issue 09

24
Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Upload: kibaaro1

Post on 22-Jun-2015

339 views

Category:

Documents


1 download

TRANSCRIPT

Page 1: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Page 2: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

TUSMO 3 Weedha Tifaftiraha

4 Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Telesom

5 Telesom oo $50,000 ku bixisay dhismaha Buundada Beer (Tog-dheer), Waddada Isha-Borama & Irish Bridge-ka Shiraaqle

6 Maamulka Telesom Gabiley oo Xaflad bal-

laadhan u sameeyay Qurbo-jooga iyo Ma-caamiisha Gudaha

8 Xidhiidhka ZAAD iyo Qaran muxuu ku soo

kordhiyay saaxadda Xawaaladaha lacagta

9 Telesom oo ka takhalusaysa kaybalada dusha (Ariel cables) 10 “Telesom waxa ka go’an kor-u-qaadida

aqoonta shaqaalaha” 13 Baro mid ka mid ah hormuudka

Shaqaalaha Telesom

14“Macmiilku waa cidda uu idin dhex maro ganacsi isla markaana aad adigu u baa-han tahay”

17 Tilmaamo ku aadan u diyaar garawga Bisha Ramadaan ee Barakaysan

19 Furayaasha Guusha Nolosha

20 Xanuunada ku dhaca kaadi mareenka

21 Baro qaar ka mid ah Adeegyada Telesom

TUSMO

Page 3: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Waxa farxad weyn noo ah in aanu idinku soo dhoweyno tirsigii 9aad ee majaladda Telesom Newsletter. Majaladan oo saddexdii biloodba hal mar soo baxda (Quarterly), waxa soo saara Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan waaxda Suuqgeynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha (Marketing & Public Relations Department). Majaladan waxa aad ka akhrisan kartaan Dhacdooyinka iyo wararka Telesom, Adeegyo cusub oo faa’iido u leh macaamiisha, barnaamijyo caafimaad, Suugaan, Dhaqan iyo barnaamijyo kale oo aqooneed. Waxa kale oo farxad weyn noo ah in tirsigan aanu idinku soo daabacno qaar ka mid ah tilmaaha (features) adeegyada Telesom oo faahfaahsan, tusaale ahaa: Dhambaal (Mysms), Ii-CUG, Baadi-goobaha Google, Qaamuus, Wararka, Ciyaaraha, Ascaarta, Badeecadaha, dunida iyo dalkaba, Say-ladaha Xoolaha ee dalka, Saadaasha cimilada dunida. Wixii macluumaad ama qoraalo faa’iido u leh dalka iyo bulshadaba waxa aad noogu soo hagaajisaan xafiisyada Suuqgeynta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee Telesom oo ku yaala xarunta dhexe ee shirkadda ama ciwaanka:

Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland, Office: +252 2 522168, Email: [email protected] , [email protected].

Mustafe Adam Musa: Tifaftiraha Majalada

Page 4: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Dhacdooyinka

G uddida Doorashooyinka Qaranka

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 2-

dii August 2010 shahaado sharaf

guddoonsiiyay maareeyaha guud ee Tele-

som, Mudane Cabdikariim Maxamed Iid,

munaasibada guddoonsiinta shahaado

sharaftan oo ka dhacday xarunta dhexe ee

shirkadda Telesom ayaa guddoomiyaha

guddida doorashooyinku Ciise Yusuf Max-

amed (Ciise Xamari) waxa uu ku tilmaamay

in ay shirkadda Telesom ku mutaysatay sha-

haadada hawl fududayntii badnayd ee ay

shirkaddu u samaysay habsami-u-socodkii

doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010,

ka qabsoontay guud ahaan dalka Jamhuuri-

yadda Somaliland.

Telesom waxa ay xilligii doorashooyinka

hawl-yaraysay isgaadhsiinta dhammaan

deegaanadii iyo goboladii ay doorashooy-

inku ka dhacayeen, adeegyadii shirkadda ee

hawlahaas fududeeyay waxa ka mid ahaa:

adeegga Mobile oo ay shirkaddu ka wada

hirgelisay dalka oo dhan, adeegga Internet-

ka oo fududeeyay warbixinihii qoraalka

ahaa ee la isdhaafsanayay iyo adeegga Zaad

oo qayb libaax leh ka qaatay masaariiftii iyo

mushaharaadkii loo kala dirayay hawl-

wadeenadii iyo shaqaalihii doorashooyinka

qaranka.

Sidoo kale, waxa jiray hawlo si gaar ah loogu fududeeyay guddida doorashooyinka oo ah kuwa ay shirkaddu ku mutaysatay shahaado sharafta waxaana ka mid ah: Afarta xarumood ee dhinacyada ka xiga xarunta guddida doorashooyinka oo la kordhiyay awoodii BTS-yada, si aanu u dhi-cin network conjunction, BTS u gaar ah xarunta guud ee guddida doorashooyinka oo lagu rakibay dhismahooda, Dhammaan goobihii ay codbixintu ka dhacaysay ee dalka oo dhan oo lagu diyaariyay adee-

gyada isgaadhsiinta, Internet awood badan oo 1mb point to point ah oo wakhtigii doorashooyinka lagu diyaarinay xarun-tooda dhexe ee doorashooyinka, Xa-rumaha 6-da gobol ee waaweyn iyo xa-runta dhexe ee Hargeysa oo lagu diyaari-yay telefoono u furan gudaha dalka iyo mobilada, Shaqaale ka tirsan Waaxaha shirkadda oo aanu lagu diyaariyay xarunta doorashooyinka wakhtigii diyaargarawga codbixinta, tirinta iyo ku dhawaaqidaba, kuwaas oo heegan ugu jiray wixii cilad ah ama cabasho ah, Dhammaan goob-joogayaashii doorashooyinka, ajaanib iyo muwaadiinba waxa loo qaybiyay sim cards bilaa lacag ah si loogu fududeeyo hawsha ay qaranka u hayaan, Fariimo gaagaban (sms) si joogta ah muwaadiniinta loogu wacyigelinayay qaadashada kaadhka dii-waangelinta iyo ka qaybgalka codbixinta doorashooyinkii madaxtooyada ee ilaahay inagu guuleeyay.

Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Telesom

Page 5: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

D ib-u-dhiska iyo horumarinta dalku waa ujeedooyinka waaweyn ee shirkadda Telesom ka go’an, iyada

oo shirkaddu arrintaas ka duulaysa waxay dhawaan dib-u-dhis ballaadhan ku samay-say Buundada weyn ee tuuladda dhul-beereedka ah ee BEER oo 30km (soddon kilomitir) dhanka bari ka xigta magaalo madaxda gobolka Togdheer ee BURCO. Buundada tuulada BEER waxa mara dooxada weyn ee Togdheer oo sannadkan biyo aad u badan soo rogay, biyahaas oo sababay in Buundada oo xiligii Ingiriiska gebyan lagu xidhay ay qayb ka mid ahi burburto. Burburka Buunadadu waxa uu keenay in biyihii dooxu jihadoodii ka le-exdaan, halisna galiyaan dadka ku dhaqan deegaankaas, wadada laamiga ah ee isku xidha Burco iyo Laascaanood iyo guud ahaan gobolkaba. Shirkaddu iyada oo khatartaas ka horta-gaysa waxa ay bishii April 2010 qandaraas ku siisay shirkadda dhismaha ee Hirad (Hirad Consult & Construction), dhismihii u horeeyay oo dhererkiisu ahaa 90 meter, hoos iyo korna u ah 1.60 meter. Xafladii furitaanka dhismahaas ka dib waxa da’ay roobab aad u waaweyn oo dumiyay mid ka mid gidaaradii buundada. Markaas ka dib shirkadda dhismaha ee Hirad waxa ay samaysay daraasad danbe, iyada oo laga faa’iidaysanyo khatartii daadadka waaweyni keeneen, isla markaan waxa ay sameeyeen nashaqad kale oo ka

“Lacagta ay shirkaddu ku bixisay dhis-mahan waxa ay gaadhaysaa ilaa $28’000 (Sideed iyo labaatan kun oo dallar), ujee-dooyinka aanu lahayna waa in aanu wax ku celino ummadda reer Somaliland, wixii dhibaato ku hayna aanu kala dabaalano, horumarka iyo dib-u-dhiska guud ahaan dalkana qayb ka qaadano.” Ciise Maxa-muud, Madaxihii hore Telesom Burco, haatana ah Madaxa Hawlgelinta shirkadda Telesom. Markii ugu horaysay ee shirkadda Telesom tabarucaad ka gaysato Buundooyin, Birii-jyo, waddooyin iwm, ee sidoo kale waxa ay lacago dhammaa isugeyn $25’000 (Shan iyo labaatan Kun oo dollar) ku bixisay Irish biriijka Shiraaqle iyo Wadada cusub Isha-Borama.

Telesom oo $50,000 ku bixisay dhismaha Buundada Beer (Tog-dheer), Waddada Isha-

Borama & Irish Bridge-ka Shiraaqle

duwan tii hore. Shirkadduna waxa ay go’aansatay iyada oo ka duulaysa khatarta uu keeni karo dooxu in ay dhisto dhisme danbe oo adag, dhererkiisuna yahay 40 meter, hoosna dhulka ugu jira 2.20 meter iyo 2.30 meter oo kor ah. Intaas waxa dheer waxa kale oo la sameeyay 7 kaabadood oo shub ah oo la dhexraaciyay gidaaradda, 2 liiter oo shub ah oo ku xidhan kaabadaha shubka ah, 13 kaabadood oo xaga danbe lagaga soo tiiri-yay gidaarada iyo shub adag oo lagu xidhay gebyankii hore ee Ingiriisku dhisay iyo gi-daarka xagiisa danbe, si looga hortago biyo danbe oo halis geliya buundada.

Muuqaalka Buundada Beer (Gobolka Tog-dheer)

Muuqaalka Dhismaha Waddada Isha Borama oo socta

Page 6: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Dhacdooy-

J uly 23 2010 Maamulka Telesom

Gabiley ayaa xaflad ballaadhan ku

qabtay Magaalo madaxda

gobolka Gabiley ee Gabiley, taas oo ay

ka soo qaybgaleen Marti sharaf tiro

badan, kuwaas oo ka koobnaa qurba-

jooga xilligan xagaaga ah yimaada ma-

gaalada Gabiley, gaar ahaan dadka

reer Jibouti, Ganacsadata, Aqoonya-

hano, dhallinyaro, haweenka reer Ga-

biley iyo marti sharaf kale oo badan.

Xafladaas oo u jeedadeedu ahayd in

loo mahad noqo macaamiisha is-

ticmaasha adeegyada kala duwan ee

ay Telesom bixiso iyo in ay ugu soo

bandhigaaan tilmaamaha (Features)

gaar ah ee ay leeyihiin adeegyada

Telesom sida tilmaamaha mobile-ka,

landline-ka, adeegga Zaad Service iyo

adeegyo kale oo cusub, kuwaas oo ay

ka mid yihiin barnaamijyada Ii-CUG IYO

MYSMS.

Haddaba, xafladaas waxaa ugu horeyn

ka hadlay Maamule ku xigeenka Tele-

som Gabiley Sh Maxamed Muumin

Aadan oo ka waramay wakhtigii Tele-

som Gabiley laga hirgaliyay magaalada

Gabiley, taas oo u ku tilmaamay in ay

ahayd December 1999. Sh. Maxamed

Muumin waxa uu u mahadnaqay

dhammaan martisharafta ka soo

qaybgashay munaasibada, Sidoo

kalena waxa uu sheekhu u mahadceli-

yay guud ahaan macaamiisha Telesom

Maamulka Telesom Gabiley oo Xaflad ballaadhan u sameeyay Qurbo-jooga

iyo Macaamiisha Gudaha Gabiley sida wanaagsan ee ay ugu xid-

han yihiin telesom.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Mad-

axa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Dad-

waynaha Telesom, Maxamed Isaaq

Cilmi, oo macaamiisha uga waramay

muhiimada ay u leeyihiin shirkadda,

sida ay shirkada telesom uga

qaybqaadato barnaamijyada wadanka

wax lagaga qabanayo sida wadooy-

inka, dhakhtadarada, goobaha waxba-

rashada iyo meelo kale oo badan gaar

ahaan tabarucaad-ka loo fidiyo dadka

dhibaataysan sida Mucaaminooyin ay

shirkadu siiso agoomaha.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Cab-

diraxmaan Aadan Shire oo ah Madaxa

adeega Zaad Service isaga oo mahad-

naq kadib macaamiisha uga waramay

muhiimada uu leeyahay adeega Zaad

Service iyo in ay kaga maarmayaan

lacag kaash ah oo ay jeebka ku

qaataan sababta oo ah adeega Zaad

Service waa adeeg aminigiisu aad u

sareeyo, la heli karo 24-ka saac,

shaqaynaya todobada cishoba, laga

heli karo meel kasta, si fududna loo

isticmaali karo.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Mad-

axa Suuqgaynta xawaalada Qaran Ex-

press Kayse Ibraahim, isaga oo ka

waramay taariikhdii hore ee ay soo

Ka Eeg Bogga 7aad

Page 7: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

martay xawaalada iyo dhibaatadii ka

haysatay dadka in ay dibada ka soo

xawilaan lacagta iyada oo ku kalifi jir-

tay in qofka lacagta soo dirayaa uu u

soo dhiibi jiray lacagtiisa oo kaash ah

qof dalka dib ugu soo noqonaya ama

badeecada uu qofku soo galin jiray

lacagtiisa ka dib uu dib u iibin jiray si

uu lacagtiisii dib ugu helo.

Waxa kale oo uu intaas ku daray mu-

hiimada ay leedahay adeegyada Qaran

iyo Zaad ee la mideeyay isaga oo

sheegay in ay macaamiisha dibada

lacagta looga soo diro iyo kuwa dibada

u diraya muhiimad gaar ah u leeyahay

iyaga oo si fudud u isticmaali kara.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Ku

xigeenka Madaxa Iibka iyo suuqgaynta

ee Telesom Gabiley Ismaaciil Aadan

Nuur, iyo Mustafe Aadan Muuse oo ah

Madax qaybta xidhiidhka dawaynaha

oo si wadajir ah u soo bandhigay Fea-

tures-ka gaarka ah ee adeegyada Tele-

som sida Mysms, Ii-CUG, barnaamijka

wararka, ascaarta, qaamuuska iyo

kuwo kale oo badan.

Intaas ka bacdi waxaa halkaas ka had-

lay Cadnaan Daahir Muxumed oo ah

Madaxa Xafiiska ITMAS oo soo bandhi-

gay cilmi baadhis ku saabsan Customer

Satisfaction index oo ay samayeen

khubaro ka socotay jaamacada AL-

CAYN U.A.E oo uu hogaaminayay

Prof Mohamed Yuusuf (IQRA).

Gabogabadii waxa hadal kooban

xaflada ka jeediyay Eng: Aadan Maxa-

muud Kaahiye oo ka mid ah ma-

caamiishii ka soo qaybgashay xaflada

oo Telesom ugu mahadnaqay dedaalka

iyo horumarka degdeg ah ee ay samay-

say muddadii ay jirtay.

Maamulka Telesom Gabiley oo Xaflad ballaadhan u sameeyay Qurbo-jooga iyo Macaamiisha Gudaha

Page 8: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Dhacdooyinka

S ida aan kawada war qabno adeegga ZAAD services waa adeeg casri ah oo ay shirkadda Telesom ku soo kordhi-

say Somaliland, waa adeeg macaamiishu ay u isticmaalaan waqtigan xaadirka ah si-yaabo kala duwan lacag dhigasho [Deposit] lacag la bixid [withdrawal], ku bixinta biilasha iyo ku dukaamaysiga [Pay Bill], kushubashada lacagta ku hadalka [top up air-time], iyo tan ugu muhiimsan oo xawilaadda lacagaha gude iyo dibadba [local, National and International Trans-fers].

Run ahaantii, shirkadda telesom si ay u horumariso adeeggan waxay go’aansatay inay xidhiidh dhow la samayso dhamaan institutions-ka ku lug leh lacag [Financial Institutions] oo ay kow ka tihiin xawaala-duhu waxaana lagu guulaystay inay shirkadda qaran noqoto xawaaladdii ugu horaysay ee adeegga ZAAD xidhiidh-ka wada shaqayneed (Services Agreement) la yeelata.

Hadaba akhriste waxa iswaydiin mudan, muxuu yahay xidhiidh-kan dhexmaray ZAAD iyo QARAN? Maxayse ku soo kordhi-naysaa adeegyadii xawaaladda ee hore loo isticmaali jiray? Jawaabta su’aashani waxay tahay xidhiidh-ka ZAAD Iyo QARAN EX-PRESS waa xidhiidh wada shaqayneed (Service Contract), waxaanu si rasmi ah u bilaabmay bishii June, 2010. wada

shaqaynta ZAAD iyo QARAN waxay horu-marin wayn oo aad u balaadhan ku soo kordhisay xawilaadda lacagaha gaar ahaan xawaaladda dibadda ( International Ha-wala ).

Mudane akhriste, waxaad ogsoon tahay in macmiilku marka uu rabo inuu xawaalad u diro dibadda ama mid loo soo diray uu soo qaato waxa uu ku khasbanaa inuu tago xawaaladda loogu soo diray xafiiskeeda ugu dhaw, waa arin u baahan waqti inaad ku lumiso, inaad u socoto goobta xawaaladda, inaad lacagtii aad xawilaysay oo cash ah sii qaadato ama tii laguu soo diray jeeb-ka ku soo qaadato, hadaba, xidhiidh-ka ZAAD/QARAN waxa uu fudaydi-nayaa dhamaan hawlahaasi, waxa uu ka baajinayaa macmiilka inuu tago; u lugeeyo; gaadhi u qaato; waqti ku bixiyo tagista goobta xawaaladda islamarkaana waxa uu yaraynayaa khatarta ku jirta lacag cash ah oo macmiilku sii qaato si uu u xawilo ama mid loo soo xawilay uu soo qaato waxaana ZAAD/QARAN ay markii ugu horaysay taariikhda Somaliland ku soo kordhisay in macmiilku isagoo jooga xafiiskiisa, mehera-diisa ama se gurigiisa uu lacag u diri karo dibadda isagoo adeegsanaya mobile-ka telesom iyo adeegga ZAAD Service.

Sidoo kale macmiilku xawaaladii loo soo diray ee QARAN loo soo dhigay waxay ugu dhacaysaa A/c-kiisa a ZAAD isagoo jooga goobtiisa shaqada, ganacsiga ama gurigiisa iwm. Arintani waa isbadal wayn oo casri ah (modernized revolution) ku yimi hanaan-kii xawaaladda ee mudo laga soo is-ticmaalayay wadankeena waxaanan ilaa-hay ka rajaynaynaa inuu ka dhigo mid dad-ka iyo dalkuba u aayaan.

Intaasi waxaa dheer adeeggan ay ku ba-hoobeen ZAAD Services Iyo QARAN EX-PRESS waxa uu yaraynayaa caqabado badan oo macaamiisha ka haystay xawilaadda dibadda, waxa uu yaraynaa cabashooyin badan oo iman jiray waxaanu sahlayaa in macmiilku goorta uu doono isagoo meesha uu doono jooga inuu diri karo lacag islamarkaana heli karo xawilaad

loo soo diray

Adeegsiga xawaaladaha wadanku ay adeegsanayaan ZAAD si ay ma-caamiishooda u raali galiyaan uguna fudu-deeyaan dirista iyo helista xawaaladda dibadu ma aha mid ku kooban QARAN EXPRESS waxa ay shirkadda TELESOM soo dhawynaysaa xawaalad kasta iyo dhamaan institutions-ka ka shaqeeya lacagtu inay ka faa’iidaystaan Technology-gan.

Ugu dambayntii waxaan macaamiishayada ugu bushaaraynaynaa in ay adeegsadaan nidaam-ka kana faa’iidaystaan hawl-fududayntiisa, qiimihiisa jaban isla-markaana ay ku madhxistaan waqtigooda.

Xidhiidhka ZAAD iyo Qaran muxuu ku soo kordhiyay saaxadda Xawaaladaha lacagta

Cabdiraxmaan A. Shire

Page 9: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

K or-u-qaadida bilicda guud ahaan deegaanada dalka Jamhuuriyadda Somaliland

gaar ahaan caasimada Hargeysa waa mid ka go’an shirkadda Tele-som, taasna waxa kuu cadaynaya ololaha ay shaqaalaha iyo maa-mulka waaxda Landline-ka ee shirkadda Telesom ku qaadeen had-haagii Kaybaladii line-ka ee dusha, kuwaas oo dhibaato ku haya bilicda caasimada.

Telesom waa shirkadda kaliya ee adeegyada Line-ka ka hirgelisay dhammaanba gobolada iyo deg-mooyinka dalka, waxa intaas dheer Telesom waa shirkaddii ugu horay-say ee samaysa nidaamka Kaybalada dhulka hoostiisa (underground sys-tem), waana waxyaabaha ay hor-

moodka isgaadhsiinta dalka ku hanatay.

Ololahan oo dib-u-bilaabmay bishii June 2010 waxa ilaa hadda la rogay oo la soo furfuray kaybalo tira-doodu dhan yihiin 18 (duub) rolls oo dhiganta 17600 miters. Sidoo kale, tiradda kaybalada dhulka hoostiisa la mariyay waxa ay dhan yihiin 13 duub (rolls) oo isugu jira noocda kaybladan: 600pr 6 rolls, 1000pr 5 rolls, 200pr 1 roll, 100pr 1 roll.

“Ujeedada aanu ka lahayn soo rogida kaybaladu (cables) waxa weeyi horumarinta adeegyada far-samada, ilaalinta bilicda dalka iyo ka hortaga ciladaha wakhti roo-baadka ku yimaada adeegyada line-

ka iyo Internet-ka, si aanu ma-caamiisha u gaadhsiino adeegyo tayo sare leh ee ku shaqaynaya qorshaha cusub ee kaybalada dhulka hoos mara (underground cables system),” Max’ed Max’ud C/laahi Godane, Madax ku xigeenka Waaxda Landline-ka.

Mutaqbalka dhaw Telesom waxa ay damacsan tahay in ay magaal-ada Hargeysa ka tirtirto dham-maanba kaybalada dusha mara (Ariel cables) una guurto kaybalada dhulka hoostiisa mara, kaas oo ku shaqayn doonaa jawi tayo leh oo xambaari kara adeega internet-ka iyo ka codkaba (voice)-ka.

Telesom oo ka takhalusaysa kaybalada dusha (Ariel cables)

Maamule-ku-xigeenka Landline-ka: Max-amed Maxamuud C/laahi Godane.

Page 10: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

TABABARADA

“Telesom waxa ka go’an kor-u-qaadida aqoonta shaqaalaha” Shaqada iyo Shaqaalaha

S hirkadda Telesom waxa ka go’an kor u qaadida aqoonta shaqaale waynaheeda si macmiilka loo gaadhsiiyo adeeg hufan oo tayo

sare leh. Sidaa daraadeed, waxay shirkaddu shaqaalaheeda u qabataa tababaro lagu qabto gu-daha dalka iyo dibadiisaba, kuwaas oo si joogto ah loo qabto.

Dhinaca kale, waxay Shirkadu shaqaalaheeda ku dhiirigelisaa Jaamacaddaha iyo Macaahida wax laga barto, iyadoo dhaqalaha ku baxaya si weyn uga qayb qaadata ama wada bixisaba, taasina waxay keentay in Shaqaaluhu noqdaan dad aqoon fiican u leh adeegyada ay macmiilka u qabanayaan.

Haddaba, waxaynu halkan ku soo bandhigi doonaa tababaradii shirkaddu siisay shaqaalaheeda lixdii bilood ee ugu horeeyey sanadkan 2010 iyo tirada ardayada Jaamacadaha wax kabarata ee kharashka wax laga caawiyo.

TABABARADA GUDAHA

Tababarka ZTE New BTS Tababarkan oo socday muddo saddex cisho ah waxa loo qabtay 8 shaqaale ah oo ka tirsan shaqaalaha Engineering-ka ee dhammaan magaa-looyinka waaweyn ee dalka, waxaanay ku baranay-een sida loo rakibo iyo qaabka uu u shaqeeyo qalabka cusub (B8112 Outdoor ZTE) oo dhawaan shirkadu soo iibsatay.

Hardware, Networking and GPRS Training Waxa ka qayb galay 19 Shaqaale ah oo ka kala socday Sites-ka shirkadda oo dhan. Magaalooyinka bariga waxa loogu qabtay magaalada Burco, Magaa-looyinka Galbeedkana waxa loogu qabtay magaal-ada Boorama. Casharada ay ku baranayeen waxa kamid ahaa GPRS, Software and Hardware, Trouble Shouting, Networking. Tababarkani waxa uu socday mudo 8 Maalmood ah (4 bariga ah & 4 galbeddka ah).

Increasing productivity in working place (Time & Stress Management) Waxa lagu qabtay xarunta Hargeysa, Waxa ka qayb galay 25 xubnood oo kamida shaqaalaha Xarunta Hargeysa. Tababarkani waxa uu socday Mudo 6 Maalmood ah. Waxa bixinayey Tababarka Maca-

Ka Eeg Bogga 11aad

Page 11: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

“Telesom waxa ka go’an kor-u-qaadida aqoonta shaqaalaha” limiin Ajnabi ah oo ka socda Jamacada Pioneer Univer-sity. Casharada lagu qaadanayey waxa ka mid ahaa:

Costing your time, increasing productivity in working place, Internal signs for long term stress, reduced stress through improved organization.

Tababarka Ii-CUG iyo Dhambaal (Mysms) Tababarkan oo socday muddo laba cisho ah waxa soo qabanqaabiyay waaxda shaqada iyo shaqaalaha, waxaana fulinayay waaxda Suuqgeynta iyo Xidhiidhka dadweynaha (MPR), waxa lagu qabtay xarunta Telesom Hargeysa, waxa ka qaybgalay shaqaale tiradoodu dhan tahay 8 Xubnood, ujeedada tababarkani waxa uu ahaa hirgelinta adeegyada ii-cug iyo dhambaal (Mysms) oo ah laba adeeg oo cusub.

Tababarka Regression Analysis Tababarkan oo socday muddo bil ah, 5 July, 2010 ilaa 5 August, 2010 waxa bixinaya Prof. Maxamed Yuusuf (IQRA) oo bare sare ka ah Jaamacadda Al-Cayn ee Dalka Imaaraadka Carabta, tababarkan oo lagu qabtay Xarunta Hargeysa waxa lagu baranayay culuunta Statis-tics gaar ahaan Regression Analysis, waxana taba-barkaas qaatay dhawr iyo toban shaqaalaha shirkadda ee gobolada iyo Hargeisa ka mid ah.

TABABARADA DIBADDA

Tababarka adeegga FPS (ZTE China) Tababarkan oo socday muddo bil ah waxa laba ka mid ah shaqaalaha Telesom gaar ahaan IN-ka ay tababar ku saabsan Fixedline prepaid system (FPS) ku qaateen shirkadda ZTE ee dalka China.

Tababarka Wireless Radio Network & International Gateway cusub Sidoo kale, tababarkan waxa loo diray afar shaqaale ah oo ka tirsan waaxda Engineering-ka, waxaanu ku saab-sanaa barashada waxa loo yaqaan Wireless Radio Net-work iyo International Gateway cusub, tababarkani oo socday muddo ku dhaw hal bil waxa uu lagu qabtay shirkadaha Huawei iyo ZTE ee dalka China.

ARDAYDA JAAMACADAHA Sida aynu hore u soo sheegnay Shirakadu shaqaala-heega waxay kale oo ku dhiiri gelisaa guud ahaan aqoon korodhsi gaar ahaan aqoonta heerka Jaamacadeed, hadaba iyada oo arintaa laga duulayo waxay Shirkadu ka caawisaa kharashaka waxbarashada 30 arday oo wax ka barta Jaamacadaha dalak eek ala duwan sida; Jaamacadda Hargeysa (UoH), Admas, Lucy, Eelo Ameri-can (Borame), Jaamacadda Timacade (Gabiley), Jaamacadda Burco, Jamacada Golis (Berbera) & Jaamacada Nugaal (L/caanood).

Waxa diyaariyay Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha.

Page 12: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Hormuudka

Q ormadeenii taxanaha ahayd ee baro mid ka mid ah horumoodka Telesom, tirsigan 9aad waxa aynu ku boqraynaa shaqaalaha magaciisu yahay

Maxamed Cabdi Axmed (Darbo) oo ka mid ah Xarunta Hargeysa gaar ahaan Waaxda Iibka. Maxamed Cabdi Axmed (Darbo) waxa uu sannadkii 1964-kii ku dhashay Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan magaalada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley. Maxamed Cabdi Axmed (Darbo) waxa uu ku dhamaystay Waxbarashadiisii dugsi hoose dhexe isla magaalada Wajaale, wuxuu dugsiga sare ka dhamaystay Gacan-libaax Hargeysa, dagaalkii iyo dub-u-xorayntii Somaliland kadib waxa uu Darbo galay san-nadkii 2005-kii Jaamacada Hargeysa oo uu ka qaatay Bachelor Business Administration, waxanu ka qalin-jabiyay sannadkii 2009-kii. Maxamed Cabdi waa shakhsiyad karti leh oo ay ka muuqato hawl-karnimadu, taasna waxa marag ma doon u ah hawl-karnimadii, xirfadii iyo dedaalkii uu sameeyay intii uu joogay shirkadda Telesom oo waxweyn u qabtay. Shaqadii ugu horeysay waxa uu ka bilaabay sannadkii 1989-kii Wasaaraddii Maaliyadda ee dawladii Soomaaliya, Sanadkii 1987-kii wuxuu uu ka mid ahaa ganacsato ka shaqaysan jirtay Isku-bedelka lacagaha (Money Exchange) suuqa SHARIIF ABBOO ee magaal-ada Muqdisho, waxaa kale oo uu ka shaqeeyay 1990-kii ilaa 1993-kii TANI Company oo uu ka soo ahaa Madaxa Iibka (Sales Manager), sannadkii 1993-kii ilaa 1998-kii wuxuu Madaxa Iibka & Suuqgeynta (Sales & Marketing Manager) ka ahaa Tawfiiq Enterprise Com-pany. Shaqada Shirkadda Telesom waxa uu Maxamed markii ugu horaysay bilaabay 10-kii September 2001. Isaga oo ka mid noqday shaqaalaha xarunta Hargeysa, gaar ahaan Waaxda Sales-ka. Waxaanu halkaa ka qabtay

shaqooyin kala duwan, sida Bad- debts Controller, Head of Government Relationship & Head of Control-ling & Operations Section. Maxamed Cabdi Axmed, mudadii uu shirkadda u shaqeeynayay waxaa uu sameeyey dedaal iyo horumar la taaban karo, taasna waxaa inoo cadeeynaya shaqooyinka kala duwan ee u qabtay Shirkada intii uu joogay iyo derajooyinka uu gaadhay, horumarkaas uu

sameeyey waxaa uu ku mutaystay Abaalmarino iyo Shahaadooyin Sanadi-hii 2005, 2007, 2008 & 2009. Sidaas daraadeed, Markii uu Maamulka Shirkada iyo Xafiiska Shaqada iyo Shaqaaluhu arkeen kartida iyo

dedaalka uu muujiyey, Mudane Maxamed Cabdi Axmed(Darbo), waxaa uu mudadii uu Shirkada u shaqeeynayey qaatay Tababaro farabadan, kuwaas oo iskugu jiray Qaybo kala duwan oo la xidhiidha Masuuli-yadihi Shaqo ee uu hayay. Tababaradaasi waxaa ka mid ah. Customer Care & Sales Techniques Training Statistics Training Gebogebadii Maxamed oo kaliya maaha Shaqaalaha kor u qaaday Aqoontooda, Xirfadooda & Horu-markooda Shaqo ee waxaa jira Shaqaale badan oo aanu mid mid ugu soo qaadan doono caddada soo socda ee majalada Telesom. Waxa soo Diyaariyay Xafiiska Shaqada & Shaqaalaha

Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha Telesom

“Maxamed Cabdi waa shakhsiyad karti leh oo ay

ka muuqato hawl-karnimadu shaqadiisa”

Page 13: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Page 14: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

AQOON

“Macmiilku waa cidda uu idin dhex maro ga-nacsi isla markaana aad adigu u baahan tahay”

Maxaynu uga baahanay Daryeelka macmiilka. Ugu horayn in taynaan dhex galin Daryeelka macmiilka waxa haboon inaynu garano waa maxay macmiil.

“Macmiil waa cida uu idin dhex maro ganacsi isla markaana aad adigu u baahan tahay” Macmiilku waa laba nooc sida uu dhigayo cilmi ba-rashada macmiilka, kuwaas oo kala ah.

1. Macmiil gudaha ah “ waa shaqaalaha shirkadda” 2. Macmiil dibada ah “waa ka wax kaa iibsanaya” ee

aad u baahantahay. Aynu gudo gallo arrinta mugeeda oo ah maxaynu uga baahanay daryeel ka macmiilka?

Shirkad kastaa waxay u baahan tahay inay noqoto hor-moodka shirkadaha ee dhinaca daryeelka macmiilka, maxaa yeelay waxa ka dhalanaya raali galinta mac-miilka iyo waliba haqabtirnaanta adeegyada aad bixi-nayso, laakiin waa markaad garanayso in ma-caamiishaadu ku faraxsan tahay inay isticmaalaan adeegaaga, waa markaad ugu shaqayso si hufan.

Shirkaddu waxay tartan hufan ku badin kartaa, helina kartaa sumcad wanaagsan markay ku tiirsan tahay raali galinta macmiilkeeda.

Markay shirkadi samayso Raali galinta macmiilka oo wanaagsan waxaa u wanaagsanaada iibinta adeegyadeeda, sababtoo ah waxaa yaraanaya ca-bashada ka soo noqonaysa macaamiisha isla markaana waxaa yaraanaya inaad wakhti badan ku bixiso qancinta macmiilka waa markuu hore kuugu

qancay.

Macmiil kastaa wuxuu indhaha ku qabtaa una fiirsa-daa qiimaha adeegyada ee lacageed se wuxuu qiime kaste oo sareeya u quudhaa adeegga markuu helo qancin iyo daryeel wanaagsan oo ka yimaada cida uu la xidhiidhayo.

Haddaba, shirkadaha bixiya adeegyada badankoodu waxay leeyihiin tartamayaal kula jira suuqa isla markaana iibinaya adeeg kastoo shirkadaha kale ha-yaan, laakiin qodobka ugu muhiimsan ee lagu kala badinayaa waa sida aad u qanciso ama u raali galiso isla markaana u daryeesho macmiilkaaga, macmiilka oo raali kaa noqdaa waxay keenaysaa inuu bato dalabka adeegaaga.

Xirfadaha xidhiidhka wanaagsan ee lala sameeyo macmiilka. Xidhiidh wanaagsan oo aad la samayso macmiilkaaga waxay u baahan tahay xirfad iyo aqoon dheeraada, beryahan danbena waxaa soo badanaya in si aada aqoon loogu yeesho sidii loo samayn lahaa xidhiidh wanaagsan oo macmiilka ah, taasoo noqotay halka kaliya ee muraayada u noqonaysa shirkadaha.

Daryeelka iyo xidhiidhka wanaagsan ee macmiilku kuma yimaado habeen iyo maalin kaliya ee waxaa lagu keenaa in la helo oo la sameeyo qorshe dhamaystiran oo loo fuliyo si habaysan, iyada oo loo raacayo manhaj cad.

“Waan ku xiisaynaynaa mar walba waxaanan u so-conaa raali galintaada”

Isticmaalka areyadani waxay astaan u yihiin shirkada samaysa daryeelka macmiilka wanaagsan.

Siyaabaha lagu sameeyo xidhiidh wanaagsan oo idin dhex mara adiga iyo macmiilkaaga 1. Noqo shirkad adeegyadeedu cad yihiin adiga oo

macmiilka si fiican u fahamsiinaya isticmaalka adeegyadaas.

2. Macmiilka jeclow aqoonsanaw magaciisa noqona mid aad u fahmaya macmiilka.

3. Noqo mid u jilicsan macmiilka iskana ilaali qalaf-sanaanta iyo adayga waayo waxaad waayaysaa hal macmiil oo wanaagsan.

Sidee loo hagaajin karaa daryeelka macmiilka.

Cali C/raxmaan Max/ed

Ka Eeg Bogga 15aad

Page 15: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

1. Macmiilkaagu ha noqdo ka ugu horeeya eed raali galiso si adeegaaga loo isticmaalo.

2. La samee macmiilka xidhiidh fog oo aan ku eekayn kaliya inaad ka hesho lacag ama wax iibsi uguna badal kaalmayn iibka dabadii.

3. U fiirso macmiilka raali ma kaa yahay iibka dabadii. 4. Aqoonso shirkadaada adiga oo tilmaan sanaya

meelaha god-dalooladu ka jirto si aad u owdo. 5. La samee macmiilka xidhiidh wanaagsan oo ku

dheehan dhagaysi qoto dheer adiga oo ku dhaqmaya xadiiska nabiga SCW " وخالق الناس بخلق

."حسن Ganacsade, xidhiidh wanaagsan oo aad la samayso bulshada aad ka ganacsanaysaa waxay kuu keenay-saa sumcad fiican oo aad kaga maaranto inaad samayso xayaysiin badan oo ku aadan shirkadaada.

Qoraalkaygan kooban waxa aan ku soo gabogabay-nayaa qodobo kooban oo ku saabsan daryeelka iyo raaligelinta macmiilka ee Waaxda Iibka Telesom.

Isticmaalka erayga “Hooyoo hadal’’ ama “Hooyoo qaado” waa astaanta qaybta iibka ee shirkadda ta-laabooyinka loo raaco astaantaana waa sidan:

In la yareeyo wakhtiga macmiilka loogu adeegayo

In lagu wada shaqeeyo is kaalmayn fiican oo shaqaalaha dhexdooda ah.

In macmiilka loo sameeyo soo dhaweyn iyo raaligelin fiican.

In macmiilka loogu adeego goob kasta, iyada oo la xalinayo cabashadiisa.

Iyada oo la eego kala duwanaanshaha duruufaha macmiilka

Gabay

Daryeelkii macmiilkaan daahiisa furayaa

Ha daa’imo waligii daryeelkaa macmiilkuye

Durbadiiba waa taan daruuraha ku gaadhnee

Dawadeed aduunyadu waa daryeel macmiiloo

Damiirkii wanaagsani daaha uuga qaadaa

Dadweynow maxaa daran? dadweynow maxaa maqan?

“Macmiilku waa cidda uu idin dhex maro ganacsi isla markaana aad adigu u baahan tahay”

Doodaydu noqotoon daryeelkiis ilaashaa

Cabashadiisa doorka leh durbadii hagaajaa.

Dadweynaha Xidhiidhkii waa daryeel macmiile

Doorkaagu yuu noqon doqonkii daraayee

Daryeel la’aan macmiilkiis u duloobay waligii

Dibad yaal macmiilkaa yuu noqonin abidkii

Ducadaydu waxay tahay

Inuu Daa’im kaa dhigo ma duloobe waligii

Hayeeshee daryeel li’ macmiil uu dareemaa

Duli kuugu filanoo dibad yaalna aad noqon.

Doodaydu waxay tahay

Duulkii wanaagsani daryeelkuu yaqaanaa.

Doodihii badnaana daafuhuu ka tuuraa.

Dawadeeda dooduhu waa duruuf kastoo iman

Durbadiiba daristood u dirtaa halkey tahay

Duruuftii macmiilkana sidaa ugu daryeeshaa.

Dhismaha Xarunta Iibka iyo Daryeelka Shirkadda Telesom, Hargeisa

Page 16: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Page 17: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

B ishii ramadaan waxa innaga xiga ayaamo koo-ban oo aan laga bogan Karin diyaar-garawga ay xaq u yeelatay , hadana yeelkeede waxa haboon

in wixii ka tagiwaa ah aynu isaga sheegno dhawr xus oo ku aadan bishan iyada ah iyo wixii ku xidhiidha , in la soomaa kuma koobna bisha ramadaan oo qudha , sawirka ugu qurxoon ee soonku waa sida : sanadkii waxa soonka laga soomaa 30 (sodon casho) waa bisha soon , bishiina 3 (sadex casho) waa ayaamka cadada ee dayaxu dhamays tirmo, sitimaankiina laba goor ayaa laga soomaa (isniin & khamiis) sidaas darted soonku marna innagama maqna , oo waxa uu ka mid yahay nolosheena joogtada ah , sidoo kale waxa jira ayaam badan oo laftooda la soomo walaw ay sunne tahay , tusaale ahaan : maalinta carafa la taa-ganyahay waa la soomaa maalintaas waxa la yid-haahdaa (taasuucaa = sagaalood) , ajarkeedana waxa lagu sheegay in lagu dhaafo denbigii sanadkii tagay iyo ka soo socda . Waxa iyana la soomaa to-banka muxaram oo loo yaqaan (caashuuraa = tob-nood) , ajarkeeduna waxa uu ku qiimaysanyahay: waxa lagu dhaafaa denbigi sanadkii hore culimada islaamka qaar badan oo kamid ah ayaa qaba in la soomo sagaalka iyo tobanka b isha muxaram . Marka bisha soon laga fara-xasho oo maalmaha iidu dhamaato waxa la raaciyaa 6 (lix) casho oo soon-fur kamid ah (shuwaal). Waxa suuro gala in soonka sun-naha ahi tabo-bar u yahay soonka wayn ee ramadaan, amaba soonka ramadaan yahay wakhti wax-barasho oo bilaha kow iyo tobanka ah ee kale lagu tamariyo.

Waxa dhaqan islaam ah inaan waajibaadka oo qudha lagu ekaysan ee sunayaasha la barto lana ilaaliyo , waxa taariikhda ku qoran : caalimkii waynaa ee ha-dana caabidka ahaa Xasan bin Saalax ayay qolo ka iibsataiy adoon (gabadh) uu lahaa , markii ay gaadhay xilligii salaada habeenkii loo kici jiray ayay isla oogsa-tay adoonti iyadoo dadka u toosinaysa salaatulaylka , dadkii guriga joogay oo aan iyagu u baran salaadan ayaa salalay oo si naxsan hurdada uga kacay , waxaanay adoontii waydiiyeen : naa ma waagiibaa beryay ?? Waxay u celisay: oo waaga oo berya mooyee ma tukataan miyaa .adoonti markii uu waagi

Tilmaamo ku aadan u diyaar garawga Bisha Ramadaan ee Barakaysan

beryay ayay kabeheeda qaadatay waxaanay ku noqo-tay sheekhii Xasan bin Saalax waxaanay ku sababay-say soo noqoshadeeda hadalkan: waxaad iga iibisay dad xun oo faralka mooyee aan salaad kale tu-kan!!!! si ay tahayba waxa la rabaa in ruuxa muslimka ahi mar la arkaba u diyaar yahay alle caabudka, hadii dib loo milicsado sidii ragii hore ugu diyaar garoobi jireen bishan barakaysan waxa inoosoo baxaya halka aynu taaganahay iyo halka ay mareen, hadii laga bi-laabo rasuulkeena suuban waxa ka sugan inuu ku dau-caysan jiray: (allahayow rejeb iyo shacbaan noo barakee ramadaana faya-qab nagu gaadhsii) walaw ay culimada qaarkood dureen sugnaashihiisa. Caalimkii misana caanka ahaa ee la dhihi jiray Mucallaa bin Fadal waxa uu ka sheegay in salafku (muslimiintii noolayd afkii hore ee taariikhda islaamka) inay lix bilood naawili jireen bisha ramadaan iyagoo alle waydiisanaya inuu gaadhsiiyo, marka ay soo gaadhaan ee ay soomaana lix bilood ayay alle waydiisan jireen inuu ka aqbalo. Waxa ay la macno tahay in ay sanad-kaba ku qaadan jireen ramadaan sugiddeeda iyo sagootinteeda. Hadii la sii kala saafo sida ay tahay In loo qaabilo bishan soon waxa la dhihi karaa:

1. In lagu farxo loona riyaaqo imaatinka bishan, maxaa yeelay waxa la garanayaa fadliga ay xan-baarsantahay, iyo denbi dhaafka ay wadato.

2. In lagu ducaysto in alle ku gaadhsiiyo ramadaan. Wedku goor kasta wuu iman karaa, wakhtiyadan

Khadar C/laahi Badeed Email: [email protected]

Ka Eeg Bogga 18aad

Page 18: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

RAMADAAN

danbana sababihiisa waa ay bateen, sidaas dar-teed waxa la rabaa in alle si aad ah loo waydiisto inuu inna kulansiiyo ramadaan ka gadaalna inoo kadbo. Yaxya ibnu abii Kathiir waa hormoodkii culi-maddii qarnigii labaad ee hijriyada, waxa u dhaqan ahayd inuu ku ducaysan jiray (allahayow ramadaan iskaaya sii oo naga gudoon ci-baadadeeda) waxa isna sidaas ku ducaysan jiray rag badan oo kale oo laga soo qaadi karo Makxuul oo ay Yaxye isku xilli ahaayeen. caalimka kale ee la dihi jiraya C/casiis abnu abii Rawaad oo laftiisa ay labadaas nin ee hore ay isku qarni ahaayeen waxa uu soo tebiyay (dadku waxa ay ku ducaysan jireen: allahayow bishii ramadaan timi oo na hadhaysee noo calaf, allow noo fududee inaanu habeenkii tukano maalinteedana soono, allow awood, adkaysi iyo karti nagu gallad, daal, caajis iyo wahsina naga dhawr, allow habenka laylatul-qadriga na waafaji ….)

3. In loo far-baxo bishan, layskana yareeyo mashqu-ulka si ay cibaadeedu dhadhan u yeelato. Dadkii diintani kusoo horaysay waxay meel iska dhigi jireen wax kasta oo mashquulin kara, waxaanay

Tilmaamo ku aadan u diyaar garawga Bisha Ramadaan ee Barakaysan

gaar isla noqon jireen, soon, salaad, quraan, dikri iyo wixii kale ee khayr ah ee soo raaca.

4. In alle loo toobad keeno, dunuubtii horena lay-skaga maydho cibaadada bishan.

5. In laga xalaaloobo dhamaan waxyaalihii dulmiga ahaa ee naftu baraysatay inaanay ramadaan soo galin.

6. In ruuxa muslimka ahi iska saamaxo walaalihii, waxa aad ogaataa: hadii aad qof ka dhib sheega-nayso oo aad rabto inaad aakhiro ajarkiisa la qaybsato inaad xaq u leedahay balse waxa ka aga badan if iyo aakhiraba adiga oo saamaxa waayo? Walaalka aad ka dhaaftay wixii aad ka sheeganay-say ixsaan ayaad u samaysay oo halkaas ajar ayaa kuu jira, aakhirana intii aad ka filanaysay in ruuxan lagaaga jaro tu ka badan ayuu alle kugu abaali-nayaa.

U danbayn waa in ruuxu sii bartaa axkaamta soonka, fadligeeda, waxa la samaynayo iyo waxa ka reeban. Waxa la caadaystay in axkaamta soonka la bilaabo marka ay inna soo gasho, laakiin waxa ay ila tahay in shabcaan badhtankeeda lasii bilaabo si dadku ula sii qabsadaan.

Page 19: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Waxa aan qoraaladii hore ku qeexnay guusha oo aynu ku xusnay afar arrimood oo kala ah: 1. In uu Ilaahay (Subxaana Watacaalaa) raali kaa

noqdo 2. In Bulshadu raali kaa noqoto 3. In Naftaadu raali tahay oo xasiloontahay 4. Iyo In aad noqoto qof waxtar leh oo raad kaga

taga adduunka RAALI GELINTA ILAAHAY Raaligelinta Ilaahay (Subxaanuhu Watacaalaa waa furaha kowaad ee guusha nolosha, qof Ilaahay ka xadhig furtay guulaysan mayo, sababta oo ah qofku haddii uu Ilaahay xadhigiisa jaro waxaa Ilaa-hay ku cidhiidhyayaa nolosha adduunka, Ilaahayna waxa uu Aayad ka mid ah quraanka oo macnaheedu yahay ku yidhi (qofkii ka jeedsada xuskayga waxa aan ku noolaynayaa nolol cidhiidh ah, aakhirana waxaa la soo xaadirinayaa isaga oo indha la’). Talaabooyinka ugu muhiimsan ee xoojinaya xidhiid-

hka Ilaahay waxa ka mid ah: A. CAQIIDO WANAAG: Qofka raba in uu Ilaahay raali geliyo waa in uu caqii-dadiisa saxaa oo caqiidada saxda ah qaataa, taas oo ku cad Qur’aanka iyo Sunada Nebigana (N.N.K.H) waa in uu ka dheeraadaa shirkiyaadka iyo bidcada, waa in uu bartaa sifooyinka iyo magacyada Ilaahay (Subxaanuhu Watacaalaa) waa in ku camal falaa ma-gacyada Ilaahay. Tusaale ahaan Ilaahay maga-cyadiisa waxaa ka mid ah in uu yahay (BASIIR) oo micnihiisu yahay in uu Ilaahay waxkasta arko. Ma-gacaa ilaahay ku dhaqankiisu wax uu noqonayaa in aad ogaato daqiiqad kasta in uu Ilaahay ku arkaayo oo kuu jeedo, caqiidadu waa cilmiga ugu muhiimsan barashada diinta, waana fardul cayn oo qofkasta oo Muslim ah waajib ayay ku tahay in uu barto caqii-dada toosan ee Islaamka.

Furayaasha Guusha Nolosha Qaybtii 3aad

Hassan Farah Bile (Suuri)

B. CIBAADO WANAAG: Qofka raba in uu guulaysto waa in uu ogaadaa in Ilaa-hay uu u abuuray in uu caabudo oo ay shaqadiisa kowaad tahay raaligelinta Ilaahay, noqdana qof ka amar qaata Ilaahay oo waxa uu ka reebayna ka taga, waxa uu amrayna la yimaada. Haddii qofku arrintaas la yimaado waxaa imanaysa in uu qofku ku guulaysto nolosha adduunka iyo tan aakhiraba. Ilaahay waxa uu Qur’aanka ku leeyahay Aayad mecneheedu yahay (Qofkii Ilaahay ka cabsada Ilaahay waxa uu u furayaa faraj, waxana laga arsaaqayaaa meelo aanu ka filayn risqi. Cibaadada Ilaahay la caabudayo waxa ugu horeeyaa waa wixii Ilaahay (Subxaanuhu Watacaalaa) inagu faral yeelay sida SALAADA, SOONKA, SEKADA IYO XA-JKA. Salaadu waa tiirka ugu horeeya ee qofka muslimka ah laga rabo in uu la yimaado tawxiidka ka marka uu qiro. Salaada micneheedu waa xidhiidhka Adoonka iyo Ilaa-hay (Subxaanuhu Watacaalaa) u dhexeeya, qofkii kas uga tagaana diinta Islaamka wuu ka baxaayaa. Sa-laadu waa muftaaxa khayrka adduunka iyo kan aakhir-aba. Salaadu waa waxyaabaha risqiqa fura, waa waxyaabaha xasiloonida nafta keena. Qofka raba guusha nolosha waa in uu Salaada iyo cibaadaadka kaleba si gaara u ilaaliyaa,waxaa hada fooda inagu soo haya bishii barakaysnayd ee ramadaan waa bil qofka uu xidhiidha ilaahay uu hagaajin karo wixii ka xumaana uuka qaldanaana uu ka toobadkeeni karo caadooyinka xunxuna uu ka takhalusi karo sida cunada qaadka iyo cabitaanka sigaarka . Waa in uu xaaraanta iska ilaali-yaa oo ka dheeraadaa, waa in uu ka dheeraadaa wax alaala wixii Ilaahay inaga reebay, lana yimaadaa wax alaala wixii Alle ina amray. Haddii gef ka dhaco waa in uu toobada dedejiyaa waa in uu Alle ku xidhnaado oo haddii wax la soo dersaan uu Ilaahay u sheegto (baryada Ilaahay badiyaa).

Ka Eeg Bogga 20aad

Page 20: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

C. AAKHIRO OO LA WAYNEEYO IYO ADDUUNKA UU LA YAREEYO: Qofka naajixa ahi waa qof istaraatiijiyadiisu ay dheer-tahay oo ay ka talawsan tahay adduunka, waxa uu aaminsan yahay in adduunku uu yahay maalmo yar oo ay jirto daar kale oo la yidhaahdo Aakhiro daar-taasina ay tahay tan lagu waaraayo, adduunkuna uu yahay meel taraasit lagu dhaafaayo, markaa qofka rabaa in uu ku najaxo nolosha waa in qorshihiisu no-qdaa siduu ugu guulaysan lahaa labada daaroodba, gaar ahaan waa in uu xoogiisa iyo fikirkiisa inta badan ku bixiyaa daarta Aakhiro. Waxyaabaha ay diinteenu ku tahay diin weyn waxaa ka mid ah in ay inagu boorisay in aynu u shaqaysano labada daaroodba, laakiin waxa laynoo sheegayaa in adduunku yahay daar qofku uu ku ketsoomo oo keeni karta in la ilaawo daarta asliga ah ee Aakhiro markaa markasta waa in aynu xusuusanaa waxa ina sugaaya ee uu ugu horeeyo SAKARAATUL- MAWDKU, DHIMASHADU, QABRIGA, QIYAAMADA, XIASAABTA,

JANNO AMA CADAAB Ilaahay naarta haynaga nabad geliyo. Qofka muslimka ah waxaa laga rabaa in uu sahay u qaato wadadaa dheer ee ina sugaysa, qofka arrintaa sameeya ee camal wanaagsan u diyaariya Aakhiro Ilaahay waxa uu ku noolaynayaa adduunka nolol raaxale, Aakhrina janno ayuu gelinayaa, arrintaasna Ilaahay ayaa Qur’aanka ku balanqaaday Aayad mecnaheedu yahay (Qofkii camal wanaagsan sameeya iimaanna la yimaada rag iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee, waxa aanu ku noolaynaynaa nolol raaxo leh adduunka, aakhirana ajar badan ayanu siinaynaa). Walaalaha raba in ay guushaa gaadhaan waa in ay noloshooda waxa ugu mudnaanta kowaad siiyaa hagaajinta xidhidhka iyaga iyo Ilaahay u dhexeeya. Haddii ay arrintaas ku guulaystaan oo xidhiidhkaa hagaajiyaan waxaan idiin hubaa in aad guulo waawayn gaadhaysaan adduun iyo aakhiraba.

GUUSHA

Page 21: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Hordhac

X anuunada ku dhaca kaadi mareeenku waxay ka mid yihiin xanuunada ugu badan ee dadku

ay ka cawdaan . Qiyaas ahaan dadka ka cawda xanuunada ku dhaca kaadi mareenka ee u taga dhakhaatiirta waxaa lagu qiyaasaa 1-3% tirade guud ee dadka dhakhaatiirta booqda. Car-ruurtu marka ay dadoodu yaryar tahay way ku kala duwan yihiin qaadista xanuunadani. Tusaale ahaan gabdhaha , xiliga ugu horeysa ee inta badan lagu arko xanuunkani waa marka ay da’doodu gaadho 5 (shan) jir, halka wiilasha lagu arko sannadka ugu horeeya ee cimrigooda . Wiilasha yaryar ee aan la xalaalayn ayayna si gaara ugu sii badan tahay. Carruurta xumadda yeesha in ku dhaw 10% waxaa xumadda ku keena xanuun-adani.

Maxaa keena xanuunada ku dhaca kaadi mareenka?

Xanuunadani waxaa keena cudur dhaliyayaasha ili-ma aragteyda ah kuwa loo yaqaano Bacteriyada. Waxaana ugu badan nooca loo yaqaano gram negative bacteria sida E.coli (75-90%), Klebsiella, enterrobac-ter, pseudomonas iwm.

Xaaladaha fududeeya xanuunada kaadi mareenka (Risk factors).

Waxaa jira xaalado badan oo qofka u fududayn kara inuu qaado xanuunada ku dhaca kaadi mareenka. Xaaladahaas waxaa kamida; qofka oo difaaca jidhkiisu hoos u dhaco sida nafaqo xumi ku timaada. Waxaa iyaduna ka mida Wadada kaadi mareenka oo cilado kale yeelata sida burooyin ka soo baxa ama dhagaxaan ku samaysma. Waxaa jira qanjidh loo yaqaano prostate oo raga ku yaala oo marka ay dadoodu weynaato bukooda oo barara, taasina waxay keentaa in marinkii kaadidu cidhiidhi noqdo oo qofka kaadidu ku istaagto (Retention) – Arrintanina waxay ka mid tahay waxyaabaha fududeeya ama sahli kara in xanuuno ku dhacaan kaadi mareenka. Xaaladaha kale ee fudu-deeya in xanuunkani ku dhaco qofka waxaa kamida qofka oo ku dhasha isaga oo leh cilado dhinaca kaadi mareenka ah, qofka oo yeesha xanuunka macaanka, gabadha oo uur yeelata, dumarka dhalmo dayska ah, qalab la galiyo kaadi haysta sida cathe-ters iyo wiilasha oo aan la xalaalayn.

Calaamadaha lagu garto.

Calaamadaha lagu arko dadka uu ku dhaco xanuunada kaadi mareenku way kala duwan yihiin, waxaanay ku xidhan yihiin meesha xanuunku asiibay. Qaar

dadkaas ka mid ahi ma yeeshaan calaamado (Asymptomatic) , waxaana la ogaadaa marka baadhitaan lagu sameeyo . Dadka aan calaamadaha yeelana waxaa u badan haweenka . Guud ahaan calaamadaha lagu garto in xanuun jiro kaadi mareenka waxaa kamid ah kaadida oo gubta, kaadida oo aanu qofku haysan karin, suuliga oo uu ku noqnoqdo (frequency), kaadida oo dhiig uu la socdo, matag, xumad, qadh-qadhyo, iyo damqasho marka la taabto kalyaha dushooda.

Carruurta yaryar calaamadaha lagu arko waxaa kamid ah cuntada ama naaska oo ay qaadan waayaan, xumad, koriin la’aan iyo miisankooda oo hoos u dhaca.

Daaweynta:

Si loo hubiyo inuu qofku qabo mid ka mid ah xanuunada ku dhaca kaadi mareenka waa in lagu sameeyo baadhitaan dhamaystiran. Haddii qofkaas laga helo xanuunka, waxa uu dhakhtarku siinayaa dawada ugu haboon iyo talooyin. Dawooyinku waa Antibiotics kala duwan . Waxyaabaha kale ee qofka la gudboon waxaa ka mid ah inuu biyaha si fiican u cabo (ugu yaraan 2 litir maalintii) iyo inuu hagaajiyo nadaafadiisa (personal hy-giene).

Tallo bixin

Haddii aad isku aragto calaamad ka mid ah calaamadaha xanuunada ku dhaca kaadi-mareenka waxaa muhiim ah inaad booqato dhakhtarkaaga gaarka ah ama dhakhtarka kuugu dhaw. Tallada caafimaad ee lagu siiyo iyadana sideeda u meel mari. Hadii si wanaagsan loo daweyn waayo xanuunada ku dhaca kaadi mareenka waxaa ka dhalan karta dhibaato caafi-maad oo aan la mahadin sida qofka oo dhiig-kar yeesha, kalyaha oo fadhiista iyo koriin xumo ku dhacda caruurta.

Diyaariye: Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo), cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Xanuunada ku dhaca kaadi mareenka

Page 22: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

BARO QAAR KA MID AH ADEEGYADA TELESOM

Mysms waa barnaamij casri ah oo macaamiisha, gaar ahaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo hay’addaha u fududaynaya in ay macaamiishooda iyo shaqaalahooda u wada diri karaan fariimo mar kaliya, iyaga oo isticmaalaya hab casri ah (web interface). Qiimaha adeeggani waa $0.05 per message/hit. Faa’iidooynka adeegga Mysms Si fudud ayaad u isticmaali kartaa Magaca meherada ayay fariintu ku baxaysaa Macaamiil badan ayaad mar kaliya u diri kartaa fariinta Macmiil kaliya aad u diri kartaa Fariimaha joogtada ah meel gaar ah ayaad ku kaydsan

kartaa, sida ‘CIID MUBAARIK’ Si fudud ayaad u ogaan kartaa fariintii aad dirtay in ay

gaadhay cidii aad u dirtay Waxaad u isticmaali kartaa Suugqeyn Marketing Waxa kale oo aad u isticmaali kartaa daryeelka ma-

caamiisha (Customer Service/Care). Talaabooyinka Isticmaalka Mysms: Booqo xarumaha Iibka Telesom Buuxi Foomka Codsiga Bixi $20 oo diwaangelinta ah Ku shubasho ugu yaraan $5 oo u dhiganta 100 farrii-

mood (SMS) Macmiilku waa inuu leeyahay email Account. Abuurista Mysms Account Booqo web-ka https://mysmstelesom.com Dooro Create Account Buuxi Foomka soo baxa Dooro Register Dabadeed fur Email-kaaga, dooro Linkiga Activate Dabadeed la xidhiidh Xarunta Saleska si ay kuugu ogo-

laadaan inaad isticmaashid, lacagtana kuugu shubaan.

Waa adeeg u sahlaya dad isku group ah in ay ku wada hadlaan qiime 20% ka jaban ka ay macmiilka kale ku wada hadlaan. Adeegan waxa loogu talogalay in loo sameeyo Hay’addaha iyo shirkadaha ay ugu yaran ka shaqeeyaan 20 qof, sida: 1. Hay’adaha Caalmiga ah/Maxaliga ah 2. Ganacsatada waaweyn 3. Goobaha waxbarashada 4. Hay’adaha dawlada iwm. Haddaba, si aad adeegan u isticmaasho fadlan ka diwaan-geli shaqaalahaaga xarumaha Iibka Telesom.

Waa adeeg kuu suurtogelinaya in aad Moobilka Telesom ka

raadin karto macnaha Af Soomaaliga ee tarjumada ereyada

Ingiriisiga. Ereyada qaamuuska waxa iska leh oo macnaha

ururiyay Sahal Dictionary. Moobilkaaga qaybta farriimaha

waxaad ku qortaa labada xaraf ee EN, dabadeedna raaci

ereyga aad doonayso in aad macnihiisa af-soomaaliga

hesho. Tusaale: SOO QOR en peace

DABADEEDNA U DIR NAMBARKA 150

Waxaad heli doontaa macnaha tarjumada Ereyga Peace iyo

kuwo kale oo la xidhiidha ereygaas. Waana sidan:

Peace (n) – nabad, nabad-qabid (xasilooni)

Waa adeeg u sahlaya macaamiisha in ay waddamada Djibouti iyo Maraykanka ku isticmaali karaan Simcard-ka Telesom. Dhawaan sim-card-ka Telesom waxa uu ku shaqayn doonaa guud ahaan daafaha dunida, haddii Alle ogolaado. Faa’iidooyinka Roaming-ka: 1. Xidhiidhkii Gudaha iyo Dibadda oo aan kala go’ayn 2. Telefoonadii kuugu jiray simcard-ka Telesom oo

sidoodii ahaanaya 3. Telefoon kale uma baahanaysid wakhtiga aad

joogto wadamadaas 4. Wakhtigii aad ku raadsan lahayn sim-card cusub

oo ku badhxaya 5. Qoyskaagii iyo Qaraabadaadii oo si toos ah aad u

wada xidhiidhaysaan.

ADEEGYADA

Page 23: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

BARO QAAR KA MID AH ADEEGYADA TELESOM

Si aad u isticmaasho adeeggan. Raac tallaabooy-inkan: Si aad u ogaatid Qiimaha Allaab: Mobile-kaaga ku qor: Xarafka “F” adiga oo raaci-naya allaabta magaceeda ama moodelkeeda sida tusaale ahaan – “F NOKIA 3310” Dabadeedna waxad SMS ku dirtaa numberka “555”. Waxyar sug. Waxad heli doontaa jawaabta Qiimaha “Nokia 3310” Si aad u heshid Macluumaad Guud (General Infor-mation): Mobile-kaaga ku qor xarafka “G” adiga oo raaci-naya macluuumaadka aad rabto, tusaale ahaan “G The President of Somaliland” Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Si aad u heshid Tarjumadda macnaha Erey: Mobile-kaaga ku qor xarafka “D” adiga oo raaci-naya ereyga aad macnihiisa doonayso, tusaale ahaan “d incredible” Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta macnaha ereyga “incredible” Si aad u heshid saadaasha cimilada adduunka: Mobile-kaaga ku qor xarafka “W” adiga oo raaci-naya magaalada ama goobta aad cimiladeeda doonayso, tusaale ahaan “w Berbera” Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta saadaasha cimilada magaalada Berbera. Si aad u heshid Sarifka Lacagaha Caalamka: Mobile-kaaga kuqor lacagaha aad doonayso in aad isu beddesho sida “I Euro in USD” ama “1 Gbp in USD”. dabadeedna SMS message u dir “555” Waxyar sug. Waxa aad helaysaa Qiimaha Isu bed-delka Lacagihii aad qortay.

Si aad u heshid Wararka Caalamka iyo kuwa Dalka: Si aad u hesho wararka wargeysyada midkasta soo qor xarfaha loo soo gaabiyay, una dir 150: Jam – Jamhuuriya, HA – Haatuf, OG – Ogaal, GA – Geeska Afrika, MA – Maandeeq WARARKA DIBADDA bbc – BBC, jzr – Aljazeera, Africa – Africa News, Sport – Sports News, Voa – Voice of America ASCAARTA & XOOLAHA OO AF-SOMALI AH Waxaad qortaa ‘SAR’ si aad u hesho, macluumaad ku saabsan: Sarifka Lacagaha qalaad ee dalka gudi-hiisa, Sayladda Xoolaha dalka iyo Badeecadaha dalka gudihiisa.

Si aad u dirto Email fadlan raac talaabooyinkan: Marka hore message cusub furo kadibna ku qor Emailka loo diraha space durug kadibna qor fariintii aad dirayso, waxaanad u dirtaa number-ka 555. Intaa kadib qofkii aad Emailka u dirtay wuxuu Inbox-kiisa ka helayaa message-kii aad u dirtay. Tusaale: To: 555 New message: [email protected], Iga guddoon salaam gacaltooyo.

Page 24: Issue 09

Telesom Newsletter, July - September 2010 , Tirsiga 9aad

Telesom provides the highest quality and affordable services by delivering advanced technology, widest coverage, and dedicated workforce to enrich the lives of our community.