan ee aan ka helay intii aan waday baadhitaanka iyo intii ay
diyaarintii Warbixintani socotay.
ROBERT CORNALLO
23 May 2014