buuga gacan-qabsiga habdhaqanka ardayga: xuquuda iyo mas ... · dugsiyada dadweynaha ee saint paul,...

20
Buuga Gacan-Qabsiga Habdhaqanka Ardayga: Xuquuda iyo Mas’uuliyadaha Ardayda, waalidiinta/Mas’uuliinta iyo Shaqaalaha 2016-17 JADWALKA TUSMADA Mus’uuliyad la wadaago bogga 2aad Taageerada iyo waxqabadka Habdhaqanka wanaagsan bogga 3aad Dabeecada la filayo bogga 4aad Xuquuqaha iyo Mas’uuliyadaha Ardayga bogga 5aad Heerarka habdhaqanka Ardayga bogga 9aad Erayada caamka ah bogga 18aad Kaalmaynta Xallinta Arrimaha bogga 19aad Gudiga Waxbarashada OGEYSIIS MUHIIM AH: Dukumiintigan waa qoraal oo kooban oo ah Buuga gacan-qabsiga habdhaqanka ardayga: Xuquuqaha iyo Mas’uuliyadaha. Ardaydu iyagaa ka mas’uul ah in ay ogaadaan oo ay raacaan buugga gacan-qabsiga habdhaqanka ardayga nuqulka u danbeeya ee dhammaystiran. Haddii wax is khilaafsan uu ku jiro qoraalkan kooban iyo Buugga gacan-qabsiga ee habdhaqanka Ardayda, fadlan, ka eeg buugga gacanqabsiga oo dhamaystiran Internet-ka www.spps.org/rights_and_ responsibilities. Dadka xagga aragga cillad ka qabaa, waxay codsan karaan nuqul ka mida warqadan kooban iyadoo qaab kale oo ka duwan loogu soo gudbin doono, taasoo noqon karta daabacaada oo la wayneeyo, codka oo la duubo, Computar disk lugu duubo iyo wixii la midka ah. Kala soo xiriir xafiiska isgaarsiinta, suuqgaynta iyo horumarinta Lambarka Teleefanka 651-767-8110.

Upload: others

Post on 10-Jan-2020

24 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Rights & Responsibilities Summary | 1

Buuga Gacan-Qabsiga Habdhaqanka Ardayga:

Xuquuda iyo Mas’uuliyadaha Ardayda, waalidiinta/Mas’uuliinta iyo Shaqaalaha

2016-17

JADWALKA TUSMADA Mus’uuliyad la wadaago bogga 2aad Taageerada iyo waxqabadka Habdhaqanka wanaagsan bogga 3aad Dabeecada la filayo bogga 4aad Xuquuqaha iyo Mas’uuliyadaha Ardayga bogga 5aad Heerarka habdhaqanka Ardayga bogga 9aad Erayada caamka ah bogga 18aad Kaalmaynta Xallinta Arrimaha bogga 19aad

Gudiga Waxbarashada

OGEYSIIS MUHIIM AH: Dukumiintigan waa qoraal oo kooban oo ah Buuga gacan-qabsiga habdhaqanka ardayga: Xuquuqaha iyo Mas’uuliyadaha. Ardaydu iyagaa ka mas’uul ah in ay ogaadaan oo ay raacaan buugga gacan-qabsiga habdhaqanka ardayga nuqulka u danbeeya ee dhammaystiran. Haddii wax is khilaafsan uu ku jiro qoraalkan kooban iyo Buugga gacan-qabsiga ee habdhaqanka Ardayda, fadlan, ka eeg buugga gacanqabsiga oo dhamaystiran Internet-ka www.spps.org/rights_and_ responsibilities. Dadka xagga aragga cillad ka qabaa, waxay codsan karaan nuqul ka mida warqadan kooban iyadoo qaab kale oo ka duwan loogu soo gudbin doono, taasoo noqon karta daabacaada oo la wayneeyo, codka oo la duubo, Computar disk lugu duubo iyo wixii la midka ah. Kala soo xiriir xafiiska isgaarsiinta, suuqgaynta iyo horumarinta Lambarka Teleefanka 651-767-8110.

2 | Rights & Responsibilities Summary

Ku socota waalidiinta, qoysaska iyo bulshada Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul: Ardayda Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay xaq u leeyihiin waxbarasho ammaan ah oo habboon. Sidoo kale ardayda waxaa masuuliyad ka saarantahay inay la yimaadaan habdhaqan wanaagsan. Buuggan gacan-qabsiga ah wuxuu tusmo u yahay xuquuqda iyo waajibaadka ardayda. Waxaan rabnaa in akhristayaasha Buuggan ay fahmaan waxyaabaha laga rabo/filayo/rajaynayo. Waxaan sidoo kale doonaynaa in ardayda iyo waalidiintuba ay fahmaan ooy ogaadaan ciqaabaha ama jawab-celinta ka iman karta hab-dhaqanka aan ku habboonayn iskuulka gudihiisa. Waxaan ku rajo weynahay in macluumaadka buuggan uu inaga caawin doono sidii ay dugsiyadeenu u noqon lahaayeen goobo ay ka jiraan ixtiraam iyo is-kaalmaysi dhinaca waxbarashada ah oo maalin kasta ah. Waalidku waa macallinka koowaad ee ardayga iyo qofka ugu horeeya ee ilmuhu uu ku daydo. Fadlan adiga iyo ilmahaaguba isla akhrista buuggan si wadajir ah. Haddii aad qabto su’aal ku saabsan qoraallada buuggan, fadlan la xiriir macallinka ama maamulaha ilmahaaga. Haddii aad rabto inaad buugga oo dhamaystiran aad ka daalacto barta internetka, booqo spps.org/Rights_and_Responsiblities. MASUULIYADAHA LA WADAAGO Ixtiraamka oo la badiyo, Masu’uuliyadaha iyo Nabad-galyada Dugsiyada dadweynaha ee Saint Paul, waxay leeyihiin soo dhawayn fiican, iyo wax barasho sareysa oo dhamman Ardaydu hesho. Si loo hubiyo jawi waxbrasho oo wanaagsan dhamman degmooyinka iyo waliba maamulid wax-ku –oo-ah oo Fasalka ah, dhamman kuwa daneeyaa waxay leeyihiin kaalin muhiim ah oo ay ka qaataan. Ardayda

• Waxa jira fursado badan oo kuu suuragalinaya in aad guulaysato. • La samee shaqaalaha dugsiga, xidhiidh wanaagsan oo haboon. • Qorshee oo u habee hawl maalmeedkaaga, si aad u guulaysato maalintaada oo dhan • Raadi in aad aqbasho mas’uuliyadda, ogowna in aad ka mas’uul tahay wixii ka yimaada • U’ muuji ixtiraam ardayda kale, waalidiintooda/mas’uuliyiinta iyo dhammaan Shaqaalaha. • U’ sheeg qof mas’uul ah marka aad kaalmo u baahan tahay • Ilaali oo raac nidaamka iyo qawaaninta dugsiga • Maalin walba aad dugusiga xilligiisa, fasal kastana gal waqtigiisa adoo u’diyaar ah in aad waxbarato, aadna

u dadaal. • In aad si taxadar leh u adeegsatid kheyraadka iyo qalabka degmada.

Rights & Responsibilities Summary | 3

MASUULIYADAHA LAWADAAGO Waalidiinta/Masuuliyiinta

• Ogoow caruurtaadu inay leeyihiin waxyaabo u suurtoobi kara oo aan la soo koobi karin

• La samee xidhiidh fiican shaqaalaha dugsiyada jooga, sida mumulaha, macalin, shaqaale bulsho iyo la taliye.

• La shaqee shaqaalaha wadajir ahaan adoo diirada saaraya in Ilmahaagu u guulaysto

• Raadi caawimaad haddii aad wax fahmi weydo, ama doonayso in aad fahamto go’aan la gaadhay asbaabaha ka danbeeya.

• Ka qayb-gal kulamada macallinka iyo waalidka, haddii aad kari weydo, u dir qof kamida qoyskaaga oo kaaga qeyb gala

• Ixtiraam oo kaalmee bay’ada waxbarashada, kuna adkee ilmahaaga muhimada ay leedahay u diyaar garowga dugsiga

• U kobci in Ilmahaaga tacliinta in uu ku guulaysto, iyo asluubta dugsiga adoo ku adkaynaya in uu raaco shuruucda iyo nidaayada dugsiga.

• Hubi in Ilmahaagu/caruurtaadu yimaadaan dugsiga maalin kasta xilliga ku haboon.

• Xakamee adeegsiga iPad-ka inta guriga lajoogo

Shaqaalaha SPPS Iyo Bulshada Iskuulka • Ogow in dhammaan aradaydu ay leeyihiin

waxyaabo u suurto gali kara oon la soo koobi karin

• La yeelo xidhiidh quman oo ku dhisan ixtiram dhammaan ardada iyo waalidiintooda

• Si joogta ah, ula xiriir waalidiinta/mas’uuliinta kale

• Samee soo dhawayn diirran, iyo jawi xasiloon oo nabdoon

• Kor u qaad waxbarashada, taasoo keenaysa horumaar dhinaca bulshada iyo guul xagga tacliinta

• Waa in aad ka fishaa dhammaan ardaydu in ay helaan tacliin sare iyo rajo wanaagsan

• Waa in aad noqoto xirfadyaqaan ku dayasho leh, sida loo xalilo duruufaha adag, adoo raacaya hababka wax lagu furdaamiyo

• Abuur hab waxbarasho oo haboon kuna dhisan baahida ardayga oo ku dhisan qadarinta dhaqammada kala duwan ee ardayda.

• Si siman oo cadaalada ula dhaqan dhammaan Ardayda had iyo jeer marka aad dhaqan-galinayso sharciyada iyo nidaamyada

• Cashirrada aad bixinaysid ha noqdaan kuwo abuuraya jawi tiknoolajiyada qani ku ah isla markaana haku dhisnaadaan dhookha ardayda.

NIDAAMKA TAAGEERADA IYO WANAAJINTA HABDHAQANKA SUUBAN(PBIS): QAAB DHISMEED ISKUUL WALBA LAGA DHAQAN GALIN DOONO Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa ka go’an wax-qabadka iyo taageerada habdhaqanka wanaagsan ee loo yaqaano Positive Behavioral Interventions and Supports (PBIS) hab iskuuladu ay ku samayn karaan kuna hirgalin karaan bay’ado taageeraya tacliinta iyo guusha ama horumarka bulsho ahaan ardayda oo dhan. PBIS waa qaab shaqo oo cilmi baaris ku salaysan taas oo ay iskuulladu si joogta ah dib u habayn ugu sameeyaan si ay u buuxiyaan baahida hab-dhaqanka iyo waxbarasho ee is badalaysa ee bulshadooda dhammaan ardayda oo dhan. Kooxaha iskuulku waxay qaabkaan u isticmaalaan inay ku asteeyaan habkooda isugu jira sadexda darajo (three tiered) ee habdhaqanka taageerada sinaanta ardayda oo dhan. Waxaa muhiimad lasiiyaa ka hortaga dhaqamada dhibaatada keeni kara, waxaa la taageeraya xirfadaha bulshada caawin kara, oo isticmaali kara arimo xal u noqan kara dhibaatooyinka jira. Dugsiyadu xogta ay aruuriyaan waxay u isticmaalayaan caawinta wanaajinta habdhaqanka wanaagsan ee ardayda, caawinta waxaa laga yabaa in si kali-kali ah loo siiyo ardayda, ama fasal-fasal ah amaba dugsiga oo dhan. Si’ loo hubiyo in isticmaalka xogta ku salaysan wanaajinta habdhaqanka iyo waxbarashada ardaydu ay wax-tarayso, waxaa mar walba dib loo eegaa inay wax ka badashay amaba wanaajisay hab-dhaqanka ardayda. Dugsiyada waxay mar walba ku dadaalaan wanaajinta dhaqan-galinta xogaha ku salaysan habdhaqanka ardayda si ay ula qabsadaan isbadallada casriga ee socda.

4 | Rights & Responsibilities Summary

Habdhaqanka Wanaagsan ee Laga Filayo Ardayda: Tusaalayaasha dugsiyada Hoose iyo kuwa Sare Dugsiyada dhammaan waxay leeyihiin oo ay si joogta ah u meel mariyaan habdhaqan cad, suuban kana turjumaya xeerka iskuulka iyo bulshada oo ay doonayaan in lagu dhaqmo. Habdhaqammadaasi waa kuwa la barto, la ilaaliyo, la isku saxo isla markaasna la meel mariyo. Hoos waxaa ku qoran shaxda habdaqameedka dugsiyada hoose iyo kuwa sare. La xiriir dugsiga ilmahaagu dhigto si aad u ogaato habdhaqanka suubban ee iskuulka ilmahaaga.

Habdhaqanka Suubban – Dhamaan Dugsiga TUSAALEYAASHA DUGSIGA HOOSE

Noqo Qof Ixtiraam Leh Noqo Qof Mas’uul Ah Noqo Qof Nabdoon/Aamin Ah

Marinnada Fasallada Hortooda

• Codkaaga sare ha u qaadin (level 0-1)

• Adiga oonan qaylin dadka salaan (gacan haadin, dhoolo cadeyn).

• Ixtiraam shaqada ardayda kale (indhaha un ka eeg)

• Had iyo jeer ku soco ama istaag dhanka midig ee marinnada ama jaranjarada.

• Warqad fasax adeegso marka aad meel aadaysid. “fasalka marka aad ka baxaysid, macalimka tusi warqad ama qoraal fasax”

• Mar kasta qumaati u soco. • Dadka kale ka ilaali in ay gaaraan

gacmahaaga,lugahaaga iyo waxyaabaha kale oo aad wadatid

• Ku soco safka ay ardayda kale ee aad isku fasalka tihiin ku socdaan hana ka leexan

• Hal dhu-dhun in la eg ka soo durug dabriga

Kafateriyada

• Raac ama adeec amarka iyo tilmamaha shaqaalaha

• Codkaaga sare ha u qaadin (level 0-1)/Ha qaylin

• Gacanta taago haddii aad cawimaad u baahato

• Waxyaabaha aad u baahantahay oo idil soo qaado inta aadan kursiga soo fariisan

• Nadhiifi aagaga: kurisgaaga iyo miiskaagaba.

• Qashinka ku qub meesha loogu tala galay, cunnada aadan rabin gee miiska wadaagga (sharing table)

• Si munaasab ah u gal ugana soo bax kafateriyadda

• Kursigaaga ku fadhi ilaa iyo inta lagaa fasaxayo

• Dadka kale ka ilaali in ay gaaraan gacmahaaga, lugahaaga iyo waxyaabaha kale oo aad wadatid

• Dhakhsadiiba raac baaqa “Show Five”

Goo

bta

Musqusha

• Ixtiraam dadka kale • Musqusha u aad kaliya in aad

xaajadaada ku gudato • Ha qaylin, Codkaaga Sare ha u

qaadin (level 0-1)

• Ilaali oo tashiil biyaha, warqadaha iyo saabuunta (istcmaal hal mar oo saabuun ah iyo hal warqad oo aad gacmaha ku qalajisid

• Musqusha isticmaal adiga oo aamusan, dhakhsana kaga soo bax

• Dami qalabka elektrooniga haddii aad wadatid

• Gacmahaaga sabuun ku dhaq • Musqusha nadiif ha ahaato marka aad

ka soo baxaysd • Dadka kale ka ilaali in ay gaaraan

gacmahaaga, lugahaaga iyo waxyaabaha kale oo aad wadatid

Habdhaqanka Suubban – Dhamaan Dugsiga TUSAALEYAASHA DUGSIYADA HOOSE Noqo Qof Ixtiraam Leh Noqo Qof Mas’uul Ah Noqo Qof Nabdoon/Aamin Ah

Marinnada Fasallada Hortooda

• Soco oo Hadal • Salaan dadka kale • Adeegso luuqad ku haboon

iskuulka

• Fasalka gal inta aanan gambaleelka la yeerinin

• Warqad fasax adeegso marka aad meel aadaysid. “fasalka marka aad ka baxaysid, macalimka tusi warqad ama qoraal fasax”

• Dhanka midig ku soco wadooyinka • Dadka kale ka ilaali in ay gaaraan

gacmahaaga, lugahaaga iyo waxyaabaha kale oo aad wadatid

Kafateriyada

• Raac ama adeec amarka iyo tilmamaha shaqaalaha

• Gal safka si aad cunnadaada u qaadatid

• Adeegso luuqad ku haboon iskuulka

• Waxyaabaha aad u baahantahay oo idil soo qaado inta aadan kursiga soo fariisan

• Nadhiifi aagaga: kurisgaaga iyo miiskaaguba.

• Qashinka ku qub meesha loogu talo galay saxamadana is dul-saar

• Miiskaaga joog ilaa iyo gambaleelka laga yeeriyo

• Dadka kale ka ilaali in ay gaaraan gacmahaaga, lugahaaga iyo waxyaabaha kale oo aad wadatid G

oobt

a

Musqusha

• Xushmee oo ixtiraam dadka kale ee musqusha isticmaalaya

• Musqusha u isticmaal sidii loogu talo galay kaliya

• Tashiil biyaha iyo alaabta kale ee musqusha

• Isticmaal musqusha oogu dhow fasalkaaga

• Dami qalabka elektroonika haddii aad wadatid

• Musqusha nadiif ha ahaato marka aad ka soo baxaysd

• Dadka kale ka ilaali in ay gaaraan gacmahaaga, lugahaaga iyo waxyaabaha kale oo aad wadatid

Rights & Responsibilities Summary | 5

Xuquuqda Ardayda iyo Masuuliyadahooda Ardayda dhigata Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay leeyiniin xaquuqo dhowr ah iyo fursadahooda. Sidoo kale ardayda waxaa masuuliyadi ka saarantahay macalimiintooda, shaqaalaha kale iyo ardayda ay wax wada bartaan. Ardaydu waxay leeyihiin xuquuqo kale oo uu u balan qaadayo dastuurka iyo qawaaniinta gobolka iyo degaankaba. Xuquuqda iyo masuuliyadaha buuggaan gacanqabsiga ah ee ardayda ku qoran maaha kuwo wax kasta lagu soo daray mana daboolayaan xaalad kasta oo timaada. Qaybta hoose ayaa sharaxaysa xuquuqda ardayda, masuuliyadooda, iyo fursadaha ay ku leeyihiin Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Helitaanka Marinka Diiwanadda (Access to Records) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Iyadoo la tixraacayo qawaaniinta gobolka iyo tan dawlada dhexe, ardayda iyo waalidiinta/masuuliyiinta ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay eegaan ama daalacdaan axwaashooda ku qoran diiwaanada iskuulada. Ardaydu waxay xaq u leeyihiin in shu’uuntooda gaarka ah ee diiwaanadooda la ilaaliyo. Arin kasta oo daboolka lagaga qaadayo diiwaanada ardayda waa inay waafaqsantahay sharciga iyo nidaamka u degan iskuulada degmada. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardayda uqalanta ayaga ayaa masuul ka ah inay la socdaan nidaamka iskuulada degmada iyo nidaamka degmada way eegi karaan diiwaanada iskuulada. Maqnaanshaha iyo Daahitaanka Ardayga (Attendance and Tardiness) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Iyadoo loo eegayo qawaaniinta gobolka iyo tan doowlada dhexe ardayda degan degmadu waxay xaq u leeyihiin waxbarasho lacag la’aan ah. Maqnaanshaha ama daahitaanka ardayda ee ku yimaada arimo diineed waxaa loo qorayaa maqnaansho ama daahitaan cudurdaar leh. Waxaana lagu codsanayaa qoraal ay waalidiinta/ masuuliyiintu sameeyaan. Wixii faahfaahin dheeraad ah Board Policy 503.00 ee barta www.boe.spps.org. Masuuliyadaha (Responsibilities) Waalidiinta/masuuliyiinta ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah raacitaanka sharciyada iyo nidaamka u yaala habsanka iyo daahitaanka. Ardayda iyo waalidiintooda/masuuliyiintooduba ayaga ayaa ka masuul ah inay iskuulka soo ogaysiiyaan (tusaale ahaan: waraaq soo qoraan, talefoon soo diraan, iwm.) inta aan xiliga ardaygu maqnaanayo la gaarin, ama marka ardaygu iskuulka ku soo noqdo. Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay fasax ka helaan qof shaqaalaha ah haddii ay fasalka ka soo daahaan ama haddii ay u baaahanyihhiin inay iskuulka horay uga baxaan maalintaas.

Ardayda iyo waalidiintooda/masuuliyiintooda ayaga ayaa ka masuul ah inay iskuulka la socodsiiyaan haddii ay shardi tahay in ardaygu iskuulka ka baxo inta lagu jiro iskuul maalmeedka. Wixii faahfaahin ah waxaad ka helaysaa Board Policy 503.03 ee bogga www.boe.spps.org. Fursadaha Loosimanayahay (Equal Opportunity) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Sida ay qabaan sharciyadu, ardaydu waxay xuquuqda loo simanyahay ku leeyihiin inay ka qayb galaan dhamaan hawlaha iskuulka iyo barnaamijyada tacliinta iskuulka ee ay mudanyihiin inay ka qayb galaan. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu ayaga ka masuul ah inay raacaan qawaaniinta iyo nidaamka iskuulka u degan ee hawlaha uu iskuulku marti galiyey, taas oo ay kaga qayb qaataan ama ay dadka kale kala qaybqaataan. Ardaydu maaha inay niyad jabiyaan ardayda kale inay kala qaybgalaan. Habdhaqan Cadaalad ah (Fair Treatment) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Sida ku qeexan Minnesota Pupil Fair Dismissal Act ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay helaan hab sharciga waafaqsan marka ay jabiyaan qawaaniinta degmada. Waxyaabaha arintaan kujira waxaa ka mid ah xaalada sharciga la jabiyey iyo ardayda ayagana sida ay arinta u arkaan markooda laga dhagaysto. Ardaydu waxay xaq u leeyihiin in loo sheego dhammaan fasaladada ay dhigan karaan iyo sharciyada iskuulka u yaala, waxyaabaha sharici ahaan laga filayo iyo nidaamkaba. Ardaydu waxay xaq u leeyihiin in si xushmad leh ay ula dhaqmaan shaqaalaha degmadu iyo ardayda kaleba. Ardaydu waa inay xor ahaadaan oo aan sabab macquul ah la’aantood aysan jirkooda ugaarin macalimiinta ama ardayda kale. Si kastaba ha ahaatee, waa la ogolyahay haddii xoog macquul ah shaqaaluhu u isticmaalaan ardayga si looga qabto inuu isdhaawaco, ama hanti waxyeelleeyo. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay ka jawaabaan dhammaan tusmooyinka ama su’aalaha qofka

6 | Rights & Responsibilities Summary

shaqaalaha ah kaga imaanaya iyo inay raacaan dhammaan sharciyada, nidaamka, iyo qawaaniinta, iyo waxyaabaha laga filayo ee ayaga khuseeya. Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay yaqaaniin kuna dhaqmaan sharciyada fasalada iyo waxyaabaha laga filayaba. Ardaydu waxay ka masuul yihiin inay dadka oo dhan si xushmad leh ula dhaqmaan. Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay xushmeeyaan xadka iyo xoriyada dadka ku hareeraysan. Ardayda waxaa laga filayaa inay handita dadka gaarka ah iyo tan degmadaba si masuuliyad leh u xushmeeyaan. Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay ka dhoowrsadaan inay xoog ama awood ay isticmaalin si ay qof kale dhaawac ama dhib u gaarsiiyaan Free Speech and Expression Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardaydu waxay xaq uleeyihiin xoriyatul qowl inta aan hadalkaasi ku xadgudbayn xuquuqda dadka kale. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay cadeeyaan fikradahooda, soo bandhigaan waxyaabo qoraal ah iyo inay suugaanta qaybiyaan hab aan cay ahayn, qadaf ahayn, midabtakoor lahayn, ama aan muujinayn qaawanaan ama aanay ku jirin tixraac la xiriira aalkolada, kiimikada, tubaakada, ama waxyaabo kale oo ay sharci daro tahay in loo isticmaalo dadka yaryar, isla markaana waa inaanay wax u dhimayn oo faragalinayn xuquuqda dadka kale, ama waa inaanay waxyeelayn bay’ada waxbarashada iskuulka iyo nidaamkiisa sida wakhtiga, goobta, iyo habka uu u shaqeeyo. Ogolaanshaha maamulaha iskuulka ayaa loo baahanyahay si iskuulka waxyaabo qoran loogu qaybiyo ama loogu dhejiyo. Waxbarashda iyo Hawlaha Tacliinta (Learning and Academic Work) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay dhigtaan iskuul oo ay waxbarasho ka helaan sida sharcigu qorayo. Ardaydu inay iskuul khaas ah dhigtaan waa fursad dheeraad balse xaq ma aha. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad ka eegtaa: Minn. Stat. § 120A.36 ee bogga revisor.mn.lgov/statutes. Ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay dhigtaan iskuul badqaba oo ka dhowrsoon waxyaabaha carqadaynaya ee ka imaan kara dad kale.

Ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay dib u sameeyaan shaqadii iskuulka ee ka baaqatay markii ay ku maqnayeen maqnaanshaha cududaarka leh. Ardaydu haddii ay isuulka mudo dheer ka maqnaanayaan waxay xaq u leeyihiin inay duruustii ay dhigan lahaayeen loogu diro guriga/isbitaalka sida tusmooyinka gobolkuba ay muujinayaan. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay iskuulka yimaadaan, inay fasalada dhamaystiraan, iyo inay fasalka la yimaadaan waxyaabaha ku habboon ee loogu talagay in fasalka lagu isticmaalo. Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay iskuulka la yimaadaan dabeecad guud ahaan waxbarashada kaalmaynaysa oo aan cidna ku keenayn khatar dhab ah ama dhici karta, naftooda dhibayn, waxbarashadana dhibaato ku keenayn. Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay helaan, dhamaystiraan, dibna u sameeyaan, shaqada la siiyey marka ay iskuulka ka maqnaayeen. Daawooyinka (Medications) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardaydu waxay leeyihiin xaq ay daawadooda iskuulka ku qaadan karaan bixinta dawadana waxaa shardi ah in dawada la qaato inta maalintii la joogo si ay ardaydu iskuulka u tagaan. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay iskuulka yimaadaan, inay fasalada dhamaystiraan, iyo inay fasalka la yimaadaan waxyaabaha ku habboon ee loogu talagay in fasalka lagu isticmaalo. Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay iskuulka la yimaadaan dabeecad guud ahaan waxbarashada kaalmaynaysa oo aan cidna ku keenayn khatar dhab ah ama dhici karta, naftooda dhibayn, waxbarashadana dhibaato ku keenayn. Bay’ad Xor ka ah Midabtakoorka/Hagardaamada (Non-Discrimination/Harassment-Free Environment) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardaydu waxay mudan yihiin inay helaan bay’ad xor ka ah midabtakoorka, hagardaamada, nabadgalyo xumada loola jeedo shakhsiga sinjiyaddiisa, caqiidadiisa, jinsigiisa, guur ahaantiisa, wadanka uu ka soo jeedo, da’adiisa, midabkiisa, diintiisa, awoowayaashiisii hore, haddii uu kaalmada doowlada helo, haddii uu naafo yahay, amaba habdka uu u galmoodo. Sharaxaada

Rights & Responsibilities Summary | 7

dheeraadka ah, ka eeg Board Policy 102.00 iyo Board Policy 415.00 ee bogga www.boe.spps.org. Ardaydu waxay xaq u leeyihiin inaan laga aar goosan haddii ay si daacad ah u soo sheegaan midab takoor, hagardaamo, ama rabshad. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay ardayda kale iyo shaqaalaha degmadaba si xushmad leh u la dhaqmaan iyo dabeecad aan midabtakoor ama hagardaama ku ahayn ruux iyadoo lagu salaynayo darajada bulshada. Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay shaqaalaha (sida macalimka ama Maamulaha) u soo sheegaan dhacdooyinka midabtakoorka, haggardaamada, rabshshada, ama aargoosi ayaga lagula kacay ama lagula kacayo cid kale oo ay ogyihiin. Hantida Qofka iyo Tan Gaarka ah (Personal Property and Privacy) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardayda guud ahaan waxay xaq u leeyihiin arimohooda gaarka ah iyo hantida ay gaarka u leeyiniinba loo ilaaliyo marka ay ku suganyihiin dhismayaasha degmada iyo marka ay joogaan xafladaha ay iskuulladu maamulayaan. Sharciga Minnesota wuxuu qorayaa, inay ardaydu xaq u leeyihiin inay isticmaalaan qalabka iskuulka yaala (sida lookarada, miisaskaiyo ipad-yada) si ay ugu kaydsadaan alaabooyinkooda iyadoo maskaxda lagu hayo dhamaan alaabta iskuulku leeyahay inay yihiin alaab iskuulku si toos ah u maamulo isla markaana waxaa dhici karta in saraakiisha iskuulku ay baaraan sababtay doonto ha ahaatee, markay doontana ha ahaatee, ayagoo aan cidna fasax ka qaadan ama aan u baahnayn inay soo goostaan waaran ay wax ku baaraan. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad ka eegtaa Minn. Stat. § 121A.72, subd. 1 ee bogga revisor.mn.gov/statutes. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu waa inaanay keenin dhismaha iskuulka, ama dhisme iskuulka la xiriira, ama arin iskuulada la xiriirta alaab xadgudub ku ah nidaamka iskuulada, qawaaniinta iskuulada, ama gobolka ama doowlada dhexe ama arin keeni karta ama loola jeedo inay keento carqalad ama khatar caafimaad ama khatar nabad galyo ardayda ku ah ama dadka kale. Alaabooyin la mamnuucay laakiin aan ku ekayn oo kaliya alaab la soo xaday, hub ama wax hub u eg, iyo waxyaabo kale oo sharci daro ah. Haddii ay timaado alaab arimo shaki macquul ah keeni kara oo laysku oran karo in ardaygu haysto waxyaabo la mamnuucay ama in haddii ardayga la baadho laga helayo waxyaabo cadaynaya in qawaaniinta iskuulka lagu xadgudbay, markaa saraakiisha iskuulku waxay samayn karaan baaritaan macquul ah.

Ardaydu waxay ka masuul yihiin inay lookaradooda iyo miisaskoodaba xaalad wacan ku ogaadaan oo ay ka dhoowraan wax sharcidaro ah ama la mamnuucay. Alaabta ardayda ee lookarada iskuulka ku jirta waxaa dhici karta in la baaro oo kaliya marka ay masuuliyiinta iskuulku ay shaki macquul ah ka qabaan in baaritaankaas lagu helayo waxyaabo cadaynaya in lagu xadgudbay sharciga iyo qawaaniinta iskuulka u yaala. Sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah waa in maamulka iskuulku ay ardayga ku ogaysiiyaan baaritaanka loo gaystay lookarkiisa waase haddii arintaa ku dhawaaqideedu aanay wax u dhimayn baaritaan wali socda oo ay booliisku wadaan ama madaxda iskuulku wado. Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer waxaad eegtaa: Stat. § 121A.72, subd. 1 ee bogga: revisor.mn.gov/statutes. Heesta Calanka (Pledge of Allegiance) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Sharciyaga Minnesota wuxuu iskuulada shardi kaga dhigayaa inay ardayda dugsiyada dadwaynaha siiyaan fursad ay heesta calanka ku qaadaan ugu yaraan hal mar asbuuc kasta (haddii aanay Gudiga Gudoonka waxbarashadu shardigaas ka dhaafin). Masuuliyadaha (Responsibilities) Qof kasta oo aan doonaynayn inuu heesta calanka wax ka qaado sababtay toonto oo shakhsi ahi ha ku xambaartee wuu dooran karaa inaanu heesta wax ka qaadin, ardayduna waa inay xushmeeyaan qof kaa kale xaqiisa uu ku dooran karo inuu sidaa sameeyo. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad ka eegtaan Minn. Stat. § 121A.11, subd. 3(b) ee bogga revisor.mn.gov/statutes. Labiska ardayda (Student Dress) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardaydu ayagga ayaa xaq u leh inay doortaan habka ay u lebisanayaan iyo siday isu qurxinayaan haddii aanay taasi khatar caafimaad ku keenayn ama mid nabadgalyo oo faragalin ku keenikarta fasalka ama khalkhal ku abuuri karta habsami u socodka iskuulka. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay xidhaan dhar iskuulka ku haboon. Si hadaba loo ilaaliyo bay’ad waxbarsho oo badbaado leh, labiska ardaydu waa inaanu noqon mid caafimaadka iyo nabadgalyada wax u dhimaya, ama qadaf keenaya, ama galma ahaan qaawan, ama midabtakoor ku qoranyahay, Dhar lagu sharaxayo aalkolo, tubaako ama waxyaabo kale oo sharci ahaan mamnuuc ah in loo isticmaalo qof yar. Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay adeecaan mustawaha maamulaha iskuulku u cayimay nadaafada

8 | Rights & Responsibilities Summary

iyo quruxda. Ardayda dhigata iskuul laga isticmaalo yunifoom waa inay qaataan yunifoomka iskuulka iyo waxyaabaha shardiga u ah. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad ka eegtaa, Board Policy 501.03 iyo Board Policy 501.04 ee bogga www.boe.spps.org. Doowlada Ardayda (Student Government) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardaydu waxay leeyihiin fursad ay ku sameeyaan oo kaga qaybgalaan doowlad ay ardaydu leeyihiin, taas oo matasha una furan dhammaan ardayda oo dhan. Ujeedada dowlada ardaydu u jirto waa inay matasho oo ka jawaabto baahida ardayda. Masuuliyadaha (Responsibilities) Markay dowlada samaynayaan, xubnaha ardaydu oo dhami waxay masuul ka yihiin inay dhisaan qawaaniin ujoodooyin buuxa leh. Dowlada ardayda ayaa ka masuul ah inay wargaliyaan oo la xiriiraan ardayda oo dhan, shaqaalaha iskuulka, iyo maamulka iskuulka waana inay ogyihiin inay raacaan nidaam kasta degmada iskuulka yaala oo laga yaabo inuu saamayn ku yeesho habka arimaha khuseeya nidaamka doowlada ardayda.

Isticmaalka Tignoolajiyada iyo Amaankeeda (Technology Usage and Safety) Xuquuqda/Fursadaha (Rights/Opportunities) Ardaydu waxay fursad u haystaan helitaanka iyo adeegsiga aaladaha tiknoolajiyadaha casriga ah kuwaas oo loogu talo galay in ay daboolaan baahida waxbarasha ee arday walbo u khaaska ah. Masuuliyadaha (Responsibilities) Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay isticmaalaan waxyaabaha la heli karo sida iPad-yada una isticmaalaan sida ugu haboon ee loogu talagalay iyo inay adeecaan qawaaniinta iyo nidaamka degmada dhamaantood. Ardaydu waxay masuul ka yihiin inay xushmeeyaan khusuusiyaadka dadka kale ee tegniologiga isticmaalya, mana aha inay si ula kac ah akhbaartooda ku raadiyaan, nuqulana ku helaan ama inay faylasha badalaan ama badalaan baaswoodha dadka kale leeyahay aydoo aan loo aan loo fasaxin. Ardaydu waxay masuul ka yihniin inay ilaaliyaan nabadgalyada tignoologi la helikaro tiiyo la aqoonsanyahay laguna xushmaynayo waxybayaabaha ay dadka kale alifeen iyo xuquuqdooda. Ardaydu ayaga ayaa ka masuul ah inay isla markiiba war-galiyaan maamulka haddii ay galaan meel aan loogu talagalin ama waxyaabo aan la aqbali karin oo ku jira Interneedka iskuulka degmada. Isticmaalka aan la aqbali karin tignoolojiyada la helikaro, oo ay ku jiraan oo ay ku jiraan email iyo Interneedka waxaa laga yaabaa inay keento mid ama wax ka badan oo ah ciqaabaha soosocda ah: hakinta ama kansalgarayn isticmaalka ama sharafta isticmaalka ama sharafta isticmaalka; anshaxa marinta iyadoo la raacayo nidaamka degmada ama talaabo sharci ah oo ay ku soo oogto maxamada madaniga ah ama dawcad dambi oo sharciga ku qotonta lasaaro. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad eegtaa Board Policy 520.00 ee bogga www.boe.spps.org.

Rights & Responsibilities Summary | 9

Mustawayaasha Hab-dhaqanka Ardayda (STANDARDS OF STUDENT BEHAVIOR) Jawi wanaagsan oo ammaan ah ayaa ku haboon waxbarashada. Ardayga oo yaqaana isla markaasna raaca nidaamka ayaa u horseedeysa in waddo sax ah uu ku taagnaado. Haddii ay ardaydu ku dhaqmaan dhaqamo aanan haboonayn oo wax carqaladeeya, waxay ku mutaysanayaan ciqaabo. Haddii ay ardayda ka soo bixi waayaan habdhaqammada lagafilayo, waxaa shaqaalaha iskuulka laga rabaa in ka qaadaan tallaabooyinka ku haboon. Ardayda iyo waalidiinta waa in ay shaqaalaha iskuullada kala shaqeeyaan meelmarinta nidaamka ku xusan buuqa gacan-qabsiga ee habdhaqanka ardayda. Jawaab-celinta Heerarka Xadgudubyada (RESPONSES AND LEVELS OF VIOLATIONS) Qaybtan buugga gacan-qabsiga wuxuu ku soo koobayaa habdhaqanada aanan munaasabka ahayn kuwaas oo u kala baxa shan heer oo gafaf ah. Qeybtaan waxaa sidoo kale lagu tusaalooyin caawiya wax ka-qabashadooda iyo jawaaba laga bixinayo gafafkaa ama habdhaqamada aanan haboonayn.

• Wax-ka-qabadyada waa fursado ardayda lagu barayo dhaqamada munaasabka ah si ay markaasi ay

ardayda u bedelaan ama ay u saxaan dhaqamadooda. Faragelinadaan waxaa laga yaabaa in ay ka qeybqaataan shaqaalaha iskuulka iyo sidoo kale shaqaalaha bulshada.

• Waxaa sidoo kale laga yaabaa in la adeegsado ciqaaba. Waa in lagu dadaalaa in jawaabta laga bixinayo falalka aanan munaasabka ahayn ay ciqaabta ugu fudud ee surta-gal ah tahay.

Tilmaamtaasi waxay qayaxeysaa talaabooyinka kala duwan ee laga qaadayo xadgudubyada ka dhanka ah shuruucda, nidaamka iyo qawaaniinta iskuullada degmada. Anshaxa lagu xaliyo iyo jawaabihiisu waxa lagu dhaqangalindoonaa isla nidaamyada guud ee dajisan ee aan ku xusnay heerarka gafafka 1-5, iyo gafafka Matrix-ka. Heerka gafka 1’aad waa ka ugu khafiifsan, heerka 5’naadna waa ka ugu culus. Habka qaybtani, wuxuu ka bilaabmayaa jawaabaha anshax-marinta u hooseeya iyo tallaabooyinkii wax ku oolka ahaa ee gafkasta lugu xaliyay. Ficilada ugu weyn ee anshax marinta ee Maamulku qaadan karo waa ceyrin iyo ka saarid. Gaf kasta oo ku qoran, qoraakan hoose, dhibicda u horaysa (•) waa anshax marinta u yar. Dhibicda(•) ku taal khaanada Matrix-ka looma suurayn-karo ama loogama baahna in Maamuluhu u isticmaalo talaabo talaabo socota oo kordhinaysa adkaynta sida loola tacaalayo gafka. Hase yeeshee, waxa jiri-doona xiriir macquul ah oo u dhaxeeya adkaanta iyo so noqnoqoshada fal xad-gudbeedka, da’da danbiilaha iyo tallabada maamulka ee arrinkan. Waxyaabaha la tixgalinayo marka go’aan laga gaarayo tallaabada ku habboon xadgudubyada waxaa ka mid ah:

Da’da ardayga iyo fahamkiisa ku aaddan falka uu geystay In uu ardayga diyaar u yahay in uu saxo dhibka ka dhashay falkiisa Faragalinnadii iyo ciqaabahii uu horey ardaygu u soo qaatay Waxyaabaha iyo xaaladaha sababay in uu galo gafka ama dhaqanka aanan haboonayn In uu ardaygu leeyahay qorshaha loo yaqaano Individualized Education Plan (IEP) ama 504 hadday khuseyso

Haddii aan si kale loo cayimin, nidaamkan la dajiyey waxa lagu dabaqayaa habdhaqanka ardayga ee wax gaarsiiya hantida Dugsiyada ama qaar ay ka mas’uul yihiin SPPS. Kuwan hoose badidoodu waxay ka mid yihiin danbiyada dhaca.

10 | Rights & Responsibilities Summary

HEERKA 1-AAD Xadgudubyada Heerka1-aad waxaa guud ahaan wax ka qabandoona shaqaalaha iskuulka marka ardaygu uusan lahayn wax xad gudub hore ah ama uu leeyahay xadiga ugu yar ee xad gudubyo hore ah. Jawaabaha shaqaalaha waxaa ardaygu uu ka baran karaa toosnaanta, isbadalka dabeecada gadisan sidaa darteedna uu ardaygu noqdo mid si fiican wax u barta oo muujin kara dabeecad wanaagsan oo badbaada leh. Shaqaalaha waxaa laga filayaa wax-barid badan oo kala duwan iyo istaraatijiyada maamul wanaagsan.a Tusaalooyinka dhacdooyinka Heerka 1’aad iyo jawaabaha

Taageeridda soo dhex-galka arrinta waxa looga jeedaa in la saxo ama la baro habdhaqan ka duwan kii hore, si ardaygu u yeesho habdhaqan ku salaysan nabad-galyo iyo is-xaq-dhawr. Hababka shaqaalaha Dugsiyadu raacayaan waxa ka mida sidan:

• Xasuusimo iyo dib-ujahayn. • Hadal lagu saxo • Door laga ciyaaro • Qoraal cad/raali-galin • Kursiga oo la baddalo • Shir loo sameeyo Baraha/Ardayga • Warb-bixin horumarka dabeecadihiisa

maalin-kasta. • Fasalka oo waqti laga saaro • Cawad-celin • Fasalka oo laga kaxeeyo, lana geeyo oo

lagu ilaaliyo mudo kooban • Waqtiga oo loo badalo • Masaalixdiisa oo uu waayo/In la xayiro • Heshiiska ardayga

Wax ka qabashada Shaqaalaha waxaa wahelin kara waalidka/mas’uulka, iyo xubnaha kale Dugsiga. Wax ka qabashadaas waxa ku jiri kara:

• Waalidka/Mas’uulka oo la ogeysiiyo • Waalidka/Masu’uulka oo lala shiro. • Waalika/Masu’uulka oo Dugsiga u soo raaca

Ardayga ama Fasalka • Mamnuucida noocyada labiska ee aan loo

ogolayn ardayda • Adeeg dadweyne oo loo diro Dugsiga

dhexdiisa • Khilaafka oo la xalliyo • Ka qayb-galidda barnaamij la talineed. • Heshiis qoraala oo dhexmara macallinka,

ardayga, iyo waalindiinta/mas’uulinta kale • Dhex-dhexaadin wixii isu dhigma • U dirida adeegyada kaalmeeya

Ogow: Dhacdo qalafsan ama ku celcelin marar kale, waxaa loo qaadan doona danbi heer sare ah.

HEERKA 1-AAD XADGUDUBYADA (Violations) Ka eeg Golosariga erayo kale, sharaxaadooda, Sharciyada Minnesota ee la tixraaci karo, iyo macluumaad kale internet-ka - www.spps.org/rights_and_ responsibilities

HEERARKA Wargalinta Booliiska

1 2 3 4 5 Absence, Tardiness (Maqnaansha, Daahid) Marka aad ka maqnaatid ama ka daahid Dugsiga ama Fasalka. • •

Absence, Unexcused (Maqnaansho, aan cudurdaar lahayn) Adoo ka maqnaada Dugsiga ama fasalka adoon wax fasaxa haysan. • •

Cheating or Plagiarizing (Qishka iyo soo naqillada shaqo qofka leh) Qishka waxbarashadu kuma koobna oo qudha, soo naqilidda shaqooyinka dad kale marka imtixaanada ama hawlaha Dugsigu kuu diro, adoo isticmaalaua fikrado ama qoraalo uu leeyahay qof kale.

• • •

Defiance of Authority Ula-kac marka aad u diidid in aad raacdo amarada xubin ka mida shaqaalaha.

• • •

Disruptive Behavior (Habdhaqan wax khalkhaliya) Xaalado ama ficillo shaqaaluhu u arkaan carqalad saamayn karta in la helo waxbarasho haboon ama wax u dhimi karta shaqooyinka ka socda Dugsiga.

• • •

Rights & Responsibilities Summary | 11

HEERKA 1-AAD XADGUDUBYADA (Violations)

HEERARKA Wargalinta Booliiska

1 2 3 4 5

Inappropriate Language (Luqo aan haboonayn) Oo noqon karta in aad dhaarato ama u isticmaasho erayo si aan ixtiraam ku jirin.

Physical Contact (No Bodily Harm) (Jirka qofka oo aad gaartid adoon wax gaarsiin) Ardayda waxaa dhex mara muran aan adkayn, laakiin si aan qumaneyn jirkooda u gaara, sida inuu riixo ama cabsi galiyo.

• • •

Student Dress (dhar-xidhashada Ardayga) Habka dhar xirashada iyo is qurxinta shakhsiga ee aan waafaqsanayn nidaamka u yaalla Iskuulka/Degmada.

• •

Teasing and Name Calling (ku tiiq-tiiqsi, foorjayn ama ugu yeedhid magac aanu raali ka ahayn) Foorjo ama ugu yeerid magac dhacdo qudha, adoo u jeeda ama aan ujeedin in aad gaar-siiso dhaawac, xaqiraad, xumayn, ama hoos u dhigtid dad kale.

Technology Misuse/Violation Tani waxaa ka mid ah ardayga oo waxyaaba aanan loo dirin ku mashquula, iPad-yada oonan la daryeelin, min-guurin macluumaad aanan laguu fasaxin. Macluumaad dheeri ah ka eeg buuga Gloossarga

• • •

Theft, Minor (tuugo, yar) Marka aad qaadatid hanti qof kale adoon u haysan wax fasaxa oo ay ku jirto, laakiin aan ku koobnayn qalabka Dugsiga, cuntada, iyo wixii la mid ah.

• •

Unauthorized Use of School Property (Isticmaalka hantida Dugsiga bilaa rukhsad) Adoon fasax u haysan, isticmaalka hantida Dugsiga si sharci darro ah wax ka baxsan shaqooyinka Dugsiga.

• • •

12 | Rights & Responsibilities Summary

HEERKA 2-AAD Gafafka heerka 2aad guud ahaan waxay keeni doonaan in la xalliyo ama laga bixiyo jawaab anshax marin ah oo Maamulka Iskuulku ku lug leeyahay. Ujeedada ficiladaasi waxay tahay in la saxo habdhaqanka iyadoo lugu goobaabinayo Ardayga in aan habdhaqankan loo ogolayn, hase ahaate wali Ardayga Iskuulka lagu haynayo.

Tusaalooyinka dhacdooyinka Heerka 2’aad iyo jawaabaha

Xallinta arrintani waxay u taalla Maamulka Iskuulka, ujeedaduna waxay tahay in la saxo habdhaqanka iyadoo lugu goobabinayo Ardayga in aan habdhaqankan la ogolayn, hase ahaate wali Ardayga Iskuulka lagu haynayo.

• Tabobar dhinaca dabeecadaha ah • Ardayga oo lala shiro • Waalidka/mas’uulka la wargaliyo • Waalidkaa/mas’uulka lala shiro • Maxkamada Ardayga (haday khusayso) • La soo celiyo hababka cadaalada, ee adeega

Iskuulka dadweyne naha

• Loo diro Ardayga kooxda ardada caawisa • Lacagtii oo dib loo soo celiyo • Fasalka oo laga joojiyo oo loo diro adeega

dugsiga dadweynaha • La xayiro • Dugsiga Sabtida • La qaado tallaabooyin heer hoose ah wixii

yimaada oo lagu daro kuwa kor ku xusan Ogow: Dhacdo qalafsan ama ku celcelin gaf hore, waxa loo qaadan doona danbi heer sare ah

HEERKA 2’AAD - XADGUDUBYADA (Violations) Ka eeg Golosariga erayo kale, sharaxaadooda, Sharciyada Minnesota ee la tixraaci karo, iyo macluumaad kale internet-ka - www.spps.org/rights_and_ responsibilities

HEERARKA Wargalinta Booliiska

1 2 3 4 5 Absence, Chronic Truancy Maqnaansho, maqnaansho joogta adoon haysan fasax. • •

Bullying ( Xoogsheegasho) Habdhqan hujuum ah oo aan loo baahnayn oo ay ku jirto mid run ah ama iska yeel-yeel ah, lahaansha awood aan dheeli tirnayn. Habdhaqankan oo lagu celceliyo, ama yeesha ku celcelin xooggan waqtiyo dheeri ah.

• • • •

Bullying Using Technology (Cyberbullying) (xoog-sheegasho adoo isticmaalaya farsamada tiknooloojiyada) Xoogg sheegashada noocan ah waxay ka dhacdaa khadka internet-ka ama iyadoo la adeegsanayo farsamada tiknoolajiyada wadooyin kala duwan ooy ku jirto, laakiin aan ku koobnayn xoogsheegasho dhinaca afka ama bulshada.

• • •

Damage to Property of Others (waxyeelayn hantida dadka kale) Si badheedha am ula-kaca marka aad wax-yeelayso hanti ay leeyihiin xubnaha shaqaaluhu, iyo/ama kuwa kale.

• • •

Damage to School Property (Waxyeelayn hantida Dugsiga) Si badheedha marka aad u goyso, wajiga badasho, ama haddii kale aad waxyeelayso si uun hanti uu leeyahay ama isticmaalo Dugsigu, iyo/ama Shaqaalaha Degamada.

• • •

Discrimination1 (Kala sooc) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities

• • •

Disruptive Behavior To and From School (habdhaqan wax khalkhaliya oo ka yimaada Ardayga ama Iskuulka) Habdhaqan khatar galiya ama qash-qashaadada Ardayda marka ay ku socdaan ama ka yimaadaan Iskuulka, ama meesha basku istaago, oo ka leexisa xiska darawalka baska in uu guto shaqadiisa.

Gambling (khamaarid) Marka aad ciyaartid khamaarka si aad wax u heshid.

• •

Gang Activity (Ficil gaangistarnimo) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities

• • • •

Rights & Responsibilities Summary | 13

HEERKA 2 - XADGUDUBYADA (Violations) HEERARKA Wargalinta

Booliiska

1 2 3 4 5 Harassment, Based on Protected Status2 Dhibidda ama qashqashaada waxaa ka mida gacan ka hadal ama hadal afka ah, ama isgaarsiin lagu jiheeyay oo loola danleeyahay qofka oo ku salaysan arrimhiisa dhowrsan, taasoo ay ku jirto jinsiyada, fikirka, jinsiga, guurkiisa, wadaniyadiisii hore, da’da, midabka, diinta ciduu ka soo jeedo, qaabka kaalmada dawladda, galmoodka ama jaceelka galmoodka ,ama naafanimo oo looga jeedo ama ay abuurto jawi wax cabsi galinkara, la collaysto, ama meel lagaga dhaco qofka; ama haddii kale ay si xun u saamayso qofka shaqadiisa; fursadaha waxbarasho, ama ka helitaan faa’iido Degmada Iskuulka.

• • •

Interference/Obstruction (Carqaladayn/ishortaag) Ficil kasta oo lays ku dayo in lagu horjoogsado xubin ka mida shaqaalaha in uu qabsado isagoo/iyadoo si sharci ah hawsha loo igmaday oo ay ku jirto baaris maamuleed.

• •

Language, Abusive (Luqo, meel-ka-dhac) Ardaygu wuxu gudbiyaa fariimo hadal ah ooy ku jirto xad-gudub iyo luqo cabsi galina.

• • •

Leaving School Grounds Marka Ardaygu ka tago Iskuulka Saacadaha Dugsiga la dhigto, isagoon haysan ogolaansho quman.

Medication Policy Violation (Habka Daaweynta iyo Danbiyada la xiriira) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities. Ardayda isticmaalaysa ama qaybinaya daawooyinka dhaktarku qoro ama kuwa aanu qorin qaab aan loo fasixn.

Parking Violation (Danbiyada Parking) Marka aad dhigatid Gaadhiga meel aan la ogolayn oo Iskuulku leeyahay. •

Racial or Religious Harassement2 Kala sooc jinsiyada, ama qashqashaada diintu, waxay ka kooban tahay gacan ka hadal ama af ama isgaarsiin ku saabsan qofka sinjiyadiisa ama diintiisa. Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities

• • •

Record and Identification Falsification (Diiwaangalin iyo caddayn beena) Been ka sheegid ama badalid sixiixa ama xogta; ama diidid in aad u dhiibto caddayn rasmi ah Shaqaalaha Dugsiga.

• •

Sexual Harassment1 (Dhibidd ama Cadaadis Dhanka Galmada) Qashqashka galmoodku wuxu ka kooban yahay isku dayida galmood aan laysla ogolayn, codsi ixsaan falid galmo, taabasho looga jeedo galmo, ama gacan ama af ku salaysan isutag ama la soo xiriir galmo ku saabsan.

• • •

Sexual Behavior Ku hawlanaanta habdhaqanka shukaansiga waxa ka mida, balse aan ku koobnayn isutaga, galmood rasmi ah, taabahso, cawrada aad tusto iyo siigaysi.

• • •

Tiknoolojiga aan luguu fasixin ama aad u isticmaasho si aan qumanayn Computer-ka iyo nidaamkiisa ama iskuxirka netka,dhaawacdo hardweerka ama sooftweerka Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities

• • •

Threats2 (Hanjabaad) Hanjabaad kasta oo noqon karta Afka, qoraal, ama gacan saar, calaamad, ama ficil la gaarsiiya ula-kac si uu sababo waxyeelo ama qas xitaa hadii loo sameeyay tahay ciyaar.

• • •

Tobacco and Other Tobacco Related Devices, Possession/Use, Tubaakada iyo waxa kale ee la xiriira Tubaakada, la haansho/iscticmaasho. Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities

• •

1 Wixii macluumaad dheeraada ah oo ku saabsan xuquuqda ardayga, fadlan la xiriir Ombudsperson oo ah dhexdhexaadiyaha ardayda iyo dugsiyada ood ka heli karto 651-767-8394. Qofkan dhexdhexaadiyaha ah (Ombudsperson) wuxuu xafiis ku leeyahay 360 Colborne Street, Saint Paul, MN 55102 2 Guddiga Dhibaatooyinka ee Ardayda ayaa qiimayn ku sameeya haddii ay jiraan wax handadaad ah ama dabeecado dadka cabsi galiya.

14 | Rights & Responsibilities Summary

HEERKA 3-AAD Heerka 3’aad meelka-dhiciisu wuxu keeni karaa iskuulka oo laga cayriyo ardayga maalin qaybteed ama maalin dhan.

Tusaalooyinka dhacdooyinka iyo jawaabaha

Wax xalilidani waxay noqon karta mid aan joogto ahayn, mudo yar oo ardayga laga eryo ardayga bii’ada Dugsia sababtoo ah habdhaqankiisa oo xumaaday. Haddii cayrinta la go’aansado, mudada erisku waa in ay xadidnaato sida ugu macquulsan, iyadoo si ku filan habdhaqanka ardayga wax looga qabanayo.

• Waalida/mas’uulka oo la wargaliyo • Waalidk/mas’uulka oo lala shiro

• Iskuulka oo laga cayriyo (Maalin Dugsiyeed

oo dhan) • In loo diro ardayga barnaamij ka geddisan

cayrinta iskuulka • In loo diro Guddiga Dhibaatooyinka ee

Ardayda • In la isctimaalo tallaabooyin heerkoodu ka

hooseeyo, marka lagu daro kuwa kore Ogow: Dhacdo qalafsan ama ku celcelin marar hore, waxa loo qaadan doona danbi heer sare ah.

HEERKA 3 - XADGUDUBYADA (Violations) Ka eeg Golosariga erayo kale, sharaxaadooda, Sharciyada Minnesota ee la tixraaci karo, iyo macluumaad kale internet-ka - www.spps.org/rights_and_ responsibilities

HEERARKA Wargalinta Booliiska

1 2 3 4 5 Audio Alert Device, Possession Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities

Fighting (Dagaal) Dirir loo dhan yahay oo labada dhinacba ay uga qaybqaateen xaalada af ama gacan • •

Intentional Damage to District Technology Resources Ka eeg sharaxaad dhamaystiran khadka internet-ka: spps.org/rights_and_responsibilities

• •

Physical Aggression (Bodily Harm) – Hujuun gacan ka hadal ah (dhaawac gaarsiiyay Jirka) Ficil Ardaygu ula kac u falay, keeneyna in jirka dhaawaac gaaro.

• •

Physical Aggression to Staff (Hujuun loo gacan-qaado qof Shaqaalaha ah) Ficil bareera uu gaysto Ardaygu oo keena inu gacan aan raali laga ahayn gaarto qof shaqaale ah.

• •

Haysashada, iyo/ama Qarxinta (Pyrotechnic Devices, Possession and/or Detonation) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

• •

Repeated Misuse of District Technology Resources U isticmaalidda handita Dagmada sida tignologiyada qab aanay Dagmadu ralli ka ahayn.

• •

Theft, Major (Tuugo Weyn) Qaadasho aan laysu fasaxin/lahaanshaha hanti qof kale oo ay ku jirto, balse aan ku koobnayn funaando, alaabta qaaliga ah ee electronika, iyo wixii la mida.

• •

Trespassing, including during periods of dismissal or suspension Marka aad timaad Iskuulka qof ahaan ama dhexgasho hawlaha Dugsiga, ka dib markii Maamulaha Iskuulku ku faray in aad ka takto ama qof kale oo sharci ahaan ka mas’uula ilaalinta dhismaha.

• •

1 Wixii macluumaad dheeraada ah oo ku saabsan xuquuqda ardayga, fadlan la xiriir Ombudsperson oo ah dhexdhexaadiyaha ardayda iyo dugsiyada ood ka heli karto 651-767-8394. Qofkan dhexdhexaadiyaha ah (Ombudsperson) wuxuu xafiis ku leeyahay 360 Colborne Street, Saint Paul, MN 55102 2 Guddiga Dhibaatooyinka ee Ardayda ayaa qiimayn ku sameeya haddii ay jiraan wax handadaad ah ama dabeecado dadka cabsi galiya.

Rights & Responsibilities Summary | 15

HEERKA 4-AAD Heerka 4aad meelka-dhiciisu wuxu keeni karaa iskuulka oo laga eryo Ardayga, iyo Ciidanka nabad-galyada oo la ogeysiiyo. Erinta Ardaygu waa isagoo laga eryo Dugsiga maalin wixii ka badan.

Tusaalooyinka dhacdooyinka iyo jawaabaha

Xalilidani waxay noqon kartaa mid aan joogto ahayn, mudo yar oo ardayga laga eryo bii’ada Dugsia, sababtoo ah habdhaqankiisa oo xumaaday. Haddii cayrinta la go’aansado, mudada erisku waa in ay xadidnaato sida ugu macquulsan, iyadoo si ku filan habdhaqanka ardayga wax looga qabanayo

• Waalidka/mas’uulka oo la wargaliyo. • Waalidka/mas’uulka oo lala shiro • Muddo yar oo la eryo Ardayga, oon ka

badnayn maalin • Barnaamij ka duwan cayrin

• Maamulka oo baddala • Waxbarsho meel ku gaara oo ka duwan tii

hore lagu meeleeyo • Guddiga dhibaatoyinka in ardayda loo diro • In la isticmaalo tallaaboyin heerkoodu ka

hooseeyo, marka lagu daro kuwa kore Ogow: Dhacdooyinka heerkan waxa loo tixraaci karaa erinta, hadba iyadoo la tixgalinayo xaaladaha.

HEERKA 4 - XADGUDUBYADA (Violations) Ka eeg Golosariga erayo kale, sharaxaadooda, Sharciyada Minnesota ee la tixraaci karo, iyo macluumaad kale internet-ka - www.spps.org/rights_and_ responsibilities

HEERARKA Wargalinta Booliiska

1 2 3 4 5 Alcohol, Possession/Use/Under the Influence (Alkol, la haansho/ isticmaal/saamayn) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

• •

Gubid (Arson) Fal dambiyeed si caalamiya dab ama waxyaabaha qarxa loo isticmaalayo burburinta iyo baab’inta hantida (micnaha ka eeg eraybixinta “Glossary”).

• • •

Assault (wax yeelo) Ula-kac marka aad gaarsiisid dhaawac qof-kale jidhkiisa isagoon raali ka ahayn.

• •

Audio Alert Device, Use See the full definition online at www.spps.org/rights_and_responsibilities

• Criminal Act (Danbi falid) Waxyeelooyin la gaadh-siiyo hantida Dugsiga ama kuwa Iskuulku ama la xiriira shaqooyinkiisa, waa fal-danbiyeed hadduu gaysto qof weyni.

Criminal Act Against a Staff Member (Danbi ka galid xubin Shaqaalaha SPPS) Falidda ficil ka geesa xubin ka mida Shaqaalaha SPPS-ka, waa danbi haddii qof weyne ficilkaas sameeyo.

• • •

Criminal Sexual Conduct (Habdhaqanka Denbiga la xiriira Galmoodka) Habdhaqanka Galmoodku wuxu noqonaya xad-gudub ku jira Danbiga “Galmoodka taabashada ah” ama ficil kasta oo kale oo galmood ah wuxu noqonaya ficil danbi ah haddii uu sameeyo qof weyni.

• • •

Disorderly Conduct (Hadhaqan aan nidamsanayn) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

Drugs or Controlled Substances, Possession/Use/Soliciting/Selling (Daroogooyinka ama waxyaabaha la xakameeyey, haysashada/isticmaalka/ Qalqaalin/iibinta) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

• • •

Fires and False Fire Alarms (Dabka iyo qaylo-dhaanta Dabka ee beenta ah) Carqalaydaynta ama faragalinta si sharci daro ah Nidaamka Qaylo-dhaanta Dabka, ama sameeyo taxadir laan dhalisa dab.

Hazing 1, 2 Ficil loo geysto arday, ama ku jujuubid arday inuu sameeyo ficil, kaasoo qof u keenaysa khatar la taaban karo si markaa arday loogu handado gelitaanka urur iskuulku leeyahay ama xiriir la leh.

16 | Rights & Responsibilities Summary

HEERKA 4 - XADGUDUBYADA (Violations) HEERARKA

Wargalinta Booliiska

1 2 3 4 5 Haysashada Qalabka Wax Curyaamiya ama Qalabka Codka Wax Lagu Maqlo (Incapacitation or Audio Alert Device, Possession ) Fadlan waxaad qeexitaanka arintaan oo dhamaystiran ka eegtaa bogga interneedka ee ah: www.spps.org/rights_and_responsibilities.

Haysashada/Isticmaalka, Hub kale ama Walax oo aan hub noqon karin marka loo eego qeexda Qawaaniinta Minnesota ee hubka khatarta ah, iyhadoo aan niyada lagu hayn Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

Physical Aggression (Substantial Bodily Harm) Gardaro Jirka Gaadha (Jirka oo Khatar Wayn la Gaarsiiyo) Ficil Ardaygu si ula kaca u geystay, keenayna dhawaac halisa oo jirka ah.

• • •

Racial or Religious Violence 1, 2 (Xadgudub Loola Qasdo Madabtakoor ama Diin) Dhibaato xaga sinjiga ama rabshad diineed waa ficil hujuuma oo gacan qaada ama waxyeelo ah ama hujuun cabsi galina ah, ama waxyeelo qof kale, taasoo la xiriirta sinjiga ama diinta.

• •

Reckless or Careless Driving (U wadida Baabuurka xawaare khatar ah, ama si aan taxadir ku jirin) U wadida hantida Dugsiga si khatar galin-karta dadka ama hantida

• •

Robbery/Extortion (Boob/xoog) Marka aad xoog kaga heshid ama cabsi galin hanti qof kale

• •

Sexual Violence 1, 2 ( Galmood jaahwareersan) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities. Ficil gacan-ka-hadala, ama xoog ah ama weerar cabsi galina oo la xiriira taabashada cawrada qof kale, ama ku qasba qof in uu taabto qof cawradiisa.

• •

Threats, Terroristic 1, 2 (Cabsi-galin, argagixisnimo) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities. Cabsi-galin si toosa ama si dadban aad u gaysato danbi adoo ujeeda in aad argagixiso qof kale, ama sababto in uu ka baxo dhisme, meel lagu kulmo, ama gaadhi.

• •

1 Wixii macluumaad dheeraada ah oo ku saabsan xuquuqda ardayga, fadlan la xiriir Ombudsperson oo ah dhexdhexaadiyaha ardayda iyo dugsiyada ood ka heli karto 651-767-8394. Qofkan dhexdhexaadiyaha ah (Ombudsperson) wuxuu xafiis ku leeyahay 360 Colborne Street, Saint Paul, MN 55102 2 Guddiga Dhibaatooyinka ee Ardayda ayaa qiimayn ku sameeya haddii ay jiraan wax handadaad ah ama dabeecado dadka cabsi galiya.

Rights & Responsibilities Summary | 17

HEERKA 5-AAD Heerka 5aad danbiyadiisu wuxu u baahanyahay in Maamulaha Dugsigu ogeysiiyo Ciidamada Nabadgalyada una gudbiyo cayrinta Ardayga Agaasimaha ama wakiilkiisa. Ka eeg sharaxaad dhamaystiran eriska ,dulqaad l‘aanta ibir-ka ah iyo sharciyada khuseeya danbiyadan bartan internet-ka: www.spps.org/rights_and_responsibilities.

Tusaalooyinka dhacdooyinka iyo jawaabaha

Xalinta arrintu waxay tahay in Ardayga laga ka xeeyo bii’aada Dugsiga habdhaqan xumaantiisa owgeed. Waxa laga yaaba in la geeyo Ardayga jawi nabdoon oo siin kara qaabab kale oo lagula tacaalo habdhaqankiisa. Xalinta arinkani waxa diirada saaraysaa xasalinta nabada Dugsiga dadweynaha, ama la joojiyo naf wax burburinaysa, iyo/ama habdhaqan khatar ah.

• Waalida/mas’uulka oo la wargaliyo • Waalida/mas’uulka oo lala shiro

• Maamulka oo baddala • Waxbarsho meel ku gaara oo ka duwan tii

hore In lagu meeleelyo • Guddiga dhibaatoyinka Ardayda oo loo diro • Erinta iyo ka saaridda (waa ficil ay leeyihiin

Guddiga Sare ee Waxbarashdu • In la isticmaalo tallaaboyin heerkoodu ka

hooseeyo wixii danbe, marka lagu daro kuwan kore

HEERKA 5 - XADGUDUBYADA (Violations) Saib hauv cov lus txhais rau cov lus siv, cov ntsiab lus, txhooj rau Minnesota cov cai thiab lwm yam ntxiv ntawm www.spps.org/rights_and_responsibilities.

HEERARKA Wargalinta Booliiska

1 2 3 4 5 Assault, Aggravated (gacan-ka-hadal culus) Si badheedha marka aad dhaawac culus gaadhsiiso jirkhiisa, ama waxyeelo weyn kof kale

• •

Explosive Device (Walxaha Qarxa) Faahfaahin dhamaystiran ka eeg barta www.spps.org/rights_and_resposibilities

• •

Firearm, Possession/Use (Qori, Lahaansho/isctimasho) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

• •

Haysashada Qalabka Wax Curyaamiya Hadii aadan adeegsanaynin ama aad dhamacsantahay in aad isticmaashid (Incapacitation Device, Possession, without use or intent to use) Fadlan waxaad qeexitaanka arintaan oo dhamaystiran ka eegtaa bogga interneedka ee ah: www.spps.org/rights_and_responsibilities

• •

Possession/Use, Dangerous Weapon Other Than a Firearm, (Lahaansho/isticmaasho, hub khatar ah oon ahayn Qori) Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities

• •

Possession/Use, Other Weapon or Object, not a firearm and not meeting Minnesota Statute dangerous weapon definition, with use or intent to use (lahaansho/isticmaal hub kale ama wax kale aan ahayn Qori, kaas oon waafaqsanayn sharciga Minnesota ee hubka khatarta ah, macnihiisa oo aad isticmaashay ama doonayso in aad isctimaasho. Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

• •

1 Wixii macluumaad dheeraada ah oo ku saabsan xuquuqda ardayga, fadlan la xiriir Ombudsperson oo ah dhexdhexaadiyaha ardayda iyo dugsiyada ood ka heli karto 651-767-8394. Qofkan dhexdhexaadiyaha ah (Ombudsperson) wuxuu xafiis ku leeyahay 360 Colborne Street, Saint Paul, MN 55102 2 Guddiga Dhibaatooyinka ee Ardayda ayaa qiimayn ku sameeya haddii ay jiraan wax handadaad ah ama dabeecado dadka cabsi galiya.

18 | Rights & Responsibilities Summary

KALMADAHA LAYS LA YAQAAN EE XALLINTA DHIBAATOOYINKA ISKUULKA Ogow:Ka eeg sharaxaad dhamaystiran barta internet-ka www.spps.org/rights_and_responsibilities.

Administrative Placement (Meelayn Maamulku Sameeyaan) – Bedel lagu sameeyo meelaynta arday loona sameeyo tallaabo aan ganaax aheyn.

Administrative Transfer (Bedel Maamulku Sameeyaan) – Ka bedelida arday iskuul loona wareejiyo mid kale taasoo badanabaa loo sameeyo xal u helida arday si daran ama ku cel-celis ah u jabiyey Nidaam Buugaan ku Qoran. Alternative to Expulsion (A2E) – Qaab waxbarsho oo lagu bedelo ciqaabta ka eryidda ardayga iskuulka. Barmaamijkaan waxaa loogu talo galay ardayda dhigato fasallada 6-12-aad oo iskuulka laga eryay in ay waxbarashadoodii qaab kale u sii wataan ilaa iyo inta ay kaga laabanayaan iskuul caadi ah.

Contract (Heshiis) – Heshiis qoran oo habdhaqanka ku saabsan ayna saxiixeen ardayga, macalimka, ama maamulka, iyo/ama waalidka/mas’uulka.

Detention (Hayn) – Shuruud arday laga doonayo inuu joogo iskuulka gudihiisa ama lagu hayo iskuulka waqti dhaafsiisan saacadaha caadiga ah ee iskuulka la joogo.

Dismissal (or removal from school) - Ficil ay maamulka iskuulku qaataan kaasoo ardayga shardi kaga dhigaya inuu iskuulka ka maqnaado ilaa hal maalin buuxda.

Educational Intervention Program (EIP) - Waa hab kale oo lagu bedali karo iskuul ka joojinta ardayga. Ardayda iskuulka laga joojin lahaa ayaa lagu qorayaa barnaamijka EIP kaasoo ku yaala meel ka fog iskuulka ardaygu dhiganayey. Iskuulada oo dhami ma laha barnaamijkan. Barnaamijkaan lagama heli karo iskuulada oo dhan.

Exclusion - Waa tallaabo ay qaataan Gudiga Guddoonka Waxbarashada Degmada oo ay kaga hortagayaan diiwaangelinta ama dib-u-diiwaangelinta ardayga ilaa waqti aan dhaafsiisnayn sanad dugsiyeedka markaa lagu jiro.

Expulsion – Ficilka sharciga ay qaataan Guddoonka Sare ee Waxbarashada Degmada oo ka maanacaya arday ka diiwaan gashan iskuul inuu sii dhigto waqti gaaraya ilaa 12 bilood laga bilaabo taariikhda ardayga la cayriyey.

In-School Community Service - Waa tallaabo sharci ah oo ay qaadaan maamulka iskuulku taas oo ardayga shardi kaga dhigaysa inuu bulshada u qabto shaqo mutadawacnimo ah oo uu waxtarkii horay loogu gaystay dib bulshada ugaga uga faa’iidaynayo.

In-School Suspension (Cayrin Iskuulka Gudihiisa ah) – Ficil ay qaataan maamulka iskuulka oo ka maanacaya inuu arday fasalada galo ilaa waqti la cayimay isagoo ardayga ay kormeerayaan shaqaalaha iskuulku maalintaas

Loss of Privilege – Waa tallaabo ay maamulka iskuulku qaadaan si ay ardayda uga hor istaagaan inay ka qayb galaan haw lama sharaf dhac ay keeni karto sharciga oo la jabiyey.

Mediation (dhexdhexaadin) – Ardayda is-khilaafsan waxaa laga codsan karaa inay ka qaybqaataan xiisado lagu

dhexdhexaadiyo oo uu hoggaamiyo dhexdhexaadiye si loo xaliyo arrinta sababeysa khilaafka.

Minnesota Pupil Fair Dismissal Act - The Pupil Fair Dismissal Act is a state law that protects all students, with or without disabilities in suspension, expulsion, and exclusion proceedings.

Parent Guardian Conference/Notification (Kulan Waalidka Lala Yeesho) – Wada xaajood ama xiriir maamulku la sameeyaan waalidka ama mas’uulka ilmaha si looga hadlo arrimaha habdhaqanka ama waxbarashada ardayga.

Pupil Problems Committee (PPC) (Gudiga Dhibaatooyinka Ardayda) – Haddii uu jiro warwar laga qabo, gudigaan ayaa kulma si ay u xaliyaan dhibaatada ama barobalaymka jira.

Removal from Class (Fasalka oo Laga Bixiyo) – Tallaabo uu qaato macalinka, maamulaha dugsiga, ama qof kale oo ah shaqaalaha Dugsiyada Degmada oo ka mamnuucaysa arday inuu fasalka yimaado ilaa muddo aan ka badnayn shan xiisadood ama ka qaybqaadashada hawlaha tacliinta ee shan xiisadood.

Student Assistance Team (SAT) (Taageerada Tiimka Ardayga) - Waxbarasho guud oo macalimiinta ku taageerta inay meekhaan wanaagsan ka gaaraan barashada naadirka ah iyo habdhaqanka dhibka badan ee ardayda. Haddafka laga leeyahay PST waa in la taageero ardaydaa u baahan tacliin tayo leh (differentiated instruction), u baahan in lagacaawiyo habdhaqankooda, ama xaaladooda wax lagaga qabanayo si loo hubiyo inay ku guulaystaan tacliinta guud. (SAT) waxaa kale oo loo qori karaa Teacher Assistance Team (TAT), Learner Support Team (LST), Problem Solving Team (PST) ama Student/Teacher Assistance Team (STAT).

Student Conference (Shirka Ardayga) - Wada xaajood ama xiriir maamulku la sameeyaan ardayga si looga hadlo arrimaha habdhaqanka ama waxbarashada ardayga.

Suspension (Cayrin) – Ficil ay qaataan maamulka iskuulka oo arday ka mamnuucayo inuu dhigto iskuul ilaa waqti aan ka badnayn 10 maalmaha iskuulka la dhigto ah. Waxaa dhici karta in lagu daro shan maalmood oo dheeraad ah, haddii la tixgelinayo in tallaabo iskuul ka saarid ah la qaato ama joogitaanka ardaygu ay sababeyso khatar la taaban karo oo dhakhso ah.

Tardiness (Daahitaanka) – Daahitaanka fasalka ama iskuulka laga daaho.

Violation (Xadgudub) – Xadgudubka lagu jabiyo nidaamka, sharciga, ama qaynuunka habdhaqanka u dhigan

Warning (Digniin) – Digniin qoraal ah ama afka lagaga dhawaaaqay si loogu joojiyo habdhaqan khaakhuulaya bay’ada wabarashada iskuulka ama aan badbaado lahayn oo nabad kuxun. Withdrew (Ka Tagidda Iskuulka) – Ardayga oo ka doorbido in uu ka wareego iskuullada degmada si uu uga badbaado ama fagsado ciqaab uu mutaysan lahaa.

Rights & Responsibilities Summary | 19

WAXYAABAHA ISKUULKA LOO HELI KARO- TAAGEERADA ARIMAHA ISKUULKA LAGU XALINAYO Nidaamka Fursada Loosimanyahay/Midab Takoor La’aanta (Equal Opportunity/ NonDiscrimination Policy) Dugsiyada dadweynaha ee Saint Paul Public Schools uma kala soocaan ardada iyadoo lagu salaynayo jinsi, fikrad, galmood, xaaladda guurka, dhalashadiisii hore, da’da, midabka, diinta, ciddu ka soo jeedo, kaalmada dawladda, galmoodka iyo nooca jaceelkiis, Saint qoyska,ama naafo. Su’aalaha ku saabsan siyaasadahayaga aan la hayn kala soocidda, waxad la xiriiritaa cinwaanka 360 Colborne Street, Saint Paul, MN 5102 ama taleefanka 651-767-8145. Si loo diiwaan galiyo wixii midab takoor ah, khashkhashaad ah, ama xadgudubyo kale ah:

• Wixii shaqaalaha la xiriira - fadlan la xiriir waaxda shaqaalaha oo lambarkeedu yahay: 651-767-8200 • Wixii ardayda la xiriira - fadlan waxaad kala xiriirtaa maamulaha iskuulka/barnaamijka oo waxaad wacdaa

Michelle Walker 651-767-8145, haddii aad doonaysid inaad diiwaan galisid ama soo gudbisid xad gudub midab kala sooc la xiriira oo ay ku jirto Title IX (midab kala sooc la xiriira sinjiyada qofka ama habka uu u galmoodo) xadgudub ama xadgudubyo la xiriira xuquuqda aadanaha ee ardayda.

Students with Disabilities Ardayda Naafada ah Waxyaabaha Lagahelikaro Saint Paul Public School

• Special Education Department651-767-8321 • 504 Coordinator 651-767-8380

Waxyaabaha Laga Helikaro Meelaha ka Baxsan Dugsiyada Saint Paul Public School

• MDE (MN Department of Education): 651-582-5200 • PACER (Parent Advocacy Coalition for Education Rights): 952-838-9000

School Ombudsperson (Qofka Dhexdhexaadiyaha ah ee Iskuulka) Saint Paul Public Schools ombudsperson wuxu caawiyaa Ardada, waalidiinta, iyo xubnaha dadweynaha in la xaliyo arrimaha Dugsiga haddii ay kari waayaan in ay ka gaaraan xal raali lagu yahay isagoo la shaqeynaya maamulayaasha iyo xubnaha shaqaalaha ee Dugsiga. Dhexdhexaadiyuhu, wuxu ka caawin kara:

• Wuxu kala xaajooda macalinka iyo maamulaha sidii loo xalilayo • Wuxu si wax ku oola ula xiriira macalinka ama maamulaha • Wuxu fahamsanyahay siyaasada dugsiga, xeerarka, ama nidaamka • Wuxu ku xiraa qofka, shaqaalaha ama xafiiska ku haboon hawlihiisa ee degmad • Wuxu ururiyaa macluumaadka guud ee dugsiyada degmada

Kala xiriir Dhexdhexaadiyaha Ombudsperson taleefanka 651-767-8394 ama internet-ka: www.spps.org/rights_and_responsibilities.

20 | Rights & Responsibilities Summary