telesom magazine

24
Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Upload: abu-hamda-muse

Post on 30-Jul-2015

226 views

Category:

Documents


18 download

DESCRIPTION

Telesom Magazine, Issue 13

TRANSCRIPT

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Weedha tifaftiraha

Shirkadda Telesom oo Abaalmarino Guddoon-

siisay Hal-doorkii Shaqaalaha ee sannadka

2011

Telesom iyo Google oo si Wadajir ah u fuli-

naya Barnaamijyo Cusub

Qiimo-Dhimistii ugu Ballaadhnayd oo

Telesom u samaysay Macaamiisha

DAAHFURKA ADEEGGA CODKA SOO

DHICISTA MOBILE-KA “Ila-Maqal (Caller

Ring-back tones)”

Telesom iyo Salaam Financial Services oo

soo bandhigay adeegga KAAFI

Xaflad Casho Sharaf ah oo ay Shirkadda

Telesom u samaysay Dhakhaatiir Cusub

Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha

Telesom

Telesom oo mishiin koronto ugu deeqday

Cusbitaalka Borama, deeq lacageedna gud-

doonsiisay dawladda hoose ee Gabiley

Ka Faa’iidayso Salaam Remittance (Salaam

Sainancial Services)

Wax ka baro Cudurka Qaaxada!

Quraanka & Culuumta Sayniska

TUSMO

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Waxa farxad weyn noo ah in aanu idinku soo dhoweyno tirsigii

13aad ee majaladda Telesom Newsletter. Majaladan oo saddexdii

biloodba hal mar soo baxda (Quarterly), waxa soo saara Shirkadda

Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan xafiiska Xidhiidhka Dad-

weynaha (Public Relations office).

Majaladan waxa aad ka heli kartaa maqaalo xiiso leh oo isugu jira

dhacdooyinka iyo wararka Telesom, Adeegyo cusub oo faa’iido u leh

macaamiisha, barnaamijyo caafimaad, Suugaan, Dhaqan iyo

barnaamijyo kale oo aqooneed.

Wixii macluumaad ama qoraalo faa’iido u leh dalka iyo bulshadaba

waxa aad noogu soo hagaajisaan xafiiska Xidhiidhka dadweynaha

ee Telesom oo ku yaala xarunta dhexe ee Salaam Remittance ama

ku soo dir ciwaanka:

Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland,

Office: +252 2 522168,

Email: [email protected], [email protected]

GUDDIDA TIFAFTIRKA 1. C/Salaam Ismaaciil

2. Eng. Faarax Sugaal

3. C/Wahaab Maax

4. Cadnaan Daahir

5. Yaxye Iid

6. Maxamed Cabdi (Darbo)

Mustafe A. Muse Editor-in-Chief

Mohamed Ibrahim Sub-Editor

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

T elesom Newsletter 15th Mar, 2012,—Shirkadda

Telesom ayaa xaflada si heer sar ah loo soo agaasi-

may u qabtay shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii

dhammaaday ee 2011, shaqaalahaas oo lagu abaal mariyey

abaalmarino maaliyadeed iyo shahaado sharafyo. Xafladda

abaalmarinta ayaa loogu qabtay Hotel Maansoor, iyada oo

xarumaha goboladda ee Telesom ay ka socdeen xaflado gaar

-gaar ah oo uu isku xidhayay khadhka Maqal iyo Muuqaal ee

Shirkadda (Video Conferencing).

Waxa xafladahaasi ka soo qaybgalay saamilayda shirkadda,

maamulka sare, shaqaalaha, masuuliyiin sarsare oo ka socday

xukuumada Somaliland, qaar ka mid ah macaamiisha

shirkadda Telesom iyo marti sharaf kale.

Madaxda Xukuumada mataalaayey waxaa ka mid ahaa

Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi X. Cali, Wasiirka Qor-

shaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Diinta iyo

Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka warfaafinta Md.

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), iyo xildhibaano. Waxaa si-

doo kale ka soo qayb-galay Salaadiin iyo Culimo magac ku

leh bulshadda oo ay ka mid yihiin Sh. Yusuf Sh. Adan iyo Sh.

Adan Siiro, Sudlaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan

Shirkadda Telesom oo Abaalmarino Gud-doonsiisay Hal-doorkii Shaqaalaha ee

sannadka 2011

Axmed Daahir iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey

Sh.Yuusuf Sh. Adan waxaanu tilmaamay in waxyaabaha ay

shirkadda TELESOM ku horumartay ay ka mid

tahay iyada oo shaqaalaheeda ku xulata aqoon iyo

amaano. Waxaa sidoo kale uu shaqaalaha shirkadda ku

ammaanay in ay yihiin kuwa ku sifaysan ammaano iyo adeeg

hufan.

C/Qaadir Maxamed Sahal oo ah Madaxa Waaxda Shaqada

iyo Shaqaalaha Telesom oo isna xafladda ka hadlay ayaa faah

-faahin ka bixiyey sida ay Telelsom ku xulato shaqaalaha ay

qaadaynayso iyo shuruudaha looga baahan yahay qofka

shaqada loo qaadanayo, waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyay

talaabooyinka loo maro shaqaalaha la qaadanyo ilaa marx-

aladda qofka shaqada loo dhiibayo.

Guddoomiye ku-xegeenka shirkadda Telesom Md. Maxa-

mud X. Adam (Xadeed) kana mid ah aasaasayasha shirkadda

Telesom ayaa isna ka hadlay kaalinta ay Telesom ugu jirto

dadka iyo dalka oo ay wax badan u fududeeyeen dalka xagga

isgaadhsiinta, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha, waxanu

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

hadalkiisa raaciyey in shirkaddu marayso meel wanaagsan iyo

in ay higsanayso horumar ka sii sarreeya halka ay maanta

taagan tahay.

Sheekh Adan Siiro oo ku hadlayay magaca Ganacsatada Wa-

danka ayaa isna sheegay in ganacsato ahaan ay mahadweyn u

hayaan shirkadda, waxaanu yidhi; “TELESOM WAXAY

NOOGU JIRTAA MUDNAANTA KOOBAAD WAA

SHIRKAD LAWADA LEEYAHAY MAAHA MID CID

GAARA ISKA LEEDAHAY CID WALIBA WAX

BAY KU DARSANKARTAA MARKAA WAXAAN

LEEYAHAY QOFKII DOONAYA IN UU SHIRKAD

MACMIIL U NOQDO AMA WAXKU DARSADO

TELESOM HA U TAGO, IYADAA UMMADDA KA

DHAXAYSEE (TELESOM , GOOD SERVICES,

GOOD QUALITY AND GOOD PRICE)”.

Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi X. Cali Xasan oo hadal

qiimo badan ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in xu-

kuumad ahaan ay garabgalayaan ciddii dalka horumar u

wadda, waxana uu Telesom ku tilmaamay in ay tahay shirkad

adeeg wanaagsan oo ay dadku jecel yihiin. Sidoo kale waxa uu

wasiirku xusay in ay horumarka ay

Telesom gaadhay ay hormuud ka yihiin shaqaalaha

kartida, aqoonta iyo akhlaaqda leh ee ka hawlgala.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire, oo isagu

xafladda soo xidhay waxa uu sheegay in shirkadda Telesom

ay kaalin mug leh ku leedahay horumarka dalka, iyada oo uu

Telesom oo Abaalmarino………... sheegay in shirkaddu ay sannadkan bixisay cashuurtii ugu

badnayd. Intaasi ka dib waxaa shahaadooyin iyo abaal-

marino uu gudoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa san-

nadkan ee keenay ―A+ & A― waxaana halkaasi abaal-

marintaa ku gudoomay in ka badan 36 shaqaale ah oo ka

kala yimid gobolada iyo magaala Hargaysa.

Magacyada Shaqaalihii ugu sarreeyay waax kasta

(employee of the department/site):

Hargeysa:

1 Axmed Cabdikayd C/laahi IT

2 Axmed Saleebaan Jaamac Accounting

3 Sakariye Maxamed Iimaan Engineering

4 Ismaaciil Aadan Cabdi HR

5 Saleebaan Xasan Wacays ISP

6 Warda Maxamuud Xirsi MPR

7 Siciid C/laahi Saciid Sales

8 Xuseen Cilmi Aadan Supply Chain

9 Guuleed Maxamed Aadan ZAAD

10 Keyse Cabdi Ismaaciil Landline

11 Caydaruus Xariir Muxumed TFC

12 Maxamed Cismaan Nuur Security

Xarumaha Goboladda (Sites):

1 C/raxmaan Maxamed Cabdi Burco

2 Deeq Cabdi Xasan Boorama

3 Maxamuud X.Cumar Wajaale

4 C/Kariim Muuse Max/ed Berbera

5 C/raxmaan Max/ed Jaamac Laascaanood

6 Maxamuud Saleebaan Faarax Buuhoodle

7 Faysal Axmed Jaamac Gabiley

8 C/risaaq Muuse Cabdulle Ceerigaabo

9 Caydaruus Sh. Maxamed Arabsiiyo

10 Maxamed Xuseen Xasan Sheekh

11 Mukhtaar Xuseen Xasan Lowyacado

12 C/raxmaan Maxamed Maxamuud Ceel Afweyn

13 C/Laahi Cali Ducaale Caynabo

14 Deeq Cismaan Muumin Oodweyne

15 Axmed Nuur Liibaan Saylac

16 Cilmi Maygaag Gaboobe Xariirad

17 C/laahi Barkhadle Cashuur Widhwidh

18 Saalax Dubad Dhiif Xudun

19 Cabdi Maxamuud Qayaad Boon

“Horumarka ay gaadhay Telesom waxa hormuud

ka ah, shaqaalaha kartida, aqoonta iyo akhlaaqda

leh ee ka hawlgala.” Wasiir Xirsi X. Cali.

Muuqaalka Qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii xafladda Shaqaalaha Telesom hadalada ka jeediyay

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom iyo Google oo si Wadajir ah u fulinaya

Barnaamijyo Cusub

T elesom Newsletter, March 7, 2012, Masuuliyiinta

Shirkadda Telesom ayaa 3dii March 2012 xarunta

Shirkadda ku qaabilay wefti ka socda Shirkadda

Google ee caanka ku ah baadigoobaha iyo adeegyada kale ee

Isgaadhsiinta. Weftiga Google oo uu horkacayay Mr. Divon

Lan, oo ka tirsan qaybta adeegyada Suuqyada soo koraya ee

Google, waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland yimaadaan

iyaga oo qorsheynaya in ay qayb ka noqdaan Suuqa koraya ee

Teknoolajiyadda wadanka.

Masuuliyiinta Telesom ayaa weftiga Google ku soo wareejiyay

qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda, iyaga oo soo arkay

teknoolajiyadda casriga ah ee Shirkaddu adeegsato, oo runtii

ku noqotay mid aanay filayn. Waxa kale oo labada dhinac ay

isweydaarsadeen macluumaad kuwajahan adeegyada Isgaadhsi-

inta, gaar ahaan Internetka iyo sidii loo horumarin lahaa.

Dhanka kale, Madaxa Waaxaha Xidhiidhka Caalamiga

ah iyo Internet-ka Shirkadda Telesom, Mr. Maxamuud

Cabdiraxmaan ayaa ka warramay heshiis caalami ah

oo labada shirkadood ee Google iyo Telesom ay wada

galeen bishii April 2011, kaasi oo ku saabsan in la

abuuro adeegyo cusub oo ay ka faa’iidaystaan Ma-

caamiisha labada shirkaddooda.

Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan waxa uu xusay in adee-

gyadan cusub ay ugu horreeyaan in Macaamiisha Telesom

ee Moobilka iyo Adeegga E-mailka ee Google ay ku wada

sheekaysan karaan ama isweydaarsan karaan farriimaha

qoraalka ee SMS-ka, iyada oo la adeegsanayo Moobilka

Telesom. Waxana uu intaasi ku daray in barnaamijkani uu

hadda ku jiro wakhtigii tijaabada, isla markaana ma-

caamiisha loo sii deyn doono dhowaan.

Xidhiidhkan cusub ee Shirkadda Google iyo Tele-

som waxa la rajeynayaa in uu mustaqbalka dhow u

fududeeyo macaamiisha adeegyo kala duwan oo

shirkadda Google ay bixiso.

Telesom waa shirkadda ugu ballaadhan wadanka ee bixisa

adeegyada GSM-ka oo isugu jira 2G/3G labadaba, Inter-

netka iyo adeegga laymanka guryaha. Telesom sidoo kale

waa shirkadda keliya ee wadanka ka bixisa adeegga moo-

bilka lacagaha lagu xawisho iyo adeegyo kale oo tiro badan

oo ay ka mid yihiin AqoonMaal, oo ay macaamiishu ka he-

laan warar iyo macluumaad aqooneed, adeegga ku-

mushaax (Roaming), oo kuu sahlaya in dalal badan oo

dunida ah aad moobilka Telesom la tagto, kuna isticmaasho

iyo adeegyo kale oo tiro badan.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Qiimo-Dhimistii ugu Ballaadhnayd oo

Telesom u samaysay Macaamiisha

T elesom Newsletter, March 31,

2012, Shirkadda Telesom ayaa

daboolka ka qaaday qiimo-

dhimis ballaadhan oo ay ku samaysay

adeegyadeed kala duwan ee gudaha iyo

dibadaba gaar ahaan, adeegga prepaid-

ka.

War-saxaafadeed uu u saxeexan yahay

maaamulaha qaybta horumarinta ga-

nacsiga ee Telesom Md. Cabdilsaan

Ismaaciil Nuur, oo si faahfaahsan u

sharaxaya qiimo-dhimista ayaa waxa u

qornaa sidan:

―Shirkadda Telesom waxay ku caan-

baxday ―hal-abuurnimo‖ iyo in ay ku

horrayso wakhtikastaba sidii bulshada

loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri

ah, oo kabaya horumarka noloshooda.

Telesom waa shirkaddii ugu horreysay

ee dalka keenta adeegga caanka ah ee

ZAAD. Zaad waxa ka faa‘iidaystay qof

Macmiil Telesom ah iyo mid aan

ahaynba. Waxa kale oo ay shirkadda

Telesom ku suntan tahay in ay tahay

shirkaddii ugu horreysay ee dalka

keenta adeegga Moobilka, Inter-

netka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegga

ILA-MAQAL (Codka soo dhicista

mobile-ka) Adeegyada AQOON-

MAAL oo ka kooban warar (news),

qaamuus isugu turjumaya Somali/

English, Wikipedia, iyo macluumaad

badan oo faa‘iido u leh bulshadda.

Intaa ka dib, waxa maanta farxad weyn

noo ah in aanu ku dhawaaqno QIIMO

-DHIMIS BALLAADHAN oo aanu

ku samaynay adeegyada Telesom, gaar

ahaan adeegga Prepaid-ka ee Mobile-

ka, kadib markii aanu daraasanay du-

ruufaha dhaqaale ee dalka ka taagan iyo

daryeelida macaamiishayada qaaliga ah.

Qiimo-dhimista aanu samaynay waxa

ay ka kooban tahay sadex qaybood oo

kala ah Gudaha, Dibada iyo Na-

tional-ka:

1. Waxa aanu hoos u dhignay qii-

maha lagula hadlo layn-ka wa-

damadda dibadda (International),

gaar ahaan wadamada hoos ku

qoran oo aanu $1 ka dhignay 15-kii

daqiiqo, halkii uu ka ahaan jiray 3.3

daqiiqo. Taas oo u dhiganta in aanu

jabinay 350% (sadex jeer iyo

badh) kana dhigaysa Telesom

Shirkadda Geeska Africa ugu jaban

qiimaha lagula hadlo dibadda.

UK, Canada, Malaysia, China,

USA, Sweden, Denmark, Hol-

land, Norway, Belgium,

France, Germany, Thailand,

Turkey, Russia, New Zealand,

Italy, Switzerland, Australia,

India, South Africa, Ireland.

2. Sidoo kale waxa aanu qiimaha

lagula hadlo $1 Mobile-ka iyo layn-

ka wadamadan hoose ka dhignay

15 daqiiqo:

Canada, Malaysia, China,

USA, Thailand

3. Qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka

wadamadan hoose waxaanu ka

dhignay 5 daqiiqo:

UK, Sweden, Turkey, Russia.

4. Dhinaca wadama jaarka aynu nahay

gaar ahaan Soomaliya iyo Punt-

land, 100% ayaanu hoos u dhignay

qiimaha lagula hadlo $1 waxa aanu

ka dhignay 20 daqiiqo.

DALKA GUDIHIISA:

Dalka Gudihiisa waxa aanu maanta laga

bilaabo $1 ka dhignay 200 daqiiqo, laga

bilaabo saacadaha 10-ka fiidnimo ilaa 6-

da arroornimo.

Mudane Cabdisalaam Ismaaciil Nuur

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

T elesom Newsletter, January 24

2012 – Shirkadda Telesom ayaa

daahfurtay adeeg cusub oo

loogu wanqalay Ila-maqal (Ringback

tone). Xafladda daahfurkan oo ahaa

shir-saxaafadeed lagu soo casuumay

dhammaan bahweynta saxaafada Soma-

liland ayaa lagu qabtay xarunta dhexe

ee Telesom.

War-saxaafadeedka lagu daahfurayay

adeegga Ila-Maqal oo uu xafladda

daahfurka ka akhriyay maamulaha qay-

bta horumarinta ganacsiga Telesom,

Md. Cabadisalaan Ismaaciil Nuur waxa

uu u dhignaa sidan:

―Shirkadda Telesom waxay ku caan-

baxday ―hal-abuurnimo‖ iyo in ay ku

horrayso wakhtikastaba sidii bulshada

loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri

ah, oo kabaya horumarka noloshooda.

Telesom waa shirkaddii ugu horreysay

ee dalka keenta adeegga caanka ah ee

ZAAD. Zaad waxa ka faa‘iidaystay qof

Macmiil Telesom ah iyo mid aan

ahaynba. Waxa kale oo ay shirkadda

Telesom ku suntan tahay in ay tahay

shirkaddii ugu horreysay ee dalka

keenta adeegga Moobilka, Inter-

netka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegyada

AQOON-MAAL oo ka kooban

warar (news), qaamuus isugu turju-

maya Somali/English, Wikipedia, iyo

macluumaad badan oo faa‘iido u leh

bulshadda.

Haddaba, kulankeenan maanta [Jan 24,

2012] waxa aanu ku soo bandhigaynaa

adeeg kale oo casri ah, xiiso badan isla

markaana saamayn mug leh iyo isbed-

del ku yeelan doona isticmaalka Mobile

-da Telesom. Adeeggan oo aanu ugu

talogalnay in maacaamiishu kaga

nastaan codka macno-daradda ah ee

mobile-ka (ringing), kaas oo aanu ku

beddelnay codad faa‘iido iyo saamayn

ku yeelanaya dhagaha macaamiisha.

Adeeggan waxa aanu ugu wan-qalnay

“Ila-Maqal (Ringback tone)”: Waa

adeeg dalka ku cusub oo muddadii uu

tijaabada ahaa xiiso galiyay ma-

caamiisha, adeeggan waxa ku jira

dhawr cod oo kala ah:

1. Sugaan,

2. Axaadiis,

3. Anaasheed iyo

Ducooyin.

Mustaqbalka waxa lagu biirin doonaa

barnaamijyo madaadalo iyo murti

soomaaliyeed ah, sida gabayo, maah-

maaho iyo xikmado aan xajiin iyo

turxaan lahayn.

Si loo isticmaalo adeeg-

gan “Ila-maqal” ma-

caamiishu waxa ay iska

diwaangelinayaan mobay-

ladooda, iyaga oo erayga

‗reg‘ SMS ahaan ugu

diraya numberka 300,

kadibna waxa uu ga-

raacayaa numberka 118.

Halkaas ayaa laga ha-

gayaa.‖

DAAHFURKA ADEEGGA CODKA SOO DHICISTA MOBILE-KA

“Ila-Maqal (Caller Ring-back tones)”

“Ila-Maqal (Ringback

tone)”: Waa adeeg dalka ku

cusub oo muddadii uu tijaa-

bada ahaa xiiso galiyay ma-

caamiisha.”

Mudane Cabdisalaam Ismaaciil Nuur

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

T elesom Newsletter, 26

Dec 2011, Salaam Finan-

cial Services oo ah hay‘ad

maaliyadeed una shaqaynaya sida

bangiyada caalamka oo ku salay-

san shareecada islaamka (Islamic

Banking) ayaa daahfurtay adeega

cusub ee KAAFI.

KAAFI waxa uu kuu fudud-

eynayaa inaad lacagta ku dhigan

karto ama kula bixi karto ZAAD

oo laguugu xidho xisaabta ama

akoonka aad ku leedahay SA-

LAAM, meel kasta oo aad ka heli karto shabakada Telesom.

Xafladda daahfurka adeegga

KAAFI oo ay ka hadleen mas‘u-

uliyiin ka kala socday shirkadda

Telesom iyo Salaam waxa ugu

horayn ka hadlay Cabdisalaam

Ismaaciil Nuur oo ah maamulaha

Qaybta Horumarinta Ganacsiga

Telesom, oo ammaanay sida ay

ugu hagar baxdo shirkaddu

adeegyada kala duwan ee ay

hadba bulshadeeda u keenayso

iyada oo uu adeega KAAFI ku

tilmaamay mid ay qayb ka tahay

shirkadda Telesom.

Sidoo kale, waxaa isna goobta

daahfurka hadal dheer ka jeedi-

yay Guddoomiye ku-xigeenka

Salaam Financial Services, Md.

Maxamed Ibraahim, waxaanu

yidhi; ―SALAAM waxa uu kuu

fududeynayaa in aad lacagta ku

dhigan karto ama kula bixi karto

ZAAD oo laguugu xidho

xisaabta ama akoonka aad ku

leedahay SALAAM meel kasta

oo aad ka heli karto shabakada

Telesom. Waxa kale oo aad

dhaqdhaqaaqa xisaabtaada iyo

hadhaagaba kala socon kartaa

mobilkaaga (SMS BANKING)‖.

Waxa kale oo iyaguna madasha

hadalo koobkooban ka jeediyay

Md. Cabdiqani Xariir oo ah

Madaxa Suuqgeynta iyo Adeega

Macaamiisha SALAAM iyo Md.

Cabdiraxmaan Aadam Shire oo

ah Madaxa Waaxda ZAAD Ser-

vices, iyaga oo tilmaamay in

adeegga KAAFI uu faa‘iido weyn

u leeyahay bulshadda Somaliland,

gaar ahaan macaamiisha ZAAD

ka diiwaangashan.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

T elesom Newsletter, 14 Feb 2012,

—Shirkadda Telesom ayaa Hutel

Maansoor Xaflada casho Sharaf ah

ku maamuustay dhallinyaro Dhakhaatiir ah

oo wadanka wax ku bartay balse sha-

haadada digriiga labaad ka soo dham-

maystay jaamacad ku taala dalka

Yugaandha.

Casho-sharafta ay Telesom ku maamuusta-

tay dhakhaatiirtan dhallinyarada ah ee

cusub, waxa kale oo ku wehelinayay maa-

mulka daladda dhallinyaradda ee SONYO.

Xafladda Casho sharafta ah oo ay

shirkadda Telesom si gaar ah ay ugu maa-

mustay saddexda dhakhtar oo kala ah Dr.

Maxamed Yusuf Culimo, Dr. Adan Haybe

Faarax iyo Dr. Abdifataax Yusuf Baaruud,

kuwaas oo soo bartay culuunta maamulka

xarumaha caafimaadka dadweynaha (Public

Administration Health), sidoo kale waxay

soo koradhsadeen aqoontoodii dhak-

htarnimo, iyaga oo ka helay jaamacada

khubaro caafimaad oo ka kala yimi daafaha

dunida.

Madaxda Shirkadda Telesom ee ka soo

qaybgalay casho-sharafta waxa ka mid ahaa

Cabdisalaam Ismaciil Nuur maamulaha guud

ee qaybta Horumarinta Ganacsiga

(Business Development Division), Md.

Cabdiwahaab Maax Maxamud maamulaha

guud ee Qaybta Ganacsiga (Commercial

Division), Maamulaha Waaxda Suuq-gaynta

iyo Xidhiidhka dadweynaha Md. Yaxye Iid

Dhimil, Maamule ku xigeenka Waaxda

Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka dadweynaha

Md. Maxamed Cabdi Darbo iyo Madaxa

adeegga macaamiisha iyo Xidhiidhka Dad-

weynaha, Md. Mustafe Adam Muse iyo

madaxa xidhiidhka Caalamiga ah Cadnaan

Daahir waxaanay dhammaantood ugu ham-

balyeeyeen dhakhaatirtan dalkoodii hooyo

u soo laabtay guushan iyo aqoontan ay

gaadheen, iyaga oo ku dhiirigeliyay in ay

dalka si hagar la‘aan ah ugu shaqeeyaan.

Waxaa sidoo kale iyaguna halkaasi ka had-

ley Guddoomiyaha iyo agaasimaha daladda

SONYO Axmed Cabdi Wacays iyo Siciid

Maxamed Axmed, waxaanay shirkadda

Telesom uga mahadnaqeen maamuskan ay

ku qaabishay Dhakhaatiirtan da‘da yar iyo

guud ahaanba doorka ay Telesom kaga jirto

Shaqaalaysiinta dhallinyarada Jaamacadaha

kala duwan ee dalka wax ku soo bartay.

Waxaanay shirkadda ka codsadeen in ay sii

laban laabto dedaalka iyo garab-galka dhal-

linyarada ay la garab joogto.

Ugu dambayntii waxaa iyaguna hadalo

iskugu jira mahadnaq iyo xog-waran ku

saabsan dedaalkii dheeraa ee ay soo

mareen ka waramay Dr. Maxamed Yusuf

Culimo, Dr. Adan Haybe Farah iyo Dr.

Abdifataah Yusuf Barud. waxaanay shee-

geen in ay sameeyeen dedaal badan. Waxa

kale oo ay sheegeen in ay ugu tageen dalka

Yugaandha dhallinyaro dedaalaysa oo

aqoon leh. Waxay xuseen inay Jaamacada

ay dhiganayeen ay ku jireen in ka badan

5000 oo dhakhtar, professors-ka waxa ka

dhigayay waxay ka soo kala jeedeen dalalka

Uganda, Kenya, Pakistan iyo qaar kale oo

waddamo kale ka soo jeeda.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha Telesom

Q ormadeenii taxanaha ahayd ee Baro mid ka

mid ah hormuudka Telesom. tirsigan oo ah

kii 12aad waxaynu ku qaada-dhigi doonaa

Axmed Adam Jibriil oo ka mid ah Shaqaalaha Telesom

ee Tog-wajaale.

Axmed Adam Jibriil, waxaa uu ku dhashay Jamhuuri-

yada Somaliland gaar ahaan magaalada Hargaysa, san-

nadkii 1980. Axmed waxa uu waxbarashada hoose iyo

dhexeba ka dhamastay dugsiyada Sheekh

Baraawe iyo Madarasada Al-

Furqaan. Waxbarashaddii

Dugsiga sare Waxaa uu

ka baxay dugsiga

Faarax Oomar ee Ma-

gaalada Hargaysa. Ax-

med Adam waxaa uu ka

qalin jabiyey Kuuliyada Maa-

mulka iyo maaraynta ee Jaamacadda Har-

gaysa sannadkii 2004, waxaanu noqday ardaygii ugu

sareeyay (Honor student). 2010 ilaa hadda waxaa uu

ka dhigtaa Jaamacadda Tima-cadde barashada cu-

luumta Islaamka.

Axmed Adam waa nin waxbarashada jacayl iyo ha-

muun u qaba sida ka muuqata sooyaalka taariikhdiisa,

isaga oo mar walba jecel in uu tayeeyo aqoontiisa.

Haddii aynu eego dhinaca waxbarashada dadban, Ax-

med Adam waxaa uu mudadii u dhaxaysay sannadkii

1996 – 1999 bartay, computer, management iyo ac-

counting-ka, machadka KAAH. 2004 waxaa u sidoo

kale, qaatay tobobar la magac baxay “TOT course of

effective Training Method”. 2007 waxa uu qaatay

tabobar lagu baranayay Iibka, Suuq-gaynta, xidhiidhka

macmiilka iyo sida loo maamulo shaqaalaha, kaas oo

ay diyaarisay shirkadda Telesom. Sidoo kale waxaa uu

qaatay tabobaro badan saddexdii sanno ee u dan-

beeyey.

Axmed Adam waxaa uu shirkadda Telesom ku soo

biiray sannadkii 2006 waxaanu muddadaas soo qabtay

shaqooyin kala duwan. Hadda Axmed waa madaxa

Iibka iyo Suuq-gaynta Telesom ee Magaalada Tog-

wajaale, waana ku-xigeenka maamulaha Site-ka Tog-

wajaale.

Axmed waxaa uu muddadii uu shirkadda Telesom ka

shaqaynayey uu sameeyey dedaal iyo horumar la taa-

ban karo. Taasna waxaa inoo cadaynaysaa shaqooy-

inka kala duwan ee uu soo qabtay iyo darajooy-

inka uu gaadhay. Waxaanu kumu-

taystay abaalmarino, sha-

haadooyin iyo dalacsiin.

Sidaasi daraadeed,

markii uu maamulka

shirkadda iyo xafiiska

shaqada iyo shaqaalahu arkeen

kartida iyo dedaalka uu muuiyey, Mr.

Axmed Adam Jibriil, ayaa loo aqoonsaday in loo

caleemo saaro inuu noqdo shakhsiga tirsigan ma-

jaladda Telesom lagu falan-qayn doono sanadkan.

Gabogabadii, Axmed oo kaliya maaha shaqaalaha kor

u qaaday aqoontooda, xirfaddooda & horumarkooda

shaqo ee waxaa jira shaqaale badan oo aanu mid mid

ugu soo qaadan doono tirsiyada soo socda ee majal-

ada Telesom, haddii Alle agolaado.

Axmed Adam Jibriil

“Axmed Adam Jibriil, waxa uu ahaa

ardaygii ugu sareeyay (Honor Stu-

dent) kulliyadda Maamulka &

Maaraynta Jaamacadda Hargeysa

2004-kii”

Waxa diyaariyay xafiiska HRM-ka

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

T elesom Newsletter, 20 Feb 2012,

Shirkadda Telesom ayaa cusbitaalka

Guud ee magaaladda Boorama ugu

deeqday Mishiin weyn oo ah nooca aan

shanqadha lahayn oo 30KV. Waxaanay

masuuliyiinka shiradda Telesom si toosa ah

ugu wareejiyeen maamulka guud ee Cusbi-

taalka Borama. Xaflada gudoonsiinta Mishi-

inka oo ka dhacday hoolka shirarka ee

Cusbitaalka Borama ayaa waxa ka soo qayb

-galay maamulka shirkadda Telesom, agaasi-

maha iyo boodhka Cusbitaalka, Badhasaab-

ku xigeenka Gobolka Awdal, Sheekhul

baladka Booram iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn, waxaa xafladaasi ka hadlay,

agaasimaha guud ee cusbitaal Boorama,

waxaanu shirkadda Telesom uga mahad-

naqay sidii dhakhsaha badnayd ee ay codsi-

goodii u fuliyeen, isagoo tilmaamay in shirkadda Telesom Miishiinka cusbitaalka

Boorama ay keentay wakhtiigii aadka loogu

baahnaa. Waxaa isna ka dib hadlay maamu-

laha Shirkadda Telesom ee gobolka Awdal

Md. Cabdiqadir Aadan Nuur, isagoo ma-

hadnaqa iyo amaanba u soo jeediyey maa-

mulka shirkadda Telesom siday ugu taa-

geeraan wax-ka qabashada baahiyaha ka

taagan gobolka Awdal, waxanu xusay in

shirkadda Telesom tahay shirkadd ay dadka

reer Boorama wax ku leeyihiin oo faa‘ii-

dadeeda si toos ah iyo si dadbanba ay uga

helaan.

Sidoo kele, waxaa isna hadal kooban ka soo

jeediyey maamulaha horumarinta Ganacisga

(Business Development Division) ee

shirkadda Telesom, Md. C/salaam Ismacil

Nuur waxaanu si aad ah u xusay in

shirkaddu waxaa ugu wayn ee ay dalka u

qabtay tahay in shaqadii loo igmaday oo ah

in dalka ay wadda gaadshiiso isgaadhsiinta

ay wadda gaadhsiisay oo magaalo kasta iyo

tuulo kasta maanta si fudud loo wadda

xidhiidhi karo. Waxaa kale oo uu til-

maamay in shirkadda Telesom sahashay in

lacagtii waddanka dhex taalay la iskugu

Telesom oo mishiin koronto ugu deeqday Cusbi-

taalka Borama, deeq lacageedna guddoonsiisay

dawladda hoose ee Gabiley

gudbiyo si bilaasha ah oo uu qofku ehel-

kiisa iyo qaraabadiisa wadanka meelkasta

oo ay ka joogaan daqiiqado kooban ku

gaadhsiin karo, taasina ay kor u qaaday

dhaqdhaqaaqii ganacsiga. Waxaa kale oo

uu xusay in Shirkadda Telesom tahay

shirkad ay dadku wadda leeyahay oo loo

dhiibtay lacag oo waliba inta dadkii loogu

shaqeeyey haddana faa‘iido dib loogu soo

celiyey sanaddo badan.

Md. Cabdi-wahaab Maax, oo ah Maamu-

laha Qaybta Ganacisga (Commercial Divi-

sion) waxa uu sheegay in shirkadda Tele-

som ay guddanayso waajibaadka ka saran

bulshadeeda maadaama ay bulshadu tahay

ta ay ka hesho faa‘iidada kana dhex ganac-

sato, sidaasi daraadeedna ay waajib tahay

in bulshada wax ay u qabto. Waxaa kale

oo uu xusay in Shirkadda Telesom ay bul-shada ku nool gobolada ay ka caawiso

baahiyahooda kala du-

wan sidoo kalena ay

dawladda laftigeeda

iyadoo cashuur ka qaada

ay haddana wixii ay ga-

rab waydiisato ay

shirkaddu ka caawiso.

Ugu danbayntii, waxaa

kalmadii xidhitaanka ka

soo jeediyey xaflada

Kusimaha Badhasaabka

Boorama Md.Cabdi

Nuur Sugaal, waxanu

yidhi, ―Waxaan aad ugu

faraxsanahay shirkadda Telesom ee bixisay

janaraytarka oo uu baahin wayn u qabay

dhakhtarku, aad iyo aadna way ugu mahad-

san yihiin. Telesom markii ay qabtay

shaqadeedii war isgaadhsiinta, ZAAD-ka

iyo Korantada, waxay u gudubtay horu-

markii oo ah inay dadka wax ku celiso.

Waxaan tusaale ugu soo qaadanayaa, tar-

tankii ciyaaraha gobolada, Telesom waxay

ahayd shirkaddii ugu horaysay ee waxa ugu

wayn bixisa ee aan u tagay.‖

Dhinaca kale Telesom waxa ay bishii Feb-

ruary 2012, ugu deeqday lacag dhan $7000

(todoba kun oo dollar) dawlada hoose ee

gobolka gabiley, lacagtaas oo ay guddoon-

tay Md. Khadra Xaaji Gaydh, Maayarka

degmadda gabiley, waxa loogu talo galay in

ay qayb ka noqoto lacag lagu dhisayay

dugsi waxbarasasho.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

18 Shaqaalaha Telesom ah oo ka qalinjabiyey Jaamacadaha dalka

S annad walba waxaa shirkadda

Telesom ugu qalinjabiya

jaamacadaha dalka shaqaale

aad u tiro badan, taasina waxa ay

cadaynaysaa dedaalka ay maamulka

Telesom ugu jiraan horumarinta iyo

dhiirigelinta shaqalaha shirkadda.

Sannadkan 2011 waxaa Jaamacadaha

Elo American University, IHU, Hope,

Admas iyo Hargaysa ka qalinjabisay

shaqaale badan oo Telesom ka tirsan,

kuwaas oo qaar ka mid ahi ku guu-

laysteen kaalmaha hore, magacayada

Shaqalaha Telesom ee Jamacadaha

Dalka ka baxay waxaa ka mid ah:

1. Axmed Sh.Yusuf Diiriye (Honor)

Elo University

2. Eng. Mukhtar Mux’ed Alla-bari

(Honor), Elo University

3. Sh. Deeq Cabdi Xasan (Honor)

Elo University

4. Eng. Abdirashid Jibril Yoonis

Elo University

5. Farah Jamac Guuleed

Admas University

6. Cabdifatah Axmed Cumaer

Admas University

7. Shucayb Jirde Xasan

Admas University

8. C.risaaq Xasan Cisman (Honor)

IHU University

9. Khadar Siciid Maxamed

Hope University

10. Cabdilaahi Kayse Guure

Hargeisa University

11. Farxaan Maxamed Abokor

Hargeisa University

12. Hodan Maxamud Warsame

Hargeisa University

13. Xasan Maxamed Xasan

Hargeisa University

14. Maxamed Axmed Muxumed

Hargeisa University

15. Kaltuun Xasan Cabdilaahi

Hargeisa University

16. Jamac Maxamed Axmed

Hargeisa University

17. Khadar Xariir Xuseen

Hargeisa University

18. Muuse Maxamed Siciid

Hargeisa University

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom iyo Xidhiidhka ay la leedahay Beelaha La Hayb-sooco

koobna oo kaliya inay beelaha la hayb

-sooco ka caawiso dhinaca maal-

galinta xafladaha gaar ah ee waxaa

jira mashaariic horumarineed oo ay la

garab joogto beelaha la hayb-soocsa.

Mashaariicdaa waxaa ka mid ah inay

shirkadda Telesom u dhistay beelaha

la hayb-sooco Iskuul lagu barto

cilmiga Diiniga ah iyo ka maadiga ah,

sidoo kalena ay ugu deeqday 10 mac-

alin hal sanno Mushahaaradood”.

Haddaba, Guddoomiyaha Akadeemi-

yada iyo Horumarinta Beelaha La

hayb-sooco (ADEM) Md. Barkhad

Jaamac Xirsi waxaa uu ka warbixiyey

dhibaatada haystada Beelahooda iyo

waxyaala u sababa, waxaanu yidhi,

“Dadkani waa dad laga degay Mask-

axda iyo Maanka, taas oo ku reebtay

caado xun oo soo jireen ahayd, dad-

kani malaha hiil, hirkasho iyo horu-

mar toona. Dadka waxay u baahan

yihiin in aqoontooda la dhiso si jiilka

soo korayaa uga baxaan dhiibata-

dan.”

Guddomiye Barkhad waxaa uu

sheegay in Akadeemiyad ahaan ay

xidhiidh joogta ah la leeyihiin

Shirkadda Telesom.

Dhanka kale, Suldaanka Guud ee bee-

laha la habsooco Suldaan Daakir ayaa

isaguna ammaan iyo mahadnaq u soo

jeediyey shirkadda Telesom, waxaanu

yidhi, “Guud ahaan shirkadda Telesom

waxaanu ku amaanaynaa dadaalka ay

ummadda ugu jirto, gaar ahaana Bee-

laha la hayb-sooco. Shirkaddaha kale

waxaan u soo jeedin lahaa inay sida

Shirkadda Telesom oo kale dadka ku

eegaan il-naxariis leh. Maamulka

shirkadda Telesom-na waxaan u soo

jeedin lahaa inay 10 macalin ee ay

hore noogu deeqeen ay noogu

kordhinyaan 15 macalin oo kale

maadaama oo ay ardayda aanu hay-

naa aad uga badan tahay 10 macalin

ee Telesom naga caawiso fiigooda.”

H argaysa [Newsletter – Tele-

som ]—Badhtamihii sannad-

kii 2011 waxaa lagu soo ban-

dhigey Hotel Maansoor ee magaalada

Hargeisa Buuga loogu magacday “Hiil”

oo uu qoray, Qoraaga Xasan Adan

Madar, buuggaas oo ka hadlaaya

waayaha iyo duruufaha ku gadaaman

Beelaha la hayb-sooco waxa ban-

dhigidiisa soo qabanqaabiiyay

Akademiga Horumarka iyo Waxba-

rashada Dadka Laheyb-sooco ee

(ADEM), waxaana Maal-galisay

Shirkadda Telesom.

Xaflada Bandhiga Buuga Hiil waxaa ka

soo qayb galay qaybaha kala duwan

ee bulshada Somaliland sida Culi-

mada, Aqoonyahanka, Salaadiinta,

Siyaasiyiinta, iyo Ganacsatada shiri-

kaadka dalka. Waxaa ugu horeyn

Xafalada furay Isu-duwaha Akademiga

Xuseen Ibrahim Xassan, isaga oo si

gaar ah uugu nuuxnuuxsadey Horu-

marka ay Beelaha laheyb-sooco ka

sameeyeen dhinacyada waxbarashada

iyo ganacsiga waxaanu Isku-duwuhu

baaq gaar ah u diray dhamaan um-

madda Gabooye meel kasta oo ay

joogaan, isaga oo kula dardaarmay

inay iska dhaafaan cabashada iyo

calaacalka kuna dadaalaan gacan qa-

bashada kooda wanaaga wada iyo la

dagaalanka kooda dhinaca xun wax ka

eegaya waxaanu Xuseen sidoo kale

kula dardaarmay xukumada Axmed

Siilaanyo inay ku dadaasha hoos u

eegida iyo wax u qabadka dadka la-

heyb-sooco.

Madaxa Waaxda Iibka ee shirkadda

Telesom, Cabdiwajaab Maax ooo

munaasibadda hadlka ka jeediay ayaa

sheegay; “In shirkadda Telesom Sul. Daahir: Suldaanka guud ee Beerlaha la hayb-sooco

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Wax-qabadka Arrimaha Bulshada ee Telesom Laascaanood, Ceerigaabo iyo Buuhoodle

Telesom Laascaanood:

Shirkadda Telesom xarunteeda Laas-

caanood ayaa guddoonsiisay abaal-marin

qaaliyaha maacaamiisheeda isticmaala

adeega AQOON-MAAL xafladas oo lagu

qabtay xarunta xafiiska Laascaanood.

Waxaa guddoonsiiyey maamulaha Telesom

Laascaanoo, Md. Cabdirisaaq Axmed War-

same. Laascaanood waxay noqotay

Gobolka ama magaalada loogu is-

ticmaalka badan adeegga AQOON-MAAL,

waxanay ku guulaysteen abaal-marintii ugu

badnayd.

Telesom Ceerigaabo:

Telesom Ceerigaabo waxay qabatay ci-

yaar saaxiibtimo oo dhex martary laba

kooxood oo ku kala ciyaarayey Shirkadda

Telesom iyo kooxda Gaashaan oo ka

dhacday garoonka weyn ee Daallo Sta-

dium, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka

Xananaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw daa-

hir, badhasaabka gobolka Sanaag Cali

Cabdi Hure, maamulaha Shirkadda Telesom

Mudane Jamaal X. Axmed Ducaale iyo dhal-

linyaro tiro badan.

Telesom Buuhoodle:

Tartan Kubadda cagta oo ay maalgelisay

shirkadda Telesom Buuhoodle ayaa laga hir-

galiyay magaaladda Buuhoodle, tartankaas

oo aad u xiiso badnaa waxa daawanaayey

boqolaal dhallinyaro iyo waayeelba ka

koobnaa. Kooxaha tartanka ka qaybgalay

waxay ka koobnaayeen 8 kooxood oo kala

ahaa: DABKA, SWL, SAYVO, HILAAC,

HORSEED, KALSHAALE, YOUNG BOYS &

ALASKA.

Waxa ciyaartii dhammaadka isugu soo had-

hay labada kooxood ee DABKA & SWL

waxay guushii ku raacday Kooda DABKA.

Maamulaha Telesom Buuhoodle, mudane

Cabdisamad Cali Xasan ayaa abaal-marino

iskugu jirtay Lacag, kubaddo iyo kabo kala

siiyeen kooxdiihii ku guulaysatay kaalmaha

1aad iyo 2aad, kooxdii ugu ciyaarta

fiicnayd, ciyaaryahankii ugu goolasha bad-

naa iyo gool-hayihii ugu waanagsan.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Zeko Sooc: Waa maxay Seko?

W aa Qorme taxane ah oo aanu ka soo

qaadanay buug yare uu diyaariyay

Suldaan Maxamed Xasan oo ka tirsan

BOD-ka shirkadda, kaas oo uu ku diyaariyay

noocyada zakada, habka loo bixiyo, maalka ay

ku waajibto iyo wakhtiyada la bixiyo.

4. Tirada ka baxaysa wax-soo-

saarka beeraha: Beeruhu waxay ka midyihiin nicmooy-

inka Ilaahay ku galadaystay

aadamaha, sidaa awgeed waxaa ilaa-

hay ku waajibiyay wixii kasoo baxa in

laga bixiyo qadar magacaaban marka

ay soo go,aan sida uu Qur,aanku

cadeeyay iyo sunnada rasuulkuba,

waxaana alle ku yidhi kitaabka kariimka

ah:

( 141: أألوعام ( كلوا مه ثمره ارا أثمر وءاتوا حقّه يوم حصاده

Oo macneheedu yahay (waxaad cuntaan midhaha ay bixiyaan

beeruhu markay baxaan, waxaad kale

oo ka bixisaan xaqa ( sekada ) marka

aad goosataan).

Waxaana ay sunnadu caddaysay ti-

rada laga bixinaayo noocyada kasoo

baxa beeraha iyo inta ay ku sekooba-

yaan taasi oo nebigeenu ku yidhi xadiis

uu werinaayo Abuu Saciid Alkhudari Alle

haka raali noqdee: (Wixii ka yar shan awr-qaad ee beer kasoo baxa seko

laguma laha). ( . رواه ال بخاري (ليس فيما دون خمسة أوسق مه الثمر صذقة

Waxaa ay culimadu ku qiyaaseen shan-

taa awr-qaad inay dhantahay waqti-

gan: (653kg)

Intaasi wixi kayari ma sekoobaab, ee

wixii intaa gaadha ama ka badan ayaa

la sekaynayaa habka sekadooduna waa

sidan soo socota.

1. Beeraha iyo midhaha lagu beero

roobka ama wabiyada dur-durka

ah waxaa laga bixinayaa 10% wixii

soo go, ay toban boqolkiiba.

2. Beeraha iyo midhaha lagu beero

riig, baliyo, ceelal iwm waxaa lagu

dhufanayaa 5% marka ay soo go,

aan lala sugi maayo sanad iyaga.

3. Qaybta saddexaad waa Beerta

mar lagu waraabiyo biyaha

Roobka, marna lagu waraabiyo

tacabka iyo xooga kuwa noocan

oo kale ah waxaa loo sekaynayaa

hab u dhexeeya labadii hore oo

ah in la bixiyo 7.5%. marka laga

saaro wixii qashin ah sida : isha,

baalka, qolofta iwm.

FIIRO GAAR AH:

Had iyo jeer marka laga hadlaayo

sekada waxa kasoo baxa beeraha

waxaa loo Jeedaa midhaha kaydka

gala oo waxaa ka baxaaya kuwa aan

kaydsamin Ee khudaarta ah, waana

inaynu madaxa ku haynaa inay banaan-

tahay wixii sadaqo ah ee uu qofku la

baxaayo.

Qaybtii 3aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Ka Faa’iidayso Salaam Remittance

(Salaam financial Services)

uu doonana ka qaato, isaga oo adeegsanaya jeeg ama

warqadda lacag la bixidda.

SALAAM waxa uu kuu fududeynayaa inaad lacagta ku

dhigan karto ama kula bixi karto ZAAD oo laguugu

xidho xisaabta ama akoonka aad ku leedahay SALAAM

meel kasta oo aad ka heli karto shabakada Telesom.

Waxa kale oo aad dhaqdhaqaaqa xisaabtaada iyo had-

haagaba kala socon kartaa mobilkaaga (SMS BANK-

ING).

Sidoo kale waxaad xisaabtaada kula socon kartaa sha-

bakada internet ka meel kasta oo aad caalamka ka

joogto adiga oo heli doona adeegga E-BANKING.

Dhammaan adeegyadaas waxaad ka heli kartaa SA-

LAAM, adiga oo taga kana qaata USER ID iyo PIN had-

dii uu kuu furan yahay akoon SALAAM ah.

Kuma koobna intaas adeegga uu kuu qabanayo SA-

LAAM, waxa kale oo ka mid ah inaad si sahlan u diri

karto lacagaha ku socda bangiyada kale sida TT ama

Telegraphic/Telex Transfers dhammaan caalamka sida

shirkadaha, shakhsiyaadka ama jaamacadaha, keliya

waxaad u baahan tahay inaad haysato cinwaanka

meeshaad u direyso iyo baanka aad u direyso oo

dhammeystiran.

S ALAAM waa xarun cusub oo laga furay caasi-

madda Somaliland ee Hargeisa sannadkii 2010

bishii afraad, waa hay’ad maaliyadeed

(financial institution) una shaqaynaysa sida bangi-

yada caalamka oo ku salaysan shareecada islaamka

(ISLAMIC BANKING)

Goobta

Xaruntu waxay ku taal badhtamaha caasimadda Har-

geysa ka soo horjeedka baanka ganacsiga Somaliland,

waxay dhanka galbeed ka soo eegaysaa xarunta

khayriyadda.

Waxa loo furay inay xaruntani u adeegto bulsho

weynta Somaliland, dhinacyada dhaqaalaha bulsho

iyo xidhiidhka xagga maaliyadda ee dibadda.

Waa xarun u diyaarsan bangi ahaan marka u horreysa

ee la sharciyeeyo bangiyadana noqonaysa baankii u

horreeyey ee laga hirgeliyo Somaliland, waana xarun-

tii u horreysay ee bixisa adeegyada maaliyadeed ee

bangi guud ahaanba Somaliland.

SALAAM adeegyada uu hadda qabto waxa ka mid ah:

Xisaab furid (Account opening)

SALAAM waxa aad ka furan kartaa dhammaan noo-

cyada kala duwan ee xisaabeed (accounts) ka sida

(Saving/Current Accounts).

Akownadu waa laba nooc oo kala ah AKOWN

SHAKHSI AH iyo AKOWN GANACSI (Individual/

Corporate account)

Furrida account-ku waa mid ah lacag la’aan wax khid-

mad ahna lagama qaado qofka macmiilka ah marka

loo furayo account-ka kaliya waxa laga rabaa qofka

macmiilka ah inuu lacagtiisa dhigto SALAAM, marka Ka Eeg bogga 18aad

Diyaariye: Maxamed Ibraahim: Maareeye ku xigeenka guud ee Salaam

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Maalgelinta (investment):

SALAAM waxa uu diyaariyey noocyada maalgelinta,

sida; muraabaxada, mushaarakada ama mudaarabada

iyo wixii la mid ah oo waafaqsan shareecada islaamka.

Adeegyadan waxa diyaar u ah hadda muraabaxada oo

ah nooc ganacsi oo u fududeynaya macaamiisha inay

si fudud iskaga bixin karaan badeecadaha lagu siiyo

deynta, iyada oo adeegyada kalena si dhakhso ah loo

bilaabi doono.

SALAAM waxa uu sida ugu dhakhsaha badan uga fu-

ranyaa laamo dhammaan gobolada dalka sida Burco,

Boorama, Berbera iyo Wajaale oo la furi doona inta

aan sannadku dhammaan.

Yoolka SALAAM

SALAAM waxa u qorsheysan inuu u adeego bulshada

dhinaca dhaqaalaha oo waafaqsan shareecada is-

laamka si uu kor ugu soo kaco dhaqaalaha dalku.

Inuu fuliyo kana dhigo adeegga dhaqaalaha islaamka

mid shaqaynaya oo muuqda si faca soo koraya ugu

noqdo ku dayasho iyo xalaal quudeed.

Inuu adeegsado tiknoolajiyada casriga ah si uu uga

midho dhaliyo higsigiisa xagga islaamiyeynta

dhaqaalaha.

Inuu abuuro fac aqoon u leh farsamada bangiyada

islaamiga oo hadda ku socda si xawli ah guud ahaanba

caalamka.

In maalgashigu noqdo mid ka hana qaada dhammaan

dhinacyada kala duwan ee bulshada, dhiirri geliyana

qurba jooga inay waddankooda maalgashi ku

sameeyaan.

Ballanqaadka SALAAM:

Adeegga macmiilka (Customer services)

Waxa kuugu diyaar ah shaqaale u carbisan soo

dhaweynta macmiilka una jajaban raalli gelinta ma-

caamisha oo khibrad u leh adeegga aad u baahan

tahay.

Adeeg hufan (Quality services)

Adeeg hufan ayaa laguugu diyaariyey xarunta SA-

LAAM, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyada cas-

riga ah iyo shaqaale u tababaran haddii ay tahay

xidhiidhka gudaha dalka ama dibaddaba si aad u

hesho macluumaadka aad u baahan tahay iyo shaqo

hufanba.

Haddaba keliya waxaad u baahan tahay inaad soo

booqato xarunta SALAAM si aad u hesho dhammaan

Ka Faa’iidayso Salaam ………...

Dhismaha Xarunta guud ee Salaam

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Wax ka baro Cudurka Qaaxada!

Ka Eeg Bogga 20aad

B ogga Caafimaadka ee ma-

jaladda Telesom waxa

aanu tirsigan ku soo

qaadanaynaa qorsho xiiso badan

oo ay Dr. Soheir Hassan Ahmed

ka diyaarisay cudurka Qaaxadda.

Dr. Soheir, waa dhakhtarad da’

yar oo ka mid ah dhakhaatiirtii

ugu horsaysay ee ka qallinjabiya

jaamacadda Hargeysa kuliyadda

caafimaadka (faculty of medicine

and surgery) sannadkii 2009-kii.

Dr. Soheir Hassan Ahmed waxa ay

hadda ka shaqaysaa cusbitaalka

guud ee caasimadda Hargeysa iyo

Xarunta qaaxadda ee (PSR find-

some TB Center) oo ku taal

xaafadda New Hargeisa.

Cudurka qaaxada waa xanuun la

kala qaado (infectious disease),

waxaana sababa jeermis ilma

aragtay ah oo loo yaqaano

(Mycobactrium Tuberculosis).

Wakhtigii ugu horaysay ee la

ogaaday cudurka qaaxada waxa

uu ahaa 1882, waxaana ogaaday

nin saynisyahan Germany ah oo lo

odhan jidhay Robert Koch, kaas

oo ku helay cudurkan jaa’isada

“Nobel prize”.

Waxaa la hela sannad walba 8.8

million bukaan cusub ah oo qaba

cudurka qaaxada, 1 million ayaa u

dhinta, 1 million kalena waa car-

ruur, ilbidhqsi waliba qof cusub

ayaa qaada cudurka qaaxada .

Waa maxay cudurka qaaxadu?

Cudurka qaaxadu waa xanuun la

kala qaado oo uu keeno bakteri-

yad loo yaqaano Mycobactrium

Tuberculosis, kaas oo ku dhaca

sanbabada, laakiin ku dhici kara

meelo kala duwan oo qaybaha

jidhka ah sida: xuubka sanbabada,

wadnaha, qanjidhada, maqaarka

ama dubka, xubinta taranka, ca-

loosha iyo maskaxda.

Sidee ayuu ku fidaa Cudurka Qaaxadu?

Xanuunka qaaxadu wuxuu ku

fidaa marka qof qaba xanuunka u

qufco, hindhiso ama xaakadiisa ku

tufo dhulka wuxuu hawada ku si

daynaya bacteriyadii cudurka

dhalinaysay, taas oo qofkii caafi-

maadka qabay uu hawo ahaan u

qaadanayo jeermiskii, galaysana

sanbabada iyo dhammaan qay-

baha kala dhuwan ee jidhka.

Markaa waxaa laga yaaba in uu

jeermisku ku jiro karo jidhka

muddo sannado ah (dormant Tb),

oo wax calaamado xanuun ah ku

keenayn qofkii (no symptoms or

signs) ama ka gudbayn (no

spreading). Marka difaaca jeermis

dilaha bukaanku uu hoos u dhaco,

jeermisku wuu firfircoonaada

(active) waxaanu sababaysa

xanuunka qaaxada.

Waa maxaay calaamdaha

qaaxadu?

1. Qufac ka badan laba todo-

baad (main symptom).

2. Xaako ama xaako dhiig ah.

3. Xumad

4. Dhidid habeenka ah.

5. Qofka oo cuntada cuni kari-

waaya.

Miisaanka qofka oo hoos u dhaca. Sida loo baadho cudurka qaaxada?

1. Dubka ama maqaarka oo laga

tijaabiyo (skin test) laakiin ma

yaalo Somaliland.

2. Xaakada oo la qaado (sputum

examination).

3. Sawir feedhah ah oo la qaado

(chest x-ray).

4. Xaakada oo la beero (sputum

culture).

Wax yaabaha kor u qaada

qaaxada?

1. Qof qaba xanuunka HIV/AIDS.

2. Saboolinmada (low socioeco-

nomic status).

3. Bilaa hoy(homeless)

4. Meelaha dadku ku badanyi-

hiin side maqaaxiyaha iyo

marfashyada.

5. Barakacayaasha (immigrants).

6.Qofka qaaxada qaba oo la wa-

Dr. Soheir Hassan Ahmed

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Wax ka baro Cudurka Qaaxada! daaga sigaarka, badeecada iyo

weelka cuntada.

Taalo bixin ama waci gelin bul-

shada?

Cudurka Qaaxadu waa cudur la-

gaga bogsado muddo cayiman

gudahood, waana wax la heli karo

dawadisa. Haddii bukaanku

dawadisa u qaato si joogta ah wuu

bogsanayaa, laakiiin haddii u jar-

jaro mudada dawaynta waxba u

ma tarayso, waxaanu abuurayaa

in uu daawooyinka la hayo hadda

wax u tari wayaan (drug resis-

tant).

Waxaa lagula talinayaa bukaanka

qaba cudurka qaaxada ama kuwa

iska shakiya in ay tagaan xaruu-

maha caafimaadka ee qaaxada si

ay u helaan baadhis dhamaysti-

ran; waxa kale oo la gudboon in

aanay dawada ka iibsan suuqa,

waayo isku tayo ma’ aha labada

dawo (drug quality).

Waxaa laga rabaa qofka xanuunka

qaba in uu xaakadiisa ku dufo

meel baydhsan ama u marku tufo

ku aaso ciida.

Waxa kale oo laga raba in uu furo

subax waliba daaqadaha qolka iyo

alabka ba si u qolku u helo hawo

nadiif ah (ventilation).

Marka uu bukaanku uu qufacayo

ama uu hindhisayo waa in uu afka

gacanta saaraa ama maro ku

daboolaa afka.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Q ur’aanka Kariimka ah waxa ku jira ama uu ka koo-

ban yahay in ka badan 6000 (Lix kun oo

Aayadood), kuwaas oo 1000 (Kun) in ka badan oo

aayadood ay ka warramaan Sayniska. Dadka qaar si ay

wax u fahmaan waxay u baahan yihiin in mar wax loo

sheego, qaarna waxay u baahan yihiin in laba ama saddex

goor wax loo sheego, qaarna waxa ay u baahan yihiin in

toban jeer wax loo sheego, halka dadka qaarna ay u baa-

han yihiin in wax loo sheego 100 jeer si ay wax u fahmaan,

kuwo kalena waxa ay rabaan in arrin laga dhaadhiciyo

1000 goor ama ka badanba. Sidaas awgeed Quraanku

cidkastaba inta ay wax ku fahmayso ayuu wax ugu

sheegaa, qofka intaas waxba ku fahmi waayaana waa qof

ay maskaxdiisu xaqqa ka awdan tahay.

Qur’aanku sidiisaba ma aha Saynis “Science” ee Waa

“Signs”, Aayado rabbaani ah oo uu Ilaahay soo dajiyay, oo

ugu talogalay in dadku ay wax ku qaataan, kuna ru-

meeyaan jiritaanka iyo kalinimada Eebbe Subxaanahu

Watacaalaa.

Dadka reer Galbeedka ah ee haysta diinta Kiristaanka,

waxa ka dhex aloosan loollan adag oo u dhaxeeya diinta

iyo sayniska, gabi ahaanna waa mid aan suurtogal ahayn

in uu mufakar reer Galbeed ahi aqbalo in ay meel ku kul-

maan diinta iyo saynisku. Kitaabka magaciisu yahay

“Bible” oo ah kitaabka ay rumaysan yihiin dadka haysta

diinta kiristaanku, waxa ku qoran ama uu sheegaa, in

geedkii loo diiday Nabi Aadam Calayhi salaam cunistiisu in

uu ahaa geedka aqoonta, sidaas awgeed uu Nabi Aadam

helay waxoogaa aqoon ah markii uu cunay geedkii uu Alle

u diiday. Dadyawga reer Yurub waxa ay laba qarni ku mu-

ransanaayeen in ay aqbalaan aqoonta Sayniska ah ee ka

imanaysa muslimiinta iyo in kale, maadaama oo kitaab-

kooda noocyada

badani aanu dhiir-

galinba aqoonta.

Kiniisadu waxa ay

aamisan tahay in la

fogeeyo aqoonta,

maadaama oo cunista

geedka aqoontu tahay

sababtii jannada iyo

barwaaqada looga soo

saaray Nabi Aadam,

Quraanka & Culuumta Sayniska

Baadariyada ama Bishoobyada

kiniisaduhuna waxa ay daliishadaan

in Aadam helay aqoonta markii uu

cunay geedkaas, helista uu Aadam

aqoonta helayna waxa aan ku farxin

bay leeyihiin Baadariyadu “Ilaahay”

oo Aadam jannada ka soo saaray

marki uu geedkaas cunay.

Taas aawadeedna waxa

aqoonta gabi ahaanba is hortaagi jiray madaxda kiniisadaha.

Ugu dambayntii markii ay awooda heleen saynisyahannadii

iyo mufakiriintii reer Galbeedku, ee ay ka adkaadeen mad-

axdii kiniisadaha, shacbigiina ay hanteen, waxa ay qaadeen

tallaabooyin ka soo horjeeda kuwii ay qaadi jireen madaxda

kiniisaduhu, iyaga oo ka aargoosanaya cadaadiskii ay kiniis-

addu ku hayn jirtay. Saynisyahannadii iyo mufakiriintii reer

Galbeedku waxa ay diciifiyeen awooddii kiniisada, saamayn-

tii, maamulkii, iyo waxqabadkii kiniisaddana waxa ay ku koo-

been dhinacyo xadidan.

Laakiin diinta Islaamku waxa ay dhiirigalisaa aqoonta, si ka

duwan diinta Kiristaanka. Markii uu Ilaahay abuuray Nabi

Aadan, waxa uu siiyay aqoon aanu siinin malaa’iigta. Alle

waxa uu Aadan baray magacyada waxyaabaha jira oo dhan,

ka dibna malaa’iigta ayuu waydiiyay magacyada waxyaabaha

jira, waxa aanay ku jawaabeen malaa’igtu:

“Ilaahayoow adiga ayaa xumo ka nasahane, ma lihin cilmi aan

ahayn kii aad na bartay, adiga ayaa ah Caziis, Xakiim ah”.

Kadibna Ilaahay waxa uu Aadam ku yidhi “Uga waran maga-

cyadooda”,Aadamna waxa uu malaa’igtii uga warramay ma-

gacyadii.

Halkaas waxaad ka garan kartaa in Ilaahay aadamaha ku

maamusay milgaha aqoonta,Geedka uu Nabi Aadam cunayna

muu ahayn geedka aqoonta, ee waxa uu ahaa geed uu ku

dagay Shaydaanka Ibliis, lacnad baa ku dhacday e, Ibliis waxa

uu Aadam iyo Xaawa ku yidhi “Ma idin tusiyaa geedkii waari-

taanka iyo mulkiga aan gaboobahaynin”, Sidaas ayaanay

Aadam iyo Xaawa ku cuneen geedkii uu Ibliis ugu sheegay

“Geedka waaritaanka iyo mulkiga”, Nabi Aadamna waxa uu

aqoonta lahaa ka hor intii aanu cunin geedkan uu ku degay

Ibliis.

kala soco tirsiga danbe ee majaladda Telesom

Qalinkii: Siciid Maxamuud Gahayr "Hargeysaawi" , Email: [email protected]

Siciid Maxamuud Gahayr "Hargeysaawi"

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom Newsletter: Waa majalad saddex-biloodle ah (Quarterly),

oo ay soo saarto shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan

xafiiska Xidhiidhka dadweynaha (Public Relations office).

Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland,

Office: +252 2 522168, +252 2 522383

Email: [email protected], Email: [email protected]

Web: www.telesom.net

HIMILO (VISION):

“In aanu noqono horyaalka adeegyada Isgaadhsiita iyo

teknoolajiyada oo heer sare ah”

(To be the leader in providing world class ICT services)