wargeyska dalka isniin 14 october 2019 1 wargeyska...

12
WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 WARGEYSKA DALKA Wargeyska DALKA Wargeyska Wargeyska Dalka, Waa wargeys Toddobaadle ah oo ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska TODDOBAADLE ISNIIN EMAIL: [email protected] Bogga 2-3-aad Bogga 6-aad Bogga 7-aad Bogga 5-aad Bogga 8-aad Bogga 7-aad ISLAAMKA IYO NOLOSHA WARARKA WARGEYSKA ARRIMAHA DHALINYARADA FAALLO & FALANQEYN DHAQANKA IYO SUUGAANTA ARRIMAHA BULSHADA DHAQAALAHA & GANACSIGA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALAY FURITAANKA BEERTA MIDNIMADA HOGGAAMIYEYAASHA DALALKA GEESKA AFRIKA MURTI & MAAWEELO Bogga 9-aad Bogga 12-aad Eeeg Bogga 12-aad Hay’Adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal. Mudane; Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo ah mid ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimillada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. “Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya Dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada- qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dalalka Uganda Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka. Sidoo kale, Madaxweynaha JFS ayaa isla toddobaadkan furay kal- fadhiga Lixaad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu. Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka Federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas’uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe, koox gaar ahna aysan wax ka beddeli karin. “Nidaamka Federaalku waa nidaam ay Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu noqdo hab ku dhisan maamulkooda Dowliga ah, illaa ay Ummadda Soomaaliyeed ayadu go’aansato inay wax ka beddesho nidaamkaasna, ma jirto Dowlad ama koox gaara oo wax ka beddeli karta”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, isagoo xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed Bad iyo Berriba. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Gobolleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi. Mudane;Farmaajo, ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka iyo hirgelinta nidaamka federaalka. Madaxweynaha Dalka Maxamed C/ llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaan hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda. Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweynuhu in shuruucda uu saxiixay iyo kuwa kale ee horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanku ay muhiim u yihiin taabba-gelinta Qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda. Madaxweynaha ayaa yiri” Sharciyada aan saxiixay waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuq- maasuqa oo gundhig u ah aasaasidda Qarannimo Soomaaliyeed oo taabba gasha”. Mudne; Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray. Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen. Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dadaalladu. “Waxa Alle mahaddiis dhawaan noo soo gabagaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib u heshiisiintuna waxay noo fududaysay inaan hadda u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul Gobolleed ay yeeshaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolladaas”Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah TUSMADA

Upload: others

Post on 07-Aug-2020

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1WARGEYSKA DALKA

D A L K AWargeyska

Email: [email protected] A L K A

Wargeyska

Wargeyska Dalka, Waa wargeys Toddobaadle ah oo ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

TODDOBAADLE ISNIIN EMAIL: [email protected]

Bogga 2-3-aad

Bogga 6-aad

Bogga 7-aad

Bogga 5-aad

Bogga 8-aad

Bogga 7-aad

KA EEG GUDAHA

ISLAAMKA IYONOLOSHA

WARARKA WARGEYSKA

ARRIMAHA DHALINYARADA

FAALLO &FALANQEYN

DHAQANKA IYO SUUGAANTA

ARRIMAHA BULSHADA

DHAQAALAHA & GANACSIGA

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALAY FURITAANKA BEERTA MIDNIMADA HOGGAAMIYEYAASHA

DALALKA GEESKA AFRIKA

MURTI &

MAAWEELO Bogga 9-aad

Bogga 12-aad

Eeeg Bogga 12-aad

Hay’Adda Cilmi Baarista

Badaha Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal.

Mudane; Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo ah mid ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimillada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

“Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya Dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha

Dalalka Uganda Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha JFS ayaa isla toddobaadkan furay kal-fadhiga Lixaad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka Federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas’uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe, koox gaar ahna aysan wax ka beddeli karin.

“Nidaamka Federaalku waa nidaam ay Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu noqdo hab ku dhisan maamulkooda Dowliga ah, illaa ay Ummadda Soomaaliyeed ayadu go’aansato inay wax ka beddesho nidaamkaasna, ma jirto Dowlad ama koox gaara oo wax ka beddeli karta”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, isagoo xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed Bad

iyo Berriba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Gobolleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi.

Mudane;Farmaajo, ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaan hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda.

Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweynuhu in shuruucda uu saxiixay iyo kuwa kale ee horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanku ay muhiim u yihiin taabba-gelinta Qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda.

Madaxweynaha ayaa yiri” Sharciyada aan saxiixay waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuq-maasuqa oo gundhig u ah aasaasidda Qarannimo Soomaaliyeed oo taabba gasha”.

Mudne; Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray.

Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen.

Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dadaalladu.

“Waxa Alle mahaddiis dhawaan noo soo gabagaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib u heshiisiintuna waxay noo fududaysay inaan hadda u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul Gobolleed ay yeeshaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolladaas”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah

TUSMADA

Page 2: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 2WARGEYSKA DALKA WARARKA WARGEYSKA DALKAGUDDOOMIYAHA GOLAHA

SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO

GAARAY BAYDHABOWafdi uu hoggaaminayo

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu qayb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-g a r e e n , g u d d o o m i y a h a

Golaha Wakiillada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

GOLAHA WASIIRRADA OO ANSIXIYAY HUBINTA IYO TIRAKOOBKA SHAQAALAHA

DOWLADDA IYO QODOBBO KALE

SOOMAALIYA OO XUSTAY MAALINTA BOOSTADA

ADDUUNKA

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo T e k n o l o j i y a d d a Soomaaliya,Eng; Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay heer gaba-gabo ah marayaan dadaallada dib loogu billaabayo dirista Boostada Dalka.

Wasiir Canshuur, oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay Maalinta Boosatada Caalamka iyo 60 guuradii kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya xubin ka noqotay Ururka Boostada Adduunka ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay dadaallo dheer usoo mareen sidii ay Boostada Soomaaliya ula jaanqaadi lahayd Caalamka intiisa kale.

Eng Canshuur; ayaa intaasi ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa adeegyadii iyo sharaftii ay lahayd Boostada Dalka, isla markaana u noqon lahayd goob loogu soo hagaago adeegyada Boostada casriga ah iyo kuwa Dowladda ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa qiray inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga Teknolojiyada Adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta Boostada, maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso Dadweynaha.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay Magaalada Tokyo ee Dalka Japan Sanadkii 1969-kii, iyadoo ujeedkuna uu yahay sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta Dadweynaha ee kaalinta ay Boostadu ku leeyaday horumarka dhaqan-dhaqaale ee Dal kasta.

Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Midowga Boostada Adduunka 1-dii Abriil 1959-kii, waxaana xilligaasi adeegga Boosto ee Dalka ka shaqeyn jiray in ku dhow 3 kun oo Qof, iyadoo ay meesha ka baxday wixii ka dambeeyay Dowladdii Millitariga ee bur-burtay 1991-kii.

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyay natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda iyo xeer nidaamiyaha Machadka Caafimaadka Dalka, ka dib kulankoodii Khamiislaha ahaa ee ay ku yeesheen Muqdisho.

Wasiirrada caafimaadka iyo shaqada, ayaa Golaha uga mahad celiyay ansixinta natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha Dowladda iyo xeer nidaamiyaha Machadka caafimaadka Dalka oo ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta arrimaha Bulshada ee Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 2018 iyo 2019 waxa ay tikarboob madax ka tirin iyo diiwaan gelin la socotay ku sameysay shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Kulanka Golaha oo uu Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Dalka, tayeynta waxbarashada iyo heerka uu

marayo wajiga Labaad ee dib-u-habeynta ciidammda qalabka sida ee Dalka.

Sidoo kale isla toddobaadkaan Ra’iisul Wasaaraha (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qaranimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirri-geliyay Wasiirka Maaliyadda iyo guddoomiyaha

Bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiran yahay sida loo wada shaqeeyo.

Horumarinta hannaanka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalintii ay jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny ay ku midoobeen hal dowlad iyo hal calan.

October 3, 1990, ayaa jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny waxa ay ku midoobeen dowaldda federaalka Jarmalka, waxaana sannad waliba, bisha October laga xusaa

gudaha dalka Germany iyo safaaradaha uu adduunyada ku leeyahay, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu Jarmalka ugu hambalyeeyey soddonka sano oo midnimada ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Germany ka baranayaan sida qaran loo mideeyo xilliga ay adag tahay, sida dhibaatooyinkii dhacay loogu beddelo mustaqbal barwaaqeysan, qorshaha dadka leesugu keeno, looguna sameeyo bilaaw cusub oo wanaagsan, khibradda federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dhismaha hannaanka looga gudbo kala qaybsanaan soddon sano jirsatay.

Dowladaha Soomaaliya ayaa xariir iyo iskaashi xooggan oo soo jireen ah waxa ay la leedahay dowladda Germany oo ka mid ah deeq bixiyaasha taageera dowladda, sidoo kalana dalkeeda kusoo dhaweysay kumannaan qoysas Soomaaliyeed ah oo dalka ka tegay xilligii ay xumeyd.

Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiillada Maamulka Koofur-Galbeed,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiirro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

SOOMAALIYA OO 29 SANO KADIB DIB UGU BIIRTAY URUR GOBOLLEEDKA BARIGA EE LA DAGAALLANKA AYAXA EE LOO YAQAANO (DLCO-EA).

Waxaa duleedka magaalada Addis ababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gaba-goobay shirkii 64-aad ee Wasiirrada Beeraha Bariga Africa ee la dagaallanka Ayaxa Saxaraha (DCL0-EA) 10th-11th October 2019.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay dib ugu biirtay ururka kadib 29 sano oo ay banaanka ka ahayd iyadoo 1991 kii kadib aysan qayb ka ahayn shaqooyinka ururka gobolleedka DLCO-EA.

Wasiirka Beeraha Dowlada Federalka Itoobiya Dr.Sani Redi Ahmed oo ah Guddoomiyaha Urur Gobolleedka ee sanadkaan iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Dr.Stephen W.Njoka,ayaa si rasmi ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu soo noqotay ururka DLCO-EA ee la dagaalanka

Ayaxa guurguura ee lama dagaanka,iyadoo ay heli doonto adeegyada ururka u qabto dalalka xubnaha ka ah Urur Gobolleedka DLCO,

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo Shirkaan ka qayb galay ayaa si rasmi loo gudoonsiiyay xeer-asaaska Ururka kaasoo si rasmi

Soomaaliya dib uga mid noqon doonto Ururkaan oo taariikh weyn kuleh gobolka ayaa waxaa la aasaasay 1962 iyadoo Soomaaliya ay xubin buuxda ka ahayd ilaa markii la aasaasay iyadoo uu xarumo waaweyn ku lahaa Soomaaliya.

Ayaxa iyo Shimbiraha ayaa waxay ka mid yihiin dulimada

hayaama dhib weyna ku haya beeraleyda Soomaaliyeed.

Ayaxu wuxuu dhib weyn ku hayaa gobolladda Awdal, Bari iyo Sanaag. Halka Shimbiraha dhib weyn u geysteen dhammaan gobolladda koonfureed Gu’gii aan soo dhaafney ayna dhibaata weyn u geysteen Bariiska iyo Masagada.

Haddaba, dib ugu biiridda Urur gobolleedkaan waxay Soomaaliya u fududeen doontaa helida adeegyada ay u baahnaayeen beeraleyda Soomaaliya, taas oo yareen doonta khasaaraha beeraleyda Soomaaliya uga imaan jirey Ayaxa iyo Shimbiraha.

DLCO-EA ayaa waxay leeyihiin diyaarado u diyaarsan la dagaalanka ayaxa iyo shimbiraha.

Page 3: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 3WARGEYSKA DALKA WARARKA WARGEYSKA DALKA

WASIIRU DOWLAHA MADAXTOOYADA JFS OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYEY SARAAKIISHA HAB-MAAMUUSKA MADAXTOOYADA QARANKA

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali (Baqdaadi) ayaa guddoonsiiyey shahaadooyin hawl wadeennada Hab-maamuuska Madaxtooyada oo uu u soo gaba-gaboobay tababar muddo Seddex Todobaad ah.

Tabbarkaan oo ku saabsanaa anshaxa iyo habmaamuska ayaa inta uu socday waxaa khabiir Soomaaliyeed Danjire Ciise Cali Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey diblumaasiyadda uu la wadaagay Saraakiisha H a b m a a m u u s k a Madaxtooyada casharro ku saabsan anshaxa iyo diblumaasiyadda, gaar ahaan xiriirka la mucaamalka

diblumaasiyiinta iyo hannaanka soo dhaweynta maamuuska Madaxda Caalamka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa sheegay in casharradan ay qaateen Saraakiisha Habmaamuuska Madaxtooyada ay ka tarjumayaan dib u soo kabashada dalkeenna oo haatan u diyaarsan marti gelinta iyo in ay ku soo hirtaan Madaxda Caalamka.

Dhankiisa, Agaasimaha H a b - m a a m u u s k a Madaxtooyada Mudane Cabdi Cumar Cali ayaa xusay ahmiyadda ay shaqaalaha Hab-maamuuska u leeyihiin joogteynta taba-barrada iyo tayeyntooda, Waxa uuna u

mahadceliyey Safiir Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo aqoonta durugsan iyo waayo aragnimada uu u leeyahay hab-maamuuska u gudbiyey shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali (Baqdaadi), Kusimaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdillaahi Sh. Cabdikariin iyo Danjire Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo isagu tababarkan u fidiyey hawl-wadeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada.

TABABAR LA XIRIIRA KA HORTAGGA SOCDAALADA SHARCIDARADA AH OO KA FURMAY MUQDISHO

BOQOLAAL QOYS OO AY SAAMEEYEEN ABAARAHA GEDO OO KA KA FAA’IDEYSTAY GAR GAAR HAY’ADDA HORMUUD FOUNDATION GAARSIISAY

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Norway ayaa lagu sheegay in ay Dowladdoodu Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3,1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Waxeyna dowlada Soomaaliya ku amaantay fulinta qorshayaasha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dib loogu soo nooleynayo nidaamka maaliyadeed ee wadanka, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin horumarka guud ee Soomaaliya.

Wasiirradda ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wali ku sugantahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso Soomaaliya, ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib usoo noqoshada hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareyso 4,7 bilyan oo dollar. Waxayna Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal

xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale. Soomaaliya ayaa hada kasoo gudubtay sadex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Saddex meelood meel kamid ah(1/3) deynta Soomaaliya lagu leeyahay, ayaa waxaa iska leh hey´addaha maaliyadeed ee aduunka, gaar ahaan Bankiyada horumarinta dalalka, hey´adda lacagta (IMF) iyo Bankiga Aduunka. Si Soomaaliya ay ugu suurtagasho barnaamijka deyn cafinta, waxaa waajib ahayd in marka hore la bixiyo lacagaha deymaha ah ee Soomaaliya ay ku leeyihiin hey´addahaas.

Norway ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso bixinta deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta ee Bankiga Aduunka, sidoo kale waxey Norway sheegtay in dowlada UK ayaa ayadna dhankeeda bixin doonta deynta Soomaaliya looga leeyahay Bankiga horumarinta Afrika. Waxaana dhiman oo kali ah wadan sadexaad oo bixiya ama damaanad qaada deynta Soomaaliya looga leeyahay hey´adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka deeqaha iyo horumarinta Dag-Inge Ulstein Norway, ayaa sheegtay in haddii saddexdaas deynmood meel la saaro, ay Soomaaliya

toos u gudbeyso wareega ugu danbeeya ee kama dambeysta ah ee barnaamijka deynta cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay HIPC (Highly Indebted Poor Countries Initiative).

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in bilowga sanadka danbe ee 2020 magaalada Paris lagu qaban doonto shirka go´aan ka gaarista barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya. Waxeyna Norway rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya laga cafin doonto deynta lagu leeyahay, hadii ay kasoo baxdo shuruudaha dhiman ee ku xiran heshiiska qorshaha deyn cafinta ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo IMF.

Wasiirka deeqaha Norway Dag-Inge Ulstein ayaa dhanka kale sheegay in Norway ay Soomaaliya ka cafin doonto 16 milyan Dollar oo ay horey ugu laheyd, marka bilowga Sanadka danbe la isugu yimaaddo kulan ka dhici doono Magaalada Paris.

Deyntan ayaa Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii (xisaabtii) ay ku lahayd Sanduuqa horumarinta Bankiga Adduunka, looguna oggolaado soo qaadashada deyn cusub oo maalgalin la xiriirta.

Dowladda Norway ayaa kamid ah Waddamada Soomaaliya siiya deeqaha ugu badan, waxayna Sanadkii lasoo dhaafay ku caawisay 62 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

NORWAY OO SOOMAALIYA SIINEYSA DEYN GAAREYSA $353 MILYAN

Qaar ka mid ah Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,ayaa ka qeybgalay tababarka furmay magaalada Muqdisho oo ku saabsan ka hortagga socdaalada sharcidarada ah.

Tababarkaan oo kor loogu qaadaayo xirfadaha aqooneed ee Saraakiishaasi,waxa uu socon doono muddo shan maalin ah,iyadoo macalimiin Turki ah ay bixin donaan casharro khuseeya socdaalada sharcidarada ah.

Tababarkaan waxaa si wadajir ah u furay Taliyaha Akadeemiyadda Boliiska Soomaaliya General Cabdirashiid Aadan Cilm, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ

Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo la-taliyaha amniga iyo arrimaha gudaha ee safaarada

turkiga Col. Ahmet Altan.

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa waxay deeq RaashiIn gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolkaas Gedo.

Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, C a w s q u r a n , Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere.

Cabdullaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Guddoomiyaha degmada Baardheere iyo Cabdullahi Sheekh Cabdiraxman Qaadi Guddoomiye Ku xigenka Gobolka Gedo ayaa ku ammaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaskaasi, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax

weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey.

Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba

Ururka haweenka Baardheere.

S h i r k a d d a Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere.

MADAXWEYNE XAAF OO TAAGEERAY GUDDIGA DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDKA GALMUDUGDhuusamareeb- Madaxweynaha Dowlad

Goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa soo dhoweeyay Guddiga farsamada dhismaha Galmudug loo dhan yahay, isagoo ku baaqay in la taageero.

Mudane; Xaaf ayaa qoraal kasoo abaxay Xafiiskiisa ku sheegay in uu la shaqayn doono Guddigan oo ay Magacowday Wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo howl-wadeennada ugu baaqay in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay hufnaan iyo caddaalad ayna ka fogaadaan wax walba oo keeni kara shaki.

Baladweyne- Wasiiru Dowlaha Wasaarada Ganacsiga Dowladda Gobleedka Hirshabeele Cali Maxmed Cali oo faahfaahin ka bixiyey Shirar looga hadlayey horumarinta gacansiga deegnaada hirshabeele ayaa Sheegay in ay Xooga saari doonaan horumarinta Ganacsiga

Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ay kulamo la qaadan doonaan dhamaan ganacsatada Hirshabeelle asagoo sheegay in ay booqan doonaan Dhamaan Magaalooyinka hoos yimaado Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu u soo jeestay dhiiragelinta Ganacsatada Hirshabeelle asagoo xusay in ay Maalgelin usameyn doonaan qaar ka mid ah Ganacsatada kasoo jeedo Magaalooyinka hoostago Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

DOWLAD G/ HIRSHABEELLE OO MAALGELIN U SAMEYNEYSA GANACSATADA .

Page 4: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 4WARGEYSKA DALKA DAREENKA DAD WEYNAHA

GUUXA SHACABKA

47 sano ka dib ma is weydiinnay sababta aan u gurguuraneyno anagoo weliba iska dhigeyno inaan nahay Dowlad weyn, hase ahaatee: FARAJKU MA FOGA.

Fogaan arag Soomaaliyeey u yeesha Waayaha Adduunyada, waa Diiwaan xasuus mudan…

Waxaana Daliil u ah, hal abuurka Soomaaliyeed Taariikhdu Dadkey wax wax bartaa, Dunnida waayaheeda…Ninna ma diido…Ninna ma doonto, Guntey dacal ku heysaa Dadoow Dadoow, tan waxayna xasuusineysaa Diiwaanka Taariikhdu inuu yahay xasuusta ugu mudan ee bini’aamigu ku noolaan karo, waa haddii ay qoraan ama ay yiraahdaan kuwa runt aka sheega Taariikhda iyagoo aan waxba ku dareynin oo deel-qaaf ah ama loo arko diiwaan eexasho ah oo ay ugu kala hiilinaayaan ficillada Diiwaaneed ee dhacay,waana taas midda lagu kala dooran karo qabya tirka Taariikhda.

Qoraalkaan ma ahan mid aan ku riyooday hase ahaatee marka aan dib uraacno isbeddelka dunida ka

dhacay ee bulsho, mid siyaasadeed, iyo mid dhaqan dhaqaal.

Tusaalahega ugu wanaagsan ee aan u arko ee aan jeclahay inaan idinla wadaago waa hoggaamiyihii dalweynaha shiinaha

Maotistong ee dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka la wareegay hoggaankii dalweynaha shiinaha, waxa uu yiri: isagoo hoga tusaaleynaya isbeddellada aan kor ku soo xusnay, kana hadlaayay isbeddel ummadeed waxa uu yiri:

Geed markaad rabto in aad beerto nuucow doona ha ahaadee waxaa suurto gal ah in 10 sanno ku manaafacadsato, hase ahaatee dad markaad rabto in aad beerto waxaa suurto gal ah inay kugu qaadato 100sano hase ahaatee wuxuu ku yiri shacabkiisa waxaan rajeynayaa in 100 sano in ka yar maanta dadka reer shiino inay dunnida ku hoggaamiyaan ama kula tartamaan waxsoosaarka, amni sugan iyo siyaasad hufan.

Wuxuu yiri, eeg bal fiiriya aboorkuba cidna ma caawinto oo wuxuu soo saarto ayuu cunaa, taasi macnaheedu waxay tahay in aan ku

nooleyn mucaawino dibadeed, hase ahaatee way adagtahay in laga fisho shacabka soomaaliyeed iyo dowlad kastoo abla ableynta siyaasadeed ku rafaneysa in ay ka leexato ama aysan isbarin inay markasta ku noolaato macaawino dowladeed gacmo hoorsiga dibadda, iyagoo cagahooda hoostooda in nimca kasta ay ka buuxdo ayna ka door bideen in ay u kheylo dhaansadaan mucaawino dowladeed, waa dal aan ka bixidoonin tuugsi iyo gacmo hoorsi iyadoo loogu magac daray dalka mucaawinada ku tashta laakiin aan ku tashan kuna tashandoonin waxa cagahooda hoostooda ku jira, taasoo ah nimco ka mid ah nimcooyinka alle ku maneystay.

Ma shaki baa kaaga jira in arrimuhu kala daadsan yihiin sidii 1991,kii ay wax walba ukala daadeen, ka sokow waxaan lugaha la gallnay dagaal sukeeye kii ugu xumaa ee shacabka soomaaliyeed soo maray kaasoo ku qaatay waqti dheer si dib loogu soo celiyo hoggaamintii dalka iyadoo sheekada oo dhan lagu soo sameeyay hannaanka qabyaaladeed iyadoo

ilaa haddana ay shaqeyso taasi, lagana waantoobin, sidoo kae, mucaawino dibadeed yabooh kama waantoobin oo isma weydiin side uga waantoownaa halku dhigyada ah naga soo gaaraay, iyadoo weliba soomaaliya 1960 loo bixiyay khabuurtii mucaawinada.

Taasi darteed, shacabka Soomaaliyeed waa la marin habaabiyay oo Nabad iyo Nolol midna ma haysato, waa waxa aan in badan ilaahey ka baryeynay haddana weli waxaan ka bixi la’nahay Nabad la’aan iyo Nolol xumo, Sabab?

Wax walba waxaa sal u ah dowladda markaasi taagan sida ay wax u qabato sida ay dadka rajada u geliso una muujiso inay tahay mid wax qaban karta hase ahaatee dowladdu waxaa ka horreesay dowlado fara badan laga soo billaabo 1960-kii ilaa iyo maantadaan la joogo waxay dadku qabaan wax aysa dadka kale qabin waayo waxaa mar walba loo sheegaa waxaan jirin oo aan waxba laga qabaneynin inay wax qabatay baan la moodaa bal se barkimaha

ayey dheereystaan, niyad jab iyo qalbi jab ayey dadkii kuriday tii dhalataba ayaadaa isku dhalatay tii la doortana iyadaa is dooratay waana tan shacabka soomaaliyeed uu maanta la gariirayo cabsi bini’’adan darteed, rajadii ahayd dowlad ayaa u dhalatay soomaaliya meesha way ka baxday waxayna noqotay in leyska aamuso, maadaama uu shacabkii quustay.

Haddaba maxaa talo ah oo nala gudboon?

Sheekadu ma ahan mid ku kooban shacbiga haddana eedeeda ayuu leeyahay sababtoo ah wuxuu usameysan yahay aaminsan yahayna hannaanka qabyaaladeed, waana mid gaarsiisay soomaaliyia heerka maanta ay mareyso.

Haddii shalay uu niyad fiican la soo degay maanta warkiisa xitaa lama hayo sababtoo ah waxaad mooda inuu quustay laakiin hal mid maskaxda ha gashto xil nin gartuu dhibaa.

Qoraa: Ciise Faarax.

FARAJKU MA FOGA !

Ka dib markii uu gaashaanka u daruuray Madaxweynaha Soomaaliya dood geesinimo lehna uu hordhigay shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramad midoobay ka dhacay dhawaan, halkaasi oo ay ku kulansanaayeen madaxda caalamka, ayuu soo xirmay murrankii u dhexeeyey labada Dowladoodood, taasoo ku caddeeyey madaxweynuhu in aan Badda Soomaaliya gorgortan iyo wada xaajood cidna aysan kala galeynin madaxda Soomaalidu, taasoo la wada ogyahay meesha lays ku hayo inay tahay Badda Soomaaliya.

Haddii Ilaahay Xoolo badan uu ku siiyo cadowgaagu iyo Dugaagga kiisa wax ugaarsada ay wax arkaan inay kaa muuqato dayacnaan iyo ciidan yaro waxay isku dayayaan in qaar ka mid ah lagaa boobo, laakiin Dowladaha adduunku waxay xeeriyaan derisnimada iyo sharciga u yaala adduunka, gaar ahaan xudduudaha la kala leeyahay cirka Badda iyo dhulkaba. Waxa intaa sii dheer in Kenya iyo Soomaaliya inay yihiin labo Dowladdood oo deris ah kana dhexeeyaan wax badan oo ay ka mid yihiin Ganacsiga , Siyaasadda, isdhexmarka labada shacab kuwaasoo ah kuwa wadaagga deegaanka, daaqa iyo wax kala iibsiga.

Ganacsiga iyo wax soo saarka Warshadaha iyo kala iibsiga Xoolaha nool waa kuwa ka dhexeeya labada Dowladood, saaxiibtinimo gaar ah iyo derisnimo ayaa u sii dheer laakiin muddo badan ayaa dulqaad ka muujisay dowladda Soomaaliya maadaama wax kasta aan wadaagno waxaa indho dheer lagu firinaayey wax garadka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed sida ay uga jawaabto

Xukuumadda Soomaaliya, laakiin arrintaasi ma noqon si ay mid fudud uga jawaabto Dowladda Soomaaliya iyadoo fiirinaysa danaha labada shacab ee deriska ah, ilaalinaysana derisnimada iyo saaxiibtinimada fog ee ka dhexeysa ayaa si miyyir qabka ah uga hadashay arrimahan dhaliyey murrankan badda ee xareeyey siyaasdda labada Dowladood.

Murrankan badda ee hareeyey labada Dowladood ee geesk Afrika kuwada nool ayaa waxa uu sababay hadallo taag taag ah iyo jahwareer siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay Dowladaha deriska ah ee geeska kuwada nool dhammaantood, taasoo bulshada kuwada nool geeska afrika ee wax walbana kawada dhexeeyaan iyagoo ku abuurmay kala shaki iyo tuhun kuwaasoo hanti iyo ganacsi dhan walba ay ka dhexeeyaan.hantidaas waxay isugu jirta hanti maguurta ah iyo mid guurta ah intaba.

Waxaa jira Ganaacsato hanti xoog leh ka sameeyay dhaqaalaha keynyaatigana wax weyn uga fadhiya, waxaa kaloo jira qaxooti aad u fara badan oo deggan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Xagar-dheer oo ay ku noolyihiin qaxooti Soomaaliyeed oo aad u fara badan kuna deggan sharciga qaxootiga adduunka oo ka dhexeeya dunida oo dhan, iyadoo arrimahaasi ay jiraan ayaa Dowladda Keynya waxaa ka yimaadda duulaamo ciidan iyo duqeymo dadka shacabka ku nool ay ka mid yihiin kuwa deriska waxay kula kacaan had iyo jeer dhac iyo weraro joogto ah oo ay ku sameeyaan qaxootiga gudaha kenya dagan iyo qaxootiga Soomaalida ah iyagoo si gaar ah u beegsada.

Waxaan mar walba kasoo baxa

xukuumadda Kenya arrimo liddi ku ah Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin gacan siinta Mucaaradka dowladda, weerarada ay ku heyso deegaanada Soomaalida ee xorta ah, sheegashada beenta ah ee Badda Soomaaliya.

Madhowreyso Dowladda kenya shuruucda u dagsan Dowladaha caalamka iyo kuwa deriska midna.

Waxaa illaa iyo hadda lala yaaban yahay beegsiga ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha waddankeeda iyo kuwa ku nool gudaha Soomaaliya ee u dhow xudduudda labada dal, taasoo mar walbo kula kacdo sabab la’aan, iyadoo mar walbo beegsata Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya sida Shikadda Hormuud oo xaruumo badan ay ka bur burisay, taasoo qeyb ka ah daadaansiga iyo dhabar jebinta kenya ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Illaa iyo hadda lama garanayo

colaad raadinta iyo weerarada arxandarrada ah ee ay ku heyso bulshada Soomaaliyeed ee derisnimadu ay kala dhexeyso, waxay kaloo hadda ku dartay weerar Siyaasadeed oo ay ku heyso Dowladda Soomaaliya iyadoo horey u heysatay gobollada Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed qeybo ka mid ah, ayaa hadda waxay dooneysaa inay gobollo hor leh ay hoos geyso Siyaasaddeeda iyo maamulkeeda.

Si kastaba ha noqotee Kenya waxay raadineysaa colaad ka dhex dhacda labada Dowladood ee deriska ah, iyadoo labada dal midna dan aysan u aheyn dagaal ka dhex dhaca labada dowladood oo keenaya bur bur hantiyadeed iyo qax shacabka ku yimaadda.

Dowladda kenya waxay heysataa nabad qaan gaartay iyo xasilooni siyaasadeed, waxaa aad iyo aad u fiican inay ku waano qaataan bur burkii Soomaaliya dhibaatadii

iyo qaxii ka dhashay oo qaar waddankeeda ku noolyihiin qaarna badaha ku daateen qaar kalena xabsiyada adduunka lagu iloobay.

Waxaan waano iyo walaalnimo ku leenahay inay dhowraan derisnimada iyo nabad kuwada noolaanshaha labada Shacab iyo is ixtiraamka labada Dowladood ee danaha badan ay ka dhexeeyaan.

Nabaddu waa nolosha dadka, waa xasiloonida iyo caafimaadka, waa ganacsiga iyo saaxiibtinimada, waa gogosha lagu hurdo iyo guryaha dhisan, waa dhal dhalaalka bilicda magaalooyinka, waa gaadiidka la raaco iyo waddadoo nabad lagu maro, intii nabadi joogtaa ninba labo nin la egyahay, nabad la’aan waa nolol la’aan.

W/Q: Abwaan C/salaan Axmed Gabeere

MURANKA U DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO KENYA OO KU DHAW INUU KU DHAMMAADO GUUL

Page 5: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 5WARGEYSKA DALKA FAALOOYINKA & FALANQEYN

FAALLO & FALANQEYN W/Q: Cabdirisaaq Absuge

Waligeed Dunidaan aan ku nool nahay dagaal waa ka dhici jiray, lamana arag xili kaliya oo uusan dabka dagaalada shidnayn ama Aloosnayn,waxaana la soo maray marxalado dagaalo oo kala daran sida dagaal waynihii 1aad iyo kii 2aad oo ay Bini’aanka ku hoobteen

waxay Dunida soo martay dagaalkii Tataarka uu ku qaaday aadanaha kale gaar ahaan Muslimiintii dhaxashay hadyagii Nabigeena Csw, oo isagana ka tagay maharto ku tigraaran laabaha in badan oo insaanka ka mid ah, waxayna dagaaladaasi reebeen, kana tageen xusuuso,Murugooyin iyo magacyo laga argagaxo oo maqalkeeda aan ku wanaagsanayn dhagaha dadka maanta nool in ay maqlaan sida dagaalkii koowaad, dagaalkii labaad ee aduunka iwm.

Saamaynta colaadahaasi ay reebeen waxaa ka mid ah, Nugliyeerkii lagu dhuftay dalka Jabaan, oo ilaa iyo hadda dadka reer Jabaan xusuustooda aan ka go’in, toqotayna maalin ay xusaan.

Sidoo kale 14/October sanadkii 2017, Soomaaliya waxay u noqotay maalin Murugo leh…..Maalin Mugdi ah….Maalin Madoow iyo maalin hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan 1655-Qofood….Waa Xusuus ma harto ah….. waana maalin guri kasta oo Soomaali ku nool yihiin dal iyo dibad ay hal mar wada tiiraanyoodeen indhahoodana ay ilmeeyeen, kadib markii gaari xamuul ah “Bagaase” oo laga soo buuxiyey sun iyo kiimikooyin kala duwan iyo waxyaabaha qarxa oo aan la sheegi karin sida ay wax u galeen.

Gaarigii shartaas xambaarsanaa waxaa la dhex keenay dad Soomaaliyeed oo Abriyo ah waxna ka ogayn waxyeelada lala maagan yahay, waxaa si naxariis daro ah, Diin la’aan ah, Biniaadaminimo ka bax ah loogu qarxiyey faras magaalaha iyo halka halbowlaha u ah ama meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho ee loo yaqaan isgoyska Zoobe, qaraxaas oo galaaftay tirada aan kor ku soo sheegay kuna dhaawacmeen laba jibaarka ama 3 jibaarka tiradii dhimatay.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed ma noqon sida shacbaka Jabaan wayse ku dhadhawaadeen maadaama qaraxaas aan wax badan ka yarayn kii Hera shiima iyo Nagasaaki lagu garaacay

Runtii Waa xusuus ma harto ah waxaana aniga qof ahaan u aqaan dhacdadii maalintaas isgooyska zoope ka dhacaday xasuuqii Muqdishow”

Maxaa yeelay qaraxaasi ma ahayn midkii horay uga dhici jiray magaalooyinka dalka Soomaaliya, waayo? guri kasta oo ku yaala Magaalada Muqdisho 64% qof baa kaga dhintay ama qof baa kaga dhaawacmay

Waxaa intaas dheeraa in la waayey oo ilaa haatan la la’yahay maydad dad aan tirsi lahayn oo raqdooda iyo ruuxdooda aan la hayn meel ay ku dambeeyeen.

waxaa haatan la is waydiiyaa Qaraxii 14-ka October/2017 Muxuu kaga duwan yahay qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho…?.

dadka badankiisa ayaa waxay isku qanciyaan hadal tiro iyo afkaaro aan lugo adag ku taagnayn oo is bihinbihayn ah oo aad moodo wax qaboojin kara quluubaha qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee wax yeeladu sida gaarka ah ay u soo gaartay Sida:

In qaraxaasi uu ahaa qaraxii ugu xooganaa ee ka dhaca Soomaaliya abid,

In Qaraxaasi saamayntiisa uu hareeyey

guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed.In Qaraxaasi uu mideeyey Qalbiyada

Umadda Soomaaliyeed oo dhan, marka si gaar ah loo durjiyo Qolooyinka Mucaaradka ah, oo iyaga u muuqato uun xumaanta dawladda.

In qaraxaasi aysan sheegan Argagaxida Alshabaab oo markiiba la soo boodi jiray in ay iyagu ka dambeeyaan sidii ay u sheegan jireen kuwii kaas ka horeeyey markii ay magaalada ka fuliyaan, ilaa iyo haddana way ka aamusan yihiin.

Madaxda Dawladda, Maamul goboleedyada Soomaaliya, Culumaa’udiin aan tiro lahayn, Ururada dhalinyarada, Aqoonyahanno, Indheergarad, haween, iyo Dawladaha turkiga iyo Jabuuti ayaa si isku mid ah dhamaantood ugu soo gurmaday dadkii ay waxyeelada ka soo gaaratay mashaqadii 14-ka October/2017 ka dhacday Isgooyskaas caanka ku noqday wixii ka dhacay, waxayna isu raaciyeen mar kaliya Dhiig shubid, hanti ururin, gargaar degdeg ah iyo daawooyin, iyadoo dhawacyadii halista ahaa loo qaaday iyada oo aan gacan bidxayn iyo nin tooxsi ka maran dalka dibadiisa si dhawaacyadooda wax looga qabto.

Xitaa Alshabaab dhexdooda Qaraxaasi awgiis waxaa ka dilaacay khilaaf aad u daran oo laba u kala qaybiyey wada jirkoodii, isla markaana abuuray in gudahooda ay birta iska aslaan kuna waayaan rag fara badan oo jabkooda soo dedejin kara.

Haddaba waxaa qasab noqotay in sidii dunida uga qaylisay Hubka atoomikada ee sida xun wax u gumaado oo kale ay soomaalidana uga qaylo dhaamiso oo ay meel kasta oo ay joogaan iska diidaan in ay raali ka noqdaan in qaraxaas oo kale uu mar dambe aan laga soo abaabulin laguna fulin dad soomaaliyeed, isla markaana ay dawladooda xalaasha ah ku gacan siiyaan soo qabashada kuwa waxaas oo kale farsameeynaya.

Waxaa hubanti ah in xasuuqa maalintaas dhacay ay soomaalidu ka qaateen dareen iyo feejignaan aad u xoog badan, waxaana dalka gudahiisa laga soo abaabulay lagana dhigay isu soo baxyo balaaran, meesha dalka dibadiisa Soomaalida ku dhaqan ay sameeyeen Wax loo yaqaan baroor diiq inkasta uu yahay falkaasi wax aan raad ku lahayn dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo diintooda xaniifka ah.

Waxaan marnaba aan iloobi karin qof ahaan in maalintii uu dhacay qaraxaas habeenkeedii ku xigaya iyada oo la muujinayo in masiibadaas xanuunkeeda uusan gaar ku ahayn Soomaalida oo kaliya, waxaana loo damiyey Nalalka Taalooyin caan ka ah dunida sida Taalada Paris,

Buundada ugu dheer Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, Taaladda Caanka ah ee dalka Jarmalka iyo meelo kale, taasoo loo sameeyey dhibanayaashii Muqdisho.

Xasuuqii 14 Octoobar waxaa maanta laga jooga 2 sano oo gaw ah, mana harin sida aan filayo xanuunkii maalintaas la dareemay ilaa hadda oo aan joogno, waxaana qalbiyada dadka soomaaliyeed weli ku soo noqnoqonya dhawaaqa qaraxaas iyo sawirada dadkii garabraratada ahaa, agoontii iyo rajooyinkii ay ka tageen.

Haa!! waa xanuun, waa lama iloobaan dhacdadaas zoope ka dhacday, waxayna mudan tahay in aan la iloobin lagana digtoonaado dhacdo midaas la mid ah iyo abaabulkeeda mar kale.

haa!! waa runteey waan arkay idinkana waan idiin sheegayaa dhacdadaas mudadaas aad u fog laga joogo waxaa weli maalin kasta ku soo noqnoqda goobtaas qaraxu ka dhacay qaar baadi goobaya oo aan helin dadkoodii, kana harsan qoraxda kulul oo si aad ka naxayso u eeg-eegaya nawaaxiga meeshaas si ay u arkaan ama u helaan qofkoodii ay jeclaayeen kana maqnaa.

Waxaan halkaan ku qirayaa oo aan ognahay in cid kastaaba ay gurmadka ka qeybgashay wixii ay qaban kartayna ay dhinaceeda ka dadaashay, laakiin waxaa la gaaray xilligii la xisaabtami lahaa oo dambigaas dhacay mas’uuliyaddiisa cidi qaadan lahayd kuwii geystayna lagu ciqaabi lahaa.

inkasta oo mas’uuliyadda Amaanka uu mid wadareed yahay cidda uu quseeyana ay yihiin shacbiga Soomaaliyeed hadddana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadaa si gaar ah uu u saaran yahay mas’uulna ka ah amniga shacabka iyo ilaalinta xasilloonida dalka, sidaa darteed waxaa looga fadhiyaa tallaabooyinkeedii hoggaamineed inay qaadato oo ay dardar geliso hawlaheeda amaanka quseeya.

Qaraxii 14 October waxaa dhibaatooyinka sii adkeeyay isdul fuulka iyo saxmadda wadada ka jirtay oo keentay in dadbadan ay dhibaato soo gaarto.

Mufakir Richard H. Thaler oo sanadkii 2017 ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize-ka dhaqaalaha ayaa Adduunka wuxuu ku soo kordhiyey aragtiyo durbaba ay si wayn ula dhaceen isla markaana ay dhaqan galiyeen Xukuumadaha dunida oo dhan siyaasad ahaana looga faa’ideystay Caalimkaan figradihiisa casriga ah waxa uu yiri: Waa qasab in maamuladu ay abuuraan Fursado bedelkii

amarro adadag bulshda la kordhigi lahaa, waxaa kaloo figradihiisa ka mid ahaa in ganaaxa lagu bedelo fursado, Tusaalle: waxa uu tilmaamay qashinka waddooyinka la soo dhigo intii dadka lagu ganaaxi lahaa taa bedelkeeda in dadka loo sameeyo goobo farabadan oo ay qashinka ku shubaan isla markaana laga qaado hadhow.

Sidaa darteed, aragtida caalimkan waxaa Soomaali ahaan naga khuseeya si saameynta qaraxyada loo soo koobo, ama loo yareeyo in waddooyinka isdul fuulka gaadiidka ku badan yihiin iyo saxmadda laga yareeyo oo ay gaadiidku helaan waddooyin ay si fudud ku mari karaan oo aan saxmad lahayn iyo in si tartiibtartiib ah oo taxadar leh loo furo waddooyinka xiran ee markii hore dadku gaadiidka ku kala faafijiray. Haddii kale saameynta qaraxyada ee ballaaran way sii soconeysaa oo ma istaageyso.

Qaraxa dabadii waxaa gurmad laga sameeyay si filiqsan oo aan haybeysneyn dhammaan daafaha kala duwan ee adduunka iyo meel kasta oo ay Soomaali dagto, waxaa loo baahan yahay dadaalkaa in la mideeyo si loogu gurmado dhaawaca iyo dhimasho kale haddii iyo haddii uu Eebbe qadaro.

Sidoo kale maadaama dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Zoope ay u badnaayeen dad iska tabaalaysnaa markoodii hore, waxaa lama huraan ah in mar kasta loo gargaaro oo aan la iloobin lana ogaado waxay ka tageen daakaas oo caruur leh iyo dad kale oo ay gacanta ku hayeen.

Waxaa muhiim ah in la abaabulo dadaallo ballaaran oo wacyigelineed oo lagu soo celinayo rajada dhalinyarada maadama dadkii ugu badnaa ee qaraxa niyad-jabka ka qaaday ay ahaayeen iyaga

waxa ugu badan ee ay indhahayga aan si gaar ah ugu hayay ayaa ahaa xaaladda nafsiyan ay ku sugan yihiin dhalinyarada oo u muuqday kuwo aad u niyad jabsan. Waxaa jiray xoogaa rajo ah oo dhalinyarada baryahaas soo galeysay oo ay islahaayeen malaha maanta ayaa rajo yeelateen ama idinku dhawo oo aad hesheen dawlad idinka warqabta mabda’eeduna yahay nabad iyo nolol waxaan hubaa inbadan oo sidaa aaminsaneyd ayaa niyaddii ka dhaawacmay, waxay u baahan yihiin dib u kabasho iyo in idaacadaha muqdisho laga bilaabo wacyigelinno dib u kabsho ah oo ay soo diyaariyeen khubaro ku takhsustay arrintaa

Siidoo kale, Xukumadda federaalka Soomaaliya mas’uuliyadda saran waa in muwaadinka uu walwalka dhanka amniga ah ay ka haqab tirto, sidaa darteed waxaa looga fadhiyaa in shacabka loo sharaxo tallaabooyinka ka hortagga ah ee qaraxyada lagu abaarayo, si walwalka uga yaraado shacabka.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa waajibku yahay mucaarad iyo Muxaafadba sida loo wada yahay in si isku mid ah looga fekaro wixii dhib ku ah shacabka soomaaliyeed, laguna dadaalo sidii uu dalka horay ugu socon lahaa dadkiisana ay u helaan nabadda ay haystaan dalalka kale ee aduunka

Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah iney jiraan tallaabooyin farabadan oo muhiim ah oo loo baahan yahay in ay xukuumadda federaalka ay qaaddo, waxaa hadda loo baahan yahay waa waxqabad iyo in loo soo jeesto isla xisaabtan, waxaa halkan ina dhigay waa isla xisaabtan la’aan iyo mas’uuliyad ka carar.

Waxaa Qoray: C/risaaq Axmed Absuge

DHACDADII 14KII OKTOOBAR OO LABA GU’JIRSATAY!!!

Page 6: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 6WARGEYSKA DALKA DIINTA & ISLAAMKA

ISLAAMKA IYO NOLOSHA

Beeca xagga sharciga waa kala beddelasho laba shey si sharci ah. Beecu waa saddex shey oo kala ah:

Beec shey ceyn xaadir ah beeciisu waa bannaan yahay.Beec shey ceyn la sifeeyay ama la tilmaamay

waa bannaan yahay haddii laga helo sifadani lagu tilmaamay.

Beec ceyn maqan aan la arkin ma bannaana beecooda.

Waxaa anshax ah beec shey kasta oo dhaahir ah, lehna manfac, lana milkin karo.

Ma bannaana beeca ceyn najis ah ama xaaraan ah ama aan lahayn manfac.

Ribada:Ribadu waxay gashaa Dahabka, lacagta,

iyo quudka.Mabannaana in la isku beddesho Dahab

Dahab si isla eg mooyee sidoo kale, lacag iyo lacag isku ceyn ah si isla eg mooyee ma bannaana in hilib lagu gado xayawaan nool.

Waxaa bannaan beeco Dahab, lacag lagu gato iyagoo isdheer.

Sidoo kale, si guud ma bannaana laba ceyn oo isku mid ah in la isku gato illaa si isla eg mooyee 1kg=1kg.

Ma bannaana miro ceyriin oo geedkiisu ku yaalla illaa uu ka bislaado.

Sidoo kale, ma bannaana beeca caano candhadooda ku jira iyo kuwo neef uurka hooyadii ku jiray.

Ma bannaana beeca dhogor ku jirta sida nin beeca suuqa la socon oo si kedo ah qiimo hoose looga gatay beecaddiisii

RahminDhammaan wixii beecaddii bannaan yahay

wuu bannaan yahay in rahmad loo dhigo deyn darteed.

Xayirid Tasarruf:Waa lagaa xayirayaa tasarrufka xoolahooda

shan qof oo kale ah:Qof aan qaangaarQof waalanQof maangaab ama doqon ah ee xoolaha ku

dheelaQof deyn badan lagu yeeshayQof jirran oo geeri looga baqayo wixii

thuluth ka badan inuu bixiyo.

Rasuulka (SCW) ayaa ku soo degay nin reer miyi ah, markaas ayuu karaameeyay.

Markaas ayuu Nabigu (SCW) ku yiri: (ninka reer miyiga ahow i weydiiso dantaada).

Markaas ayuu yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: hal reeryaysan iyo riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayaa Rasuulku (SCW) ku yiri: ( war ma kari weyday in aad noqotid habartii reer Banii Israa’iil oo kale?).

Deeto asxaabtii ayaa waxay dheheen: Rasuulka Alloow (SCW) maxay ahayd habarta reer Banii Israa’iil..?

Markasuu yiri: (Muuse ayaa doonay in uu reer Banii Israa’iil la boxo, markaasuu jidkii ka dhumay, markaasay culimadii reer Banii Israa’iil ku dheheen: Annagaa kuu sheegayna ee Yuusuf ayaa ballan Ilaahay nagaga qaaday in aanaan Masar ka bixin ilaa aan lafihiisa qaadno.

Markaas ayuu yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf?. Waxay dheheen: qabriga Yuusuf cid aan habarta reer Banii Israa’iil ahayni ma yaqaan, markaas ayuu u cid diray, wuxuuna ku yiri: I tus qabriga Yuusuf.

Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan jannada kula galo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (wuu dhibsaday Rasuulkii hadalkeedii, markaas ayaa lagu yiri: sii dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay timid badyaro (meel biyuhu ku uruuraan) markaasay tiri: dhura biyahaan, markay dhureen ayay ku tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaa ku jira lafihii Yuusuf. Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale.

Maxaan ka faa’iidaysanaynaa xadiiskaan..?

Waxaynu sheegnay in sheekada warinteeda diintu ka leedahay ujeeddo la doonayo in lagu gaaro. Ujeeddada ugu weyni waa in cibro iyo waansamid laga qaato oo hadday wanaagsan tahayna lagu daydo, hadday xun tahayna laga dheeraado. Hadaba aynu eegno qaar ka mid ah faa’iidooyinka xadiisku xambaarsan yahay.

1. Martigalintu waa wax xaq loogu leeyahay qofka muslimka ah. Mu’minka waxaa saaran in uu karaameeyo martidiisa, waana sida uu yeelay ninkaas saxaabiga ah oo reer baadiyaha ahaa.

2. Diinteennu waxay inagu boorisay in qofka ixsaan loo galo uu ka abaalgudo, duca kaliyaba Alle ha ka dhigee, waana arrin dhaqan u ahayd Rasuulkeenna (SCW), sidaa darteed ayuu ku yiri ninkii marti sooray oo karaameeyay: sheego dantaada.

3. Ninkii ma haleelin in uu Rasuulka wax weyn oo adduun iyo aakhiro anfaca weydiisto ee wuxuu su’aashay wax yar oo adduunyo kaliya ah. Taasna Rasuulku (SCW) ma garaysan; maxaa yeelay nin mu’min ah oo og in uu Rasuulkii

(SCW) dalab u sheeganayo ma qabato in uu wax sidaa u hooseeya sheegto, illeyn mu’minka waxaa lagu yaqaanay hanweyni iyo inuu meel sare ka fakaro.

Kolkaas ayaa Nabigu (SCW) tusay asxaabtii in sida habartaas loo hanweynaado ee aan wax liita hadaf laga dhigan.

4. Ninkaan reer baadiyaha ahi Nabiga (SCW) wuxuu weydiistay wax xalaal ah oo uu u baahnaa, Nabiguna (SCW) wax ka weyn oo ka qiimo badan ayuu la doonayay ee inuu xumaan sameeyay kuma sheegin.

Haddaba, maxay kula tahay nin weyn oo subax walba u soo kallahaya in uu dadka waydiisto wax marka horena xaaraan ah, haddana wax yar oo liita sii ah, sida: Qaad iyo kii lagu Qiicin lahaa?.

5. Waxaa saaran culimada iyo hoggaanka ummadda in ay ogaadaan in jabka iyo dib u dhaca ummadda haysta uu xaggeeda ka yimid oo ay darsaan asbaabta keentay; si xal loogu helo ee aanay inta indhaha isku qabsadaan oran waan saxanahaye soo socda ama hadba meel cusub oo waxa ka soo bixi doona aan la ogayn aanay wejiga ku diirin.

6. Qisadaani waxay tusaysaa qiimaha cilmigu leeyahay iyo sida loo qadarinayo qofka cilmiga leh.

Waxay kale oo tusaysaa haddii dadka cilmiga leh aan aqoontooda iyo ra’yigooda la tixgalin in la dhumayo.

Ninkii yiraahda waan ka maarmayaana in uu meel mugdi ah oo haadaan ah wax ka tuurayo.

Eeg Nabigii Ilaahay ayaa ku khasbanaaday in uu habar wax weydiiyo oo waliba ay shuruud ku xiraysaa, isna ka yeelayaa; si uu dadkiisa jid toosan u mariyo. Ka waran haddii la yiraahdo waa habare inaga daaya?.

7. In ay ummadihii hore ku jireen dad khayrka aad ugu han weyn sida habrtaan. Asxaabta Nabigeenana (SCW) dhaqan bay u ahayd in ay ka fakaraan oo raadshaan meelo sare. Tusaale ahaan: markuu Nabigu (SCW) ka waramay todobaatan kun oo ummaddiisa ah oo jannada xisaab la’aan iyo cadaab la’aan galaya, waxaa soo booday Cukaasha ibnu mixsan oo yiri: Rasuulka Alloow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro.

Markaas ayaa Nabigu (SCW) ku yiri: ka mid ayaad tahay. Sidoo kale markii Nabigu (SCW) sheegay in jannadu leedahay siddeed albaab ayuu yiri Abuubakar: qofna ma looga yeerayaa albaabadaas oo dhan?.

Nabigu wuxuu ku yiri: waxaan rajaynayaa in aad ka mid noqotid. Waxaa kale oo jiray nin saxaabi ah oo Nabigu ku yiri: I weydiiso, isna weydiistay in uu jannada kula rafiiqo Nabiga (SCW), markaasuu ku yiri: (iigu kaalmee sujuud badan). Saxaabigaasi wax janno ka yar wuu ku qanci waayay.

8. In ay dumarka ku jiraan qaar ragga badankiisa khayrka kaga han weyn oo jannada iyo raallinimada

Alle uga dadaal badan, sida habartaan oo kale. Waxaa xusid mudan in dumarkii asxaabtu sidaa oo kale ahaayeen, sida:

Ummu Suleym binti milxaan oo markii Nabigu (SCW) isaga oo gurigeeda jiifa uu soo toosay isaga oo qoslaya, markay weydiisay sababta uu la qoslayana wuxuu yiri: dad asxaabtayda ka mid ah oo badda fuulaya iyaga oo jidka Ilaahay ku duulaya, markaasay ku tiri: Rasuulka Allow (SCW) Alle ii bari in uu igu daro, markaasuu ku yiri: waad ku jirtaa.

Waxaa iyana soo qaadis mudan saxaabiyaddii sarcaha qabtay oo Rasuulka ku tiri: ii ducee oo uu ku yiri: kala dooro in aan kuu duceeyo oo aad biskootid iyo inaad sabartid oo aad jannada gashid, markaasay dooratay jannada,

Nabigana (SCW) waxay weydiisatay in uu u duceeyo si aysan u faydmin cawradeedu markii ay suuxdo, wuuna u duceeyay oo markay suuxdo ma faydmi jirin.

Haddaba soo gabdheheenna maanta lama gudboona inay ku daydaan dadkaas qiimaha badan?, miyayse qabataa inay cumrigooda ku dhammeeyaan daah, sariir, dhoof iyo sheeko baraley?.

Maya oo gabdhahayagu intaa ka qiima badan ee Alle ha u siyaadiyo wanaagga.

9. Qisadani waxay tusaysaa sida Rasuulku (SCW) uu asxaabtiisa iyo ummaddiisa ula jeclaa khayrka iyo han weynida, uuna ugu boorin jiray mar kasta oo fursadi soo marto raadinta darajooyin sare, tusaale ahaan wuxuu ku yiri asxaabta: haddaad Alle janno weydiisataan Firdawsa weydiista maxaa yeelay; waa meesha jannada ugu sarraysa, uguna wanaagsan, webiyada jannaduna ka soo burqadaan.

10. Qisadaani waxay ka mid tahay mucjisooyinka Rasuulka (SCW); maxaa yeelay waa wax ghayb ah oo in Rabbi u sheega mooyee aanu si kale ku ogaan Karin illeyn qisada habartu kumaba taal tawraadda hadda Yuhuuddu haysato.

11. Dadka waxaa ku dhaca tawfiiq la’aan hadday fulin waayaan amarka Ilaahay. Eeg reer Banii Israa’il oo Nabi Muuse la socdo ayaa jidkii ka dhumay dardaarankii Nabi Yuusuf oo la fulin waayay awgi. Waxaa la mid ah markii qaar asxaabta ka mid ahi khilaafeen amarkii Rasuulka (SCW) maalintii Uxud muslimiintii oo dhan ayaa dagaalkii ku jabay iyagoo Nabigii (SCW) la joogo.

Fiiro GaarIn lafihii Nabi Yuusuf la soo saaray

macneheedu ma aha in jirka intii kale baaba’day ee waxaa looga jeedaa in meydkii oo dhan laga soo saaray qabrigii; maxaa yeelay Nabigeenna (scw) ayaa sheegay in Ilaahay dhulka ka xaaraameeyay in uu cuno jirka Nabiyaasha.

QISAS KA SUGNAADAY RASUULKEENA (SCW)AXKAAMTA BEECA IYO MUCAAMALAADKA Xaakim ayaa ka wariyey Abuu Muusaa in uu yiri:

Page 7: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 7WARGEYSKA DALKA ARRIMAHA BULSHADA

ARRIMAHA BULSHADA

Muddooyinkii la soo dhaafay dalka waxaa ka jiray wax lagu tilmaami karo Daabulaad, Tahriibin dhallinyarada, kuwaasoo ugu dambeynna mara waddada dheer ee qaxarka iyo geerida.

Waxaa badanaa la arkaa dhallinyaro xirxiran oo tahriibeysa iyadoona la ogeyn sababta ku kaliftay, waxaadna arkeysaa haddii aad la sheekeysatid ruuxaas dhallinyarada ah in uu kuu sheegayo wax aan sal iyo raad toona lahayn, waxaadna dareemeysaa in ay wax kale ka hor hadlayaan ee uusanba caadi ahayn qofkaasi.

Waxaa dalka laga yaabaa in ay ka jiraan silsilado isku xiran ilaa iyo raga soomaalidu u taqaanno Ma gafeyaasha kuwaasoo ah kuwo aad u naxariis daran, waxaana gacanta u geliya kuwa ku tixan silsiladdaas magafayaasha.

Mar haddaad maqasho magefe, waxaa durbadiiba kugu soo dhacaya ruux wax dhiba, luggooya, waxaana laga yaabaa in ay ka billowdaan gudaha dalka, waxayna leeyihiin kuwo ku taqasusay tashkiilinta iyo lab kicinta oo shaqadoodu tahay hami kicinta qof iska nabdoon oo aan safar ku jirin, waxayna ku abuuraan laab lakac, isagoo qofkaasi caafimaadka qaba ku abuuraya waxa soomaalidu u taqaanno Buufiska.

Haddaba, Buufis, ma caafimaadbaa, ma jirraa, ma waalibaa, ma waxaan intoodaba ahaynbaa, taasi jawaabteeda waa idinka xaggiina

Waa hubaal tashkiiliyahu in uu ka helo macaash fara badan, waayo waa adeegaha kowaad ee soo dharaan dhiriya qof iska nabad qaba oo hooyadiis iyo aabihiis la nool kuna soo xira magefeyaasha

maanlaaweyaasha ah.

Heer waxaa la gaaray ay dhallinyaradu ku yiraahdaan war adigu iska soo bax, hooyo iyo aabbo waxba ha u sheegin iyagaa markaad dhaqaaqdo kuu soo dhiibaya waxaad rabtee.

Kuwani kaama haraan ilaa ay kugu ogaadaan gacanta sugan ee Magefeyaasha jooga Liibiya ee sida daran u bahdila qofka, haddey kaa waayaanna xoolaha ay ku saarteen mararka qaarkoodna kala baxa xubnahaaga muhiimka ah.

Waa hubaal in maanta ay la il daran yihiin kuna rafaadsan yihiin xeryaha magefeyaasha tixan saxaraha ilaa iyo liibiiya kumanaan dhallinyaro oo ka kala yimid Afrika qeybaheeda kala duwan.

Sidoo kale, dhallinyaradaasi waxaa si maan ka bax ah loogu guraa doomaha bacda ka sameysan waaba haddii uu ka soo badbaado imtixaankii ka horreeyay badda, taasoo markii aad fiiriso ayba tahay dadkaan in loogu talagalay in ay ku dhamaadaan badda dhaxweynkeeda.

Waa ciil iyo caloolyow inta hooyo iyo aabbo ku waayay caruurtooda safarkaas naftii halignimoda ah.

Wallow waalidiinta qaarkood raalli uga ahaayeen safarkaas bahalnimada ah, badankooduna way ka shallaayaan kadib markii ay kuwaayaan ilmahooda badda dhaxda weyn ee Atlaantiga.

Sidoo kale, waalidiin aan ka warqabin ilmahooda goor ay ka tageenba, waxay un ka warhelaan wiilkii oo sii maraya meel aan waxba

laga gaarin, taasina waxay ku dhalisaa uur xumo iyo walaac joogto ah.

Haddaba, Maxaa la gudboon gaar ahaan soomaalida meel kastooy joogto in ay ka feejignaadaan kuwa aan naxariista lahayn ee caruurteenna ku tashkiilinaya safarrada nafhurnimada ah ee sida badan aan waxba laga soo dheefin.

Waalidoow, marka ugu horreysa ee aad ku aragto Calaamadaha Buufiska ama aad ka maqasho isagoo afka ku haya waxaad sameysaa dabagal dheer cidda ka dambeysa in wiilkaan lagu abuuro safarka qaabta daran, waa xaqiiqo in ay jiri karaan dad ka dambeeya oo doonaya in ay shabaqa soo geliyaan wiilkaas dhallinyarada ah ama gabadhaas ubaxa soo baxaya ah.

Toogtaha koowaad waa magefaha

gudaha jooga ee qaarkood laga yaabo in ay xafiisyo ku leeyihiin dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Ogow Buufiska ayaa u aabbo ah waxa Tariibka la yiraahdo, waayo marka ugu horreysa adigoo aan soomarin xaaladda Buufiska uma gudbi kartid tahriib, sidaa daraadeed waxaa dhihi karaa isagaaba aabbo u ah.

Dhallinyarooy marka horeba qofkii doonay in uu idinku buufiyo baaruudda tahriibka iyo waxaan jirin, waxaad tiraahdaan naga tag hana buufinin balaayo ha ku buufisee.

Teeda kale, tahriibiyeyaashu waa dambiileyaal u baahan in maxkamaduhu arrintoodu gacan bir ah ku qabtaan, waa manaxayaal si dadban wax u dila, waad aragtaan waxaa dhallinyarada ku haysta meelaha magafayaasha joogaan dhallinyarada ku sugan.

Waa xaa loo baahan yahay shacabka soomaaliyeed oo isku duuban in ay ka hortagaan mufsadiinta korka bini’aadamka ka doonay dullaalka, waana in laga ciribtiraa dalka soomaaliya gebi ahaantiisaba wax dadka iyo ugaartaba tahriibinaya.

Waxaa jira dad aan iimaan lahayn oo wax walba wax ka dayay, tanise waa midda ugu daran, waa qofkaadi oo aad arkeysoo laga wadanayo baddana lagu shubayo, hadhowna aad gaareyso meel aadan waxba ka qaban Karin.

Shacabka soomaaliyeed, waa inay waxbadan ka foojignaadaan kuwa ku shaqeystqa arrimahaan aan soo sheegnay.

W/Q: Osman Dhiblaawe

BUUFISKU WAA TAHRIIBKA BARKII !!

ROOBABKII DEYRTA OO SI LIXAAD LEH UGA CURTAY GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA SOOMAALIYA

Sida badan roobabka deyrta oo da’i jiray bisha Oktoobar shan iyo tobankeeda ayaa sanadkan wuxuu bilowday dabayaaqadii bishii sagaalaad, waxuuna si fiican uga da’ay xeebaha dalka Soomaaliya oo dhan laga soo bilaabo xeebaha Barriga illaa Waqooyi Galbeed, iyadoo meelo kaloo ka mid ah dalka si hogol hogol ah uga da’ay.

Waxaa si xowli ah uga da’een roobabkaasi dhammaan gayiga Soomaaliya haba u kala badnaadaane, Degmooyinka iyo gobollada qaar oo ay ka da’een roobabkaasi

dalka Soomaaliya, ayaa ah kuwa ay saameynta ku yeeshaan fatahaadaha iyagoo sababa mararka qaarkood burbur hantiyadeed iyo barakac shacab maadaama ay biyihu la taegayaan guryaha ay ku jiraan.

Sida badan Wabiga Shabeelle oo had iyo jeer waxyeello u geysta meelo badan oo ay ka mid yihiin Gobollada Hiiraan iyo Shabeellooyinka oo uu maro Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ka dhasha baab’a hantiyadeed iyo mid nafeed intaba, iyadoo taana mar walbo saameyn weyn ku yeelato dhaqaalaha dalka oo inta badan ku tiirsan xoolaha nool iyo Beeraha la qotto,waayo dadka Soomaaliyeed waxay u badan yihiin Xoolo dhaqato iyo Beeraley.

haddii beerihii iyo xoolihii fatahaado ay latagaanna ay ka dambeyso abaaro wax yeeleeya dad iyo duunyo intaba.

Taasoo haddii mar walbo fatahaado sii socdaanna ay adkaaneyso inay sidii

larabay uga miro dhaliyaan wax soo-saarkooda iyo ka faa’iideysigoodii beerihii iyo xoolihii ay noloshooda udub dhexaadka u ahaa maadaama dadkaas isugu jira xoolaleyda iyo beeraleyda aysan heysan qalab ay ku maareeyaan haddii ay lasoo gudboonaadaan arrimo la xiriira fatahaadaha kasoo rogmada Wabiyada aqoonna aysan u laheyn qaabka loogu hortago waxyeellada fatahaadaha ay sababaan,

sidaa daraadeed, dadkaas waxay mudan yihiin in lagu garab istaago sidii ugu nabad geli lahaayeen dhibaatooyinka noocaas ah, si ay qeyb ugu noqdaan dhaqaalaha dalka iyo kobaciisa.

Mar kastoo la soo gaaro xilli roobaadka ayaa waxaynu maqalnaa fatahaado uu sabababo wabiga Shabeelle kadib markuu buux dhaafo karaarahana uu jabsado taasoo mar walbana ay ka dhashaan cudurro iyo abaaro wax yeeleeya nolosha dadka iyo duunyada kuwaasoo kunool wabiga jiinkiisa, iyadoo laga bad baadi karay fatahaadhaas soo laa laabta mar kasta siiba xilli roobaadka taana waxaa sabab u ah farsamooyinkii loogu faa’iideysan lahaa biyaha wabiga looguna bad baadi lahaa waxyeeladiisa oo aan laheynin, waayo dad badan oo beeraaley iyo xoolo dhaqato isugu jira ma ahan kuwa aqoon u leh qaabka layskaga difaaco dhibaatooyinkaas,sidaa oo ay tahay hadana dadkaas waxay noloshooda ay ku tiirsantahay Xoolaha iyo Beeraha oo labada u baahan biyaha wabiga, taasoo saldhig u ah wax soo saarka dhaqaalaha, taasoo haddii si fiican loogu faa’iideysan lahaa laguna saacidi lahaa

qalabka loogu hor tago fatahaadahaas mar walbo laga cabanayo oo haddii laga wada shaqeeyo waxweyn ka tari laheyd dhaqaalaha waddanka, maadaama dadka Soomaaliyeed inta badan dhaqaalahoodu uu ku tiirsanyahay Xoolaha iyo beeraha, laakiin burburka dalka ku dhacay awgeed waxaa lumay qaababkii qalabkii loogu hortagi jiray waxyeelaha ay geystaan wabiyada mara dhulkeena oo halkii ay kor u qaadi lahaayeen dakhliga dalka ay noqotay in mar walbo khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba lagala kulmo, taasina waa nasib daro dalkeena heysata.

Dadka Soomaliyeed ee ku nool Gobollada mar waxay ka sheegtaan abaaro ay sababeen roob la’aan marna waxay kasheegtaan biyo iyo fatahaado ay kala kulmaan Wabiyada oo markii biyo keenaan maaro ay u waayaan sidaana dalagyadii beerahooda iyo guryihii ay ku noolaayeen ka baabi’iya.

Biyaha wabiyada waa loobaahan yahay waxaana wanaagsan in xoogga la saaro sidii loogu faa’iideysan lahaa loogana badbaadi lahaa waxyeellada ay geystaan, waa in lasameeyaa biyo xireeno waaweyn oo loogu samata baxo dhibaatooyinka uu wabiga geysto isla markaana loogu faaiideysto waxtarkiisa oo aanan maalinna biyo la’aan ka caban maalinta xigtana biyo iyo fatahaado aanan ka caban, waa in aan sida ugu habboon ugu faa’iideysanaa Nimcooyinka ilaahay nasiiyey waxna aan ka baranaa waxyaabihii horey u geysten fatahaadha wabiyada.

Roobabkan ka curtay guud ahaan

gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa waxay yadadiilo iyo rajoweyn ay ku beereen dadka Soomaaliyeed oo inta badan ah kuwo ku tiirsan Xoolaha noocyadooda kala duwan iyo beeraha iyo xittaa kuwa ku nool Magaalooyinka waaweyn iyo Tuulooyinka oo dhammaantood si dadban iyo si toos ahba ah ugu tiirsan xoolaha iyo beeraha.

Roobka waa Nimcooyinka ugu waaweyn ee Ilaahay ku arsaaqo makhluuqiisa nololna ma jiri karto biyo la’aan noole walbana biyo ayuu u baahan yahay noolahaas ha noqdo dad , xoolo ama xittaa geedaha dhammaan waxaa noloshooda asal u ah biyaha.

Roobabka ka da’a meelaha kale ee aan marin wabiyada masababaan fatahaadyo waayo fatahaadaha inta badan waxaa sababa wabiga markuu buux dhaafo oo ay soo dhaafo xadkii loogu talagalay, biyaha wabiga waa loo baahan yahay mana ahan in mar walbo biyhii aan u baahi qabney halkii aan beeraheena ku waraabsan laheyn inta kalena aan u keedsan laheyn iygii ay sabab u noqdaan abaaro iyo beerihii iyo guryihii oo naga baa bi’yaan kadib markii aan maaro u weynay kana gaabinay sidii aan xal uga gaari laheyn dhibaatooyinkaas mar walbo ay sababaan fatadaadaha wabiyada mara dalkeena.

Maadaama ay si weyn noloshu ay ugu tiirsantahay looguna faa’ideysto daaqa xoolaha iyo beerashada dalaqyada kaladuwan ee beeraha, waxaa intaa dheer waraha biyaha lagu keydiyo si loogu noolaado xilliga Jiilaalka ayaa waxaa loo baahan yahay in loo diyaar garoobo

markii ay da’ayaan roobabaka.

Hadaba, waa in laga shaqeeyaa waraabka Beeraha, kelliyaasha iyo meelaha kale ee biyuhu maraan, iyadoo layska difaacayo fatahaadaha iyo meelaha biyuhu soo jabiyaan si aysan wax yeelo ugu geysan noolaha iyo guryaha lagu noolyahay si wanaagsanna loogu waraabiyo beerha si aysan u noqon biyo fariisi oo aysan u baabi’in saricii kasoo bixi lahaa.

Waxaa kaloo loo baahan yahay in la ilaaliyo nadaafadda gaar ahaan Magaalooyinka lagu noolyahay oo dadkuna uu ku badan yahay taasoo keeni karta wasakh aad u badan iyo jeermis ay ku baaba’aan Carruuraha iyo dadka waaweyn intaba.

Cuduradaas biyaha ka dhasha waxaa ka mid ah Gowraactada, Shuban biyoodka, Kaneecada iyo Tukhsiga isugu gudbiyaha jeermisyada kala duwan ee ka dhasha waskhda

Dardaaran

Ka digtoonoow fatahaadaha wabiga iyo dhibaatooyika ka dhasha, iska moos daadadka, mar walba u diyaar garow xilligga beerashada, waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa cir markuu da’ayo ayaa ladoogdaa, Nimco kastaa nusqaan ayey leedhay, Nimco Ilaahay ka bari Nusqaantuna ka duceyso, ku Samir qaddarta Rabbi iyo waxii kuu yimaada.

W/Q: C.salaan Axmed Gabeyre

Page 8: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 8WARGEYSKA DALKA DHAQAALAHA & GANACSIGA

AHMIYADDA AFRIKA EE QORSHE DHAQAN DHAQAALE IYO HORUMARHaykalka Dowladnimo waa hab raaca wadiiqad Qorshaysan kuna saleysan habka Dowlad wanaagga kala dambeynta, kalsooni wada shaqeyn iyo is-ixtiraamid habka jaran jaranjarrada ee Xukuumadda iyo wadashaqeynta Barlamaanka.

Siyaasaddu waa Cilmi lagu taqasuso oo ah Siyaasadda Cilmiga iyo Dhaqaalaha.

Xeendaabka Siyaasadda, ayaa Rag gaar ah hiwaayad iyo aqoon u leh kana jibba-keena loolanka habka habboon ee Dal Siyaasadiisu Arrimo Dibad iyo Gudaha heer sare ee horumarsan gaadha oo loo wada riyaaqo.

Siyaasigu waa mid indheer garad ah, dulqaad iyo Samir badan, una jajaban howlaha adag ee lasoo dersi kara.

Marka laga hadlayo Habka Dowladnimo waa sadex tiir oo is-kaabaya ayadoo saldhig uu u yahay Dastuurka Waddankaas.

Waa Xukuumadda, Sharci-dejinta oo ah Baarlamaanka iyo Maxakamad sharci oo madax bannaan.

Madaxweynuhu waa Astaanta Qaranka, Dowladda iyo odayga Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo si wacan u-wada xiriira.

Waddan kasta waa in uu leeyahay Calan gaar ah oo astaan u ah Dowladaasi, Xudduudo cayimaan oo leh Bad barri

iyo hawo.

Sidaasi daraadeed, waa in Dowlad kasta yeelataa Cudud Ciidan qalabka sida ama hayad sirdoon dhammaan waa inay leedahay ciidammada nooc kastay ahaadaanba.

Dowladdu waa in ay la leedahay xiriir Diplomaasiyadeed Dunida inteeda kale. Haddii ay xor tahayna xubin buuxda ka noqata Qaramada midoobay Ururrada kale ee Caalamiga ah, heer caalami Qaarad iyo Gobol intaba, waxaa markaasi muuqanaysa haybadda Dowladaasi dalka ay kasoo jeedo.

Waxaa waddamada Caalamka lagu qiimeeya horumarka wax soo saarka ay ka gaareen Warshadaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Shidaal iyo Macdan ee uu leeyahay, Dhaqaalaha Waddankaasi iyo heerka Ganacsiga iyo Dhoofinta.

Dowlad kasta waxay ku saleysan tahay habka ama system-ka Dowladnimo- Sida Shuuciyad, Boqortooyo, habka Hanti goosadka, Dimoqraaddiyadda, Hanti wadaag, federal iyo iwm.

Waxaa isku raaca Baarlamaanka xubnihiisa goorta ay Waddamadaasi xorriyadda helaan ama xukunka gacanta ay ku dhigaan.

Waddamada Afrika oo badiya xoriyadda qaatay 1960kii ayaa u badnaa xukun

Rayid ah oo dimoqraadiyad ah, waxaa socday habkii hanti wadaaga shuuciyadda midowga Soofiyeeti iyo habkii kale ee reer galbedka ee Bariga iyo Galbeedka oo ay isku hayeen Dagaalkii qaboobaa.

1970 dii wadamo badan oo Afrikaan ah ayaa af gambi malatari ka dhacay oo xukunkii Rayidka la laalay, laguna beddelay habka hanti-wadaagga.

Dagaalkii qaboobaa ee Brriga iyo Galbeedka ayaa saameeyay waddamadii Bariga ee Yurub ka dib markii midowgii soofiyeeti uu burburay.

Gobollo ka tirsanaa Sofiyeedkii ayaa ka faa’iidaystay burburkii oo ay gooni u istaagaan kana go’aan Sofiyeedkii, halka Jarmalka ay midoobeen derbigii dhexyaalayna la burburiyey.

Waddamadaasi Bariga Yurub ayaa qaarkood ka dhex aloosmay dagaallo sokeeye ayagoo markii dambe kala baxay sida joqoslafakiya, Waddamada Afrika marnaba uma muuqan Dabeeshaasi .

Saameynta Dagaalki Qabooba ee Ruushka ku soo baxay awooddii Soofiyeetiga.

Aakhirkii 80 dii ayaa Afrika jabhado kasoo baxeen si meesha loga saaro habkii hanti wadaagga ee ka jiray waddamo badan oo Afrikaan ah.

Waxaa dalal badan fooda saareen dagaalo sokeeye sida: Sair (Congo), Burundi,

Ruwanda, Uganda, Seoraleane, Ivory cost, Liberia, Somaliya, Chad, Sudan iyo qaar kale, Inkastoo qaarkood dhaqso uga kabsadeen.

Wadamada Afrika qaarkood ayaa waxaa la degay faqri iyo wax soosaar la’aan, taasoo wehelisa musuq-maasuq iyo ayadoo aysan dalalkaasi ka jirin Dowlad wadaag.

Waddamadaasi Afrikaanka qaarkood ayaa aaminsan adeegsiga iyo Dhaqankii jaahiliyadda ee Qabaa’iilka, waana waxa xagal daaciyay dalalka qaaradda Afrika qaarkood oo caqabad ku ah maamul wanaaga horusocodka Xukuumadahaasi.

Qaaradda Afrika ayaa weli maskaxda ku haysa hab-doqon magarata ah ee xeendaabka shaxda siyaasadaha shisheeye ee daneeya istiraatiijiyadda Afrika iyo kheyraadka dihan ee Qaaraddu leedahay ee kala ah: Dheeman, macdan, Shidaal iyo Gaas dabiici ah iwm.

Hadaba, Madaxda Afrika maxaa si ka ah? kolka ay diirada saaraan 3 jeer in ay musharaxnimo u loolamaan halka ay kaga fillaan lahayd 2 jeer.

Zambabwe, Kenya, Ruwanda, Liberia, Congo Masar, Tunisia, Negeria,iyo Koonfur Afrika ayaa ka gudbay oo ka kasamata baxay Burbur ku iman karay habka Dowladnimo ee dalalkaas.

Haddaba Qaaradda Afrika ee aan weli la

iman habka looga gudbi karo caqabadaha musuq maasuqa, Qabaa’iilka iyo loolanka Siyaasadeed ee Muranka badan dhaliya.

Bal la arki doonee sanadka cusub ee 2019 ka sida waddamada Afrika u yeeshaan iskaashi Dowlad wadaag Caddaalad, Xorriyad Qool iyo Dhowrista sharciga iyo Dastuurka.

Soomaaliya oo ka mid ah Qaaradda Afrika ayado qotonta geeska Afrika oo leh kheyraad dihan, Badweyn, Webiyo, Dhul-Beereed, macdan kala duwan iyo xoolo nool nool ayaa looga fadhiyaa in ay ka jibba keento wax soo-saarka Beeraha, Xannaanada xoolaha, Kalluumeysiga, Caafimaadka, wax barashada iyo horumarinta iyo Dayactirka kaabayaasha bulshada sannadda cusub ee soo aadan.

Inkastoo Soomaaliya haatan ay mareyso xilli adag islamar kaasna Xukuumadda inta ay jirtay ku talaabsatay guulo la taaban karo ee diplomaasiyadeed, Dibadda, horumarinta shaqada iyo shaqaalaha abuurista dhaqaale oo haddana loo baahan yahay in la kasbado kalsoonida Caalamka si maalgashi dhinacyo badan dalka looga hergeliyo taasoo kaabaysa dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurista.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

NADAAFADDU WAA NUURKA IYO BILICDA SUUQYADA WAANA NOLOSHA AADMIGA.

DHAQAALAHA & GANACSIGA

Safiyo Taakow waxay kor u qaadeysaa Faas yar waxayna labo u kala

jareysa neef ari la qalay lugteed. Iyadoo adeegsaneyso xirfad cajiib ah, waxay hilibka u kala jar jartay waslado yar yar.

Safiyo oo ka ah hilibleyaasha dumarka Suuq Bocle ee magaalada Moqdisho ee caasimadda Soomaaliya qasadkeedu waa in dakhli joogto ah ka hesho iyadoo maalintii iibineysa neef ari ah.

“Waxay awood ii siineysaa in aan iska bixiyo biilasha qoyskeyga marka, carruurteyda xanuunsadaan aan geyn karo isbitaalka,”sidaa waxaa tiri Safiyo oo aan kula kulmay goobteeda ganacsiga hilibka ay ku iibiso.

Safiyo waxay ii sheegtay in markeedii hore ay kasoo guurtay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan duruufo lasoo gudboonaaday awgeed ka dib markii aan soo gaaray Muqdisho waxaan bilaabay ka ganacsiga hilibka Ariga taasoo xirfadeyda horeba ay aheyd ayey tiri Safiyo waxayna iisheegtay inay ka soo tagtay qoyskeeda ballaaran. Iyadoo ay tahay in ay quudiso caruurta, waxay lacagta keliya haysatay ku biimeysay ka ganacsiga hilibka.

Inta badan tabakaayayaasaha suuq Bocle ee magaalada Moqdisho waxaa ka shaqeeya dumar oo sida ugu dhakhsiyaha badan u imaada suuqa 06:00 ee subaxdii si ay u iibiyaan xaabo, dhuxul khudaar ama hilib.

Jarjaridda iyo gorgortanka codka dheer leh, ee qaybta lagu iibiyo hilibka waa meesha ugu buuqa badan ee suuqa- waa midda calaamadda u ah ganacsiga firfircoon xoolaha ee ka jira suuqa kuyaala degmada Dharkeynlay ee magaalada Moqdisho oo ah magaalada ugu weyn Soomaaliya uguna dad badan Soomaaliya ileen waa caasimadi Umadda Soomaaliyeed oo idil waxaa la sheegaa inay ku noolyihiin in ka badan saddex milyaan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Magaalada waxaa ku yaala suuqyo

waaweyn iyo kuwo yar yar meelaha loogu tala galey in xoolaha lagu qalo waxaa ka badan meelaha lagu iibiyo oo ruux walbo markii xoolaha loo soo qalo uu usoo qaato, kawaanada iyo meelaha loo asteeyey inta badan waa lagu soo qalaa xooluhu laakiin waxaa jira dad badan oo ku qasha xoolahoo meelo aan munaasib ahey taasoo sababi karta nadaafad darro waxyeelaysa guud ahaan fayadhowrka waana in laga taxdaraa Nadaafadda suuqyada iyo guud ahaan Dalka siiba Caasimadda oo ah muraayaddii umadda Soomaaliyeed.

Caasimadda waxay lahaan jirtay in ka badan shan iyo toban oo kawaan oo xoolaha lagu qali jiray taasoo lamacno ah in Degmo kasto ay laheyd kawaan u gaar ah oo xoolaha lagu qalo inkastoo iminka laga yaabo inay jiraan kuwo kaloo yar yar oo burburkii wadanka ku sameysmay iyagoo kuwii horena ay jiraan, si kastaba maqaalkaan waxaan ugu danleyahay in la ilaaliyo nadaafadda suuqyada xoolaha lagu qalo waxaana wanaagsan in xooluhu aan lagu qalin meel aan ahey goobaha loogu tala galay sida Kawaanada.

Shaqadana waxay bilaabmeysa ka hor waagu intuusan dilaacin, taasoo ay adkaaneyso xitaa in la ogaado ruuxa ilaaliya nadaafadda iyo midka aan ilaalineyni sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in qof walbo xil iska saro ilaalin nadaafadda guud ahaan gaar ahaan midda goobtiisa ganacsiga mid deegaan intaba taasoo ruux walbo meeshu ku nool yahay nadaafadeeda ilaaliyo keeneysa in guud ahaan faya dhowrku wanaagsanaado lagana badbaado cudurrada soo noqnoqda ee nadaafad darridu ay sababto.

Xoolaha waxaa lagu qala dhulka oo waxba lagu goglin hilibkana waxaana lagu nadiifiya biyaha. Ma jirto hilib baaris, hilibkana waxaa si toos ganacsatada loogu geeya gaari dameer.

Caafimaadka iyo fayo-dhawrka waa walaaca muuqda

‘‘Inta badna dumarka hilibleyaasha ah ma helin wax tababar ah oo ku saabsan maamulida hilibka”, sidaa waxaa yiri macallin Maxamuud oo ah takhasus xoolaad ee waxna ka dhiga qeybta Fataneriga ee Jaamacadda Soomaaliya.

“Diyaarinta hilib nadiif ah wuxuu yareyn karaa cudurada ka dhasha cuntada oo laga hortagi karo.” Ayuu iisheegay mar aan wax kaweydiiyey qaabka ugu haboon ee loogu hor tagi karo nadaafad darrada ka dhalata meelaha hilibka lagu iibiyo.

Intaa waxaa dheer, aqoonyahanada xoolaha waxay tababar ku saabsan xakameynta cudurada xoolaha siyaan shaqaalaha caafimaadka xoolaha ee bulshada sidaa darteed dadka ku sugan degaanada durugsan aan la gaari karin ee xoola-dhaqatada ku sugan waxay siin karaan adeegyada caafimaadka xoolaha. xoolaha, xarumahan waxay leeyihiin shaybaaro sameeya baaritaan.

“Wadatashiyo joogto ah oo ku saabsan caafimaadka xoolaha iyo helitaanka dawooyin tayadoodu wanaagsantahay waa laba siyaabood oo lagu xaqiijin karo in bulshada ay cunayaan iibinayan hilib caafimaad qabo,”ayuu yiri khabiir Soomaaliyeed oo dhanka xoolaha ah “Xoolaha waxay kaloo soo saaraan caano badan. Waqti dheer ka dib, xoolaha waxay suuqa ka goynayaan qiime sare oo kordhinaayo dakhliga qoyska.”

Dadaaladan oo dhan waxaa looga danleeyahay sidii loo joogteyn lahaa caafimaadka dadka oo horeba la il darnaa dhibaatooyin kala duwan laga soo bilaabo fatahaadyo lagu geeyo abaaro meerto ah, barakac iyo colaad weli socoto. Dadaaladan waxay kaloo ku caawiyaan ilaalinta caafimaadka cuntada suuqa maxalliga, hab-nololeedka iyo ganacsiga maxalliga ah iyadu taageerto.

Caqabado badan

Suuqan bootada badan ganacsigu wuxuu u muuqdaa mid wanaagsan, haweenka Suuqayada waxay la kulmaan caqabado badan. Inta badan waa hooyooyin keligood korsada carruurtooda ka dib markii ay ka dhinteen nimankood colaada darteed.

20-kii sano ee ugu dambeeyey, tirada qoysaska haweenka masruufa ayaa sii kordhaayey, haweenkan waa kuwa ugu nugul welina waa kuwo aad u adkeysta oo maamula ganacsiyo yar yar, koriyaan carruur, waxayna door muhiim ah ka cayaaraan xasiloonida suuqyada maxalliga iyo qaab-dhismeedka bulshada.

“Ayagoo maamula ganacsiyo yar yar sida biibitooyin lagu iibiyo shaaha iyo kawaanle waxay wax ku biiriyaan dhaqaalaha miyiga iyo meelaha magaalooyinka ah,” sidaa waxaa yiri Qaasim Sheekh oo ah barre jaamacadeed.

Hooyooyinka ku keligoodbay doorka masruufka guriga iyo waalidnimo ayaa si gaar ah dhib u qaba. Safiya waxay dib u xusuusatay maalin guriga ku soo laabatay si ay u aragto ilmaheeda ugu da’da yar oo kufay si halis ahna madaxa ugu dhaawacmay. Waxay ula carartay isbitaal halkaas oo lix bilood kula qaadatay daryeelkiisa.

Sidaa waxaa iisheegay Safiyo oo aan kula kulmay maheriteeda ganacsiga ee hilibka ku iibiso.

Waxaan kusoo afmeerayaa maqaalkeygan Ilaalinta nadaadaafaddu cid kasto ayey muhiim u tahaye halagu dadaalo.

Page 9: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 9WARGEYSKA DALKA MURTI & MAAWEELO

MURTI IYO MAAWEELO Waxaa diyaariyey

Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta

(Dagaalkasta ujeedadiisu waa in nabad lagu gaaro. Haddii Nabad lagu gaari waayo. Waa in waddo kale looga weecdaa oo wada hadal lagu dayaa.)

Colaad, khilaaf, naceyb, qabyaalad aan dhammaaneyn xal ma soo wadaan. Xikmad ayaa jirta oraneysa “haddii dhibaatada aad suulineyso ay ka dhalanayso, suulinteeda dhibaato ka weyn. Waxay noqoneysaa xaaraan.”

Maanta halka xaalkeenu marayo bal eega, Dad ma hayno , midnimo ma hayno, magac iyo haybad ma hayno, Nabad ma hayno. Diin ma hayno. Nolol ma hayno. Keliya Waxaa inoo haray dhulkii oo meelkasta laga hadal hayo. Oo xitaa baddiisii ay maxkamadda hayk dacwadiisa taalo. Dalkeenna soomaaliya dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa wada leh. Laakiin Waxaa ka soocan qofka Waddaniga ah. Qofka waddaniga ah waxa uu ka mid yahay milkiilayaasha dalka. Laakiin waxa uu kaga duwan yahay dhiigiisa ayaa ku tallaalan jaceylka ciidda iyo calanka. Qofka waddani ah waxaa lagu sifeyn karaa astaamahan soo socda:

Qofka Soomaaliya u dhashay ama ku dhashay, Qofka dalka iyo dadka lexjeclo ay ka hayso, Qofka naftiisa iyo xoolihiisa dalka u haya, Qofka carruurtiisa u dhalay inay dalka difaacaan, Qofka dalka wanaaagiisana ku farxa, xumaantiisuna ka naxa, Qofka dalka ay la tahay inuu qofkasta ka xigo, Qofka ku fekera inuu jiilka dambe uga tago wax ay ku mahadiyaan, Qofka ka qayb qaata hawlaha dalka lagu horumarinayo oo dhan

Haddaba, maanta dadka waddaniyiinta Soomaaliyeed ah werwer iyo walaac badan ayey sida uu xaalku yahay ka qabaan. Iyaga oo talo iyo toosin ay ka tahay ayey halkan ku caddeynayaa dhab ahaan sida xaalka dalkeenna uu yahay. Iyaga oo sawir run ah ka bixinaya. Waxaa kale oo ay halkan ku tilmaamayaan aragti ahaan waxyaabaha la quman iyo kuwa la qalloocan ee u baahan in la toosiyo. Ujeedada ugu badan ee qoraalkan laga leeyahayna waa in xaalku sida uu maanta yahay deg deg wax looga bededelo wadahadal iyo heshiisna dalka lagu soo dabbaalo. Waddanigu wuxuu doonayaa inuu isu soo jiido aragtiyada kala duwan ee ay dadku qabaan. Wuxuu Odorosayaa wanaag. Bal dhuux baaqiisa Nabadeed.

Soomaaliga waddaniga ah waxa uu doonayaaIn Soomaalidu talada dalka ay yeelanoIn ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaanIn dhaqan xumida lala dagaalamon Dadka basaasiinta ah gacan bir ah lagu qabtoIn haweenka la asturo oo ay barbaariyaan

ubadkaIn kheyraadka dalka laga ilaaliyo in la qaatoIn kala dambeynta la soo celiyoIn caddaaladda awood lagu fuliyoIn Daroogada iyo Mukhaadaraadka lala

dagaalamoIn diin kale aan dalka lagu faafinIn ganacsatada macaash doonka ah ee dadka

aan u tureyn la xakameeyoIn dadka qurbojoogta ah meelaha ay taal sirta

qaranka iyo xilalka sare aan loo dhiibin In qabiileysiga iyo qabyaaladda lala

dagaalamoIn taranka iyo guurka la badiyo, si tirada dadka

Soomaaliyeed loo kordhiyoIn aan qof Soomaali ah sabab la`aan loo dilinIn aan magaalooyinka iyo hantida ummadda la

burburinIn aan calanka buluugga ah ee shanta gees leh

la beddellinIn maslaxadda iyo wadahadalada sharuud adag

aan lagu xirin ama la diidinIn qof Muslim ah oo Soomaali ah aan la

gaalaysiinIn Gole culimo iyo gole odayaal khilaafka loola

noqdo la sameeyoIn carruurta si siman ay u helaan waxbarasho

bilaash ahIn wax kasta xoog iyo xabbad aan lagu xallinIn dalka Soomaaliyeed ay gaar u leeyihiin

dadka Soomaaliyeed.In dalka Soomaaliya uu caddaanka iyo

madowba shaqo, ganacsi iyo dalxiisba u imaan karo.

In nidaamka dowladnimada uu jiroIn ilaha Dhaqaalaha la dhisoIn Dalka dib loo dhisoIn sumcadda iyo Siyaasadda Dibadda la

hagaajiyoIn bilicda iyo Nadaafadda Magaalooyinka la

soo celiyoIn dalka loo dhiso Ciidan Midaysan oo xoog

lehIn Mucaawinada dalku ku tiirsan yahay laga

baxoIn Nabadgelyada iyo kala dambeynta la soo

celiyoIn Midnimada dalka laga shaqeeyoIn adduunyada si dhexdhexaad ah loola

macaamiloIn magaca, karaamada iyo sharafta dalka la soo

celiyoIn dhallinyarada mashaariic iyo shaqo loo

abuuro Iyo in danta guud laga hormariyo midda gaar

ahaaneedHaddii aad eegto waxa ku qoran Diiwaanka

dawladaha dunida lagu tiro koobay ee yaala xafiiska hay`adda qaramada midoobay ee dawladaha heerarkooda kala duwan logu kooxeeyey Soomaalidu waxay markasta ku jirtaa dawladaha takooran ee wax gaar ah lagu asteeyey. Tusaale ahaan:

taxa (liiska) dalalka Musuqmuusuqu la degay Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka lagu suntay argaxgixisada Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka ugu amniga xun adduunka soomaaliya waxay kaga jirataa safka hore.

Dalalka ugu burcad badeeda badan adduunka Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka dawladaha guuldareystay ama fashilmay Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka ay ka jirto nidaamka dumista dhaw (Fragile) Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka lagu dilo wareyiyayaasha ugu badan sannadkii Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka afduubka ugu badan uu ka dhaco Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka dagaalada soo noqnoqda ay ka jiraan Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka uu khilaafaadka diinta hareeyey Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka midabtakoorka ama haybsooca ugu badan ka jiro Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka ugu saboolsan adduunka Soomaaliya waxay kaga jirtaa Safka hore

Dalalka carruurta la askareeyo Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore

Dalalka haweenka lagu faroxumeeyo (kufsado) Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka ugu qaxooti badan adduunka Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka ay shaqo la`aanta dhallinyarada ka jirto Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka ay siyaasiyiintoodu khilaafaadku ragaadiyey Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore.

Dalalka lacagahoodii intay dhammaadeen, qaatay lacago dalal kale oo ku dhaqma Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore

Waxaa la rumeysan yahay in dalalka adduunka ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah inay Soomaaliya safka hore

kaga jirto. Waa yaab qof dalkiisa ku nool oo haddana xaqooti ah. Nasiib darro ka weyn ma jirto

Dalalka adduunka ee la biilo ee mucaawinada iyo deeqaha ku nool Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore. Qof la biilana xor maaha XaajI Aadan Afqalooc waa isagii lahaa (Icaanadu xornimaday u tahay eebadii malage, albaabkii gumeystuhu ku xado umamku weeyaane. Wixii uu Ajnebi kuu qabtana Aayotiin ma leh,

Haddii aad maqli jirtay Soomaalidu 100% waa Muslim sunni ah. Intii aan ku jirnay dhibaatada colaadaha Waxaa abuurmay dad badan oo kiristan ah. Haddii ay sidaa ku sii socoto Soomaalidu waxay biiraysaa dalalka loo diiwaan geliyey inay ku nool yihiin dadyow kala diin ah.

Haddii aad maqli jirtay Soomaalidu waa dad isku Af ah. Markii shanta qaaradood la kala aaday Waxaa lagala soo noqon doonaa afaf iyo dhaqano kala duwan. Haddii ay sidaa ku sii socoto waxaad arki doontaa dad Soomaaliyeed oo loo kala afcelinayo.

Sidaad ogtahayba baraha bulshada iyo saxaafada kale waxay beryahan ku soo celceliyaan Kiinya iyo Itoobiya oo doonaya inay Soomaaliya badda la wadaagaan. (madaxda adduunku waxay leeyihiin: suurtogal maaha inay boqol miyan bad la`aan ahaato. 15 milyanna badda afrika ugu dheer ay haystaan. Haddii ay sidaa ku sii socoto waxaad arki doontaa badda Soomaaliya oo dalalka deriska ah loo qaybinayo

Soomaalidii dibedda u dhooftay carruurtii Waxaa ka qaatay Kaniisado iyo Macbadyo. Haddii ay sidaa ku sii socoto, Waxaa soo noqon doona Iyaga oo magacii Soomaalinimada wata oo dhaqan iyo cilmi kale la soo baray. Oday waxa uu ii sheegay qurbaha ku raagay. Soomaalidii dhooftay marka ay dhammaadaan. Waxay dhaleen Soomaali maaha ee haku kadsoomina.

Dadkii dalka yaqaanay, ee dadka yaqaanay, ee dhaqanka yaqaanay, ee diinta yaqaanay, ee xeerarka yaqaanay, ee cadowga yaqaanay, ee colaadda yaqaanay, ee heshiiska yaqaanay way dhinteen ama gaboobeen. Waxaa soo haray jiil 40 jirka ugu ugu weyn yahay oo xaashi cad ah ama cajal faaruq ah oo cidkasta waxay rabto ay ku qorato, waxay rabtana ay ku shubato. Haddii ay sidaa ku sii socoto dadku wuxuu noqon doonaa Robotyo ay dadkii sameystay ku shaqeystaan.

Dalalka adduunka ee Manhaj wareeray ee ay waxbarashadoodu afaf iyo ujeedooyin kala duwan ay ku baxdo, ee ardaydoodana la baro afaf iyo dhaqamo shisheeye Soomaaliya waxay kaga jirtaa safka hore

Dalkasta haybaddiisu waxay ka muuqataa calankiisa, Baasaboorkiisa iyo Safaaradiisa. Safaaradaheena dibedda badankood Waxaa maamula dad aanay la weynayen Soomaalinimada, dhaqanka iyo taariikhda dalkana aan waxba ka aqoon. Haddii ay sidaa ku sii socoto safaaraduhu waxay noqon doonaa guryo ay qabiilooyin iyo dad gaar ah leeyihiin.

Hablaheenii Waxaa guursaday rag shisheeye ah oo madow iyo caddaanba leh. Jeer dhaw haddii ay sidaa ku sii socoto Waxaa dalka ku soo laaban doona aqoonyahano badan oo Abti loo yahay.

Sida muuqata shanta dal ee codka Fiitada ama diidmada qayaxan leh iyo qaramada midoobay waxay ka fekerayaan haddii ay sidan ku sii socoto in dalka Soomaaliya la geliyo Maxmiyad labaad, sidii la yeelay 1950kii. Ka dibna dal na maamulo naloo dhiibo. Talada lala wareego, annaguna aan xoogsato ka noqono.

30 kun oo ciidan Afrikaan ah ayaa waxay dalkeena u joogaan inay na kala celiyaan, oo ay naga shaqeystaan, dhaqamo iyo caadooyin xunna ay nagu tallaalaan. Haddii ay sidan ku sii socoto carruur badan oo aan Soomaali ahayn iyo cuduro aan dhulkan laga aqoon jirin ayaa laga dhaxli doonaa.

Calanka iyo Baasaboorku waxay ka mid yihiin waxyaabaha tilmaamaya qarannimada, jiritaanka iyo haybadda dalka iyo dadka. Waad ogtihiin sida baasaboorkeena loo bahdilay iyo sida muwaadinka wata loo duleysto. Haddii ay sidaa ku sii socoto waxaan dhammaan qaadan doonaa Baasabooro shisheeye

Shaqo la`aanta, sharci la`aanta, welwelka, daryeel la`aanta, daawo la`aanta waxay dadka ku qabsabtay si ay dhibaatooyinkaa silsiladda

ah isu ilowsiiyaan inay maandooyiyayaasha ku habsadaan. Sida qaadka, qamriga, xashiishka, taabuuga, iyo sigaarka. Ka dibna waxay ka qaadeen cuduro falkooda la waayey. Haddii ay sidaa ku sii socoto waxa aan noqon doonaa suuqa iyo marinada laga gudbiyo Maandooriyaha dunida.

Dadka Soomaaliyeed waa dad ku nool dal sharci dawladeed aanu ka shaqeynin. Sharci islaamna aanu ku shaqeynin. Xeer dhaqamadeenna aan ku shaqeynin. Waxay u nool yihiin sida xayawaanka. Haddii ay sidaa ku sii socoto Waxaa abuurmi doona dabaqado awood badan iyo kuwo dhaqaale badan oo inta kale addoonsato.

Talada iyo qorshuhu wuxuu ahaa in shanta Soomaaliya la isu keeno. Laakiin hadda Waxaa kala noqday oo kala tegay labadii midowday. Qaybtii koonfureedna Waxaa loo sii kala qaybiyey shan maamul goboleed. Haddii ay sidaa ku sii socotana Waxaa sameymi doonaa imaarado yar yar oo gaashaan buur la ah dawlado shisheeye

Waxaa iska joogto ah diyaarado duqeeya, dalka. Suntan haraaga ah oo lagu shubo badda iyo berriga iyo macdanta iyo khayraadka oo la gurto. Haddii ay sidaa ku sii socoto Waxaa dhulka soo degi doono ciidamo iyo shirkado aan adeegayaal iyo addoomo u noqono.

Caddaalad darradu waxay mareysaa heerkii ugu sareeyey. Guryaha, boosaska iyo dilalka waa dacwooyinka ugu badan ee la isku dulmiyo. Haddii ay sidaa ku sii socoto sharcigu wuxuu noqon doonaa shan cad iyo calaacal.

Dhaqan guur ayaa nagu dhacay haddii la doonayo in ummad la baabi`iyo xagga diinta lagama galo, dhaqaalaha lagama curyaamiyo, dagaalo laguma qabsado keliya dhaqanka ayaa laga beddelaa. Haddii ay sidaa ku sii socoto waxa ay Soomaaliya noqon doontaa meelaha dhaqamada kala duwan ee adduunka lagu soo bandhigo.

Dalalka adduunka marka aad eegto ma jiro dal dhaxalkiisa dabiiciga ah iib ahaan loogu geeyo dalka kale ama waxa uu gaar u leeyahay lagu beero dhulka. Soomaaliya ugaarteedii dabiiciga ahayd Waxaa loo iibgeeyaa dalal kale. Xoolaheedii dhedigna Waxaa loo dhoofiyaa dibedda. Taasina haddii ay si socoto ummaddu waxay noqneysaa dad dhaxal wareegay oo aan lahayn wax gaar ah oo ay ku fannaan.

Cadowgaagu tiro yaraan kaagama adkaado. Dhaqaalo xumo kaagama adkaada. Saanad iyo hub la`aan kaagama adkaado. Taatik iyo xeelad dagaal oo uu ku dheer yahay kaagama adkaado. Waxa uu kaaga adkaadaa marka aad iskhilaaftaan ee kooxo la idiin kala qaybiyo.

Si kastaba ha ahaatee, haddii la doonayo in magaca Soomaaliyeed aan geeska Afrika laga tirtirin. Waa inaan dib u xisaabtanaa. Dagaalku waa inuu dhammaadaa. Naceybku waa inuu dhammaadaa.khilaafku waa inuu dhammaadaa. Qabiilku waa inuu dhammaadaa. Haddii aan dhameyn wayno. Ogaada Soomaali ayaa dhammaan doonta. Ka diba cid kale ayaa reerka u hari doonta.

Haddaba, Alshabaab waxaan leeyahay haddii aad wadahadal furi waydaan, oo aad maalin walba wax qarxisaan. Ama dad dishaan. Oo dadkii Soomaaliyeed ay noqdaan wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax qaxay. Ogaada cadow xoog badan ayaa soo degi doona. Kaas oo muslim iyo gaalaba leh. Inta uu idinka iyo wixii dareen waddiyadeed leh baabi`iyo ayuu dalkana qaadan doonaa.

Dawladda waxaan leeyahay. Dawladnimadu xoog iyo ku tiirsanaan Ajnebi keliya laguma dhiso. Haddii aad debecsanaan muujin waydaan. Ama aad wada hadal, cafis iyo soodumidda dadka idinka ka soo horjeeda aad albaabada u furi waydaan sidaa uun baa midkii yimaadaba uu ugu fariisan doonaa kursi yaal meel holcaysa, oo ay baabuurta gaashaaman ku wareegsan yihiin.hareerahana ay ka qulqulayaan togag dhiig ah.

Baaqa waddaniyiinta waa in qoriga la aamusiiyo. Oo lagu dhaqaaqo Wada hadal iyo heshiis. Waayo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Aan wada hadalno, waa aan heshiino.”

Waxaa Qorey:Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)

SOOMAALIYEEY MAXAA NOO HARAY OO AAN ISKU HAYSANAA???!!!.

Page 10: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 10WARGEYSKA DALKA DHAQANKA & SUUGAANTA

DHAQANKA & SUUGAANTA W/D: Cabdisalaan Axmed Gabeere.

Somaaliya waa Dal ka mid ah dalalka Afrika, waxayna ku taallaa geesta bari ee qaaradda afrika, waxayna Soomaaliya caan ku tahay waxyaabo badan oo kheyraad dabiici ah.

haddaan u soo noqdo mowduuceyga, Soomaliya waxay leedahay Hiddo iyo dhaqan iyada u gaar ah oo ay kaga duwan tahay qaaradda inteeda kale, waloow ay jiraan waxyaabo ay isaga mid yihiin meelaha qaar haddii laga eego iyo xagga dabeecadda dhulka.

AUN, Al-Fanaan beer dilaacshe baa ku heesay hadda ka hor “dhulkayagu sabool maaha saxro iyo abaar maaha saban xumaadna kama dhicin”xillyada barwaaqada da,ee dalkeenu baraareysan yahay ayaa dadkeennu waxay caan ku yihiin isu soo baxyada isbooqashada iyo farxadaha kala duwan in ay sameystaan sida xafladaha aroosyada’ marka asalka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliya wuxuu aad uga muuqdaa miyiga oo si weyn looga ixtiraamo loogana qaderiyo haddaba maxaa ka mid ah hiddaha iyo dhaqanka soomaaliya. maanta waxaan ka soo qaadaneynaa qeybta ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo mowduucenna ah. Ciyaaraha waxay leeyihiin noocyo kala duwan soomaalidana waxay ciyaarahaasi ciyaaraan xilliyada barwaaqada, iyadoo aad arkeyso in ciyaar waliba ay leedahay hab jiib iyo jaan ay isla garanayaan hadba kooxda isla ciyaareysa,Matalan haddaan wax ka sheegno magacyada iyo nuucyada kala duwan ee ciyaaraha dalkeenna iyadoo halkaan lagu soo koobi Karin haddaan wax yar ka tilmaamo waxaa ka mida. Ciyaarta beereyda &

Ciyaarta bullada Ciyaarta kabley shimbirta & Ciyaarta Batarka Ciyaarta dhaantada & Ciyaarta waalada Ciyaarta walasaqada & Ciyaarta kabeebeyda Ciyaarta saylaha & Ciyaarta Wareegtada. Ciyaarahaan iyo kuwo lamid ahaba waxaa laga ciyaaraa dalka soomaaliya,iyadoo badana ay wada ciyaaraan hablaha iyo ragga, waxayna leeyihiin dhar u gaar ah ciyaaraha oo loo yaqaanno dharka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed waxayna leeyihiin tilmaamo u qaas ah sida dharka cadcad ee baftada ah,shaalalka iyo waxaa kaloo jira wax layiraahdo boqorka, dhaclaha,kuwani waxay ku gaar yihiin hablaha xirta dharka hiddaha waxaa jira waxyaabo kale oo ay soomaalida gaar u leedahay sida ay horeyba u tiri fannaanadeyna seynab xaaji cali baxsan “wiil geel jiroon gaajadu karayn waa waxa dalkeenna u gaar ehe leynagu gartaa, Maanteey galladi noo soo gashee Gobannimadayada guulloow adkeey”Aamiin mahadsani Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxaa jira oo ay soomaalida hiddo iyo dhaqan u leedahay gabayada geeraarada maansada guuroowga,intaas iyo kuwo kale oo siyaabo kala duwan loogu kala luqeeyo,waxaana mahad iyo amaan leh dadka weli hiddaheenna iyo dhaqankeennaba ku dheggan oo ilaaliya kana ilaaliya in aysan ku soo darsamin dhaqamada shisheeye oo badankood ah kuwo aad u xun.

dhaqanka iyo hiddaha soomaaliya waxaa loo kala qeybin karaa waqooyi iyo konfur iyo weliba dhaqanka reer banaadiriga oo koonfurta iyo waqoooyigaba kaga yara duwan waxyaabo yar yar. waxaa jira wax la yiraahdo isu soo bax sanadeed

oo caado ah, loogana dhaqmo sida badan koonfurta iyo bartamaha soomaaliya, waxaa ka mid ah isu soo baxyada kuwa ugu magaca dheer oo la wada yaqaanno, sida: 1. Istunka, 2.Badgalka, 3. Dabshidka, 4. Shirta, iwm Hase ahaatee dhallinta maanta joogta magaalooyinka waa weyn ee dalka waxaad arkeysaa in aysan difaaceynin hiddaha & dhaqankoda Oo ay ka door bidayaan kuwo shisheeye taasina waa doqonnimo waayo Annagu, waxaan nahay soomaali waxaana leenahay hiddo iyo dhaqan asiili ah oo aan ka soo gaarnay waalidkeen, kuna saleysnaa anshax iyo asluub wanaagsan, wallow, caadada soomaalida qaarkeed aysan ahayn kuwo wada fiican. Marka ciyaaraha iyo ciyaartooyada soomaaliya ee hiddaha iyo dhaqanka ku saleysan waxay door muhiim ah kaga jiraan bogagga hore ee fanka soomaalida, waxay lafdhabar

muhiim ah u yihiin kana tirsan yihiin kooxaha hoballada waaberi waxayna kooxdani ka qeybgalaan tartamada adduunka waxayna ka soo hooyaan guulo xambaarsan billado aad u qiimo badan, waxayna ku caan baxeen masraxyada caalamka oo dhan. ciyaaraha waa astaamaha farxadda, waxuuna dalku leeyahay maanta koox fannaaniinta ka tirsan oo la yiraahdo “Somali National Folkolor Dancers”, kooxdani, waxay wacdaro ka dhigi jireen iyagoon u kala harrin gabdho iyo wiillalba masraxii, ( Golahii murtida iyo madaddaalada ee “National theatre” Hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan waxaa muhiim in ay dhallinta soomaaliyeed ay soo nooleeyaan , dowladda soomaalida cusbna waa in ay dib usoo nooleysaa carwooyinkii qaranka ee lagu soo bandhigi jiray dhaqanka iyo

hiddaha soomaaliyeed ee loo yaqiinay “Fiyooraha Soomaalida” Taasoo, wax weyn ka tari karta soo nooleynta iyo ku baraarugidda hiddaha iyo dhaqankeenna suuban, weliba jiilka ku dhalanaya qurbaha maba garanayaan hiddaheenna iyo dhaqankeenna marka si ay u ogaadaan in ay leeyihiin dal madaxbannaan dowlad iyo calan iyo hiddo iyo dhaqan u gaar ah waa In dowladda ka qaaddaa arrintaan tallaabo lana badiyaa carwooyinka lagu qabanaayo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Waxaana muhiim ah In loo wada guntado dhammaan soo nooleynta hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, si looga badbaadiyo jiilalka yaryar ee ku nool dibadaha iyo in aysan salguurin ciyaaraha dalka.

W.D/Cismaan Faalko.

MAXAAD KA TAQAANNAA CIYAARAHA HIDDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA.

Waxaa la yiri, ilaa waayo aad u fog, waxaa soo jiray Colaad u dhaxeysa Bisadda iyo Jiirka, kaasoo soo billawday xilligii Doontii Nebi Nuux.

Berigii dambe, ayaa loo kale dab qaaday oo Ergo isku dayeen inay dhex-dhexaadiyaan, Bisadda iyo Jiirka.

Labada dhinac, arrintaan waa u guuxeen, waxayna go’aan ku gaareen inay Collaadda iyo Cabsida ka baxaan.

Maalintii dambe, Ergadii waxay isu-keentay Labadii Boqor ee Madaxda u ahaa Labada dhinac.

Markii labadoodii wada hadleen, kuna heshiiyeen inay dhammeystaan wixii khillaaf ah ee labadooda u dhaxeysa ayey ku ballameen inay maalin weyn meel bannaan isugu keenaan labada dhinac yar iyo weynba, gacantaana ay fagaarahaas isku geliyaan, dib dambana ayan u dhicin Bisad iyo Jiir waa Col.

Sidaa markay kuwada hadleen kuna heshiiyeen ayey maalin

qabsadeen, ka dibna waa kala tageen.

Hase yeeshee, Boqorka Jiirka oo ahaa mid fiiro dheer, ayaa markii uu u tegay Reer Jiir uga warramay kulankii labada Boqor iyo sidii uu ku dhammaaday hase yeeshee, wuxuu intaa u raaciyay inay feejignaadaan oo ay ku dhaqmaan xikmaddii oraneysay “Kheyr wax kaama dhibee, Shar u toog haay” wuxuuna u sheegay inay Bah-Jiir iyo Bah-

Yaan-yuur, maalin weyn kulmi doonaan, oo halkaasi la isku saamixi doono.

Hase yeeshee buu yiri, waxaan idin kala dar-daarmayaa inaad maalintaa meesha bannaan ee lagu ballansan yahay ee la isugu tegi doono, in Jiir kasta uu ka qoto God laba Af-leh, oo haddii mid laga soo weeraro uu kan kale ka bixi karo, isla markaana Godka labadiisa Af, waa inuu Jiir kasta Afka kaga fadhiistaa

uuna isku diyaariyaa haddii ay Bah Yaan-yuur ama Bisado ay billaabaan khiyaano ballan ka bax ah, in aad durba gashaan Godkiina.

Boqorkii Bah-Yaan-yuur ahaa markii uu u tegay Bisadihii uu ka Wakiilka ahaa ayuu ku yiri, Aniga iyo Boqorkii Jiir, waan soo wada hadalnay, waana soo heshiinnay in maalin la isugu tago oo la isa saamaxo, waana soo qabsoomay, laakiin anigau waxaa igu dhashay markii aan ka soo gaddoomay in maalintaas aan Jiir Tir-tirno.

Maxaa yeelay, Bisad kasta waxaa ku soo aadaya hal Doolli ama Jiir, markaas waa inay madaxa jebisaa, oo halkaasi ku dishaa, Jiir dambana Colaaddiisu iyo Warkiisu meeshaas ku haraa.

Sidii ayaa labada dhinacba lagu heshiiyay, jiirkiina maalin ka hor ayaa intay goobtii lagu ballamay tageen ayuu mid kasta qotay God labo Af-leh.

Maalintii ballantu ahaydna intay subaxii hore ku soo kallaheen ayuu midkasta godkiisii Afka kaga

fadhiistay, iyadoo aan bisaduhu arkeyn.

Markii Boqorradii la isu soo ururay, ayuu Boqorkii Bisadaha baaq ay ku soo ballameen oo Af-garad ah u sameeyay, ka dibna Mukulaal kasta waxay ku boodday Jiirkii horteeda ku toosnaa, laakiin Jiir kasta wuu ka digtoonaan qabay, isla markiina Jiir kasta wuxuu hoos u galay Godkii uu ku fadhiyay, markii Bisadaha oo aad u careysan is-yiraahdeen Gacanta geliya godka si ay u soo qabsadaan jiirka, misana dhinaca kale ayuu u cararaa ileen godka wuu u diyaarsanaa isagoo looga shaqeeyay hab taatikeysan, afkii kale ayeyna ka wada bexeen.

Haddaba, xilligaas laga soo billaabo Jiirku godka uu ku hoyanayo ama uu gelayo, wuxuu leeyahay Laba Af, waayo waxay ka baqayaan in halkaa irrid laga soo istaago oo ay Bisad ka War-hesho in Jiir halkaasi ku jiro ayna irridda ku sugto.

Haddii xitaa isagoo soo bixi raba uu arko bisad hortaagan, dib inta uu u noqdo, ayuu irridda kale ka baxaa.

MUXUU LABA AF- U LEEYAHAY GODKA JIIRKU AMA DOOLLIGA?

Page 11: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 11WARGEYSKA DALKA CAYAARAHA & DHALLIN’YARADA

DHALLINYARADA & CAYAARAHA

ARSENE WENGER OO KA HADLAY TARTANKA LOOGU

JIRO HANASHADA HORYAALKA

Arsene Wenger ayaa ka hadlay rajada ay Arsenal ka leedahay inay u tartamaan hanashada horyaalka Premier League.

Liverpool “aad ayey ugu badan tahay” Premier League, sidaa darteed waa wax aan macquul aheyn in laga fikiro Arsenal oo ku tartameysa hanashada horyaalka.

halyeeyga Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in Arsenal aysan kujirin kooxaha ku tartamaya horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa haatan hogaanka u heysa Premier League ka dib bilow fiican oo ay heleen, iyagoo guuleystay dhamaan sideedii kulan oo ay ciyaareen.

Waxay xilli dambe ka badiyeen Sabtidii iyadoo rigoore James Milner dhaliyay daqiiqadii 95aad 2-1 kaga badiyaan Leicester City.

Ka dib guuldaradii lama filaanka aheyd ee Manchester City ka soo gaartay Wolves axadii, Reds ayaa haatan sideed dhibcood hogaanka kaga heysa kooxda heysata Premier League.

Waxaana Wenger uu aaminsan yahay in kooxda Jurgen Klopp haatan aad ugu fiican yihiin kooxaha kale

“Waxaan u maleynayaa inay jiraan dhowr koox oo aad isugu dhow dhow, waxaana jira hal koox oo ka sareysa qof walba sidii Liverpool ma sameyn karo,” ayuu yiri.

“Run maahan maanta inaan ka hadlo arinta Arsenal horyaalka ugu tartameysa.

Ma ahan kuwa ugu weyn xagga saadaasha, laakiin hadda waxaa jira koox laga hadli karo taasoo

ah Liverpool.

“Waqtigaan la joogo Liverpool aad ayey ugu badan yihiin hanashada horyaalka qof walba wuu ogyahay taas.

Arsenal waxa ay ku bilaabatay qaab isku dhafan xilli ciyaareedkaan, waxaana ay haatan ku jiraan kaalinta 3aad ee kala sarreynta horyaalka.

Khaladaadkooda daafaca ayaa la macno ah in laga dhaliyay goolal ka badan kooxaha kale kamidka ah afarta sare, laakiin kaliya hal jeer ayaa laga badiyay xilli ciyaareedkan.

Waxay weli hal dhibic ka dambeeyaan Manchester City, oo kaalinta labaad ku jirta.

Kooxda Unai Emery ayaa sidoo kale wacdaro ka dhigtay Yurub, iyagoo guulo ka gaaray labadii kulan ee ugu horeysay Europa League

Waxaana Wenger uu taageeradiisa siiyay Emery, kaasoo dhaleeceyn kala kulmay qaab daafaca kooxdiisa.

Halkan uma joogo inaan xukumo tababarayaasha. Waxaan ahay taageere naadiga kubada cagta ee Arsenal, sidaas darteed kaliya waan taageersanahay ”ayuu yiri Wenger.

“Laakiin wuu badin karaa kulamada wuxuuna ciyaarayaa nooc aan jeclahay.

“Naadi sida Arsenal ah waa masuuliyad weyn, isla markaana waajibaadkaas mid ka mid ah waa inay ciyaaraan kubad soo jiidasho leh. Intaa ka dib, waxaan u maleynayaa waxa ugu muhiimsan waa taageerida kooxda iyo ku guuleysiga kulamada.

XIDDIG LIVER POOL AH OO 14 MAALMOOD LAGA GANAAXAY GAROOMMADA KA DIB MARKII UU KU MAADSADAY HARRY KANE

Da’ yarka kooxda Liverpool Harvey Elliot ayaa garoomada laga ganaaxay muddo 14 maalmood ah ka dib markii lagu helay inuu xadgudbay sharuucda u taala xiriirka kubada cagta Ingariiska isagoo laga duubay muuqaal uu ku maadsanayo Harry Kane.

Muuqaal oo la soo dhigay baraha bulshada bishii July ayaa muujinaya xiddiga khadka dhexe oo ku maadsanaya weeraryahanka Tottenham islamarkaana isticmaalaya tilmaamo loo arkay xadgudub weyn.

Eilliott ayaa ku maadeystay qaabka hadalka ee Harry Kane taasoo meel ka dhac weyn ku ah qof sharafkiisa madaama uusan iska bedeli karin qaabkii uu ku dhashay.

Elliott oo 16 sanno jir ah ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay muuqaalka uu duubay, waxaana ay sababtay inuu raaligelin ka

bixiyo talaabada uu qaaday.Xiriirka kubada cagta

Ingariiska ayaa soo gabagabeeyay baaritaankooda, waxaana ay ku

ganaaxeen xiddigaan inuusan ciyaarin karin kulamada maxalig ah muddo 14 maalmood ah oo ku dhamaaneysa 25ka bisha October.

Elliott ayaa sidoo lagu ganaaxay lacag gaareysa 350 ginni iyo inuu qaato koorso waxbarasho oo ay bixineyso FA-ga.

SOLSKJAER OO LAGULA TALIYAY IN UU SAMEEYO SAXIIXYO AFAR AH SI UU XAALADA MAN UNITED U BADALI KARO

Kooxda Manchester United ayaa si wayn loogaga hadlayaa warbaahinta England iyo guud ahaan caalamka kadib markii ay qaabkii ugu xumaa kaga soo jireen xili ciyaareedka Premier League.

Solskjaer ayaan cago adag ku taagnayn wuxuuna markastaba la kulmi karaa shaqo ka caydhin haddii ayna ka soo rayn xaalada uu Old Trafford kaga sugan yahay.

Halyayadii hore ee kooxda Manchester United ee Ryan Giggs iyo Lee Sharpe ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer siiyay tallo muhiim ah waxayna u sheegeen in uu sameeyo saxiixyada afar xidig oo uu xaalada United ku

badali karo.Talada Giggs iyo Lee

Sharpe ayaa lacag badan ku kici karta iyada oo Ed Woodward uu ku qasbaan karo in haddii uu sii aaminayo Solskjaer in uu markale lacag badan suuqa January kharash gareeyo.

Liiska afarta saxiix ee ay Lee Sharpe iyo Giggs soo jeediyeen waxaa kaalinta kowaad kaga jira Harry Kane kaas oo ay doonayaan in uu xal u noqon karo dhibaatada weerarka Man United.

Manchester United ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay Harry Kane kaas oo ay kooxdiisa Tottenham iyaduba ku

dhibtoonayso Premier League iyo Champions League.

Harry Kane laftiisa ayaa la kulmaya talooyin ah in uu iskaga baxo Tottenham oo uu ku biiro kooxaha waa wayn inkasta oo Manchester City lagula talinayay inta badan.

Qiimaha suuqa ee Harry Kane ee transfermarkt ayaa ah 135 milyan inkasta oo ay Tottenham ayna diyaar u ahayn in ay iibiso isla markaana ay qiimo waali ah duldhigi karto haddiiba la soo dalbadao xidiga reer England.

Tababaraha kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxaa saaran cadaadis kadib guuldaradii lama filaanka aheyd ee ka soo gaartay kooxda Newcastle ciyaar ka tirsaneyd Premier League.

Manchester United ayaan ceyrin doonin Ole Gunnar Solskjaer inkasta oo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa Premier League.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 12aad waxaana ay badiyeen kaliya labo dhibcood u jiraan booska loogu laabto heerka labad kadib qasaarihii Newcastle.

Solskjaer ayaa sagaal dhibcood ka helay sideedii kulan ee furitaanka xili ciyareedkaan wuxuuna dhigay rikoor cusub oo ah kii ugu xumaa abid kooxdan ka furato Premier League.

Waxay ka hooseeya tababare David Moyes kaasoo 11-dhibcood helay markii uu ciyaaray 8 kulan sanadkii 2013-markaasoo shaqada laga ceyriyay ka dib 10 bilood oo uu macalin ahaa.

Laakiin inkasta oo qaab ciyaareedkiisu xun yahay hadana Glazer ayaan lahayn

wax qorshe ah oo ay ku eryaan Solskjaer, sida laga soo xigtay Daily Star.

Milkiilayaasha Utd ayaa tixgeliyay tirada ciyaartoy waqtigan ka maqan kooxda United kuwaasoo bilaabashadoodii ugu xumaa kujira.

Paul Pogba, Anthony Martial, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw ayaa dhamaantood ka maqnaa guuldaradii kasoo gaartay kooxda Steve Bruce ee Newcastle.

Glazer ayaa diyaar u ah in waqti lasiiyo Solskjaer laakiin walwalka taageerayaasha ayaa

sii kordhaya iyadoo muuqaal xun uu ka jiro Old Trafford.

Ed Woodward wuxuu ka walwalsan yahay in ciyaartooydu aysan wax kalsooni ah ku qabin tababaraha islamarkaana qolka labiskana qatar ugu jiro inuu qalalaaso ka dhaco.

Gudoomiye ku xigeenka fulinta United ayaa si cad u taageeray Solskjaer bishii hore laakiin haatan wuxuu ka walaacsan yahay xeeladiisa iyo awoodiisa uu kooxda ku maamulo.

Woodward wuxuu kaloo qabaa walaac ah in naadi ay ku sii yaraaneyso kalsoonida

garoonkaUnited ayaa ka walwalsan

carada David De Gea ka dib ciyaartii ay la ciyaareen Newcastle iyadoo sidookale Paul Pogba uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Real Madrid bisha Janaayo.

Ciyaartii St James Park kadib goolhayaha reer Spain ayaa yiri: “Ciyaarta lama aqbali karo. Xilligaan oo kale ma aqbali karno annaga. Waxaan haynaa wax badan oo aan horumar ku sameynno. Ma aqaano waxaan dhaho. Waxaan ubaahanahay inaan horumar sameyno. ”

GO’AAN LAGA GAARAYO MUSTAQBALKA OLE GUNNAR SOLSKJAER

Man United waxaa laga yaabaa iney sida Liverpool sugto muddo 30-sano ah hanashada horyaalka Premier League, waxaa sidaas qaba halyeeygii hore Blues – Jason Cundy – kaas oo sidoo kale ka argagaxay xaaladda ay wakhtigaan ku sugan tahay kooxda 20-ka jeer heysta horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa ilaa iyo hadda raadineysa horyaalka hanashada horyaalka Premier League, waxeyna aheyd markii ugu dambeysay ee ay hanato horyaalka fasal ciyaareedkii 1989-1990, Cundy ayaana hadda filaya in Red Devils ay sugi doonto muddo dheer hanashada horyaalka.

Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 10-aad ee horyaalka Premier League, kaliya 9-dhibcood ayeyna hesehay kadib 7-kulan oo ay ciyaareen, kaliya laba ciyaarood ayeyna guul heleen.

Jason Cundy ayaa saxaafadda la hadlay kadib kulankii ay Red Devilsbarbaro gool la’aan ah la gashay AZ Alkamar kulanka tirsan UEFA Europa League.

“Xaqiiqdii aad ayaan uga argagaxay halka ay Man United joogto, waana qasab iney jamaahiirta United la yaabaan, tani waa wax ka xun wixii ku dhacay Liverpool” ayuu yiri Jason oo la hadlayay talkSPORT.

“Red Devils waxaa laga yaabaa iney 30-sano ka fogtahay ku guuleysiga horyaalkeeda xiga”

“Marka aad dib ugu laabato 30-sano ka hor, qof ayaa ka hadlayay idaacadda isagoo sheegayay in Liverpool aysan 30-sano ku guuleysaneynin horyaalka, qof kasoo horjeeda ayaana lahaa ha noqon doqon, Liverpool wey hanan doontaa horyaalka 30-ka sano ee soo aadan”

GOORMA AYEY MAN UNITED HANAN KARTAA HORYAALKA PREMIER LEAGUE

Page 12: WARGEYSKA DALKA Isniin 14 October 2019 1 Wargeyska …sonna.so/wp-content/uploads/2019/10/WARGEYSKA-DALKA-1.pdfMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan

Isniin 14 October 2019 12WARGEYSKA DALKA OGEYSIIS & KARTOON

HAY’ADDA CILMI BAARISTA BADAHA SOOMAALIYEED (HCBS)

Dalka Soomaaliya wuxuu ilaah ku manaystey laba badood oo kala ah Badweynta Hindiya iyo Badda Gacanka Cad-meed oo dhererkeedu yahay 3025km, baddaas intaas la eg waxaa ku jira kheyraad iyo istiraatiijiyad meesha ay ku taalo ah oo aan looga maarmeyn dhanka maritaanka aduunka.

Hadaba dalkeenu wuxuu lahaan jirey difaac ciidan badeed oo aad u xoogan kana hortaga wax walba oo keeni kara dhibaato amni oo ka timaadda dhanka badda kana soo gudubta xeebaha, waxaana dhammaan magaalooyinka xeebaha dhaca ku yaaley xarumo howl-gal qorsheysan lehna ciidan iyo cudud ku filan kana hortagi kara wax walba oo soo wajaha lana socon kara dhaqdhaqaaqa xeebaha waxayna la socodsiin jireen xarunta taliska guud ee ciidanka xoogga dalka, taas waxaa cadeyn u ah ciidankeenna badda awoodda uu lahaa guulihii ay ka gaareen dagaalkii 1977 aan la galney dalka Itoobiya iyagoo howl-galo ka fuliyey meelo kabaxsan biyaha Soomaaliya.

Burburkii Dowladdii dhexe kadib waxaa dhacay iney meesha ka baxdo wax walbo oo horey u jirey oo uu ka mid yahay ciidan iyo maamulba, waxaa la waayey cid ka difaacda cadowga baddeena baaxadda weyn, baddeena waxay noqotey meel iska furan oo ay ka dhacaan godob-fallo aad u tira badan aadna u kala khatar badan kadib markii la waayey dhammaan

ciidankii heeganka ku ahaa biyaha Soomaaliya ay xaqqa u leedahay oo ah 350NM(648.2) dhumucda Badweynta Hindiya halka Gacanka Cad-meed %50 oo u dhiganta 130km, oo u kala qaybsan awoodda Qaanuuniga ah ee uu siinayo sharciga badaha aduunka ee UNCLOS3 (United Nation Convention on the Law of Sea ) iyo Sharciga Badaha Soomaaliyeed ee Lr.5 26January 1989.

Hadaba waxaa xusid mudan in dambiyada baddeena iyo xeebaha ku teedsan ay ka dhacayeen mudadaas ay aad u soo badanayeen marba marka ka dambeysa soona siyaadayeen falalka baddeena iyo xeebaheeda ka dhacay waxaa ka mid ah;

⦁ Kalluunka Sharci daro looga qaato (Illegal Fishing) oo ay hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed u bixisey erey bixin cusub oo ah (Budh-cad Kalluun) ereygaasna wuu dhaqan galay.

Kalluunka sharci daradda looga gurto baddeena waa kan ugu weyn dhibaatooyinka ku dhacay baddeena sababeyna in la xaalufiyo badda oo aan loo turin, waa fal soo socdey tan iyo intii dowladdii dhexe meesha ka baxdey ilaa maanta aan wax xal ah loo helin oo lagaga hortagi karo waana musiibo ku habsatey kheyraadka baddeena oo la jariifayo waliba la dabar- goynayo ukumihiisa la qaadanayo lana burburinayo gunta hoose dhirta ku taal ee uu quuto Kalluunaka.

Sanad kasta dalka

NABAD-GALYADA BADAHA SOOMAALIYEED (SOMALI MARITIME SECURITY).

QORE:CABDIRIXIIN WARSAME DIIRIYE AG. WAAXDA QAANUUNKA BADDA

FanaarkaRaasCaseyr (Guardafui) ookala hagaya Maraakiibtaka/ku socota G.CadmeedIyo kuwa ka/kusocda Badweynta Hindiya.

Soomaaliya waxaa laga dhacaa $300,000,000 oo ah dhaqaalaha lagu qiyaasey jilaabashada sharci darada ah ee dalalka shisheeye iyo shatiyo been abuur ah oo ay sameysteen shirkado ka kaluumeysta baddeena sida

ay sheegtey xarun cilmi-baaris oo laga leeyahay dalka mareekanka oo la yiraahdo (Secure Fishery organization) waxayna warbixin dhameystiran soo saartey sanadkii 2015kii.

Shaxda dalalka shisheeye Kaluumeysiga sharci darada (IUU).

NAGALA SOO XIRIIREmail: [email protected]

Haddii aad hayso aragti wanaagsan oo aad jeceshay in aad bulshada la wadaagto, fadlan inoogu soo dir emailka hoos ku qoran, waa in aragtidaada ay noqotaa aragti wax dhisi karta oo bulshada wax tar u leh

Mahadsanid