telesom magazine jan - april 2014

32

Upload: telesom-company

Post on 15-Oct-2015

192 views

Category:

Documents


0 download

DESCRIPTION

Welcome Telesom Company First Year Quarter Newsletter Issue 19. This issue cover Telesom social responsibilities events, staff trains, health , social issues and many more. Thanks for your reading.

TRANSCRIPT

  • cont

    TusmoShirkadda Telesom oo Wacdaro ka Dhigtay Carwadii 6-aad ee Ganacsiga Somaliland

    Munaasibadii 11-aad ee Abaal-marinta Shaqaalaha Shirkadda Telesom ee 2013

    Shirkadda Telesom oo $ 7,000 oo Dollar Ku Wareejisay Waddada Xaafada Jigjiga

    Telesom oo Imtaxaan Ka Qaaday Shaqaale Loo Qaadanayey Saleska iyo ZAAD-ka

    Hagaaska Arragga & Hagaaga Daryeelka Indhaha Ubadka

    Shirkadda Teleosm oo $20,000 Ugu Deeqday Dhismaha Waddada Isku Xidha Berbera iyo Raari- buur

    Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku Cashariyey?

    Tababaraddii Shaqaalaha Telesom La Siiyey

    Adeega Xawaaladda Dibedda ZAAD Services

    Maxaad Ka Taqaanaa Daara Salaam Baanka?

    461113141618212222

  • WEEDHA TIFATIRAHA

    GUDIDA TIFATIRKA

    Marka hore waxaa Mahad balaadhan iska leh Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyin badan oo aan la soo koobin karin. Naxariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee inoo kala caddeeyey xaqqa iyo baadilka.

    Intaas ka dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinla waddaagno cadadkii 19-aad ee Wargayska Shirkadda Telesom. Wargayskan ayaa soo baxa Afartii biloodba hal mar. Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan

    doonaa warbixino ka warramaaya waxyaalihii ugu dambeeyey ee shirkaddu qabatay, hadday noqon

    lahayd; Barnaamijyadda Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Adeegyadda cusub,

    Arrimaha Islaamka, iwm.

    Maxamed Ibrahim CabdilahiTifatiraha Majaladda

    Cabdisalan Ismaacil NuurEng. Faarax Sugaal Guure

    Cabdiwahaab Maax Cadnan Daahir Muxumed

    Maxamed Cabdi Ahmed (Darbo)

    Telesom Salaam Tower, Khairia Street,

    Tel: +2522-522383/522409Email: [email protected]

    Email: [email protected] www.telesom.net

    Hargeisa Somaliland

    Ka Qayb-galayaasha

    1. Maxamed Xaashi Cabdilahi2. Cabdisamad Yaasin X. Cali

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net4

    Hargeysa - (02 Jan, 2014) - Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa wacdaro ka dhigtay bandhiga Carwada 6-aad ee ganacsiga oo lagu qabtay Hutel Gulleed ee magaalada Hargeysa.Telesom oo ah shirkad looga bartay adeeg hufan oo tayo leh isla markaana ah shirkadda ugu balaadhan xagga adeegga Isgaadhsiinta ayaa sanadkan kaga qaybgashay Carwadda Ganacsiga Telesom Group kuwaasi oo ay ku wehelinaayey labada shirkadood ee SALAAM FINANCIAL SERVICES iyo SOMGAS.

    Shirkadda Salaam Financial Services ayaa Akowno iyo Adeega KAAFI u furtay macmiil badan sidoo kale codsiyo maalgalineed ka qabatay dadweyne badan oo doonaayey

    Adeega maal-galinta ee shirkada

    Salaam Financial Services Bixiso. Hawl-wadeenadda SALAAM ayaa si qalbi iyo niyad furnaan ah ugu sharaxay dadweynaha doonaayey in ay wax ka ogaadaan adeegyada SALAAM

    bixiso iyo Shuruudaha looga baahan yahay qofka doonaya inuu adeegyadaa isticmaalo.

    SOMGAS oo ah shirkadda ugu wayn Somaliland ee iibisa shooladaha lagu karsado cuntadda ayaa carwaddan iyaduna ku soo bandhigtay shoolaaha cuntada lagu karsado oo dhawr nooc ah kuwaasi oo lagu sameeyey qiimo dhimis 50% ah. Dadweyne badan ayaa ka faaiidaystay qiimo-

    dhismita ay u samaysay SOMGAS

    Shirkadda Telesom oo Wacdaro ka Dhigtay Carwadii 6-aad ee Ganacsiga

    Somaliland

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 5

    kuwaasoo la arkaayey iyagoo guranaaya shooladaas. Dhanka kale saraakiisha sarsare ee shirkadda Telesom Group ee ka hawlgala qaybaha kala duwan ee ay shirkaddu ka kooban tahay ayaa la arkayey iyagoo si qurux badan u soo camiray kuraasta safka hore ee loogu talo galay dadka la qadariyo inay fadhiistaan.

    M a x a m e d Cabdi Darbo k u - x i g e e n k a madaxa Suuq-geynta iyo X i d h i i d h k a d a d w e y n a h a ee Shirkadda Telesom oo ku hadlaayey m a g a c a shirkadda ayaa ka waramay qaabka ay s a n a d k a n s h i r k a d d a Telesom uga soo q a y b - g a s h a y, waxaanu yidhi S a n a d k a n Bandhigan carwada waxaanu kaga soo qayb galnay magaca Telesom Group run ahaantii shirkadda Telesom waa shirkaddii ugu horeysay ee wadankan ka hana qaaday marka laga hadlayo waxa wada-lahaanshaha layidhaado, runtii wada-lahaanshahaa waa lagu macaashay waxaana shuraako ku ah in ka badan 1,500 oo qof oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa jooga

    ama dibadahaba ku maqan, Baanka Salaam oo aad ogtihiin inuu yahay mid wax badan ka qabtay adeegga dadweynaha isla markaana ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah isla markaana aad uga barateen inuu isugu kiin xidhay adeegyo kala duwan oo uu ka mid yahay adeegga KAAFI, markasta oo aad doontaan Salaam Baanka waxaad lacagihiina kagala bixi kartaan Jeeg laaan.

    Mr. Darbo ayaa intaasi ku daray, Waxaa kale oo aanu maanta meesha keenay shirkadda SOMGAS oo ah mid aanu ugu talo galay i s t a r a a t i i j i y a d d a fog inaanu ka dhino mustaqbalka shirkadda ugu weyn ee wadamada Gaaska Bariga Africa oo dhan ka Iibin doonta Gaaska, adeega SOMGAS waxaanu ugu talo galay inuu ka jabnaan doono dhuxusha q i i m a h e e d a .

    Shirkadda Telesom ayaa sanadkan soo bandhigtay Adeega Facebook & Twitter oo lagu isticmaalo bilaa internet. Ugu dambayntii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaacil Saylici ayaa shirkadda Telesom gudoonsiiyey Shahaado Sharaf lagu maamuusay doorka ay ka qaadatay shirkaddu diyaarinta Bandhiga Carwadda 6-aad ee ganacsiga Somaliland.

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net6

    Hargeysa (14.03.2014) Shirkadda Telesom ayaa qabatay munaasibadii 11-aad ee abaal-marinta shaqaalaha weynaha shirkadda. Munaasibada oo ka dhacay hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Dhalinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdirsaaq Khaliif, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Axmed, gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga

    Kulmiye Maxamed Kaahin, Culimo-awdiin, Salaadiin, Maamulka Sare ee Shirkadda Telesom, Gudoomiyayaasha Daladdaha SONYO iyo NAGAAD, Marti Sharaf kale iyo shaqaalaha Shirkadda Telesom.

    Xafladan munaasibadda 11-aad ee Abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Telesom ayaa shahaadooyin lagu siiyey shaqaalihii kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay qiimayntii shaqaalaha ee sanadkii 2013. Shaqaalahaasi oo la gudoonsiiyey abaal-marino lacageed iyo

    shahaadooyin lagu dhiiri galinaayo shaqadii wacnayd ee shirkadda Telesom u soo qabteen. Shaqaalahan shahaadooyinka la gudoonsiiyey ayaa ka kala socday xarunta guud ee shirkadda Telesom iyo xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

    Ugu horayn waxaa furitaanka xaflda ka hadlay maamulaha Waaxda Shaqadda

    iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Telesom muddane Cabdiqaadir Maxamed Sahal waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladaha shirkada Telesom ay u soo xulato shaqaalaha, siday aqoontooda u dhisto, qaababka ay shirkadu u dhiiri galiso shaqalaha, noocyada dheefaha kala duwan ee shirkadu siiso iyo ujeedada qiimaynta shaqaalaha laga leeyahay.

    Muddane Cabdiqaadir Sahal ayaa si aad ah ugu nuuxnuuxsaday kaalinta ay shaqaaluhu horumarka kaga jiraan, waxanu yidhi, Haddii la waayo shaqaalo hawl-kar ah waxay shirkadaasi noqonaysaa shirkadda fadhiid ah, si loo helo taasi waxaa loo baahan yahay in la helo shaqaale ku haboon hawsha shirkadda. waxaa kale oo uu yidhi, Qofkasta oo shirkadda Telesom ka mid ah waxa u dareemayaa jawi xasilooni oo shaqadiisa aamni uu ku yahay oo aanu ka cabsi qabin in uu shaqadda si fudud looga eryi

    MUNAASIBADII 11-AAD EE ABAAL-MARINTA SHAQAALAHA SHIRKADDA TELESOM EE 2013

    Eeg Bogga 6-aad

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 7

    karo.

    Hawl-galiyaha guud ee shirkadda Telesom muddane Ciise Maxamud Faarax oo isna madasha ka hadlay ayaa mahadnaq u soo jeediyey shaqaalaha shirkadda Telesom ee sanadkii 2013 shaqadda wayn u soo qabtay shirkadda Telesom. Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka jirta ee shaqalo laaanta ahi ay ugu wacan tahay dadkeenii oo aan diyaar u ahayn shaqadda qofkastana uu doonayo in uu noqdo qof shaadhkiisu cad yahay. Gudoomiyaha ayaa yidhi, Maanta haddii la yidhaahdo shirkadda Telesom shaqo ayaa ka banaan waxaa laga yaabaa in 2000 ama 3000 oo qof soo codsadaan, haddii la yidhaahdo dawladda Hoose shaqo ayaa ka banaana waxaa laga yaabaa in aanay dad badani soo codsan.

    Gudoomiye Ciise Maxamud Faarax ayaa ka digay khatarta

    MUNAASIBADII 11-AAD EE ABAAL-MARINTA SHAQAALAHA SHIRKADDA TELESOM EE 2013

    ay dalka ku keeni karto shaqooyinkii hoose ee ay gacanta ku hayaan dadka ajaanibka ah kuwaasi oo uu tilmaamay in ay hadhow ubadkoodu kala wareegi doonaan, taasin uu mustaqbalka dalka ay halis galin karto.

    Dhanka kale waxaa isaguna madasha ka hadlay Sheekh Almis Yaxye waxaanu xusay in diinta Islaamku ay dadka ku boorisay in shaqo kasta oo uu qofku qabanaayo uu u qabto sida ugu fiican joogteeyana. Sheekha ayaa sheegay in horumarka lagu gaadho in la tayeeyo qofka shaqaalaha iyadoo qofkaasi laga tayeynayo dhanka maskaxda iyo qalbiga si uu qof ku noqdo qof aamin ah oo hawl-kar ah. Sheekha ayaa mar uu ka hadlaayey shaqo laaanta dalka ka jirta waxanu sheegay in shaqooyinkii sarena ay hayaan dad ajaanib ah oo tiradooda lagu qiyaasay 5000 oo qof kuwaasi

    oo qaata musharax u dhexeeya $3,000 ilala $4,000 oo dollar bishii. Kuwaasi oo sanadkii qaata qiyaastii $20 milyan oo dollar. Sheekha ayaa sheegay in lacagtaasi ay shaqo u abuuri karto 20,000 oo dhalinyaradeena

    ah kuwaasi oo jaamacada dalka ka soo qalin-jabiyey.

    Waxaa isna munaasibaddan 11-aad ee Abaal-marinta shaqaalaha Telesom ka hadlay Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlaayey afka Salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda Telesom iyo shirkadaha kale ee dalku ay iyagu samaysteen shaqaalahood. Suldaanka ayaa ku guubaabiyey shirkaddaha kale in ay ku daydaan shirkadda Telesom.

    Gudoomiyaha Daladda Haweeenka ee NAGAAD Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ku hadlaysay afka haweenka ayaa hadaladeedii waxaa ka mid ahaa, Runtii waxaan uga mahadnaqayaa shirkadda Telesom abaal-marinta ay shaqaalaheeda gudoonsiinayso. Waxaanan shirkaddaha kale ugu baaqayaa in ay ku daydaan. Marwo Kaltuun

    Eeg Bogga 8-aad

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net8

    Sheekh Xasan ayaa shirkadda Telesom ugu baaqday in ay ka qayb-qaadato wacyi galinta bulshadda oo kolba

    meeshii u baahan in bulshadda laga wacyi galiyo ay fariimo gaagaaban u dirto bulshadda.

    Gudoomiyaha Daladda SONYO Mubaarik Cismaan Taani oo isna ku hadlaayey afka dhalinyaradda Somaliland ayaa xusay in shirkadda Telesom ay shaqaalaheedu u badan yihiin dhalinyaro waxaanu u hambalyeeyey shirkadda Telesom oo uu ku sheegay in ay tahay shirkadda kaliya ee nooceeda ah oo bilowday in ay Abaal-marin gudoonsiiso sanad walba si xidhiidh ah shaqaalaheeda.

    Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye muddane Maxamed Kaahin oo isna munaasibaddan abaal-

    marinta shaqaalaha shirkadda Telesom ka hadlay waxaanu yidhi, Aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa madaxda shirkada Telesom sida ay u soo agaasimeen xafladan abaalmarinta shaqaalaha shirkadda Telesom. Muddana

    Kaahin ayaa sheegay in dal kasta horumarkiisu uu ku xidhan yahay shaqaalihiisa in la dhiiri galiyo shaqaalaha ay keento in horumar lagu sii talaabsado. Gudoomiye Maxmed Kaahin ayaa mar uu tilmaamayey doorka ay shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladuhu ka soo qaatay horumarka dalka waxa uu sheegay in ay dalka meel dheer kala soo dhaceen oo ay maanta wax badan bulshadii horumarkeedii u sahleen. Gudoomiye Maxamed Kaahin ayaa shirkadda Telesom iyo shirkaddaha kala ka codsaday in ay siyaasiyiinta ka dhigaan mobaylada tirada badan ee kala jaad-jaadka maadama ay hadda gaadheen aqoontii lagu midayn lahaa.

    Ugu dambaytnii waxaa xaflada soo gabagabeeyey Wasiirka Dhaqanka Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Muddane Cali Siciid Raygal oo ku hadlaayey afka golaha wasiiradda Xafladda ka soo qayb-galay. Wasiirka ayaa mahadnaq iyo hambalyo u soo jeediyey Shirkadda Telesom iyo shaqaalaheeda, waxaanu sidoo kale uga mahadnaqay shirkadda Telesom sida ay ula shaqayso xukuumadda Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in runtii ay jirto in dalka ay ka shaqeeyaan dad ajaanib ah, waxanu tilmaamay in hawshaasi loo baahan yahay in la iska kaashado.

    Wasiirka ayaa fariin u diray dhalinyaradda dalka ee ku sii

    qulqulaaya waddamada reer galbeedka waxanu dhaar ku maray wasiirku in aanay Yurub, Maraykanka iyo Waddamada Eeshiya aanay midna oolin shaqo sharaf leh oo uu qofku suud iyo tay u soo xidho balse uu shaqooyin hoose oo dalkeenaba ka banaan uu ka qabto wadamadaas. Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro intay meel qurux badan isku soo sawiraan in ay dhalinyaradda kale facebook-ga usoo dhigaan ka dibna dhalinyaro badan ay naftooda khatar galiyaan, ka dibna marka ay meesha gaadhaan ay la kulmeen qofkii oo meel hoosaysa ka shaqaynaya. Wasiirka ayaa codsaday in bahalka facebook-ga laga wadda shaqeeyo sidi dhinac fiican loogu adeegsan lahaa mar haddii aan la joojin karin.

    Gabo-gabadii xafladda Abaal-marinta shaqaalaha Shirkadda Telesom waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey shaqaale tiradoodu gaadhayso dhawr iyo sodon shaqaale ah kuwaasi oo ku guulaystay kaalmaha kowaad iyo labaad. Shaqalaas oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan. Waxaan shaqaalaha abaal-marinta gudoonsiiyey wasiiradda Hawlaha guud iyo Guryeynta, Diinta iyo Aw-qaafta, iyo gudoomiyaha guud ee Shirkada shiradda Telesom Cabdikarin Maxmaed Iid shirkadda Telesom.

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 9

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 11

    Hargeysa (25.03.2014) Shirkadda Telesom ayaa lacag deeq ah ku wareejisay guddida dhismaha waddada xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa. Xafladan gudoonsiinta lacagta ayaa ka dhacday badhtamaha waddada ee xaafada Jigjiga yar.Waddadan ayaa laga dhisi doonaa bariga xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, waddadan oo dhererkeeda lagu qiyaasay hal kiiloomitir iyo boqol mitir, waxaanay ka soo bilaabi doontaa iskuulka agoomaha ee dhalinta kacaanka waxanay ku dhamaan doonta waddada jigjiga yar ee sunshine.Ugu horayn waxaa munaasibadaasi ka hadlay madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo Suuq-gaynta shirkadda Telesom muddane Maxamed Cabdi Darbo, waxaanu xusay kaalinta ay shirkadda Telesom kaga jiro horumarinta adeegyadda bulshadda. Muddane Darbo ayaa yidhi, Waxaanu maanta guddida xaafadda Jigjiga yar u qaabilsan horumarinta wadooyinka aanu gudoonsiinaynaa lacag dhan $7,000 (todoba kun oo dollar) oo aanu ugu talo galnay waddo wayn oo ku kacaysa kiiloo-mitir iyo waxoogaha oo laga dhisaayo xaafadda. Shirkadda Telesom-na hadd iyo jeer waxaa u arin ah in gudidii, ama xaafaddii, ama gobolkii, ama degmaddii horumar samaynaysa sida waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka, masaajidda, malcaamadaha cid alla ciddii wax qabsanaysa horumar ah in ay ka taageerto.Dhanka kale waxaa isagun maddasha ka hadlay gudoomiyaha guddida

    h o r u m a r i n t a waddooyinka x a a f a d d a J i g j i g a y a r

    muddane M a x a m e d Sheekh Cabdi Lodoon, waxaanu shirkadda Telesom uga mahadnaqay gacanta ay ka gaystay mashruucan. Waxaan isna madahasha ka hadlay Sheekh Axmed-iid Aadam iyo Jaamac Cali Cilmi waxanay shirkadda Telesom uga mahadnaqeen doorka ay ka qaadatay dhismaha waddad xaafadda Jigjiga yar dhexmaraysa. Waxay sidoo kale baaq u direen bulshadda ku nool xaafadda Jigjiga

    yar in ay ka ayb qaataan dhismaha wadadan. Waxay sidoo kale ugu baaqeen bulshada muxsiniinta ah in ay doorkooda ka qaataan dhismaha wadadan oo ay sheegeen in ay faaiido badan u leedahay bulshada xafadan dagan iyo qofkasta oo soo mara.

    SHIRKADDA TELESOM OO $ 7,000 KU WAREEJISAY GUDDIDA DHISMAHA WADDADA

    XAAFADA JIGJIGA YAR

  • Shirkadda Telesom oo Imtaxaan Ka Qaaday Shaqaale loo Qaadanaayo Sales & ZAAD

  • Hagaaska Arragga & Hagaaga Daryeelka Indhaha Ubadka

    Qore: Dr. Jimcaale Daahir Cumer

    Hagaaska Arraggu (amblyopia) waa habsami-u-koridda mid ka mid ah labada indhood oo arrageedu hantaaqmo sabab la xihiidha isha oo aan la adeegsan. Inta badan labada indhood midkood ayay xaaladani ku habsataa waxaase dhici karta in labadoodaba ay saamayso. Hagaaska Araggu isha uu haleelo waxaa la yidhaa Isha Hadhaaga ah (lazy eye). Waxaa Hagaaska Aragga mararka qaarkood wax lagaga qaban karaa muraayad marar kalena muraayaddu waxba kama tari karto.

    Fahmida Muhimada Habsami-u-korida Aragga

    Ilmuhu markuu soo dhasho waxbuu ku arki karaa labadda indhoodba. Si kastaba ha ahaatee, muddada ay korniinka ku jiraan, marinadda arragu waxay ka soo fiilaan indhaha, waxayna u arooraan xagga maskaxda oo ay gudaheeda ku libdhaan. Isla mudadaas ayay maskaxdu ku ababtaa inay fasirto bildhaanta araga ee indhaha uga yimaada. Korniinkan aragu wuxuu socdaa ilaa ilmuhu gaadhayo daada 7 ama 8 jirka. Mudadaas ka dib, marinadda araggu iyo qaybaha maskaxda ee araga ku lugta lihi way dhamaystirmaan lagamana yaabo in la badali karo.

    Haddii, sabab kastaa ha jirtee, ilmaha yar labadiisa indhood midkood amabase labadooduba araggoodu

    gaabis yahay, korniinka araggu si fiican uma hana-qaadayo. Taasi waxay keentaa araga oo daciifa, waxaana la yidhaa Hagaaska Arragaga. Marka la soo koobo si qoto dheerna loo eego, Hagaaska Arragu, waa maskaxda oo ku kalsoonaan wayday muuqaalkii uga yimid sawirka isha gaabiska ahi waday ee koriin xumadda araggu ku dhacay. Xataa haddii isha la daweeyo, gaabiska ku yimaada awoodda araggu intabadan waa halbacaad lagu lisay haddii aanay daawayntaasi kasoo horayn dada 7 jirka.

    Maxaa keena Hagaaska Arraga?

    Waxyaabo dhowr ah oo kala duwan ayaa keena Hagaaska Aragga. Labadda ugu muhiimsan sababaha keena Hagaaska Aragga waxaa ka mid ah:

    Cawarnida

    Cawarnidu waa iyaddoo labadda indhood ay labba jihoood kala duwan eegaan. Tusaale ahaan, mid ka mid ah indhuhu waxay eegtaa toos halka ta kale ay eegto gudub, hoos, dhinac ama dib. Madaama aanay labadda indhood garbo-siman ahayn waxay fiirshaan laba wax oo kala duwan taasoo keenta in maskaxda ay iska indho-tirto si aanay labbo shay oo kala duwan mar u wadda eegin. Tan macnaheedu waxa weeyi in maskaxdu hal shay uun markiiba ay ka bog karto taas oo noqonaysa in Il keli ah ay adeegsato maskaxdu. Inta badan cawarnidu waxay haleeshaa dadka xiliga caruurnimada xiligaas oo ah marka ay maskaxdu barato eegmadda.

    Dheelitir Laaanta Ifka

    Dheeltir laanta Ifka waxaa keena bikaacada Isha oo si mug leh u firdhin wayda ama dheelitiri kari wayda ifka soo gala. Dheelitir laaanta ifka waxaa ka mid ah: gaabashada

    Ilayska iyo taraarida Ilayska.

    Haddii labadda indhood midkood dheelitirkeeda ifku qaldan yahay waxay u badan tahay in Isha kalena la qabto.Waxa kale oo dhici karta in labada indhood midkood dheeliti laaanteeda ifku yahay araga dheer halka Isha kale tahay

    dheelitir laaanta araga gaaban.

    Marka arrinku sidan dambe yahay waxaaa dhacda in labadda indhood midkood mar kale maskaxdu waxay iska bakhtiinaysaa Isha ifkeedu gaaban yahay halka ta kale uun ay adeegsanayso xaaladaas oo keenaysa Hagaaska Aragga.

    Waxaa kaloo xusid mudan inay jiraan waxyaabo kale oo keeni kara in ilmaha aragiisu gaabis noqdo amase hagaaso. Tusaale ahaan, caad saarma Koorniyaha ayaa qalindaari kara ilayska galaya ilmaha indhihiisa.

    Sidee Loo Daaweyn karaa Hagaaska Aragga?

    Hagaaska Aragga wuxuu leeyahay wax-ka-qabasho haddii hore loo aqoonsado loona daaweeyo. Daawaynta ama wax-ka-qabashadda Hagaaska Arragu waa iyaddoo isha hagaastay lagu dirqiyo inay shaqayso oo gudato hawsheeda taasoo

    Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net14

  • noqonaysa in shaqadda laga joojiyo isha kale ee hagaagasan laguna dahaadho walax qarisa muddo 3 ilaa 4 Saacadooda maalintii. Marar kalena daawayntu waxay noqon kartaa dawo dhibco ah oo isha lagu shubo.

    Dhibaatadda xagga dheelitir laaanta ifka waxaa lagu sixi karaa muraayad waxaase dhacda in waalidka ilmuhu aanu ogaan Karin dheelitirlaaantan ifka ee indhaha ilmaha ilaa baadhis lagu sameeyo.

    Widwidh (23.01.20140) Shirkadda Telesom ayaa xarunteeda magalaadda widhwidh olole nadaafadeed oo socday muddo saddex maalmood ah ka wadday 6-da xaafadood ee ay degmadda Widhwidh ka kooban. Ololahan oo ay iska kaashadeen Shirkadda Telesom, dadweynaha iyo maamulka Widhwidh ayaa u qabsoomay si habsami ah.

    Dhamaan shaqaalaha Shirkadda Telesom ee magaalada Widhwidh ayaa ka qayb-qaatay ololahan nadaafadeed ee lagu nadiifinaayey magaalada. Waxaana ololahaasi hor kacaayey maamulaha xarunta Telesom Widhwidh Md. Cabdilahi Cawil.

    Shirkadda Telesom oo Olole Nadaafadeed

    Ka Fulisay Degmadda Widhwidh

    Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 15

    Qormadeennan waxa aynu ku soo qaadan doonnaa badhasaabbadii Ingiriiska ee maamulay Maxmiyaddii Somaliland intii u dhaxaysay 1884-1960.

    Badhasaabyaddii Guumaysigii Ingiriisku u soo magacaabay dhulka Somaliland waxay ahaayeen: Frederick Hunter (1884 - 1888), Edward V. Stace (1889 - 1893), Charles W. H. Sealy (1893 - 1896), William B. Ferris (1896 - 1897), Jemes H. Sadler (1897 - 1901), Eric J. E. Swayne (1902 - 1905), Harry S. Cordeaux (1905 - 1910), William H. Manning (1910 - 1911), Horace A. Byatt (1911 - 1914), Geoffrey F. Archer (1914 - 1922), Gerald H. Summers (1922 - 1926), Harold Kitermaster (1926 - 1932), Arthur S. Lawrance (1932 - 1939), Vincent G. Glenday (1939 - 1941), Gerald R. Chater (1941 - 1943), Gerald F. Fisher (1943 - 1948), Gerald Reece (1948 - 1954), Theodore O. Pike (1954 - 1959) iyo Douglas B. Hall (1959 - 1960).

    F.G: Frederick Hunter (1884 -1888) wuxuu ahaa ninkii heshiiska la saxeexday Beelihii reer

    Somaliland, ee Xeebaha Deganaa.

    Heshiisyadii Ingiriiska iyo Odayaasha Reer Somaliland

    Inaan marna la bixin Karin, lana iibin Karin, lana kirayn Karin loona ogolaan Karin cid kale oo qabsata. Daw-ladda Ingiriiska aanay dhul-kan dadkani degi Karin.

    Waxaa loo ogolaaday dhamaan maraakiibta wadata calanka Ingiriiska inay ka ganacsan karaan xeebaha Somaliland.

    Dhamaan dadka uu ingriisku u taliyo ee ku nool ama soo booqda dhulka qabiilkan de-gan yahay waxay helayaan nabadgalyo buuxda iyo ilaalin.

    In si buuxda loo joojiyo ganacsi-ga adoomaha la soo marinayo dhamaan dhulka Somaliland.

    Dawlada Ingiriisku waxay awood u leedahay inay mag-acawdo wakiil u fadhiya dhul-ka somaliland waxaana loola dhaqmi hab xishmo tixgalin.

    Inaan heshiis lala galin Kar-in dawlad shisheeya ah.

    Gerald T. Fisher(1943 - 1948) waxa loogu magac-daray dugisga Sh. Bashiir Hargaysa, oo wakhtigaasi la dhisay lana odhan jiray Fisher. Gerald Reece (1948 -1954) waxa loogu magac-daray dugisga Reece Hargaysa oo wakhtigaasi la dhisay.

    Badhasaabadii Ingiriiska ee soo Maray Somaliland 1884

    ilaa 1960Qalinkii: Cali Cabdi Coomay

    email: [email protected]

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net16

    Hargeysa (15.03.2014) Shirkadda isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ka qayb-qaadatay dhismaha waddada isku xidha Berbera ilaa Raari-buur waxaanay kaga qayb-qaadatay deeq lacageed oo dhan $20,000.

    Dhismaha Waddadan oo cabirkeedu dhan yahay 142km waxaa ku bixi doona kharash lagu qiyaasay $1 milyan oo dollar waxaana iska kaashanaaya Bulshadda deegaanka, Dawladda Somaliland, maamulka gobolka Saaxil, shirkadda Telesom, iyo ganacsato kale.

    Mashruuca dhismaha waddadan oo socday in muddo ah ayaa si rasmi ah u bilaabmay bishii November 2013, waxaana ilaa hadda la dhamaystiray qiyaastii 50km.

    Shirkadda Telesom oo markasta u heelan in si mug leh ay uga qayb qaadato mashaariicda horumarka dalka waxay wajigan koobaad ee

    Shirkadda Telesom oo $20,000 Ugu Deeqday Dhismaha Waddada Isku

    Xidha Berbera iyo Raari- buurmashruucan kaga qayb-qaadatay $20,000. Munaasibada gudoonsiinta lacagtan oo ka dhacday xarunta Guud ee Telesom waxaa lacagtaasi

    gudoonsiiyey guddida dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur Agaasimaha Gacansiga ee Shirkadda Telesom, Md. Cabdisalaan Ismaacil Nuur, isagoo mahadnaq u soo jeediyey dhamaan qaybaha kala

    duwan ee ka soo qaybqaadatay mashruucan dhismaha waddada.

    Dhanka kale, iyaguna madasha gudoonsiinta lacagta waxaa ka hadlay Maxamed Axmed Faarax (Fool) iyo Cumar Xasan Yawlac oo ku hadlaayey afka Guddida Dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur, masuuliyiinta ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay doorka ay ka qaadatay dhismahan, waxanay u soo jeediyeen shirkadda in aanu deeqdani noqon tii ugu dambaysay balse ay ka sidoo kale ka qaybqaadato

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 17

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net18

    Xilligii miyiga iyo mileygii dadkeennu 100%, ahaayeen xoolo dhaqatada, gabayga ayaa ahaa midka u sita laamaha maansada, isagaa lagu cabiri jiray meertada nolosha iyo waayaha jiraba; sida, ammaanta, collaadda, nabadda, guubaabada, faanka, digashada, farriinta, ergada, doodda, iyo kaftankaba. Haseyeeshee, xilligii magaalo shafka la dhigey gabaygu dib ayuu u gurtey. Markii uu gabaygu lug danbeediyeyna waxa halkiisii buuxiyey fanmasraxeedka oo noqdey mid la jaanqaada is bedelka xiimaya ee xaallada bulsho iyo dookha dadka, waxaana muhiim ka dhigey waa dabciga soomaalidu u leedahay fan caashaqidda xad dhaafka ah.

    Damaashaad jeclidda iyo xiiseynta fagaare ku kulanka. Haddaba, haddii aan dib u milicsano taariikhdii fankaasi soo maray, waxa aynu ognahay in fanku soo maray dhawr marxaladood oo mid waliba waayahiisa leeyahay. Waxaanna lagu soo koobi karaa saddex dan xilli ee kala ah:

    Bilawgii fanka ( 1954-1962-kii)

    Bari-samaadkii fanka (1962- 1972-kii)

    Aakhirul cimrigii fanka ( 1972 illaa iyo waxii ka dambeeyey)

    Xilligii bilawgu waa aas-aasiddii iyo raad qaadistii, waxaannu bilaabay

    koritaan dag-dag ah, waxaannu soo jiitey qayb ka mid ah bulshada.

    Marka aynu nimaadno marxaladda labaad oo ku beegan wakhtigaa aan kor ku xuseney, waa xilligii uu fan masraxeedku yeeshay shacbiyaddii ugu balaadhneyd, noqdeyna gobol ka mid ah nolosha shacbiga.

    Riwaayaddahii wakhtigaa la dhigey way badnaayeen, waxaanan odhan karnaa way qaan gaadheen. Waxa xilligaa la curiyey riwaayaddihii ugu magaca dheeraa ilaa maantana aan la dafiri Karin iney ugu sarreeyeen. Haddii aan in yar idinka xasuusiyo waxa ka mid ahaa riwaayaddahaasi sidan:

    Shabeel naagoodHadimoReer baaw yaa ku lehAqoon iyo af-garadDab iyo dhagaxIndho sarcaadAma la I doorey ama daadku

    I qaad

    Gardiid waa Alle diidLaguma dhaamee dhaqaaqGobonnimo ha tuurin

    Haddaba suaashu waxay tahay masraxa xilligaa maxaa ka dhigey beri-samaad?. Masraxa soomaalida dhawr siyaabood ayaa loo dhigi karaa. Hadaynu se ku soo dhawaanno waxaynu odhan karnaa sidan:

    Xorriyadda hal-abuurka oo aan cabudhsaneyn

    Suugaantu xilligaa waxay ahayd tarjumad dhab ah oo cabireysa dareenka dadweynaha

    Dhiillada siyaasadda dawladda iyo falalka ka soo hor jeeda qiyaamka suuban

    Qawadkii la qawadsanaa maamulka ayaa ka dhigey masraxii beri-samaadka dheri hoosta ka karaaya oo uu masraxu ka qaadanayey uumigii dhaqaajinaayey, waxaana is qoraayay adduun arag iyo qiimayaw cusub oo samaynaya qaabab fara badan oo ay isku muujinaayaan.

    Haddaba, haddii aan u nimaadno qaybtii saddexaad ee loogu yeedhay aakhirul cimrigii fanka, waa wakhti ku beegan 1973-kii. Fan masraxeedku dhallashadiisii ilaa bilawgii toddobaatannaadkii kor ayuu u socdey, sidii aan ku soo aragney labadii marxalladood ee aan ka soo sheekeynay. Abaaro 1973-kii ayuu bilaabay inuu halkii uu maraayey ku wareego, intii ka dambeysayna hoos ayuu u sii socday, waxaanna dhalatay cillad halis ah, waxaanu galay xilli dib u gurasho iyo marxalad galoof ah.

    Haddii masraxii bari-samaadka ku naaloon jirey. Xoriyatul qawl xilligii askarta arrintu waa is badashay. Qori caaradii iyo car bal juudh dheh ayaa timid, raggii masraxa yoolka leh waraabin jirey waxay noqdeen mid midida daabka loo geliyo, oo dil lagu hadido, mid loo digo, mid xabsi loo diro, iyo mid dibooda oo debeddaha u suudala

    Goortaa masrixii wuxuu marti u noqday riwaayado tiro badan oo isku hal mawduuc ah. Cudurka qudha ee ay daweeyaanna yahay JACAYL.

    Ruwaayadahii jacaylka ahaa ma dafiri karno iney lahaayeen qurux mug iyo murtiba leh. Hasayeeshee, farriintooda ayaa koobneyd, cilladuna kama iman xaga hal-abuurka ee waxay ka timi xaga taliska iyo maamulkii dalka. Taliskii askarta ee gacanta kululaa laba qodob ayay suugaanta ka ogolaayeen

    Amaanta kacaanka Oktoobar Iyo jacaylka

    Haddaba arrintii waxay ku soo ururtey hayska demegsanaatee yeedhaw dam weeyaan. Amintaa ayaa layska hawl yareystay dadkii dhammaantoodna waxay fuulleen

    Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku CashariyeyQalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 19

    dooni jacayl, waxay ku dabaasheen webi jacayl, waxay ka hirqadeen xareed jacayl, waxay subciyeen duruus jacayl. Waxaana la soo hurgufey joonyo riwaayado wada jacayl ah sida kuwan hoose oo aynu ka xusi karno:

    Dab jacayl kari waaJin iyo jacaylJeel iyo jacaylJihad iyo jacaylQabrigii jacaylkaXuskii jacaylkaXeerkii jacaylkaXidigtii jacaylkaMaxkamaddii jacaylkaXuud baa liqay jacaylkiiJacayl boob uma baahna

    Jacayl, jacayl, jacayl kuli wada jacayl iyo qaar kaloo badan.

    Marka aad dhex maaxdo gudaha riwaayadaha jacaylka ah waxaad ugu tagaysaa hadallo qaawan oo si feynaya gabadh jidhkeed sida tusaalayaashan

    Ta balaadhan, balaadhan ee bawdada moodo halweyn

    Ta balaadhan balaadhan ee xaluska mooddo bartiikha

    Ama kama foga qiimaha riwaayaduhu iyo heesuhuba jidhka gabadh la bardaaminaayo oo xubnaheeda la sifeynaayo. Tusaale kale waxa aynu soo qaadan karnaa heestan

    Markaad sii socoto okay

    Markaad soo socoto oreydh

    Markaad istaagtana asxan

    Haddii wali aan sii milicsano dhanka heesaha, qiyam iyo xishoodba kobtan ayuu goblamay, inkastoo

    laysla mashaqoobay bal aan tuducyo ka xusno

    Aan wadaagno ciyaartee

    I weydaarso gacmaha

    Shafka kaalay igu qabo

    yaa garayska kaa fura

    Kuu salaaxa gaadada

    Canbaruudka naasaha

    Waxba hayga celinee

    Ii cantuug dibnaha oo

    Shafka igu cam-cam

    Qaaaaaaaaq xeradaa Alla bii!!! Bal waxa ay ku hadlayaan eeg. Ciin bay daaqdey!

    Waa yaabe! Haasaawaha dhallinteennu ma sidaa suu ahaa mise Art-ka ayaa dhaqanka ka madaxbanaan. Rag iyo dumarkan masraxa ku laacdamaaya, ee isku dhegay ee isla suuxay, waa ayo bulshada ay matelayaan waa suaale? Tolow ummaddeena cudurka ugu weyn ee hayaa ma jacaylbaa? Imisa qof ayuu sannadkii inaga dilaa tolow?

    Suugaanteenii sakad walba waadh qalabeysan ayay ka furatay. Cudurka keliya ee ay daweysaana waa jacayl, weliba bilaa lacag bay ku daweysaa. Dawada ay qortaana waxa la yidhaa laga laabta ii saar

    Waxa iyana astaan u ahaa masrixii jacaylka calaacal iyo baroor aan dhamaaneyn sida

    Dhintey, lay xabaal, lay dhaxal

    Luuf-luufay, leeleeley, beerkaa ilaalaada

    Wadnahaa I foorara, sanbabkaa I madhay

    Beryahaa maan qadeyn, indhahaa I casaaday

    Hurdana hadalkeedaba daa.

    Waxa aynu odhan karnaa waa weedho ku jira riwaayaddahaas aan soo sheegey iyo waliba kuwa kale.

    Waxa xaqiiqo ah in dhiirigalinta masrixii jacaylku ahaa sakhraamiin, iyo irbad sun ah oo bulshada lagaga sixrayey xaqiiiqada nolosha

    Alle hawraxmee gabay ma jiro wuu asaasaqaye

    Amaan iyo jacayl bay haddeer eedey maansaduye.

    Haddaba suaasha lays weydiin karaa waxay tahay. Maxaa laga faaiidey masrixii jacaylka? Waa maxayse farriintii uu gudbinaayey?

    Haddii aynu si kooban uga jawaabno waxa aynu ku soo koobi karnaa qodobadan hoose:

    Xoodaaminta dareenka jinsi ee da yarta

    Fududeynta xidhiidh sharci darro ah oo dhex mara ragga iyo dumarka

    Jebintii deyrka xishoodka iyo dhawrsanaantii barbaarteenna

    Fududeynta tumashadaKa fogaanshaha nolosha

    dhabta ah

    Guntii iyo gunaanadkii qoraalkeygan kooban waxa aan ku soo gunaanadi suaalo aan u arko in ay muhiim yahiin. Garanay goorta ay suugaanteennu foof-daran habawdey, waxayse weydiintu tahay ilaa goorma ayay dayawga ku sii jiri doontaa?

    Hal-abuurkeennase xilka ugu weyn ee saarani ma dhaymaha jacaylkaa?

    Waa halkii Afrax yidhiye masraxa jacaylka ha la cuudiyo

    Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku CashariyeyQalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 21

    Shirkadda Telesom waxay alaabaa ku dadaashaa in ay kor u qaado tayadda, aqoonta iyo xirfadda Shaqale Weynaha Telesom. Shirkadda iyadoo ka duulaysa Istaraatiijiyadda Guud ee Shirkadda waxaa sanadkasta xafiiska shaqadda iyo shaqaaluhu uu bartilmaameedsadaa inuu ka dhabeeyo himilooyinka iyo hiigsiyadda dhaw ee loo dajiyo shaqaalaha si wax soo saarka shirkaddu uu kor u kaco. Haddaba qormaddan waxaynu ku eegi doonaa qaar ka mid ah tababaradii ugu muhiimsanaa ee la siiyey shaqaalaha shirkadda ee Qaybaha kala duwan ka hawl-gala.

    Tababarka Shuruucda Gaadiidka iyo Caalamadaha Wadooyinka

    Shirkadda Telesom iyadoo la jaanqaadaysa horumarka dalka ka socda, sidoo kalena ilaalinaysa shuruucda kala duwan waxa ay tababar la xidhiidha sharciga Gaadiidka iyo Calaamadaha Wadooyinka u qabatay 25 ka mid ah shaqaalaha Telesom kuwaasi oo lagu baraayey shuruucda Gadiidka. Tababarkan oo uu bixinaayey sarkaal khabiir ah oo ka mid ah ciidamada Nabad-galyadda wadooyinka ayaa muddo 5 maalmood ah ku siiyey tababarka Shuruucda Gaadiidka iyo Caalamadaha Wadooyinka. Shaqaalaha Telesom ayaa aad u soo dhaweeyey tababarkan waxaanay la dhaceen duruustii ay barteen muddadii shanta maalmood ahayd.

    Tababarkanki waxa la qabtay 25 ilaa 31 April 2014.

    Wajiga Labaad ee Tababarkan oo ahaa Tababarka Shuruucda Gadiidka, Calaamadaha Wadooyinka Iyo First Aid waxaa loo qabtay shaqaalaha inta badan u baxa taraaga kuwaasi oo la iskugu daray laba Tababar. Barashadda gargaarka degdeg ah iyo Shuruucda Gaadiidka iyo Calaamahada Wadooyinka. Tababarkan waxaa ka qayb galay 16 ka mid ah wadayaasha Shirkadda Telesom. Waxaanay tababarkan fuliyey laba khabiir oo midna bixinaayey duruusta caafimaadka ee gargaarka degdeg ah, ka kalana bixinaayey Shuurcda Gaadiidka iyo Calaamada Wadooyinka. Tababarkan waxa la qabtay 05 ilaa 9 April 2014.

    Labadan Tababar waxaa iska kaashaday Qaybta Shaqadda iyo Shaqaalaha iyo Qaybta Gaadiidka ee Shirkadda.

    Tababarka Internetka

    Qaybta Shaqadda iyo Shaqaaluhu waxaa ay tababar u qabtay 25 shaqaale ah oo ka mid ah shaqaalaha Qaybta Landline-ka. Shaqaalaha ayaa lagu tababaray sida internetka loo sameeyo xidho, Sida ciladaha looga saaro iyo sida loo rakibo internet-ka bilaa xadhiga ku shaqeeya. Tababarkan ayaa socday muddo 12 maalmood ah waxaana la soo gabo-gabeeyey 17 April 2014.

    Tababaraddii Shaqaalaha Telesom La Siiyey

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net22

    Adeega Xawaaladda Debedda ee ZAAD Services wuxuu ka mid yahay adeegyada casriga ah ee loo yaaqaan Mobile Money Transfer (MMT), kaas oo la isugu diro lacagaha dunida ee maanta isaga oo aad uga sahlanaaday nidaamka xawaaladdaha casriga ah (Traditional Money Transfer TMT -), waxaana laysla qiray inuu yahay mid ay ku nasteen oo aad ugu fududeeyey m a c a a m i i s h a xawaaladdu in ay lacagahooda helaan ama u diraan debedda iyagoo aan booqan x a f i i s y a d a xawa a l a d a h a .

    A d e e g a X a w a a l a d d a Debedda ee ZAAD Services wuxuu si aan hore dalka loogu arag u f u d u d e e y e y in lacagaha xawaaladdaha ee laga soo diro debedda lagu heli karo oo ay si automatic ah ugu soo dhacaan xisaabaha macaamiisha adeegsata ZAAD Services ee xawaaladaha looga soo diro debedda iyada oo aanay u baahnayn macaamiishu in ay tagaan xafiisyada xawaaladdaha. Tani waxay

    meesha ka saartay wakhti badan iyo nooli baabuur (transportation cost) oo haatan macaamiil badani ka raysatay. Adeega xawaaladda debedda ee ZAAD Services uma baahna xafiis aad booqato, aqoonsi, damiin la soo ka xaysto iyo rasiidho badan oo la saxeexo toona, wuxuuna si toos ah ugu soo shubayaa lacagaha

    xawaaladdaha debedda laga soo diro xisaabahooda macaamiisha ZAAD Services iyaga iska hurda, iska shaqaysanaya, iska nasanaya, ama iska jooga guryahooda.

    Adeega Xawaaladda Debedda ee

    ZAAD Services waa adeeg haatan si walba u sahlay adeegyada xawaaladda debedda ka timaada ama loo diro ee Somaliland, kaas oo macmiil walba halkiisa ugu suurto gelinaya inuu xawaaladdaha debedda looga soo dirayo uu ku qaato hawl yaraan ama mida uu dirayoba u dirsado debeda hadal laaan.

    Hadaba, Adeega x a w a a l a d d a debedda ee ZAAD Services waxa ku xidhan oo x a w a a l a d d a h a macaamiishooda u soo mariya xawaalado badan oo caalamiya kuwaas oo ay ka mid yihiin Tawakal Express, FastPay Express, WorldRemit, Taaj Express, Bakaal Express, iyo iskuxidhka weyn ee caalamiga ( I n t e r n a t i o n a l Mobile Money Hub) ee loo yaqaan H o m e S e n d ee isku xidha x a w a a l a d d a h a ka shaqeeya

    Mobile Money-ga ee dunida oo fadhigeedu yahay magaaladda Brussels ee dalka Belgium.

    Adeega Xawaaladda Dibedda ZAAD

    Services

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 23

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 25

    Hargeysa - (11.04.2014) - Tartanka dhalinyaradda cuslaatay oo laba bilood iyo badh ka socday magaalada Hargeysa ayaa lagu soo gabogabeeyey garoonka Dhalinta Kacaan. Tartankan oo ay isku soo hadheen labada kooxood ee Goljano iyo Jigjiga Yar, waxay guushii ku raacday kooxdii Jigjiga Yar.

    Tartankan oo bilaabay 24 January 2014 soona gabagoobay 11 April 2014 waxaa ku tartameeyeen dhalinyarada cuslaatay oo iskugu jiray ciyaartoygii ciyaari jiray Sideetamaadkii, sagaashamaadkii, iyo sanadadii u dambeeyey waxaa ka soo qayb-galay 10 kooxood oo kala ahaa: 1) Telesom, 2) Haboon Construction, 3) Masalaha, 4) Goljano, 5) Xawaadle, 6) New Hargeysa, 7) Beerta Xoriyadda, 8) Stars, 9) Jigjiga Yar, iyo 10) Boorama.

    Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan oo dadweyne kala duwan oo

    iskugu jiray dhalinyaro iyo waayeel ayaa ka soo qaybgalay daawashadiisa. Waxaana maalin kasta oo Khamiis iyo Jimcaha uu ka dhici jiray garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta Kacaanka ee magaalada Hargeysa.

    Ciyaartii kama-dambaysta waxaa iskaga hor yimid labada kooxood ee Jigjiga Yar iyo Goljano waxaa labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu sarayso, waxaanay labada kooxoodba isku qaadaayeen weerar iyo weerar-celin joogta ah. Labadda kooxood ayaa midna wax goolal ah la iman labadii qaybood ee ciyaarta, sidoo kalena aan wax kaadh cas iyo mid huruud ahna aan loo taagin ciyaaryahanadii ciyaaraayey.

    Aakhirkii waxa labada kooxood loo dhigay rikoodhayaal waxaana ciyaartii ku dhamaantay 3 iyo 2 ay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca xaafadda Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa.

    Shirkadda Telesom oo ahayd shirkaddii maal-galisay tartankan dhaliyaradda Kubadda Cagta Cuslaatay ayaa gudoonsiiyey koobab iyo biladdo kooxihii ciyaaraayey, shakhsiyaadkii soo abaabulay iyo ciyaaryahankii ugu goolasha quruxda badnaa. Maxamed Cabdi Darbo oo ah madaxa Xidhiidhka Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom ayaa abaal-marinadda gudoonsiiyey ciyaartoyga waxaa ka mid ahaa: Guddidii Soo Abaabusay oo ay ka mid ahaayeen, Cabdikarin Maxamed Xirsi, Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali (Shabeel), Cabdi Muuse, Cabdiqaadir Muxumed Aadan, Ciyaaryahankii ugu goolasha Quruxda Badnaa Idiris Cabdi Aadan, Wariyaha Ciyaaraha Geeska Afrika Samatar Maxamed.

    Waxaa sidoo kale shaado la gudoonsiiyey Shirkadda Telesom waxaana u gudoomay Maxamed Cabdi Giire.

    Shirkadda Telesom Oo Maal-galisay Tartan Ciyaareedka Dhalinyadda Cuslaatay

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net28

    Daara Salaam waa baan caalami ah oo laga hirgaliyey magaalada Hargeysa. Bangigan waxaa sharciyaddiisa la dhamaystiray bishii April 2014. Baanka Daara Salaam waxa uu ka soo dhex baxay Salaam Financial Institution taasi oo la aasaasay 2010. Salaam ayaa muddo Afar sano ah ku shaqaynaysey hayadd bixisa adeegyo maaliyadeed oo u shaqaysa qaab Baan. Muddadaasi Salaam Baan waxaa xadidaan adeegyada ay bixin karto ee uu bixiyo Bangi.

    Haddaba si aanu wax badan uga ogaano adeegyadda uu qabto Salaam Financial Services iyo waxa uu yahay Daara Salaam Baan. Waxaanu waraysi gaar ah kala yeelanay Gudoomiyaha Guud ee Bangiga Daara Salaam Md. Maxamed Ibraahin Xaaji Muuse. Waraysiga ayaa u dhingaa sidan:

    S: Muxuu yahay Salaam Baan?

    J: Salaam Baan waxaa uu markii hore ku shaqaynaayey magaca Salaam Financial Services oo ah hayadda Maaliyadeed oo sida bunuunta u shaqaysa. Salaam markasta waxa uu qabanaayey wax kasta oo Bangi qabanaayey oo waliba Bangi Islaamiya, haddii ay tahay furashada xisaabaadka qaybihiisa kala duwan.

    S: Muxuu Salaam Financial Service Bulshadda Ku Soo Kordhiyey Intii uu jiray?

    J: Salaam Financial Services waxa uu ku soo kordhiyey bulshadda Somaliland inay fahmaan waxaa uu baan yahay iyo sida loola mucaamalo. Waxyaalaha uu Salaam Financial Service bulshadda u qabtay waxaa ka mid ahaa waxa uu u sahlaayey dirida lacagaha dibadaha loo diro ee loo yaqaan tellers transfer

    S: Halkee buu Salaam Financial Services Xafiisyo ku leeyahay?

    J: Salaam Muddadaa uu jiray ee afarta sano ahayd horumar balaadhan buu sameeyey. Waxyaalaha horumarka la taaban karo ee uu sameeyey waxaa ka mid ahaa in uu furuuc ku yeesho gobolada dalka. Sida magaalooyinka waaweyn ee Burco, Berbera, Borama, Wajaale iyo sanadkan oo aanu ku darnay Laascaanood iyo Ceerigaabo. Waxa kale oo Bangigu doonayaa inuu isku baalaadhiyo magaalada Caasimada ah ee Hargeysa gudaheena oo aanu laba farac ka furnay. Farac Radio Hargeysa agteeda ah iyo Farac Jigjiga yar ah. Furuucdaa uu Bangigu ku leeyahay gobolada sida xarunta guud ee Hargeysi u shaqayso ayey iguna u shaqeeyaan.

    S: Adeeyada Salaam kuwee bay dadku aad u dalbadaan?

    J: Waxaa aad muhiim u ahayd oo dadku xiisaynaayeen maalgalinta oo ay dadku dalbanaayeen waxyaalaha ay baahida u qabaan sida dhismayaasha, qalabka dhismaha, dhulka, Gaadiidka kuwa lagu shaqeeyo iyo kuwa lagu raaxaysto, qalabka beeraha sida cagacagafyada, qalabka kale ee madaxa hadhuudhka ka saara, cagacagafyada waaweyn ee dhulka lagu qodo ama wadooyinka lagu sameeyo iyo gaadiidka waaweyn. Qaybtaasi oo ah qaybta maalgalinta wax weyn baanu ka qabanay wax weyn buu dhaqaalaha wadanka ku soo kordhiyey.

    S: Waa Maxay Adeegyadda uu Qabto Salaam Financial Services?

    J: Adeeygadda ugu muhiimsan ee Salaam Baan qabto marka laga yimaado xisaabaadka, waxa

    xisaabaadka soo raaca, waxa uu xidhiidh la leeyahay ZAAD Services oo ah adeeg caan ah oo dadku wadda yaqaanaan, xidhiidhka uu la leeyahay waxaa weeye qofka ZAAD Account ku leh Salaamna ku leh Account ama xisaab waxaa jira wax la yidhaahdo isku-xidh Account-ku ku lahaa ZAAD iyo Account-kii uu Salaam ku lahaa, taasoo u sahlaysa qofkasta oo ZAAD leh, Salaam Account-na leh meelkasta uu ka joogo shabakadda Telesom in accoun-kiisii uu lacagna ku soo shuban karo kalana bixi karo adeegaasi oo aanu u bixinay KAAFI.

    Adeegyadda ugu muhiimsan waxaa ugu horeeya Muraabaxadda, Muraabaxadu sida lagu yaqaano fiqiga Islaamiga ah waxay u dhigan tahay shaygii oo faaiido la saaraayo, waa qiimihii uu shaygu lahaa oo faaiido la saarayo. Qofka macmiilka ah ayaa lagaga iibinayaa hafto ama installments uu ku soo bixinaayo muddo hal sanno, ama sanad iyo badh, laba sano kolba wixii hadba lagu heshiiyo.

    Waxaa kale oo ka mid ah adeegyadda aanu qabano Mudaaraba. Mudaarabaddu waxaa weeye qofkii macmiilka ahaa waxa uu la imanayaa fikrad ganacsi, isagu maalgalin uma hayo laakin waa fikrad marka dhinac walba laga eego wax ka soo bixi karaan. Markaa bangigu waxaa uu awoodayaa macmiilku lacagtii uu u baahnaa ee uu mashruucaa ku fulin lahaa in uu siiyo. Dabadeedna lagu heshiiyo qaaciido boqolay ah oo ah lacagtaa wixii aad ka soo saarto bangiguna intaasuu leeyahay adiguna intaasaad leedahay ah.

    Markaa bangigu intii uu jiray Muraabaxadda iyo mudaarabada wax badan buu ka fuliyey oo aan yarayn oo ay u badan tahay Muraabaxadu.

    Waxaa jira mid saddexaad oo la yidhaahdo Mushaaraka oo ka mid a waxyaalaha aanu hadda wax ka qabanay. Mushaarakada Bangigii iyo Macmiilkii waxay wadaagayaan ganacsi. Ganacsigaasi waxa uu noqonayaa ganacsiga aynu naqaano ama services. Laba lacagood baa

    Maxaad Ka Taqaanaa Daara Salaam Baan?

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 29

    la isku darayaa boqolay bay iskugu jiraysaa. Hadhow faaiidada soo baxda waxaa loo qaybsanayaa boqolaydaa ay iskugu jirtay.

    S: Waa kuwee Bangiyadda ay wadda Shaqaynta Leeyihiin Salaam?

    J: Salaam Financial Services muddadii uu jiray waxaa uu la xidhiidhi jiray baan la yidhaah Salaam Afrika Baan oo xaruntiisu tahay magaalada Jabuuti. Kaas ayaa u ah Correspondent Bank ama xidhiidhiye caalamka ku xidhiidhiya. Marka lacagaha la diraayo isaga ayaanu sii marinaa marka la soo diraayana Bangigaasay soo martaa. Dalka Gudihiisan waxa uu xidhiidh la lahaa Bankiga kaliya ee dalka ka jira ee la yidhaah Salaam Baan. Bangiyadaasi xidhiidh toosa ah ayanu lahayn laakin bunuuk badan oo caalamka ku taal oo aanu xidhiidh toos ah la lahayn laakin correspondent Baanka ku xidhaayey laguma soo koobi karaayo tiro ahaan. Aduunka Bangi ku yaal oo aan na soo marin waa yaryahay haddii uu ku yaal Maraykanka, haddii uu Sacuudiga ku yaalo, AUE, Maleesiya, Chine, India, Pakistan iyo East Afrika inteeda badan.

    S: Shuruudo Nooceeya ayaa looga baahan yahay qofka Maal-galinta doonaya?

    J: Shuruudaha aanu ku xidhno waxaa ugu adag muraabaxada, shuruudaha aanu ku xidhno way badan yihiin. Waxaa ka mid ah oo caan baxday oo dadku aad u yaqaanaan sheerarka shirkadaha. Markii hore waxay gaar ku ahaan jireen shirkadaha isgaadhsiinta sida Telesom iyo Golis. Balse hadda waxaa jira shirkaddo kale oo soo raaca oo aanu dhawaan magacooda shaacin doono oo aan sheerarkooda iyo saamiga lagu leeyahay aanu iyaga u aqbali doono in ay noqdaan damaanad. Shirkaduhu si caama shirkaddaha lagu kalsoon yahay oo ay u soo raacdo in ay dagan yihiin. Waxaa kale oo u raacda in shirkadahaasi ay sanadkii yihiin kuwo faaiido soo saara. Waxaa kale oo aanu aqbalnaa damiinul maal oo ah in qofka damiinayana

    lacagtaasi haddii laga waayo uu iska bixin karo. Waxaa kale oo aanu aqbalnaa hantida ma guurtada ah haddii uu qofku isku damiinanaayo iyadoo aanu raacinayno qof labaad oo isagii damiinta.

    S: Tan iyo intii aad wadeen bixinta adeegyada Muraabaxada, Mudaarabada iyo Muskhaarada ma jirtaa wax dhibaato ah oo aad kala kulanteen dadkii aad daymaha siiseen?

    J: Kolay hanti la bixiyo way iska dhib badan tahay soo celinteeda iyo qaabka loogu wadda dhaqmaa, balse aad baan ugu amaanayaa macmiilka aanu ilaa hadda la kulanay boqolkiiba 99% shuruudaha qaabkii aanu ugu dhingnayna waa ka soo baxaan, soo celinta sideedii bay uga soo baxeen. Waxaan odhan karaa afartaa sanadood cidda aanu iskaga hor nimid ee laga yaabo iyagoo jabiyey kana soo bixi waayey ama hantidoodii wixii ay ka bixin waayeen lacag ahaan uga qaadanay ilaa imika in aanay saddex qof ilaa afar qof ka badnayn iyadoo laga yaabo dadka aanu la macaamilaynaa inay 600 oo qof by kor u dhaafeen.

    S: Maxaa Cusub ee aad Soo kordhiseen sanadkan?

    J: Labadii bilood ee u dambeeyey waxaanu soo kordhinay adeegan loo yaqaan ATM (Automatic Teller Machine) adeegaasi oo wajiga kowaad Hargeysa ka fulinay wajiga labaadna aanu gobolada u gudbin doono. ATM sidiisaba waa makiinad lacagta lagala baxo oo shabakadahaa caalamiga ah ku xidhan ilaa hadda Hargeysa waxaanu dhignay 3 meelood oo aanu tijaabinay qaabka loo isticmaalay. Xaqiiqatan muddadaa labada bilood ah si fiican baa loo isticmaalay. Isticmaalka ATM-yaduna waxa uu ku xidhan yahay laba siyood. Mar kaadhadhka lagu isticmaalaayo anagaa u samaynayna dadka qaar, marka kale dadka dibadaha ka yimaada ee wata Master Card-ka, Visa Card-ka iyo kaadhadhka kaleba ee loo isticmaalo ATM-yadda ee Debit Card-ka loo

    Maxaad Ka Taqaanaa Daara Salaam Baan?yaqaan waxay ka isticmaali karaan ATM-ka anagaa u fududaynay.

    S: Salaam Financial Services waxaa loo badalay Daara Salaam Banka ma haysataan Sharcinimadii Baanka?

    J: Bisha Afraad Kowdeedii waxaanu dhamaystirnay shuruudihii Bangiga Dhexe ee Somaliland u dhigay Bangiyadda inuu ku aqoonsado ama Ruqsadda ku siiyo. Waxaan filayaa inta aanay bishu dhamaan in aanu Ruqsadii qaadan doono iyadoo aanu ka helnay Bangiga Dhexe warqadii ogolaanshaha in aanu bangi ahaan u shaqayn dono. Bangiga waxaanu ku diwaan galinay Daara Salaam Bank, magaca aanu ku shaqan doono waxa uu noqon doonaa Daara Salaam Bank.

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014 www.telesom.net30

  • Telesom Newsletter | Jan-April 2014www.telesom.net 31