ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ...

82
0

Upload: others

Post on 15-Feb-2020

0 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

0

Page 2: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Villa Somalia, Mogadishu, Somalia E-mail: [email protected] | Website: www.oag.gov.so

The Federal Government of Somalia Office of the Auditor General

Tixraac: XHG/HG - 078 /2019 Tr: 30/06/2019

Xafiiska Madaxweynaha, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Villa Somalia Mogadishu, Somalia

Warbixinta Baarista U Hoggaansanaanta Shuruucda Hay’adaha Amniga.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan ku faraxsanahay in aan kuu soo gudbiyo Warbixinta Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda

Hay‟adaha Amniga DFS sannadkii dhammaaday 31 December 2018.

Xisaabaadka aan la Soo Gudbin si loogu Sameeyo Baaris Maaliyadeed

Sida uu qabo sharci lr. 2 ee soo baxay 29 December 1961 “Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda

Dowladda”, iyo sida uu qabo qodobka 37 ee isla sharcigaa ayaa dhigaya in sarkaal ama wakiil kasta oo u

haya dowladda maamul maaliyadeed uu diyaariyo xisaabaadka.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sida ku xusan qodobka 40 (1) laga rabaa in uu xisaabaadka u soo gudbiyo

Xafiiska Hantidhawrka Guud si uu u baaro sida ku xusan qodobka 40 (2) ee isla sharcigan. Hase ahaatee

hay‟adaha DFS ee maamula maaliyadda dadweynaha ma jirin wax warbixin maaliyadeed ee la xiriira xisaabaadka sannadki dhammaaday 31 December 2018 ay u gudbiyeen Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Sidaa

awgeed, waxaan kula talinay Xafiiska Xisaabiyaha Guud inuu diyaariyo Xisaabaadka Dowladda si

waafaqsan Xeerarka Caalamiga iyo Shuruucda Dalka, uuna usoo gudbiyo Xafiiska Hantidhowrka Guud si

uu u baaro.

Warbixinta Baarista U Hoggaansanaanta Shuruucda

Warbixintan waxay ku saleysan tahay qiimaynta khataraha iyadoo baarista lagu sameeyey hay‟adaha

amniga iyo labaatan (20) hay‟adood oo kale, kuwaas oo aan la wadaagney warbixinadooda khaaska ee

iyaga khuseeya.

Heerarka Baarista

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka waa xafiis madax-bannaan oo lagu illaaliyay ama lagu caddeeyay Qodobka 114 ee Dastuurka ku Meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sida uu qabo

Sharciga 34 ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (gaar ahaan qodobada 6, 7, 8, 9, 13, iyo 17).

Waxaan baaristaan u sameeyay si waafaqsan Heerka Hantidhawrista Caalamiga ah ee International

Standards of Supreme Audit Institutions (ISSAI). Xafiiska Hantidhawrka Guud waxa uu xubin ka yahay

Ururrada Hantidhawrayaasha Caalamiga INTOSAI, AFROSAI-E, AFROSAI iyo ARABOSAI.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhawrka Guud

ةیلاردفلا لاموصلا ةیروھمج

ةم اعلا ةبقارملا ناوید

Page 3: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

1

Mahad Celin

Mudane Madaxweyne, waxaan jeclahay in aan idiin mahad celiyo adiga iyo hay‟adaha Dowladda ee kala duwan ee la baaray. Mahad gaar ah waxaan u dirayaa shaqaalaha kala duwan ee nala wadaagay macluumaadka noona muujiyay caawimaad intii ay baarista socotay.

Qadarin, Md. Maxamed M. Cali

Hantidhowraha Guud Dowladda Federaalka Soomaaliya

Og: Ra‟iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Page 4: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

2

TUSMO

1. WG- WARBIXINTA MAALIYADEED ................................................................... 5

1.1. Sannadka 2018 ma jirin xisaabaadka sannadka oo la soo gudbiyay si loo baaro ............................................................................................................ 5

2. WG- MAAMULKA HANTIDA ............................................................................... 7 2.1. Habraacyada iyo Siyaasadaha Maamulka Hantida ................................ 7 2.2. Diiwaanka Hantida .................................................................................. 7 2.3. Maamulka gaadiidka ............................................................................... 8 2.4. Maamulka Qalabka Xafiiska ................................................................. 11

3. WG – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD ........................................................ 12 3.2. Kharashaadka Socdaalka oo aan Lahayn Caddeymo ku Filan ............ 13 3.3. Hannaanka Hubinta Adeega Kharashaadka ........................................ 14 3.4. Joogtaynta Baarista Gudaha ................................................................ 15 3.5. Diiwaan galinta heshiisyada ee Xafiiska Hantidhawrka Guud .............. 16

4. CXD- WARBIXINTA MAALIYADEED ................................................................ 18 5. CXS – DHINACA SHARCIGA IYO XEERKA ..................................................... 20

5.1. Shuruucda iyo Xeerarka Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed ........... 20 6. CXD- MAAREYNTA CIIDANKA ......................................................................... 22

6.1. Qaab-dhismeedka Ciidanka iyo Qalabka (QCQ) .................................. 22 6.2. Keydka xogta ee CXD .......................................................................... 22

7. CXD- DIYAARINTA MUSHAARKA IYO MAAMULKA ...................................... 24 7.1. Kala baxsanaanta mas’uuliyadaha hannaanka mushaaraadka ........... 24 7.2. Qaabka mushaar bixinta ....................................................................... 25 7.3. Qaabka loo bixiyo mushaarka CXD ...................................................... 25

8. CXD - MAAMULKA RAASHINKA, SHIDAALKA IYO WAXYAABAHA KALE . 27 8.1. Maamulka raashinka ee CXD ............................................................... 27 8.2. Maamulka shidaalka ............................................................................. 27 8.3. Maamulka qalabka aan ahayn kuwa milatariga .................................... 28

9. CXD - MAAMULKA GAADIIDKA ....................................................................... 30 9.1. Qaabka ugu haboon ee loo maamulo gaadiidka .................................. 30

10. CXD – MAAMULKA HANTIDA .......................................................................... 31 10.1. Diiwaanka hantida ............................................................................. 31

11. CXD – MAAMULKA IIBKA ................................................................................ 32 11.1. Haddii CXD ay raaceen sharciga iibka .............................................. 32

12. CXD - MAAMULKA MAALIYADDA GUUD ....................................................... 33 12.1. Dhammaan lacag waa in caddeymahooda loo dhammaystiraa ........ 33 12.2. Diiwaan galinta heshiisyada ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ........... 33 12.3. Ogolaansho la’aan la kala wareejiyay kharashaadka CXD – US $2,783,561 ....................................................................................................... 34 12.4. Joogtaynta baarista gudaha .............................................................. 36 12.5. Hannaanka hubinta adeega kharashaadka ....................................... 36

13. CBS - WARBIXINTA MAALIYADEED ............................................................... 39 14. CBS - DHINACA SHARCIGA IYO XEERKA ..................................................... 41

14.1. Shuruucda iyo Xeerarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .............. 41 15. CBS – MAAREYNTA CIIDANKA ....................................................................... 43

15.1. Qaab-dhismeedka Ciidanka iyo Qalabka .......................................... 43

Page 5: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

3

15.2. Keydka xogta Ciidanka ee CBS ........................................................ 43 15.3. Hubinta Muuqaal ahaaneed ee Ciidanka .......................................... 44

16. CBS – DIYAARINTA MUSHAARKA IYO MAAMULKA .................................... 46 16.1. Kala baxsanaanta Mas’uuliyadaha hannaanka Mushaarka .............. 46 16.2. Qaabka mushaar bixinta .................................................................... 47 16.3. Qaabka loo bixiyo mushaarka CBS ................................................... 48

17. CBS - MAAMULKA RAASHINKA, SHIDAALKA IYO WAXYAABAHA KALE . 49 17.1. Maamulka Raashinka ee CBS ........................................................... 49 17.2. Maamulka shidaalka .......................................................................... 50 17.3. Maamulka qalabka aan ahayn kuwa milatariga ................................. 51

18. CBS - MAAMULKA GAADIIDKA ....................................................................... 52 18.1. Qaabka ugu haboon ee loo maamulo gaadiidka ............................... 52

19. CBS - MAAMULKA HANTIDA ........................................................................... 53 19.1. Diiwaanka iyo siyaasadaha maamulka hantida ................................. 53 19.2. Diiwaanka hantida ............................................................................. 54

20. CBS – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD ...................................................... 56 20.1. Dhammaan Lacag Bixinada Waa in Caddeymahooda loo Dhammaystiraa ................................................................................................ 56 20.2. Diiwaan galinta heshiisyada ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ........... 56 20.3. Ogolaansho la’aan la kala wareejiyay lacag – US $276,682 ............. 57 20.4. Joogtaynta Baarista Gudaha ............................................................. 58 20.5. Hannaanka hubinta adeega kharashaadka ....................................... 59 20.6. Lacago la siiyay saraakiil hore ee CBS ............................................. 60 20.7. Dakhli ay qabatay Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ................ 60

21. HNSQ - WARBIXINTA MAALIYADEED ............................................................ 63 22. HNSQ - DHINACYADA SHARCIGA IYO XEERKA ........................................... 65

22.1. Shuruurcda iyo Xeerarka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka 65

23. HNSQ – MAAMULKA GAADIIDKA ................................................................... 67 23.1. Qaabka ugu haboon ee loo Maamulo haadiidka ............................... 67

24. HNSQ – MAAMULKA HANTIDA ....................................................................... 68 24.1. Tilmaamaha Siyaasadeed ee Maamulka Hantida ............................. 68 24.2 Diiwaanka Hantida ................................................................................ 68

25. HNSQ – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD .................................................... 70 25.2. Joogtaynta Baarista Gudaha ............................................................. 70 25.3. Hannaanka Hubinta Adeega Kharashaadka ..................................... 71

26. HSJ – WARBIXINTA MAALIYADEED ............................................................... 74 27. HSJ - DHINACA SHARCIGA IYO XEERKA ...................................................... 76

27.1. Shuruucda iyo Xeerarka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ........... 76 28. HSJ- MAAMULKA HANTIDA ............................................................................ 76

28.1. Qaabka ugu haboon ee loo Maamulo haadiidka ............................... 76 29. HSJ - MAAMULKA HANTIDA ........................................................................... 78

29.2 Diiwaanka Hantida ................................................................................ 78 30. HSJ – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD ....................................................... 79

30.1. Joogtaynta baarista gudaha .............................................................. 79

Page 6: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

4

WASAARADDA GAASHAANDHIGGA

Page 7: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

5

1.1. WG- WARBIXINTA MAALIYADEED

1.2. Sannadka 2018 ma jirin xisaabaadka sannadka oo la soo gudbiyay si loo baaro

1.1.1 Sharciga

Sharciga lambar 2 ee soo baxay 29 December 1961 ee „„Hannaanka Maamulka iyo Maaliyadda Dowladda‟‟ Xisaabaadka sannadka ee Dalka ayaa lagu qeexay qodobka 25 ee sharciga. Qodobka 26 ayaa sheegaya in xisaabaadka Dalka la soo gudbiyo 30 April ee sannadka xiga oo ay xisaabaadka sannadka la xiriirto si loo baaro. Qodobka 30 ee sharciga ayaa sheegaya in Xafiiska Xisaabiyaha Guud uu maamulo xisaabaadka Dowladda. Qodobka 37 ee sharciga ayaa dhigaya in sarkaal ama wakil kasta ee maamula maaliyadda ama xisaabaadka Dowladda uu diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud sida lagu sheegay qodobka 39. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sida ku xusan qodobka 40 xisaabaadka u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud iyagoo wata ama aanan wadan faalo si uu u baaro. Arrinkan waxaa sii xoojiyay qodobka 7 (a) iyo (c) ee „„Xeerka Xisaabaadka Dowladda‟‟. Qodobka 41 (1) ee sharciga ayaa faraya Xisaabiyaha Guud, marka aan xisaabaadka la soo diyaarin lana soo gudbin in uu Xisaabiyaha Guud diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud si uu u baaro.

1.1.2 Khaladaadka

Xisaabaadka sannadka ee ugu yar oo ku salaysan cash-basis of accounting, waxay ka kooban tahay kuwa hoos ku xusan: -

i. Muuqaalka Dakhliga iyo Kharashka (Statement of Receipts and Payments); ii. Muuqaalka is barbardhiga Ku Talagalka Miisaaniyadda iyo Kharashka dhabta ee

Baxay (Statement of Comparison of Budget and Actual Amounts); iii. Iswaafajinta furitaanka, xiritaanka bangiga iyo haraadiga lacagta cadaanka ah

(Reconciliation of opening and closing bank and cash balances); iv. Muuqaalka Qulqulka lacagaha (Statement of Cash Flows); v. Siyaasado xisaabeed oo dhammaystiran, sharaxaad faahfaasan iyo lifaaqyo.

(Comprehensive accounting policies, detailed explanatory and disclosure notes). Wasaaradda Gaashaandhiga, sida laga rabo sharcigana uu qabo in ay soo gudbiso xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.

1.1.3 Khataraha

Wasaaradda Gaashaandhiga ma raacin sharciga. Maqnaashaha xisaabaadka Wasaaradda ee aan si waqtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si waqtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Wasaaradda.

Page 8: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

6

Intaa waxaa dheer in Wasaaradda ay ku guul daraysato mas‟uuliyadeeda ah la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si waqtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.

1.1.4 Talo soo jeedin

Waa in Wasaaradda Gaashaandhiga ay diyaarisaa xisaabaadka sannadka 2018 oo dhammaystiran, si dhammaystiran loo hubiyay iyo in la soo gudbiyo si loo baaro. Haddii kale, Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa in uu diyaariyaa xisaabaadka Wasaaradda iyo in uu soo gudbiyo si loo baaro sida uu qabo qodobka 41 ee sharciga.

Page 9: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

7

2. WG - MAAMULKA HANTIDA

2.1. Habraacyada iyo Siyaasadaha Maamulka Hantida

2.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best Practice) Waxaa jira habraacyo siyaasadeed qoran oo ku aadan iibka, nidaamka iibka, bixinta, isticmaalka iyo dhaqan ka baxa hantida Wasaaradda Gaashaandhiga. Waxaa jira habraacyo siyaasadeed oo ku aadan qaabka hantida loo kaydiyo iyo sida loo xisaabiyo.

2.1.2. Khaladaadka

Hadda ma jirto siyaasad qoran oo la ansixiyay taas oo loogu talagalay maamulka hantida Dowladda Federaalka Soomaaliya. Siyaasadda maamulka hantida ayaa tilmaamaysa mas‟uuliyadaha ku aadan hantida, abuurida diiwaanka hantida, qeexida sida hantida loo diiwaan galin doono iyo warbixinadooda, sida hantida loo daba gali doono iyo dhaqan ka baxa. Sida sharciga hadda jira uusan uga hadlayn ciladahaan, hubinta gudaha ee maamulka hantida ayaa ah mid liidata.

2.1.3. Khataraha

Hubinta gudaha ee maamulka hantida ayaa ah mid liidata maadaama aysan jirin habraacyo siyaasadeed oo la anisxiyay kuwaas oo tilmaamaya mas‟uuliyadaha khaaska ah ee hantida. Sidaa awgeed, khasaaraha hantida ee Wasaaradda ayaa qaadan karta in waqti dheer lagu ogaado si talaabo deg deg ah looga qaado. Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed.

2.1.4. Talo soo jeedin

Waa in la hirgaliyaa lana meel mariyaa tilmaamaha iyo siyaasadda dhammaystiran ee maamulka, hubinta iyo warbixnta hantida. Waa in Wasaaradda Maaliyadda ay hoggaan u noqotaa hirgalinta tilmaamaha siyaasadeed oo loogu tala galay dhammaan hay‟adaha Dowladda taasoo ay ka mid tahay Wasaaradda Gaashaandhiga si ay u raacdo.

2.2. Diiwaanka Hantida

2.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best Practice) Diiwaanka saxda ah ee dhammaan hantida waa in la joogteeyaa lana cusboonaysiiyaa wakhti walba. Waxaa haboon in la abuuro nidaamka maaraynta hantida oo kumbuyuutar ah ee heerka Wasaaradda Gaashaandhiga ama heer dhexe (Centralized), ee Wasaaradda Maaliyadda. Hanti kasta waa in loo sameeyaa lambar aqoonsi oo u gaar ah iyo in diiwaanka hantida ay ka muuqato sarkaalka mas‟uulka ka ah iyo meesha lagu ogyahay.

Page 10: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

8

Waa in ay jirtaa tirakoob joogto ah, iyadoo natiijooyinka tirakoobka loo isticmaalayo in lagu daro diiwaanka hantida. Natiijada tirakoobka waa in la diiwaan galiyaa, dib loo eegaa uuna ansixiyaa sarkaal sare oo mas‟uulka ka ah ka hor inta aan la cusboonaysiin diiwaanka.

2.2.2. Khaladaadka

Hadda majiro diiwaanka hantida ee Wasaaradda Gaashaandhiga. Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ma aysan abuurin hab hanti diiwaan galineed oo dhammaystiran oo ku salaysan hab kumbuyuutar ah (computerized), sidoo kalana ay la wadaageen wasaaradaha, waaxaha iyo wakiilladu si hantida loogu maareeyo. Ma jiraan wax caddeyn ah in hantida Wasaaradda Gaashaandhiga dhawaan muuqaal ahaan la xaqiijiayay si loo ogaado jiritaanka, xaalada, qiimaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin.

2.2.3. Khataraha

Jiritaanka, goobta, xaalada, mas‟uuliyadda iyo dhaqdhaqaaqa hantida Wasaaradda Gaashaandhiga ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin karin. Lumista hantida Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa qaadan karta muddo dheer in la ogaado iyo in la soo celiyo. Hantida Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa dhici karta in loo isticmaalo arrimo khaas ama shaqsiyadeed.

2.2.4. Talo soo jeedin

Waa in Wasaaradda Maaliyadda ay diyaarisaa diiwan dhammaystiran ee hantida oo leh tilmaamo cad, lana wadaagto Wasaaradda Gaashaandhiga si loo xaqiijiyo in dhammaan hantida Wasaaradda Gaashaandhiga lagu diiwaan galiyo diiwaanka sidoo kalana loo cusboonaysiiyaa xiliyo go‟an ama cayiman. Waa in si wadajir ah ay Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Maaliyadda ugu sameeyaan hantida Wasaaradda Gaashaandhiga tirakoob muuqaaleed oo waqtiyaysan lana cusboonaysiiyo diiwaanka hantida.

2.3. Maamulka gaadiidka

2.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best Practice) Dhammaan gaadiidka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa leh buugga lahaanshiyaha gaadiidka, sidoo kalana ku diiwaan gashan magaca Wasaaradda, Waaxda ama Hay‟adda. Waxaa jirta siyaasad la ansixiyay oo lagu maamulo gaadiidka Wasaaradda oo la raaco.

Dhammaan gaadiidka Wasaaradda ayaa lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida sida kor ku xusan.

Page 11: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

9

2.3.2. Khaladaadka

Intii lagu guda jiray baarista waxaa jiray dhowr gaari oo Wasaaraddu sheegatay lahaanshiyahooda laakiin aysan ku diiwaan galin magaca Wasaaradda. Maamulka Wasaaradda waxaa ay kooxda baarayaasha ah la wadaageen liiska 25 gaari. Sida naloo sheegay 12 ka mid ah waxaa qaatay mas‟uuliyiin sare oo horay Wasaaradda ula joogay. Gaadiidka 13 gaari ee soo haray oo ay Wasaaraddu sheegtay in ay maamusho, kaliya 7 gaari ayaa muuqaal ahaan loo xaqiijiyay ama la arkay intii baaristu ay socotay, halka lixda gaari oo dhimman aan la keenin si muuqaal ahaan loo xaqiijiyo. Majirin mid ka mid ah gaadiidkan oo lagu diiwaan galiyay magaca Wasaaradda, lahaanshiyahooda. Jaantuska hoose waa liiska gaadiidka Wasaaradda, kuwaas oo qaar ka mid ah aan la garan karin in ay Wasaaraddu hayso ama aan la xaqiijin muuqaal ahaan intii lagu gudo jiray baaritaanka: -

Tirsi

Nuuca

gaadiidka Meesha uu

ka yimid gaadiidku

Chassis Lambar

In uu ku jiro gacanta

Wasaaradda iyo in kale

Faahfaahin

1. Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Maraykanka

JTGEB73J3G9017399 Haa Muuqaal ahaan waxaa xaqiijiyay baarasyaasha

2 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Maraykanka

JTGEB73J9G9027696 Haa Muuqaal ahaan waxaa xaqiijiyay baarasyaasha

3 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Maraykanka

JTGEB73J0G9017397 Haa Muuqaal ahaan waxaa xaqiijiyay baarasyaasha

4 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Maraykanka

JTGEB73J7G9017395 Haa Muuqaal ahaan waxaa xaqiijiyay baarasyaasha

5 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Maraykanka

JTGEB73J5G9017398 Haa Muuqaal ahaan waxaa xaqiijiyay baarasyaasha

6 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Maraykanka

JTGEB73J1G9017394 Haa Muuqaal ahaan waxaa xaqiijiyay baarasyaasha

7 Pickup Hilux Dowladda Turkiga

MR05R296901035899 Haa Muuqaal ahaan waxaa xaqiijiyay baarasyaasha

8 Pickup Hilux Dowladda Turkiga

Maya Muuqaal ahaan lama xaqiijin

9 Pickup Hilux Dowladda Turkiga

Maya Muuqaal ahaan lama xaqiijin

10 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Masar

Maya Muuqaal ahaan lama xaqiijin

11 Pickup Hilux Dowladda Masar

Maya Muuqaal ahaan lama xaqiijin

12 Toyota Noah Dowladda Talyaaniga

Maya Muuqaal ahaan lama xaqiijin

13 Toyota Camary Wasaaradda ayaa gadatay

Maya Muuqaal ahaan lama xaqiijin

14 Pickup (Bullet proof)

Dowladda Turkiga

Maya Wasaaraddu ma maamusho

15 Pickup (Bullet proof)

Dowladda Turkiga

Maya Wasaaraddu ma maamusho

16 Toyota Pickup Dowladda Turkiga

Maya Wasaaraddu ma maamusho

Page 12: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

10

Tirsi

Nuuca gaadiidka

Meesha uu ka yimid

gaadiidku

Chassis Lambar

In uu ku jiro gacanta

Wasaaradda iyo in kale

Faahfaahin

17 Toyota Pickup Dowladda Turkiga

Maya Wasaaraddu ma maamusho

18 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Masar

Maya Wasaaraddu ma maamusho

19 Hardtop (Bullet Proof)

Dowladda Masar

Maya Wasaaraddu ma maamusho

20 Toyota Pickup Dowladda Masar

Maya Wasaaraddu ma maamusho

21 Toyota Pickup Dowladda Masar

Maya Wasaaraddu ma maamusho

22 Toyota Noah Dowladda Talyaaniga

Maya Wasaaraddu ma maamusho

23 Toyota Noah Dowladda Talyaaniga

Maya Wasaaraddu ma maamusho

24 Landcruiser V8 (Bullet Proof)

Dowladda Imaaraadka Carabta

Maya Wasaaraddu ma maamusho

25 Toyota Pickup Dowladda Imaaraadka Carabta

Maya Wasaaraddu ma maamusho

2.3.3. Khataraha Hubinta gudaha ee maamulka iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka Wasaaradda ayaa ah mid aad u liita. Dhaqdhaqaaqa gaadiidka Wasaaradda ayaan la xisaabin karin ama laga war hayn karin. Gaadiidka loo lunsado si toos ah ama kuwa la dayacay ayaa qaadan karta wakhti dheer in la ogaado khasaarahooda maaliyadeed iyo in dib loo soo celiyo. Gaadiidka Wasaaradda ayaa loo isticmaali karaa arrimo shaqsiyadeed oo khaas ah.

2.3.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan gaadiidka Wasaaradda Gaashaandhiga ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka oo ku diiwaan gashan magaca Wasaaradda, uuna sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah u keydiyo si xafidan. Waa in dhammaan gaadiidka lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida oo faahfaahin dheeraada leh sida nuuca baabuurka, magaca baabuurka, lambarka diiwaan galinta, chassis lambar, goobta, qiimaha, iyo sarkaalka mas‟uulka ka ah. Samaynta xaqiijin muuqaal ee dhammaan gaadiidka Wasaaradda si loo ogaado jiritaanka, xaalada, iyo isticmaalka. Diiwaanka hantida waa in lagu cusboonaysiiyaa natiijada tirakoobka gaadiidka. Samaynta iyo meelmarinta tilmaamaha siyaasadeed iyo habraacyada khaaska u ah maamulka gaadiidka.

Page 13: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

11

2.4. Maamulka Qalabka Xafiiska

2.4.1. Sharciga & Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best Practice)

Sharci lambar, 318 ee Bakhaarda oo soo baxay 18 December, 1962 qodobkiisa 134aad farqadiisa 2aad ayaa sheegaya in la diiwaan galiyo qalab xafiiseedka yaala xafiisyadda iyo kuwa yaala bakhaarada. Dhammaan qalab xafiiseedka ee Wasaaradda ayaa lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida. Diiwaanada qaar ayaa leh macluumaad ay ka mid yihiin nuuca hantida, taariikhda la soo iibiyay, qiimaha lagu soo iibiyay, sarkaalka mas‟uulka ka ah iyo lambarka lagu aqoonsado oo gaar u ah. Hanti kasta ee Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa loo sameeyaa lambar lagu aqoonsado oo u gaar ah si qaab fudud loogu aqoonsado.

2.4.2. Khaladaadka

Majiro meel lagu diiwaan galiyo hantida Wasaaradda iyo qalab xafiiseedka bakhaarada yaala. Qalab xafiiseedka WG oo aan lahayn tirsi lambar lagu aqoonsado oo khaas u ah si qaab fudud loogu ogaado. Majirin wax caddeyn ah in Wasaaraddu dhawaan samaysay tiro koob iyo xaqiijin dhammaystiran dhammaan qalabka si loo xaqiijiyo jiritaankooda, goobaha iyo xaaladooda.

2.4.3. Khataraha

Maqnaanshaha in la diiwaan galiyo hantida Wasaaradda Gaashaandhiga ama DFS inteeda kale, hubinta dhaqdhaqaaqa qalab xafiiseedka ayaa ah mid liita, taas oo keeni karta in ay lumaan hantidaasi. Waxaa dhici karta in ay adkaato in si madax-bannaan loo ogaado qalab xafiiseedka WG ay leedahay.

2.4.4. Talo soo jeedin

Waa in Wasaaraddu abuurtaa diiwaanka hantida si loogu diiwaan galiyo hantideeda oo ay ku jiraan qalab xafiiseed iyo in la galiyo macluumaadka hantida. Waa in dhammaan hantida sida qalab xafiiseedka Wasaaradda loo sameeyaa lambar aqoonsi u gaar ah oo lagu garto. Samaynta xaqiijin muuqaal ee qalabka xafiiska iyo hantida kale si loo go‟aamiyo jiritaanka, xaalada, goobta, qiimaha iyo in la cusboonaysiiyo diiwaanka hantida si ku haboon.

Page 14: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

12

3. WG – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD

3.1. Dhammaan lacag bixinada waa in caddeymahooda loo dhammaystiraa

3.1.1. Sharciga

Sharci Lambar. 2 ee Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda oo soo baxay 29 December, 1961 Qodobkiisa 24aad ayaa sheegaya in lacag bixin walba lagu lifaaqo caddeymo ku filan si ay caddeyn ugu noqoto saxnaanshaha lacag bixinta. Dukumumintiyada caddeymaha way kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran tahay nuuca lacag bixinta, waxaana ka mid ah dalabka iibka, heshiis saxiixan, qaansheegta, warqada alaab keenida, warqada guddoomida alaabta iyo aqbalaada risiidka.

3.1.2. Khaladaadka

Waxaa jiray lacag bixino la sameeyay intii lagu guda jiray sannadka 2018 oo aan si buuxda loo caddeyn ama aan lagu xirin wax caddeymo a, waxaana ka mid ah: -

a) Waxaa jiray lacag bixin dhan US $ 3,666 ee bisha March 2018 oo laga bixiyay madax-xigaha hawlaha guud (2211) oo aan lahayn caddeymo ku filan.

b) Waxaa jiray lacag bixino qaar oo la siiyay Ha‟idhaafin General Service ee bilaha January to October 2018 oo dhan US $123,190.00 oo WG loogu qabtay alaab iyo howlo taas oo aan lahayn caddeymo ku filan.

c) Lacagaha qaar ma wadan dalabka iibka, heshiis saxiixan, qaansheegta, warqada alaab keenida, warqada guddoomida alaabta iyo aqbalaada risiidka.

Tirsi Lambarka foojarka / Madax-xige Cida la siiyay Bisha Wadarta Guud

US $ 1 2211 Ma cadda March 3,666.00 2 2211,2212,2213,

2214, 2215, 2261 Ha‟idhaafin General Service Jan-Oct 123,190.00

Wadarta $126,856.00

3.1.3. Khataraha Waxaa jirta khatar in lacagaha qaar aysan ogolaan mas‟uuliyiinta sare ee mas‟uulka ka ah, ama; In lacag bixintaas loo sameeyay alaab ama hawlo aan la waafajin shuruudo cayiman, ama; In lacag bixinadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka khasaare maaliyadeed.

3.1.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan lacag bixinada ay ku salaysnaadaan ama lahaadana caddeymo dhammaystiran, si saxa uu u ogolaaday sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah alaabada iyo hawlaha loo guddoomay iyadoo loo eegayo ama la raacayo shuruudo cayiman.

Page 15: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

13

Waa in dhammaan dukumintiyada lacag bixinada la tiimbareeyaa islamarka lacagtooda la bixiyo si looga hortago in mar kale loo isticmaalo kharash bixin kale.

3.2. Kharashaadka Socdaalka oo aan Lahayn Caddeymo ku Filan

3.2.1. Sharciga

Sharci Lambar. 2 ee Hannaanka Maamulka iyo Maaliyadda Dowladda oo soo baxay 29 December, 1961 Qodobkiisa 24aad ayaa sheegaya in lacag bixin walba lagu lifaaqo caddeymo ku filan si ay caddeyn ugu noqoto saxnaanshaha lacag bixinta. Dukumumintiyada caddeymaha way kala duwanyihiin iyadoo ay ku xiran tahay nuuca lacag bixinta, waxaana ka mid ah dalabka iibka, heshiis saxiixan, qaansheegta, warqada alaab keenida, warqada guddoomida alaabta iyo aqbalaada risiidka.

3.2.2. Khaladaadka

Lacagaha loogu talagalay socdaalka oo dhan $45,174.41 ayaa la isticmaalay iyada oo aan lagu xirin caddaymahoodii oo dhammaystiran. Lacagahan ayaa la siiyay dad kala duwan, shirkad wakiilka ah duulimaadka iyo hotel. Lacagahaas ma lahayn caddeymo dhammaystiran oo laga rabay sida: -

ü Dalabka iibka iyo ama boarding pass; ü Wax caddeyn ah ogolaanshaha safarrada la galay;

ü Risiidka adeeg bixiyaha; ü Isla xisaabtan la ansixiyay ee dhinaca socdaalka la galay, iyo; ü Magacyada iyo saxiixa dadka lacagaha habeen dhaxa ah la siiyay.

Jaantuska hoose waxaa ka muuqda lacagaha socdaalka ee aan lahayn caddeymo ku filan: -

Tirsi Lambarka foojarka/Madax-xige Cida la siiyay Bisha Wadarta US $ 1 2216 Dad kala duwan Jan – Sept. 35,600.00

2 2216 Daruura Air Travel June – Aug. 7,483.34

3 2216 Doorbin Hotel Aug – Sept. 2,091.47

Wadarta 45,174.81

3.2.3. Khataraha Waxaa jirta khatar in lacagaha qaar aysan ogolaan mas‟uuliyiinta sare ee mas‟uulka ka ah, ama; In lacag bixintaas loo sameeyay alaab ama hawlo aan la waafajin shuruudo cayiman, ama; In lacag bixinadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka khasaare maaliyadeed.

3.2.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan lacag bixinada ay ku salaysnaadaan ama lahaadaana caddeymo dhammaystiran, si saxa uu u ogolaaday sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah alaabada iyo hawlaha loo guddoomay iyadoo loo eegayo ama la raacayo shuruudo cayiman.

Page 16: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

14

Waa in dhammaan dukumintiyada lacag bixinada la tiimbareeyaa islamarka lacagtooda la bixiyo si looga hortago in mar kale loo isticmaalo kharash bixin kale.

3.3. Hannaanka Hubinta Adeega Kharashaadka 3.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best Practice)

Waxaa jirta hubino adag ee adeega kharashaadka si looga hortago xisaabaadka taagan oo aan la bixin. Dhammaan hubinta adeega kharashaadka ayaa ku salaysan lacagaha la heli karo, laguna dhex sameeyaa sistamka maaliyadda Dowladda SFMIS. Haddii hubinta adeega kharash bixinta uu yahay mid liita ama aysan jirin, waxaa badanaya daynta ama kharashadka aan la bixin sababtoo ah khayraadka oo xadidan. Haddii ay jiraan kharashaad aan la bixin, waa in lagu soo uruuriyaa si waqtiyaysan (seddex biloodle), la dabagalo sidoo kalana laga warbixiyo.

3.3.2. Khaladaadka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay isticmaashaa nidaamka teknoolajiyada ku salaysan ee maamulka maaraynta maaliyadda ee Soomaaliya (SFMIS). Qaar ka mid ah adeega kharashaadka ee Wasaaradda Gaashaandhiga waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control). Wasaaradda Gaashaandhiga ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaday. Ma jirin wax caddeymo ah in Wasaaraddu ay samayso dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.

3.3.3. Khataraha

Waxaa jirta khatar ah in Wasaaraddu gashay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan lagu muujin xisaab xirka. Xisaab xirka ayaa laga yaabaa in aysan muujin natiijo sax ah marka la diyaariyo.

3.3.4. Talo soo jeedin

Waa in adeega kharashaadka aan laga samayn nidaamka SFMIS banaankiisa. Waa in SFMIS dhexdiisa laga abuuraa nidaam adag oo sahlaya isticmaalka adeega kharashaadka. Waa in la xaqiijiyaa in SFMIS bixinta lacagaha la sameeyaa marka lacag loo hayo, iyo in aan la samayn lacag bixin aanan loo hayn lacag. Waa in la sameeyaa hubin wixii lacag ee Wasaaradda lagu leeyahay si waqtiyaysan (seddex biloodle), lagana warhayaa si aysan u badan, loona helaa qorshe lagu nadiifinayo lacagahaas inta uusan sannadka dhammaan.

Page 17: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

15

3.4. Joogtaynta Baarista Gudaha

3.4.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best Practice)

Waa in la sameeyaa baaritaano gudaha ah oo isxig xiga iyo in la soo saaro warbixino. Waana in ay jirtaa dabagalo joogto ah si loo xaqiijiyo in talooyinka la meel mariyay.

3.4.2. Khaladaadka

Intii lagu guda jiray baaristii sannadlaha 2018 ayaan ogaanay in Wasaaraddu aysan lahayn baare gudaha ama hawlihii baaraha gudaha sidoo kalana aan la samaynin. Ma jirin baarisyo gudaha oo wakhtiyaysan oo laga fuliyay Wasaaradda. Ma jiro sharci qeexaya aasaasida rasmiga ah ee baarista gudaha hay‟adaha Dowladda Federaalka, inkastoo ay jirto soo jeedin la xiriirta abuurida hawlaha baarista gudaha lagu daro hindisa sharciyeedka PFM ka.

3.4.3. Khataraha

Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha ee Wasaaradda, waxaa jira khatar ah u hoggaansanaan la‟aan shuruucda, xeerarka, hababka iyo siyaasadaha ay qaataan waqti dheer in la ogaado iyo in talaabooyin waxtar leh looga qaado si waqtiyaysan. Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha ee Wasaaradda, ma jiro isku halayn in hubinta gudaha ee maaraynta maaliyadda iyo isla xisaabtanka ay yihiin kuwa xooggan oo waxtar leh si loo xaqiijiyo in khasaaraha maaliyadeed la yareeyo ama la baabi‟iyo. Sidaa darteed, khasaaraha maaliyadeed ee ka imaanaya khaladaadka ama qiyaanada loo qasday ayaa qaadan kara waqti dheer in la ogaado lagana qaado talaabooyin deg deg ah.

3.4.4. Talo soo jeedin

Waa in Golayaasha Fulinta iyo Sharci Dejinta ay qaadaan talaabooyin deg deg ah si loo xaqiijiyo hindise sharciyeedka PFM ka in laga dhigo sharci dhammaystiran (Law) oo ku haboon dejinta ama abuurida howlaha baaraha gudaha oo waxtar u leh guud ahaan Hay‟adaha Dowladda iyo gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga. Inta laga helaayo sharci PFM oo dhammaystiran waa in la qaadaa talaabooyin lagu xaqiijinayo in laga sameeyo Wasaaradda Gaashaandhiga baarista gudaha oo waqtiyaysan. Baarista noocaan ah waa in ay diirada saartaa xoojinta hubinta gudaha (internal controls), iyo in ay xaqiijisaa u hoggaansanaanta shuruucda, xeerarka iyo siyaasadaha Wasaaradda.

Page 18: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

16

3.5. Diiwaan galinta heshiisyada ee Xafiiska Hantidhawrka Guud

3.5.1. Sharciga

Sharci Lambar 2 ee Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda oo soo baxay 29 December, 1971 waxa uu waajibinayaa in dhammaan heshiisyada laga diiwaan galiyaa Xafiiska Hantidhawrka Guud. Qodobka 33aad ayaa sheegaya in heshiis kasta oo lagu galo magaca Dowladda iyo hay‟adaha kale ee Dowliga ah laga soo diiwaan galiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.

3.5.2. Khaladaadka

Shaxda hoose ayaa waxaa ka muuqda 3 heshiis oo ay Wasaaradda Gaashaandhiga la saxiixatay dhinacyo kale sannadkii dhammaaday 31 Desember, 2018 kuwaas oo aan laga soo diiwaan galin Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Heshiiska koowaad ee lala galay Dowladda Turkiga waa mid soconaya 10 sano oo ka bilaabanasa 2018. Heshiiska labaad waa mid lala galay Dowladda Ingiriiska, muddadiisuna ay tahay 2 sano. Heshiiskan ayaa ah mid Dowladda Ingiriiska ay dhaqaale ku taageereyso Ciidanka Xoogga lacag dhan UK £10 million. Heshiiska seddexaad ayaa isagana ah mid lala galay Dowladda Maraykanka kaas oo ay Dowladda Soomaaliya isticmaal dhul ugu ogolaatay Dowladda Maraykanka: - Macluumaadka heshiisyada oo kooban ayaa ku xusan Jaantuska Hoose: -

Tirsi Heshiiska Ujeedadda heshiiska Xiliga heshiiska Lacagta US $ 1 WG iyo Dowladda

Turkiga Maareynta xerada milatariga ee Kurksom.

10 sanno, ka bilowdo July 2018

Lama xiriiro lacag

2 WG iyo Dowladda Ingiriiska

Taageerida Ciidanka Xooga Dalka

2 sanno, ka bilowdo Nov 2018

UK £ 10 malyan

3 WG iyo Taliska Mareykanka ee Afrika

Ogolaanshaha isticmaal dhul meel u dhaw Boosaaso.

Heshiis furan oo 6- leysku wargelinayo cida ka baxeysa.

Lama xiriiro lacag

3.5.3. Khataraha

Inkastoo aysan jirin wax dhaqaale ah oo ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka helayso qaar ka mid ah heshiisyadan, haddana waxaa jiri kara waxyaabo ku xusan heshiiska oo soo if bixi kara mustaqbalka, keeni karana in Soomaaliya lagu yeesho dhaqaale aad u tiro badan haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo bixi waydo qaar ka mid ah waxyaabihii lagu heshiiyay. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, waqtiga lagu guda jiray baarista sannadlaha waxaa laga yaabaa in aysan caddeyn karin waxyaabaha heshiisyada ku xusan ee la xiriira wixii hanti ah maadaama aan laga soo diiwaan galin Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.

3.5.4. Talo soo jeedin

Waa in heshiisyada oo dhan laga soo diiwaan galiyaa Xafiiska Hantidhawrk Guud si waafaqsan shuruucda si uu Xafiiska ugu fududaato inuu sameeyo baaris, kana war bixiyo heshiisyada.

Page 19: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

17

CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED - CXD

Page 20: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

18

4. CXD- WARBIXINTA MAALIYADEED

4.1. Sannadka 2018 ma jirin xisaabaadka sannadka oo la soo gudbiyay si loo baaro

4.1.1. Sharciga Sharciga lambar 2 ee soo baxay 29 December 1961 ee „„Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda‟‟ Xisaabaadka sannadka ee Dalka ayaa lagu qeexay qodobka 25 ee sharciga. Qodobka 26 ayaa sheegaya in xisaabaadka Dalka la soo gudbiyo 30 April ee sannadka xiga oo ay xisaabaadka sannadka la xiriirto si loo baaro. Qodobka 30 ee sharciga oo wax laga bedelay sannakii 1971 ayaa sheegaya in Xafiiska Xisaabiyaha Guud uu maamulo xisaabaadka Dowladda. Qodobka 37 ee sharciga ayaa dhigaya in sarkaal ama wakiil kasta ee maamula maaliyadda ama xisaabaadka Dowladda uu diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud sida lagu sheegay qodobka 39. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sida ku xusan qodobka 40 xisaabaadka u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud iyagoo wata ama aanan wadan faalo si uu u baaro. Arrinkan waxaa sii xoojiyay qodobka 7 (a) iyo (b) ee „„Xeerka Xisaabaadka Dowladda ee 317‟‟ oo wax laga bedelay sannadkii 1971. Qodobka 41 (1) ee sharciga ayaa faraya Xisaabiyaha Guud, marka aan xisaabaadka la soo diyaarin lana soo gudbin in uu Xisaabiyaha Guud diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud si uu u baaro.

4.1.2. Khaladaadka

Xisaabaadka sannadka ee ugu yar oo ku salaysan cash-basis of accounting, waxay ka kooban tahay kuwa hoos ku xusan: -

i. Muuqaalka Dakhliga iyo Kharashka (Statement of Receipts and Payments);

ii. Muuqaalka is barbardhiga Ku Talagalka Miisaaniyadda iyo Kharashka dhabta ee Baxay (Statement of Comparison of Budget and Actual Amounts);

iii. Iswaafajinta furitaanka, xiritaanka bangiga iyo haraadiga lacagta cadaanka ah (Reconciliation of opening and closing bank and cash balances);

iv. Muuqaalka Qulqulka lacagaha (Statement of Cash Flows);

v. Siyaasado xisaabeed oo dhammaystiran, sharaxaad faahfaasan iyo lifaaqyo. (Comprehensive accounting policies, detailed explanatory and disclosure notes).

Ciidanka Xoogga Dalka, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.

4.1.3. Khataraha

Ciidanka Xoogga Dalka ma raacin sharciga. Maqnaashaha xisaabaadka Hay‟adda ee aan si waqtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si waqtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Wasaaradda.

Page 21: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

19

Intaa waxaa dheer in Hay‟addu ay ku guul daraysato mas‟uuliyadeeda ah la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si waqtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.

4.1.4. Talo soo jeedin

Waa in Ciidanka Xoogga Dalka uu diyaariyaa xisaabaadka sannadka 2018 oo dhammaystiran, si dhammaystiran loo hubiyay iyo in la soo gudbiyo si loo baaro. Haddii kale, Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa in uu diyaariyaa xisaabaadka Wasaaradda iyo in uu soo gudbiyo si loo baaro sida uu qabo qodobka 41 ee sharciga.

Page 22: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

20

5. CXS – DHINACA SHARCIGA IYO XEERKA

5.1. Shuruucda iyo Xeerarka Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed 5.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waxaa jira sharci ama xeer khaas ah kaas oo si rasmi ah loogu dhisay Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sharciga iyo xeerarka ayaa sheegaya waajibaadka, mas‟uuliyadaha ciidanka iyo qaab-dhismeedka taliska ee ciidanka IWM. Waxaa jira siyaasado qoran iyo xeerer loogu talagalay in lagu maamulo CXD, qeexayana maamulka ciidanka, mushaaraadka, gunnooyinka, xaq lahaanshaha iyo akhlaaqdooda.

5.1.2. Dastuurka ku meelgaarka

Qodobka 126 (1) ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “Dowladda Federaalka ay xaqiijiso nabada, madax-bannaanida, amniga Qaranka ee J.F.S iyo badqabka muwaadiniinteeda iyadoo loo marayo hay’adaha amniga ee Dalka” sida:-

a) danka Xoogga Dalka; b) Hay‟adda Sirdoonka; c) Ciidanka Booliska Soomaaliyeed; iyo

d) Ciidanka Xabsiyada.

Qodobka 126 (2) ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “daabulida/hawlgalinta ciidanka amniga lagu go’aamin doono sharci”. Qodobka 130 ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “labada aqal ee Baarlamaanka ay ka shaqeeyaan sharci lagu maamulo qaab-dhismeedka, shaqada iyo heerarka hay’adaha amniga ee J.F.S”. Jadwalka koowaad (D) ayaa loo aqoonsaday shuruucda mudnaanta leh in la dhaqan galiyo kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka: -

Ø ((15) Sharci marka loo eego qodobka 30 oo khuseeya ciidanka amniga; Ø (17) Sharci marka loo eego qodobka 30, nidaaminta qaab-dhismeedka iyo

shaqada Booliska Federaalka; Ø (18) Sharci marka loo eego qodobka 30, nidaaminta wada shaqaynta ka dhexaysa

Booliska Federaalka iyo Booliska Dowlad Goboleedyada;

5.1.3. Khaladka Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay ku shaqeeyaan sharci duqoobay (Sharci Lr. 6 ee 12 April 1960) oo ka horeeyay Dastuurka ku meel gaarka ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaan weli la dhaqan galin sharci cusub oo loogu talagalay CXD sida ku xusan Qodobada 126 iyo 130 ee Dastuurka ku meel gaarka ah.

Page 23: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

21

5.1.4. Khataraha

Shaqaalaysiinta, daabulida/hawlgalinta iyo maamulka CXD ayaa lagu dhaqaa sharci duqoobay (Sharci Lr. 6 ee 12 April 1960) kaas oo la sameeyay xiligii Soomaaliya ay lahayd Dowlad Dhexe. Sharciga iyo xeerarka duqoobay waa kuwa aan la jaan qaadi karin maamulka iyo daabulida/hawlgalinta CXD wakhti Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah.

5.1.5. Talo soo jeedin

Waa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu qaadaa talaabooyin dhaqan galinaya samaynta sharci iyo xeer cusub oo uu yeesho Ciidanka Xoogga Dalka maadaama Dowladda Soomaaliya ay hadda tahay Jamhuuriyad Federaal ah.

Page 24: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

22

6. CXD- MAAREYNTA CIIDANKA

6.1. Qaab-dhismeedka Ciidanka iyo Qalabka (QCQ)

6.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Qaab-dhismeedka Ciidanka iyo Qalabka (QCQ) waa mid muhiim u ah milatariga, gaar ahaan dhanka maaraynta, xakamayta shaqaalaysiinta, daabulida, dalacsiinta iyo shaqo ka saarida ciidanka. Tani waxa ay xaqiijineysaa in ay jiraan ciidan haboon, la awoodi karo xaqsiintooda, leyskuna haleyn karo inuu jiro. Waxay sidoo kale xaqiijinayasa iibka qalabka milatari iyo kuwa aan milatariga ahayn ee ciidanka loo soo iibiyo qaab laga dheehan karo siyaasada amniga Qaranka ama istaraatiijiyada. QCQ-ga wuxuu muujiyaa asaasidda ciidanka loo baahan yahay iyo qalabkooda laga bilaabo halka ugu hooseysa illaa meesha ugu saraysa. Waa midka fududeeya dejinta miisaaniyadda ciidanka iyo qalabayntoodaba in lagu saleeyo istaraatiijiyadda ciidanka ee Dalka.

6.1.2. Khaladaadka

Nalama wadaagin wax caddeyn ah in CXD leeyahay QCQ la ansixiyay si uu u hago shaqaalaysiinta, daabulida iyo maamulka ciidanka.

6.1.3. Khataraha

Maqnaashaha QCQ la ansixiyay, wuxuu dhaliyay in shaqaalaysiinta, daabulka iyo shaqo ka saarida ciidanka loo maamuli kari waayo qaab qorsheysan, si loo gaaro ama loo helo ciidan haboon, la awoodi karo xaqsiintooda, leyskuna haleyn karo. Maqnaashaha QCQ la ansixiyay wuxuu sare u qaadayaa khatarta ciidan aan jirin in lagu daro xogta keydka ciidanka, taas oo dhalin karta sare u kaca lambarka ciidanka iyo kharashkooda.

6.1.4. Talo soo jeedin

Waa in la qaadaa talaabooyin lagu hirgalinayo QCQ ku haboon CXD kaas oo mudnaan siinaya khatarta amniga, siyaasadda amniga iyo istaraatiijiyada Soomaaliya. Waa in QCQ ay dib u eegis ku sameeyaan saraakiisha ugu sareysa CXD, uuna ansixiyaa Taliyaha Guud ee Ciidamada - Madaxweynaha J.F.S. Sida miisaaniyadda Qaranka, waa in QCQ lagu sameeyaa dib u eegis joogto ah iyo cusboonaysiin si looga hortago khatar walba oo ku wajahan amniga Qaranka.

6.2. Keydka xogta ee CXD

6.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best Practice) Waxaa jira nidaam loogu talagalay in lagu keydiyo macluumaadka shaqsiyadeed ee dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Page 25: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

23

Keydka ciidanka waxaa lagu keydiyaa dhammaan macluumaadka aqoonsi ee muhiimka ah sida magaca, taariikhda dhalashada, heerka waxbarashada, goobta shaqada, darajada, kala saraynta mushaaraadka iyo gunnada, xaq lahaanshaha, jinsiga, nuuca dhiiga, taariikhda hawlgalka iyo lambarka aqoonsiga ciidanka. Keydka xogta shaqsiyadeed ee kumbuyuutarka lagu keydiyo (computerized) waxay sare u qaadeysaa kalsoonida xogta shaqsiyadeed iyo in si fudud loogu xiro hannaanka mushaar bixinta. Waxay sidoo kale sahlaysaa isticmaalka hannaanka faraha iyo indhaha (Biometric) iyadoo sare u qaadaysa hubinta iyo xakamaynta mushaar bixinta. Keydka xogta shaqsiyadeed ee kumbuyuutarka lagu keydiyo (computerized) waxaa uu ku xiran yahay hannaanka mushaar bixinta, iyadoo kuwa mushaarka iyo gunnada sida joogtada loo siiyo ay yihiin ciidanka shaqeeya (active personnel).

6.2.2. Khaladaadka

Ma jiro keyd kumbuyuutar (database) oo lagu keydiyo macluumadka Ciidanka Xoogga. Kaliya liisas ku qoran magacyada ciidanka ayaa la keydiyay kuwaas oo u nugul khaladaadka iyo bedbedelka. Ciidanka Xoogga waxa ay leeyihiin lambar aqoonsi inkastoo aanan lakala saari karin ciidanka shaqeeya iyo kuwa aan shaqayn. Tirakoobka ciidanka iyo diiwaan gelinta ayaa wali socota oo soo bilaabatay November 2017, iyada oo aysan jirin wax tilmaan ah ama kor joogtayn ay Wasaaradda Gaashaandhiga ku samaysay arrinkaas. Tirada saxda ah ee ciidanka wali lama xaqiijin, xogta inta hadda laga hayo Wasaaradda Gaashaandhiga kama war hayso. Hannaanka sixitaanka wuxuu yeelanayaa caqabado badan oo ay sababeyso maqnaanshaha keyd-xog (database) oo dhammaystiran.

6.2.3. Khataraha

Maqnaanshaha keydka kumbuyuutarka (database) waxay dhalinaysaa in ciidan aan jirin lagu daro mushaarka taas oo sare u qaadaysa khaladaadka iyo in qiyaamo loo qasday lagu sameeyo diyaarinta mushaarka. Tirada saxda ah ee ciidanka ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin karin si qaab wax ku ool ah loogu maamulo mushaarka.

6.2.4. Talo soo jeedin

Waa in Wasaaradda Gaashaandhiga iyada oo kaashaneysa CXD iyo hay‟adaha kale ee khuseeyso in ay Ciidanka Xoogga u abuurto keydka xogta oo kumbuyuutar ah (computerised database). Waa in keydka xogta (database) lagu keydiyaa macluumaadka shaqsiyadeed sida magaca, taariikhda dhalashada, heerka waxbarashada, goobta shaqada, darajada, kala saraynta mushaaraadka iyo gunnada, xaq lahaanshaha, jinsiga, nuuca dhiiga, taariikhda hawlgalka iyo lambarka aqoonsiga ciidanka. In la isticmaalo nidaamka faraha iyo indhaha (biometric system) marka la abuurayo keydka xogta (database). Sidaa darteed waa in ciidanka lagu sameeyaa tirakoob dhammaystiran si xogta dib u habayn loogu sameeyo.

Page 26: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

24

7. CXD- DIYAARINTA MUSHAARKA IYO MAAMULKA

7.1. Kala baxsanaanta mas’uuliyadaha hannaanka mushaaraadka

7.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Waxaa jira kala baxsanaan ku filan mas‟uuliyadaha diyaarinta mushaarka, la socodka, hubinta, ansixinta iyo ogolaanshaha u danbeeya ee mushaarka. Mas‟uuliyadahan waxaa qabta saraakiil madax-bannaan oo mas‟uulka ka ah. Hannaanka mushaar bixinta waa mid kumbuyuutar ku saleysan, tilaabo kasta waa in la diiwaan galiyaa si ay ugu fududaato baaris hantidhawr, iyo in dib u eegis lagu sameeyo. Dhammaan isbedelada mushaar bixinta waxaa si waqtiyaysan u ansixiya sarkaal sare ee mas‟uulka ka ah. Waxaa jira dukumintiyo la ansixiyay oo loogu tala galay maamulka mushaarka kuwaas oo leh tilmaamaha mushaar bixinta.

7.1.2. Khaladaadka Hannaanka mushaar bixinta CXD waa mid ku salaysan gacan qoraal (manual). Waraaqaha mushaarka ayaa la daabacaa, la saxiixaa loona gudbiyaa Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasaaradda Maaliyadda si loo bixiyo. Ma jirin wax caddeyn ah in waraaqaha mushaarka dib u eegis lagu sameeyay iyo haddii la hubiyay saxnaansha ka hor inta uusan ansixin sarkaalka mas‟uulka ka ah si lacagtaas loo bixiyo. Ma jiro dukuminti qoran oo loogu talagalay habraaca iyo maamulka mushaarka oo la ansixiyay kaas oo leh habraaca diyaarinta mushaarka, xaqiijinta in mushaarka la siiyo kaliya ciidanka shaqeeya (active personnel), xaqiijinta saxnaansha mushaarka, iyo kala qaybinta mas‟uuliyadaha heerarka kala duwan illaa heerka ay saamayn ku yeeshaan mushaar bixinta.

7.1.3. Khataraha Khaladaadka iyo kala duwanaanshaha warqadaha mushaar bixinta ayaa qaadan kara wakhti dheer in la ogaado sidoo kalana Dowladda Federaalka u keenaya khasaare maaliyadeed. Maqnaanshaha macluumaadka haybraacyo maamul mushaar bixin oo la ansixiyay, hubinta gudaha ee ku aadan diyaarinta mushaaraadka, ansixinta waraaqaha iyo dukumintiga mushaarka ayaa laga yaabaa in la dhinac maro waxna laga bedelo.

7.1.4. Talo soo jeedin Waa in dhammaan waraaqaha iyo dukumintiyada mushaarka dib loo eego, la hubiyaa saxnaanshahooda ka dibna la ansixiyaa si loo bixiyo. Waa in la hirgaliyaa macluumaad habraacyo maamul mushaar bixin oo la ansixiyay si loo hago diyaarinta mushaarka, loona xaqiijiyo in ay jiraan hubinta gudaha oo ka hortagta khalad iyo qiyaano loo qaysto. Waa in mushaar bixinta loo sameeyaa hab elektaroonik ah.

Page 27: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

25

7.2. Qaabka mushaar bixinta

7.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Waxaa jira habraac mushaar bixin oo ku saleysan nidaam kumbuyuutar oo tayadiisu sareyso lehna aqoonsi wanaagsan marka laga hadlayo qaabka mushaar bixinta. Nidaamka mushaar bixinta waa mid si buuxda ugu saleysan isticmaalka kumbuyuutarka, kuna xiran xogta keydka ciidanka si loo xaqiijiyo in ciidanka shaqeeya kaliya mushaar iyo gunno la siiyo. Warqadaha mushaar bixinta waa in uu si sax ah qaab kumbuyuutar ama gacan qoraal ah (manually) ugu ansixiyaa sarkaalka mas‟uulka ka ah, loona keydiyaa tixraac ahaan haddii loo baahdo.

7.2.2. Khaladaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey mushaar diyaarinta u isticmaashaa SFMIS. Hase ahaatee CXD wuxuu wali mushaarka ku diyaariyaa habka gacan qoraal ah (manual) kaas oo ka baxsan istixcmaalka SFMIS. Diyaarinta mushaarka si toos ah uguma xirna xogta keydka ciidanka maadaama uusan hadda jirin. Mushaar diyaarinta bishi lasoo dhaafay ayaa la cusboonaysiiyaa oo loo isticmaalaa bisha xigta, iyadoo warqado ku salaysan.

7.2.3. Khataraha

Khaladaad, ka tagid xog iyo qiyaano loo qasday ayey u badan tahay in ay dhacdo marka mushaar diyaarinta aan loo marin nidaamka isticmaalka kumbuyuutarka. Maqnaanshaha baaris joogto ah oo lagu sameeyo mushaarka wuxuu dhalin karaa khaladaad dhinaca mushaarka oo qaadan kara waqti dheer in la ogaado lana saxo.

7.2.4. Talo soo jeedin

Waa in Diyaarinta mushaar bixinta si buuxda loogu saleeyaa isticmaalka kumbuyuutar ku xiran xogta keydka ciidanka si loo xaqiijiyo in ciidanka shaqeeya oo kaliya mushaar iyo gunno la siiyo.

7.3. Qaabka loo bixiyo mushaarka CXD

7.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Dhammaan mushaarka iyo gunnooyinka waa mid si toos ah loogu shubo koontooyinka ciidanka. Bixinta mushaarka iyo gunnooyinka ee ku saleysan cadaan (Cash) waa mid lagu bixiyo marxalado qaas ah, iyadoo la raacayo habraac qeexan oo la ansixiyay.

7.3.2. Khaladaadka

Waxaa jira 2 qaab uu CXD ku bixiyo mushaarka: (b) In si toos ah Bangiga loogu shubo ciidanka, iyo (t) In lagu bixiyo Cadaan (Cash). Saraakiisha sare badankoodu waxaa mushaarkoodu uu ugu dhacaa koontooyinkooda gaarka ah, halka 99 % CXD lagu siiyo gacanta lacag cadaan ah (cash).

Page 28: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

26

Mushaarka lagu bixiyo gacanta ma lahan sifo qeexan oo la ansixiyay. Lacagahaas wey adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo si loo ogaado inay gaartay ciidanka saxda ahaa ee loogu tala galay.

7.3.3. Khataraha

Mushaarka lagu bixiyo gacanta ayaa leh khataro aad u sareeya oo ay ka mid yihiin qaladaad, qiyaano loo qasday, xatooyo iyo ku takrifal. Sidoo kale, mushaaraadka iyo gunooyinka ayaa dhici kara in la siiyo kuwa aan xaqa u laheyn, loo isticmaalo ama loo weeciyo dan shaqsiyeed.

7.3.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan mushaarka si toos ah loogu shubaa koontooyinkooda ciidanka ee gaarka ah. Xaaladaha gaarka ah ee keeni kara in mushaar gacanta lagu bixiyo, waa in loo sameeyaa habraac la ansixiyay oo la raaco. Dhammaan lacagaha gacanta lagu bixiyo waa in loo sameeyo qaab si madax- bannaan loogu xaqiijinaayo si loo ogaado in shaqsiyaadka xaqa u leh kaliya lacagtooda la siiyo.

Page 29: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

27

8. CXD - MAAMULKA RAASHINKA, SHIDAALKA IYO WAXYAABAHA KALE

8.1. Maamulka raashinka ee CXD 8.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Maamulka raashinka ee hay‟adaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Xoogga ayaa muhiim u ah nabadda iyo xasiloonida. Ciidanka Xoogga ayaa u baahan raashin aamin ah, ku filan si ciidanku ay ahmiyadda u saaraan amniga Qaranka iyo badqabka muwaadiniinta. Waxaa jira shuruudo ka mid ah sharci ama xeer ee xaq lahaanshaha raashinka kaas oo saldhig u ah ujeedada miisaaniyadda, maamulka iyo hubinta raashinka. Waxaa jira siyaasdo iyo habraacyo maamulka tayada raashinka oo la ansixiyo si loo xaqiijiyo in tirada iyo tayada loogu qaybiyo ciidanka si wakhtiyaysan.

8.1.2. Khaladaadka Askari kasta ee Ciidanka Xoogga waxaa uu leeyahay US $60 oo loogu talagalay raashinka qalalan iyo iidaanka, Lacagtan waxaa si gaar ah loo siiyay qandaraasle si uu raashinka u keeno. Ma jiraan wax dukuminti qoran oo ah siyaasado iyo habraac hubinta tayada si loo xaqiijiyo in ciidanka loo qaybiyo tirada iyo tayada saxan ee raashinka. Intii aan baarista ku jirnay ayaan ogaanay in bakhaarka raashinka Ciidanka Xoogga ay ku jireen raashin dhacay oo ciidanka la siin rabay.

8.1.3. Khataraha

Tirada iyo tayada lagu taliyay lana qorsheeyay ayaa dhici karta in aan ciidanka loo geynin. Raashin dhacay ayaa loo keenay Ciidanka Xoogga taas oo halis galinaysa caafimaadka ciidanka.

8.1.4. Talo soo jeedin

Waa in Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Ciidanka Xoogga ay hirgaliyaan siyaasadda iyo habraaca hubinta tayada ee raashinka ciidanka si loo xaqiijiyo in ay jiraan hubino ku filan.

8.2. Maamulka shidaalka

8.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Maamulka shidaalka ayaa ah meel ay ka jiraan xadgudubyo gaar ahaan hay‟adaha amniga. Shidaalka ayaa mararka qaar loo weeciyaa laguna iibiyaa suuqyada si looga helo dano shaqsi. Waxaa jira hubino ku filan maamulka, keydinta iyo qeybinta shidaalka.

Waxaa jira habraacyo la ansixiyay oo ku aadan keydka iyo bixinta shidaalka uuna meel mariyo sarkaalka mas‟uulka ka ah.

Page 30: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

28

Hubinta muuqaal ahaaneed ee keenida shidaalka ayaa si waqtiyaysan loo sameeyaa, iyo baaris lagu sameeyo isbedel kasta si talaabo deg deg ah looga qaado.

8.2.2. Khaladaadka

Ma jiro wax dukuminti qoran oo ah siyaasad iyo habraac la ansixiyay ee maamulka, qaybinta shidaalka howlgalada Ciidanka Xoogga. Hubinta gudaha ee qaybinta shidaalka ayaa ah mid liidata.

8.2.3. Khataraha

Waxaa jirta khatar ah in keydka iyo qeybinta shidaalka aan si haboon loo maamulin. Khasaaraha shidaalka iyo in loo weeciyo loona isticmaalo dano shaqsiyadeed ayaa qaadan karta in waqti dheer lagu ogaado si talaabo deg deg ah looga qaado. Miisaaniyadda shidaalka ayaa ah mid aan xakamaysnayn.

8.2.4. Talo soo jeedin

Waa in la hirgaliyaa lana meelmariyaa macluumaadka habraaca iyo siyaasadda ee maamulka shidaalka ayna ansixisaa Wasaaradda Gaashaandhiga. Waa in shidaalka lagu sameeyo xaqiijin, isbedel kastana la baaraa si talaabo deg deg ah looga qaado.

8.3. Maamulka qalabka aan ahayn kuwa milatariga

8.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Qalabka aan ahayn kuwa milatariga waxaa ka mid ah kabaha buutka, dharka iyo daawada. Kuwan ayaa loo weecin karaa in lagu iibiyo suuqyada si dano shaqsiyadeed looga helo iyo in lagu sameeyo hawlo amniga lid ku ah. Waxaa jira hubino iyo habraacyo ku filan maamulka, keydinta iyo qeybinta alaabta aan kuwa milatariga ahayn. Habraacyada noocan oo kale waxaa ka mid ah joogteynta diiwaano ku filan bakhaarka oo si joogto ah loo cusbooneysiiyo. Waxaa jira xaqiijin muuqaal ahaaneed oo is xig-xiga kaas oo lagu hubiyo diiwaanada alaabta bakhaarka ku jira.

8.3.2. Khaladaadka

Ma jiraan wax dukuminti qoran oo ah siyaasad iyo habraac la ansixiyay ee maamulka iyo qeybinta qalabka aan ahayn kuwa milatariga ee Ciidanka Xoogga.

Ma jiraan diiwaanada bakhaarka oo la cusbooneysiiyay lana joogteeyay.

Ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in ay jireen xaqiijino wakhtiyeysan ee alaabada oo lagu hubiyay diiwaanka.

Page 31: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

29

8.3.3. Khataraha

Waxaa jirta khatar ah in keydka iyo qeybinta alaabada aan ahayn kuwa milatariga aan si hagaagsan loo maamulin. Khasaaraha iyo weecinta alaabada ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado si talaabo deg deg ah looga qaado. Alaabada qaar ayaa loo weecin karaa dano shaqsiyadeed iyo in halis lagu geliyo amniga Qaranka.

8.3.4. Talo soo jeedin Waa in la hirgaliyaa lana meelmariyaa macluumaadka habraaca iyo siyaasadda ee maamulka alaabada aan aheyn kuwa milatariga ayna ansixisaa Wasaaradda Gaashaandhiga. Waa in la sameeyaa nidaam wax tar u leh habka diiwaanka alaabada iyo xisaabaadka ee dhammaan dhaq-dhaqaaqyada alaabada aan aheyn kuwa milatariga. In lagu sameeyo xaqiijin alaabada aan ahayn kuwa milatariga, la cusboonaysiiyo diiwaanka iyo in baaris lagu sameeyo isbedel kasta si talaabo deg deg ah looga qaado.

Page 32: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

30

9. CXD - MAAMULKA GAADIIDKA

9.1. Qaabka ugu haboon ee loo maamulo gaadiidka 9.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Dhammaan gaadiidka Ciidanka waa in ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka. Waa in ay jirtaa siyaasad lagu maamulo gaadiidka ciidanka. Dhammaan gaadiidka ciidanka waa in lagu diiwaan galiyo diiwaanka hantida Wasaaradda ama midka dhexe (certilized) ee Wasaaradda Maaliyadda.

9.1.2. Khaladaadka

Intii aan baarista ku guda jirnay ayaan ogaanay baabuur ay isticmaalaan ciidanka xoogga laakiin aysan nala wadaagin buugaagta lahaanshiyaha gaadiidkaas si loo xaqiijiyo. Gaadiidka badankii waxaa gacanta ku hayay dad kala duwan iyada oo aan loo heynin dukumiintiyo ku filan. Gaadiidka kuma jirin diiwaanka hantida sidoo kalana ma jirin diiwaan dhammaystiran ay si gaar ah u keydiyeen. Ma aanan sameyn hubin dhammeystiran oo la xiriira gawaarida milatariga ee CXD arrimo xasaasi ah oo jira aawgeed.

9.1.3. Khataraha

Hubinta gudaha ee maamulka iyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ciidanka ayaa ah mid liita. Dhaq-dhaqaaqa dhammaan gaadiidka ciidanka ayaanan la xisaabin karin ama laga war hayn karin. Gaadiidka loo lunsado si toos ah ama kuwa la dayacay ayaa qaadan kara wakhti dheer in la ogaado khasaarahooda maaliyadeed iyo in dib loo soo celiyo. Gaadiidka ciidanka ayaa loo isticmaali karaa arrimo shaqsiyadeed oo khaas ah.

9.1.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan gaadiidka ciidanka ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka oo ku diiwaan gashan magaca ciidanka, uuna sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah u keydiyo si xafidan. Waa in ay jirtaa habraac faah-faahsan oo la hormariyay uuna ansixiyay sarkaalka mas‟uulka ka ah si loogu maamulo gaadiidka milatariga goob waliba ay yaalaan. Waa in dhammaan gaadiidka lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida oo faahfaahin dheeraada leh sida nuuca gaadiidka, magaca gaadiidka, lambarka diiwaan galinta, jeesis lambar, goobta, qiimaha, iyo sarkaalka mas‟uulka ka ah. Samaynta xaqiijin muuqaal ee dhammaan gaadiidka ciidanka si loo ogaado jiritaanka, xaalada, iyo isticmaalka. Diiwaanka hantida waa in lagu cusboonaysiiyaa natiijada tirakoobka gaadiidka.

Page 33: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

31

10. CXD – MAAMULKA HANTIDA

10.1. Diiwaanka hantida 10.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Hantida CXD waa mid isugu jirta qalabka milatariga iyo kuwa aan aheyn kuwa milatariga. Qalabka milatariga oo aan halkaan kuwada koobneyn waxaa ka mid ah; gaadiidka milatariga; diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca, doomaha dagaalka; hubka iyo rasaasta; qalabka isgaarsiinta milatariga IWM. Qalabka aan aheyn kuwa milatariga waxaa ka mid ah: - gaadiidka rayidka; qalab xafiiseed iyo alaabada kale, kumbuyuutarada IWM. Waxaa jira diiwaanada hantida oo la geliyo dhammaan hantida sidoo kalana ay ahaadaan wakhti kasta kuwa cusbooneysiisan. Diiwaanka hantida waa in uu ahaadaa mid nidaamka kumbuyuutarka ku saleysan lana cusbooneysiiyo. Haddii diiwaanka hantida ama kaararka baqaarada lagu saleeyo oo lagu keydiyo qaab gacan qoraal ah waa in ay ahaadaan kuwa dhammeystiran kuna filan. Hanti kasta waa in loo sameeyaa lambar aqoonsi oo u gaar ah iyo in diiwaanka hantida ay ka muuqato sarkaalka mas‟uulka ka ah iyo meesha lagu ogyahay. Waa in ay jirtaa tirakoob joogto ah, iyadoo natiijooyinka tirakoobka loo isticmaalayo in lagu daro diiwaanka hantida.

10.1.2. Khaladaadka

Hadda ma jiro diiwaanka hantida oo ay leeyihiin CXD. Ma jiro wax caddeyn in hantida CXD dhawaan lagu sameeyay xaqiijin muuqaal ahaaneed, si looga war hayo jiritaanka marxalada, qiimaha iyo goobta. Intii aan ku guda jirnay baarista, nalama wadaagin dukumiintiyada dhulalka ay degan yihiin CXD. Sidoo kale, nalooma keenin dukumiintiyada dhulalka ciidanka ay sheegeen in iyaga la siiyay kuwaas oo loo isticmaalo dano gaar ah. Dhulalka qaar oo ay ciidanku leeyihiin ayaa loo isticmaalaa dano gaar ah ogolaansho la‟aan.

10.1.3. Khataraha

Jiritaanka, goobta, marxalada, iyo dhaqdhaqaaqa hantida CXD ayaan si madax- bannaan loo xaqiijin karin. Lumitaanka hantida CXD ayaa qaadan karta wakhti dheer in la ogaado lana soo celiyo. Hantida CXD ayaa loo weecin karaa in si gaar ah loo isticmaalo.

10.1.4. Talo soo jeedin

Waa in CXD ay abuuraan labo diiwaan hanti, mid loogu talagalay qalabka milatariga iyo midka qalabka aan ahayn kuwa milatariga. Diiwaanadaas waa in ay si cad u kala baxsanaadaan. Hubinta waxyaabaha khaaska ah ee hantida in la galiyay diiwaanka iyo in loo cusboonaysiiyo si wakhtiyaysan. Samaynta xaqiijin muuqaaleed ee dhammaan hantida, khaas ahaan hantida milatariga iyo kuwa aan milatariga ahayn iyo cusboonaysiinta diiwaanada hantida.

Page 34: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

32

11. CXD – MAAMULKA IIBKA

11.1. Haddii CXD ay raaceen sharciga iibka 11.1.1. Sharciga iyo Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waxaa jira sharciga iibka ee 2016 (sharci lr. 22) iyo xeerar loogu talagalay in ay raacaan dhammaan hay‟adaha Dowladda oo uu Ciidanka Xoogga ka mid yahay.

11.1.2. Khaladka

CXD hawlaha iibka iyo adeega loo qabtay sannadkii 2018 uma aysan raacin sharciga iibka Qaranka ee 2016 (sharci lr. 22).

11.1.3. Khataraha

CXD ma raacin sharciga iibka iyo xeerarka, iyadoo laga yaabo in iibkaas uusan wax dan ah ugu jirin Dalka. Iibka adeegyada iyo hawlaha aan loo marin sharciga iibka iyo xeerarka ayaa noqon kara kuwa aan lahaan tayadii iyo heerkii laga rabay. Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhasha sharciga iibka oo aan la raacin ayaa sababi kara in lagu lumiyo hantida shacabka.

11.1.4. Talo soo jeedin

Waa in CXD ay shardi la‟aan raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibka iyo xeerarka. Waa in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xaqiijisaa in dhammaan qandaraasyada ka sareeya xadiga iibka ee uu CXD galaayo ay dib u eegis ku sameeysaa, la ansixiyaa, kadibna ay u dirtaa Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale waa in heshiisyadaas laga diiwaan galiyaa Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Waa in Wasaaradda Maaliyadda ay ku adkaysaa Wasaarada Gaashaandhiga in qandaraasyada CXD ee ka sareeya xadiga iibka loo soo gudbiyaa Wasaaradda Maaliyadda si shuruud la‟aan ah.

Page 35: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

33

12. CXD - MAAMULKA MAALIYADDA GUUD

12.1. Dhammaan lacag waa in caddeymahooda loo dhammaystiraa 12.1.1. Sharciga iyo Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Sharci Lambar. 2 ee Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladd oo soo baxay 29 December, 1961 Qodobkiisa 24aad ayaa sheegaya in lacag bixin walba lagu lifaaqo caddeymo ku filan si ay caddeyn ugu noqoto saxnaanshaha lacag bixinta. Dukumumintiyada caddeymaha way kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran tahay nuuca lacag bixinta, waxaana ka mid ah dalabka iibka, heshiis saxiixan, qaansheegta, warqada alaab keenida, warqada guddoomida alaabta iyo aqbalaada risiidka.

12.1.2. Khaladka

Waxaa jiray lacag bixino la sameeyay intii lagu guda jiray sannadka oo aan si buuxda loo caddeyn ama aan lagu xirin caddeymahooda oo dhmmaystiran, waxaana ka mid ah: -

Lambarka foojarka / Madax-xige Cida la siiyay Bilaha Lacagta US $

2213, 2214, 2215, 2251 iyo 2253 Ma cada Jan-Nov 172,439

12.1.3. Khatarta

Waxaa jira khatar in lacagaha qaar aysan ogolaan saraakiisha sare ee mas‟uulka ka ah. In lacag bixintaas loo sameeyay alaab ama hawlo aan la waafajin shuruudo cayiman. In lacag bixinadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka khasaare maaliyadeed.

12.1.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan lacag bixinada ay ku salaysnaadaan ama lahaadaana caddeymo dhammaystiran, si saxa uu u ogolaaday sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah alaabada iyo hawlaha loo guddoomay iyadoo loo eegayo ama la raacayo shuruudo cayiman. Waa in dhammaan dukumintiyada lacag bixinada la tiimbareeyaa islamarka lacagtooda la bixiyo si looga hortago in mar kale loo isticmaalo kharash bixin kale.

12.2. Diiwaan galinta heshiisyada ee Xafiiska Hantidhawrka Guud

12.2.1. Sharciga

Sharci Lambar 2 ee Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda oo soo baxay 29 December, 1971 waxa uu waajibinayaa in dhammaan heshiisyada laga diiwaan galiyaa Xafiiska Hantidhawrka Guud. Qodobka 33aad ayaa sheegaya in heshiis kasta oo lagu galo magaca Dowladda iyo hay‟adaha kale ee Dowliga ah laga soo diiwaan galiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.

Page 36: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

34

12.2.2. Khaladaadka

Sida ka muuqata shaxda hoose waxaa jiray 2 heshiis oo sannadkii 2018 CXD uu la galay Shirkada Kasram oo ku saabsanaa iibka raashinka ciidanka kaas oo soconaayo muddo labo sano kana bilaabanayay 2017 halka midka kale ay la galeen Shirkada Daljir oo ku saabsanaa iibka shidaalka Ciidanka kaas oo ahaa muddo afar sano kana bilaabanayay sannadkii 2018.

Qiimaha guud ee heshiiska iibka raashinka ciidanka ee labada sano ayaa ah $10,370,880 halka heshiiska shidaalka ee afarta sano uu qiimihiisu yahay $5,863,680.

Qiimaha guud ee lacagta 2 heshiis aan laga soo diiwaan gelin Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa ah $ 16,234,560 sida ka muuqata shaxda hoose: -

Heshiisyada aan laga soo diiwaan gelin Xafiiska Hantidhawrka Guud

Tirsi Dhinacyada

Heshiiska Galay Ujeedada Xiliga Heshiiska

Cadadka bilaha US $

Lacagta guud ee heshiiska US $

1 CXD iyo Shirkada Kasram

Iib raashin 2 sano oo ka bilowda 2017

432,120 10,370,880

2 CXD iyo Shirkada Daljir Iib shidaal 4 sano oo ka bilowda 2018

122,160 5,863,680

Wadarta lacagta heshiisyada $554,280 $16,234,560

Waxaan dib u eegis ku sameenay lacagaha la siiyay shirkada Daljir oo aan ogaanay in kaliya la siiyay $95,800.00 bil kasta marka loo eego lacagta dhan $122,160.00 oo sida billaha lagula heshiiyay in loo siiyo, haraaga lacagtaas ka soo haray oo dhan $26,360.00 waxaa bil kasta si toos ah loogu shubayay koontada ciidanka uu ku leeyahay Bangiga Dhexe. Sidaa darteed nalama wadaagin macluumaad dhammaystiran oo ku aadan sida lacagtaas koontada ciidanka lagu shubay loo isticmaalay.

12.2.3. Khataraha

Macluumaadka heshiisyadaan ayaan si dhammaystiran loo ogaanin intii baarista CXD lagu guda jiray sababtoo ah heshiisyadaas oo ah kuwa aan laga soo diiwaan gelinin XHG. Lacagaha iibka shidaalka oo dhan US $26,360.00 bil kasta ayaa laga yaabaa in loo weeciyay loona isticmaalay dano shaqsiyadeed.

12.2.4. Talo soo jeedin

Waa in heshiisyada oo dhan laga soo diiwaan galiyaa Xafiiska Hantidhawrk si waafaqsan shuruucda si uu Xafiiska ugu fududaato inuu sameeyo baaris, kana war bixiyo heshiisyada.

12.3. Ogolaansho la’aan la kala wareejiyay kharashaadka CXD – US $2,783,561 12.3.1. Sharciga

Sharciga Hanaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda ee Dowladd sharci Lambar. 2 ee soo baxay 29 December, 1961 qodobkiisa 16aad ayaa sheegaya in inta lagu guda jiro sannad maaliyadeedka haddii ay muhiim noqoto in madax ama madax-xige laga

Page 37: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

35

badalo kharashaad, isbedelkaas waa in lagu ogolaadaa sifo sharciga waafaqsan iyo sharci lambar 317 ee 17 December, 1962 qodobkiisa 6aad xarafkiisa (A) ayaa sheegaya in Wasiirkii u baahda in madax xige lacagtiisa uu isticmaalo madax xige kale waxaa uu codsi qoraal ah u soo dirayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda si uu qaab sharciga waafaqsan ugu ogolaado, ka dib isbedeladaas la dhaqan galiyo.

12.3.2. Khaladaadka

Intii lagu guda jiray baarista ayaan ogaanay in lacago ku jiray madaxyada miisaaniyada CXD (codes) oo loogu talaglay ujeedooyin kale ayaa lagu bixiyay gunno la siiyay ciidanka iyo lacago lagu bixiyay socdaal. Cadadka guud ee lacagahaas ayaa dhan US $ 2,783,561. Habraaca kor ku qeexan ee kala wareejinta lacagaha madaxyada miisaaniyadda ayaan la samayn maadaama aysan jirin wax caddeyn ah in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda uu ogolaaday arrinkaas. Lacagaha la siiyay CXD iyo lacagaha kale ee socdaalka ayaa la isticmaalay iyada oo aysan jirin kala wareejin rasmi ah. Bixinta lacagahaas ayaanan lahayn caddeymo ku filan, sidoo kalana taaa ayaa ahayd mid lidi ku ah habraaca iyo sharciga.

Lacagaha madax-xigaha ee sida qaldan loo isticmaalay

Tirsi Madaxa lacagta leh Waxaa loo isticmaalay Bilaha Wadarta guud

US $ Faahfaahin

1 2213, 2214, 2215, 2251, 2253

Gunno la siiyay ciidanka

Jan-Nov 2, 620,551 Ma laha caddeyn ku filan

2 2213, 2214, 2215, 2251, 2253

Socdaal Jan-Nov 163,010 Ma laha caddeyn ku filan

Wadarta 2,783,561

12.3.3. Khataraha Kala wareejinada lacagaha gudaha ee aanan loo marin habraaca saxan ayaa ah mid xad gudub iyo lid ku ah sharciga, keenina karta khasaaraha lacagaha dadweynaha. Madax-xigayaasha kharashaadka qaar ayaa qaab khaladan loo isticmaalay marka loo eego in lagu bixiyo wixii loogu tala galay. Tani waxay saameyneysaa hannaanka miisaaniyadda ee mustaqbalka maadaama kharashaadkaas aan loo isticmaalin wixi dhabta ee loo qorsheeyay. Lacagaha aan lahayn caddeymaha ku filan ayaa keeni kara khasaaraha lacagaha dadweynaha.

12.3.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan kala wareejinada lacagaha gudaha ee aanan loo marin habraaca saxan la joojiyaa. Waa in la SFMIS dhexdiisa laga sameeyaa habraac miisaniyad xooggan si looga hortaga kala wareejinada gudaha ee aan la ansixin.

Page 38: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

36

12.4. Joogtaynta baarista gudaha

12.4.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waxaa la sameeyaa baaritaano gudaha ah oo isxig xiga iyo in la soo saaro warbixino. Waxaa jira dabagalo joogto ah si loo xaqiijiyo in talooyinka la meel mariyay.

12.4.2. Khaladaadka

Intii lagu guda jiray baaristii sannadlaha 2018 ayaan ogaanay in CXD uusan lahayn baare gudaha (internal audit) sidoo kalana howlihii baarista gudaha aan laga samaynin. Ma jiro sharci qeexaya aasaasida rasmiga ah ee baaraha gudaha hay‟adaha Dowladda Federaalka, in kastoo ay jirto soo jeedin la xiriirta abuurida howlaha baarista gudaha in lagu daro hindisa sharciyeedka PFM-ka.

12.4.3. Khataraha

Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha (internal audit) ee CXD, waxaa jira khatar ah u hoggaansanaan la‟aanta shuruucda, xeerarka, hababka iyo siyaasadaha ay qaataan wakhti dheer in la ogaado iyo in talaabooyin waxtar leh looga qaado si waqtiyaysan. Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha ee CXD, ma jiro isku halayn in hubinta gudaha (internal control) ee maaraynta maaliyadda iyo isla xisaabtanka ay yihiin kuwa xooggan oo waxtar leh si loo xaqiijiyo in khasaaraha maaliyadeed la yareeyo ama la baabi‟iyo. Sidaa darteed, khasaaraha maaliyadeed ee ka imaanaya khaladaadka ama qiyaanada loo qasday ayaa qaadan kara waqti dheer in la ogaado lagana qaado talaabooyin deg deg ah.

12.4.4. Talo soo jeedin

Waa in Golayaasha Fulinta iyo Sharci Dajinta ay qaadaan talaabooyin deg deg ah si loo xaqiijiyo hindise sharciyeedka PFM-ka in laga dhigo sharci dhammaystiran (Law) oo ku haboon dejinta ama abuurida howlaha baaraha gudaha oo waxtar u leh guud ahaan Hay‟adaha Dowladda iyo gaar ahaan CXD. Inta laga helaayo sharci PFM oo dhammaystiran waa in la qaadaa talaabooyin lagu xaqiijinayo in laga sameeyo CXD baarista gudaha si waqtiyaysan. Baarista noocaan ah waa in ay diirada saartaa xoojinta hubinta gudaha (internal control), iyo xaqiijinta u hoggaansanaanta shuruucda, xeerarka iyo siyaasadaha CXD.

12.5. Hannaanka hubinta adeega kharashaadka

12.5.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Waxaa jira hubin adag e adeega kharashaadka si looga hortago xisaabaadka taagan oo aan la bixin. Dhammaan hubinta adeega kharashaadka waa in ay ku salaysnaadaan lacagaha la heli karo, laguna dhex sameeyaa systemka maaliyadda Dowladda SFMIS dhexdiisa.

Page 39: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

37

Haddii hubinta adeega kharash bixinta uu yahay mid liita ama aysan jirin, waxaa badanaya daynta ama kharashaadka aan la bixin. Haddii ay jiraan kharashaad aan la bixin, waa in lagu soo uruuriyaa si waqtiyaysan (seddex biloodle), la dabagalo sidoo kalana laga warbixiyo.

12.5.2. Khaladaadka

DFS waxa ay isticmaashaa nidaamka teknoolajiyada ku salaysan ee Maamulka Maaraynta Maaliyadda ee Soomaaliya (SFMIS). Qaar ka mid ah adeega kharashaadka ee CXD waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo howlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control). CXD ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aanan la bixin sannadkii dhammaday. Ma jirin wax caddeymo ah in CXD ay samayeen dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.

12.5.3. Khataraha

Waxaa jira khatar ah in CXD gashay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan lagu muujin xisaab xirka. Xisaab xirka CXD ayaa laga yaabaa in aysan muujin natiijo sax ah marka la diyaariyo.

12.5.4. Talo soo jeedin

Waa in adeega kharashaadka aan laga samayn nidaamka SFMIS banaankiisa. Waa in SFMIS dhexdiisa laga abuuraa nidaam adag oo sahlaya isticmaalka adeega kharashaadka. Waa in la xaqiijiyaa in SFMIS bixinta lacagaha la sameeyaa marka lacag loo hayo, iyo in aan la samayn lacag bixin aanan loo hayn lacag. Waa in la sameeyaa hubin wixii lacag ee lagu leeyahay si waqtiyaysan (seddex biloodle), lagana warhayaa si aysan u badan, loona helaa qorshe lagu nadiifinayo ama lagu bixinaayo lacagahaas inta uusan sannadka dhammaan.

Page 40: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

38

CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED - CBS

Page 41: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

39

13. CBS - WARBIXINTA MAALIYADEED

13.1. Sannadka 2018 ma jirin xisaabaadka sannadka oo la soo gudbiyay si loo baaro

13.1.1. Sharciga Sharciga lambar 2 ee soo baxay 29 December 1961 ee „„Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda‟‟ Xisaabaadka sannadka ee Dalka ayaa lagu qeexay qodobka 25 ee sharciga. Qodobka 26 ayaa sheegaya in xisaabaadka Dalka la soo gudbiyo 30 April ee sannadka xiga oo ay xisaabaadka sannadka la xiriirto si loo baaro. Qodobka 30 ee sharciga oo wax laga bedelay sannakii 1971 ayaa sheegaya in Xafiiska Xisaabiyaha Guud uu maamulo xisaabaadka Dowladda. Qodobka 37 ee sharciga ayaa dhigaya in sarkaal ama wakiil kasta ee maamula maaliyadda ama xisaabaadka Dowladda uu diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud sida lagu sheegay qodobka 39. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sida ku xusan qodobka 40 xisaabaadka u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud iyagoo wata ama aanan wadan faalo si uu u baaro. Arrinkan waxaa sii xoojiyay qodobka 7 (a) iyo (b) ee „„Xeerka Xisaabaadka Dowladda ee 317‟‟ oo wax laga bedelay sannadkii 1971. Qodobka 41 (1) ee sharciga ayaa faraya Xisaabiyaha Guud, marka aan xisaabaadka la soo diyaarin lana soo gudbin in uu Xisaabiyaha Guud diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud si uu u baaro.

13.1.2. Khaladaadka

Xisaabaadka sannadka ee ugu yar oo ku salaysan cash-basis of accounting, waxay ka kooban tahay kuwa hoos ku xusan:-

i. Muuqaalka Dakhliga iyo Kharashka (Statement of Receipts and Payments);

ii. Muuqaalka is barbardhiga Ku Talagalka Miisaaniyadda iyo Kharashka dhabta ee Baxay (Statement of Comparison of Budget and Actual Amounts);

iii. Iswaafajinta furitaanka, xiritaanka bangiga iyo haraadiga lacagta cadaanka ah (Reconciliation of opening and closing bank and cash balances);

iv. Muuqaalka Qulqulka lacagaha (Statement of Cash Flows);

v. Siyaasado xisaabeed oo dhammaystiran, sharaxaad faahfaasan iyo lifaaqyo. (Comprehensive accounting policies, detailed explanatory and disclosure notes).

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.

13.1.3. Khataraha

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ma raacin sharciga. Maqnaashaha xisaabaadka Hay‟adda ee aan si waqtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si waqtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Wasaaradda.

Page 42: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

40

Intaa waxaa dheer in Hay‟addu ay ku guul daraysato mas‟uuliyadeeda ah la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si waqtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.

13.1.4. Recommendations

Waa in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu diyaariyaa xisaabaadka sannadka 2018 oo dhammaystiran, si dhammaystiran loo hubiyay iyo in la soo gudbiyo si loo baaro. Haddii kale, Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa in uu diyaariyaa xisaabaadka Wasaaradda iyo in uu soo gudbiyo si loo baaro sida uu qabo qodobka 41 ee sharciga.

Page 43: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

41

14. CBS - DHINACA SHARCIGA IYO XEERKA

14.1. Shuruucda iyo Xeerarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 14.1.1. Dastuurka ku meelgaarka Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waxaa jira sharci ama xeer khaas ah kaas oo si rasmi ah loogu dhisay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CBS) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sharciga iyo xeerarka ayaa sheegaya waajibaadka, mas‟uuliyadaha ciidanka iyo qaab-dhismeedka taliska ee ciidanka IWM. Waxaa jira siyaasado qoran iyo xeerer loogu talagalay in lagu maamulo CBS, qeexayana maamulka ciidanka, mushaaraadka, gunnooyinka, xaq lahaanshaha iyo akhlaaqdooda.

14.1.2. Dastuurka ku meelgaarka

Qodobka 126 (1) ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “Dowladda Federaalka ay xaqiijiso nabada, madax-bannaanida, amniga Qaranka ee J.F.S iyo badqabka muwaadiniinteeda iyadoo loo marayo hay’adaha amniga ee Dalka” sida:

e) Ciidanka Xoogga Dalka; f) Hay‟adda Sirdoonka; g) Ciidanka Booliska Soomaaliyeed; iyo

h) Ciidanka Asluubta.

Qodobka 126 (2) ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “daabulida/hawlgalinta ciidanka amniga lagu go’aamin doono sharci”. Qodobka 130 ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “labada aqal ee Baarlamaanka ay ka shaqeeyaan sharci lagu maamulo qaab-dhismeedka, shaqada iyo heerarka hay’adaha amniga ee J.F.S”. Jadwalka koowaad (D) ayaa loo aqoonsaday shuruucda mudnaanta leh in la dhaqan galiyo kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka: -

Ø 15) Sharci marka loo eego qodobka 30 oo khuseeya ciidanka amniga; Ø (17) Sharci marka loo eego qodobka 30, nidaaminta qaab-dhismeedka iyo

shaqada Booliska Federaalka; Ø (18) Sharci marka loo eego qodobka 30, nidaaminta wada shaqaynta ka dhexaysa

Booliska Federaalka iyo Booliska Dowlad Goboleedyada;

14.1.3. Khaladka CBS waxa ay ku shaqeeyaan sharci duqoobay oo ka horeeyay Dastuurka ku meel gaarka ah. Sharcigan waxaa la dhaqan galiyay xiligii Dowladda Soomaliya ay lahayd Dowlad Dhexe; haddana waa Dowlad Federaal ah. Ma jiro sharci iyo xeer si rasmi ah u qeexaya qaabdhismeedka iyo shaqada Ciidanka Booliska Federaalka ah. Ma jiraan wax caddeynaya waajibaadka iyo xiriirka rasmiga ah ee u dhaxeeya adeegga Booliska Federaalka, Booliska ee Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir (MGB).

Page 44: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

42

14.1.4. Khataraha

Shaqaalaysiinta, daabulida/hawlgalinta iyo maamulka CBS ayaa lagu dhaqaa sharci iyo xeerar duqoobay. Sharciga iyo xeerarka duqoobay waa kuwa aan la jaan qaadi karin maamulka iyo daabulida/hawlgalinta CBS wakhtigan oo Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah. Ma jiraan wax caddeynaya waajibaadka iyo xiriirka rasmiga ah ee u dhexeeya adeegga Booliska Federaalka iyo adeegyada Booliska ee Dowladaha xubinaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir (MGB).

14.1.5. Talo soo jeedin

Baarlamaanku waa in uu qaadaa talaabooyin dhaqan galinayo samaynta sharci iyo xeer qaabeysan uu yeesho Ciidanka Booliska iyadoo la tixraacayo Qodobka 130 ee Dastuurka ku meel gaarka. Baarlamaanku waa in uu qaadaa talaabooyin dhaqan galinayo shuruuc iyo xeerar qeexayo xiriirka ka dhaxeeya adeegyada Booliska Federaalka, adeegyada Booliska ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyadoo la tixraacayo Qodobka 130 ee Dastuurka ku meel gaarka.

Page 45: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

43

15. CBS – MAAREYNTA CIIDANKA

15.1. Qaab-dhismeedka Ciidanka iyo Qalabka

15.1.1. Hanaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Qaab-dhismeedka Ciidanka iyo Qalabka (QCQ) waa mid muhiim u ah Booliska, gaar ahaan dhanka maaraynta, xakamayta shaqaalaysiinta, daabulida/hawlgalinta, dalacsiinta iyo shaqo ka saarida ciidanka. Ciidnaka Boolisa, tani waxa ay xaqiijineysaa in ay jiraan ciidan haboon, la awoodi karo xaqsiintooda, leyskuna haleyn karo inuu jiro. Waxay sidoo kale xaqiijinayasa iibka qalabka milatari iyo kuwa aan ahayn milatariga ee ciidanka loo soo iibiyo qaab laga dheehan karo siyaasada amniga Qaranka ama istaraatiijiyada. QCQ-ga wuxuu muujiyaa asaasidda ciidanka loo baahan yahay iyo qalabkooda laga bilaabo halka ugu hooseysa illaa meesha ugu saraysa. Waa midka fududeeya dejinta miisaaniyadda ciidanka iyo qalabayntoodaba in lagu saleeyo istaraatiijiyadda ciidanka Dalka.

15.1.2. khaladka

Ma jirin QCQ uu leeyhay CBS si uu u hago shaqaalaysiinta, daabulida iyo maamulka Ciidanka Booliska.

15.1.3. khataraha

Maqnaashaha QCQ la ansixiyay, wuxuu dhaliyay in shaqaalaysiinta, daabulka iyo shaqo ka saarida ciidanka loo maamuli kari waayo qaab qorsheysan, si loo gaaro ama loo helo ciidan haboon, la awoodi karo xaqsiintooda, leyskuna haleyn karo. Maqnaashaha QCQ la ansixiyay wuxuu sare u qaadayaa khatarta ciidan aan jirin in lagu daro xogta keydka ciidanka, taasoo dhalin karta sare u kaca lambarka ciidanka iyo kharashkooda.

15.1.4. Talo soo jeedin

Waa in la qaadaa talaabooyin lagu hirgalinayo QCQ haboon kaas oo mudnaan siinaya khatarta amniga, siyaasadda amniga iyo istaraatiijiyada Soomaaliya. Waa in QCQ ay dib u eegis ku sameeyaan saraakiisha ugu sareysa CBS, uuna ansixiyaa hoggaanka Dalka - Madaxweynaha J.F.S. Sida miisaaniyadda Qaranka, waa in QCQ lagu sameeyaa dib u eegis joogto ah iyo cusboonaysiin si looga hortago khatar walba oo ku wajahan amniga Qaranka.

15.2. Keydka xogta Ciidanka ee CBS

15.2.1. Hanaannaaka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Waxaa jiraa nidaam loogu talagalayt keydinta macluumaadka shaqsiyadeed ee dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Page 46: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

44

Waxaa lagu keydiyaa dhammaan macluumaadka aqoonsi ee muhiimka ah sida magaca, taariikhda dhalashada, heerka waxbarashada, goobta shaqada, darajada, kala saraynta mushaaraadka iyo gunnada, xaq lahaanshaha, jinsiga, nuuca dhiiga, taariikhda hawlgalka iyo lambarka aqoonsiga, waalidka, qofka ugu dhow IWM. Keydka xogta shaqsiyadeed ee kumbuyuutarka lagu keydiyo (computerized) waxay sare u qaadeysaa kalsoonida xogta shaqsiyadeed iyo in si fudud loogu xiro hannaanka mushaar bixinta. Waxay sidoo kale sahlaysaa isticmaalka hannaanka faraha iyo indhaha (Biometric) iyadoo sare u qaadaysa hubinta iyo xakamaynta mushaar bixinta. Tallaabooyinkani waxay fududayneysaa in ay isku xirmaan mushaar bixinta iyo keydka xogta CBS si ay kuwa la siiyo mushaharka bil kasta iyo gunnooyinka ay u noqdaan Ciidan Boolis ee shaqeeya (active personnel).

15.2.2. Khaladaadka

Ma jiro keyd kumbuyuutar (database) oo lagu keydiyo macluumadka CBS. Kaliya liisas ku qoran magacyada CBS ayaa la keydiyay kuwaas oo u nugul khaladaadka iyo bedbedelka. CBS waxa ay leeyihiin lambar aqoonsi inkastoo aan la kala saari karin ciidanka shaqeeya iyo kuwa aan shaqayn. Tirada rasmiga ah ee ciidanka lama sheegi karo. Nidaamka hubinta weli lama bilaabin, mana jiro macluumaad ay qaaday Wasaaradda Amniga Gudaha.

15.2.3. khataraha

Maqnaashaha keydka kumbuyuutar (database) waxay dhalinaysaa in ciidan aan jirin lagu daro mushaarka taas oo sare u qaadaysa khaladaadka iyo in qiyaano loo qasday lagu sameeyo diyaarinta mushaarka. Tirada saxda ah ee CBS hadda si madax-bannaan loogama xaqiijin karo mushaar bixinta.

15.2.4. Talo soo jeedin

Waa in CBS uu abuuraa keyd-xog oo kumbuyuutar ah (computerised database). Waa in keydka xogta (database) lagu keydiyaa macluumaadka shaqsiyadeed sida magaca, taariikhda dhalashada, heerka waxbarashada, goobta shaqada, darajada, kala saraynta mushaaraadka iyo gunnada, xaq lahaanshaha, jinsiga, nuuca dhiiga, taariikhda hawlgalka iyo lambarka aqoonsiga, magaca waalidka, qofka ugu dhow IWM. In la isticmaalo nidaamka faraha iyo indhaha (Biometric) marka la abuurayo keydka xogta (database). Sidaa darteed waa in ciidanka lagu sameeyaa tirakoob dhammaystiran si xogta dib u habayn loogu sameeyo.

15.3. Hubinta Muuqaal ahaaneed ee Ciidanka

15.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay Hubin wakhtiyeesan ee ciidanka ayaa la sameeyaa, lagu diiwaan geliyaa, laguna xareeyaa xogta keydka ciidanka ee kumbuyuutar (database).

Page 47: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

45

Isbedel kasta oo u dhexeeya xogta keydka iyo hubinta muuqaal ahaaneed ayaa la baaraa oo si dhakhso ah loo xaliyaa. Macluumaadka cusub ee la cusbooneysiiyay iyo dib-u habeynta la adeegsadey waxaa lagu saleeyaa diyaarinta mushaaraadka.

15.3.2. Khaladaadka

In kastoo wakhti hore ay jirtay hubin muuqaal ahaaneed ee CBS, natiijooyinka tirinta lama galin keydka ciidanka ee kumbuyuutar ah. Xogta keydka Ciidanka Booliska ma hoos yimaadan Wasaaradda Amniga Gudaha sidoo kalana kuma samayso kormeer iyo dabagal.

15.3.3. Khataraha Haddii aysan jirin xogta keydka kumbuyuutarka ama hubinta/diiwaan gelinta ciidanka oo wakhtiyaysan, markaa ka dib waxaa adkaanaysa hubinta gudaha si loo xaqiijiyo in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee haboon la siiyay xaqooda. Waxaa jira khatar ah in ciidan aan jirin la siiyay mushaar iyo gunno.

15.3.4. Talo soo jeedin Waa in la sameeyaa xogta keydka oo kumbuyuutareysan, iyo in lagu cusboonaysiiyo hubinta muuqaal ahaaneed ee wakhtiyeysan si looga saaro ciidanka aan jirin. Mushaar bixinta waa in si toos loogu xiraa xogta keydka si loo hubiyo in kaliya CBS ee ku jira xogta keydka la siiyay mushaaraadka iyo gunnooyinka.

Page 48: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

46

16. CBS – DIYAARINTA MUSHAARKA IYO MAAMULKA

16.1. Kala baxsanaanta Mas’uuliyadaha hannaanka Mushaarka

16.1.1. Hanaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Waxaa jira kala baxsanaan mas‟uuliyadaha diyaarinta mushaarka, la socodka, hubinta, ansixinta iyo ogolaanshaha u danbeeya ee mushaarka. Mas‟uuliyadahan waxaa qabta saraakiil madax-bannaan ee mas‟uulka ka ah. Hannaanka mushaar bixinta waa mid kumbuyuutar ku saleysan, tilaabo kasta waa in la diiwaan galiyaa si ay ugu fududaato baaris hantidhawr, iyo in dib u eegis loogu sameeyo. Dhammaan isbedelada mushaar bixinta waxaa si wakhtiyaysan u ansixiya sarkaal sare ee mas‟uulka ka ah. Waxaa jira dukumintiyo la ansixiyay oo loogu tala galay maamulka mushaarka oo leh tilmaamo. Mushaaraadka waa in ay ku saleysnaadaan heerarka askarta oo la ansixiyey gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Tani waa in lagu qoraa sharuucda iyo xeerarka CBS.

16.1.2. Khaladaadka DFS wax ay u isticmaashaa SFMIS si ay u diyaariso mushaarka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira habraacyo jaangooyooyin lagu hagaajin karo oo ka baxsan SFMIS oo loogu talagalay CBS. Sidaa darteed nidaamka bixinta mushaarka ma ahan mid si buuxa u shaqeynaya maaddaama ay jiraan wali habraacyo gacan qoraal ku saleysan oo laga sameeyo meel ka baxsan SFMIS-ka. Diyaarinta mushaaraadka bilaha si toos ah uguma xirna xogta keydka askarta maadaama aysan hadda jirin. Mushaarka diyaarinti bishii hore ayaa la soo bixiyaa, oo la cusbooneysiiyaa iyadoo la adeegsanayo warqado. Ma jirin wax caddeyn ah in waraaqaha mushaarka dib u eegis lagu sameeyay iyo haddii la hubiyay saxnaanshaha ka hor inta uusan ansixin sarkaalka mas‟uulka ka ah si lacagtaas loo bixiyo. Ma jiro dukuminti qoran oo loogu talagalay habraaca iyo maamulka mushaarka oo la ansixiyay kaas oo leh habraaca diyaarinta mushaarka, xaqiijinta in mushaarka la siiyo kaliya ciidanka shaqeeya (active personnel), xaqiijinta saxnaanshaha mushaarka, iyo kala qaybinta mas‟uuliyadaha heerarka kala duwan illaa heerka ay saamayn ku yeeshaan mushaar bixinta.

16.1.3. Khataraha Khaladaadka iyo kala duwanaashaha warqadaha mushaar bixinta ayaa qaadan kara wakhti dheer in la ogaado sidoo kalana DFS u keenaysa khasaare maaliyadeed. Maqnaanshaha macluumaad maamul mushaar bixin oo la ansixiyay, kuna saleysan hubinta gudaha ee ku aadan diyaarinta mushaaraadka, ansixinta warqadaha mushaarka ayaa laga yaabaa in la dhinac maro waxna laga bedelo. Waxaa muhiim in bilowga mushaaraadka, diyaaritiisa, hubitiisa, oggolaanshaha iyo ansixinta ugu danbeyso ee warqadaha mushaar bixinta waxaa sameeya saraakiil madax-bannaan ee ka masúulka ah. Haddii aysan jirin kala saarid ku filan,

Page 49: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

47

hubinada mushaarka ayaa si fudud loo yareyn karaa taas oo keenta khasaaro maaliyadeed.

16.1.4. Talo soo jeedin Waa in dhammaan warqadaha iyo dukumintiyada mushaarka dib loo eegaa, la hubiyaa saxnaanshahooda ka dibna la ansixiyaa si loo bixiyo. Waa in la hirgaliyaa macluumaad maamul mushaar bixin oo la ansixiyay si loo hago diyaarinta mushaarka, loona xaqiijiyo in ay jiraan hubinta gudaha oo ka hortagta khalad iyo qiyaano loo qasday.

16.2. Qaabka mushaar bixinta

16.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waxaa jira habraac mushaar bixin oo ku saleysan nidaam kumbuyuutar oo tayadiisu sareyso lehna aqoonsi wanaagsan marka laga hadlayo qaabka mushaar bixintra. Nidaamka mushaar bixinta waa mid si buuxda ugu saleysan isticmaalka kumbuyuutarka, kuna xiran xogta keydka ciidanka si loo xaqiijiyo in ciidanka shaqeeya kaliya mushaar iyo gunnooyin la siiyo. Warqadaha mushaar bixinta waa in uu si sax ah qaab kumbuyuutar ama gacan ah (manually) ugu ansixiyaa sarkaalka mas‟uulka ka ah, loona keydiyaa tixraac ahaan haddii loo baahdo. Dhammaan isbeddelka mushaarka waa in uu ansixiyaa sarkaal mas'uul ka ah oo leh oggolaansho qoraal ah.

16.2.2. Khaladaadka

DFS waxey mushaar diyaarinta u isticmaashaa SFMIS. Hase ahaatee CBS wuxuu wali mushaarka ku diyaariyaa hab gacan qoraal ah (manual) kaas oo ka baxsan istixcmaalka SFMIS. Haddaba. hannaanka mushaaraadka ayaan si dhammeystiran u aheyn mid kumbuyuutareysan maadaama weli ay jiraan habraacyo gacan qoraal ah oo laga fuliyo meel ka baxsan SFMIS. Diyaarinta mushaarka si toos ah uguma xirno xogta keydka ciidanka maadaama uusan hadda jirin. Mushaar diyaarinta bishii la soo dhaafay ayaa la cusboonaysiiyaa oo loo isticmaalaa bisha xigta, iyadoo warqado ku salaysan.

16.2.3. Khataraha

Khaladaad, ka tagid xog iyo qiyaano loo qasday ayey u badan tahay in ay dhacdo marka mushaar diyaarinta aan loo marin nidaamka isticmaalka kumbuyuutarka. Maqnaanshaha baaris joogto ah oo lagu sameeyo mushaarka wuxuu dhalin karaa khaladaad dhinaca mushaarka oo qaadan kara wakhti dheer in la qabto lana saxo.

Page 50: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

48

16.2.4. Talo soo jeedin

Diyaarinta mushaar bixinta waa in si buuxda loogu saleeyaa isticmaalka kumbuyuutar ku xiran xogta keydka ciidanka.

16.3. Qaabka loo bixiyo mushaarka CBS

16.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Dhammaan mushaarka iyo gunnooyinka waa mid si toos ah loogu shubo koontooyinka ciidanka. Bixinta mushaarka iyo gunnooyinka ee ku saleysan cadaan (Cash) waa mid lagu bixiyo marxalado qaas ah, iyadoo la raacayo habraac qeexan oo la ansixiyay.

16.3.2. Khaladaadka

Lacagaha cadaanka ah, kuma diyaarsana nidaamyo faah-faahsan oo la ansixiyey lana hubiyo. Mushaarka lagu bixiyo gacanta, ma lahan qaabab madax-bannaan oo xaqiijiyo si loo ogaado in ay gaartay ciidanka saxda ahaa ee loogu tala galay.

16.3.3. Khataraha

Mushaarka lagu bixiyo gacanta ayaa leh khataro aad u sareeyo oo ay ka mid yihiin qaladaad, qiyaano loo qasday, xatooyo iyo ku takrifal. Sidoo kale, mushaaraadka iyo gunooyinka ayaa dhici karta in la siiyo kuwa aan xaqa u laheyn, ama loo isticmaalo ama loo weeciyo dano shaqsiyadeed.

16.3.4. Talo soo jeedin

Dhammaan mushaarka waa in si toos ah loogu shubaa ciidanka koontooyinkooda gaarka ah. Xaaladaha gaarka ah ee keeni kara in mushaar gacanta lagu bixiyo, waa in la sameeyaa habraac la ansixiyay oo la raaco. Dhammaan lacagaha gacanta lagu bixiyo waa in loo sameeyo qaab si madax- bannaan loogu xaqiijinayo si loo ogaado in shaqsiyaadka xaqa u lahaa kaliya lacagtooda la siiyo.

Page 51: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

49

17. CBS - MAAMULKA RAASHINKA, SHIDAALKA IYO WAXYAABAHA KALE

17.1. Maamulka Raashinka ee CBS 17.2.

17.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Maamulka raashinka ee hay‟adaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliska ayaa muhiim u ah nabadda iyo xasiloonida. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa u baahan raashin aamin ah, ku filan si ciidanku ay ahmiyadda u saaraan amniga Qaranka iyo badqabka muwaadiniinta. Waxaa jira shuruudo ka mid ah sharci ama xeer ee xaq lahaanshaha raashinka kaas oo saldhig u ah ujeedada miisaaniyadda, maamulka iyo hubinta raashinka. Xuquuqda raashinka ayaa waxaa lagu sheegaa sharci, xeerar ama tilmaamo ka yimaada awoodo sare. Waxaa jira siyaasdo iyo habraacyo maamulka tayada raashinka oo la ansixiyo si loo xaqiijiyo in tirada iyo tayada loogu qaybiyo ciidanka si wakhtiyaysan.

17.2.2. Khaladaadka – Lacag goysmo bille ah - US $ 6 Inta lagu guda jiray baarista, waxaannu ogaanay in askarta laga jararyay bil waliba $6 oo lagu saacidayay agoonta ciidanka iyo askarta cusub ee soo dhameysata tobabarka ee CBS. Goosmadaan kor ku xusan waxaa lagu sameeyaa meel ka baxsan SFMIS oo ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda. Ma aynaan arag sharci ama xeerar oggolaanaya goysmadaan. Waxaa intaas dheer, waxaa jiray dukumintiyo aan ku filneyn oo la xiriira goysmadaan, kaas oo loogu ogolaanayo agoonta iyo askarta cusub ee soo dhammaysatay tobabarka CBS.

17.2.3. Khaladaadka – Ka jaris gunnada bil waliba - $ 53,613 Intii aan ku guda jirnay baarista waxaan ogaanay in lacag dheeraad ah bil waliba laga jaro lacagtaas oo dhan $53,613 oo ku saleysan darajooyinka CBS si loogu saacido askarta cusub ee soo dhammaysatay tobabarka CBS. Goysmadaas waxa kaliya oo ay ka jarmeysaa laga soo bilaabo darajada xidigle ilaa janaraal. Goosmadaan kor ku xusan waxaa lagu sameeyaa meel ka baxsan SFMIS oo ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda. Ma aynaan arag sharci ama xeerar oggolaanaya goysmadaan. Waxaa intaas dheer, in uu jiray dukuminti aan ku filneyn kaas oo lagu ogolaanayo goysmada lacagta ee la xiriirta askarta cusub soo dhameysatay tobabarka.

17.2.4. Khataraha Goysmada lacagaha laga jaro bilkasta CBS waxa ay noqon kartaa ku xad gudub iyo sharci darro. Gosymada lacagaha laguma xisaabiyo agoonta iyo askarta cusub soo dhammaysatay tababarka ee CBS kaas oo laga yaabo in aysan helin.

Page 52: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

50

17.2.5. Talo soo jeedin

Waa in Wasaaradda Maaliyadda ay joojiso goysmada lacagaha haddii aysan jirin sharci iyo xeer u oggolaanaya. Waa in CBS ay qorsheeyaan ayna hubiyaan in ay jirto miisaaniyad ku filan oo loogu talagalay bixinta in la siiyo agoonta iyo askarta cusub CBS oo soo dhameysatay tobabarka. Dhammaan lacagaha la siiyo agoonta iyo askarta cusub CBS oo soo dhammaysatay tobabarka in caddeymo loo helaa ogolaansho iyo caddeymo dhammaystiran.

17.3. Maamulka shidaalka

17.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Maamulka shidaalka ayaa ah meel ay ka jiraan xadgudubyo gaar ahaan hay‟adaha amniga. Shidaalka ayaa mararka qaar loo weeciyaa laguna iibiyaa suuqyada si looga helo dano shaqsi. Waxaa jira hubino ku filan maamulka, keydinta iyo qaybinta shidaalka. Waxaa jira habraacyo la ansixiyay oo ku aadan keydka iyo bixinta shidaalka uuna meel mariyo sarkaalka mas‟uulka ka ah. Hubinta muuqaal ahaaneed ee keenida shidaalka ayaa si waqtiyaysan loo sameeyaa, iyo baaris lagu sameeyo isbedel kasta si talaabo deg deg ah looga qaado.

17.3.2. Khaladaadka Ma jiro wax dukuminti qoran oo ah siyaasad iyo habraac la ansixiyay ee maamulka, qaybinta shidaalka hawlgalada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Hubinada gudaha ee qaybinta shidaalka ayaa ah mid liidata.

17.3.3. Khataraha

Waxaa jirta khatar ah in keydka iyo qaybinta shidaalka aan si haboon loo maamulin. Khasaaraha shidaalka iyo in loo weeciyo loona isticmaalo dano shaqsiyadeed ayaa qaadan karta in wakhti dheer lagu ogaado si talaabo deg deg ah looga qaado. Miisaaniyadda shidaalka ayaa ah mid aan xakamaysnayn.

17.3.4. Talo soo jeedin

Waa in la hirgaliyaa lana meelmariyaa macluumaadka habraaca iyo siyaasadda ee maamulka shidaalka ayna ansixisaa Wasaaradda Aminga Gudaha. Waa in shidaalka lagu sameeyo xaqiijin, isbedel kastana la baaraa si talaabo deg deg ah looga qaado.

Page 53: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

51

17.4. Maamulka qalabka aan ahayn kuwa milatariga

17.4.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Qalabka aan aheyn kuwa milatariga waxaa ka mid ah kabaha buudka ah, dharka iyo daawada. Kuwaan ayaa badanaa loo weecin karaa in lagu iibiyo suuqyada si dano shaqsiyadeed looga helo iyo in lagu sameeyo hawlo amniga lid ku ah. Waxaa jira hubino iyo habraacyo ku filan maamulka, keydinta iyo qeybinta alaabta aan ahayn kuwa milatariga. Habraacyada noocan oo kale ah waxaa ka mid ah joogteynta diiwaano ku filan baqaarka oo si joogto ah loo cusbooneysiiyo. Waxaa jira xaqiijin muuqaal ahaaneed oo is xig-xiga kaas oo lagu hubiyo diiwaanada alaabta baqaarka ku jira.

17.4.2. Khaladaadka Ma jiraan wax dukuminti qoran oo ah siyaasad iyo habraac la ansixiyay ee maamulka iyo qeybinta qalabka aan ahayn kuwa milatariga ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ma jiraan diiwaanada baqaarka oo la cusbooneysiiyay lana joogteeyay. Ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in ay jireen xaqiijino wakhtiyeysan ee alaabada oo lagu hubiyay diiwaanka.

17.4.3. Khataraha Waxaa jirta khatar ah in keydka iyo qeybinta alaabada aan ahayn kuwa milatariga aan si hagaagsan loo maamulin. Khasaaraha iyo weecinta alaabada ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado si talaabo deg deg ah looga qaado. Alaabada qaar ayaa loo weecin karaa dano shaqsiyadeed iyo in halis lagu geliyo amniga Qaranka.

17.4.4. Talo soo jeedin Waa in la hirgaliyaa lana meelmariyaa macluumaadka habraaca iyo siyaasadda ee maamulka alaabada aan aheyn kuwa milatariga ayna ansixisaa Wasaaradda Amniga Gudaha. Waa in la sameeyaa nidaam wax tar u leh habka diiwaanka alaabada iyo xisaabaadka ee dhammaan dhaq-dhaqaaqyada alaabada aan aheyn kuwa milatariga. In lagu sameeyo xaqiijin alaabada aan ahayn kuwa milatariga , la cusboonaysiiyo diiwaanka iyo in baaris lagu sameeyo isbedel kasta si talaabo deg deg ah looga qaado.

Page 54: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

52

18. CBS - MAAMULKA GAADIIDKA

18.1. Qaabka ugu haboon ee loo maamulo gaadiidka 18.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Dhammaan gaadiidka Ciidanka waa in ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka. Waxaa jira siyaasad lagu maamulo gaadiidka ciidanka. Dhammaan gaadiidka Booliska waa in lagu diiwaan galiyo diiwaanka hantida Wasaaradda Amniga Gudaha ama midka dhexe (certilized) ee Wasaaradda Maaliyadda.

18.1.2. Khaladaadka

Intii aan baarista ku guda jirnay ayaan ogaanay baabuur ay isticmaalaan Ciidanka Booliska laakiin aysan nala wadaagin buugaagta lahaanshiyaha gaadiidkaas si loo xaqiijiyo. Gaadiidka badankii waxaa gacanta ku hayay dad kala duwan iyada oo aan loo heynin dukumiintiyo ku filan. Gaadiidka kuma jirin diiwaanka hantida sidoo kalana ma jirin diiwaan dhammaystiran oo ay si gaar ah u keydiyeen. Sababtoo ah ma aynan sameyn hubin dhammeystiran oo la xiriira gawaarida Booliska ee CBS arrimo xasaasi ah oo jira aawgeed.

18.1.3. Khataraha

Hubinta gudaha ee maamulka iyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ciidanka ayaa ah mid liita. Ma ahan in dhaqdhaqaa gaadiidka ciidanka oo dhan lala socdo xaalado jira aawgeed. Gaadiidka loo lunsado si toos ah ama kuwa la dayacay ayaa qaadan karta wakhti dheer in la ogaado khasaarahooda maaliyadeed iyo in dib loo soo celiyo. Gaadiidka ciidanka ayaa loo isticmaali karaa arrimo shaqsiyadeed oo khaas ah.

18.1.4. Talo soo jeedin

Waa in ay jirtaa habraac faah-faahsan oo la hormariyay uuna ansixiyay sarkaalka mas‟uulka ka ah si loogu maamulo gaadiidka booliska goob waliba ay yaalaan. Badanaa waa in uu jiraa diiwaan gaar ah oo dhammaan gawaarida booliska si hagaagsan loo giliyaa nidaamka kumbuyuutarka. Waa in dhammaan gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka oo ku diiwaan gashan magaca, uuna sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah u keydiyo si xafidan. Waa in dhammaan gaadiidka lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida oo faahfaahin dheeraada leh sida nuuca gaadiidka, magaca gaadiidka, lambarka diiwaan galinta, chassis lambar, goobta, qiimaha, sarkaalka mas‟uulka ka ah IWM. Samaynta xaqiijin muuqaal ee dhammaan gaadiidka ciidanka si loo ogaado jiritaanka, xaalada, iyo isticmaalka. Diiwaanka hantida waa in lagu cusboonaysiiyaa natiijada tirakoobka gaadiidka.

Page 55: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

53

19. CBS - MAAMULKA HANTIDA

19.1. Diiwaanka iyo siyaasadaha maamulka hantida 19.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Dhammaan gaadiidka CBS waa in ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka, waana in lagu diiwaan geliyaa magaca CBS ama kan Wasaaradda Amniga Gudaha. Waxaa jira habraacyo iyo siyaasado qaabeysan ee maareynta gaadiidka Booliska. Dhammaan gaadiidka Booliska waa in lagu diiwaan galiyo diiwaanka hantida Wasaaradda Amniga Gudaha ama midka dhexe (centralized) ee Wasaaradda Maaliyadda. Waa in ay jirto dukumiinti hage siyaasadeed ee iibka, iibsiga, hawlgalinta, isticmaalka iyo dhaqan ka baxa hantida Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Waa inay jiraan hagayaal siyaasadeed oo ku saabsan sida hantida loo keydiyo, loo isticmaalo iyo jiritaankooda dambe.

19.1.2. Khaladaadka

Ma jiraan wax dukumeenti siyaasadeed oo la ansixiyey kuna saabsan maareynta hantida ee DFS. Nidaam maareynta hantida ayaa muujin doonta mas'uuliyadda maareynta hantida, waxay u baahan tahay aasaasida diiwaanada hantida, qeexayana sida hantida loo diiwaan galinayo loogana warbixinayo, sida hantida loo ilaalin ama dabagali doono, iyo dhaqan ka baxa hantida. Maadaama sharciga hadda jira uusan si cad u qeexayn arrimahan, ma cadda cida mas‟uuliyadda si buuxda u leh hantida Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kalana CBS ma laha sharci ama xeer.

19.1.3. Khataraha

Hubinta gudaha ee maaraynta hantida ayaa daciif ah maadaama mas'uuliyadaha aan si gaar ah loo qeexin. Lumitaanka hantida CBS ayaa qaadan karta wakhti dheer in la ogaado lana soo celiyo.

Hantida ayaa loo weecin karaa in si gaar ah loo isticmaalka.

19.1.4. Talo soo jeedin Tilmaamaha habraaca guud ee maamulka, hubinta iyo soo gudbinta xogta hantida waa in la dejiyaa oo la fuliyaa. Wasaaradda Amniga Gudaha waa in ay hogaamisaa abuuridda habraaca siyaasadda ee maaraynta dhammaan hantida Booliiska oo ay ku jiraan gaadiidka Booliska.

Page 56: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

54

19.2. Diiwaanka hantida

19.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Hantida CBS waa mid isugu jirta qalabka milatariga iyo kuwa aan milatariga aheyn. Qalabka Booliska oo aan halkaan kuwada koobneyn waxaa ka mid ah: - gaadiidka Booliska; diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca, doomaha dagaalka; hubka iyo rasaasta; qalabka isgaarsiinta IWM. Qalabka aan ahaeyn kuwa milatariga waxaa ka mid ah: - gaadiidka rayidka; qalab xaqiiseedka alaabada kale iyo kumbuyuutarada IWM. Waxaa jira habraacyo siyaasadeed oo ku saabsan iibka; bixinta ama isticmaalka hantidaas; kaydintooda; iyo dhaqan ka baxa. Dhammaan alaabaha booliiska ee la siiyay ciidanka Booliiska waa in la dukumiinti gareeyaa uuna ansixiyaa sarkaalka mas'uulka ka ah. Diiwaanka hantida waa in kumbuyuutar lagu diiwaan geliyaa lana cusbooneysiiyaa mar waliba. Haddii diiwaanka hantida ama kaararka bakhaarada lagu saleeyo oo lagu keydiyo qaab gacan waa in ay ahaadaan kuwa dhammaystiran kuna filan. Hanti kasta waa in loo sameeyaa lambar aqoonsi oo u gaar ah iyo in diiwaanka hantida ay ka muuqato sarkaalka mas‟uulka ka ah iyo meesha lagu ogyahay. Waa in ay jirtaa tirakoob joogto ah, iyadoo natiijooyinka tirakoobka loo isticmaalayo in lagu daro diiwaanka hantida, la hubiyo uuna ansixiyo sarkaal masúulka ka ah.

19.2.2. Khaladaadka

Hadda ma jiro diiwaanka hantida oo ay leeyihiin CBS. Ma jiro wax caddeyn in hantida CBS dhawaan la sameeyay xaqiijin muuqaal ahaaneed, si looga war haayo jiritaanka marxalada, qiimaha iyo goobta. Intii aan ku guda jirnay baarista, nalama wadaagin dukumiintiyada dhulalka ay degan yihiin CBS.

19.2.3. Khataraha

Jiritaanka, goobta, marxalada, iyo dhaqdhaqaaqa hantida CBS ayaan si madax- bannaan loo xaqiijin karin. Lumitaanka hantida CBS ayaa qaadan karta wakhti dheer in la ogaado lana soo celiyo. Hantida CBS ayaa loo weecin karaa in si gaar ah loo isticmaalo.

19.2.4. Talo soo jeedin

Waa in CBS ay abuuraan labo diiwaan hanti, mid loogu talagalay qalabka milatariga iyo midka qalabka aan ahayn kuwa milatariga. Diiwaanadaas waa in ay si cad u kala baxsanaadaan. Hubinta waxyaabaha khaaska ah ee hantida in la galiyay diiwaanka iyo in loo cusboonaysiiyo si wakhtiyaysan. Samaynta xaqiijin muuqaaleed ee dhammaan hantida, khaas ahaan hantida milatariga iyo kuwa aan ahayn milatariga iyo cusboonaysiinta diiwaanada hantida.

Page 57: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

55

Ma jiraan hadda wax diiwaan hanti ah oo ay leeyihiin CBS. Ma jiraan wax caddeyn muujinaayo in hantida CBS muuqaal ahaan la sameeyay, la xaqiijiyay si loo ogaado jiritaankiisa, xaaladdiisa, qiimaha laga soo bixiyay iyo goobaha uu yaalo.

Page 58: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

56

20. CBS – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD

20.1. Dhammaan Lacag Bixinada Waa in Caddeymahooda loo Dhammaystiraa 20.1.1. Sharciga

Sharci Lambar. 2 ee Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladd oo soo baxay 29 December, 1961 Qodobkiisa 24aad ayaa sheegaya in lacag bixin walba lagu lifaaqo caddeymo ku filan si ay caddeyn ugu noqoto saxnaanshaha lacag bixinta. Dukumumintiyada caddeymaha way kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran tahay nuuca lacag bixinta, waxaana ka mid ah dalabka iibka, heshiis saxiixan, qaansheegta, warqada alaab keenida, warqada guddoomida alaabta iyo aqbalaada risiidka.

20.1.2. Khaladka

Waxaa jiray lacag bixino la sameeyay intii lagu guda jiray sannadka oo aan si buuxda loo caddeyn ama aan lagu xirin caddeymahooda oo dhammaystiran, waxaana ka mid ah: -

Tirsi Lambarka foojarka / Madax-

xige

Cida la siiyay

Bilaha

Lacagta

US $

Faah-faahin

1 2256 Dad kala duwan Jan, March, May, Sep and Oct 60,962.50 Malahan cadeymo ku filan

2 2251

Dad kala duwan Jan, March, May, Sep and Oct 9,384.00 Malahan cadeymo ku filan

Wadarta Guud $70,346.50

20.1.3. Khataraha

Waxaa jira khatar in lacagaha qaar aysan ogolaan saraakiisha sare ee mas‟uulka ka ah. In lacag bixintaas loo sameeyay alaab ama hawlo aan la waafajin shuruudo cayiman. In lacag bixinadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka khasaare maaliyadeed.

20.1.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan lacag bixinada ay ku salaysnaadaan ama lahaadaana caddeymo dhammaystiran, si saxa uu u ogolaaday sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah alaabada iyo howlaha loo guddoomay iyadoo loo eegayo ama la raacayo shuruudo cayiman. Waa in dhammaan dukumintiyada lacag bixinada la tiimbareeyaa islamarka lacagtooda la bixiyo si looga hortago in mar kale loo isticmaalo kharash bixin kale.

20.2. Diiwaan galinta heshiisyada ee Xafiiska Hantidhawrka Guud

20.2.1. Sharciga

Sharci Lambar 2 ee Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda oo soo baxay 29 December, 1971 waxa uu waajibinayaa in dhammaan heshiisyada laga diiwaan Xafiiska Hantidhawrka Guud. Qodobka 33aad ayaa sheegaya in heshiis kasta oo lagu galo magaca Dowladda iyo hay‟adaha kale ee Dowliga ah laga soo diiwaan galiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.

Page 59: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

57

20.2.2. Khaladaadka

Heshiis ayaa lagu abaal mariyay Shirkadda Cosralina Oil Terminals (COT), oo dhaqan galay April 2018 kaas oo ahaa heshiis shidaal ku baxayay $41,250 bil waliba. Wadata guud ee heshiiska waa $495,000. Waxaa jiray heshiis kale oo lala galay ICRC oo ku baxayo $905,340 kaas oo aan la soo diiwaan galin.

Wadarta 2 heshiis ee aan lasoo diiwaan gelinin waa $1,400,340 Qiimaha guud ee lacagta 2 heshiis aan laga soo diiwaan galin Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa ah $1,400,340 sida ka muuqata shaxda hoose: -.

Tirsi Dhinacyada Heshiiska Galay Xiliga heshiiska Lacagta US $ Faah-faahin

1 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Costalina Oil Terminals (COT),

1 sano oo ka bilaawo May 2018

495,000.00 Heshiis aan laga diiwaan galin XHG

2 ICRC iyo Isbitaal Madiina (Guddida Bulshada)

1 sano oo ka bilaawo January 2018

905,340.00 Heshiis aan laga diiwaan galin XHG

Wadarta $1,400,340.00

20.2.3. Khataraha

Macluumaadka heshiisyadaan ayaan si dhammaystiran loo ogaanin intii baarista CBS lagu guda jiray sababtoo ah heshiisyadaas oo ah kuwa aan laga soo diiwaan gelinin XHG.

20.2.4. Talo soo jeedin

Waa in heshiisyada oo dhan laga soo diiwaan galiyaa Xafiiska Hantidhawrk si waafaqsan shuruucda si ay Xafiiska ugu fududaato inuu sameeyo baaris, kana war bixiyo heshiisyada.

20.3. Ogolaansho la’aan la kala wareejiyay lacag – US $276,682

20.3.1. Sharciga

Sharciga Hanaanka Maamulka iyo Maaliyadda ee Dowladd sharci Lambar. 2 ee soo baxay 29 December, 1961 Qodobkiisa 16aad ayaa sheegaya in inta lagu guda jiro sannad maaliyadeedka haddii ay muhiim noqoto in madax ama madax xige laga badalo kharashaad, isbedelkaas waa in lagu ogolaadaa sifo sharciga waafaqsan iyo sharci lambar 317 ee 17 December 1962. Qodobkiisa 6aad xarafkiisa (A) ayaa sheegaya in Wasiirkii u baahda in madax xige lacagtiisa uu isticmaalo madax xige kale waxaa uu codsi qoraal ah u soo dirayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda si uu qaab sharciga waafaqsan ugu ogolaado.

20.3.2. Khaldaadka

Lacagta la siiyay ciidanka booliska iyo mida safarada ayaa laga bixiyay madaxyada iyada oo aysan kala wareejin rasmi ah.

Qaar ka mid ah kharash bixinta, ma laheyn caddeymo ku filan. Tani waxay xad gudub ku tahay sharciga iyo habraaca la raaco.

Intii aan ku guda jirnay baarista waxaan ogaanay in kharashaad la bixiyay kuwaas oo aan waafaqsaneyn sharciga.

Tirsi Madax-xigaha asalka Waxa loo isticmaalay Bilaha Lacagta

US $ Faah-faahin

1 2251 and 2256 Gunno, Adeegga guud, Kiro, Dayactir, Alaabta xafiiska iyo Kharashaadka socdaalka.

Jan, Mar, May, Sep and Oct

276,682

Ma lahan caddeymo ku filan waxaana loo isticmaalay wax aan aheyn wixi loogu tala galay

Page 60: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

58

20.3.3. Khataraha

Kala wareejinada lacagaha gudaha ee aanan loo marin habraaca saxan ayaa ah mid xad gudub iyo lid ku ah sharciga, keenina karta khasaaraha lacagaha dadweynaha.

Madax-xigayaasha kharashaadka qaar ayaa qaab khaladan loo isticmaalay marka loo eego in lagu bixiyo wixii loogu tala galay. Tani waxay saameyneysaa hannaanka miisaaniyadda ee mustaqbalka maadaama kharashaadkaas aan loo isticmaalin wixi dhabta ee loo qorsheeyay. Lacagaha aan lahayn caddeymaha ku filan ayaa keeni karta khasaaraha lacagaha dadweynaha.

20.3.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan kala wareejinada lacagaha gudaha ee aanan loo marin habraaca saxan la joojiyaa. Waa in la SFMIS dhexdiisa laga sameeyaa habraac miisaniyad xooggan si looga hortago kala wareejinada gudaha ee aan la ansixin.

20.4. Joogtaynta Baarista Gudaha

20.4.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waa in la sameeyaa baaritaano gudaha ah oo isxig xiga iyo in la soo saaro warbixino. Waana in ay jirtaa dabagalo joogto ah si loo xaqiijiyo in talooyinka la meel mariyay.

20.4.2. Khaladaadka

Intii lagu guda jiray baaristii sannadlaha 2018 ayaan ogaanay in CBS uusan lahayn baare gudaha (internal audit) sidoo kalana howlihii baarista gudaha aan laga samaynin. Ma jiro sharci qeexaya aasaasida rasmiga ah ee baaraha gudaha hay‟adaha Dowladda Federaalka, inkastoo ay jirto soo jeedin la xiriirta abuurida howlaha baarista gudaha in lagu daro hindisa sharciyeedka PFM-ka.

20.4.3. Khataraha

Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha (internal audit) ee CBS, waxaa jira khatar ah u hoggaansanaan la‟aanta shuruucda, xeerarka, hababka iyo siyaasadaha ay qaataan wakhti dheer in la ogaado iyo in talaabooyin waxtar leh looga qaado si waqtiyaysan. Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha ee CBS, ma jiro isku halayn in hubinta gudaha (internal control) ee maaraynta maaliyadda iyo isla xisaabtanka ay yihiin kuwa xooggan oo waxtar leh si loo xaqiijiyo in khasaaraha maaliyadeed la yareeyo ama la baabi‟iyo. Sidaa darteed, khasaaraha maaliyadeed ee ka imaanaya khaladaadka ama qiyaanada loo qasday ayaa qaadan kara waqti dheer in la ogaado lagana qaado talaabooyin deg deg ah.

20.4.4. Talo soo jeedin

Waa in Golayaasha Fulinta iyo Sharci Dajinta ay qaadaan talaabooyin deg deg ah si loo xaqiijiyo hindise sharciyeedka PFM-ka in laga dhigo sharci dhammaystiran (Law) oo ku haboon dejinta ama abuurida howlaha baaraha gudaha oo waxtar u leh guud ahaan Hay‟adaha Dowladda iyo gaar ahaan CBS.

Page 61: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

59

Inta laga helaayo sharci PFM oo dhammaystiran waa in la qaadaa talaabooyin lagu xaqiijinayo in laga sameeyo CBS baarista gudaha si waqtiyaysan. Baarista noocaan ah waa in ay diirada saartaa xoojinta hubinta gudaha (internal control), iyo xaqiijinta u hoggaansanaanta shuruucda, xeerarka iyo siyaasadaha CBS.

20.5. Hannaanka hubinta adeega kharashaadka

20.5.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waxaa jira hubin adag e adeega kharashaadka si looga hortago xisaabaadka taagan oo aan la bixin. Dhammaan hubinta adeega kharashaadka waa in ay ku salaysnaadaan lacagaha la heli karo, laguna dhex sameeyaa systemka maaliyadda Dowladda SFMIS dhexdiisa. Haddii hubinta adeega kharash bixinta uu yahay mid liita ama aysan jirin, waxaa badanaya daynta ama kharashaadka aan la bixin. Haddii ay jiraan kharashaad aan la bixin, waa in lagu soo uruuriyaa si waqtiyaysan (seddex biloodle), la dabagalo sidoo kalana laga warbixiyo.

20.5.2. Khaladaadka

DFS waxa ay isticmaashaa nidaamka teknoolajiyada ku salaysan ee Maamulka Maaraynta Maaliyadda ee Soomaaliya (SFMIS). Qaar ka mid ah adeega kharashaadka ee CBS waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo howlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control). CBS ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. Ma jirin wax caddeymo ah in CBS ay samayeen dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.

20.5.3. Khataraha

Waxaa jira khatar ah in CBS gashay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan lagu muujin xisaab xirka. Xisaab xirka CBS ayaa laga yaabaa in aysan muujin natiijo sax ah marka la diyaariyo.

20.5.4. Talo soo jeedin

Waa in adeega kharashaadka aan laga samayn nidaamka SFMIS banaankiisa. Waa in SFMIS dhexdiisa laga abuuraa nidaam adag oo sahlaya isticmaalka adeega kharashaadka. Waa in la xaqiijiyaa in SFMIS bixinta lacagaha la sameeyaa marka lacag loo hayo, iyo in aan la samayn lacag bixin aanan loo hayn lacag. Waa in la sameeyaa hubin wixii lacag ee lagu leeyahay si waqtiyaysan (seddex biloodle), lagana warhayaa si aysan u badan, loona helaa qorshe lagu nadiifinayo ama lagu bixinaayo lacagahaas inta uusan sannadka dhammaan.

Page 62: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

60

20.6. Lacago la siiyay saraakiil hore ee CBS

20.6.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Saraakiisl hore oo aan ku jirin heshiisyo shaqo ama aan qaban shaqo iyo hawl ayaan la siin lacag.

20.6.2. Khaladaadka Waxaan ogaanay inay jiraan saraakiil hore ee CBS kuwaas oo si joogto ah lacag loo siiyo iyaga oo aan shaqeyn ka dib markii shaqada joojiyeen. Saraakiishi hore ee CBS ma heystaan wax heshiis dhaqan gal ah oo ay ku shaqeeyaan si wax soo saar iyo hawl ay ugu qabtaan CBS. Kharashaadka loogu talo galay madax-xigayaasha adeega iyo hawl-galada gaarka ah iyo caafimaadka iyo faya-dhawrka ayaa la‟isku daray waxaana si toos ah loogu isticmaalay madax-xigayaal aan loogu tala galin. Lacag bixinada bilaha ayaa u dhaxeeya $ 1,000 ilaa $ 1,500 qofkiiba.

20.6.3. Khataraha

Tani waa khasaarin kharash, si xun u isticmaal lacagaha dadweynaha, iyo ku xad- gudubka sharcuucda iyo xeerarka maaliyadda. Lacagta loo qoondeeyay caafimaadka CBS; nabadgelyada Qaranka iyo bad- baadada shacabka ayaa loo rogay u isticmaalka dano gaar ah. Kharashaadka dhabta ah ee loogu tala galay madax-xigayaasha adeega howl- galada gaarka ah iyo caafimaadka iyo faya-dhawrka ayaa laga yaabaa in ay ka badan tahay lacagta la siiyo saraakiishi hore.

20.6.4. Talo soo jeedin

Sida ugu dhaqsiyaha badan waa loo joojiyaa kharashaadka la siiyo sharaakiishi hore kuwaas oo aan heysan wax heshiis ay la galeen CBS. Xoojinta baaraha gudaha ee CBS si loo xoojiyo hubinada gudaha loona joojiyo six un u isticmaalka hantida Qaranka.

20.7. Dakhli ay qabatay Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) 20.7.1. Sharciga

Sharci Lr. 317 ee Xisaabaadka Dowladda qodobkiisa 34 aad oo sheegaya in dakhli la qabtay aan la isticmaali karin ka hor inta aan lagu xareyn khasnadda dhexe ee Dowladda. Waxaa kaloo la baal maray Sharci Lr. 317 qodobkiisa 46 aad kaas oo sheegaya in laga dalbado lagana qaato buugaagta dakhli qabashada Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

20.7.2. Khaladaadka

Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa waxaan ku aragnay in ay uruuriyeen dakhli dhan $577,014.00 sannadki 2018 iyadoon la isticmaalin rasiidyo sharci ah. Waxaa ay inoo sheegeen in dakhliga ayay isticmaaleen. Intii aan ku guda jirnay baariista ma jirin isla xisaabtan ku saabsan dakhligaan. Hoggaanka Baarista Dembiyada wuxuu inoo sheegay in aysan wax qoondo ka helin miisaaniyad sannadeedka CBS oo ay ku bixiyaan hawlgalada Hoggaanka, waxayna ku tiirsanaayeen dakhliga ay uruuriyeen.

Page 63: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

61

20.7.3. Khataraha Hoggaanku wuxuu soo ururiyay dakhli iyada oo aan haysan sharci iyo awood sharciyaysan; Tani waxay ahayd sharci darro iyo xad gudub. Iyadoo aysan jiirn hubino gudaha oo ku filan iyo isla xisaabtan hufan oo loogu talagalay isticmaalka kharashaadkan, dakhliga waxaa loo isticmaali karaa dano shaqsiyadeed waxayna qaadan kartaa waqti dheer si loo ogaado.

20.7.4. Talo soo jeedin

Waa in loo maraa uruurinta dakhliga qaab sharci iyo xeer laguna wareejiyaa mas'uuliyadda dakhli aruurinta Wasaaradda Maaliyadda. Hoggaanka waa in loo helaa miisaaniyad howl-gal ku filan, loona sameeyaa hoggaanka madax-xige hoos yimaada madaxa miisaaniyadda CBS, lana hubiyaa in miisaaniyad ku filan la siiyo waqtigii loogu talagalay.

Page 64: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

62

HAY’ADDA NABAD SUGIDA IYO SIRDOONKA QARANKA - HNSQ

Page 65: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

63

21. HNSQ - WARBIXINTA MAALIYADEED

21.1. Sannadka 2018 ma jirin xisaabaadka sannadka oo la soo gudbiyay si loo baaro

21.1.1. Sharciga Sharciga lambar 2 ee soo baxay 29 December 1961 ee „„Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda‟‟ Xisaabaadka sannadka ee Dalka ayaa lagu qeexay qodobka 25 ee sharciga. Qodobka 26 ayaa sheegaya in xisaabaadka Dalka la soo gudbiyo 30 April ee sannadka xiga oo ay xisaabaadka sannadka la xiriirto si loo baaro. Qodobka 30 ee sharciga oo wax laga bedelay sannakii 1971 ayaa sheegaya in Xafiiska Xisaabiyaha Guud uu maamulo xisaabaadka Dowladda. Qodobka 37 ee sharciga ayaa dhigaya in sarkaal ama wakiil kasta ee maamula maaliyadda ama xisaabaadka Dowladda uu diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud sida lagu sheegay qodobka 39. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sida ku xusan qodobka 40 xisaabaadka u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud iyagoo wata ama aanan wadan faalo si uu u baaro. Arrinkan waxaa sii xoojiyay qodobka 7 (a) iyo (b) ee „„Xeerka Xisaabaadka Dowladda ee 317‟‟ oo wax laga bedelay sannadkii 1971. Qodobka 41 (1) ee sharciga ayaa faraya Xisaabiyaha Guud, marka aan xisaabaadka la soo diyaarin lana soo gudbin in uu Xisaabiyaha Guud diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud si uu u baaro.

21.1.2. Khaladaadka

Xisaabaadka sannadka ee ugu yar oo ku salaysan cash-basis of accounting, waxay ka kooban tahay kuwa hoos ku xusan:-

i. Muuqaalka Dakhliga iyo Kharashka (Statement of Receipts and Payments);

ii. Muuqaalka is barbardhiga Ku Talagalka Miisaaniyadda iyo Kharashka dhabta ee Baxay (Statement of Comparison of Budget and Actual Amounts);

iii. Iswaafajinta furitaanka, xiritaanka bangiga iyo haraadiga lacagta cadaanka ah (Reconciliation of opening and closing bank and cash balances);

iv. Muuqaalka Qulqulka lacagaha (Statement of Cash Flows);

v. Siyaasado xisaabeed oo dhammaystiran, sharaxaad faahfaasan iyo lifaaqyo. (Comprehensive accounting policies, detailed explanatory and disclosure notes).

Hay‟adda Nabad Sugida, sida laga rabo sharcigana uu qabo in ay soo gudbiso xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.

21.1.3. Khataraha

Hay‟adda Nabad Sugida ma raacin sharciga. Maqnaashaha xisaabaadka Hay‟adda ee aan si waqtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si waqtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Wasaaradda. Intaa waxaa dheer in Hay‟addu ay ku guul daraysato mas‟uuliyadeeda ah la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si waqtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.

Page 66: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

64

21.1.4. Talo soo jeedin Waa in Hay‟adda Nabad Sugida ay diyaarisaa xisaabaadka sannadka 2018 oo dhammaystiran, si dhammaystiran loo hubiyay iyo in la soo gudbiyo si loo baaro. Haddii kale, Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa in uu diyaariyaa xisaabaadka Wasaaradda iyo in uu soo gudbiyo si loo baaro sida uu qabo qodobka 41 ee sharciga.

Page 67: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

65

22. HNSQ - DHINACYADA SHARCIGA IYO XEERKA

22.1. Shuruurcda iyo Xeerarka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka 22.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waxaa jira sharci ama xeer khaas ah kaas oo si rasmi ah loogu dhisay Hay‟adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sharciga iyo xeerarka ayaa sheegaya waajibaadka, mas‟uuliyadaha hay‟adda iyo qaab-dhismeedka taliska ee hay‟adda IWM. Waxaa jira siyaasado qoran iyo xeerer loogu talagalay in lagu maamulo HNSQ, qeexayana maamulka hay‟adda, mushaaraadka, gunnooyinka, xaq lahaanshaha iyo akhlaaqdooda.

22.1.2. Dastuurka ku meelgaarka

Qodobka 126 (1) ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “Dowladda Federaalka ay xaqiijiso nabada, madax-bannaanida, amniga Qaranka ee J.F.S iyo badqabka muwaadiniinteeda iyadoo loo marayo hay’adaha amniga ee Dalka” sida:

i) Ciidanka Xoogga Dalka;

j) Hay'adda Sirdoonka; k) Ciidanka Booliska Soomaaliyeed; iyo l) Ciidanka Xabsiyada.

Qodobka 126 (2) ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “daabulida/hawlgalinta ciidanka amniga lagu go’aamin doono sharci”. Qodobka 130 ee Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa dhigaya in “labada aqal ee Baarlamaanka ay ka shaqeeyaan sharci lagu maamulo qaab-dhismeedka, shaqada iyo heerarka hay’adaha amniga ee J.F.S”. Jadwalka koowaad (D) ayaa loo aqoonsaday shuruucda mudnaanta leh in la dhaqan galiyo kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka: -

Ø (15) Sharci marka loo eego qodobka 30 oo khuseeya ciidanka amniga; Ø (17) Sharci marka loo eego qodobka 30, nidaaminta qaab-dhismeedka iyo shaqada

Booliska Federaalka; Ø (18) Sharci marka loo eego qodobka 30, nidaaminta wada shaqaynta ka dhexaysa

Booliska Federaalka iyo Booliska Dowlad Goboleedyada;

22.1.3. Khaladaadka Hay‟adda Nabad Sugida waxa ay ku shaqeeyaan sharci duqoobay oo la soo saaray markii ay Soomaaliya lahayd Dowlad Dhexe. Sida ku xusan Dastuurka ku meelgaarka, Hay‟adda Nabad Sugida ayaa laga rabaa in ay hawlaha sirdoonka hay‟adda ku fuliso sharci cusub. Majiro sharci iyo xeer si cad u qeexaya qaab dhismeedka iyo shaqada Hay‟adda.

Page 68: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

66

22.1.4. Khataraha

Shaqaalaysiinta, daabulida iyo maamulka Hay‟adda Nabad Sugida ayaa lagu dhaqaa sharci duqoobay kaas oo la abuuray xiligii Soomaaliya ay lahayd Dowlad Dhexe. Shaqada Hay‟adda ayaan laga yaabaa in aysan waafaqsanayn Dastuurka ku meelgaarka Dalka.

22.1.5. Talo soo jeedin

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu qaadaa talaabooyin dhaqan galinaya samaynta sharci iyo xeer cusub oo ay Hay‟adda oo waafaqsan Qodobka 130 ee Dastuurka ku meelgaarka. Sharciga waa in uu qeexaa xakameeyaa qaab dhismeedka iyo shaqada Hay‟adda si waafaqsan Qodobka 130 ee Dastuurka ku meelgaarka.

Page 69: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

67

23. HNSQ – MAAMULKA GAADIIDKA

23.1. Qaabka ugu haboon ee loo Maamulo haadiidka 23.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Dhammaan gaadiidka Hay‟adda waa in ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka (log books). Waxaa jirta siyaasad lagu maamulo gaadiidka Hay‟adda. Dhammaan gaadiidka Hay‟adda waa in lagu diiwaan galiyo diiwaanka hantida Hay‟adda ama midka dhexe (centralized) ee Wasaaradda Maaliyadda.

23.1.2. Khaladaadka

Intii aan baarista ku guda jirnay ayaan ogaanay gaadiid ay isticmaasho Hay‟adda laakiin aan lahayn buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka sidoo kalana aysan nala wadaagin si loo xaqiijiyo lahaanshiyaha gaadiidka. Ma aynaan sameyn hubin dhameystiran oo la xiriira gawaarida Hay‟adda arrimo xasaasi ah oo jira aawgeed.

23.1.3. Khataraha

Hubinta gudaha ee maamulka iyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka Hay‟adda ayaa ah mid aad u liita. Ma ahan in dhaqdhaqaa gaadiidka Hay‟adda oo dhan lala socdo xaalado jirro aawgeed. Gaadiidka loo lunsado si toos ah ama kuwa la dayacay ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado khasaarahooda maaliyadeed iyo in dib loo soo celiyo. Gaadiidka ciidanka ayaa loo isticmaali karaa arrimo shaqsiyadeed oo khaas ah.

23.1.4. Talo soo jeedin

Abuuridda habraac maamul oo faahfaahsan ee dhammaan gaadiidka Hay‟adda meel kasta ay yaalaan. Waa in dhammaan gaadiidka Hay‟adda ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka oo ku diiwaan gashan magaca Hay‟adda, uuna sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah u keydiyo si xafidan. Waa in dhammaan gaadiidka lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida oo faahfaahin dheeraada leh sida nuuca baabuurka, magaca baabuurka, lambarka diiwaan galinta, chassis lambar, goobta, qiimaha, iyo sarkaalka mas‟uulka ka ah. Samaynta xaqiijin muuqaal ee dhammaan gaadiidka Hay‟adda si loo ogaado jiritaanka, xaalada, iyo isticmaalka. Diiwaanka hantida waa in lagu cusboonaysiiyaa natiijada tirakoobka gaadiidka.

Page 70: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

68

24. HNSQ – MAAMULKA HANTIDA

24.1. Tilmaamaha Siyaasadeed ee Maamulka Hantida

24.1.1 Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Waa in ay jirto dukumiinti hage siyaasadeed ee iibka, iibsiga, hawlgalinta, isticmaalka iyo dhaqan ka baxa hantida Hay‟adda Nabad Sugida.

24.1.2 Khaladaadka

Hadda ma jiro diiwaanka hantida oo Hay‟adda Nabad Sugida ay leedahay. Siyaasada maamulka hantida ayaa muujinaya mas‟uuliyadda maamulka hantida, abuurida diiwaanka hantida, qeexaya sida hantida loo diiwaan galiyo loogana warbixiyo, sida hantida loo dabagalo, iyo sida shaqada looga saaro. Sida hadda sharciga jira uusan faahfaahin badan ka bixinaynin arrinkaas, macada cidda sida buuxda uga mas‟uulka ah hantida Dowladda Federaalka Soomaaliya.

24.1.3 Khataraha

Hubinta gudaha ee hantida ayaa ah mid liidata oo mas‟uuliyaduhuna aysan si cad u kala saarnayn. Lumitaanka hantida Hay‟adda ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado lana soo celiyo. Hantida HNSQ ayaa loo weecin karaa in si gaar ah loo isticmaalka.

24.1.4 Talo soo jeedin

Habraac siyaasadeed dhammaystiran ee maamulka, hubinta, iyo ka warbixinta hantida waa in la abuuraa lana fuliyaa. Waa in Wasaaradda Amniga Gudaha ay noqotaa hoggaan si loo abuuro tilmaamo siyaasad ee maamulka hantida Hay‟adda oo ay ka mid yihiin gaadiidka.

24.2 Diiwaanka Hantida

24.2.1 Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Hantida Hay‟adda waa mid isugu jirta qalabka milatariga iyo kuwa aan milatariga aheyn. Qalabka Hay‟adda oo aan halkaan kuwada koobneyn waxaa ka mid ah: - gaadiidka booliska; diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca, doomaha dagaalka; hubka iyo rasaasta; qalabka isgaarsiinta IWM. Qalabka aan ahayn kuwa milatariga waxaa ka mid ah: - gaadiidka rayidka; qalab xaqiiseed iyo alaabada kale, kumbiyuutarada IWM. Waxaa jira habraacyo siyaasadeed oo ku saabsan soo qandaraaska iyo iibka; dejinta ama isticmaalka hantidaas; kaydintooda; iyo sii-dayntooda dambe. Dhammaan alaabaha Hay‟adda ee la siiyay Hay‟adda Nabad Sugida waa in la dukumiinti yeeyaa uuna ansixiyaa sarkaalka mas'uulka ka ah. Diiwaanka hantida waa in kumbuyuutar la diiwaan geliyaa laguna cusbooneysiiyaa mar waliba. Diiwaanka haddii ama kaararka baqaarka waa in lagu qoraa qaab gacanta, lagu hayo, waa in ay noqdaan kuwo dhammaystiran oo ku filan. Hanti kasta waa in loo sameeyaa lambar aqoonsi oo u gaar ah iyo in diiwaanka hantida ay ka muuqato sarkaalka mas‟uulka ka ah iyo meesha lagu ogyahay.

Page 71: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

69

Waxaa jira tirakoob joogto ah, iyadoo natiijooyinka tirakoobka loo isticmaalayo in lagu daro diiwaanka hantida, la hubiyo uuna ansixiyo sarkaal masúulka ka ah.

24.2.2 Khaladaadka

Hadda ma jiro diiwaanka hantida oo ay leeyihiin Hay‟adda. Ma jiro wax caddeyn in hantida Hay‟adda dhawaan la sameeyay xaqiijin muuqaal ahaaneed, si looga war haayo jiritaanka marxalada, qiimaha iyo goobta.

24.2.3 Khataraha

Jiritaanka, goobta, marxalada, iyo dhaqdhaqaaqa hantida Hay‟adda ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin karin. Lumitaanka hantida Hay‟adda ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado lana soo celiyo.

24.2.4 Talo soo jeedin

Waa in masuuliyiinta Hay‟adda Nabad Sugida ay sameeyaan diiwaanka lagu diiwaan galiyo hantida, xaqiijiyaan in hantida lagu diiwaan galiyay diiwaanka sidoo kalana loo cusboonaysiiyo si waqtiyaysan. Samaynta xaqiijin muuqaaleed ee hantida iyo in la cusboonaysiiyo diiwaanka hantida.

Page 72: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

70

25. HNSQ – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD

25.1. Dhammaan Lacag Bixinada waa in Caddeymahooda loo Dhammaystiraa 25.1.1. Sharciga

Sharci Lambar. 2 ee Hannaanka Maamulka iyo Maaliyadda Dowladd oo soo baxay 29 December, 1961 Qodobkiisa 24aad ayaa sheegaya in lacag bixin walba lagu lifaaqo caddeymo ku filan si ay caddeyn ugu noqoto saxnaanshaha lacag bixinta. Dukumumintiyada caddeymaha way kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran tahay nuuca lacag bixinta, waxaana ka mid ah dalabka iibka, heshiis saxiixan, qaansheegta, warqada alaab keenida, warqada guddoomida alaabta iyo aqbalaada risiidka IWM.

25.1.2. Khaladaadka

Waxaa jiray lacago la bixiyay sannadkii 2018 oo aan lahayn caddeymo dhammaystiran taas oo dhan US $3,473,247. Waana kuwa shaxda hoose ku xusan: -

Tirsi

Maxa-xige

Cida la siiyay

Bilaha Wadarta lacagta US $

Faah-faahin

1 2211 Ma cada Jan-Nov 19,327 Malahan cadeymo ku filan 2 2213 Ma cada Jan-Nov 20,163 Malahan cadeymo ku filan 3 2215 Ma cada Jan-Nov 76,802 Malahan cadeymo ku filan

T 4 2256 Ma cada Jan-Nov 3,356,955 Malahan cadeymo ku filan Total 3,473,247

25.1.3. Khataraha

Waxaa jirta khatar in lacagaha qaar aysan ogolaan mas‟uuliyiinta sare ee mas‟uulka ka ah ama in lacag bixintaas loo sameeyay alaab ama howlo aan la waafajin shuruudo cayiman, ama; in lacagaha lagu bixiyay khaladaad, qiyaano loo qasday taasoo khasaare maaliyadeed u keenaysa DFS.

Lacag bixinada aan lahayn caddeymaha ku filan ayaaa keeni karta lunsiga ama khasaaraha hantida dadweynaha.

25.1.4. Talo soo jeedin

Waa in dhammaan lacag bixinada ay ku salaysnaadaan ama lahaadaana caddeymo dhammaystiran, si saxa uu u ogolaaday sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah alaabada iyo howlaha loo guddoomay iyadoo loo eegayo ama la raacayo shuruudo cayiman. Waa in dhammaan dukumintiyada lacag bixinada la tiimbareeyaa islamarka lacagtooda la bixiyo si looga hortago in mar kale loo isticmaalo kharash bixin kale.

25.2. Joogtaynta Baarista Gudaha

25.2.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waa in la sameeyaa baaritaano gudaha ah oo isxig xiga iyo in la soo saaro warbixino. Waana in ay jirtaa dabagalo joogto ah si loo xaqiijiyo in talooyinka la meel mariyay.

Page 73: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

71

25.2.2. Khaladaadka

Intii lagu guda jiray baarista sannadlaha ee Hay‟adda Nabad Sugida ayaan ogaanay in Hay‟addu aysan lahayn baare gudaha ama hawlihii baaraha gudaha sidoo kalana aanan la samaynin, mana jirin baarisyo gudaha oo waqtiyaysan oo laga sameeyay sannadkaa gudahiisa. Ma jiro sharci qeexaya aasaasida rasmiga ah ee baarista gudaha hay‟adaha DFS, in kastoo ay jirto soo jeedin la xiriirta abuurida howlaha baarista gudaha lagu daro hindisa sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dalka.

25.2.3. Khataraha

Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha Hay‟adda, waxaa jira khatar ah u hoggaansanaan la‟aan shuruucda, xeerarka, hababka iyo siyaasadaha ay qaataan waqti dheer in la ogaado iyo in talaabooyin waxtar leh looga qaado si waqtiyaysan. Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha Hay‟adda, ma jiro isku halayn in hubinta gudaha ee maaraynta maaliyadda iyo isla xisaabtanka ay yihiin kuwa xooggan oo waxtar leh si loo xaqiijiyo in khasaaraha maaliyadeed la yareeyo ama la baabi‟iyo. Sidaa darteed, khasaaraha maaliyadeed ee ka imaanaya khaladaadka ama qiyaanada la qasday ayaa Hay‟adda ku qaadan kara waqti dheer in la ogaado lagana qaado talaabooyin deg deg ah.

25.2.4. Talo soo jeedin

Waa in Golayaasha Fulinta iyo Sharci Dejinta ay qaadaa talaabooyin deg deg ah si loo xaqiijiyo hindise sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dalka in laga dhigo sharci dhammaystiran (Law) oo ku haboon dejinta ama abuuridda howlaha baaraha gudaha oo waxtar u leh guud ahaan Hay‟adaha Dowladda iyo gaar ahaan Hay‟adda Nabad Sugida. Inta laga helaayo sharci, waa in la qaadaa talaabooyin lagu xaqiijinayo in laga sameeyo CBS baarista gudaha oo waqtiyaysan. Baarista noocaan ah waa in ay diirada saartaa xoojinta hubinta gudaha (internal controls), iyo in ay xaqiijisaa u hoggaansanaanta shuruucda, xeerarka iyo siyaasadaha Hay‟adda.

25.3. Hannaanka Hubinta Adeega Kharashaadka

25.3.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waa in ay jirtaa hubin adag ee adeega kharashaadka si looga hortago xisaabaadka taagan oo aan la bixin. Dhammaan hubinta adeega kharashaadka waa in ay ku salaysnaadaan lacagaha la heli karo, laguna dhex sameeyaa systemka maaliyadda Dowladda SFMIS. Haddii hubinta adeega kharash bixinta uu yahay mid liita ama aysan jirin, waxaa badanaya daynta ama kharashadka aan la bixin. Haddii ay jiraan kharashaad aan la bixin, waa in lagu soo uruuriyaa si waqtiyaysan (seddex biloodle), la dabagalo sidoo kalana laga warbixiyo.

Page 74: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

72

25.3.2. Khaladaadka

Qaar ka mid ah adeega kharashaadka ee Hay‟adda waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo howlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control). Hay‟adda ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. Ma jirin wax caddeymo ah in Hay‟addu ay samayso dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.

25.3.3. Khataraha

Waxaa jirta khatar ah in Hay‟addu gashay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan lagu muujin xisaab xirka. Xisaab xirka Hay‟adda ayaa laga yaabaa in aysan muujin natiijo sax ah marka la diyaariyo.

25.3.4. Talo soo jeedin

Waa in SFMIS dhexdiisa laga abuuraa nidaam adag oo sahlaya isticmaalka adeega kharashaadka, xaqiijiyana adeega kharashaadka aan laga samayn nidaamka SFMIS banaankiisa. Waa in la xaqiijiyaa in bixinta lacagaha la sameeyo marka lacag loo hayo ayna ku jirto SFMIS. Waa in la sameeyaa hubin wixii lacag ee lagu leeyahay si waqtiyaysan (seddex biloodle), lagana warhayaa si aysan u badan, loona helaa qorshe lagu nadiifinayo lacagahaas inta uusan sannadka dhammaan.

Page 75: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

73

HAY’ADDA SOCDAALKA & JINSIYADAHA - HSJ

Page 76: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

74

26. HSJ – WARBIXINTA MAALIYADEED

26.1. Sannadka 2018 ma jirin xisaabaadka sannadka oo la soo gudbiyay si loo baaro

26.1.1. Sharciga Sharciga lambar 2 ee soo baxay 29 December 1961 ee „„Hannaanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda‟‟ Xisaabaadka sannadka ee Dalka ayaa lagu qeexay qodobka 25 ee sharciga. Qodobka 26 ayaa sheegaya in xisaabaadka Dalka la soo gudbiyo 30 April ee sannadka xiga oo ay xisaabaadka sannadka la xiriirto si loo baaro. Qodobka 30 ee sharciga oo wax laga bedelay sannakii 1971 ayaa sheegaya in Xafiiska Xisaabiyaha Guud uu maamulo xisaabaadka Dowladda. Qodobka 37 ee sharciga ayaa dhigaya in sarkaal ama wakiil kasta ee maamula maaliyadda ama xisaabaadka Dowladda uu diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud sida lagu sheegay qodobka 39. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sida ku xusan qodobka 40 xisaabaadka u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud iyagoo wata ama aanan wadan faalo si uu u baaro. Arrinkan waxaa sii xoojiyay qodobka 7 (a) iyo (b) ee „„Xeerka Xisaabaadka Dowladda ee 317‟‟ oo wax laga bedelay sannadkii 1971. Qodobka 41 (1) ee sharciga ayaa faraya Xisaabiyaha Guud, marka aan xisaabaadka la soo diyaarin lana soo gudbin in uu Xisaabiyaha Guud diyaariyo xisaabaadka uuna u soo gudbiyo Xafiiska Hantidhawrka Guud si uu u baaro.

26.1.2. Khaladaadka

Xisaabaadka sannadka ee ugu yar oo ku salaysan cash-basis of accounting, waxay ka kooban tahay kuwa hoos ku xusan:-

i. Muuqaalka Dakhliga iyo Kharashka (Statement of Receipts and Payments);

ii. Muuqaalka is barbardhiga Ku Talagalka Miisaaniyadda iyo Kharashka dhabta ee Baxay (Statement of Comparison of Budget and Actual Amounts);

iii. Iswaafajinta furitaanka, xiritaanka bangiga iyo haraadiga lacagta cadaanka ah (Reconciliation of opening and closing bank and cash balances);

iv. Muuqaalka Qulqulka lacagaha (Statement of Cash Flows);

v. Siyaasado xisaabeed oo dhammaystiran, sharaxaad faahfaasan iyo lifaaqyo. (Comprehensive accounting policies, detailed explanatory and disclosure notes).

Hay‟adda Socdaalka & Jinsiyadaha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in ay soo gudbiso xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.

26.1.3. Khataraha

Hay‟adda Socdaalka & Jinsiyadaha ma raacin sharciga. Maqnaashaha xisaabaadka Hay‟adda ee aan si waqtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka

Page 77: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

75

uusan si waqtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Wasaaradda. Intaa waxaa dheer in Hay‟addu ay ku guul daraysato mas‟uuliyadeeda ah la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si waqtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.

26.1.4. Talo soo jedin

Waa in Hay‟adda Socdaalka & Jinsiyadaha ay diyaarisaa xisaabaadka sannadka 2018 oo dhammaystiran, si dhammaystiran loo hubiyay iyo in la soo gudbiyo si loo baaro. Haddii kale, Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa in uu diyaariyaa xisaabaadka Wasaaradda iyo in uu soo gudbiyo si loo baaro sida uu qabo qodobka 41 ee sharciga.

Page 78: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

76

27. HSJ - DHINACA SHARCIGA IYO XEERKA

27.1. Shuruucda iyo Xeerarka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha

27.2. Dastuurka ku meelgaarka ah

Waxaa jira sharci ama xeer khaas ah kaas oo si rasmi ah loogu dhisay Hay‟adda Socdaalka & Jinsiyadaha (HSJ) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sharciga iyo xeerarka ayaa sheegaya waajibaadka, mas‟uuliyadaha hay‟adda iyo qaab-dhismeedka, maamulka kor joogtaynta IWM. Waxaa jira siyaasado qoran iyo xeerer loogu talagalay in lagu maamulo hay‟adda, qeexayana maamulka ciidanka, mushaaraadka, gunnooyinka, xaq lahaanshaha iyo akhlaaqdooda.

27.2.1 Khaladaadka

Hay‟adda Nabad Sugida waxa ay ku shaqeeyaan sharci duqoobay oo ka horeeyay Dastuurka ke meelgaarka. Hay‟adda Socdaalka & Jinsiyadaha ayaa ku shaqaysa sharci duqoobay oo ka horeeyay Dastuurka ku meelgaarka ah. Majiro sharci iyo xeer si cad u qeexaya qaab dhismeedka iyo shaqada Hay‟adda.

27.2.2 Khataraha

Shaqaalaysiinta, hawlgalinta iyo maamulka HSJ ayaa lagu dhaqaa sharci iyo xeerar duqoobay.

27.2.3 Talo soo jeedin

Waa in Baarlamaanku uu qaadaa talaabooyin dhaqan galinayo samaynta sharci iyo xeer qaabeysan ay yeelato Hay‟adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

28. HSJ- MAAMULKA HANTIDA

28.1. Qaabka ugu haboon ee loo Maamulo haadiidka 28.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Dhammaan gaadiidka Hay‟adda waa in ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka. Waxaa jirta siyaasad lagu maamulo gaadiidka Hay‟adda. Dhammaan gaadiidka Hay‟adda waa in lagu diiwaan galiyo diiwaanka hantida Hay‟adda ama midka dhexe (centralized) ee Wasaaradda Maaliyadda.

28.1.2. Khaladaadka

Intii aan baarista ku guda jirnay ayaan ogaanay gaadiid ay isticmaasho Hay‟adda laakiin aan lahayn buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka si loo xaqiijiyo lahaanshiyaha gaadiidka.

28.1.3. Khataraha

Hubinta gudaha ee maamulka iyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka Hay‟adda ayaa ah mid aad u liita. Ma ahan in dhaqdhaqaa gaadiidka Hay‟adda oo dhan lala socdo xaalado jirro aawgeed.

Page 79: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

77

Gaadiidka loo lunsado si toos ah ama kuwa la dayacay ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado khasaarahooda maaliyadeed iyo in dib loo soo celiyo. Gaadiidka ciidanka ayaa loo isticmaali karaa arrimo shaqsiyadeed oo khaas ah.

28.1.4. Talo soo jeedin

Abuuridda habraac maamul oo faahfaahsan ee dhammaan gaadiidka Hay‟adda Socdaalka meel kasta ay yaalaan. Waa in dhammaan gaadiidka Hay‟adda ay lahaadaan buugaagta lahaanshiyaha gaadiidka oo ku diiwaan gashan magaca Hay‟adda, uuna sarkaalka sare ee mas‟uulka ka ah u keydiyo si xafidan. Waa in dhammaan gaadiidka lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida oo faahfaahin dheeraada leh sida nuuca baabuurka, magaca baabuurka, lambarka diiwaan galinta, chassis lambar, goobta, qiimaha, iyo sarkaalka mas‟uulka ka ah. Samaynta xaqiijin muuqaal ee dhammaan gaadiidka Hay‟adda Socdaalkasi loo ogaado jiritaanka, xaalada, iyo isticmaalka. Diiwaanka hantida waa in lagu cusboonaysiiyaa natiijada tirakoobka gaadiidka.

Page 80: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

78

29. HSJ - MAAMULKA HANTIDA

29.1. Tilmaamaha Siyaasadeed ee Maamulka Hantida

29.1.1 Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Waa in ay jirto dukumiinti hage siyaasadeed ee iibka, iibsiga, hawlgalinta, isticmaalka iyo dhaqan ka baxa hantida Hay‟adda Nabad Sugida. Dhammaan hantida ayaa lagu diiwaan galiyaa diiwaanka hantida, sida ugu haboon kumbuyuutar ahaan.

29.1.2 Khaladaadka

Hadda ma jiro diiwaanka hantida oo Hay‟adda Socdaalka ay leedahay. Siyaasada maamulka hantida ayaa muujinaya mas‟uuliyadda maamulka hantida, abuurida diiwaanka hantida, qeexaya sida hantida loo diiwaan galiyo loogana warbixiyo, sida hantida loo dabagalo, iyo dhaqan ka baxa hantida. Sida hadda sharciga jira uusan faahfaahin badan ka bixinaynin arrinkaas, ma cadda cidda sida buuxda uga mas‟uulka ah hantida Dowladda Federaalka Soomaaliya.

29.1.3 Khataraha

Hubinta gudaha ee hantida ayaa ah mid liidata oo mas‟uuliyaduhuna aysan si cad u kala saarnayn. Lumitaanka hantida Hay‟adda ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado lana soo celiyo. Hantida HSJ ayaa loo weecin karaa in si gaar ah loo isticmaalka.

29.1.4 Talo soo jeedin

Habraac siyaasadeed dhammaystiran ee maamulka, hubinta, iyo ka warbixinta hantida waa in la abuuraa lana fuliyaa. Waa in Wasaaradda Amniga Gudaha ay hoggaan u noqotaa si loo abuuro tilmaamo siyaasad ee maamulka hantida Hay‟adda oo ay ka mid yihiin gaadiidka.

29.2 Diiwaanka Hantida

29.2.1 Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice) Hantida Hay‟adda oo aan halkaan kuwada koobneyn waxaa ka mid ah: - gaadiidka, guryaha, qalab xafiiseedka, kombiyuutarada IWM. Diiwaanada saxda ah ee dhammaan hantida Hay‟adda waa in gacanta agu hayaa oo mar walba la casriyeeyaa. Waxaa haboon in la helo diiwaan ka hantida oo kumbiyuutar lagu diyaariyay. Haddii diiwaanka hantida ama kaararka bakhaarka lagu qoro qaab gacanta ah, waa in ay noqdaan kuwo dhammaystiran oo ku filan. Hanti kasta waa in loo sameeyaa lambar aqoonsi oo u gaar ah iyo in diiwaanka hantida ay ka muuqato sarkaalka mas‟uulka ka ah iyo meesha lagu ogyahay.

Waa in ay jirtaa tirakoob joogto ah, iyadoo natiijooyinka tirakoobka loo isticmaalayo in lagu daro diiwaanka hantida, la hubiyo, uuna ansixiyo sarkaal masúulka ka ah.

Page 81: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

79

29.2.2 Khaladaadka

Ma jiraan wax dukuminti siyaasadeed oo la ansaxiyey kuna saabsan maareynta hantida ee DFS. Nidaam maareynta hantida ayaa ku wareejin doona mas'uuliyadda maareynta hantida, waxay u baahan tahay aasaasida diiwaanada hantida, qeexayana sida hantida loo ilaalin doono, sida hantida loo ilaalin doono, dhaqan ka baxa hantida iyo IWM. Maadaama uu sharciga hadda jira uusan si faahfaahsan uga hadlayn arrinkan, ma cadda cidda mas'uul ka ah hantida DFS.

29.2.3 Khataraha

Jiritaanka, goobta, marxalada, iyo dhaqdhaqaaqa hantida Hay‟adda ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin karin. Lumitaanka hantida Hay‟adda ayaa qaadan karta waqti dheer in la ogaado lana soo celiyo.

29.2.4 Talo soo jeedin

Waa in masuuliyiinta Hay‟adda Socdaalka ay sameeyaan diiwaanka lagu diiwaan galiyo hantida, xaqiijiyaan in hantida lagu diiwaan galiyay diiwaanka sidoo kalana loo cusboonaysiiyo si wakhtiyaysan. Samaynta xaqiijin muuqaaleed ee hantida iyo in la cusboonaysiiyo diiwaanka hantida.

30. HSJ – MAAMULKA MAALIYADDA GUUD

30.1. Joogtaynta baarista gudaha 30.1.1. Hannaanka la isku waafaqsanyahay (Best practice)

Waa in la sameeyaa baaritaano gudaha ah oo isxig xiga iyo in la soo saaro warbixino. Waana in ay jirtaa dabagalo joogto ah si loo xaqiijiyo in talooyinka la meel mariyay.

30.1.2. Khaladaadka

Intii lagu guda jiray baarista sannadlaha ee Hay‟adda Socdaalka ayaan ogaanay in Hay‟addu aysan lahayn baare gudaha ama hawlihii baaraha gudaha sidoo kalana aanan la samaynin, mana jirin baarisyo gudaha oo waqtiyaysan oo laga sameeyay sannadkaa gudahiisa. Ma jiro sharci qeexaya aasaasida rasmiga ah ee baarista gudaha hay‟adaha DFS, in kastoo ay jirto soo jeedin la xiriirta abuurida howlaha baarista gudaha lagu daro hindisa sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dalka.

30.1.3. Khataraha

Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha Hay‟adda, waxaa jira khatar ah u hoggaansanaan la‟aan shuruucda, xeerarka, hababka iyo siyaasadaha ay qaataan waqti dheer in la ogaado iyo in talaabooyin waxtar leh looga qaado si waqtiyaysan. Maqnaashaha samaynta baaritaanada gudaha Hay‟adda Socdaalka, ma jiro isku halayn in hubinta gudaha ee maaraynta maaliyadda iyo isla xisaabtanka ay yihiin kuwa xooggan oo waxtar leh si loo xaqiijiyo in khasaaraha maaliyadeed la yareeyo ama la baabi‟iyo. Sidaa darteed, khasaaraha maaliyadeed ee ka imaanaya khaladaadka ama qiyaanada la qasday ayaa Hay‟adda ku qaadan kara waqti dheer in la ogaado lagana qaado talaabooyin deg deg ah.

Page 82: ل ﺎ ﻣ ﻮ ﺼ ﻟ ا ﺔ ﯾ ر ﻮ ﮭ ﺟﻤoag.gov.so/.../10/...2018-ee-Hayadaha-Amniga-DFS.pdf · Hantida ayay dhici kartaa in loo isticmaalo arrimo khaas ah ama shaqsiyadeed

Warbixinada Baarista u Hoggaansanaanta Shuruucda – Hay’adaha Amniga ee sannadka dhammaaday 31 December 2018

80

30.1.4. Talo soo jeedin

Waa in Golayaasha Fulinta iyo Sharci Dejinta ay qaadaa talaabooyin deg deg ah si loo xaqiijiyo hindise sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dalka in laga dhigo sharci dhammaystiran (Law) oo ku haboon dejinta ama abuuridda howlaha baaraha gudaha oo waxtar u leh guud ahaan Hay‟adaha Dowladda iyo gaar ahaan Hay‟adda Socdaalka. Inta laga helaayo sharci, waa in la qaadaa talaabooyin lagu xaqiijinayo in laga sameeyo HSJ baarista gudaha oo waqtiyaysan. Baarista noocaan ah waa in ay diirada saartaa xoojinta hubinta gudaha (internal controls), iyo in ay xaqiijisaa u hoggaansanaanta shuruucda, xeerarka iyo siyaasadaha Hay‟adda.