3. hanoqon qof dadka quudhsada tiisuna la toosnaato! web viewhillinka nolosha iyo ladhaqanka dadka ....

40
Hillinka nolosha iyo ladhaqanka dadka Asalaamu calaykum wa raxmatulaah Sxb bayaal iyo akhristayaal waxan jeclaystay inaad ila wadaagtaan ama ila daalacataan habab iyo qodobo doora oo kala gadisan kana turjumaya habdhaqanka banii aadamka gaar ahaan somalida iyo is dhexgalka dadka kuwaas oo ufiirsi iyo maskax tuujin dabadeed kasoo maaxday qalbigayga kadibna aan jeclaystay inta aan ka fahamsanahay inaan idinla wadaago wixii iga dhimanna aad iigu dartaan Hillinka iyo wadada nolosha dhabta ah hadaynu is nidhaahno ka hadla waxaad ogtihiin in aynaan kaga baxayn si fudud oo ay bad tahay qudhayduna inaan faro fareeyo mooyee aanan sideeda usoo koobi Karin waxaana laga yaabaa in qofba waddo gaara uu nolosha ka aaminsanyahay in loo maro Lkn aynu iswaydiinno waddadee ama wadooyinkee ayaa ugu muhiimsan ama ugu habboon waxaanan qabaa inay haboontahay in loo maro waddooyinka jidka toosan ee Allah (swt),naftaada,iyo umadda ilaahayba kaaga raali noqonayaan Qasabna maaha mar walba in umadda ama banii aadamka iyo naftaada aad raalligaliso lkn waa in aad Allah (swt) raalli galisaa kaasi waa hillinka saxda ah ee nolosha La dhaqanka dadka nooca ay doonaan ha ahaadaane iyo habdhaqankaaga waxa aad ku qurxin kartaa kuna kasban kartaa dareenkooda arrimo doora oo ay fure u yihiin qoddobadan iyo kuwo kale oo badani Dabeecadaha dadka oo aad deristo shakhsi walbana aad dabeecaddiisa in ka barato Adiga oo wanaajiya habdhaqankaaga iyo qaabka dadka loo dhexgalo

Upload: hoangliem

Post on 18-Feb-2018

448 views

Category:

Documents


37 download

TRANSCRIPT

Hillinka nolosha iyo ladhaqanka dadka Asalaamu calaykum wa raxmatulaah

Sxb bayaal iyo akhristayaal waxan jeclaystay inaad ila wadaagtaan ama ila daalacataan habab iyo qodobo doora oo kala gadisan kana turjumaya habdhaqanka banii aadamka gaar ahaan somalida iyo is dhexgalka dadka kuwaas oo ufiirsi iyo maskax tuujin dabadeed kasoo maaxday qalbigayga kadibna aan jeclaystay inta aan ka fahamsanahay inaan idinla wadaago wixii iga dhimanna aad iigu dartaan

Hillinka iyo wadada nolosha dhabta ah hadaynu is nidhaahno ka hadla waxaad ogtihiin in aynaan kaga baxayn si fudud oo ay bad tahay qudhayduna inaan faro fareeyo mooyee aanan sideeda usoo koobi Karin waxaana laga yaabaa in qofba waddo gaara uu nolosha ka aaminsanyahay in loo maro

Lkn aynu iswaydiinno waddadee ama wadooyinkee ayaa ugu muhiimsan ama ugu habboon waxaanan qabaa inay haboontahay in loo maro waddooyinka jidka toosan ee Allah (swt),naftaada,iyo umadda ilaahayba kaaga raali noqonayaan

Qasabna maaha mar walba in umadda ama banii aadamka iyo naftaada aad raalligaliso lkn waa in aad Allah (swt) raalli galisaa kaasi waa hillinka saxda ah ee nolosha

La dhaqanka dadka nooca ay doonaan ha ahaadaane iyo habdhaqankaaga waxa aad ku qurxin kartaa kuna kasban kartaa dareenkooda arrimo doora oo ay fure u yihiin qoddobadan iyo kuwo kale oo badani

Dabeecadaha dadka oo aad deristo shakhsi walbana aad dabeecaddiisa in ka barato Adiga oo wanaajiya habdhaqankaaga iyo qaabka dadka loo dhexgalo Inaad ogaato farqiga u dhexeeya dabeecaddaada iyo dabeecaddaha dadka kale Inaad kula dhaqanto dadka daacadnimo iyo xaasidnimada oo aad ka fogaato

Dhammaan qodobadan iyo kuwo kale oo ku hoos jira halhalna aan uga hadlidoono waxay suuro galinayaan qaabka furfurnaanshaha iyo fahamka dabeecadaha dadka,ka warqabidda iyo qiimaynta aaraada iyo fikirka kala gadisan ee shucuubta aad la nooshahay

Waxa kale oo muhiim ah dersidda dabeecadda rabbaaniga ah ee kugu xeersan iyo u dhabar adayga mawjadaha isku dhacaya ama isku liddiga ah ee kasoo burqanaaya fikirrada dadka iyo maskaxdaadaba taas oo macnaheedu yahay intaanad isku dayin fahamka dhexgalka iyo la dhaqanka dadka oo aanad dadka la saaxiibin ka hor lasaaxiib dabeecadaha ay xambaarsanyihiin waayaha kugu gadaamani waxaana laga yaabaa hadaad kuwaa la qabsato ama fahamto inaanay hadhow fahamka dabeecadda kalena qariib kugu noqonin in kasta oo waayo kastaa leeyahay faham ukhaasa iyo xal kama danbaysa

Hababka fiicfiican ee dadka loola dhaqmaana sidoo kale ma fududa in hal maqaal,laba,saddex iyo inka badan toona lagu soo koobo waxaanaynu odhan karnaa waxaabay qaarkood ku xidhanyihiin sida loo fahmo dabeecadda ama dhaqanka qofkaas ama mujtamacaas inkasta oo aanay maqaalladani koobsanaynin si dhamaystiranna aanay u sharxaynin waxyaabaha aan carrabaabay bal haddana ii ogolaada inaan idin

yara xasuusiyo qaar ka mida qodobada lagu kasban karo amaba looga qayb gali karo dhexgalka iyo la dhaqanka dadka kuwaas oo aan isleeyahay taxane ha ku noqdaan shabakadan dhawr maalmood

Idinka laftiinana lagaba yaabo in inbadan aad maanka ku hayseen

1 joogtee ducada alle Alle (s.w.t) xilliyada cibaadada iyo xilliyada kaleba

Tani waa ta ugu muhiimsan ee furaha u ah nolosha bani adamku inay ahaato mid quruxbadan waa cibaadada’e waxay adkaysaa xadhiga ka dhexeeya ama u dhexeeya Allah iyo (s.w.t) iyo addoomihiisa waxaana qodobkan nasiib u yeesha qof kasta oo ilaahay hibo u siiyay ama uu garansiiyay caqiidada Alle ee saxda ah…

Waxa hubanti ah ducada alle oo la joogteeyaa ay nolosha addoomihiisa ka dhigto mid xasillan oo fiican Allah(s.w.t) kuma naco addoomihiisa ducada ama baryada badan sida bani aadamka ee waabu ku jeclaadaa isagu

Qofka oo joogteeya ducadda Alle waxay ka kaxaysaa qulubka ,warwarka,fikirka xun iyo kaquusashada nolosha iyo in qofku nolosha iyo la dhaqanka dadka uu ka fahmo dhanka taban

Waxaana taas tusaale u ah markaad u fiirsato dadka Allah ku xidhan ee ducadiisa badsadaa sida ay ugu faraxsanyihiin noloshooda heerka ay doonto ha ahaato’e iyo qiimaha ay u leedahay bal u fiirso “Dale Carnegie” oo ahaa qoraa/aqoonyahan kamida ragii heerka u sarreeya ka gaadhay cilmi nabsiga isla markaana qoray buugaagtii ugu iibsiga badnayd USA iyo dunidaba oo uu ay kimid ahaayeen buugii uu u bixiyay “how to stop worrying and start living” sidii aad u joojinlahayd warwarka una bilaabi lahayd nolol. Oo la iib geeyay wax kabadan 6 million oo copy waxa uu kusoo qaaday qodobo badan oo is odhanayso qudhaadu waa kuwa ugu macquulsan iyo tabo iyo xeelado lagaga bixi karo warwarka dadkana loola dhaqmi karo mararka qaarna aad is odhanayso malaha waxyaabo badan ayaa ka runa techniques kaasi waxa kale oo ka mid aha buugaagtiisii ugu iibsiga fiicnayd “how to win friends and influence people” laakiin nasiib darro qodobkeenan ugu horreeyaa waa uu ka maqnaa isaga taasina waa ta noloshiisa aakhirkii ku soo gabagabaysay guul darro nasiibdarrona ugu danbayn dale Carnegie waa uu is deldelay isagoo ka quustay nolosha waxan is waydiiyay muxuu ugaga bixiwaayay qodobadii uu ka hadlayay hadiii uu werwer soo foodsaaray? Waxaynu odhan karnaa caqiidada islaamnimada ee qofka hagta iyo iimaanka qofka xasiliya ee noloshiisa qurxiya ayaa ka maqnaa oo aanu Allah garansiinin taasina waa ta keentay in xalkii ugu danbeeyay ee noloshiisu uu noqdo inuu qudha iska jaro qofka aan ilaahay ku xidhnayn ducana hadalkeedaba daaye ee aan caqiido lahayni wuxuu xalka kama danbaysta ah u arkaa inuu dhanka taban nolosha ka fahmo ugu danbayna uu u maaro waayo xallinta dhibaatooyin uu Allah ka dulqaadi lahaa haddii uu marti uga noqon lahaa.

Qodobkeenan u horreeya ayaana bud-dhig u ah ujeeddada maqaaladeenan taxanaha ah iyo qormooyinka ka danbeeya waana ka ugu mudan In aynu is xasuusinno joogtaynta cibaadada iyo ducada Alle “Allah hayna garansiiyo e ”

2 lahaw qorshe maalmeed joogto ah iyo himilo mustaqbal kana faaidee wakhtiga

Waxa lagama maarmaan ah inaad lahaato qorshe maalmeed joogto ah iyo jadwal aad ka duusho oo ku salaysan noloshaada haddeer iyo ta mustaqbalka dhow waxaynu leenahay qorshe maalmeed qofkasta oo inaga mid ahina oo ilahay caafimaad iyo laxaad siiyayna wuu leeyahay hawlmaalmeed ugaaara oo joogto ah oo uu ka duulo

Inkasta oo aanay dadkeenu danaynin qaab jadwal iyo qorshaysi rasmiya oo waxaynu u adinaa jadwalkeena kudhufo oo ka dhaqaaq,hel oo waa,iska dhaaf oo markale qabo,wakhtiga isku dhaafi iyo waxyaalo kale oo la halmaala waana waxa dadkeena dib u dhaca ku keenay .

Waa inaad list garaysaa waxa aad maalinkasta qabanayso wakhtigana aad uga faaidaysaa naftaada,dadkaaga iyo dalkaagaba xitaa bilaa camal baa how oo haddii uu wakhti kuu banaanaado ama aanad shaqo haynin ku buuxi oo isku dhaafi wakhtiga bannaan camal aad Allah abaalgud kag helayso ee aanad dadka kaga helayn wakhtiga bannaan ku buuxi hawl aad wadankaaga abaalgud kaga helayso yaanay cidiba kuu dirsanine wakhtiga bannaan ku caawi booqashadaha janaasahada/aasaska hawlaha iskaa wax u qabsada ah ee wadaninimo sida arimaha nadiifinta degaankaaga dhisidda waddooyinka,booqashada bukaanka muslimka ah,xidhiidhinta qaraabada ,akhris badan,sida qur aanka iyo waxyaabo faido kaaga kordhayso iyo hawlaha la halmaala

Iska ilaali wakhti kuu bannaan oo aad ku lumiso ka sheekaynta siyaasadda,qabyaaladda,gobolaysiga,xanta iyo shaqooyin aan wakhtigaa kuu oollin oo ka hadalkooda iyo ku murankoodu laqwi mooyaane aanay faaido kale kaaga kordhaynin dadkeenuna sidan ayay u badanyihiin siiba kuwa dalka jooga oo aan anigu xogogaal u ahay

Intii aad dhegaysan lahayd hadal laqwi ah oo salka ku haya qabyaalad,siyaasad Iyo wax dadka kala fogeeya dhegayso muxaadaro diiniya ama cilmiya oo ay waxakaaga kordhaan

Intii aad akhriyi lahayd jaraa’id ama majallad siyaasad iyo been lagu iibgaynayo akhriso majallad cilmiya ama akhri kitaabka Alle ee quraanka kariimka ah

Haddii aad camal la’dahay oo aad wakhtigaaga ku qaadato gabi ahaanba masjidka iyo goobaha kale ee cibaadada Alle iyo baryadiisa waxaad tahay qof shaqaystay oo meel wax dhigtay ee ma tihid qof caml la’

Illayn adduunyo oo qudha looma shaqaysto’e

Noqo qof ku hamiya lahaadana qorshayaal mustaqbal oo dhow iyo kuwo fogba ku dadaal marwalba inaad ka dhabayso himilooyinkaaga mustaqbalka adigoo dadaal badan u galaya

Ka fakar himilaada aad higsanayso ee hankaagu kugu yidhi ku hami inay tahay suuro gal iyo wax kuu wadi kara dhanka fiican

Ka fakar sida ay usuuro galayso himiladaada lkn ha ka fakarin intay kugu qaadanayso

80% na waxa la aaminsanyahay inaad gadhi karto himiladaada isla markaana kaga dhabayn karto riyooyinkaaga haddii aad dedaasho ilaahayna uu kugu kaalmeeyo

Lahaw dhiiranaanta iyo calool adayga ka midho dhalinta himiladaada iyo u dhabar adayga qodxaha ku hordaadsan ee waayaha aduunyada sida aad u leedahay hanka ku gaadhsiiyay hiigsigeeda iyo ku fekerkeedaba.

3. hanoqon qof dadka quudhsada tiisuna la toosnaato!Quudhsigu waa qaab ama caadifad xun oo dadka qaar ku abuuran iyo habdhaqan aad uxun inta badnna dadka ku dhaqmaa waxay hoy u noqdaan siyaasad qalafsan aadna u qariban oo aan cidina ku raacin ama aanay dadka badankoodu ku farxin qofka dadka quudhsadaana waxa uu yahay ayaan ba jirin dadku waxay leeyihiin karaamo lamida ta aad idiguba leedahay amaba ka badan qofka aan arag sharafta dadka ama aan cisayn karaamada dadka lamidka ahi leeyihiin waxa iska yar waxa ku dhexjira haddii uu tiisa uun arko

Gabyaagii waynaa ee somaliyeed Alle ha u naxariistee cabdullahi suldaan timo-cadde waa kii lahaa:-

“qof wax quudhsaday

Damiir qoonmiyo

Maan qadoodiya

Qudhiisaan jirin”

Waxaanad halkaa ka arkaysaa in abwaanku uu qofka wax quudhsada ku tilmaamay inaanu gabi ahaanba ahayn mid jira.

Qof kula mida ama kaa fiicanna in aad yaraysato diin ahaan iyo scientific ahaanbana lama amaanin waxa loogu dhaqmaana waaba doqoniimo

Hanoqonin qof tiisu la toosnaato ta dadka kalena la qalloocnaato noqo had iyo jeer mid fahamsan in laga saxsanyahay ama uu saxsanayahay isagu waxa ku doodayana dib ugu noqda

Hanoqonin qof inta badan tiisa uun ku dhegsanaada oon laga furfuran hadday xataa saxtahay ugama jeedo go’aan jilicsan oo la bedeli karo lahaw lakin waxan uga jeedaa adigoo go’aan adag haddana ka garaab runta iyo xaqiiqada qadiyada

Waxaanay taasi qofka dhaxalsiinaysaa(haddii sax iyo khaladba uu ku dhegsanaado tiisa) dabeecad qalafsan oon dad la dhaqan lahayn furfurnaanta iyo qiimiga wanaagsanna ka durugsan.

Waxa fiican inaad ahaato qof dabacsan oon ku degdegin ka doodidda arimaha qaar isla markaana aan ka hadlin wax aanad cilmi u lahayn caddayna aanad u haynin.

Taasina waa sababta aan ugu talinayo in aanay taada oo qudhi ku cajabin ama kula toosnaan waayo markasta 100% sax matihid.

4.u golow dadka kale guusha sidaad u jeceshahay in laguu ogolaado ama laguu qiro.Waxan uga jeedaa fikirka saliimka ahi sida uu tilmaamayo waxa fiican in sida aad u jeceshahay in wanaagaaga laguugu qiro ,guusha aad gaadho laguugu hambalyeeyo,fikirkaaga saxda ah laguugu raaco aad adna u quudho libinta una ogolaato intaa in le’eg dadka kale ee kula midka ah taas oo diinteena suuban lafteedu ay qirayso in waxa aad jeceshahay ee wanaaga aad walaalkaaga kale ee muslimka ah la jeclaato

Waxan odhan karnaa xadiiskan waxa ku duugan macno ballaadhan oo si xeeldheer u tibaaxaya in wanaag kasta,guul kasta,horreyn kasta iyo muuqashaba sida aad ula jeceshahay naftaada aad walaalkaaga kale ee muslimka ahna sidaasoo kale ula jeclaato.

Somalidu waxay tidhaahdaa “inaadeerkaa fil darrana wuu kugu caayaa fiicnaana kuuma ogola”

Oo ay malaha ula jeedaan inaadeerkaa oo ah ka qaraabo ahaan dadka kuugu dhow ama kuu xigaa inaanu wanaaga iyo libin aad kaga horrayso midna aanu kuu ogolayn fiicnaantaada iyo libinta ay dadka kale kuu qiryaana hadalkeeda ba daa, foolxumada,fildarrada iyo habacsanaantana wuu kugu caayaa ina rag haddana ma ogola inaad horreyso ama aad higsato midna ayay somalidu aaminsanaayeen.

Dad badan oo aan kamid ahayna waxay aaminsanyihiin qofka oo waxa uu qabsado ,horumarka uu ku tallaabsado iyo wanaaga uu gaadho lagaga masuugaa ay tahay masayr xumo iyo doqoniimo lkn in loogu hambalyeeyo,loogu mashxarado,dabadeedna la higsado oo lagu daydaa ay haboontahay.

Taas oo ay abwaaniin badanina hawraar iyo hadalba ay ku tilmaameen in aanay in aanay dhaqan wanaagsan ahayn in aad keligaa libinta isasiiso dadka kale ee kula midka ah ee kula karaamada ahna aadkala lurido ama aanan u quudhin waxa aad adigu jeceshahay.

Abwan Mohamed nuur fadal ayaanu ahaa abwaanikii lahaa:-

“Waxba yaanu xeerkii imarin xoolona isiine xaashee nin libin kaa xistiyay xumahii waayaabe”.

Gabaygii dheeraa ee uu ka tiriyay dhacdadii abaal kadhaca ahayd ee ay kula kaceen ilmaadeeradii markii uu nairobi joogay ee ay u yimaadeen dabadeed uu xoolo iyo xoogba ku taray wuxuu hayay iyaguna ay kafantiisa tolayeen ee ay qorsheeyeenba inay qudha ka jaraan kolay ogaalkay waa sida aan sheekada ku maqlay inay ka gedisantahay caynkaana waa laga yaabaa halayga raali ahaado hadaan yar baal maro

Si kastaba ha ahaatee labada tuduc ee aynu gabayga abwaanka kasoo qaadanay ayaa si buuxda oo qoto dheer u qiraya in yaanu gamboba ku siinine haddana qofka libinta iyo horumarka kaa muuqda ka xumaada ee wanaag kaala masuugay malaha haddii qadarka iyo ajashana laguugu dhiibi lahaa aanu waxba kuu reebeen isla markaana ay dhaami lahaydba isagoo kugu dhagaroobaa waxaanaynu ka dhadhansanaynaa in abwaanka abaal kadhaca iyo xaasidnimadu ay kala xumayd shirqoolkii lagu qaarajinayay.

Qudhayduna in kasta oo aanan abwan ahayn balse aan mararka qaar aan is idhaa abwaninta canjil bal afarrey aan ka idhi arinkaa aan kasoo qaadanno tobankan meeris ee koobkooban aanna is idhi malaha

way yara quseeyaan qodobkan waliba dhanka isla toosnaanta qofka iyo quudhsiga dadka kale iyo in aad dadka kula siman aad guul u quudhi waydo.

Waxan idhi:-

Qof waliba wixii uu qabtaa loo qadimayaaye

Qofba dunida wuxu leeyahay qaabad gooniya’e

Qof kastaa sidaaduu qumane qoorta ku sitaaye

Qorshe iyo sidaaduu dadkuba qiimo leeyahaye

Isma qabato halay qiro ani libinna yaan quudhin

Isma qabato quruxbaan rabaa talona yaan qaadan

Isma qabato qaali maaha qarashna goyn waaye

Isma qabato waxba yaanan qaban shilinna aan qaato

Is qallooci taaduun qabsoo qadafna haw qaadan

Adigoo qardoofaha wada haddaad quudhsi diid tahay

Yaan lay qoonsan qawl aan samayn qurusna yaan dhaafin

Isu qabe aan loo qabin illayn looma qiil helo’e

Qof qataaranoo dadkana aan qadarinaynin

Is qoofaadhi mooyee miyuu qiimo kale leeyay.

5. qir guul darradaada,garowso gefkaaga dabadeed raadi xalka.Waa xaqiiq in nolosheena inta aynu dunidan guudkeeda joogno ay inala soo gudboonaanayaan guuldarrooyin in farabdan haba kala saamayn badnaadaane

Gefaf badanina inaga dhacayaan haba kala waawaynaadaane

Waxa inala gudboon/kula gudboon in ilaahay loo celiyo arimaha isagaa danbi dhaaf badane kadibna aan garawsanno guul darradeena iyo gefka aynu samaynay ee inagu gadaaman

Hadaad aragto qof is diidsiinaaya ama iska indho tiraaya gefkiisana habeen muusan jirin

Guul darrada aad qiranwaydaana adiga ayay ku qarsanaysaa waxaanay kula gaadaysaa chance kale oy libin kaaga heli karto haddii aanad ka tashan.

Somalida ayaa tidhaahda “mar idage alle ha dago marlabaad idagase anaa is dagay” nuxurka ku jira inaad garawsato guul darradaadu waxa uu soo dhawaynayaa inaad ka gaashaaman karto kuwa danbe haddii alle kuu qorayna waa meesheeda

Ogolaysii naftaada inay tahay tii gafkani ka dhacay,sharaxaad koobanna ka hel siday wax u dheceen ,la kaasho wadciga jira,Allah iyo talooyinka wax ku oolka ah ee dadka kale si aad u hesho qaab wax loo sixi karo oo aan waddo qaloocan loo marin

Sidegan uga fakar ugana munaaqashood waddada wax ka qalloocdeen iyo ta lagu sixi karo adigoo dardar galinaya fikir cusub oo si degan uga saaraya maskaxdaada raadadkii xumaa ee gulldarradu kaga tagtay beerayana xasuus cusub oo xal ku jiro.

Waayo iyadoo la yidhaahdo maxay waxaasi u dheceen waxa ka dhow iyadoo la yidhaahdo siday u dheceen iyo sidee xal lagu gaadhi karaa ama wax lagu dabo qabatayn karaa illayn caano daatayba dabadaa la qabtaaye waayo “inta badan adigaa haya midida daabkeeda”

U diyaar garow markasta inaad guul darraysankarto amaba aad guulaysan karto labadaba

Marka aad ku dhexjirto bulshada aad la nooshahay muuji inaad diyaar u tahay wax kasta oo ka yimaada ficiladaada

Noqo mid kalsooni ka qaba naftiisa had iyo goorna isku daya dhanka fiican ama saxda ilaahay sida toosan hayna garansiiyo’e

6.fikradaha fiicfiican ee kugu soo dhaca isku day markaba inaad ficil u rogtoWaxa hubaala in maalin walba iyo habeen kasta ay inagu soo dhacaan ama inagu soo xaadiraan fikrado aad u tiro badan oo kala jaadjaada oo mid waliba wax gaara faaqidayso

Waxa marar badan isku hirdiyaaya maskaxdaada aragtiyo iyo fikrado aan mararka qaar shaqo isku lahayn ama aan isu dhawayn oo mawjadaha fikirku meesha isugu keeneen kuwaas oo la odhan karo qaar xunxun iyo qaar wan-wanaagsanba way leeyihiin

Ku dadaal inaad kuwa fiicafiican markaba hirgaliso kuwa xunxun se maya.

Haddii aanad si degdega isugu dayin inaad hirgaliso fikradaha fiicfiican ee kugu soo dhacana waxa waxa hubaal ah in qof kale oo qayrkaa ah oo u haad helaa uu ficil u bedelayo

Waayo waxa laga yaabaa in fikradahan badan ee mar walba kugu soo xaadirayaa ay kaala simanyihiin ama kaala mid yihiin dad kale adigana fikradaha qaar aad kala mid tahay dad kale hase ahaatee ay daan is ogayn taasina waa sababta aan u dhiiri galinayo in aad ficil u bedesho fikrada wax tarka leh ee aad caqligaaga ka hesho

Intaan qof kale oo wakhtigu u saamaxay aanu ficil u rogin.

7. ka baaraan deg go’aamada intaanad fulinin una diyaar garow saaamaynta taban iyo tan togan ee ka iman karta.Inta badan waxaynu ku kacnaa go’aamo aynaan ka baaraandegin isla markaana aynaan ka fekerin saamaynta taban iyo ta togan ee ay yeelankaaraan amaba ka imankarta.

Ka fekerka saamaynta uu yeelan karo go’aanku ka hor intaanad fulin ama ku dhaqaaqin waxay suurtagalinaysaa inaad ogaato waxa ka dhalankara iyo maxsuulka uu yeelan karo samaan iyo xumaan intaba waayo somalidu waxay tidhaahdaa hubsiimo hal baa lasiistaa am “intaaanad falin ka fiirso”.

Waa inaad marar badan ka baaraandegtaa go’aamada aad gaadhayso, intaanad fulintooda ku dhaqaaqin

Waa inaad ka fekertaa ma wax ayuu go’aankaagani xumaynayaa mise wax ayuu soo kordhinayaa, ma wax ayuu isusoo dhawaynayaa mise wax ayuu sii kala fogaynayaa, faaido intee le’eg ayaa ka iman karta khasaare intee le’eg baa se ka imankara.

Dhamaan arimahaasi waxay yihiin kuwo ay lagama maarmaan tahay in laga fikiro oo la lafo guro lana faaqido intaan go’aanka fulintiisa lagu dhaqaaqin degdega dadkeena madaxmaray iyo fudaydkana la iska ilaaliyo deganaan iyo sabir, ka baaraandeg iyo gorfayn dabadeedna go’aamada la gaadho.

Waxa muhiim ah maqaalkeenanina uu ku talinayaa siiba qodobkani inuu qofku ahaado mid isku kalsoon oon ka laaban go’aamada uu gaadho lkn intaanu qaadan sameeya ka baaraandegga iyo hubsiimada aynu kor kaga soo hadallay.

Ha noqon qof go’aamadiisa si fudud looga hor iman karo misana looga weecin karo

Ha noqon qof intuu go’aan gaadho haddana ka noqda qancin iyo waanwaan dabadeed, amaba uga laabta go’aamadiisa dan shakhsiyeed oo uu isagu arkayo waayo go’aan kanoqoshada faraha badani waxay kaa bixinaysaa sawir ah inaad tahay qof aan lahayn meel loogu soo hagaago,gof jilicsan,qof aan go’an qaadasho lahayn,aan lagu tashan Karin go’aamadiisa, xilna aan layska saari Karin marba haddii aan berrina si fudud uga laaban karo.

Waxaad noqonaysaa qof aan miisaan aad u wayn aan ku dhex lahayn bulshada uu la noolyahay , waxaad noqonaysaa qof aanay saamayn yeelan go’aamadiisa iyo talo soo jeedintiisu ugu danbayna waxaaba dhici karta in uu yaraado doorkaaga go’aan qaadasho eed ku dhexleedahay bulshada iyo naftaaadaba waxna aan badanaa lagaa waydiin arimaha la faaqidayo ee la doonayo in go’aamo laga gaadho kolayna hadiiba wax lagu waydiiyo lafteedana ma noqonaysid dadka ugu horeeya ee la tebo ama go’aamadooda lagu tashado.

8.adigu wanaaji qofka ku xumeeyaWaxaan odhan karaa dadkeenu amaba in badan oo kamid ahi badanaa waxay ku fekeraan qofkasta sida uu kuula dhaqmo ugu abaalgud ama qofka ku wanaajiyana wanaaji ka ku xumeeyana xumee hadiiba aanay adoo wanaajiyay xumaan kuugu abaalgudin waaba maadh.

Inaad ka ku xumeeya iyo ka ku wanaajiyaba aad labadaba wanaajiso oo aad daacad nimo kula dhaqanto waa siyaasadda ugu wanaagsan ee lagula dhaqmo dadka isla markaana iib geynaysa shakhsiyadaada furfurnaaneed ee wanaaga iyo dad la dhaqanka ku dhisan kaana gudbinaysa sawir wanaagsan

Somalida ayaa odhan jirtay “qofka sun ku siiya subag ayaa lasiiyaa”

Waxaana hubaala qofka ku xumeeya haaad wanaajiso oo aad ka aargoosan waydo ilaahay dartiina aad ku dhaafto isla markaaana waliba xumaantii uu kugu sameeyay bedelkeeda aad wanaajiso markaaga in qofkaasi maalin maalmaha ka mida uu ka qoomamayndoono noloshiisa wixii uu sameeyay amaba khaladkii uu kaa galay oo uu ku odhan doono I cafi qof fiican baad taye.

Qof ku marka uu dadka ku gefo ee inta la wanaajiyo dar ilaahay lagu dhaafo hubaashii wuxuu gadaal ka gartaa garaad xumadii uu ku kacay iyo gefkii uu dadka ka galay waxaanu aakhirka farta ku qabtaaa gawsdanbeedka oo uu dhexda ka qaniinaa wuxuu ogaaadaa galdalooladiisa iyo gunnimada uu ku kacay wuxuu isla gala xisaabtqan horleh , wuxuu ku gaaf wareegaa ciddii uu gabagabeeyay oo gadaal cafis ka dalbadaa waxaanu qiraa in laga dadnimo fiicanyahay.

Wuxuu qiraa ugu danbayn isagu gardarnaa waxaanay talo kaga gow tidhaahdaa inuu isa saxo oo uu is daba qabateeyo waxaanu garnaqsi aan loo dhamayn la galaa naftiisa dushana kasaaraa qaladkay gashay.

Haddiiba aad qofka kuu qoolaya dabinno kulana goobaya suntan aad siiso subag wanaagiisana ka shaqayso ugu danbayn wuu garowsan amaba subaga laftiisa ayuuu ku go’I sunna ku noqon doona adiguna suntan waad ku caafimaadi ilaahay idankii waayo Alle wuu ogyahay labadiinaba quluubtiinna ka daacadda ahna wuu arkaa “daacaddina ma hungowdo abid” eek u dadaal inaad wanaaga iyo runta iyo daacadnimada ku dhimato.

9.lahaw han sare iyo hubsiimo badan hana ku dhaqmin xaasidnimo abidkaaFikirka guud ee ibnu aadamka iyo rayul caamka hadda jira waxad ka dhex arkaysaa in qof han yar iyo mid xaasida aanay bulshada horumarkeeda iyo masiirka umadda dhexdeeda aanay ku yeelan karin marna title sare iyo qadarin kana dhex muuqan karin saaxadda rayul caamka bulshada.

Ma lihi waa isku hayb labadani (qofka hanka yar iyo kan xaasidka ah ) lkn waxan uga jeedaa labaduba siyaabo kala gedisan ayaanay door muuqda oo fiiican bulshada ugu dhexlahayn.

Hanoqon qof han yar isuna yeel han sare kuna hami meel hore iyo heer sare yaanad hore u gaadhinbee, hadaad xataaa gaadhiwaydo waxa laga yaabaa inaad gaadho ugu yaraan meel inyar ka hooseysa halkii aad ku fikiraysay inaad gaadho amaba aad higsanaysay, hankaaga hoos ha udhigin aduunyo iyo aakhiroba, ilaahay labadaba heer sare ha inna gaadhsiiyo’e.

Waxa kugu filan xigmaddii caalimkii waynaa ee muslimka imaamu shaafici haddaanan khaldanayn uu lahaa “haddii nebi nimada lagu gaadhi lahaa dadaal waxa doqoniimo kuu ahaan lahayd inaad wax ka yar ku hamido”.

Adduun iyo aakhirabana qof hankiisu hooseeyaa malaha qiimo badan sidaan qabo.

Xaasidnimadu way kasii xagjirtaa oo isku baab ba maaha qofku ha hanyaaraado ama ha hanwaynaado e waa laga amaan heli karaa cadaabna waabu ku badbaadi karaa ha yeeshee xaasidku la dabaqad ba maaha ilaahay baana quraankiisa ku caddeeyay oo inoogu sheegay xaasidnimadu cawaaaqibka ay yeelan karto sida ay doonto ha ku timaado e. Ilahay iyo dadkiisabana way kaa fogaanaysaa.

Heer aad ku gaadhaysaana ma jirto hoos udhac maahaane, lana jeclaw walaalkaa waxa aad adba naftaada la jeceshahay haddii kale ma aflaxaysid abdikaa .

Waxaanan odhan karaaba xaasidnimadu kaalmaha ugu hooseeya ayay kaga jirtaa la dhaqanka dadka iyo kasbashada quluubtooda

Taa bedelkeedana waxay qormada qodobkeenani kula talinaysaa bulshada somalida iyo dhalinyarada meel kasta oo ay joogaanba inay noqdaan kuwo dhanka fiican wax ka eega mar walbana rajadoodu fiiicanaato

Noqo mar walba mid raadiya cilmi dhegaystana cid kasta oo wax ku dhaanta.

10.iska ilaali balwadaha xunxun ee dhaawacaya noloshaada.Waxa laga yaabaa inay maskaxdaada ay ku soo dhacday dhalinyarada ayuu qodobkani farriin u sidaa lkn wuxuu farriin gaadhsiinayaa qof kasta oo caadaysta balwado xunxun oo maandooriyayaal u badan

Wuxuu farriin u sidaa qof kasta oo Somali ah oo aqriya maqaalkan .

Kollay waxaan wax badan ka ogahay qaadka iyo sigaarka oo dadkeenii intoodii badnayd lagu ibtileeyay waxa laga yaabaa in xaafad walba ay jirto cid cuntaa kolley dadlka aan joogno family walba cid ayaa ka cunta waaanay yartahay family aan gebi ahaanba cunin haddiii uu jirana anigu wali lama kulmin kolley

Family ka aad ka tirsantahayna badanaa ama aabbo ayaa qayila ama abtiyo ama awoowe ama adeero ama walaalo ayaa lagu ibtileeyay ama qudhaada ayaan ka maqnayn oo belaayo ku qaba.

Waxa laga yaabaa haddaan ku dheeraado inay dhalato doodii awalba aniga iyo muqayiliintu aanu iskaga hor iman jirnay waxase hubaala in qof kasta oo drugs kaas isticmaalaa uu qirayo isaguba in dhibaato iy wax yeello waxaan ahayn aanu ku qabin haddana belaayada waa lagu qaatay .

Anigu waxaan qabaa ninka igula dooda qaadka iyo sigaarku xaaraan maaha inaanu haben jirin waayo ilaahay subxaanah e wuxuu yidhi”kuwa xaqa rumeeyayow cuna waxa aanu idinku arzaaqnay ee ah waxyaabaha fiicfiican”

Qaadka iyo sigaarku miyay ku jiraaan waxyaabaha fiicfiican ee ilaahay inagu arzaaqay? Miyaanu fiqi ahaan ama shareeco ahaanba shaygu xaaraantinimoobin marka qasaarihiisu bato ee manaafacaadkiisu yaraado ? bal ka waran waayahaye ka waliba khasaare mooyaane aan manafacaad ba lahayn? Dhaqaale xumo , caafimad xumo, wakhti lumis (aduun iyo aakhiraba salad iyo cibaadoba kugu dhaafayso), burbur qoys , xishood xumo , cibaado xumo, ? waxan suaalahan u daynayaa dadka in kasta oo aan aaminsanahay inay cid waliba qirayso sidan.

Uma socdo inaan xilligan ka fatwoodo arimahaas lkn taladaydu waxa ay tahay iska ilaali meel kasta oo aad joogto caadaysiga balwadaha xunxun eee dhaawacaya noloshaada , dhaqaalahaaga, xishoodkaaga , cibaadadaada, jacaylka qoyskaaga iyo dadkaaga , caafimadkaaga, kuna dhaxalsiin kara gebi ahaanba inaad nolosha ka dhacdo, haddaad tahay siiba dhalinta manta joogta ee dalkooda iyo dadkooduba sugayaan.

11.lasoco had iyo jeer dad aqoon iyo akhlaaqba kaa horreeya.La saaxiib oo la soco mar walba dad aqoon iyo akhlaaqba kugu dhaama ama kaaga wanaagsan

Waxaan uga jeedaa saaxiibku wuxuu saamayn wayn ku yeeshaa sida aad u socoto, sida aad u nooshahay, sida aad u dhaqanto iyo waxa aad samaynayso xumaan iyo samaanba waxa hubaala inaad yeelanaysid sansaanka cidda aad la socoto ee aad saxibka la tahay ciddasi ama iyada ayaa sansankaaga yeeelanaysa ama adiga ayaa sansaankeeda yeelanaya e kollay waad isa saamaynaysaan.

Ha la saaxiibin qof aan diinta ku wanaagsanayn alle ka cabsigiisuna aanu badnayn, hala saaxiibin tarku salaah aan salaada joogtayn amaba aan tukan , waxa laga yaabaa inuu ku fasahaadiyo e ,

Hala saaxiibin qof cay badan , macsiyadu u fududahay, xan badan waxa laga yaabaa inuu ku fidmeeyee.

Hala saaxiibin qof aqoon ahaan iyo diin ahaanba hooseeyaa oo dib udhac mooyaane aanad horusocod ka fii’idayn.

La saaxiib qof kaa himilo sarreeya , kaa fikir wanaagsan, kaa dadaal badan, kaa cilmi badan, kaa hiigsi dheer, waxa suuro gal ah inaad sifooyinkiisa laasimto wax badanna ka faaido e oo sidiisa ama si kafiican aad n oqoto e.

La saaxiib qof aan dadka yasin amaba aan adiga ku yaraysan isla markaana aaminsan inaad simantihiin , cabsida alle u simantihiin, dadnimada kale u simantihiin, fikirka u simantihiin

Abwanka wayn ee somaliyeed ee Mohamed Ibrahim Hadrawi na waa kii lahaa gabaygiisii dheeraa ee sirta nolosha “nin ku yidhi sinnaan maynno adna diid sarrayntiisa sidka waad wadaagtaane masagaashan baa tiisu”.

Ha la saaxiibin diradiraaleyaasha ama namiibiye yaasha dadka isku dir a warkana u kala qaada beenta caadaysta adiga qudhaaduna ha ku dhaqmin kana fogow cid kasta oo sifoyaaashaas leh.

Hala saaxiibin dadka wajiyada badan leh ee hadba dhinac u xagliya doodda iyo arimaha qaarna aan dhexdhexaad ka noqon ee kolba halka ay dantooda ka dhex arkaan xoogga saara kuwaasi saaxibtinimo maba leh umana qalmaan in kalsooni saaxiibtinimo lagu qasaariyo.

Amaba waxaa jira qaar isaga dhashay xumaan ka shaqaynta iyo laba wajiilanimada isagana hamuun qaba arimhaas oood mararka qaar is odhanayso tolow waxan danina uguma jirtee ma danbigeeda ayuu u xilanayaa.

12.yeelo la taliyayaal badan, ha yeelan loo taliyeyaal qudha, markastana wanaagooda sheeg oo isku day inaad ceebtooda asturtid.

Yeelo la taliyeyaal badan:- waxan uga jeedaa inaad yeelato dad kala duwan oo aad talo waydiin karto isla markaana aad la tashato xilliyada ay arrimaha qaar kugu cakirmaan ama aad doonaysid inaad go’aan ka gaadho arin ay macquul tahay inaad bulshada aad ku dhex nooshahay iyo asxaabtaadaba aad u bandhigto waxna ka waydiiso lana wadaagto

Dadkan kala afkaarta duwan gadisan ee aad la tashanaysid waxa laga yaabaa in qaarkamida ay talo rasmiya iyo fikir ku habboon waxa aad qabanaysid ay ku siiyaan munaasibna ah oo laga yaabo in haddii keligaa aad go’aanka iskaga dhaqaaqi lahayd aad khasaare keeni lahayd ama aad wax uun iska xumayn lahayd.

La taliyayasha badan waxaad ka dhex heli kartaa fikrado fiican oo runtii ku qanciya macquulna aad u aragto.

Dadka aad talada waydiinaysaa waxa muhiim ah inay ahaadaan kuwo aad ku kalsoontahay.

Ha yeelan loo taliyeyaal badan:- dad aan waxba kugu dhaamin oo adiga aad talo uun ku biirin kartid lkn aan ayagu waxba kugu soo kordhin Karin oo kaliya inaad yeelataa ma fiicna waa inaad lahaataa lataliyeyaal kaa fikrad wanaagsanaan kara marar badan oo aad mararka qaar talooyinkooda qaadato aadna ku kalsoontahay iyo kuwo aad siin karto talooyin hadalkaagana qaadanaya kuguna kalsoon.

Xubintan kamida maqaalladeenu waxay kugula talinaysaa in aad markasta noqoto mid dadka walaalihiis ah asxaabtiisa iyo bulshada uu la noolyahayba dhowra sharaftooda iyo karaamadooda .

Ha baadh-baadhin ceebaha dadka yaan taada la faqine, ha u tafo xaydan inaad ku ka shaqayso xumaanta iyo ceebaha dadka kana sheekee wanaagooda adna Alle ayaa ceebtaada asturiye. U fiirso dadka raad gura xumaanta dadka had iyo jeerna ceebeeya dadka noloshoodu mugdi ayay ku danbaysaa ,

U fiirso qofka aad xumaantiisa qariso eed wanaagiisa ka sheekaysaa adiga dhinacaaga madow ee aad leedahay wuu qarinayaa waayo qof kastaa dhinac madow iyo dhinac cad ayuu leeyahay wanaagaaga ayaanu ka sheekaynayaa.

Allah ceebeheena iy ceebaha umada muslimka ahba ha asturo.

13.noqo dhegayste fiican marka aad dadka la doodayso.

Marka qofka hadal, dood ama aqoon is waydaarsi idin dhexmarayo waxaa lagama maarmaan ah inaad noqoto:-

Dhegayste fiican: oo aan ka dhex galin dadka ama qofka hadlaya hadlkiisa si markaaga laguu dhegaysto

Aanad ku doodin waxa aan jirn: tamar iyo wakhtina aanad iskaga lumin dadkana aanad wakhtiga kaga lumin meelmarinta wax aan jirin

U hadal si degan dadkana ha ku qaylin: haddii dabeecadda, degaanka iyo dadka aad la hadlaysaaba ay kuu saamaxayaan inaad si degan u hadasho isku day inaad dadka si degan u qanciso ama wax uga dhaadhciso.

Ha murmin: muranku maaha hannaanka wanaagsan ee loo hadlo ama cid loola doodo

Ha dhaaran ama ha badin dhaarta:si ay kuugu meel maraan fikradaha aad wadato ee doodaada waayo haddii aanay jirin wax wayn oo kugu kallifaya inaad dhaarato ama aan looga maarmayn dhaar runna ah ma fiicna inaad noqoto mid qalbigu engego oo fududaysta caadaysiga iyo si fudud ugu dhaarashada magaca alle haddii kelmedda aad tidhaahdaba aad daba dhigto dhaar ama magaca alle si loo rumaysto waxaad noqon doontaa mid marka danbe xataa waxyaabaha beenta ah ku dhaarta dadkuna marka danbe xataa haddaad caadi u hadasho waxay iyo haddaad wallaha daba dhigtaba aanay rumaysan hadalkiisana kala jeclaan ilaahay agtiisana miisaan wayn ku yeelanwaaya

Ha ku adkaysan inay taadu sax tahay: marka aad doodayso ee qir dadka kaa saxsanna raac.

Hadii aad qofka kale si fiican u dhagaysato marka uu dhameeyo ee aad hadalka qaadato adna si degan u sharax fikirkaaga iyo ra’yigaaga adigoo u badinaaya hadalkaaga hadallo cadaymo wata qaar suugaamaysan odhaahyo sarbeeban iyo halqabsiga haddalada dadkeenii hore ee xigmadda lahaa ku sargoo hadalkaaga kelmedo kooban oo nuxurka taabanaya isla markaana la sii dhadhansankaro muddo saacadona la falanqeeyo abwan hadraawi isla gabaygiisii qiimaha lahaa ee sirta nolosha waa kii ku lahaa

Naftu seeto yey waayin

Hana falin sidaad doonto

Hadalkana sar weedhiisa

Una saaf qof kii waaya

Haka tegin sarbeebtiisa

Hana gelin sursuur oodan

Hana lumin sargoyntiisa

Hana liqin sangaabtiisa

Haku saxan badheedhkiisa

Runta sogordoh haw yeelin

Ha suldaarin dooddiisa

Sisibee wadaagiisa

Sababee abbaartaada

Hana badin su’aashiisa

Sarifkiyo tilmaantiisa

Saddex eray halkii dooni

Soddon yaanay kaa qaadan

Siddi qabaxi yay raaacin

Sare haw dhigdhigin luuqda

Gacantana ha saydh saydhin

Hana odhan wax sawliila

.muuji inaad tahay mid dadka uu la doodaayo la siman isla weynina yey kaa muuqan

Sida aan ka dhadhansan karno tuducyada ama meerisyada aan ka soo qaadanay gabayga sirta nolosha

14.waligaa ha ku dhaqmin dadkana ha kala dhawaysan.

Dhalinyarada somalida waxa dib u dhaca ku keenay qayrkooda dunidana ka reebay ayay ka mid tahay qabyaaladda iyo nin jeclaysigu.

Waddamo dhowr ah oo qabiilooyin u qaybsani way jiraan malaha se cid somalida kaga xun ku dhaqanka qabyaaladda iyo reer –hebelnimadu majirto ogaalkayga.

Waxaanan odhan karaa malaha waa dhaxalka kaliya ee ay inooga tageen awawyaasheen waayo iyaga ayaa is qabiil dili jiray geelasha iyo xoolahana kala dhici jirin , meesha dhalinyarada dunida ee qayrkeena ay awawyaashood uga tageen warshado,taariikh dhaxalgal ah, cilmi, horumar iyo kala danbayn

Qofka somaliga ah waxa ku abuuran caadifad xun waana sida loo badanyahaye, waxuu doonayaa qofku qof kasta oo uu la kulmo oo wax dhexmaraan amaba si dadban uu ku barto amaba shaashad uu ka daawado wanaag iyo dhaliil kuu doonaba ha lahaadee wuxuu qofka somaliga ahi jecelyahay inuu ogaado ama u kuur galo reerka uu yahay qofkaasi xataa uu kaa xishoodo oo aanu ku waydiin wuu iska jecelyahay inuu ogaato qolada aad tahay.

Somalidu waxay sheegtaan nin ka shaqaysta ee magac ama hanti alle siiyo waanay ku faanaan ama wiil ha ahaado ama gabadhe waxay yidhaahdaan hebel ama heblaayo waa annaga oo waa reer hebel ka xun ama dhaliisha lehna way iskuba caayaan.

Xog ogaal ahaan magaalada aan ku noolahay ee hargeisa waxaad is odhanaysaa malaha dhalinyarada mar ba marka kasii danbaysa ee ay aqoonta heer ka gaadhaan caadifadooda qabyaaladeed way sii korodhaa (waa fikirkayga iyo inta aan la kulmay ee aan darsaye) waxad arkaysaa xilliyada ardaydu dhigato dugsiyada sare iyo jaamacadaha inay qabyaaladda aad uga sheekeeyaan ku kaftamaan isku dhaliilaan mararka qaarna qabiil-qabiil iyo reer-reer ay u kala fadhiistaan.

Iyadoo wax barashada sare ee secondary yada iyo jaamacaduhu xilligii dhalinyaradu abuuri lahayd is dhexgal bulshadana qabyaalada ka tirtiri lahaayeen horumarkana horseed ay unoqon lahaayeen ayaad hadana ku maqlaysaa dhalinyaro badan “haddaanu reer hebel nahay annagaa idin dhaanna”, “waanu idinka badannahay”,”beribaanu idin laynay”,”gobol hebel iyo magaalo heblaayo annagaa leh ama ku badan”, “intaas ayaa dowladda noogu jirta”,”hebel/heblaayo waa reerkayaga” iyo waxyaalo kale oo la halmaala dhalinyarada wax baratayna aanay u qalmin sharaftoodana aan ahayn.

Inkasta oo qabiil iyo qabyaalad ay kala jaad yihiin oo qabiilku yahay marka la qeexayo sumad laysku garto sida Alleba qu’aanka innoogu sheegay balse waxaa ka duwan oo xun in si xun loogu dhaqmo oo lagu qabyaaladeeyo laysku hayb sooco cuqdad iyo caadifad qudhun ahna dadka lagu kala beero taas ayaa qabyaalad ah.

Dee somalina waad ogtahayoo reermaad tahay kaaga hadhimaysee waxa kuu xigaba faallooyin laga bixinayo ama lagaaga sheegayo reerka aad ka sooo jeedo laandheere nimo iyo laangaabnimo aan diinteenna suuban meel na kaga oollin iyo kala sarayn aan jirin Allena aanu jidayn marka laga reerbo cabsida Alle oo lagu kala sarreeeyo.

Hadaba ma is waydiisay akhristow haddii cillado caynkaas ahi jiraan dadkeennana ku dhex milmeen bulshadeenana dib u dhac iyo ragaadin ku keenay “kaalintee ayay dhalinyaradu ka qaadan karaan is dhexgalka bulshada iyo suulinta nidaamka xun ee qabyaalad ku dhaqanka iyo caadifadda xun ee dadkeenna badankooda ku abuuran ?”.

Dhalinyaradu waxan aaminsanahay inay yihiin kuwa kaalinta ugu muhiimsan ka qaadan kara burburinta iyo aasidda qabyaaladda qadafka ah iyo qudhunka, dhalinyaradu waa ku wa jiilkooda iyo qarniga ay nooliyihiin kuwa jooga fahamsiin kara wanaaga dhaxal ahaanna uga tagi kara jiilka iyaga ka danbeeya.

15.xalka qayb ka noqo dhibta qayb ha ka noqon markastana dhexdhexaad ka noqo doodda iyo fikirka dadka kale.

Da’da aad doonto ahaw’e isku taxaluji inaad noqoto qof xilli kasta qayb ka ah xalka ee aan qayb ka ahayn dhibaatada waxan uga jeedaa haddii aad la kulanto dhib dhacday oo boos kaaga bannaanyahay xallinteeda isku day inaad wanaag ku xalliso ee ha jeclaysan inay sii socoto.

Markastana dhanka fiican wax ka eeg ee ha eegin kaliya sida ay adiga dantu kuugu jirto , ku dadaal inaanad cidna garab xaq darro ah siinin eex iyo qaraabo kiilna aanad ku dhaqmin

Ha ugu hiillinin cidna fikradda oo aad kala mid tahay , qadiyadda oo aad ka simantihiin, qabiil iyo reer, dan kale oo isugu kiin jirta ama iskaga kiin xidhan iyo nin jeclaysi midna, ee adigu raac markasta xaqa garabkana saar caddaalada si ay adigana garabka kuu saarto.

16.u mahad celi dadka ee adigu ha sugin uun in laguu mahad celiyo, muuji waji farxadeed iyo dhoollo caddayn.

Fikirkani waxaan odhan karaa waxa uu ka mid yahay fikradaha aad ka u tirada yar ee aanay dadkeennu aad u dhaadin in yar mooyaane, waa concept qaaliya inaad dadka u mahad celiso waayo xadiis ayaa ahaa “qofka aan dadka u mahad celin ilaahayna uma mahad celiyo”

Adiguba waad garan kartaaa akhristow inay kala fiicantahay qofka oo aad wax uu kuuu qabtay aad ugu mahad celiso iyo adiga oo kab maas ah intaad u xidhato qunyar iska dhaqaaqa.

Sidee ayuu noqonayaa qofka dareenkiisu marka aad wax uu kuu qabtay ha yaraado ama ha badnaado’e aad uga mahad celiso iyo adiga oo aan wax wayn kasoo qaadin inaad uga mahad naqdo.

Haddii aad qofka dareensiiso inuu mahad celin mudanyahay waxa uu isna dareemayaa inaad dareensanthaay una ogtahay abaalkiisa iyo wax qabadkiisa waxaanu kuuugu jawaabi doonaa “maya walal adaa mudan waan isku leenahay” iyo looma baahna inaad iiga mahad celiso waxani waa waajibkayga.

Haddii aad mahadnaq la’aan iskala jaqaafisana waxa galaya qofka dareen kaas liddi ku ah ama caksigiisa ah waxaana laga yaabaa inuu qofku su’aalo badan is waydiiyo oo uu yidhaahdo “tolow ma waxa aad qabatay ayaan waxba ahayn?”,”mise waanad mutaysanin in laguu mahad celiyo”, “ma wax ayaad khaladay oo aad xumaysay oo waxba waanad qaban?”,”miyaanu/miyaanay ku faraxsanayn tolow waxa aad u qabatay?” iyo su’aalo kale oo shaki hor leh dhalin kara.

Sidaas darteed ayay aniga inta ila fikirka ahba muhiim noola tahay in qofka wax kuuu qabta ama wanaag kula jecel inuun haba yaraadee loo mahad celiyo waji farxadi ku dheehantahayna loo muujiyo

Mahad celintu kuma koobna qawl aad ku dhawaaqdo oo kaliya haseyeeshee waxa kale oo suuro gal ah in qofku jawiga wajigaaga ka dheehan karo in aad la dhacsantahay wax qabadkiisa ama caawintiisa

Furfurnaanta iyo bashashnimada uu qofku ka dheehdo wajigaaga ayaa ka turjumaysa dabeecadda lagaa aaminayo iyo naanaysta hadhow lagugu shaanbadayn doono ama wanag ha ahaato ama xumaane

Wajigu waxa uu gudbiyaa fariinta ugu culus ee hordhaca ah ee lagaa aamini karo waxa uu fududeeyaa in si dhakhso ah sawir lagaaga bixin karo iyada oo laga yaabo inaan aadb laguu siii dhex galin dabeecaddaada

Haddana inta badan wajigaagu waa ka dadka soo dhawaynaya ama fogaynaya intaan dabeecado kale laysla gadhina wajigaaga ayaa kaa sheegaya fariinta hordhaca ah ee lagaaga bixin karo comment ka

Dhoola caddayntu waxay ka mid tahay waxyaabaha aadka ugu reeba dareenka xasuusta ah dadka taas oo laga yaabo in dad badan oon kamid ahay aanay markii hore aaminsanayn ama aanay wax badan ka aqoon qiimaha ay dhoolo caddaynta iyo wajiga farxaddu ka muuqataa ay u leedahay la dhaqanka dadka iyo micnaha ay u samaynayso xidhiidhka is dhex gal ee dadka iskusoo dhawaanshaha iyo dabeecadda qofku kaa aaminayo ama sawirka uu kaa qaadanayo iyo wixii la hal maala

Shiv khera oo ah qoraa wayn ayaan ka maqlay isagoo leh

"A smiling costs nothing, but it creates much

It enriches those who receive with out impoverishing those who gave it

It happens in a flash and the memory of it may last for ever".

"dhoolo cadayntu wax kharasha kuma kacayso lakin wax badan ayay samaysaa

Waxay qani kadhigtaa kuwa hela(loo dhoolo caddeeyo) iyadoo aan xaalifinayn ama fiqiir ka dhigayn kuwa bixiya (dhoolo caddeeya)

Waxay udhacdaa qaab flash ah waxaana laga yaabaa inaan xusuusteeda waligeed la illaawin"

Taas oo aan is idhi malaha wax ayaa ka jira sida aanu u fahamnay aniga iyo inta ila fikirka ahi

Bal is barbar dhig dadka qofka dhoolo caddayn iyo farxad kugu qaabila iyo ka waji uu quful wayni saaranyahay kugu qaabila iyada oo labadaba ilaaahay uuni uu ogyahay waxa u hooseeya

Haddana waxa aan ka warami karnaa waa inta debedda aan aragno ee qofka taas oo labadaas qof anay ahayn wax lays barbardhigi karo .

17. qaado waanada dadka kaa waayo aragsan, waani kuwa aad ka waayo aragsantahay oo yaan lagaa amaanin meel aad joogto

In aad qaadato waanada dadka kaa waayo aragsan,wax aad ka barato umuuraha ay kaaga horreeyeen waxay suurto galinaysaa inaad ogaato waxyaabo badan oo kaa daahan.

Ka warayso oo waydii dadka kaa waayayn ama si uun kaaga waayo aragsan waddooyinkii ay usoo mareen iyo caqabadihii ka hor yimid illayn "waayeel wuxuu soo maraa laga waraystaaye"

Waydii wadooyinkii iyo qodobadii uu ku fashilmay intii uu noolaa . Waydii arimihii uu kaga baxay dhibaatooyinkii uu soo maray qaarkood. Ka warayso siyaabihii uu ku guulaystay iyo waxyaalihii uu ku guulaystay.

U ban dhig waxyaabaha aad damacsantahay iyo talaabooyinka aad doonayso inaad qaado, kana qaado am aka hel talooyinka inta suurto galka kuu ah ee wax ku oolka ah ee qofkan kaa wayn ama kaa waayo aragsani uu ku siiyo ee ku saabsan arimahaaga.

Waxa suurto gal ah in haddii aad isku dhafto , dhinacana isugu qabato talooyinka dhaxagalka ah ee waayo araga casharada aad ka dhaxasho dhibaatooyinka iyo duruufaha kugu dhereran,dhan walbana kaaga xeeran.

Inaad ka gaashaaman karto dhaliilo kaaga iman lahaa ku dhako faarka dhibaatooyin aad martay iyo barnaamijyo aad ku fashilmatay.

Dhanka kalena ku dadaal sidii aad u dhiri galin lahayd dadka aad wax ku dhaanto oo aan waxyaabaha qaar iyagu dhaadanayn balse balse aad adigu hore uga dheregsanayd waxaan uga jeedaa waani dadka aad ka waayo aragsantahay uguna nasteexee inaad u dhiibto habab kii aad kaga baydhay wadooyin lagu fashilmo oo aad hore u dhinac martay amaba kuu soo dhuuntay u sheeg oo sii wayo aragnimadaada intii ay iyaguna haadaan ka dhici lahaayeen.

Samayso file aad ku ururiso gefafkii aad samaysay iyo khaladaadkii kaa dhacay waxyaabihii aad ilduuftay

Mar walba dib u daalaco dabadeedna ka feker sidii ay u dheceen iyo sidii aanay mar danbe u dhici lahayn.

Aaminsanow in wax waliba qoranyihiin oo qadarka allah ku dhacaan, lkn xusuusnow in marwalba dhinaca kalena inay khalad tahay in gefafkii doqoniimada ahaa ee aad samaysay iyo waxyaabaha xun-xun ilaahay loo nisbeeyo taasina waa doqoniimo waayo ilaahay waxa uu kuu kal bayaamiyay jidka toosan iyo kan qalloocan caqligana waxa uu kuu siiyay oo uu xayawaanka kale kaaga fadilay inaad kala garato xaqa iyo baadilka oo uu hore ilaahay kuugu kala bayaamiyay sidaa darteed waa khalad in ilaahay falalka xun-xun ee doqoniimada ah eed ku kacdo aad u nisbayso ee loo raacayaa naftaada kuna canaano iyada.

Yaan lagaa amaanin meel aad joogto: qofka oo laga amaano meel uu joogo ama uu xaadir ku yahay waxa hubaal ah in amaantaasi aanay 100% ahayn mid run ah ama aan lagu kalsoonaan Karin,

Haddii qofka laga amaano meel uu joogo waxa suuro gal ah inay jiraan qodobadani:-

In niyadda loo dhisayo ama la farax galinayo In laga raadinayo wax kale ama laga bislaynayo dan laga leeyahay oo amaanta lagu

maalayo Inuu yahay qof amaanta u riyaaqa dadkuna ogyihiin iyo waxyaabo kale oo lamida

Qofka oo la amaano isaga oo maqan waxa suuro gal ah in 100% ama wax badani run kayihiin waayo isaga oo maqan oo aan ogayn ayaa la amaanay, waanu dhaama 100% kan isaga oo jooga la amaaanayo ee qoslaya.

Waxaana fiican inaad xan ku hesho in lagu amaanay oo aad tahay qof leh sifooyinka la sheegay intii aad maqli lahayd iyadoo dhegaha laguugu ridayo amaan aad leedahay ama aanad lahayn markaan kuma sifoobaysid 100% sifayaasha lagaa sheegayo ee waxay u dhawdahay inaad ku sifawdo qodobadii aynu kor kusoo sheegnay oo aad noqoto

doqon dan laga leeyahay aan se dareemayn damiin aan damiir lahayn oo amaanta ku darara runtana ku dardhada .dulli sifayaashiisu ka daahanyihiin amaanta dadkana oo doog dhowda.Dabbaal amaan u diyaara fikirkiisa iyo dadnimadiisuna aanay sii durugsanayn.

Ha isku daalin inaad maqasho ama ogaato inta lagu amaanay ee isku daali kuna dadaal inaad ogaato inta lagu duray dhaliilna lagaa sheegay, dadka aad kala mid tahay si aad goordhow isu saxdo ama wax uga bedesho dhaqamada dadku kugu diideen ee aad sida dadban iyo sida tooska ahba u ogaatay amaanta aan qiimo sidaasa se ku fadhiyini inay kusii lumiso mooyaane lagama yaabo inay wax sidaasa kuu kordhiso.

18. ha ka dib dhicin ballanta oo oofi hana u ballan qaadin cidna wax aanad haynin

Ballantu waa wax qaali ah oo ay fulinteedu masuuliyad gaara tahay sida allah subxaanah uu inoogu bayaamiyay qur'aan ka kariimka ah rasuulkeena suubanina (scw) uu inoogu sheegay axaadiithta.

Sidaa darteed maba jirto meel kale oo looga baydhaa.

Waxa dadkeena lagu tilmaamaa waliba somalida oo lasheeego inay 100% muslim yihiin haddana lagu sifeeyo dad:-

Ballanta aan oofin am aka dib dhaca Dad been badan sida ay iyaguba isugu markhaati fureen ey yidhaahdeeen"been waan sheegnaa

lkn been ma maahmaahno" Inay yihiin dad aan dhowrin wakhtiga qiimaha uu leeyahayna aan aqoon ballantana xilligeeda

aan iman ee yimaada saacad kadib xilliga ay ballantu tahay waa sida laynagu xanto'e

Ballantu way noocyo badantahay:- ballanqaad aad samayso dalab cid kaaga yimaada kadib

Ballan qaad aad adiguba si xor ah cid wax ugu ballan qaado inaad siinayso ama u qabanaysoi xilliga aad doonto u qabo'e.

Ballan qaad aad samayso xilli aad cid kulmaysaan ama isku ogtihiin inaad isku timaadaan waxa aad doonto aad ka wada hadashaane

Waxaana lagama maarmaan ah in intaba sidooda loo fuliyo ama loo oofiyo, waxa kale oo qormadeena qodobkani ay ku dhiiri galinaysaa asxaabta somalida ee da'yarta ah iyo waayeelkaba aanad cidna u

ballan qaadin wax aanad haynin ama aanad meel ku ogayn taas oo iyada lafteedu ballanta ka mida una baahan in la oofiyo ha u ballan qaadin cidna wax aanad u qaban karaynin.

Somaliduna iyadaaba tidhaahda "ballan darro waa diin darro" waana run marka aad u fiirsato sida ay shareecaddeena islamku faallootay ballanta, Allah na u yidhi "ballanta oofiya"

Isla markaana ay tahay masuuliyad uu Allah ina saaray miyaanu markaa qofka aayaddaas ka baydhaa aanu ahayn mid ka baydhay shay kamida diinteenna taas shaki kama taagna akhristayaashuna way ka fikirayaan.

19. Awoodda Allah kusiiyay uga faidayso si sax ah u adeegsan si khalad ah.

Allah waxa uu inagu mannaystay awoodo dabiici ah oo qaali ah lagana yaabo inaanay dad badan oo kale oo dunida guudkeeda ku uumani aanay haysan, amaba qaar inaga mid ahba laga qaaday iyadoo lagu imtixaamayo kuwa kalena lagu eegayo awoodaha iyo nasiibyada aynaan badankeenu dhaadanayn waxa kamid ah

1. islamnimada: oo ah nasiibka ugu qaalisan ee ilaahay inagu galladay oo aad ka nasiib badantahay kun jeer ka seefta lagu muslimiyay, ka goordanbe allah xaqa garansiiyay intii horena baadi ku sugnaa, ka hawl adag umaray ee cilmi iyo daraasadayn dheer kadib muslimay iyo cid aan ku dhalan oo dhanwaayo waxaad nasiib u heshay inaad dhalato iyadoo family kaaga oodhami muslim yihiin illaa awawyaashaadii hore wuxuu ilaahay kugu manaystay inaad ku neefsato judhaba deeggaan aan gaalo jirin diintana lagu oogayowaxaad fursad u heshay degaan neecaw udgoon iyo caqiido fiican leh aad ku barbaarto laguguna canqariyo

2. caafimaad: oo ah waxyaabaha ugu qaalisan nolosha naflayda kuwan ugu horreeya3. laxaad: ama lixda laxaad ee aadamaha ilaahay ku galladay oo aan odhan karo waa kan u

mudanba waxyaabaha ilaahay qofka siiyo mark laga yimaado caqiidada islam nimada4. cilmi iyo garasho dheer: oo laga yaaabo in dad badan ilaahay u suuro galiyay inay cilmi badan

kasbadaan ama diini ha ahaado ama maadiye.Kuwo kalena talent gaar ah lasiiyay oo indheer garadnimo iyo garasho taama lagu galladay

5. nabad galyo iyo iimaan: oo ay ahayd inaan iyaga uguba horaysiiyo ahna wax intii nasiib leh ay heshay siiba nabad galyada waxa macaankeeda ugu dareeemi og inta aan wayda ee aan haysan imtixaankuna ku socdo.

6. Awood xil/mas uuliyad: oo ah tan dadka inta badan u muuqata ayna iskuba dilaan dadkeenu amaba isku xag-xagtaan awooda xilka ama masuuliyada ha u fahmin tan siyaasiyiinta oo qudha ee qof kastaa waa raaci waxaanu raaci ka yahay waxa masuulka looga dhigay goor dhowna lagula xissaabtami doono lagasoo bilaabo naftiisa, qoyskiisa, ilaa qarankiisa iyo wixii la mida

7. Dhaliyaro nimada iyo 8. Cimriga

Awoodahan qaaliga ah ee aan kor ku xusay iyo kuwo kale oo aanan sooo qaadinba waxa dhici karta inaynaan badankeenu ku baraarugsanayn lagna yaabo in qaarkeen ay cawdaan iadoo waxaasoo awooda la siiyay.

Waxa hubaala in dhamaan awoodahan iyo kuwo kale oo badanba lagula xisaabtami doono lana waydiindoono cidda lasiiyay laguna imtixaamayo oo sabirkooda la eegayo cidda laga qaaday awoodahan qaarkood

Waxa lagu waydiinayaa islaamnimadii alle ku siiyay sida aad ugu camal fashay Waxa lagu waydiinayaa caafimaadkii lagugu mannaystay sida aad ugu cibaadaysatay ama

waajibaad ku saran aad ugu gudatay. Waxa lagu waydiinayaa laxaadkii qaaliga ahaa ee aan dadbadan oo qayrkaa ah lasiin waxaad

adigu ku samaysay iyo sida aad uga faaidaysay inaad cid ku dulmiday ama aad ku kaalmaysay inaad ku sinaysatay, inaad wax ku dhacday , inaad wanaag ku qabatay oo aad cid ugu samo fashay inaad dalkaga diintaada iyo dadkaagaba ugu adeegtay.

Waxa lagu waydiinayaa cilmigii iyo garashadii alle ku siiyay meesha aad ku martay iyo sida aad u adeegsatay xumaan iyo samaan, xaq baadil ba.

Waxa lagugula xisaabtami doonaa amnigii iyo iimaankii alle ku siiyay inaad garatay iyo in kale inaad guddoontay iyo inaad xoortay, inaad allihii ku siiyay ugu shugriday iyo inkale.

Waxa lagu suaalayaa wakhtigii qaaliga ahaa cimrigii alle kuu hibeeyay iyo dhalinyaro nimadii qaaliga ahayd waxa aad u qoondaysay ee aad ku qabatay iyo sidaad uga faaidaysatay xumaan iyo samaan.

Waxaan lagaa dhaafi doonin oo laggugu soo xaadirin doonaa xilkii umadda laguugu , awooddii lagu siiyay iyo ciddii raaciga lagaaga dhigay sidaad ula dhaqantay ama aad u dhaqday,wax ugu qabtay awooddiina aad u adeegsatay.Waxaad noqon doontaa mid ku barmoosa ilbidhiqsina kaga gudba xisaabtaas ama waxaad noqon mid ku hafta

Ku dadalaal inaad ka faaidaysato wakhtigii iyo awoodihii alle ku siiyay intaan xaashidaada la laabin qalinkaaguna aanu engegin, ha ku seexan inaan berri nolol ku kacayso haddaad seexato, hana u hanqal taagin in cadceeddu nolol kuugu dhacayso haddaad subaxii nabad kacdo.

Haddii Allah awood dhaqaale iyo xil ku siiyo ha u qaadanin inuu dadka kale u waayay ee maanka ku hay in uu kugu imtixaamayo laguna eegayo sida aad uga soo baxdo sida aad ugu xamdi naqdo alle sida aad waxii kaaga waajibay uga bixiso iyo sida aad tubta toosan ugu marto ee aanad noqon kii maalkaasi ama awoodaasi aanay luminin.

Haddii cidi masuul kaa dhigato maaha wax yar eek a feejignow inaad ku fashilmato aakhiro ilaahay agtiisa iyo ifkaba dadka dhexdiisaKu dedaal caddaaladda oo ah wax culusu am aka hawl yarayso oo ku dheh dadka iga daaya inaan sidii la rabay uga soo bixi Allaa ogeIllayn waa laysaga danbayne.

Waxan jecelahay in qodobkani toosin iyo is baraarujin uun uu ku ekaado ee aanu siyaasad inoola gelin ALLAH INAGA IYO MADAXDEENNABA XAQA IYO CADDAALADDA HAYNAGU SUGO!

20. ku dhegsanow oo iib gee dhaqankaaga meel kasta ood joogto!.

Adduunyadan aynu ku noolahay qoomiyad kastaa waay leedahay dhaqan u gaara oo ay kaga duwantahay qaramada kale

Bulsho waliba waxay kula tartantaa quruumaha kale qaab dhismeedka u gaarka ah wallow uu qaar dhaqankaagu ula muuqan karo qalad qudhaaduna aad waxyaabo ka mida dhaqamada dadka kale qoonsan karto amaba qadaf aad u arki karto

Muhiimaddu se waa inaad dareensantahay in dhaqankaagu dahab yahay ama lagu sheegi karo kan ugu mudan.

Waxan odhan karaa dhaqan waliba wuxuu si kastaba ha ahaadee wuxuu wuxuu qiimo ku leeyahay cidda iska leh ama uu gaarka u yahay.

Waxaana qurxin kara melena gaadhsiin kara qofka leh oo bulshada ka iibiya isla markaana isagu gudbiya wixiisa intii uu gudbin lahaa wax cid kale leedahay ama laga dhigan lahaa boodh lagu xayaysiisto dhaqamo dad kale leeyihiin

Taas oo macnaheedu yahay dhaqan kastaa wuxuu ku qurux badanyahay cidda leh iyada ayaanu xil kasaaranyahay.

Ku adkaw dhaqankeenna kana qaado oo dabakh inta diinta islamka ka qusaysa ama aan shareecada ka hor imanaynin inkasta oo intiisa badan dhaqankeena aynu awawyaasheen kazoo gaadhnay uu ku qotomo diinta islaamka waayo dadkeenna ama awawyaasheennii hore ayaa muslim ahaa ilaa waagaa inkasta oo xaga taariikhda laygaga dheereey.

Haddii aanad adigu dhaqankaaga muujinin oo aanan kor u qaadin cid kalena haba ka sugin inay koolkooliso ama sare u qado dhaqankaaga

Xusuusnow in dhaqankaaga haddaad ka tagto mid kale aad u hanqal taagto aanad kaana wax qiimo ah ku yeelanaynin, laguguna qadarinaynin " waxan hadda xasuustay oo igu soo dhacay qiso aan ilmeeyay habeenkii aan daawaday oo uu abwaan hadraawi kaga sheekaynayay sidii ay ku timi maansadiisii la magac baxday Heego-Muuqdheer waxa uu yidhi abwan ku wakhti aan ku sugnaa wadanka ingiriiska ayaanu tagnay aroos Somali ay leedahay oo cid walba lagu marti qaaday waxa uu yidhi anaga oo fadhina madasha loogu talo galay in lamaanaha arooska ahi la keeno looguna dabaal dego dad caddaan u badanina aad u sugayeen ayaa waxa soo baxday shanqadh waa lamaanihii is calmaday ee diyaarka loo

ahaa waxay soo fuuleen dabaq sare oo aanu joognay xafladuna ay ka dhacaysay mise waaba wiil suudh madaw iyo tie xidhan oo gacanta haysta gabadh taaj cad oo dheeri uu taba jiitamayo, halkii looga mashxaradi lahaana madashii waxaa hal mar bedelay oo hadheeyay caajis iyo aamusnaan taas oo dadkii ajnabiga u badnaa ee xaflada yimi aanay u bogin qaabka labada qof u labisanyihiin , waxan arkay martidii oo badankoodu niyad jabeen cameradihii ay diyaara la ahaayeena ay laablaabteen waxan dhugtay qaarkamida oo dhegta isu saaraya iyagoo leh "tolow miyaanay dadkani dhaqan u gaara iyo labis u gaaraba lahayn waaar inagamariya meesha" illayn garo oo taj ka iyo suit ku waa dhaqan reer galbeede.

Abwanku isaga oo hadalkiisa sii wata qaab farshaxanimo heersaraysana uga sheekaynaya wuxuu yidhi mar kale "halkii anagoo fadhina oo dadka badankoodu u hollanayaan inay iskaa hoydaan oy ka dareeraan meesha ayaa mar labaad shanqadhii baxday oo sallaankii lasoo koray haddaan hal mar hortayada wada jalleecnay ayay mudh soo tidhi gabadh ilaahay qurux jog iyo Jamaal ba ku mannaystay oo qalabkii iyo labiskii dhaqanka somalida lagu yiqiin: boqorkii,dhaclihii,cunnaabigii iyo alaab qaaliya oo badan ku heensaysan kuna jeeni qaaran,wax hal mar is beddelay dareenkii xafladda oo aad uga duwanaaday sidii uu daqiiqado ka hor ahaa, waxa mar qudha camerado lagula boobay gabadhii.

Waxay dadkii ajnabiga ahaa ku mashquuleen daawashadeeda, sawirro iyo waraysiyo ka qaadideeda,waxan ogaaday habeenkaas in gabadhaasi ugurmatay dhaqanka, boodhka ka jaftay calanka dhaqankeenana sare u qaaday " ayuu yidhi abwaanku waxaanu intaas raaciyay "waxaan halkaa ka sameeyay maansada heego muuq dheer " oo uu markaa abwaanku ku amaanayo quruxda dabiiciga ah ee rabbi u dhaliyay gabadhaas uu ula baxay heego muuq-dheer iyo huga ay hilaabantahay eek a turjumayay ama xambaarsan dhaqan umad dhami leedahay oo hiil ka waayay kuwii cid ugu dhawaa, iyo sida ay gabadhaasi ugu hiilisay habeenkaas dhaqankeenna.

Maansadaaas oo ay erayadeeda ka mid ahaayeen" ma ogtahay huguba haybta waa ka badh"

Maantana waxaad arkaysaa kuwii looga tagay dhaqanka (waa dhalinyarada e) ee looga fadhiyay inay dugaaga ka celiyaan calankana u sidaan dhaqankooda inay ku fooganyihiin xiisaynta iyo u hanqal taaga dhal-dhalaalka iyo dhaqamada shisheeyaha ee aan taageeradaba uga baahnayn waayo qof dhaqankiisii ka tagay oo xooray muxuu ku tari karaa ku kalena , magaalada aan ku noolahay ee hargeisa wallaahi mararka qaar waad qoslaysaa haddaad u fiirsato dhalinyarada halkaas ku nool kala garan maysid ka dhaqan celiska ah ee qurbaha laga keenay ee ku soo baaba'ay iyo ka shalay miyiga ka soo galay waayo labadaba surwaalku wuu ka dhacayaa isku si bay u socdaan oo wada dhitinayaan, timuhuna isku nooc ayay ugu jaranyihiin

Qaar ayaa dhoor dheer le hood moodaa gobyahandhoore, qaarna waxaad moodaa in qadaadka iyo labada dhinac ee madaxa ay diiri ka leeftay, qaar sida sala-madhlaha ayay u tallaabsanayaan , qaarna waxaad moodaa in inay muqlaysanyihiin oo way dhacdhacayaan, kuwo kalena sida jir-jirroolaha ayay isu kojinayaan oo si ay u socdaanba garanmaysid.

Kuwo qurbaha ku jaan-jaamay een dhulkoodii joogin, ee markaa inta badan dibadaha qaxoontiga ku ah lacagaha caydha ahna indhaha lagaga rido ee maal ahaan iyo maskax ahaanba loo haysto, iska maahsan ee meel ay joogaan baa an is garanayn lamaan yaabine waxaan la yaabay kuwa ciiddoodii jooga ee waxa

ay shaashadaha ka arkaan iyo inamada ciyaartoyada ah isku dayaaya inay dabakhaan oo ku daydaan wax aan waxba uga todoba iyo toban ahayn.

Sxb bayaal aan usoo noqonno kor u qaadidda dhaqankeena inaga ayaa wax ka dhigi karna isla markaana aasi karna

Miyaanay ayaan darro kuula muuqan marka aad aragto dhalinyaradeenii Oo u darban inay kaaga sheekeeyaan dhaqamo shisheeye shakhsiyaad gaalo ah oo dunida caan ka ah ama kubad ha ciyaaraan ama film ha metelaane isla markaana ka wiji dadbaya oo aan kelmed kaaga sheegi Karin markaad waydiiso gabyaageennii somaliyeed gabayadeenii hore, sheekooyinkeenii dhaqanka quseeyay ee caruurta looga sheekayn jiray iyo waxyaabo badan oo aynu inagu dhaqan ahaan gaar u leenahay?

miyaanay ayaa darro kuula muuqan marka aad aragto dhalinyaradeenii oo halkii ay kaga dayan lahaayeen sunnaha nabigeena suuban(N.N.K,H.A) oo ku dayanaya kuna faraxsan shakhsiyaad iyaguba lunsan oo aan aakhiro waxba dhiganin.

Sxb bayaal xumaana ha u qaadanina intaas yar ee canaanta ah waayo waxa layidhi "faraska waxa usha loogu dhuftaa ha ka sii badiyo".

Waxaan rajaynayaa inay idin dhibto oo aad fahamtaan kana danqataan duullaanka dhinaca maskaxda iyo ideology yadda ah ee shisheeyaha iyo reer galbeedku inaguso qaadeen.

21.ilaali oo ku tuntuunso afkaaga hooyo.Waxyaabaha inaga sii guuraya ee aynu luminayno maaha dhaqanka oo qudha balse afkiina waa uu raacayaa waxa jirtay beri aan sidaa ba usii fogayn oo luqadaha qalaad ku hadalkoodu aanay badnayn waddanka gudihiisa oo qofka laba kelmedood oo English ah ku hadla la odhanjiray waa mutacalim tagay haddeerna waabay ka dartay oo afka qofku ku hadlaba 30% ayaa laga yaabaa inay luqado qalaad yihiin waxaasi goor ay afkeenii dhalanrogeen oy dhex galena garan maysid waxa layidhi "bidaari sibiq bay kugu gashaaye" waxa laga yaabaa in sida maalinba ini ugu biirayso uu hadhow wada bedelmo ba

Waxaad moodaa in aynaan sidaa ugu baraarugsanaynba oo aanay ina haynin cabsi afkeena la xidhiidha oo aad mararka qaar is odhanayso beri dhow waabu ka bixi doonaa meesha oo wuu tirtirmi doonaa.

Nin baan maalin ku qoslay waxaan ku idhi "inaan kula yara hadlo ayaan rabaa" xilligaana hawl ayuu hayay markaasuu iigu jawaabay "walal ten minutes isug please, otherwise isoo call garee tonight" fahmay lkn yaabay waxan oo English ah eek a buuxa hadalkiisa

Waxa jira kelmedo badan oo ku dhafan afkeena oo aynu ku garaadsannay oo aynu afsomali u haysano eray bixino kale oo aynu ku bedelnona aynaan xiligaa u haynin sida class ama fasal oo labadaba midna carabi tahay midna English tahay , dabcan o af Arabic ah,iyo kuwo kale oo badan oo qaarna inoo Somali garoobeen ama ay markii horeba luqada ku dhafnaayeen qaarna aynu la qabsanay uun balse ay eray bixin leeyihiin, haddii aad dib u tixraacdo luqadeenana waxaad is odhanaysaa mararka qaar malaha markeedii hore ayaabay ururis ahayd yeelkadeedee inagu intaynu soo gaadhnay miyaanay ahayn inaynu dhawrno eynaan dhalanrogin.

Erayada afkeenna ku milmay ee aynu ku garaadsannay na maaha English iyo Arabic oo qudha balse waxay leeyihiin luqado kale oo aad u badan haba ku kala badnaadaan afkeenna e sida hindi, oromo, canfar, talyaani, sawahili iyo kuwo kale oo badan.

Kuwaas oo la odhan karo waxay afkeena ku milmeen oo ku beermeen xilligii ay ajaanibkaasi xeebaheenna kasoo degi jireen ee qaarkood ganacsigii ii dooridu (barter trade) ina dhex mari jiray iyo waliba xilligii gumaystayaasha ee gumaystayaashii reer Europe ay u tafo xayteen inay dhaqankooda, afkooda iyo diintoodaba inagu beeraan

Kuwan afkooda kugu faafinaya ee hirgalinaya wa kula mid oo waxay ku dhasheen min sagaal bilood kaamana caqli iyo fikir badna

Maxaa adiga kaa qaaday hankii ahaa inaad kaaga faafiso dunida oo dhanna ka hirgaliso?Maxaa ku nacsiiyay afkaaga mid shisheeyana sonkorta kuugu daadiyay?Marka ay dani inagaga xidhmato la garaye maxaa mar walba afkaaga ku dhex milay ka shisheeyaha ee aad 30% ka ugu dhex daraysaa afkaaga hooyo?

Su'aalahan waxaan udaynayaa akhristayaasha qiimaha leh ee fikiraya wadaninimaduna ku jirto.

Bal u fiirso sada uu afkeenii meesha ugasii baxayo dhaqankana looga arradayo, intaan af qalaad oo afkeena ku dhex milmay loo teginba waxa jira af kale iyo kelmedo aan lagaranayn meel ay dhalinyaradu ka keeneen oo afkeena ku soo badanaya maalin walbana aad ka maqlayso iyaga oo ku hadlaya dhalinyaradeenu malaha deegaan walba dhalinyarada ku nooli wax bay isku af gartaane deegaanadan aan ku noolahay waad amakaagaysaa hadaad u fiirsato afka dhalinyaradu ku hadasho, qof wayn oo waayeel ahi hadduu dhegaysto waxa laga yaabaa inaanu waxba ka garan, side markaa loo odhan karaa waa afkeennii? Waxay ku odhanyaan: dheg yar oo aan maalmahanba ku wareegayay ayaan is idhi barafka saaroo shoodh bay igu celisay. Oo macneheeda ay ula jeedaan "gabadh yar oo aan maalmahanba ilaaqanayay oo aan islahaa shukaanso ayaan is idhi arinka ka dhaadhiciyoo khaso ayay igu riday ama way igu gacan saydhay".

Waxaad maqlaysaa iyagoo leh:

Waa laydh oo looga jeedo waa meel dad badan ama waa meel laga xishoodo Ka dhac = shaqo haku darsan ama ka dhuumo Kasiidaa = iska tag Buuri ayuu ku tufay = wuu khasaysiiyay Waan qabadsiiyay/waan ku beeray = waan ku dhuftay(feedh iyo wax la mida) Faji ayay u aaseen = oon u qaatay inay uga jeedaan waa la xantay Hebel ayaa la qalayaa = hebel ayaa la xamanayaa L (el) ayaan qoray/waan ku taagay = oo ah aad ayaan u orday Kab maasa ayuu u gashaday = wuu is diidsiiyay ama wuu u jawaabi waayay Kabahay la dul martay/way ku dhibco tirsatay = way ka badisay ama way ka raaysay

Burco iyo deegaano lamidana waxaan arkay iyadoo dhalinyaradu isticmaalaysa kelmedo kuwan la mida

Sida:-

Taydhbuu sii daynayaa: oo ah wax aan macno lahayn ayuu ku hadlayaa Qorigiisa yaan qabtay = sirtiisa iyo waxa uu damacsanyahay ayaan fahmay Hebel halkuu haystay dee = oo ah kelmed ay inta badan u adeegsadaan jikaar iyo kahorgayn qof

aanay hadalkiisa doonayn markaa waxaanay dhacdaa inta badan marka aad tidhaa waar ma hebel baa ama hebel mee inay kuu jawaabaan "hebel halkuu haystay dee waar wax noo sheeg"

Film ka I dhaafi= iga qallee/inabad geli ama iska soco Iga xidh: oo ah iga daa ama iga dhaaf (sida dayn iyo wixii la mida) Liid kaan u raacayaa = tan macneheeda ma hayo lkn waan maqlaa iyagoo leh inta badan Waa looga fadhiistay = waa looga aamusay Birtuu ka jaray = wuu u dhaweeyey Halkeeduu dhigay= wuu asiibay Way igu soo shidatay = aad bay ii soo eegtay ama ad buu ii soo eegay Waan iska xidhay = si fiican ayaan uga jawaabay Si macaan ayaan uga raacay = tan sare ayay isku macno dhowyihiin

Iyo kuwo kale oo badan

Waxa layaab leh inaad arkayso dhalinyardu iyagoo u isticmaalaya lab kelmedo loo isticmaalo dhedig

Sida hadaad u fiirsato waxa caado u noqotay inay yidhaahdaan waar bal tii eega way is keentee iyagoo ka hadlaya nin ama qof lab (anigii bay iila timi) iyagoo lab ka hadlaya

Geeb baa laga hayaa baa la yidhi: "gudiney haddaan badhkay kugu jirin imaad goyseen" geed ku wuxuu cabasho ka muujinayaa daabka ku jira gudinta oo inta badan laga sameeyo geed ama dhir laga qoro waxaanu leeyay qaybtaa iga midka ah ee caawinaysa in laygu kaa jaro ayaa cadawga ii jabisay

Waxaan qabaa dhalinyarow haddaynu ilaashan lahayn afkeenna oo aynu ka dhawri lahayn galdalooladaas looga soo galayo inaanu abid halkiisa ka dhaqaaqeen lkn inta aynu inagu gacanteena ku burburinayno afkeenna iyo dhaqankeena ee aynu ku badhxayno kana doorbidayno erayo aynaan lahayn si joogto ahna aynu u dhalan rogayno dhankeena ayaa looga soo dhacayaa cadawguna wuxuu kaga dhabaynayaa riyadiisa ah in dhexdeena uu ku beero afkiisa iyo dhaqankooda , dhud kastana uu innoo gooyo dhalinteena iyo ubaxa soo kacayana uu ugu dhibqin lahaa una gashan lahaa waxa uu doono iyo fikirkiisa sidaa darteed dhaqankeena iyo afkeenu waa kuwa ugu qaalisan dunida afka carabiga ee quraanku kusoo degay ayuunbaa ka horreeya sidaa aamina oo aynu dhowrno oo yaan dhankeenna looga soo dhicin bi'I waayee.

23.isku day inaad guulaysato mar kasta Allena kaashatoGuushu waa galladaha eebe bixiyo mid kamida waliba tan ugu mudan, waa muraayad uu qofku ka arki karo maxsuulka wixii uu qabsaday ama munaasibado uu mawluhu ugu talo galay inuu farxad ka maroojiyo.

Waa mansab lagu muraaqoon karo miridho yar dabadood milicsiga arimo badanina ku minguuri karaan, waa muunad aaan cidna lagaga masuugi Karin iyo mahadhooyin xusid mudan oo farxad lagu majeerto.

Inkasta oo muddo yar kadib ay murugo bedeli karto , taas oo uu qayb laxaad leh ka ciyaaro qoraalka Alle iyo nasiibka qofku

Haseyeeshee dad badan oo aqoonyahanno isku sheega ayaa ku andacoonaya inuu qorshe guuleed iyo dadaal shakhsiyeed iyadoo fursadaha sidooda looga faaidaysanayo balse aanu jirin wax nasiib ahi, dadkuna markay dadaalaan fursaduna siday tahay uga faaidaystaan ee guul ay gaadhaan ay yidhaahdaan waa nasiib.

Taas oo aan filayo in lagu kala fikir duwanaankaro wallow aanan anigu sidaaa la qabin waxanan u dayndoonaa akhristayaasha qiimaha leh.

Fikradaha iyo wadooyinka lagu guulaysankaraaa waa badanyihiin oo siday ila tahay mooyee ma'aha kuwo aan kaligay go'aan ka gaadhi karo waxaan taas idinkula wadaagaana waa fikirkayga shakhsiga ah uun.

Waxa laga yaabaa in waddo aad u martay guul oo aad ku gaadhay guushii ay ku kale u noqoto gacanka ku rida guul darrada sidaas darteed badanaa layskuma hallayn karo taas ee waxa loo eegayaa oo ay ku xidhantahay wadciga, waayaha uu qofku ku jiro iyo hada wajiga uu leeyahay qaabka mar xaladda uu qofku ku suganyahay.

Waxaad ka dheregsantahay farqiga wayn ee u dhexeeya guusha iyo guul darrada oo isu jira inta cirka iyo dhulku isu jiraan.

Waxan aaminsanahay in qofka muslimka ah ee imaankiisu buuxo caqiidadiisuna saxda tahay aanu wax ilaahay ugu talo galay mooyaane gebi ahaanba nolosha ku guuldarraysanaynin balse waxa hubaala in inuu la kulmayo caqabado ayna soo marayaan guuldarrooyin farabdan iyo guulo badan imtixaan bandanna uu marayo oo larabo inuu sabir iyo xal kaga gudbo

Farqiga u dhexeeya guusha iyo guul darrada waxa mid la mid ahi uu u dhexeeyaa mooraal ka iyo damiirka qofka guul darraysta iyo kan guulaysta aaminsanow qoraalka iyo qadarka Alle balse samee dedaal iskuna day markasta oo adigu waxba ha kala hadhin dedaalkaaga inaad guulaysato ta Alle iyadu waa meel oo waa geed ka go'ane.

Bal ku samee is barbar dhig waxa aad ka taqaano hab-dhaqanka, odhaahyada, iyo fikirka dadka guulaysta had iyo jeer iyo kuwa lumiya guusha ee aa la garansiin.

Dad ka guulaystaa had iyo jeer waxa ay qayb ka yihiin xalka kuwa guuldarraystaa se waa kuwo inta bdan qayb ka ah dhibta.

Dadla guulaystaa had iyo jeer dhib kasta waxay ka dhex arkaan xal halka kuwa guul darrarystaa ay badanaa xal kasta ka dhex arkaan dhib, taas oo macnaheedu yahay qof ka chanceka guusha ku dadaalaya ee daacadda ka ahi waxa uu markasta isagoo degenaan muujinaya haddii uu la kulmo dhibaato oo ay isaga soo wajahdo am acid kale waxa uu darsaa dhibtaas xalka ka iman kara iyo habka loo mari karo xalkeeda meesha uu kan guul darrada u saaxibka ahi arkayo ama ay u muuqanayso dhibta oo qudhi ama xalkasta oo wanaag ku jiro waxa uu darsayaa oo uu markaba ka dhex arkayaa dhibaato waxaanad halkaas ka garanaysaa inaanay isku muraayad ba wax ka daawanaynin.

Dad ka guusha u saaxiibka ahi waxay yidhaahdaan "way adkaan kartaa lkn waa suurto gal" lkn taas liddigeeda lossers ku waxay yidhaahdaan "waa suurto gal lkn way adagtahay"Iyadoo ay yartahay ama aanay jirinba rajo ah in waxani suurto gali karo iyagoo walaacsan ayay danbaysiiyaan "way adagtaay"

Dadka guusha u saaxiibka ahi waxay leeyihiin: qorshe iyo ballan qaad ka dibna ficil iyo wax qabad halka dadka guuldarraystaa badanaa ay leeyihiin iyagu: qorshe iyo ballanqaad kaliya marka aan la gaadhin ficilkana waxad ogtahay inaan la gaadhayn guusha waayo waxa laga yaabaa in inta ficilka iyo kaga dhabaynta ballanqaadka iyo qorshuhu kuu jiro ay guushuna kuu jirto waayo qorshe iyo ballanqaad kaliya oo aan ficil loo rogine meel kuma gaadhsiinayo ee halkaas ayaad taagnaanayasaa sida aynu wax kasoo tilmaanay qodobadii bilawga u ahaa maqaaladdeenan ee bilihii lasoo dhaafay.

Guulaystayaashu waxay ku tiraabaan "waa inaan wax ku dhaqaaqnaa oo waxaas aan qabtaa"Halka guuldarraystayaashu ay ka yidhaahdaan "waa in waxaas la qabtaa"

Dadka guulaystaa waxay arkaan midhaha guusha waxaanay ilaabaan rafaadka loo marayoHalka taaa liddigeedana guul darraystayaashu ay arkaan kaliya rafaadka iyo xanuunka hawsha balse aanay arkin midhaha guusha

ALLAH HA INAGA DHIGO KU WO IF IYO AAKHIRABA GUULAYSTA

GUNAANAD

Akhriste waa ii muhiim feedback gaaga iyo toosintaadu dadkana waxa ugu fiican ka qaladka kaa saxa ee wax kuu sheega wadada saxda ahna kuugu mahadnaqa wanaagana kugu dhiiri galiya

Intaasi waa intii ilaahay iga garansiiyay inaan idinkala wadaago maqaaladan maskaxdayda kasoo burqanayay beryahanba ee aan sida taxanaha ah jeclaystay inaad ila wadaagtaan oo iila daalacataan Toosintiina taladiina iyo feedback giinana inaan helaa waa sababta aan email kayga iyo phone kayga halkan hoose ugu soo qoro Waayo ma tihid waxa aad isu taqaano ee waxaad tahay waxa dadku kuu yaqaano.WABILLAAHI TOWFIIQ WAAD KU MAHADSANTAHAY INTA AAD ISKU HAWSHAY AKHRINTA MAQAALADAYDA