xusuus qor safar aan jaho lahayn

33
Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown) W.Q: Siciid Jaamac Xuseen

Upload: hoyaalay

Post on 28-Apr-2015

224 views

Category:

Documents


58 download

TRANSCRIPT

Page 1: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown) W.Q: Siciid Jaamac Xuseen

Page 2: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

QAYBTA KOWAAD

Safarrada i soo maray way badan yihiin. Inta aan is leeyahay waa lagu la danyan karaa aad ayay u tira yar yihiin. Kaan soo wadaa ka mid ah, waana kii iigu cajaa’ibka badnaa. Cajabtiisuxaggee bay ku jirtaa?

Waa kii ugu gaabnaa, oo habeen keliya ayaa safarkaa lagu maqnaa

Waa kan keliya ee aan madaxweynaha u raacay

Waa kan keliya ee si toos ah ama dadban ula xiriira dhacdooyin ka horreeyay ama ka dambeeyay.. kuwaas oo noloshayda saamayn ku reebay, qof ahaan, qoys ahaan, iyo qaran ahaanba

Waa kan keliya ee aan kala wada kulmay kedis, dalxiis, kaftan, digniin, booqasho aan u busaylay10 sano ka dib, iyo go’aan kii iigu qaraaraa aan gaaro.

Arrimahan isku guda jra, sidee baan u kala guraa, xaggee ka bilaabaa?

Mar hadday dhacdadu xasuusqor safar dhab ah tahay, sidaan soo sheegay, waxaan goostay in halkay ka bilaabmaysay iyo siday u bilaabantay aan ku daysto.

Waa dayrtii 1977 oo jawi macaan iyo maalin Isniin ah. Aqalkaygu wershadda korontada Xamar ee Afar irridoodka ayuu ka soo horjeeday. Daakiraaddii salaadda waaberi ayaa albaabka na lagu garaacay. Anigu sardho Ilaahay uun raaxadeeda ogyahay ayaan ku jiray. Xaaskayga ayaa ciddii garaacaysay ka furtay, ka dib na i toosisay. ‘Waa ayo waxa xilligaas nagu garaacayaa?’ ayaan caro ku su’aalay. “Waa kuwii kuu iman jiray.” Ayay ku jawaabtay. Hadalkeedii inay askar sheegayso ayaan ka gartay, haddii kale cidda ay yihiin ayay ii sheegi lahayd. Sidii bayna noqotay oo askari albaabka aan soo dhaafin ayaan u tegay oo baabuur ‘otto otto’ ah watay.

“Siciid, belo ma jirto.” Ayuu judhiiba niyadda iigu qaboojiyay. “safar ayaa loo baxayaa subaxan aad ku jirtid ee adigu madaxtooyada is gee.” Ayuu warkiisii kaga baxay oo baabuurkiisii kaxaystay.

Siyaasad ahaan dhaqanka berigaas Xamar ka jiray wuxuu ahaa, ciddii xilligaas oo kale askar otto otto wadataa u timaaddo laba ayuun bay mid ahaan jirtay: Ama waa la gunnayn..ama waa la ganaaxi. Ama jago sare sida wasiir oo kale ayaa laguu magacaabi jiray inta madaxweynaha laguu geeyo, ama xabsi aanad garanayn kuu noqon doono ayaa laguu taxaabi jiray. Waa sababta askarigii la ii soo diray, akhlaaq wanaag waxuu ka qabay judhiiba iigu yiri ; 'Belo ma jirto.' Wuu la socday sida dadku u sharaysan jireen marka waqtigaas oo kale la soo siyaarto.

KEDISKII aan safarka ku tilmaamay ayaa bilaabmay:In uu safar jiro gartay oo askarigii ayaa ii sheegay (weli waan u duceeyaa!)

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 2

Page 3: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Kolleyba waa madax ee waa kuwa ma?Dalka la tegayaa waa dalkee?Immisa casho ayaa lagu maqnaan doonaa?Dhar noocee ah ayaan ugu sii tala galaa? Ma qaboobaa mise waa kulayle?Kolleyba inaan wax qoro ama tarjumo ayaa la iga rabaa ee sidaan isu sii diyaariyaa?Xaaska maxaan ku la sii ballamaa? (weli waa isku cusub nahay oo dardar baan qabnaa)

Duullimaadka ka hor, xataa markaan ogaado dalka aan aadayo, si aan ugu soo sheegaa ma jirto. Xafiisyada dawladda mooyee, telefoonno laga xiriiraa ma ay jirin. Anigana aqalka mid ii ma oollin. Taan laga badinayn ayaan ka raacnay:“Markaan soo noqdo ee Ilaahay isu keen keeno ayaan kuu warrami doonaa,” ayaannu ku kala tagnay.

Dhinaca isdiyaarinta welwel badan isma aan gelin. Waxa la iga rabo in aan safarka qabto, intaan maskaxda ku wato ayaan kaga tala galay. Dhar waxoogaa ahna boorsadaan ku ritay, wixii aan ka maarmi waayo, magaalada la tago ayaan ku daystay inaan la dhawro. Anigoo xaalladdaas ku sugan ayaan madaxtooyadii isgeeyay abbaara 6dii subaxnimo.

Madaxtooyadu beryahaas xero miliari ah oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhow ayay ku dhex tiil. Askar ilaalo ah mooyee waqtigaas masu’uliin iyo shaqaale kale ma joogin. 7da subaxnimo ayaa shaqada la iman jiray. Saaxiibbadaydii aanu wada shaqaynaynay waxna ima ay weydiin, waxna uma aan sheegin. In aanay i war dhaamin waan ogaa. 8dii subaxnimo mar ay ahayd, ayaan la kulmay g/s Cabdi Warsame Isaaq, wasiirka mataxtooyada ee arrimaha shaqaalaha. Isaga ayuu ahaa qofka askarigii ii soo diray, isagaana markan qardhaastii xirnayd ii furfuray.

In Yaman safar loogu ambabaxayo..In wefdi m/w Maxamed Siyaad Barre wato la raacayo..In shir 4 gees ah la isugu imanayo oo ka kala socda Somalia, Sudan iyo labada Yaman..In arrinta laga hadlayo ku saabsan tahay Badda Cas..In uu isagu wefdigayaga u qaabilsan yahay arrimaha dibedda..In aniga iyo saaxiibkay Cumar Saalim oo aan madaxtooyada ka wada shaqaynno hawshayadu tahay tarjumidda iyo wixii qoraal ah ee kale ee loo baahdo.

Muddada la joogayo Yaman ii ma uu sheegin. Waanse garanayay in 2 maalmood aanay ka badan karin. Mar hadduu shirku dhammaado, in madaxdu dalalkoodii u kala dhoofayaan. Siciid Cali Giir (saaxiibkay oo aannu isku reer cadmeed ahayn wadana shaqayno) ayaan sii faray in uu xaaskii la

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 3

Page 4: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

socodsiiyo in maqaadiirtii xaggaa iyo Yamanta ii la kacday.. (10 beri ka dib iyadoo aan farriintaasi weli gaarin ayaan Xamar ku soo noqday!!)

Madaxweynaha waxaa weheliyay dhawr askari iyo taliyahooda g/s Maxamed Jibriil oo ahaa xilligaas taliye xigeenka NSS-ta. Iyadoo weli barqo ah ayaan gaarnay magaalada Sanca, caasimadda Yamanta Waqooyi. Gobolkaasi waa goobta keliya ee marka la calaamadaynayo cimilada Jasiiradda Carabta waa meesha keliya midab cagaaran lagu sunto. Biyaha, doogga iyo barwaaqada waran waa meesha Quraanku ku tilmaamo inay Nabi Saleebaan iyo Boqoraddii Sabaa ku kulmeen. Waa meel indho basaasay ay kuugu bogsoodaan.

Waxaa wefdiga garoonka diyaaradaha ku sii sugayay madaxeyne xigeenka Al-Qashmi. Shirku wuxuu ka dhacayay magaalada Tacis, magaalada labaad ee Yamanta. Waana tan ugu dad badan uguna ilbaxsan. Madaxweynihii Yamanta Ibraahim Xamdi iyo martidiisii kale ee m/w Numeyri oo Suudaan ka socday iyo m/w Saalim Rubayac oo Cadan ka socday waxay ku sii hormareen goobtii shirku ku qabsoomayay.

Magaalada Tacis

Soo dhowaynta Qashmi ka dib waxaan u safarnay Tacis. Bilicdeeda ka sokow, waxyaalaha soo jiidashada ah leh ee aad la kulmaysid haddaad Tacis nasiib u yeelatid inaad tago waa buurta tilmaaman ee aad u dheer ee lagu magacaabo Jabal Saber illaa dhawr kun oo mitir dhererkeedu gaarayo oo cagaaran. Gunta illaa baarkana saro ka dhisan yihiin aad mooddid in dadkii dhisay aanay dhulka ka tegin ee cirka kaga soo degeen. Wadooyinka, beeraha iyo biyuhuna waa joogto oo dadka fiiqaa saarani ma waayaan. Qadadii ka hor ayaanu Tacis ka degnay. Sida muuqatay, annaga uun baa na la sugayay. Salaan iyo soo-dhwayn diirran ka dib, judhiiba hawshii ayaa hor laga galay.

Shirkaa waxaa la isla gartay in lagu magacaabo: “ KULANKII 4-GEESKA EE TACIS” Waqti gaaban markay shir wada qaateen, madaxweynayaashii mawduuca ay judhiiba isla mari waayeen wuxuu ahaa: Badda Casi ma marin biyood Carbeedbaa? Mise waa marin

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 4

Page 5: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

biyeed caalamka ka dhexeeya? Sida la og yahay dawladaha kale ee aan Carabta ahayn ee iyaguna baddaas hareeraheeda deggan waxaa ka mid ah Ethiopia oo markaas ay Eritrea ka tirsanayd iyo Israel oo iyana xad ku leh. 4ta madaxweyne arrimo ay isla ogyihiin oo aan cidina isdiidsiin karayn ayaa jiray. Dalalkooda oo meesha ku yaal mooyee, dhinaca awoodda in aanay wax badan muquunin karayn iyagoo xoogagga caalamiga ee ‘Bari’ iyo ‘Galbeed’ jira kala raaca mooyee. Tan kale ee arrimaha sahlaysayna waxay ahayd, 4toodaba isafgarad wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay oo wax arrimo ah oo ay isku hayeen haba yaraatee ma aanay jirin. Sidaas darteed, waxay go’aan ku gaareen inay isku raacaan in baddaasi dawladaha xadka ku leh iyo kuwa kaleba uga wada shaqeeyaan sidii ay Badda Casi u noqon lahayd marin biyo nabadeed. Taladaas ay isku raaceenna lagu soo saaro war-saxaafasdeed.

War saxaafadeedka arrinta Badda Cas ka sokow, waxa weheliyay qodobbo afarta dal ee isu yimi ay danaynayeen ama gaar gaar ama wada jir ahaan oo aan marna khilaaf ka imanayn. War saxaafadeedka dawlad waliba waxay u soo dirsatay qof uga qaybgala. Wasiirka arrimaha dibedda ee Suudaan ee Cisaddiin waxaa la isku raacay in uu kooxdaas la taliye iyo kormeere u ahaado oo hawshooda ka soo ansaxiyo.

Wefdiga Soomaaliyeed oo tala-soo-jeedinteeda uu lahaa Maxamed Siyaad Barre waxa uu culayska saaray arrinta Jibuuti oo xilligaas – gobanimada ka hor- meel xasaasi ah maraysay. 10 dhibcood oo halganka Jibuuti hiil u ah, gumeysiga Faransiiska haaraamaya, iyo taageerada in loo fidinayo Jibuuti u baahan tahay ayaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wefdigii u soo jeediyay. Waa la isku raacay. Aniga ayaa la ii xilsaaray inaan murti saxaafadeedkii dhinaca Soomaalida uga qaygalo. Waxaana la ii sii dhiibay farriintaa Jibuuti oo dhibcaheeduu fara badnaayeen hadalkeeduna aad u kululaa oo u ekaanayay haddii sidiisa lagu soo wada qoro warsaxaafadeedka dantii laga lahaa in uu hadhaynayo oo Jibuuti mawduucu isu rogi karo.

Sidaan soo sheegay, Badda Cas inteedii si fudud ayaanu Kooxdayadii uga soo jeesannay bayaankii na loo diray. Waxaa waqti dheer naga qaatay arrimo yar yar oo badanaa ay labada Yamanood isku khilafayeen habka loo soo dhigayo. Taas oo keentay in mar wal oo ay isqabtaanba labadayadii ergay ee ka kala socday Suudaan iyo Soomaaliya na loo saaro habaynta xaajada oo kolkaas la isku raaco. Tan kale waxay noqtay go’aammadii faraha badnaa ee Jibuuti ku saabsanaa sidii

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 5

Page 6: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

loo ansixin lahaa. Waxaa la isku raacay oo aan laftaydu la aqbalay in inta ugu culculus oo la isku duway laga soo qaado si war saxaafadeedka lafttiisa oo aan sii burrayni isu dheellitirnaado.

Hawshaas aanu duhurkii dabadadiis u fariisannay, gabbalkii ayaaa noogu dhacay. Ugu dambaystii waxaannu guddigayagii la kala carraabnay nuqulladdii kama dambaysta ahaa. Anigoo daashan, ayaan gataati dhacii wefdigaygii ku noqday war-saxaafadeedkii anoo wada.

Saaxiibkay Cumar Saalim, oo aanu hawshaas wadaagnay aanse shirkaa igu la jirin, ayaan qoraalkii farta ka saaray si uu madaxweynaha ugu akhriyo oo la socodsiiyo sidaan wax u habaynnay. Nasasho qalqaaladeed ayaan anigu markan u hawl galay. Iyadoo aan weli shaag ii rogman ayaa Cumar oo ka tuurayaa degdeg ii gu soo laabtay isagoo warcelin farxad lihi wejigiisa inna ka muuqan. Hadal badanba madxaxweynha isla ma ay gaarin ee arrintii Jibuuti maxaa laga yeelay iyo intee laga soo qoray markii la weydiiyay, laba qodob ayaa Cumar ku jawaabay iyadoon waxa labada qodob koobayaan aanu sii raacin. Aad ayaa madaxweynuhu uga xumaaday in talooyinkii toban ku dhowaadka ahaa in ay 2 qodob keliya ku koobmaan. Cumar ayaa madaxweynuhu soo faray in sabab lagu diidi karo talooyinkani aanay jirin ee shirkii aan dib ugu noqonno oo ka soo wada ansaxino. Cumar ayaa anoo is-dhigtay xilka cusub ee culus ee soo kordhay ila socodsiiyay oo iigu daray, mar haddaan markii horeba keligay ahaa inaan markanna anigu hawshaas soo fuliyo.

Xafiiskii iyo meeshii aannu ku shaqaynaynay ayaan isku qaaday. Beri hore ayaa laga haayiray. Kuwaan isku guddiga ahayn qof keliya kama aan hayo. Mar ay talo igu caddaatay, ayaan isku soo baxnay Suudaanigii guddiga nagu la jiray. Warkii iyo welwelka i haysta ayaan la socodsiiyay. Wuxuu ila raadsaday Cisaddiin, wasiirkii na qaabilsanaa kooxdayada ee 4 madaxweyne u xilsaareen in uu ka wada eego war saxaafadeedka soo bixi doona, ee aannu qoraalkii u dambeeyay farta ka saarnay ee noo ansaxiyay. Dhibta i haysata sida loo furdaamin karo iima muuqato. Waqtiguna wuu is gurayaa. Cisaddiin ayaan jaliiladda i saaran la socodsiiyay. Wuu igu qoslay Isagoo niyadda ii qaboojinaya. Waa sahlan tahay ayuu i yiri anigoo yaabban halkuu guddigii ka soo ururin doono iyo sidii hawshaas mar kale loogu noqon lahaa. Aniga wuxuu i weydiiyay keliya warkaan rabey in go’ammada lagu daro. Warqaddii aan bilawgii shirka la imid ayaan sitay markan ee talooyinkii madaxweynuhu ku taxnaayeen oo Af Carbeed ku qoran. Farta ayaan ka saaray, iyadoon weli garan la’ahay wasiirku wuxuu maaggan yahay. Suudaanigii aannu wada soconnay ayuu u diray in war saxaafadeedkii go’aammadii Jibuuti ku tiil gebigeed dib loo garaaco, talooyinka madaxweyne Maxamed Siyaad Barre siday u dhan yihiin lagu soo daro, ka bacdina makiinadda lagu wareejiyo oo nuqul laga sameeyo.

Wiilkii hawshii saacado yar ayuu ku dhammeeyay. Wasiirkii ayuu u keenay. Wasiirkii Cisaddiin hal nuqul ah ayuu i siiyay. Iyadoon weli yaabbanahay ayaan wasiirkii ku iri: “Sidee loo helayaa xubnihii kale si warqaddan cusub ay u wada oggolaadaan?” Cabbaar intuu igu dhaygagay ayuu isagoo dhoollo caddaynaya igu yiri: ‘ Adigu kuwaas sida loo heli doono, iyo aqbalaadoodu dantaa iyo mushkilddaada midna ma aha ee nuqulka aad

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 6

Page 7: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

sidatid madaxweynahaaga u gey. Kuwan aad sheegaysidna, inta ay haystaan ayaa ku filan in ay madaxdooda iyo dalkooda kula noqonayaan.

Markan daal kastaa ha i hayee, nuqulkii Cumar Saalim uma dhiibin ee anigoo aad i mooddid inaan keligay col soo jebiyay ayaan madaxweynihii toos ugu tegay oo la socdosiiyay sidaan hawshii ugu soo guulaystay. Saacaddu habeen barkii ayay isku shareertay. In berrito la baxayo oo Muqdisho lagu laabanayo ayaan ka war helay. Talo laba ayay ii soo joogsatay in aan kala doorto: In aan wefdiga Xamar-tii shalay subax layga soo jafjafay u sii raaco, iyo in aan maalmo Cadan iyo ciddaydii kusii nasto- iyagana aan soo arko iyo magaaladaan ku koray, wax ku bartay, ka shaqeeyay ee 10ka sano iigu dambaysay.. Fasax wefdiga la iga siinayo iyadoo kharash la iigu darayo marna uma fadhiyo.. ku darso oo baasabooradii wefdiga oo idil kayguna ku jiro g/s Maxamed Jibriil ayaa haya. Sidaas ay tahay ayaan talo ku goostay inaan Cadan iyo ciddaydii u tago.. taas baana dhacday. Waxaan geeddigaa laba guurka ah kala kulmay iyo talooyinkii igu beermay waa xasuusqor kale oo xilligiisa sugaya.

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Cadan

7

Page 8: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

QAYBTA LABAAD

Gebagebada qaybtii kowaad ee xusuusqorkan ayaan ku soo sheegay in safarkii Ticis uu noo dhammaaday, wefdigii Soomaaliyeedna berrito dalkii ku noqonayo. Anigu inaan wefdiga ka haro oo ciddaydii iyo Cadan maalmo sii joogo ayaan talo ku goostay. Taladan fulinteedu marna uma sahlana sida aan go’aankeeda ku gaaray. Intaan hore soo magacaabay mooyee, wefdiga madaxweynaha waxaa weheliyay safiirka Soomaaliya u joogay magaalada Cadan ee Maxamed Jaamac (MJ) iyo gashaanle sare Xuseen Saalax, la taliyaha militariga ee safaaradda Soomaaliya ee Suudaan. Labadaba waan la socodsiiyay in aan maagganahay inaan Cadan u sii raaco marka shirku noo dhammaado.

Dhib iyo caqabadi waa sidaan madaxweynaha uga fasax qaadan lahaa iyo gashaanle sare Maxamed Jibriil sidaan baasaboorka uga la soo noqon lahaa. Waxaan sii qorshaystay in aan marka hore Maxamed Jibriil ka qaato baasaboorka iyadoo aan sababaynayo, ka dibna madaxweynaha ka codsado fasax gaaban. Waqtigu sida muuqata talo ila dhawri maayo ee si degdeg ah ayuu isu gurayaa. Qaboonadii waaberiga ayaa quraacdii laga soo jeestay oo safarkii la isu qalqaaliyay. Dayuuraddii way joogtaa oo in la raaco uun bay sugaysaa. Waa lagu sii kala horraynayaa; oo madaxweynaha ayaa wax u soo baxa ugu dambeeya sida habmaamuusku yahay.

Qorshihii aan dhigtay ayaan ku dhaqaaqay oo gaashaanle sare Maxamed Jibriil ayaan ku hor maray oo l a socodsiiyay in madaxweynuhu hawl gaar ah Cadan iiga diray. Sidaas ayaan kaga qaatay baasaboorkii anoo ku kalsoon in aanu madaxweynaha warkaygan ka soo hubsanayn. Madaxweynaha isaga waxaan la beegsanayay inaan turjumaan u noqdo marka ay madaxweynaha Yamaned is sii sagootinayaan oo aan kolkaas codsigaygan ka dhammaysto. Wefdiga Soomaaliyeed intii Xamar ka timi, diyaaraddii ayay wada fuuleen. Labadii madaxweyne oo ay la socdaan dhawr sarkaal oo Yamaneed iyo Xuseen Saalax oo Maxamed Siyaad Barre (MSB) af-celiyeen u ah ayaa diyaaradda hoosteedii

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 8

Page 9: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

wada yimi si ay isu sii sagootiyaan. Marka aniga xaaladdaydu way cakiran tahay. Qorshahaygii khalkhal baa galay. Nasiib-wanaag, Yamantu way la socdaan inaan wefdiga Soomaaliyeed ku jiray. MSB iyo Xuseen Saalax ayaan safkoodii ku biiray diyaaradda hoosteeda. Markii ereyada maca-salaamaynta la is dhaafsaday ayaa MSB oo cabbaaradaba u jeeday inaan meesha taagnaa, ayaa igu soo tuuray: “Siciid Jaamac, adigu ma Yamantaadii ayaad iskaga hartay?! Kolkaas ayaan ku jawaabay, ‘Maalmo qura, Jaalle.’

Tacis iyo Cadan diyaarado looma kala raaco. Si walba jidka dhulka ayaa ku habboon. Baabuurkii safiirka oo raashin daf ka yahay ayaa diyaar noo ahaa. Anigoo cuntada Cadan loo qaadayo la yaabban, ayaa la ila socodsiiyay in cuntadu aanay qaali keliya ahayn ee qaalinimada ay kaga darantay in aan la helin. Hadalkaasi si weyn ii ma gelin oo Cadantii aan ka tagey iyadoo cammiran ayaa ii hillaacaysa. Waqtiga ugu macaan in Cadan la joogo waa jiilaalka – Oktoobar iyo Febraayo u dhexaysa. Booqashadaydu waxay ku soo aadday xagaa weliba nolosha dadku adag tahay. Judhiiba waxaa wejiga naga leefay hanfi kulul oo dabada ku wata dhidid iyo dhegdheggiisa, daal iyo cagajiidkiisa, caro iyo camal-xumadeeda. Anigase cimiladaa iyo gadoodkeeda waa la iiga darnaa. Meelaha aan rabo inaan soo wada arko iyo dadka inaan la kulmo aan xiisaha u qabo ayaa xagaagan geesa-bixiyay igaga cuslaa.

Safaaradaha dalkaa ka furani, mid mooyee intooda kale waxay ku yaalliin degmada Khormaksar nabadgelyada awgeed. Waxaana ku weegaaran xeryo miliari. Tan keliya ee ka baxsani waa safaaradda Soomaaliyeed ee ku taal xaafadda Xaafuun ee degmada marsada weyn ee Macallo. Safaaraddu guri aad u weyn ayay deggan tahay, ma aha iijaar ee waxaa leh dawladda Soomaaliyeed. Anigu iyada ayaan ku degay. Xussen Saalax isagu huteel magaalada ku yaal ayuu qol ka qabsaday. Cadan iyo

waxaan kala kulmay 10 sano ka dib, meel aan ku koray, wax ku bartay, ka shaqeeyay, ehel iyo saaxiibbo ku leeyahay, toddobaadkii aan ku hakaday aniga saacad waliba micne weyn ayay ii lahayd gaar ahaan marka aanad hubin inaad dalkaas mar kale ku soo nqon doontid intaad nooshahay. Imminkase waxaan ka raacayaa inta aan isleeyahay waa la danayn karaa oo micne ayay inoogu fadhiyaan.

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Muuqaalka qayb ka mid ah Khormaksar

9

Page 10: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Dareenkii iigu horreeyay ee indhaha iga dhirbaxay waxuu ahaa dhismihii magaalada – guryihii, xafiisyadii, huteeladdii iwm sidii Ingiriisku kaga tegay oo bus iyo abaari fuushay aan mar keliya nuurad la marin ayaan kala kulmay. Durba saluug ayaa i galay. Waxaa sii dacareeyay markaan arkay suuqii wax laga soo gadanayay siduu u kala yaal. Qudradda, hilibka, Kalluunka iwm qoysaska magaalada ku nool ayaa lagu sargooyaa baahidooda maalmeed. Wixii 9ka subaxnimo ka dambeeya waxaad ugu tagtaaba waa sixaarado haawanaaya. Inta keliya ee nafta igu soo celisay waxay ahayd markaan maqlay ee arkay in carruurta heerka xannaanada ilaa jaamacadda ugu sarraysa waxbarashadoodu ay lacag la’aan tahay. Caafimaadkuna ilaa qallinka dalka gudahiisa iyo dibeddaba uu sidoo kale yahay. Taas oo ay weheliso in guri walba ciddii qaangaar ahi ay shaqo tago, mushaharku intuu doono ha le’ekaadee. Markaas ayaan gartay in Ingirisku culayska saari jiray tiro yar iyo dhaldhalaalka magaalada.

Mashruuca Safiirka

Safiirka Soomaaliyeed ee Cadan fadhiya Maxamed Jaamac (MJ) waa nin isku darsaday aqoon, waaya-aragnimo iyo dad la dhaqan uu ka kasbaday muddadii dheerayd ee uu dibloomaasinimada ku shaqaynayay. Dhowaan ayaa dalka Ciraaq laga soo beddelay. Mashruuc beryahaaba dabka u saarraa ayuu na la socdsiiyay aniga iyo Xuseen Saalax isagoo u arkay in xilli ay kaga habboon tahay joogitaankayagan aanay jirin. Labadayaduba waxaan nahay reer Cadmeed, dalkaasna waxaan u naqaanaa sida baabacadayada. In wixii karaankayaga ah aan gacan buuxda ku siino ayaanu guddoonsanay, natiijadduse ku xiran tahay hadba wejiga uu mashruucaasi leeyahay. MJ wuxuu na la socodsiiyay in olole la galo ujeedadiisu tahay in qalabka warbaahinta Yamaneed, kuwa dawladda iyo kuwa kaleba, lagu faafiyo in Soomaalidu asal ahaan runtii ka soo jeeddo qowmiyadda carbeed ee aanay shalayto caraboobin markii ay ku soo

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 10

Page 11: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

biirtay Ururka Dawladaha Carbeed. Halka laga bilaabayona ha noqto ayuu safiirku talo ku soo jeediyay Ururka Qoraaga, Suxufiyiinta, iyo Fanka. kuwaas oo dhinaca dawladda iyo shicbigaba sumcad iyo saamayn weyn ku leh. Xuseen iyo aniguba aqoon roon ayaanu u leenahay ururka uu safiirku sheegay madaxdooda. Waxa kale oo aannu garwaaqsan nahay miisaankooda iyo waxtarkooda. Midda walaaca weyni nagaga jiraa waa siday fikradda uu safiirka MJ wataa madaxda ururkaas ugu cuntami doonto.

Waxaa ballan laga soo qabtay madaxda Ururka Qoraaga iyo Hal-abuurka Yamaneed (labada Yamanoodba ururkan way ku midaysan yihiin) saddexda u sarreeya: Cumar Al-Gaawi, Dr. Cabdiraxmaan Cabdalla iyo Xaamud Jaamac. Naadiga ku yaal xeebta ‘Gold Mohur’ (Goolmoor) ee degmada Tawaahi ayaa ballantu noqotay. Dhinaca

Soomaaliyeed waxaa ka socday Safiirka MJ, Xuseen Saalax iyo aniga. Fadhigu mid rasmi ah ma aha, waase lala wada socdaa arrinta laga hadlayaa culayskeeda ay leedahay. Sidaas darteed, ereyo kaftan ahi ha ku dhex jireen ee warka la isdhaafsanayaa waa mid si run ah la isugu dhiibayo. Labada ugu doodda kululi waxay kala ahaayeen safiirka MJ iyo Cumar Al-Gaawi, ururka madaxdiisa oo la wada yaqaan heerka nufuuddiisu gaarsiisan tahay. Al-Gaawi waxbarashadiisa jaamicadadeed wuxuu ku soo qaatay dalka Ruushka (Moscow), waxaana uu ku tegay deeq waxbarasho ay isaga iyo saaxiibbo kale oo Yaman ah ugu deeqay Xisbigii SDU ee Soomaaliyeed lixdamaadkii. Waxa uu soo bartay saxaafadda. Waxay isku arday ahaayeen Xuseen Saalax, Cabdiqaasim salaad, cabdiraxmaan Caydiid, Cumar jillagare, iyo kuwo kale.

MJ: Dooddiisa iyo bareeradiisu waxay u dhacaysay sidan: Yamanigu waa Yamani.. Ciraaqigu waa Ciraaqi.. Masrigu waa Masri.. Suudaanigu waa Suudaani.. Soomaaligu waa Soomaali, misna dhammantood waxay ka soo wada jeedaan asalka iyo qawmiyadda carbeed. Dalalka ay juqraafi ahaan deggan yihiin ayaa kala magacya duwan, waase isku ummad. Waa in sidaas loo fahmo in qawmiyaddayadu ay carab tahay. Idinka gaar ahaan iyo ururkiinna oo cid walba Soomaalida uga aqoon roon waa inaad fikraddaas siyaalo badan u gudbisaan si ay shacbiga Yamaneed u wada gasho.

Al-gaawi: Fasiraadda caynkaas ahi mid xaggayaga ka cuntamaysa ma aha.. Mana iib geynayno..ee adigu saaxiib sharrax noocaas ah iyo sheekada dalalka carabta ee aad soo qaadday iyo safaaradahooda ula tag oo ka dhaadhici. Annagase mid naga hoo, safaarad ahaan iyo Soomaali ahaanba hawlaha aad wadatid kuwo ururkayaga kaa soo gala iyo kuwo dawladda kaaga xidhma diyaar ayaanu nahay wixii shicbiga Soomaaliyeed waxtar u leh in aanu shardi la’aan gacan buuxda kugu siino. Laakiin ummadda Soomaaliyeed ee

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Naadiga ku yaal xeebta ‘Gold Mohur

11

Page 12: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

aanu qurumo dhan isniqiin inay ummad iyo qaran gaar ah tahay in aan maanta saxiixno inay carab tahay, waxay noogu muuqataa riwaayad cusub oo khiyaali ah oo aanu allifayno ee saaxiib Maxamed Jaamacow aan danta ka raacno.

Labada kale ee Al-Gaawi weheliyay waa Dr. Cabdiraxmaan Cabdalla oo ay isku dugsi iyo saaxiib ahaayeen M.I. Warsame "Hadraawi", kan kale Xaamud Jaamac waa walaalkay. Labadan dambe waa wasiir-ku-xigeenka warfaafinta iyo kaaliyahiisa oo maalin walba idaacadda iyo telefiishanka dalka faallada barnaamijka ugu dmabeeya ee laga sii daayo soo diyaariya.

Al-gaawi oo caan ku ah kaftanka, hadal-caddaanta iyo laab-xaarnida ayaa markaan isu taagnay in la kala tago MJ ku yidhi: Saaxiib Maxamedow, weligaa waxaad ogsoonaataa jinsiyadda iyo qowmiyadda loo dhasho mooyee, wixii kaloo dhan shahaada aqoonsi iyo markhaati-kac ayaa la isku siin karaa ee Soomaalinimadiinna ku dhegganaada. MJ: wax taladaa i fara kan ugu dambeeya ayaad Cumarow tahay. Soomaalijacaylkaagana waad ku mahadsan tahay. Iyadoo la wada qoslayo ayaa la kala dhaqaaqay, saddexba dhankeedii.

Shirkii Cadmeed ee Kala Guurka

Safarkii aan Xamar ugu ambabixi lahaa ayaa i soo gudagalay iyadoo aanay weli meelihii aan rabay inaan tago iyo dadkii aan doonayay inaan la kulmo ii wada suuragelin. Sidaas darteed, waxaan ku tashaday inaan isku meel ku wada kulanno saaxiibada intii la heli karo.

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Degmada Tawahi & Huteelka Rock ee isla degmadaas ku yaalla

12

Page 13: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Dalka Yaman meesha keliya ee badda iyo buuro ku kulmaan waa xeebta magaalada Cadan. Dekedda Tawaahi ku taal, muddo 50 sano qura laga joogo waxay ka mid ahayd 3da marsooyin ee adduunka ugu caansan, iyadoo ay labada kalena kala yihiin New York iyo Hong Kong. Khoorigaas baddiisa deggan, maraakiibta ku soo xirata, suuqa laga ganacsado, iyo xeebta daanteeda kale ee aad ugu tegaysid Bureeqada batroolka lagu safeeyo .. intaas oo isku qoofalan quruxda ay leeyihiin sida keliya ee aad kaga daymo-sugan kartaa waa adigoo Rock Hotel dabaqiisa ugu sarreeya ‘panorama-hiisa’ ka soo daawada. Goobtaas ayaan saaxiibbo la fadhiyay oo haasaawe, iswaraysi iyo sii-wada-ballan noo socday, marka Saciid Al-Ganaaxi, suxufi aan aqiin nagu soo biiray oo dhegta ii saaray:‘Isa soo yara taag,’ oo warkan igu taabtay, ‘ Cabdilfataax ayaa raba inu ku arko imminka.’ Cabdilfataax saddexda dalka Yamanta Koonfureed ka taliya ayuu ka mid yahay. Xisbiga dalkana isaga ayaa madax u ah. Uma aan baahan wax isu-diyaarin ah. Isaraggu mid rasmi ah ma aha. Waxaan gartay in kuwii aan shirka Tacis ku wada jirnay u sheegeeen inaan magaalada joogo iyo isagoo aannu hore isu niqiin.

Xafiiskiisa xarunta xisbiga ayaan ugu tegay. Salaan diirran iyo isxaalwaraysi shakhsi ah ayaa hadalkayagu u badnaa. Markaan soo baxayay ayuu iigu daray sidii qof ay markaas ku soo dhacday oo kale: “ Odaygiinnii dagaal buu soo wadaa, ee si weyn uga digtoonaada .. oo ha isku dayina dabayshaas xooggan inaad ka hortagtaan.” Judhiiba waxaa ii baxay in hadalkaasi la xiriiro kulankii ay Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu ku wada yeesheen CADAN ee Fidel Kaastro ku dhexdhexaadinayay bilo ka hor. Uma aan baahan inaan kulankaas uu C/Fataax goobjoog ka ahaa wax ka weydiiyo. Waxaa xilligaas magaalada joogay safiirka Yaman Xamar u fadhiyay Axmed Maxamed Raagex oo kulankaas tafasiishiisa la socday, C/Fataaxna ay aad isugu dhowaayeen. Inaan arrintaas isaga si deggan uga waraysto ayaan ku daystay. Kooxdii Rock Hotel ayaan ku soo noqday. Waxaa raggaas ka mid ahaa oo na la fadhiyay safiirka Raagex walaalkiis. Waa fursad wacan – in uu safiirka ballan degdeg ah oo aan ku arko iiga soo qabto ayaan ku adkeeyay. Sidii bayna noqotay oo maalintii xigtayba waan la kulmay. Arar dheer iyo naashnaash midna looma baahan ee mawduucii shirka Cadmeed in uu iiga warramo ayaan weydiistay iyadoo inaan C/Fataax isaragnay aan hubay in walaalkiis la socodsiiyay sidaan sii faray. Safiirkii wuu ii warramay. Kulanakaas inta muhimka ah ee wax ka soo qaadka lihi waa mawqifka ay kala qaateen MSB iyo Mengistu ee ay isku mari waayeen.. iyo sida F. Kaastro dhinaca Megistu ugu xaglinayay. Ururin kooban oo aan xusuus kula noqday murtidiisii:

Mengistu:Waxa uu ku tiiqtiiqsaday in ay ka reeyeen oo iska rideen boqortooyo 3 kun oo sano shicbigooda beerka kaga fadhiday, oo imminka ay u baahan yihiin si ay casri cusub oo horumar leh dadkooda ugu ridaan in gacan lagu siiyo. Hiil iyo hooba inay uga fadhiyaan saaxiibbadood xilligaas adag. Kuwa ay gacan weyn ka quud darraynayaanna ay yihiin walaalahooda Soomaaliyeed ee ay deriska yihiin, intaan cid kaleba la soo qaadin.

MSB

Isagu waxa uu culayska saaray in haddii kacaannimo, horumar rabid iyo hanti-wadaaggu uu dhab ka yahay Itoobiya waa in ay horta dalkii laga xoogay dadka Soomaaliyeed loo sii daayaa xornimadooda Iyo halkay rabaan in ay ku biiraan. Markaas keliya ayaa la rumaysan Karaa jaallenimada taliska

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 13

Page 14: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Itoobiya, wax-wada qabsiguna uu eg Yahay.

F. Kaastro

oo labada madaxweyne dalalkooda dhowaan kula soo kulmay, Kuna rajo weyn in uu isku soo dhoweeyo ayaa ku taliyay in marka hore la isla garto oo la garwaaqsado in la isku mabda’ yahay oo cadowga meel looga soo wada jeesto.. wixii kale oo dhan dib loo dhigto oo iskaashi iyo wada-hadal jaallenimo lagu xalliyo.

MSB:ayaa arrintii diirka ka qaaday oo bareerihiisa ka geystay intuu sheegay in hantiwadaaggu yahay mid taabasho leh, la soo tijaabiyay sida tan Soomaaliya ka jirta iyo mid weli laalan oo uur-ku-jir ah sida tan Itoobiya.Isagoo ku daraya: ‘ mabda’yaga cidla u tuuri mayno. Markii horeba cidi nagu ma qasbin ee annagaa doorannay oo hirgelinnay, imminkana sii wadi doonna cid kasta la’aanteed.

F. Kaastro:

oo aaminsan in dal adduunka saddexaad ka tirsani aanu cagihiisa isku taagi karayn oo xornimadiisa ilaashan karayn keligiis haddii lagu sii daayo.. waa ba se mid leh hantiwadaag ayuu isku maamulayaa isagoon cidna u baahan. Mid aanu filanayn ayay la noqotay.

Intuu shirkii ka kacay ayuu albaabka qabsaday. Safiirku intaas waxaa uu iigu daray in C/Fataax oo shirka joogay ka daba tegay F. Kaastro oo ku yiri : Si kasta oo MSB aanad hadalkiisa u jeclaysan, misna waa meel ka-dhac inaad shirka ka duddid ee Jaalle MSB raalli geli. Kaastro intuu soo noqday ayuu MSB ku yiri: ‘Iga raalli ahow, jaalle Siyaad Barre.. weligay hurin dagaal kacaannimo aan huriyo mooyee isku ma dayin inaan waanwaan

nabadeed iyo wada heshiisiin dhexdhexaadiyo. Tanaa iigu horraysay iyana waanigaa ku fashilmay.’

Labada wasiir ee rayidka ahaa ee wefdiga MSB la socday shirkaa Cadmeed waxay kala ahaayeen Dr. Maxamed Aadan Sheekh iyo Ibraahim Meygaag Samatar. Siday iigu warrameen, aanna ka arkay labaduba mawqifka madaxweynuhu istaagay ayay la qabeen. Ka dibna markii dagaalku si dhab ah u qarxay, inta taageersan ayay ku jireen, halka aqoonyahan badani ka soo hor jeedeen dagaalka xilligaas la qaaday.

Booqashadii Cadmeed markay ii dhammatay ayaan Xamar isk shubay oo madaxtooyada iska xaadiriyay. M.S. Barre iyo Saalim Rubayac Cali madaxweynaha Yamaneed way

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 14

Page 15: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

isku fiicnaayeen. Labaduba dalalkooda awood ayay ku lahaayeen. Saalim Rubayac waa lala wadaagay talada oo xisbi si adag u dhisan ayaa meesha ku weheliyay. Bilo yar ka dib, dagaalkii Itoobiya lala galay ee 1977 kki ayaa dhacay. Waana lagu hoobtay. Inta la isugu tegay ciidankii Soomaaliyeed ayaa si xun loo jebiyay. Shirkii Cadan intii joogtay iyo xulufadoodii ayaa si buuxda uga soo wada horjeestay Soomaaliya. Maalintaas ayaa tiir-dhexaadkii isku hayay qarannimada ummadda Soomaaliyeed burburkiisii halkaas ka bilowday.. luflufkiina horor iyo haad baa u yimi oo weli hiigaya. Jabkaas ka dib ayaan dalkii ka soo googoostay, welina qurbaha ku noolahay.

QAYBTA SADEXAAD

Labadii qaybood (Qaybtii I & Qaybtii II) ee hore dadka soo aqriyay way sii malayn karaan in SAFARKU aanu u dhacayn (magacaa ku filan) mid doonaya inu aqristayaashiisa uu ku furo goob barwaaqo ah oo ay raaxo la jeega-jeegeeyaan. Sidii bayna u dhacday. Dhamac kulaykii dagaalka ayaa si buuxa cagaha loo la galay. Guul iyo geeri ayaa midkood nafta loo soo xiray. Wixii u dhexayn karaa waa naafo nolosha lagu dhammaysto.

NOOFAMBAR 1977:

Dhawr bilood ayaa ka soo wareegay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannakan bartamihiisii. Ciidanka Soomaaliyeed ayaa ku gacan sarreeya. Gobolkii loo yiqiin Soomaali Galbeed ee Itoobiya looga talin jiray 90 % ayaa si dhab ah gacanta loogu dhigay. Dadka in yar oo si durugsan u xisaabtamaysa mooyee, dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta uu joogo guulaha la soo hooyay ayuu la tanaadayaa. Idaacadda Muqdisho, ta Hargeysa iyo magaalooyinka Soomaaliyeed waxaa ka socda heeso iyo damaashaad la wada qaadayo:

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 15

Page 16: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Mingistow war li’idaaWaa laysku haystaaWixii madaxa kaa dhigay! ...Harar iyo HawaasHabeen dambebaWaan hayaa!

Shacbiga Soomaaliyeed muran kaga ma jiro in maalmo yari ay ka xigaan xorayntii geyigaa dhammaantiis. Dareen kaas ka duwan ayaa madaxdii dalka ku dhashay. Cabsi weyn ayaa soo korodhay. Midowga Soofiyeeti iyo bahdiisii ayaa muuqatay in ay si toos ah u soo galeen dagaalkii iyagoo Itoobiya la saftay. Itoobiya lafteeda ayaa laga war helay in ay ergooyin u kala dirtay dawladaha Ururka Midowga Afrika (UMA). Si arrintaas qallafsan wax looga qabto taliska Soomaaliyeed dhambaallo degdeg ah in madaxweynayaasha dalalkaas loo kala diro ayuu talo ku gaaray. Ujeeddada dhambaalladaa iyo danta laga leeyahay waxay ahayd:

- In faragelinta shisheeye, gaar ahaan Midowga Soofiyeeti iyo bahdiisa la la

socodsiiyo madaxda Afrika iyo sida faragelintaasi dhibta jirta u sii dacaraynayso

- In la tuso in mawqifka Soomaaliyeed mar walba yahay in Afrika

dhibaatooyinkeeda iyadu xalliso.

- In laga hortago baaqa Itoobiya ee la hubo in uu kolleyba ku tiiqtiiqsanayo in dalkii Itoobiya ee xarunta u ahaa UMA ay dawladaha Carbeed iyo kuwo Islaam ahi isugu tageen oo iyagoo u soo rakaabsaday dawladda Soomaaliyeed iyo ‘gobanimo-ku-sheeg reer Eritrea’ ah ay doonayaan in dalkaa Afrikaanka ah la kala googoosto.

Dhawr wefdi oo wasiirro kala hoggaaminayaan ayaa loo kala diray madaxda Afrika. Waxaa caado ahayd in wefdiga madaxdiisa iyo kaaliyahaba uu Maxdaxweynuhu magacaabi jiray, gunnadana laga siin jiray madaxtooyada khasnaddeeda. Anigu wefdiyadaas la dirayo kuma aan qornayn, mana aan filayn in la igu daro. Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Jananka Maxamed Sheekh Cusmaan ayaan xafiiskiisa oo goor barqo ah la iga wacay ugu tegay. Warka muhimkiisii ayuu I siiyay. Afar dal oo kala ah Lesotho, Botswana, Zambia, Zaire, in aan tegaynno ayuu ila socodsiiyay. Dalka hore ee Lesotho shir ka socda oo ay ku leeyihiin Barwaaqa Sooranka Yurub (European Economic Community-EEC) iyo dalalka Afrika, Kariibiyanka iyo Baasifigu (Africa, Caribbean and Pacific Countries-ACP) in aannu ka qaygelaynno. Kuwa kalena dhambaallo madaxweynayaashooda u socda in aan u geeynayno. Wefdiga waxaa nagu weheliya kaaliyahiisa Axmed Isaaq Bixii oo ah Agaasimaha Guud ee dekedaha iyo gaadiidka badda. Aniga wasiirka Maxmed Sh. Cusmaan ayaa iiga soo fasax qaatay M/Weyne xigeenka Xuseen Kulmiye Afrax oo doonay in uu wefdigiisa igu darsado lana baxo gunnada la I siin doono iyadoo la iga rabo inaan dhinaca Af-Ingiriisiga iyo habaynta socdaalkaba ka kaalmeeyo.

Arrimahayagii safarka ayaannu isku dubbaridnay oo garoonka diyaaradaha Xamar isgeynay maalintii la dhoofayay. Intaan Xamar laga ambabixin ee weli garoonka

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 16

Page 17: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

diyaaradaha la joogo ayaa saddex dal oo kale – Uganda, Burundi, iyo Rwanda- madaxdoodii dhambaallo na loogu dhiibay. Ma sii danayn oo waxaan u qaatay in dalalkaasi yihiin kuwo gadaal laga dareemay in aan laga tegi karin oo sidaas ku yimid. (soo noqodkii ayaanu dalka sheeko kale ugu nimi. Iyana xilligeeda ayaynu furfuri) ee imminka toddoba dal in aan isu marno ayay noqotay.

LESOTHO:

Dalka Lesotho waa buuraley aad u yar 36,540 km sq. oo ku dhex yaal siduu u dhan yahay dalka Koonfur Afrika. 1961 ayuu ka madaxbannanaaday Biritaaniya. Waa dal isku maamula boqortooyo dastuuri ah. Taas oo micnaheedu yahay xukuumaddu waxay ka dhisan tahay barlamaan la soo doorto oo Ra’iis-al-wasaare Ka madax yahay. Dahabka iyo macdan kaleba waa laga qodaa. Dalxiisku kaalin ayuu ka qaataa dhaqaalaha dalkaas

oo waxaa ugu filan inta Koonfur Afrika uga timaadda sannadkii.

Dhambaalka aannu madaxda dawladda u sidnay ka sokow, waxaa noo weheliyay shirkii aan soo xusay ee caasimadda dalkaas, MASERU, ka socday maalmahaas. Waa la garan karaa shirka noocaas ahi sida dalkaas oo kale uu ugu weyn yahay. Shirka maamulkiisa iyo martida dejintooda ayaa lagu wada mashquulsan yahay.. oo si fiican u hareeyay kii noo gaarka ahaa ee aannu u soconnay. Sidaas darteed, ayaa wasiirka Maxamed Sh. Cusmaan fursaddii ugu horraysay ee loo haleelay uu kula kulmay Ra’iis-al-wasaarihii dalkaas oo dhambaalkii gaarsiiyay.

Dawladda Itoobiya lafteeda wefdi ayaa shirkaa u joogay. Lama socdo oo ma sheegi karo inay iyana sidayadaas oo kale dhambaal gaar ah guntiga ku wateen!

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 17

Page 18: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

BOTSWANA:

Botswana oo magaalada GABORONE ay caasimadda u tahay waa dalkii labaad ee booqashadayada. Maalin Jimce ayaannu soo galnay. Huteel ayaa nala dejiyay oo na loo sheegay in Sabtida iyo Axadda aannu si fiican isaga nasanno mar haddii fasax lagu jiro oo madaxweynaha aan la arki karin.

Labada maalmood in dalka barashadiisa iyo wixii kale ee la xiriira aannu isku mashquulino ayaannu ku tashanay. Dalka Botswana sannadkii 1966 ayuu ka madaxbannanaaday dawladda Biritaaniya. Xukun rayid ah ayaa ka dhisnaa 10 sano oo uu gobanimada haystay. Macdanta dheemanka iyo dalxiiska ugaadha loo daawasha tago ayaa dhaqaalaha dalkaasi ku tiirsan yahay. Taliska Midab-takoorka ee Koonfur Afrika ayuu xad iyo xiriir toos ah la leeyahay aanu wax ka qaban karin. Ururka Midowga Afrika arrinkaa wuu la socdaa dalkaasna wuu ugu garaabayaa mawqifka uu ku qasban yahay. Huteelka na la dejiyay caddaan xad-dhaaf ah ayaa ku jiray. Mashiinnada khammaarka ee huteelka buuxa sida shinnida ayay ugu xoonsan yihiin. Mar aan nin iyaga ka mid ah weydiiyay sababta keentay in ay tiro intaa le’eg ay Botswana ugu yimaaddan, wuxuu ila socodsiiyay in dalkooda aan laga oggolayn meelo tumasho iyo khammar in laga furo sida halakan oo kale. Sidaas awgeed ay u yimaaddaan magaalada Gaborone oo wax waliba fasax u yihiin. Warka ninku sheegay waa runtiis oo taliska midabtakoorku dadkiisa – tira yarta caddaanka ah- ayuu u tusayaa inay dhaqan adag iyo diin hufan haystaan oo ka ilaashanayaan ‘cawaanka’ iyo 'shuuciga' badan ee madowga ahi in ay ka fasakhaan oo ka dhooqeeyaan xariirtooda.

Maalintii Isniinta ayaa madaxweynihii dalka, Sir Seretse Khama na loo geeyay. Waxaa weheliyay wiilkiisa oo madaxtooyada wasiir ka ah. Salaan, soo dhowayn ka dib, judhiiba wasiirka Maxamed Sh. Cusmaan ayaa dhambaalkii farta ka saaray. “ Dhambaalka waxa ku yaal waan aqrisan doonnaa, ee inta ugu muhimsan noo iftiimiya,” ayaa wiilkiisu naga codsaday. Wasiirka M.Sh. Cusmaan ayaa gudagalay dhibta ka dhex taagan Itoobiya iyo Soomaaliya iyo faragelinta shisheeyaha. Wuxuu culayska saaray faragelintaasi sida ay u sii dacaraynayso mashaqada jirta ee xalkeedu ku jiro in dalalka ay khuseeyaan iyo dawladaha Afrikaanka ah loo dhaafo. Si arrintaas uu wasiirku u sii xoojiyo ayuu xusuusiyay sidii dawladaha Yurub ay qarnigii 19aad dabayaaqadiisii u kala qaybsadeen Afrika

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Madaxweyne Khama

18

Page 19: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

iyagoo shir isugu yimid ku caan baxay, “ Qaybqaybinta Afrika.’ (Scramble for Africa- 1884). Wuxuu kaga baxay in weli dawladihii Yurub aanay ka waantoobin ee halkii ka sii wadaan xilligan la joogo. Markii wasiirku ereygiisii ritay, ayaa wiilka madaxweynuhu, isagoo dhoollo caddaynaya ku jawaabay, “Waa runtiin oo berigaas waxay ahayd sidii loo kala qaybsan lahaa Afrika, maantase waxay tahay tan taagani sidii Itoobiya loo googoosan lahaa.”

Kolkaas ayaannu garannay in rugta na looga soo horreeyay oo casharkii Itoobiyaanku u aqriyeen si weyn maankooda u galay. Si aan hadalku u duulduulin ayaa madaxweynihii Sir S. Khama soo dhex galay oo nagu yiri: ‘Madaxweynihiinna Siyaad Barre salaan diirran iga gaadhsiiya. Dhambaalkaana si roon ayaan u aqrisan doonaa.’ Kolkaas ayaa casho na lagu sii sagootinayo loo wada kacay, iyadoo hadalkii halkaas lagu soo afjarayo. Cashadii waxaan kula kulannay madax kale oo dawlaadda ka tirsan. Waxaa xusid mudan in wasiirka arrimaha dibedda iyo safiirka dalkaa u fadhiyay caasimadda Yurub ee Brussels ay yihiin haween. Haweenayda safiirka ahi cashada ayay nala joogtay. Iyada ayaa warka na siisay oo noo sheegtay in haweenku heyaddo kale oo dawladda madax ka yihiin. Waxay ku dhammaysay in Botswana uu yahay dalka keliya ee kaalintaa iyo tiro sidaas u xooggan ay haweenku kaga jiraan marka la isku wada qaado Afrika.

ZAMBIA

Waa dalkii saddexaad ee barnamijka noogu jiray. Waa dalka keliya ee xadka uu la leeyahay kan Koonfur Afrika u suurageliya gobanomadoonka dalkaasi – ururka ANC – inay dhuumasho ku geli karaan dalkooda si ay isaga dhiciyaan nacabka ka haysta. Sidaas darteed, taliska midab-tkoorka Koonfur Afrika il gaar ah ayuu mar walba ku hayaa dalka Zambia oo kama waabto in uu mararka qaarkood caga-juglayn iyo tacaddi toos ah geysto.

Dalka Zambia macdanta naxaasta ayuu hodon ku yahay oo dhaqaalihiisu si weyn ugu tiirsan yahay. Juqraafi ahaan webiga Zambezi iyo ‘Biyo-dhaca’ (Victoria Falls) ee webigaa saaran ayuu caan ku yahay.

Wefdigayaga si fiican ayaa na loo soo dhoweeyay, la kulankii Madaxweyne Kenneth Kaunda dhaqso ayaa na loogu soo qabtay. Hawshaa waxa fududeeyay safaaradda Soomaalidu ku leedahay dalkaas ee danjiraha Michael Mariano madaxda ka yahay iyo xiriirka aad u wanaagsan ee uu madaxweynaha K. Kaunda la lahaa. Kulankaan la

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Biyo Dhaca Fiktooriya (Victoria Falls)

19

Page 20: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

yeelannay madaxweynaha waxaa nagu weheliyay safiirka M. Mariano. Warbaahinta waa laga ooday tixgelinta kulankayaga la siinayo awgii.

Salaan iyo soo-dhowayn ka dib, dhambaalkii loo dhiibay ayuu si deggan madaxweyne Kaunda u aqristay annagoo fiirinayna. Markuu ka bogtay labadii arrimood ee aan u soconay ayuu jawaabtoodii oo run asluubaysani ka muuqato noo dhiibay.Tii faragelinta Midowga Soofiyeeti iyo shisheeyaha kaleba wuxuu noogu jawaabay, ‘ Anigaba hub iyo diyaarado waxaa i siiya dawladda Shiinaha oo ma jecli in cidi iga la hadasho. Dawladda Soofiyetkuna waa tii shalay idinla joogtay.’Tii kale ee ku saabsanayd in dalalka Afrika wada yeeshaan

deriswanaag iyo iskaashi iyaga dhex mara, taas oo isafgaradkood iyo isku soo dhowaanshahooda wax weyn ka taraysa, wixii dhibo ah ee ku yimaaddana ay wada-hadal iyagu ku wada dhammaystaan iyadoon shisheeye laga talo gelin. Arrintan dambe si weyn ayuu ugu guuxay isagoo madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ku ammaanaya aragtidaa murtida weyn xambaarsan.

Imaatinkayaga LUSAKA, caasimadda Zambia, maalmo ka hor dayuurado ciidanka Koonfur Afrika ayaa cirka dalkaa ku soo xadgudbay iyagoo si weyn uga digaya haddii aan dalka Zambia joojin gacansiinta gobanimadoonka in dawladda Koonfur Afrika ay duqayn doonto. Waraysi saxaafadeed oo gaaban ayaa wasiirka M. Sh. cusmaan la la yeeshay kulankii madaxweynaha ka dib. Dantaanu u soconnay oo kooban markuu u sheegay ayuu wasaiirku ugu daray isagoo ka jawaabaya daandaansiga koonfur afrika. Wuxuu ku soo ururiyay in aan Soomaaliya u adkaysan doonin xadgudub noocaas ah oo mar dambe lagu la kaco dalka aan walaalaha nahay ee Zambia oo tallaabo cad oo Koonfur Afrika ka shallayso Soomaaliyaa ka qaadi doonto. Waa markii u horraysay una dambaysay ee warka wefdigayaga qalabka warbaahinta lagu shaaciyo intaanu booqashooyinkaas ku jirnay. Intii aanu joognay Lusaka marka baabuurkayagu jidadka marayo iyadoo mootooyin hor kacayaan dadku way noo sacbin jireen iyagoo isu sheegaya ‘ waa kuwaas Soomaalidii digniinta culus siisay Koonfur Afrika hadday mar dambe innagu soo xadgubto!’

ZAIRE

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Madaxweyne Kenneth Kaunda

20

Page 21: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Dalka Zaire bartamaha Afrika ayuu ku yaal. Dhul ballac weyn oo 905,000 m. oo laba jibbaara ayuu ku fadhiyaa. Barwaaqo dabiici ah oo ka maqani way iska yar tahay, haddayba jirto. Sagaal dal ayuu xad la leeyahay, toban qabiil ayaa ku wada nool. Barwaaqada baaxaddaas le’eg, dhulka sidaas u ballaaran iyo kala daadsanaanta dadka ku nool, ayaa dawladaha shisheeye ee awooddda sheegta dhareerka ka soo rida. 1887 illaa 1960 boqortooyada Belgium ayaa dalkaas xukumi jirtay, mararka qaarkoodna sheegan jirtay in uu dalkooda ka qayb yahay.

Safar dhul ayaanu caasimadda Kinshasa ku nimid wefdi ahaan, anagoo ka soo galnay dhinaca Zambia oo dalxiis aad loogu riyaaqo kala kulannay. Safaaradda Somaaliyeed ee Zambia ayaa socdaalkaa xiisaha badan leh noo habaysay. Dalka waxaa madaxweyne ka ah Mobuto Sese Sekou. Talada dalkuna sidaan ka warqabno isaga ayay ku urursan tahay.

Dhawr dal ayaa jira oo caasimaddoodii magaalooyin kale loo raray. Waxaa ka mid ah Brazil, Nigeria, Pakistan, India iyo kuwo kale iyagoo daryeelka dadkooda ka raacaya. Madaxweynaha dalkanina habkaas ayuu la jaanqaaday isagoo ku andacoonaya in uu danta shacbigiisa ku dhaadanayay, oo weliba kuwa aan soo magacownay si cad u sii bara dhaafiyay: Isagu wax beddelka naftiisa ayuu ka bilaabay oo magaciisii Joseph-Desiré Mobuto iska bedelay oo la baxay Mobutu Sese Sekou. Dalkii auu ku xejiyay oo magacii Congo ayuu u beddelay Zaire. Madaxtooyadii caasimadda ku dhex tiil ayuu u raray kaymo ka durugsan oo intuu qasar weyn ka dhex dhistay, ayuu xayndaab u sameeyay iyo waddooyin loo soo maro marka loo soo talo iyo amar doonanayo.

Annaga huteel magaalada Kinshasa ku yaal ayaa na la dejiyay. Xilliga la arkayo m/w iyo hab-maamuuska la raacayo waa na loo sheegay, in kastoo aanu hore u la soconnay badankooda. Si qeexan oo hadhow aan khalad iyo isafgaranwaa ka iman ayaa na loogu caddeeyay:

- In wasiirka oo keli ahi uu madaxweynaha arkayo

- In labbiska lagu tegayo si weyn loo sii hubiyo in uu munaasabadda u qalmo. (Nasiib wanaag, waxa Ilaahay ku sahlay in uu wasiirka M.Sh.Cusmaan uu xilligaas ka tirsanaa inta yar ee farta lagu fiiqo marka laga hadlayo xagga hab-maamuuska, xarragada, iyo dhar-xirashada rasmiga ah.)

- Iin madaxweynaha daqiiqado wax ka badan aanu heli karayn hawlaha qaran ee

sugaya dartood. Kolkaa, in dhambaalka uun loo dhiibo, loogana mahadnaqo fursadda qaaliga ah ee uu ku deeqay.

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Madaxweyne Mobutu Sese Seko

21

Page 22: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Sidaas ayay hawshuna u dhacday, oo ka soo-noqodkiisii ayuu wasiirka M.Sh Cismaan na la socdsiiyay in farriinta culus ee uu kala yimid madaxwyne Mobutu Sese Sekou ay tahay’ “ Salaan iga gaarsiiya madaxweynihiinna Siyaad Barre.” Waddadii Zambia ayaannu dib u raacnay.

BURUNDI

Burundi waa dal aad u yar oo ku yaal bartamaha Afrika. Xad lama laha biyaha badda, wuxuuse dhawr dal oo kale la wadaagga harada weyn ee ‘ Tanganyika.’ Dalkani sidaan soo sheegay, wuxuu ka mid ahaa saddexdii dhambaalladooda garoonka Xamar na looga soo dhiibay. Gal xiran oo aan magac ku qornayn ayaa garoonka diyaaradaha Xamar na lagu siiyay iyadoo agaasinka wasaaradda arrimaha dibeddu nagu yiraahdeen, ‘magaca oo sax ah iyo derejada madaxweynaha idinku hubiya oo ku qorta. Sida muuqatay qarba-qarbo ayaa lagu goostay in

dalkaas dhambaal loo diro, sababto ah madaxweynihiisii hore Michel Mucambero ee xukunka laga la wareegay ayaa Xamar doortay in uu ku noolaado. Kaasi waa fasiraaddii aanu isku qancinnay saddexdayadii. Sidaanu sidii ugu sidnay galkii ayaanu caasimadda dalkaas ee Bujumbura ka soo degnay.

Fadhigii soo dhowaynta markaan soo gaarnay ayaanu sawirrada derbiyada suran ka qorannay magaca iyo darajada madaxweynaha Lt. col Jean Baptiste Bagaza. Labada madaxweyne ee xilka dalka la kala wareegay isku reer ayay ka yimaaddeen oo in kastoo inqilaabku uu mid miltari ahaa misna dhiig daata, dhaawac iyo utun dad dhex martay ma ay jirin.

Taasi hawshayadii way noo fududaysay. Waxaa kale oo weheliyay iyana laba arrimood oo aan dalna laga heli karin. Waa dawladda iyo qabiilka taliska la kala wareegay oo aad u sheegta in ay Soomaalida isku meel ka soo wada jeedaan asal ahaan. Tan kalena waa madaxweynaha iyo xaaskiisa oo labaduba waxbarashadooda ku soo qaatay dalka Talyaaniga.

Maalintii ugu horraysayba dhambaalkii ayaanu gudbinnay iyadoo si diirran oo deggan loo wada hadlayo. Maalintii noo xigtayna guriga madaxweynaha ayaannu isaga iyo xaaskiisa marti ugu ahayn oo laga wada sheekaysanayay waaya waayo, dalka Italy iyo

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 22

Page 23: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

maalmihii waxbarashada (aniga uun baa meeshaa marti ku ahaa!) Jawiga wanaaggiisa iyo gacaltooyada nala tusay iyaga wax igu seeganayn.

Intii aanu joognay Bujumburo ganacsato Soomaaliyeed ayaa huteelka noogu yimid oo na la socodsiiy sida ay dalkaa ugu bilan yihiin iyo la-dhaqan wanaagga ay Soomaalidu ku qabto.

RWANDA

Buur aad u dheer bannaankeeda sare ayuu dalku saaran yahay. Waxaad moodaysa in dadkaas aynaan isku duni ku wada noolayn. Dhul oo dhan hoos ayaa loo soo eegayaa markaad magaala-madaxda KIGALE ee dalkaas aad joogtid. Daruur iyo ceeryaamoba way ku hoos imanayan. Misna dadku waa beeraley buurahaas ku nool.

Imaatinkayaga ka dib, judhiiba waxaa na loo sheegay in aanay marna suuroobi karayn in madaxweynuhu na arko hawlo badan dartood. Waxaase aannu u dhiibi karnaa dhambalka aanu sidno wasiir noo iman doona. Hab-maamuuska arrimaha dibedda ayaa warkaa noo sheegay. Wefdigayagii oo xusuusan shalay sidii guriga madaxweynaha Burundi na loogu casuumay iyo qalo la’aantii na la tusay in maanta aan la kulanno warka ah: “ daqiiqad madaxweynuhu idiin ma heli karo uu idin kaga guddoomo dhambaalka” way nagu cuslaatay. Saddexdayadii waxaan isla garannay in meesha na looga soo horreeyay. Hase yeeshee, sidaa naloo la dhaqmay ay u egtahay diidmo iyo qadderin la’aan u jeedda dawladda iyo ummadda aan ka soconoba. Waxaannu talo ku goosannay in annaguna aanaan arki karin wasiir iyo wax la darajo ah, dhambaalkana cid aan madaxweynaha ahayn aannaan u dhiibayn. Duulimaadkii ugu horreeyay ayaannu ka soo raacnay garoonka Kigale. Waa safarkii noogu gaabnaa.

UGANDA

Dhambaal-qaybinta dalkii ugu dambeeyay ayaynu soo gaarnay. Uganda wuxuu ka tirsan yahay dalalka Bariga Afrika. Waa dal dooggan oo cagaar ah. Shaaha iyo bunka ayaa si weyn ugu baxa. Harada weyn ee Victoria ayuu xad aan yarayn la leeyahay. Waana biyaha ay caasimadda KAMPALA ay feedha ku hayso.

Dalka waxaa madaxweyne ka ah IDI AMIN oo dawladdii rayidka ahayd xoog militari kaga la wareegay. Isaga uun baa amar ka go’i karaa. Waa waxyaalaha aanu xisaabtayada ku sii darsannay. Markaanu soo degnay ayaa safaaradda Soomaaliyeed na wargelisay in maalmo ka hor uu wefdi Itoobiya ka socdaa dalkan soo booqday. Ujeeddada waa iska garannay ee raadka ay ku yeelan doonto Idi Amin aan cidina malayn

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 23

Page 24: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

karayn wuxuu yeeli doono ayaa nagu adkaatay iyo sidaan ugaga sii talageli karno. Hayeeshee, talo waxaan ku daasannay in wasiirka M.Sh. Cusmaan keligi u tago oo intaan warka rasmiga ah lays la furfurin uu salaanta ka dib judhiiba sida dalkii Somaliyeed looga hadal hayo iyo taariikhdii ka soo martay dalkaa, berigii uu Beledweyne joogi jiray la xusuusiyo. Had walba in la eego sida jawigiisu isu muunadeeyo.

Taladaas kuma aanu guuldarraysan oo tii aan ka cabsi qabanay in uu na la galo maxaa dalkii Itoobiya loo weerarayaa waa iska baajinnay. Welwelqabka waxaa noogu sii wacnaa iyada oo uu Idi Amin markuu xukunka dalka la wareegay uu wixii shisheeye, gaar ahaan Hindi iyo Pakistan maalqabeen ahaa uu dalka ka cayrshay oo u taagan yahay in Afrikaanku isu taliyo. Ra’yigaasina noogu muuqday

mid Itoobiyaa ay ka heli karto dhego u raaracsan marka gol-jilaycaa laga maro. Dhambaalkii sidii ayuu wasiirku ku gudbiyay oo iyagoo wada qoslaya ayuu ka soo baxay xafiiskii madaxweyne Idi Amin.

Saddexdii maalmood aan sii joognay waxaa na la dejiyay huteelka -..... . Sida huteelku u dhan yahay wuxuu ku dahaadhan yahay macdanta naxaasta ee qaaliga ah. Shirkii ugu horreeyay ee Idi Amin ku soo dhoweynayay madaxweynayaasha Afrika ayaa loo dhisay in la dejiyo. Huteelku waa dhawr qaybood oo la isaga gudbo. Qolalkiisa iyo adeegga kale ee uu leeyahay lama soo koobi karo. Dal iyo dawlad horuumartay ayaa iska xejin kara maamulkiisa ,dayactirkiisa iyo fara ku hayntiisa joogtada ah. Saddexdayadii midba meel adeeggiisu u gaar yahay oo isku qofalan yahay dhinaca jiifka, cuntada, fadhiga iyo soo dhoweynta ayaa na la kala dejiyay. Annaguna dad kala fogaan karayaba ma ihin, gaar ahaan marka laga fiiriyo hawsha aan u soconno. Inta hurdada mooyee waa in aan wada joognaa.. mar aanu wada tashanayno oo wax isla dejinayno iyo mar aannu sheekaysanayno oo war, faallo iyo doodba is weydaarsanayno. Kharashka huteelkaa ku baxay dhismahiisa iyo sii hayntiisa ayaa wax badan ka sheegaya majaraha uu taliskaasi haysto.

KENYA:

Safarkii rasmiga ahaa markuu noo dhammaday, ayaannu isku soo shubnay dalka Kenya iyadoo aannu markan dhinaca Uganda dhulka soo marnay annagoo wadanna baabuurkii safiirka. Laba maalmood oo aannu dhowraynay diyaaradda Somali Airline ayaanu ku sii nasannay magaalada Nairobi. Iyada lafteeda sheeko iyo shaahid wax badan oo xusid iyo xussus reeb leh waanu kala kulannay ee baabkii filimku innoogu socday ayaanay soo gelayn. In lala sugo marka khaanaddeeda la furayo ayay ku habboon tahay. Muqdisho

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Madaxweyne Idi Amin Dada

24

Page 25: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

iyo dalkii oo aannu 28 maalmood ka soo maqnayn ayaanu u ambabaxnay, ee warbixinta halkaa ka la socda.

WARBIXINTII WEFDIGA:

TIJAABO igu cusbayd oo anigu aanan hore u la kulmin una maqal:

Markaannu safarka bilaabnay waxaanu qorshaynay oo wasiirka M. Sh. cusmaan taladeeda lahaa in shir kasta oo aannu galno ka bacdi in fadhi noo gaar ah wada yeellano saddexdayadu. Sidaas darteed wixii aan is-dhaafsannay madaxdii dalalkaas iyo casharro wixii aannu u aragnay in laga xuso si dawladdu xisaabteeda ugu darsato ayaan qoraal ku dejin jirnay intii safarku noo socday. Safarku markuu noo dhammaaday, ayaa wasiirka M. Sh. Cusmaan iga codsaday in qoraalkaas oo garaacan, dhawr nuqulna laga sameeyay loo diyaariyo si uu madaxweynaha ugu geeyo. Xoghayntiisa wasaaradda ayuu xilka makiinad garaaca iyo farsamada u saaray, aniga isku dubbaridka kama dambaysta ah ayuu ii diray. Qoraal 30 xaanshiyadood oo isku qobtolan ayaannu hawshii oo dhan isugu geeynay. Wasiirku ballan uu warbixintiisa ku dhiibto ayuu madaxweynaha ka qabsaday. Markuu u tegayna intii afka la iska yiri mooyee, qoraalkii madaxweynaha u socday ayuu farta ka saaray. Sida aan wasiirka ka ogaaday, madaxweynuhu wuxuu la istacjabay warbixinta qoraalka ah, ee daabacan ee sida qurxoon ee taariikhgalka ah wasiirku u soo habeeyay. Isagoo hawsha wasiirku soo qabtay ku ammaanaya, ayuu madaxweynuhu u qabtay maalin gaar ah in iyagoo intaa ka badan uu wasiirku warbixintan ka soo jeediyo. Ballantii la isugu iman lahaa ayaa madaxweynuhu isugu yeeray wasiirradii kale ee dhambaallada loo kala dhiibay. Wasiirku intii buu aqris iyo sii jilcin kula noqday warbixintii uu awelba taladeeda iyo tabaabushaheeda lahaa

Kulankaasi madaxtooyada ayaa lagu qabtay oo sidan ayuu u dhacay:

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa wasiirradii isu yimi mid walba nuqul gacanta u geliyay, oo wasiirka M. Sh. Cusmaan ku yiri, “ Galabta waad u jeeddaa oo adaa laguu yimid ee soo daa waxaad inoo haysid.” Wasiirku warbixintiisii si fudud oo caqiibo leh intuu boggii u horreeyay ka bilaabay ayuu geeska kale uga baxay. Wasiirrada kale sida la qiyaasi karo mid waliba nuqulkiisa ayuu ku foororay oo aqriska wasiirka M. Sh. Cusmaan ayuu la jaanqaadayay isagoo asluub wanaagga wasiirka u qushuucaya. Markii uu wasiirku ka bogtay warbixintiisii ayaa madaxweyne maxamed Siyaad Barre kuwii kale ku yiri: “ Sidaas oo kale ayaa warbxinta loo soo diyaariyaa. Maxamed Sh. Cusmaaanna wuu ku mahadsan yahay casharkan uu galabta inoo dhigay.”

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM

Maxamed Siyaad Barre

25

Page 26: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

KU YARA NASO:

Siddeed dal oo qaaradda Afrika diillinta Equatorka koonfur ka xiga safar 28 maalmood lagu kala bixiyay, shaki kuma jiro, qofkii nasiib u hela, qalin bilan u qaada oo buug ka dejiya in ay ‘geedka’ faqriga la yiraahdo si roon u kala xiriir furanyaan. Annagase tii na loo soo diray- dhambaal qaybinta- haddaannu xilkeeda ka soo baxno ayaannu ku bura sidnaa, wax kale iska daaye. Misna, rab ama ha rabinee, kolleyba wax badan ayaanu safarkaas kula kulannay oo aanaan hore haabka ku hayn. Kuwo barasho iyo cashar korodhsi leh iyo kuwo maad iyo kaftan badan.

Ma ay tiro yarayn ee bal aan mid degdeg ah innooga soo qabto dalkii noogu horreeyay ee LESOTHO. Waa koonfur halkii ugu durugsanayd ee aannu gaarnay iyadoo duulimaadkii Xamar ka bilowday na la soo maray Qaahira, Roma, Nairobi, Johanesburg jeer uu Maseru nagu hubsaday. Saddexdayada wefdiga ku wada socdaa muddo aan laba sano ka badnayn madaxtooyada ayaannu ka wada shaqaynaynay, markan aniga keliya ayaa ku sii haray. Saaxiibkay Axmed I Biixi ayaannu ku heshiinay in dal walba inta la joogo aannu dalxiis ahaan wax ka faa’iidaysano. Caasimadda Maseru xaggee ka abbaarnaa? In huteelka aanu deggan nahay ka bilaabno ayaanu isku raacnay. Baar iyo kafateriye dabaqa hoose ku yiil ayaannu u degnay. Dad badan ayaa fadhiyay. Kuwo u dhashay dalka iyo kuwo marti ku ah sidayada. Fariisannay. Cabbaar yar ka dib, laba gabdhood ayaa si asluub leh intay nooga fasax qaateen nagu soo biiray. Fursad aan ku waraysanno, annaguna ugu warrano ayaan u aragnay in ay habboon tahay. Maxaynu ka waraysannaa? Dalka, dadka, dhaqanka, siyaasadda, cimilada, iyo kuwo shakhsi ah sida meesha ay deggan yihiin iyo shaqadooda. Midse hore ayaannu Axmed iyo anigu uga sii ballannay- in aan gabdhaha saddex su’aalood marna la la soo qaadin.. da’dooda..diintooda.. iyo in la qabo iyo in kale. Saddexdaasi waxay galaan khaanadda loo yaqaan ‘Haasaawe-dilka’.

Judhiiba, muuqaalkooda, hadalkooda, iyo labiskooda waxaa nooga baxay in ay yihiin kuwo reero ladan ka dhashay oo ka duwan kuwo kale oo aad garan kartid markooda horeba inay baarka u yimaaddeen baashaal iyo shukaansi. Aniga su’aalahayga qarax iyo koosaar la’aan ku wajehan wax korodhsi ayaa si roon uga muuqatay. Saaxiibkay Axmed wuxuu isagu isku dhex waday kuwo wax weyddiin iyo haasaawe duurxul ku jiro. Dhawr jeer ayay ‘u-hoos-gelinta’ ku garteen iyagoo sarbeeb ugu jawaabaya: ‘ Ha ka yaabin!”.. “Ha isku daalin!”.. “Waad hungoobi e!” ( that is a wishful thinking.. you must be daydreaming.. you’re being romantic etc).

Markaanu kala tagnay ayaa Axmed si kaftan ah iigu yiri,” Siciidow, toban kuwan oo kale ahi dalkeenna way maamuli lahaayeen!” Madaxa ayaan u ruxay aniga oo xusuusan su’aashaydii ugu dambaysay sida ay gabadhu iigu jawaabtay. Intaan gabdhaha la kala tegin ayaan jeclaystay inaan labada maalmood ee weli noo laaban in midkood aan huteelka ku kulanno oo is aragno. Kolkaas ayaan magaceeda oo dhan weydiiyay. Keeda keliya ayay ii sheegtay. Intaan qalin u taagay ayaan ku iri: ‘Fadlan, ii qor.’ “Adigu qoro,” ayay igu tiri. Sidan ayaan u qortay BULAWANI. Intay eegtay ayay afka iiga sheegtay higaadda saxa ah.. B O L O A N E. Isagoo sax ah ayaan markan qortay. Intay si buuxa wejigayga u fiirisay ayay igu tiri: “Imminkaanad illaawi doonin. Mar waad ku dhawaaqday..mar waad qortay.. mar waa laguu saxay, danbadeedna dib baad u qoratay.”

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 26

Page 27: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

35 sano ayaa maalintaas ka soo wareegay weli waan xusuusnahay magaciina iga ma qaldamin.. Boloane. Tolwo maxay ku dambaysay!.

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 27

Page 28: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

QAYBTA AFARAAD

Cashar kharaar oo aan korodhsaday

Micne kasta ha lahaato.. Murti kasta ha xanbaarsanaato.. Ee Arrtinta aad meel ka akhrisataa, ama laguu sheegaa, marna lama culays noqoto tan qof ahaan ku soo marta ee aad soo taabatid. Mawduuca qoraalkeenan ayaa arrintaa si toos ah uga hadlaya. Waa qabanqaabadii iyo asaasiddii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Xisbigii u horreeyay ee la furo tan iyo maalintii uu militarigu taladii dalka la wareegay toddoba sano ka hor (1969)Ee aan ka tirsanaa inta qoraal-dejintiisii shooladda ugu jirtay.

Waa subax xagaayeed. Waa xilliga magaalada Xamar, dhinaca dabiicadda, ugu jawi macaan tahay. Waa marka roobka loo yaqaan xagaayadu da’o. Xeebta Liido oo loo dabbaal tago iyo shineema Xamar oo filimka cusub ee toddobaadkaa loo daawasha tago maqribka ka dib wax la xallad ahi xagga dhallinyarada (iyo waayeelka qaarkood) ma jiraan. Dalka tan maanta ka taagani, nafaxaadka aan soo sheegay waa mid si weyn u carsha-carshaysay oo wada labtay. Gobollada dalka ayaa wakiillo ka socdaa ka yimaaddeen. Marka lagu daro inta caasimadda Xamar loogu yimi tiradu kuman way gaaraysaa. Dadkaas maskaxdooda waxaa ka guuxaya: ‘Ilaahayow, ha iga reebin xibiga lagu dhawaaqaayo !’ Muxuu ku dambayn? Taas la isla maba soo qaadin. Habeenkii xalay ahaa si fiican looma seexan. Waaberiga ayaa la dhowrayay. Markii waagu dildillaacay ayaa rugtii kulanka lagu qabanayey lagu foofay.

Aniga laftayda hurdadu habeenkaas way igu yarayd. Sidoo kale waagu intuu beryayo ayaan dhowrayay. Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaan ku kallahay iyadoo aan si weyn ula socdo in boqollaal aan garanayo haddii maalintaas aan laga wacin halka la isugu imanayo ee Kulliyadda Jaalle Siyaad ay ugu yaraan ‘suuxdini’ ku dhici lahayd.

Ma shirka ayaan la iga martiqaadin? Maya. Ma anaa martiqaad u baahan, raggii dokyumentiyada soo diyaariyay ayaan ka mid ahaaye; oo weliba ku keliyaystay

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 28

Page 29: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

dokumentiga ku hadlaya magaca wakiillada degmooyinka dalka isaga yimid ee shirka hubaal laga jeedin doono. Xaggee haddaa u safraysaa? Maxaa kugu soo kordhay?! Waxaa igu soo kordhay “safar aan jaho lahayn”oo aniga iyo qoomka xisbiga u yimid wada qaadayno. Iyaguna goobta shirweynaha ayay foodda saareen, aniguna garoonka Xamar ee diyaaradaha. Halkuu iyaga safarkaasi ku furay uma aan qalin qaadan inaan ka warramo; ee meesha uu aniga iga la dhacay ayaan ka warramayaa.

Waxaase ii muuqata inta aanan diyaaradda raacin in aan marka hore ka jawaabo su’aal xaq la iigu leeyahay: Maxaa ninkaygii ‘xisbi-dhiska’ fuundiga ka ahaa shandadaha u xirxiray ee uu la guuraynayaa xilligaa?

Iyadoo kooban: ‘Gidaar baan soo taabtaay. Ballantii la qaaday maalintii militarigu taliska dalka la wareegay waxay ahayd: ‘Dalku haadaan ayuu qarka u saaran yahay. Marka khatartaa laga badbaadiyo, ayaa talada siyaasadeed ee dalka shacbiga lagu wareejinayaa oo ciidamadu xeryahoodii ku noqonayaan.’ Lix sano ayaa ballantaa ka soo wareegtay. Markii la go’aansaday in xisbi siyaasadeed dalka loo dhiso, laba arrimood oo muhim ah ayaa aniga iyo dad kale oo aannu aragti-wadaag nahay nagu soo dhacay oo dardar na geliyay.

waa marka horee, in taladii militariga halkaa ku harayso, ama ugu yaraan shuuqayso, mar haddii hab xisbi rayid ah xukunka lagu wareejiyo.

waa marka xigtee, in laga bixi doono xukunkii degdegga ahaa ee lagu jiray tan iyo 21 ktoobar 1969, oo shicbiga uu u furmi doono casri cusub uu si roon taladiisa uga qayb galo oo dastuur lagu dhaqmo dalka loo dejiyo.

Xisbiga lagu dhawaaqayo ee waraaqihiisa la soo diyaariyay mid irriddaas furi doona ayuu noo la muuqday. Qoraalladii oo dhan waanu gudbinay oo jawaabta soo yeeri doonta ayaanu sugaynay.Maxaa soo kordhay? Intaan shirka xisbiga la isugu yeerin, maalmo ka hor ayaa Cumar Saalax Axmed, wasiirka beeraha oo aqoon, saaxiibtinimo iyo kalsooni buuxdaa naga dhexaysay ii dardaarweriyay. Wuxuu ila socodsiiyay in xisbiga lagu dhawaaqayo heyadihiisa ugu sarreeya ay sidan u dhisan yihiin:

Golaha dhexe xubnihiisu inay yihiin 150 xubnood (waa askar iyo rayid is le’eg)

Golaha Siyaasadduna uu yahay 5 xubnood (madaxweynaha, 3da ku xigeen iyo madaxa nabasugidda).

Dadka Golaha dhexe xubnaha ka ah:

wasiirrada dawladda

la taliyayaasha madaxweynaha

janannada ciidamada

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 29

Page 30: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

shacbiga intiisa kale oo 25 xubnood ku soo aadday (oo sidii la rabo loo xulanayo.)

Isku soo wada xuuraan, xisaabta ii baxday waa in taladii awel golaha sare ee kacaanka ee 20 ka askari ahayd imminka isugu soo duubantay 5 qof , oo iyana 1 keliya u shuuqi doonta. Intaas waxaa ka sii daran oo barbar yaal, xisbiga xaanshadaha lagu qoray ee dhismaha iyo xeerka loo dejiyay in uu dadka uu Cumar Saalax ii sheegay ay kaaf iyo kala dheeri yihiin.. waa wax aan shuqul isku lahayn.

Markaas ayaan ogaaday in aannu bad ranjiyaynaynay markii diyaarinta dokumentiga xisbiga na loo diray, dadweynahana loo

sheegay in dheri weyn wax ugu bislaanayaan. HALKAAS AYAA SAFARKA AAN WELI KU JIRAA IIGA BILAAMAY.

Anigoo sidaas u walbahaarsan oo golaha ummadda dhex meeraya ayaan arkay xafiiskii G/S Axmed Maxamuud faarax (xubin, Golaha Sare ee Kacaanka ) oo furan. Waan galay. Axmed wuxuu ka hadalayay safar degdeg ah oo uu ugu bixi doono dalka Seychelles oo gobanimadii qaadanaya dhowr maalmood ka dib. Taariikhdu waxay ku beegan tahay maalinta shirweynaha xisbiga loo qoondeeyay. Waxaa la taagnaa sarkaal ciidammada ah oo uu ixtiraan gaar ah u hayay oo la yiraahdo Yuusuf Saleebaan Cali (Yuusuf Gees). Safarka uu Yuusuf u raaci doono ayay ka wada hadlayeen. Qiil baa ii baxay. Laba ruux oo xilligaa lala kulmo, laba aniga ii dhaami lahaa ma jirin. Judhiiba Yuusuf oo aannu aqal ku soo wada kornay ayaan ku iri iska raalli ahow, oo jagadiisii isku qoray. G/S Axmed M Faarax na waa iga aqbalay oo labadayadu isugu mid ayaannu u ahayn xagga kalsoonida iyo xagga aqoontaba.

Sidaas ayay ku timi in garoonka diyaaradda Xamar aan ku jarmaado maalintaas kulliyadda Jaalle Siyaad lagu sii qulqulayay.

Xaggee Safarku igu simay?

Aan innoo horraysiiyee, G/S Axmed M Faarax oo wefdiga madax ka ahaa isma aanu raacin. Sidaan muddo ka dib ka war helay, marwadiisa Faadumo Curayja, madaxeed ha raagee, ayaa subaxaan bixi lahayn u sheegtay inay doqonniimo tahay inu Seychelles dabbaaldeggeeda u ambabaxo iyadoo cadihii xisbiga lagu qaybsanayo maalintaas kulliyadda loo wada kallahayo. Haddii kale waxaa dhalanaysa, “ dee hebel waad maqnayd, bal aan meelahan wax kaaga baarbaarno.” Sidaas ayuu Axmed barkintii u dheeraystay subaxaas oo aan keligay garoonka Xamar isgeeyay. Aniga talo way iga go’nayd. Inaan diyaaradda raaco mar haddaan tigidhkaygii sito.

Intii qalqaalada safarka lagu jiray, ayaan Axmed weyddiiyay kharsh halkuu noo yaal. ‘Safiirkeenna Nairobi jooga ee Cawil ayaynu wixii kharash ah ka qaadan doonnaa, ee waxba dhinacaas ha ka werwerin.’ Faramarnidaas ayaan diyaaraddi ku fuulay. Sidaan filayay, garoonka Nairobi Cawil ayaa nagu sugayay. Maya, ee G/S Axmed Maxamuud

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 30

Page 31: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Faarax ku sugayay. Keligay inaan diyaaradda ka soo degay ayuu arkay. Hadal wuxuu iigu bilaabay: “Korneelkii Axmed Faarax mee?” Ima uu salaamin.. sidee wax u dhaceen ima uu weyddiin, waxa aan markan damacsanahay ima uu warsan. Aniguna, la isuma gafee, uga ma aan fahdiyin.

“ Diyaaradda kale ayuu la socdaa,” ayaan ugu jawaabay anigoo og inaan warkan waxba ka jirin. Qorshihii uu Korneel Axmed ugu talagalay isagoo halkaas kaga dumay, ayuu igu yiri, sidii aan anigu baaqashadiisa u sabab ahay, ‘diyaarad imanaysaa ma jirto, ee adigana waxaan kugu la talinayaa, tani yay kaa tegin ee dib u raac.’ War intaas ka debecsan aniguba kama sugayn. “Ciddii kaa amar qaadan jirtay, warkaas u sheeg” ayaan ugu jawaabay. Halkaas ayaanu ku ka la dhaqaaqnay safiirkii aannu kharashka ka sugaynay.

Garoonka Nairobi waxaan kaga wareegannay diyaarradda British Airways (BA) ee ay la socdeen wefdigii Boqortooyada Britayn ee xafladda calan-wareejinta Seychelles u socday, uuna hoggaaminayay Prince Charles, boqoradda Elizabeth II wiilkeedu. Saacad wax ka yar ayaa safarku nagu qaatay. Garoonkii Victoria ee caasimada dalka Seychelles ayaa martida lagu soo dhoweynayay. Xukuumaddi cusbayd ee dalkan madaxbannaanaaday taladiisa la wareegtay ayaa soo dhowaynta wefdiyada culus isu safay madaarka. Gabdho ubax dun ku taxan wataana saf kale ayay ka soo jeedeen. Kooxda hab-maamuuska ee martida kala horaysay, ayaa magaca Korneel Faarax u yeertay. Kolkaas ayaan u saxay in Mr. Xuseen oo aniga ah lagu beddelay. Gabdhihii safnaa ayaa ubaxii qoorta noo geliyay. Ka dibna, madaxweynihii, raiis-al-wasaarihii iyo wasiiradii kale ee soo dhowaynta isu safay ayaa la wada gacan-qaadayay. Lama filan ayaa iigu dhacay!Nin ilka caddaynaya, oo farxadi ka muuqato, ayaa safkii madaxda ka soo baxay oo toos ii soo abbaaray iyadoo loo wada jeedo. Judhiiba waan gartay. Si diirran ayaanu isugu dheganay annagoo isa salaamayna. Intuu gacanta i qabtay ayuu ii geeyay madaxdii isagoo madaxweynaha ka bilaabay iyo raiisal-wasaraha.

Ninku yuu ahaa?

Waa wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda cusub. Sannad wax dhiman ka hor, ayuu Xamar booqasho ku yimi isagoo ka socda ururka gobanimadoonka ee

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 31

Page 32: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

taliska Ingiriiska ka soo horjeeday. Muddadii uu Soomaaliya joogay, aniga ayaa qaabilsanaa barnaamijkiisa toddobada maalmood socday. Muddaduu Xamar joogay, madaxday is arkeen, meelihii uu booqday, iyo shirarkii uu la hadlay dhammaan waxaa loogu duubay ‘Album” qurxoon oo si xiise weyn uu ugu fara-adaygo. Albamkaas sawir walba waan ku weheliyay. Waana sababta uu iigu soo haaday markuu arkay inaan martidii soo degtay ku dhex jiro.

Huteelka ugu sarreeya ayaa na la dejiyay, iyadoo baabuur Mercedes ah oo calanka Somalia wata la ii qabtay. Baabuur wade iyo tarjumaanna weheliyaan. Huteelka qaybo madaxda loogu talagalay ayaa la i dejiyay oo adeeg gaar ah leh. Ninba meesha bugtaa! Ninkaygii xaalkisa la ogaa xaggee baan kharash uga keenaa dadkan (adeegayaasha) la yiri nin dal dhan matalaya ayaad u adeegaysaan ee si walba isu dhowra oo raalli geliya. Kaaga daran ee wasiirkii saaxiibkay ahaa, intaan raadsado ma oran karo waan fara-marnahay. Ceeb Alla ha asturo!

Maalin walba hadiyado qaali ah oo loogu talagalay martida madaxda ah ayaa qolalkayaga la keeni jiray oo ka socda wasiirrada dawladda

midkood. Aniguna qoraallo Somalia ka hadlaya , kuwii dalxiiska oo kale, sida ‘Beautiful Somalia’ Iyo farshaxannadii hiddaha iyo dhaqanka ayaan kartuun ku sitay. Kuwaas oo lacag kasta uga qaalisan ayaan dadkii ii shaqaynayay muddadaas deeq uga dhigay. Aad ayay ugu farxeen, anigana Ilaahay igu furtay.

Xafladihii dabbaalegga ayaa si dhaqso badan ku galbaday. Wefdiyadii huteelka soo degay, tiro aad u yar ayaa ka sii hartay aan ka mid ahay. Xamar waan ogahay oo hugunkii aan ka soo baxsaday ayaa weli ka socda, oo dib ugu ma noqon karo. Meel kale oo aan foodda saaro garan maayo. Haddaan yeeli lahaana kharash uma haysto. Tigidhka gacanta iigu jiraa waa Victoria/Nairobi/Mogadishu. Xaalku waa igu jiq. Sidaan xilliga u sii dheeraysan lahaa ayaa wax walba iiga daran.

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 32

Page 33: Xusuus Qor Safar Aan Jaho Lahayn

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (A Flight Into the Unknown)

Ilaahay igu ma xilin!

Nin joog dheer, weji furan, haybad iyo isku kalsooni ka muuqato oo huteelka nala deggan ayaa markii wefdiyadu kala yaryaraadeen, kulammadii xafladuhuna gabaabsi noqdeen, aannu fursad isu helnay aan isku waraysanno. Inaan Soomaaliya ka socdo ayaan u sheegay. Isna wuxuu ii sheegay in uu yahay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Senegal. Wuxuu iigu daray in uu yiqiin Cumar Carte Qaalib wasiirkii Arrimaha dibedda oo ay saaxiib ahaayeen. Waxaan la socdsiiyay in uu Cumar Carte xilligaa ka yahay madaxtooyada wasiir oo aan la shaqeeyo. Cabbaar markuu iswaraysigu noo socday ayuu igu kordhiyay mar haddii ay xafladihii dalka Seychelles ay dhammaadeen, in uu u ambabaxayo dalka Mauritius oo maalmo ka dib laga furi doono Shirkii Madaxda Ururka Midowga Afrika (UMA). Inaan laftaydu shirkaas ku jeedo, ayaan u sheegay, barnaamijka duullimaadka diyaaradahase aan la isku hubi karin. Markiiba wuxuu niyadda iigu doojiyay, ‘anigaa diyaarad gaar ah wata, oo kugu qaadaya ee arrintaas ka welwel la’aw. Haddaad aragtid cid doonaysa in ay inna raacaanna u sheeg inaan qaadi doonno. Kuwii ii yimaadda adiga ayaan kuu soo diri doonaa.’ Dhawr qof oo ii yimi, rabayna in ay shirkaa tagaan, oo aan diyaarad kale ka raja qabin oo mid ka tirsan yahay ‘protocol’ka Idi Amin oo sannadkaa UMA guddoomiye ka ahaa) ayaa ii sheegay in wasiirku ku yiri: “Siciid u taga, isagaa liistada hayee!” Ka warrama ninkaygii oo maantaba laga barayayo, “ diyaaradda meel ma nooga heli kartaa.”

Laba maalmood ka dib, ayaan ku safray diyaaraddii wasiirka Senegal oo ka degey Port Louis, magaala-madaxda dalka Mauritius. Maxaan ka la kulmay shirkaas, iyo dalkaas iyo xaggee geeddigii ugu dambaystii ku furay?! Waa qoraal in loo nasto u baahan.

Siciid Jaamac XuseenE-Mail: [email protected]

Faafin: WWW.HOYAALAY.COM

FAAFIN: WWW.HOYAALAY.COM 33